Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Xabsi la dhigay diig dheg dahab ah ka goostay haweeney, dabadeedna liqay Waxa lagu xukumay

$
0
0

Diiq dahab cun ah ayaa lagu bireeyay dalka Itoobiya, waxayna u badan tahay inuu hilibka dabaaldagga sanadka cusub u noqdo haweeney ku khasbanaatay inay soo iibsato, ka dib markii uu liqay dhag dahab ah oo ay xirneyd.

Ujeeddada ugu weyn ma aha hilibkiisa balse waa si loo helo dahabkii uu sida lama filaanka ah u laqay.

Haweeneyda oo lagu magacaabo Hachaltu Bedira ayaa tagtay suuqa ku yaalla magaalada Woliso ee gobolka Oromia ee dalka Itoobiya.

Qorshaheeda wuxuu ahaa inay iska iibiso qaar ka mid ah digaaggeeda, mana aysan dooneynin inay digaag kale soo gadato, laakiin waxay dib ula soo laabatay hal diiq oo qalaad.

Diiqaas waxaa lahaa ganacsade kale oo doonayay inuu iska sii iibiyo, waxayna Hachaltu mar qura ku kulmeen suuqa xilligaas mashquulka ku ahaa dukaameysiga la xiriira u dabaal dagga munaasabadda sanadka cusub ee dalka Itoobiya.

Maalintii Talaadada ahayd, mar qura wuxuu buuq hareeyay suuqii mashquulka ahaa ka dib markii uu diiqa kasoo baxsaday qofkii iibinayay uuna dhagta dahabka ah ka goostay Ms Hachaltu isagoo isla markiina liqay.

Waxay markiiba ka dhex tolatay haweeneydii dhagta dahabka lahayd iyo ninkii watay diiqa sameeyay falka “layaabka leh”.

Xaaladda ayaa aad u kululaatay, waxayna gaadhay ilaa heer ay soo faragaliyaan ciidamada booliska ee halkaas ka ag dhawaa.

Taliye lagu magacaabo Tadesse Bedada ayaa BBC-da laanteeda Afaan Oromoo u sheegay in xalka la helay kaliya markii ay boolisku dhexdhexaadin u sameeyeen labada ganacsade ee is heystay.

Ms Hachaltu ayaa ugu dambeyn oggolaatay inay diiqa ku iibsato 150 birr oo lacagta Itoobiya ah, taasoo u dhiganta $5 doolar ama 4 gini.

Qiimahan ayaa aad uga yaraa midka caadiga ah oo halkii diiq lagu iibsado 250 birr, hase yeeshee waxaa la isku waafaqay sidaas maadaama uu diiqa sameeyay fal aan loo baahneyn uuna milkiilihiisa ku muteysanayo khasaare qeyb, sida uu sheegay taliya.

Mr Bedada ayaa intaas ku daray in diiqa uu ahaa mid layaab leh uuna raadinayay wax kasta oo midabka dahabka leh si uu u liqo, markii uu gacanta booliska ku jiray.

Waddankan ku yaalla bariga Afrika ayaa leh taariikh xisaabiye gaar u ah oo qiyaastii 7 sano ka dambeeya taariikh xisaabiyaha caadiga ah ee ay dunida inteeda kale raacdo.

Maalinta Khamiista ah ee foodda nagu soo heysa, Itoobiya waxay u noqon doontaa maalinta koowaad ee sanadka 2012-ka.


Daawo:Iska-horimaadyo Khasaare & dhibaatooyin ba’an geystay+Fidmooyin Sida Fiinta looga qayliyey oo ka dhacay Boorama

Daawo:Boqor Buurmadow oo Amaan ku miisay Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cali Baqdaadi

Daawo: Boqor Buurmadow oo Hogaamiye Xirsi Cali X.Xasan si farshaxnimo ah u duray

African Development Bank launches US$ 2 billion 1.625% Global Benchmark due 16 September 2022

$
0
0

African Development Bank launches US$ 2 billion 1.625% Global Benchmark due 16 September 2022

Abidjan, Côte d’Ivoire, 13 September 2019 – The African Development Bank, rated Aaa/AAA/AAA (Moody’s/S&P/Fitch, all stable), has launched and priced a US$ 2 billion 3-year Global Benchmark bond due 16 September 2022, its first US$ benchmark of the year.

Launched on September 11, the bond issue is the Bank’s second Global Benchmark of 2019, following a EUR 1 billion 10-year priced in March 2019. With this transaction, the Bank has now raised US$ 4.4 billion in 2019 to date and executed 61% of its borrowing program for the year. The transaction received strong support from investors globally, with order books reaching US$ 2.8 billion and 53 investors participating. The high quality of the order book is illustrated by the strong participation of Central Banks and Official Institutions, taking 64% of the allocations.

The African Development Bank decided to take advantage of favorable investor sentiment post summer break to access the 3-year tenor, in spite of volatile market conditions ahead of the Fed Meeting the following week. The mandate was announced on Tuesday, September 10, at 12:00 London time with Initial Pricing Thoughts of Mid-Swaps + 13 basis points (bps) area.

The transaction met strong interest from the outset, with Indications of Interest in excess of US$ 1.8 billion (excluding Joint-Lead Managers interest) when order books officially opened at 08:00 London time the following morning, with initial price guidance of Mid-Swaps + 13bps area.

Momentum continued throughout the European morning, with orders in excess of US$ 2.5 billion around 11:20 London time. At this time, final pricing was set at Mid-Swaps + 13bps. Following the close of the order book in the US, the size of the transaction was set at US$ 2 billion by 14:20 London time.

The transaction was priced at 16:24 London time with a re-offer yield of 1.679%, equivalent to a spread of 8.75bps vs UST 1.5% 15 September 2022, the issuer’s tightest print vs US Treasuries to date.

“We are delighted with this successful dollar Global Benchmark, and particularly pleased by both the very high quality of the order book and the solid participation of African Central Banks. The African Development Bank achieved its tightest ever spread to US Treasuries, and we are grateful to our investors across the world for this outcome, and the financing it will bring to the African continent”.

Hassatou Diop N’Sele, Group Treasurer, African Development Bank

Xoggo xasaasiya: Qoraa sheegtay xuquuqda Qoraalka Buugga Cabdi Qays Oo la soo bandhigay, Dacwadna Ku Oogaya Shirkadda Daabacday “Sagaljet”& Cali Guray + Caddaymo uu soo bandhigay

$
0
0

Ugu horreyn Anigoo ah Maxamed Cismaan Muxumed “Ugaaska”aan ku Bilaabo Magaca Eebbe Isaga ayay Mahad oo dhami u sugnaatay, Marka labaad aan Salaan Hawada u soo mariyo Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan inta Xiisaysa Akhriska iyo Qoraalka. Ku Fogaan Maayo Inaan soo bandhigo Xaqiiqooyinka Jira Ama aan wada sheegaba, Waayo Maahmaah Soomaaliyeed baa ahayd Lafta Jabi Xaragana ha ka tagin,Waase lagama maarmaan War Sugan oo ka soo baxa dhankayga Inaan idinla wadaago , Wakhtiga Iyo Dhacdooyinka iska soo daba dhacaya ayaa Kalifaya Maqaalkaygan Iyo Aragtidayda labadababa. Waxa kale oo Iyadana aan Xusayaa Inaan Qoraal ahaan Cod ahaan Muuqaal ahaan aanan,hore Bulshada ula wadaagin anoo dhawraya Niyadsamida Iyo hawsha Buuggan oo meel ku tiirsanayd .

