Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Shir jabhada Caare loogu guraayo qaadhaan oo bisha danbe ka dhici doona Birmingham Iyo kacdoon laga hurinaayo Bariga Hargeysa oo Muqdisho laga soo abaabulay

$
0
0

Jaaliyada Isaxaaq Care ee UK- ayaa ku kala jaybsantay Shir afduub ah oo ay koox hore Caare magaalada Bristol Iyo meelo kalaba qaadhaan dhaqaale uga guray ay fool eryayaan
Shirkani oo ay ajandayaasii ka mid yihiin kicinta Iyo colaad ku abuurka beesha Bariga Hargeysa oo la damacsanyahay in laga hor keeno xukumadda Muuse Biixi, kadib markii shaqsiyaad hawshani hagayaa oo xil Ka soo waayay Somaliland Iyo kuwo ku xidhan maamulka Farmaajo ay damacsanyihiin in ay caruurta da’yarta ay ku magac doontaan oo kicin dadweyne ku sameeyaa, arintaasi oo Dhaqanka, diinta Iyo dastuurka dalka intaba ka soo hor jeeda

Shirkani oo loo qoondeeyay in uu dhaco maalinta15/6/2019 waxa uu ka qabsoomayaa magaalada Birmingham gaar ahaan. AMOORE HALL, 37 WHITMORE ROAD, B10 ONR.

Tallo

Dadka qurba jooga ah ee siiba u badan dumarka Iyo dhalinyarada shirka lagu Marti qaaday we waliba aan la siinin agenda-ha shirku in ay ka foojignaadaan dabinada guracan we dalkooda Iyo magaaladooda caasimada ah qaybaha ay ka degaan lagu khalkhalinaayo.

 

La soco warar kale oo arimahani khuseeya siiba sawirada Iyo magacyada dadka fidnadani wada marka uu shirku qabsoomi oo aan baahin doono, waxana jiro tiro badan oo hada kooxdaasi ka dhex baxday oo fahmay wanaaga, waxana ay mahadsanyihiin


High level consultation on addressing debt vulnerabilities

$
0
0

High level consultation on addressing debt vulnerabilities

in African Development Fund and

International Development Association countries

WHO: African Development Bank, The World Bank, African Finance Ministers, representatives

of African Development Fund (FAD) and International Development Association countries (IDA)

WHAT: High-level consultation meeting

WHERE: Babacar Ndiaye Auditorium, African Development Bank Headquarters, Abidjan

WHEN: 16th and 17th of May, 2019 at 9.00 am

The African Development Bank and the World Bank will jointly host a high-level meeting to provide a forum for member countries of both institutions to express their views and lessons learnt from non-concessional borrowing, emerging debt vulnerabilities and IDA’s proposed approach to support countries adopt sustainable borrowing practices. I

The meeting will also be an opportunity for countries to discuss “financing for development” and “debt sustainability in the context of the SDGs agenda and the Addis Ababa action plan.

Debt in African countries has been on the rise in recent years. One of the causes has been the decline in commodity prices that has unfolded since the global financial crisis of 2008. Proceeds from main exports have dwindled and economic growth has slowed. African governments have increasingly resorted to borrowing to fill the void in their budgets.

What is the role of multilateral development banks in solving this challenge? How can the African Development Bank and the World Bank work together to provide solutions? These questions and the outcomes of the meeting will feed into the discussions on policy frameworks for ADF countries and the respective debt policies of both institutions.

Xisbiga UCID- Oo Safiirka Ingriiska u sheegay in ayna suurto gal ahayn in Laba xisbi doorashada galaan kaligood

Wiil yar oo xidhan isku joog laga tolay calanka Somalia oo lagu qabtay Hargeisa

Xisbiga Waddani oo kulan balaadhan la yeeshay waftigii uu hogaaminaaya Safiirka Somalia u qaabilsan Ingriiska

How to End the Civil War in Somalia: Negotiate with al-Shabaab

Xildhibaan Mataan Hoori oo ka waramay xiligii ay Cabdi Waraabe is barteen difaacayna qadiyada 18ka May

$
0
0

Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan), oo ka mid ah Xildhibanaada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay xadhiga Xildhibaan Dhakool, iyo hadalkii ka soo yeedhay ee ku saabsanaa Xuska 18-may, waxaanu tilmaamay in Xildhibaanka sharaftiisa ahayn inuu wax ka sheego 18-may, iyo inuu kala saaro Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay ku nool yihiin.

Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan), oo u waramay Wareyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay kulankii ugu horeeyey ee dhexmaray isaga iyo ALLE ha u naxariiste Xaaji Cabdi Waraabe, waxaanu kulankaasi uu ku tilmaamay inuu ahaa kulankaas oo ahaa 1967 uu ahaa mid layaab leh, oo aad ugu qushuucay Xaaji Cabdi Waraabe, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya Xildhibaan Dhakool “Xildhibaan Dhakool, dhawr iyo toban sanno ayaanu Golaha ka wada tirsan nahay, inuu hadalkan oo kale ka soo yeedhayana ilamay ahayn, 18-mayna waa maalin qaran, mana ah maalin madaw, 18-may gaar uma ah Beesha dhexe oo qudha ee waa astaan ay wada leeyihiin guud ahaan Beelaha iyo Shacabka reer Somaliland, Xildhibaan Dhakoolna waxaan leeyahay Shacabka ha ku kala qaybin qabyaalad, cadaafidna looma baahna”.

Xildhibaan Mataan Hoori mar uu ka hadlaayey kulankii ugu horeeyey ee uu la yeeshay ALLE ha u naxariiste Xaaji Cabdiwaraabe ayaa yidhi “1967 Anigoo dhigta Dugsigii tababarka Macalimiinta ee Afgooye, ayaa inta badan Maalinta Jimcaha oo aanu fasax ahayn ayaan u iman jiray Shakiib Suldaan, oo isna dhigta Banaadir, maalintaas Jimcahana waxaanu u tagi jirnay aniga iyo Shakiib, Rashiid Suldaan, oo Shakiib adeerkii ahaa oo markaas xil hayey,waxaana ugu tagi jirnay si aanu hadba uga soo qaadano waxaanu u baahan nahay”.

Xildhibaan Mataan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Maalin Jimco ah ayaan u yimid Shakiib, markii aanu u yimidba, wuxuu igu yidhi “Rashiid Hargeysa ayuu tagay, laakiin Xaaji Cabdi Waraabe oo yimid oo Ceel-gaab ku soo dagay ayeynu u tagaynaa ee ina mari”,

Kadibna waanu iska soo raacnay, aniga iyo Shakiib iyo waliba laba Inamood oo Shakiib Banaadiir wada dhigan jireen, kadibna waxaanu u nimid Xaaji Cabdi Waraabe, markii ay Shakiib is wareysteen, ayuu Xaaji Cabdi Waraabe Shakiib ku yidhi “Inamadani waayo”. Shakiib ayaa markaas ku yidhi “Inankani waa Inan aanu ilmaamti nahay oo Arab ah, labadan Inamood ee kale isku fasal baanu nahay, oo waa Habar Yoonis”, Xaaji Cabdi Waraabe ayaa markaas aniga igu soo jeestay oo igu yidhi “Adeer yaad Arab ka tahay”, waxaan ku yidhi “Guulane ayaan ka ahay”, haddana wuxuu igu yidhi “Guulane yaad ka sii tahay”, markaas ayaan ku yidhi “Xasan Guulane ayaan ka ahay”, markaas ayuu haddana igu yidhi “Ina ayo ayaad tahay”, kadibna waaan ku yidhi “Ina Muxumed Hoori ayaan ahay” markaas ayaa yidhi “Aabaha Muxumed Hoori habeen hore ayaanu wada joognay, oo dooxa ayaanu ka soo wada talawnay, oo imuu sheegin inaad halkan joogto, aniguna umaan sheegin inaan halkan imanayo, oo aan u soo socdo, wuxuu se ii sheegay in reerkii oo dhami nabad qabo, marka laga reebo adhigiinii oo waraabe u soo dhacay oo todoba neef dilay, qaarna dhaawacay”.

Markaas kadib ayuu haddana nagu yidhi “Caruuray ba’ ilmaamti ma tihidin ee Abti Adeer baad u tahay Shakiib”

Intaas kadib ayuu haddana labadii Inamood ee kale uu ku soo jeestay wuxuunu ku yidhi “Adeer Habar Yoonis yaad ka tihiin”, labadii inamadood ayaa cidii ay ka ahaayeen u sheegay, waxaana waliba jecel ahay in laba ka mid ah sheegteen Muuse Care, Muuse Ismaaciil iyo Muuse Cabdale, kadibna Xaajiga ayaa inamadii ku yidhi “Horta idin odhan maayo ilma ayaad tihin, waxaana khalad ahayd inaan idin yidhaahdo yaad ka tihiin Habar Yoonis, maxaa yeelay oodi hab ka dhaw, inankaas aan adhigoodii uga waramayo ayaanu is xignaa, oo aanu isku deegaan iyo isku daaqba nahay”.

