Wasiir culus oo ka mid ah dawlada Ereteriya oo si xun loo dhaawacay
Dadweynaha reer Puntland oo ka soo hor jeedsaday Cabdi Wali Gaas Daawo
Dab Khasaare Ba,an Gaystay oo Ka Kacay Guri Ku Yaala Ceerigaabo
Daawo:Muqaalkii Sanadka 2018
Xaaska Obama oo ka qaaday Hillary Clinton koobka “haweeneyda loogu qadarinta badan yahay Mareykanka”

Marwadii koobaad ee hore ee waddanka Mareykanka Michelle Obama ayaa waxa ay soo afjartay 17 sanadood oo ay Hillary Clinton aheyd haweeneyda loogu qadarinta badan yahay waddankaasi.
Mrs Clinton, oo horay ugu tartantay madaxtinimada Mareykanka, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalkaasi iyo marwadii hore, ayaa kaalinta saddexaad hoos ugu dhacday codbixinta Gallup ee sanadkiiba mar la qabto, iyadoo kaalinta labaad ay soo gashay haweeneyda TV-ga wararka ka baahisa ee Oprah Winfrey.
Boqoradda Ingiriiska ayaa markii 50-aad waxa ay soo gashay 10-ka qof ee ugu sarreeya codbixinta sida ay Gallup sheegtay.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa sanadkii 11-aad ee xiriir ah waxa uu noqday ninka loogu qadarinta badan yahay. Madaxweyne Donald Trump ayaa markii afraad oo xiriir ah waxa uu soo galay kaalinta labaad.
Codbixinta ayaa waxaa la qabanayay sanadwalba tan iyo 1946 markii laga reebo 1976.
1,025 qof ayaa la waydiiyay inay magacaabaan ninka iyo haweeneyda dunidan ku nool ee ay qadarinta weyn u hayaan.

Haweeneyda loogu qadarinta badan yahay
- Michelle Obama – 15%
- Oprah Winfrey – 5%
- Hillary Clinton – 4%
- Melania Trump – 4%
- Queen Elizabeth II – 2%
Ninka loogu qadarinta badan yahay
- Barack Obama – 19%
- Donald Trump – 13%
- George W Bush – 2%
- Pope Francis – 2%
- Bill Gates 1%

Mrs Clinton, oo horay u soo noqotay senator xisbiga Dimuqraadiga ah iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka 2016-kiina u tartantay Aqalka Cad ayaa kaalinta koobaad ka gashay codbixintan 22 jeer oo ay ku jiraan 17 sanadood oo xiriir ah.
Walow Oprah Winfrey aanay weligeed gelin kaalita koobaad haddana waxa ay kaalinta labaad soo gashay 14 jeer.
Haddii Mr Obama uu kaalinta koobaad soo galo sanadka soo socda waxa uu la siman doonaa madaxweynihii hore Dwight Eisenhower kaas oo biladda ninka loogu qadarinta badan yahay ku guulaystay 12 jeer, Gallup ayaa sidaasi sheegtay.
Mr Trump ayaa ilaa iyo haatan ah mid ka mid ah labada madaxweyne ee aanan biladdan ku guulaystay iyagoo xilka haya, madaxweynaha kale ayaa ahaa Gerald Ford.
Gallup ayaa waxa ay sheegtay in codbixintan la qaaday intii u dhaxaysay 3-12 bisha Diseembar
Waraysi lala yeeshay Maxamed Biixi Yoonis
Wasiirkii hore ee arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka hadlay isbedelada gobalka Geeska Afrika ka socda ee uu waddo Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Dr. Maxamed Biixi Yoonis, oo Djibouti ugu waramay weriye Cali-seenyo oo ka tirsan Saab TV, waxa uu ka hadlay shir uu Djibouti kaga qayb galay oo uu machadka Heritage qabtay, waxaanu ugu horayn yidhi “Fursada aanu helnay dadkayaga maanta halkan Isugu yimi waxaanu aad iyo aad u falanqaynay maxaa inooga soo bixi kara hadaynu nahay dadka afsoomaaliga ku hadla, waxaan qabaa hadaan nahay dadka Afsoomaaliga ku hadla gaar ahaan Somaliland iyo Jabuuti iyo Somaliyaba waxa alle ku maansheeyay bado, waxaana dadka inoo imanaaya ay u imanayaan muhiimada ay leedahay bogcada alle inagu beeray taas oo ay u arkaan dantooda ama xag dhaqaale ama dhan nabadgalyo ama horumar iyo khayraadka dalkeena yaala oo ay duruufaha badan ee ku xeeran Iiraan ama Shiinaha iyo Midowga Yurub iyo guud ganacsiga caalamka guud ahaan Maraakiibta ganacsiga oo halkan mara iyo dagaalada ka socda Yaman iyo wax lamid ah inay u arkeen in maanta inay u arkeen bogcadani inay tahay mid aad iyo aad u muhiim ah.