Bilawgii Buugga Darmaan iyo Dalxiis :- Waxaan buuggan bilaabay 2010kii Aakhirkiisii Muddadii aan waday Ururinta buuggan oo ahayd Afarsano iyo dheeraad Waxaan la kulmay oo aan waraysiyo ka qaaday Dadkii Ugu dhawawaa Abwaanka kuwaasoo aan ka Xusi karo Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi , Cabdillaahi Aadan Xaad “Qarbooshe” Oo ah Abwaanka Walaalkii , Abwaan Saxardiid Maxamed “Jabiye” oo ah Macaliinkiisii Hal-abuurnimo intaanu suugaanta bilaabina uu u ahaa gacanyare u qora Riwaayadaha Iyo Maansooyinka kale ee uu sameeyo Ab.Jabiye(AHN) Sidoo kale waxaan waraysiyo ka qaaday Buuggana aad ka dhex helaysaan Abwaan Aadan Tarabi , Abwaan Axmed Saleebaan Bidde , Qoraa Maxamed Cabdillaahi Riiraash , Fannaaanad Aamina Cabdillaahi Xirsi Oo ah Xaaskiisii hore Una dhashay Curradiisa Ayaan iyo Mustafe , Waxaan Iyagana Maansooyin ka helay Boobe Yuusuf Ducaale , Maxamed Ibraahim Xujaale , Iyo Cabdalle Xaaji Cismaan oo ah qoraa reer Jabuutiya Isagoo aad igagala shaqeeyay Heesihii iyo Taariikhda intii uu Jabuuti Abwaanku ku lahaa , Ma soo koobi karo dadyawga buuggan Darmaan Iyo Dalxiis igala shaqeeyay Waayeel iyo Dhalinyarba way lahaayeen, Waxase igu kalifay iyadoo waxaas oo xoga iyo dadkaaba buugga laga dhex heli karo , Fasiraada khaldan ee laga bixiyay Buugga taas oo odhanaysa , Waa Xog Ugaasku kalighii Qoray , Cid la ogaydna aanay jirin.

Haddaba Abwaanka Xogtii aan ka Uruuriyay oo aad u baaxad waynayd Boqol iyo Konton Maansana ku dhawawayd , Dadkii gacanta wayn buuggan ka gaystay waxay ku taliyeen inaan horta daabacaada Koobaad aanan ka badin Boqol iyo Jarjarka Maanso ee hadda Darmaan iyo Dalxiis ku qoran iyo Saddexda Boqol Iyo Afartanka Bog ee Buuggu ka kooban yahay , Wixii Daabacaada Labaad loo gaadho inaan ku daro inta hadhay iyo Xogaha kale ee la heli doono , Sidaa ayuu Madbacada Sagaljet ku galay Buugga Darmaan iyo Dalxiis , Kuna soo baxay 2014 October , Iyadoo aan Bandhigiisiina ku qabtay Maansoor Madal Ilyartu is qarisay 2014 Deceber 11keedii.

Waxa iyadana hadal badan la galiyay inaanu Abwaanku Ogayn wax ogolaansho ahna aanan ka haysan . Si Kooban Abwaan Cabdiqays Waanu ka wada soconay Ururinta Buuggiisan bilawgiiba waxa iyaduna jirta Inaan Cajalad kaga duubay markii aan dhameeyay buuggan inaan daabaco Ogolaanshiiyo buuxa uu ii siiyo Waa Ogolaaday inaan daabaco, Markhaatiyaal waxa ahaa oo Cajaladaa ku jira Abwaan Yuusuf Shaacir iyo Maxamed Cumar X.Faarax , Markale Intiinii ka soo qaybgashay ama daawatay Xafladii Goob joog buu Abwaanku ahaa Ereygiisana wuu ka dhiibtay.

Bandhigii Ka dib waxaanu u amba baxnay Aniga iyo Abwaanku Jabuuti halkaas oo aanu ugu talo galnay inaanu ka samayno bandhig labaad, dabcan Abwaanka ayaa iga cag horreeyay Usbuuc ka dib baan ka daba baxay, Hawshii baanu guda galnay, Qoladii Bandhiga noo samayn lahayd baa Kuwo ka midi Safar ku Maqnaayeen,dabcan Marti baanu ahayn labadayaduba Qorshuhu wuxuu ahaa inaanu Qolooyinkaa Sugno , Muddadii aanu ku Guda jirnay hawshaa oo ah Khilaafka Bilawgiisa Aasaaska iyo halkan uu ka Unkamay Is afgaran waaga aniga iyo Abwaanku Waxa uu ahaa; Adduunka laga waayo Diradiraale iyo qaar hawl meel wacan la soo gaadhsiiyay kala rida Aniga iyo Abwaanka waxa markiiba na soo dhex galay rag aan Abwaankana wax u tarayn Bandhigana baajinaaya Kuwaasoo Abwaanka ku yidhi Tobankun oo buug baanu kuu samayneynaa, Calaa Buugna Boqol Dollar baanu kuugu iibinaynaa ee PDF ka ka soo qaad ninkan dhalinyarada ah ee Buugaaga qoray, halkaa markay maraysay waa is badalay jawigii daganaa ee aanu Hargaysa kaga soo ambabaxnay , Wuxuu Abwaanku ii soo jeediyay in aan ku soo wareejiyo buugga PDF kiisa oo uu daabacdo Isagu , Anigana Saami ahaan uu isiin doono wixii uu ii garto , Maadaama oo uu leeyahay Tirinta Maansada aan Xogteeda soo Ururiyay, waxaan anigu markii fikir ahaan taagnaa in ay noo qabsoonto Xafladii iyo Ujeedkii aanu Magaalada Jabuuti u tagnay, ka dibna wixii daabacaad labaad ah ee la galayo Xiligii la galayo,goobta lagu galayo iyo Ciddii galaysaaba markaa gasho, iyadoo labadayaduba aanu goob joog ka wada nahay, may suurto galin in Khilaafkaa Jabuuti ka bilaabmay uu halkaa ku dhamaado ,niman Odayaala oo galayna waxba dhanka Abwaanka waa ka dhamayn kari waayeen. Sidaas baanu Bandhigii Jabuuti iyo Arimihii aanu u wada tagnay ku baaqsadeen.

Abwaanku waa uu iga soo hor baxay waan kaga dambeeyay hawlo ii gaara awgeed , ka dib markii uu abwaanku Hargaysa yimid waxa uu u tagay Madbacadii aan ka daabacay buugga waxaanu ka qaatay PDFkii aan anigu gacantayda Madbacada ugu dhiibay , Muddo yar ka diba waxaan imid Aniguna Hargaysa markiiba waan Ogaaday in PDFkii Faynelka ahaa ee la daabacay Abwaanka lagu wareejiyay. Koox dhalinyaro u badnaa ayaa is abaabulay oo aad uga xumaaday in Madbacadu bixiso Buuggii iyadoo aan aniga wax Ogolaanshiiyo ah layga haysan Una tagay Madbacadii , Waxay Madbacadu cadaysay in ay bixisay PDF ka buuggaa iyadoo aan aniga wax fasax ah iga haysan ,isla markaana aan ahay Ninka Xogtan la daabacay u keenay .

