Khudbadii Madaxweynaha kililka 5aad ka jeediyey dhagax-dhigii Berbera Corridor+Ballanqaad uu u sameeyay S/land & Wuxu ka aaminsan yahay..
Khudbadii Muuse Biixi ka jeediyey Dhagax-dhigii berbera Corridor+Ballanqaadyaduu shaaciyey+Warqad Af-carabiya oo uu Goobta ka akhriyey
Siyaasi si adag u naqdiyey Khudbadihii Muse Biixi & Shirkii Kulmiye+Ceebo uu soo bandhigay
Xisbiyahanad sare oo si adag uga hadashay Haweenay tacadiyo loo geystay,Suuqana lagu qaawiyey
Somaliland: Berbera Corridor Inaugurated
Somaliland: Berbera Corridor Inaugurated

Hargeisa,(Qaran news)- The Somaliland President Muse Bihi Ahmed, accompanied by the President of the Somali Region of the Federal Republic of Ethiopia, Mustafa Mohamed Omar, have together inaugurated the construction of the new road which link the port of Berbera to the Somaliland-Ethiopian border town of Wajale.
The road known as the Berbera Corridor which is funded by the Abu Dhabi Development Fund, will be over 250 kilometres long and will have seven major bridges. There will also be a 21 kilometre bypass to the Somaliland capital, Hargeisa.
Speaking at the groundbreaking ceremony, President Bihi traced the historical economic ties between Somalialand and Ethiopia, as well as, the ancient sea faring commercial ties with the former Trucial States, now the United Arab Emirates. Goods from the Ethiopian hinterland were brought over land to the ports of Berbera and Seylac and then on by dhows to Aden and as far as Muscat and Dubai.
President Muse Bihi Abdi included in his remarks the economic potential of the Berbera corridor in creating jobs and developing the trading opportunities in Somaliland, Ethiopia and the United Arab Emirates.
Also speaking at the ceremony, the President of the Somali Region of the Federal Republic of Ethiopia, Mustafa Mohamed Omer, paid homage to the ties between all the Somali people in region, culturally, socially and economically. The president declared the Berbera Corridor will bring these ties even closer.
Speaking on behalf of the Abu Dhabi Development, deputy-Director General, Syed Khalifa, highlighted the potential of the Berbera Corridor along with the development of the Port of Berbera by DP World. The construction of the road is expected to take up to 22 months and will also link with a new civilian airport in Berbera.
Kulmiye Xeerkii Xisbigiisa Tuur Xukuumadiisuna Dastuurkii Dalka Xoortay
Kulmiye Xeerkii Xisbigiisa Tuur Xukuumadiisuna Dastuurkii Dalka Xoortay
Xisbiga Kulmiye waa xisbi ka mida xisbiyada qaranka Somaliland waana xisbiga kaliya ee dadka mayalka u haya lagu sifeeyey kuwo aan fahansanayn qaab siyaasadeedka axsaabta badan waayo Waxa xisbiyada loo sameeyey si looga baxo qaab siyaasadeedka ku dhisan Ardaayada siddaa laajigeed waa xisbi leh xeerar iyo qodobo u dhigan Siddii xisbi se ku DHAQMA xeerar iyo qaab beeleed iyo xulufaysi ardaa, waa xisbi dadka mayalka u haya ay ku uloleeyaan kala qaybsanaan mujtamaca ay kala qoqobayaan iyo afxumo, deelqaaf iyo hadalo xanafleh oo ku lidi ah midnimada waana xisbigii Ruqsada loo siiyey Af Xumada!!.
Kulmiye gudihiisa laguma dhaqmo oo lama tix geliyo shuruucda iyo qaanuunka xisbiga u dhigan, si dumuqraadiyad iyo cadaaladi ku jirto looma raaco shuruucda xisbiga u dejisan, Madaxda xisbiga iyagoo xil xisbiga u haya ayaa laysku dul magacaabaa waxaad moodaa meherad nin leeyahay oo xubnaha xisbiga Siddii ladoono ayaa laga yeelaa, muuqaalka iyo magac uyaalka waa xisbi qaran se qaabka uu u shaqeeyo waa xisbi Qabiil.
Dhanka xukuumada xisbigan allow sahalka ah ee kulmiye tabta xisbigu uunan u tixgelin shuruucda ayey xukuumadiisuna sharciga iyo dastuurka u tixgelin, waayo masuul inta xil loo igmado ayaa Isaga oo aan lacasilin xilkii Cidkale loo magacaabaa oo dhacday, dhowr jeer, xukuumadii hore ee kulmiye dalkii Bay boobtay oo dayn malaayiin ah aan ciddi bixin karin ayey ka tagtay Isaga oo dalku dalalka aduunka ugu saboolsan ku jiro, xukuumadan hada joogtaana ways kaba raacaynaysaa iyadoo ku darsatay dhaqan dumis iyo dastuur xoorid, waayo Dhaqanka Soomaaliland Waxa ugu mihiinsan waa suugaanta oo suugaantii waaba laysku xidhayaa, halkii Dhaqanka dhacdo walba xumo iyo samo laga gabyi jiray caadiyan ciddii been gabaydana loogu JAWAABI jiray se xukuumad af af u weydey weeye oo cabudhin, caga-juglayn iyo xadhig miciin biday.
