Daawo:Xildhibaan denbile-qaran Ku sheegay Xil.Nasir Cali shire oo shaaciyey inuu ka qeyb gelaayo Xaflada Caleemo-saarka Axmed madoobe
Daawo: Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka S/land oo F.C.Waraabe ku sheegay Cilaaj (Ruux dhiman),Xildhibaan Nacnac & Ramaax-na…
Daawo:Faadumo siciid oo si adag uga hadashay Go’aan lidi ku ah Qaranimada S/land oo ay ku dhaqaaqeen Xildhibaano ka mida Guurtida & Barlamaanka S/land
War-weyn:Daawo,Golaha Guurtida Somaliland oo baaqey in la joojiyo Qaadka+Sababta keliftay
Wasiirka arimaha dibada ee Somaliland oo ka hadlay xidhiidhka Jabuuti Iyo wakiilkooda
Xukuumadda Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay in diblomaasiga ujooga Jabuuti Somaliland uu wax dacwad ah uga soo gudbiyay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe.
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Prof.Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti ugu horeyna isagoo ka jawaabaya waxaa ka jira dacwadan waxa uu yidhi “Haba yaraate wax dacwad ah oo ka dhan ah Faysal iyo Wakiilka Jabuuti ee Somaliland oo Xukuumad ahaan na soo gaadhay ma jiraan, labada dhinac iyo dhinaca kaleba midna kama hayno wax dacwad ah”.
Mar aanu wax ka weydiinay inay Xukuumad ahaan dalka ka saarayaan Wakiilka Jabuuti madaama loo soo jeediyey ayaa ku jawaabay “Faysal wuu hadlay wuxuu ku hadlayeyna waa la arkaayey, Wakiilku wax dambiya muu galin, sabab dalka aanu uga saarnaana ma jirto, kama saarayno, ee waxaa haboon in dacaayadaha la joojiyo, oo wixii khalad ah la joojiyo, umaddana yaan la khaldin, oo yaan wax kasta la buun-buunin”.
Mar aanu wax ka weydiinay cadaawada la sheegay inay Jabuuti u qabto Somaliland waxa uu ku jawaabay wasiirka arimaha dibadu “Jabuuti waa dal aynu jaar nahay, waa dal aynu walaalo nahay, waa dal aynu isku diin nahay, waa dal aynu isku dhaqan iyo isku afba nahay, wax badan baa inaga dhexeeya, xidhiidh ganacsi, xidhiidh nabadgalyo iyo xidhiidh iskaashi baa inaga dhexeeya, xidhiidhkii wacnaa ee hore inooga dhexeeyayna xidhiidh ka sii wanagsan baa hadda inaga dhexeeya, markaas dalka Jabuuti maaha dal inoo cadaw ah”.
Maamulka Putland oo soo dhaweeyay waftiga Somaliland ka socda ee tagaaya Jubaland Somalia
Daawo:Jubbaland Oo Iibsatay Diyaarad ay ku jebinayso Xayiradii Farmaajo duldhigay+Weftigay siday oo kismayo ka degay & Xoggo kale oo xasaasiya
Daawo:Cali Khaliif oo Muqdisho u baqoolay+Nuxurka Ujeedada Socdaalkiisa
Daawo:Xildhibaan abaabulayey Mashruuc Meel-ka-dhac ku ah Qaranimada Somaliland oo shaaciyey inuu ka noqday wixii uu wadwadey
Daawo: Xildhibaan F.C.Waraabe ku eedeeyay inuu M/weyne Geelle Nebi ku sheegay
Daawo:Nuxurka Kulan dhexmaray M/weyne Muse Biixi & Oday-dhaqameed+Ergo ka soo jeeda Beelaha Garxajis+Qadiyada Kornayl Caarre & Qaraarkii ka soo baxay Kulanka
Daawo: M/weyne Muuse Biixi oo soo bandhigay Xalka Colaada Ceel-afweyn
Daawo:Sidii Mayorka Ceerigaabo uga hadlay Qadiyada Kornayl Caarre & Siduu isu daad raaciyey
Daawo:Caaqil Sheegtay aasaaska Jabhada Kornayl Caarre,Soona bandhigay Arrin ay M/weyne Muuse Biixi isku ogyihiin
Ahmiyada La-jaanqaadka Somaliland & Isbedelka Tiknoolojiyada Isgaadhsiinta By Mohamed Hussein Khan
AHMIYADDA LA JAAN-QAADKA SOMALILAND EE IS-BEDDELKA TIKNOOLOJIYADA IS-GAADHSIINTA:
Gardaadinta Shirkadaha Gaarka loo Leeyahay iyo Gacan-Qabashada Dawladda
Qalinkii: Mohamed Hussein KHAN
6 Oct 2019 – Stockholm, Sweden
Email: mohamedali2020@hotmail.com
Hordhac Kooban
Xilliyadan tiknoolojiyada casriga ah ee ay maanta dunidu marayso waxa socda isbeddelo xidid-siib ah – is-beddelo si togan u saamaynaya nolol-maalmeedka dadweynaha. Waxayse isbeddeladaasi yihiin dhaxal-wareejin la mahadiyay oo qaybaha kala duwan ee nolosha inoo fududaynaya. Waa isbeddelo ku socda xawli iyo xawaare sareeya oo mar walba sidii hirarka badda si isdabo-joog ah u soo labo kacaya.
