Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Garabkii Jaamac Shabeel oo Lag Hor Istaagay Inay Shir Ku Qabsadaan Huteel Hargeysa Ku Yaala


Daawo Muuqaal Xiiso Leh Oohintii Qaranka: Ex. Wasiir Cadaani xaguu ku danbeeyay?

Qayb ka mid ah Idaacada iyo TV-Ga Qaranka Oo Dab Qabsaday

$
0
0

Waxa uu dab xoogani ka kacay oo shuf beelay xafiiska isgaadhsiinta qaranka oo hoos timaada wasaarada warfaafinta siiba idaacada iyo Telefeeshinka qaranka ee ku hadla afka xukumadda Somaliland, dabkaasi kacay oo xooganaa waxa uu baabiiyay dhamaan agabkii halkaasi yaalay oo u badnaa qalabka wax lagu duubo, computaro iyo qalab aad u baaxad leh oo wax lagu duubo iyo sidoo kale qaybo lagu xafido waxyaabaha ay warbaahinta madax banaani baahiso maalin walba.

Xafiiskani oo ay ku baxday lacag aad u tiro badani waxa samyntiisa iyo fikirkiisaba lahaa wasiirka warfaafinta Guribarwaaqo, waana qayb ka mid ah dabagalka warbaahinta madax banaan ee aan taageerin xukumadda si loo helo qalad ay maalin galaan oo lagu maxkmadeeyo ama dacwad loogu soo oogo.

Lama garnaayo waxa dabkani kaciyay ilaa hadana wasaarada warfaafintu kama ay hadlin khasaarahani ku habsaday qaybtaasi shuf beeshay oo loo samystay cabdhunta saxaafada xorta ah

U.S. Africa Policy Cannot Afford to Ignore Somaliland

Muse Biixi Iyo Saylici Oo Si weyn Iskugu Khilaafsan Ciidamo Hubaysan oo is horfadhiya & Xiisada ka  aloosan Awdal+Muuse Biixi oo Saylaci qadiyadaa ku xidhiidhiyey

$
0
0

Muse Biixi Iyo Saylici Oo Si weyn Iskugu Khilaafsan Ciidamo Hubaysan oo is horfadhiya & Xiisada ka  aloosan Awdal+Muuse Biixi oo Saylaci qadiyadaa ku xidhiidhiyey

 

 

Waxa isasoo taraya khilaaf xoogleh oo ka dhex taagan Madaxweyne Biixi iyo Ku xigeenkiisa Saylici oo ku saabsan qaabka loo marayo xalinta Beelaha Hubaysan ee isku hor fadhiya Xeebta Gobolka Awdal, waxaanu Shalay Shirkii Kulmiye ee Boorama ka dhex sheegay Madaxweyne Biixi in Beelaha Ciise ay khaati ka taagan yihiin oo ay ka cawdeen inuu dhibta ugu badan iyo culays gaar ah ku hayo Cabdiraxmaan Saylici “Waar Saylici ayaa noogu daran”.

Qayb ka mid ah Khubaddii uu Madaxweyne Muuse Biixi ka jeediyay Shirkii Golaha dhexe ee Shalay uga furmay Xisbiga Kulmiye Magaalada Boorama ee uu kaga hadlay shaqaaqada ka taagan Xeebta Gobolka Awdal ayaa waxa ka mid ahaa “Dhibaatada ka taagan Woqooyiga, dad badan waa kuwii Ciidamadu u soo xidhay, Odayaal ayay u badnaayeen, Warbixintii la iiga keenay laba oday oo qudha ayaa u hadlay,oo dhinacba oday ayaa u hadlay, Mid waad garanaysaan eh xagga Galbeedka ayuu u hadlay oo Waxaa la yidhaa Muumin Bahal Waaberi(Beesha Samaroon), waa la waraystay oo wuxuu yidhi,”Waar dee Nabad ayaanu ahayn, waligayana dhal iyo dhasheed ayaanu ahayn, ismaanaan khilaafin, dalkana waanu wada deganayn, Laakiin Walaalahayga Galbeedka naga xiga,Dawlad ayaa dabada ka riixaysa, oo wixiiba dawladnimo ayay noo sheeganayaan oo Somaliland ayaa lanagu dilayaa, Dhibaatadana Somaliland ayaa na galisay, Sidii Shirkii 1993-kii loogu qabtay Sheekh Cali Jawharba waar duulimaad ayaa lanagu yahay oo xoog iyo rag ayaa lasoo riixayaa”.