Waxa Iyakuna dhinacooga ila soo xidhiidhay Guddi Odayaal ah oo ay ka Mid yihiin Ab.Yuusuf Shaacir, Qora. Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo , Boobe Yuusuf ducale Iyo Maxamed Ibrahim Xujaale . Xidhiidhka hore waxa lahaa Yuusuf Shaacir oo ii sheegay inay doonayaan in ay Odayaal ahaan hawshaa galaan Gaar ahaan Khilaafka aniga iyo Abwaanka , Waan aqbalay Sidaasaanay hawshaa ku galeen waxaanay ka soo saareen Koobiyo Toban Qodob Kuwaasoo Qoraal ahaan aad ka dheehan kartaan Warqadii Heshiiska Almis PUblic Notary And ADVOCATE dhamaan tayana aanu ku wada saxeexnay , Khilaafkiina halkaa ku dajisay dhamaysayna hawshii taagnayd . Iyadoo aan idinla wadaagi doono Heshiiskaa haddana waxa saldhig u ahaa laba qodob

1: In aanan Daabacaad labaad oo Darmaan iyo Dalxiisa Soo saarin isla markaana Abwaanku wixii hadda ka dambeeya uu Isagu daabacdo

2: In aan anigu yeesho Xuquuqda Ururinta Wixii Dambe ee la tifaftirayo laguna Qoro bog horraadka Daabacaadaa labaad ee la soo saari doono , In daabacaada Labaadi ka timid daabacaadii Koobaad ee uu Ururinteeda lahaa Ugaasku Iyo In Hordhaca Mahadnaqa lagu Xuso In Daabacaada Labaadi ka timid daabacaadii Koobaad Badankeedu .

Haddaba Maxaa iska badalay ee ku soo
kordhay arinkaa sidaa ku fulay ?

Ugu Horrayn anigu halkaa markay maraysay ayaan waddankii ka imid, Waxaanse ku war helay PDFkii Abwaanku ka qaatay Madbacada Sagaljet Iyo Buuggiiba in gacanta loo galiyay Cali Yuusuf Cali-Guray , Waxa iigu xigtay Madal ka dhacday Maansoor Hotel oo uu soo qabanqaabiyay Tvga HCTV, laysuguna yeedhay Hal-abuuro badan iyo Qoraayaal Waayeel iyo dhalinyarba leh Kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Abwaan Cabdiqays,Iyo Cali Guray oo Abwaanka la socday , in uu goobtaa ka yidhi Cabdiqays buuggaygii hadda waxa gacanta ku haya oo qoraya Cali Guray Isagaana hadalka uga baxayaa , Cali Guray oo isaguna Goobtaa kaga dhawaaqay inuu waddo buuggii Cabdiqays Meel wacana uu u marayo , Gartay Buuggu inuu yahay Darmaan iyo Dalxiis Waxa ii Cadaatay Xogtii isoo gaadhaysay ee ahayd in Buuggii Cali-Guray lagu wareejiyay , Habeenkaa Goobta kama Sheegin Cali In Buug hore jiray oo dadaal rag ku bixiyeen iskaba dhaaf inuu soo hadal qaadee qaabka uu u hadlaayay ayaa ahaa sidii mid Ugub ah , oo aan hortii la qorin isagoo waliba Xogta uu hayaa tahay Xogtii Darmaan iyo Dalxiis , Muddo ka dib waxaan Ogaaday in buuggii la daabacayo oo Madbacada Sagaljet uu ku jiro Faafreebkisii .

Waxaan xidhiidh la soo sameeyay Gudidii Hawsha buugga dhamaysay intii aan ka helay oo kala ah Boobe Yuusuf iyo Yuusuf Shaacir Waxaanan u sheegay in Buuggaa la daabacaayo Madbacadana uu ku jiro isla markaana aan soo dhawaynayo Dadaalkii aan bilaabay in meeshisii laga sii wado laakiin lagu dhaqmo heshiiskii hore ee ay u dhigeen Buuggaa , Iswaraysi dheer ka dib waxay ii sheegeen in la raaci doono heshiiskaa ,dhanka kale waxaan xidhiidh la sameeyay Madbacadda daabacaysa Gaar ahaan Cabdi Yuusuf Aar , waxaan isagana u sheegay in Khaladkii hore ee ay madbacadu gashay aan lagu ladhin mid labaad ee hawshaa lagu dhameeyo sidii hore loogu dhameeyay , Waxaanu isagana isla garanay in la raaci doono Heshiiskii hore . Intaa kumaan joogsan ee waxaan Sameeyay Qoraal ka kooban laba bog oo aan kagaga hadlaayo arinkaa iyo Aragtiday daabacada labaad , Waanan Idinla wadaagi doonaa Qoraalkaa .

Ugu dambayn 9.9.2019 waxa lagu soo bandhigay Magaalada Hargaysa Buug lagu sheegay in uu qoray Cali Yuusuf Cali-Guray kaasoo lagu qabtay Hotel Maansoor looguna Magacdaray Geeddigii Cabdi-Qays , Qoraalka Iyo Ururintana uu Isagu leeyahay.

Waa Maxay haddaba Aragtidayda aan ka qabo Daabacadaa Labaad ee Buuggaa Oo ay dad badani sugayaan ?

Ugu Horreyn Waa Buuggii aan anigu Qoray ee Darmaan iyo Dalxiis oo laga Saaray Magacaygii Laguna badalay Magaca Cali-Guray Si kale haddaan u dhigo waa Buuggii hore oo Jaldigii laga badalay , Waxaana Caddayn u ah ;

  1. Cidkasta oo gacanta uu u ugu jiro buuggii aan anigu qoray ee Darmaan iyo Dalxiis Waxa uu ka koobnaa Afar Geeddi oo kala ahaa Geeddiga Koobaad , Geeddiga Labaad ,Geeddiga Saddexaad iyo Geeddiga Afraad , looma Magac bixin Buuggan Cusub ee waxa la soo qaatay Afartaa Geeddi ee uu buuggaa Darmaan iyo Dalxiis ka Koobnaa mid ka mida , Iyadoo aan lana xusin In Buugga Darmaan Iyo Dalxiis uu ka koobnaa afartaa Geeddi
  2. Gogol dhiga Buuggu Waa Gogoldhigii Buuggii Darmaan Iyo Dalxiis :- Rashiid Sheekh Cabdillaahi(rashiid gadhweyne) oo ah rugcadaa ku xeeldheer arimaha Suugaanta oo aanan labadayadu Wax aqoona isku lahayn ayaan waxaan la kaashaday Ab.Hadraawi oo ay saaxiib dhaw yihiin iyo Yuusf shaacir oo ay is yaqaanaan Inuu Buuggaa Darmaan iyo Dalxiis ee aan anigu wado ku soo darsado aragtidiisa Maansada Cabdi-Qays iyo shaqsiyadiisa sida uu u arko , markii aanu la xidhiidhnay Waxa uu Emailkayga ii soo dhigay qoraal aad u luxdan kaasoo Sharaxaya Maansada iyo Shaqsiyada Ab.Cabdi-Qays , Waxaan isagana dhawr Jeer Waraysiyo ka duubay Ab.Hadraawi Kaas oo aan markii dambe u rogay Qoraal ahaan.