Wixii maanta cusbaayee laga dabo dhacay ayaa durbadiiba noqonaya calal duugoobay oo la tuurayaa. Wixii maanta la calmadee la deydeyey ayaa beritoba laga dookh-baxayaa oo aan kaamba la odhanaynin.


Bal akhriste, dib u yara milicso telefoonada koorta[1] (mobile phones) marxaladihii ay soo mareen arag ahaan, samays ahaan iyo farsamo ahaanba. Maanta halkay marayaan telefoonada koortu waynu wada og nahay: Koortii ugu horaysa waxa keliya loo adeegsan jiray ku hadal uun. Maantana waxa uu u dhalan-rogmay laab-salaax (smart phones) oo dadkii yar iyo weynba la wada salaaxayo. Dad wada fadhiya oo aan is laba hadlayn ayaad arkaysa oo mid waliba dhiniciisa u fooraro. Halkii laga soo hayaamay iyo halka maanta la marayaa waaba kaaf iyo kala dheeri.
Kobcinta Dhaqaale Xeebeedka – Dhaqaalaha Midab Cireedka (Blue Economy)
Qaaradda Afrika waxay ay leedahay xeeb aad u dheer oo dhereran 30,500 km. 55ka dal ee qaaradda ku yaala, 39 ka mid ah ayaa xeeb leh (71% ku dhowaad ¾ ama 4tii dalba 3 ayaa xeeb leh). Xeebta ugu dheer waxa leh Jasiiradda Madgaskar (4,828 km); ta ugu gaabanna DR Congo (37 km). Afrika waxa ‘edeg-ku-jir-ah’[2] (landlocked) oo aan xeeb ba lahayn haba yaraatee 16 dal (29%).
Somaliland waxa leedahay xeeb dherekeedu yahay 850 km. Waxa ka xeeb dheer 15 dal oo keliya (38.5%), waxaany ka xeeb dheer tahay 24 dal (61.5%) oo u dhiganta in ku dhow 2/3 (saddex daloolkiiba labo). Marka tiradaasi lagu daro dalalka ‘edeg-ku-jirka-ah’, 40 dal oo Afrika ku yaala ayay Somaliland kaga hodansan tahay xagga xeeb-dheerida (72.7%) taasi oo haddaynu si kale u dhigno u dhiganta ku dhowaad ¾ (afartii daloolba saddex).
Qorshayaasha horumarineed ee caalamka siiba dalalka soo koraya waxa hadda diiradda xoog loo saaraa ka faa’iidaysiga khayraadka badda oo si
Dalalka Afrika een xeebta lahayn
gaar ah dhaqaalahooda loo kobciyo. Waxa loo curiyaa fikrado horumarineed oo aan hore u soo jiri-jirin (innovative). Erey-bixin cusub ayaa dhaqaalaha badaha loo unkamay si loo gardaadiyo. Waxa loogu wanqalay ‘dhaqaalaha midab cireedka’ (blue economy). Waa xeelad gacan-qabasho iyo dhiiri-gelin gaar ahaaneed oo looga jeedo in aan dhaqaalahaa cusubi curdin-dhadhin oo aanu ku dhex milmin dhaqaalaha guud ee soo jireenka ahaa.
Horumarka Tiknoolojiyada Isghaadsiinta ee Shirkadaha Maxaliga ahi ku Talaabsadeen
Saddex shirkadood oo maxali ah ayaa maanta dalka ka jira: SomTel waxa dhidibada loo taagay 1998kii, TeleSom-na 2002dii, SomCable-na 2009kii[3]. Saddexda shirkadoodba – haba kala badsadaane hana kala horeeyeene – waxay qayb libaax ka qaateen horumarka is-gaadhsiineed ee ay Somaliland maanta ku naalooto. Sumcad weyn iyo magac meel mar ah ayay Somaliland ku leedahay shirkadaha caalamka ee is-gaadhsiinta. Haybaddaa waxay ku hanateen horumarka ay ku talaabsadeen iyo guulaha ay gaadheen shirkadaheenaa adduunka hormuudka ka ahi.
Haddii aynu si aad u kooban sii faahfaahinno guulahaasi kuwa indhaha soo jiitay waxa ka mid ah:
- Bill Gates (mulkiilaha MicroSoft ahna maal-qabeenka 2aad ee adduun-weynaha) ayaa shirkadda TeleSom iyo adeegga Zaad ku xusay hadal uu jeedinayay kuna amaanay shir caalamiya oo ka dhacayay magaalada Boston (USA) 2004tii.
- Guddoomiyaha TeleSom Abdikarim M. Eid[4] ayaa 2018kii ku guulaystay billad-sanadeedka AfricaCom ku maamuusto laguna dhiiri-geliyo is-gaadhsiinta Afrika. Waa billad-sharafeed huwan marag-kac, magac iyo maamuus caalami ah.
