Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Halyeyada qaranka yaan guulaha lagala masuugin: 1991-2016. Taa macnaheedu ma aha in aan qaranku halyeyo kale lahayn

$
0
0

Taariikhda qaran kasta waxa uu leeyahay summad iyo tixraac siyaasi ah, oo geedi-socod u ah nolosha dadka ku nool iyo jiddadkii ay soo marreen xilliyadii halganka dawladnimo. Qarankeena Somaliland waa mid naf iyo maalba aynnu u hurney intii uu jiray ee 25 sano ahayd. Dabaqaad kasta oo bulshadeena ka mid ahi qayb weyn bay ka soo qaadatay dhismihiisa.

Ha se yeesho e, maanta haddii la is yidhaa guulaha qaranka dib u jaleeca oo sunta, waxa ku suntamaya afar nin oo kaliya, waa haddii taariikhda sida tan loo celiyo e,1991-2016. Taa macnaheedu ma aha in aan qaranku halyeyo kale lahayn, waa se in kaliya la bandhigo cidda ku kaliyeysatay hoggaamintiisa ee madaxa looga dhigay.

Qarannimada iyo nidaamka hab-dawliga ah, ee taariikhaha ummadaha ayaa sida tan jiddaynaya. Guusha ummadaasi wada lahayd cid kaliya ayey taariikhdu u nisbo saarreysaa. Sababtu wax kale ma aha, waa in afartaa nin ay shacabku xil iyo xoollo saarteen, oo ay ku aammineen masiirkoodii ummadnimo si nabad, dhaqaale abuur iyo dalnimo dawli ah uga dugsadaan.

Haddaba kuwa ma ayey kala ahaayeen raggaa maanta u nisba sheegganaya wanaagga Somaliland, ee ay taariikhda dawladnimada iyo siyaasadduba u hiilliyeen?

1. Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), dalka maanta aynnu nabadda ku wada joogno ee arkaanta qarannimada oo dhami u dhan tahay ayuu cadow ka xorreeyey, oo uu waliba ku dhawaaqay goonni isu taaggiisa. Guushani waa mid aad u ballaadhan waxa se ay ku kaliyeysataa Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur). Cid la sheeggan kartaa ma jirto, hoggaanku isaga ayuu ahaa AHUN.

Waxa uu ku suntan yahay Cabdiraxmaan Tuur dalka xorreyntiisii iyo madaxbannaanidii Jamhuuriyadda maanta aynnu dawladnimada wacan ku hoos haysanno ee asxaabtu ku hoos tartamayaan. Maraaxilkaana isaga ayaa ka soo gudbiyey qaranka, cid wal oo kula shaqeysayna fekerkiisii iyo awaamiirtiisii xukun uun bay fulinayeen.

2. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, dawladnimada aynnu maanta haysanno waa ninkii dhisay. Dastuurka, lacagta, basaboorka, ciidamada, iyo dhammaan hay’aadka dawladda ee jira isaga ayaa ku suntan oo taariikhdu u kaliyeysay.

Nooc wal oo dawladnimo oo maanta aynnu gacanta ku hayno, iyo shuruucda substantive ka ah ee waaweyn hindisaheeda ayuu lahaa. Marka ay maskaxdeena ku soo dhacdo dawladnimo dalkani yeesho waa qofka sawir dheeggiisu maskaxdeena ku yaal.

Sidaas oo ay tahay, cid la sheeggan kartaa wanaagga dawladnimo ee aynnu kaga duwannaaney Afrika inteeda badan ma jirto. Waxa mucjisada innaga dhigay waa fekerkii iyo hal-abuurkii siyaasiga ahaa ee Cigaal AHUN.

3. Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu ahaa Madaxweynihii hirgaliyey nidaamka axsaabta badan ee dimuqraadiga ah. Waa Madaxweynihii ugu horreeyey ee shacabku ay gacantooda ku doortaan, isla markaana gacantooda ku beddelaan.

Waa Madaxweynaha inna baray in haddii xukunka lagaa ga guuleysto in aad si nabad qab ah xilka ugu warreejiso cidda iyo xisbiga kaa adkaaday (peaceful power transfer).

Ammuurta noocan ah ee xil warreejintu waa mid Qaaradda Afrika iyo meelo badan oo caalamka ahba ku cusub. Guushaa balaadhan ee qaranka u soo hoyatay, ninka tunka ku qaatay ee maanta ku suntani waa Rayaale.

4. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waa Madaxweynihii horumarka iyo wax qabadka Somaliland. Haddii Cabdiraxmaan Tuur qarankan dhidbay, Cigaal dawladnimada iyo shuruucda dalka unkay, Rayaale na dimuqraadiyadda hirgaliyey oo uu inna baray nidaamka dimuqraaadiga ah, Axmed Siilaanyo waxa uu dhisay dhaqaalaha Somaliland.

Waxa uu sammeeyey mashruucii ugu weynaa ee dhismaha waddada Ceerigaabo, beddelistii giinbaarta gobollada Bari, darajada ciidamada, korodhka mushaharaadka shaqaalaha dawladda iyo horumarinta iyo taabbo galinta suuqa xorta ah ee ganacsiga.

