Muuse Biixi oo si adag uga hadlay Ciidamo hubaysan oo dagaal isku hor fadhiya Awdal,kuna hanjabay inuu talaabo Ciidan ku fulin doono
Suldaan Reer Awdala oo taageera Xisbiga Kulmiye oo Boqor Buur-madow Weerar Afka ah ku qaaday
Xisbiga Waddani oo Qareenno u qabtay…..
Muxuu Muuse Biixi u khaarajiyay Jaamac Shabeel iyo Abdilahi Geeljire

Muxuu Muuse Biixi u khaarajiyay Jaamac Shabeel iyo Abdilahi Geeljire
Sida aynu la socono markii uu Siraanyo Madaxwenaha noqday sanadkii 2010kii intaanu Golihii Wasiiradaba magacaabin waxaa kaladhka iska laaladiiyay Muuse Biixi oo yidhi “Soo wareeji Gudoomiyanimada xisbiga”
“Waar Dawlada ha dhiso ee waqti sii oo yara sug” “Ha ka yaabin, wuu igaga murmayaa imikadaa ha soo wareejiyo” Waxaa sidaa ay Muuse Biixi u wada hadleen Abwaankii Gaariye (ARR) oo afkiisa nooga sheegay.
Sidaas ayaanu Siraanyo si bilaa shuruudo Xisbigii ugu ku wareejiyay.
Nov 2017 kii waa kii Muuse Madaxweyneha noqday ee ku fadhiistay kursigii uu u soo maray wadadii denbiga iyo godobta badneyd..!!!!
Hadaba sidey doontaba sababtu ha ahaatee ilaa hada may dhicin mana muuqato cid Beesha H.Jeclo ah oo Muuse Biixi ku dirqida inuu isna xeerkii maro, oo uu Xisbigii xeradiisa ka soo saaro !!
Lakiin hadana waxaan meesha laga saari karin in H.Jeclo ay rabaan in Gudoomiyanimadii Xisbiga Kulmiye ayay gacantooda ku soo noqoto. Muusana taa ma rabo oo talada uu meel ku guntaday waa inuu Madaxweynanimada Somaliland iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiyeba ay gacantiisa ku jiraan ilaa inta uu aakhiro u guraayo ( Hubaal inay taasi meel u taalo).
Dabcan damacaa Muuse Biixi iyo doonista H.Jeclo waa hubaal inay maalin uun isku qarxayaan.
Waa barta barta ay u dhinteen Jaamac Shabeel iyo Abdillahi Geelire, waayo waxay si toosa ula safan lahaayeen ninka H.jeclo ee ku soo tala gala inuu Muuse Biixi ku yidhaahdo ” Gudoomiyanimada Xisbigu way kugu raagtaye soo wareeji”.
Sida labadan ee Kulmiyahanada waaweyn ahaa loo khaarajiyay ayaa sidoo kale naafo looga dhigay in Beesha H.Jeclo ay Xisbiga Kulmiye soo hadal qaado… Markhaatiga u weynina waa Maxamed Kaahin oo laga dhigay Wasiir iyo Afhayeenba.
Taasu Ina Cabdi Dheerena Baqal u soo fuulay ( Kaarta Yare).
Waar hidhka barta.
Allow eex maan tiraabin ee aqoon ha igu cadaabin… Aamiin
Osman Omar Dool
Maansooyinka cajiibka ah ee suugaanta Abwaan Xasan Geney Q2aad
Maansooyinka cajiibka ah ee suugaanta Abwaan Xasan Geney Q2aad
W/Q Cabdi Cawiye
Wuxuu ka hadlaayey xaqiiq ilaa maanta taagan Abwan (Xasan geney) waxaad moodaaba inuu maanta inala hadlaayo.
Magaca maansadu waa BOOTADA AAN LOO SAHAMIN
Wuxuu ka hadlayaa dhawr waxyaabood oo bulshadeena ilaa maanta gaabis ka dhigay sida:-
Qabyaalada.
Qaadka.
Dhulka la kala sheegtay ee xoolihii loo diidey
Ma shaqaystaha shaxaadka ku nool.
Qurbe u baqoolka.
Dhaqan biiska dhinacyada xiiran.
iyo bilista akhlaaqdii ka tagtay.