“Kii Kale ayaa la waraystay ee Galbeedka, oo layidhaa Aadan Dharaar Yabaal(Beesha Ciise), labada nin ee laga qoray Warbixintu(Report) waa isku seedi labadoodu midba qolada u hadlayaa, wuxuu yidhi ninkani “waar dee anaga Somaliland ayaa lanagu dilayaa, wuxu yidhi, ina Biixi “Ninka Madaxweynaha ah” isaga ayaa og waxa lanagu dilayo, wuxuu yidhi, anaga Somaliland ayaa lanagu dilayaa oo aanu eednay, dee Berigii ay SNM-ta ahaayeen sawnagii raacnay maahin, saw sidii loo qabtay shirkii Boorama saw Madaxweyneyaal umaydaan samayn, Ina Awcali Kasoo bilaw, ALLAAHU Nebi, kaasi sahaale, Daahir Riyaale ku dar, Waar abtaw naga daa, Naaskaaga ayaanu jaqnee, Wixii oo dhan iska ilaw, Waar Saylici ayaa noogu daran, Ragbaa Xoog nagu jiidhaya, Waar ma naga qabanaysaan, Labadii Qoloba Somaliland ayay ka cawdeen”.

Illo-Wareedyo Wargeyska Foore helay oo ka agdhaw Madaxtooyadda ayaa iftiimiyay inay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu qaabka xal looga dhalin karo beelahaasi hubaysa ee uu Madaxweynuhu Boorama ka sheegay inay isku hor fadhiyaan Xeebta Gobolka AWDAL.

Wafuud kala kalagdisan oo heer caalami iyo mid gobol ah oo la filaayo in ay booqdaan Somaliland

$
0
0

Warar ay shabakada Qaran news ka heshay ilo wareedyo mihiim ah ayaa xaqiijinaa in mudooyinka dhow ee fooda inagu soo haya ay Dalka ku soo waajahanyihiin wafuud kala gadisan oo ka kala socda qaar ka mid ah dalalka qaarada Africa, Yurub, Maraykanka iyo Ruushka.

Waftiyadani ayaa wararku sheegayaan in mid kastaaba uu gaarkiisa u socdo oo aanu midna ka kale ka warqabin.

Waftiga laga yaabo in uu ugu soo horeeyo in uu Dalka yimaado ayaa lagu wadaa in uu noqdo wafti balaadhan oo ka socda dalka Itoobiya waftigaasi oo heer fadaraal ah ayaa wararku xaqiijinaa in waftigaasi uu socdaalkoodu ku wehelin doono madaxweynaha maamul goboleedka Somalida Itoobiya.

Waftigan Itoobiyaanka ah oo la filaayo in ay Dalka yimaadaan todobaadkani ayaa booqasho indho indhayn ah ku tagi doona dekada magaalada Berbera oo ay dawlada Itoobiya isha ku hayso sidii ay mudooyinka dhow u isticmaali lahayd.

Abwaan Maanso Gaaban ku karbaashey Muuse Biixi

Xildhibaan Nacnac oo Luuqad adag kula hadlay Muuse Biixi,Laba wejiilena “Jirjiroole” ku sheegay


Xikmada+Kaftanka maanta oo Xiiso & Caraabo leh

$
0
0
Xikmada+Kaftanka maanta oo Xiiso & Caraabo leh

Cabdilaahi iyo jaamacii cawdu ma u duushay ,

Ma cadaanibaa meel cid la ah keligii caatoobay ,

Cali gurey miyaan lagguba darin , golihii ceegaagay ,

Cabdi Cali miyaa yaaban iyo culimadii raacdey ,

Ma geelii Jamaal soo culaa , caano lagga waayey ,

Ina samatar saw yurub carceer cidhif ma waydaaran ,

Cagategey miyaan kaysar iyo cararin koox raacday ,

Cabdi dheere saw bariitantii caawa kuma laaban ,

Saw cali mareexaan kubkiyo bawdo kama ciirin ,

Cukusiyo xagee bay qabteen cududihii muuqday ?