Inaga laftigeenana ay inala gudboontahay in waxii aynu ka faaidaysan karno ee ah danteena iyo dhaqaalaheena, laakiin waxaad la socotaa in dadkii shirkan isugu yimi ay la socdaan in Somaliland iyo Somaliya laf dhabar wax alle iyo waxa ka dhacaaya Geeska Afrika iyo dhibaatada ka dhex taagan labada dal iyo nabadgalyo darada ka jirta Xamar in aan wax badan inoo suurto galayn.
Arinkan laga hadlaayo ee la leeyahay is kaashiga ganacisga waa mid fiican cid diidaysaa ma jirto hasa yeeshee sida ay maanta Soomaali tahay wakhti dheer ayay ku qaadanaysaa, wadamadan aynu jeerka nahay ee Itoobiya iyo Eratariya wakhti dheer ayay ku qaadanaysaa waa iska laab la kac, waana dano aanay siyaasadi ka madhnayn, waxaan aaminsanahay in Somaliland iyo Somaliya aan arintooda la xalin in aanay wax badan ka qabsoomayn Geeska Afrika.
Waxa jira heshiisyo uu raysal wasaaraha cusub ee Itoobiya la galay Eratariya iyo Somaliya, ma u hirgalayaan haddii uu jiro khilaafkii Jabuuti iyo Eratariya?
Waxaan qabaa saddexdan wadan ee isku tagay haddii ay taladoodu tahay saddexdeena ayaa wax wada qabsanayna waxbadan oo ka soo baxayaa in aanay jirin ayaa aniga ii muuqata, Jabuutina waa dad Soomaaliyeed waa dadkeenii oo waa kuwo waxtar badan u gaystay gaar ahaan Soomaaliya, walina aanay dhamaan nabadayntii Eratariya iyo Jabuuti oo xuduudo laysku hayo, haddii Somaliland iyo Jabuuti talada lagu dari waayo wax ka soconayaa runtii ma jirto, waxay noqonaysaa warqad qalin lagu saxeexay, shuruucdoodii ma dajisna oo wadano isku dheeli tiran maaha oo maanta wax wada gali kara.
Imika Somaliland iyo Itoobiya haddii aynu ka soo qaadno waynu leenahay ganacsi laakiin maaha mid isku dheeli tiran inta badan inaga ayaa qaadkoodu inoo yimaadaa 700 oo malyuun oo doolar ayaa lagu tilmaamaa inay sanadkii Itoobiya inooga tagto, waxa ka yimaada sibidh iyo qudrad,maanta wax aan sheegi karno oo xageena ka tagaa ma jirto dabcana Somaliland waa rin u yaala in dib laysu eego oo aynu ku dadaalno sidii laysugu dheeli tiri lahaa, Jabuuti waa kadinka ugu weyn ee Itoobiya isticmaasho, waana laga yaabaa hadii ay heshiiyeen Eratariya in ay Itoobiya badaha Eratariya isticmaali karto iyaga laftigooduna ay u arkaan in aanay beedkooda meel kaliya ku wada ridin meelo badan wax ka qabsadaan, waanad arkaysaa inay Berbera laftigeeda ay doonayaan inay wax ka qabsadaan oo ay saami ku darsadeen, ilaa imika Jabuuti ayay isticmaalayaan mudaanay jiraysaa,markaas Somaliland iyo Jabuutiba aad iyo aad ayay Itoobiya ugu baahantahay, Somaliland waxaan aaminsanahay inay tahay dal aan indhaa laga qarsan karin.
Waxa ugu weyn ee shirkii ka soo baxay ee inaga iyo Somaliyaba guusha inoo ah in dadkii isugu yimi ee shanta gobal ay arkeen in Somaliland ay tahay muhiim, wada hadalada Somaliland iyo Somaliyana laysku afgartay in dhaso loo bilaabo oo laysku wada raaco,madaxweyne Ismaacil Cumar Geelana waxaanu leenahay inaad arinkaas gacan ka siisyo.
