Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Ma Laga yaabaa, Dhaqanka Socdaa In Uu Sii Kala Erdheeyo Shacabka?

$
0
0

Ma Laga yaabaa, Dhaqanka Socdaa In Uu Sii Kala Erdheeyo Shacabka?
Qalinkii Xassan Cumar Hoorri

Habeenkii Jimcaha, 11kii May, waxaa uu ku suntan yahay amin lagu bariiqday dastuurkii, lana wiiqay raasalmaalkii dalka oo ahaa nabad, xornimada erayga iyo dimuqraadiyad. Sida la sheegay, ciidamada amnigu waxaa ay gurigiisa ku jebiyeen Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, una taxaabeen xabsiga, isagoo huwan Xasaanad Qaran. Hawlgallada noocan ah oo soo noqnoqday, dhibbanayaashu waxaa ay ku doodaan in lagaga baaqsan lahaa yeedhmo keliya oo uga timaada hay’adaha nabadgelyo.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Mudane Baashe Maxamed Faarax, waxaa uu sheegay Xildhibaanka in lagu soo eedeeyay cabbiraadda ra’yigiisa. Qabashadiisa, sidii loogu weeraray qoyskiisa hortiisa, iyo isku dayga Sabtidii lagu horgeeyay Maxkamadda, si loo xalaashado xadhigiisa, waxaa uu Guddoomiyahu ku asteeyay, gebi ahaan, kuwo baalmarsan dastuurka. Waxaana uu ku ladhay, in la iska hortaagay in uu maxbuuska ku booqdo Taliska Ciidanka Denbi-baadhista, taasoo uu ku tilmaamay qoddob kale oo lagu jebiyay Dastuurka Jamhuuriyadda Somaaliland.

Dhawaaqa Guddoomiyahii Barlamaanka oo ah Masuulka Saddexaad ee Qaranka waxaa uu ka marag kacayaa sida sharcigu u fooraro taasoo keentay in ay janjeedhsato taladii qaranku. Waa maxay dawladnimada aan sheegannaa, marka Guddoomiyahii Golaha, askari uu iska hortaago booqashada xildhibaan sharci-darro ku xidhan? Miyaanay jirin cid la xisaabtanta masuuliyiinta sidan ugu takrifalaya awoodda, mise ciddii la xisaabtami lahayd ayaa soo amartay? Mase la garan karaa, dal iyo dibedba, waxyeelada soo gaadhaysa waxii ummaddu ay soo yabyabaysay 30ka sannadood? Sida uu sheegay Janaraal Fooxle, ma erayadi Dhakool oo aan cidna dheg u jalaqsiin ayaa kicin iyo colaad hurinaya, mise xad-gudubkan qof gob ah aanu ku sii joogi karayn?

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska, Jan. Cabdiraxmaan Liibaan “Fooxle” waxaa uu warbaahinta ku faafiyay in ay qabteen Xildhibaan “Dhakool” iyadoo loo cuskaday qoddobada 49 iyo 79 ee Dastuurka JSL. Qoddobadaa, Guddoomiyahu Barlamaanku waxaa uu ku sheegay in ay yahiin kuwo sugaya dhowrsanaanta xildhibaanada. Waxaana caddaatay in ay jaban tahay dacwaddii la soo maleegay markii Maxkamadda Gobolku ka qaban weyday, una qeexday in aanay awood u lahayn dhegaysigeeda. Sidaa ayaana ku cad qoddobada u soo xigtay Janaraal Fooxle, balse, indhahiisu aanay qaban.

Qod 49aad: 1. Xildhibaan Qaran looma qaban karo arrin uu golaha soo hor-dhigay ama uu ra’yigiisa ku cabbiray. 2. Waxaa lagu soo eedayn karaa wixii cay ama aflagaado. 3. Iyadoo aan oggolaansho laga helin Golaha, waxaa reebban in lagu fuliyo baadhis, waraysi, qabasho, xidhid ama tallaabo kale oo la xidhiidha ciqaab. 4. Tallaabo ayaa laga qaadi karaa haddii uu faraha ku la jiro fal denbiyeed iyadoo si degdeg ah loo ogeysiinayo Golaha. 5. Waxaa waajib ah in uu Golahu hubsado in ay toosan tahay tallaabada laga qaadayo xildhibaanka.

