Daawo:Hawlgallo Xukumada Somaliland ka wado Gudaha Magaalada Laascaanood
Warsaxaafadeed waftiga Ingriiska ah ee booqday Somaliland


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo safiirka Ingiriiska u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Ben Fender.
Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay weftiga Ingiriiska, ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xidhiidha xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Ingiriiska, ammaanka guud ee mandaqadda, doorashooyinka, mashaariicda horumarineed iyo wada-hadallada dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu dawladda Ingiriiska uga mahadnaqay taageerada ballaadhan ee ay la barbar taagan yihiin Somaliland, waxana uu u sheegay inay Somaliland ka go’an tahay adkaynta xidhiidhka beesha caalamka, sidoo kalena wada-hadallada dalalka Somaliland iyo Soomaaliya ay xukuumad ahaan ka taagan yihiin mawqifkii iyo shuruudihii ay beesha caalamka Somaliland hore ugu bayaamisay.
Dhankooda, waxa ay weftigu ku bogaadiyeen Somaliland horumarka laga sameeyey qabsoomidda doorashooyinka iyo sida ay shacab iyo dawladba diyaarka ugu yihiin geeddi-socodka Dimuqraaddiyadda ee dhinacyada doorashooyinka iyo horumarka.
Ugu dambayntii waxa ay madaxweynaha iyo madaxa hay’adda dalka Ingiriiska u qaabilsan kaalmooyinka caalamiga ah ee DFID Mr. Damon Bristow kala saxeexdeen wejiga labaad ee kaalmada dalka Ingiriisku kaga qayb-qaadanayaan sanduuqa hormarinta Somaliland (SDF) ee lagu maal-geliyo mashaariicda horumarineed ee dalka laga fuliyo, waxa kale oo ay goobta ku kala saxeexdeen heshiis lagu horumarinayo khayraadka Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah, Horumarinta maaliyadda iyo la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha. Dhinaca weftiga waxa kulanka qayb ka ahaa madaxa xafiiska Ingiriiska ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wakiilka hay’adda DFID ee Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
African Development Bank wins prestigious procurement award
African Development Bank wins prestigious procurement award
The first multilateral development bank achieving CIPS Procurement Excellence – silver award
Abidjan, Côte d’Ivoire, 9 September, 2019 – The African Development Bank has been recognised for procurement excellence by the Chartered Institute of Procurement & Supply (CIPS), the world’s largest professional body for procurement and supply management professionals, with offices all over the world including Africa.
The Bank was awarded a silver award at advanced standard level following the CIPS Procurement Excellence Programme, for having successfully developed its corporate procurement processes from an operational focus to managerial and strategic, building performance, capability and value.
The Bank is the first multilateral development bank in the world to receive this recognition.
Mateus Magala, Vice President for Corporate Services and Human Resources at the Bank commented: “Winning this globally-recognised award is welcome news and we are delighted to be commended for demonstrating advanced levels of corporate procurement capability.”
The Bank ensures that special attention is paid to economy and efficiency in its procurement processes, both internally and externally across bank-funded projects. Transparency and open competitive procedures for procurement of goods, works and services are also essential.
The Bank has been proactive in enhancing its corporate procurement processes and pinpointing the procurement department’s role as a fundamental activity in its strategic operations. “We have made significant progress in improving corporate procurement performance to catalyse the Bank’s efforts in achieving sustainable development and poverty reduction on the continent,” Magala added.
Alan Martin, Head of Procurement Excellence said, “Sincere congratulations for achieving the CIPS Procurement Excellence Award at advanced standard silver level. It’s clear that the Bank has the right procurement governance mechanisms in place for effective supply assurance and compliance. We hope the Bank will continue to effect change while adding value from procurement processes.”
The CIPS Procurement Excellence Programme is an in-depth benchmarking process measuring an organisation’s procurement function against CIPS world-class standards of excellence and its global framework.
Halkani k daawo wararkii caawa iyo caalamka
Daawo:Abwaan Somaliland Caan ka ah oo Fagaare ku soo bandhigay Ceebo Culculus & Fadeexadihii Musumaasuq ee Wasiiradii Xukumadii Siilanyo ku kaceen
Somaliland way damqanaysaa, wayna taahaysaa ee inta aanay naftu ka bixin ha loo dhago nuglaado dhawaaqeeda. Waa digniin!
