Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Qoys sida Fiinta Uga qayliyey Buug Dr.Bulxan qoray sida Kii Buuqa dhaliyey ee Guri-barwaaqo qoray


Beel ka biyo diiday Degmo Xukumada Muse Biixi Maanta Munaasibad wanqala u abaabulayso

Somaliland: Muse Biixi’s Crackdown On His Critics.

$
0
0

Every political move needs a plan whirling through the mainframe. The most captivating within our current political theatre is surely the battle that Kulmiye party has begun with its most senior executive members.

On surface level, the battle is not much more than a claim for primacy between two war veterans-turned politicians who inherited Kulmiye party, as a birthright, and insiders who learnt lessons of how energized persons could become part of constitutive members of a political party from the mainstream.

But no story-within-a-story is worth the price of admission if it is limited to the obvious. All of them, the war veterans and the insiders learnt politics in teashops. Non of them really went to college to study political literature and their idea of social responsibility is nothing more than a he-she-says ambivalence.

The thing is, in all walks of life, serendipity sometimes plays the role. Imagine what positions would the two Colonels hold in Somaliland if Mujahid Lixle were alive today. Colonel Muse Biixi would not hold any position. He would be among those who always rant and raive after Mujahid Lixle. Colonel Mohamed Kahin would be those who play marbles under the trees.

If distrust is about contemporary politics then democracy is about temporary delusion. Kulmiye is not a national political party. The party is really far off from being that. Kulmiye is a two-clan-led party. Besides the structural power, its own vision and mission tell its own tale.

The battle has just left one remarkable point. The attention of the party is focused on the aliens. The hunt has already started. Jama Shebeel, the then Kulmiye Secretary was the first alien who kissed the dust. He was sacked and silenced by a sword hanging on his head.

Abdillahi Geeljire, a former minister of fisheries and sea resources in Siilaanyo administration, became Kulmiye’s second kill. The litmus test is well done.

There is no compelling evidence other than the allegation that the exclusionists had publicly violated Kulmiye’s internal discipline by expressing political weak points of the current administration through press releases. The decision to expell these senior members from the party has just come from the two Colonels who now co-rule this country. No one else has the power to force anyone out of the party.

The questions that need convincing answers are: Why official warning has not been given to these chaps? When the right to express personal opinions has become a crime?

There were occasions in which party leaders violated the party’s internal discipline and ruling policies during Siilaanyo’s reign, and no one was expelled.

One good example is when Abdulaziz Samaale publicly slandered Siilaanyo after being dischared from the minister of finance. The party did not take any action against him. Muse Biixi also violated the party’s discipline as he accused Siilaaanyo and his administration of failing to monitor the terrorist activities in Somaliland in 2014. No disciplinary action was taken against him. Doesn’t this mean that Kulmiye’s internal discipline is only applicable to some certain people?

The expulsion is nothing more than the reality that the two Colonels are afraid of anything that might result in people seeing through their charades. To kill knowledge and know-hows is their own construct reality.

We can never be sure what transpires within the recesses of the mind, let alone the heart. But one wonders if Colonel Muse Biixi and Colonel Mohamed Kahin are signalling to their young jibes and jabs to their own party and intending to clean the party from the old generation. This version would have been a good guess if the opposite is not true.

Leaving all pontificating aside, faults are visible on the Colonels’ sides. Where there are human beings there are blunders and problems. Where there are problems, there can be solutions. That is why nations employ corps of advisory bodies.

An advisory body knows that civilized solutions can only be found through dialogue; so the first and abiding requirement of civil behaviour is common sense.

But instead of finding a calm way out of a pinprick problem, some ignorant within the Colonel’s establishment decided that the time has come to “teach” aliens, a “lesson”.

The expelled aliens belong now to “renegade” nation. The veneration might possibly go to the only remaining alien who is surrounded by a gang of four whose job is to monitor every action that the laughing cow will take.

By: Jama Falaag
Hargeisa, Somaliland.
jamafalaag@gmail.com

As per usual the opinions expressed in this articale are those of
the author and do not reflect the opinions of qarannews.com

Bulxanow Maya !

$
0
0

Bulxanow Maya !

Asalaamu Calaykum

Qadiyada Shacbiga iyo Xornimada Jamhuuriyada Somaliland maaha Qadiyad cid kastaa u cumaamadan karto, maaha Qadiyad fudud oo cidii aanay khusayn lagala hadli karo, maaha Qadiyad la weydayn karo oo hoos looga dhigi karo halka ay taagan tahay iyo Qiimaha ay ugu fadhido Ummada reer Somaliland.

Qadiyada Somaliland marka laga hadlayo waa Nafta iyo Nolosha iyo jiritaanka Muwaadinka Somaliland, waxa ay tahay oo ay taagan tahay ma jirtid iyo waan jiraa, waan Noolahay oo inaan Noolaado ayaan rabaa iyo ma jirtid mana noolaanaysid.

Somaliland iyo Soomaalia waxay isku hayaan waa ma jiraysid iyo waan jirayaa, waa arrin doodisteeda iyo ku dagaalankeeduba ay u taallo Xukuumada Somaliland ee Shacabku u doortay, Golayaasha Sharci Dejintuna ay u igmadeen Xukuumada oo kaliya oo aan cid kale aanay dhex-carari karin.

Dunida laguma arag Taariikhda Diplomaasiyada ee soo jireenka ahna laguma maqal laba dawladood oo is haya oo Colaadi ay u dhaxayso oo la yidhi Dadkoodu ama Dadweynahoodu ha wada hadlaan. Xukuumadaha oo kaliya ayaa wada hadla.

Tusaale dhow haddii aynu soo qaadano Maraykan iyo Waqooyiga Kuuriya ama Eritrea iyo Itoobiya ama Koonfurta iyo Waqooyiga Kuuriya Shacbigooda looma diro oo lama yidhaahdo ordoo soo dooda ama soo wada hadla. Xukuumadaha oo keliya ayaa wada hadla oo ama heshiiya ama aan heshiin.

Qadiyada Somaliland waa mid ka sii culus oo ay Dawlada Soomaaliya geystay Xasuuq iyo Burbur baaxad weyn oo boqolaal kun oo reer Somaliland ahi u dhinteen una dhaawacmeen oo ay u burbureen Magaalooyin la soo dhisayay boqolaal Sanadood.

Qadiyada Somaliland ee ku fadhida Culayska intaas leeg maaha Qadiyad la khafiifin karo oo miisaankeeda hoos loo dhigi karo oo ay dad is cumaamaday oo aan cidina aanay diran ay kolba matxafyo kaga sheekayn karaan ama kala hadli karaan dad aan ahayn kuwa mudan in lagala hadlo.