Qod. 79aad: 1. Xildhibaan waxaa lagu oogi karaa dacwad dembi ah haddii la qabto isagoo faraha kula jira faldembiyeed (Flagrante Delicto) uu ku mutaysan karo ugu yaraan saddex sanno oo xadhig ah. Lama hor geyn karo maxkamad, loomana gudbin karo xabsi, ilaa laga xayuubiyo dhawrsanaanta xilka. 2. Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa oogi kara dacwadda lagu eedaynayo ka dib markii ay dhowrsanaanta ka xayuubiyaan saddex meelood laba ahaan tirada guud ee Golaha. Dhegeysiga dacwadda waxaa awood u Ieh Maxkamadda Sare ee Cadaaladda.

Haddaba, dadweynahu waxaa ay isweydiinayaan, sharciga uu xildhibaan Dhakool ku galabsaday dakanaha intaa leeg ee kelifay dastuurka in indhaha laga laliyo. Ma isla sharcigaa ayaa xasaanadda siiyay Siyaasi Ismaaciil “Yare” Aadan, isagoo toddobaadkan madal kaga dhawaaqay Muuse Biixi Cabdi in aanu u aqoonsanayn Madaxweyne?

Dhanka kale, Cali Gurey ayaa degelka Facebook soo dhigay aflagaado laga yaqyaqsado. Waxaana uu qoray, ” Xildhibaanku markii uu yimid Hargeysa in uu xaarku ka dareerayay xaglaha. In uu yahay kabo-qaad calooshii u shaqayste ah. Iyo in uu gun yahay.” Haddaba, miyaanay u eekayn, sideedaba, xildhibaanda darfahu, ilaa guddoomiyaha, in aanay lahayn wax xasaanad ah. Balse, xasaanadda dhabta ay tahay tan ay ku tookhayaan Ismaaciil Yare, Janaraal Fooxle iyo Mudane Cali Gurey.

Saacado ka dib, Cali gurey waxaa uu qoray in uu rumeysan waayay xadhiga Xildhibaan Dhakool. Waxaana uu raaciyay, “hadalkii Dhakool maaha in mushkilad wayn loo arko. Guddida Anshaxa in loo daayo ayaan qabaa oo raaligelin uu isagu laftiisu ka bixiyo hadalkiisii meel-ka-dhaca iyo aflegaadada ahaa”. Cali kolay xidhig ka dheere ayaa xaalka ka bixinaya. Mise waa ragga laysanka u lahaa?

Ladhkan soo kacay, malaha, waxaa uu daarran yahay doodaha “tabliiqi Siyaasadeed” ee ka furmay Boorama, Hargeysa, Berbera iyo Burco. Dooddu waxaa ay ka tarjumaysa dareenka beelaha darfaha ee haybinaya Somaaliland hanata maanka iyo quluubta dhammaan muwaadiniinta. Waxaana ay sii xoojinaysaa dimuqraadiyaddii, is xurmeyntii, madax-bannaanidii erayga, nabadeyntii iyo is dhexgal la isku calool xaadho.

Dad badan ayaa u malaynaya xildhibaan Dhakool in laga raacay safar “Tabliiqi Siyaasadeed” oo uu dhowaan kula saanqaaday Madaxweyne Cali Khaliif Galaydh iyo Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ay ku tageen magaalada Burco. Mise, waxaa jira qorshe qarsoon oo lagu carinayo Beelaha Bariga Fog oo xillagan qoorta soo dhiibtay, kuna taamaya in ay kaa qayb qaataan dhismaha dalkooda.

