Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Xasan Ciise ayaa dhambaal Hambalyo ah u diray xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo

$
0
0

Hargeysa,(Qaran-news)-Mujaahid Xasan Ciise Jaamac ayaa dhambaal Hambalyo ah u diray xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo laysku raacay inuu noqdo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Xasan Ciise Jaamac ayaa dhambaal uuay soo saaray wuxuu ku soo dhaweeyay in Cabdiqaadir noqdo guddoomiyaha xisbiga Waddani, waxaanu yidhi “Waatan maanta [shalay] xaflada lagu qabtay Ambassador ee ay isku afgarteen in Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde loo magacaabo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, markaa Cabdiqaadir ayaan aqoon u leeyahay oo aanu isku kacaan ahayn, iskuulkana isku sanad ahayn markaa waan hambalyeynayaa waana nin aan ku kalsoonahay, waxaanu ka mid yahay ragga maanta wadanka somaliland jooga ugu aqoonta badan uguna fahmada badan dhinaca siyaasada uguna waaya aragsan lana aamini karo, markaa aad iyo aad ayaan u hambalyeynayaa Cabdiqaadir Jirde.”

Xasan Ciise, wuxuu intaas raaciyay , “Cabdiqaadir Jirde waa nin aan ku kalsoonahay waana nin aan aaminsanahay inuu wax badan ka tari karo meel kasta oo uu ku biiro markaa waan tahniyadaynayaa waanan ku hambalyeynayaa hawshaas cusub ee uu qabtay waxaanan u rajaynayaa in ilaahay ku asturo.” Ayuu yidhi Mujaahid Xasan Ciise.

Geeska


Sawirka Todobaadka: Gudoomiye Cabdiqaadir Jirde Iyo Xildhibaan Nacnac

$
0
0

gudoomiyejirde1
gudoomiyejirde2

Waxa iska soo daba dhacaysa hambalyada iyo bogaadinta loo soo gudbinaayo gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiqaadir Jirde oo la isku raacay.

Russian warships expected to pass through English Channel amid Syria tensions.

Amina Weris oo shir ay dumar London uugu qabatay dheyda ka cadeysay in aan doorasho dhacayn

$
0
0
aminawaris1

Marwada madaxweynaha Amina Weris aayaa London kula shirtay dumar ay beesha guud isku heyb yihiin. Waxay u sheegtay arin ay ka fajaceen. Waxay ku tidhi cidii doontaa ha iska hadasho ee doorasho Somaliland ka dhacaysaa ma jirto. Markaa waxay u sheegeen in wadanka dhibaato ka dhici karto oo fowdo la geli doonaa. Amina waxay tidhi cid juuq odhanaysa iyo cid wax samaynaysaa toona ma jirto oo sidaa darteed doorasho la qabanayaa ma jirto. Dabeed dumarkii oo arinkaasi uu af-kala qaad ku noqday ayaa ku soo noqday gurya hoodii oo ileyn qaar badan baa u dhaxay reero kale e u waramay odayadoodii. Hadaba warkaasi waa rasmi oo waa waxa ay Amina Weris oo xukun madax maray ay aamin santay. Saan-santa ka muuqata xukunka Amina Weris waxay u eegtay in ay Somaliland meel xun dhigayso oo iyaduna ay ku wax beeli doonto. Maanta maaha maalintii bulshadu maqli karaysay doorasho dib loo dhigo iyo doorasho la qaban maayo midna. Dadku dowladan joogta way ka diiqeen oo waxa aan shaki ku jirin in kacdoon shicib dhici doono oo galaafta madaxtooyada iyo inta is le cid baa dub u sii xukumi doontaan. Anigu warkaa Amina Weris waan soo tebiyee been ha moodina oo weliba wuu ka sii badanyay ee ila badhi taara waataa marwadu dhayda ka cadaysay in aan doorasho dhacayn.

Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com

Guddoomiye Cirro oo Shacabka Somaliland iyo Wasiir Xagla-toosiye Ka Tacsiyaddeeyey Geeridii Ku Timi Aabihii Marxuum Ciise Axmed Kaar

$
0
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo ku hadlaaya magaciisa, ka xildhibbaanda, hoggaanka, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo guud ahaan taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee gudo iyo dibad ba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Ciise Axmed Kaar oo ahaa aabaha wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr.Saleebaan Ciise Axmed Kaar.
Dr.Cabdiraxmaan Cirro, waxa kale oo uu tacsi taas la mid ah uu u dirayaa eheladii, qaraabaddii, asxaabtii iyo weli ba gaar ahaan wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr.Saleebaan Ciise Axmed Kaar(Xagla-toosiye) oo Marxuumku uu ahaa aabihii, waxaana uu guddoomiyahu uu Marxuumka ku tilmaamay adoon aad u wanaagsan oo Alle ka cabsi badan sida oo kale na si weyn uga qeyb-qaatay nabadeynta deegaanada Buuhoodle iyo guud ahaan ba gobalka Sool.
Ugu dambeyntii, waxa uu guddoomiyahu Alle uga baryeyaa Marxuumka in uu jannatul Fardowsa uu ka waraabiyo sida oo kale na uu samir iyo iimaan ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay ba. Amiin amiin.

Waaxda Warfaafinta WADDANI
Hargeysa/Somaliland

Xukumadda iyo xisbiga Kulmiye oo bilaabay soo dhawaynta gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo bari duhurka dalka imandoona

$
0
0

Hargeysa,(Qaran-news)- Xukumadda Siilaanyo iyo xisbiga Kulmiye oo ilaa xalay nuskii danbe iyo saaka subaxdii hore kulamo xidhiidh ah isugu imanaayay ayaa gabo gabadii waxa ay isku raaceen in maalinta bari ah la soo dhaweeyo gudoomiyaha xisbiga UCID- Faysal Cali Waraabe, arintani soo dhawaynta ayay xukumadda iyo xisbiga Kulmiye toos u soo galeen markii uu Faysal ku fashilmay in uu taageero baaxdleh oo soo dhawayn ah ka helo xisbiga UCID-iyo jufadiisa Cabdi Ciise oo ay ka kaxaysteen Cali Sanyare iyo Ismaciil Buubaa.

Shaqsi ka mid ah xisbiga Kulmiye oo diiday in magaciisa la faafiyo ayaa sheegay in maalinta bari ah ay si diiran xisbi ahaan u soo dhawayn doonaan Faysal Cali Waraabe iyada oo loo muujinaayo in uu tageerayaal leeyahay.