Xildhibaan Mataan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Dhab ahaan aad iyo aad baan ugu qushuucay qaabka aan kula kulmay,aniga, Shakiib iyo labadii Inamood oo kalena si fiican buu noo qaabilay, markaas ALLE ha u naxariisto, ee wuxuu ahaa samo wade, wanaaga iyo nabada jecel, waxaana tusaale inoogu filin, sida milgaha iyo maamuska lahayd ee uu ka yeelay ninkii aabihii dilay iyo raggii inankiisi Carab dilay, maalin Jimce ah oo waliba Ramadaan ah ayuu dhintay, ee ALLE godka ha u nuuro, oo jannadii ha ka waraabiyo”

Roobab laxaadleh oo ka da’ay Burco Iyo khasaaraha ay gaysteen


Xukumadda Muuse Biixi oo sharci ku tilmaamtay xadhiga xildhibaan Dhakool

Somalia: Liiska Shaqaalaha Shaqaalaha Raiydka Ah Ee Dawlada Fadaraalka Somaliya Oo Si Wayn Looga Cabsi Qabo In Uu Gacanta U Galo Ururka Alshabaab

$
0
0

Waxaa saacadihii ugu dambeeyay soo Ifbaxay warar sheegaya in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay heleen Liiska dhamaan Shaqaalaha Rayidka ah ee Soomaaliya oo gaaraya in kabadan 5 kun oo qof.

Caasimada Online ayaa maanta la kulantay dhalinyaro badan oo ka tirsan Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya, kuwaas oo qaba walaac xoogan oo ku aadan amnigooda kadib markii ay heleen xog ku saabsan in Al-Shabaab loo gacan geliyay Liiska Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya.

Dhalinyaradaan ayaa Caasimada Online u sheegay in Warbixinta ay ka heleen Xafiiska Wasaarado ay ka tirsan yihiin mas’uuliyiinta oo si cad ugu sheegay in uu jiro tuhun arintaasi ku saabsan.

Dad kala duwan oo ay la hadashay Caasimada Online ayaa sheegay in ay soo gaartay Warbixinta nuucaas ah balse aan la ogayn ilaa hadda goobta laga helay.

Xubno ka mid ah mas’uuliyiinta amniga oo aan la hadalnay ayaa sidoo kale noo xaqiijiyay in la soo gaarsiiyay warbixintaan, islamarkaana loo sheegay in ay aad u adkeeyaan amaanka magaalada Muqdisho si loo ilaaliyo shaqaalaha Dowladda oo ay qatar soo wajahday.

Si rasmi ah looma oga halka laga helay Liiska Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya balse waxay Caasimada Online ogaatay in Liiska Shaqaalaha uu yaalo dhowr Xafiis oo ay kamid yihiin.

Xafiiska Guddiga Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya.
Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.
Xafiiska Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyrre
Xafiisyada hey’adaha amniga Soomaaliya sida Booliiska iyo Nabad Sugidda. Waxaa jira warar kale oo sheegaya in Liiska sidoo kale yaalo Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.
Arintaan ayaa maanta ah hadal heynta ugu wayn ee Xafiisyada Dowladda waxaana la sheegay in ay hey’adaha Dowladda Soomaaliya ee dhanka amaanka ah ay wadaan baaritaanka arintaan si loo soo hubiyo sax ahaanshiyaheeda iyo hadii ay jirto halka laga bixiyay.

Arintaan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo wali hey’ adaha amaanka Soomaaliya ay magaalada Muqdisho ka wadaan baaritaanka Shaqaalaha Rayidka ee Soomaaliya. Ciidamada amaanka ayaa Todobaadkii baara ugu badnaan 2 Xarun oo ka diiwan gashan Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya.

Borama news

Somaliland: Ma Isbedel Ayaa Ku Yimid Miisaankii Madaxtooyada Mise Kalsoonideedii Ayaa Hoos U Sii Dhacaysa?

$
0
0

Labadii bilood ee u dambeeyay waxa Somaliland ka dhacay dhawr dhacdo oo qaabkii ay madaxtooyadu u maamushay banaanka u soo saareen awooda iyo miisaanka siyaasadeed ee madaxtooyada.

Bilowgii bishii hore ee April waxa Somaliland gilgilay xiisad ka dhalatay markii qaar ka mid ah hay’adaha dawladda Somaliland ay qabteen kiis ka dhan ah ganacsade Axmed Cismaan Geele oo dhinaca Djibouti ka yimid, waxaanay madaxtooyada Somaliland si toos ah ganacsade Axmed Cismaan Geele ugu eedaysay inuu lacago ka soo dhacay bangiyo ku yaala Djibouti. Hase yeeshee ganacsade Axmed Cismaan Geele ayaa eeddaas iska difaacay, isagoo soo bandhigay garnaqsi, waxaana dalka Somaliland ka bilaabmay baaqyo lagu cambaaraynayo madaxtooyada Somaliland, iyadoo lagu eedeeyay inay la safatay dhinaca Djibouti. Aakhirkii waxa xiisadii qaboojiyay kulan la isku horfadhiisiyay Madaxweyne Biixi iyo Ganacsade Axmed Cismaan Geele.