Dastuurkii la xoor KOL hadii qodobkii uu ku taagnaa ee ahaa JIRITAANKA JAMHUURIYADA Somaliland WAA MUQADAS haddii meeshaba laga saaray socdaalkii ugu horeeyey ee madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi u baxay waakii ay isku soo af garteen soona saxeexay in Somaliland maamul tahay somaliyana fadaraal tahay, KOL hadii jamhuuriyadii meesha laga saaray oo somaliland maamul noqday kamida dowlad goboleedada iyo fadaraal isku sheega xamar dastuurkii dalka waa la xooray.
Waxa se aan la yaabay shacabka iyaga oo arkaaya dalkii lagu hor dhacay ee eega oo hadana dastuurkii lagu hor burburinaaya ee eegaya ee hadana indho-sarcaadka la tusaayo ee u sacabinaaya,
Dekedii waa la kireeyey lacag lagama hayo garoonkii dayaarada waa la kireeyey lacag lagama hayo, biriishkii caasimadu wuu dumayaa oo lacag looma hayo, wadadii ceerigaabo ee lacagta xad-dhaafka ah loo uruuriyey wax hadal hayaba, dooxa dacar-budhuq iyo aw-barkhadle sanad walba boqolaal qof baa ku naf waaya, maal badana waa lagu waayaa biriish la’aan, sidoo kale baahiyo badan ayaa dalka ka jira oo wax qabad u baahan, se dalkii inta maamul goboleed itoobiya lagaga soo dhigay ayaa lagu madadaalinayaa wado berbera ilaa wajaale ah baanu dhisaynaa boqolaal malyuun ku kacaysa!! Waa ruwaayad.
Waxa layidhi ninkaad kabo ka tolanayso kabihiisaa la EEGAA! Hadaba Xaqiiq Kulmiye xeerarkii xisbigiisa tuur xukuumadiisuna dastuurkii dalka xoortay!! Ee Ilaahow u sahal jamhuuriyadan barakaysan.
Ilaahaybaa mahad leh
Midnimana Somaliland.
Fuad Fartaag
Fartaagmuwaadin@gmail.com
Curdin-dhadhiye: Maanso Ka Hadlaysa Bahalnimo Loo Geystay Gabadh 12 Jir Ah.
Maansadani waxa ay soo baxday 27kii Feberweri 2019ka, waxay ka hadlaysaa gabadh yar oo 12 jir ah, oo kufsi, dil iyo xadgudub loogu geystay magaalada Gaalkacayo, xarunta Gobolka Mudug. Jidhdilka iyo naxariis-darrada dhacday waxa lagu astayn karaa dadqalnimo.
Gabadhaas yar oo la odhan jiray Caasha Ilyaas, waxa ku dhacay xadgudub aanu ka adkaysan karin damiirka nooli. Waxa ay ku baaqaysaa in caddaaladda la horkeeno kuwii bahalnimada ku kacay. Tixdu waxa ay diiradda saaraysaa in la daryeelo haweenka iyo carruurta.
Kufsigu waa tacaddi soo noqnoqday, waxa ay carrabaabaysaa falal foolxun oo hore u dhacay sida:
1. Wiilal kufsi wadareed geystay oo sawirro ka qaaday bilistii ay fara-xumeeyeen, kuwaas oo lagu ciqaabay xukun aad u jilicsan
2. Askari xubinta taranka ka toogtay gabadh uu rabay in uu dhaxal-wareejiyo oo diidday
3. Nin ku eedaysan kufsiga gabadh yar oo Burco ku geeriyootay.
Maansada Curdin-dhadhiye, waxa ay tidhi:
Cawdeedu markay baxdee
Cammuuddiyo iil la dhigay
Waxay ku casuuman tahay
Cawada jannadii Allee
Waxay ka cataabaysaa
Caynkii ifka loogu galay
Dareenka haddaan cabbiro
Waxay tidhi Caasha-yarey
“Carruurtu ma ay mudnayn
Inay carcaraaf martee
Wuxuu canug kaa geyaa
Inaad carbisood hagtood
Asluubta cuddoon bartee
Haddaan curdin-dhadhiyihii
Kuwii cawo-beelka falay
Cadaawe sidaan ahaa
Kuwii i ciqaabay’ee
Caarcaarka naftayda baday
Cadkaygana sii jarjaray
Caddaalad haddaan la marin
Cawaaqib xun baa ku xigi”
Waxay tidhi Caasha-yarey
“Dameer calcalyada dhergaa
Markuu cosob goosto doog
Lammaanaha caacsadee
Sidiisa dad baa cahdigan
U caydhsada maatidoo
Dar baa jira caadhku hago
Cuf iyo tamar maan lahayn
Calyada qurux loo qubiyo
Wuxuu igu caashaqiyo
Calaamado jiita iyo
Ma lihi cambaruud bilnaa
Cimrina qaangaadh ma ihi
Culaysna ma qaadi karin
Caalluhu naxariis darnaa
Markaan cawday een “adeer”
Codsiga “igu daa” ku idhi
Cafiska iimuu tixgelin
Ilmada canka buuxisiyo
Codkaygana wuu bannaaday”
Waxay tidhi Caasha-yarey
“Hooyadu cudud bay u tahay
Caynaanada aadmigee
Caloosha kuwaan sidnow
Marka kale calmashada jacayl
Kuwaan calafkooda guur
Cawayska la loolaynnow
Cuurkaanu walaal nihiyo
Cidla’da wehelkoodiyow
Cakuye aabbaha mar kale
Caleenta la saarayow
Caliimku ragguu xillkiyo
Cayaanka u dhiibay ow
Maxaa caqligiinni helay
Wax ceeb ah inaad dhigtaan
Miyaan laga caagahayn?
