Daawo xabaalaha Boqol’jire oo uu daad soo qoday iyo dareen laanta dawlada hoose ee Hargeysa
Sir ka fakatay gudoomiye Faysal Cali Waraabe
Qoladeenii Cabdi Ciise sii ururiya ha iga horyimaadaan si dadka loo tuso inaan Ina Buuba iyo Cali Sanyare cid wadan. Cabdi Laangadhe iyo kii reer Aadan ee Hadalka badnaana!!!!! Faysal Cali Waraabe oo maryaha furtey.
Waxa aanu idiin soo wadnaa hadal cod ah oo uu duubay Faysal Cali Warabe kuna socda jufadiisa hoose oo uu kaga codsanaayo in ay madaarka Hargeysa ay kaga hor yimaadaan maalinta axada oo uu ku soo beeganyahay Hargeysa isaga oo ka soo kicitimaaya dalka Jabuuti.
Dhawaan la soco codka Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo musnawgiisa iyo niyad jabka haysta
Xisbiga Waddani oo aqbalay xubno iska casilay xisbigaasi
KU: Hinda Jaamac Xirsi Gaani Hargeysa
KU: Cabdillaahi Axmed Cali (Bombay) Hargeysa
OG: Guddoomiyeyaasha Gobollada ee Xisbiga WADDANI Rugtooda
OG: Laamaha Dibedda ee Xisbiga WADDANI Rugtooda
OG: Guddiga Fulinta ee Xisbiga WADDANI Hargeysa
OG: Hoggaanka Xisbiga WADDANI Hargeysa
OG: Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Hargeysa
Ujeeddo: Aqbalaad Iscasilaad
Iyada oo la tixraacayo Qodobada 12aad iyo 13aad ee Xeerka Xisbiga
Waxa la idinla socodsiinayaa in shir uu yeeshay Hoggaanka Xisbigu maanta oo taariikhdu tahay 12 October, 2016 go’aamiyey in la idinka aqbalo iscasilaaddii aad iska casisheen xilkii iyo xubinnimadii Xisbiga WADDANI.
Waxanu idiinka mahad-celinaynaa sidii xilkasnimada lahayd ee aad ula shaqayseen Xisbiga WADDANI intii aad xubnaha ka ahaydeen.
ALLAA MAHAD LEH
—
Abdirashid Jeeni
Waaxda Warfaafinta WADDANI
Halkani Ka Dhegayso Cod Sir Ah Oo Laga Qabtay Gudoomiyaha Xisbiga UCID- Faysal Cali Waraabe Oo Uu U Diraayay Jufadiisa Hoose (Cabdi Ciise)
Labada Kornayl ee Kulmiye Bal Kadeedka Haysta Daya, Bal Beentay Kalwinayaana Daya Bal Kuudud Xumaanta & Wadiniyoo Kudkii Dilayey Ku Noqday daya.
Horta Muuse Biixi & Maxamed Kaahin & Kulmiye Dhamaantii, Waxaad Moodaa Beenta, Faanka & Ribada Inay Dugsi Uga Soo wada
Baxeen, Bal u Fiirso Siilaanyo Intuu Faan & Isubogid uu Warqadaha uu Akhriyayo Ka Buuxa ee uu Weliba Intuu U qushuuco uu Qosalna
Ku daro, Ilaahay & Maali,igtuna Wa Ka markhaati Wuxuu Wadanka Ku maamulo, ee Diktaytarnimo, Qabyaalad, Eex, Nin Jeclaysi, Hanti-
Boob & Xadhig & Cabudhin Warbaahinta & Shacabkaba.
Hadaba, Muuse Biixi & Ina Kaahin Macalinkooda Siilaanyo ayey ku Daba fayleen oo Wuxuu Ku ololayn Jiray ee been, Faan, Kibir Inta-
aba Lahayd ee Daahir Riyaale uu Ladaba Taagnaa ayey Ka Tabar Qaatee.
Muuse & Ina Kaahin Iyaga Ceebtoodu Waatii Kulmiye Maalin Cad Looga Yaacay ee Xukuumadii oo Dhan Iska Casishay, ee Xafiiskii
Kulmiye & Xukuumadii Iswaday Gabal Baas u Dumay, Hadaba haday Damiir Leeyihiin Maanta Intay Xamaalintii Berbera & dad Hore
Kulmiye u ahaa Intay cashuurtii Umada Ku Rusheeyeen, oo Ta Iyaduna Xoolihii Umada & Cashuurtii Masaakiinta, Munaafaqnimo
& Xaaraan Ku Isticmaasha ee Habarta Iimaan La,aan & Qabyaalad Ku Walaftay, Intay Khasnadii u Faaruqiso Munaafaqnimo & Ciro
& Wadani oo Guuleystay, oo Halkaasi ay Ka Cadahay inay guushii Hantiyeen, oo adaxweyne Maanta Yahay Ciro. ayey Cabaadkii &
Baroortii Magaaladii Go, ee Cabdiraxmaan Deegaankiisa ahaa ay Ku Calyacalyeeyeen, aynu Xamaalintii Qaad & Qado u qaadno
& Cajalado Hore & Kuwa Kulmiye ahaa aan Isku Toostoosino,oo aynu Ku andacoono Go,dii oo Kulmiye Ku Biirtay, oo Wadani Ka
Baxday, Caruurta Naaska Jaqaysa ayaa Dareemaysa Rafaadka & Kadeedka Kulmiye Ku Dhacay, ee Kolba Kacaa Kufka leh.
Alla Maxaa Ku Dhaceyey Kornayladii & Kulmiye Maxaa Ku Dhacayey.
Sowkuwaa Kadeedmay ee Kolba Gidaar Ka Soo Go,aya, Hirkii Hargeysa Ka Soo Iftiimey, ee Huteel Ambasadoor & Maansoor Ka Hil-
aacay ee Lahaa, Waa Wadani Ayaa Wadnuhu Go, Gaadhay, Kulmiye Muuse Biixi & Maxamed Kaahin, Kolkaasi Waakaa Kadeedkii
& Leelkii ay Go, Ku Tageen.
Sidaas Darteed, Kornaylda Kulmiye Ceebtoodii & Caqli Xumaantoodii Waataa Warwareeg & Wadani Kadaba Taga Ay Ku Rafaadeen
ee Kabihii Kaga Dhamaadeen, Wadani Ina Daba Erya.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama
ashaa.j@live.nl
UN Refugee Agency condemns Rising Violence against Civilians in Central African Republic
PRESS RELEASE
UN Refugee Agency condemns Rising Violence against Civilians in Central African Republic
The United Nations refugee agency today condemned attacks on civilians in the Central African Republic (CAR), where clashes between rival groups have forced thousands of people to flee their homes and disrupted vital humanitarian aid operations. The Office of the UN High Commissioner for Refugees (UNHCR) “strongly condemns attacks against civilians which severely hamper the provision of urgently needed humanitarian assistance to populations in need,” said the agency’s representative for the country, Kouassi Lazare Etien in a news release. Fighting in the past month between ex-Séléka militiamen and anti-Balaka fighters has affected western, eastern and central parts of the country… Read More
SOURCE
United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR)
Shirkadda Telesom oo Burco Ku Soo Bandhigtay Adeegga Casriga ah ee 4G++, Qiime Dhimis Balaadhanna u Samaysay Macmiisheeda

Burco – (Qarannews) – Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco ku soo bandhigtay khamiistii adeegga casriga ah ee 4G++, waxay sidoo kale shirkaddu qiimo-dhimis balaadhan ku samaysay dhamaan adeegyadda Internet-ka mobile. Shirkaddu waxay abaal-marin gudoonsiiyey 120 qof oo helay moobaylo casri ah iyo maayfaayo ku shaqaynaya adeegga 4G-ga.
