Daawo: Khudbad Kooban:F.C.waraabe oo Arimo badan oo xasaasiya dul-istaagey.
Daawo:Khabiir Somailand u dhashay oo ku xeeldheer Xayawaanka oo shaaciyey in Shinbirihii Maydkooda Hargeysa la keenay & Kuwii la laayeyba aanay dad cun ahayn
Daawo:Xisbiga Waddani oo soo bandhigay Darasaad xasaasiya oo ay ku sameeyeen Miisaniyada Wasaarada Ciyaaraha S/land
Daawo:Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo ka hadlay Hantidhawr la geliyey Wasaaradiisa & Waxay ka dhex goobayaan
Daawo:Xildhibaan duray F.C.Waraabe & Xisbigiisa Ucid,Dawlada Jabuutina Xaal ka siiyey Eedo lagu saydhay
Daawo:Boqor Dawlada Jabuuti Xaal ka siiyey Eedihii F.C.Waraabe ku saydhay
Daawo:Nuxurka Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland+Arimaha lagu falanqeeyay
Daawo:Boqor Buurmadow oo xaal ka siiyey M/weyne Geelle & Xaaskiisa Eedihii F.C.waraabe ku Miisay+F.C.Waraabe+Basaboorkiisana
Faysal Cali Waraabe oo hambalyeeyay cidii ku taageertay cayda Jabuuti
Lamaane is qabay 15 sano oo ilmo loogu beeray Hargeisa Iyo cisbatalka Gargaar oo ka hadlay
Daawo:Nuxurka Khudbad Xildhibaan Ilhan Cumar u jeedisey Reer Jabuuti +Ujeedada safarkeeda Jabuuti
Daawo:Barnaamij xasaasiya oo lagu qaada dhigaayo Musuqmaasuq xasaasiya
Somaliland: The United States Rewards Failure in Somalia, Ignores Success in Somaliland | The National Interest
Madaxweynahii hore ee Somaliland oo mideeyay hogaanka dhaqanka ee Awdal
Xammaal-kii Wasiirka Noqday

“Xammaal-kii Wasiirka Noqday”
Magaciisu waa ” Qawdhan” Waa nin madoow oo qarro wayn, waa meel dhexaad oo da’diisu waa ilaa 45-sano jir. dhismaha jidhkiisu oo aad u dhisamay, Jimcsi kuma dhismin ee waxa jidh-kiisa dhisay waa xammaalka iyo xoogsigga dhididkiisa xalaasha ah ee uu suuq joogta u yahay si uu u dhacsado una dabbaro noloshiisa iyo tan qoyskooda.
Maalin kasta abaaro 1:30 duhurnimo ayuu shaqadan culayska badan ka rawaxaa isaga oo cidii dhinac marta ay qaaddo shurfta iyo qaaca qadhmuun ee kasoo hugmaya jidhkiisa iyo dhididka shaqadu ka keentay ee marka qorraxda lagu daro dhididku uu gadh-kiisa ka tif-leeyahay, dadka qaar aan dhugasho badan lahayni waxay moddaan nin maskaxda ka jirran lkn qofkii si fiican u fiirsha sawirkiisa guud markiiba wuu fahmi karra inuu yahay xoogsato, waa nin rabi u dhaliyay karti iyo hal-adayg shaqo.
Intaas waxaa u dheer inuu yahay wiil hoog farraha lagag gubtay oo dagaal badan, oo waa nin cadkiisa dhacsada oo aan nina ku wallaacin, dhawr jeer ayuu dagaal galay oo rag uu nabarro u gaystay isagana dil uma dhinayn, xagga hadalka aad ayuu u hadal qadhaadhyahay oo waa caytamaa oo af-xumo kuma yara marka uu xanaaqo. Maalin kasta cid ayay is khilafaan madaama oo ay shaqada xammaalku tahay mid cullus ilaa 3-gaadhi oo nooca candho-mayd laha ah” ayuu roggaa maalin kasta.
Dhawr jeer ayaa la isku khilaafay rasadda bariiska sida loo dhigayo oo uu mid xammaal ah feedh iyo hidh ku dal-dallay oo afku dhiigay, isagana la xidhay. bal maxaad qaan ugu galaysaa sida raso loo dhigayo aannad lahayn ayuu dhawr jeer ka qoomameeyay.