Rashiid Gadhwayne iyo Ab.Hadraawi waxay noqdeen Labada qof ee ugu Sharaxaad Toolmoon Maansada iyo Shaqsiyada Ab.Cabdi-Qays , waxaana ay noqdeen Hordhicii ama Gogoldhigii Buugga Darmaan Iyo Dalxiis . Cali-Gurey Isagoo aan Laaxin ka jarin wuxuu Gogoldhig uga dhigay Buuggaa uu isku Magacaabay Rashiid Gadhwayne oo sidaa aan soo sheegay Gogoldhig u ah Buugga aan qoray ee Darmaan Iyo Dalxiis Madashii laysugu yimid wuxuu Cali-Gurey ka sheegay labada qoraal ee Rashiid Gadhwyne iyo Ab.Hadraawi aan ka sameeyay, Isagoo qarinaya Magacayga Iyo Buugga aan qoray labadaba , wuxu yidhi in ay wax ka yidhaahdeen mar shaqsiyada Abwaan Cabdi-Qays wax laga waydiiyay ,

Iswaydiintu haddaba waxay tahay yaa wax ka waydiiyay? halkayse ku qoran tahay? Midna kama sheegin Goobtaa , Mahadnaqa buugga laakiin Meel dhexe oo uu igu qoray Si aan u arkay marna inuu isleeyahay u Mahadnaq marna uu u duudsiyayo Xogtaa dhamayska tiran ee uu ku takrifalay Waxa uu odhanayaa ;

Labadaa Qoraalba waxaan ka soo xigtay Waraysi uu la yeesshay oo ku qoran Buuggiisa . aan’se kuu saxee Ab.Hadraawi ayuunbaan waraystay , Rashiid Gadhwayne Isaga ayaa Gacantiisa Iigu soo qoray oo ku hawshooday .

  1. Waxa ku qoran buuggaa uu soo bandhigay Boqol Iyo Labiyo Afartan Maanso laba Maanso oo kala ah Baladwayne Iyo Beeraad oo hadraawi lahaa marka laga reebo Waa Boqol Iyo Afartan Maanso , Waxa Maanso Cusub ah oo uu ku soo daray Saddex iyo Labaatan Heesood qofkii Xogtaa doonayaana Wuu ka baadhi karaa labada Buugba inta ay is dheeryihiin iyo waxa ay ka midka yihiinba ,

Waxaan aad ula yaabay Magacyada heesaha , gaar ahaan kuwa wakhtiyada hore ah oo aan ka qoray Cajalado aad u badan kuwaasoo Abwaanku Codkiisa ku qaadayo Magacyadii aan u bixiyay markaan u eegay baydadka soo noqnoqaya ama kuwa ugu halku dhiga wanaagsan aragtidayda, sidoodii buu u soo qaadanayaa dhamaantood isagoo aan wax tafaftira ku samayn, haddii aad baadho labada buug tusmooyinkodda oo kaliya uun dheeho .

Markale oo uu Mahadnaqa Buugga igu daray anoo waliba meel dhexe ku jira Wuxuu Cali-Gurey Sheegayaa In uu iga soo Xigtay Maansooyin dhawra oo aanu meel kale ku arag, buugga aan qoray mooyaane , Isagoo marka laga tago Heesahaa uu ku soo daray ee Kooban inta kale Gabi ahaanteedba ay tahay Daabacaadii Koobaad ee Darmaan Iyo Dalxiis Maansooyinkii ku qornaa Haddii aad Maqli jirtay Qoraalo kooban oo la kala dhaco, Waxa Akhriste ku horyaala Buug dhan oo Magacii Qoraha Iyo Uruuriyaha laga badalay ,Mid kale oo aan u soo dhib mudanna lagu qoray. Yaanan Mawduuca ka bixine , Waxa suuqa la galiyay inaan Qoray Buug inta badan Maansada ku qoran aanu lahayn Ab.Cabdi Qays!

Iswaydiintu haddaba waxay tahay, Haddii aanu Abwaanku lahayn inta badan Maansooyinka ku qoran Darmaan Iyo Dalxiis , Maxaa loogu qoray buuggan hadda la daabacay Boqol iyo dheeraadka Maanso ee looga saari waayay?

Dhamaan Maansooyinka aan ku qoray Buugga Darmaan Iyo Dalxiis Afar Heesood oo markii aan daabacay dadwaynaha buuggaasi gaadhay ii sheegeen inaanu isagu lahayn Xigashadoodana aan dad muddakara ka soo xigtay marka laga tago Dhamaan Waa Maansadii Ab.Cabdi-Qays , Afartaa Heesood laba ka mida waa laga saaray Buugga Cusub Laba ka midina wali way ku jiraan . Tolow Maxaa la saxay ? Maxaa Boqolka Maanso ee aan qoray badankeedana Abwaanku aanu lahayn loogu darsaday buuggan Cusub hadday sidaa u jirto?

Guntii iyo Gabagabadii:-

Cidkasta oo diyaar u noqota inay Abwaanka wax ka qorto Waa u furantahay , Waayo Aniga Kooto iiguma Xidhna Maansada iyo Taariikhda Abwaanku , Laakiin Buuggaa la soo bandhigay ee Loogu Magacdaray Geeddigii Cabdi-Qays , maaha mid Cusub oo ka duwan kii aan anigu soo bandhigay ee Qoraalkiisa Abwaanku Gacanta ka galiyay Cali-Gurey .

Laba Mid uun baana Cali-Guray u furnayd inuu u Qalab qaato buug Cusub Kaasoo u dhigma buuggii aan qoray oo ahaa Boqol iyo dheeraad Maanso waxa uu kayga ka soo xiganayana uu ka soo xigto kaliya uu igu Xuso Mahadnaqa Ama Inuu Siduu heshiisku ahaa Sameeyo Daabacaad Labaad Tifaftiro kii hore Labaataneeyada Heesood ee uu hadda ku daray Buugga Cusub uu ku daro , Anigana Xuquuqda Uruurintu Sidii heshiisku ahaa la iigu daayo, oo aan Buugga lagu daabicin Sidan Hadda loo Dhigay .

haddaba ka yeeli maayo Adiga Iyo Inta kaleba Xog Iyo Ururin aan tacab idinka galin inaa Magacyadiina ku qortaan, ka dibna aad bandhigyo u samaysataan , Hadday taasi dhacayso anaa u Xaqleh Inaan Qoro Xogta iyo Ururinta Maansada Cabdi-Qays

Guddidii Gashay ee dhamaysay khilaafkii Buugga Darmaan Iyo Dalxiis ka Yimid waxaan aad uga xumahay in hortiina uu ku burburo, heshiiskii Odayada aad ka ahaydeen idinkoo haya heshiiskaa aad ku saxeexan tihiin , Marinkeedana aan la marin heshiiskii dhaabadda Cad ahaa ee aad Idinku dhigteen , Arinta kale ee ka sii yaabka badan ayaa ah in Afartii Xubnood ee Gudida ku ahaydeen Saddex ka Mida, kaga qayb gasheen Xafladaa lagu burinaayo Wixii ka Guddi ahaan aad Qorteen, laba ka mida aad kaga hadasheen Goobtaa, Ugu Hambalyeyseen inuu Cali-Gurey Buugga qoray Kuna soo dhawayseen Saaxada Qoraalka Idinkoo aydaan iska hubsan, waxa la qoray iyo Meesha loo maray , Sidoo kale aydaan marnaba Xusin Buuggii aad Odayada ka ahaydeen ee Darmaan Iyo Dalxiis .