img_0367
Bandhigan carwadda oo ka dhacay huteel City Palaze ee magaaladda Burco, waxaana ka soo qayb-galay in ka badan 600 oo qof, waxaan ka mid ahaa gudoomiyaha gobolka Togdheer, gudoomiye ku-xigeenka, Maayarka iyo maayar ku-xigeenka Burco, madax-dhaqameedyo, culimo-awdiin, horumuudka jaamacadda Burco, masuuliyiin ka socday shirkaddaha gaarka loo leeyahay, hayaddaha samafalka, ururadda haweenka, saamilayda shirkadda Telesom ee gobolka, marti-sharaf kale oo tiro badana iyo dhalinyaradd iskugu jiray ragg iyo haween.
Ugu horayn waxaa furitaankii shirka ka hadlay maamulaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Suug-gaynta Telesom ee Gobolka Togdheer Cali Mahdi, waxaanu sharaxaad ka bixiyey adeegyadda shirkadda Telesom ay ku soo bandhigtay carwadda waxaana hadaladiisii ka mid ah ahaa “Waxaa maanta sharaf noo ah, haddaanu nahay bahweynta reer Telesom iyo macaamiisheedaba inaanu halkan idiinku soo gudbino adeegyo dhawr ah oo waxtar weyn u leh bulshadeena oo uu ugu horeeyo adeegga 4G++, waa hayaankii faca shanaad uu ka gudbay 4G oo wuxuu qarka u saaran yahay faca shanaad oo aan rajaynaaayo in Telesom ay dhawaan soo bandhigi doonto. Waxaa kale oo aanu maanta halkan idiinku soo gudbinaynaa qiime-dhimis aad iyo aad u balaadhan oo dhinaca internet-ka ah oo $1 dollar waxaad markii hore ku isticmaali jirtay 83MB, maantana waxaad ku isticmaalaysaa 300MB, taasina waa qiimo-dhimis aad u balaadhan oo ay shirkaddu kuu soo kordhisay”, sidaasi waxaa yidhi Cali Mahdi.
img_0360
“Waxaa kale oo aanu maanta idiin soo bandhigaynaa adeegga kale ee Anti-theft (Ka hortagida Tuugadda), waxaa ina daashaday Mobayl baa la iga xaday. Waxay shirkaddu kuu soo kordhisay adeeggaa markaad iska diwaan-galiso in mobaylkaa lagaa xaday aad dhaqdhaqaaqiisa oo dhan aad la socon kartid oo qof kasta uu sawirkiisa ku siin karo, dhaqdhaqaaqiisa oo dhanna uu ku siin karo, meesha uu joogana uu ku siin karo oo aanad shirkadda Telesom waxba uga baahanayn”, sidaasi waxaa yidhi Cali Mahdi.
Bandhigan waxaa si rasmi ah u furay Badhasaabka Gobolka Togdheer Md. Maxamed Ibraahim Aadan Qabye-tire waxaanu shirkadda Telesom ku hambalyeeyey bandhiga carwaddan ee ay ku soo bandhigtay adeegyadda casriga ah, gudoomiyaha waxaa hadaladiisii ka mid ahaa, “Farxad bay noo tahay inaanu anagoo maamulkii gobolka ka soo qayb-galno heer degmo iyo heer gobol adeegga cusub ee Telesom. Telesom isku sheegi mayno waa shirkaddii indhaha u furtay Telecommunication (Isgaadhsiinta) Somaliland. Waxaan odhan karaa horumarka qarankani gaadhay qayb laxaadle ayey ka qaateen Telesom hadday tahay xagga dhaqaalaha, hadday tahay xagga arimaha bulshadda, hadday dhinac kastaba tahay. Waayo caalamka marka la xisaabtamayo, meelaha hadyo jeer farta lagu fiiqo waxaa ka mid ah Telecommunication-ka (isgaadhsiinta), waxaa waliba Telesom isgaadhsiinta u dheer wax aanay dunidda kale lahayn oo Yurub, Maraykanka iyo waddamada qaniga ah waxaan ka socon bay hirgaliyeen oo ah waxan la yidhaah ZAAD service”, sidaasi waxaa yidhi Gudoomiye Qabyo-tiray.
Bandhiga carwadda 4G++ waxaa isaguna ka hadlay Chief caaqil Axmed Maxamed Daahir waxaanu ugu horayn soo dhaweeyey adeegyadda ay shirkadda Telesom soo kordhisay, waxaanu sheegay in shirkadda Telesom ay tahay shirkadda ay ummadda Somaliland oo dhan wadda leeyahay, waxaanu Ilaahay shirkadda iyo dadka leh ba uga baryey in Ilaahay u barakeeyo, waxaanu Chief caaqilku dhiiri-galiyey in shirkaddu ay sii waddo waxa ay bulshadda ku celinayso iyo ka shaqaynta arimaha danta guud ah.
img_0377
Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Md. Axmed Cali Bayrax oo ka mid ah masuuliyiintii ka hadashay Daahfurka carwadda 4G++ ee Telesom, gudoomiyaha ayaa shirkadda Telesom ku amaanay adeegyadda ay bulshadda u soo bandhigtay, waxaanu sheegay in shirkadda Telesom ay halbowle u tahay dhamaan ganacsatadda gobolka Togdheer oo dhan.
img_0384
Maamulaha shirkadda Telesom ee gobolka Togdheer Maxamud Xaaji Ibraahim oo ka hadlay xidhitaankii xafladda daahfurka Carwadda Adeegga 4G++ ayaa ugu dambayn u mahad-celiyey madaxda iyo masuuliyinta gobolka Todheer ee ka soo qayb-galay xafladda Daahfurka adeegyadda casriga ah ee shirkadda Telesom ay ku soo bandhigtay magaaladda Burco.