Inta carartay intii caymadiyo hebelo caatoobay ,

in cadhootay intii cabatay iyo  qaar afkuba ciiley ,

inta caymadaa ugu darayd camal daraadiiye ,

Kuwo xamar qabtiyo saw xagaa kooxi uma ciirin ,

Axmed kayse saw  qaar carjabay caasha kuma qaadan .

Cilmi buu aduunyadda baraa , caana waligiiye ,

Casharadiisu waa wada xidhiid caynsanoo dhigane ,

Iskeersaa cilmiga kuugu filan cugashadiisiiye ,

Nin cibaaradiisii ogaa caarif wuu yahaye ,

nin kastoo kulmiye caashaqaa cabasho dayn waaye ,

Ma col soo hungoobiyo kunbaa ciida hoganaaya .

Suldaan Shaaciyey in Somaliland aqoonsi ka quusatey,Dagaal & Belaayana dhici doonto

Uk oo soo bandhigay Mawqifkay ka taagan tahay Xiisada ka dhex aloosan Pakistan & India

The auditor General, the Accountant General and the deputy attorney general attending the ruling party Kulmiye, Central Council meeting

$
0
0
Guleid Ahmed Jama @GuleidJ The auditor General, the Accountant General and the deputy attorney general attending the ruling party, Kulmiye, Central Council meeting at Boorama is evidence of the politicization and partisan of institutions legally required to remain impartial and nonpartisan. 10:38 AM · Feb 26, 2019 · Twitter for iPhone 22 Retweets 58 Likes... Read more »

Muj. Madaxweyne Muuse Biixi Oo Markhaati Furay by Xildhibaan Xuseen Ismail Yusuf

$
0
0

بسم الله الرحمن الرحيم
و الصلاة و السلام علي رسول الله و علي اله و صحبه و سلم و بعد:
اللهم ولي أمورنا خيارنا و لا تولي أمورنا شرارنا.
اللهم أجعل بلدنا هدا بلدا امنا مطمئنا رخاءا و سائر بلاد المسلمين أمين يا رب العالمين.
SOMALIALND HA NOOLAATO.
MUDANE MADAXWEYNE MUJAAHID MUSE OO MARAG FURAY.
“BULSHADA GALBEED WAA KA WACANTAHAY BULSHADA BARI” ISAGA OO KU SALEEYAY MARKHAATIGIISA ARRIMAHAN:
IN BULSHADA GALBEED KA DEGANTAHAY BULSHADA BARIGA
IN BULSHADA GALBEED KA AMNI BADAN TAHAY BULSHADA GOBOLADA BARIGA
IN BULSHADA GALBEED KA ILBAXSANTAHAY BULSHADA GOBOLADA BARIGA
IN BULSHADA GALBEED KA AQOON BADANTAHAY BULSHADA GOBOLADA BARIGA
IN BULSHADA GALBEED KA JAAMICADA BADANTAHAY BULSHADA GOBOLADA BARIGA.
Khudbadaa madaxweynuhu waxay I xusuusisay laba dumar oo miidhiyaha dood isu faan ah isu mariyay:
Gabadha hore: ( OO KUILMIYE AHAAHN U FAANAYSAY) oo Gebilaybay ka hadlaysay oo ku faantay inay ka sarreeyaan bulshada bariga waxaanay martay intaa madaxweynuhu maanta maray oo :

Gabadha labaad: (OO WADDANI AHAAN U FAANAYSAY)
Ayaa Hargeisa ka jawaabtay oo ayana ku faantay in hadday dood tahay , iyo hadday dagaal tahay iyo dhaqan tahayba ay ka sarrayso Galbeed . mid waliba labada dumara taariikhbay ku salasay una cuskatay faankeeda.
KOL SE HADDII MADAXWYNIHII JSL GABADHII GALBEED U MARKHAATI FURAY WAA ARRIN KU CUSUB AF MADAXWEYNE.
GABAY IYO CAANAAN MUWAAADIN U SOO JEEDIYO XUKUUMADDISA:
Bulshada qaranka Somalilaand waa u xor u yihiin inay hadlaan marka ay toosinayaan dawladdii ay gacmahooda ku samaysteen.