Duhurka marka ay gaadho waxa caaddo u ah inta u maydho “in uu labo mijood oo Qaad ah iyo sigaar “Baakidh rooyal ah intuu qaato” oo u tago meherrad yar oo bal-balo ah oo la dhaho (Xiniinyo Dabaddood) magacaas oo u dhigan inuu “Caay” yahay oo ku taalla meel dooxa agtiisa ah, inta badanna ay isugu yimadaan xoogsatada”xammaalka,dameerlaha,biyoolaha,nijaarka,iyo keeryoon-lahu waa meherrad yar oo dadkeedu cawlanyihin lkn waxa fadhiya rag xooggoda oo xallaal ah shaqaysta waxay dhammaan qaar dhacay “Hanti ummadeed” oo fiilooyin dhaadheer ku dhex quuta qurusyo xaraan ah, meherrada iyo dadkeedu ha iska cawladaan e, waa meel aad dareemayso inay jogaan dad noloshooda ku qanacsan, waxaad kale oo darreemi kartaa inay jirraan rag rabi ragnimo u dhaliyay oo waayaha iyo wkhtiga aduun xidhay balse indheergarad ah oo hasaawin yaqaan gollaha xigmada iyo sheekada ee qoodhu isku qallacdo.
Ninkani laftarkiisu ma xigmad xuma oo isaga laftigiisu waa nin ha iska xanaaqo e. oo waa geesi aan hadalka marrin-kiisa ka leexin waa nin akhyaar ah oo sedexda ina rag lagu xusho ay ku kulmeen waa Dood,dagaal iyo deeq waa nin xigmado gabayo iyo murti yaqaan ah inkasta oo bahal Qabyaalad la dhaho uu meel dhigtay oo faanka iyo baanista ay san-ka ka saaranyihiin inta badan wuxuu ku fannaa laan-dheere ayaan ahay. dee waa runtii oo xagga abtirsimadda waa beellaha ugu baddan somaalida ee ay ka dhasheen Haldoor,Ganacsato,Culimo,Aqoonyahan iwm lkn isagu noloshaas macanawiyan waa ka xammaal dhabarkiisa rarta.
Iminka wuxuu fadhiya booska u meherada ku leeyahay wuxuu xidhanyahay macawis iyo shaadh cas, waxa afka ugu jira taqsiin qaad ah waxa kale oo uu ku tiirsanyahay Birkin yar” oo casaatay oo aad arki karto in ay naddaafad ka suushay, gacanta midigna wuxu ku haystaa midh sigaar “Rooyal” ah oo intuu faanka reerka ku jiray kala badh dhamaatay, intuu hore usoo yar fadhiistay oo si xoog ah u jiiday sigaarkii ayuu yidhi :- hadii aan reerkaygu barigaa dagaalka galin inaan dalka la xoreyeen intuu raaciyay afarray uu oday adeerkii ahaa Qarnigii 20aad uu tirriyay.
Haa waa qabyaali lkn hadanna qoyska uu yahay waa u xeer-beegti aan gollaha lagaga dabo dhufan dagaal iyo gar-naqsi labadaba. Suldaanka beesha waa (Suldaan Qaac) isagana waa inmadeer tii rumma, suldaanku aad ayu ugu kalsoonyahay oo fiidka marka uu qaadka ka kaco ayuu ugu tagaa meherrada barraad ah oo shaaha caano geella ah laga cabo warka 8:00 fiidnimo laga fiirsado markaa warku bilaabmo ayaa muran-kuna istaadhmaa ” “waa saxanyahay madaxwaynuhu iyo wa khaldnyahay ayaa lagu raftaa” ciidaa iyo camaarka ka badan inta ay siyaasad ku murmeen ee uu afku ka xumaaday ee hadal qadaf ah iyo gaf kala gaadhay waar maxaa ka galay colaadda aad u galayso siyaasi aan ku aqoon ayuu dhawr jeer ku shawray.