Maayarka magaaladda Burco Md. Maxamed Muraad oo soo gunaanaday bandhiga carwaddan daahfurka adeegga 4G ayaa si miisaan leh uga hadlay qaar ka mid ah waxyaalaha ay ka xukuumadd ahaan ka faa’iideen shirkadda Telesom, maayarka Burco ayaa yidhi, “Telesom anagu wax badan badan baanu uga aynay marka aan ka reebo waxyaalaha ay dadku ka siman yihiin. Marka qaadhaanka wax caama oo aanu waddno ula tagno, maamulka waala yaqaanaa waxaa uu leeyahay ku talo-gal la sii qorsheeyey waxaa sanadkaasi uu leeyahay, ayadoon qorshaha ugu jiraan ayaanu ula tagnaa, markaasaanu ku nidhaahnaa waxaasaanu idiinka baahan nahay”.
img_0398
Maayarka ayaa intaasi ku daray, “Qorshaha labaad ee aan aadka uga sii helay waxaa weeye, baabuurta dawladda haddyo jeer dayacoodu waa badan yahay. Haayaddaha dawladda ee ku badhaadhay barnaamijka ILA-SOCO la yidhaahdo, baabuurtayadda waxaanu dhamaan kuwadda xidhnay ILASOCO. Xafiiskaygaa laga haggaa. Gaadhu markuu saaka xashiish qaado. Awal markuu lowdh noo qaado ilayn war kama haynee, sida xoolaha ayaanu raaci jirnay ayuu halkuu doono ka wareegaa waa iska tagaa 12-ka uun buu noo soo gala isagooo daalan oo aanu isleenahay shaquu ka yimid. Waliba markaasu isleeyahay ka gaadhsiiyo, markuu laba lowdh ama saddex lowdh qaadayo intuu eryo gaadhiga laga yaabaa inuu shan kaabaan soo jabiyo maalintaa. Cagafyadda ka darnaaa, wadnahaa nagu dilaacay. Barnaamijkaa ILASOCO la yidhaahdaanu midwalba dabaddaan kaga xidhnay, xafiiskaygaan ka daawadda imika. Gaadhi walba wadduu leeyahay uu maro haddu cabaar taagnaado signalkaanu siinaa, haddii uu waxba maqli waayo waanu ka bakhtiinaa, halkaa uu yaalo ayaanu ku bakhtiinaa”, sidaa waxaa yidhi maaayarka Burco Maxamed Muraad.
Shirkadda Telesom ayaa abaal-marino iskugu jiraa 100 Mifi iyo 20 Mobayladda casriga ah ee ku shaqeeya adeegga casriga ah ee oo baxay sanadkan 2016 ku wareejisay macmiishii ku guulaysatay Abaal-marinta Tijaabi Nasiibkaaga oo dadku lambaradooda oo lagu qoray warqad la duuduubay oo lagu dhex riday sanduuq quraad ah ay ka soo dhex xuleen, masuuliyiin iskugu jirtay gudoomiyaha gobolka Togdheer, badhasaab ku-xigeenka, maayarka iyo maayar ku-xigeenka iyo masuuliyiin kala duwan oo iskugu jirtay culim-awdiin, madax-dhaqameedyo, rag iyo haween.
Xafladan ayaa ku soo gabo-gabootay jawi farxadeed oo si weyn loogu dhiiri-galinaayey haweenkii ku guulaystay Mobayladda iyo Maafayadda Internet-ka xambaraadda, waxaanay macmiishii ka soo qayb-gashay ay aad ula dhaceen sida cadaaladda ah ee ay u dhacday barnaaamijka tijaabi nasiibkaaga.
Odey Weyn oo Cabaadaya Maxaa Ka Fool Xun, Maxamed Kaahin oo Baroortii Ka Dhamaatay Markuu Xirsi Isaga & Maxamuud Xaashi Ka Mudhay, oo uu Ka Dhex Toosay, oo Cabaad & Oohin & Af Xumo & Dagaal Miciin Biday
.
Mahamed Kaahin Weligiiba Afxumo & Colaad & Munaafaqnimo Wuxuu ahaa Mishiinka Istaadha, Waxa Kale oo uu ahaa Qabyaaliste
Maxamed Ibraahin Cigaal Waa Kii Iska Casilay Isagoo Qabyaalad & Qudhun Dabada Ku Wata, Daahir Riyaale oo Dulqaad & Samir Ilaahay
Ku Manaystay, Waa Kii Geed Dheer & Mid Gaabanba u Fuulay Siduu u Caayi Lahaa, ee uu u Ceebayn Lahaa, ee uu Shicibka Ugu Kicin
Lahaa ee Dagaal & Colaada Ku Baaqayey, ee Dhenged aan Kaga Saarno Ku Musanaabayey.
Bal Hadaba, Isagoo Maxamed Kaahin aan Da, u Hadhay Jirin, ayuu Munaafaqnimadii & Cuqdadii & Cunfigii uu Weli Dabada Hayaa
Halkuu Iska Cibaadysan Lahaa umadana Cafis u Weydiisan Lahaa.
Bal Hadaba, Maxamed Kaahin Baroorta Oohinta uu Warbaahinta La Soo Taagan Yahay, Cabaadkii Ka Dhamaaye Taloow Maxaa Ku
Xigi Waayo, Shicibka S/Land Way Og Yihiin, oo Waa Kuwaa Xisbigiisii Kulmiye ee uu Ku Faani Jiray Isaga & Dagaal Ooge Muuse Biixi
Looga Yaacay, ee Tamartoodii Noqotay, Wadani aynu Cayno, Kooxdii Madaxda ahayd ee Iska Casishayna aynu Cambaarayno, Kolkaa
Maxamed Kaahin & Muuse Biixi Waali Waxba Uugama Hadhsana, ee Taloow Miyey Is Deldeli, Ilayn waa Kuwaa Naf La Caarigii Ku
Cabaadaya Ciro & Wadni Guusha uu Gaadhay, aan Kadaba Cararno oo aan Xafladaha Mahadhooyinka Noqday, ee Hargeysa Ka Dhacay
ee Bulshada & Dadka Miisaanka Ku Lahaa Somaliland ee Ku Soo Biiray Wadani, aynu Canjilno.
Bal u Fiirso, Go,da oo uu C/Raxmaan Ciro Ka Soo Jeedo ayey Ku Andacoodeen aynu u Cararno, oo Dad Kulmiye Ku Jiray Intay Soo
Ururiyeen , Ku Andacoodeen Wadani ayey Ka Soo Baxeen.
Ta Kale, Oohinta & Cabaadka & Aflagaadada Ka Soo Burqanaysa Afkooda ay Wada Miyir Doorsoomeen Intii Meesha Ka Hadlaysay
oo Cabaadkii ka Baxay Umadu wada Yaabtay.
Maxamed & Muuse & Inta Kulmiye Ku abtirsata Inaad Umada Iska Qarisaan ayey ahayd, ee Inaad Ceebtiina Fagarayaasha Keentaan
oo Sii Wadwadaan May Ahayn, Wadani Ilaahayba La Jira oo Gudoomiyahooda ayaa Cay & Aflagaado Toona Aqoon, Laakiin Caydiina
Afxumadiina, Cabaadkiina, Beenta & Aflagaadadiina ayaa Umaduna Idiin Nacaday, Ilaahayna Umada Idiinku Diray oo Laydiinka Yaacay.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama
ashaa.j@live.nl
Final Declaration The Trilateral Summit of Egypt, Greece and Cyprus (Cairo, 11 October 2016)
Sharaxaad Faahfaahsan: Faysal iyo Fadeexadda Ka Fakatay Iyo raga uu magcaabaayo ee jifadiisa ah
Fariin gaaban, oo dhererkeedu ka yaryahay hal daqiiqo, ayaa uu Faysal Cali-waraabe ku muujinayaa xaaladda dhabta ah ee uu haatan ku suganyahay. Kalmad kasta oo uu sheegay micnaheeda ayaa ay leedahay, waxa ayna muujinaysaa xaaladda liidata ee uu haatan Faysal ku jiro, iyada oo cid kasttaaba iskaga tagtay oo banaan cidla ah uu taaganyahay. Qoraalkan waxa aan ku sharaxaynaa duruufaha Faysal ku xeeran ee kalifay in uu sidan u hadlo, waxa se aan ka horaysiin doonaa tafsiir ku saabsan shakhsiyaadka uu fariintiisa ku magac dhebay, kuwaas oo kala ah, Siciid Cabdisamad, Cabdi-langadhe, Odaygii qaylada badnaa, waa sida Faysal uu u dhigay, (Ina Cabdi-gaas), iyo kii xumaa ee Ina Cagawayne – waa ereyadii Faysale; ina Cagawayne na waa Cabdicasiiska meeyar ku xigaha Hargeysa ah.
