Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Xog:Safiirka Mareykanka u jooga Somalia & Somaliland oo shaaciyey lacagtii ugu badneyd oo uu ku maal-gelinayo Somalia,Meeluhu ku bixin doono+Shaqooyin uu abuuri Doono

$
0
0

Xog:Safiirka Mareykanka u jooga Somalia & Somaliland oo shaaciyey lacagtii ugu badneyd oo uu ku maal-gelinayo Somalia,Meeluhu ku bixin doono+Shaqooyin uu abuuri Doono

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo maanta soo saaray war saxaafadeed ayaa sheegay in Soomaaliya ay siin doonaan adduun gaadhaya $900 million oo lagu maalgelinayo Soomaaliya.

Dawladda Mareykanka ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka caawin doonaan dhanka, gargaarka bani’aadanimada, dhismaha hey’adaha dowliga ah, waxbarashada, caafimaadka, garsoorka shaqo abuurka, horumarinta dhaqaalaha, xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya.

War saxaafadeedka ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu yidhi;

Kaalmada Mareykanka ee arrimaha bani’aadanimada Soomaaliya, $420 million oo kamid ah 900 million ayaa lagu bixin doonaan arrimaha gargaarka Soomaaliyeed.

Shaqo abuurka

Mareykanka ayaa sidoo kale xusay in ay u abuuri doonaan in ka badan 1,600 oo shaqo muddo sadex sano gaar ahaan ganacsiga, tusaale ahaan waxaa ay tilmaameen in horey u abuureen 500 shaqo iyo 650 shaqo xiliyeed ah, iyagoo sheegay in shirkadda caanaha ee Irmaan ee Muqdisho ay siiyeen taageero maaliyadeed,oo u suurtagelisay in ay soo saaraan 3,500 Liter oo caano ah.

Dekadda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho ayay Mareykanku sheegeen in la horumarin doono  si shaqooyin badan loo u abuuro.

Geedi socodka dayn-cafinta

Waxaa ay sheegeen in ay xooga saari doonaan geedi socodka dayn-cafinta si Soomaaliya u soo jiidato maalgashiga iyo horumarin dhaqaale.

Waxbarashada

Kaalmada cusub ee Mareykanka ee Soomaaliya ayaa meelaha lagu bixin doono waxaa kamid ah; taageeridda waxbarashada dugsiyada sare ee 160,000 oo dhalinyaro Soomaaliyeed iyo 20,000 oo ah carruurta dugsiyada hoose ah oo 45% gabdho yihiin.

Maamulka iyo Xasilinta dalka

$110 million ayuu Mareykanka ku bixin doonaa dhismaha dowlad wanaaga, xalinta khilaafaadka dib u habeynta arrimaha garsoorka.


Xubnaha ka mida Qoyska Boqortooyda  Saudi Arabia oo xaalad argagax leh wajahaya

$
0
0
 Xubnaha ka mida Qoyska Boqortooyda  Saudi Arabia oo xaalad argagax leh wajahaya

 

Qoyska boqortooyada  Sacuudi Carabiya waxa ay ku sugan yihiin xaalad “Argagax”ah oo uu ku hayo dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan, waxaa sidaas warisay Jariiradda Sunday Times ee London.

Warbixintan oo uu qoray wariyaha majaladda ee Bariga Dhexe Louise Callahan, ayaa bilaabatay kaddib markii Amiir Salmaan bin Abdul Aziz bin Salmaan uu sheegay in isaga iyo tiro ka mid ah qaraabadiisa looga yeedhay qasriga boqortooyada ee Riyaad. 

Sida warbixinta lagu sheegay, waxaa  jiray muran dhexmaray iyaga iyo ilaalaada dhaxal sugaha kuwaas oo garaacay Amiir Salmaan kaddibna xidhay oo aan mar dambe warkiisa la maqal.

Majaladda waxa ay farta ku godday in Amiirka Aabihii sidoo kale la xidhay laba maalmood dhacdadaas kaddib sida ay BBC-du iyadana xigatay.

Laakiin mas’uuliyiinta Sucuudiga waxa ay sheegeen in Amiir Salmaan uu ka mid ahaa 11 Amiir oo ka banaan baxay bixinta lacagta korontada ay isticmaalaan, sida wararka lagu helayo, taas oo ay mas’uuliyiinta reer Galbeedka ee kiiska wax ka og diideen in sababta dhabta ah tahay.

Qoraaga warbixinta waxa uu hoosta ka xariiqay in Bin Salmaan ku raaxeysanayo taageerada Aabihii, boqorka iyo Ammirada kale marka laga yimaaddo saameynta xasaraddii ka dhalatay kiiskii dilka Wariye Jamal Khashoggi ku yeeshay sawirkiisa Adduunka.

Khashoggi ayaa lagu dilay Qunsuliyaddiisa Istanbul bishii October, arrintan waxaa uga daray warbixintii sirdoonka Mareykanka ay ku xaqiijiyeen in Bin Salmaan ku lug lahaa khaarajinta kaddiba ay xubnaha Congrees-ka ay Trump ka dalbadeen in uu kala xisaabtammo dhaxal sugaha.