Suldaan-ka ayaa dhowr jeer ku yidhi:- reer-ku nin adayg adiga ayaa ka dhashay adiguna aqoon ma lihid, xammaalkaas isagana iska dayn wayday hadii aad “Barrayfat” gasho oo afsoomiliga iyo ingilishka aad barto wasiir ka yar kamaan dhigeen oo musharaxa iminka dhowaan la dooranayo saxiibo ayaanu nahay.
Talladaas wuu u boggay runtii habeen-kii kama uu seexan inuu wasiir noqdo oo uu madax noqdo, waxa xaqiiqo ahayd in suldaanku uu mid hore u geeyay madaxwaynaha iminka oo uu agaasime u magacaabay. habeen-kaa il iyo baal isuma keenin ee soo jeed ayuu ku dhamaystay oo badh-go ayuu ahaa labo mijood oo aan biyo raacis lahayn ayuu qaadku kaga dhamaadday. meesha uu sexdaa waa meherrada yar ee uu ku qayillo ilaa guri malahe e. oo uu subaxii ka jarmaaddo habenkaas oo dhan dhaban ma dhigin ee meherrada yar horteedda ayuu ka muuqday gudcurka dhexdiisa isagoo jiiday oo qiijiyay dhawr xabo oo sigaar ah.
Subixii ayuu labo Buug iibsaday oo uu tagey barrayfat u dhow, halkaas oo looga bilaabay barashada labada Luuqadood iyo Xisaabta shaqdii xammaalkana wuu sii watay. Waa nin maskax fudud ee afsomaliga 4-bilood ayuu ku fahmay ingriisidana waa ku dhawaqaa ha iska jajabsadee mudo 7-bilood ah markii uu dhigtey ayaa waxbadani bilow u noqdeen oo uu buugaag gabayo iyo kuwo iskuul ah, ku dhex akhriyaa meeshii qayilaada iminka qolladan waa u aqoonyahay oo maalin dhawayd wuxuu sharaxayay xiligii jabuuti farnsiisku qabsaday qofka cilmiga Seef la bood-ka ku noqdaa “wuxuu caan ku yahay inuu ku murmo golle kasta oo uu dadka ku dawakhiyo inyar oo aan waxba uga danbayn” isaguna jidkaas ayuu qaaday oo waxa uu mar u ka sheekaynayay dhaqaallaha maraykanka(USA). maalin ayuu aad u sharaxay waxa uu yidhi:- “dhaqaalaha maraykanka iyo ganacsigu waxa uu ku korray cashuur lagama qaaddo, ganaciga oo dhana waxa maamulla shirkado shisheeye qudbad dheer oo uu qorraal ka khristay ay dad qoreen ayuu doodiisa udub dhexaad uga dhigay .waar iminka waxaan ahay nin siyaasi tagay ah arrinkaas rag badan oo qollada dameerlayaasha ah ayaa madax u ruxay inkastoo qoladdan xammaalka ilaahay murran ku saliday.
Bishii 12aad ayuu ka qalinjabiyay qaybtii hore ee waxbarashada gaaban oo uu xariif ku yahay qorrista afka somaaliga iyo xitaa ingiriisida iminka wuu joojiyay shaqda xammaalka oo waxa uu xisaabiye ka yahay bakhaar waana labista oo dhallaalka waad arki karta inuu so yar dooggay.
Habeen ayuu suldaan-ku soo wacay oo yidhi:- igu kaalay meheradii( budh la-duul) waa uu u yimi kawran waxbrashadii waxa la yidhi waxaad noqotay khabiir sare ee. Intuu qosol yar qac ka siiyay ayuu yidhi:- iminka mutacalin ayaan ahay suldaan.
Suldaan-ka oo show ay siyaasada isku seggeen siyaasiyiinta beesha ah oo ay kala danno noqdeen ayaa yidhi:- raggii aan hore u dhisay waa igu wacad fureen ee u diyaar garoow xil ayaan kulla raadinyaye “warkaas wuu ku farxay habeenkii hurdo muu ladin” Subixii suladaan-ka ayaa soo wacay inta uu raacay ayaa carwo la geeyay oo dhar suudh-ku boqor u yahay looga soo iibiyay kadibna timo-jarraha ayaa la geeyay oo inta loo xiiray ayaa wajiga loo dhaqay oo madoobbayso loogu qurxiyay timihiisa. Subixii xigay gaadhiga ayay kaxaysteen isaga iyo suldaanka iyo labo Oday oo kala ahaa Qaaje iyo qiiq ” oo ay sidaa madaxtoyada ku tageen, kullan mudo qaatay oo madaxwaynaha iyo dhexmaray odayda isaguna daawade ka ahaa waxa socda waxa la isla ogolaadday in beesha wasiir loo magacaabo ballan-tuna maalmo kadib ayay noqotay ,isaga iyo madaxwaynaha waa la is baray lkn wakhtiga ayaa cidhidhi iska ahaa oo xoghayaha gaarka ah ee madaxwaynaha ayaa magaca ka qoray.