Xawilaadda Lacagaha ee Telefoonada Koorta[5] (mobile phones)
Hawlaha lacago ku diridda/kaydsashada ee telefoonada koortu maanta adduunka way ku faafeen waxayan ku yeesheen dhaqaale kobcin togan. Ogowoo, 11 sanadood ka horna mabay jirin haabkana lagumaba haynin.
Dalalka aanay ka jirin baananku amaba ay ku yar yihiin sida dalkeena, adeeggaasi waxa uu noqday sime dadka oo dhan wada sima – adeeg uu qofkuba kaga maarmi karo inuu baan xisaabeed yeeshaba. Adeeggan koortu waxa uu u fududeeyay lacag diriddii, kaydsashadii iyo biil-bixintii intaba. Qof heleya adeeggaasi ‘asaasiga ahi (basic) muxuu uga baahan yahay baan inuu xisaab ka furto? Addeeggaasi ay koortu ibbo furtayna waxa uu aad u anfacay dadkii aan wax qori karayn oo ka maarmay jeeg qoristiiba.
Adeeggaasi casriga ah waxa adduunka gadhwadeen iyo calan-sideba u noqoday dalka Kenya. Shirkadda is-gaadhsiinta ee SafariCom ayaa sannadkii 2007dii daah-furtay adeegga lacagaha ee M-Pesa. Curad-xigeenkiina waxa uu noqday dalka Somaliland oo sannadkii 2009kii isna baalasha la kala baxay. Shirkadda TeleSom ayaa daaha ka rogtay adeegga Zaad ee manta miyi iyo magaaloba la wada mahadiyay.
Koor-xawilaadda lacaguhu maanta Afrika si qumman ayuu uga hano qaaday. Cilmi-baadhis la soo bandhigay Ogost 2018kii waxa lagu shaaciyay in dadka reer Kenya ay Afrika ku hoggaaminayaan koor xawilaadda lacageed (58.4% oo macanaheedu yahay 10kii qofba, lix ku dhowaad baa adeegsada). Waa la yaabe waxa ku xigta Somaliland (37.1% oo macnaheeda yahay 10kii qofba wax afar ku dhow ayaa adeegsada).
Sida kor ku xusan, adeeggan cusub daah-furkiisa Kenya ayaa curad ka ah, Somaliland-na waa curad-xigeen. Xagga boqolayda (%) isticmaalka dadweynaha dalalka Afrika haddana Kenya ayaa curad ah, Somaliland-na waa curad-xigeen. Waa mucjiso ay Somaliland ku talaabsatay.
Waxa iayan jirta oo xusid u baahan cilmi-baadhis 2014kii si gaar ahaaneed iyana lagu sameeyay isticmaalka ZAADka waxa lagu xaqiijiyay in uu celcelis ahaan qof waliba Somaliland uu adeegsado ZAADka 30 goor bishiiba taasi oo aad uga saraysa isticmaalka adduunka oo wakhtigaasi ahaa 8.5 bishiiba. Taasi waxay muujinaysaa in addeeggaasi meel muddakar ah uu kaga jiro nolosha iyo ganacsiga Somaliland.
Xogahaa kala duwani waxay ka marag-kacayaan sida ay Somaliland uga mudhay dalalka kale ee Afrika iyo adduunka kaleba ee ka dhaqaalaha iyo awoodaha badnaa. Waa xogo muujinaya qaan-gaadhnimada horumarka is-gaadhsiineed ee ay Somaliland ku talaabsatay. Guulaha la filan karo ee soo socdana, weli fari kama qodna haddii aynaan inagu dawlad iyo shacab ahaan is habran isna hagran.
Fursadaha Dahabiga ah ee Berbera ku Geedaaman
Fursad badan oo dahabi ah ayay Berberi haystaa – waa haddii aynu garanno in aynu goosanno midhahaasi soo laalaada.
Fursadaha is-barkan ee deegaanka Berbera ku suntan yahay haddaynu qaarkood taxno waxay yihiin:
- Deked dabiici ah oo joog dheer kuna taala goob si quman ugu beegan badhtamaha Somaliland si toos ahna ugu adeegi karta badhtamaha Somalia iyo bariga/koonfurta Ethiopia-ba.
- Bad dihin oo dheer oo la butaacaysa kaluumo noocya badan oo looga jilaaban karo si fudud -waa haddii si lexe-jeclo leh loo maareeyo jilaabashada kaluunka
- Deked casriya oo la balaadhinayo oo tartan adag la geli doonta dekedaha gobolka ku yaala
- Garoon diyaaradeed oo aad u dheer
- Marinka Berbera (Berbera Corridor)[6]
Xogo ku saabsaan garoonka Berbera: Xagga dhererka dhabbaha ay diyaaraduhu ka haadaan, garoonka Berberi waxa uu cidhiidhsaday kaalinta 11aad madaarada Afrika kuwa ugu dhabbaha (runway) dheer. Gobolka Geeska iyo Bariga Afrikana, Garoonka Bole (Addis Ababa) ayaa ugu dhabbo dheer (4,725m), Berberina kaalinta 2aad ayay ku jirta (4,140m). Waa kaalin mug leh oo ay Berberi ku guulaysatay.