Afartaa Madaxweyne ee dalka soo maray guulahaa ayey kala leeyihiin. Cid wal oo dawladdooda qayb ka soo noqotay, guushaa dirmadeeda ayey wax ku leedahay. Waa dirmadeeda kaliya amma hirgalinteeda, ma se laha marnaba fekerkeeda.

Ciddii sheeggata waa ku ceeb, waa in aynnu baranno dawladnimadu waxa ay tahay. Wakhtigii Cabdiraxmaan Tuur ma jirin qof guul sheegtay oo kaaliye u ahaa Madaxweynaha, Cigaal ma jirin, Rayaale ma jirin, Siilaanyo in uu jiro na ma aha.

Shacabka wanaagsan ee Reer Somaliland waxa aan leeyahay, gar-naqa oo ha ogolaanina in guul cid aad doorateen oo aad igmateen in laga la masuugo. Waa qaran jab runtii in ay sida tan oo kale dhacdo.

Adduunka ayaa innagu la yaabi doona, ma aha in dawladnimo aqoon la’aanteenu ilaa heerkaa gaadho. Wax aan la isugu garaabi karin ayaa jirta. Ha ogolaanina in Madaxweynihii aad doorateen guusha cid aydaan doorani ka sheeggato oo ay ka qaadato amma la sheeggato oo ay is barbar dhigto.

In la is ixtiraamo, oo guusha la isku hanneeyo waa laga ma maarmaan. Xaasidnimadu ma wacna, Madaxweyne Siilaanyo waa cadceed casar oo sii libdhaysa, in badan buu innoo adeeggay, yaan laga la masuugin wixii uu inna taray, mahadsanidna waa dan eh. Wa Bilaahi Tawfiiq.

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email: m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedhagi@gmx.co.uk.


Agriculture Entrepreneur from Madagascar wins $25,000 2016 Anzisha Grand Prize for African Youth Entrepreneurship

$
0
0

PRESS RELEASE

The 12 Anzisha Prize finalists were hand-picked from an applicant pool of 550 entrepreneurs from 32 African countries
GAUTENG, South Africa, October 26, 2016/ — African Leadership Academy (www.AfricanLeadershipAcademy.org) and The MasterCard Foundation (www.MastercardFdn.org) are pleased to announce Heritiaina Randriamananatahina, 22 year old agriculture entrepreneur from Madagascar, as this year’s winner of the $25,000 Grand Prize in the sixth annual edition of Africa’s premier award for youth entrepreneurship. Heritiaina is the founder of Fiombonana, an agro-processing enterprise that manufactures dairy products and confectioneries using only Malagasy raw materials, employing farmers and providing local job opportunities. Heritiaina was selected from a competitive pool of diverse entrepreneurs from all over Africa. For the first time ever, Anzisha Prize (www.AnzishaPrize.org) is pleased to award one of the top prizes to a finalist from Madagascar, creating a truly pan-African network of entrepreneurs who represent Africa’s best youth entrepreneurs.

This year, Anzisha Prize celebrates increased representation of winners from francophone countries. The first runner-up was environmental entrepreneur Yaye Souadou Fall, 21, from Senegal (who will receive $15,000) while agricultural entrepreneur N’guessan Koffi Jacques Olivier, 19, from Cote d’Ivoire was the second runner-up (and will receive $12,500).

The presence of two agriculture entrepreneurs in the top three is emblematic of the important role agriculture plays in Africa’s economies. Agriculture represented the sector with the largest share of applicants for the prize this year. The Agriculture Sector Prize was also claimed by N’guessan Koffi Jacques Olivier who demonstrated the potential for agriculture to create jobs for youth.

As the grand prize-winner, Heritiaina impressed a pan-African panel of judges with his venture response to a real need within his community, effective business model, job-creation potential, scalability, and demonstrated leadership potential. Fiombonana has enjoyed significant success to date including sizeable growth as Fiombonana produces 800kg of cheese a week, with potential for rapid and low cost expansion due to innovations such as reverse-engineering machinery for food processing. “I am so excited to win the Anzisha Prize for 2016, even though I had to drop out of school when I was in grade six. My hard work in my business is paying off. I appreciate the training I have already received so far. Now that I have won, I will invest in my own education and grow my business,” says Heritiaina.

The first runner up for the prize, Yaye Souadou from Senegal and founder of E-cover, is also the first Senegalese entrepreneur ever in the top three in the history of Anzisha Prize. The core need the venture meets is to repurpose the many discarded tyres that are available in her home city, Dakar, into multi-purpose tiles for paving playgrounds, pavements, roads, and other surfaces. Yaye believes that youth can be agents of change to solve the problems that Africa faces and can drive pursuit of opportunities for economic growth. Her win will enable her to build the production capacity that her venture desperately needs in order to meet customer demand.

N’guessan Koffi Jacques Olivier from Cote d’ Ivoire is the remarkable second runner up who founded Yaletite Entrepreneurship Group CI. Yaletite Entrepreneurship Group CI is an agricultural group with the aim of producing and selling chocolate and food crops for profit and mobilizing youth for agricultural employment. It is unique for the manner in which Koffi operates his farm, through modern methods to ensure maximum yields during processing. Koffi has managed to tirelessly pursue this innovative venture, and create employment for 35 people. Koffi creates improved livelihoods for over 100 households through access to innovative farming practices.