Bulshadu waxay xaq u leeyihiin inay canaantaan oo toosiyaan marka ay u muuqato wadeeco
Makarfoonada xisbiyada qaranku iyo wergeysyaduba waa cudka bulshadu wax ku toosisaa.
Waxaa ugu muhimsan khudbadaha masaajidada ee kala qeexaya xaqa iyo baadilaka iyo cidhib-xumaanta ka dhalankarta CADAALAD DARRADA HOGAAMIYE SI BADHEEDHA UGU KACO.
Bulshaweynta ayaa ka sarraysa Xukuumaddii ay doorteen.
Waa in xukuumaddu ka waantowdaa inay qof muwaadin ah hadal ku xidho.

Bulshadu siday u dareentay markhaatigii madaxweynaha:
in Bulshada Galbeed ka wacantahay Bulshada Beri :
WAA HADALADII MAQYALKA MANA AHAYN HADAL MADAXWEYNE.
BULSHADA SOOMAAALILAND OO KOL KEEDA HOREBA ULA BOOCA ISUGU TUKUBAYSAY AYAA MADAXWEYNIHINA DHAN RAACAY: waxay la mid tahay maahmaahdii carbeed : زت الطينه بله “oo la mid ah dhooqadiibaad sii dhooqaysay”
Amniga qaranka sidee bulshadu u argtaa?
AMNIGA IYO DIFAACA QARANKU WAA MASUULIYADDA MUWAADINKA.WAXAA SE XUKUUMADDA KU WA JIB AH IN AMNIGU SARE U SOCDO. OO XALINTA JAABHADAHA UNKAMAAYA IYO WASIIRADAN MARKA LA ERYO XAMAR U SHAQODOONTA XAALKOODA LA SUGO.
Xidhiidhka caalamigu sidee bulshadu u aragtaa?
ALBAAB KELIYA OO INOO FURANI MA JIRO.
WAXAA KA FIICAN JSL OO GUDAHA ISKA ICTIRAAFTA OO WAX SOO SAARKEEDU SIDAN KA ROONAADO DHAQAALE AHAAN IYO SIYAASAD AHAANBA.
Heshiiskii UAE ee saldhiga iyo maamulka dekadda iyo kala hadalka madaxda qaranka side bulshadu u aragtaa?
WAA HESHIIS GOBLAMAY OON MUGDI KA BIXIN. MADAXWEYNAHA QARANKU WUXUU SHEEGAY IN SALDHIGA LA KIREEYAY HALKA WASIIRKA MAALIYADUNA SHEEGAY INAAN KIRO LAGA QAADIN SALDHIGA OO MADAAR IYO WADDO LA SAMEEYO HESHIISKU AHAA.
XUKUUMADDA MAXAA U DIIDAY:
INAY UAE WEDIISATO :

INAY KA AMAAHATO AMA KIRADA LOO QADDIMO LACAG KU FILAN IN BIYAHA 6DA GOBOL JSL EE BADDA GALA LA FADHIISIYO SI XOOLIHII MADHAY U SOO NOQDAAN.
INAY UAE BAANAN WADDANKA KA FURATAAN
IAY KA CAAWISO DIB U HABAYNTA BANKIGA DHEXE EE IYO
Komishanka doorashooyinka oo dhacaya 29.11.2019, doorashda golaha wakiilada oo u muddaysan 12.12.2019 iyo komishan cusub oo aan la magaacaabin sidee bulshadu u aragta.
WAXAY U JOOGAANBA MA JIRTO.
Wax soo saar laanata iyo sicir bararka aan circa ka soo degin sidee bulshadu u aragta.
WAA CUDUR AAN DAWADIISA XUKUUMADANI U JEEDIN.
Danaha baayacmushtari ee Somalailand iyo Ethiopia ka dhaxeeya siday bulshadu u aragtaa?
SABABTA UGU WEYN EE SICIR BARARKA ABUURAA WAA QAADKA IYO KHUDRADAHA AYNNU DOLLAR KAGA IIBSANNO ETOOBIYA INAGA OO AYANAAN WAXBA KA IIBIN ETOOBIYA. WAXA WAJAALE ETOOBIYA KAGA IINBSATO BIRKA INAGA WUXUU INAGU HAYAA DHITA UGU WEYN EE SABABTA SICIR BARARKA.
Maxa deyn lagu leeyahay qaranka? Ma deyn qarsoon baa jirta?
HADDAY QARSOONTAHAY IYO HADDAY QEEXANTAHAYBA
INAAN QARANKU DEYN LA’AYN AYAA CAD.
Sinaanta iyo caddaaladda dawladda manta somlailand ka talisa sidee bulshaddu u aragtaa?
SALUUGGII BULSHADU KA QABATAY SINAANTA IYO CADAALAD DARRADA MAANTA AYAY CADDAATAY IN DADKU INAAN BULSHADU SINNAYN MARKII UU YIDHI “ GALBEED IYO BARI WAA KALA WANAAGSANYIHIIN”