Xuddun-xidhka Xadhkaha Fiber Optic-ga (Fiber Optic Cable Termination Station)
Waxaynu ka wada war qabnaa in aanay Somaliland lahayn xuddin-xidhka xadhkaha (Cable Termination Station) ee Fiber Optic-ga badaha hoos mara. Adeeggaasi lagama maarmaanka u ah horumarka iyo koboca dhaqaalaheena waxa la inooga soo talaalaa dalka Djibouti ee aynu jaarka nahay. Waxase dhowaan inagu soo fool leh fursado la xidhiidha xuddin-xidhka xadhkahaasi oo u baahan in aynu isha ku hayno si xilkasnimo iyo wadanimoba lehna dalka iyo dadkaba looga faa’iideeyo. Waa fursad ahmiyaddeeda leh oo ah and guud oo aan la yaraysan karin.
Xadhigga badda-hoos-maraha ah (subsea cable) ee loogu wan-qalay magaca DARE (Djibouti Africa Regional Express) waxa uu badda hoosteeda daadsan yahay 5,400 km. Sida ku cad khariidadda, waxa
loogu talo galay in uu isku xidho marsooyinka Geeska iyo Bariga Africa ee kala ah Djibouti-Berbera-Bossasso-Mogadishu-Mombasa (Dar es Salaam-na waa la hadal hayaa).
Lahaanshaha xuddun-xidhka (Cable Termination Station) waxa uu udub-dhexaad u yahay jiritaankeena dalnimo iyo qarannimo. Waxa uu lagama maarmaan u yahay koboceena dhaqaale, difaaca dalkeena, ganacsigeena iyo xidhiidhadeena caalamiga ah.

Xigasho: Connecting Africa: The Community
for the Architects of Africa’s Digital Future.
Xuddun-xidhku waa arrin khuseeya nabadgelyada guud ee waddanka (National Security Issue). Sida aan ciidmada aminga dalna uga maarmin, dal bad lihina sina ugama maarmo inuu yeesho xuddun-xidh uu si madaxbanaan oo aanu cidna marti uga noqon maamulidda danihiisa istraatijiyadeed. Dalna dal kale si kasta ha u lahaadaan xidhiidh sokeeye ehe uma dabo fadhiisto nabadgelyadiisa. Xuddun-xidhkuna maanta waxa uu noqday arrin amniga qawmiga ah si toosa ah u saameeya.
Haddii aynu daacad ka nahay higsiga dalkeena ee taabanaya dhinacyada horumarka, dhaqaalaha, ganacsiga, amniga iyo haybaddaba, Somaliland waa in ay yeelato xuddun-xidh u gaar ah. Sina ugama maaranto. Geel jire geela waanu wada jirtaa, waanuu kala jirtaa.
Gunaanad
Horumar isgaadhsiineed (telecommunication) oo uu caalmaku majiirto ayay Somalilandta ku talaabsatay – waa Laandta curdinka ah ee aan caalamka cidina ka gardaadini, cidina aanay gacan qabani. Waa horumar lagu sheego mucjiso iyo u-qaadan waa uu dal aan aqoonsi haysani kaga roonaaday dalal ka dhaqaale iyo aqoonba badan.
Koboca dhaqaalaha dalkeenu (iyo kan dalalka kaleba) sina ugama maarmi karo horumarka is-gaadhsiinta. Horumarkaasina isna kama maarmo xadhkaha xuddun-xidhka (Cable Termination Station) la soo qotonsho dekeddeena Berbera. Sina uguma haqab-beelayno xuddun-xidh aan edeggeena ku jirin oo aynaan si buuxda uga talin dal ahaan. Horaa loo yidhi ‘biyo gacmahaagaa lagaga dhergaa’.
Shirkado, shacab iyo xukuumadba waxaan ku boorinayaa in si wada jir ah looga hawl galo sidii ay Somaliland u yeelan lahayd xuddun-xidhka xadhkaha fiber optic-ga ah oo ay hantideeda iyo taladeedaba leedahay. Waxaan qabaa haddii ay Berberi isku darsato casriyeeynta/weenaynta dekadeeda, marinka Berbera (Berbera Corridor) iyo xuddunta xadhigga fiber optic-ga inay noqon doonto deked la tartanta dekedaha ku yaala marin-badeedka Geeska iyo Bariga Afrika.
Danta guud ee dalkeenu waxay ku jirtaa in guntiga loo wada xidho sidii loo hanan lahaa xuddun-xidhista Berbera. Higsigeena koboc-dhaqaaleed iyo horumarineed ayaan sinaba uga maarmin. Horumarka aynu dal ahaan higsanayno ayaa rumoobi lahaa haddii aynu ka faa’iidaysano fursadaha inagu xeeran.