 

Qormadii 5aad ee Taxanaha Berbera oo Daaha ka feydaysa Hadimooyinka uu Maayar Cidin Berbera gaadhsiiyey & Sirro kale oo xasaasiya

$
0
0

 

BERBERI MA HIIL BAY U BAAHANTAHAY MISE HAMBALYO.?
(Qaybtii 5aad)
———————
Akhristeyaal Qormadannina waa qormo kale oo ka mid ah, qoraalkeenii taxanaha ee Iftiiminta daah ka faydida Hadimooyinka uu Maayar Cidin Berbera gaadhsiyey ka mid ah.
Qormadan waxaynu ku soo qaadanaynaa hantida lacageed ee uu lunsaday Maayar Cidin mudadii uu ilka maayarnimada berbera hayey, waa intii u dhaxaysay 2012 kii ilaa 2018 ka ee. Waxayna soo sheegnay in uu Maayar Cidin gaday oo iibiyey dhul gaadhaya, afarta jaho ee magaalada dhinac kasta 20KM2, marka waliba laga reebo dhulka bada ku dhereran ee loo yaqaano xeeliga (seashore) ka. Dhulkaa xeeliga oo uu iyada qiimo gaar ah iyo lacag culus oo aynu qiimaheeda soo sheegi doono ku gaday Balooggiiba.
Haddaba waxaynu ognahay oo aan qormadii tan ka horeysay kusoo xusay in qiimaha Halkii 1km2 yahay 71428.5714$. Haddaba si aynu u ogaano cadadka hantida uu Maayar Cidin, Duubka maayarnimada uu qaranka iyo muwaadiniinta reer berbera ba kaga musuqmaasuqay, bal aynu xisaabino oo qalinkeena ku xaqiijino si aynaan daliil kaleba ugu baahan, bal aynu ogaano sababta ujeedka ka dambeeya barnaamijyadan uu SOCIAL MEDIA-YAHA gashanaayo ee aynu “IIDHEHDA” u bixinay. Bal Ila arka oo ila xaqiiqsada siday runtu tahay ee xaalka Magaalada Berberi yahay.
Waxaan doonayaa inaan kashifo oo daaha ka faydo suuldaarooyinka maamul ee uu abuuray Maayar Cidin, ee haddana reer berbera uga dhigo inuu wax u taray oo uu waxqadka ku sheegto. Waxaan doonayaa inaad Ila ogaataan Daluunta uu Maayar Cidin, berbera ku riday dhinac walba haday tahay, Dhulkii, Hantidii dawlada, Maamulkii, milgahii iyo Sharaftii ay Berberi caanka ku ahaydba.
Haddaba aan usoo noqdo xagii xisaabtee, waxaynu soo saarnay halkii 1km2 qiimahiisa oo ah 71428.5714$. Haddaba bal aynu kolba jiho qiimaheeda soo saarno innagoo gadaal iskaga gayn doona, aan hor mariyo ee bari Waa 20Km2 Taas oo markaynu qiimaheenii isticmaalayno noqonaysa sidan, 20km2* 71428.5714$ = 1428571.43, bari (hal milyan, afar boqol, sideed iyo labaatan kun, shan boqol iyo kow iyo todobaan, iyo sadex iyo afartan filis).
Galbeedna intaas in leeg oo ah sidan,
20km2* 71428.5714$ = 1428571.43$, galbeed (hal milyan, afar boqol, sideed iyo labaatan kun, shan boqol iyo kow iyo todobaan, iyo sadex iyo afartan filis oo doolar).
Koonfur galbeed ama laamiga Hargeisa taga waa sidan,  71428.5714$*25km2= 1785714.28$ (Hal milyan iyo todoba, shan iyo sideetan kun, todoba boqol iyo afar iyo toban, iyo sideed iyo labaatan filis oo doolar).
Koonfur bari ama laamiga Burco taga, waa sidan,
71428.5714$*30km2=
2142857.14$ (labba milyan, boqol iyo labba iyo afartan kun, sideed boqol iyo todoba iyo konton, iyo afar iyo toban filis oo doolar).
ISKU GAYNTA GUUD.
1428571.43$ galbeed
1428571.43$ bari
1785714.28$ KG laamiga Hargeisa
2142857.14$ KB laamiga Burco
——- – ——————
6,785,714.42$ waa (lix milyan, todoba boqol, iyo shan iyo sideedan kun, todoba boqol iyo Afar iyo toban doolar, iyo labba iyo afartan filis).
FG.
Hadda lacagtani maaha cashuurtii manna aha waxaa loo yaqaano CASEYNTA oo marka aad meesha seesanayso la bixiyo, ee lacagtan waxaad bixinaysaa intaan sharciga lagu siin oo aan lagu tusin meesha ay noqonayso jagadaadu. Waana lacag kaash ah.
Akhristeyaal qoraalkeena kan xigi doona insha Allah, waxaynu ku eegi doonaa bal meesha ay sartu ka qudhuntay, waa dhulka loo yaqaano (SEASHORE) ama xeeliga bada oo uu Maayar Cidin, kasoo xereeyey miisaaniyad laxaad leh.
Waxayse iswaydiintu tahay; lacagtaasi berbera halkeebay ka gashay? Ma Laamiyada yaryar ee JPLG-ga laga dhisay?
Mise waxaa jira meelo kale oo lacagtaas Milaayiinka doolar ah lagu maal galiyey?
Su’aalahan iyo kuwo kaleba kaga bogo qoraalkeena kan xiga.
W/Q, EngAhmed  Muse Mohamed

Somaliland:Imtixaan la musuqmaasuqay

  Wasiir ka tirsanaa Xukumada Farmaajo oo ku guulaystay Madaxweynimada Is-maamul goboleedka Koonfur Galbeed+Taariikhda Sooyaalkiisa  Waxbarasho,Shaqo & Siyaasadeed

$
0
0
  Wasiir ka tirsanaa Xukumada Farmaajo oo ku guulaystay Madaxweynimada Is-maamul goboleedka Koonfur Galbeed+Taariikhdiisa  Waxbarasho,Shaqo & Siyaasadeed
 

 Doorashada maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa u muuqatay mid horey loosii ogaa, waxaana dhacday in la doortay ruuxii loo saadaalinayay.