Haddaan cilladdaa la dayn
Allaa ka cadhoonayee
Intaad is-canaana taan
Codkiinna ku diida tuu
Cawaanku haddeer ku kacay
Carraabaye duulka nool
Ka jira camalladan gurracan”
Waxay tidhi Caasha-yarey
“Calaacal wax kuuma taro
Cabaadka la faafin iyo
Waxaa cabashadan tiftaa
Dadyahaw celinaaya ficil
Xumaa lagu caabbiyee
Is-kaashada caalamkow
Xishoodku nimaanu celin
Coobbiyo ku muquunsha qori
Ishii Cali waa digniin
Caanyadu wax ku qaadatee
Haddaan xadgudbaha cadkiyo
Cidaamkiisaba la goyn
Ciriqa lama baajin karo”
Waxay tidhi Caasha-yarey
“Halkii cudud xoog leh mudan
Cambaari ma kaafidee
Cabbaysta hubkiinna oo
U ciidama hiilka dumar
Cabsida ha ku joogsadee
Cadaadiya kii shar wada”
Waxay tidhi Caasha-yarey
“Waxaa carrigeenna nool
Intay bilistii cuneen
Kuwii cawrada sawiray
Cadqaate waxaa fasaxay
Caantaynno ku qaata dhagar
Bulshada ceeb baa dul taal
Caruuska midduu galay
Ninkii curaddeedda dilay
U dhaafayna caydigiyo
Midkii yarta ceejiyee
Intuu cararkii firxaday
Dhallaanka la caymadee
Beentana ku caquuqay baa
Burcana ku cabbaaya liin
Dharaar cad miyaad dishaan?”
Waxay tidhi Caasha-yarey
“Nin ciidan ahaa rasaas
Ciqaabta miyuu haween
Cadradda shiish jaan ku deyay
Ku ciil baxay toogasahada
Haddaan casharkaa horiyo
Cibaaradu dheef ku barin
Wallee cudur sii kordhiyo
Caadaysiga oo socdiyo
Inuu dhaco caabaq filo”
Siciid Maxamuud Gahayr
siciidgahayr@gmail.com
The Coming Disintegration of Ethiopia And The Rise of The Great Cushitic Federal Republic
The Coming Disintegration of Ethiopia
And The Rise of The Great Cushitic Federal Republic
For centuries, Ethiopia was known as the lion of Africa but that pride ended when Somalia invaded Ethiopia in 1977 and brought it to its knees as Somalis are the most fierce warriors of Africa, especially in the Horn of Africa.
Since that defeat, the oppressed community of Oromo realized that no human oppressive power is eternal and the gradual peaceful resistance of the Oromo people finally paid off and inflicted defeat to the Ethiopian centuries-old rule of Semitic Amhara and Tigray.
The Amhara and Tigray who share ethnicity with Arabs and Asians, but speaking Cushitic Language, ruled Ethiopia for centuries committing all kinds of atrocities and human rights abuses against the Cushitic communities, the descendants of Ham in Africa, mainly Oromo, Somalis, Afar and others. They were also solely responsible for the centuries-old hostilities and hatred between Somalia and Ethiopia for having failed attempts to get access to the sea.
Now, Oromo people seized the power of Ethiopia to rule it in their turn. But Amhara and Tigray may never accept a government led by Oromo and is likely that civil war may be on the horizon incited by Amhara and Tigray. Amhara and Tigray will never give up trying to topple Prime Minister of Ethiopia, Abiye Ahmed, to restore their centuries-old oppressive power as they don’t believe in democratic change and social equality in Ethiopia. Likewise, Oromo, which is the biggest community in Ethiopia will never accept the return of oppressive regimes of Amhara and Tigray.
This deep political ethnic hostility in Ethiopia may lead to the total disintegration of Ethiopia as we know it today and the emergence of new small independent republics such as Amharic Republic State,Tigrayan Republic State, Oromia Republic State, Somali Republic State, Afar Republic Sate etc. It is possible that Tigray and Eritrea may share federalism, Amhara may have federal state with other Ethiopian minority communities while Oromo and Afar may share federalism with Somalis and Afar for being all cushites.
Then, it could happen, in the future, that a great Federal State of Cushitic peoples is born in the Horn of Africa from the integration of Oromia State, Somali State (in Ethiopia) Afar Sate, Somaliland Republic, Somali Republic and Djibouti State with Addis Ababa as their national capital. The rise of Great Federal Republic of the Horn of Africa is possible with high probability. A bold political prediction.