Shirkadaha is-gaadhsiineed ee gaarka loo leeyahay si xilkasnimo leh ayay u gardaadiyeen horumarinta tiknoolojiyadda ee Laanta. Magac iyo manfac ba dalka way inoo soo hooyeen. Maanta waxa loo baahan yahay dawlad u hiilisa – dawalad daadihisa oo gacan qabata si guulahaasi aanay u xagal daacin. Waxay u baahan yihiin HIIL QARAN!!
Dardaarankaygu waa danta guud ha laga hormariyo danaha gaarka ah. Berbera garba-duub xidhnaanta aan ka dayno. Aan u wada gurmanno hiil bay inooga baahan tahaye. Ilaahaw labo taloba tii roon.
Wa bilLaahi tawfiiq.
[1] Ereyga ‘koor’ ayaan ka door biday isticmaalkiisa ereyga ‘moobil’ oo ah af qalaad. Koorta waxa loo xidhaa geela si dhaqdhaqaaqiisa loola socdo. ‘Koortana’ (moobilka) waxa loogu baaqaa qofka si loo xog waraysto.
[2] Akhriste bal isku day inaad ereyga ‘landlocked’ ee aan ku erey-bixiyay ‘edeg-ku-jir’ la timaaddo erey kaga habboon. Inta aan ogahayna ma jirto hay’ad xukuumiya ama mid madani ah oo u xilsaaran ama isu xil-qaantay erey-bixinta af Soomaaliga. Afkeenu hubaal waa hodane, inagaa hagrannay.
[3] Xogahaasi waxaan ka helay baadhidda Google search. Maadaama aan maqaalakani ahayn cilmi baadhis, xogahaasi sugnaantooda maan hubin kumanaan samayn dabo-gal. Maqaal waliba waa muhimaddiisa.
[4] Abdikarim M. Eid waxa lagu maamusay guulaha la yaabka leh ee ay hoggaamintiisu u soo hoysay “Africa Digital”. Helidda billadda iyo qaddarintaba Abdikarim waxa uu u galay tartan adag waxaanuu kaga guulaystay guddoomiyayaal badan oo Afrikada kale ah. Waa magac iyo maamuus iyo weliba “ictiraaf” dadban oo u soo hoyday Somaliland.
[6] Marinka Berbera waa waddo qorshaysan oo isku xidhi doonta Somaliland iyo Ethiopia. Waxa isku xidhmaya marsada Berbera iyo magaalo-xuduudeedka Wajaale oo uu gaadiidku uga sii gudbo doono dhinaca dal-weynaha Ethiopia.
Maxaad ka taqaanaa farta Faraaciintii reer Masar

Prof. Maxamed Siciid Gees – Qaybtii 1aad – Ankara
Fartii hore ee ay isticmaali jireen Masaaridii hore waxa lagu magacaabay; “Hieroglyphic.” Magacaas oo ka soo jeeda Afka Giriigga oo la micno ah; “Fartii Barakaysnayd – The Sacred Writing.” Haddaba, Khawaajiyaashu waxay daah-fureen fartaas sawirka ah. Waxa libta daah-furka fartaas la siiyey oo loo aqoonsaday inuu horseeday aqoonyahan Faransiis ah oo la odhan jiray Shambiloon (Champollion) taariikhdu markii ay ahayd sannadkii 1822kii, iyaga oo dadka Carabta ah ee Masar ku noolaa ay fartaas u yiqiineen; “Sixir.”
Daah-furkaasi waxa uu dhalliyey in la akhriyo sawirradii ku xardhanaa buuraha la dhisay ee ay ka tageen Masaaridii hore ee la yidhaahdo Ahraamta Afka Carabiga ama Pyramids Afka Khawaajayaasha. Waxa kaloo la helay xabaalahoodii iyo wixii ku qornaa.
Magacyada waxyaabihii shirkiga ahaa ee ay caabudi jireen ee ay Ilaahyada u yaqaaneen
Magacyada Boqoradoodii iyo
Guud ahaan nolosha ay ku noolaayeen Masaaridii hore
Waxa afkaas dhintay ee aan cidi ku hadlin hadda raad-raac loo cuskaday markii la macneeyey Afka Qibdiga oo ku kooban qoraalada Kiniisadda Qibdiga ah iyo Afka Yuhuudda iyo Carabiga. Afafka Afrika lagaga hadlo cidi ma adeegsan, waayo Khawaajayaashu ma aqoon, aqoonyahan Afrika u dhashay oo hawshaas galayna ma jirin ilaa Sheekh Dayib oo dalka Senegal u dhashay uu ku hambaabiray markuu dhexgalay badhitaanka Afkii hore ee Masaarida oo uu arkay in afka laga hadlayaa uu yahay af Reer Afrika ee aannu Yuhuud iyo Carab toonna shaqo ku lahayn.
Isagu waxa uu afkii hore ee Masaarida ula kacay:
Dhinaca Galbeedka Afrika,
Dhinaca Bariga Afrika
Ciddi iskuma deyin inay hawsha ka baraan-degto isirka afkii hore ee Masaarida iyo xidhiidhka u la leeyahay afafka lagaga hadlo dhinacan Afrika.