The Anzisha Sector Prize in Agriculture was also awarded to N’guessan Koffi Jacques Olivier. The Anzisha Prize in Agriculture is offered with the sponsorship of the Louis Dreyfus Foundation (www.LouisDreyfusFoundation.org), which promotes projects in the areas of sustainable agriculture, food security and self-sufficiency, particularly through education and direct support to farmers. The Louis Dreyfus Foundation Award for Entrepreneurship in Agriculture was offered for a second year this year, and aims to recognize young African entrepreneurs who are making a sustainable impact in the agriculture sector.

The MasterCard Foundation continues to support both entrepreneurs and the Anzisha Prize support program that the entrepreneurs will now access. “Joining the ranks of the Anzisha Fellows, this impressive group of young men and women are igniting the entrepreneurial spark in young people across Africa,” said Koffi Assouan, Program Manager, Youth Livelihoods at The MasterCard Foundation. “This ripple, the #AnzishaEffect has the power to transform the continent as these young entrepreneurs rise to become the next generation of African movers and shakers.”

“Anzisha Prize is a truly inclusive and pan-African Prize. The program is run in a multi-lingual learning environment in which entrepreneurs can learn regardless of their preferred language of instruction such as Arabic, French, Portuguese, and even Malagasy this year. The entrepreneurs really represent the true cream of the crop from the entire continent,” says Grace Kalisha, Program Manager for the Anzisha Prize.

The Anzisha Prize is a partnership between African Leadership Academy and The MasterCard Foundation. The 12 Anzisha Prize finalists were hand-picked from an applicant pool of 550 entrepreneurs from 32 African countries. Now in its sixth year, Anzisha Prize celebrated these outstanding young people at an exclusive, invitation-only ceremony on Tuesday 25 October 2016 in Johannesburg. The 12 finalists presented their ventures to a panel of judges after spending ten days in a business accelerator camp to strengthen business fundamentals. They join a now 67 strong pool of Anzisha Fellows and will receive ongoing business-consulting support, access to experts, and access to networking opportunities to enable sustainable venture growth.

Applications for the next cycle of the Anzisha Prize will open on 15 February in 2017. Nominations for promising youth entrepreneurs are welcome all year round.

For more information on the Anzisha Prize and to nominate an entrepreneur, please visit the Anzisha Prize on www.AnzishaPrize.org, Facebook: www.Facebook.com/AnzishaPrize and Twitter: @anzishaprize.

Distributed by APO on behalf of African Leadership Academy (ALA).

Daawo:Somalia oo ugu baaqday Somaliland inay soo diraan xubnaha uga qeybgelaya Aqalka sare

$
0
0

Daawo:Somalia oo ka dalbatay Somaliland inay soo dirto xubnaha uga qeybgelaya Aqalka sare

Daawo:Daacish oo magaalooyin ka qabsatay maamul-goboleedka Puntland +Ninka hogaaminaayey

$
0
0

Daawo:Daacish oo magaalooyin ka qabsatay maamul-goboleedka Puntland +Ninka hogaaminaayey

Anshax Fadhi Xumada Ina Xaashi Iyo Ina Raygal…

$
0
0

 

Anshax Fadhi Xumada Ina Xaashi Iyo Ina Raygal…

caas

Anshax Fadhi Xumada Ina Xaashi Iyo Ina Raygal BismilaahSida ay saxaafadu soo tebisay waxa shir doceed dhexmaray madaxweynaha iyo xubno salaadiinta beeshiisa ah ka dib markii shirkaasi dhamaaday ayaa waxaa laysku taagay wakhtigoi sawir xasuusa layska reebi lahaa balse e lagal sawirkii laakiin foolxumo labo ah baa kamuuqata.Foolxumadaas oo ah nimanka kala ah maxamuud xaashi wasiirka madaxtooyad iyo cali siciid raygal wasiirka dib u dejinta oo jog soo oo fadhi ah ku galay sawirka.Haba ku galaan fadhi iyada oo ragii oo dhan taagan yihiin ilaa kuwii ka waawaynaaye waxaa mushkilada keenaya waxay ku fadhiyaan miiskii lagu shaahayay iyada oo aanay taasi ahayn dhaqan masuul.Marka laga tago dhaqan masuul xil wasiir haya iyo sida la sheegayo in leh damac madaxweyne inuu ku fadhiisto miiskii cuntada xitaa maaha dhaqan soomalidu leedahay oo horre iyo soo jireen ahaa waa laga xishoon jiray lagana yaq-yaqsoon jiray qofka weelka ku joogsada iyo saabaankiisa . kasoco oo dhaafi somalida xitaa dabeecadan iyo dhaqankani maaha mid islaamku ku dhaqmo oo guud ahaan qalabka la adeegsadaa daryeelkooday leeyihiin oo mindida dee iska afee ayaaba jiddda gudintana sileeg waa dhacdo ugub ah horre ugu maynaan arag masuulku jooga miiskii uu ku cuntaynayay iyo qof caadiya toona waa shuqulkii Xayawaanka qaarkii eek u sii kaaja weelka ay wax ku cunaan. Waxaan leeyahay dee adeer bahasha inaga hagaajiya sidaa madax ku noqon maysaane raga waawayn ee sawirka kamuuqdana fadhiga haka xumaynina kaba xumaysee.