Tartanka maanta oo ay ka qeyb galeen Shan musharax ayaa waxaa codadka ugu badan helay Musharax madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.

 Waxaa uu meesha ka saaray in la qabto wareegyo kale oo doorashada ah, isaga oo helay codadkii laga doonayay codad ka badan.

Lafta Gareen ayaa helay in ka badan 100 xildhibaan codadkooda, taasi oo ah ka badan laba meelood saddex meel (2/3), waxaana uu noqonayaa musharaxii ugu horeeyay oo si toos ah ugu soo baxa doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyadoo aan la qaban wareegyo kale.

Musharaxa kusoo xiga ayaa helay inka badan 20 cod waana Aadan Saransoor.

Musharixiinta ayaa codadka u kala helay Sidan:-

1-Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen. 101 Cod
2-Siid Axmed sheekh Daahir 4 cod
3-Xuseen Cusmaan Xuseen 2 cod
4-Adan Maxamed Nuur Saransoor 22 od
5-Ibrahim Macalin Nuurow. 5 cod

Waxaana xumaaday inka badan 10 cod sida guddiga ay sheegeen.

Akhri sooyaalka taariikheed ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

 

waa kuma Lafta-gareen.

Cabdicasiis Xassan Maxamed oo ku magac dheer Laftagareen Wuxuu ku dhashay degmada Luuq ee gobolka Gedo, sanadkii 1970.

Wuxuu leeyahay hal xaas iyo saddex carruur ah. Waxbarashadiisii dugsiga hoose, dhexe iyo sare wuxuu ku qaatay isla degmada Luuq. Wuxuu Luuq ka ahaa macallin iskuul. Magaalada Muqdisho ayuu jaamacad ka dhigtay.

Cabdi Caziz Lafta-gareen, waxaa uu bartay culuum kala duwan sida culuumta siyaasadda ee jaamacadda ONEIDA oo Mareykanka ah iyo shahaadooyin kale oo ku saabsan maamulka, maareynta iyo dib uheshiiisiinta.

Xilal badan ayuu  dowladihii dalka soo maray ka soo qabtay.

Sanadkii 2007 wuxuu ahaa maamule ku xigeenkii Furdada Xamar.

Waxaa xubin ka ahaa baarlamaankii 8aad iyo midkan 10aad, 5tii sano ee ugu dambeysay waxaa uu noqday: Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, wasiiru dowle ayuu ka noqday wasaaradda ganacsiga, wasiir ku xigeenka kaluumeysiga, wasiiru dowlaha warfaafinta isaga oo dowladihii KMG ahaa ka noqday sida dowladii Sheekh Sharif wasiirka xanaanada xoolaha, wasiirka dekadaha iyo dowladii Cabdulahi Yusuf uu ahaa wasiirka dekadaha, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha iyo wasiirka maaliyadda.

Sanadkii 2008 wuxuu xukuumaddii raysal wasaare Nuur Cadde ka soo noqday wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada. Sanadkii 2009 wuxuu xukuumaddii Cumar Cabdirashiid ka noqday wasiirka gaadiidka iyo arrimaha badda.

Isla xukuumaddii Cumar Cabdirashiid wuxuu sanadkii 2010 ka noqday wasiirka xannaanada xoolaha. Xukuumaddii raysal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu noqday wasiiru dowlaha boostada, isgaarsiinta iyo warfaafinta.

Xukuumaddii Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuu noqday wasiir ku xigeenka kalluumeysiga. Xukuumadda raysal wasaare Xasan Cali Kheyrre wuxuu ka noqday wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga.

Wuxuu u tartamay guddoomiye baarlamaan. Wuxuu noqday wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha.

 

Daawo:Wasiirkii Daakhiliga Maamul-goboleedka Puntland oo iscasilay

Somaliland: Shirkii Jabuuti Iyo Meehanaabkii Soomaaliya

$
0
0

Somaliland: Shirkii Jabuuti Iyo Meehanaabkii Soomaaliya

Waxaa afartii cisho ee ina soo dhaafay ka socday Jabuuti shir “forum” lagaga doodayey xidhiidhka mustaqbalka Somaliland iyo Soomaaliya. Shirkan oo ahaa mid aan dawladaha laba dal shuqul ku lahayn, balse ka soo curtamey aqoonyahanadda iyo asxaabta waxbarashadda ayaa ahaa mid aad iyo aad us xiiso badan.

Dhinaca Somaliland waxaa qayb weyn ka qaatay Dr. Bulxan iyo Maxamed Biixi Yoonis, iyo akhyaar farabadan.

Haddaba dhowr arrimood baa ka soo baxay doodaa, waxay kale yihiin,

1. Walaaleheen Soomaaliya waxaa weli haya xumaddii ama jibadii Somaliland haysay 1960. Somaliland xumaddaasi berri hore ayey ka jabtay, soona noqon mayso.

2. Walaaleheen Soomaaliya waxaa ku qufulun wax la yidhaahdo “system” ama federaal ha noqdo, ama 4:5, ha noqdo. Waxaan leenayahay, idinku “system”kiina haysta, Somalilandna keeda.

3. Walaaleheen Soomaaliya waxay la yaacayaan xildhibaano la yidhi Somaliland bay ka yimaadeen? Horta yaa doortay xildhibaanadan? Kuwii aanu dooranay ayaa nagu raagay oo la doonayaa in la soo hurgufo. Dadka dollarka u doontay Xamar, Somaliland iyo dadkooda ma matalaan.