Bulsho diidday dhaqankeeda
booliyo ka dhigay tuulo
Bissmilaahi odhan weydey
Shisheeyaha u boholyowda
Barashada cid kale kooda
Bootada aan loo sahamin
Barta lagu furaan eegi.
Boqole aan shaqaynaynin
Isagoon bukaan jiifin
Balwad iyo hurdo u leexday
Gabadhiisu biil siiso
Baahina u weel qaatay
Bogashada calooshooda
Barta lagu furaan eegi.
Beelahay agaa guura
Baylihiya maalkooda
Dhulka baarax loo diidey
Beeraha la kala seestay
Baad xoolo laga ootay
Haddii ay bedeliweydo
Berri waxay heshaan eegi
Bilisdiidey midabkeeda
Quruxduu ilaah bixiyey
Hiddahoodii baabi’iyey
Beri hore xayihii tuuray
Buufimada laga doortay
Baacsiga asaagooda
Barta lagu furaan eegi
Barbaar shaniyo tobban gaadhin
Barqo duubtay geedkii be’
Baaldacar ka dhuubnaaday
Baalaha timaha xiirey
Foodana in badan reebtay
Cimrigooda boobaaya
Baryuhuu jiraan eegi
Ummadii bislaan weyda
Gobonimada bili weyda
Baal degin asaggeeda
Midnimada boqnaha goysa
Qabiilkana u tuma buunka
Geedigay dib uga baaqday
Barta lagu furaan eegi.
Xuquuqda qoraalku waxay u dhawrsantahay qoraaga
W/Q Cabdi Cawiye Ismacil Guntigaab
+252634115877
Hargeisa Somaliland
Investors Are Helping Put Somaliland on the Map
Abwaanada Ugu Da’da Weyn Somaliland oo Si Adag Uga Hadley Xaalada Dalka, Fariina U Diray Xukuumada
Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya waa u dan aviationka Somaliland!
Tan iyo markii uu bilowday wadahadalka Siyaasadeed (Political dialogue) ee u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, Feb 2012ka ilaa maanta, waxa la qabtay kulano heerkoodu kala duwan yahay, kuwaas oo ka kala dhacay magaalooyinka London (February, 2012), Dubai (June, 2012), Istanbul (April, 2013, Jan, July, 2014) iyo Djibouti (Dec, 2014). Shirarkan waxa lagaga wada hadlay, laguna heshiiyey arrimo muhiim ah sida wadaagida deeqaha caalamka, iyo tababarrada, dhiirrigelinta horumarinta Somaliland, ka wada shaqaynta sugidda ammaanka, dagaalka lagula jiro argagaxisada, is-dhaafsiga xogaha,
la dagaalanka burcadbadeedda, kalluumeysiga sharci-darrada ah, ka hortagga sunta lagu shubo badaha, dambiyada badaha ka dhaca iyo dambiyada waaweyn, iyo qodobo kaleba.
Marka la eegayo dhinaca Aviationka ama xal u helida muranka ka taagan Maamulka hawada sare ee ex-Somalia, shirka keliya ee qodobo arinkaa khuseeyaa ka soo baxeen waxa uu ahaa shirkii ka dhacay Istanbul July, 2014, kaas oo Somaliland iyo Somalia ku heshiiyeen in la dhiso gudiga maamulka hawada “Air Traffic Control Board” oo Xaruntoodu Hargeysa noqonayso iyo guddi farsamo oo ka kooban afar xubnood “Laba xubnood dhinac walba” oo ay kormeerayaan labada Wasiir ee u xil saaran.
Hase yeeshee heshiiskani waxa uu ku burburay muddo kooban, ka dib markii dawlada Somaliya fulin weydey qodobada 7aad iyo 8aad ee dhigayey in xarunta gudida maamulaysa hawada sare ay noqoto Hargeisa, iyo in la magacaabo guddi farsamo. Heshiis jebintan ay xukuumada Somaliya ku kacday waxa barbar socday dedaalo aan gabasho lahayn oo ay ku doonayso inay kula wareegto Maamulka hawada sare. Ugu dambayntiina waxa u suurtogashay dawlada Soomaaliya inay Muqdisho u soo wareejiso xaruntii laga maamulayey hawada Soomaaliya ee ku taalay Nairobi.