Barigii hore wada hadalada Somaliya ayaa dooni jirtay Siilaanyo ka hor ,maanta dhinicii kale ayay noqotay oo Somaliland ayaa doonaysa maxaa isbadalay?
Waligayo waanu jeclayn in wada hadal lagu dhameeyo, waanad ogtahay aduunka dadka xurgufi ka dhaxayso ama doonaya inay kala tagaan ama wada joogaan wada hadal ayay ku dhameeyaan,waad la socotaa anigu waxana ahaa wasiirkii hogaaminayay wada hadalada waxaanu u arkaynay in aanay dhanka Xamar ka run ahayn,run ahaantiina wax waaweyn oo midho dhal ah kamay soo bixin. Somaliya hadaanay doonayna wada hadalo wax aanu u riixnaa ma jirto laakiin waxaanu aaminsanahay in ay wax iskaga kaaya xidhan yihiin oo wada hadalada aynu ku wada gaadhi karno xal.
Intii uu raysal wasaaraha cusubi Itoobiya yimi maxaa iska badalay xidhiidhkii Somaliland iyo Itoobiya?
Dadka qaar waxay u fasirayaan in Abiy Axmed uu doonayo in dawlada Somaliya midnimadeeda la ilaalinaayo laakiin anigu ma qabo aduunkuna waa dano Itoobiyana dan weyn ayay ku qabtaa Somaliland kaadhadh badan oo ay ciyaari kartaa way jiraan, Somaliland way ku dadaalaysaa cilaaqaad wanaagsan horena cilaaqaad wanaagsan ayaanu la lahayn dawlada Itoobiya imikana aanu la leenahay, waxaan qabaa in goor ay noqotaba ay Somaliland iyo Itoobiya ay isku iman doonaan oo ay ka wada hadli doonana danaha ka dhaxeeya waad ogtahay oo dekedii ayay xiisaynayaan oo lacag badan oo Somaliland ka timaadaana waxay tagtaa Itoobiya, waxaan filayaa inay danteeda eegayso oo aanay Somaliland ahayn wadan sidaas lagu ilaabi karo.
Doorashooyinkan dib u dhacay siyaasiyan maxay ku keeni kartaa Somaliland?
Somaliland waxay ku caano maashay oo lagu yaqaanay inay doorasho
samayso,doorashooyinka aynu samaynayna waxay inoo keeneen karaamo iyo sharaf waxa nasiib daro ah in baarlamaankeenii uu maanta maraayo dhawr iyo toban sanadood caqabado badan oo maanta haystaana way jiraan ama saami qaybsi ama komishanka dabcan dib u dhac kasta oo inagu yimaadaa waa uu ina wiiqayaa, waa in dhakhso loo qabto doorashooyinka oo casharkaas aynu caalamka tusnay in aynaan lumin arinkuna noqon mindi mindi ku taag ee xal la raadiyo waara oo ka dhaxeeya dawlada iyo asxaabta.
Source Geeska Africa
Magacaabista Turkiga ee Ergeyga Gaarka ah ee wadahadalada Somaliland iyo Somalia Ambassador Olga
Turkigu wuxuu ka mid ahaa boqortooyooyinkii u horeeyey ee Soo Xukumay Dalka Somaliland waqtigii Dowladii Cusmaaniyada.
Waxaanu Raadkii Dowladii Cusmaaniyadu si weyn uga Muuqdaa dhamaan Dalka Somaliland khaas ahaan Dhulka Xeebaha ku Teedsan. Arintaasi oo muujineysa in Taariikh facweyni ay ka dhaxaysay Somaliland iyo Turkiga.
Waxaase lama filaan Noqotay ka dib markii Turkigu si weyn isugu balaadhiyey Geeska Africa khaas ahaan Somalia oo uu ka sameeyey Qaacidada Milatary ee ugu weyn Ee uu Dalalka Dibada ku leeyahay, isla markaana si Hagar La’aan ah uu u dhisay Somalia, Isagoo Somaliland u quudhi waayey in Xataa Sakada uu Somalia ku dhiso in uu Somaliland oo ah Dal boqolkiiba boqol Muslim ah in uu wax uga Qoondeeyo dhaqaalaha faraha badan ee uu ku bixiyo Somalida. Asagoo Xataa Tahli kari waayey in Uu Dabaqabateeyo Raadkii Xadaaradii Faca weyneyd ee Boqortooyadii hore ee Turkiga oo iminka sii Dabai go’aysa.