 

W/Q: Haldoor Ismail Mohed Aden-DhicirMob: +25263 409 48 55

<ismail1234921@gmail.com

Aamina-Waris iyada oo aayihii dhammaa ee umadda gacanta ku haysa ayay suxufiyiinta u gu cabatay “eeddo eeddadiin baan ahaye….

$
0
0

Raaqiya Oomaar oo han ummadeed iyo daljacayl ka buuxo ayaa beri siyaasadda Soomaalilaand soo gashay. Kabala’aan ayay se ka ga carartay, waayo dumar baad tahay baa la yidhi. Foosiya X Aadan oo iyadana han iyo waddaniyadi ku buuxdo ayaa haddana dalka timid oo xisbi dhan furatay. Iyaduna kabala’aan bay ka ga baxday, waayo dumar baad tahay baa la yidhi.

Maanta Samsam waa wasiiradda maaliyadda, oo ah isha musuqa iyo lunsiga hantida umadda, Aamina-Waris iyaduna waa awoodda dhabta ah ee Madaxtooyada kolkii uu Siilaanyo hawlgabay. Laakiin la ga ma hadlo waxa ay bi’yaan, waayo waa dumar.

Arrinta labadeeda waji ee ah in dumarka xilka qaranka la ga la xishoodo, iyo haddii ay xil qabtaan in dhaliisha la ga la xishoodaa waa is ku mid, labada jeerbana waa garasho xumada innaga haysata dawladnimada. Dhanka kalena waa liidid dumarka la liidayo. Dumarka qudhoodu xaaladda caynkan ah qayb ayay ka yihiin. Tusaale ahaan Aamina-Waris iyada oo aayihii dhammaa ee umadda gacanta ku haysa ayay suxufiyiinta u gu cabatay “eeddo eeddadiin baan ahaye hadalka i ga daaya”. Jawaabtu waa “waa tahaye, eeddo adiguna siyaasadda faraha ka la bax”.

Dumarka waa in loo arkaa in ay yihiin bani aadan dhammaystiran oo xil wal oo ummadeed qaban kara, is la markaa xaq loo gu lee yahay in loo la xisaabtamo sidii qof masuul ah oo dhammaystiran.

Haddii kale ninka dumarka gurigooda ka soo saaray baa gardaran, sida ay maangaabku ku doodaan.

Barnaamij khaasa oo laga diyaariyay masuulka ku guulaystay musharaxa ku xigeenka xisbiga Waddani daawo

Halkani ka daawo war murtiyeed ay soo saareen masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani UK


Reer Borame oo u caqli celiyay Axmed Muumin Seed Sheegayna in aanu sheegan karin Borame Daawo

Uganda’s first-ever Social Service Delivery Equity Atlas launched

$
0
0

PRESS RELEASE

Atlas maps key results vs public expenditures for children across Uganda
The Government of Uganda has today launched an Atlas that helps to monitor the delivery and impact of basic services for children and other vulnerable groups across Uganda. Dubbed as the Social Service Delivery Equity Atlas, Uganda’s first-ever publication that maps key results versus public expenditures for children, the tool is part of the “Rethinking Public Finance for children: Monitoring for Results” initiative by the Ministry of Finance, Planning and Economic Development, the Economic Policy Research Centre (ERPC), and UNICEF. “This initiative represents a fundamental milestone in our efforts to strengthen Government’s current monitoring systems – moving beyond an accountability… Read More
SOURCE
UNICEF Uganda

Remembering Ambassador Mohamed Sh. Hassan Nurite Whitin Unique Family History In The Horn Of Africa

$
0
0

REMEMBERING AMBASSADOR MOHAMED SH. HASSAN NURIYE
WITHIN UNIQUE FAMILY HISTORY IN THE HORN OF AFRICA.

“Great heart is rightly considered the foremost of the virtues, for upon it, all others depend.” (Winston Churchill)

We are deeply saddened by the news of Mohamed sh. Hassan Nuriye passing. Our thoughts and prayers are with him.

Prayers and fond memories are what we have to remember our great man and may Allah and the love of his people comfort him in heaven. We will always remember his big heart, his bright smile paired with a gentle word.

People like Mohamed and his two brothers, Ismail and Adan, never truly depart but they live in our hearts, minds and history. Through us, they stay on in all generations as we look back into their legacy.

The three brothers lived and represented a remarkable history and left a legacy for our generations. Mohamed was an Ambassador for Somalia, his brother Ismail was an Ambassador for Ethiopia and Adan, now in Jabuti, was an Ambassador for Jabuti.

Colonial and post-colonial Horn of African leaders were, at different times, actors in territorially circumscribed different people. When the authenticity of people’s rights, land or wealth distribution is questioned, we, today, see how same people are separated by man-madate borders.

The three Ambassador brothers are, perhaps, the only of its nature in the whole world, who represented three different sovereign neighbouring countries during the 1990s.