Waxa Iyaduna gafkii labaad ku jirta Madbacada Sagaljet Iyo Gudoomiyaheeda Cabdi Yuusuf Aar Oo markii hore bixiyay Soft igii Buugga Darmaan Iyo Dalxiis Kaas oo aan ka Qoraa ahaan anigu u dhiibay,Daabacadeedana aan bixiyay. haddana dib u daabacday Buug dhawr Heesood lagu soo darsaday lagana saaray Magacayga Oo kaliya , Iyaka oo og , hayana Heshiiskii hore, waliba aan la xidhiidhay intii aanay daabcin .

Qodobka Sagaalaad ee heshiiskaa ayaa waxa uu odhanayaa :- Labada dhinac waxay si wada jira oo rabitaankooda ku salaysan u dhowrayaan Qodobada heshiiska , Iyagoo ilaalinaya niyadsamida iyo is-aaminida heshiiskan kaasoo aan loo isticmaali karin sifo kale,loona fasirankarin si ka baxsan heshiiskan.

Haddaba haddii aan la dhawrin Xuquuqdii Ururinta ee aan Bilawgeeda lahaa Sidoo kalena wax War ahna aanan ka hayn inta Cadad ahaan ee la daabacay , Abwaankii Buugga lahaana aanu isagu lahaanshiiyaha Maansada Mooyaane Wax uu iska qoray jirin oo uu kaligii soo bandhigtay jirin , Inta Darmaan Iyo Dalxiis Qof aan U soo dhib Mudani Magaciisa ku Xardhaayo , Waajibka Iyo Damiirka Saxda ah baa i faraaya Inaan Dib boodhka uga soo tumo, Oo aan soo Saaro Qaybtiisii Labaad Iyadoo Tifaftiran .

Waxaan aad u soo dhawaynayaa ku Faraxsanahay Bandhig Kasta oo loo sameeyo Iyo Buug kasta Oo laga qoro Abwaan Cabdi Aadan Xaad Cabdi-Qays oo ah Adeerkay Waayeelna ah Mudan in laga Reebo dhaxal ma guuraana ahna Hal-Abuur Koobsaday Dhamaan Nudaha fanka,Una ah Foolaad Faciisa Iyo Inta Rabbi ku Manaystay Murtida Soomaaliyeed , Hore iyo Hadda midtoona aanan waxba u Qabin , Uguna Ducaynaayo Caafimaad iyo Cimri dheer .

Daawo: F.C.Waraabe oo ka hadlay Shir beesha Habarjeclo ugu baaqday Habaryoonis

War-weyn:Daawo,M/weyne Muuse Biixi oo ku dhawaaqey War cusub oo ku saabsan Madaarka Berbera


Daawo:Haamo Kayd shidaal Cusub oo Berbera laga dhisaayo+Xoggo & Macluumad kale oo ku saabsan….

Daawo:Tacadiyo & Amaawiir la duldhigay Dugsiyada Gaarka loo leeyahay ee Somaliland+Khilaaf ka dhex oogan

War Saxaafadeed- Maalinta caalamiga ah ee dimuqraadiyada 14 ka bisha Sagaalaad

$
0
0

War Saxaafadeed

Sabti,14 ka September 2019

Maalinta caalamiga ah ee dimuqraadiyada 14 ka bisha Sagaalaad

Mogadishu, September 14, 2019; Shan abwaanno dhalinyaro ah ayaa loo aqoonsaday sannadkan abaalmarintooda ay ku guuleysteen soo gudbinta gabayga iyagoo qayb ka ah tartanka Midowga Yurub ee ay maalgalisay silsiladda Nabadda. Ku dhawaaqida ayaa lagu sameeyay xafladda abaalmarinta Silsiladda Nabadda oo lagu qabtay Muqdisho.

Waxaa ka soo qeybgalay wakiilo ka socda dowladda iyo Midowga Yurub iyo sidoo kale NGO-yo iyo bulshada caalamka. Kuwa helay abaalmarinnada iyo sidoo kale musharixiinta liiska ayaa soo bandhigay gabayadooda intii ay munaasabadu socotay.

Nicolas Berlanga Martinez, danjiraha midowga yurub ee soomaaliya ayaa yiri waxaa sharaf ii ah inaan u dabaaldego gabayaaga dhallinyarada ah. Midowga Yurub wuxuu ku faraxsan yahay inuu martigeliyo kaqeybgalayaasha maanta Muqdisho.Maalinta barito ee Maalinta Caalamiga ah ee Dimuqraadiyadda, waxaan xasuustaa in dimoqraadiyadu ay ku saabsan tahay dadka oo ay ugu muhiimsan tahay dhalinyarada.

Dimuqraadiyaddu waxay sidoo kale ku saabsan tahay kaqaybgalka taa soo aasaasi u ah nabadda, barwaaqada iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha. Tabarucayaasha gabayaaga dhallinyarada ahi waa sida gabal-yar oo sawir-qaade ah oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed, mid walbana cabbirkiisa kala duwan; laakiin dhammaantood waxay ka buuxaan rajooyin nabad iyo dib u dhis Soomaaliya.

Asalka

Midowga Yurub wuxuu bilaabay tartankii gabayada Silsiladda Nabadda isagoo taageero ka helaya dhalinyarada Soomaaliyeed si dib loogu soo celiyo dhaqankii gabay ee silsilad ee soo jireenka ahaa. Ujeedada abaabulka dhalinyarada ayaa ahayd mid u furan dhamaan soomaalida daafaha aduunka ujeedkeeduna ahaa in la qabto wada hadalo bulshada dhex mara oo ku saabsan dhalinyarada soomaaliyeed fikradaha dimoqraadiyada iyo nabada. Tartanku wuxuu ka soo galay qaybo ka mid ah afarta gees ee adduunka oo dhan Melbourne, Bosaso, Stockholm, Hargeysa, New Delhi, Seattle, London, La, Baydhabo, Muqdisho iyo magaalooyin kale oo caalami ah iyo maxalli maxalli ah.

Si aad uga ogaato wax badan oo ku saabsan tartanka oo aad aqriso waxyaabaha ka soo gala tartamayaasha, fadlan la xiriir xiriiriyaha bogga websaydhka Silsiladda Nabadda: https://silsiladdanabadda.com

Bandhigga Buugaagta Burco Waa Burjigii Hal-Abuurka Togdheer

$
0
0

Waxaan dareemaya in hibbadu tusaale u tahay nolosha guud ahaan . Waxaan dareemaya in qorraalku iyo akhrisku yahay midka laga dheehdo nolosha iyo humaaga qarsoon ee guud ahaan Aadamigga.

Bandhigga Buugaagta Burco(BBB2019) waxay ahayd rajadii jiilka maanta ku nool burco iyo bandhigista hibbadooda nolloleed. waa Caymis lagu wadaago Hal-Abuurnimo Qorraal iyo mid Sugaaneed.

Shaqsiyan waxaan kala socday Barraha Bulshada iyo warbaahinta labadaba.

Hadaba maxaa iiga baxay? Bal sawir maskaxeed aan ku xardho tusmada fahamkayga ee ku saabsan “BBB2019”

Sawirka goobtu waa madal wayn oo qurux badan ardaaga Golis ama Barxada SOYVO oo lagu soo xidhay. waxa isoo jiitay dhigaalka quruxda badan ee Bandhigga buugaagta burco ee lagu dhex xardhay midb-ka qurxsan ee buluuga ah. Wuxuu u muqdaa bandhig si qorshaysan la agaasimay. Ka qaybgalayshuna darreen ahaan waxa isoo jiitay marka loo istaagay heesta Callanka ee dhulka hooyo “Samo ku waar, samo ku waar” oo ahayd dhaxalkii uu inooga tagey abwaan Xasan shiikh muumin AHUN.