Arrintani waxay Daaha ka rogeysaa sida foosha xun ee Turkigu ugu kala Eeexday Somaliland iyo Somalia, dhinaca Horumarka iyo Siyaasadeed.
Hadaba la yaab ma ah in Turkigu iska fogeeyo Somaliland haduu u arkay in aanay Somaliland uga fulaynin Siyaasada Turkigu ka leeyahay Badda Cas iyo Gacanka Carbeed oo Hirdan adag oo Siyaasadeed iyo Milatari uga dhaxeeyo Wadamada Khaliijka oo ay Somaliland Gacan Saar leeyihiin iyo Dowlada Turkiga.
Waxaase la yaab leh in Turkiga oo ku Guuldareystay in uu Sakada uu bixiyo uu ugu Cadaalad falo Somalia iyo Somaliland, in uu hadana maanta isu soo sharaxo in uu ka Garnaqo arinta Masiiriga ah ee ka dhaxaysa labada Dal ee Somaliland iyo Somalia , Ayadoo waliba Umadda Reer Somaliland ogsoon yihiin Mudadii dheereyd ee uu Turkigu Gacanta ku Hayley arrintan, in uu si xun u shirqoolay Somaliland Indhaha Dunidana ka qariyey oo God dheer la galay Qadiyada Somaliland. Isla Markaana fulin kari waayey go’aankii kali ahaa ee mudadaa dheereyd ka soo baxa wada hadaladii uu hormuudka ka ahaa Turkigu ee ku saabsanaa arintii Maamulka Hawada oo Somalia markii Dambena ay ku Gacan saydhay Heshiiskii laga gaadhay arintaasi .
Muumin laba Jeer God lagama wada Qaniino.
Alla Mahad leh
Ali Mahamed Waranade
Sent from my iPhone
C/weli Gaas oo puntland ka mamnuucay Madaxda Xukumada Farmaajo
Xildhibaanad ka tirsan Barlamaanka S/land oo Gabay ka tirisay Miisaaniyad Xukumada Muuse Biixi Jiidhsiisay+Tacsi ay u dirtay Shacabka+Sababta
Muwaadin Muuse Biixi uga Haajiray Hargeysa & Ceerigaabo+Waxa kelifay
Wariye Aadan Cabdi Ciidle oo Dhaliilo Culus U Jeediyay Madaxweyne Muuse Biixi
Waa sidee dalxiiska xeebta Batalaale ee magaalada Berbera? Daawo
Qoraalkii Sanadka 2018-ka & Xafiiskuu ka soo baxay+Wuxu daaraa!

Old friends celebrate Somaliland connection at lunch – Henley Standard

A PHILANTHROPIST and former foreign minister of Somaliland had lunch in Henley as part of a friendship arrangement.
Dr Edna Adan Ismail, a British-trained nurse and midwife who founded a hospital in the republic’s capital Hargeisa, was greeted at Leander Club by members of the Henley Borama Friendship Association.
She was in Britain to collect an honorary doctorate from London South Bank University and was accompanied by Rhoda Ibrahim, the director of the Somali Advice and Forum of Information.
Dr Ismail spoke about the hospital, which opened as a maternity unit in 2000 with only 26 trainee midwives but now delivers thousands of infants every year.
It is also a university teaching hospital with 1,500 students, of whom almost three-quarters are female, learning a range of subjects including medical science, midwifery, dentistry and nutrition.
Dr Ismail hopes to open a teacher training school and is currently seeking candidates who can lecture in teaching skills in English.
She has known the association’s president Brig Malcolm Page for many years as she provides care for veterans of the Somaliland Scouts, the army unit in which he served. It was this connection which prompted him to launch the association in 1983.
Brig Page regularly donates old-fashioned nurses’ watches to the hospital and these are given as prizes to the best performers.
Dr Ismail, 81, said: “It’s a pleasure to see a good friend of many, many years who has been a great supporter of the hospital and of Somaliland both before independence and since.
“His donations of watches are a strong emotional link to my own training in Britain and is a wonderful way to recognise nurses’ efforts. The friendship between Henley and Borama is long-standing and important so I am also pleased to be back in the town for the first time in several years. We cherish the connection and wish to sustain it as long as we can.”