They headed the diplomatic missions for their countries of Ethiopia, Djibouti and Somalia for other countries. That unique diplomatic phenomenon has never been in anywhere of the world but happened because the Ambassador’s people lived and still live in colonial drawn barriers or boundaries.

The brothers, in their different governments, is a typical model of post-colonial legacy of imbalance in political, territorial and public displacement. Peopling Horn of Africa in the late 19th century and its current social and political spectrum is an example of the African colonialist arbitrary creations.

These historical facts worth record as they explain the quagmire which impedes legitimacy of this part of the continent and to portray how it was put together in its present mosaic, as hand-made craft by its European rulers.

GOD BLESS THE SOUL OF AMBASSADOR MOHAMED SH. HASSAN AND HIS BROTHER ISMAIL WHO ALSO PASSED YEARS AGO.

MUSA E ALI

OTTAWA

Axmed Siilaanyo oo madaxtooyada kula shiray salaadiin iyo wasiirada beeshiisa iyo siyaasiyiin miisaan culus leh oo ka mqnaa kulankaasi

$
0
0
caas

Hargeysa(Qaran-news)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa habeen hore kulan shir ah madaxtooyada kula yeeshay salaadiinta iyo wasiirada beeshiisa.

Kulanka oo aanay wax war ahi ka soo bixin, balse laga soo dhex tuuray sawiro dhawr ah oo aan weliba madaxtooyada ka soo bixin ee dad shacab ahi baraha bulshadu ku xidhiidho soo geliyeen, ayaa noqday mid ay bulshadu su’aalo iska weydiisay.

Waxaana Soo baxay oo baraha bulshadu ku xidhiidho lagu baahiyay warar sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo beeshiisa kala hadlayay arrimo siyaasadeed oo khuseeya mustaqbalka xisbiga KULMIYE ee uu aasaasay, iyadoo ay maalmahan soo baxayeen warar sheegaya inuu guddoomiyenimada xisbiga doonayo in lagu wareejiyo siyaasi ka soo jeeda beeshan.

Laakiin waxaan shirkaas ka dhex muuqan oo aan ka qayb gelin qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan uguna miisaanka culus beesha madaxweynaha oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan, guddoomiye-xigeenka xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Gaafaadhi. Lamana oga sababta aanay siyaasiyiintani kulankaas uga qayb gelin.

Afhayeenka madaxtooyada oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino kulankan ayaanay noo suurtogelin, ka dib markii uu ka jawaabi waayay telefoonkiisa gacanta oo aanu kala xidhiidhnay.

Kulanka waxa ka qayb galay salaadiinta, boqorada iyo qaar ka mid ah cuqaasha beesha Madaxweyne Siilaanyo, waxaana weheliyay saddex wasiir oo iyaguna ka soo jeeda beesha madaxweynaha oo kala ah wasiirada madaxtooyada, hawlaha guud, wasiirul dawlayaal, dib u dejinta iyo shakhsiyaad kale oo iyaguna beeshaas ka tirsan.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa noqonaya madaxweynihii u horeeyay ee beeshiisa shir gaar ah kula gala xarunta madaxtooyada, waana talaabo ugub ah oo aan lagu arki jirin madaxweynayaashii hore ee Marxuum Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin, waana sababta ay ilaa shalay markii sawiradan la baahiyay bulshadu su’aalaha iskaga weydiinaysay sababta uu madaxweynuhu shirkan u qabtay, maadaama oo uu madaxweyne u yahay umadda Somaliland oo dhan.

Geeska

Regional Outlook for the Horn of Africa and Great Lakes Region: Recommendations for Humanitarian Action and Resilience Response – October to December 2016

$
0
0

PRESS RELEASE
Regional Outlook for the Horn of Africa and Great Lakes Region: Recommendations for Humanitarian Action and Resilience Response – October to December 2016
It presents a four-month trend analysis from June to September 2016 and a humanitarian outlook from October to December 2016
EXECUTIVE SUMMARY This report has been developed collectively with humanitarian partners in the region to inform preparedness and advocacy efforts to mitigate and manage humanitarian risk in the Horn of Africa and Great Lakes region. It presents a four-month trend analysis from June to September 2016 and a humanitarian outlook from October to December 2016. It is the fifth report in the series and updates the previous scenario report which was published in April 2016. I. HUMANITARIAN TRENDS: JULY – SEPTEMBER 2016 While violent incidents decreased in the last quarter during the rainy season (in keeping with the seasonal nature of protracted… Read more
SOURCE
Office for Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA)

Cadaani qof caadifad badan oo hadba qof isku qaada oo bilaa qadiyad ah daawo xili lakala jiiday isga iyo badhisaabka Sanaag Falaay

Shan qodob oo aanu Muuse Biixi ku noqon karin Madaxweyne qaran oo wax qabad lagu majeerto.

$
0
0
AbdiIsmaciilAbiib

Shacabka reer Somaliland wali waxay haystaan fursad dahabi ah oo ay ku kala xulan karaan Murashaxiinta u tartamaya hogaaminta dalka doorashada la filaya sanadka soo socota inay dhacdo hadii illahay idmo, musharxiintaas sadexda ah, midkastaaba waxa uu leeyahay aqoontiisa siyaasadeed iyo taarikh ku suntan waayahiisii nolaleed oo waajib ah in maanta oo kale dib loo jaleeco si layskaga hubiyo qofka ummadu ay ku aaminayso mustaqbalkooga iyo aayaha ubadkooga. Waana waajib saaran shacabka inayna ilduufin maalintaas oo kale si ayna uga shalaynin hadhow, kana fogaadaan nin jeclaysi iyo caadifad qabyaaladeed.

