Innaa Lillaah Wa innaa Ileyhi Raajicuun,Geeridu waa xaq!!!!.
Anigoo ah Eng.Maxamed Jaamac Boosolaaye (Eng.Maskax) Waxaan Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan Qoyska Reer Axmed Aw diiriye Guuleed oo Aabahood Oday Axmed ku geeriyooday Magaalada Hargeisa.
Waxan ilaahay ugu baryayaa inuu Marxuum Oday Axmed janatul-Firdoows ka waraabiyo
Qoyskiisa,xigtada,Xasbada & Ehelkuu ka geeriyoodayna samir & imaan saadiqa ka siiyo.
Ku dhawaad 1 sano ayaa kasoo wareegtay dhimashada Jamaal Khaashuqji
Wargeys laga leeyahay dalka Turkiga ayaa daabacay macluumaad cusub oo ku saabsan cod la duubay, kaasoo uu wargeysku sheegay inuu diiwaan galiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee uu wajahay wariyihii la dilay ee u dhashay dalka Sacuudiga, Jamaal Khaashuqji.
Jamaal oo ahaa nin ku caan baxay cambaareynta dowladda ayaa bishii Oktober ee sanadkii hore lagu dilay qunsuliyadda uu Sacuudiga ku leeyahay magaalada Istambul ee dalka Turkiga.
Wargeyskan lagu magacaabo Sabah, oo taabacsan xukuumadda Ankara ayaa sheegay in qoraalka uu maanta daabacay laga sameeyay codka lagu duubay gudaha, ka dibna ay gacanta ku dhigeen sirdoonka Turkiga.
Waxaa sida la sheegay ku jira xog xasaasi ah, sida erayadii ugu dambeeyay ee uu ku dhawaaqay wariyaha.
Khaashuqji ayaa maqaallo u diyaarin jiray wargeyska Washington Post waxaana uu saldhiggiisu ahaa dalka Mareykanka, ka hor inta aan la waayin.
Markii ugu dambeysay ee la arkay wuxuu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, 2-dii bishii Oktober ee sanadkii 2018-kii.Wuxuu markaas doonayay inuu halkaas kasoo qaato warqado sharci ah oo uu ugu baahnaa inuu ku guursado haweeneyda u doonaneyd.
Dhimashadiisa aan xogta saxda ah laga helin ayaa caro badan usoo jiidday boqortooyada Sacuudi Carabiya, taasoo kasoo saartay warar is khilaafsan oo ku saabsan halka uu ku dambeeyay.
Wargeyska ayaa sheegay in Jamaal uu dadkii dilayay u sheegay inaysan afkiisa xirin
Wargeyska Sabah wuxuu horay ciwaanno badan oo caalami ah uga sameeyay macluumaadka ku saabsan dilka wariyaha – waxaana ka mid ahaa warar muran abuuray – oo la xiriira dhimasada Jamaal Khaashuqji.
Isbuucan wuxuu daabacay labo warbixin oo lagu faahfaahinayo dhimashada Khaashuqji oo ay ka dambeeyeen koox uu ku tilmaamay “kuwa dilalka fuliya”.
Warbixintan ugu dambeysay wuxuu wargeysku ku sharraxayaa cod laga duubay goobtii uu dilka ka dhacay.
Qormada waxaa lagu xusay xog ku saabsan inuu nin khabiir ku ah dilalka qorsheysan, oo ka mid ahaa kooxda laga soo diray Sacuudiga, kaasoo wariyaha ku tilmaamay inuu yahay “xayawaan loo dilayo danta guud”.
Warbixinta Sabah ayaa sheegeysa in Khaashuqji isla markii uu gudaha u galay qunsuliyaddaba uu shakiyay isla markiina loo sheegay in dib loogu celinayo magaalada Riyaad, amar kasoo baxay booliska Interpol awgiis.
Hase yeeshee Wariyaha ayaa diiday dalabka raggii halkaas ku sugnaa, oo ay ka mid ahayd inuu farriin qoraaleed u diro wiilkiisa, ka dibna si khasab ah loo diiday, sida uu wargeysku sheegay.
Khaashuqji waxaa lagu neef qabateeyay bac madaxa loo galiyay, sida uu sheegay wargeyska Sabah oo xiganayay shanqaraha laga maqlayay codka ku duubnaa cajaladda.
Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in cajalku uu duubay shanqarta ku saabsan in la jarjaray meydka Khaashuqji, waxaana falkaas geystay ninka khabiirka ku ah dilalka.
Wali lama helin meydka Jamaal
Wararka ku saabsan inuu jiro cajal uu ku duuban yahay dilka Jamaal Khaashuqji aya ala isla dhex marayay tan iyo sanadkii lasoo dhaafay.
Saraakiisha Turkiga ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu cajalkaas jiro, waxayna sheegeen inay la wadaageen dowlado caalami ah, laakiin wali ma cadda sida uu wargeyskan ku helay.
Iyadoo hadda ay muddo ku dhawaad hal sano ah kasoo wareegtay geerida Jamaal Khaashuqji, wali lama helin meydkiisa waxaana intaas jiray cadaadis dhinaca beesha caalamka ah.
Horaantii sanadkan, Khabiir ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku takhasusay arrimaha la xiriira dilalka aan sharciga loo marin ayaa ku baaqday in baaritaanno madax bannaan lagu sameeyo dhimashada wariyahaas.
Agnes Callamard ayaa eerida Jamaal Khaashuqji ku qeexday “Dil aan geed loogu gabbanin” waxayna sheegtay in “ay mas’uul ka tahay dowladda Sacuudi Carabiya”, loona baahan yahay in baaritaanno lagu sameeyo.
