Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Wasiir Cukuse Oo Ku Dhawaaqay In Ay Abaar Baah-san Oo Lacageed Ku Habsatay Xisbiga Calaantiisu Cadaatay Ee KULMIYE + Sirta Uu Kashifa + Muuqaal

$
0
0

Hargeysa (Qaran-news)-Wasiirka xanaanada xoolaha c/laahi cukuse ayaa sheegay in ay xisbiga caleentiisu cadaatay ee KULMIYE dib dhaska uga tumayaan ,isagoo xusay in uu xisbigu awood ku lahaa qurbaha muddooyinkii hore,balse hadda ay awoodaasi gebi-ahaan-ba meesha ka baxday.

Waxa uu sideesi ku sheegay wasiir cukuse wareysi uu war-baahinta ku siiyey shalay Madaxtooyada.

Dhanka kalena wasiir Cukuse ayaa xusay in Xisbiga KULMIYE ay abaar lacageed oo aad u xumi ku habsatay,isla markaana ay qurba joogta reer somaliland ee dalalka UK iyo imaaraadka gacmaha hoos dhogteen, balse kiishkii madh-naa ee KULMIYE ay waxba ku ridi-wayeen,

“Xisbiga KULMIYE oo aad ogtihiin in uu cudud ballaadhan iyo tiirar adag ku lahaa qurbaha in boodhka laga tumo oo laga wada haddlo oo dadkii la dhiiri-geliyo uu dib KULMIYE isugu diyaariyo dhinaca dhaqaalaha “ayuu yidhi Wasiir Cukuse

Wasiir Cukuse oo ka haddlaya lacagaha ay dadka weydiyeen ayaa xusay in ay “Mayee dadka ayaanu weydiisanaynaa in ay nasiiyaan qaadhaan si alla sidii farsamo ah ee aanu qaadhaan kaga heli karayno” Ayuu yidhi Cukuse


Daawo tageero cuduudeed oo loo muujiyay musharaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID- Jamaal Cali Xuseen

Madaxweyne Siilaanyo & Wasiiradiisa Shaahoodyinka La Gudoonsiiyo, Ma Kuwa Musuqa, Xaaraanta Xaqdarada, Dulmiga, Cabdhinta Shicibka & Kelitalisnimada ayey Ku Qaateen oo ay Kow Ka Yihiin.

$
0
0

Madaxweyne Siilaanyo & Wasiiradiisa Shaahoodyinka La Gudoonsiiyo, Ma Kuwa Musuqa, Xaaraanta
Xaqdarada, Dulmiga, Cabdhinta Shicibka & Kelitalisnimada ayey Ku Qaateen oo ay Kow Ka Yihiin.
waxaad arkaysaa  madaxweyne Siilaanyo oo aan Shicibku Arkin, oo aan La Hadlin, oo Su,aal Qudha La Weydiin
Wadanka Wuxuu Ka Og Yahay Boobka Dhaca, Dhibaatada Shicibka Wado La,aan, Biyo La,aan, Sixir-Barar & Xadhig & Caga Juglayn & Car
Juuq Dheh Lagu Hayo, aan Kaba War Hayn, oo aan Ogeynba, oo aan Ka Hadlayn, Hadana Umadii Laga Ilaaliyo, oo Mukiroofnka Laga
Ilaaliyo Hadana, Meeshii uu Isa Soo Taag ee uu Warqad Ka Akhriyaba Amaan Lagala Daalo, Shaahadadna Loogu Daro.
Bal u Fiirso, Socdaal Ingiriiska & Imaaraadka ayuu Ka Soo Noqday, Dekedii & Airportkii Berbera ayuu Soo Xaraashayey, Hadana Cidna
Lama Hadal Shicibkii uu adaxweynaha u ahaa Wuxuu u Soo Kordhiyey uma Sheegin.
Bal Hadaba, Shicibka S/Land Ma Waxa Madaxweyna u ah Wareegto Habeen Badh TV,yada Ka Soo Baxda oo La Akhriyo, Ma Waxa ay
Doorteen, Madaxweyne Warqad Laba Kelmadood Ku Qoran Yihiin Sita oo Jin & Insi Cid Soo Qortat aan La Garayn.
Shicibka S/Land Ma Cukuse & Afhayeen ayuun Baa Wax U Sheega, Mee Madaxweynihii ay Doorteen.
Hadaba, Waxa La Yaaba, Madaxweynihii oo Shicibkii Sawirkiisa & Isagoo Socda Mooyee, Isagoo Hadlaya aanay Arkayn, Hadana La
Amaanayo, a Xayeysiinayo, Waa Mujaahid, waa Halgamaa, Waa Kii Wax Qabadka, Waa Kii Horumarka.
Shicibku Waxay Arkaan, Wadankii oo La Wada Boobay, oo Lawada Xaraashay, Dantii Guud, Guryihii, Wershedihii, Buurihii Schooladii
Dekedii , Haamihii & Airportyadii, oo Koox Gaar ahi Sida Gafanaha Ugu Naaxday, oo Acountyo Debeda Soo wada Dhigtay, Guryo
Beero & Wax Kasta Ka Samaystay, Hadana Isu Bogaya, Isfaaninaya, oo Isu Sacab Tumaya, oo Abaal Mariino, shaadooyin Isa Siiya
oo Meel Kasta oo ay Istaagaanba Shaahad Baa Lagu Taxaa Inta Joogtaba.
Bal u Fiiso, Wasiirada Maaliyada ee ugu Musuqa Badan, Ugu Xaaraan Cunka Badan, Ugu Qayaalada Xun, ee Weliba Dumara ee
Halkay Umada Iska Qarin Lahayd, Meel Kasta taagan ee Baaburo Caafimaad & Goobo Waxbarasho ayaan Bixinayaa, ee Weliba Kaga
Darane Shaahoodin IGudoonsiita Leh,.
Wasiirada Samsam Shicibka S/Land Shaahada ay Siiyeen, Waa Tii Musuqa, Waa Tii Qabyaalada, Waa Tii Xaaraanta & Xaqdarada
Waa Tii Eexda & Cunfiga, Tii Ilaahay ee Aakhiro oo Ah Shaahadadii Naartuna Way u Hadhsan Tahay.
Waayo, Hadaanay Toobad Keenin, oo Xoolaha Umada ee ay Dhacday Iyada & Walaakeed Xaaji, & Aamina Weris & Moorgan
7 Maxamuud Xaashi & Wasiirka Macdanta & Qaar Kaloo Badan & Odeyga Siilaanyo oo u Saxeexa Inay Dhacaanba oo La Og oo
Raali kala Ahaba, Waxay Iftiinka & Aakhiraba Ku Qaadan, Shahaadada Naarta, Cadaabta & Ololka, Subxaanalaa, Allahu Manajayna.
Wabilaahi Tawfiiq.
anigaa Qoray, Nin Agoon Ku xaday Qalin Qaaxo Kama Fogaato, Xoolaha Umada Kuwa Gurtay Cudur aan Dawo Lahayn ayey Ka
qaadi, Duco, Salaad & Toobad Midna Laga Aqbali Maayo Sida Axaadiistu Sheegtay, Subxaanalaa.

Asha Jama
ashaa.j@live.nl

Special report from all east Africa in Nairobi confirm allegations rattle corruption for Somaliland’s finance minister Zamzam Aden Abdi looting public money and…………

$
0
0

NAIROBI– The finance minister of the breakaway northern Somalia territory of Somaliland who is responsible for the annual fiscal budget and the issuance of adequate regulations for their executions is under criminal investigation over allegations of fraud, bribery and misuse of public funds, officials said. The scandal surrounding more than $2 million in state spending, parts of $6 million budget meant for various public sectors that Ms. Zamzam Abdi Adam’s had allegedly used to purchase personal properties and farms in the region has shaken public trust in the government.

A senior Somaliland official told All east Africa that the minister’s significant relationship with the president made it difficult for the anti-corruption commission to conduct a proper investigation into the allegations of corruption. Some of the commission’s members have also been bribed by the minister to avoid public scrutiny, officials say. Some of the funds missing from public coffers were approved by the government to execute public projects including Agriculture, Land Management, Local Production Motivation, Good Governance, Economy and Public property.

One official privy with the probe by the president’s office alleged that the minister, a Somali-British economist had used some of the money to buy shares from the local telecom giant Telesom, using her stooges at the ministry. Using its corporate influence, the company had reportedly pushed for a tax exemption status, which resulted in a partial relief from taxes, thanks to the minister who succeeded in implementing a 60% tax exemption for the company.

However, analysts warned that efforts by the officials, mostly from opposition parties to bring criminal charges against her for alleged misuse of state money will fail due to corruption tolerance by leaders, a scenario which was attributed to the increasing corruption culture in the enclave. Ms. Adam whose tenure has been hit by allegations of state graft hasn’t returned to calls seeking comment. However, local media reported that corruption cases increased since the incumbent president of Somaliland Ahmed Silanyo came to power four years ago.

Millions of dollars have been stolen from the people by the group of individuals close to the current system. Corruption is one of the main factors damaging the dignity of our nation.” reported by the local Somaliland Informer Daily. The breadth of the corruption now coming to light has astonished even government officials. “This calls the government’s publicity of transparency and good governance into question.” A Somaliland minister said by phone from Hargeysa, Somaliland’s capital. He declined to be identified because of the sensitivity of the matter.

Millions of dollars are channelled through the Somaliland government by donors every year to promote good governance, infrastructure and security. Somaliland, a breakaway region in northern Somalia has declared a unilateral independence from the rest of Somalia in 1991; however, no country has so far recognized it as an independent state.

Sources Judy Maina from all east Africa.