Mudane Madaxweyne Mujaahid Muse ma wuxuu u jihaaday uu kursiga qaranka ugu fadhiistay inuu markhaatigan Galbeed u furo oo uu fulinteedana ku hawlgalo.???
Madaxweynuhu miyuu ilaabay amarka eebe:
*و ادا قلتم فأعدلوا و لو كان دا قربي و بعهد الله أوفوا دالكم و صا كم به لعلكم تدكرون*
*و هو الدي جعلكم خلائف ألأرض و رفع بعضكم فوق بعض درجات ليبلوكم فيما اتاكم ان ربك سريع العقاب و انه لغفور الرحيم*
و بالله التوفيق
(Xil)Hussein Ismail Yusuf

The Best Choice: Good Governance in Somaliland

$
0
0

The Best Choice: Good Governance in Somaliland
Good governance is a method to government that is committed to creating a system formed in justice, peace and harmony that protects individual’s human rights and civil liberties. According to United Nation, good governance is measured by the eight factors of participations, Rule of Law, Openness, Consensus Oriented, Equity and Inclusiveness, Effectiveness and Efficiency, and Accountability. For sake of the seeking the recognition, Somaliland leaders are must to instigate those traits, in order to have a good governance and recognition.
Participation is an important part of democracy and good governance. Participation requires to all citizens not matter who they are. Particularly those most prefers the tribes, have direct or representative access to the systems of government. This reveals as a strong civil society and citizens with the freedom of association and expression. Participation is a significant part of democracy. The civil society role has been absented from since Kulmiye party took power in somaliland. Moreover, in order for citizens to know what they require from their representative they need to be educated and aware of somaliland politics and constitution.
For a democracy to work smoothly in a country, citizens would need to vote on a leader that they believe will benefit them in many ways. That being said, citizens would need the proper knowledge to make that decision in the first place. It will show that although participation is the best choice because it provides the most benefits for its citizens. I am going to argue that it does not only allow the educated on the topic to make the best judgement for a leader when voting, but non-institutionalized participation does not have to exist, along with participatory planning in Somaliland thriving much more due to moderate participation.
Rule of law is essential for good governance. It refers to a belief of governance in which all people of the country, institutions and entities, public and private that include the states itself are accountable to laws. It denotes legal systems must have protect the human rights and civil liberties of all citizens, predominantly minorities. This is charged by autonomous judicial branch and police force free from corruption. Conduct the election on time, tackle the corruption, respect the constitution, support the free speech, no one should be punished by the government, except for those who break of law. The law should apply to all citizens equally. Since the Kulimye party has been in power, all these aforementioned factors have taken no place.
Transparency is outlines that all citizens recognize and have full access to participate and also take their own decisions without hindrance or any kind of intimations, specifically whenever they felt the government decisions would be affected direct or indirectly. Any government that includes somaliland has obligation to provide an information which is understandable and accessible format, at the same time, translates through the media.
Consensus oriented is established when a program occurred for conduct a place, and this would be relating some type of decision making. Decisions collaboratives are inventible whenever societies share a common need. One of the main obstacles that community face is when they share a common agenda. For example, every somaliland tribes have different needs, perspectives and expectations of its own. Somaliland government has obligation to facilities a consensus environment. The decision needs to be made in manner that reflects a deep understanding of cultural and social context of the tribes.
Equity and Inclusiveness is depending on safeguarding that all the members of the community feel authorized to improve or maintain their well-being, particularly the minorities and groups that are the most vulnerable. Somaliland has been marginalized the minorities groups, especially the minority tribes such as Gabooye. The main reason that Somaliland election has not conducted on time would be the unfairness of the seat allocation to the minority’s tribes. In Somaliland, the minorities tribes had 13 seats in parliament in 1960 which the number of seats was 33. But after withdrawal the unity of Somalia, in 1993, Somaliland had reached an agreement which creates a new formula that formula was to recognize the existed number of parliaments in 1960. Furthermore, the agreed the to increase the number of parliament seats and they were multiply 2.5 the existed numbers (2.5×33= 82) and total will become 82 members of parliamentary. In the current member of parliament, the minorities tribes have less far to their proportion.
Effectiveness and Efficiency is recognized through the effective use the resources to meet the needs of a society. The resource of the nation must be sustainable to guaranteeing social investments take through and natural resources are upheld for future generations. The current Somaliland administration failed to prove the efficiency and effectiveness for best use of the nation’s resources. Somaliland has been governed by oligarchy not only the current administration but also committed the previous government.
Accountability denotes the responsibility for what you do and able to give an appropriate reason. Every institution being eventually accountable to the people and one another that includes government institutions, civil societies as well as the private sectors, all being accountable to one another as well. Somaliland government must be accountable to its people and not other way around. The lack of the knowledge of accountability is wide spreader in Somaliland. The police commissioner, the supreme court, the auditor general, attorney general and more do not know to whom they accountable for.
There is a relation between the good governance and public policy. The public policy is the main driver of its good governance “the diagnosing the quality of government through the ingredients of public policy arrangements is crucial to determining practical and sustainable strategies for approaching good government by John Ugaoni”. If any government fails or not able to deliver the services needs the vast majority of the citizens, it would be the resulted declination the standard of living of the people. The Somaliland current administration has a mandate in the hands of the political and administrative leadership through public policy refers broadly to exercise of power through the nation’s political institutions, economic and social. It is clear evidence that somaliland current administration failed public policy, as long as the botched the public policy, the good governance is disaster.
Good example, for the last 20 years, Somaliland police forces brutality would become widespread. The assaulting the media is being common especially in Hargeisa. Carelessness and indiscipline at the policy whether the high officers or law ranks policy officer become unimaginable. The somaliland police forces has been beating the people and behaving like authoritarian regimes forces. The Police needs to educate and those who not fitting the police forces must have to transfer other government branches such as the farming, and fishing.