Sheeko gaaban ayaa odhanaysa: Bari baa nin ay ehelkiisii ku tuhmeen in uu xanuun hayo. Dadkii ehelka u ahaa ninka, oo dawo doon ah ayaa waxay la kulmeen nin loogu sheegay in uu jinka dadka ka saaro. Ninkii jin saarka ahaa wuxuu ku qanciyey dadkii in ninka ay u keeneen jin galay, isaguna ka saari karo jinka. Wuxuu jin saarkii soo qaaday maro qaro wayn oo balaadhan. Maradii ayuu dusha ka saaray ninkii, wuxuuna ku shiday geedo tiro badan oo qiiq culus abuuray, ninka ehelkiisiina wuxuu ku amray in ay marada ku hayaan. Ninkii naftii ayaa qabatay, wuxuu si dhawaaq dheer ah ugu sheegay in aanu neefsan karin. Ninkii jin saarka ahaa ayaa yidhi, qayladaa aad maqlaysaan, waa jinkii oo ka baxaya eh, ku adkeeya marada, ilaa uu ninkii bartii ku qudh baxay.
Umadda reer somaliland waxaa lagu tilmaami karaa, dad tiro badan oo doon badwaynta ku jabtay, wada saaran. Doonta guudkeeda waa lagu dhan yahay, nooc walba oo bulshada ka mid ah way saran tahay. Doontaasi socod xoogani kuma jiro. Hase yeeshee, iyadoo dhibaatooyin laxaad leh ka hor imnayaan sida, mowjaddo waawayn, dabaylo xoogan iyo dhagaxaanba, oo ay ka weecinayaan dariiqeedii kolba, ayaa hadana marba marka ka sii danbaysa waxay ku sii siqaysaa halkii ay u socotay. Waxaa doonta saran umad Ilaahay wax la doonayo. Koley walaaca iyo hadalku waa badan yahay doonta dusheeda, madaama safarku daba dheeraaday oo ay xaaladan lagu soo jiray muddo sided iyo labaatan sano kor u dhaaftay. Dadka qaar waaba soo daalayaan, oo niyad jab ayey qarka u saran yihiin. Habaar qabe ujeedo lehna laga dhex waayi maayo. Hadalkii badnaa doonta dusheeda, nidaam yar oo ay ku heshiiyeen baa uga soo baxay.Waxaa la isla qaatay in marba koox doonta kaxyso, daacadna u ahaadaan rabitaanka umadda. Inta badana in ay dariiqii saxda ahaa ku wadaan doonta, maba hubiyaan ee waa iska aaminaan. Waana khalad wayn. Ogow hadalku ma yara, waana la is dhex fadhiyaa. Ma kas (wax ma garad) iyo waxgard intuba. Qof walbana waxa uu xaq u leeyahay in uu wax ku darsado hadalka, lana qadiriyo fikirkiisa. Iyadoo, sidaa la isu dhex fadhiyo ayaa hadana intaa waxaa la falanqeynayaa oo laga faaloonayaa sida loo bad baadi lahaa. Waxa intaa u dheer umaddan Alle aaminka ah ee waxaas oo rafaad ah ka dabaalaynaysa, in aduunka intoodii badnayd u muujiyeen cadawnimo, oo ay go’aansadeen in laga duudsiyo rabitaankooda. Hagardaamooyinka iyo aafooyinka loo maleegayo umaddan waa faro ban yihiin. Cadowgoodu meel walba waa ka xigaa oo ilaa qaar gudaha jooga ayaaba loo samaystay.
Tilmaantaa kolka aan intaa kaga nimaadno, waxaa maanta umaddii Somaliland lagu guulaystay in laga dhaadhiciyo, In Somaliland jin galay, sida looga saari karaana, waa in laga cuudiyo. Somlailand, marka ay damqataba ee taaheeda la maqlaba, waxaa umadda laga dhaadhicinayaa in ay ku sii hayaan marada, Ilayn qayladu waa jinkii baa ka baxaya eh. Waxaa Ayaan daro ah, wax laga naxona ah in dadka la gashan karo fikirkaa liita ee noocaas oo kale ah. Cajiib. Waxaa taa ka sii daran, in intii qarankan ehelka u ahyd, ay qaateen in ay Somaliland dhegaha ka furaystaan inta jinku ka baxayo. Cabsi ayaa muuqata ah in dadkii qarankan ehelka u ahaa manta, iyaga gacantooda lagu dilo qarannimadoodii.
Walaalayaan Somaliland jin ma galin, way caafimaad qabtaa ee arimaheeda hoos ha loo eego, iyadoo mid la yahay. Hadii umaddu ogalaato in sida xoolaha, inba meel lagu oodo, waxay cadowga u fududaynayaan inuu qudha ka jaro Somaliand. Waa in umadu iyadoo isku dhan ay si muthakarnimo ah uga wada hadli karto hadba wixii miiska u saran. Cadowga umaddani wuxuu leeyahay ujeedo qudha, oo ah in uu burburiyo hamiga umadda Somaliland. Ka tashada cadowga idinkoo mid ah. Waa sida kaliya ee aad iskaga caabiyi kartaan gardarada cadowga.