Qaabkii ay madaxtooyadu uga hadashay arrinta Axmed Cismaan Geele, waxa ay dad badani u arkeen inuu dhaawac ku ahaa dawladnimada Somaliland, islamarkaana uu wiiqay kalsoonidii lagu qabay madaxtooyada.

Isla bishan April waxa ay xiisadi dhex martay dawladda iyo qoys lahaa dhul ay dawladu sheegtay in laga dhisayo madaxtooyo cusub. Dad badan ayay dawladu xidhay, waxaana xiisada sii kiciyay hadal uu saxaafada siiyay agaasimaha guud ee madaxtooyada oo ku saabsanaa qaabka loo maamulay loolana wareegay dhulkaas.

Waxa ay hadda u muuqataa in si hoose lagu dhammeeyay arrintii, lana dejiyay, waxa laakiin aan weli dhaymo loo helin dhaawacii ka dhashay isku dhaca dawladda iyo qoyskaas oo waxyeelo dhinaca sumcada ah u gaystay dawladda iyo madaxtooyada.

Dhacdadii lagu dilay labada sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Booliska iyo asluubta waxa uu Madaxweyne Biixi kaga jawaabay inuu xaalad deg deg ah ku soo rogo saddex degmo oo kala ah Ceerigaabo, Ceel-afweyn iyo Gar-adag, waxaanu horgeeyay labada gole baarlamaan ee guurtida iyo wakiilada oo fadhi deg deg ah la isugu yeedhay.

Laakiin si aan la filayn ayay labada gole uga horyimaadeen soo jeedinta Madaxweyne Biixi, waxaanay inta badan xildhibaanada labada gole ka soo horjeesteen in xaalad deg deg ah lagu soo rogo degmooyinkaas, waxaana taageeray xildhibaano aan ka badnayn 40 mudane, halka ay ka soo horjeesteen xildhibaano tiradoodu gaadhayso 67 xildhibaan, taas oo noqonaysa aqlabiyadii golaha fadhiday.

Waxa dad badan maalintaas u soo baxday miisaanka kalsoonida siyaasadeed ee madaxtooyada, waxa kale oo soo baxday in madaxtooyadu xaaladda deg deg ah ee ay soo rogtay oo ku soo baxday wareegto madaxweyne aan aad loo lafo-gurin.

Bishan May, waxa ay dawladda Somaliland xidhay xildhibaan Dhakool oo ka tirsan golaha wakiilada, ka dib markii uu maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May ku tilmaamay maalin qoys.

Xadhiga xildhibaan dhakool wuxuu abuuray dood sharci, maxkamadda gobalka Hargeysa oo la horgeeyay ayaa diiday inay furto dhagaysiga dacwada, waxaanu guddoomiyaha maxkamadu ku dooday inaanu haysan awood sharci uu ku dhagaysto dacwad ka dhan ah xildhibaanka maadaama oo aan laga qaadin xasaanadii xildhibaanimo.

Guddoomiyaha golaha wakiilada ayaa isna sharci jabin ku tilmaamay jidka loo maray xadhiga xildhibaan dhakool.

Guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada ayaa ka horyimid soo jeedin ahayd inay xasaanada ka qaadaan xildhibaan Dhakool si dacwadaha loo haysto loogu oogi karo, waxaanay eeddo u jeediyeen xukuumadda, iyagoo xadhiga xildhibaanka ku tilmaamay distoor jabin.

Si kastaba ha ahaate, amuurahan iyo qaabka loo maamulay iyo qaabka ay ku socdaan waxay muujinaysaa laba mid uun inuu isbedel ku yimid miisaankii madaxtooyada iyo weliba kalsoonidii siyaasadeed ee madaxtooyada, waxaanay dad badani walaac ka qabaan in arrimaha noocan ah oo sii socdaa ay wiiqi karaan dawladnimada Somaliland.  

 

Geeska Afrika

Waa War Aan Jirin Oo Been Abuur Ah Inaan La Kumay Safiirka Qatar, Prof. Samatarna Waa Kii Sheegay Inuu Kulmiye Yahay Ee Yaanay Dawladu Ka Shakiyin

$
0
0

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ku dooday inaanu jirin kulan uu magaalada Nayrobi kula yeeshay danjiraha dawladda Qatar u fadhiya Muqdisho, oo maalmihii u dambeeyay la isla dhex marayay, wuxuuse sheegay inaanu jirin wax ka hor istaagaya inuu kulamo la yeesho safiirada. Shirjaraa’id oo uu shalay Hargeysa ku qabtay ayuu kaga hadlay arrintan iyo arrimo kaleba.