Cadawga Somaliland waxa uu doonayaa inuu Qadiyada Somaliland ka dhigo mid local ah oo Soomaalinimo iyo si hoose loogu dhamayn karo oo laga dhigi karo khilaaf yar oo Soomaali dhex yaala oo la mid ah ka u dhexeeya Jubaland iyo Muqdisho ama Farmaajo iyo Maamul goboleedadiisa, waana Siyaasada ay Dawlada Soomaaliya dabada ay ka riixayso iyaga oo adeegsanaya Dawlado liddi ku ah Somaliland oo durba bilaabay inay Maal-galiyaan mashaariic ay ku tilmaamaan is dhexgalka bulshada oo dhalinyarada reer Somaliland lagu khaldayo.

Qaranimada Somaliland maaha mid cid loo baryayo, mana aha mid baryo lagu helay ee waa Qadiyad ay u dhinteen boqolaal kun oo geesi, imikana ay diyaar u yihiin inay u dhintaan haddii loo baahdo. In Somaliland iyo Soomaaliya ay wada-hadlaan oo si siman oo talantaalli ah danahooda uga wadahadlaan waa mid labada dhinacba dan u ah. Laakiin haddii ay Soomaaliya ka warwareegto waa wax iyada u xun oo kollayba ay ku qasban tahay inay Somaliland miis la fadhiisto ha dhawaato ama ha dheeraatee.

Dr Bulxan oo ah Aqoonyahan aan Sharaf iyo Qadarinba u hayo kuma raacsani inuu qaato oo uu keligii Xambaarto Qadiyada Somaliland oo ay Dadweynaha reer Somaliland u Xil saarteen Xukuumada Somaliland oo kaliya.

Waxay ahayd bishii May ee Sanadkii 2017 markii uu Dr Bulxan uu damcay inuu Muqdisho tago oo uu kaga qaybgalo doodo tan Jabuuti
U eekaa, laakiin Xukuumada Somaliland ee wakhtigaasi jirtay ay ka joojisay.

Ugu danbayn waxaan Xukuumada Somaliland usoo Jeedinayaa inaanay cidna ka ogolaan inay is cumaamadaan oo ay yidhaahdaan Qadiyada Somaliland ayaanu reer Soomaaliya kala hadlaynaa, hadii kale waxaa dhici doonta in Golaha Salaadiinta iyo Culimada iyo ururrada haweenku ay iyaguna tegi doonaan Muqdisho iyo Meelo kale oo ay odhan doonaan Soomaaliya ayaanu la soo hadlaynaa.

Somaliland ha Guulaysto

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaarada Arrimaha Debada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland

Faysal Cali Waraabe oo Si Adag Uga Horyimid Cashuurta Xukuumadu Ku Soo Rogtay Warbaahinta

Miisaaniyada JSL ee 2019 Maxaa looga reebay Kirooyinkii ka soo xaroonaayey Dekeda Berbera iyo Madaarka Berbera..?!

$
0
0


Waqtigii Xukuumada kulmiye ay xukunka dalka haleeshay waxaa Miisaaniyada qaranku aheyd $ 50 million oo dollar oo barakeysan. Sanadihii 2012 iyo 2013 way sadex laabeen oo waxay ka dhigeen $170 million dollar oo male awaal ah, sanadkii 2014 waxay ku odoroseen $ 212 Million dollar oo cilmi feleg ah. sanadkii 2015 way sii shaasheeyeen oo waxay ku sii bishileen $ 251 Million dollar. Boowe ! Waxaa soo aduun la sedex laabay , la afar laabay oo Caasimada Hargeysi ay weli ka biyo la’dahay wax macne leh oo maadi ah may sameyn, waxaa keliya ee laga hayaa ama ka muuqda dalka oo dhan waa deyrar yar yar oo la wareejiyey iyo daaraha laba Wasaaradood oo keliya waayo inta kale dhismeyaasha wasaaradaha waxaa in oo dhisay hayadaha caalamiga ah.

Sanadkii 2016 ayaa isna xukuumadii X-kulmiye ku hadaaqday in boqolkiiba13% ay kordhiyeen miisaaniyadii dalka iyaga oo ku odorosay miisaaniyada sanadkaas lacag dhan: $298 Million Dollar, hada waa Xukuumadii ku caanka baxday ” maal urursiga, cadaalada leexatay iyo cashuur la lunsaday”. Sanadkii 2017 Waxay miisaaniyada ku qiyaaseen hadana lacag dhan $362 million dollar. Sanadkan sii dhamaanaya ee 2018 ayey Xukuumada MBA miisaaniyada ku falkiyeen lacag dhan:168,7000.000.00 SL / shilling. Maantana waxaynu markhaati ka noqonay Sanadkan cusub ee soo socda ee 2019 in ay miisaaniyada qaranka ku soo biyo dhiijiyeen lacag dhan : 2,234.320.463.251 SL / Shilling. kuye ! Waxay miisaaniyadani ka badan tahay tii kal hore 8% iyada oo aan la arag lana maqal goob xisaab xidhkii miisaaniyada sanadka 2018 lagu soo badhigay….Yaab !!

Iyada oo lawada ogyahay in aanu qarankan Somalilaan laheyn “Gunti Giijis Dhaqaale” iyadoo aanu dalku laheyn xog, xaqiiq iyo xiliyo isku sar go’an, iyada lawada ogyahay in qorshaha ansixinta miisaaniyadu yahay qorshe wadareed mug leh oo waqti badan u baahan ayaa Xukuumadu caadaysatay in duuduub mar kasta loogu ansixiyo Miisaaniyad aan laga doodin oo aan ku iman maskax tuujin iyo macne cokan, iyada oo weliba ah miisaaniyad cilmi feleg ah oo aan muud iyo miisaan isku sar go’an laheyn, markaad eegto sida wasaaradaha iyo hayadaha dawlada loogu qaybiyey, bal u fiirso sida mashaariicda gobolada loo kala fadilay.