Waxaa umadda la gudboon in ay toosaan, oo ugu yaraan hubiyaan in doontu aanay darqii ka leexan. Xukuumadda maanta joogta, iyadoo ay muuqato in ay ku hafanayso hawlihii loo igmaday, ayey hadan ku darsatay in aanay afkeeda iyo ficilkeedu islahyn. iydoo aynu wada dareemi karno, sida ay xukuumadani u maareynayso arimhii gudaha dalka, oo walaac badan bulshadu ka muujinayso, ayey hadana mugdi wayn galisay qadiyadii umaddu wada lahayd ee gooni isu taaga. Mar kasta oo ay umaadu maqasho madaxdeeda iyo madax kale ayaa shir albaabadu u xidhan yihiin wada galay, waa in garaadku shaqeeyo, oo reernimada laga tago, si wax la iskaga waydiin karo umadda masiirkeedii halka lala maray. Waa danbi qaran. Waayo dadka la doortay in ay matalaan qaranka, uma banaana, waana ka xaaraan in ay soo galaan wax aan lala ogayn, waliba wiixii tabanaya gooni isu-taaga somaliland. Maanta wxaa muuqata in cadowga Somaliland, kuwii gudaha iyo kuwii dibaduba ay wada shaqayn xoogan oo la taaban karo leeyihiin. Waxaa wax laga naxo ah in meelaha qaarkood bulshada inteedii ugu waayeelsanayd maanta ay isku waydiiyaan, beel heblaayo iyo beel heblaayo iyamaa itaal roon. Garaad laawoow, adba umadda uun baad kala siman tahay su’aashaada in laguu tixgalyo eh, reer Somaliya taa wax ka waydii, ma garan weyday!. Qadiyadda Somaliland waa mid aynu wada leenahay oo aan la kala xigi karin. Umadda oo ul iyo diirkeed ah, xil culus ayaa ka saran ilaalinteeda. Cidii hagar-daamo iyo khiyaamo ku wada, waxaan Ilaahay uga baryayaa in uu ifka ku ciqaabo si ay inta la dareenka ahi ugu cibro qaadato.
Alahayoow umadan dulman ee samirka badan u hiilay. Alahayow muraadkooda u sahal. Aamiin dhaha.
Somaliland ha noolaato cidii necebna waa yeelkadood.
C/risaq Amed Jama
Calgary
Abdirizak Ahmed Jama
IMF says VAT should be doubled to 10% in Saudi Arabia
The International Monetary Fund (IMF) has suggested that the value-added tax (VAT) should be doubled from five per cent to 10 per cent in Saudi Arabia in consultation with the other Gulf countries.
Analysts expect the hike in VAT rate will come only after 2021 once Kuwait and Oman will also be ready to implement it and as a customs union, the increase makes sense across the GCC countries.
“The introduction of the VAT in January 2018 was a landmark achievement, with revenue collections exceeding expectations. The reduction in the registration threshold at the beginning of 2019 has also gone smoothly. Staff suggested that consideration be given to raising the VAT rate from 5 to 10 percent, in consultation with the GCC,” IMF said in a report prepared its staff after consultation with the authorities in the Kingdom.
The UAE and Saudi Arabia introduced the five per cent value-added tax from January 2018 with both the countries surpassing their tax collection targets.
Thaddeus Best, an analyst at Moody’s Sovereign Risk Group, said as a customs union, it is logical that GCC countries would seek to keep their VAT rates harmonised in order to prevent tax arbitrage opportunities emerging within the GCC.
“However, as the hesitant implementation of five per cent VAT across the GCC since 2018 shows, there is some scope for VAT differentials to be tolerated, so long as they are relatively small and temporary, as it is currently the case in the GCC with only three out the six countries having implemented the measure so far. Nevertheless, we think it is unlikely that Saudi Arabia, the UAE and Bahrain would raise VAT rates further until the remaining GCC sovereigns have finalised their VAT frameworks,” Best told Khaleej Times.
“We don’t expect Kuwait and Oman will be ready to implement VAT until 2021 at the earliest, the earliest opportunities for any further increases to the VAT rate are likely to fall after that date. The only other catalyst we see for bringing forward any increases would be if oil prices decline sharply from current levels, although this is not our baseline view,” he said.
The Kingdom’s non-oil revenues last year increased by 59 per cent, buoyed by the VAT, excises, expatriate levy, and proceeds from the settlement agreements. IMF estimated that VAT rate increase will add 2.0 per cent to the Kingdom’s GDP in 2024.