U.S. Embassy Promotes Entrepreneurship in Delta Governorates

UK LONDON: Xaflad Weyn Oo Lagu Taageerayo Garabka Jamaal Cali Xuseen Xisbiga UCID, Laguna Doortay Guddoomiyaha Dalka UK Ee Xisbiga UCID:

$
0
0
uciduk

Waxa habeenimadii xalay 16/10/2016 magaalo Madaxda Dalka UK ka dhacay Xaflad aad u Balaadhan oo ay isugu yimaadeen dhamaan Taageerayaasha Garabka Xaqu-dirirka Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Xafladaas oo Taageerayaasha Garabka Jamaal Cali Xuseen ay Ku soo bandhigeen Taageerada ay u hayaan Garabkooda.

Waxa kale oo Xafladaas lagu magacaabay Xilal Cusub oo kala ah Guddoomiyaha Xisbiga UCID Dalka UK Iyo Xidhiidhiyaha Gobolada Dalka UK Xisbiga UCID oo kala ahaa sidatan:

Mudane Rashiid Cali Maygaag Samatar: Guddoomiyaha Xisbiga UCID UK.
Mudane Ismaaciil Maxamed Ildab (Faradheere) Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada Dalka UK.
Hadaba, waxa Jirtay ama sida aanu ka aragnay Warbaahinta Xubno Xilal ka hayay Xisbiga UCID Dalka UK iyo Qaaradda Yurub oo sheegay in ay xisbiga UCID ka baxeen, kuna biireen Xisbiga KULMIYE 15/10/2016. Anigoo Ku hadlaya Afka Garabka Xaqu-dirirka Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ee Xisbiga UCID Dalka UK, waxaan halkan ku cadaynaynaa in xubnahaasi ay ahaayeen xubno aanu soo wada shaqaynay, si sharaf lehna u taageeri jiray Murashaxa Madaxweyne Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, waxaan uga mahad celinaynaa mudadii ay nala soo shaqaynayeen waana mahad-san yihiin, waxa is orankaraa waxa ku kalifay ka tagistooda Xisbiga UCID ay tahay Niyad-jabka iyo Burburinta uu Xisbiga UCID Ka dhexwado Guddoomiye Faysal Cali Waraabe. Qofkastana waa u xor marba cida uu taageerayo 3da xisbi Qaran. Nasiib wanaag anaguna waxaanu isla maalintii ku xigtayba 16/10/2016 aanu buuxinay boosaska ay baneeyeen walaalaheenii aanu wada shaqayn jirnay.

Dhamaan Taageerayaasha Xisbiga UCID ee Dalka UK waxay diyaar u yihiin taageerida Garabka Xaqu-dirirka Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, waxayna canbaaraynayaan Faysal Cali Waraabe oo ah shiqsi xisbiga UCID dhexdiisa ka wada Shirqool looga soo dhiibay Xisbiga KULMIYE iyo Madaxtooyadda Somaliland. Waxayna Shirweynaha aan caadiga ahayn u soo jeedinayaan in ninkaa Faysal Cali Waraabe Xilka laga Qaado. Hadii ninkaa Xisbiga laga Qabto Xisbiga UCID wuu hagaagayaa waana Guulaysanayaa.

Mr. Cabdiqaadir Mohamed (CUKAASHE)
Xoghayaha Xidhiidhka Saxaafadda Xisbiga UCID Dalka UK.

Silaanyo iyo weftigii oo ka muquurtay inay dadka madaarka kula hadlaan

$
0
0

Shicibku waxay xaq u la- haayeen in Silaanyo iyo weftigii uu hogaa-minayay markay madaarka Hargiesa ka soo degeen in ay uuga waramaan waxay 10 wasiir iyo Gud. Muse Biixi iyo madaxweynuhu wadanka ingiriiska ka qabanayeen. isla marka intaas oo wasiir ingiriiska joogtay qaar kalena waxay ku maqnaayeen wadanka Jarmalka. Sidan oo kale ayay sameeyeen markay hore ee ay London ka degeen oo waa la wada ogsoon yay in dadkii London degenaa safiir ku sheega Somaliland uu qalday oo u tilmaamay madaar (Terminal ) aan weftigu ka soo degeyn. Cajaayib !!! Dowladi way masaxantay oo protocol iyo nidaam lagu socdaa ma jiro. Waxay u eegtay in madaxtooyadii iyo xisbigii Kulmiye talo ku cadaatay oo ay madluun ka yihiin mudo xilood koodan gebaabsiga ah. Waxay maanta iska ilaaliyeen in la wareysto oo la weydiiyo sua’al macquul ah oo ah maxaa intiinan oo dhami iska daba qabanayseen. Isaga Silaanyo waa la fahmi karaa oo gaadhi baa lagaga soo qaaday dayaarada hoos teeda ilaa madaarka Hargiesa sabab-tuna tahay socod baan ku jirin ee dad arxan daran baa ku xeeran oo kolba soo kar-karaya oo soo celinaya isagoo ildaran. Wasiiradii qaf-qafta hayayna wey ku dhici waayeen in ay warbaahinta la kulmaan oo way ogyiin in aanay sa’alaha la weydiiyo ka jawaabi karayn. Hadaba shicib yahow hurdaa dowladi waa hawl gab oo wasiir waliba wasaarada uu hayo ayuu qalaylka ku bur-bursanayaa oo madaxweynihii laga cabsoon lahaa itaal iyo awood waa ka aragtaan. Somaliland waxay gashay xaalad aad u fool xun oo sababta uugu weynna waxa iska le madaxtooyada dadka jooga, shicibkuna waa Time Bomb oo goor ay qarxi doonaan la garan maayo. Nidaamkii Somaliland waa burbur oo waxa ka dhalan kara kacdoon shicib oo arga-gixiso iyo tuugiba ay ka faaideysan karaan. Dama naanta madaxtooyada iyo khuurada shicibku isma oga.

Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com

The United States and WFP welcome a Second Ship Carrying Critical Food Commodities for Sudan


Afriland First Bank and the Islamic Corporation for the Development of the Private Sector (ICD) have signed an agreement to create an Islamic Window in Ivory Coast

Warkii Wasiir Cukuse ee…………

$
0
0

Warkii Wasiir Cukuse ee Waftiga Dawladdu run baa u ahaa, sax se ma ahayn.

M. Haaruun

Muxuu qalinku sheekiyo.
Qubanaha dharaartiyo
Hadba qodob layaab liyo.
Ma hadhooyin qorayaa. (Hadraawi)

Maalintii shalayto ahayd (Isniin, 17 Oct, 2016) waxa Hargeysa ku soo laabtay wafti Somaliland ka socday oo London ka soo kicitimay. Maqnaanshaha waftigaasi, iyo soo noqoshadoodu ba si isku mid ah ayaa ay dood iyo muran u abuurtay. Sababaha doodda dhaliyay waxa u waynaa laba uun: waftigani oo ahaa midkii ugu tirada badnaa, uguna maqnaanshaha dheeraa ee beryahan wadanka ka safra; iyo ta ka sii daran oo ah, ujeedada waftigu u maqnaa oo xukuumadda qudheedu ay cadaysay in aanay ahayn dan qaran oo la wada leeyahay. Somaliland cidina sharci ma ixtiraamto, asluub dawladeed na cidi ma xeeriso. Sidaas darted, ayaa qofka xukunka joogaa u u sameeyaa waxa uu doono. Haa, waxa ay sameeyaan waxa ay doonan, ilaa xad aanay ka fiirsanin hadalada ay sheegayaan in ay is burinayaan iyo in ay is taageerayaan. Waftigan oo keliya hadalada ay Wasiiradda Xukuumaddu ka sheegeen iyo sida ay isu burinayaan ayaa marag kuugu filan.

Bal u fiirso, Xukuumaddu war rasmi ah oo ay sii daysay maalintii waftigu baxay (26 Sep, 2016) waxa lagu sheegay in hawl qaran loo baxay. Intaas ka dib waxa si is daba joog ah u hadlaayay wasiirro kala duwan oo xukuumadda ka tirsan, oo dhamaantood sheegay in shaqo qaran lagu maqanyahay. Waxa ka mid ah Geeljire oo 30 September ka hadlay Star TV (Barnaamijka Naqaysiga), halkaas oo uu ka sheegay in waftiga Xukuumaddu dawladda UK kala soo hadlaayo amuuro kala duwan. Bishan October 14 keedii na, Wasiir Caddaani ga Warfaafinta ayaa la hadlay Wargeyska Geeska, waxa uuna sheegay in xukuumaddu UK u jjoogto sidii Somaliland loogu heli lahaa maalgelin shisheeye, wada xaajood amuurahaas ku saabsan, iyo amuuro kale oo ictiraafkii ka mid yahay na ay ku maqanyihiin waftigu. Si kastaba, hadda waxa soo baxday in intaas oo dhami ay ahayd huf iyo hal aan waxba ka jirin!

Xukuumaddu waxa ay si rasmi ah aakhirkii u sheegatay, oo waliba ku faantay, in aanu waftigaasi hawl qaran u bixin ee ay hawl xisbi iyo olole Kulmiye u joogeen UK. Sidaas waxa sheegay Wasiir Cukuse oo loo xil saaray, amaba isagu isu xil saaray in uu Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ba u hadlo. Wasiirka oo hadalkiisa tacbaan badani ka muuqdo (mooyi sababtu wax ay ahayd), ayaa shalay Xarunta Madaxtooyada suxufiyiinta ugu sheegay in ay soo abaabulaayeen taageerayaasha Kulmiye ee UK. In kasta oo taageerayaasha Kulmiye ee uu sheegaayo, iyo Xukuumadda ba uu khadkooda ka leexday, hadalo Xukuumadda ka hor jeeda na ka sheegay shirkii Birmingham ee 6 October, 2016, hadalkiisu na uu waji gabax ku ahaa guud ahaanba Kulmiye, hadana waxa aan qirayaa in uu Wasiir Cukuse markan uu safarka waftiga ka waramaayay run ku hadlay, laakiin se ay tahay run qalad ah. Wax kasta oo run ahi sax ma aha. Danta xisbiga in bil ku dhawaad loo maqnaado, oo hantida dadka ka dhaxaysa lagu soo ololeeyo, sax ma aha, waa se ogahay in Somaliland kolba qofka xukunka hayaa uu gar iyo gar darroba saxanyahay. Sidaas weeyaan xaqiiqaddu.