Ibrahim Hassan Gagale
As per usual the opinions expressed in this articale are those of
the author and do not reflect the opinions of qarannews.com
Hamza bin Laden: Saudi Arabia strips Osama Bin Laden’s son of citizenship
Halkani ka Daawo Wararkii caalamka iyo Wararkii ugu danbeeyay ee qaraxyadii Muqdisho
Halkani ka daawo khudbadii Sheekh Adam Siiro Ee Maanta Iyo Nuxurka Ay Xanbaarsantahay
The Arguemnts For Recogntion
THE ARGUMENTS FOR RECOGNITION
The Legal Nature of Recognition:
Old International Law settled questions of title by the tool of recognition. Theories such as “ and “ declaratory” and ” constitutive” were used to debate about the nature and function of recognition. However, in contemporary international law, recognition alone is not dispositive in determining the legal status of states. Other norms of a humanizing character have entered the process of making states. To the extent however, that recognition enables a people to internationalize their claims, it is useful.
A head count of all authorities shows that the declaratory view prevails, that recognition only confirms the fact of existence of a state. It is not practical politics to refuse to recognize a state if it possesses attributes of statehood. The attributes of statehood as laid down in the Montevideo convention are a government, territory, defined population and a capacity to enter into international relations. It is evident that Somaliland possesses all attributes of statehood. It is distinct people occupy their traditional territory and the government has effective control over the population. Under these circumstances, the recognition of Somaliland is an international imperative.
Conformity With International Law
As indicated above, Somaliland has renounced territorial claims on other countries that the earlier Somalia had subsumed under its banner of “ Great Somalia”. It has accepted the colonial borders. As is well known, Somalia irredentism was a major source of in stability on the Horn of Africa and its removal paves the way for peace stability and prosperity in the region. Furthermore, the acceptance of colonial borders is in accordance with the African Unity “OU” policy. Fears of balkanization as a result of the recognition of Somaliland are unfounded since no new border is being created as in fact, for the first time colonial borders troubled borders are those of Somaliland. Lastly, the International Community is under Articles 55 and 56 on the UN charter. Only international attention can assist the fledgling state to stand on its own feet.
Article one of the International Bill of Rights refers to the right to self-determination, as does the UN Charter in Article 1, 55 and 56. The principal questions here are however, whether the right to self-determination is applicable in Somaliland and if it is, whether it will entitle Somaliland to claim independence. There are sound reasons why the right to self-determination should be conceded to Somaliland. First , One of the reasons behind Somaliland’s assertion of Independence is the incompatibility between Northern and Southern Regions. The incompatibility arises from distinct colonial experiences, which contribute, to a unique identity. Where the reason for self-determination claims lay in historical experiences that are grounded in colonialism, there is no reason to deny the right to the people who wish to exercise it. Second, when the assertion of self-determination does not result in changes in international boundaries and does not pose a threat to inter-state peace, it ought not to be denied to achieve the short-term goal of doctrinal uniformity. Somaliland has expressly stated that it accepts the boundaries of the British Protectorate in 1960. Third, when the assertion of self-determination is more conducive to inter-state peace, its validity is strengthened manifold. It is to be noted that Somaliland has the potential of Solving Longstanding regional disputes with Ethiopia, Kenya and Djibouti, due to its acceptance of colonial borders and close ties with Ethiopia.
Finally, legal right of self-determination arises upon the abuse of the political principle of self-determination. In this connection two related issues have to remembered. First , X. North “
Somaliland” had overwhelmingly reject the unified constitution in a referendum. Second, The UN, practice of conducting plebiscites prior to desalinization, as in the case of British Togo land . Under these circumstances, right to self-determination appears to be applicable to Somaliland. The exercise of such a right should also enable it to claim its independence.
The Birth of Somaliland is an inevitable result of a distinct colonial experience. It is also the result of extreme economic exploitation and human suffering . The irredentist policies of Somalia also contributed to the alienation of the Somaliland population, which never acceded to the Union in the first place. While the past can not be undone, the international community has a rare opportunity to bring peace and prosperity to the Horn of Africa. By a single act of recognition, it can end the sad sage of human suffering, enhance the prospects for peace in the region by putting and end to the Great Somalia concept, and enable the people of Somaliland to reclaim their Future.
ANIIS A, ESSA. Director
SOMALILAND ADVOCACY GROUP
WASHINGTONG DC. USA
Amb.Safiina oo naqdiyey weedho xajiimeysan oo ka soo yeedhay Ex-wasiir Samaale
Wasiir keenii hore ee wasaarada maaliyada
Mudane Abdilaziz Mohamed Samaale oo kamid ah xisbul xaakimka Somaliland ee kulmiye oon hada dhagaystay khud-badiisii uu ka jeediyay shirka golaha dhexe ee Kulmiye isagoo la dardaar mayay Madaxwayne Muuse biixi cabdi wuxuu mar iyo kabadan ku celceliyay CADAWGEENA iyo CADAWGEENA XISBIGA iyo XUKUUMADA .