– waheedabbas@khaleejtimes.com
Khaleej Times
Daawo:M/weyne Muuse Biixi oo Abaalmarino gudoonsiiyey 4 Sarkaal,Si adagna uga hadlay arimaha ciidanka Qaranka
Daawo:F.C.waraabe & Suldaan Maxamed Xirsi Qani oo ka hadlay Khilaafyo & Xiisado xasaasiya oo aloosan
Daawo:Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka oo soo bandhigay sababaha ku kelifay Xukumada inay shidaal soo dejiso
Daawo:F.C.Waraabe oo ka hadlay Jeneral loo diray Caarre & Wuxu kala hadlay,Safar uu Kismayo ku tegaayo & Taageero uu la barbar joogsaday Hawiye
Taariikhda Lacagta Iyo Dollarka”
Qof Kasta Si Fiican Ayuu U Yaqaan Lacagta Ugu Awooda Badan Dunida Ee Dollar’ka Ugu Yaraan Maalin Ayaad Shay Ku Iibsatay, Se Hadii Kale Maqaaladiisa Ayaa Kusoo Gaadhay-
-Hordhac–
Aan Ku Bilaabee Lacagtu Waa Tiir Dhaxaadka Nolosha Aadamaha’ Waana Tiirka Uu Ku Taaganyahay Heerka Dhaq-dhaqaaqa Ganacsi Iyo Kala Iibsiga Dunidu.
Hadaba Lacagtii Ugu Horeysay Ee Dunida Waxaa Samaysay Boqortooyadii “Lydian” Ee Uu Hogaaminayey Boqor “Croesus” Sanadkii 550-BCE, Kaasoo Ugu Magac Daray Lacagtaa Magaciisa, “Croesus” Boqortooyadii Lydian’ka Ayaa Waxaa Loo Yaqaanay (Asia Minor) Ama ” Anotolia” Waa Hada Dalka Loo Yaqaan Turkiga.
Lacagtaas Aya Ahayd Qadaadiic Ka Samaysan Dahab Iyo Qalin Iyo Sidoo Kale Dahab Iyo Qalin Isku Dhafan, Kuwaasi Oo Ay Sameeyeen Dadka Lydianku, Oo Xirfad Heer-sare ah lahaa, Waxaana Lacagahaa Ku Kala Sawirnaa Dibi Iyo Libaax, Lacagta Libaaxu Ku Sawiran Yahay Waxay Ahayd Mid Ka Samaysan Dahab Oo Waxaa Mushahar ahaan U Qaadan Jirey Madaxda Sare Ee Boqortooyada, Halka Ta Dibigu Ku Sawirnaana Ay Ahayd Mid Ay Qaadan Jireen Shaqaale Hoosaadku, Muddo Kadib Ayaa Laysku dhafay Lacagtii Oo Dahabkii Iyo Qalinkii Oo Isku Shiilan Laga Sameeyey Lacag, Sidoo Kalena Lagu Wada Sawiray Libaaxii Iyo Dibigii, Waxaanay Isku Noqotay Hal-Lacag Oo Keliya. Eeg Sawirka 1aad–>
Qarnigii 6aad Waa Markii Ugu Horeysay Ee Mushahar Lacag ahaan’ Loo Qaato, Waana Maamulkii Ugu Horeeyey Ee Shaqaalohooda boqortooyada Iyo Ciidamada Mushahar Ahaan U Siiyey Lacag, Dunida.
Taariikhda Dollarka–>
1- Dollarka Waxa Samayntiisa La Bilaabay Sanadkii 1790-kii Waxaana Bilaabay Siyaasada Qorshaha Lacag U Gaara In Loo Sameeyo Dawlada Maraykanka, Madaxweyne George Washington,Taasoo Ay Soo Baxeen Lacago Tijaabooyini Waxaana Si Toosa Loo Isticmaalay laba-Sano Kadib Sanadkii 1792-dii, Waxaana Qayb Weyn Ka Qaatay ” Alexander Hamilton” Oo Ah’ Wasiirkii Maaliyadee Maraykanka Ee Wakhtigaa.
2- Erayga Dollar, Waxa Uu Asal Ahaan Ka Yimid, Lagana Soo Min Guuriyey (Spanish Coin) Lacagtii Birta Ahayd Ee Isbaanishka Ee La Odhan Jirey, “Thaler”, Kadib Markii Maraykanku Samaystay Doolarka Ayaa Iyadoo Lacagtaa Qadiimka Ah’ Ee Isbayn Ee Dunida Aad Looga Isticmaali Jirey Wakhtigaa La Weynanayo Lana Qadarinayo Loogu Magac Daray.
3- Luuqada Ingiriisada Ayaa Eray Bixinta Dollar Lagu Soo Kordhiyey Qarnigii 16aad, Taasoo Ah’ Eray Nasakhan Oo Ka Yimid kelmada (Thaler), Thaler Ayaa Ah’ Eray Jarmala, “Joachmisthaler” Ayaa Lagu Magaacabi jiray Meeshii Laga Soo Qoday Macdanta Qalinka Ee Laga Sameeyey Qadaadiicda Birta Isbaanishka’ Waxayna Ku Taalay Meeshii Loo Yaqaanay Bohemia, Ee Hada Loo Yaqaa “Republic Czech”
Halkaas Ayaanu Ka Yimid Erayga Thaler, Oo Loo Rogay Dollar.