Brig Page said: “I’m delighted and so proud that she has come to see me while staying in England. I don’t like to consider her an ‘old’ friend but certainly a well-established one!”
Somaliland is an autonomous region and self-declared state in Somalia which was formed in 1960 after it ceased to be a British protectorate.
Source Henleynews
Tirada dadka tahriibka ku soo galaya Ingiriiska oo sare u kacday.
Hoygii Rooxaanta iyo dhiiga jecel (Muqdisho) 1991-2018 Q.3aad
Hoygii rooxaanta iyo dhiiga jecel (Muqdisho) 1991-2018 Q.3aad
Qalinkii Cabdi Caawiye
Maqaaladani waa qurubyo ka mida 91 maqaal oo lagu magcaabo hoyga rooxaanta dhiiga jecel oo si balaadhan u iftiiminaaya dhibaatada haysata dadka Muqdisho iyo in cida Ku haysaa ay tahay hadba cidii u talinaysay 30 kaa sanno.
Hurintii Maanafeesto ayaa u isbiday oo dooeatay Madaxweyne KMG ah Cali Mahdi, hase ahaatee waxaa doorashadii Cali Mahdi ka soo horjeestay Gen. Caydiid, isagoo sabab ugu dhigay dhismaha dowlad KMG in marka hore la qabto shirweyne lagana soo qeybgeliyo ururada hubeysan gaar ahaan SNM, SSDF iyo kuwo kale waxaana halkaasi ka dhashay khilaafka iyo qaran jabka maanta aan taaganahay.
Qoryihii Qaranka ayaa u gacan galay shacab mudo 21 sano la af hayey, ciidamadii qalabka siday oo la kala diray dhamaan arimahaasi waxaa ka dhashay in la uur falo wixii aan Hawiye aheyn ee magaalada Muqdisho ku haray iyo dadkii kale ee awooda laheyn, godobtii xiligaasi la galay iyo wixii ka horeeyayba waa hadhacii ay inoo beereen maamulkii Siyaad Bare iyo Jabhadihii hubeysnaa oo shacabka ka filayey in ay keeni doonaan raxmad ka roon tii la riday.
Kumuu ahaa Cali Mahdi?
:::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::
wuxuu ku dhashay tuulada Cadowuul oo ka tirsa shabeelada dhexe ee magaala madaxda Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1938. Cali Mahdi wuxuu wax ku bartay iskoolaadkii Xamar ka jiray. Cali Mahdi 1959 ayaa Qaahira u aaday waxbarasho . Cali Mahdi wuxuu fursad u yeeshay in uu xubin ka noqdo baarlamaanka Somaaliya sanadkii 1969, asagoo noqday qofkii ugu dhalinyaraa ee xubin ka noqda baarlamaanka Soomaliyeed.
Kadib markii uu dhacay inqilaabkii Dawladda shicibka aheyd ee wadanka la wareegay Xooga Dalka Somaliyeed, Cali Mahdi wuxuu dib ugu laabtay shaqadiisi wasaaradda Caafimaadka, halkaas u ku gaaray jago Agaasime Guud. Sanadku markuu ahaa 1977 Cali Mahdi wuxuu ka ruqseeystay shaqadii Dawladda wuxuuna u wareegay ganacsi. Cali Mahdi muddadii u dhaxeysey sanadihii 1977-1990 wuxuu noqday nin lagu tiriyo ganacsatada ugu waaweeyn ee wadanka soomaliyeed.
Sanadahii 80’s Cali Mahdi iyo aqoonyahaano Soomaliyeed aya waxaa asaasay urur odoyaal ah “Manifesto” oo waraaq lagu codsanaayo in wax looga bedelo siyaasadda Soomaliyeed u diray madaxweeynihii wadanka ee markaas Maxamed Siyaad Barre.
Kadib burburkii Dawladda Maxamed Siyaad Barre, sanadka markuu ahaa 1991, ayaa Cali Mahdi loo magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya. Muddo gaaban kadib waxaa bilowday dagaal sokeeye oo ka dhacay magaalada Muqdishu oo eey isaga hor yimaadeen qeybo raacsan Maxamed Farax Caydiid kaasoo diidanaa Cali Mahdi iyo kuwo difaacay Cali Mahdi.