Yaab waa kan jooga. Bal ninkii Faysal halka uu sii dabayshaday u fiirsada. Faysal waxa uu leeyahay Axadda (waa 16 October, 2016) ayaan Hargeysa imanayaa, ha la I soo dhaweeyo. Magacca koowaad ee aan maqlayno, ee uu leeyahay talo wacan ayaa uu keenay, waa wiil uu adeer u yahay. Waa Siciid Cabdisamad, oo lloo yaqaano Siciid-cudhay. Waa qurbejoog meelahan Yurubta ku daahay oo haatan ku sugan waddanka Denmark; reer Bristol (UK), gaar ahaan asxaabta marfashyadu na ay aad u garanayaan. Siciid waa ninka Faysal kula taliyay, sida isaguba uu sheegaayo, in uu Reer-Cabdi Ciise (jilibkiisa hoose marka Ciidagale laga daadago) ka raadsado cid soo dhawaysa. Faysal waa uu la dhacay fikradaas sida hadalkiisa ka muuqata, waxa uuna sheegay in loo baahanyahay in la muujiyo in aanay Cali-sanyare iyo Ismaaciil Buubaa reerka matalin. Laakiin nasiib darro, sida hadalkiisa ba ka cad, waxa uu waayay cid uu reerkii oo dhan ka magacaabo oo soo dhawaysa, isaga oo og Cabdi Ciise qudhooda in uu gogosha ku ciideeyay marar badan, ayna beri hore hore kala dhinteen. Laba nin oo keliya ayaa uu tilmaamay, oo midkood magaciisa ba uu soo sari waayay, si xun na uu ugu jeesjjeesay. Waxa uu yidhi ii doona Cabdi-laangadhe, iyo odaygii qaylada badnaa e Reer-Aadan. Odaygan uu caayaayo, ee hadana ka doonaayo in uu soo dhaweeyo waxa lagu magacaabaa ina Cabdi Gaas, waana nin ka mid ah odayaasha magalada.
Ninka hore (Cabdi-laangadhe), isagu waa Faysal ina adeerkii, waxa ayna ahaayeen rag isku dhaw tan iyo shirqoolkii uFO ee horaantii 1980s kii. Cabdi-laangadhe waxa uu ka mid ahaa saddex markhaati oo ilma adeer ah, oo midkood Faysal yahay, kan kale na waxa lagu magacaabi jiray Aadan Cali-guhaad, oo dadku u yaqaanay Aadan-waali Ilaahay ha u naxariistee. Faysal isaga ayaa labada nin e kale (Cabdi-laangadhe iyo Aadan-waali) soo baray Moorgan, una sheegay in ay markhaatiyo noqonayaan nimankaasi, laakiin nasiib wanaag ma ay marag furin ee markii uuu Faysal Muqdisho u baxsaday, ayaa ay iyakuna Sucuudiga iyo Itoobiya u kala firdhadeen.
Cabdi-laangadhe waa nin aftahamo ah, dadka na aad u kala yaqaana. Cabdi-laangadhe ma aha nin doqoniimo lagu tilmaamo, Faysal se waa uu ka tegi kari waayay oo waa uu ku muusanaabay. Cabdi-laangadhe waa uu joogay dhamaanba goobihii uu Faysal kula shiray reerka Ciidagale, ilaa raaska u hooseeya (Reer-Guuleed) ee uu ka soo jeedo, waxa uuna Cabdi-laangadhe ka mid ahaa dadkii sida adag uga hor yimid fikradda Faysal uu watto, ee ah in uu mar saddexaad isu sharaxo madaxweyne faalso ah, waana fikradda Faysal iyo tolkii kala dishay. Si kastaba, Cabdi-laangadhe oo ah nin haatan cimri ah, wax shaqo ah na aan haynin, ehel aad isugu dhawna ay Faysal yihiin, waxa ay la noqotay in uu Faysal u dabaal joogteeyo. Marka uu u yeedho na waa uu u tagaa, marka uu suuqqa (Dalxiis Restaurant iyo Star Hotel) joogo na, waxa uu sheegaa in uu Faysal yahay uun nin waalan.
U kaalay qofka u dambeeya liiskan gaaban ee Faysal uu inoo tiriyay. Waa ninka uu sida qayaxan u caayaayo, ee leeyahay – “Kii xumaa ee ina Cagawayne iiga soo warama”. Sida aan hore ba u tilmaanay, ninkaasi waa Cabdicasiis Cagawayne, oo ah Maayar ku xigaha Hargeysa. Ninkani sheeko dheer ayaa uu leeyahay, Faysal ayaana ka shaqeeyay in xilkan loo dhiibo, isaga oo aan haba yaraatee u qalmin. Faysal waxa uu mar kastaba ugu hanjabaa, baad na kaga qaadaa in uu isagu meesha geeyay isaga oo aan mudnayn. Ninkani waa dhalinyaro, waxa uuna ku kacaamay Xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa. Hooyadii ayaa xarunta horteeda shaah ku Karin jirtay, isaguna dugsiga ayaa uu ka saaqiday markii uu fasalka 8aad maraayay, oo hooyadii ayaa uu la joogi jiray. Joomitiradda dhulka cabira, ee hooyadii jaadka iyo shaahha ka iibsada ayaa uu daba carari jiray, waxaana u xigtay isaga oo loo magacaabay Maayar ku xigeen. Imika waa dhulcun wayn, Faysal na baryahan ma ku faraxsana sida uu uga soo baxo waxyaabaha uu ka doonaayo.
Al-muhim, ninkii Faysal ahaa xaalkiisii waxa uu ku ururay laba nin oo ilmaadeeradii ah oo uu ka dalbado in ay ka hor yimaadaan, hadda waa ninka ku doodaaya in uu madaxweyne qaran u tartamaayo markii saddexaad. Hadda waa ninkii labada jeer ee hore sida xun u dhacay, ee afka ciidda daray, isaga oo intan ka yara sumcad roon, tolkii na iyaka oo isku duuban ay la socdaan. Isagii oo aan Ciidagale wadanin, oo aan xataa Cabdi Ciisaaha uu sheegaayo wadanin, oo shan qof oo soo dhaweeya uu ka magacaabi waayay kalsooni daraddu halka ay joogto awgeed, ayaa uu hadana ku doodaa mar saddexaad baan tartamayaa, aniga ayana helaaya. Dadku waa wada ogyihiin in ay taasi tahay riyo faaruq ah, llaakiin hadiiba ay jirtay inyar oo aan taas ogayni, maanta ha ogaato.