Si kastaba, su’aalaha ilaa hadda la is waydiinayaa waxa ay yihiin – Wasiiradda xukuumaddu sababta ay warar is burinaaya ugu hadlayaan maxaa ay tahay? Qof kastaaba ma wixii la qumanaada uun baa uu iska sheegaa? Mise sida dadka qaarkii qabaan, in ay xukuumadda ay ka tirsanyihiin iyo xisbigeeda qaladaadkeeda muujiyaan ayaa ay doonayaan? Tusaale ahaan, marka uu Wasiir Cukuse ku faanaayo in ay olole xisbi u maqnaayeen mudada intaas leeg, ma nidaamka dawladnimada ayaanu waxba ka aqoonin oo dan xisbi iyo mid qaran baa iskaga qaldan, mise waa uu is yeelyeelayaa? Armuu wadanka oo dhan Kulmiye u haystaa? Geesta kale, Wasiir Caddaani maalgelinta iyo ictiraafka loo maqnaa ee uu inoo sheegaayo xagee ka keenay? Imisa shirkadood ayaa lala soo hadlay, goorma ayaa ay se maalgelinta bilaabayaan? Ictiraafkii yaa lagala hadlay? Masuuliyiinta lala hadlay magacyadooda, goortii iyo goobtii lagula hadlay ma noo sheegi karaa? Waxa aan hubaa in ay jawaabtu tahay maya. Al-muhim, ila inta la helaayo shicib hab qabiili ah aan u fikiraynin, iyo saxaafad madax banaan oo micno leh, dhaqanka noocan ahi waa uu sii jiri doonaa. Sidaas oo kale, waa ogahay in aanu hal qoraal qaladka jira iyo kufsashada dawladnimada wax ka bedeli karin, laakiin kolba wixii kula gudboon in aanad ka baaqsanin waa waajib.

M. Haaruun

mbiixi@gmail.com

Daawo barnaamij gaar ah oo ka hadlaaya Xarunta African Comand ee bariga Africa oo saamayn ku yeelan kara Somaliland

Milicsiga aragtidii uu Siilaanyo ka aaminsnaa cahdigii Rayaale cida leh masuuliyada doorashada iyo………..

$
0
0

 

 

Hargeysa(Qaran-news)-Doorashada madaxtooyada ayay dad badani ka qabaan walaac in markii labaad ay dib uga dhacdo wakhtiga loo qoondeeyay ee March 2017.

Walaaca laga qabo in doorashada wakhtigeedu ku qabsoomi weydo, ayaa waxa sal u ah wakhtiga hadhay iyo qabyada taala ee u baahan in la dhammaystiro ka hor wakhtiga loo qoondeeyay in ololaha doorashada madaxtooyadu bilaabmo.

Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu waxa ay ku doodaan in xukuumaddu keliya qabsoomida doorashada ku leedahay waxyaabo kooban oo ay ka mid tahay inay diyaariso saaxadii lagu loolami lahaa iyo inay bixiso kharashka ku waajibay ee ku soo hagaagay. Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo wuxuu xukuumadii Daahir Rayaale ku canaanan jiray inay joojisay hadaladii ku saabsanaa ictiraaf raadinta.

Hase yeeshee, waxa xusid mudan aragtidii uu Madaxweyne Siilaanyo aaminsanaa ka hor intii aanu xilka qabanin ee uu ahaa mucaaradka.

Arrinta doorashada wuxuu Madaxweyne Siilaanyo waagaas aaminsanaa in masuuliyadda koowaad ee qabsoomida doorashadu saarantahay madaxweynaha oo wakhtigaas uu ahaa Daahir Rayaale Kaahin. Axmed Siilaanyo oo ahaa hoggaamiyihii mucaaradka ee KULMIYE, waxa uu Geeska Afrika dib shacabka u xasuusinayaa khudbad uu jeediyay February 21, 2009 oo ay xisbiga KULMIYE ku soo biireen taageerayaal tiro badan oo ka soo baxay xisbigii UDUB.

Qabsoomida doorashada

Axmed Siilaanyo oo ka hadlaya cidda leh qabsoomida doorashada wuxuu maalintaas yidhi “Maanta waxaynu joognaa marxalada Dimoqraadiyadeenii halis ku jirto. Waxaynu joognaa waqtigii aynu doorashada geli lahayn. Marka u horeysa xilka waa la kala leeyahay. Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka waxa la doortaa muddo go’an oo cayiman oo shan sannadood ah, waana inta shacbigu u igmaday ee doortay. In doorashadu waqtigeeda la qabto xilka iyo masuuliyadu cida ay ka saaran tahay ee karaamada umadda inay ilaaliso tahay waa Madaxweynaha dalka. Afar jeer baa imika dib loo dhigay, mar walbana waxay talo kaga ururtay cid la doortay uun baa na bedeli karta. Laakiin, macnaheedu waxa weeye; oo hadday doorashoba dhici waydo sidee loo bedelayaa? Waxaanu umadda iyo dawladda u sheegaynaa, maanta arrintaasi way soo dhamaatay, shacbigii doorasho ayuu diyaar u yahay oo waqti baa loo qabtay. Cimrigaagii aad xukunka ku haysatay waad dheeraysatay. Markaas taas (muddo-kordhin) maanta kaa yeeli mayso umaddu oo lagaama ogola, maalinta doorashadu timaadana doorashadaa loo dareerayaa, doorashada ayaanay umaddani diyaar u tahay. Annagoo 100% kalsooni isku qabna, waxa aanaan kaa yeelaynin inaad hantida umadda, Booliska, Milateriga oo ah hay’addihii loogu talogalay inay shacbiga iyo wadanka ilaaliyaan aad u adeegsato cabudhinta iyo caga-juglaynta Suxufiyiinta iyo hadday tahay dad masaakiin ah oo xoolahoodii la dhacay oo loo ilaalin waayay….Dagaal lagu qaadi maayo, umaadduna maalintaas bay ku tusi doontaa halka ay kaa taagan yihiin iyo wixii aad ka galabsatay. Iyadoo loo marayo diriiqa sharciga ah iyo doorasho ayaa cod dharaar cad halkaa lagaaga qaadi doonaa baanu leenahay….Waxaanu diyaar u nahay, kaaga guulaysanaynaa kalsooni buuxdana ku qabnaa in aanu cod xalaal ah kaaga helayno oo aanu kaaga dirayno.”

Ictiraafka

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu maalintaas uu mucaaradka ahaa sheegay inay xukuumadii Rayaale joojisay warbixinihii ay shacabka u sheegi jirtay ee ictiraaf raadinta ku saabsanaa, waxaanu Siilaanyo maalintaas yidhi “Hore waxaynu ugu maqli jirnay dawladeena oo markay dibadda u baxdaba tidhaahdaa ‘Ictiraafkii wuu soo socdaa iyo wiiga dambuu imanayaa’, laakiin maanta kuma maqlaysid. Goormaa ugu dambaysay?. Iska daa Ictiraaf ay yidhaahdaane, waa kuwaa maanta u gacan-haadinaya Muqdisho ee leh dad walaalo ah oo aanay Xuduudi u dhexayn baynu nahay, taas baana muujinaysa halkay ku socdaan….”

Madaxweyne Siilaanyo, inkastoo oo uu ka gaabinta ictiraafka maalintaas ku eedaynayay Daahir Rayaale, haddana waxa xusid mudan in shalay oo u dambaysay oo uu Madaxweyne Siilaanyo Ingiriiska ka soo laabtay aanay masuuliyiinta xukuumadiisu shacabka u sheegin wax ku saabsan ictiraafka Somaliland.

Sidoo kalena waxa hadalkaas Madaxweyne Siilaanyo la garab dhigi karaa wada hadalada madhalayska noqday ee Somaliland iyo Somaliya oo uu madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin ka taagnaa mawqif adag.

Geeska

Shir weynahii xisbiga Waddani oo saacado kadib ka furmi doona magaalada Hargeysa iyo muuqaalka goobta uu ka dhiici doono

$
0
0
shirkawaddani

Shirkii golaha dhexe ee xisbiga Waddani oo mudo la saadaalinaayay oo mudo laba jeerana dib u dhacay ayaa saaka ka furmi doona magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, shirkani oo saacadaha soo socda ka furmi doona, waxna aad isha loogu hayaa doorashada musharaxa jagada madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Waddani cida ku guulaysan doonta halkaasi oo loolan weyni uu ka dhici doono, waxa aanu shirkaasi wararkiisa idiinku soo gudbin doonaa wararkeena danbe hadii Ilahay ogolaado.