Runtii waxa goobta ka muuqday dhalinyarro leh hibo suggaaneed iyo hibo qorraal, kuwaas oo ka koobnaa hablo iyo wiilal aan is leeyahay gobollada kale waa ku dhif iyo naadir xaqiiqatan marka la fiiriyo hibada ay soo bandhigaan.

Dhalinyarada burco waxa ku jirra wiilal iyo gaabdho sugaan-yahano ah iyo kuwo leh xirfad qorraal oo sare, oo aan dhawr jeer oo hore halacsaday dhigana-yaashooda sugaaneed iyo qorraalo kuwaas aan is idhi hadii xuquuqdooda loo qiri lahaa waxay noqon lahayeen xidigihii qarniga 21aad.

Waxa iyaguna amaan muddan dhalinyarro ka shaqeeya arimaha bulshada burco oo mudan xusidood.

Waxaan akhriyay maansooyin ay leeyihiin hablo iyo wiilal reer burco, habdhac eragyga iyo dhadhanka nuxurka iyo habraaca errayga waxan xusuusta abwaanadii dhexe sida hadraawi iyo gaariye ama kuwii bari-samaadkii Qamaan iyo salaan waa kuwa aan suggaantooda xiiseeyo ee, markaa burco waa meel murtidu taallo, laba kamid ah abwaanadan aan xusayna waa reer burco.

Waxan runtii aad uga xumaaday markii aan arkay inaan dhalinyarradeenu helin dhiirigalintii madaxda gobolka iyo kuwa qarranka, Xataa walalaheen hal-abuurka may helin dhiiri-galinteenii bulsho ee reer burco ee ganacsato iyo nin gar-bood toonna.

Burco waxaa la hadhay madaxdii xukunka u haysay, Bal fiiri bandhigii hargaysa waxa looga yimi dunida dacaldeeda. Cadaan iyo madoow xataa waxa goobta joogay madaxda ugu sarraysa dalkeena, waxaan is leeyahay waxa rumoobey habaarkii halgamagii Shiikh Bashiir AHUN.

Bal fiiri boorama waxa looga yimi dacallada dunida . Bandhiga waxa dabada ka riixayey bulshada ree borama ganacsato iyo haayado wadani ah iyo haldoorka reer Borama.

Yaa inala hadhay? burco waxa la hadhay madaxdii ay doorratay iyo haldoorkii,ganacsatadii, waxaan leeyahay madaxdyadii waxaad hagrateen ubaxii togdheer.

Bal isoo fiiri”! Bal waxad qiimaysaa wiilka ama gabadha dhalinyarrada ah ee mudo dhawr sano ah qorraysay Buug sugaaneed ama buug qoraal ah oo maskax muruq iyo dhaqaale galiyay sidii uu hibadiisa usoo bandhigo lahaa, ee morraalku ka xumaaday markii uu waayo qof qiimo u yeella waxa uu qorey, kadib markii uu wayay dhiiri-galintii madaxda iyo tii bulshada gobolkiisa. Waa niyad jab wayn waxaanse hubaa in hal-abuurada qorraal iyo suganneed inay macnawiyan yihiin kuwii la rabey in xirfadooda Xiiso u yeelaan oo midowbaan horumarinta bandhigooda hibo.

Sowkii Abwaankii murti dhaadhiga ahaa ee Xaaji aden Af-Qalooc lahaa AHUN “ilko wada jirkooday hilbaha adag ku goyaane,hadii inniba meel taagan tahay adhax ma feentee.”

Waxaan arkay dad reer burco ah, oo baraha bulshada ku buunbuninaya Bandhigyadii hargaysa iyo borama , bandhiga burco ee buugaagtana liidaya. Awel soow Maahmaah somaliyeed ma ahayn “Hashii Awar-keeda ka Cararta ee awr kale u oloshaa way abaaho seegta”.
Social media waa meesha macanaha loogu yeelo haldoorkaaga, ee dhalinyarada hibada leh yaan la hagran. Miyaan bandhiga burco u qalmin inaad u xusto sidaa aad u xusayasey ee laguugu waynaynayey bandhigyadii gobollada kale. hadii aan dhaho bugaagta burco lagu qorro ayaa ka nuxur badan kuwa kale sow sax maaha, ilaa burco waa meesha hibada u leh sugaanta Somaaliyeed e.

Waxaan ku bogaadinyaa”BBB2019″ dadaalka wanaagsan ee ka sameyeen gobolka, waana abaal reer burco idiin hayso inta dhugashada lehi.
Waxaan idiin rajaynyaa inaad dadaalka sii wadaan, si sahan-kiina Geeddigu ugu nagaado meel rays iyo ramaas qaboow leh oo aad ku furtaan bahda wax qorta.

Wax qoristu waa dhaxal ka kaliya ee ummadi ka dhaxsho ummad. Taasi oo dhaxal u noqota jiilasha soo socda , inagu jilashii inaga horeeyay qoraal inoogma tagin ,waa sababta aan u garan laanahay halka aan ka nimi, si aan u fahano halka aan u socono, waad ogtahay halka qallinku diinta ka joogo.

Sawkii Abwaanka wayne ee Hadraawi isagoo tilmamaya muhiimada qalinka lahaa “Muxuu qalinku sheekiyo, qubanah dharaartiyo hadba qodob la yaabiyo, ma hadhooyin qorayaa”

Dhamaantiin guul ayaan iidn rajaynayaa insha allh hore u socda walalayaal.
Alaah mahad-leh

-Facebook. Mustafa Ahmed Geedi
-WhatsApp0659555532

-Waxa Qorey. Mustafa Axmed M Geedi-Xaas

Burco Somaliland

Aragtidayda buuga Cabdiqays

$
0
0

“ARAGTIDAYDA BUUGGA GEEDDIGII CABDI-QAYS HORE NA LUUGU YAQAAN DARMAAN IYO DALXIIS.” Cabdinaasir Axmed Abraham.

Buugga daabacaddii koowaad ku soo baxay magaca DARMAAN IYO DAL XIIS sannaddii (2014) oo uu ururiyay Maxamed Cismaan “Ugaaska” Tarmintii labaadna ku soo baxay magaca Geedigii Cabdi-Qays gu’gan aan ku jirno (2019) oo uu ururinta ku qoran yahay Cali Guray.

Waxa aan ka mid ahaa dadkii ballaysinkii buugga waxa ka ogaa, idil ahaanna marxaladihii kala geddisanaa ee buuggu maray goob-joog u ahaa. Maantana wuxuu Alle igu simay muddo kaddib buuggii oo magaciisii iyo ururiyihiisii ba is-baddaleen iyo wali ba khaladdo farsamo oo dhacay. Sidaa darteed, waxa qormadan aan idin kula wadaagi aragtidayda iyo sida ay wax u dhaceen. Aniga oo aan ka warwarayn qof baa kugu nici iyo mid kale ayaydin isku waayi midna ayaan siday iila muuqdaan wax u sheegi doonaa.