Doodaha socda waxaa u riyaaqay bulshadaa inteed badan. Balse, waxaa jirta tiro ku hawlan in ay dhicisoodo. Ogow, 16 bilood ayaa xukuumadda looga fadhiyay xurmeynta iyo fulinta heshiiska dastuuriga ah ee ay wada galeen Madaxweyne Axmed Maxamed “Siilaanyo” iyo Madaxweyne Cali khaliif Galaydh. Heshiiska oo Barlamaanku ansaxiyay waxaa uu dan u yahay dhammaan shacabka Somaaliland.

Guuxa iyo dabaylaha soo kacay, waxaa aan ka xusayaa Boqor Cismaan “Buur Madow” oo dhowaan kaga tiraabay Abu Dhabai in xilka laga qaado Guddoomiyaha Barlamaanka loona dhiibo “qof uu xilku dhibayo”. Ma waxaa uu ka wadaa qof Beeshe Dhexe ah? Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna ka digay Barlamaanka in aanu hoggaanka u qaban qof isxanbaar ku yimid. Isna ma daantaa ayuu la rabaa? Xildhibaan Axmed Maxamed Nacnac ayaa isna si adag warbaahinta uga sheegay in uu Madaxweynahu dalka ka qabto kana masaafuriyo Prof. Cali Khaliif iyo Prof Samatar oo uu ku sheegay “Tabliqiyiin meel baas ka socda” oo dalka burburinaya.

Isku soo xoore, xukuumadda waxaa xil ka saaran yahay in ay tallaabo adag ka qaado galka dacwadda Xildhibaan “Dhakool”. In lagu oogo waxii uu eed leeyahy, haddii kale, in degdeg loogu soo celiyo sharftiisii iyo xornimadiisii. Ma aan filayo in lagu qancayo in la iska xidho Xildhibaan Xasaanad leh, hadhowna, la iska soo daayo. Haddii eed loo waayo, cadaaladdu waxaa ay ku jirtaa madaxdii godka ku hubsatay, in lagu hubsado halkii ay dhigeen. Haddii kale waxaa ay noqon doonta waddo halaq.

Ugu danbeyntii, Xukuumadda Somaaliland waxaa la gudboon in ay ku mintiddo fursadahan muuqda, kuwaasoo haddii ay lumaan, aan soo noqon doonin. Mudane Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha JSL waxaa uu shacabku ka sugayaa in uu isu soo jiido dadkii ku kala irdhoobay doorashadii, in uu korkiisa ku soo xanbaaro inta u soo hanqal taagaysa dhismaha Somaaliland inna wada deeqda, iyo in uu isku sii hayo inta badan ee ku jirta xayndaabka dawladnimo. Wax kasta ka horna in uu dalka ka qabto falalka iyo dadka sii kala fogaynaya shacabka. Waxaa aan filayaa in la gaadhay xilligii aan ka kori lahayn milil kor laga dhayo, balse, loo baahan yahay in la dillaaciyo boogta. Sidaa ayay jirtaa dawada iyo daanta Qaranku.

Xassan Cumar Hoorri, Machadka Dimuqraadiyadda Geeska Africa (HID), waxaa aad Kala xidhiidhi kartaa hassanhorri@gmail.com ama ku tixraac Twitter #Horrimania.


Ethiopia capture 9,711 Kalashnikov bullets from smugglers

$
0
0

The Federal Police of Ethiopia captures 9,711 Kalashnikov bullets from smugglers who were trying to bring into the capital, Addis Ababa.
The bullets were captured from smugglers who were trying to bring into Wollo area of Amhara region and the capital, Addis Ababa. The smugglers were transporting the bullets in two vehicles departed from Harar area, eastern part of Ethiopia, according to report of Federal Police of Ethiopia aired on national broadcaster – ETV – this afternoon

The bullets were seized this week by the federal police and customs officers at Alberekete customs post. The bullets were seized inside a car – Code 2- B28163 AA – Toyota Corolla vehicle and a van – code 3 -47593 Oro – high roof minibus. The police have arrested the people who were smuggling the bullets and investigation is currently underway, according to the report.

In a related development, Ethiopian Customs Commission has announced that it has captured worth 2.4 million birr (around $84,000) contraband goods from smugglers this week at different customs posts. The items include sugar, shisha, mobile phone apparatus and metal products.