4. Walaaleheen Soomaaliya, waxay ku soo celceliyaan, “Somaliland citiraaf weli may helin”. Somaliland iyaad is citiraaftay, haddii aanu weli jirin “de-jure”, waxaa jira “de-facto”. Nabad, horumar iyo dimuqraadinimmo bay Somaliland haysaa. Citiraafkuna wuu iman.

5. Walaaleheen Soomaliya waxay weli wadaan “Shantii Soomaliyeed”. Dee Soomaali waa la wada yahay, Jabuuti waa Soomaali, Killinka Shanaad waa Soomaali, Waqooyi Galbeekda Kiiniya waa Soomaali, Somalilandna waa Soomaali. Lakiin riyaadaasu socotay oo, soo noqon may so. Waa in la aqbalaa runta maanta taala. Somaliland wa dal xor ah oo madaxbanaan.

6. Walaaleheen Soomaaliya waxay weli wadaan “Somaliland waxaa ku dhex jira beelo aan la socon qadyadda gooni isu taag”. Somaliland waxay qabatay cod, 90% + waxay door bideen, madaxbanaani iyo gooni isu taag. Haddii maanta la qabto mid kalena, intaa in leeg uun baa soo baxaysa. Haday leeyihiin Soomaaliya waa laga soo horjeeda gooni isu taaga Somaliland. Dee arrintu waxay u taalaa dadka Somaliland.

7. Walaaleheen Soomaaliya waxay leeyihiin dadkaa laka qaybinayaa. Waxaan leenahay, Somaliland cidna kuuma diidana, kaalay oo ka shaqayso, iska soo dag, soo booqo, lakiinse, mid uun ogaw, waa dal sharci iyo shuruud leh. Haddii aad intaa aqbalasid, soo dhawoow.

8. Walaaleheen Soomaaliya waxay leeyihiin “Soomaali ma kala maaranto”, waa dhab, oo weligeed xidhiidh dhaqan, dhaqaale iyo bulsho wuu jiri doonaa. Lakiin mid siyaasadeed ma jiri doona. Waxaa meeshaa ina dhigay, ee bur-bur, iyo halaag iyo bara’kac iyo xasuuqba keenay, waa siyaasad. Lagu heshiin waa, laguma heshiin doona, ha la kale socdo.

9. Walaaleheen Soomaaliya waxay leeyihiin “Qadyadda Soomaaliya waa muqadas”, Somaliland waxay leedahay, qadyadda Somaliland waa muqadas. Soddon sannadood ba ka soo wareegay, Soomaaliyana waa taa weli isku yaacsan. Maxaa faa’ido ugu jiray Somaliland xidhiidh siyaasadeed oo kale?. Waa waxba.

10. Somaliland waxay ku leedahay walaaladood Soomaaliya, ha la isu duceeyo, ha la isu dulqaato, hanna la kala socdo. Taariikhbaa la wada wadaagaa, wixii la doonayey 1960kii iyo waxa maanta jooga waxaa u dhexeeya faraq weyn oo aan la kabi karin. Maanta waxaa joogta ummad ku qaangaadhay laba dal oo madaxbanaan oo deris ah. Aabayasheen iyo awoowoyasheen way ku fashilmeen “Soomali-weyn”, wixii inaga soo marayna iyagaa ka masuul ah. Yaan khaladkaa mar labaad lagu dhicin. Taarikhda cashar baa laga qaataa.

Allaa Mahad Leh

Cadadka Lacagtii Xukumada Farmaajo ku bixisay in Lafta-gareen Madaxweyne looga dhigo Maamulka Koonfur-galbeed Somalia oo la soo bandhigay

$
0
0
 Lacagtii Xukumada Farmaajo ku bixisay in Lafta-gareen Madaxweyne looga dhigo Maamulka Koonfur-galbeed Somalia oo la soo bandhigay

 Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qarash gaadhaya saddex milyan oo dollar ku bixisay sidii Cabdcasiis Lafta-gareen loogu dooran lahaa madaxweynaha Koonfur Galbeed, sida uu sheegay, wasiirkii hore ee Howlaha guud ee Xukuumadda Kheyre, Saalax Sheekh Cismaan.

Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay doorashadii ka dhacday Baydhabo mid lagu shubtay, oo aan u dhicin hanaan hufan oo xor iyo xalaal ah. 

Eng Saalad ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in iyadoo ay malaayiin shacab Soomaaliyeed ah ay ku dhibaateysan yihiin xeryaha barakacayaasha Baydhabo ay Xukuumadd Soomaaliya ay lacag intaasi le’eg ku kharash gareyso Guusha Lafta Gareen.

Doorashadii shalay xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaakusoo baxay Cabdicasiia Lafta Gareen, oo ahaa Musharax ay dowladda Farmaajo Muqdisho ka soo dirtay, isagoo hub, ciidan iyo lacag watana ka degay Baydhabo bishii lasoo dhaafay.

Dowladda Federaalka wali kama aysan jawaabin eedeyntan.

Lafta Gareen ayaa helay codad aad u badan wareeggii kowaad, kuwaasi oo gaadhaya 101, halka musharixii ugu dhawaa, Aadan Saransoor uu helay 22 cod, iyadoo doorashadu ahayd mid qaadatey mudo ka yar saddex saacadood.