Faysal Cali Waraabe ayaa bari 12:50 ka soo degaaya madaarka Hargeysa

Shirkii London Southall ee Kulmiye iyo shaksiyaad ka soo jeeda Beelwaynta Ciidagale Iyo Fadeexadii……..

$
0
0

London-Southall,(Qaran-news)-Bishan October 14 keedii, waxa degmada Southall ee Galbeedka London lagu qabtay shir muddo aad u dheer la soo abaabulaayay, laakiin se six un u fashilmay. Sirkan gacan-ku-rimiska ah waxa tacab badani ka galay Wasiir Cukuse iyo Faysal Cali-waraabe o doonaayay in ay indhaha Muuse Biixi wax tusan. Laba bilood ka hor intii aanu waftigu Hargeysa ka soo bixin, ayaa Wasiirka iyo Gudoomiye Faysal ay telefoon ku dawikhiyeen Reer-London intooda yare e ay u arkaan in ay weli iyaka dhegaystaan. Saddex nin oo lagu kala magacaabo Maxamuud Caraale, Xuseen Ibraahin Askar iyo Abokor Maxamed-shukri ayaa habeeno badan u soo jeeday sidii wiilka abtiga loo yahay, waa sida ay iyaku u dhigaane, in wacdaro loo muujiyo, sacabka na loo tumo oo xoog loogu soo baxo.

Qorshaha abaabulayaashu kaas baa uu ahaa, maxaa se dhacay? Ciidagalaha UK jooga waxa loogu sheegay shirkan in xukuumadda lagula xisaabtamaayo, wixii tabashooyin ah ee beeshu qabto, oo run ahaan aad u tiro badan na, si kal furan loogu soo qaadaayo. Sidaas baa dadka lagu maaweelinaayay, markii se la isu yimid, kkooxdii abaabulayaasha ahaa ayaa waji kale la soo baxay. Dad aanay tiradoodu sinaba u gaadhinn sodomeeyo qof ayaa shirka yimid, qaar kale na, intii anu kulanku ba bilaabmin ayaa ay dib uga noqdeen. Sababta ay tani ku dhacday waxa ay ahayd, abaabulayaasha shirka ee dhagaha fudud ayaa Cukuse uu u sheegay in ay aanay ogolaanin in wax su’aalo ah waftiga la waydiiyo, waxaana kooxdii ku adkaatay sidii taas loo meel marin lahaa. Saddexdii nin, oo laba ka mid ah (Caraale iyo Xuseen) ay ahaayeen niman bulshada sumcad ku dhex leh, ayaa dadkii hal-hal ugu tagay, una sheegay in aan loo baahnayn in la hadlo. Waxa ay yidhaahdeen – inaku gob baa aynu nahay, mana u baahnin in aynu cabano. Halkaas ayaa dad badani ay kaga boodeen shirkii, si cad na uga dareereen.

Wasiir Cukuse, oo Ciidagalaha iyo xukuumadda run ahaan aad u kala dilay, ayaa aan doonaynin in indhaha Muuse lagu hor fashiliyo, sidaas baa uuna su’aalaha u diiday. Wasiir Cukuse waxa uu ku dhaqmaa ficillo isaga goni ku ah, oo nin kaliya oo xukuumadda ka mid ahi aanu ku kicin. Cukuse waxa uu qayb ka ahaa shakhsiyaadkii Ganacsade Cumar Caydiid ku haystay tiyaatarka ee la shaqeeyay Cali-mareexaan, imika na, Sheekh Maxamed Cali Geedi ayaa uu ku haystaa dhul ay xukuumaddii Riyaale siisay oo uu ka disaayo Jaamacad. Wasiir Cukkuse waxa uu dagaal xun kula jiraa Gudiga guud ee beesha ee loo yaqaanno Sahan-barwaaqo, Gudiga Wadada Cad, iyo Hogaanka sare ee ururka caanka ah ee Gaaroodi Development oo uu u arko in ay u janjeedhaan dhinaca Waddani. Waxa intaas dheer, in uu shaqaalaha dawladda ee rayidka, kuwooda uu u arko in ay fikrad ahaan Waddani taageeraan uu halkooda ugu tago, oo shaqada ka caydhiyo, waxaana u dambeeyay Garyaqaan Siciid Geeljire, oo ka tirsanaa maamulka sarre ee Degmada Hargeysa. Dhaqmada noocaas ah, iyo kuwo badan oo la mid ah, ayaa ka dhigay Cukuse qof aan cidina jeclayn, Kulmiye iyo beesha na aad u kala fogeeyay, ma se la oga sababta uu sidaas u samaynaayo. Dadka qaar ayaa aaminsan in uu Waddani si dadban ugu shaqaynaayo, laakiin runtu ma aha sidaas ee talo uun baa sidaas ka noqotay. Waddani in uu la dagaalamo oo wax yeelo ayaa ay isaga iyo Faysal Cali-waraabe ba isku dayayaan, laakiin wax wayn baa ay u tarayaan iyaka oo aan dhadaynin. Dadka badan ee Waddani dhawaan galay, iyo kuwo badan o hadda u sii xidhxidhani, waxa ay ka xanaaqeen dhaqanka guulwadaynta ah ee sidaas u liitta.

U soo noqo shirkii, sida goobjoogayashu u sheegeen Qarannews, Wasiir Cukuse waxa uu sheegay in beeshu ay saami wacan ku leedahay xukuumadda maanta, waxaana uu tilmaamay in ciidamadi darajooyinka la siiyay ay ku jireen saddex nin oo jananno laga dhigay. Waxa u ilaaway in saddexdii na qaarkood buulka laga dhigay oo aanay wax xil ah haynin, darajadii lagu tolay na ay cidla iska taalo. Shirkii oo dad ka hooseeya sodomeeyo ay ka qayb galeen, Cukuse na wixii afkisa soo marayba uu ku hadlay, oo ay ka mid tahay in uu yidhi – Ciidagale waxa ay biyaha uga hadlayaan waa sababta oo ah wiil Reer Samatar ah ayaa maareeye ka ah, tabasho biyo na ma jirto ee ninkaas baa u muuqda. Sidaas ayaa uu u dhigay baahidii dhabta ahayd ee ay qabeen dadka uu magacooda sheeganaayo. Sawirro Muusoow abti soo dhawaw ah, iyo sidii lagu balamay, sacab aan wax su’aal ahi wehelinin ayaana uu sirkii ku dhamaaday. Madaxweynaha oo uu Cukuse sheegay in uu shirkaas imanaayo na ma imanin, sababta aanu u imanin na, cidina ma ka hadlin. Isku soo wada duub, Cukuse, Faysal Cali-waraabe, iyo dadkii ay ku shaqaysan jireen calankoodii waa dhacay, Kulmiye na ka dambayn maayo, astaantii calan jabka, oo ay guulwadaynta xad-dhaafka ahi u horayso na waa ay muuqdaan. Ciidagaluhu Guulwadaynta ma ku fiicnaan jirin, laakiin nimankani taariikh cusub baa ay dhigeen.