Over the past few years it has become common to hear reports of illegal circulations of weapons, medicines, narcotic drugs, cash of different countries currencies and other manufactured goods. During the first nine months of Ethiopian Calendar started July 8, 2018, Ethiopian Customs Commission has captured around $30 million worth goods, including weapons, currencies of different countries, narcotic drugs and various goods, from contraband traders.

The contraband goods smuggled into the country includes manufactured goods such as electronic and electrical goods, garments of various kinds, perfumes, cosmetics, pornography, habit forming drugs, armaments and others. Sudan, Eritrea, Kenya, and Djibouti are identified to be the main sources of these goods.

Coffee, which is the country’s chief export item, a multitude of livestock, cereals of various types, animal skins, fuel and others are some of the goods smuggled out of the country.

 

 

Source New Business Ethiopia

Future of Power Whitepaper takes center stage at Africa Utility Week / PowerGEN 2019 Conference

$
0
0

PRESS RELEASE
Future of Power Whitepaper takes center stage at Africa Utility Week / PowerGEN 2019 Conference
As the 19th edition of the Africa Utility week and PowerGEN event kicks off, GE unveiled a whitepaper today on Re-imagining the future of power in Sub-Saharan Africa
CAPE TOWN, South Africa, May 13, 2019/ — Whitepaper highlights the future gamechangers in the energy landscape in Sub- Saharan Africa; Discusses the factors contributing to energy transformation and the enabling environment; Outlines the market’s response through region-specific case studies and the path forward.

Global and regional energy industry trends are continuously shifting and stakeholders need to stay constantly informed to better understand the key drivers of change. As the 19th edition of the Africa Utility week and PowerGEN event kicks off, GE (NYSE: GE) (www.GE.com/Power) unveiled a whitepaper today on Re-imagining the future of power in Sub-Saharan Africa (https://invent.ge/2VyUJF7). This paper, developed by the Strategic Marketing unit of GE in Sub-Saharan Africa focuses on the changing trends and future direction of the energy industry as it explores the relevance and impact of key drivers both regionally and globally.

Key themes discussed in the paper include decarbonization, decentralization and digitization as well as how they affect the current and future energy transformations in the region. The paper also sheds light on the rise of renewables including solar, wind and hydro and the place of geothermal in Sub Saharan Africa’s energy mix. The whitepaper also discusses energy sector management, financing and regulatory frameworks that create an enabling environment for the sector.

Sub-Saharan Africa needs power and there is seemingly an over-dependence on governments to resolve this energy dilemma. Governments are faced with investment, policy and regulatory framework challenges that oftentimes hinder their ability to fulfill the responsibility of providing affordable and reliable power. With increasingly diverse funding from public and private sources, including innovative partnerships with private investors and independent power producers (IPPs), the current narrative that two out of three people in the region needs access to electricity is expected to change.

“To solve Africa’s energy deficit and improve energy access, there is a clear need for solutions that foster collaboration through partnerships with governments, technology providers and the private sector” said Elisee Sezan, CEO for GE’s Gas Power business in Sub-Saharan Africa. “GE has been at the forefront of driving this collaboration which has resulted in significant milestone projects and solid partnerships that have successfully added more megawatts to the grid. We are delighted to lead this changing narrative on powering Africa forward and are committed to supporting energy initiatives to accelerate its progress” he added.

Africa Utility Week brings together utilities, financiers and energy leaders from across the region to discuss and develop technical knowledge in the field of electricity generation, transmission and distribution.

Faysal Cali Waraabe oo culimada dalka ka codsaday in ay u soo gurmadaan

Muuse Biixi oo sheegay in la qabanaayo cidii sharciga ku xad gudubta xitaa isaga xil ka xayuubin lagu samayn karo

Roob laxaadleh oo ka da’ay magaalada Burco Iyo nawaaxigeeda

Somaliland: President Muse Bihi Receives UK Ambassador

$
0
0

President Muse Bihi Receives UK Ambassador

The Somaliland President Muse Bihi Abdi received today at the presidency in Hargeisa, the United Kingdom ambassador accredited to the neighboring country of Somalia, Mr. Ben Fender, OBE.