F.C.Waraabe oo luuqad qaawan ku duray Ra’iisal wasaaha Itoobiya Abiy Axmed+wuxu ku qoonsaday

Cuqaasha Beesha Biciida (H/Jeclo) oo laba Gacan-ku -dhiigle oo Ceel-afweyn Dad ku laayey u gacangelisay Xukumada Muuse Biixi+Cuqaasha Sacad yoonis oo goobjoog ahaa

Mudadii Muuse xilka hayey Waa Dal Xidhmay, Dhaqaale Xidhmay, Meherado Xidhmay, Xayiraad iyo Dhan u Xaglin.

$
0
0

Mudadii Muuse xilka hayey Waa Dal Xidhmay, Dhaqaale Xidhmay, Meherado Xidhmay, Xayiraad iyo Dhan u Xaglin.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ku gu’ jirsaday Kursiga, Isaga oo Durba sanad baarka ka jaray intii uu xilka hayey. Mudane Muuse oo loolankii ololaha ku galay halku dhigo ay ka mid ahaayeen BERI MAANTA DHAANTA oo uu kawaday Dawlad iyo Kulmiye dhaami doona dowladii Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee wakhtigaa jirtay, sidoo kale isku bedelkii Kursiga Kulmiye ka dhigay isbedel kuna naalooday Inuu soo wado wax qabad, dhaqaale kobcin, shaqo-abuur, dowlad kooban, cadaalad iyo ismaqal iyo wada shaqayn.

Dhaarna ku maray Sinaan iyo cadaalad ciddii u codaysay iyo ciddii ka codaysayba inaanu ukala Xaglin doonin oo HORE LOO SOCONAAYO.

Hadaba sanadka uu joogay xafiiska maka dhabeeyey halku dhigyadii iyo balanqaadyadii?

Marka si dhab ah loogu kuur galo waa Maya, waayo intii uu madaxweyne Muuse joogay waxaad moodaa in wadankii jar ka laalaadsamay oo uu dalaw inuu ka shalwado qarka u saaranyey, Haday tahay dhaqaale, cadaalad iyo maamul ba.

Dhaqaalaha ilaa intii uu muuse xilka qabtay Shillinkii Somaliland maalinba maalinta ka danbaysa wuu sii qiimo dhacayaa, maciishadiina cirka ayey isku shareertay intii ay Somaliland jirtay meel aanu sixirbararku gaadhin ayuu gaadhay mudadaa. Halkii qorshe lagu maareeyo ay Xukuumada Mudane Muuse keeni lahayd waxay keentay Handaraab, kooto iyo xayiraad Taas oo sii cakirtay xaladii dhaqaale ee dalka sababtayna in muwaadiniin badan oo qaadaa-madherge ah ay galaafatay oo ay meheradihii isbixin kariwaayaan oo ay ka xidhmeen, halka kuwa ku xoogsada gaadiidka iyana Xayiraad iyo Xanimaad loogu gaystay iyaga oo lagu am’ray in aanay ka shaqaysan karin goobo kooban oo cayiman mooyee, sidoo kale in Shiidaalkii qaali noqday oo cidi goyn weydey iyaga oo ladaalaadhacaaya duruufaha suuqyada ka jira xayiraadna u dheer tahay in hadana qasab lagaga dhigay in taarikada gaadiidka badalaan oo iibsadaan tacusub ee Xukuumada Muuse Biixi si Lacag looga sameeyo muwaadiniintaa silicsan, shaqo abuur warkeed daa, iyana Danyartii waxay goyn kariwaayeen quutal-daruurigii oo way macaluuleen.

Dhanka kale Dalkii oo faraha ka baxaaya Taas oo ay sabab u tahay in shacabkii la dhex dhigay kala Qaybsanaan baahsan oo wax wada lahaanshihii meesha kabaxay markii muwaadiniintii loo kala Xagliyey loona kala Sad-buriyey kala fogaanshahaa ay caddaalad darada xukuumadu sababta utahay awgeed ay dhacday taariikhda markii ugu horaysay in maamul goboleed Soomaaliya ahi gudaha Jamhuuriyada Somaliland shir ku qabsadaan oo uu madaxweynaha puntiland dhex taxtaxaasho Somaliland siddoo kale in Somaliland gudaheeda Jabhado hubaysani ka samaysmaan kuna dhawaaqeen in ay Cadaalad darada dalka ku habsatay qoriga u Qaateen.

Waxa iyana la gabay Ictiraaf raadintii iyo iib-geyntii qadiyada Somaliland iyada oo uu Maqaamkii Somaliland dunida ku higsanaysay uu hoos u dhacay, Xirfad Diblamaasi la’aan, kala qoqobnaan iyo talo wadaag la’aan awgeed.

Isku soo xooriyoo mudadaa Mudane Muuse Biixi Cabdi xilka hayey Waa Dal Xidhmay, Dhaqaale Xidhmay, Meherado Xidhmay, Xayiraad iyo Dhan u Xaglin, Una dheertahay Xin iyo Ku Xumayn ay Xukuumadu Muuse Biixi gudaheeda is XagXaganayso.

Ilaahaybaa mahad leh

Midnimana Somaliland

Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com

Boobe Y.Ducaale oo sida Fiinta uga qayliyey Shirkii Jabuuti+Dadkii ugu necbaa Somalialnd oo uu sheegay in halkaa lagu ururiyey

Siyaasad Fashilisay in Xubnaha Xukumada Farmaajo u metela Somaliland in Madaxtooyada S/land xusho

Tigreega Itoobiya oo eedeymo Cul-culus u jeediyey Safiirka Maraykanka ee Somalia

$
0
0

Tigreega Itoobiya oo eedeymo Cul-culus u jeediyey Safiirka Maraykanka ee Somalia

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donalt Yomomoto ayaa lagu eedeeyey inuu doorweyn ku lahaa magacaabista ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed, taasi oo awooddii maamulka dalkaas ka bixisay gacanta Igrayga.