 

Qarannews

Hargeysa

Somaliland

Hadaanu nahay dhalinyarada beesha Sulomadow waanu ka soo hor jeednaa hadlaka ka soo yeedhay ina Ubaxle Waxana aanu taageersanahy Hogaamiye Xirsi Cali X. Xasan

$
0
0

 

xirsidhalinyaro

 

Anaga oo kakooban qaybaha dhalinyarada beel waynta Sulamadow waxanu isugu nimi shir aanu kaga tashanayno aayaha deegaankayaga iyo aayaha mustaqbalkayaga dood iyo falan qayn dheer waxanu is tusnay deegaan ahaan iyo beel ahaanba in aanaan helin saamigii aanu ku lahayn dawlada hada jirta ee Siilaanyo sidaa darteed ka dhalinyara ahaan waxaanu go aan ku gaadhnay inaanu cududayada iyo codkayagaba aanu ku biirino XISBIGA WADANI anaga oo usii dhex marayna si gaarana u taageerayna Hogaamiyaha XIABIGA WADANI XIRSI CALI X. XASAN sidaa darteed waxanu hogaamiye Xirsi ku marti qaadnay kulan qado oo ay u wada dhanyihiin dhamaan qaybaha kalla duwan ee aqoonyahanka dhalinyarada beesha Sulomadow
oo ah cida ay ka go’do codka beeshu waanu wada hadalnay waanu is fahamnay waxanu isla qaadanay inaanu saamiga deegaanka ka maqan aanu ka heli doono xisbiga iyo dawlada ka dhalandoonto wuxu hogaamiye Xirsi noo cadeeyey inaanaan meesha marti ku ahayn laakiin aanu wada qabano midida daabkeeda sidaasaanu isku ogayn isku ognahay ku wada shaqaynaynaa
warbixintani waa xaqiiqada rasmiga ah ee dhex martay dhalinyada beesha Sulamadaw iyo xisbiga Wadani gaar ahaan hogaaamiye xirsi.

Sidaa darteed waxaanu si mug iyo miisaan leh u beenayna hadal macno wayn aan ku fadhiyin oo,aan loo meel dayin oo kasoo yeedhay C/RAXMAN CALI UBAXLE waxanu leenahay hadalkaas kasoo yeeshay waxba kama jiraan hadal nin wayni ku hadlo ma ahayn hadal nin wax doonayaa ku hadlo ma ahayn cabdiraxman hadalkaa kamaanu filayn waxanu ka filayay inuu dareenkayaga iyo wada jirkayaga nagu hambalyeeyo waxanu hadalkaa ka raali galinayna HOGAAMIYE XIRSI CALI X. XASAN oo hadaladaasoo kale aanay qaban XIRSI anagaa u yeedhnay casuumnay oo marti qaadnay.

C/RAXMAN doraad wadani buu ahaa shalayna kulmiyuu ku biiray labadaba ra yigiisa waanu ku ix,tiraamnay anana waxanu filaynay inuu ra,yigayaga nagu ixtiraamo waxanu nahay dhalinyaro aqoonyahano ah oo u kacay horumarinta deegaankooda iyo dadkooda durbaanadaa beenta ah ee nalaga daba tumayana waa kuwo uun na dhiiri galinaya hankayaga iyo himiladayada inta aanu gaadhayno hadafkayagana nasan mayno waxaananu ku kalsoonahay taageerada dadkayaga cid noo dhaxaysaana ma jirto anaguna waxanu ka tarjumaynaa dareenka dadkayaga.

Ugu dambayn waxan halkan ka cadaynayaa inay dhalinyadii salamadaw ee aqoonyahanada ahayd inay tashatay ka tashatay aayahooga waxaanu si buuxda u taageersanahay xisbiga wadani iyo hogaamiye XIRSI CALI X. XASAN

by Maxamed Cilmi Cali Dable

ALLAA MAHADLE
mdable621@gmail.com

Wasaarada Waxbarashada oo arday waxbarasho heshay kula kacday cadaadis

$
0
0

Xukuumadda Kulmiye oo muddooyinkii u damaysay guul-darooyin siyaasadeed oo kala duwan ku habsadeen,ayaa hadda ku dhaqaaqday talaabooyin gurac oo ay kaga aar-gudanayso guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro,waxaanay hadda ku dhaqaaqday in ay si gaar ah u cadaadisu degmada uu dhalasho ahaan ka soo jeedo cirro ee Go’da weyn iyadoo dhammaanba cunaqabataymo dad-ban ku soo rogtay degmadaasi.
Wax-barshada
Xubno ka tirsan dowlada oo 4-tii bishii sagalaad ka qayb-galay xaflad ballaadhan oo degmada Go’da weyn ka dhacday, taas oo loo sameeyey dufcadii koobaad ee ka baxday Dugsiga Sare ee Mujaahid Lixle oo ku yaala Degmadaasi,waxaanay masuuliyiinta ay xukuumadda u soo dirsatay xafladaasi halkaasi ka h sheegeen in ay dowladu qaar kamid ah ardaydii Dugsigaasi ka baxday ay deeqo jaamacadeed oo bilaasha siinayaan,isla markaana waxay ka qoreen ardaydii magacyadoo,iyagoo intaasi kadib-na lagu yidhi ardaydii Hargeysa kaalaya iyo xarunta wasaarada wax-barashada.balse nasiib xumo ardaydii markii ay muddo joogeen ee ay subax kastaba ku jarmadeen ayaa aakhrikii wuxuu wasiirka wax-barashada in ay Xukuumaddu isku noqotay kana tashada arinkaas iyadoo go’aana lagu gaadhay in deeqaasi aan la siinin ardaydaas.

Sidoo kalana macalimiinta ka halwgasha guud ahaanba degmooyinka gobolka saaxil ayaa musharkii loo kordhiyey iyadoo loogu daray macalinkiiba $50 doollar,balse nasiib darro macalimiinta ka hawlgasha degmada Go’da weyn oo ka tirsan gobolka saaxil ayaa iyadoo xukuumadda KULMIYE ka urinaysa guddoomiye cirro oo dhasho ahaan ka soo jeeda aan wax-ba loo kordhin iyaga.

Isku soo wada xoorriyoo xukuumadda KULMIYE ayaa cadaadis ku haysa gebi ahaanba degaanada kala duwan ee uu guddoomiye cirro ka soo jeedo sanaag ilaa ilaa Hargeysa.


Faysal Cali Ilaahay Cabsidiisii, Xishoodkii Dadnimadii, Damiirkii & Diintii Ma Intuu Iska Tuuray, ayuu Xisbigii Ucid & Jamaal uu Dhex Waashay, oo Toban Hadal oo……….

$
0
0

Faysal Cali Ilaahay Cabsidiisii, Xishoodkii Dadnimadii, Damiirkii & Diintii Ma Intuu Iska
Tuuray, ayuu Xisbigii Ucid & Jamaal uu Dhex Waashay, oo Toban Hadal oo Iska Daba
Imanaya uu Warbaahinta La Taagan Yahay.
Xisbigii Ucid Anaa Leh Ayuu Ku Faanaa, oo Sanadkan Inuu Soo Baxo ayaan Rabaa, oo Markayagii , ayuu Ku Andacooda, Hadana
Intuu Hadhay Laba Jeer oo Umadu Isaga Dartii Ku acday, ayaa Ilaahay amaal u Soo Diray, Hadana amaal & Xisbigii ayuu Cunaha
Kaga Duuban Yahay, oo uu Si Cad U yIdhi Xisbiga Kale Musharaxiisa oo ah Muuse Biixi ayaan Dhisayaa.
Hadaba Shicibka S/Land Dulmiga uu Faysal Cali waraabe, Jamaal Ku Hayo ee Kolba Mashruuc uu Madaxtooyada Ka Soo Qaadanayo
uu Jamaal Ku Wiiqayo, oo uu Ku Bahdilayo, Haka Gar Naqaan oo Faysal Cali Waraabe Dulmiga & Gefka & Xaqdarada uu Jamaal Ku
Hayo Meel Hawga Soo Wada Jeestaan, oo Weliba Beesha Koonfurta Hargeysa, Intay in Jeclaysiga Iska Dhaafaan Cuqubada Ka
Dhalanaysa Faysal Wuxuu Ku Hadlayo, ee Sidii Qof Waalan uu Kolba Wuxuu Doono Afkiisa Ka Odhanayo, ee aanu Sharcigii Wadanka
Kii Xisbiga Ucid, & Dastuurkii Midna Eegayn, Waar Ilaahay Halaga Baqdo oo Cuqubada Ka Dhalaysana Wuxuu Faysal Jamaal Ku Hayo
Geed Halagu Xidho.
Bal Sharciga Isagoo Faysal Laba oor Dhacay, Hadana u Ogolaanaya Inuu Musharax Isku Soo Taago, Umada Halaga Jaahil Siiyo, Bal
Inta Goor oo Ku Andacooday Yaa Yidhi Kursiga waan Ku Haystaa Jamaal, ee Hadana Iska Rogan, Hoow Shacabka S/Land, Weliba
Koonfurta Hargeysa, Dulmiga, Cuqubada Wax Badan oo Nimco ah, oo Wanaaga ayaa Lagu Waayo oo Ka Dhacda.
Sidaas Darteed, Faysal Cali Waraabe Sida uu u Dhaqmayo, Qof Diin eh, oo Iimaan Leh, oo Cabsi Ilaahay Ku Jirtaa Sida uu u Dhaqmayo
Kuma Dhaqmeen, Sadexda Mid ayuun Baa Xakamayn Lahaa, Markaa Qofku Sadexda Haday Celin Waayaan, Umada ayaa Iska Qabta
Waayo Wuu Fasahaadinayaa, Markaa aysal Cali Waraabe, Jamaal & Xisbiga Ucid oo Qudha Waxba Ma Yeelayo, ee Wadanka & Umada
ayuu Wax u Dhimayaa, oo Fasahaadinayaa, ee Halayska Qabto, oo Xigto & Xigaalo & Shicibka Halayska Qabto.
Anigu Faysal Ma Nebci ee Siduu Ku Dhaqmayo, waa Siday Diintu Ina Faraysao In Qofka Sidaas Daysal u Dhaqmaya Umada ayuu Fasah-
aadinayaa ee Halayska Qabto, Qof aan Qawl Lahayn, Qof aan Iimaan & Diintu Xakamaynayn, Qof aan Xishood & Ixtiraan Ku Dhaqmayn.
Subxaanalaa.
Aniga qoray Faysal Umadu hayska Qabato, waayo Sharcigii, dastuurkii & Tii xisbiga Wuu Ku Tuntay.