4- Calaamada Astaanta U Ah’ Doolarka Maraykanka “$” Waxay Ka Timid Lagana Soo Min-guuriyey Astaantii Lacagtii Birta Ahayd, Ee Isbaanishka, Calaamadaaso U Taagan Erayga “Peso” “$” (PS) Sidoo Kale Way Noqotaa Xarafka (P) Oo Macne Ahaan Ah’ Lacag.
5- Sanadkii 1933-Kii Ayaa La Sameeyey Waraaqda Doolarka Ah’ Ee Ilaa Hada Sida Saxda Ah Loo Isticmaalo.
6- Sanadkii 1875- Ayaa La Sameeyey Waraaqdii Ugu Horeysay Ee Dollara.
7- Sanadkii 1775-tii Ayaa Shir Weynihii Kongarayska Ee Dalka Maraykanka Lagu Qorsheeyey In Dalki Yeesho Lacag Gaara, Taasoo La Diyaariyey Qalabkii Lacagta Diyaarin Lahaa.
8- Ka Hor Samaynta Iyo Soosaarida Lacagta Doolarka Dalka Maraykanku Waxaa Laga Isticmaali Jirey, Lacagta Qadaadiicda Isbanishka, Iyo Tii Cismaaniyiinta Walow Aanay Saamayn Weyn Lahayn Lacagta Cismaaniyiintu.
9- Lacagta Qadaadiicda Ah’ Ee Ka Samaysan Dahabka Iyo Ta Qalinku Waxay Ahaan Jireen Kuwo Lagu Qiimeeyo Qiime Isku Dhow, Waxaana Kala Isticmaali Jirey Oo Samaystay Dalalka isbaanishka Iyo Ingiriiska, Walow Ay Saamayn badnayn Qalinka Qadaadiicda ah’Ee Isbaanishku.
10- Sanadkii 1816-Kii Ayaa Ingiriisku Lacagtoodii Dahabka Ahayd U Yeeleen Qiimo, Waxaanay Noqotay Lacag Heer-sare ah’ Iyadoo Ka qiimo Badatay Qadaadiicdii Isbaanishka, Iyo Tii Cismaaniyiinta Oo Dunida Aad Looga Isticmaali Jirey Waagaas.
11- Sanadkii 1834- Tii Ayaa Dollarka Maraykanku Xoogaystay Waxaanay Sameeyeen Qadaadiic Ka Yar-yar Kana Qaab Wanaagsan Qadaadiicdii Isbaanishka, Iyagoo Ku Baahiyey Yurub Oo Dhan Waxaanau Noqotay Lacag Lasoo Dhaweeyey Maadaama Ay Ahayd Farsamo Ahaan Mid Si Heer-sare ah Loo Diyaariyey, Sidoo Kale Qadaadiicdii Dahabka Ahayd, Ee Ingiriiska Ayay Hoos U Dhac Mugle Ku Sameeyey Dollarku Waagaas.
12- Inay Noqoto Lacagta 1aad Ee Dunida Waxaa Lagu Qorsheeyey Heshiiskii 1944-Kii Ee (Bretton Woods Agreement).
13- Lacagta 10 Iyo 20-ka Dollar Waxaa La Sameeyey Saandkii 1945-Kii, Dhammaadkii Dagaalkii labaad Ee Dunida, Markii Dhaqaalihii Dunidu Hoos-U Dhacay Ayaa Dawaladihii U Soo Amaah Tageen, Maraykan Si’Uu Lacagta U Badiyo ayaa Uu Qorshahan Sameeyey.
Qalinkii: Fadxi Greenford
Cont: 252-63 4001631
image.png
Halkani ka daawo wararkii caawa iyo caalamka
https://m.youtube.com/watch?v=_EhPc_lB1lE
British Embassy, AstraZeneca support young Egyptians to create innovative medical solutions
PRESS RELEASE
British Embassy, AstraZeneca support young Egyptians to create innovative medical solutions
The British Embassy and British pharmaceutical company AstraZeneca are sponsor eleven Egyptians to visit the AstraZeneca research & development labs in the UK
CAIRO, Egypt, September 10, 2019/ — The British Embassy in Cairo and leading British pharmaceutical company AstraZeneca are sponsoring eleven Egyptians to travel to the UK to visit the research and development labs of AstraZeneca in Cambridge.
The partnership between the British Embassy and AstraZeneca is designed to encourage young Egyptian graduates in the faculties of Pharmacy and Medicine to develop innovative digital solutions that will better serve Egyptians in several medical fields, including diabetes and oncology. As part of the initiative, known as ‘Astrafekra’, recent graduates have been invited to pitch their ideas to a panel.
The winners will get the chance to explore state-of-the-art labs, and talk to world-renown scientists to help them develop innovative and cutting-edge medical solutions that will benefit Egyptians.
British Ambassador to Egypt Sir Geoffrey Adams said:
“The UK is well-known for its exceptional healthcare system and world-class medical research. Our support for this project reflects our wider commitment to share British expertise in pivotal sectors like health and education. I am proud we are supporting young Egyptians to think innovatively as they work on life-changing medical discoveries that will benefit all Egyptians”.