Maalmo aanu hurdo ladin waxa dhacayaanna ay riyo la tahay ayaa soo dhafay oo uu rumaysan layahay ma wasiir ayaad noqon doontaa.
Maalin uu duhur yar seexday ayuu soo kacay oo mobilka oo (Silent) kaga jirray uu eegay mise waa 102-wacitaan oo ku tagaan mobilka waar maxaa dhacay yaab!.
Taleefan-ka oo dhacaya ayuu qabtay cod bushaaro ah ayaa kasoo yeedhay waar ma wasiir ayaa lagu magacabay yaa!. Hadalka ayaa igu dhaggay maxaad maqashay ?. waar magacagii oo macal naanasytii “Qawdhan”la socoto ayaan TV-ga ka maqlay.
Suldaanka ayaan wacay wuxu igu yidhi:-waxa laguu magacabay wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska waan farxay ilaa aqoon yarid ayaan isku oggahay ee waxan is idhi waar mallaha dhaqanka waad fahmi kartaa ilaa nin baadiye ku koray ayaad tahee, habeenkii xiggay aniga oo Suudh madoow ku dhex jirra iyo suldaan-ka ayaa madaxtoyada kulla caweeyay madaxwaynaha aniguna murti iyo xigmad waxaan maqlay ayaan madaxawaynaha ugu duurxulay hasawaha guudna ku qurxiyay hayeshee waxay ahayd maddal Suldaanku ugu mahdnaqayay madaxwaynaha.
Kullan casho ah ayuu ahaa ninyahoow!!.waxaan garanwaayay oo hilib shiilan aan ka gartay ayaan ku cashaynay aniga,suldaan-ka iyo Madaxwaynahu ilaa garraw iyo digir ayan cuni jiree macaankii waxaan arkay anigoo sixinigii dhinaca kasoo rafacay oo dhawr jeer farraha madaxwaynaha aan xuduudiisa hudhmo ku galay ceeb kale ma jirin cunto sidaa u macaan ayaanan hore u arkin, waxan arkay in madaxwaynahu uu ka yaabay cunto jacaylka iyo diifta aan soorta u qabo balse kaftan ayaan ku difaacday cuntaada aan sida xun ugu miir-beellay sida buugga jamacadda loo difaacdo oo kale .
Marka laga yimaado dhinaca cashada ee madaxwaynahu laftiisu ka yaabay sida aan farraha u leefaayay anigu laftigayguna waan iska yaabay!. Hadana xaga hadalka ,murtida,xigmada iyo xeelaaddaha hadlaka laga dheegto wuxuu ii arkay afmishaar aan laga libiqsan,wuxuuna ii arkay shaqsi muhiim u noqon karaa difaaca dannaha shaqsiga ah ee xafiiska wasarrada dhaqanka.
Subixii xiggay waxaan la wareegay xilka wasiirka waan arkay joornaalo lagu dhaliilayo aqoontayda lkn ma sii fiirin oo waxan darreemay niyadjab.qudbada u badan maahmaahyo iyo xigamado ayaan madasha xil-warreejinta ka idhi cidii ii fiirasta waa fahmi kartaa inaan ahay muqayil afmishaar ah.
Wasaarrada waxaan keenay dhowr xog-hayn ah oo iga caawiya qorrista iyo diyaarinta qoraalda xafiiska arrintaasna waxa iga caawiyay aqoonyahan aan isku hayb-nahay oo la dhaho “Gudcur” suldaan-ka ayaa yidhi:- la shaqee oo ninka hag aniguna waxan ahaa mikirifoonka hadla ee TV-yada ka sheegga qudbado loo diyaariyay.