Cali Mahdi wuxuu xilkii madaxweynenimada ku wareejiyey shirkii ka dhacay magaalada Carta ee wadanka Jabuuti sanadka markuu ahaa 2000.
Cali Mahdi sanadkii 2007 wuxuu abaabulay shir nabadeed belaha Somaaliyeed la isugu keenaayo . waxaa jiro waxyaabo badan oo wanaagsan oo u qabtay shacabka
Lasoco qaybaha dambe
Qalinkii Cabdi Cawiye
+252634115877
Somaliland needs National Economic Reform before it is too late
Somaliland needs National Economic Reform before it is too late
According to economic growth rules, whenever a government experiences an economic system collapse or a prolonged economic crisis, an immediate economic reform strategy is to be introduced. At this economic state that Somaliland is within, we need a well designed National Economic Reform; which sets an economic policy, and the direction for economic growth. An economic reform which identifies strategies, decisions, programs, and projects to improve the economy; that covers the best systems for setting levels of taxation, government budgetary policy, money circulation management, labour market, local production booming, alternatives to increase country export capacity, and many other areas of government economic interventions to reach prosperity and rapid economic growth.
Our country was described as the fourth-world country dying for poverty and unemployment rate, with zero economic development and lack of international cooperation In terms of its economy. As we know, the livestock plays as the key driver where over 50% of our population were living in the rural area as nomads, depending directly on livestock and livestock products for their livelihoods; and other certain percent of the urban people depends indirectly on livestock trade processes.
As we know, about 60% of the livestock in Somaliland died during the last 5 years because of the recurrent droughts Somaliland faced in those years. These natural phenomena caused thousands of families of the nomad people loss their herds completely; gathering in unrecognized IDP camps around the villages and towns of Somaliland. Other thousands of nomad families are still in the rural areas with very few heads remained for them; not enough to sustain their survival.
It is likely that other droughts may come in the future to a level that the remaining less than 40% of the livestock will be driven out by the droughts; and livestock is the only item Somaliland exports to the outside world, and it is the most important hard currency source of income for the country. In that sector we need future-oriented strategic design principles that Its foundations lie in the analysis of external and internal trends and data, which enables to make the right decisions that can overcome these threatening phenomena to destroy our only export item–the livestock
Approximately half of the government’s annual budget is often spent in salaries, in the different security and law enforcement departments to maintain law and order in the country, and some minor acceptable administrative expenses. But the remaining half of the government’s budget is often prepared as a purely technical assemblage opening for corruption and a large-scale theft of public owned money. The institution responsible for preparing the Government National Budget together with the authorizing and approving institutions make it easy for their officers to steal the poor people’s paid taxes, through very lax, very general, non-specific and so much lump sum budget allocations.
That lump-sum budget based techniques leaves a great deal of discretion to the institutions’ authorized officers for expenditure; and causes very high percentage of frauds, thefts, corruption, personal own purchases, and many other wasteful use of the government budget draining millions of dollars every year. Along with the above mentioned problems, the government’s failure to fight against inflation becomes another setback and a socioeconomic problem to the government’s budgeted revenue. This intentional inflation epidemic, which is deliberately nurtured by the government and some few rich people; affected the livelihoods of the common people particularly the poor population in the rural and urban; causing thousands of families to become penny less not affording to feed their children .
The sharp decrease of the country’s livestock quantity, Saudi Arabia’s import ban imposed on the livestock from Somaliland, the misappropriation of the foreign donors provided funds, the very high percentage of fraud, theft and corruption within the government revenue and budget spending mechanism, and the problems of the hyperinflation, together affected the economic perspective of the country causing the state’s economy to collapse; diminished the income earnings of most of the community; and hardened the living conditions of the people. The unrecognized status is also preventing the country from dealing and interacting with the international community, international monetary institutions and foreign investment arrangements.
According to all these realities on the ground, every healthy minded citizen who knows something about the monetary policy which concerns the management of demand and supply of money in circulation, and the fiscal policy which deals with the taxing & revenue collecting systems and the government spending actions; understands that it is time to set a broad national economic reform for Somaliland to save the lives of the common people, to make the misery index of the people go down from this below the belt level, to create employment opportunities for the young somalilanders to realize their potentials, so they do not go out of the country to be humiliated, to save the lives of hundreds of thousands in the IDP camps with nothing to live on, and to make the country’s economy grow gradually.