Haweenay Norwejiyaana  oo aflagaadeysay Haweenay Somaliyada  oo xabsi & ganaax la isugu daray

$
0
0

Haweeney 70 jir norwiji ah ayay maxkamadda magaalada Bergen ku xukuntay 24 beri oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo 10.000 oo kr gaaraya kadib markii ay qoraal cunsuriyad iyo caay ah oo ay ku aflagaadeyneyso Sumaya Cali ay ku qortay barta bulshada ee Facebook.

Sumaya Jirde Ali ayaa ah gabar da`yar oo soomaaliyeed oo u dhaq-dhaqaaqda arrimaha bulshada, gaar ahaan kuwa soomaalida iyo ajaanibta kel, waxayna caan ka tahay guud ahaan dalka Norway.

Haweeneydan la xukumay ayaa Facebook-ga ku qortay «Fandens svarte avkom reis tilbake til Somalia og bli der din korrupte kakerlakk», oo u dhiganta af-soomaali ahaan «Nacallaa iyo wixii madoobaa ee ku dhalay, ku laabo dalkaagii Soomaaliya, ee halkaas joog, baranbarayahay musuq-maasuqan».

Waxay haweeneydan ku andocootay in Sumaya iyadaba ay horay ugu qortay baraha bulshada aflagaado ka dhan ah siyaasiyiinta iyo booliska dalka Norway, waxayna tusaale usoo qaadatay qoraallada «fuck Sylvi Listhaug og fuck politiet» oo u dhiganta af-soomaali ahaan «Was Sylvi Listhaug (haweeney wasiirad ah) iyo was booliska».

Maxkamadda ayaa sheegtay in Sumaya ay horay raalligelin uga bixisay erayadaasi, islamarkaana iminka looga dhigi karin dambi.

Waxa ay maxkamaddu kusoo gunaanaday in qoraalka haweeneydan uu ahaa mid xambaarsan cunsuriyad islamarkaana la doonayo in laga hortago noocyadiisa.