Musharxiintaas taratmaya waxa ka mid ah Gudoomiyaha Xusbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, oo runtii ah shaqsi aan ku cusbayn saxaada siyaasada Somaliland horana usoo noqday Wasiirkii Arimaha Gudaha, islamarkaana ka mid ahaa sarakashii ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Somaliyeed ee SNM.

Hadaba, Muuse Biixi oo runtii ah shakhsi aan lagu aamini karin inuu hogaamiyo dal Somaliland oo kale ah, ayaa waxa uu leeyahay iimo badan oo aan u samaxayn inuu noqdo Madaxweyne qaran oo taarikh wax qabad oo lagu majeerto ka taga. Boogahaasna waxa ka mida, qabyaalad, musuqmaasuq, kalitalisnimo, aqoon daro xaga muumulka ah iyo dagaal ooge, waxaynaanu mid mid isku dul taagi doonaa bogahaas uu Muuse aftaag ku caan baxay, dadkuna ay ku majiirtaan inta badan.

1. Musuqmaasuqa.
Sida lawada ogyahay Muuse Biixi ilaa hadda waxa uu haystaa Guri uu dhacay oo Dowladu ay leedahay, waxaanu xoog ku haystaa Beer weyn oo ku taala Geed deeble oo ahayd Beerahii ay lahayd Wasaradii Beeraha ee Somalia, Beertaas iyo
Gurigaasuba waa hanti qaran oo ka dhexeeya dhaman shacbiga waana booli qaran. Iswaydiintun waxay tay sideebaa nin guri yar iyo beer yari ka baxsan wayday loogu aamini karaa inuu qaran dhan isku keeno oo uu hogaamiyo.? Ujeedka ay Madaxtooyadu usoo xulatayna waa inaanu musuqii iyo hanti boobkii ay sameeyeen la helin dowlad ka danbeeysa oo ka daba tagta ama xisaabisaba ama ayna u imanba dowlad danbe oo wax qaban karta.

2.. Qabyaalada.

Muuse Biixi waxa uu caan ku yahay qabyaalada, waxanu waskasta ku qiimeeya hab qabali ah, waana nin inta badan ku olaleeya qabyaalad iyo hadaynu reer hebel nahay. Tusaale yar hadaynu soo qaadano, xiliyadii lagu jiray olaalahii doorashada Baarlamaanka ee 2005 ayaa waxa uu ka mid ahaa masuuliyiintii Kulmiye ee ku hawlaneed kala saarista musharaxiint Gobolka maroodi jeex uga tartami lahaa xusbiga Kulmiye. Muuse Biixi waxa uu ku dhagay musharax ay isku deegaan kasoo jeedaan, markii la waydiiyay sababtana waxa uu yidhi “” yaa u codeenaya ma baaniyaalada reerkoogu musharax masoo saari karaane” waana nin aan qiimayn aqoonta shakhsiga iyo waayo aragnimada laakin wax kasta ku eega murayada madow ee qabyaalada. Waxaanu aaminsanyay in hab qabali ah uu Madaxweyne ku noqonayo.

3. Kali talisnimo

Mar uu Marxuum Maxamed X. Ibrahim Cigaal ka hadlaayay kali talisnimada ayaa waxa uu yidhi “” ceeb baa u aqaaan tali talisnimadana waana shakhsi aan isku kalsoonayn oo aaraadiisa iyo fikradahiisa dadka ka dhaadhicin karin.””, Muuse waa nin aan isku kalsoonayn jecelna haduu helayo in maanta loo dhaariyo xilka madaxtinimo siduu horaba u yidhi waxa ii hadhsan uun dhaartii. Waa ninkii diiday in lagula tartamo Gudoomiyinada xusbiga!!!, waa ninkii diiday in lagula tartamo Musharaxnimada xusbiga, dhamaan ragii soo hungureeyayna ay ka dareereen xusbigii Kulmiye iyo xukuumdii ay ku jireenba. Waa shakhsi hadii xilka Madxweyne nimo uu qabto ay Somaliland booraan dheer ku dhici doonto, dalkuna uu dagaalo sokeeye iyo dib u dhac wayni ku habsan doonto. Allah inaguma keenee isna inooma keenee. Waxaanu aaminsanyay inuu waxkasta xoog iyo maquunin ku doona, hadaynu iskaba daynu taarikhihisi hore ee madoobayd, waxa kugu filan xiligii loolanka loogu jiray kursigan musharaxa ee uu maanta ku fadhiyo, in qaraxyo yaryar oo loo adeegsaday dasadaha shaanida siday boolisku xaqiijiyeen, in muuse shaani loo sibir saari jiray inuu ka danbeeyay qaraxyadaas. Hadda waa dowldii uu ka tirsanaa ee xusbigoogii uu Gudoomiyaha ka ahaa ayuu isku dayaayay inuu baqo galiyo.