Mudane Wasiir Bulshada Somaliland cadaw isuma aha, Mucaaradka, Xukuumada iyo sadexda Xisbi Qaran cadaw isuma aha, kaliya loolan siyaasadeed ayaa ka dhexeeya, arintaa aad ku hadashay hadaad si qaldan u tidhi raali galin gole joog ah ka bixi, ileen waxaad tahay musuul umad dhan hagayee, hadaad aamin santahayna ood raali galin ka bixin waydana ogow inay tahay dhibic madaw oo siifiiga kuu gashay.
Alaa mahad leh.
Amb Ahmed Safiina
Waxayaabaha uu qaraxii ugu dambeeyay ee Muqdisho kaga duwanyahay kuwii hore
Waxayaabaha uu qaraxii ugu dambeeyay ee Muqdisho kaga duwanyahay kuwii hore

Mar kasta oo qaraxyo ay ka dhacaan magaalada Muqdisho waxaa caadi ah in ay gaystaan khasaare isugu jira naf iyo maal, oo soo gaara dad shacab ah iyo mas’uuliyiin intaba.
Qaraxyada Muqdisho ka dhaca waxa ay badankoodu dhici jireen waqtiyo kala duwan oo maalin ah sida subax hore duhurradii iyo galbihii.
Balse qaraxii ugu dambeeyay ee xalay dhacay waxa uu kaga duwanyahay qaraxyadii kale dhowr waxyaabood.
1- Qaraxaan waxa uu dhacay xilli habeen ah oo inta badan aan muqdisho looga baran in ay qaraxyo ka dhacaan
Maadama xilliga habeenkii ah uu yahay waqti ay dadku ka nasanayaan shaqooyinka isla markaana ay iska joogaan guryahooda halka kuwa kalana ay ku caweeyaan goobaha hoteellada, Makhaayadaha iyo xaruumaha kale ee bulshadu ku kulmaan.

Marka quruxda magaaladu muuqato waa xilliga habeenkii oo ay camirantahay, sidaas darteed ayaanay dad badan maleysan karin in ay dhacaan wax lid ku ah amniga.
Dadweynaha Muqdisho waxaa ay inta badan arki jireen qaraxyo dhaca maaalin, taas oo dareenkooda feegjignaanta u leexisay in ay qaraxyada iyo weeraradu u maleeyaan in ay maalin oo kaliya dhici karaan inta badan.
Marka la is barbardhigo qaraxyada dhacay habeen iyo maalin waa tiro aad u kala fog, waxaana aad u badan kuwa dhacay maalinta.
2- Mid ka mid ah Raggii weerarka soo qaaday oo la qabtay isaga oo nool.
Sida la wada ogyahay markii weerar uu dhaco, dadka weerarka soo qaada badnaa ma suurta gasho in nolasha lagu qabto waxaana taa badelkeeda la maqlaa in ay iyagu is qarxiyaan oo sidaaas ku dhintaan iyo in waqtiga weerarku socdo lagu dilo iska hor imaadka dhex mara ciidamada iyo kooxaha weerarka soo qaada.
Haddaba weerarkii xalay dhacay, waxaa la sheegayaa in la hayo mid ka mid ah raggi soo qaaday.
3- Warbaahinta Dolwadda Soomaaliya oo looga bartay tabinta waraka weerarada ayaan markan muhiimad siinin.
Inkastoo Dowladdu aysan ka hadlin sababta aan xoogga loo saarin tabinta wararka ku gedaaman weerarka, haddana waxaa muuqanaysa in warbaahinta dowladdu ay xoogga saareen sheekeeyinka caadiga ah ee maalinlaha ah, iyada oo uu wali socdo weerarkii xalay lagu soo qaaday agagaarka hoteelka Maka Al-Mukarama .

Qaar ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed ayaa arrintan u arka mid loo baahanyahay, waxaana ay sheegayaan in tabinta wararka weerarka Al- shabaab ay dhiirri galin u tahay iyaga, hase ahaatee tallaabadan ay hadda dowladdu qaadday ay muujinayso in aan la buunbuunin dhibaatada iyo qaraxyada magaalada.
Horey marka ay weeraro noocan oo kale ah u dhacaan warbaahinta Dowladda waxa ay aad xoogga u saari jirtay tabinta wararka iyo guulaha ciidamada dowladdu ka gaaraan iska caabinta kooxaha weerarka soo qaada.
4- Weerarrada Shabaab ku qaadeen Hoteellada Muqdosho waxaa ay ku koobnaan jireen hoteelladaas oo kaliya, haddase xaafadaha ayay galeen.
Wararka aan ka helayno magaalada muqdisho ayaa sheegaya in kooxdii weerarka soo qaadday ay galeen xaafadaha ku teedsan wadada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama isla markaana ay gudaha guryaha ku qabsadeen dad shacab ah, waana arrin aan horey looga baran Al-shabaab.

Galitaanka xaafadaha ee Al-shabaab waa arrin ku cusub weerararda shabaab ku qaadaan hoteelada Muqdisho, waxaana ay cabsi ku sii abuuri kartaa shacabka magaalada oo awalba horey ula daala dhacayay culeysyada amniga iyo nolasha guud.