Haddaba, waxa xeel-dheerayaasha afkii hore ee Masaaridu is la qaateen tiro sawirro ihi inay u taagan yihiin xarfaha fartaas hore, kuwaasoo hoos ku muujisan:
Marka sawirrada iyo dhawaaqa xarafaha ay u taagan yihiin la eego, waxa muuqanaya in sawirku uu ereyga uu Afka Soomaaliga ku yahay uu ku bilaabmo xarafka Fartii Masaarida hore. Qaar badan xarfahaas ka mid ah ayaa sawirka ay xeel-dheerayaashu ku micneeyey waa erey Afka Soomaaliga ka mid ah oo ku bilaabma shibbanahaas ay u adeegsadeen inuu sawirku u taagnaado Masaaridii hore ee alifay fartan la yidhaahdo Hieroglyphic.Beenaw ma af, Af-Soomaaliga u dhaw ayey ku hadli jireen.
Waxan qoraalka ku soo qaadayaa sawirka xeeldheerayaashu u qaateen inuu u taagan yahay shaqalka A, iyada oo la isku raacay in fartaas hore ee sawirrada ihi aanay shaqalo ama xarako codayn lahayn. Balse, shaqal u ekeyaasha (Semi Vowels. Sida; W, Y,) loo adeegsado shaqallo
W: o, u.
Y: a, e, i.
Xeeldheere Allan Gardiner oo qoray naxwaha afkii hore ee Masaaridda waxa uu yidhi; “Sawirka A loo qaatay waxa uu ahaa shibbane fudud oo lumay. Taas oo ah ma aha sawirku A.” Haseyeeshee, ma sheegin shibbanaha lumay waxa uu ahaa.
Xeeldheere E. A. Wallis Budge oo qoray qaamuuska afkii hore ee Masaaridda iyo Af Ingiriiska toban erey oo uu afkaas ka soo qaatay oo uu ku dooday inay ka soo jeedaan Afkaar iyo af Afrikaan ah ayaan soo qaadanaynaa laba ka mid ah oo ku bilaabma xarafka A, sida ay ku sheegeen xeeldheerayaasha Reer Yurub (Khawaajayaashu).
Dadkii hore ee Reer Masar iyo Reer Ciraaq (Sumeria) labada ilbaxnimo ee ugu da’weyn aataarta iyo taariikhda ee la yaqaan oo 5000 (shan kun) oo sanno ku simman. Waxa Haadka loo yiqiin inuu dadka marka ay dhintaan uu nafta qaado oo duni kale geeyo.
Aataar dhowaan laga helay Turkiga oo lagu qiyaasay inay jiray 10,000 (toban kun) oo sanno oo laba da’weyn ilbaxnimadii hore uu soo sheegnay, ayaa iyana lagu arkay sawirrada haadka, meeshaas oo loo maleeyey xabaalo-wadareed.
Soomaalidu marka ay arkaan haad dhacaya (haad duulaya) waxay u qaateen in geeri ama meyd uu meesha jiro. Haddii guri uu Haad dul dego waxa loo yidhaahdaa; “Geeri ayuu sheegayaa.” Ereyga Haad waxa uu ka soo jeedaa had oo ah geeri. Maxaa kuu baxday Boowe. Haad micnahiisu waa; “Geeri.”
Dib haddii aan ugu soo noqono fartii Hieroglyphic ahayd, xarafka A waxa lagu sheegay Haad Ana had. Waxa markaa muuqanaysa in xarafka aannu ahay A ee uu yahay H. Magaca Sawirka oo Haad ama had ah oo H ku bilaabma.
Haddii aan haddaba ku noqono labadii erey ee xeeldheere Budge ka soo qaadanay, kuwaasoo ah:
AB = (heart) wadne iyo
BA = (good soul) nafta karaamada leh.
Marka sida aan hore u sheegnay sawirka loo qaato H ee aan loo qaadan A sida ay hadda tahay.
Ereyga koowaad waxa uu u qormayaa: HB.
Ereyga labasdna BH.
Haddii la codeeyo ama la xarakeeyo, ereyga hore waxa uu noqon karaa (HABI). Habi Afka Soomaaliga waa Wadnaha. Bal heestan eeg;
Abdiyaw habi laawe lo’daadan harraadan……
Waa cabdiyaw wadne-laawe.
Ereyga labada isna marka la codeeyo ama la xarakeeyo waxa uu noqonayaa (BAH).
bal eeg weedhan’ “Bahdii ayaa laga qaaday sidii loo dhibayey.” Karaamadii ayaa laga qaaday ama naftii fiicnayd ahaa laga dilay. Waxa kale oo jira ereyga waa la bah-dilay oo ah karaamadii ayaa laga qaaday. Ereygan Carabta ayaa ergisatay.
Xeeldheere Budge labadii erey ee hal-dhawaaqle (Monosyllabic) ahaa ayuu Af Reer Afrika inay ka soo jeedaan ku dooday, haddaba afka ay ka soo jeedaan waa Soomaali marka sawirka la qaato ereyga u yahay ee “HAD.” Xarafka uu tilmaaamayo uu yahay “H.”