Filo faalooyin iyo qoraalo kale oo mawduucan la xidhiidha oo xaasaasi ah.
Liiska Qandaraasyada aan bireysneyn ee xaqdarada iyo qaraabo kiilka lagu qaatay mudadii Xukuumada Kulmiye dalka Hagaysay
Xukuumada Siilaanyo intii ay hogaanka dalka haleeshay waxay isku khaladay Qaranimadii iyo Qoysnimadii waxaana meesha ka baxday cadaalad u qaybintii midhihii dawladnimo, waxaa baaba’ay xaq-dhawridii wada-lahaanshihii qaranimo, Waxaana dhinac u-ciirey oo weecsin iyo beegsin noqdey Qandaraasyadii, Hantidii guud iyo ilihii dhaqaalaha ee wadanka oo dhan. Kadib markii ay Xukuumadu Xeyndaabkii Baananka JSL ku xareeysey Xawaaladihii ilma Jini boqor si loo caseysto oo loo lunsado Lacag dakhli dawladeed ah ama lacagaha deeqaha ah ee deeq-bixiya-yaashu JSl ku deeqaan.
Taasina waxay keentay in maanta S/land ay yeelado shaqsiyaad dhawaan dhalad ah oo ku taajirey naasnuujinta xukuumada mudo kooban oo 6 sanadood ah. Waxaa ishu qabatey Shaqsiyaad biyo dhiijiyey dheeftii iyo dha-dhankii yaraa ee shacabku wada lahaa. Shaqsiyaad mansabka ku ganacsada oo laba lisay amaanadii lagu aaminey. Waxay arintani keentey in ay meesha ka baxdo yuhuuntii iyo wax-wada lahaanshihii dawladnimo ee loo sinaan lahaa anfaca,agabka, iidaanka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, Taas oo iyana meesha ka sii saartey in la is aamino muxaafid ilaa mucaarid. Boowe ! Bal ufiirsada oo isweydiiya Qandaraasyadan hoose ee dhinaca ka rarmay sifihii lagu bixiyey iyo muskii iyo miscirirtii lagu gufeeyey:
1-Qandaraaskii Tababarista ciidankii Ilaalinta Shirkadaha shidaalka oo si xaqdaro ah loo ga qaadey Shirkada Weyn oo Mareykanka ah lana siiyey shirkad xabkeysan taas oo xaqdaro daraadeed u hirgeli wayday.
2- Qandaraaska Budhcad badeedka oo lacag badan lagu lunsadey oo gacan wadaag irmaan weli ah .
3- Qandaraaska dhismaha Hargeysa Airport oo $ 20 million oo dollar lagu raamsaday oo nin lagu abaal mariyey shirkadana lagu sameystay.
4- Qandaraasyada qalabka Diiwaan gelinta muwaadiniinta- Mucaaridow sidee u aaminaysaan shirkad dawladu wax ku leeday? …. Waa yaab!
5- Qandaraaska Qalabka dib udhiska Wadooyinka dalka
6- Qandaraasyada qalabeynta ciidanka amniga ee qaranka
7- Qandaraaska Passporka wadanka E-passport
8- Qandaraaska Dayactirka Haamaha Shidaalka ee Berbera
9- Qandaraaska dayactirka iyo qalabeynta Dekeda Berbera
10-Qandaraaska Qalabeynta dhismaha iyo Gaadiidka Madaxtooyada
11- Qandaraaska baahiyaha Shirkadaha Shidaalka iyo macdanta ka baadha JSL.
12- Qandaraaska Qalabka iyo Gaadiidka shirkadaha Shidaalka Baadha
13- Qandaraaska WFP-da ee Gobolada Bari
14- Qandaraaska soo iibinta iyo dayac tirka dhamaan Gaadiidka Hayadaha Dawlada
15- Qandaraaska Qalabka Komishan qaranka iyo kirada Gaadiidkooda
16- Qandaraaska dhamaan qalabka xafiisyada ee Hayadaha Dawalada
17- Qandaraaska cashuurta wado marista ( Road Tax )
18- Qandaraaska ( Public Finance management system oo 7 million lagu qaatay)
19- Qamdaraaska Parking ka Airporka Hargeisa
20- Qandaraaska Securitiga Airport ka Hargeisa
21- Qandaraaska dhamaan Saadka Hayadaha Dawlada
22- Qandaraaska dhismaha Xafiisyada Dawlada ( 19 xafiis )
23- Qandaraaska Dhismeyaasha Cisbitaalada JSL .gaar ahaan ka Sanaag iyo Laascanood (9 million project )
24- Qandaraaska Amniga (security ) ee Dekeda Berbera
25- Qandaraaska sifeynta iyo tayeynta shidaalka Haamaha Berbera
26- Qandaraaska Dhismaha Wershada Hilibka ee Berbera
27- Qandaraaska Tayaynta Baabuurta ka soo degta Dekeda Berbera oo Barlamaanku dirqi ku furdaamiyey.
28- Qandaraaska Laabka lagu baadho Dawooyinka Somaliland ( funded Sweden)
29- Qandaraaska Shifo ee qalabeynta iyo Dayactirka Cisbitaalka Ceerigaabo
30- Qandaraaska Mobilada Gacanta ee dhamaan Madaxda hayadaha Dawlada.
Waxaa mushtamaca reer Somaliland indhahooda ku daalacdeen in 30-kan qandaraas ee sare la siiyey laguna naasnuujiyey sife baalmarsan sharciga qandaraasyada ee qaranka shaqsiyaad ku xidhan ehelada xayndaabka madaxtooyada iyo shirkado sameys ah oo ay wax ku leeyihiin Wasiiradda ugu tunka weyn xukuumada. kuwaas oo hada ku gaafanoobey libqintii iyo laba liska dheeftii ay ka heleen ilihii dhaqaalaha ee wadanka .Waxaa laga dhawaajiyey in Qandaraasyadan badan ee dhinaca ka raran aan Ganacsatada iyo shacabka Somaliland marna loo soo bandhigin si loogu tar tamo sife xalaal ah ( fair competition ) laakiin lagu bixiyey sife qaraabo kiil ah oo gacan wadaag ah oo qusum iyo qoon ah . Taas oo shacabka reer Somaliland ucadaysey in aan maanta loo sineyn Yuhuuntii iyo wada lahaanshihii midhihii dawladnimo, maadaama loo badheedhay in aan cadaalad lagu qaybsan manfaca, maganta moorada iyo muquunadii uu qaranku wada lahaa. Danta guud ee JSL waxay ku jirtaa badbaado qaran iyo in Qandaraasyada qaranka lagu bixiyo sife muraayad ah oo tar tan xalaal ah oo xalibnaan iyo Xisaabtan dawladeed uu ka danbeeyo.
Waxaan idiinku soo garoocayaa qormadan.. “Anigu Daaha Kama Rogin ee dadkuba wuu arkaayaa.”……… !!
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.