When lies and truth yield the same result!

$
0
0

When good and bad intermingle and become one for some people that people must be confused and convulsed and out of sense. When one does not distinguish good from evil that is psycho in one form or the other!
This phenomenon is happening in Somaliland as it happening in the whole Somali peninsula! How come two opposite things yield the same result?
Siilanyo and Kulmiye party lied to the people. Siilanyo told the people that he and his party are the needed alternative to the corrupt administration of Riyaale. People were receptive to that call. They gave Kulmiye party their vote and elected Siilanyo .Now the people realized Siilanyo and his party lied to them and corrupted Riyaale became “Haaji”-the leaser evil. But have the people learnt any thing from this experience? You will find the answer from the following lines.

Different from Siilanyo and Kulmiye party, the two parties running for the Presidency are not telling the people the lies Siilanyo told them, instead they are telling the truth and the truth is that they are no different then the Siilanyo oligarchy administration. They and Siilanyo are the same coin with different sides!! Eccentrically the people seem receptive to this as they were to the lies of Siilanyo and Kulmiye, therefore lies and truth yield the same result in this case!
Here comes the definition of insanity. Einstein defined insanity as “doing the same thing over and over again and expecting different results”? Is Somaliland insane?

Allah put Somaliland in a favorable condition and situation thanks to those who founded her, martyred for her but in the ended transferred her to the wrong hands. It is apparent that the people changed what is in them selves. It is happening in ALL sides!
It is happening from the corrupted inept government of Mr. Siilanyo.
It is happening from the so called opposition parties.
It is as well happening from the people who are watching their country slipping into a dark bottomless hole. Sane and normal people can not close their eyes from what is going on in Somaliland under Siilanyo’s (illegitimate) administration and the opposition parties who are in amalgamation with the oligarchy entity of Siilanyo and hope for the best.

“Verily never will Allah change the condition of a people until they change what is in them selves. Allah created man virtuous. He gave man intelligence and knowledge of His grace and mercy. If in spite of all this, man distorts his own will, if he has made his own sight blind and changed his own nature or soul from what Allah gave him, the favorable position in which Allah placed him will be changed and once the punishment comes, there is no turning it back” (wal ciyaadu billaah) [Al Raad ch13v11]

Ibrahim Mead
kingmead1@yahoo.ca


Siilaanyo oo waji gabax kala kulmay markii ay dawlada Ingriisku diiay in ay la kulanto iyo maanta oo uu ka huleeli doono magaalada London

$
0
0

siilnyolondon
London,(Qaran-news)- Madaxweyne Siilaanyo oo hawlo caafimaad u joogay dalka Ingriiska ayaa maanta dib ugu laabnaaya Somaliland,madaxweyne Siilaanyo oo qasdigiisii hore ahaa ama dalka Ingriiska u yimid hawlo caafimaad, ayaa ku guul daraystay in uu la kulmo dawlada Ingriiska, inkasta oo dhowr jeer mudane Siilaanyo uu dalbaday in uu la kulmo wasaarada arimaha dibada oo xiliyadii hore si diiran u qaabili jirtay ayaa xiligani albaabada ka xidhatay waxana uu kala kulmay waji gabax.

Siilaanyo oo xiliyada qaar gaadhay in uu la kulmo raysal wasaaraha dalka UK- ayaa maanta xitaa loo diiday in uu arko agsaamiyaal iyo wasaarada Ingriiska u qaabilsan qaarada Africa, oo yaalaaba madaxweynaha si laab furan u qaabili jirtay.

Arintani lagu sanifay madaxweyne Siilaanyo ayaa loo tirinyaa doorashooyinka Somaliland ee aanu daacada ka ahayn in uu dalka ka qabto, kuwaasi oo lacag maalaayiin doolar gaadhaysaa ay kaga baxday dawlada Ingriiska iyo dawladaha kale ee daneeya dimuquraadiyada Somaliland iyada oo ay ugu danbaysay doorashooyinkii uu kala qaaday ee wakiilada iyo madaxtooyada.

Doorkan ama socdaalkan Siilaanyo ee xiligani waa kii ugu horeeyay ee uu dalka Ingriiska ku yimaado ee aanu la kulmin xukumadda Ingriiska.

Siilaanyo ayaa la kulmay intii uu London joogay xildhibaano ka tirsan aqalka wakiilada ee dalka UK- xildhibaanadaasina waa kuwo cid kastaa iskala kulmi karto oo aan wax siyaasad ah shaqo ku lahayn, hadii uu Siilaanyo qaban waayo doorashooyinka soo socdana waxa dhici doonta in albaab kasta laga xidho

Daawo xaflad aad loo soo agaasimay oo xisbiga Waddani u qabteen bulsho weynta gobolka Hawd

$
0
0

wadanihawd1
wadanihawd2
wadanihawd3
wadanihawd4
wadanihawd5
wadanihawd6

Hargeysa (Qaran-news)-Jamaahiirtii iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee gobolada Hawd, Saaxil iyo Togdheer ayaa maanta munaasabad ay ku muujinayaa taageerada ay Xisbiga WADDANI u hayaan ku qab-saday huteelka guuleed ee Magaalada Hargeysa,taas oo ay ka soo qayb-galeen masuuliyiinta Xisbiga WADDANI oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Xisbiga WADDANI C/raxmaan Cirro.

Munaasabadan oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo xaadiray haldoorka aqoonyahanka dhalinyarad iyo haweenka beel- weynta Arab,kuwaas oo safaro ka soo galaya magaalooyinka Burco, Berbera, Balli-gubadle iyo deegaanada kale ee hoos –yimaada goboladaas iyo weliba gobolkada Maroodi-jeex .

Dhanka kalena munaasabada ayaa ahayd mid ay beesha Balli-gubadle ugu mahad-naqayeen guddoomiyaha Xisbiga WADDANI C/raxmaan Cirro oo u huray beesha in ay hanato xilka guddoomiye –nimada Xisbiga WADDANI,kaas oo la filayo in uu dhawaan ku wareejiyo masuul ka soo jeeda Beesha Balli-gubadle.