Saraakiishii hore ee maamulka Tikreega ayaa ku eedeeyay dowladda Mareykanka inay iyaga ka dambeeyeen in talada dalka Ethiopia loo gacan geliyo Abiy Axmed oo Qowmiyadda Oromada kasoo jeeda. 

Sarkaal howlgab ah oo ka mid ahaa Maamulkii hore ee Ethiopia una dhashay Qowmiyadda Tigreeda ayaa si cad u sheegay in Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya uu shaqsi ahaan ka dambeeyay magacaabista Dr Abiy Axmed.

Sebaht Nega oo ah sarkaalka howlgabka ah ayaa sheegay in Abiy Axmed uu ku yimid rabitaanka Mareykanka, islamarkaana uu ka shaqeynayo danahooda, sida uu hadalka u dhigay.

Safaaradda Mareykanka ee Adis ababa ayaa ka jawaabtay hadalkaasi waxaa Afhayeen u hadlay uu beeniyay sheegashada sarkaalka Tigreega ah, waxaana uu intaas ku daray in Mareykanka uu ilaalinayo madaxbanaanida dalalka Caalamka.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Ethiopia, Berekt Simoen, ayaa isaguna Madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki, ku eedeeyay in uu faraha kula jiro arrimaha gudaha Itoobiya,waxaana uu tusaale u soo qaatay hadal uu dhawaan jeediyay oo ay ka mid ahayd “Ciyaartii Tigreega waa dhamaatay”.

 

Somaliland: Very few rich groups have the decisive influence over the government’s trade, monetary and political functions

$
0
0

Somaliland: Very few rich groups have the decisive influence over the government’s trade, monetary and political functions

In almost all countries of the world, import and export trade is controlled by their governments with restrictions and procedures to meet the satisfactory trade limitations that make their trade be beneficial to all parties involved. To meet that objective, they apply their own import trade limitations, which can protect each of the different levels of indigenous businesses; which can ensure the price affordability of all classes; which can secure the sufficiency, the safety and the quality of all commonly consumed imported commodities. Conversely in Somaliland, the previous governments and the present one deliberately put aside and failed at least to endorse the trade limiting restrictions, especially the import trade; which is a procedure restricting the importers to sell only to wholesalers not farther, the wholesalers to sell only to retailers not farther, and the retailers to sell directly to the public or consumers.

If these trade limitations be introduced, it could protect the existence and growth of the lower levels of the businesses (wholesalers, upper retailers and lower retailers); it could ensure consumers’ food security; and could help control the demand-pull and cost-push transactions to avoid inflation. The absence of the government’s role and responsibilities to implement the required trade restrictions imposed by the country’s laws, gave the few bulk importers of the commonly consumed commodities a limitless freedom that enabled them to be the only player to occupy all the three selling limitation levels of the bulk order imported commodities; leaving the middle and lower businesses of this country be at the mercy of the few giant trade companies.

These few giant lifeblood suckers moved forward with their limitless freedom and spearheaded the US dollar price based purchasing system existing in Somaliland; as they ignored the local currency and refused to sell their commodities with SL. Shillings; compelling the smaller businesses to buy their imported commodities with US dollar only. This again hampered the growth and progress of the medium and smaller businesses whose merchandize was related to the imported food commodities. This unwelcome action in the rule of monitory laws of any country in the world including Somaliland, and an unacceptable crime in where there is government with a rule of law; introduced by the few giant importers led the country in to a situation that all businesses from top to bottom value their goods and services in US dollar.

But the wonderful thing to refer is that from the time these major importers began this micro economically, socioeconomically and financially destructive purchasing system up to now; all Somaliland previous governments and this current one did not take actions, did not impose any measures, did not publicly show the least response about the financial negative impacts of this crime, and even did not officially mention this case as one of the major causes of the unsolvable current hyperinflation and local currency value lose.

Likewise, every country in the world, it is the government which is responsible to control the prices of all the imported food commodities, medicines, and any other goods essential for its people. In Somaliland, it is obvious that we import almost 99% of the foodstuff, medicines, building materials, all other essential goods and luxury needs. Again conversely, Somaliland governments were not aware as part of their responsibility, and failed to control the prices of the imported commonly consumed commodities; especially food, medicines, petroleum items and all goods essential for the consumption of the people; they failed to set the parameters of food commodities prices that are satisfactory and affordable to all classes of the citizens.

According to world food commodities prices, the market prices of these imported commodities are the highest prices in the world, for Somaliland — one of the poorest countries with the lowest GDP per capita in 2017. It is true that our governments’ failures to implement the above mentioned social services for their citizens, gave the bulk businessmen again a freedom to sell their goods whatever price they can earn; that they can easily gain a profit ranging from 200% up to 400% according to a data received from inside informers. This oppressive and heart breaking trade system upon our poor people sucks the lifeblood out of all lower and middle class people and transfers their small having to the few rich companies and commercial giants.

Similarly, every country in the world, its government is responsible to protect and control the quality and Safety Standards of all Foodstuff imported to its people’s consumption; and set out the overall legal responsibilities of the importers, making them avoid to import commodities unsafe or unsuitable for people to eat, relating to their health well-being and hygiene. Again conversely, Somaliland previous governments and the present one failed to make the needed quality control system on the imported food commodities, refreshments, medicines, and other essential items used for human consumption.