Run ka sheegga iyo ka garnaqa dhacdooyinka nololeed ee waayaha ee Alle innagu simaa waa waajib. Anna kama dhago-adaygi karo sida hal-abuur door ah oo inta xaajadan aan ka ogahay dhiggeed ka og. Kuwaas oo wax ay dhawrayaan ba ka waji-dadbay in ay ka run sheegaan duudsi ay goob joog ka ahaayeen sidii uu u dhacay. Caddaaladda iyo kasmada wanaagsan ba waxa ay inna farayaan in haddii ay arrin isku qabtaan Keenna ugu sharafta badan iyo ka innuugu liita sharaf ahaan in marka arrintu joogto garnaqooda kaliya la eego uun arrinta dhextaal ee ay isku hayaan ee aan la eegin sida ay u kala meeqaam sarreeyaan. Sidaas oo kale ayaan aniguna qormadaydan aniga oo arrinta eegaya oo aan qofafka eegayn waxa aan ku xusi doonaa;
● Qorshihii daabacaadda labaad ee Djibouti ee khilaafka dhaliyay.
● Kaalintii buugga ee Ugaaska iyo waxa seegay,
● Doorkii buugga ee Cali-Guray iyo waxa seegay,
● Abwaan Cabdi-Qays maxaa seegay?
● Hal-abuurka maxaa seegay?
● Shirkaddii daabacday buugga maxaa seegay?
● Aniga oo Cabdinaasir ahna maxaa i seegay?

QORSHIHII DAABACAADDA LABAAD EE DJIBOUTI EE KHILAAFKU KA DHASHAY?
Shirkii labaad ee lagu jaan-goynayo hannaanta daabacaad labaad luugu samaynayo buugga abwaanka ayaan goob-joog u ahaa, wuxuu ka qabsoomay guriga Call Cabdi Faarax. Waxa goobta joogay siyaasiyiin, ganacsato, aqoon-yahan iyo saraakiil ciidanka Djibouti ka tirsan.
Sida iiga baxday sheekadii markaa la hayay kulankii iga horreeyay oo usbuuc laga joogo ayaa lagu qorsheeyay in tirada buugga looga daabacayo abwaanka oo lagu sheegay (10.000) meesha laga samaynayo daabacaddaan labaad iyana waxa la Isla af-gartay in ay noqoto “Machadka afafka iyo cilmi-baadhista ee Djibouti”

Waxba yaan ku sii dheeraane guud ahaan wax yaabaha kulannadaa la iskula qaatay waxa ay u qaybsamayeen saddex qodob oo kala ah:
● Sidii buugga loo daabaci lahaa,
● Sidii Djibouti luugu bandhigi lahaa,
● Sidii loo suuq-geyn lahaa.

Shaqooyinka markii la qaybsaday hawsha xidhiidhka iyo daba galkana loo xilsaaray nin Caddaani la yidhaa oo markaa ahaa la taliyaha Ra’iisal Wasaarihii hore ee Djibouti.

Shaqada kaliya ee abwaanka”Cabdi-Qays” loo diray waxa ay ahayd in uu buugga oo PDF-ah ka soo qaado Maxamed, nasiib-darro Cabdi-QAYS iyo Maxamed is-maan-dhaaf baa ka dhex dhacay.

Halkaa marka ay marayso qolyaha madaxda ah ee reer Djiboutina dooddoodu tahay KUN nuqul oo buugga daabacaddiisii hore ah Maxamed abwaanka shilin kama siin, haatanna daabacaadda labaad ee abwaanka loo samaynayo ayuu hortaagan yahay oo abwaanka waxba uma ogola. Runtaa dadka arrintaa ku jiray marka gees loo dhigo in ay daacad ahaayeen waxa aan iyana meesha ku jirtay in ay arrimaha qoraalka waxba kala socon. Sidaas oo ay tahay mararka qaar go’aanno degdeg badani ku jiro ayay qaadanayeen. Halkaa waxa aan uga jeedaa way kala basrin kari lahaayeen abwaanka iyo Maxamed, has a yeeshee taasi cakiskeeda ayaa dhacday oo way sii kala fogeeyaan.

Ugaasku haddii uu il-duuf sameeyay waxa uu ahaa mid lexo-jeclo sababtay aqoonta aan qof ahaan u leeyahay waa nin gobonnimooyin badan leh hasa ahaayee bakhaylnimo waa iinta kaliya ee aan ku aqaan. Diidmada uu abwaanka PDF-ka u diidayna waxa Cabdi-QAYS galisay cadho laxaad leh.

Halkaa waxa ku hakaday hawshii dardarta lahayd ee daabacaadda labaad ee buugga DARMAAN IYO DALXIIS Cabdi-Qays na waxa uu u soo socdaalay Hargeysa.

Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale oo Djibouti aan diyaarad ka soo wada raacnay iskuna kursi xignay waxa aan uga warramay halka ay wax marayaan in uu arrintaa dhex galo marka aan Hargeysa gaadhno.

Cabdi-Qays markii uu Hargeysa yimid ee PDF-kii gacantiisa galay waxa ku dhalatay in buugga daabacadda labaad laga wareejiyo Maxamed oo Cali Guray lagu wareejiyo.

KAALINTA UGAASKA EE BUUGGA CABDI-QAYS IYO WAXA SEEGAY
Maxamed muddo afar sanno oo wax la jiraan ah ayuu ku mashquul sanaa ururinta suugaanta iyo sooyaalka abwaanka qar iyo buur ba waa u koray ciddii luugu sheego in ay wax uun ka hayso suugaanta Cabdi-Qays. Hayaankaa rafaadka badan waxa ka dhashay in shaqadii Ugaasku midho-dhasho oo buuggu October. 2014 ifka u soo baxo.

Meesha kama saari karo in Ugaasku buugga magac iyo manfac ba u galay waana wax iska caadi ah. Maadaama maansooyinka buugga uu ku qoray ay boqol iyo dheeraad ahaayeen garashadaydu marna ba meesha kama saarayn in magaca Ururinta oo xuquuqdiisa ka mid ahayd gabi ahaan ba laga tirtiro.
Hadda haddaan u nimaad jawaab u helista su’aasha ah maxaa seegay Ugaaska?
Waxa at ila tahay ila tahay in ay Ugaaska seegeen in markii Djibouti la joogay uu yeelo sida uu abwaanku dan moodo kuna taliyo. Waxa aanan ku rajo weynahay in aanu Cabdi-Qays dheefta buugga ka soo baxda waxba ka yeesheen Ugaaska.

DOORKII BUUGGA EE CALI-GURAY IYO WAXA SEEGAY
Cali shaqada uu buugga ka qabtay aniga oo aan asaraar galinayn maansooyinka cusub ee aan Ugaasku buugga daabacaddii hore ku darinna og haddana sidaas oo ay tahay kaalintiisu waxa ay noqonaysay dib-u-habayn taasi oo aan u dhigmayn ururin. Horta labadooda midna qoraa maaha laakiin ogaalkayga waxa ay kala qaadanayaan, Ururintii Maxamed iyo Dib-u-habayntii Cali.
CALI GURAY MAXAA SEEGAY?
In uu mahadnaqa ku xuso Maxamed kaalintiisa shaqo ee buugga una daayo magacii ururinta. Isna uu qaato shaqada iyo magaca dib-u-habaynta. Taasi oo ah waxaanan iska odhanayne aan ku jaan-goynaya qaddarka shaqada buugga gashay iyada oo 100 maanso iyo wax la jira uu Ugaasku soo ururiyay 20 na Cali Guray.