Daawo Shirkii Koobaad Ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Oo Hadda Si Rasmi Ah U Furmay Hargeysa

$
0
0

waddanishir2
waddanishir1
waddanishir3
waddanishir4
waddanishir5
waddanishir6
waddanishir7

waddanishir8 waddanishir9

Hargeysa (Qaran-news)-Shir weynihii golaha dhexe ee Xisbiga Waddani ayaa hadda si si rasmi ah uga furmay huteelka maan-soor ee magaalada Hargeysa,waxaanay adasha ka soo xaadiray masuuliyiinta kala duwan ee Xisbiga WADDANI oo uu horkacayo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo dhammaanba ergooyinka kala duwan ee ka qayb-gelaya shirkaasi.

Shirkan oo ah koobaad ee golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI a uu hadda furmay ayaa waxa si rasmi ah shirkaasi u furay Guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI Cismaan Afgaab Kaluun, si rasmi ah u hoolka shirka uu ka socdo soo buux-dhaafiyey ergooninka kala duwa
Dhanka kalne shinka ayaa waxa lagu soo casuumay marti sharaf kala duwan,kuwaas oo ay ka mid ahayeen madax ka socotay Xisbiga talada dalka haye ee KULMIYE iyo masuuliyiin ka socotay Xisbiga mucaaradka ah ee UCID , xubno ka socday komishanka doorashooyinka qaranka, salaadiin cuqaal, iyo xubno kale oo ka socday ururada kala duwan ee bushada, qurba-joog iyo marti sharaf kale oo tiro badan.
Sidoo kalen waxa munaasabadan ka soo qayb-galay war-baahinta kala duwan ee ka hawgasha dalka gudihiisa iyo debadiisa,waxaana kamid aha ilaacadaha Bbc-da iyo VOA-da ,waxaana xusid mudan in ay Tv-yada si Toos ah u tebinayeen muuqaalka shirka,iyadoo aanay meesha

 

 

Qarannews.com

Halkani ka akhriso khudbadii musharaxa madaxweynaha xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro haday ku dhaaftay tii tooska ahayd

$
0
0

KHUDBADDII MURASHAXA MADAXWEYNAHA XISBIGA WADDANI

Hordhac,

Salaan iyo Soo Dhaweyn!.

Walaalayaal marka koobaad Ilaahay ayaa mahad leh, waxaana farxad weyn ii ah inaan idinka iyo shacbiga reer Somalilandba u soo bandhigo qorshaha 5 sano xisbiga Waddani ku hogaaminayo.

Walaalayaal, mudanayaal iyo marwooyin, fikir dheer, iyo sacado badan oo shaqo ah ka dib, waxa aan calaamadinay oo isla tilmaansanay mashaakilka horteena yaalla ee aan la noolnahay, waxa aanan dajinay siyaasadihii iyo qorshayaashii lagu wajihi lahaa dhibaatooyinkaas. Sidaas darted, Waddani waxa uu soo ban-dhigayaa qorshe ka kooban lix ‘tiir’ oo wawayn, kuwaas oo aan uga gol leenahay in lagu beego meelaha ugu daran ee aan u aragnay in loo baahanyahay wax ka qabadkooda, si loo gaadho wadan la aqoonsanyahay, isla markaana xasiloon oo barwaaqo ah.

1. NABADDA, MIDNIMADDA Iyo XOOJINTA QARANIMADA

Jamhuuriyadda Somaliland waa qaran madaxbanaan, aqoonsiga caalamkuna waa hadaf lagu gaadhi karo isku-duubnaan, xoojinta dimuqraadiyadda gudaha iyo istratejiyad sugan oo lagu dhiso xidhiidhka caalamka.

Qarankani wuxuu buuxiyey dhammaan shuruudaha dawladnimo taam ah.
Waxay Xukuumadda WADDANI diyaar u tahay in ay xoogga saarto furdaaminta caqabadaha aqoonsiga hortaagan, iyada oo ay dhisayno xidhdhkeena caalamaka, xoojinayna danaha iyo xidhiidhka aynu la wadaagno dalalka deriska ah iyo kuwa kale ee caalamka. Waxaanu diyaar u nahay wadahadal midho-dhala in aanu walaalaha Somalia la yeelano, kaas aanu aaminsanahay in aanu ku guulaysan karno dhismaha laba dawladood.

Waxaa noo fududaynaya hawsha aqoonsi raadinta, tacabka gudaha aynu gelino ee adkaynaya dhismaha qaran adeegsada habka dimuqraadiyadda wada-tashiga, ku dhaqma qaynuunka, oo ka nadiifoobay musuq-maasuqa iyo qaraabo-kiil; kaas oo ilaaliya xuquuqal-insaanka, xoriyadaha asaasiga ee dadka iyo ku-dhaqanka heshiisyada caalamku dhigtay.

Waxaanu sugaynaa midnimada dadka iyo dalka, anigoo ku salaynaynaa siyaasadda saami-qaybsiga kuraasta golayaasha qaranka, kuw xukuumadda iyo khayraadkiisaba oo caddaalad ku dhisan. Waxa Xukuumadda WADDANI garowsantahay tabashada bulshooyinka Sool iyo Sanaag Bari. Waxay balanqaadaysaa in hirgeliso xal waara oo ku dhisan wada-tashi iyo wax-wada lahaansho si aynu u dhalino isaamin bulsho oo waara inoona horseeda nabad taam ah iyo barwaaqo.

Waxay Xukuumadda WADDANI Xoojinaysaa Difaaca Qaranka iyo Ammaanka Muwaadinka:

Waxaynu salka nabaddu and ammaanku ku dhisanayahay marka hore ka dhigaynaa caddaaladda ummadda dhexdeeda. Waxaynu marka labaad ku dhisayna kaalinta ciidanka qaranka.

Ciidanku waa astaanta, midnmada iyo badbaada qaranka. Waxaanu dhisaynaa awoodda buuxda ee ciidanka qaranka- qaybihiisa kala duwan- si uu u sugo difaaca dalka isaga oo ka diyaarsan dhinacyada saanadda iyo tababarka. Waxay dawladda Waddani ahmiyad siinaysaa daryeelka ciidanka iyo qoysaskooda qaybihiisa kala duwan: Ciidanka qaranka bad iyo Cirka, booliska qaranka, iyo qaybiisa sirdoonkaba. Waxaan kordhinaynaa mushaharkoodaa, waxaan dhisaynaa Cusbitaalo u gaara ciidamadeena iyo qoysaskoodaa aan imika haysan daryeel caafimaad.

2. DIB-U-QAABAYNTA MAAMULKA IYO SIYAASADDA DALKA (POLITICAL REFORM)

Xukuumadda Xisbiga WADDANI waxay samaynaysaa isbeddel siyaasadeed oo qoto-dheer (political reform), iyada oo dhisaysa dawlad u shaqaysa hab daah-furan isla-markaana ay caddaaladdu u tahay udub-dhexaad siyaasadeeda, dhismaheeda iyo hawl-galkeedaba, hal-ku-dhegeeduna yahay in dadka hel adeeg hufan oo wada gaadha loona simanyahay.

Xukuumadda WADDANI waxay Samaynaysaa Guddida Dib u Eegista iyo Qabyo-tirka Dastuurka Qaranka. Guddidaasu waxay ka talo-bixinaysaa sidii Dastuurku ula jaan-qaadi lahaa geeddi-socodka habka dimuqraadiga wada-tashigu, korriinka dawaldnimada iyo isbeddelka wax-wada-lahaasho ee aynu dhidibada ugu aasayno midnimada ummadda. Waxay Hirgelinta saamiga haweenka Golayaasha dawladda 30%, iyo kor u qaadidda ka qaybgalka xukuunka heer walba bulshada dulman.

KORRINTA MIISAANIYADDA IYO DIB-U-HABAYNTA MAAMULKA MAALIYADDA IYO XISAABAADKA:

Xukuumadda WADDANI waxay labanlaabaysaa miisaaniyad sannadeedka oo gaadhsiinaysaa ilaa $500 malyuun, taas oo shanti sannadood noqonaysa 2.5 bilyan. Dakhligaa waxay Xukuumadda Waddani u qoondaynaysaa 30% horumarka. Siyaadeedna ma aha in cashuur culays keenta soo kordhisa ee waa in ay ta waajibtay hagaag u maamushaa.

Waxay Xukuumadda WADDANI dib-u-habayn buuxda ku samaynyasaa hab-xisaabeedka iyo maamulka maaliyadda dawladda. Waxay, adeegsanaysaa hab-xisaabeed casri ah. Waxay waddo cad u jeexaysaa, xeer cad iyo xisaabtan cadnaysaa bixinta qandraasyada dawladda. Tandharradu waxay noqonayaan qaar qof kasta oo muwaadin ah oo buuxiya shuruudaha iyo xeerka u dhigan uu raadsan karo, ayna caddahay sifaha lagu raadsado iyo sifaha lagu helaaba.