Sidoo kalane xafladan ayaa ahayd mid lagu taageerayo siyaasi C/qaadir Jirde,kaas oo u sharaxan jagada guddoomiye-nimada Xisbiga WADDANI, in uu ku fadhiisto cirro debadii.

Waaxda War-faafinta Xisbiga WADDANI

Filo Goordhaw Faah-faahin Dheeri Ah Iyo Muuqada Khudbadihii

Yaan La Siyaasadaynin Xuska Shuhadada SNM Ee 17-Ka October BY Yuusuf Cabdi Gaboobe

$
0
0
yusufgaboobe

Haddii Eebe idmo waxaynu barrito xusi doonaa maalinta Shuhadada SNM ee 17-ka October oo sanadkan kusoo hagaagtay xili ay dalka ka socdaan ololayaal ay axsaabta siyaasadu ugu jiraan tartanka doorashadda madaxwaynaha ee la filaayo inay Somaliland ka qabsoonto March 2017-ka.

Munaasibadan oo ah mid qiimo wayn ugu fadhida bulshadda, waxa haboon in sideeda loo xurmeeyo lagana ilaaliyo waxkasta oo wax u dhimi kara milgaha iyo sharafta ay huwan tahay maalintani, sida qof ama koox gaar ahi gooni u sheegato xuskeeda iyadoo dano siyaasadeed ku fushanaysa.

17-ka October waa munaasibad u taagan dhamaan mujaahidiintii SNM ee kasoo qayb gashay dib u xorayntii dalka siiba halyeyadii ku shihiiday halgankii hubaysnaa.

Jimciyada mujaahidka ee SOOYAAL oo iyadu u xilsaaran qabashada xuska munaasibadan 17-ka October, waxa looga fadhiyaa inay muujiso dhexdhexaadnimo oo aanay ku milmin kooxaha ku hirdamaya tartanka siyaasadda. Inkasta oo aan shakhsi uun ka ahaa halgamayaashii SNM, hadana anigoo ah aas-aasihii iyo guddoomiyihii ugu horeeyey ee SOOYAAL ee waliba lahaa hindisihii ay ku timid munaasibadan aynu ka hadlaynaa, waxa aan axsaabta siyaasada iyo xukuumaddaba xasuusinayaa in xuska 17-ka October aanu munaasibad ahaan u qalmin yooyootan siyaasadeed iyo af-madhan oo lala yimaado, balse looga baahan yahay barnaamij wax lagaga qabanayo baahida nololeed iyo darxumada haysa qoysaskii agoomoobay, naafadii halganka iyo mujaahidiinta faraha badan ee shaqo la’aantu silica baday isla markaana niyad-jabka ku riday.

Dagaalkii Burco-duuray ee 17-kii October 1984-kii isku haleeleen dagaalyahanadii SNM iyo ciidamadii Siyaad Barre waxa uu ka mid ahaa dagaaladii badnaa ay SNM soo gadhay. Laakiin waxa uu kaasi kaga duwanaa ciidanka SNM ee goobtaasi ka dagaalgalay oo ka koobnaa mujaahidiin markoodii hore laga soo ururiyey labadii aag ee galbeedka iyo barriga dabadeedna la iskugu keenay magaaladda Awaare, halkaas oo ay ku qaateen tababaro milatari oo kala duwan. Burco-duuray ayaa ugu horaysay ciidan SNM ah oo isagoo isku dhufan goob ka wada dagaal galla. Waxa ku shihiiday sodoneeyo mujaahid oo ay ka mid ahaayeen Lixle iyo Xaamud. Waxa lagu gubay tiro badan oo ka mid ah Bee-beeyadii ay ciidanka faqashtu ku khuukhin jireen mujaahidiinta SNM, taas oo ay dhiirigalin siyaado ah ka qaadeen isla markaana ay kor u kacday kalsoonidii ay ku qabeen qoriga lidka taangiga ee loo yaqaan Baasuukaha ah. Sababahaas dartood ayaan u doortay in xuskan la qabto taariikhda 17-ka October ee sanad walba, taas oo aanay ujeedadeedu ahayn in la xusayo dagaalkii Burco-duuray ama taariikhda shuhadada SNM ay bilaabmayso taariikhda dhacdadaasi.

Warqad furan oo ku socota madaxweyne Axmed Siilaanyo !

$
0
0

Aniga oo ka mid dadka jecel inaad taariikh iyo magac wanaagsan talada dalka kagga tagto ayaa maanta igu kaliftay inaan warqadan ku soo marayo warbaahinta xorta ah si ay waajibka iyo aragtida muwaadinku u gaadho kola cida talada dalka haysa , mudane madaxweyne xaalada adag iyo maamul xumada iyo ku tacadiga lagu hayo muwaadinta fikirkoogga ku xidhan waxay magac xumo ku tahay xukumada aad madaxda ka tahay sida aynu la wada socono tiraba waxa xidhan dhowr wargeys oo ay ka mid yihiin :- Haatuf , Somaliland times ,Hubsad ,sidoo kale waxa aragtidooda ku xidhan sadexda muwaadin oo kal ah :
Wariye Axmed Muuse (Sakaaro)
Abwaan Siciid Maxamud Gahayr
Eng Saleban Siciid Cumar
Hadaba mudane madaxweyne xukumada madaxda ku tahay waa mid ku lid ah karamada iyo xoriyatul qawlka ,waa ogtahay doorka ay warbaahintu ka qaadato horumarka iyo hanaanka dimuqarada iyo xisbiyada badan waa ogson tahay doorkii xiligii aad mucaaridka ahay sidiii ay warbaahinta iyo aragtida xortii ku taageertay , mudane madaxweyne talada maanta waad ka degaysaa ee magac iyo maamuus kagga dega talada dalka ,sidoo kale ka qabo kooxda iyo masuuliyiinta magac xumada u geysanayaa xukumada sida wasiirka madaxtooyada oo ay sadexdan muwaadin isaga ku xidhan yihiin maqaalo ay hore uga qoreen
Gebgebidii mudane madaxweyne waa maalmo duunidiiyee iska reeb xusuus mudane , waxaana ku baaqi lahaa in shaqsiyadka iyo hay’adaha ee u xidhan xukumada inay si dhakhso ah u helaan xoriyadooda

Qore: Rashiid axmed ismacil (rashto)
Email: rashto550@gmail.com

SNM- Magac Maalinta Dan La Leeyahay La Xusuusto

$
0
0

SNM MAGAC MAALINTII DAN LA LEEYAHAY LA XASUUSTO =

Goobtu waa Fagaaraha Khayryada ee Magaalada Hargaysa , goortuna barqo ,17-Octobar 1998 , Munaasabaduna waa Xuska Maalinta shuhadada SNM .