Waxa Masaaridii hore Ilaahyadooda ka mid ahaa sac dilaa ah oo meydka marka la xisaabayo joogaa oo la yidhaahdo; “Hadhor.” Waa sida ay u qoreen xeeldheerayaasha Afkii Masaaridii hore. Waxa muuqata in magaco yahay Had hore oo ah dilaaga koowaad, balse waxa hadda la oggolaaday in Lo’da meeshii ugu horreysay ee lagu qabtay ee lagu xooleeyey ay ahayd Geeska Afrika ee aanay ahayn (Asia) Eeshiya. Arag sawirrada Laasgeel.
Dhinaca kale, Masaaridii hore, waxa Ilaahyadii shirkiga ahaa ee ay caabudi jireen ka mid ahaa Haad isna la odhan jiray; “Had-hore,” kaasoo markii dambe hore loo soo gaabiyey. Haadkaas oo galaydhka iyo jaadkiisa la mid ahaa, dharaarahan Baqaye ayaa carruurtii guranaya. Beenoow ma bakaylihii ayaa dabar go’ay uu ku noolaa.!
Waqooyiga Hargeysa waxa jirta tuulo beeraley ah oo doox leh, waxaanna meeshaas la yidhaahdaa; “Hore-haadka.” Bal ka warran haddii ay is-dhaafeen labada erey sida dhacda inta badan afka aan qornaan jirin sida GuriCerl iyo CeelGuri, oo uu magaco ahaa Had-Hore!
Haddaba, dilaaga koowaad muxuu ahaa ma dadka dooxo soo mara oo dhibaato ku ahaa meesha, mise waa meelihii lo’da lagu qabtay. Bal adba! Si kastaba ha ahaatee, Soomaalidu weli waa la sii baxdaa magacayada (Hure, Hoori, Huruse iyo Horod) la micno ah; “Kii koowaad.”
Giriigga ayaa magacyadoodu Xarafka “S” ay badi ku dhammaadaan, sida darteed magacyadii Masaarida waxay gadaal kaga dareen xarafka “S.” Markaas waxaad arkaysaa “Horus,” halkii hore ama hoori noqon lahayd.
Daawo:Suldaan Si adag u duray F.C.Waraabe & Ramaax,Raaligelina siiyey Geellaha Jabuuti & Xaaskiisa
Cabdi Xariir Cali iid oo Ku geeriyooday magaalada Hargeysa

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAJACUUN.
Waxa magaalada Hargeysa ku geeryooday X. CABDI XARIIR CALI IID oo ka mid ahaa odayaashii kaalinta wayn ka soo galay dhamaan taariikhda somaliland, Ganacsade, Oday dhaqameed nabad taliye ah oo caan ku ahaa run sheegnimo, daacadnimo iyo hadal cadaan.
Marxuunku waxa uu ku dhashay agagaarka degmada daroor, goobta loo yaqaano Shabeel – duulaa ee kililka shanaad ee somalida ethiopia.
Marxuun wuxuu dhashay sanadkii 1925kii.
Marxuunku waxa uu ka mid ahaa Odayaasha caanka ah ee reer hargeysa.
Marxuunku waxa uu ifka kaga tagay 73 qof wax uu dhalay iyo waxa ay sii dhaleenba.
Marxuunku waxa uu kaalin culus ka soo qaaatay xorayntii dalka iyo nabadayntiisiiba.
Waxa marxuumka lagu aasi doonaa maalinta beri salaasada 9ka subaxnimo lagu aasi doonaa xabaalaha halayo, waxana marxuunka laga qaadi doonaa guriga bashir abdi xariir oo ku yaala xaafada new hargeisa gaar ahaan saldhiga new hargeisa dhabarkiisa dooxa qarkiisa koofureed halkaas oo marxuunka lagaga tukan doona masaajidka tabliiqa ee new hargaysa.
African Development Bank and partners launch pilot Cities Diagnostics tool in five cities
African Development Bank and partners launch pilot Cities Diagnostics tool in five cities
The tool includes key environmental and urban sustainability indicators as well as disaster risk and vulnerability, and urban footprint growth
Abidjan, Cote d’Ivoire, 7 October, 2019 – “The urban opportunities far outweigh the challenges,” said Prof. Davis G. Mwamfupe, the Mayor of Dodoma, Tanzania, during his message to the Cities Leadership workshop, launching the City Diagnostics for five pilot cities in Africa, held on the 25th and 26th September 2019 in Abidjan.
Five cities were chosen for the pilot phase of the Cities Diagnostics for 2019 -2020: Antananarivo (Madagascar), Bizerte (Tunisia), Conakry (Republic of Guinea), Dodoma (Tanzania) and Libreville (Gabon) and were represented by their respective authorities.
The African Development Bank,the Urban and Municipal Development Fund (UMDF) and the Korea Africa-Economic Cooperation (KOAFEC) organized the workshop to review the cities diagnostic methodologies with city managers and international urban development experts. Amadou Oumarou, Director of the Bank’s Infrastructure and Urban Development Department said, “The new City Diagnostics tool of the Bank will enable city managers and development partners to have a clear understanding of the situation in all the various sub-sectors of the city and allow us to prioritise our work”.