CABDI-QAYS MAXAA SEEGAY?
Aniga oo ixtiraam iyo sharaf badan ba u haya Cabdi Aadan Xaad haddana waxa qabaa in aan nin habari dhashay hal seegi waayin. Sidaa darteed abwaanka waxa seegtay in aanu nabarka korka ka dhayine cid nasteex ah oo aan garabkan Cali Guray na ahayn, Ugaaska aan la safnayn oo dhex dhexaad ah in uu arrinta kala tashto dabadeeday qiimeeyaan mugga tacabka buugga galay, nooca khaladdada ku jira, sida dib luugu habayn karo iyo inta dhiman ee lugu dari karo. Ugu dambaynna ay uga talo-bixiyaan sidii loo kala xadaynayo shaqooyinka iyo kaalmaha ay kala leeyihiin Ugaaska iyo Cali Guray.

HAL-ABUURKA MAXAA SEEGAY?
Ragga ay ka mid ka yihiin Qoraa Boobe, abwaan Shaacir iyo abwaan Weedhsame oo saddexdoodu ba meesha ka hadlay iyana waxa seegay in ay xusaan kaalintii iyo shaqadii Ugaasku buugga ku lahaa taasi oo aan filaayo in aanay Cali Guray raali-geliseen. Hasa yeeshee, run qadhaadh oo loo baahan yahay ahayd. Haatanna way u furan tahay in shaqada buugga u kala madeeyaan labada qof ee kala ah Ugaaska iyo Cali Guray oo haddii u arkaan in Cali madihii ku soo xad-gudbayo runta u sheegaan.

SHIRKADDA DAABACAADDA EE SAGAL JET MAXAA SEEGAY?
Guddoomiye Cabdi Yuusuf Aar gef aad u weyn oo khayru-masuulnimo badani ka muuqato ayuu sameeyay markii uu bixiyay xuquuqdii “Soft copy-gii” uu Ugaasku u dhiibay wali ba xataa isaga oo aan ogaysiin.
Halkaana waxa ka muuqatay in uu yaraystay Ugaaska marka loo eego ragga “PDF-ka” ka soo doonay oo dhammaantood ahaa rag magac leh hasa yeeshee, arrintu mid dhaqan ma ahayne waxa la gudboonayd in uu yidhaa waxani shaqadayda ayay dhaawacaysaaye ii kaadiya aan Ugaaskii la tashtee.

Khaladkan mid ka weyn oo shirkad wax daabacdaa gabi ahaan ba gali karto anigu ma garanayo.

ANIGA OO CABDINAASIR AH MAXAA I SEEGAY?
Waxa anigana I seegtay qoraalkii aan bartayda Facebook ku baahiyay ee labada saddar ahaa aanan ku sheegayay in Cali Guray gafaf waaweyn galay uu ahaa gabi ahaan ba mid aan ku dagdagay. Qofkii ugu horreeyay ee arrintaa iga la hadlaana wuxuu ahaa Xuseen Badhaani oo ah nin aan saaxiibo iyo ilmaad ba nahay kaasi oo igu yidhi, way kuu furan tahay in aad buugga Gorfeyn ka samaysaa laakiin qoraalka sidan u kooban ee aan caddaymaha wadan waa khalad. Anna waan ka garaabay oo qoraalkii wax baan ka baddalay caawana waanigaa xusay in midkaasi I hoos maray.

MAHAD ALLE IYO MAGAN ALLE.

Kenya becomes third country to adopt world’s first malaria vaccine

$
0
0

Nairobi. Kenya on Friday became the third country to start routinely innoculating infants against malaria, using the world’s first vaccine to combat a disease that kills 800 children globally every day.

The vaccine — lab name RTS,S — targets the deadliest and most common form of malaria parasite in Africa, where children under five account for two-thirds of all global deaths from the mosquito-born illness.

Kenya joins Malawi and Ghana, which commenced their own pilot programs for the vaccine supported by the World Health Organization (WHO) earlier this year.

The vaccine will be introduced in phases across malaria-endemic parts of western Kenya near Lake Victoria, starting with Homa Bay, the country’s health ministry said.

“It’s an exciting time for Kenya as we roll out this vaccine in parts of the country where the burden of malaria is the highest,” Health Minister Sicily Kariuki said in a statement.

Also Read
Markets rally on growing trade hopes, ECB easing
Keep off Tanzania govt, Lugola tells ‘activist’ Musiba
UN support cuts women dependence in Tanzania, Algeria
WB passes $450m to boost human capital in Tanzania
RTS,S will be added to the national immunisation schedule in these areas, given alongside other routine shots for children under two.

The health ministry said 120,000 Kenyan children were expected to be vaccinated under the pilot programme.

The country has distributed insecticide-treated mosquito nets, fumigated homes and improved diagnostics in its fight against malaria.

But the disease remains stubborn. The health ministry says malaria claimed more than 10,000 lives in 2016, and infected millions more.

As in the rest of the world, children in Kenya bear the brunt of the disease.

Up to 27 percent of Kenyan children under five have been infected with the disease, the health ministry said.

“This vaccine represents an additional tool that will boost Kenya’s efforts in reducing malaria infections and deaths among children,” Kariuki said.

WHO says a child dies roughly every two minutes from malaria somewhere in the world.

– 30 years in making –

Known under its commercial name as Mosquirix, the vaccine was developed over 30 years by British pharmaceutical giant GlaxoSmithKline in partnership with nonprofit PATH and African research institutes.

It is the only vaccine to date to show a protective effect against malaria in young children, WHO says.

It acts against Plasmodium falciparum, the deadliest malarial parasite and the most prevalent in Africa, where illness and death from the disease remain high despite some gains.

The shots, administered over four doses, have been shown in clinical trials to significantly reduce cases of malaria, and malaria-related complications, in young children.

The vaccine prevented about four in 10 cases of malaria and three in 10 cases of the most severe, life-threatening form of the disease, within the trial group, WHO says.

Evidence gained from the vaccine pilot schemes could guide decisions about whether RTS,S is rolled out more widely in future, WHO says.

“This is the most advanced malaria vaccine that we have today. It has been in the making for the last almost three decades,” Dr Richard Mihigo, WHO’s co-ordinator of immunisation and vaccine development programme, told AFP before the Kenyan launch.

“Children are the most vulnerable group to this severe disease that is malaria, so protecting children can make a big impact in preventing malaria.”

The disease kills more than 400,000 people around the world every year. Of these about 290,000 are under five.

Most are in Africa, where more than 90 percent of the world’s malaria cases — and fatalities — occur.

Saudi Arabia shuts down about half of its oil output: report


Mid ka mida Kaadiirinta Kulmiye ugu Tunka waaweyn oo ka horyimi Jiritaanka & Qaranimada Somaliland

Daawo:Dr.Carabeyte oo si adag u duray,Eedo culculusna ku miisay General Nuux Taani,Kornayl Caarre & Hogaan-dhaqameedka Sanaag

Daawo:Xildhibaan shaaciyey in Tuug Gaadhigiisa xaday Lacag uu siiyey ku dhoofay,Qurbajoog ku noqday

Daawo:Kaftan Xasaasiya,Maxaa kala qabsay M/weyne Muuse Biixi Iyo Maayorka Burco Muraad

Warweyn:Daawo,M/weyne Muuse Biixi oo ka hadlay Mujaahid Axmed Mire & Sababtu Dalka uga maqan yahay

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live