Economic reforms are being undertaken and preceded almost throughout the developing world today. It is argued that the economic reforms are guided by standard rules dictated by the international monetary organizations like IMF and the World Bank. But with my little knowledge concerning an economic reform, I believe their PFM model is an unrealistic portrayal to most developing countries including our country. While it is important to attain and maintain fiscal discipline that their model holds; but every country has its own approach according to its circumstances, emphasizing not to prolong the process and to yield the desired results. The main objective of the economic reform we need is to improve the economy and social well-being of our people; and the goals that it seeks to accomplish are:
To maintain a sound economic policy
to enjoy with stable prices and money exchange rate
To encourage investment and job creation
to increase employment rate
To introduce a better mechanism for the allocation and distribution of the national budget and national income resources,
To improve and empower the national productivity in the agricultural and industrial sectors,
To restructure the ways our rural population manage their livestock, introducing a better way of dairy farming which is more secure, much productive and more profitable
To set the guidelines and implement the worldwide growing movement known as “Local Food” which is a policy empowering the farmers to grow and produce much local food selective expansion commodities and encouraging the consumers to buy the locally produced food items
To come up with a policy designed to make use of the demographic dynamics of the country which are favourable to create much economy derived from the country’s geostrategic location
And lastly to reduce the poverty level of the people and accelerate the country’s economic growth.
An economic reform developed by a country comprises policies directed to achieve improvements in economic efficiency, either in individual sectors of the economy or by reforming economy-wide policies. I believe Somaliland has the chance to make this national economic reform possible; if the government is ready to begin this reform to itself by selecting and appointing the right person for the right responsibility. The interrelated economy and finance sectors need qualified professionals with 20/30 years experience, independent with their decisions, empowered with the availability of the resources needed and the government implementation of their strategic plans. It is the president who has the authority to select well experienced finance managers and economists and delegate them to the finance institutions. These can analyze and study all economic and finance standing problems; they can set and produce a multidimensional national economic reform framework; they can amend all undesirable procedures and make all adjustments and inclusions appropriate to achieve the desired economic reform we need.
Adam Ali Younis
E-mail: aayonis@hotmail.com
Boobe Oo Si Qotodheer Uga Waramay Qaabkii Loo Aasaasay Golaha Guurtida Somaliland
Qaraarka Maxkamadda G/Maroodi-Jeex eey Dugsiyada Nuraddin kaga mamnuucay inay Daabacaan Kutubta Manhajka waynu ixtraamaynaa
Qararka Maxkamadda G/Maroodi-Jeex eey Dugsiyada Nuraddin kaga mamnuucay inay Daabacaan Kutubta Manhajka waynu ixtraamaynaa
Sida muuqatta, Dugsiyada Nuuradin waxa lagu haystaa waxaydin ku xad-gudubteen Xuquuqda Baahinta (copy Right) ee cidda kutubta daabacadaa gaarka u leedahay. Suaal: Maxay maxkamaddu u sheegi wayday cidda lagu xadgudbay.

· Ta labaaad, Maxkamaddu may sheegin cidda mudiciga ku ah Nuuradddin ee kiiska xaraysay . Ma Wasaaradda waxbarashadaa mise waa qoloda qandraaska ku haysatta daabacaadda Kutubtta manhajka, mise waa cid kale oo sadexaad.
· Haddi aanay sharikadda qandraaska ku haysata daabacaadda Kutubta manhajku iyadu ahayn Mudiciga kiiskan, wasaaradda waxbarashadu ma noqon karto muduci. Sababtuna waa cadaan: Nuuraddinn markay daabaceen kutubta wax dhibaato ah (damage)
imma khasaare ah ( loss) umay gaysan wasaaradda waxbarashada. Xaq wasaaradda ka maqan oy ku dacwidaa Meesha ma yaallo.
· Maxkamadda Maroodi-jeex inoomay sheegin cidda loo ogolyahay inay daabacaan kutubta manhajka Somaliland (mar hadii Nuudadiin laga mamcuucay yaa kale loo ogolyahay). Ma wasaaraddaa daabacaysa, ma dibaddaa laga keenayaa mise cid loo qoondayay ( loo la magac dhabay) ayaa xaq u leh daabacadda kutubta.
· Maxkammadda Maroodi-Jeex waxa kale oo ay il-duuftay inay caddayso in daabadaadda kutubta manhajku cid aan wasaaradda ogolaanso ka haysan ay ka mamnuuc tahay .