The diagnostic tool includes key environmental and urban sustainability indicators; two baseline studies covering disaster risk and vulnerability, and urban footprint growth. It also includes a public opinion survey covering accessibility and quality of municipal services for water, sanitation, electricity. Drainage, solid waste management, and other measures of quality of life in cities are also included. The tool can measure and assess inclusiveness and resilience parameters, strategies, municipal resource mobilization, investments, and public accounts administration.
The Mayor of Bizerte, Dr. Ben Amara Kamel stressed the challenge of limited municipal budget resources for capital infrastructure and services investments as well the difficulty of recruiting qualified municipal staff to cities, especially given Bizerte’s ambitious projects such as 100% clean energy by 2030. Participants from Conakry and Libreville also mentioned problems of city governance, the low level of municipal tax collection, poor sanitation, and solid waste management.
The five pilot cities exchanged experiences at a panel headed by Ellis Juan, Senior Advisor to the Bank’s UMDF and former head of the Inter-American Development Bank emerging and sustainable cities program (ESC) . Juan highlighted some of the key lessons learned in Latin America which included the following:
An integrated approach to city planning and management yields greater impact;
Climate change should be integrated into city planning and management;
Making cities for the people, or people-oriented cities;
Order in the fiscal accounts, increased digitalization of city management and strong governance and transparency make for a credible partner;
Efficient management of solid waste, sewerage and drainage systems, and water resources will preserve cities’ environmental assets for future generations while improving quality of life;
Integrating mobility into urban planning and investing in quality public transportation services will drive productivity and create citizen-friendly cities;
The City Diagnostics program is fully funded by the UMDF, which supports African cities and municipalities to improve their resilience and manage urban growth and development better through planning, governance, and efficient public services as well as improving the quality of life in urban environments in Africa.
Ilhaan Cumar oo si rasmi ah u diiwaan gelisay furriinka ninkeeda xilli lagu tuhmayo xidhiidh-Guur Nin Caddaan ah
Ilhaan Cumar oo si rasmi ah u diiwaan gelisay furriinka ninkeeda xilli lagu tuhmayo xidhiidh-Guur Nin Caddaan ah
Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa si rasmi ah maxkamad uga diiwaan gelisay codsi ah in laga furo ninkeeda, ahna aabaha saddexdeeda caruur, xiili ay jirto xan ku saabsan in xidhiidh hoose ay la leedahay nin degan magaalada Washington DC oo lagu magacaabo Tim Mynett.
Warqadaha codsiga furritaanka Ilhaan ee ninkeeda Axmed Xirsi oo 4-tiii October laga diiwaan geliyey maxkamadda Hennepin County ee gobolka Minnesota ayey ku sheegtay in guurkooda uu yahay mid aan dib loo hagaajin karin.
Ilhaan oo 38 jir ah iyo Axmed ayaa is-guursaday 2002. Waxay mar kala tageen 2008, hase yeeshee waxay dib isu guursadeen sanaddii 2018.

“Waxaa xidhiidhka guurkeena gaadhay dhaawac aan dib loo bogsiin karin” ayaa ku qornaa warqadaha ay Ilhaan gaysay maxkamadda.
Ilhaan ayaa warqadaha ku sheegtay in iyada iyo Axmed midkoodna uusan dooneyn in midka kale laga ilaaliyo inuu dhowaado. Waxay sheegtay inay doonayaan in si isle’eg loogu ogolaaday haysashada iyo korinta caruurtooda.
Arrintan ayaa imaneysa iyadoo dhowr bil ka hor ay soo baxday in Ilhaan ay xidhiidh jaceyl oo hoose la leedahay Tim Mynett. Xaaska Tim, oo lagu magacaabo Beth Mynett ayaa sidoo kale bishii August maxkamadda ka codsatay in ninkeeda laga furo, kadib markii ay ogaatay xidhiidh uu la leeyahay Ilhaan.

Tim Mynett ayaa maxkamadda Washington DC ka diiwaan geliyey kiis uu ku beeninayo inuu xidhiidh jaceyl la leeyahay Ilhaan.
Tim ayaa ka shaqeeya urur qaabilsan doorashooyinka, taasi oo lacag ka badan 250,000 oo dollar ka heshay ololaha Ilhaan. Lacagtaas ayaa abuurtay su’aalo ku saabsan in shaqada uu Tim u qabtay Ilhaan aysan u qalmin, balse lacagta lagu siiyey xidhiidhka labadooda ka dhaxeeya.
Sida ku cad warqadaha ay maxkamadda u gudbisay Beth Mynett, ayada iyo Tim ayaa kala guuray bishii April kadib markii Tim uu qirtay inuu xidhiidh jaceyl la leeyahay Ilhaan.
Ilhaan Cumar ayaa diiday in illaa iyo hadda ay wax jawaab ah ka siiso warbaahinta xidhiidhka la tuhmayo inuu kala dhexeeyo Tim oo ah nin caddaan ah iyo furiinka ay diiwaan gelisay jimcihii ee ninkeeda Axmed Xirsi.