Waxaa ummadda fajaciso iyo yaab ku noqotay Wasaaraddii Waxbarashada ee ugu baaxada weyneyd uguna shaqaalaha badneyd dalka oo shaqaalaheedu qaadhaayo 37.8 % marka lagu sar gooyo shaqaalaha JSL oo ku soo aruray tiro koobkii ka dib 14,057 qof, ayaa Miisaaniyada loogu daray lacag dhan 71 Bilyan oo SL/Shilling ah halka Wasaaradda Maaliyada oo shaqaalaheedu yahay 9.6 % , miisaaniyada loogu daray lacag dhan 242 Bilyan Sl/Shilling. Waxaa iyana fajaciso iyo yaab shacabka ku noqotay markii wasaaradda Warfaafinta iyo dhaqanka oo shaqaalaheedu uu yahay 3.9% oo keliya Miisaaniyada loogu daray lacag dhan 44 Bilyan Sl/shillings taas oo ka badan labada wasaaradood ee nolosha shacabka wax ka bedeli lahaa sida Wasaaradda Beeraha oo miisaamiyada loogu daray 17 Bilyan Sl/shilling iyo Wasaaradda kaluumaysiga iyo xanaanada xoolaha oo miisaaniyada iyana loogu daray lacag dhan 28 Bilyan Sl/Shilling .

Waxaynu wada og nahay in qarankan yar ee raad qaadka ah ee raranka maanta saarani aanu laheyn Turuq ama (Jump start) ama gun-dhig uu isku taago si aanu u-liicin, ululmin oo aanu uga-lumin tubtii toosneyd ee loogu talo galey, Hadaba Jugtii lagu istaadhi lahaa dhaqaalaha yar ee Somalilaan ayaan ku jirin Miisaaniyadan male awaalka ah ee 2019, Waayo Waxaa ka maqan miisaaniyadan lacagahan hoose oo aan ummadda weli loo cadeyn asbaabaha looga reebay miisaaniyada lacagahan tirada badan sida :

1-Kirada Madaarka Berbera oo saldhig ciidan ay ka dhigatay dawlada imaaraatiga laguna kireeyey lacag dhan $300 million doollar
2- Kirada Dekeda Berbera oo lagu qiyaasay lacag ka badan $6 Million dollar iyo weliba faa’idada laga helay Dekeda sanadkiiba mar oo noqonaysa 10 % .
3- Lacagta ka soo xaroota Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera, maadaama dawladu la wareegtay, lacagtaas oo lagu qiyaasay $24 million dollar sanadkiiba
4- Lacagaha u qoondeysan in ay xukumadu soo daabacato sanadka 2019, maadaama kulmiye lagu yaqaan lacag daabacashada sicir bararka inoo keenay.
5- Lacagaha kor loogu soo qaadayo Baanka Dhexe ee JSL oo imaaraatigu uu balan qaaday inuu bixin doono maadaama sanadkan dhamaaday ee 2018 uu bixiyey.

Waxaa Xukuumada looga fadhiyaa in ay shacabka JSL u soo bandhigto xisaab xidhka miisaaniyada sandankan dhamaaday ee 2018, kaa soo laga filaayo in uu ahaado xisaab xidh ku saleysan Qorsheyaashii Horumarineed ee Qaranka Somalilaan lagu horumarinaayey ee loo bixiyey qorshaha horumarinta higsiga qaranka ee ( NDP 2) .
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

Xaaskii waryahii Sucuudiga ahaa ee lagu dilay Safaarada oo hadashay daawo

Sidee shaqo loo helaa ama loo abuuraa Qaybtii 6’aad

$
0
0

Sidee shaqo loo helaa ama loo abuuraa W/Q Farxaan Maxamed Sultan (Rakad) Q. 6’aad

Shaqo abuurka iyo shaqo la’aantu marna waa fursad marna waa caqabad dalka dhib ku ah, Maalmihii u dambeeyay waxaan aad u qaadaa dhigayay in dhallinyaraddu shaqo helaan ama shaqo abuuraan, dalkeenna marka laga hadlayo waxa buuxa fursaddo badan oo shaqo lagu abuuri karo iyo fursado badan oo aynaan wali dareemin se loo baahan yahay.
Haddii la doonnayo in dhallintu shaqo hesho waa in qorshe balaadhan oo dhinacwalba ah laga yeesho, xukuumadda uu hoggaaminayo Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa ku dhex jira dheemantii dhallinta iyo aqoonyahanka u hiiliyay, waanna Masuulka kaliya ee maanta hankii iyo higsigii dhallinyaradda Soo nooleeyay wax aan u aqoonsadday Sharmaarke Geelle inuu yahay masuulkii Kartida iyo caddaaladda xukuumadda Maanta , inbadan waxaan maqlayay Shaqooyinka dawladda waa la qaybsadaa, in badan waxaan maqlayay cid gaara ayaa kooto ku haysata haddaba ilaa maalintii uu sharmaarke Geelle la wareegay hay’adda shaqaalaha waxa isbeddelay hankii loo qabay in imtixaan iyo aqoon lagu hello shaqo tusaale 09.12.2018 waxay ahayd maalin ka mida maalmihii Hay’adda shaqaaluhu tartan galisay 50 kaalmood oo goboladda dalka imtixaan loo gallayay, anigu waxaan ku sugnaa Berbera, waxaanan maqlay in imtixaankaas la galayo oo codsiyaddii la furay ayaa waxa codisgaas xaraystay aniga iyo Xaaskayga Fahiima , anagoo doonnayna in aanu caddaaladda hay’adda shaqaalaha markhaati ka noqono, waxa imtixaanka u tartamayay 264 qof, 10.12.2018, waxa kale oo ay noqotay mucjiso kale oo gobolka saaxil dheeraa goboladda in lamaane is qabaa ku soo baxaan imtixaankii hay’ada shaqaalaha , taas waxaan uga socdaa marka in Hay’ada shaqaalaha soomaaliland ay tahay hay’adda caddaaladda iyo qalinka u hagar baxday. Sidoo kale taasi waxay ku tusaysaa in fursaddo badan oo aad heli lahaydeen aad fikir kale ka qaadateen oo aad wax kale is aamin siiseen, muhiimaddaan uga socdaa waa in aad kalsooni u yeelataan waxkasta oo aad rabtaan in aad ku guulleysataan. Shaqo kasta oo aad aragtaana aad soo taabataan gunta iyo xaqiiqda, xattaa haddii aad caddaalad dareemi waydid toos u waydii masuulka meesha haysta si aad xaqiiqda u ogaatid.