Intaa waxa dheer dedaal Soomaaliya ugu jirto in ay si buuxda ula soo wareegto maamulka Hawada inkasta oo taasi aanay sahlanayn. Sidaan marar badan sheegay habkii ay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya u socdeen dan umuu ahayn Aviationka Somaliland, waanay adkayd in xal waara lagaga gaadho muranka hawada sare ee u dhexeeyey Somaliland iyo Somaliya. Sababta oo ah Somaliland iyo Somalia, waxay isku diidan yihiin waa mabda` “principal” iyo masiir ummadeed kaas oo ay adag tahay in si fudud heshiis looga gaadhaa. Halkaa hadaan sii jilciyo, dhinaca Somaliland, gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland waa muqadas, lama taabtaan iyo waxaan gorgorton geli karin, sidaa si la mid ahna dhinaca Somaliya, midnimada Somaliya (oo ay Somalilandna ku jirtaa) waa muqadas, lama taabtaan iyo waxaan gorgorton geli karin! Ma muuqato inay Somaliland ka tanaasulayso gooni-isutaageeda, sidoo kalena lama filayo inay Somaliya ogolaato madaxbanaanida iyo jiritaanka Somaliland. Waa kaaf iyo kala dheeri, waa laba mabd`a oo aan lahayn meel dhexe iyo xal dhexdhexaad ah oo la isugu yimaado.
Taa macnahedu waxa weeye, wada hadal kasta oo siyaasadeed oo labada dhinac dhex maraa wuxuu ku dhex burburayaa ama caqabad ku noqonaya “labadaa Muqadas”, xaalkuna wuxuu ku dambeynayaa i jiid aan ku jiidee, gacmo daalis, iyo kulamo is daba taxan oo aan xal waara iyo heshiis buuxa midna lagu gaadhin. Sida aan marar horeba sheegay, dawlada Somaliya (sharciyan) iyada ayaa ka masuul ah dhamaanba maamulka hawada ex-Somaliya (oo Somalilandna ku jirto), maadaama ay tahay dawlad caalamku ictiraafsan yahay, halka Somaliland aanay haysan ictiraaf caalami ah.
Taasina waa ta keentay inay Somaliya keligeed mar walba dedaal ugu jirto la soo wareegida maamulka hawada sare. Hadaba, si Somaliland awood iyo saameyn (influence) weyn ugu yeelato go`aanada laga gaadhayo arimaha ku saabsan maamulka hawada sare ee ex-Somaliya, si aan hakad ugu iman koboca aviationka Somaliland oo hadda meel wanaagsan maraya, si aan khalkhal ugu iman habsami u socdka duulimaadyada rayidka ee u kala goooshaya Somaliland iyo Somaliya, isla markaana looga hortago colaad hor leh oo ka dhex qaraxda Somaliland iyo Somaliya taas oo salka ku haysa arimaha aviationka, waxaan talo ahaan ku soo jeedinayaa;
1. In la furo wada hadal farsamo oo u gaar ah arimaha aviationka kaas oo dhex mara khubarada arimaha duulimaadyada rayidka ee Somaliland iyo Somaliya.
2. Wada hadaladani waa inay ahaadaan kuwo ka madax banaan arimaha siyaasada (dabcan gebi ahaanba siyaasadi kama madhnaan karto wada hadalkan ee waa in lagu soo koobaa arimaha u danta ah aviationka)
3. Maadaama dhinaca Somaliland ay jirto Hay`ada Duulista iyo Madaarada oo madax banaan, balse dhinaca Soomaaliya aanay Hay`ada Duulistu madaxbanaani buuxda haysan, sidoo kalena Soomaaliya leedahay Wasiirka Duulista Cirka balse dhinaca Somaliland aanuu hadda jirin wasiirkaasi, waa in wada hadalada lagu bilaabaa heer Maareeye aviation (Directors of Civil Aviation Authorities).
4. Waa in gudiyada farsamo ee labada dhinac ee ay ku jiraan dhalinyaro leh aqoonta cusub ee aviationka iyo ruug cadaagii hore oo wata sanado badan oo khibrad ah.