Ugu horayn Cabdiraxmaan Cirro waxa uu eheladooda iyo bulshada Somaliland ka tacsiyeeyay muwaadiniinta ku naf waayay roobkii Hargeysa ka da’ay iyo hantidii uu wax yeelay waxaanu masuuliyad darro ku eedeeyay madaxda masuuliyadda lahayd “Waxa aan odhan kara waa fool xumo weyn in balligii Daami ee sanadkii horena madaxweynuhu ka bixiyay amarka wali khatartii ay sideedii tahay. Madaxweynuhu wuxuu sanadkii hore amar ku bixiyay in wax laga qabto, madaxweynihii amarka bixiyay iyo maayarkii uu amarka siiyayna xalay way wada socdeen balliguna waa sidiisii wali,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in ay habboon tahay in aanay Somaliland kala jeclaysan Waddamada Caalamka maaddaama ay citiraaf raadis tahay dal kastana cod ku leeyahay Qaramada Midoobay. Waxa uu sheegay in aanay jirin siyaasad Somaliland u taalla oo dalalka qaar mamnuucaysa sidaas awgeedna aanay waxba ka hor taagnayn in uu la kulmo safiirrada Qadar iyo Maraykanka laakiin aanu jirin warka hadda sheegay in uu Nairobi kula soo kulmay.

“Waxaad ka war qabtaan in aan sanadkii hore January tagay Nairobi oo aan kula kulmay in ka badan 10 safiir waxaan kala hadlayna waxa ay ahayd siyaasadda arrimaha dibadda, arrimaha Somaliland, arrimaha doorashooyinka iyo arrimaha citiraafka. Maalmahan waxa jirtay saxaafadda qaarkeed malaha qaar la yaqaannaba may ahayne in aan kula kulmay danjiraha Qadar iyo danjiraha Maraykanka magaalada Nairobi warkaasi ma jiro waa war been abuur ah laakiin, kama duwana safiirka Qadar kuwii aan la kulmay ka Maraykankuna kama duwana wax noo diidaya in aanu la kulano safiirro gaar ahna ma jiro, taas macnaheedu waxa weeye cidna nooma yeedhin karto cidda aanu la kulmayno. Danjireyaasha dhammaantoodba waanu la kulmi karna kuwaas la sheegay iyo kuwo kaleba, diyaar baanu u nahay kuwaas la sheegay ee Qadar iyo Maraykanku ka mid yihiin iyo kuwa kale ee Dunidaba in aanu la kulano xilli kasta oo munaasib ah meel kasta oo munaasib ah, aniga oo qudha maaha ee waxaa la kulmi kara xisbi ahaana waanu la kulmi karnaa masuuliyiinta xisbiguna way la kulmi karaan waxa aanu kala kulmaynaana waa danta Somaliland,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Xadhigga Xildhibaan Dhakool

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro waxa uu Dastuur jabin ku tilmaamay xadhigga xukuumaddu kula kacday Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland “Qof kasta oo muwaadin ah sharcigu wuu xidhi karaa laakiin, waa in dariiq sax ah loo maraa. Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Dastuurka oo ah sharciga ugu sareeya dalka ayaa xasaanad siiyay, Dastuurka sharci ka sareeyana ma lihin, mudanaha ka tirsan Wakiillada ama Guurtida lama xidhi karo lamana baadhi karo, marka waxa dhacday in xildhibaanka goor habeenimo ah isaga oo waliba hurda oo aan wax dambi ah faraha kula jirin la qabtay, marka taasi waa dastuur Jabin, madaxweynahaana ugu sareeya in uu ilaaliyo dastuurka, madaxweynaha laftiisu haddii uu dastuurka jabiyo ee dastuurku wuu tilmaamaya tallaabooyinka laga qaadayo,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani waxa uu intaasi raaciyay in ay la yaab noqotay in wali xildhibaan Dhakool xidhan yahay iyada oo guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodijeex iyo guddida joogtada ah ee golaha wakiillada metelaysa markii ay Dastuurka arkeen ku gacan saydheen xadhigga una arkeen sharci jabin. Waxa kale oo uu cambaareeyay in guddoomiyaha Wakiillada oo ah masuulka 3-aad ee Qaranka, xildhibaannada iyo ehelkiisaba laga hor istaago in ay arkaan Xildhibaan Dhakool.