Nin la haggayo ayaan ahaye wasaarrad ayaa shaqdeeda la dar-dar galiyay oo xog-hayayaasha iyo aqoonyah-nkii aanu isku beesha ahayn ayaa meesha hawsheeda si wanaagsan u wadda, hayadaha wasaarrada la shaqeeyana waa nalloo kala turjuma saxeexana aniga leh oo dhaqaale fiican ayaan hellay.
Marmar-ka qaar waxaan kala garanwaayi jiray in aan anigu xafiiska wasiirka ahay iyo in suldaan-ku meesha haysto, dhawr mashruuc oo loogu talo-galay in lagu dayactiro goobo dalxiis ayaa suldaanku jeebka ku shubtay gurrina waa ka dhistay
Markii kowaad qoyskayga ayaan aniguna gurri banggalo ah u dhisay aniguna waxaan dhistay mid kale oo qurux badan, gabadh cad oo aan is idhi mar waaba “Jin” intaan quruxdeeda ka yaabay!!. iyana waa la isiyay waar niyahow nolol macaan ayaan galay wax kale kuma garatid e.
Shaqaale cusub oo beesha aha ayaan qoray oo suldaanku soo xulay ,qaarn wasiiro aan saxiibo dhow noqonay ayaa wasarrada ay jogaan ku qorray. qaar beellaha kale ah ayaan meesha ka eryay, dhawr mashruuc oo wasaarrad soo gaadhay 3-meelood ayaan u qaybinay meel aniga ah oo aan bangiga ku shubtay iyo labo meelood oo midna wax yar lagu qabtay midna raga ila shaqeeya ayaa cunay oo dee labo yaryar oo xoghayn ii ahaa mid guri fiillo ah ayuu dhamaystiray bishan.
Ninyahoow noloshan aan galay waa aduun dhallaal badan oo uddug leh, dhawr sano ayaan xafiiska jooga oo hada ilbax ayaan ahay nolosha aan ku jiro waa mid aan riyo u arko wali ,quruxda aan yeeshay waxaan ka yaabay! habeen aan warka TV-ga iska daawday waxaan kale oo la yaabay af-tahimdayda mooji in dadku sidaas ii arko lkn waan iska yaabay uun.
Gurigay-ga quruxdiisa waad wareerraysaa dhallaalka xaaska iyo caruurta quruxda badan inta aan fadhiga tago oo aan TV-ga shito oo lugta midig ruxo ayaan hadallo macmacaan ugu yeedhaa xaaskagya “Filsan”gacaliso iyo macaan oo aan marna xusuus galaa anigo shub bariis ah xamaabrsan ama mid hadhuudh ah oo qalbigu i dubaaxiyaa.
Dhawr jeer ayaa la ii sheegay in rag i doonaya oo yidhi:-wasiirka saxiibo ayaanu nahay ay i rabaan blse waxan idhi:- ku dhaha ma joogo aniga oo Laabton i horyaalo farfaraynaya guriga laftigiisa ayaa ay xaasku ii sheegtay in rag si u yar diifaysan ay dhaheen wasiirka ayaan rabnaa blse xaaska waxay tidhi:- wuu maqanyahay :markiiba waan gartay inay kuwa iddoonaya yihiin saxiibadii aan xammaalka kawada shaqayn jirnay iyo dhawr dameerle waar ninyahoow armaa waxa lagugu sawiraa blse ninyahow waan kar-hayaa kulankooda oo wakhti badan ma hayo iyaguna shaxaad ayay kolay rabaan, waxaanse la yaabay barigii aan xammaalka ahaa waxaan ahaa nin deeqda caan ku ah oo muhani ah, iminka 100$ ee aan bixiyo ma iloobo oo waxaan rabaa inaan lacag hello si aan ganacsi wayn ama “shere”ula galo shirkaddo wadanka ka shaqeeya.