5. In goobta wada hadalka ama kulanka gudida farsamo ka dhacayaa noqoto Djibouti, sababta oo ah Djibouti waa dad/dal aynu asal, midab, diin, luqad, iyo dhaqanba wadaagno oo labada dhinac isku soo dhoweyn kara. Intaas oo keliya maaha, ee dalka Djibouti fogaan ahaan waa kambalka taas oo u sahlaysa labada guddi inay si fudud Muqdisho iyo Hargeisa ugu dhoofi karaan, haddii ay u baahdaan inay la tashiyo la sameeyaan madaxdooda sare. Guntii iyo gabogabadii arimaha aviationku waxay u baahan yihiin in lagu dhameeyo wada shaqayn (Cooperation), balse uma baahna iska horimaad (Conflict) iyo is muquunin.
Cabdikariim Cali Cilmi (Baarjeex)
MSc, MA, BSc, Dip Aviation Consultant Herer Aviation Solutions www.havisol.com abdikarimwais@gmail.com
https://www.linkedin.com/in/abdikarim-elmi-wais
Are Somalis Far Too Emotional To Debate Rationally?
Are Somalis Far Too Emotional To Debate And Negotiate Rationally?
The Somali people, wherever they may live have many admirable traits and share a common language, religion and culture. However, we as a people are far, far too emotional to ever debate or negotiate rationally. From grassroots discussions at rural level to high political debates, we are not able to put emotions aside and deal with the issues facing us in a rational manner.
I must admit, I am on occasions guilty of such high emotions. I am a fervent Somalilander, and I make no apologies for that. However, that doesn’t mean I do not wish the best for all Somali people wherever they may be, both in the Horn of Africa or in the diaspora. I take great pride and pleasure in the success of those whom we share a common ethnicity with and commiserate with those who suffer the trails and the tribulations of daily life.
Having said that, it is worth remembering that it was extreme emotionally ecstasy that led to the ill-considered and ill-fated union in 1960, and truth be told, more ecstasy on the Somaliland side than in Somalia. History is a great teacher, and those who pay attention to it and learn from it will progress and prosper, and those who don’t, will be forever condemned to repeat the same mistakes.
Just recently, I watched a debate in Djibouti, with participants from both Somaliland and Somalia. These debaters considered themselves the intellectual elite. Fair enough. There were more than enough professors, doctors and MBA’s present. However, rationality and sensibility are something either one is born with or learns from life experience. As I listened to both sides of the debate, and heard the same narrative repeated over and over again, the need for a new dispensation, the need to respect and understand each other and so on and so forth. There was one young woman from Somaliland on the panel, who hit the nail on the head. She said “We should never deny history, what has taken place, why it happened and it’s consequences” that in a nutshell is the whole essence of the debate between Somaliland and Somalia.
We come together as two separate independent entities in 1960 to form a union that we hoped would benefit all Somalis in the Horn of Africa. That ambition was not realized and subsequently, the union failed. So, the question that faces both Somaliland and Somalia, is where do we go from here?
The overwhelmingly majority of Somalilanders are happy with their lot. Somaliland is not perfect, no nation is, but what is has achieved on it’s own, among it’s people, through dialogue, discussion and consensus is undeniable. There will always be cultural, social and economic ties between Somaliland and Somalia. However, in order to move the relationship forward to it’s inevitable conclusion; two independent states, enjoying brotherly and neighbourly relationship; We need to have meaningful and honest dialogue, with substantive discussions and accept and honour the conclusion.
At the end of that debate, a gentleman originally from Somaliland and currently working for the federal government of Somalia, gave a speech full of emotion, hyperboles and invective. He quoted from Quraanka Kariimka and Karl Marx at the same time! He quoted from Hadraawi and many other distinguished Somali scholars. Sadly, however heartfelt and emotional his speech was, it was not rational and did not offer any meaningful way forward. This was exactly the kind of emotional rhetoric designed to appeal to the core of Somalis and hide the truth. This is not the way forward. It was not in 1960, or 1969 nor can be the way forward 2019 and beyond. Somaliland and Somalia need to have discussions based on the truth and the reality on the ground. It is the only way.
The people overwhelming majority of the Somaliland people are not missing or longing for another union with Somalia. The people of Somalia have to accept that and respect that decision. Then we can proceed to what our future relationship will be.
Axmed Kheyre