Gudoomiye ku xigeenkii xisbiga Waddani UK-oo laga aqbalay shaqo ka tagis
KU: Kanadiid Cabdikariin Jamac UK
OG: Laa’amaha Xisbiga Waddani UK
OG: Xarunta dhexe ee Xisbiga WADDANI
OG: Guddiga Fulinta ee Xisbiga WADDANI UK
OG: Hoggaanka Xisbiga WADDANI Hargeysa
OG: Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Hargeysa
Ujeeddo: Aqbalaad Iscasilaad
Iyada oo la tixraacayo Qodobada 12aad iyo 13aad ee Xeerka Xisbiga
Waxa lagula socodsiinayaa in wada tashi uu yeeshay Hoggaanka Xisbigu maanta oo taariikhdu tahay 13October, 2016 uu go’aamiyey in lagaa aqbalaya iscasilaaddii aad soo gudbisay ee xilkii iyo xubinnimadii Xisbiga WADDANI.
Waxanu kaaga mahadcelinaynaa mudadii aad lan soo shaqaysa intii aad ka mid ahayd Xisbiga Waddani.
ALLAA MAHAD LEH;Image result for xisbiga wadaniREF\XI\WAD|XUK|2362\2016
OG; Gudoomiyayaasha Laa’amaha UK
OG;Gudiga Fulinta Xisbiga Waddani UK
OG:Xogahaya Guud ee Xisbiga Waddani
Ujeeddo: Aqbalaad Iscasilaad
Iyada oo la tixraacayo Qodobada 12aad iyo 13aad ee Xeerka Xisbiga
Waxa lagul socodsiinayaa in wada tashi uu yeeshay Hoggaanka Xisbigu maanta oo taariikhdu tahay 13 October, 2016 uu go’aamiyey in lagaa aqbalay iscasilaaddii aad soo gudbisay ee xilkii iyo xubinnimadii Xisbiga WADDANI.
Waxanu kaaga mahadcelinaynaa muadii aad nala soo shaqaysa.
CABDI CIGE GOOD
Gudoomiye ku Xigeenka 1aad isla markaasna ah ku simaha Gudoomiyaha Xisbiga Waddani UK
ALAA MAHAD LEH
Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex oo la filayo inay Maalinta berri ah Xukun sii dayn u badan Dawcadii Siciid Maxamuud Gahayr kasoo saarto…
Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa la filayaa inay maalinta berri ah soo gabo-gabayso dacwadii abwaan siciid Maxamuud Gahayr oo ah Muwaadin 56 maalmood u xidhnaa Fikirkiisa oo uu warbaahinta kusoo bandhigay, isla markaana ay dhibsadeen maamulka Wasaaradda Duulista gaar ahaana Maamulaha madaarka Hargeysaa oo isaggu sheegay inuu dhibbane ka yahay qoraaladda uu qoraagu faafiyey.
Saxafi Siciid Maxamuud Gahayr ayey Maxkamadda saddex jeer dhegeysatay dacwadiisa, waxanay Xeer ilaalintu kusoo oogtay eedo, ku saabsan faafinta qoraal lagu baahiyey Facebookiiga qoraa siciid maxamuud gahayr. Eeddaha loo jeediyey Siciid ayaa badan kooddu ka jabeen, isla markaana uu iska difaacay Qoraa Gahayr.
Si kasbata ha ahaatee, ma jiro wax danbi ah oo ku cadaaday intii fadhiyada maxkamaddu socotay, hase-yeeshee, lama ogga Xukunka kasoo bixi doona maalinta bero sabtida, waxana muuqdaa inaanu jirin danbi ui galay qoraagu markaa laga reebo rayigiisa oo u si sulux ah uaoo bandhigay mooyee.
Taxanaha cibrada nolosha: Qisooyin yaab leh……….
TAXANAHA CIBRADA NOLOSHA ( QISOOYIN LA YAAB LEH )QISADII 11aad
Qalinkii CABDI CAWIYE
Waqtigii Cumar Binu Al-Khadaab RC, uu Xukunka Islaamka haayey, ayaa Saddex Qof waxey hor keeneen Cumar binu Khadaab Nin Dhalinyaro ah, waxey ku yIiraahdeen:- Cumaroow Ninkaan waxaan Rabnaa inaad noo Qisaasto waxa uu Diley Aabaheen.
Cumar baa Ninkii wuxuu ku yiri:- Maxaad u Dishey Aabahooda?.
Ninkii wuxuu yiri:- Waxaan ahey Nin Geel Jire ah oo Geel iyo Ardhi ayaan meel Daajinayey, Neef Geel ah oo ka mid ah Kuweyga ayaa waxaa uu Daaqey Geed ku yaal Dhul uu leeyahey Odeygu, Dhagax ayuu qaatey markaas buu ku Dhuftey Neefkii Geela ahaa, wuuna Dhintay, Aniguna isla Dhagaxii baan qaatey oo ku Dhuftey markaas buu isna Dhintay.
Cumar Binu Khadaab RC, waxaa uu yiri:- Hadaba waxaan kugu Qaadayaa Xadka.
Ninkii baa yiri:- Saddex Casho i siiya waayo Aabehey ayaa Geeriyoodey wuxuu nooga tagey Hanti Aniga iyo Walaalkey iga yar, hadaad i Disho hantidaas wey Lumeysaa iyo Walaalkeyba.
Cumar baa yiri:- yaa ku Damiinanaayo?.
Ninkii baa Eegay Wajiyada Dadka joogey Goobta markaas buu yiri:- Ninkaas oo uu ku Fiiqay Farta Saxaabigii weynaa ee Abuu Dar.
Cumar wuxuu yiri:- Abuu dar, Ninkaan ma Damiinaneysaa?
Abuu Dar waxaa uu yiri:- Haa, Amiirki Mu’miniintoow.
Cumar waxaa uu yiri:- Adigu ma Taqaanid, haddii la waayo Adiga ayaa lagugu Qaadayaa Xadka (Dilka).
Abuu Dar wuxuu yiri:- Anaa Damiinanaaya Amiirkii Mu’miniintoow.
Ninki waa la Fasaxay, wuuna baxay, Maalintii Koowaad waa Dhamaatey sidoo kale tii Labaad iyo tii Saddexadba waa ay Dhamaadeen Dadkoo Dhan waxey u Cabsoonayeen Abuu Dar, si aan loogu Qaadin Xadka (Dilka).
haddaba, wuxuu Waqtigu is Guraba waxaa la gaaray Xilligii ay Qorraxdu Dhaceysay, oo Abuu Dar, ayaa la sugayaa in Xukunka lagu Fuliyo ileen Ninkii lama hayee. balse Ilaah Mahadiis goor ay Qorraxdi dhaceyso oo ay Maqrib tahay ayaa waxaa Meel aad u Fog, oo Saxaraa ah wxaa ka soo Muuqday Ninkii la wada sugaayey isagoo uu ka Muuqdo Daal iyo Safar Dheer ayuuna soo hor Istaagay Amiirkii Mu’miniinta ee Cumar Binu Khadaab RC, isagoo dhahaayo:- Waxaan u Dhiibey Hantidii iyo Walaalkeyba Abtiyaashiis, hadana waan kuu Imid si aad iigu Qaadid Xadka (Dilka) Amiirkii Mu’miniintoow.