Dalka fursaddo badan ayaa yaalla haddii aad diyaar u tihiin waxaan idinla wadaagayaa hal fursad shaqo oo aad abuuran kartaan haddii aad iskaashataan idinkoo kooxo ah iyo idinkoo midh midh ah:-

Barnaamijka Adeeg

Fikir shaqo abuur oo aan u hayo dhallinyaradda diyaarka u ah inay shaqo abuurtaan.
magaca barnaamijku waa : “Adeeg”
Barnaamijka ADEEG waxaan hayaa isagoo dhammaystiran oo ilaa fulintiisii wata se iimay suuro galin inaan fuliyo, se waxaan u hibbaynayaa cidkasta oo diyaar u ah innay ka faa’ideysato.
Barnaamijka Adeeg waa barnaamij loogu adeegyo gurikasta iyo cidkasta oo u baahan in suuqa wax looga soo iibiyo gaar ahaan Saddexda wakhti ee cuntadda, waa adeeg laga soo adeegayo Sariibadda iyo suuqyadda waaweyn ee magaalooyinka subaxkasta iyadoo loo adeegayo guryaha u baahan si halkay degan yihiin loogu geeyo adeegyadda saribadeed ee joogtadda ah.
haddii aad tahay hooyo aan awoodin innay gurigeeda ka baxdo ama ay suuqa aado adeegan ayaa ku caawinaya.
adeegani wuxuu daboolayaa baahida suuqa ee subaxkasta loo dhaadhacayo taas oo la sammaynayo kooxo “Teamam” subaxkasta suuqa kaaga soo iibiya alaabta aad ubaahan tahay oo leh tayada aad rabtid iyo wakhtiga aad doonnaysid kaliya waxa lagaa qaadayaa Xoogaa yar oo adeeg ah.
Subaxkasta waxa xaafadaha magaaladda u kala gooshaya tagaasi yar-yar oo sida adeegyadda Guryaha ee loo baahnaa hadday adeeg qaddo ah tahay, hadday adeeg cunto ama raashin tahay intaba iyaga ayaa kuu qabanaya kaliya waxa kaa xiga innaad dalbatid.
Adeeg waa shirkad yeelanaysa xafiis iyo shaqaale Hablo u badan oo subixii ka soo adeegaya suuqa, iyagoo sita dalabkii macmiilka.
tani waxay bad-baadinaysaa wakhtigii suuqa kaaga bixi lahaa, qiimihii oo noqonaya mid fadhiya, cidhiidhigii suuqa, tagsigii ku hambsaaminayay oo aad mid gaara kuu adeegayo, lugtii iyo qayladdi suuqa intaba waad kaga maarmaysaa, sidoo kale kalahaadii iyo haddii aad shaqaale tahay werwerkii kaa haystay Adeega guriga intaba waad ka nasan doontaa.
barnaamijkan oo leh Business Plankii llagu fulinayay waa layga helayaa, kaliya dhallinyaradda Hablaha ah ee shaqo abuurka u baahan ayaan ugu tallo galay si ay shaqo iyo camal uga dhigtaan.
waanna baahi taagan oo subaxkasta loo baahan yahay, xafiiskuna waa xafiis furan wakhtikasta oo loo baahdo.
Waxa jira fikiro fara badan oo aynu haysano kuwaas oo aynaan awood ama wakhti midna u haynin waxaan, soo jeedin lahaa in dhallinyaradda loogu deeqo si ay uga faa’ideystaan.
Ciddii si gaara fikir ugu baahan waan ka caawinayaa insha Allah.

La soco qaybta 7’aad

Farxaan Maxamed Sultan (Rakad)
farxaanmxd@gmail.com
Facebook: Rakad Mxd Sultan
Article: 330
Tell: – 063-4400319
Berbera.


Saylaci oo Eedo & Dhaliilo Culculus ku miisay Maayarada Somaliland+Miduu ka reebay

Yaa Ka Dambeeya Siyaasadda Burburinta Baarlamaanka, Mucaaradka iyo Maamul Goboleedyada Somalia?

$
0
0

Yaa Ka Dambeeya Siyaasadda Burburinta Baarlamaanka, Mucaaradka iyo Maamul Goboleedyada Somalia?

Waxaa la wada ogsoonyahay in xiligii Madaxweyne Moxamed Cabdullaahi Farmaajo ku jiray tartanka doorashada madaxweynenimada dalka uu si cad u weerarijiray una cambaaraynjiray Itoobiya iyo Kenya isaga oo sheegijiray in labadaas dal yihiin cadowga kowaad ee Somalida, ciidamadooda Somalia joogana aanay marnaba ka talinayn maslaxadda Somalia balse ay u arkaan Somalia cadowgooda oo loobahanyahay inaanu marnaba madaxa la soo kicin.

Markii Farmaajo loo doortay madaxweynaha Somalia waxaa uu booqasho xidhiidha oo saaxiibtinimo ku kala bixiyay Itoobiya waxaanu la galay heshiisyo qarsoodi ah oo lidi ku ah qaranimada iyo jiritaanka Somalia. Waxaa muuqata inuu dalka u fasaxay inay qabsadaan Itoobiya iyo Eratariya si uu xukun qabiil u dhiso looguna ilaaliyo si uu ugu kaco aargoosi qabiil iyo baabi’in taas oo isaga kala muhiimsan ilaalinta qaranimada iyo jiritaanka Somalia iyo sharafta dadka Somaliyeed.

Waxaa suurtogal ah in ciidamada uu ka codsaday Itoobiya iyo Eratariya uu bedelkeeda ra’iisal wasaaraha Itoobiya ku caadiyay Madaxweyne Farmaajo inuu burburiyo maamul goboleedyada Somalia kuna bedelo kuwo daba-dhilif u ah Farmaajo iyo Khare taas oo Itoobiya iyo Eratariya u suurtogelinaysa inay dalka Somalia si fudud u qabsadaan oo aan la iska caabbin iyo in la wiiqo difaaca iyo xoraynta dalka. Fool-xumadii ka dhacday doorashadii Koonfur Galbeed ee la qabtay Dec. 19, 2018 ayaa markhaati ka ah shirqoolada lala maaganyahay Somalia.

Waxaa kale oo suurtogal ah in isla siyaasadaas loo adeegsanayo burburinta xubnaha mucaaradka ah ee Baarlamaanka Somalia, axsaabta mucaaradka ah iyo xurriyatul-qawlka si looga takhaluso dadka leh damiirka wadaninimada.

Ibrahim Hassan

Ibrahim Mohammed

ibrahim_hg@yahoo.com

Somaliland: Aadankii Hawada ee baabiiyey mashruucii Faleedyaale oo la siiyey kuwii Taleex iyo Wasiir Koore oo… 

$
0
0

Somaliland: Aadankii Hawada ee baabiiyey mashruucii Faleedyaale oo la siiyey kuwii Taleex iyo Wasiir Koore oo…

 

Qaadwale hore Aadan Cali Ducaale (Aadanka Hawada) oo ka mid ahaa qaadwaleyaashii Dalka Ingiriiska ee markii laga joojiyey ka soo qaxay ayaa la xaqiijiyey in la siiyey Mashaariic horumarinta Biyaha oo loo qorsheeyey in laga fuliyo Degmada Taleex.