Ambassador Fender was part of the recent EU delegation to Somaliland, but is now making his first maiden visit to Somaliland.

The president and the ambassador discussed areas of mutual interest including UK development to Somaliland, the security situation in the region and the prospective parliamentary and local elections scheduled for December, 2019.

The meeting was also attended by head of the UK office in Hargeisa, Stuart Brown and the Somaliland deputy-Foreign minister, Abdilkadir Omar Jama.

Somaliland: House of Representative Refuse To Remove Immunity From Dhakool & Criticizes Arrest

$
0
0

Somaliland: House of Representative Refuse To Remove Immunity From Dhakool & Criticizes Arrest

The Somaliland House of Representative has refused to lift the parliamentary immunity from Representative Dhakool. The representative was arrested a few days ago by the administration of President Muse Bihi for uttering, allegedly, ‘seditious” remarks pertaining to the 18th May anniversary.

The Marodi Jeh Regional court refused to hear the case against the representative and it’s Chief Justice, Qaw’dhan, ruled the arrest as illegal and unconstitutional, since the representative enjoyed parliamentary immunity.

The Speaker of the House of Representative, Bashe Mohamed Farah, has called on the government to release the representative since the house has decided not to lift his parliamentary immunity.

Representative Dhakool from Sool region is previously on record as stating that the 18th May anniversary is a national celebration, but recently declared that the date “belonged to Isaaq community, the Somali National Movement and not all communities were represented in Burao in 1991”.

The representative is currently in remand at the CID Division in Hargeisa, where he has been incarcerated since his arrest.


Somaliland: Afar qof oo haysta dhalashada dalka Canada… Laba Darjiidhay Dhaqankii Iyo laba qadariyay Laba kala haaba

$
0
0

Somaliland: Afar Shaqsi oo sitay dhalasho dalka Kanada baa Somaliland soo gaadhay, laba shaqsi waxay ixtiraameen dhaqanka iyo sharciga Somaliland, oo wayba ku aqal galeen,


Laba lamaane xadaan ah oo ku aqal galay Hargeysa


Labadana……….!!!

Roobabka ka da’ay Hargysa dhimashada iyo khasaaraha ka dhashay

Dumar Iyo dad danyarta ah oo madaxweynaha walaalkii dhul ka qaaday daawo

Dastuurka Somaliland ma la jiifiyaana bannaanbaa?

$
0
0

image.png

Madaxaweyne-nimadiyo
Maskabkiyo xilkaaguba
Ma muquunis uun baa?

Ma miskiinka darafkee
Muska reerka joogiyo
Magantaada xidho baa?

Ma masaar afweynoo
Muruqmaalka liitiyo
Maxasta uun jaraysaa?

Ma fallaadh mariidliyo
Mishigaan duryamayoo
Masalaha ag yaallaa?

Mise waaba miiniyo
Madaafiicda goobtiyo
Militeri hariiryo leh?

Ma mas iyo abees iyo
Jilbis milil afuufoo
Madaxtooyo korisoo
Muska Xaraf ag jiifaa?

1) Ismaaciil Yare wuxuu yidhi “Anigu Muuse madaxweyne uma aqoonsani kuna odhan maayo”

2) Guri Barwaaqo: Waa ninkii aflagaadeeyey Mujaahid Sayyid Maxammed Cabdulle Xassan, kuna sifeeyey nin aan Muslim ahayn, sidoo kale dafiray taariikhdii daraawiishta oo ku tilmaamay wax aan jirin oo dhib mooyee aan waxba laga dheefin. Waa ninkii aflagaadeeyey hablaha Ciidagale oo weliba ka qoray buugga (Satanic Verses) ee waddanka khalkhalka gelin gaadhay ee mudahaaradyada iyo shiraraka Jaraa’id ee isdaba joogga ah sababi jirey ee qabiilooyinka madaxa isu gelin gaadhay.