” – Sumaya waa qof u dhaq-dhaqaaqa soo galootiga laga tirada badan yahay, waana qof qaali u ah, sidaas daraadeed xukunkan waxa uu ka hortagayaa in uu sumcadeeda ilaaliyo islamarkaana aysan badan qoraallada cunsuriyadda ku dheehan tahay ee baraha bulshada lagu faafiyo”, ayaa lagu yiri qoraalka maxkamadda


Daawo:Askar weerartay,Tacadiyo meel-kadhac ahna u geysatay Hablo Weriyayaala oo ka hawlgala Hargeisa

Suldaan si adag u duray,Si adagna u naqdiyey Khudbadii Muuse Biixi ka jeediyey Boorama

Heegada S/land:Musdanbeedka & Hagayaasha Kacaanka 13-Novenbar

Sawirka Todobaadka & Shirkii Kulmiye-Boorama

Xisbiyada Mucaaradka Oo Shirkii  Kulmiye Ku Tilmaamay Mid Horseeday Fawdo Sharci+Adeegyaasha Qaranka ee u dhuskusay Shirkii Kulmiye

$
0
0

Xisbiyada mucaarada ee Somaliland Ucid iyo Waddani ayaa xukuumada Somaliland ku dhaliilay inay guud ahaanba sharcigii dalka ay gacanteeda ku qaadatay isla markaasna masuuliyiintii qaranka iyo shaqaalihii dawladuba ay si aan gabasho lahayn ay u noqdeen xisbiga Kulmiye,laguna arkay shirkii golaha dhexe ee xisbigaas.

Masuuliyiinta ay dhaliilaha xisbiyada mucaaradka u soo jeediyeen waxa kow ka ahaa hantidhawrkii qaranka, xeer ilaaliye ku xigeenka, xisaabiyaha guud ee dawlada, taliyaha ciidamada booliska, gaasimayaal iyo shaqaale dawladeed. Mucaaradku waxay madaxweyne Muuse  biixi ku dhaliileen in sharcigii uu ku tuntay xiligii uu ka qaybgalay shirka golaha dhexe ee Kulmiye oo dhamaan dhacdooyinkan ay ka dhacayeen hortiisa.

Ugu horayntii afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa waxa uu ku bilaabay hadalkiisa” Sodonkaas sano ee ay Somaliland madaxa la gashay waa markii ugu horaysay ee xisbi xibiyada dalka ka mid ah oo shir qabsanaaya in shaqaalii dawlada agaasime guud,agaasime waaxeed iyo shaqaale hoosaadba in haayadii dawlada ee adeega umadda u qaabilsanaa inay cidla ahaayeen, waxa eekayd maadaama oo uu hanaankaasi furmay in madaxweynaa dalku uu haayada shaqaalaha ka codsado maalmaha qaran ee fasaxa ah in lagu daro maalmaha uu shirka Kulmiye qabsanaayo sida ciida, maalinta shaqaalaha aduunka, maalinta xuska nabiga CSW ee dastuurku qeexayo inay tana ku darsadaan, sababta aan taas u leeyahayna waa cidii adeega qabanaysay ee sharcigu qeexayay ee shaqaale,maamul iyo madax lahaaba waxay ku jeeniqaarteen waxa la yidhaahdo calanka Kulmiye waa dhaawac weyn oo gaadhay sharafta haybada iyo hanaanka haayadaha qaranka ka dhaxeeya.”