Waxaa ka go’an Xukuumadda WADDAI in ay sida ugu adag ula dagaalanto aafada musuq-maasuqa, eexda iyo qaraabokiilka, laaluuska iyo xatooyada xoolaha ummadda. Waxay hirgelinaysaa xeerka lagu xakamaynayo aafadaas, laguna awoodaynayo hay’daha ku shaqo leh.

Waxay si buuxda ula dagaalamaysaa Qabyaaladda iyadoo abuuraysa Komishanka La Dagaalanka Qabyaaladda oo awood sharci oo buuxda yeelanaya, ujeeddo cad iyo hadaf adagna leh.

TAYEYNTA IYO DARYEELKA SHAQAALAHA

Xukuumadda WADDANI waxay dadka reer Somaliland ugu bishaaraynaynaa in qaadashada shaqaalaha dawladda iyo dalkaba guud ahaan ay noqon doonto mid ku dhisan “Karti iyo aqoon” ee aan ku dhisnayan “eex.” Sharciga iyo habka shaqaalaha lagu qaataa wuxu noqon doonaa mid sida dharaarta u cad oo shaqada banaani ay caddahay, sida loo raadsadaa ay caddahay, sida loogu tartamo iyo tartanka loo galaaba ay cad yihiin, natiijada ka soo baxdaana ay caddahay.

Waxay Xukuumadda WADDANI kor u qaadayna mushaharka shaqaalaha waxaanuu si joogta ah ula jaanqaadidoonaa isbeddelka maciishadda suuqa. Waxay dhinaca kale adkaynaysaa kula-xisaabtanka shaqaalaha saacadaha shaqada oo ah hanti qaran, lunsadkeeduna xaaraan yahay.

TAYEYNTA GARSOORKA

Kuxuumadda Waxay dib u habaynaysaa Waaxda Garsoorka, xoojinaysaa madax-banaanideeda; waxay kor u qaadaysaa miisaaniyadeeda si ay awood taam ah u yeelato. Waxay taageeraysaa gargaarka dhinaca sharciga (legal aid clinics) ee dadka aan dhaqaale ahaan u awoodin, si ay u xaqiijinayso sidii aanay caddaaladdu u noqon wax dadka danyarta ahi ay ka maagaan. Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah waxay ahaan doonaan qaar heerka takhasuska aqoonta iyo waaya-aragnimada sharciga dastuuriga ah (Constitutional Law). Waxay soo celinaysaa isticmaalka habka xeer-beegtida madaxa bannaan (Jury) ee kiisaska Maxkamadaha ka qayb-qaata si loo sugo caddaaladda.

WAAXDA XEER DEJINTA

Xukuumadda WADDAIN waxay ka duulaysaa in golayaasha xeer dejintu yihiin rukunka ugu muhiimsan ee dawladnimada iyo ku dhaqanka habka dimuqraadiga iyo wada tashiga. Sidaa awgeed waxay xaqiijin doontaa kala madaxbannaanta iyo isu-dheelli-tirka saddexda dhardhaar ee nidaamka dastuuriga ah ee aynu qaadannay. Waxay Xukuumadda WADDANI xaqiijinaysaa dhamaynta Saamiqaybsiga Gobolada ee kuraasta iyo hirgelinta sharciga doorashada Golaha Wakiilada Sannad Xileedkeed kowaad. Waxay meel ku tiirinaysaa sidii sharciga hab-doorasheedka Guurtida loo dhamayn lahaa. Waxay ku dadaalaysaa in Is-kaashi hufan ka jiro dhinaca diyaarinta iyo hir-gelinta xeerarka dalka u baahan yahay ee ay wada leeyihiin Waaxda Fulinta iyo Golayaasha Xeerdejintu.

3. XAQIIJINTA KOBOCA DHAQAALAHA IYO SHAQO-ABUURKA

SIyaasadda Dhqaalah ee Xukuumadda WADDANI waxaa hadaf muhiim ah u ah shaqo-abuur si shaqo’laanta maanta joogta 60% hoos looga dhigo ilaa boqolkiiba 20% la geeyo. Waxa kale iyan hadaf ah in aynu wax-soo-saarka gudaha kor u qaadno, si aynu u dheeli-tirno qiyaasta maciishadeena aynu dalka gudihiisa kala soo baxno oo iminka ah 8.5% keliya inta kalena aynu dibedda ka keeno oo ah 91.5%. Dal sidaas u nool wuu yaryahay, marka lagu daro kuwa shidaalka leh.

Waxay Kor u qaadaysaa wax-soo-saarka soo-jireenka ah (Xoolaha, Beeraha, iyo Kalluumaysiga) oo saldhig u ah siyaasadda “quudinta qaranka” (Food security); Waxaynu Xaqiijinaynaa soo saaridda khayraadka shidaalka iyo macdanta oo saldhig u ah in la sugo kobcinta dakhliga bulshada maanta iyo jiilalka soo socda dhigaalkooda; waxaynu Kobcinaynaa qaybta maaliyadda ee dhaqaalaha (financial sector) sida xawaaladaha, bangiyada iyo xidhiidhka hay’adaha maalgashiga iyo maaliyadda ee caalamka. Waxaynu kobcinaynaa dhaqaalaha adeegga iyo teknoolajiada ee soo koraya sida isgaadhsiinta. Waxay xoojinaysaa maal-gelinta awoodda dadka (human resource) si shaqaale aqoon, farsamo iyo xirfad leh u soo baxo. Waxaynu Maalgelinaynaa kaabayasha Dhaqaale ee waaweyn sida Waddooyinka, madaarada, dekedaha, tamarta korontada, biyaha, iyo guud ahaanba korrinka xirfadaha adeegsiga teknooljiyada casriga ah.

Waxaynu Ka faa’iidaysanaynaa barta aynu naalo ee qiimaha weyn leh inagoo dhiirri-gelinayna is-kaashiga iyo isu-furidda dhaqaalaha gobolka Geeska Afrika oo uu xudun muhiim ah ka yahay mashruuca “Marinka-Berbera”. Waxaynu Dhiirri-gelinaynaa hal-abuurka dhalinyarada iyo Koboca aqoonta iyo awoodda haweenka bayacmushtarka iyo wax-soo-saarkooda.

Yaraynta Saboolnimada:

Waxaynu ognahay in saboolnimdu in ay sii korodho mooyaane aanay marnaba hoos u dhicin oo maanta la inagu sheego in aynu ka mid nahay dhawrka dal ee ugu fakhrisan dunida intaa le’eeg. Waxaynu dejinaynaa siyaasada xakamaynta sicir Baraka ee la xidhiidha dollarka heehaabaya iyo samaynta ku tiirsanaanta dhaqaalha wax-soo-dhoofsiga (import dependency). Waxay xukuumadda WADDANI dhakhli joogta ah ugu talagelaysaa dadka jilicsan ee, agoonta iyo caruurta saboolka ah iyo dadka laxaadka la’, iyadoo ay iska kaashanyaa Dawladda Dhexe, Dawladaa Hoose, Ganacsatada iyo samafalka sida Hay’adda Sakada.

KHAAYRAADKA DABIICIGA: Macdanta, Shidaalka iyo Tamarta Nadiifta ah

Xukuumadda WADDANI waxay ka hawlggelaysaa ansixinta iyo hirgelinta xeerka khayraadka dabiiciga ah ee qaranka. Waxay dhiirgelin buuxda siinaysaa maalgashiga sharkadaha shidaalka iyo damaanad-qaadka ammaanka dadkooda, qalabkooda iyo maalkoodaba. Waxanu si Daahfuran ugu bandhigaynaa bulshada dhaqaalaha ay bixiyaan sharkadaha shidaalku. Waxay ka wacyigelinaysaa bulshada degaanka shidaalka horumarka ku fool leh iyadoo kala xaajoonaysa sharkadaha tacwiid lagu dheelitiro dhibka hawlgalka qodaalka iyo culayska dadka shaqo-tagga ku soo burqanaya ee degaanka iyo nolosha ijtimaaciga ah; iyo in la horumariyo kaabayaasha dhaqaale iyo addeegyada asassisga ah iyo in shaqo-qorista tixgelina gaar gobolku uu helo.

WADDAOOYNIKA

Xukuumadda WADDANI waxay samayanaysaa qorshe qaran oo ay hirgelinayso oo ka tarjumaya mudnaanta, isku xidhnaanta, horumarka iyo shabakadda Waddooyinka ee dalka: Waxay hirgelinaysaa shabakadda waddooyinka isku wada xidha dekedaha, goobaha wax-soo-saarka iyo suuqyada magaalooyinka waaweyn oo dhan. Waxay keenaysaa dalka qalabka wadda-dhiska oo filan, oo gaar ahaan gobol walba hurin (road unit) la geeyo. Waxaynu dhamaystiraynaa waddooyinka dhismahooda socdo oo ay kow ka tahay Waddada Ceerigaabo-Burco. Waxay hirgelinaysaa qorshaha waddooyinka caasimadda, una qorshaysan in ay la jaanqaadaan baahideeda horumarineed ee waktiga dhow iyo ka dheerba sida ku faahfaahsan Barnaamijka WADDANI.
4. DARYEELKA DADKA: Arrimaha Bulshada

Caafimaadka

Xukuumadda WADDANI waxay “dhisaysaa bulsho jidh iyo maskaxba caafimaadqabta, iyadoo hirgelinaysaa siayaasadda “caafimaad tayo leh, la awoodo, oo dadka oo dham wada heli karaan, miyi iyo magaalo.” Waxay xoojinaysaa ka hortagga cuduradda iyadoo xoogga saaraysaa baahinta wacyigelinta caafimaadka iyo talaalka caruurta, hooyada iyo waayeelkaå jilicsan.