The Embassy’s support is part of its ‘Inspire Egypt’ programme, which aims to invest in the potential of Egyptians from all walks of life in order to make a positive difference. Through the programme, the embassy has held a series of events, workshops, activities and competitions to celebrate and encourage successful Egyptians innovating in fields including healthcare, education, entrepreneurship, and many others.
Distributed by APO Group on behalf of British Embassy Cairo.
SOURCE
British Embassy Cairo
Daawo:Wasiir Axmed Mumin Seed oo ganafka ku dhuftay Dalabkii Siyaasiyiinta Reer Awdal ee Saamiqeybsiga+Eedo culculus oo Ucid ku miistay
PRESS RELEASE- British Government signs agreements worth £31m to support development in Somaliland
PRESS RELEASE
11 September 2019
British Government signs agreements worth £31m to support development in Somaliland
The UK yesterday signed an agreement with the Government of Somaliland and the Netherlands to support the implementation of Phase II of the Somaliland Development Fund (SDF2) programme, which aims to improve the lives of local people through the delivery of essential public services.
SDF2 (£25m, 2018-2022) programme, will be delivered in partnership with the Somaliland government to promote long-term stability in the region. It will help improve the lives of the people of Somaliland by building critical infrastructure, such as roads, water systems and agricultural facilities, and will also help build capacity within Somaliland’s institutions. The new programme which is aligned to Somaliland’s National Development Plan II (NDPII) will build on the achievements of the original SDF (2013-2018) programme.
The UK and Somaliland also signed a renewed Memorandum of Understanding to support the implementation of the Energy Security and Resource Efficiency in Somaliland (ESRES) Programme that aims to provide a clean, affordable renewable energy boost in Somaliland.

The agreements were signed by President Bihi and Damon Bristow, the Head of Office for the UK’s Department of International Development (DFID) in Somalia. The British Ambassador, Ben Fender, and the Head of the British Office in Hargeisa, Stuart Brown, were also present.

Speaking after the signing ceremony at the Presidential Palace in Hargeisa, Damon said:
“The UK is committed to supporting the people of Somaliland. We recognise the efforts being made to improve institutions and to provide access to basic services for local people.”
“SDF 2 will ensure that ordinary people across Somaliland will benefit from improved services by supporting the growth of Somaliland’s economy.”
“ESRES will address the high costs of electricity in Somaliland and help promote green growth and poverty reduction by increasing access to more affordable and reliable renewable energy services.”

While in Hargeisa, Damon Bristow visited the Hargeisa Water Agency which SDF is supporting to supply clean water to the people of Hargeisa. He also visited the Somaliland Roads Development Authority (RDA) to discuss the UK’s investment in roads and supporting the RDA’s capacity to deliver on quality and safeguarding standards.
Somaliland – New Ways Of Doing Things In A Tough Neighbourhood
Somaliland has been self-governing for more than two decades and has held successive democratic elections. It has its own army, currency, passports and flag and functions completely autonomously from Somalia, which it broke away from in 1991.
But Somalia and the world are yet to recognise Somaliland, holding back foreign investment. Despite this obstacle, Somaliland is attempting to forge ahead by modernising its economy by establishing an ambitious new trade corridor with Ethiopia following a large investment in road and port development by the UAE and seeking investment in new industries that will soak up large numbers of unemployed youth.
It is a country that must make a series of transitions – from nomadic livestock rearing to modern farming, from rain-fed cultivation to irrigation, from exploring oil to producing it and from an inefficient and expensive diesel-based energy supply to renewable energy amongst others.
This battle to do new things in a tough neighbourhood will define Somaliland and the Horn of Africa over the next decade.
Report by the Brenthurst Foundation
Qaadka iyo Haweenka
Qaadka iyo Haweenka
“Toojaba waxaa loo godlaa say u gaar tahay”.
Hooyaday waa ay ummushay iyo waa ay dhashay, iyada oo labaduba isku macne soo gudbinayaan, haddana afka ayay u kala roon yihiin, ishuna sidaas oo kale ayay laba aragtiyood ugu kala roonaan karaan.
Waxa albaabbada la isugu dhuftay dhowaan xarunta Horyaal TV24 ee magaalada Hargeysa. Waxa kale oo isna la xidhay mulkiilihiisii. Horyaal TV24 waxa uu ka mid yahay dhawr TV oo wakhti aan fogeyn ku soo biiray TV-yada badan ee gaarka loo leeyahay ee Somaliland ka hawl gala. Waxa xadhiddiisa keenay oo loogu daw-galay barnaamij ay ka duubeen hablo uu tilmaamay in ay merfish qayilaadeed jilibka laabaan magaalada Hargeysa.