Afar sano iyo lix bilood oo aan xafiiska joogay waan ka gacan qabsaday oo maal ayaan yeeshay “Mood iyo Nool-ba leh” .waar ninyahoow sow xoolahani xaraan maah waar yeelko sow kuwaa wasiirrada kaleba wadanka boobaya dhulka oo uu yar xarxariiqay waxa maankiisa kusoo dhacday waar meesha adigu reerkiina ayaad ku joogta ee maxaa xarraanta keenay sow xaq reerku dalka ku leeyahay maaha? Mooji in hadalkaasi gar-yahay.
Waar iminka 4-sano macalin guri ayaa wax i barayay oo nin si fiican wax u fahma ayaan noqday, shahaaddoyin been abuur ahna waan samaystay, bari dhawyd ayaan ku biiray jamacadda oo aan marmar xaadiro waxanan bilaabay kuliyadda “maamulka iyo siyaasadda ” oo aan dhawaan ka qalin jabiyay iminkana waxaan shahaadada heerka labaad rabaa inaan ku diyaariyo si Online ah jaamacad ku taala “Malaysiya” waar iminka nolosha heer sare ayaan hiigsanayaa “hayaanka iyo hilinka aan ugu jirro hogaaminya dalka ayaan hilaadinayaa oo hayb iyo han-sare ayaan ku hiigsanayaa”.
Waxyaabaha xusuustay-da ah ee aan ka qoomameeyo waxa kamid dulmiyo aan galay oo qabyaalad darteed ah, waxan shaqada ka erayay labo dumar ah oo wasaarada nadaafad ahaan uga shaqayn jiray oo danyar ah waxaan badalkooda keenay kuwo beesha ah waxaan kale oo wasaarada ka eryay dhalinyaro badan oo wax baratay oo aan meesha ka hurgufay kuwo beesha ahna aan ku badashay. arrintaas beeshu aad ayay igu bugaadisay waxaan la igu tilmaamay halyay xaqa reerka soo dhicin karra.
Waxyaabaha aan la yaabay! waxa kamid ahaa in ganacsadihii aan bakhaarkiisa xammaalka ka ahaa labo wiil oo uu dhalay oo jaamacad dibada ah wax kusoo bartay inaan anigu shaqalaysiyay:-waxaan is waydiyay oo horta jaamacada dibada ma waxa ka nasiib roon barrayfatkiii yaraa.
Dhawaan qorashahaygu waa inaan xisbi iska sharaxo oo aan u tartamo hogaanka ugu sarreeya dadlkeena wadankana aan ku hogaamiyo siyaasad bisil iyo qorshe horumar wanaagsan u hoorseeda qaranka si sahankayga hayaanku u noqdo guusha ibbo furka u ah wadan-keena
Maanta waxa ugu wayn ee horumarkayga halkan keenay waa beesha aan ka dhashay oo iminka ii taqaan siyaasiga beesha gar iyo gardarro way i difacaan aniguna waxaan rabaa inaan awooda dalka gacanta u galiyo beesha sida illaha dhaqaalaha iwm.
Hadda wasiirku waa dhiigaystay oo waa ragga ugu xaragada roon gollaha wasiirada aad ayuuna is badalay oo muqaal ahaan qof hore u yaqaanay ma garan karro.
Waxa Qoray. Mustafe Axmed M Geedi-xaas
Wasiirka Qorshaynta Somaliland oo booqasho ku tagaaya Ingriiska
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Somaliland mudane Cabdirixiin Cismaan Cabdi(Shibiin) ayaa Todobaadkani socdaal kooban ku imanaaya magaalada London ee dalka Ingriiska, waxana dalka Ingriiska ka socota qaban qaabada xaflado lagu soo dhawaynaayo.
Wasiirka oo hawlo caafimaad u joogay dalka Denmark, ayaa ku sii jeeda dalkii kadib markii uu dhamaystay hawlihii caafimaad ee uu xagaasi ugu sugnaa taasi oo uu wasiirku ku laaban doono shaqadii uu qaranka u hayay, wasiirka ayaa lagu wadaa in uu sidoo kale socdaal shaqo u tago dalka Jarmalka halkaasi oo ay wararku sheegayaa in uu ka helay martiqaad, halkaasi oo uu uga sii gudbi doono Somaliland
Daawo:Weriye Cabdisalaan Hereri oo dirqi kaga baxsaday Daad,Gaadhisiisii Qaatey+Goobta & siduu ku badbaadey
Daawo:Oday-Dhaqameed Ucideysan oo lagu soo istaadhey Boqor Buur-madow
Dareen Gabay: jabuuti miyay noo maqan tahay mise way nagu maqan tahay?! By.Xildhibaan Hussein Ismail Yusuf.