Waxay fidinaysaa adeegga caafimaadka asaasiga ah, isla markaana tayeynaysaa adeegga cusbitaallada. Waxay culayska saaraysaa daryeelka hooyada uurka leh, iyadoo diyaarinaysaa hab loogu gurmado wakhtiga foosha lagulana socdo isgaadhsiinta inta ka horaysa, haddii aanay so gaadhi karayn xarumaha. Waxaynu xoojinaynaa daryeelka dadka dimirka qaba, iyo ilaalinta tayada dawada.

Waxbarashada

Qaniimada ugu weyn ee dalkanu leeyahay waa dadkiisii, sidaa darteed Xukuumadda WADDANI waxay maalgashiga ugu weyn gelinaysaa dadkeeda kaas oo ay ku salaynayso waxbarasho tayo leh, oo qofku uu ku helo aqoon, farsamo iyo xirfad uu ku shaqaysto, dalkana u horseedda in uu uu xaqiijiyo horumarka uu higsnayo. Waxay hoos u dhigaysaa akhris la’aanta oo ay hoos ugu dhigayso ilaa 20%, waxay kor u gaadaysaa isqorista dugsiga hoose oo lacag la’aan ah in uu kor u dhaafo 80%, Waxaynu fidinaynaa barashada diinta islaamka oo aynu ku xoojino manhajka, tayona u yeelayno malcaamadaha quraanka ee muhimadda soo-jireenka ah u leh waxabarashada asaasiga ah ee umaddeena.

Xukuumadda WADDANI waxay Dhisaysaa 1000 fasal oo dugsi hoose-dhexe, 20 Dugsi sare, 30 Dugsiyo Farsamo iyo 180 aqal oo macallimiinta. Waxay biyo iyo laydh gelinaysaa dugsiyada dawladda dhamaantood meel kasta miyo iyo magaalo. Waxay ku baahinaysaa dugsiyada gobolada oo dhan 360 isugu jira laababka kombuutarka, sayniska iyo maktabado, si ay kobciso waxabarashad Farsamada iyo Xirfadaha iyo maadooyinka sayniska, xisaabta iyo ITga.

Waxay Xoojinayna, awoodda Wasaaradda ka masuulka ah Waxabarashada sare, iyo Guddida Tacliinta sare iyo CIlmi-badhista si loo hirgeliyo halbeegyo iyo qiimayn xooggan oo lagu kala saaro tayada Jaamcadah dalka, laguna taageero kuwa soo saaray aqoonta, iyo xirafdaha horumarka dalku u baahanyahay. Waxaynu dhiirigelinaynaa Kulliyadaha Caafimaaka, macalininada iyo Teknoolajiyada wax-soo-saarka u adeegta.

Waxaynu Samaynaynaa Gole ay ku mideysan yihiin dawladda iyo qaybta hantida gaarka ah (Public Private Partnership) kaas oo isu-dheelli-tira baahida suuqa ee shaqaalaha farsamo iyo xirfadeed iyo wax-soo-saarka dugsiyada farsamada iyo tayadooda, isla markaana oddorosa is-beddelka teknooljiyada iyo baahida shaqaale.

KA HAQAB-BEELKA BIYAHA

Inyar ayaa dadka Jamahuuriyadda Somaliland hesha biyo nadiif ah oo joogto ah. Ugu yaraan saddex-dalool laba, dadka malyuunka kor u dhaafay ee caasimadda Hargeysa ku nool ayaan helin biyo qasabadeed. Dhinaca miyiga dadku weli sidii awowyaashood ayey dhibataada jiilaalka, abaaraha iyo biyo-la’aantu u haysataa. Haddaba, ka haqabtirka biyuhu ummadda Somaliland miyi iyo magaalaba, waa udub-dhexaadka siyaasadda daryeelka bulsho ee Xukuumadda WADDANI.

Biyaha Caasimadda: Waxay Xukuumadda WADDANI hirgelinaysaa biya-gelin buuxda ee Caasimadda Hargeys oo ay gaadhsiin doonto ugu yaraan 95% dadkeedu in ay helaan biyo qasabad joogta ah. Waxay dib-u-habyn iyo tayeyn ku samaynaysaa Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyadoo laga shidaal qaadanayo waaya-aragnimada caasimadaha adduunka.

Istratejiyada Xukuumadda WADDANI ee ka Haqab-Beelka Biyuhu waxaa ka mid ah: 1) qabashada biyaha togagga, iyada oo la dhisayo biyo-xidheenno lagu koriyo wax-soo-saarka xoolaha, beeraha iyo warshadaha; 2) maalgelinta teknoolajiyada ku shaqaysa tamarta qoraxda iyo dabaysha ee matoorada ceelasha biyaha ka soo tuura; iyo fidinta isticmaalka bambo-gacmeedka ceelasha gaagaaban; 3) Samaynta khariidadda keydka biyaha dhulka hoostiisa ku jira iyo istraatejiyadii loogaga faa’iidaysan lahaa.; 4. Keenida qalabka biyaha lagu qodo, oo gobol walba la geeyo hal riig, agabkiisii, shaqaalihiisa iyo miisaaniyadiisa.

GURIYEYNTA

Xukuumdda WADDANI, waxay ku talaabsanysaa:

dejinaysaa siyaasad tafatiran oo ka tarjumaysa daboolidda baahida hoyga dadka Jamhuuriyadda Somaliland miyi iyo magaaloba. Waxay aasaasaysaa Wakaaladda Guriyeynta iyo Drayeelka Hantida Maguurtada Somaliland isla markaana dhisaysaa 1070 Guri oo dawladeed oo loogu talagalay shqaalaha, ccidanka, macallimiinta iyo dadka jilicsan; iyo 3000 guri oo kiro-iib la awoodo, muddo-xileedk hore.

Waxay, Dhiirri-gelinta maalgashiga soo-saaridda iyo adeegsiga khayraadka dhismaha ee dalka sida: sibidhka, marmarka, rijniga, lebenka, dhagaxa-qoran, iwm iyada oo la isticmaalayo warshado yaryar iyo qaar baaxad lehba. Waxay dhiirigelinaysaa ilo maal-gelineed oo xalaal ah, si muwaadiniintu hoy dhismo ah u heli karaan, kuwa hadda jira iyo kuwa soo biirayaba.

Waxay Kor-u-qaadisaysa xirfadda dhismaha iyo tirada xirfadlaha guud ahaan dalka, iyada oo dugsiyada farsamada laga soo saarayo farsamo-yaqaanno dhisme lagu fuliyo hawshaas.

5. CADDALADDA BULSHADA

HAWEENKA

Haweenku waa 50% in ka badan dadka Somaliland, waa laf-dhabarka qoyska, dhaqaalaha iyo daryeelka dadkaba. Haddana uma suntana oo in badani uma aqoonsana, markaas ayey weliba u dheeraan kartaa, qaybo badan oo ka mid ahi, in ay ku noolyihiin dulmi iyo dibindaabyo aan cid ay ula irkadaan jirin.

Haddaba, Xukuumadda WADDANI, waxay dammaanad-qaadaysaa xuquuqda iyo caddaaladda haweenka; Haweenku waxay Xukuumadda Xisbiga WADDANI ka heli doonaan xaqqooda siyaasadeed iyo horumarba iyadoo hirgelinaysaa kootada golayaasha siyaasadda ee 30%. Waxay xoojinaysaa xurnamda qoyska, dhawrsoonaanta guriga, iyo hirgelinya qiyamka habboon ee diinta islaamku fartay.

Xukuumdda WADDANI waxay furaysaa xarumaha haweenka ee gobol walba, kuwaas oo lagu hirgeliyo tababarada haweenka ee xirfadda ganacsiga iyo baridda mihnado cusub oo ay ku shaqaystaan. Waxay gacan-qabanaysaa ururada haweenka iskaashiga dhaqaale samaystay ay ka midyihiin DANWADAAG ee si ay u sii xoogaystaan. Waxay xaqiijinaysaa in dumarka iyo habluhu ay qayb ka noqdaan dhammaan heerarka waxbarashada, in la dhiso xirfadahooda iyo in loo tababaro hoggaaminta.

BULSHOOYINKA DULMAN

Xukuumdda WADDANI waxay la dagaalamysaa xadgudubka iyo dulimga salka ku haya takoorka ka yimaadda dhaqanka iyadoo loo marayo sifo sharci. Waxay hirgelinaysaa Ka qaybgelkooda siyaasadda dalka iyo heer kasta oo hoggaamintiisa ah – dalwadda, xisbiyada qaranka iyo ciidamada amaanka noocyadaooda oo dhan. Waxay u samaynaysaa mashruuc qaran oo ku salaysan kor u qaadidda noloshooda kaas oo taabanaya dhiancyada muhiimka ah ee dhaqaalaha, waxbarashada, shaqada, iyo kobcinta hay’ado bulsho oo u adeegga, miisaaniyad dawladeedna leh.

DHALLINYARADA

“Dhalinyaro, toos Baan idiin la hadlayaa”

XUkuumadda WADDANI waxaa ka go’an in ay si mug leh u hawl-geliso xoogga iyo maskaxda dhallinyarada wiilal iyo hablo, miyi iyo magaalo, gudo iyo dibedba, si ay dalkooda u dhistaan ulana jaan-qaadaan dhiggooda caalamka; waxaa tihiin 70% bulshada Somaliland oo ah xoog cusub oo dihin oo marnaba aan la qarwaaqsan Karin in la dayaco ama lagu sii daayo badaha iyo saxaaraha haad iyo haanraawe kaga dhergo.