“Xadhiggiisu(Xildhibaan Dhakool) sidiisaba waa Dastuur Jabin haddii aynu shuruucda ku tumanana waxa uun ka dambeeya fawdo, mar walba in la ixtiraamo shuruucda iyo dastuurka waxay dantu ugu jirtaa marka koobaad cidda xukunka haysa. Rayigiisa kuma waafaqsanin (Dhakool) laakiin, wuu dooday oo wax buu yidhi waxaana Dastuurka ku qoran ra’yigiisa laguma xidhi karo mudanaha Golaha Wakiillada, haddiise ay dambi u aragto ciddii dambi u aragtaa waa in ay u soo marto dariiqa saxda ah oo ay golaha waydiisato in laga qaado xasaanadda markaa kadib uun.. Marka waxaanu u soo jeedinayna madaxweynaha iyo xukuumaddiisa in sharciga loo soo noqdo in dastuurka loo soo noqdo mudanahana xorriyaddiisa loo soo celiyo,” ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiyaha ayaa intaasi raaciyay in xukuumaddu sii waddo xadhigga muwaadiniinta “Waxa ugu dambeeyay guddoomiyihii garabka dhallinyarada Maxamed Sidiiq, xukuumaddu waxay tidhi way na caayeen haddii cay la isku xidhxidhayo Ina Muuse Diiriye in la soo xidho ayay ahayd iyo wasiirka gaadiidka haddii cay la isku xidhayo oo sharci cayda xidhaya uu jiro maalin walba waxa caytama masuul ka tirsan xukuumadda, marka waa in sharciga loo sinnaado oo iyagana la xidho oo jeelka la geeyo markaas ayaan odhan karna caddaalad baa jirta,’ Sidaas ayuu yidhi Dr Cirro oo soo jeediyay in la soo daayo Maxamed Sidiiq Dhamme guddoomiyaha garabka dhallinyarada Waddani, Samafale Cabdimaalik, Abwaan Baashe, macallin Cabdiqaadir iyo dadka kale ee xidhan.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro waxa uu bulshada Somaliland la wadaagay hambalyada maalinta Qaran ee 18 May “ Waxaan doonaya aniga oo ku hadlaya afka xisbiga in aan shacbiga Somaliland u soo qaddimo hambalyada maalinta la soo noqoshada Qarannimada Somaliland oo ah 18 May. Dhammaan xisbigu wuxuu diyaar u yahay in uu ka qayb galo munaasibadaheeda kala duwan ee maalintaasi leedahay dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba haddii Alle yidhaa, maalmo kale oo Qarrana waynu leenahay oo la xusi doono oo ay ka mid tahay maalintii aynu calanka ka qaadanay Ingiriiska ee 26-ka June maalmaha Qaranka dhammaantoodna waxay mudan yihiin in la wayneeyo,” ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro.

Mar la weydiiyay ujeedada safarkiisii Nayrobi, wuxuu yidhi “ Arin gaar ah ayaan u tagay Nayroobi laba casho ayaan ku maqnaa Professor-kana diyaarada ayaanu ku kulanay, Professorkuna waa kii sheegay inuu Kulmiye yahay ee yaanay dawladu ka shakiyin.”

Geeska

Somaliland: Roobab xoogan oo la filaayo ayaamaha soo socda

Hargeisa: ilmo yar oo la tuuray oo lagu riday suul Iyo ciidamada dab damiska oo soo saaray

Warbaahinta Maraykanka sidee ayay uga hadashay dacwada kornayl Tuke


Soomaaliya halkay ka dhaqaaqi laadahay ”.

$
0
0

Jamuuriyaddii Soomaaliya markii la dhisay 1960 , 17 sanno ka dib , 1977 waxay noqotay wadankii Afrikadda madow ugu xoog waynaa dhinaca Milateriga , dhinaca siyaasadana waxay noqotay wadankii Afrika u dooratay in ay noqoto Gudoomiyaha wadamadda u xilsaaran Afrikadda la gumaysto,sidda South-Africa , Angola , Mozambique iyo Zimbabwe iyo qaar kale .

Hadaba hadii muddo 17 sanadood ah Somaaliya heerkaa ku gaadhay , 19 sanadood ayaa kasoo wareegay markii C/qaasim Salaad Xasan , loogu doortay in uu noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya Wadanka Djabouti 25-Ogost 2000, ilaa yawmunaa haadaana waxay awoodi kari wayday in ay ku filaato ilaaladda xafiiska Madaxtooyadda ee Vila Soomaaliya kaasoo ay waardiyeeyaan ciidamadda nabad ilaalinta ee midowga Afrika .

Suaasha aynu qormadan ku bilownay aynu usoo noqonee , Dawladii dhalatay 1960 , Khuboraddii dhistay ee dhaqaajisay waxay ahayd Somaliland haday noqon lahayd , Tacliinta , Maaliyadda , Maamulka , Ciidamadda iyo Diblomaasiyadda , halka wax ka dhaqaaqi laayihiin waa maqnaanshaha Somaliland ka maqan tahay , haddii Mogdisho ku dhegtay ictiraafkii , Hargaysina waxay la guurtay caqligii , karis xun iyana wax kula

Ahmed Nur Gurije

Somaliland: The Scandalous Non-Payment Of Taxes By Big Businesses & Wealthy Merchants.