Waxa xaflada kasoo qayb galay , Siyaasiyiin ka tirsanaan jiray ururkii snm , oo kala wata laba Magac oo kala ahaa

1- Garabka Dib-uhabynta SNM .

2- Iyo Garab ka tirsan Xukuumaddii waagaas ee Madaxwayne Cigaal.

Anigu waxaan ka mid ahaa , dadwaynihii goobtaa kasoo xaadiray ee dhagaysanayay khubadihii ay is waydaarsanayeen , Madaxdii xaflada kasoo qayb gashay .

Dhinaca dib u habaynta waxa hogaaminayay , Mujaahid Xasan Ciise Jaamac , Muuse Biixi , C/raxmaan Aw Cali iyo qaar kaloo badan .

Garabka Xukuumadana , Wasiirkii maaliyda ee xiligaas , Ahna Madaxwaynaha imika , Axmed Maxamed Siilaanyo .

Dooda labada dhinac , waxay ku wareegaysay , garabka dib u habaynta oo xukuumada ku dhaliilayay in aan Agoontii naafadii snm waxba loo qaban , in aan taariikhdii snm la qorin iyo in halgankii snm la dayacay .

Garabka kalena wuxuu ku doodayay in xukuumadu dadaalayso , wixii itaalkeeda ahna aanay ka hagranayn , waxna ay qabatay .

Markii hadalkii soo dhamaaday , ayaa loo yeedhay ,Xasan Ciise Jaamac , oo ahaa gudoomiyihii ku meel gaadhka ahaa ee snm , maadaama aanu goobta joogin , C/raxmaan Axmed Cali , Xasan Ciise isagoo aad loo sugayay hadalkiisa , markii uu mikirifoonka qabsaday , wuxuu hadalka ku bilaabay :-

” Markaan soo kacayay , saaxiibaday waxay igu lahaayeen , Yaan la isku talax tegin .

Isagoo farta ku fiiqaya qalooca snm halkuu ka yimi iyo sababta guuldarada snma , wuxuu yidhi ” Beribaa nin la odhan jiray , Xirsi amaan , arini ku adkaatay , dabeeto nin odaya buu la tashaday , ninkiibaa talo wanaagsan siiyay , taladiina wuu ku guulaystay .

Markii Xirsi Amaan taladii mahadiyay buu ninkii ku yidhi , hebeloow waxaad tahay nin arrin yaqaanee , maxaad reerkiina intaanu kala tegin ugu talin wayday , dabeeto wuxuu ugu jawaabay ;- Xirsiyoow Arab looma talin waayine , waa loo taagi waayay , imika waa halka ninkaase snm looma telin waayine waa loo taagi waayay ” .

” Markii aanu xukuumada haynay , waatii aanu idin taagi waynay , waatii aa naggu foodhyayseen , inamadii yaryaraa ee xabadi ridayay ee aanu ka fadhiyi waynay ayaa snm , halkaa dhigay .

Xasan Ciise wuxuu ka hadlayay guul-daraddii ku dhacday Xukuumadii SNM , gadh-wadeenka ka ahayd 1991-1993 ,taasoo saraakiishii iyo siyaasiyiintii snma jilbaha dhulka u dhigeen ,kuwaasoo xitaa shirarkii golaha dhexe kasoo qayb geli waayay ilaa baarlamankii sidaa ku burburay .

SNM , May noqon Xisbi siyaasadeed , Urur halgan oo si sharafle loo sagootiyayna may noqon , laakiin guul-daro siyaasadeed awgeed , ayay sidii Xisbgii Udub saaxada qunyar uga siibatay .

12 sanno ka dib , maalintii xasan ciise hadalkan jeediyay , waxa taladii Soomaaliland la wareegay xisbi ay hogaaminyaan , Madaxdii SNM , kaasoo wadanka ka talinaya muddo 6 sanadooda .(2010-16)

Mudadaa lixda sanno ah , wax la taaban karro oo usoo kordhay Hadhaagii ku naafoobay ururkii SNM , Intii ku agoomowday ama ku goblantay ma jirto , taariikh la uruuriyay iyo Haayad Taariikhda uruurinteeda ku shaqo leh oo la sameeyayna ma jirto .

Waagaa 1998 , Jimciyada Sooyaal oo aad u shaqayn jirtay , xirfado badana lagga baran jirayna , halkii ayaabay ku hagaastay , wax usoo kordhay oo hurumarina ma jirro .

Haddaba waxa cajiiba , in SNM noqotay sidda bahasha loo yaqaano Roob la dhacda ee marka roobku da’ayo oo keliya la arko in SNM noqoto mid magaceeda iyo sheekadeedu soo xoogaystaan marka doorasho soo dhawaato , taasoo aad moodayso in looba fahmay in laga dhigto , Marro la huwado oo kolba qofkii dan lihi muraadkiisa u hagoogto.

Xigasho
Ahmed Nur Gurije

A/rahman Ciro oo ciyaaray siyaasad Muse Biixi ku fahma guuray

$
0
0

A/rahman Ciro oo siduu u kacaamay ku dhex jiray siyaasadaha caalamka oo dalka aduunka uugu weyna na safiir ka noqday ayaa Muse Biixi kolba shax u degaya majara habaabisa oo uu fahmi waayo. intuu Muse Bixi lahaa waa maxay talow hogaamiye uu Ciro sameeyey ama uu lahaa siduu u wareejinayaa Gudoomiya nimada xisbiga ayuu hadana Ciro Saaxil ka hilaacay oo taageera yaal badan oo Cali Xoor Xoor hogaaminayo soo dhow-yiin inay Waddani ku soo biiraan. Muse Biixi wuxuu fahmi la’yay sidan Ciro ciyaarta u dhigayo ee uu taageerayaashii uugu badnaa ku kaxaysanayo. Horta faraqa u dhexeeya askari iyo siyaasi waakaa Ciro Bulshada u cadeeyey ee Muse taagay Qudhac sanqadhi qow ka leedahay. Muse biixi waa nin hamuun weyn u qaba sidii uu hantida ummada u qaadan lahaa isaga oo qaar horena heysta. Muse jaha wareer siyaasadeed buu ku riday Ciro oo waakaa isku shubtay Bari iyo Galbeed iyo Hawd iyo waqooyi ba. Weliba sidaasaanay iskala bixin ragga dhawaan ku soo biiray xisbiga Waddani ee maalinta ay jimic-sadaan waxa aan shaki ku jirin in Muse is qarin doono oo sidii uu horeba u sameeyey odhan doono waan is tooganayaa. Dhawaan Muse indhaha dab ka leefi doona marka Xirsi iyo Mohamed biixi Yonis iyo Buubaa iyo Cali sanyara iyo intii xisbiga Waddani ku soo biirtay ay degmo walba ka hilaacaan ee wadan kuba wada Waddani noqdo.