Wax badan baa laga yidhi dhacdadaas, hase yeeshee waxa aan ka eegi dhinac kale oo aan wax badan laga odhan inta ogaalkayga ah. Waa xidhiidhka ka dhexeeya dhacdan iyo magaalowga (Urbanization).
Inta badan Soomaalidu waxa ay ahayd ama ku tiirsanayd dhaqanka reer guuraannimada. Markii gobannimada la gaadhey 1960 waxa si weyn loogu soo ruqaansaday magaalooyinka, gaar ahaan xaruntii Muqdisho oo dadkii gobollada iyo dhulka miyigu ku soo qulquleen.
Waxa isku dhac ka dib isku soo dhowaadey labadii dhaqan ee magaalada iyo reer guuraaga. Waxa is dhiibey oo magaalada la qabsi la samaynayey reer guuraagii iyo tuulo-jooggii. Belwedo magaalada ka jirey sida qaadka, sigaarka, khamriga, tumasho kale iwm. ayaa loo qaatay in lagu reer magaaloobayo iyo ilbaxnimo, markii la arkay dadka qaar magaalada ku dhaqan oo dugsada qaar belwedahaas ka mid ah ama dhammaantoodba. Ilbaxnimo ayay mar ahayd qiijinta sigaarku in afka kor loo la taagaa, sida eegga shiishadda ama badeecadda kor loogu afuufo.
Wagaas iyo ka horba lagama aamusin la tacaalka belwedahaas in halistooda dadka looga digo, loona muujiyo in ay yihiin wax aan u wanaagsanayn caafimaadka iyo akhlaaqda aadmiga.
Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc) ayaa ka mid ahaa dadkii sida weyn ugu dhiirradey in ay belwedahaas iyo tabnaantooda bulshada u soo bandhigaan. 1966 isaga oo la hadlaya madaxdii dawladda ee xilligaas waxa uu ku lahaa gabaygiisii Tabaalaha Wakhtiga:
Mid tacliinta loo soo diroo tadhaqa oo liid ah
Oo tuhun ku jiro inuu ka tegey toobaddiyo diinta
Oo Aqal Tilmaan li’iyo khamriga gacan-toglaynaaya
Oo uu talmiidkii yaraa taas ka baranaayo
Iyana waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye
Tu kaloo ka daran baa jirtee taana balaan sheego!
Mar kale isaga oo taas sii daba jooga, haween xilligaas ged cusub la soo baxayna ka hadlaya, waxa uu isla gabaygaas ku lahaa:
Taaloogga naagaha jartee timaha qaar gooyey
Oo sida waraabaha tartama toonka cararaaya
Oo taranta Soomaaliyeed teedka kala gooyey
Oo aan dhaqaalena u tudhin ubadna tuugeynin
Oo toban-jirkii kori lahaa fadhay tagooggiisa
Iyana waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye
Tu kaloo ka daran baa jirtee taana balaan sheego!
Natiijooyinkii tabnaa ee arrimahaas waxa uu isla meel kale isla gabaygan ku lahaa:
Tuweyskii la eed iyo hablaha tumashadoodiiye!
Konton sannadood ka dib, burburkii weynaa ee Soomaaliya ka dhacay, waxa marka kale magaalada ku soo ruqaansaday intii dhulka reerguuraagu ku noolaa ku hadhsanayd. Magaaladu ma aha tii 1960-aadkii. Waa tu dhinac kasta ka burburtay, dadkeedana uu burburkaasi dhinac kasta ka saameeyey. Reer magaalkeedii in badan oo ka mid ahi ama waa ay qaxeen ama le’deen.
Waa nolol wada qaawan iyo guri ba’ay. Dhankii aad jalleecdaba waxa kaa soo celinaya masaabiir mariidyo sun ah afka ku wata. Saboolnimo maal iyo mid maskaxeed ayaa midoobey oo is kaashanaya. Belwedihii awel dadka dhexdiisa oollimaadka ku lahaa waxa ay la kala baxeen baallaha. Waxa ay garaaceen albaab kasta oo ay in badan gundhada jareen.
Waxa ay noqdeen meel lagu eerto oo lagaga baxsado runta silica iyo saxariirka jira. Shaqo la’aan, waxbarasho la’aan, caafimaad darro, dhaqaale darro (suququl maceeshadeed), qulub iyo qas maskaxeed ayay dadka intiisa badan is muteen.
Si walbahaarka iyo culayska nololeed la isaga yareeyo, xaqiiqadana looga dhuunto, waxa lagu jabay in si baahsan loo la qabsado belwedaha ibtilowga ah ee qaadku ugu horreeyo. Rag iyo haweenba si toos ah iyo si dadban ayay taasi saamayn taban ugu yeelatay. Burburka guud ayaa dhalay burburro kale. Waxa burburaya qoysas badan.