Xukuumadda WADDANI waxay labada gacmoodba isugu geynaysaa in ay dhalinyarada midayso oo saxalka ka saarto, iyo in ay maalgeliso sidii ay u aamini lahayd in ay dhisato dalkeedan dihin ee aan cid kale u soo dhalanayn. Waxa ugu weyn ee aan u ballanqadayaa waa in aan caddaalad u sameeyo oo ka dulqaado dhaqanka ay ka irdhoobeen, ee ku dhisan eexda, qaraabokiilka iyo musuqmaasuqa kaas oo maanta aafo ku ah bulshadeena iyo hab-dhaqanka dawladeedba. Waxaan u soo qalabqaatay in aynu smaayno isbeddel taam ah oo aynu ku tayeyno, karaamadiina ugu soo celino dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaan u balanqaadaya in waxa keliya ee lagu kala saaraa uu noqdo inta ay isdheeryihiin aqoonta, xirfadda iyo kartida uu qof walba la soo baxo, sidaasna ay garoon siman ugu tartamaan fursadaha dalkooda ka soo baxa ee shaqada, waxbarashada, siyaasadda iyo mihnadda qof walba doorto. Waxaan iyagana uga marti ahi, waa dhalinyarad e, in ay fursad siiyaan himiladaa ah in ay dalkooda dhistaan oo dhinacooda nala qabtaan sidi aan hadafka horumarka horseedaya u fulin lahayn, in nolosha ay dhigoodu ka samayteen dalakooda ay Iyana halkan ka samaysan karaan, “haa, waynu wada samayn karnaa ayaan idin leenaahy”.

Waxaan idin kala dardaarmayaa “Tahriibta”: naftaada khatar ismiidaamin ah ayaad gelinaysaa; waalidkaaga iyo ehelkaaga dhib aan hadal lagu koobi Karin ayaad u keenaysaa, dhinaca dalkaaga iyo dadkaagana waxaad naafaynaysaa himiladooda ah in ay horumar iyo nolol wanaagsan gaadhaan, oo kaalintaadii ayaad ku banaynaysaa; intaas oo wada halbaas ah, waa halkii Hadraawiye, ayey “tahriibtu” leedahay.

GEEDISOCODKA DIMUQRAADIYADDA IYO XUKUN-WANAAGGA

Xukuumadda WADDANI waxay kobcin doontaa habka dimuqraadiga ah ee aan ku caano maalay, waxayna ballan qaadaysa in ay si aan hakad iyo hagrasho lahayn u qaban doonto doorashooyinka golayaasha dalka iyo kuwa madaxweynaha xilligooda oo go’an. Waxaanay ummadda u ballan qaadaysa in ay baabiin doonto dhaqanka muddo korodhsiga ee cambaarta ku noqday dimuqraadiyada Somaliland. Waxaan dhiirgelinayna dawrka firfircoon ee saxaafadda ay ka qaadato doorashooyinka iyo wacyi gelinta dadka, annagoo ballanqaadaynay in aanu ilaalino xoriyadeeda iyo ta asaasiga ee dastuurku jediyeeyey.

Walaalayaal

Waxa innoo ballan ah in aan galno olole doorasho oo nadiif ah iyo tartan xor ah oo xalaal ah. Waxaanan ku boorrinaynaa Komishanka Doorashooyinka in ay u guntadaan sidii ay u suurto gelin lahaayeen in la helo doorasho hufan oo muwaadiniintu xaqooga distooriga ah ku gutaan dalkana sumcaddiisa iyo dawladnimadiisa meel sare gaadhsiisa.

DHAMMAAD!!.

Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI

Waddani ma dumin doonaa dayrka Baarliin ee ku guban dadka Gabooye? by Bashir Goth

Maxaad kala socotaa doorashadda dalka Maraykanku Iyo Halka Ay Marayso?

$
0
0

Saadaashii ugu dambeystey ee uu qabtey Televisionka caanka ah ee lagu magacaabo NBC ayaa tilmaamaaya in ay Hilary Clinton 7 point ama 7 dhibic ka horeeyo musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump. Clinton ayaa waxay haystaa 49.8% halka Donald Trump uu isna haysna 42.7% musharax madaxbanaa ee Johnson uu haysto 5.9%.
Hadaba Waxaa xusid mudan in qaabka Mareykanku wax ku doortaan aynan ahayn qofkii ugu cod bata inuu madaxweyne ka noqonaaya dalka Mareykanka balse taas bedelkeeda dalka Mareykanka Waxaa jira ama ay isticmaalaan system ama hab loogu yeero “Electoral Colleges”
Hadaba maxaad tahay “Electoral Colleges”?
Markii uu dalka maraykanka xoroobay oo dastuurkana la sameeyey ayaa la isku raacay in madaxweynaha aanay dadweynaha dooran ee la sameeyo guddi dhexe oo la yiraahdo Electoral College kuwaas oo kala jooga 50ka gobol ee maraykanka. taas oo ku salaysan baaxada gobalka, dadka ku nool iyo gobol kastaa inta xildhibaan ee uu leeyahay.
tusaale ahaan Gobalka California oo gobalka ugu dadka tirada badan waxa uu leeyahay 55 “Electoral Colleges” halka gobalka ugu dadka tirada yar ku nool yahiin ee Alaska uu leeyahay 3 “Electoral Colleges”
Sidaas darteed Musharaxii hela codadka ugu badan ee dadka gobalka degan ayaa noqonaaya musharaxa hela dhamaan Electoral Votes ama Electoral College uu gobolkaasu leeyahay(winner takes all).
Electoral College maxaa looga dan lahaa?
In gobolada dadka yar loo cadaalad sameeyo oo la siiyo awood
In la koontoroolo murashaxiinta meesha ay ka ololaynayaan waayo haddii kale waqti iyo lacag kuma luminyeen gobolada dadka yar mana ka ololeeyeen waxay ka ololayn lahaayeen oo keliya gobolada dadka badan kuwa yar yar ma u suurtowdeen inay xataa doortaan madaxweynaha.
In haddii qof ama xisbi aanan la rabin doorashada afduubo ama si kastaba ha ahaatee dadweynaha doortaan inay Electoral Collegeka ka hortagaan qayaanadaas ama afduubkaas.
538 Electoral Colleges (Electoral Votes) ayaa ah tirada guud ee Electoral Votes Gobolada Dalka Mareykanka lagu saleeyey. 270 Electoral Colleges ayaa looga baahan yahay qofka qabanaayo xilka madaxtinimada dalka Mareykanka.
Doorashada Mareykanka ayaa waxaa xudun u ah sagaal Gobal oo loogu magac darey Battleground States ama Swing State oo ah gobolo dhex dhexaad ah oo markastaa laysku haysto xisbigii ku guuleystano uu qabanaayo hoggaanka wadanka. Waxaana Goboladaasi ka mid ah: Ohio , Wisconsin, Virginia, Florida , Colorado , Nevada, New Mexico, North Carolina, New Hampshire iyo Iowa. Dhamaaan goboladaas aan soo sheegney ayaa ah gobaladda ugu muhiimsan ee go’aamiyo madaxtinimada dalka mareykanka, isla markaasna laga qaato cabirka guusha doorashooyinka ka dhaca dalka Mareykanka.
Doorashadani kaliya maahan mid loogu tartamayo madaxtinimada Dalka ee sidoo kalena waxaa lagu tartamayaa 11 guddoomiye gobol. Saddex meelood meel kamida tirada guud ee aqalka odayaasha iyo sidoo kale guud ahaanba 435 kursi ee aqalka wakiilada.
Jamhuuriga ayaa u hanqal taagaya iney weli sii haystaan awoodda aqalka, halka Dimuquraadigu ay quud dareynayaan iney caynaanka u qabtaan aqalka odayaasha si ay u koontaroolaan awoodda aqalkaasi.
Iyadoo ay soo dhowdahay doorashadii madaxtinimada dalka Maraykanka, saadaashuna ay tilmaamayso in Obama ka horeeyo musharaxa Dimuqradiga ah ee Hillary Calinton , hadana waxaa jira arimo badan oo keeni kara inay doorashadu xaga Donald Trump u janjeedhsato waxaana ka mid hadduu ku guleysto dooda sadexaad oo ah tii ugu danbeysey oo labadda musharax isaga horyimaadan oo ku began caawa 19/10/2016 laguna qaban doono university of Nevada Las Vegas NV waxaana iskuduwe ka ah wariyaha caanka ah ee Chris Wallace ee ka socda TVga Fox News. Dadka Mareykanka waxay aaminsan yahiin ninka ku guuleysta sadeda dodo ee loo qabto tartamayaasha in uu yahay ninka guleysan doona dorashada madaxweynimada dalka mareykanka .
Hadaba waxay doodi u danbeysey labada musharax ee ku tartamaya doorashada madaxweynanimada waxay kusoo beegmaysaa iyadoo wax yaalo faro badan oo fadeexado ku saabsan labadooda ay saxaadu baahineysey iyo mid ka mid labada musharax oo codsedey inlabadooda laga baadho daragis dhiigooda, waana ta dooda caawa xamaasadda u yeeshey lana saadilinayo in boqolaal milyan oo caalamka ku nool ay daawan donaan dooda caawa,
Hadaba Taariikhda waxay ina tustey musharixiin badan oo ku horeeyey qiyaasaha laakiin eersaday markii ay doodii u danbeysay ku fashilmeen. Waxaa tusaale loo soo qaataa sanadkii 1980kii, Madaxweyne Carter ayaa qiyaasta kaga horeeyey Reagan. Laakiin doodihii ay galeen ayaa xaga kale u rogay doorashadii, waxaana ku guuleystay Ronald reagan.
By Abdiqadir Mohamed Ibrahim
Abdiqaadir300@hotmail.com
Tell 0634415327
MA in Global Studies & International Relations
NEW GENERATION UNIVERSITY COLLEGE.

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>