Cumar wuu yaabay, waxaana uu Su’aalay Ninkii, wuxuuna ku yiri:- Maxaa ku soo celiyey waxaa Suurtagal aheyd inaad Baxsatide.
Ninkii baa ku jawaabey:- Waxaan ka Baqay in la yidhaahdo Dadka Islaamka ah Dhexdooda waxaa ka Dhamaaday Oofinta Ballanta.
Cumar misana wuxuu Su’aalay Abuu Dar oo uu ku yiri:- Maxaad u Damiinatay Ninkaan Adigoon wax Aqoon ah u laheyn yaa Abaa Dar.
Abuu Dar baa ku jawaabay:- Waxaan ka Baqey in la Dhaho Dadka Islaamka ah Dhexdooda waxaa ka Dhamaaday Khayrkii iyo Naxriistii.
Intaas ka dib, waxaa Qisada la yaabay Wiilashii Aabahood la Dilay oo waxey yiraahdeen waan Cafiney Ninkaan, waxna uma Qabno.
Cumar aya Su’aaley Wiilashi oo ku yidhi:- Sabab, maxaadse u Cafiseen Ninkaan oo Aabihiin Dilay ?.
Wiilashii ayaa ku jawaabeen:- waxaan ka Baqnay in la Dhaho Dadka Islaamka ah Dhexdooda waxaa ka Dhamaadey Cafiskii.
ALLAAAAAAAH ALLAHU AKBAR BAL KA WARAMA DADKAASI SIDA SIDA AY U ILAALINAYEEN QIIMAHA DIINTA ISLAAMKA.
WALAAAAAAL WAA IN AYNU KU CIBRO QAADANO OO AYNU SIDAAS OO KALE UGU DHAQANAA DIINTA ISLAAMKA.
QALINKII CABDI CAWIYE
shaywaal12@gmail.com
+252634115877
Xukumadda Siilaanyo oo culyas iyo hanjbaado ku haysa saxaafada Somaliland iyo wariye Soofadhiiste oo ka dayriyay xaaladooda amni ee…..
Berbera,(Qaran-news)-Suxufiyiinta ka hawl gala Somaliland ayaa walaac weyn ka qaba noloshooda kadib markii ay xukumadda Siilaanyo nolol maalmoodkooda halis ku noqotay, waxna ay suxufiyiintu la kulmaan hanjabaado iyo caga juglayn saayid ah oo aan hore dalka uga jiri jirin waxana, waxa bishii ina soo dhaaftay oo qudhaata xabsiga loo taxaabay 3 wairiye oo laba ka mid ah wariyayaashaasi lagu xidhay gobolka Sanaag gaar ahaan degmada Ceelafweyn xaga ka kalena lagu xidhay gobolka Togdheer gaar ahaan magaalada Burco, waxa sidoo kale si bilaa sharci ah bil ku dhawaad xarunta CID-ugu xidhan qoraa Siciid Maxamed Gahayr oo lagu haysto qoraalo iyo fikrado uu ku cabiray dareenkiisa iyo waxa dalka ka socda.
Waxa si joogto ah loogu hanjbaa wargyska ama warbaahinta kale ee wax ka qorta xaalada dhabta ah ee ka taagan dalka iyo ficilada musuq maasuq ee dalka ka taagan, waxna ay xukumadda Siilaanyo alabaabada u laabtay wargayso ay ka mid yihiin Haatuf iyo Hargeysa Star, waxana argagax iyo cabsi la galiyay wargyska Ogaal loona sheegay in aanu daabacin wax ku lid ah xukumadda hadii kale in albaabada loo laabi doono xarunta wargyskaasi, waxna jiray wariyayaal si xun loogu jidh dilay gudaha magaalada Hargeysa.
Hadba waxa uu xiligani war’war iyo walaac weyni uu la soo gudbooonaaday wariye ka hawl gala magaalada Berbera oo la yidhaahdo Soofadhiiste, wariye Soo fadhiiste isga oo ka hadlaaya culayska ay xukumadda Siilaanyo ku hayso, ayaa bartiisa uu ku leeyahay Facebook- waxa uu ku sheegay oo yidhi Askar Baanu Khaati Katagaanahay Hadii Aanu Nahay Bahda Saxaafada Somaliland Siyaaasi Ayaa Soo Diraya Waxay Ku Leeyihiin Amar Ayaa Lay Soo Siiyay In Aan Ku Xidho.
Hadaba hanjabaada iyo weerarka bilaa sharciga ah ee lagu hayo saxaafada ka hawl gasha Somaliland ayaa maraaya heerkii ugu xumaa abid waxna xukumadda looga baahnyahay in ay joojiso arimahaasi.
Guddida khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta ee xisbiga Waddani oo hambalyo u dirayaan
Guddida khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta ee xisbiga Waddani oo
hambalyo u dirayaan siyasiyiinta isbedeldoonka isbahaysiga dimuqraadiga ee
miisiianka culus ee ku soo biiray xisbiga Waddani.
Waxay guddida khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta ee xisbiga Waddani hambalyo u
gudbinayaan garabka isbedeldoonka isbahaysiga dimuqraadiga ee u soo digo rogtay lana
midoobay xisbiga Waddani, iyo siyaasiyiinta miisaanka culus iyo taageerayaashoodaba.
Qodoboda ugu doorka roon ee astaanta xisbiga Waddani ah ee sababtna u ahaa in ay labada
mawjadood iyo taageerayaashooduba la midooban xisbiga Waddani waxaa ka mid ahaa:
• Cadaalad & Saami qaybsi
• Dawlad wanaag & Dimuqraadiyad
• Sinaan iyo Talowadaag
Waxaa kale oo guddidu hambalyo aan la soo koobi karin u dirayaan musharaxa
madaxwaynaha ee xisbiga Waddani mudane C/raxmaan M. C/laahi Ciro sida geesinimada leh
ee uu u baneeyey booska gudoomiyaha xisbiga Waddani iyo ka midho dhalintii heshiiskii
dhex maray garabka isbedeldoonka isbahaysiga dimuqraadiga ee la midoobay xisbiga
Waddani.
Siyaasada dawlada Waddani ee khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta waxaa buddhig u ah, in
si cadaalad saami qaybsi leh loo maareeyo khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta. Loona
maareeyo daahfurnaan “Transprance” si bulshada Somaliland oo dhami u gaadho hormar
dhaqan dhaqaale.
Dhawaan insha Allaha Guddida khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta ee dawlada Waddani
waxay u soo gudbindootaa bulshada Somaliland siyaasada maaraynta khayraadka dabiiciga
ah iyo tamarta ee dawlada Waddanu ku maarayndoonto arrimaha khayraadka dalka.
Allaah mahadleh
Guddida khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta ee xisbiga Waddani
Guddida khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta ee xisbiga Waddani
Dan, Mise Daneysi?