Madaxweynaha “Jamhuuriyadda” ma aqoonsani iyo 18ka May ma aqoonsani keebaa denbi ah, keebaanse ahayn? Keebaan dastuurka waafaqsanayn oo xadgudub ku ah, keebaanse ahayn?

Waa maxay sharciga qabtay Dhakool ee aan qaban labadan nin ee kale?

Ma Dhakool baa amniga khatar ku noqday oo dad kiciyey mise ninka buugga ku qoray aflagaadada ee qabiilooyinka foodda isu gelin gaadhay kana tallaabay xadkii anshaxa ee Soomaalida iyo kan Islaamkaba?

Siyaad Barraa xaqdarro samayn jirey ma sidanay dhashay?

Maxamuud Ibrahim (Xaaji)

dalmarbilaal@yahoo.com

Sawirka Todobaadka Shilalka baabuurta oo dalka ku soo badanaaya

$
0
0

 

Gaadhi ciidanka  boolisku leeyihiin  Iyo baabuurta xamuul ah oo is galay

Somali villager travels to US to confront army chief he says tried to kill him

Saudi Arabia: Oil pipeline attacked by drones

$
0
0

Dubai: Saudi Energy Minister Khalid Al Falih said on Tuesday that two oil pumping stations for the East-West pipeline had been hit by explosive-laden drones, calling the attack “an act of terrorism” that targeted global oil supplies

Falih said that Saudi oil output and exports for crude and refined products were continuing without disruption, but that the state oil giant Aramco had halted oil pumping in the pipeline while the damage was evaluated and the stations were repaired, according to a statement carried by the state news agency SPA.

Saudi Energy Minister Khalid Al Falih in a statment said “Two pumping stations on a major Saudi oil pipeline were attacked by drones on Tuesday, halting the flow of crude along it,”

The two pumping stations bombed belong to Saudi Aramco, forcing the state oil company to suspend operations in the area to assess what the kingdom said was ‘limited’ damage.

The stations are linked to a pipeline transporting oil from fields in the eastern sector to the port of Yanbu on the western coast, state-run Saudi Press Agency reported, citing the Energy Ministry.

Earlier, a television station run by Yemen’s Houthi group said on Tuesday the Iran-aligned movement had launched drone attacks on Saudi installations, without identifying the targets or time of the attacks.

Probe underway after Saudi oil tankers came under ‘sabotage attack’ off Fujairah
UAE on Sunday said the sabotage targeted four ships off the coast of Fujairah

Gulf news


Gudoomiye Cirro oo tacsiyadeeyay dadkii roobabka ku wax yeeloobay kana hadlay in uu la kulmay safiirada

Somaliland: Heavy Rains Cause Loss Of Life & Properties Across The Country.

$
0
0

Somaliland: Heavy Rains Cause Loss Of Life & Properties Across The Country.

Hargeisa,(Qaran news)-Heavy rains, accompanied by gale force winds have caused havoc in many parts of Somaliland.

In Hargeisa, at least six people were said to have lost their lives and several more still missing and many ramshackle abodes were swept away in heavy rains that brought the city to a standstill. The major thoroughfares of the city were flooded and the already decrepit roads became even more impassable.

In Caynabo, heavy rains with strong winds also caused flooding and damages to properties in the town. The town of Burao also saw some flooding as a result of the heavy rains.

As welcome as these rains are, with many parts of the country facing drought, the inability of the local authorities to prepare and deal with resulting floods and damages remains acute. Given the meager resources of the country, a certain amount of ingenuity and self-help is required.

The Somaliland President Muse Bihi Abdi inspected the damages caused by the rains in Hargeisa, accompanied by central and local government officials.

Dadkii shalay daadka ku wax yeeloobay qaarkood oo hadlay daawo

Hargeysa: Nin ku labisan isku joog laga tolay calanka Somaliya Iyo wixii qabsaday daawo

Muwaadin Jeel Ogaden Ku Xidhnaa 10 Sano oo Markii U Horeysay Qoyskiisa La Afuray

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>