Sidoo kale arrintan ayaa keeni karta in khasaare badan shacabka ka soo gaaro maadama howlgallo ka dhacayaan xaafadaha oo dadweyne badan ku nool yihiin
Xog:Xukunka dalka Soomaaliya waxaa isku haya Shabaab iyo Qurbejoog
Xog:Xukunka dalka Soomaaliya waxaa isku haya Shabaab iyo Qurbejoog
“Haddii la hadlana waa-af-sallax-kudheg, haddii kalana ariga jaqiiqda laga deyn maayo.” Oraah Soomaaliyeed.
In kasta oo u-orodka kursiga Soomaaliya uu marxalado kala duwan soo maray oo hadba qolo isku soo qabsanaysay, waayadan waxa uu dhexyaallaa Qurbejoog iyo Alshabaab.
Haddii aad la socoto, dadka hadda waddanka haysta, min agaasine, guddoomiye degmo, mid gobol, la-taliye, wasiir iyo wasiir-ku-xigeen, baarlamaannada 75%, raʻisulwasaare ilaa madaxweyne waa wada qurbejoog. Maxaad kuwaan ka sheegeysaa, madaxda ciidamada: dhul, cir, booliis iyo nabadsugidba waa wada qurbejoog. Ku darsa o, mucaaradka doonaya in ay xukunka qolada haysa kala wareegaan waa wada qurbejoog. Dhammaan dadkaasi hal qofna carruurtiisa dalka ma joogto.
MA DOONAYAAN IN AY U DHINTAAN DALKA AY XUKUMAYAAN?
Sayid Maxammed, nin aan xaaskiisa iyo carruurtiisa xera Daraawiisha keenin, kuma aamin qabi jirin, waxna uma dirsan jirin. Itoobiya, nin aan carruurtiisa iyo xaaskiisa dalka joogin ma aaminto dhulxaaqna uma dhiibato.
Waa saase, nin aan carruurba ka joogin, yuu u dhimanayaa? Maya, ha sheegin. In ay magac iyo lacag ka uruursadaan mooyee, wax kale ma leh. Weligaa maqli maysid nin ama naag qurbejoog ah oo dagaallamaya ayaa dhintay! Ma rabaan in ay ka dhintaan qabawga, dalxiiska iyo lacagta ay kala rogayaan. Taas beddelkeed, waxa ay degaan guryo dhagxaan lagu wareejiyey, hoteello shub ku meegaarsan yihiin, waxa ayna ilaalo ka dhigtaan dhallinyaro gaajaysan. Waxa uu joogaba waa inta uu shaqadaasi ku jiro, kolka ay u dhammaato horay buu ka laabanayaa. Si kale, waa dal aysan shaqo ku lahayn oo ay u soo shaqo tageen.
ALSHABAAB
Waa mitid xukundoon ah, waxa ayna u halgamayaan in ay waddanka u taliyaan. Nimankani, xukunkooda daacad bay u yihiin. Waa u dagaallamayaan, waa u dhimanayaan, naftoodana waa u hurayaan. Dibed ma aadaan, carruurahooda iyo reerahooda waddanka ayey ugu nool yihiin.
MADAXWEYNAHA IYO AMIIRKA OO QORRAXJOOG U TAGAY
Koox qorraxjoog ah ayaa mar u tagay Farmaajo, waxa ayna ka codsadeen in qorraxjoogta uu wax ka siiyo shaqada muushka ah, dhaqaalaha miiran iyo jagooyinka tuban. War laga waa. Haddana waxa ay u tageen Ubuu Cubayda. Isaga duurka buu ku jiraa oo shaqo iyo dhaqaale la weydiisto ma hayee, waxa ay ka codsadeen in uu qaraxyada lagu go`ayo ka daayo. Isna ju` lagama maqal.
MAXAA TALO U AH REER QORROXJOOG?
Waddanka waxaa ku hardamaya dawlado qaarkood ku hadla af Ingiriis, qaarkoodna ku warrama af Carabi. Wixii Ingiriiska ku hadlayey qurbejoog baa khadkooda soo xiratay, wixii af Carabi ku warramayeyna Shabaab baa khadkooda soo xiratay, sidaas awgeed, qorraxjoog oo awalba labadaasi af ku dhib qabtay, haddana adduun ay la xirato uma furna, taas darteed, waxaa u soo jeedinayaa, si ay u badbaadaan in ay heshiisiiyaan labadaasi qolo. Haddii aysan taasi dhacayn, maa la isaga dhexbaxo, oo kuwii awood roonaada, addoomo loo noqdo.
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
Somaliland: Ama Wado Cusub, Ama Mid La Hagaajiyey, Waa Horumar
Wakiilka Somaliland u jooga dalka Cimaraadka, Xasan Yasiin Hirad, oo aad moodid in uu xafiiska uu hayaa ka awood badnaaday baa yidhi ” Jidka Berbera ilaa Wajaale ee loo yaqaano “Berbera Corridor” ma noqonoyo mid cusub ee waa ka jira oo la balaadhiyey, oo dib habeyn lagu sameeyay”.