Aadan ayaa Wasiiradii hore ee Biyaha si galaangal ah uga dhameystay Mashruuc hore oo loogu talo galay War laga qodayo degaanka Faleedyaale oo 100 000 dollar Maraykanka ku kacaysay, kaas oo aan waxba laga qaban dhaqaalihiisa la lunsaday.

Waxaa layaab kale noqotay in Wasiirka Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore isaga oo og rikoodhkii iyo xogtii hore ee Aadan iyo mashruucii Faleedyaale uu mar kale qalqaaliyo in Aadan gacanta loo geliyo 190 000 doolar oo canshuurtii shacabka Somaliland laga soo ururiyey ah.

Taas waxaa dheer oo fajac iyo niyad jab ku riday hayadaha Samafalada iyo ururada Maxaliga ah ee ka hawl gala Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn in Wasiir Saleebaan Koore uu subaxii la jarmaado Aadan oo Wasaaradaha iyo Hayadaha ka codsado in wixii Mashaariic ah ee Degaamadaas laga qabanayo la siiyo, isagoo bixinaya damaanad qaad buuxa.

Tan iyo bilowgii bishan Wasiirada Xukuumada Somaliland ayaa waxay ka baqsanaayeen isbedel la sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu Golihiisa ku sameynayo, taasoo bedeshay qaabkii Wasiiradu u shaqayn jireen, iyagoo badankoodu ku jira xamaam urursi.

Somaliland ma ka run sheegtay nidaamka siyaasadeed ee ay qaadatay?

$
0
0

SOMALILAND MA KA RUN SHEEGTAY NIDAAMKA SIYAASADEED EE AY QAADATAY EE AXSAABTA/URURADA BADAN EE SIYAASADDA IYO DOORASHOOYINKA AH EE AYNU KU FAANO. !!!

Qalinkii: Muhamed Dhimbiil

=================================

( Axsaabta Siyaasadda Somaliland ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani ayaa xataa Handaraaban ) !!!.

Dalka Jamhuuriyada Somaliland waxa uu jiraa ilaa intii aynu dib ula noqonay madax banaanida qaranimada Somaliland 27 sanadood oo ah 1991 ilaa 2018.

11 sanadood oo ka mid ah 27 kaa sanadood waxa aynu ku soo qaadanay kacaa kuf badan, dagaalo, nabadeyn iyo dhisme qaran oo dastuur iyo shuruuc, kaladambayn leh sidii loo heli lahaa 1991 ilaa 2002.

Mudadaa gudaheeda waxa aynu kaga soo gudubnay nidaamkii beelaha iyo axdiqarameedkii, ka dib markii aynu dhamaystirnay tiirarkii dawladnimada, oo aynu ku guulaysanay in aynu samaysano nabadgalyo, kala dambayn, calankii, dastuurkii, lacagtii iyo haykalkii dawladnimo.

16 sanadood ee hadhay oo ka mid ah 27 sanadood 2002 ilaa 2018, waxa aynu u guurnay nidaamka isdoorashada iyo axsaabta badan, waxaana inoo qabsoomay lix doorasho oo dadweynuhu codkooda dhiibteen marka laga reebo cod bixintii dastuurka 31 may 2001 oo ku noqoneysatodoba.

Waxa inoo qabsoomay laba doorasho gole deegaan, sadex doorasho Madaxweyne iyo hal doorashada golaha wakiilada ah, halka aanay wali inoo suurto galin in aynu qabano doorashada golaha guurtida Jamhuuriyada Somaliland.

Doorashooyinka aynu qabsanay midina wakhtigii loo cayimay in ay dhacdo kumay qabsoomin oo duruufo dad samee ah ayaa marwalba dib u riixayey oo marwalba dirqi iyo ha lagu kala badbaado marka ay soo gaadho ayaa la qabanayey.

16 sanadood ee aynu ku jirnay nidaamka axsaabta iyo is doorashada xisbiyadii siyaasadeed ee dalka soo maray UDUB, UCID,KULMIYE iyo WADANI, midna gudahiisa si xor ah loogama tartamin, meel meel yar oo hoose mooyaane sida Gudoomiye kuxigeen/Murashax Madaxweyne ku xigeen iyo Xoghaye Guud oo xisbi oo iyaduna yarba mooyaane.

Waxa halkaa ka cad in aanay dhisnayn xisbiyadu oo ay iska noqdeen wax in kooban u afduuban, dushana aynu uga eeg nahay nidaam dimuqaradiya oo xisbiyada iyo dad si xor ah isku doorta ah, laakiin gudahooda hanka, himilada iyo rayiga muwaadiniinta ku jirtaa aanu ka shaqeyn.

Waxa aan tusaale u soo qaadanayaa Somaliland waxa aynu galnay sadex doorasho Madaxweyne oo ay ku soo baxeen sadex Madaxweyne oo qaranka soo hogaamiyey ilaa madaxweynaha maanta jooga, haddaba sadexduba markii ay xisbiga ka dhex sharaxnaayeen midna doorasho xorah kuma soo bixin, oo waa loo afduubay xisbiga iyo dadkii ku jirey.

Laba ka mid ah xisbi xaakim ay ka sharaxnaayeen awgii baa awood xukuumadeed iyo dhaqaale xukuumadeed loogu xidhay in ay kaligood Murashax yihiin, halka loogu qaatay Madaxweyne dhexe oo ka sharaxnaa xisbi mucarid ah laakiin isaga laftiisa aan cidi kula tartamin.

Waxa la mid ah gudoomiyayaasha axsaabta oo aan iyagana cidi kula tartamin murashaxa xisbiga, marka arinkeenu noocaa yahay miyeynu ka run sheegnay waxii aynu xisbiyada u samaysanay?

▪Waxa tusaale nool inoo ahayd in aan Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye cidi kula tartamin oo kaligii loo xidhay Madaxweynaha Maanta ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi wakhtigii shirweynihii lagu dooranayey gudoomiyaha xisbiga ee sanadkii 2014 kii .

Axsaabta Siyaasadda dadkaa leh waxa ay noqon lahaayeen meelihii gudahooga dadku afkaarta iyo doodaha ku soo shiili lahaayeen si xor ah oo xalaal ah looga dhex tartami lahaa, waxa axsaabta gudahooga ka jira ayuun baa muuqaalka siyaasada Somaliland yeelanayaa.

▪Waxa tusaale wanaagsan oo kale inoo ah in axsaabta gudahooga aanu tartan ka dhex jirin , wakhtigii madaxweynaha Somaliland ee maanta Mudane Muuse Biixi ayaa waxa uu ku dhawaaqay in murashax Madaxwayne u taagan yahay bishii Oct 2015 wakhtigaa oo maalmo ka hor loo doortay gudoomiyihii xisbiga kulmiye.