Dareen Gabay: jabuuti miyay noo maqan tahay mise way nagu maqan tahay?!
Dareen gabay: Jabuuti miyay noo maqan tahay mise way nagu maqan tahay?!
Maanso Gabay: Magaca Maansadan waxa la yidhaahdaa: Dareenka Dadweynaha iyo Su’aal: D’Jibouti ma ii maqan tahay. Mise way igu maqan tahay?!

By: Xildhibaan: Hussein Ismail Yusuf.
Magaca Maansadu
Waa: Dareenka Dadweynaha DJIBOUTI MA II MAQANTAHAY MISE WAA IGU MAQANTAHAY
Dadweynaha reer Jabuutow
Walaal Dumar iyo caruur
“DAMAAD” baan soo qortee
Daroon Somaliland
Gabooyaha no da’weyniyo
Dir iyo Daarood ka yimi
Wixii Doodl-iyo Dacwana
Durriyaddaa ku daliilin
Walaal derisbaynu nahay
Dadbaynnu isugu xignaa
Dabkaynnu kala qaadannaa
Dunbay-su-gu keen xidhnayd
Daruuriyo Daad balaadhan
Degaankiyo doogga baxa
Duunyadu way wada Cuntaa
Dukaanaleey kulay ku tahay
Dadkuna waa wada degaa
Haasaawaha Diiraniyo
Barjaa lagu wada dekayn
Adduun weligii ma dego
Danqaabo lagama waayee
Haddii aan wax kuu dednayn
Intii Duniduba Dhisnayd
Difaacaagaan ahaa
Durrabaa ugu dambaysay
Haddaad Duc kaleba Diiddo
Walaal waa diinta iyo
Intaa Dersinimo Wanaag
Hayeeshee Daacad li’
Dareen-aba- baa I qalay
Distoorkiyo Dawladnimo
Markuu Calankii Dulbaxay
Markay timi daaha Fura
Dunidu ha-ku eegatee
Aqoonisga iigu deeq
Maxaad ii duudsidaa
Qalbigu ii diidayaa
Xaqayga ku deedafayn
Dedaalkii Dawladnimo
Xoriyad Doon Doonistii
Waxaan daafaha addoon
Dinahy-yee-yee-ya- yaan
Daluumaha hooseiyo
Daruuraha Kuugu koray.
(Wada-2) cell (2).
Wuxuu Dumar duunyo huray
Waxay dahab iibiyeen,
Dantoodii uga tageen
Dalaaqana ay dhaceen
Durbaan iyo daramal dhacay
Aduun weligii ma degin
Danqaabana lagama waayee
Haddii aan wax kuu dednayn
Intii duniduba dhisnayd
Difaacaagaan ahaa
Durraataa ugu dambaysay
Haddad Duc kaleba Diiddo
Walaal waa diinta iyo
Intaa derisnimo wanaag
Ha yeeshee daacad li’
Dareen- aba- baa I galay
Distoork-iyo Dawladnimo
Markuu calankii Dulbaxay
Dunidu ha ku eegatee
Markay timi Daaha fura
Aqoonsiga iigu deeqa
Maxaad ii duudusidaa
Qalbigu ii diidayaa
Xaqayga u deedafayn
Wixii Cadaw Duulimaad
Dul iyo hoos iigu dhigay
Dalkaba waydaari iyo
Dagaal duurka ha galee
Diloo booboo dhac iyo
Wixii Dabar gooyn I helay
Dawaadda arday lehiyo
Wuxuu Dilay Duubcaddii
Dulbuuxii la igu dhigay
Waxaan kaa doonayiyo
Waxaan kaa damacsanaa
Dubaaxdii kaama helin
Dul-qaad-keedaan-lahaa
Dagaal iyo Diri qadhaadh
Dab iyo Naar la iskua shiday
Ayaan doobi-gow cushoo
Ilaahbaan Daawo saartoo
Duuf-laal cadawgii ku diray
Ano dii-fay-sanoo
Bukaan Daran-yay-sanoo
Duleedkaagaa Fadhiya
Labaatan ku dhow Dednaa
Adoo Dawadii hayana
II diida Daryeelidiimm
(Wada-3). Cell (3).