Wakiil, si kastaba ha noqotee, sow horumar uun ma aha? Hadaba, soo baro sida diblomaasigu hadalka u sheego. Labadii Madaxweyne, Wasiirkii Gaadiidka iyo Asxaabtii ka socotay Cimaraadka ayaad beenaalayaal ku tilmaantay.
Tamartaadu ma waxay noqotay mar aad keentid niman wax ugaadhsanaya, iyo mar aad madaxdii dalka hadalkoodii jar ka tuurtid? Horta yaa wakiil kaa dhigay? Maxaad soo baratay, oo xaggee hore baad diblomaasi uga soo shaqeysay? Ma aqoon iyo xirfadbaad ku joogtaa a meesha, mise ehelnimmo?
Saxiib, dalka wixii horumar u ah laguma istaago, ee kor baa loo qaadaa. Jidka haddii la balaadhiyo, oo dib u habeyn lagu sameeyo, sow Jid cusub ma aha? Ma kii horebaa mise waa mid cusub? Toddoba biiriij oo cusub baa la dhisayaa, waax cusub oo ilaa Hargeysa gaadhasa baa lagu darayaa, dhaqaalaha iyo ganacsiga seddexda dhinac buu kordhinayaa. Shaqooyin cusub buu abuurayaa. Intaas oo dhan maxaa kuu diiday inaad tidhaahdid?
Waar meesha soo dhaaf, Somaliland cid hawsha qabanaysa ma waayin.
Allaa Mahad Leh
Axmed Kheyre
Culimada waaweyn ee Hargeysa oo Maayarka & Badhasaabka Hargeisa Dhaliilo culculus ku ganay……
Madaxweyne Muuse Toltolkaaga Mooyaane Hayga Jeexjeexin
Madaxweyne Muuse Toltolkaaga Mooyaane Hayga Jeexjeexin
Sida aynu la wada socono Somaliland waxay soo jirtay wakhti ku siman ilaa 29 sanadood 1991 -2019. Waxaa iska soo bedelay shan madaxweyne oo uu ugu danbeeyay kan iminka jooga mudane Muuse Biixi Cabdi.Waxay muwaadiniinta aan ka mid ahay is waydiinayaan halka uu marayo geedigi bulshadeenu ugu jirtay in ay gaadhaan horuumar oo ay heleen aqoonsi caalami ah oo aynu ka helo beesha caalamka.Hadaba, inta aanan ka jawaabin sida aan u arko iyo aragtidayda, aan idiin soo tebiyo iswaydiintii naftayda ee ahayd oo waa kuma ninka maanta hogaanka aynu u dhiibanay ee hawshan laga sugayaa ?
Dee waa mujaahidkii Muuse ee afartii madaxweyne ee ina soo marayba kaladhka haystay ee ka laalaaday.Oo waxaynu filaynay in uu inoo dhaamayo ee ma kursiguu doonayay mise wax kale ayaa inoo dhiman oo uu weli inala maaganyahay? Dee malaha waxaan is leeyahay kursiga ayuun buu u haliilayay, oo hadana waxaan is waydiiyay, oo talow muxuu ku falayay kursiga? Waxaan isugu jawaabay malaha waxoogaa reerkooda ah in uu kuraas siiyo iyo in loo damaashaado oo durbaanka loo tumo kama badnayn. Waxaanu weli leeyahay waxbaan soo wadaa, waxaana dhamaaday sanad iyo badh! Nin baa laga sheegay “Waar toltolkaaga mooyaane bal hayga jeexjeexin” aniguna waxaaaban is waydiinayaa,
talow armuu uga daraa! Bal hadaba aan eegno oo dhugano wakhtigaa uu talada hayay iyo halkee joognaa?Waxaa muuqata oo uu madaxweynuhu afkiisa ku cadeeyay in aynu dunidii go’doon kaga jiro, isagoo Safarkii bariga ku guda jira oo Burco ka khudbadaynaya wuxuu yidhi “waxaan diyaar u nahay in 30 kii sanadood ee erateriya go’doonka ku jirtay aanu go’doon ku jiro” waa yaabe muu saadaal ka wanaagsan inoo sameeyo! Mar labaad maalintii dhaweyd ee uu ka soo noqday Ethiopia wuxuu sheegay in Abi Axmed inoo badheedhay oo yidhi Somali-wayn la midooba. Waa yaabe ma raadkii arooryo ayaynu dib u raacaynaa.Dhaqaalihii hadaan eegayna waxaa dalkii ka baxaya qaylo oo waxa aan lagu kala baydhin in busaaradi ku habsatay oo sixir-bararkiina halkiisii ka soo degiwaayay. Waxaa iyaduna inugu cusbaa, dagaalo qabaa’il oo ay ku dhinteen dad ka badan 110 ruux Laascaanood iyo Ceel-afweyn, iyadoo weli qaar taagan yihiin oo aan Madaxweynaha ka dhegaystay markuu shirkii Kulmiye ka khudbadaynayay labo beelood oo isku horfadhiya galbeedka Somaliland, waar hayga hadho mujaahidiintii ayaa siyaasada gudaha fahmaya oo waa niman aad dhaqanka u yaqaan mar hadii Maxamed Kaahin oo Daakhiligii jooga ay baroortii haweeku damiwayday oo dadkeenii tarabtab isugu dhimanayo.