Intuu Waddani taageera yaal diyaar sanayay reer Kulmiye waxay dul xoon sanaayeen Silaanyo oo way ka qasantay.

Muse intuu Silaanyo daba luudaayay sowtan dadkii wada waddani noqday. Hadal iyo dhamaan ha haneeyo Kursiga Muse ileyn daadkan soconaya iskama moosi karo e.

Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com

Dulmiga shacabka iyo wasiirkii cadaalada oo shaqadiisi ka seexday

$
0
0

Dulmiga xukumada Siilaanyo ku hayso shacab oo maray halkii ugu sareeysay ee abid u gaadho ee maanta maraysa inay muwaadinta aan waxba galabsan lagu xidh xidho aragtidooda sida aan ka wada dheragsan tihiin waxa jiray in ay xukumada ku caanbaxay musuq-maasuq iyo boobka hantida umadu ay xadhiga xaqa daro ah ku kacday Eng saleeban siciid ilaa hadan aan wax maxkamada iyo cadaalada midbana aan la hor keenin ,

taasina ay meel dhaca ku tahay shaqada garsoorka iyo ciidaanka astuubta oo aan sharcigu u ogolayn muddo ka badan inay 48 saacadood gudahooda in qofka marka la soo xidho lagu hore keeno maxkamada ,lakiin taas ma dhici muwaadinkani wuxuu muddo bila u xidhan yahay gacan yaraha marwada madaxweyne Siilaanyo ee Aamina werie ninka loo yaqaan mustafe Ibraahin jabiye( kaalay aynu fadhtanee) taas oo dacwadiisa u ku xidhan gacan yaraha marwadu ku doodayo maqaal magac xumo iigaadhsiiyey ayuu iga qoray kaliya intaa ayuu mawaadinkani ku xidhan yahay ,

xukumada wakhtigeedu dhamaaday ee xisbiga kulmiye waxa caado iyo dhaqan ka dhigtay inay cago juglayn iyo cabudhin kula kacdo muwaadinta ka dhiidhiya maamulada xukumada siilaanyo . waxaana ugu baaqay wasiirka cadalaada iyo garsoorka mr cadare inuu hoos u eeago cadaalada darada ay shacab kula kacayaan masuuliyiinta xukumada iyo gacan yaraayeeshada labada inay dhowraan xoriyada hadal iyo madaxbanaanida warbaahinta , muwaadin Eng saleeban siciid si dhakhso ah xoriyadiisa ha lagu soo celiyo

Qalinkii: Warsan ahmed

Bristol /UK


Ha Doorin Jinsiyadda!!

$
0
0

Ha Doorin Jinsiyadda!! W/Q:- Kamal Sh Ismail Aden

Haddad tahay muwadin somalilander ah raadi jinsiyadaada laakin ha doorin Laga soo bilaabo awoow ka awoow waxaynu tafiir iyo isir u lahayn ilaalinta diinta,dhaqanka iyo jinsiyadda oo ay si adag ugu dhaganaayeen awoow yadeenii inaga horeeyay oo si kasta oo ay ahaato aan u doorin intaa midna.
Hadaba hadday awoow-yadeen ama aabayaasheen sida ahaayeen oo ay ku dhaganaayeen jinsiigooda waxaan halkan isku waydiin doonaa dhawr su’aalood oo ku tacaluqa dhalinyada somaliland iyo halka ay ka taagan yihiin aqoonsiga dalkooda iyo naftooda.
1. jiilka hadda madax lasoo kacay halkay ka taagan tahay somaliland-nimadu?
2. Ma aminsan yihiin in ay yihiin muwadiniin reer somaliland mise waxay isku haystaan reer galbeed?
3. Intee haysata kaadhka jinsiyadda ama aqoonsiga Somaliland ?

Ha badnaadaan inta u hanqal taagaysa reer galbeed iyo qadashada jinsiyadooda waxaa lama huraan ah oo aan marnaba indhaha laga qarsanayn in ay qaali tahay dhulkaaga hooyo oo aanad meel kale ugu noolaan Karin sidaad ugu nooshahay dalkaaga waxaanad dalalkaa shisheeye aad ku noqon laaji xikmad ayaa tidhaahda “ Bari iyo Galbeedba tagoo gurigaaga ayaa ka wacan”
Waa maxay jinsiyadi ? waa aqoonsiga lagu garto qof iyo meesha uu kasoo jeedo.
Warbixin ay soo saartay qaramada Midoobey oo laga akhriyey xaruntooda ayaa shaaca ka qaadday in tobankii daqiiqo ee kasta uu dunida ku dhasho ilmo aan jinsiyad lahayn, waxa aanay ka digtay in dhibaatadan khatarta badani ay la sii kordhayso korodhka qaxoontiga ka barakacaya dagaallada dalal badan oo caalamka ka mid ah.
Waxaa intaa u sii dheer iyaga oo ana heli doonin daryeelka caafimaad iyo waxbarasho ee dawladdooda ay xaq ugu yeelan lahaayeen iyo sidoo kale shaqo rasmi ah oo u qalanta heerkooda aqooneed.
Qaramada Midoobey waxa ay sheegtay in Labaatan dal oo dunida ku yaalla ay ku nool yihiin tirada dadka ugu badan dunida ee aan jinsiyad lahayni, tiro koob la sameeyeyna lagu ogaaday in ugu yaraan 70 kun oo carruur ahi ay sannad kasta dhalaan aabayaal ku nool dalal aanay jinsiyad ka haysan oo aan muwaadin u aqoonsanayni, celcelis ahaanna waxa ay noqonaysaa in 10 kii daqiiqaba uu ilmo billaa waddan ahi dunida ku dhasho.
Ugu dambayntii Qaramada Midoobey waxa ay go’aansatay in ay bilaabayso hawl iyo olole ay inta ka horreysa sannada 2024ka dunida oo dhan kaga tirtirayso jinsiyad la’aanta.
Haddaba haddaynu nahay Somaliland oo aynu haysano xasilooni waa wax illahay loogu mahad naqee muxuu yahay jinsiyada aynu haysano oo aynu ku dhex gali karno bulshooyinka caalamka ?
Waa adoo qaata kaadh ama passorka uu dalku leeyahay waa adoon qaadan dhalasho meel kale ama dal kale laga leeyahay, muwaadin waxaa kugu waajib ah dheeri galin shacabka Somaliland sideee ay u qaadan lahaayen aqoosnsigooda waa in aanad yasin dalkaaga haddii kale waxaad mid la dooriyay oo aan kalsooni ku lahayd dalkiisa. Bal hoos ka dheehe xeer jinsiyada Somaliland oo la ansixiyay 2002.
 XEERKA JINSIYADDA (Xeer Lr. 22/2002)
 