Duunyana Xoolaan lahaa
Dux iyo kowl ii ahaa
Intii Dabar igu xidhnaa
Kuwiina Dareesatoo
Dallaa-llimo kuu hadhsade
Dabool dekadaydi saartay
Dagaal iigama ekee
Nabsaan kugu Deynayaa.
Aduun Weligii ma dego
Danqaabo lagama waayee
Haddii aan wax kuu dednayn
Intii Duniduba Dhisnayd
Difaa-caa-gaan ahaa
Daraataa ugu dambaysay
Haddaad duc kaleba diiday
Walaal waa diinta iyo
Intaa Dersinimo wanaag
Ha yeeshee Daacad li’
Dareen-aba-baa I galay
Distoor iyo Dawladnimo
Markuu calankii Dulbaxay
Markay timi daaha Fura
Dunidu Hay-din-eegatee
Aqoonsiga iigu deeqa
Maxaad igu duudsidaa
Qalbigu ii diidayaa
Xaqayga u deedafayn
Dul-waayeel Waa indhoo
Wadada Dib-u-uraaci-yiyo
Dantii Xamar by jirtaa
Waxad Dacar Qooshatay iyo
Waxaad dabin ii xidhaba
Duqayn hoosaad waddoo
Ilaahbaa iga Dulqaday
Darxumo waa naga dulhaadday
Diyaafadu aan dhigiyo
Damaashaad lagu Dikro
Dabaal-deggi waay Diyaar
Nabsaa kugu dayranoo
Xunbuli doo-yay-sanoo
Markuu dabarkiisa goosto
Intii uu damac-san-yahay
Daqiiqad ma daa-ya-oo
Dawaar kuu marin-yaqaan
Haddaan Dunjigayga sheego
Bal daymo-oo Duugga tegay
Dir iyo Daroodna weydii
Dagaal la iguma DIGTOO
Dabaal Cada-daadi mooyee
( Wada-4) cell (4)/
Anaan ku degdegin dad laa
Adduun weligii ma dego
Danqaabo lagama waayee
Haddii aan wax kuu dednayn
Intii Duniduba Dhisnayd
Difaac baan kuu ahaa
Darraataa ugu dambaysay
Haddaad Doc kaleba Diido
Walaal Waa Diinta iyo
Intaa Derisnimo wanaag
Hayeeshee daacad li’
Dareen-aba-baa I galay.
Distoor iyo Dawladnimo
Markuu Calankii Dulbaxay
Markay Timi daaha Fura
Dunidu Hay-din eegatee
Aqoonisga iigu deeqa
Maxaad ii duudsidaa
Qalbigu ii diidayaa
Xaqayga ku deedafayn
Nabsigu waa daabadoo
Sidii diinkuu socdaa
Dabaylii cad rogiyo
Daaraha Mowjada Dulmara
Duufaanbuu noqon-karaa
Dadkii Xalay doobyayee
Nicmada daac-daaca-yee
Daf iyo midhiq-daa ahaa
Dayaanku haddi u dhaco
Digiyo Dambays bay noqdaan
Dabeed Daasa-deey gurtaan
Ceeyoonbaa loo Dawari
Walaalow waa Dignin
Walaalow Waa dardaaran
Walaalow waa Danteen
Walaalow waa Dulxaadis
Dubii weynaa ma dhicin
Ogoobay waa Durriyad
Duudkii saadada ka baxay
Dulamaa laga galay D’weyn
Ducay Sacabada wadheen
Cirkay daalacan hayaan
Dareen Qudhabay direen
Allow Daayimow Allow
Walaal ii Daran Dawee
Da-wee-yoo Haddana dawee
Hadduu diidana Dullee.
NIN KUU DIGAY KUU DANEE
ADAA DAYN QABEE BAL DAYO
OO YAAN DOORKAA KU SEEGIN
By: Xildhibaan: Hussein Ismail Yusuf.
husseiniy@hotmail.com