Waddanka Yemen oo ka mid ah meelaha qaadku diloodey warbixin laga qoray 2009 (Qat Increasingly Turns on Yemeni Women Groupies”, ayaa ka digeysa sida uu qaadku waxyeellada ugu hayo caafimaadka bulshada.
Dhiig-kar, ilko beel, ilko xanuun, calool is taag, xanuunno ku dhaca oo barar halis ah ku keena uurkujirta sida caloosha, xiidmaha, mindhicirka, malawedka iwm, isla hadal, khaakhaayiraad iyo qulub ayay warbixintu sheegtay in qaayibidda qaadku keento.
Shiishadda ama badeecadda ayaa si kooxaysan iyana loogu adeegsadaa meelahaas lagu bulsheeyo ee qaadka lagu cuno wadddanka Yemen. Ragga ayaa si gooni ah u wada qayila, dumarkuna waxa ay bilaabeen in ay merfisyo sallaxdaan. Dumar reero ka soo burbureen ayaa ka mid ah dumarkaas oo ubadkoodii marba u soo gelayaan iyaga oo qayilaya ama badeecad wada buufinaya, sida warbixintaasi xambaartay.
Marka teenna loo eego taas waxa aad dareemaysaa in kala duwanaanta ugu weyni tahay in qaadku Yemen u baxo, innaguna aynu lacag adag ku soo iibsanno. Weligeed ba intuu qaadku ina soo galay cuniddiisu ragga oo keli ah uma gaar ahayn oo haba yaraadaane waa la arki jirey ama la maqli gabadh qayisha. Wax se cusub in hadda dumar badani ku walfeen cunidda qaadka. Yemen lafteeda hadda ka hor lagama aqoon merfishyo haween isugu habar-wacda in ay wada qayilaan.
Arrinta markaas hadda muhiimka ahi ee dhacdadan Horyaal TV 24 ka soo baxday waa sidee loo waajahayaa wax ka odhashada iyo ka falcelinta mushkiladdaas bulsheed?
Muuqaallo tabani mar kasta bulshada waa ay ka dhex jiri doonaan, sidii ay dorraato, shalayto iyo maantaba oollimaadka ugu lahaayeen, welina ugu leeyihiin. Waa biyo-kama-dhibcaan in muuqaalladaas laga falceliyaa oo wax laga yidhaahdaa. Laga ma aamusi karo oo isha miirta laga ma dhigi karo.
Hase yeeshee, “xaajada badh baa la hojiyaa hu’ga la saaraa”
Ma aha sida ugu wanaagsan sida hadda dhacday in ceebo jira oo wax u dhimaya akhlaaqda bulsheed lagu wada sayaxo oo marada laga wada qaado. Si bulshada looga wacyigelin karo waxa loo mari karaa dariiqyo kale oo badan.
Hooyaday waa ay ummushay iyo waa ay dhashay, iyada oo labaduba ay macne isku mid ah soo gudbinayaan nuxur ahaan, haddana afka ayay u kala roon yihiin, ishuna sidaas oo kale ayay laba aragtiyood ugu kala roonaan karaan.
Haddii sheekada merfishku tahay xaqiiqo jirta waxa habboonaan lahayd in si kale hablaha wax loogaga weydiiyo waxa sababay merfishka oo la ogaado waxa kellifaya, dhibaatooyinka ka dhashay, iyada oo aan marnaba la muujinayn in goobtu tahay meel wax waxtar leh ama wax wanaagsan, loo na gol yeesho in tabnaanteeda la soo bandhigo si waafaqsan anshaxa iyo qaayosoorrada bulshada.
Dhinaca caafimaadka iyo akhlaaqiyaadka ayaa lagaga iman karaa oo barnaamijyo iyo suugaan lagu cabbiri karaa. dhaqan-celin, u abuur fursado kale oo bulshaawinnimo sida ciyaaraha, waxbarasho iyo shaqo abuur noloshooda lagu hagaajinayo iwm. ayaa belwedaha lagu dawayn karnaa (yarayn karaa) rag iyo dumarba. In lagu sayaxaa waxa ay ka dhigan tahay “dhidar onkod ku kicin”.
Ta u dambaysa, waxa aan khalad u arkaa in albaabbada loo xidho shirkad barbaahineed oo sharciyad leh, iyada oo aan loo marin tallaabo sharci ah. Sideedaba waxa loo baahan yahay in xadhigga degdegga ah iyo soo deynta degdegga ee raacda la iska daayo. Marka horeba maxaa qof ama shirkad loogu degdegayaa xadhiggooda?
Marka ay warbaahin timaaddana waa ay ka sii xagjirtaa. Waxa ha’yadda warbaahineed ee darjiidha ama wax sharci darro ku tallaabsata la siin karaa digniin hore iyo mid kama dhambays ah. Waxa raaci kara ganaax dhaqaale. Xadhigga waa laga fursan karaa inta badan.
Maxamed Baashe X. Xasan mohamedbashe@hotmail.com