Qodobka 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
 
Barlamaanka Somaliland wuxuu ansixya xeerkan:
 
Qodobka 1aad
Qeexidda Erey-bixinta
Muwaadin: Waxa loola jeedaa qofka ka ISIRRAN dadkii deganaa gayiga Somaliland 26 Juun 1960kii iyo ka hor iyo qofka sifa sharci ah lagu siiyey jinsiyadda Somaliland.
Laaji:          Waxa loola jeedaa qofka loo aqoonsado qaxootinimo ee ku sugan dal uu marti ku yahay.
Ajanabi:       Waxa loola jeedaa qof kasta oo aan ahayn muwaadin Somaliland ah.
Qaan-gaadh: Waxa loola jeedaa muwaadin kasta oo da’diisu gaadhay 15 sano iyo ka badan.
Caruur:        Waxa loola jeedaa muwaadin kasta oo da’diisu ka yar tahay 15 sano.
Guddiga:     Waxa loola jeedaa Guddiga Qaranka ee Jinsiyadda ee Madaxweynuhu magacaabo.
Aabe-laawe:  Waxa loola jeedaa ilmaha aan la aqoonsan aabihii balse leh hal waalid oo la yaqaan (single parent) oo ah hooyada dhashay oo keliya .
 
Qodobka 2aad
Muwaadinimada u Dhalashada ah
1)            Waxa Muwaadin dhalad Somaliland ah qof kasta oo uu dhalay Aabbe ka Isirran dadkii deganaa dhulka Somaliland 26 Juun 1960kii iyo ka hor.
2)           Muwaadinka dhalad Somaliland ahi wuxuu qaadan karaa jinsiyad dal kale (dual nationality) iyadoo aanu luminayn muwaadinimadiisii Somaliland.
3)           Qof kasta oo qaan-gaadh ah oo uu dhalay muwaadin Somaliland ah ee ku nool dal shisheeye ama haysta jinsiyad dal kale ama laaji ku ah wuxuu muwaadinimada Somaliland qaadan karaa marka ugu horaysa ee uu soo galo dalka Somaliland, haddii aanu iskii uga tanaasulin.
 
Qodobka 3aad
Hellidda Aqoonsiga Muwaadinimada.
1)            Aqoonsiga caddeynta Muwaadinimada Somaliland waxa lagu kasban karaa marka codsaduhu la yimaado arrimahan:
a)      Caddayn uu Maxkamadda horteeda ka bixiyey Caaqil ka diiwan-gashan Wasaaradda Arrimaha Guduhu ee ardaaga uu ka soo jeedo codsaduhu.
b)     Soo buuxiyo foomka loogu talagalay oo uu soo saarayo xafiiska Jinsiyaddu, isla markaana saxeexo.
2)     Aqoonsiga muwaadinimada Somaliland wuxuu ahaanayaa mid isku mid ah oo leh tiro taxane ah oo ka diiwaan-gashan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxana saxeexaya Gudoomiyaha Gobolka awoodda u leh.
3)           Qaabka, midabka, qoraalka lagu muujinayo aqoonsiga iyo ogolaanshaha daabacaadiisa iyo maamulkiisa waxa xeer nidaamiye ku soo saaraya Wasiirka Arrimaha Gudaha.
 

Haddii aan soo gunaanado maqaalkaygan waxaan bulshada somaliland ee ku sugan gabalada iyo degmooyin somaliland min bari iyo galbeed ku baraarujin lahaa ciroole iyo ciyaal iyo laga dadaalo qadashada kaadhka jinsiyada oo ah ka lagu saxayo ama lagu garanayo qofk amuwadin ka ah iyo qofka laajiga ah
Wa bilahi tawfiiq
W/Q: Kamaal Sh ismail Aden
Email:- kamaalsheekh@gmail.com
Tell:- 4406191

Xildhibaan ka mid ah golaha wakiilada Somaliland oo xukumadda Siilaanyo uga digay go’doon siyaasadeed

$
0
0

Hargeysa (Qaran-news)-Xildhibaan. Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada,kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey
Xukuumadda,waxaanu sheegay inay ku fashilantay Siyaasada Arrimaha Dibada, meeshana ka saartay kalsoonidii Beesha Caalamka.

Xildhibaan Bashiir Tukaale oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Shirka Golaha Dhexe ee Waddani,Isbahaysiga ku soo biiray waxaanu yidh “Xukuumaddani waxay meesha ka saartay kalsoonidii iyo xidhiidhkii Beesha Caalamka ee ay dhiseen Xukuumaddihii hore ee dalku,waxaana ayaan daro ah in talaabo walba oo ay qaado la saxsan tahay waxbana aanay ka garaabeen, kolay sida inoo muuqata Caalamkii wuu inaga sii fogaanayaa ee waxaan Xukuumadda leeyahay godoon ha ina galinina kamana maarmayno Caalamka ee macaamilkii iyo xidhiidhkii wacnaa ee Beesha Caalamka soo celiya,”.
Isagoo ka hadlay siyaasiyiinta ku biiray Waddani dhawaan wuxuu yidhi “Siyaasiyiinta Isbahaysiga ee nagu soo biiray waa Rag misaan culus oo taageero badan ku soo kordhinaya Xisbiga Waddani,waa Wasiiradii ugu miisanka cuslaa uguna awooda badnaa Xukuumaddan, markaas Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddaba cadaalad daro iyo. eex bay uga soo careereen,laakiin cadaalad waxay ka helayaan Waddani oo ah Xisbi Qaran oo umadda reer Somaliland dhex u ah.”