$
0
0

Somaliland: The Scandalous Non-Payment Of Taxes By Big Businesses & Wealthy Merchants.

Hargeisa,(Qaran news)-The Somaliland Home Minister, Mohamed Kahin Ahmed has declared that Somaliland’s big companies and wealthiest individuals do not pay any income, corporation or goods taxes, at all.

Speaking before the standing committee of the Somaliland House of Representatives, Minister Kahin stated ” every low income worker in Somaliland, from the soldier, to the midwife to the elderly woman with the small tea shop on the street pay taxes to the government, but not a single large enterprise, from the remittance, telecommunications, power, export and import, or production companies pay taxes. And when we in the Home ministry and the Finance ministry try to enforce the laws, we receive a delegation from these organizations led by other ministers and parliamentarians, this is unacceptable and untenable”

The minister stated that in Somaliland, “every single day hundreds of millions of dollars are taken out of the country and out of the economy, and the government purse doesn’t receive a single dollar in taxes”.

The issue of taxation and the avoidance of any payments by the big businesses and wealthy merchants in Somaliland has been an open sore since the late Egal administration. The weakness of the central government, and it’s institutions like the Central Bank and the Finance ministry, the Auditor’s office, along with the decrepit and corrupted parliament has led to this situation.

Without stringent laws, scrupulously applied to every one, nothing will change. What the wealthy companies and individuals fail to comprehend is that unless taxes are paid to the government to provide services such as security, no business can be conducted and no property will be safe.

Article: Xaaji Cabdi LaXabaalye, Maxaa Lagu Xasuustaa!!!

$
0
0

Xaaji Cabdi La Xabaalye, Maxeynu Ku Xusuusanaa

Umad waliba waxey leedey dad tacab galiyey danta guud, shacabkana tadxiyad(sucriface) ama naf-u hurid bilaash ah gashaday.

Tanina waxey u noqotaa dadweynaha halbeeg wax Ku qaadasho, hadii ay tahey samafal, maal-galin, tacliin, halgan dagaal ama naf-hurid.

Bulshadana kolba waayaha soo mara kaga talo-qaadato go’aamada lasoo gudboonaada duruufaha nolosha ee Kala duwan.

Sidoo kale bulshooyinku waxay soo Kala dhaxlaan shaqsiyaad kutari kuteen ah oo iyana hawl-maalmeed kooda qaar Ku Buuxiyaan, sida Araweelo, Dhagdheer iyo Cigaal Shidaad oo caruurta Lagu maaweeliyo.

Hadii aynu tusaale kooban is xusuusino, dalal Kala duwan oo aduunka ah.

Maatis Toong dalweynaha China waxa uu yahey aabaha ruuxiga ah ee qarankooda aasaasey, tusaale halgan

Sidoo kale Maxamed Iqbaal pakistan u yahey aabaha dhaqanka iyo jirtaankooda(identity).

Halka caalimkii Ibnu-Khalduun u yahey dalalka north of Africa khaasatan astaan aqooneed ay Ku faanaan.

Gifaara(Che Guevara) waa astaanta halgan dhamaan dalalka central iyo Latin America iyo kacaanada Ka curta inta badan aduunka sadexaad.

Halka Maxamed Cali Kiley iyo Pele yihiin tasaalayaasha ciyaaraha (sports).

Hoos aan usoo dego, SL wey leedey dadkaas oo dhan Eebe na waa ugu deeqey shaqsiyaadkaas oo geedo dhaadheer ah.

Tusaale ahaan, tacliin Maxamuud Ahmed Cali. Siyaasad M. I. Cigaal. Halgan Lixle. Fanka Cali Sugule. Tusmo halku dhag Timacade iyo Hadraawi. Diin Sheekh Madar. Hanuunin Sh. Dirir . Wax u sheegid Sh. Mustafe X. Ismaciil, astaan samafal Adna Adan. Astaan nabadeed waana Xaaji Cabdi waraabe.

Hadaba marka laga reebo Cigaal Timacade iyo Sheekh Madar oo Hargeysa Airport iyo Gabiley university iyo Sheekhul loogu Baladka Hargeysa loogu magac darey inta kaleba waa Ku dulmanyiin bulshada SL.

Waxa xusid mudan mararka qaar tusmooyinka Qaran in cidkale lasiiyo. Tusaale ahaan manhajka school-da SL taariikhdii halgan SNM waxa Ku xusan kaliya Muuse Biixi.

Yeelkeedee, X. Cabdi Waraabe waxa UU Ku xardhanyey nabada maanta SL Ku naalooneyso oo ah waxa kaliya ee aynu iibgeyno.

Hadaba, Xaajigu, khaanadee baa mudan in dhigo?