Waxa sannadihii danbe sii kordhaaya dadka ku soo biiraya saaxada siyaasada kuwa dalka hore u joogay iyo kuwo kale oo qaarkood ka imanaayey dalalka debada ee qaaradaha kala duwan caalamka sida Yurub, iyo Mareykanka. Hadaba dadkaas oo isugu jira rag iyo haween ayaa loo arkeyey kuwo wax ku soo kordhin kara bulshada ay u maqnaayeen si simana ay dadka ugu adeegi doonaan, maadama ay ay la soo noolaayeen bulshooyin hore u marey isla markaasna wax kasta laga horeysiiyo danta guud iyadoo laga tagaayo qof jecleysi iyo daneysasho.
Mid kale ee laga filaayey ayaa ahayd dadkaas dalka dib ugu soo laabanaya inay wax ka ku biirin doonan la dagaalanka ku dhaqanka qabyaalada iyo qabiilka, balse xaqiiqdu waxay tahay in badankoodu ay buunbuuninta iyo kobcinta qabyaalada ay qeyb ka yihiin.
Siyaasiga dhabta ahi waaka ka hormariya dantiisa, danta guud kana taga mid shakhsi ahaaneed, laakiinse waxa muuqata in badan oo xil iyo mansab doon ahi ay ku fikirayaan dhicitaanka, boobka iyo qaadashada hantida danta guud ee ka dhaxeysa ummada.
Waxa tusaale cad u ah qabiil kasta waxay iska soo dhex saaraan kooda ugu af miishaarsan, ugu masuuliyad liita, isla markaasna aan naxayn, oo ay ku yartay cabsida Illaahay iyo ka xishoodka qaadasha waaxanu lahayn, balse waxa jira in yar oo wanaagsan oo xumaanta daneyste ay qarisay.
Qabiil kasta waa kuwo dabada ka riixaya siyaasi daneyste ah, si ay dantooda iyo hamigooda ay u gaadhaan, waxaanand mooda in arinku hadda uu noqday “ Aan taada kuu fuliyee tayda ii fuli”, laakiin waxa xaqiiq ah qaran wuxu horumar ku gaadha wax wada qabsasho iyo is taakuleyn ku dhisan niyad sami iyo daacad.
Waxa iga xasuus ah haddii aad dooraneyso siyaasigaaga ku dooro mabaadi, balse ha ku dooran daneysi iyo dan gaar ah oo aad adigu leedahay.
Wabilaahi Tawfiiq
Maxamuud Xeef
mohamoud.heef@gmail.com
Security Council Press Statement on the implementation of Resolution 2303
War-weyn:Ganacsade Caana oo Xukumada Siilanyo Berbera ugu raadinayso Dhul uu mulkiyo+Goobtuu calmaday & Cida leh!
Ganacsade Caana oo Xukumada Siilanyo Berbera ugu raadinayso Dhul uu mulkiyo

Berbera-(Qaran-news)-Sida ilo xogogaal ahi u xaqiijiyen Warfdiyeenka Qarannews waxaa xeebta Galbeedka Magaalada Berbera siiba Agagaarka Bogcada ay ku yaalaan Haamaha Kaydka Shidaalka looga raadinayaa Ganacsade Maxamed Aw-Saciid dhul cabirkiisu dhan yahay 600MX400M.
Ku darsoo Goobtan dhulka looga raadinaayo Ganacsade Maxamed Aw-siciid ayaa ah dhul Dad Shicib ah oo Reer Berbera ahi leeyihiin balse xukumada Siilanyo xayiraad saartay dhawr sanno ka hor ,Ha yeeshee dhawaanahan si hoose loogu furay Maxamed Aw-siciid iyo Dhawr Ganacsade oo kale oo Xukumada Siilanyo Ollog la ah.
Waxa intaas dheer oo Berbera ku sugan Koox farsamo yaqaano-dhul u badan oo ka socda Wasaarada Hawlaha Guud oo baadigoobaya ama raadinaya dhulkaa la xayiray bogcad ka mid ah oo ay mulkisiiyaan Ganacsade Maxamed Aw-siciid inkastoo dad badan oo ka mid ah dadka leh dhulkaa la xayiray Hawl-galkan ka war heleen, heegana ka galeen siday ay dhulkooda u dhacsan lahaayeen qiimo kasta iyo dhib kasta oo uu ugu kaco.
Isku soo wada duuboo hawlgalkan dhulka loogu baadigoobayo Ganacsadaha Reer Jabuuti Maxamed Aw-Saciid ayaa xogaha Qarannews heshay tibaaxeen inay gadhwadeen ka yihiin Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexaan oo kaashanaya Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ,Yeelkeede waxaynu indho-gaara ku eegi , fiiro gaarana siin sida hawshaasi u fusho iyo Sidii Maxamed Aw-siciid dhulkaa loo mulkisiiyo iyo weliba sida Cirka loogu calaamadiyo cida markii hore lahayd.
Fiiro-Gaara:Qarannews kala soco Xoggo ku saabsan Dad Xukumada Siilanyo u xidhxidhay Ganacsade Maxamed Aw-siciid+Halkay ku xidhan yihiin iyo Xogo kale.
Kulmiye oo Hinda Gani kula heshiiyey samayn garab la mida isbahaysigii
Hinda Jamac Xirsi Gani oo ahayd masu’ul sare oo xisbiga Waddani ka tirsan ayaa ka sastay ku soo biirsta Xirsi Xaaji Cali ku soo biiray xisbiga Waddani. Dabeed waxay dalbatay in laga aqbalo warqad is casilaad ah. Markii laga aqbalay ayay sidii dumarka qaar odhan jireen ha la i furo ee hadana marka warqada la siiyo maroora dilaaci jiray ayay ku waalatay weli Waddani baan ka tirsanahayoo garabka toosinta ayaan ahay. Sida la ogyay Hinda waa gabadh aad iyo laxaad u lacag jecel oo Waddani ka qaadi jirtay lacag ay kolba sababo aan jirin u samayso. Dhanna waxay ahayd basaas warka xisbiga Waddani u geeya Maxamoud Xaashi oo ay lacag kaga guran jirtay. Maanta Hinda xaalku wuu ku xunyay oo marwadii madaxweynaha iyo xisbigii Kulmiye ee ay cayda la daba ciiri jirtay bay u jabtay sidaa darteed bay u leeday weli ismaan casilin. Xisbiga Waddani na wuxuu leeyey .. deydayo hadaan kuu fasaxay dibad wareegii ye,
Hinda waxay noqotay hasha labada geel jecel ee dhex-dooda waraabuhu ku cuno. Waddani na wuxuu leeyey Shimbiri laba geed ma wada gurato. Hinda kibir baa halkaa gaadh siiyey ay isu qaadatay inay waxay tahay ka weyntay. Hinda siiga yaraa miyaanay arkayn in bulshaduba wada Waddani noqotay. Qofku marka aannu daacada ahayn sidaas oo kale ayaa ku dhacda. Hinda maaha gabadh wax baratay oo wax akhrida dabeed waxay isu qaadatay in jifada ay ka soo jeedo ay hogaamiye u tahay. Dhulka ayay isku dhufatay Hindi labada xisbiba way ku qoslayaan oo Kulmiye caydiisa Diploma ayay ku haysatay Waddani na taageera diisa Degree bay ku sidatay hase yeeshee maanta midna ma hayso oo waataa ciil iyo cahdo Hargiesa kala baxday ee Bari sii dabay-shanaysa. Jahligu meel xun buu ku dhigaa.
Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com