Geeska

Ina Xashi Marbuu Run Sheegaayoo, Markaasina Waa Marka Gurigiisa Albaabka Uu Garaacayo!!!!

$
0
0

Wiil Tuug ah baa Gabar Tuugo ah guursaday. Uur bay qaadday. Waxay dhashay Wiil gacantiisa midig shanta farood iyo suulku isku laaban yihiin sidii qof feedh duubtay oo kale. Dhakhtar baa loo geeyay suu gacanta ugu fidiyo. Markuu gacantii fidiyey waxa laga helay Fargalkii Umulisada. Haddaba, Wasiirka madaxtooyada Maxamuud Haashi wuxuu lumiyey kalsoonidii Ay ka qabeen beesha uu metalo wuxuuna bartilmaameed u noqday musuqmaasuq ay ku ladhan tahay karti iyo xeelad qarsoon uu ku lunsaday.hanti badan oo ummadeena wax weyn uga tari lahayd adeegyadada Aasasiga Ah.
wuxuuna noqday Astaan lagu xasuusan doono musuq baahsan .taaso gebi ahaanba taariikhda boggeeda madow. Waxaa u sahlay inuu ficiilka noocan ah ee waxshanimo madal ku kaco kuna boobo hantida qaranka iyadoo.hadii hanti dhowrka qaranka si hufan xilkiisu u gudan .mana jiro odhad dabagalka sameeya hantida qaranka.balse haduu jiri lahaa waxaa hubaal noqonlahayd in wasiir hashi ay jeelka injirtu ku gali lahayd.madaxweynaha turkey ardegon ayaa mar la weydiiyey sidii uga guulaystay inuu dalkiisa ka cidhibtiro musuqmaasuq.ayaa waxaa u yidhi (Waxan kula dagaalamay alla ka cabsi) Hadii shalay mohamed hashi nin aan hanti buuran lahayn Lacagta caydha la siiyana ingirisku ku kaalmayn jiray noloshiisa. Xiligaas oo ingiriska qoxoonti uga diwaangashanaa.maanta waa hantiile. Hanti ma guurta ah ku leh meelo badan oo calamka Wasiir hashi wuxuu ka mid yahay Wasiirada lama taabtanka ah ee intii madaxweynaha somaliland A.M.silaanyo Aan la bedelin Wuxuuna tacadiyo jidh dil, xadhig, shaqo ka joojin isagu jira ku sameeyey dhalinyaro badan oo ka mid ah labeentii dalka. Waxay xaq iyo xuquuq lahayeen oo uu duudsiiyey isagoo Marmarsiinyo uga dhigtay inay mucaarid ku yihiin Oo ahayd been aan sal iyo raad toona lahaydn Waa gabood fal iyo xad gudub Aan lagu dhaafi doonin Intii u xilka ka tagay wasiirkii hore mr hirsi Hawlihii qarankoo dhami waxay galeen mugdi .

Waxaa mesha ka baxay is aaminadii iyo kalsoonidii reer SOMALILAND isku hayeen. Waana damaca ina Hashi ku doonayo kursiga baaqi ku ahaado Kaaso ka dhigan laba daran mid dooro Maadama ay cadahay in hadii m/weyne Siilanyo alla hadaaye Xilka ka dego Inuu noqondoono haadgeed waayyay Damiisa siyaasiga ahina soo afjarmo doono maadama ay jiraan mucaarid baahsan oo Ay beeshu u hayso wasiirka fadhiiidka noqday. Waxaani Arintan samayn taban ku yeelanaysaa xisbiga kulmiye taageeradii loo hayey madaxdiisa iyadoo Ay muuqato in marba marka ka dambaysa ay sii laciifayso midnimadii iyo isku duubnidii beesha oo haatan in u kala jabtay asxaabta mucaridka ah waxaana sabab u noqday Waxanu u soo jeedin lahaa hogaan xisbiga kulmiye Gaar ahaan musharaxa.Ahna gudoomiyaha xisbiga musa bihi Inui fiiro Gaar ah u yeesho Hadimooyinka uu ninkani xisbiga ugu maleegaayo Mana haboona in taageero laxaad leh Lagu waayo shaqsi Aan mudnayn in xilka sii hayo kalsoonidiina lagala noqday.

Calaamadaha munaafiqa waxaa ka mid ah Diinteenna suubani inoo sheegtay ballanqaad Aan fulin lahayni Waana waxyabaha caadada u Ah wasiirkan beenta badan ee maxa isku geliyey umadii Ninkan damiirkiisa iyo dadnimadiisuba aad bay u liidata Waxaa hudheeladii buuxdhaafiyey Odayaaal.waayeel.waxgarad. Garaado Oo m/weynaha balamo la lahaa oo u hore uga qaaday balse Nasiib darada dhacday ayaa ahayd.markii ina hashi ka hor istaagay inay madaxtooyada galaan.waxaan igu maqaala ah in odayadan loo haysto kirooyinkii hoteelada ay jeefeen. Waa Ayaan daro ka weyni majirto dhacdadan in sidaa loo galo odayadan Birmigaydada ah Hadii ina hashi aad u haysatay nin ku caana ah waxqabad iyo horumar taasi waybeenowday oo beentiisa waxwalba duminaya Oo la hubsay Goroyo haadbay noqotay Tallo yar oo ku An facaysa kolay qaadan mayside War wasiir bal intaad qofkaga hoosta ka soo xidhato Bal is Akhtiyooo waxad is weydiisaa horta yaan Ahay.Maxaan gudaa. Naftaada runta u sheeg beentana ka daa umadda Waxan ku soo Afmeerayaa gabayga bulsho ee hadraawi wax badan ka iftiiminayo dadka ku mammay Hantida Qaranka.
Ninkii Balankaaga qaaday
Ka baaqday xilkaad u dhiibtay
Ka baydhay ujeedadaada
Kuboobay Adoo sabool ah
Ku wiirsaday baaba’aaga Adoon bogan waayay taada.

W/Q; Samir Hassan Abdi (Raan)
Tel: +252-63-415-79-74
Email: Samirjajaa@gmail.com
Hargeisa, Somaliland.

International community expresses concern over parliamentary candidates with a history of violence and criminality

Jordan closes its Inaugural Sovereign Local Currency Sukuk in Cooperation with Islamic Corporation for the Development of the Private Sector (ICD) and Japan International Cooperation Agency (JICA)

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>