Fashilkii Garyaqaanka Guud Cabdisamad Maal Ka Fiirsi la’aantii Madaxweynaha,
by Garyaqaan Maxamed Rashiid Geeljire.
Dalkan iyo Dadkani uma baahna mana qaadir karaan Masuul Hunguri iyo sidde wax loo
qariba yaqaan una qalmin gudashada xilka Bulshada, Ninka hadda huwan magaca
Garyaqaanka guud waa mazul aan hanan una qalmin xilkii iyo waajibadkii shaqo ee
madaxweynuhu u magacabay, Aqoon khibrad u lahayn sharciga iyo shuruucda dalku
leeyahay, Cadana u leh shaqo xumo.
Maxaa keenay Fashilka Garyaqaanka Guud:
Ugu horayn hadaan wax ka iftiimiyo waxaa keenay inuu ku fashilmo
Xil gudasho la’aaan uu ku sifoobay ; Xilkiisi oo uu gudan kari layahay isla
markaana dayacay kana doorbiday qayilaada iyo marfashka kolay.
khibrad la’aan iyo Aqoon aanu u lahay shaqada loo igmaday : Khibrad uma
laha oo kumuuna soo shaqayn xifrada iyo aqoonta garyaqaan nimo ee looga
baahan yahay Qaran ahaan inuu ku kaabo.
Musuq maasuq uu Ku foogynyahay Hunguri : waxaa had iyo jeer ku hawlan
yahay musuq maasuq iyo side wax u helaa, isagoo ka shaqeeya dantiisa
shaqsiga ah iyo isagoo u dhaqmaya dan iguma jirto wixii dan guud ahi taydaa ii
muuqata.
Wax qabad la’aan shaqo xumo: wax allaale wax uu u qabtay oo shaqo ah oo
la sheegi karo ma jirto, isagoo diciifiyey shaqadii qaranka isla markaana dayacay
masuuliyadii iyo haybadii uu madaxweynuhuu huwiyey una igmaday.
Ilaawid xilka uu huwan yahay haybadiisa : wuxuu ilawsan yahay xilka uu
huwan yahay oo uu u haysto in wax uun lagu cuno oo aan shaqada loo igmaday
cidba la xisaabatamayn kana war hayn.
Su’aasha is waydiinta muddan ayaa waxaay tahay yuu isku halaynyaa
Masuulkan ku fashilmay Gudashada xilkii madaxweynuhu u igmaday aan ka
soo bixin?
Siduu kaga sheekeyo marfashka qayilaada wuxuu yidhaa annigu wasiir kaliya lenoo
waa Samsam Cabdi Aadan wasiirka maaliyada aniga iyadaan meesha ugu
wanagsan wax kaa difacaysa lagu soo mari maayo. Sido kale wuxuu halka ha
sheegay kagana sheekeyey gudoomiyaha xisbiga kulmiye muuse biixi cabdi oo uu
ku sheego in isna xog-hayn u yahay masuliyiinta dawladee ololaha u qabilsan
qorshahooduna qabyo yahay xisbi xaakaim ahaan barnamijkoodina aanu dhamayn
ilaa wakhtigan.
Heshiiskii DP world wuxuu ku tilmama in ay walawalqdeen wasiirka madaxtooyada
maxamuud xashi iyo wiil uu madaxweynuhu sodog u yahay oo baashe moorgan la
yidhaa niman ay soo kiraysteena kala shaqaynyeen isagana marar badan
madaxtooyada looga yeedhay markii heshiska la wad way lkn aanuu awood ka
qayb qadasho ku lahayn waxna aanu kala socon halkuu ku danbeyey finalkiisi.
Waxaa kale oo uu masulkan xasanada huwani sheega inaanu isagu ka mid ahyn
siyaasiyiinta muxaafidkee uu ka Aaamusnado hadal qudhana aanu mucaridka ku
odhan taasina ay u saamaxayso in haddi xisbiga wadani wadanka qabto taladiisa
aanu xil ka wayeyn rag badan oo ay sxpo yihiina ay joogan oo ay iska war helaan.
Qorshahan wadani qabdhismeedkiisa ku badalay ee uu kaga duway wuxuu ku
sheega in ay kaga roonadeen xisbigooda oo gudoomiyaha muxaafidku waa muuse
biixiye uu talabada ka baqday inuu labada xil gudoomiya iyo musharaxee kala
qaado.
Madaxweynuhu warka ma hayo mana oga masuulkan caynka u dhaqmaya wasiirka
madaxtooyada oo xafiiskan masulkani haybadiisa huwan yahay hoos tagaana war
kama hayo haduu ka hayo madaxweynaha lafjab bay ku tahayo waa u gudbin
lahaa.
Taasi waxay ku tusaysaa in masuulkani aan laga fiirsan magacabistiisi
madaxweynhuna aanu xog iyo aqoon u lahayn
Mohamed Geeljire <geeljiremohamed@gmail.com
|
|