4. Aqoon darada xaga maamul ah.

Sida la wada socono Muuse Biixi waxa uu ahaa sarkaal ciidanka cirka ah, wayna ku adagtay maamulka iyo maareynta xil weyn oo dowladeed, waxaanu boos siyaasiya soo qabtay hal mar oo kaliya, taasoo ahayd xiligii Marxuum Cigaal allah haw naxaristee uu u magacaabay Wasiirka Arimaha Gudaha, xiliyadaas oo ahayd xili dalka ay amni daro xoog lehi ka jirtay, ciidamo hubaysan oo magacyo qabiil lahina ay dalka ku filiq sanaayeen, Muuse wuu ku fashilmay inuu si diblamaasiyadeed oo dagan uu ciidamadaa hubka uga dhigo, wasaradiina wuu ku fishilmay inuu si habsami ah u hago, aakhirkiina waxay sababtay dagale sokeeye oo lagu hoobtay inay dalka ka qarxeen, mudo yar ka dibna xilkii waa laga qaday.

5. Dagaal ooge

Siday Soomaaliya uga jireen qabqablayaal dagaal oogayaal ah, ayeey Somaliland xiliyadii aynu dalka kusoo laabanay uga dilaaceen. Waxaana dagaal oogayaashaas ka mid ahaa korneel Muse Biixi iyo rag badan oo kale, qabqablayaashaashi waxay fashiliyeen dowladii ay SNM hogaaminaysay iyagoo u diiday joog iyo jiifba, lahaana maleeshiyaad daacad u ah oo si hab qabiil ah ay hor joogayaal u ahaayeen, aakhirkiina sababtay in Maamulkii dalka laga wareejiyo jabhadii SNM. Maantana waxaynu aragnaa ragaasi qabqablayaasha dagaal ahaaa in loogu yeedhayo magacyo danbi wayn ka ah xaga allah in loogu yeedho, kuna andacoonayaan waxaanu ahayn mujaahidiin.

Sidas darteed, marka la eego qodobadaas iyo qaar kale badan, Muuse Biixi ma noqon karo madaxweyne lagu nasto oo taarikh wngsan ka taga, ninka noocas oo kale ahna illahay waxuu madax uga dhigaa dal iyo dad aanu khayr la doonin. Doorashadu sideedaba waa fursad soo marta shacabka dhowrkii sanaba hal mar, waana marka kaliya ee shacabka loo soo noqdo, waana muhiim inaynu ka fiirsano shakhsiga aynu dooranayno ee aynu masiirkeena ku aaminayno. Jaaniskaa inagu soo fool leh bulshooy yeeynaan iska daayicin ee aynu doorano nin dhiiqada iyo go’doonka aynu maanta ku jirno inaga saara. Caadifad qabiil iyo codkeena cidaynu siinayna ka fiirsda.

Alla mahad leh

Abdi Ismail Abib
Ant. Belgium
luqman_ayanle03@hotmail.com


Xubno miisaan leh oo ka tirsan Jaaliyadda Somaliland ee UK oo hambalyo u diraya …..

$
0
0

Xubno miisaan leh oo ka tirsan Jaaliyadda Somaliland ee UK oo hambalyo u diraya Musharrixiinta Madaxweynaha, ku xigeenka ee xisbiga Waddani iyo hoggaanka sare ee Waddani.

Xubno magac iyo miisaan leh oo ka tirsan jaaliyadda Somaliland, ayaa mar ay la soo xidhiidheen shabakadda awdalpress, waxa ay soo gaadhsiiyeen hambalyo iyo bogaadin qiimo leh oo ay u dirayaan Musharrixiinta Madaxweynaha Waddani Abdirahman Cirro iyo M/xigeenka Waddani Amb. Mohamed ALi Aw Abdi.
Sidoo kale waxa ay hambalyo taa la mid ah u dirayaan hoggaanka cusub ee Waddani ee kala ah guddoomiyaha cusub Abdilqaadir Xaaji Ismail Jirde, hoggaamiyaha Waddani Xirsi Ali Xaaji Hassan iyo siyaasiyiinta miisaanka leh ee ku soo biiray xisbiga Waddani. Si gaarna waxa ay bogaadinayaan Dr. Mohamed Bixi Yonis iyo Dr. Ismail Buubaa oo ah siyaasiyiin qiimo leh.
Xubnahan oo magacyadoodu kala yihiin:
1. Eng. Abdillaahi Hassan Camay.
2. Mohamoud Omer Sh. Ibrahim.
3. Mustafe Ismail Ahmed (Kanadi ).
4. Ahmedweli Sh.Omer Goth.
5. Mohamed Ali Mohamed.
6. Ahmed Mohamoud Ismail.
7. Asha Hussein Maraykan.
8. Koosaar Caydiid
Mustafe Ismail.