· Qoraalka Maxkamaddu uu ka baxsanyahay habkii lagu yiqiin qaraarka maxkamadaha. waxaad moodaa inay makamaddu wareegto (memorandum) qaybiyinayso.
Xasasn Cabi Yuusuf
Riyadh Saudi Arabia
hassan_ayousuf@hotmail.com
Xasaasi:Sababaha Maxamed Bin Salmaan ku jeclaadey Israel
Dhaxal Sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan waxa uu aaminsan yahay in Israel ay meteleyso dal aan Carab ahayn oo muhiim u ah sida aragtidiisa ah in gobolka is dhexgalo, waxaa qortay jariidadda Jerusalem Post.
Bin Salmaan waxa ay isaga u tahay, isaga oo dareensan xiisadda taariikh ahaan kacsan ee gobolka, in Israel muujisay iyada oo adeegsaneysa awoodeeda iyo go’aamadeeda ka dhanka ah cadawgeeda, in ay tahay saaxiib la’isku haleyn karo marka uu la tacaalayo cadawgiisa.
In dalka sidaas u yar badbaado isaga oo ku dhex jira dagaal heerka xagjirnimadiisa aad u sarreeyo ee uu kala kulmo quwadaha dariska la ah waxa ay horseeday in ay Carabtu marna jeclaadaan, marna naceyb u qaadaan Israel.
Bin Salmaan, oo ah mid waaqici ah, waxa uu jeclaaday ruuxiyadda dowladda Yuhuudda, waxa uuna raadinayaa qaabab uu isugu xiro awoodaas oo uu uga faa’ideysto siyaasaddiisa ku salaysan naceybka, iyo aragtida siyaasadeed ee Islamka ee gobolka.
Taas waxaa dheer, in uu jiro dareen lagu jeclaaday Yuhuuda, sida uu aaminsan yahay Bin Salmaan, oo ah in dowladooda ay tahay midda kaliya ee Bariga Dhexe ee haysata rikoor ay uga guuleysato cadawgeeda xataa haddii ay ahaan lahayd adeegsiga weerarro iyo cudud Militari iyada oo aan dhag u dhigin cambaareynta caalamka. Duqeymihii ay dhawaan ka gaysatay xarumaha Iran ee dalka Suuriya iyo dagaalkii lixda cisho ayaa tusaalooyin muuqda u ah.
Sida ay leedahay Jerusalem Post, aragti kale ayaa ah in xiriirka saaxiibtinimo ee Sucuudiga iyo Israel ku koray in uu sabab u yahay Ra’isul Wasaare Benjamin Netanyahu. Netanyahu waxa uu ku guuleystay in uu bedelo sumcad xumadii uu ku lahaa caasimadaha Carabta ee uu abuurtay sagaashameeyadii, halkaas oo looga arki jiray mid aan la’isku halayn karin, khalkhal badan, kana tirsan midigta fog ee xagjirada ah, waxa uu noqday hoggaamiye la’aamini karo.
Jerusalem Post aya atiri “Waxaa xaqiiqo ah in Netanyahu kasbaday xushmad weyn oo uu ka helay hoggaamiyeyaasha Carabta oo uusan helin Ra’isul Wasaare kale oo Israel ah 70-kii sano ee u dambeeyey”
Go’aanada adag ee uu Netanyahu ka istaagay Sunniyiinta iyo Shiicada iyo sidii uu diyaarka ugu ahaa in uu iska caabbiyo cadaadiskii Mareykanka xilligii Obama ayuu ku helay xushamadda Bin Salmaan.
Dhaxal Sugaha waxa uu sidoo kale u riyaaqay is bedelka aan ku imaan Netanyahu, oo taageero u muujiyey Bin Salmaan, xilli uu qudhiisa wajahayo cadaadis uga imaanaya Mareykanka iyo beesha caalamka kaddib dilkii Khashoggi.
Kalgaceylka uu Maxamed Bin Salmaan u qaaday Israel iyo Ra’iisul Wasaareheeda, waa dareen xooggan oo uu kaga aargoosanayo Turkiga iyo Siyaasaddiisa Islam-ka ku wajahan xilli uu doonayo in uu qaboojiyo cabsida ay Iran ku hayso Sucuudiga, taas waxa ay u muuqataa mid Bin Salmaan ku dhiirigalineysa in uu hore u sii wado oo uu sii raadiyo qaabab uu ku dhiso xiriir