The combination of the above mentioned four problems related to our trade transactions mentioned in this article is internationally known as food security protection of a nation or country. And one of the key features of a social development of a state is that when the food security of its people is granted and ensured. This is when all the people or all citizens of a country, at all times, have access to affordable in price, sufficient, safe and reliable food to meet their dietary needs. The Constitution of this country places the responsibility of this issue on the government. But this food security issue does not exist in the minds of those who ruled this country after late president M. I. Egal who succeeded to apply the import trade limitations and the price control of the food commodities; then ensured that its selling stages and the affordability of its prices could be progressively expanded to all levels. Though every effort of nation building was at its initial stage and the resources available at that time were very limited, it is marked as the period of the lowest food commodity prices ever Somaliland people have experienced.

The failure of the government to endorse the trade limitation procedure; its failure to make the local currency as the only acceptable purchasing currency and avoid its value go down in the market; its failure to intervene and control the prices of food, medicines, petroleum and other essential commodities; its failure to protect the health well being of its people by controlling the safety standards of imported food commodities; its failure to adjust the undesired market results; caused the people to experience some rarely seen or unknown diseases rapidly increasing among the common people, possibly because of so many unsafe food commodities in the markets; and locked the majority population at the bottom into a permanent poverty trap.

The existence of these trade related problems together with the government’s denial are all favouring to the few rich importers; while the effects and hardships of the unlimited higher prices, the unhealthy food consumption, the local currency depreciation, and inflation hit the common people or lower and middle classes; dividing them in to some with relative poverty, having insufficient income for their monthly essential needs, and some with absolute poverty, having nothing to spend the necessities of their life such as food, medicine, rent and clothing.

The last and most important truth to share with all concerned is that the main cause of all these government failures which we mentioned above is the government’s trade policy controlled by a group of few rich people closely related with the government simply because they are rich, or their similar economic hegemony positions; in another words all these failures are the negative impacts resulted from “the economic hegemony practices in which very few rich groups have the decisive influence over the government’s functions of the country’s trade, monetary and political systems”

Adam Ali Younis
Email: aayonis@hotmail.com


 Saraakiil dembiyo Culculus ka galay gobolka Soomaalida Itoobiya oo la baadigoobayo oo Baasaboor Soomaali ku baxsaday & Xogo kale oo xasaasiya

$
0
0
 Saraakiil dembiyo Culculus ka galay gobolka Soomaalida Itoobiya oo la baadigoobayo oo Baasaboor Soomaali ku baxsaday & Xogo kale oo xasaasiya
 

In ka badan 50 sarkaal oo ka tirsanaa maamulkii la riday ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa Muqdisho uga dhoofay baasaboorro Soomaali ah, oo uu u sameeyay taliyaha waaxda Jinsiyadaha iyo Socdaalka dowladda Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi.

Saraakiishan baxsadka ah ayaa ku wajahan dalka Turkiga, si ay ugu tahriibaan dalalka Yurubta bari, iyaga oo ka walwal qaba in ay gacanta u galaan maamulka xusub ee Kilinka oo ku daba jooga siyaasiyiintii ku dhowaa madaxweynihii hore. 

Qorshahan lagu daabulayo saraakiisha dembiyada ka soo galay Ogadeeniya oo ay lacag badan ku baxeyso ayaa waxaa si wada jir ah u fulinaya taliyaha waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha gaashaanle dhexe Maxamed Aaden Koofi oo qaabilsan inuu baasaboorro degdeg ah oo isugu jira nooca shaqaalaha (Service) iyo nooca shacabkaba u soo saaro, halka mulkiilaha Telefeshinka Universal TV Axmed Abuubakar uu qaalbilsan yahay xidhiidhka saraakiishan iyo sidii ay Muqdisho ku soo gaadhi lahaayeen.

Axmed Abuubakar ayey aad isugu dhowaayeen madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Iley, oo uu dhinaca warbaahinta kala talin jiray, waxaana la sheegay inuu yahay ninka isku xidhay Koofi iyo saraakiisha baxsadka ah.

Cabdi Iley ayaa iminka lagu maxkamadeynayaa dalka Itoobiya, waxaana sidoo kale arrintaas oo kala wajahaya xubno badan oo isaga ku dhowaa oo la haysto dambiyo ay ka galeen shacabka gobolka Soomaalida.

Warbaahintae ayaa ogaatay in saraakiishan la soo marsiiyo dalka Jabuuti, kadibna laga soo dajiyo Garoonka Muqdisho.

Saraakiishan oo ay baadi goobayaan sirdoonka Itoobiya iyo kan Soomaaliya ayaa qaar kamid ah xilligan waxa ay ku sugan yihiin guri weyn oo looga kireeyey Waqooyiga magaalada Muqdisho .

Baasaboorada service-ka ah ee loo sameeyo saraakiishan ayaa lagaga iibiyaa lacag kumanaan dollar ah, waxaana sida ay dad xog ogaal ahi u sheegeen warbaahinta ka hodmay Koofi.

Madaxda sare ee Soomaaliya sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay inaysan waxba kala socon arrintan, oo ay ku gaar tahay Taliyaha Sirdoonak Somalia Koofi.

 

Sponsored by Revcontent

Up Next

In Life, Attitude Is Everything

$
0
0

Sometimes life does not look like the way we’d want it. And it hurts. Human beings have had that experiences. But what about when things never change and we continue to wallow in or dwell on life that does pan out the way we plan it to be? Our life becomes boring, isn’t it?

In life, attitude is everything; it is what shapes our actions and desires. We can choose to live the life we want, no matter how hard it can get. Hardships always occur throughout our life, but it is up to us how to interpret them. It is a matter of what we do well and what we do not.