Daawo:Cuqaasha,waxgaradka & Dhalinyarada Solomadow oo xaal-Qaran siiyey Xirsi,Taageerana la barbarjoogsay

$
0
0

Daawo:Cuqaasha,waxgaradka & Dhalinyarada Solomadow oo xaal-Qaran siiyey Xirsi,Taageerana la barbarjoogsay

Daawo:Gudoomiyaha Ucid-Saaxil Rooda A.Yaasiin oo F.C.waraabe Durtay,Jaamaalna amaan u miistay

$
0
0

Daawo:Gudoomiyaha Ucid-Saaxil Rooda A.Yaasiin oo F.C.waraabe Durtay,Jaamaalna amaan u miistay

Hadyadaha qaaliga ah ee ganacsade Maxamed aw Siciid madaxtooyada geeyo

$
0
0

Maxamed Aw Siciid yaa had iyo jeer wuxuu u geeyaa qoyska madaxweynaha iyo qoyska madaxweyne ku xigeenka Somaliland hadyado qiima hoodu kor u dhaafo boqolaal kun oo dollar oo ay ka mid yihiin saacado dahaba ama Diamond lagu xardhay. wuxuu si gaara u xanaaniyaa madaxweyne ku xigeenka Zeylici oo markuu mudo joogaba uu u geeyaa lacag dhan sodon kun oo dollar. ina aw siciid wuxuu u heystaa in uu Silaanyo iyo zeylici kursiga saaray waagii uu Dahir Riyaale Cable ka u diiday ee uu Kulmiye taageeray. Hase yeeshee waxba kama jiraan oo waxa meesha ka baxsanaa xisbigii UDUB oon tartan adag la gelin oo ay doonayeen inay meesha baneeyaan maadaama ay mudo korodhsi ku joogeen oo bulshadu karahday. Hadaba ganacsiga ina aw siciid wuxuu u badanyay mukhaadaraad uu soo dhex mariyo Somaliland oo loo kala diro dalaka Africa iyo UAE iyo lacagta la maydho ee loo yaqaan laundering money oo macna heedu yahay lacagta ka soo baxda mukhaadaraadka oo baananka caalamka la majaro habaabiyo si aan loo soo helin halka ay salka ku heyso oo ganacsadaha ku noqonaysa denbi weyn o haduu dalka dibada uuga baxo uu ku mutaysanayo lix sanadood oo xadhig adag ah. ina aw Siciid waxay isku xidhan yiin niman Mafia ah oo fadhigoodu yahay South Africa oo kala ganac sada wax yaabaha mam nuuca ee ah maan dooriya yaasha ah sida cocaine ta. Ganacsaiga ina aw siciid ee sigaarka iyo cableku waa wax lagu asturayo malaayiinta dollar ee la tahriibinayo. Waxa maan kiisa ku jirta ina aw siciid in uu kolba xisbi waxoogaa lacaga siiyo oo uu dhisto xukuumad indhaha ka qarsata wax yaabaha mam nuuca ah ee uu faraha kula jiro. Maxamed aw siciid waa nin jaahila oon dugsi wax barasho soo marin oo drawal ahaan jiray. Somaliland dhib mooyaane wax wanaaga oo uu kula dhex jiraa ma jirto hase yeeshee waxa magaciisa loo gudbinayaa iminka laga bilaabo Europe iyo America haya’daha daba gala lacagata lala dhuunto iyo ka kanacsiga maan-dooriya yaasha. Dabeed isba dan wuu u waalan doonaa. Sidan in lagu eegto oo uu dalka kharibaa waxay ragga nimo daro ku tahay bulshada reer Somaliland.

Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com

The effectiveness of new Wadani leadership have generated a record number of successful

$
0
0

The effectiveness of new Wadani leadership have generated a record number of successful quantities of qualities to join new Wadani & great minds always find ways to connect the ears of the people

Good beginning makes a good end and great minds think alike. Over the three weeks, I have watched several record events held in Hargeisa by Wadani party that changed the political landscape of Somaliland as the entire cream qualities of Somaliland joined new Wadani reason being and great minds always agree. When you made good choice, you can navigate your own future in safe shores and it true that what you will be in the future depends what you have today and what you do today. The most educated elites of Somaliland have joined Wadani and education is the most powerful weapon which you can use to change the world. Education is our passport to the future, for tomorrow belongs to the people who prepare for it today. Education is lifting a person’s vision to high sights, the raising of a person’s performance to a higher standard, the building of a personality beyond its normal limitations. Education means Start behaving positively or stop behaving negatively.
Education is the process that makes to think positively. Surround yourself with only people who are going to lift you higher, said by Wiseman. Education is the mother of leadership. When you do good, you reap good and chance favours the prepared mind. The cream qualities that joined recently new Wadani are golden qualities of Somaliland and golden key can open any door. One good step to direct direction starts with one click. As the eyes are the mirror of a heart and the heart sees farther than the head, the entire leading personalities joined new Wadani.
Life is not a continuum of pleasant choices, pure gold does not fear the flame and good tastes good when it is cooked properly, and talking is good when it is said at the right time. All good qualities of Somaliland with good names good names have joined new Wadani and good face is a letter of recommendation. A good name is worth more than a golden belt. Good name good reputation is more valuable than money. A good name is better than riches. A good name makes light in the dark room. New Wadani brought a wind of change to Somaliland and good change promising better future. All the great personality as true leader has the confidence to stand alone, the courage to make tough decisions, and the compassion to listen to the needs of others. In short, well begun is half done and victory belongs to the most persevering.

Ismail lugweyne
rabasoro55@hotmail.co.uk

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>