▪ Muuse Biixi waxa uu sheegay in uu la tartami doono Madaxwayne Siilaanyo oo dalku dimuqaraadi yahay , waxa lagu qaaday weerar gaadhay meel halis ah oo rabshado ka abuuray magaalada Hargeisa oo xataa sawirkiisa ayaa la mamnuucay in baabuurta lagu dhajiyo.

Waxyaabahan dadka iyo dalkaba jaah wareeriyey ee marba xisbi loogu yaacayaa ama mid looga baxayaa wax aan jirin wax ay ku kala duwan yihiin aan aheyn kaabado in koobani dhigatay si ay kursiga ugu fuulaan, dadkuna layaab malaha oo waxa ay dhadhansan laayihiin macnihii xisbiyada loo aasaasay iyo noocan ay yihiin.

Xildhibaanada goleyaasha qaranka ee kala duwan ee marba mooshinka la keeno kolb dhinac u yaacayaa hadii ay axsaab dhisan oo mabaa dii iyo siyaasad waxkasta ka leh ka soo baxeen noocaa maynu ahaaneen ee horumar badan iyo hore socod fikriya iyo mid dhismaha dadka iyo dalka ah ayeynu gaadhi lahayn.

Markaa hadii aynaan been isku sheegayn kamaynaan run sheegin nidaamka aynu qaadanay, maynaan dhisin axsaabta siyaasada dalka, inta aynu qaabkan nahay way adag tahay in uu inoo soo baxo qofkii ugu haboonaa ee dalkan iyo dadkan hogaamin lahaa.

Markaa axsaabta siyaasada laftoodaa handaraaban, oo u handaraaban gudoomiyeyaasha axsaabta oo marka ay doorshadu soo dhawaato uun dadka laga furaa si ay ugu codeeyaan horjoogayaashan aynu caqli iyo cilmi aynu iskaga kaxayno garan laanahay ee dadkiina kolba nooc u habeysanaya.

Mar nidaam reereed ayaa la inoo habeynayaa si aynu wax ula doono, mar mid axsaab baa la inoo sheegaa, mar goboleysi iyo degmooyin hadba halkii dantoodu ku jirto.

Nidaamkan isdoorashada ee wakhtiga loo sameeyo (mandate) waxa loo samaystay in qofba meel umada gaadhsiiyo oo la tijaabiyo hadba ka ugu barnaamij aqoon iyo garasho wanaagsan ee loo arko in uu qaranka hogaamin karo.

Waxa aad moodaa in aynu waxwalba u aqbalno cabsi inaga oo is leh dawladnimada aad samaysateen ayaa idinka dumi doonta, laakiin hadii waxa aynu qaadanay aynu ku run sheegi wayno oo min kor ilaa hoos wax xalaal loogu tartamo, rayiga la isweydiiyo laga doodo laga rogrogaa jiri waayaan, oo dad badan oo han iyo himilaba leh maalinba qaybi niyad jabto, taasaa ina duminaysa oo maaha umadu in ay moral ahaan dunto.

Markaa inta aynu sidan nahay ee waliba is mahadinayno wax badan korodhsan mayno, waxaaba xataa suuragal ah in doorashada dambe ee madaxweynaha hadii Alle ina gaadhsiiyo ay ku tartamaan sadexdii Murashax ee doorashadii dhaweyd tartamayey oo isla wadadaa aan sheegay uun soo mari doona inaguna aynaan haysan doorasho kale oo aynu isaga qasbanaan doono.

Aragtideyda

Muhamed Dhimbiil

Image

Get Outlook for Android

Taariikh Hore: Cumar Samatar & Taariikhda Marka La Khaldo

$
0
0

Taariikh Hore: Cumar Samatar & Taariikhda Marka La Khaldo.

Dagaaladii Boqortooyadii Majeerteenka iyo Hawiyaha dhax maray. Cumar Samatar ma waxa uu ahaa Gumeysi la dirir mise Gumeysi kalkaal?

Cumar Samatar Rooble waxa uu ku dhashay magaaladda Caluula,waxaa uu ahaa taliyaha ciidankii Ali Yusuf.

Boqorkii Majeerteen ee ka talinayay deegaanka Hobyo ayaa kula heshiiyay Talyaaniga in uu dagaal la’aan ku soo fido Dhulka Majeerteenka,ayaa wakiilkii Talyaanigu “Mr Trivulzio” waxa uu ka shakiyay dhaqdhaqaaq ciidan oo ku soo jeeda koofurta iyo Ciidamadii Talyaaniga ee “the Corpo Zaptie”.

Dhaqdhaqaaqaa oo Xabashidu gadaal ka riixeeysay uuna hor socdo Taliyihii ciidanka Boqor Cali yusuf oo ahaa: Cumar Samatar, oo ka soo horjeestay heshiiskii Boqortooyadii Majeerteenka iyo Talyaaniga, waxa uuna gacan ka helay dadkii Hawiyaha ee diidanaa Boqortooyasa Majeerteenka, waxa uuna weeraray Magaalada Ceelbuur 9 November 1925.

Dagaal jid gal ahaa ayaa lagu dilay Taliyihii howlgalka Talyaaniga Gaashaanle dhexe : Splendorelli, asaga oo ka soo dhaqaaqay Buula burte kuna dhawaa Budbud , waxaa lagu galay deegaanka Bood.Talyaaniga waxaa shaki sii galiyay Goobta lagu dilay sarkaalka maba eyna joogin ciidamadii Cumar Samatar, waxa halkaa joogay ciidamo deegaan oo aan la jirin labada dhinac ee colaadu ka dhexeysay. kadibna Kaligii taliyihii Talyaaniga xakumayay “Musliini” ayaa amray in Hobyo iyo dhulka majeerteenka oo dhan la qabto awood kastana loo isticmaalo.

Dagaalada Cumar iyo Talyaanigu muddo dheer maba socon , muddo bil ka yar December 26, 1925, ayuu Talyaanigu horay u sii socday Cumar Samatarna wuxuu u baxsady dhinaca xukunka Ethiopia. Boqor xeyle salaase ayaa u magacaaabay 1947 la taliyihiisa arrimaha Somalia, iyo gacantiisa midig, wixii ka dambeeyayna waxaa loo aqoonsaday nin muwaadin ah oo daacad u ah itobiya illaa uu itobiya ku geeriyooday 1961, waxa uuna aad uga soo hor jeeday fikirka somaliweyn iyo Dhaqdhaqaayada gobanimo doonka ahaa ee Somali galbeed.Cumar samatar waxaa loogu magacdaray dugsiga sare ee magaalada Gaalkacyo, waxaa kale oo loogu magacdaray dugsiyo ku yaala dalkaasi Itobiya , waxaa kale oo loogu magacdaray Jaamacad ku taalaa magaalada Adis ababa. waxaa kale oo Cumar Samatar loogu magacdaray waddada wayn ee isku xirta magaalooyinka Hawaash iyo Adis ababa .waxaa kale oo jirta maalin taariikhi ka ah dalka ethopia oo loo yaqaan (three festival freedom)oo lagu xuso Cumar Samatar iyo boqor Xeyla Salaase. Waxa uu noqday taliye ciidamo gaar ah oo la dagaalama Somalida gobanimo doonka aheyd, waxaana loo magacaabay maamule deegaanadda Somali Galbeed.