There are conditions of life that changes of nature have placed us and others that choices of human behaviour has made. For instances, what actually causes hunger? How did we learn to lie? Hunger is a condition but not a choice. Lying is not a condition but a choice. How can we deal with our choices and conditions?

The truth is that we can learn to condition our minds, bodies, emotions, and desires to link pain or pleasure to whatever we choose. By changing what we link pain or pleasure to, we can instantly change our behaviour.

This singles out the fact that attitude is what governs the way we perceive the world and the way the world perceives us. This means that it is not what happens to us that matters, but it is how we choose to respond.

What drives human response? Can humans act without a thought? A thought is sown in the mind before it is reaped in the field of action. We must paint the vision of where we are going to or what we are intending to do.

The idea that ambition is what gets people started, attitude what determines how people do things, ability what determines what people can do, and skill what determines how well people get the things done, is no longer applicable today.

As times have changed so have our attitudes toward crime and punishment. Crime once considered evil is now, if it is fortunate and successful, called virtue. Evil is what is morally wrong or wicked, while virtue is a behaviour or attitude that shows high moral standards.

A crime is a crime regardless of what form it comes and who commits it. A crime is an immoral act stemming from evil characters. A crime does not only involve killings. There are crimes that involve treason, robbery and rape.

Thus a crime is an action that is deemed injurious to the public welfare or morals or to the interests of the state. Abuse of a public or private office for personal gains is a crime.

And so corruption is a crime. Theft is a crime. Softening the severity of the law not by pity but by bribe is a crime. Politics based on denials is a crime.

The point in which we stand in this age is that what we say, what we do and how we deal and treat with each other is not judged from the religious point of view.

How do we as Somalilanders combat crimes? How are we defined when we are in a public office and no one is looking at us? Are we accountable for what we do and how we do it? Do we believe what we preach or fulfill what we promise to do? How our attitudes affect our social life? Do we try to acknowledge situations, correct our mistakes, learn from the past and move forward? Are we really ready to replace what works well with what did not work well in the past and the present time? Do we control our mentality with or without emotions when it comes to national issues?

What do you do when you have nothing? How are you defined at this point in history? Do you get irritated and agitated? How patiently can you wait for that which you need? Can you believe that you are probably more than you could be if you would have spent more time doing than less time resting?

Your answers to above questions depend on your own personality. But what is personality? We are in an organization age. And your personality is how you organize your principles that guide and drive you whenever you intend to make plans in social life.

By:Jama Falaag
Hargeisa, Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo socdaal meeqaam hoose ah ku tagi doona xuduuda Wajaale

$
0
0
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa bari lagu wadaa in uu u socdaalo magaalada Wajaale ee ku taala xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya, wararku waxa ay sheegayaan in ay xuduudka ku kulmi doonaan madaxweyna ismaamulka soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar. Socdaalkani Muuse Biixi oo dadka siyaasada ka faaloodaa ay ilaa maanta aad uga hadlayeen ayaa sheegaaya in... Read more »

Suldaanka Garaha oo ka warbixiyay damaca dhuleed ee Oromada Dawlada qabsatay daawo

Maxadka HERITAGE Was Qaran dumis u taagan Somaliweyn

$
0
0

MACADKA HERITAGE SOMALIA EE DHAWAANTA QABTAY DOODA SOMALIA IYO SOMALILAND WAA MACAD KA SHAQEEYA SIYAASADA SOMALIYA. WAA MACAD ISKU SHEEG U SOO TAFO XAYTAY SIDII SOMALILAND DHIBAATO LOOGA ABUURI LAHAA. WAA MACAD KU SHEEG HADA KA WADA DHAQDHAQAAQ URUR SIYAASADEED SOMALILAND KA SOO HORJEEDA OO LAGA WADO DALKA INGIRIISKA. MADAXDA SHIRKA FURTAY OO ASALKOODU KA SOO JEEDO SOMALILAND WAA KUWA LA SOO MARIYEY DHAQAALAHA LAGU SAMEYNAAYO URUR LID KU AH SOMALILAND. SOMALILAND WAA QARAN DHISAN OO LEH BAARLAMAAN IYO MADAXWAYNE SHACABKU SOO DOORTAY. SOMALIA NA BAARLAMAANKA IYO MADAXWAYNUHUBA WAXAY KU YIMAADEEN GACAN KU RIMIS SHISHEEYE WATO. DALKA WAXA KU ILAALIYA CIIDAMO AJANABI AH. WAXAAN LEEYAHAY AQOONYAHANKA SOMALAND EE KA QAYB GALAY SHIRKAA DIB UGU NOQDA AQOONTIINA. WAAYO AQOONTU MAAHA SIDA LOO KALA HADAL BADAN YAHAY EE WAA TA KU TUSTA INAAD MEELDHEER WA KA EEGTO. INTAYDAAN TEGIN SHIRKA WAXAA HABOONAYD INAAD DARISTAAN SHAQADA MACADKA HERITAGE SOMALIA. MASUULIYIINTA XISBIGA WADDANI EE KA QAYBGALAY SHIRKA WAXAY AHAAYEEN MASUULIYIIN KA TIRSAN XISBI QARAN OO SOMALILAND AH. WAXAY MARAAYAD U YHIIN 44% SOMALILANDERS AH OO XISBIGA KA TIRSAN. WAXAY MEEL KAGA DHACEEN SHACABKII AY MATALAYEEN OO ANIGU KA MID AHAY. WAXAAN U SOO JEEDINAYAA INAY ISKA CASILAAN XILKA AY U HAYAAN UMMADA SOMALILAND.

WA BILAAHI TAWFIIQ
MAHDI JAMA

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>