Dowladda Sacuudiga ayaa gaashaanka u daruurtay hadalka haweeneydaas, waxayna si joogto ah u beenisaa inay mas’uul ka tahay dhimashada wariyaha.
Away from expanding the port into a major shipping hub, the Berbera corridor project will also build a network of roads to connect the port and neighboring Ethiopia, Somaliland’s main trading partner.
As Ronald Kato reports, Berbera has also boosted Somaliland’s political profile, as it seeks international recognition
Hay’adaha warbaahinta loo ma yeedhiyo waxa ay sii deynayaan iyo sida ay u sii deynayaan.
Hawlqabadkaas waxa u qaabbilsan tifaftirayaal kala duwan iyo habraacyo ay cuskadaan. Ma aha arrin, si na ba, dawladi u faragelin karto.
Waxa ay u eegaan wararka ay baahinayaan ahmiyaddooda nuxur iyo saamaynta ay leeyihiin.
Waa ay dhacdaa in wararka guud marka la dhammeeyo la raaciyo warar maxalli ah oo ku saabsan magaaladaas, gobolkaas ama dalkaas hay’adda warbaahineed ka hawl-gasho, oo loo yaqaan “Warkii Gudaha”, waxanu ka dambeeyaa warka guud ee muhiimka ah.
Haddaba waxa riwaayad qosol badan u muuqata in wasaaradda warfaafinta Somaliland doonayso in TV-yada Somaliland ee madaxa bannaan kala wareegeyso kaalintaas tifatirka wararka.
“Waa in wararka Somaliland ee guduhu ka horreeyaan kuwa dibedda ee Soomaaliya iyo dunida kale”, waa amarka wasaaradda ka soo baxay 09.09.2019, oo dhaqan-gelaya laba toddobaad gudahood oo taariikhdaas ka bilaabmaya.
Halkan kaga hadli mayno khaladaadka ay saxaafaddu gasho ama jawrfallada lagu la kaco, wax se wax aan la aqbali karin ah in xukuumaddu TV-yada madaxa bannaan u yeedhiso sida ay wararka i tafatirayaan.
Maangal ma noqon karto in aqoon-is-weydaarsi ku saabsan Gudniinka Fircooniga ah oo ka dhacay Hargeysa laga hormariyo qarax ka dhacay Muqdisho ama Nairobi isla xilliga seminaarka la qabtay.
Waxa kale ahmiyadda wararka kala xadeeya oo kala hormeeya kala horrayntooda xilliga kala xulashada marka nuxurka laga yimaaddo mandaqadda juquraafiyadeed. Wararka Muqdisho, Djibouti, Addis ama Nairobi waxa ay ka mudan yihiin xilligan kala xulashada wararka kale ee la nuxurka noqon kara ee Monrovia, Harare ama Bissau.
Biyo-xidheen laga sameeyey Itoobiya iyo mid kale oo Guinea Bissau laga hirgeliyey isku maalin marka ay kala doorashada warka timaaddo, waxa TV-ga Hargeysa ka hawl-galaa qaadanayaa oo warkiisa ku darsanayaa biyo-xidheenka Itoobiya.
Marka xaal sidaas yahay ee ka eegi amarka wasaaradda ka soo baxay, waxa loo “ham iyo dig” leeyahay waa wararka Soomaaliya fogeeya si loo arko in Somaliland iyo Soomaaliya laba waddan kala yihiin, saw uun ma aha?
Haa, waa se meel khaldan halkani oo socon mayso ee “jiib noom taani”.
Warku waa in uu u kala horreeyaa sida uu u kala luxdan ama culus yahay, cusub yahay, una kala saamayn badan yahay. Macno uma samayso markan oo kale magaalada ama gobolka ama waddanka uu ka dhacayo. Ahmiyadda nuxurkiisa iyo saamayntiisa war ahaaneed ayuun baa ka asal ah.
Marka la eego dhinaca kala xulashada wararka la qaadanayo iyo kuwa laga tegayana kuwa Soomaaliya waxa ay ku jiraan kuwa mudnaanta hore leh.
“Waalwaalataye waxaraha soo rog” uun weeye xaalka wasaaradda warfaafintu.
Sterling Energy has announced that the Government of the Republic of Somaliland has granted a continued extension to the current period of the Odewayne Production Sharing Agreement (‘PSA’).
The expiry dates of the relevant exploration periods under the PSA shall now be:
Third Period: 2 November 2020; Fourth Period (optional): 2 May 2022; Fifth Period (optional): 2 May 2023; and Sixth Period (optional): 2 May 2024. The minimum work obligations for the exploration periods remain unchanged: (i) the acquisition of 500km of 2D seismic during the Third Period; and (ii) the acquisition of 1,000km of 2D seismic and one exploration well during the Fourth Period.
Sterling holds a 34% interest in the PSA and will be carried by Genel (50% interest and Operator) for the costs of all exploration activities during the Third and Fourth Periods of the PSA.
David Marshall, the Company’s Chief Executive Officer said:
‘We would like to thank the Government of the Republic of Somaliland and Genel for agreeing to a continued extension. Sterling continues to support the operator during the reprocessing of the full 2D seismic dataset and we look forward to receiving the final deliverables in Q4 2019.’
The Odewayne Block covers a very large area (circa 22,000 sq km) onshore southwestern Somaliland, located adjacent to the border with Ethiopia. The PSC covers block SL6 and part of blocks SL7 and SL10.