Waxa soo ifbaxaya, in magacaa weyn ee inaga baxey Lagu sadqeeyo conflict studies department,

@ waa Xarunta laga barto xalinta khilaafaadka ee Jaamacada Hargeysa, xaruntaas oo xataa
Madaxweyne Muuse Biixi kasaarey in uu CV giisa uu kudaro halka geel-jireen sanad ah CV giisa Ku darsadey.
(b) Xaruntan waxa maalgalisa UNDP waxa Lagu dhigaana dhamaan waa Ka duwanyey dhaqanka somalidu wax u nabadeyso.
(C) Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu ahaa shaqsiyad guud, muu aheyn mid acadamic ah ama cilmi baadhe xalinta khilaafaadka.

Ugu dambeyntii Xaaji Cabdi maloogu magac dari doonaa caasimada Hargeysa sidii bishii hore Kazakhistaan madaxweynihii aasaasey ee iscasiley caasimadeeda loogu magac darey, oo Asitanah laga badaley Nuur Suldaan na loo bixiyey.
(2) maloogu magac dari doonaa golaha guurtida SL oo ma loo bixin doonaa golaha Sare ee Xaaji Cabdi
(3) malaga dhigi doona sumada astaamaha dicumentska xukuumada SL hadii noqon laheyd, shaambadaha teeda qoyan iyo teeda qalalan EE shahaadooyinka Lagu cardholder (dry stamp) iyo sawirka lacagta.

Mise sidii halyeeyadii hore ayaa dust bin-Ka Lagu ilaawi doonaa. Maanta Madaxweynaha joogaa looga fadhiya, in uu ka dhabeeyo iyo in kale.

Maxamuud Biixi Axmed

US Revokes Citizenship of Portland Imam

$
0
0

After many years in process, the U.S. government revoked the U.S. citizenship of the former imam of the largest mosque in Portland.

As part of a settlement deal, Mohamed Sheikh Abdirahman Kariye, 57, agreed to acknowledge that he had given false information to immigration officials in July 1997 when he applied for U.S. citizenship.

In return, even though he was on the no-fly list, the government arranged for him to fly to Somaliland, where he arrived last week.

Kariye became a naturalized citizen in 1998.

The government made a case that Kariye failed to reveal his past associations with Islamist extremists in his application for U.S. citizenship.

Specifically, government lawyers said Kariye, originally from Somalia, had direct dealings with Osama Bin Laden and Abdullah Azzam, the founders of al-Qaeda, and that while in the U.S., he recruited members for the radical group Maktab Al-Khidamat (a precursor to al-Qaeda).

U.S. authorities also said that Kariye was a founding officer and director of the Global Relief Foundation, which funded al-Qaeda and other terror groups.

After coming to the U.S. on a student visa in 1982, he then went to Afghanistan, where he attended a jihadi training camp and fought with jihadis against the Soviets. According to the immigration charges against him, he helped funnel fighters in Pakistan to jihad training camps. He was eventually arrested for these activities and spent four months in a Pakistani prison.

Kariye served for many years at Portand’s largest mosque, Masjed As-Saber. He was arrested in 2002 and pleaded guilty to using a false social security number and defrauding the state Medicaid program by lying about his income to receive state-funded health insurance. He was sentenced to five years on probation.

The federal government wiretapped conversations revealing that Kariye gave $2,000 to each of seven Portland Muslims to go to Afghanistan to fight U.S. forces with al-Qaeda and the Taliban. The seven traveled to China, hoping to reach the battlefield through Pakistan. All but one were turned back and returned to the U.S. in 2002 where they were eventually arrested and convicted.

One of those involved said that Kariye preached that Muslims are obligated to fight U.S. forces overseas.

Kariye was put on a no-fly list and was one of a group of people who successfully sued the government to reveal why an individual is placed on the list.

In October 2018, government lawyers revealed to a federal appeals court that Kariye was placed on the no-fly list because of his history as a “mujahedeen fighter in Afghanistan against the Russians,” as well as his expressed support for “violent jihad” in conversations recorded between a cooperating informant and two members of the Portland Seven

 

 

Clarion Project

 

Safiiro badan oo ka socda wadamada Carabta Sweden, Norway, Denmark Iyo Finland oo soo dhaweeyay shirkada Transfer Galaxy

$
0
0

Shirkada Transfergalaxy guusha ay gaadhay waxay mujineysaa sawirka guud ee Qurba joogta ee Somaliyeed
Transfergalxy waxay si gaar ah ugu tahay dhiiri-galin Dhalinyaradda Soomaaliyeed Maadaama ay Shirkadan tahay mid ay ay aas-aaseen Shan dhalinyaro Soomaaliyeed
BOOQO :
https://transfergalaxy.com

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>