Afhayeen Barkhad oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“ waxa tusaale idiinku filan jananka ciidanka booliska, darajada sudhan waa sareeye gaas waxa uu masuul ka yahay amniga, madaxweynaha iyo muwaadinka waxa uu masuul ka yahay amniga mucaaradka lagama xishoon haybada ninkaas odayga ah saaran ee qaranka uu dhexda ugu yahay waxa uu dhex fadhiyaa shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, baritoolana waxa dhacaysa in shirka Waddani iyo Ucid la yidhaahdo kaalay waxa laga hadlayaa maaha qofnimadiisa waa darajooyinka ku taxan ee uu qaranka ku matalaayo,hadii la yidhaahdo amniga madaxweynaha ayuu ilaalinayaa waad ka warqabtaan oo 900 oo nin ayaa la yidhaahdaa ciidanka ilaalada madaxweynaha  oo ka bajad badan sadex wasaaradood  oo u xilsaaran ilaalinta amniga madaxweynaha, waxay ahayd hadii uu safarka ku jiray oo uu tagay inuu dhawro haybada qaranka oo uu banaanka ka istaago shirkaas laakiin may dhicin,wax ka muuqda xeer ilaaliye ku xigeenka qaranka Somaliland waa waaxdii garsoorka oo ku jeeniqaaran calankii Kulmiye dhex fadhiyana golahii dhexe ee Kulmiye waana haayadii labaad ee ay iyadana dhibaati soo gaadhay, halkan waxaad ku arkaysaan xisaabiyahii guud ee qaranka oo isaguna Kulmiye dhex jooga,waxaad halkan ku aragtaan agaasimihii wasaarada qoyska, waxa ku xiga guddoomiyahii ka hortaga aafooyinka, waxaad ka warqabteen in Muuse Biixi oo madaxweynaha dalka ah uu ku olloleeyay balanteenu waa saraynta sharciga  markuu dila jogayna waxa uu lahaa waxa idabrayaa waa dastuurka dalka iyo sharciga, waxa uu shir u qabtay agaasimayaasha guud ee dalka oo uu yidhi shaqaale ayaad tihiine siyaasad ma gali kartaan agaasimayaashiisii oo astaantii xisbiga sitaana hortiisa ayay fadhiyaan, iyamuu sax yahay ama qaldan yahay madaxweynuu, halkan waxa fadhiya waa hanti dhawrii qaranka oo isagana aad wada arkaysaan haayadaha dawlada hadii Kulmiye sidaas u bahdilaayo oo ay dhibaatooyinkaasi jirayaan, waxa ka soo salag leh saadaashaada lama garanaayo.”

Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa dhankiisa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay“Waxaan ka hadlayaa sharcidaradii ugu weynayd ee abid intuu dalkani jiray dhacday iinay ka dhacday shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye uu qabsanaayay, hore waxaan u ogayan in Kulmiye ina baray caadooyin iyo dhaqamo ku cusub saaxada siyaasada, waxa kale oo hore aynu u ogayn Kulmiye waxa uu ina baray intaas dalka uu haystay waxyaabaha ay shacbigani ka faaideen oo kow ay ka tahay sicirbararka, busaarada,shaqo la’aanta, dhaqaale la’aan tiirkii ugu danbeeyay oo ah sharciga inuu isna maanta gacanta ku qaatay, hore waxyanu ollolihii u ogayn in garsoorayaal ka tirsan maxkmada ay u olloleeyeen  xisbiga Kulmiye oo iyaga oo astaantii xisbiga xidhan ay fagaarayaal ka hadlayeen iyaga oo u ollolaynaaya xisbiga Kulmiye, waxa raali ka ahaa oo ku dhiirinayay hogaanka xisbiga Kulmiye, shacbigu dood badan ayuu ka keenay oo waa kii dacweeyay cid dhag jalaq u siisayna ma jirto, maalinba waxbaa u suurto galaayay Kulmiye oo uu  shacbiga ku eegayay tii ugu danbaysay shalay ayuu qaaday oo haayadii xeerarka ku aas aasnaa ama aan loo ogolayn inay siyaasada ku milmaan inaan ka dhex aragnay iyaga oo shirkii dhex fadhiya oo astaantii xisbiga Kulmiye isku duubay.”

Yuufuf Kayse oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Ninkaas xilkiisa gudanaaya waa hantidhawrkii guud ee qaranka,waad arkaysaan sida uu isugu jeeniqaaray calankii astaanta xisbiga Kulmiye,sharcigu uma ogola in xisbi siyaasadeed uu ku milmo si dadban iyo si cad labadaba, halkaas waxa ka cad inuu yahay xisbiga Kulmiye golaha dhexe meesha waxa tagaayay golaha dhexe uun, sidee uu dhex u noqon karaa markaas,waxa igaga sii daran xeerka tacabka la galiyay iyo haayada uu madaxda ka yahay ee uu baabiyay aad ayaanu uga xunahay, xeer ilaalinta xubno ka mid ah ayaan halkan ku aragnaa,xisaabiyii guud ee qaranka isaguna waan arkaynaa, guddoomihii bangiga ayaan isagana arkaynay iyo agaasimihii guud ee baanka, tani waxay tilmaamaysaa dalkan waxii la odhan jiray sharcigu inuu meesha ka baxay, xisbiga Kulmiye gacantuu ku qaatay kubadii la yidhi lugta ku ciyaar.”

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>