Allaa kariim!Anigu eegay oo waxay ila tahay mudane Muuse Biixi waa Madaxweynihii ugu liitay intii Somaliland soo martay, waa Siyaasigii ugu hagardaamada badnaa ee madaxweyneyaashii hore caqabada ku ahaa ee ay talaabada ka rogi waayeen, maantaana himilidii iyo mustaqbalka Somaliland madaw badan ayaa isku gadaamay ee dalkii haloo feejignaado.
Ibraahin Cabdi Maxamed
Gudoomiyaha Maxkamada Sare Somaliland oo Lagu Eedeeyay Sharci Jebin iyo Ku Tagrifal Awoodeed
Noloshii cajiibka ahayd ee Raage UgaasQ1aad
Noloshii cajiibka ahayd ee RAAGE UGAAS Q1aad
Qalinkii Cabdi Caawiye
Nin walbaaba waxbaa lagu xasuustaa marku uu alaysto ama hoydo ee uu dhinto.
Mid waxa lagu xasuustaa geesino, mid deeqsinimo, mid fuleynimo, ninba waxbuu ka tagaa.
Haddaba Raage Ugaas Warfaa markii dambe noqdey Ugaas Raage Ugaas Warfaa wuxuu ahaa ugaas, hogaamiye, gabayaa, halabuur, dagaalyahan Soomaaliyeed kaasi oo noolaa wakhti lagu qiyaaso badhtamihii qarnigii 19aad. Raage Ugaas wuxuu ku dhashay ceelka Sasabane, meel u dhow magaalada Dhagaxbuur, Gobolka Soomaali Galbeed ee wadanka Itoobiya.Raage waxaa dhalay Ugaas Warfaa Faaraxa Samatar oo ahaa Ugaaska Beelaha Gadabuursiga, waxaa la dhashay labo wiil oo ka weynaa kuwaasi oo kala ahaa Ugaas Xuseen iyo Xilkab.
Si kastaba ha ahaatee, Ugaas Raage wuxuu yaraantiisii ku soo caanbaxay tirinta gabayga, iyo helida ereyo aad u dhumuc weyn.
Ugaas Raage wuxuu ahaa haldoor Soomaaliyeed kaasi oo lagu xasuusto gabayo, sheekooyin iyo dhacdooyin xiiso leh oo uu ka tagay. Sidoo kale, markii uu geeriyooday walaalkii Ugaas Xuseen waxaa la caleemo saaray Ugaas Raage oo qabtay talada Ugaasnimo ee beelada Gadabuursi taasi oo uu hayay ilaa horaantii qarnigii 20aad. Dhinaca kale, Ugaas Raage wuxuu noolaa wakhtiyadii uu Garaad Faarax “Wiilwaal” ka talin jirey deegaanada Ogaadeeniya. Sheekooyinka inbadan waxaa lagu sheegay xifaaltan iyo tartan dhexmaray Ugaas Raage iyo Wiilwaal, kuwaasi oo ku dagaalamayay gabadh haybad iyo qurux badneyd. Raage Ugaas gabayo badan ayuu ka tiriyay jeceylka gabadhaasi. Waxaana la sheegay inuu markii dambe dilay Garaad Wiilwaal.
Gabayga Alleyl dumay
Raage Ugaas ayey gabadhi u doonanayd, gabadhaasoo qurux Illaahay ku manaystay. Raage gabadhu way madax qaaday, oo aad buu u jeclaa. Waxaa gabadhii loo meheriyay Faarax Wiil-waal. Warkii markuu Raage soo gaadhay ayuu jiif iyo joogba diiday, kadibna tiriyey gabaygan la magacbaxay Alleyl Dumay.
Alleyl dumay albaabadoo laxidhay, uunkoo wada seexday
Onkad yeedhay uugaama roob, alif banaadiikh ah
Iihdayda bixibaa libaax iman lamoodaaye
Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye
Labadii waxlaga eegijiray waan ka awdnahaye
Halkaan aa ka leeyahay Illaah kaliya uun baa og
Aboodigu malalo garab haduu iin ku leeyahaye
Orod uma holado ooglihii adhaxda beelaaye
Ma aarsado il iyo oof nimay iimi kaga taale
Aroos uma galbado nimuu wadnaha arami jiifaaye
Geeluba markuu oomo wuu ollol badnaadaaye
Sidii inan yar oo hooyadeed aakhirow hoyatay
Oo aabeheed aqal midkale meel illina seexshay
Hadba waxaan la urugoonayaa uurkutaalada e
Ninka illo biyaleh soo arkoo ooman baan ahaye
Ninka ooridiisii nin kale loo igdhaan ahaye
Nin abkii Ogaadeen yahoo aarsan baan ahaye
Afdhabaandhow aayar ninkaa aamusaan ahaye
La soco qaybaha dambe……
Uririntii Cabdi Caawiye
+252411