Talyaaniga waxaa fursad u noqday, Qabiiladii Hawiyaha oo is bar bar dhigay Itobiya iyo Talyaaniga door bidayna talyaaniga, waxaa arrintaa Qabiilada Hawiyaha ku khasbay markii la arkay sida Boqortooyada Majeerteenku ula dhaqantay dhulkii Hawiyaha oo ey qabsatay, ee Bariga deegaanka Habar gidir iyo Murusadaha. Kadibna waxaa Cumar Samatar dagaal kala horyimid Qabiilada Abgaal, xawaadle iyo baadi cade saddaxdaan Qabiil deegaankooda marna ma Qabsan Boqortooyadii Majeerteenku.

Markii uu Cumar Samatar uu isku dayay in uu soo weeraro “Bud bud” oo ah cirifka deegaanka Weceyslaha, Si looga difaaco Boqortooyadii Majeerteenka ee soo fideeysay iyo Ciidamada Cumar Samatar ee Amxaaradu howl galineysay , ayaa dhulka Weceyslaha waxaa laga diyaariyay 4 xerro, oo Ciidamo Deegaan lagu tababaro, waxaana xeryahaa Maddax ka ahaa: Mohamed Afrax Garuun, waxaana Taliye ka ahaa: Fiidoow Qoorey. Xerada ugu weyn waxa ey aheyd “ Siibadii Ceel Cowl” oo hore u ahaan jirtay xarun ciidamadii Ujuuraanka, xeradaa oo markii dambe loo soo raray magaalada Bud bud, ciidamadaa oo ka koobnaa qabiilada Weceysle, Daauuud iyo Ciise Harti, ayaa jabiyay duulaankii Cumar Samatar.

Jabkii Boqortooyadii Majeerteenka, Hogaamiye Kooxeedyo iyo rag kale oo deegaanada Gacan adag ku maamuli jiray , markii laga guuleysatay ee colaadii dhamaatay, ayaa Dadkii isku soo baxeen, waxaana soo baxday Suugaantii ciyaaraha ku caanka noqotay ee ( Goda Gode Godoow galay, Caalin Madax Colaa dilay, Fara cade Finaa dilay, Cumar Samatar waa Go’ay, Cawada Daahiro la soo sheeg oo Dad nin waliba soo qooq).

Hala yaabin in aan isticmaalay magacyada qabiilada, somalidu berriga Qabiilo ayey aheyd, qoraalada Taariikhduna sidaa ayey ugu qoran yihiin. Waan hubaa in qormadaan ey dood badani ka dhalan doonto, Sababta oo ah Taariikhda oo markii hore si khalad ah loo qoray iyo Dadka badankiisa oo aanan Akhrin Taariikhda.

Qore: Yahya Amir
baruda2006@gmail.com

Cabdiweli Gaas oo lacag u doontay UAE+Wuxu ku isticmaali doono

$
0
0

 Madaxweynaha xafiiska kasii tagaya ee Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhowaan Garoowe kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada Puntland.

Gaas oo la aaminsan yahay inuu ku hungoobay inuu Puntland gaadhsiiyo meel sare shantii sano ee uu xafiiska joogay, ayaa hada doonaya inuu kursiga kusoo laabto si uu ula dagaalamo dowlada Farmaajo. 

Madaxweyne Gaas ayaa markii uu ku dhawaaqay musharaxnimadiisa kadib wuxuu u duulay wadanka Imaaradka Carabta ,si uu uweydiisto lacago uu doorashada ku galo.

Dad xogogaal ah ayaa u sheegay Warbaahinta in Gaas uu diyaar u yahay inuu fuliyo qorshooyinka Emirate-ka ee Soomaaliya, hadii ay ka caawiyaan inuu markale kusoo laabto xafiiska.

Cumar Cabdirashiid ayaa dhex dhexaadiye ka ah labada dhinac, isagoo doonaya inuu damiinto Gaas, hadii ay Carabtu ogolaato iney lacag bixiso.

Waxaa laga cabsi qabaa iney usoo deyriyaan madaama dhawaan ay Dubai ka balan qaaday Dowlada dhexe ee Soomaaliya iney joojin doonto faragalinta qaawan, oo ay ku heyso gudaha Soomaaliya.

Hadii uu Gaas wax dhaqaale ah kasoo waayo Emirate-ka waxaa la aaminsan yahay inuusan wax natiijo ah ka keenin doonin doorashada ka dhici doonta Puntland 8da bisha Janaayo.

Kalluumeysatada magaalada Berbera ayaa cabasho ka muujinaya hoos u dhac ay sheegeen in uu ka jiro qiimaha kalluunka, iyaga oo…..


Gabay Xasaasiya oo ka hadlaaya Qarqarax & Dildilaac soo wajahay Isbahaysiga Jeegaanta Somaliland

Meeqaamka soomaalidii hore

$
0
0

Noole kasta oo dunida ku nool waxa aasaas iyo saldhig u ah taariikh iyo isir abuuritaankiisu kasoo bilowdo waana xikmad dabiici ah oo ilaahay swt ugu talo galay.

Dadyoowga iyo Qoomiyadaha dunida ee qaaradaha kala durugsan ku kala nool midkasta waxa uu hanti ahaan u leeyahay sawrac iyo taariikh ay noloshoodu kasoo bilaabantay, tusaale ahaan soomaalida oo kamida qoomiyadaha ku nool qaarada afrika waxay leedahay tilmaamo iyo taariikho nololeed oo markasta la jaan-qaadayay isbadalada xadaarada nolosha iyo xidhiidhka dunida.

Waa mawduuc aad u mug weyn oo aan suurto gal ahayn in qoraalkeygan aan kusoo koobo balse waxaan idinla wadaagayaa Qodob kamida ah taariikhda qoomiyada soomaalida oo ah ” Meeqaamkii ay soomaalidii hore ka mudnaayeen qoomiyadaha kale iyo qaabkii ay ula macaamili jireen ”

Xaqiiqo ahaan qof kasta wuu og yahay dhaawaca weyn ee gaadhay sharaftii soomaalinimo iyo aragtidii ay umadaha kale ka aaminsanaayeen qofka soomaaliga ah xilligan aynu joogno taas oo ay sababeen dhibaatooyin la inoosoo dhoofiyay oo lagu cidhib tirayo ama lagu wiiqayo jiritaankeena umadeed, diinteena,
akhlaaqdeena iyo hab-qadhanka wanaagsan ee bani-aadamnimo,

Hadaba soomaalidu waayadii hore waxay ahaayeen dad qiimo leh oo dadnimadooda iyo jiritaankooda aad u ilaashada kana fikira oo odorasa danta guud iyo ilaalinta amuuraha aasaasiga ah, ganacsiga iyo xadaarada dunidana baal dahab ah ayay kaga jireen taasoo sababtay in qadarin iyo qiimayn gaar ah ay yeeshaan oo dadyoowga kale ee geeska afrika ay ka sareeyaan.

Maalin aan sii fogeyn ayaanu masjid kuwada tukanay nin oday ah oo ganacsade ah oo u dhashay dalka cumaan.

Markii uu na arkey ayuu na weydiiyay inaanu soomaali nahay, markii aanu u jawaabney ee u sheegnay inaanu soomaali nahay ayuu nooga waramay taariikh iyo dhacdooyin cajiib ah oo uu soomaalida kala soo kulmay waxaanu nala wadaagey inta uu ka yaqaanay habdhaqankii soomaalida maadama uu dhowr jeer hawlo ganacsi u tagay dhulalka soomaalidu degto sida uu noo sheegay.

Wuxuu ii sheegay in soomaalidu ay ahaayeen dad aad u ixtiraam badan oo aad isu jecel, waxa kale oo uu soomaalidii wakhtigaas ku sifeeyay dad aamin ah oo aan khiyaamada iyo beenta aqoonin isla markaana aad u ixtiraama heshiisyada ganacsi ee ay dadyoowga kale la lahaayeen.

Ugu danbeyn waxaan xasuusinayaa qof kasta oo soomali ah inuu masuul ka yahay ilaalinta sharafta iyo jiritaanka umadiisa isla markaana uu ka turjumayo ama uu astaan u yahay akhlaaqda iyo sifooyinka laga tilmaansan soomaalida oo idil.

Waxa qorey khalid abdi muhumed

khaalid.bulshaawi@gmail.com

Makkah al mukkarammah

Xuduuda u dhaxaysa Eritariya iyo Itoobiya oo la xidhay iyo xiisad halkaasi ka soo cusboonaatay

The UAE’s active role in Horn of Africa peace-making

Somaliland iyo Somaliya kala lulanmaayaan ee xal ha la keeno

$
0
0

SOMALILAND IYO SOMALIA SODDON SANO KALA LULAN MAAYAANE GARAADKA HALA TUUJIYO OO XAL HALA KEENO LAGU KALA BAXO.
=================================

Somalida gaar ahaan Somaliland iyo Somalia waxa isku dilay oo halkaa kala geeyay saw maamulka dawladnimo iyo wax isku darsigii maaha iyo jacaylkii midnimo doonka? !!!

Jawaabtu aniga haa bay ila tahay sababta oo ah somali diin iskuma haysato dhaqan iskuma haysato ganacsi iskuma haysato qabaail iskuma haysato oo intaasiba waa ay ka dhexeeyaan ilaa maanta, waxii la isaga murgana nidaam lagu kala baxo ayeynu lahayn oo waxwalba lagu maareeyo , ee waxa aynu isku haysanaa siyaasad iyo dawladnimo iyo maamul , waana tii dadka kala dishay taasi.

Oo waxii ka dhashay wax wada lahaanshihii iyo jacaylkii shantii soomaaliyeed ee la isla doonayey waa raad muuqda oo tilmaamaya in aan marnaba dib la isku aaminayn marka aad eegto dhaxalkii midnimada iyo dhacdooyinkii raadadkoogu qoyan yihiin.

Hadii aad aaminsan tahay in reero la isku haystona la iskuma haysto oo hadaad geela reer hebel qaado in geelaaga la qaadayo waad ogtahay, hadii aad dad ka laysana in dadkaaga la laynayo waad og tahay oo dawladnimo horteed baa lagu kala hagaagi jiray taasi, laakiin dhibku waa dawladnimada iyo waxa la wada lahaa iyo waxii ka soo baxay.

Ee inta caqliga laga shaqeysiiyo hadii aanay suuragalayn in shantii somaliyeed dawlad kaliya wada yeeshaan, waxa haboon in qolo waliba halkeeda iimaansato somalinimaduna kuma xidhna dalal iyo dawlado ee waa isir oo wax doorsoomaya maaha.

Somalidu yaanay isku mashquuline aduunyadu waa tartan e , tartankaa haka qayb galaan oo ha dedaalaan meelkasta oo ay joogaan, hadii kale marba cid uun bay daba dhilif u ahaan doonaan aan jeclayn oo danahooga wadin.

Farmaajo inta uu hoos cararayo Abby Ahmed iyo Afawerki waxa u dhaantay in uu talaabo wanaagsan oo Somaliland iyo Somalia sidii ay sifo sharciya ugu kala bixi lahaayeen ka shaqeeyo, taasi baa ka faaiido badan noocan maanta la yahay ee Somalia na aasan tahay Somaliland aanay u ogoleyn in ay dal madax banaan noqoto.

Umada waa loo sharixi karaa in ay faaiido iyo wanaag leedahay Somaliland iyo Somalia oo laba qaran noqdaa oo walaalo ah , somalinimada iyo wax isku ahaantana sharaf iyo qiime mooyaane marnaba lagama yaabo in la qoomameeyo.

Muhiimadu waa in caqligu shaqeeyo oo la saadaalin karo sidee xalka u dhow ee ugu dhib yar ee la iskuna garabsan karaa goobtan aynu joognana hore uga dhaqaaqi karnaa inta aynu isku muuqano ee aynaan waxba isku ogoleyn aduunyaduna way socotaa magac daradeedana waxa leh marba intii sebenka la joogo nool.

Waxa aan ku talin lahaa in aynaan halkan sii fadhiyin mustaqbalka dhow ee la helo xal waara oo lagu wada niyadsan yahay, qolada madaxda ah ee reer somalia ee leh isbadelka geeska ayaanu ka qayb galaynaa , halkee ay maamulaan ee ay heshiis dawlado kale kula galayaan horta ? !!!

Muhamed Dhimbiil

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>