Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Daawo:Beelaha Cumar jibriil Habar-jeclo oo ka guuray Kulmiye,Hal dabala’ana isagu shubay Xisbiga Waddani

$
0
0

Daawo:Beelaha Cumar jibriil Habar-jeclo oo ka guuray Kulmiye,Hal dabala’ana isagu shubay Xisbiga Waddani


Daawo:Siyaasi Muuse Biixi & Siciid Cilmi Rooble Duray,Waddani & Axmed muumin seedna………

$
0
0

Daawo:Siyaasi Muuse Biixi & Siciid Cilmi Rooble Duray,Waddani & Axmed muumin seedna………

Tacsi Tiiranyo leh

$
0
0
Tacsi1

Tacsi Tiiranyo leh

xajka-041

Eng.Maxamed Jaamac Axmed (Maskax),Xaaji Yaasiin  Maxamed Axmed & Xaaji Mahdi Xasan Maxamuud  waxay tacsi tiiranyo leh u dirayaan Qoyska,Ehelada,Qaraabada iyo saaxiibada uu ka geeriyooday marxuum Xaaji Ismaaciil jebiye oo Xalay ku Geeriyooday magaalada Hargeysa

Mar labaad waxay Xaajiga ilaahay uga baryayaan naxariistii Jano inuu ka waraabiyo,Qoyskiisa iyo eheladiisana samir iyo iiman saadiqa ka siiyo.

 

Wasaaradda ugu Balaadhan Somaliland Waa Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare oo Miisaaniyadeedu tahay $ 14.5 Million oo keliya.

$
0
0

Qiimaha ugu weyn ee dalkeenu leeyahay waa ubadkeena sidaa daraadeed waa in aynu maalgashi mug leh gashanaa caruurteena si aynu u xaqiijino horumarka iyo himilada fog ee aynu higsanayno mustaqbalka dhaw iyo ka fog. Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland waa Wasaaradda ugu balaadhan Wasaaraddaha JSL.Waxaana ay ka kooban tahay 9 Waaxood oo kala madax banaan:

(1) Waaxda Shaqaalaha, (2) Waaxda Maamulka,(3) Waaxda Tayeynta Tacliinta ” Quality insurance “,( 4) Waaxda Dusgiyada Aas-Aasiga ah, (5) Waaxda Dugsiyada Sare,
(6) Waaxda Waxbarashadda Dadban. (7)- Waaxda Baahiyaha Gaarka ah.( 8) Waaxda Qorsheynta iyo ( 9 ) Waaxda Farsamada Gacanta.

Waxaa kale oo Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Somaliland hoos yimaada 4 Xarumood oo kala madax banaan oo aad u balaadhan :

A) Xarunta Xanaanada Agoomaha, B) Xarunta Imtixaanaadka. C) Xarunta Baahiyaha Gaarka ah. D) Xarunta komishanka tababarada gaaban ( Vacational Qualifications )

Tirada Dugsiyada Hoose / Dhexe ee Somaliland ku yaalaa waa 1164 Dugsi oo dawli ah oo isugu jira Dugsiyo hoose iyo Dugsiyo dhexe. Tirada Dugsiyada Sare ee dawliga ah ayaa iyaguna sare u dhaafay 120 oo Dugsi. Marka laysku wada daro dhamaan dugsiyada Dawliga ah ee Somaliland waxay noqonayaan 1284 Dugsi. Tirada macalimiinta pay role ka Wasaaradda ku jira ee Dugsiyada dawliga ah wax ka dhiga ayaa iyagu noqonaaya Lix kun sadex boqol iyo shan iyo todobaatan 6375 Macalin taas ka dhigaysa Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland Wasaaradda ugu shaqaalaha badan Wasaaraddaha Somaliland maadaama guud ahaan Shaqaalaha Dawladu 25% ay yihiin macalimiin ka howl-gala Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee JSL.

Wasaaradda Waxbarashadda oo ah ta ugu balaadhan Wasaaradda Somaliland oo ay wax ku bartaan ugu yaraan 1 million oo caruur ahi ayaa loo qoondeeyey Misaaniyad gaadhaysa ilaa iyo $ 14.5 Million dollar sanadkan . Misaaniyadan oo aad ugu yar Wasaarad baaxadaas leh ayaa waxay sababtay in tayadii iyo tamartii Waxbarashada Dugsiyada madaniga ah ee dawladu ay aad iyo aad hoos ugu dhacaan marka la bar-bar dhigo dugsiyada dhigooda ah ee gaarka loo leeyahay ee dalka ka jira.

Waxaa Amaan iyo Bogaadin mudan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Muadane Abdillahi Ibrahim Habane oo aad ugu dadaalay laba arimood mudadii uu Wasaaradda joogay. Wuxuu aad ugu dadaalay in la xoojiyo Waaxda Wasaaradda ee Tayenta Tacliinta Dusgiyada dawliga ah laakiin wuxuu u waayey dakhli lagaga midho dhaliyo caqabadaha hor taagan in tacliinta tayadeeda kor loo qaado. Waxaa kale oo Wasiirku uu ku dadaalay sifihii loogu soo dabaali lahaa Dugsiyada Gaarka loo leeyahay Manhajka qaranka ee Wasaaradda Waxbarashadu soo diyaariso si loo xakameeyo Dugsiyada gaarka loo leeyahay oo aad u batay laguna dhigo ilaa iyo in ka badan 5 manhaj oo kala duwan oo laga soo waariday wadamo kala duwan sida Kenya, Sudan, Yaman, Masar iyo Turkiga.

Guntii iyo Gebagebadii :
1- Waa in Miisaaniyada cusub ee Wasaaradda Waxbarashadda JSL la gaadhsiiyaa ilaa $22. Million oo dollar sanaka cusub si loo tayeeyo :
A) Daryeelka Macalimiinta, B) Dib-uhabeyna loogu sameeyo Waaxaha iyo Xarumaha Wasaaradda. C) Tayenta iyoTababarada macalimiintana kor loogu qaado.
D) Loona sameeyo tuul ay kormeerayaasha Wasaaraddu ku cabiraan tayada Waxbarashadda dalka. E) Waa in la sameeyaa Laababka Sayniska. F) La sameeyaa maktabado ku qalabaysan qalabka combuutarada. G) Waa in si dhakhso ah loo dhisaa Dugsiyo Farsamo si kor loogu qaado xirfadaha sayniska,Xisaabaadka iyo barashasha xirfadaha teknoolajiyada casriga ah..

Alleh ayaa Mahada Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive Education Advisor PA
United Kingdom
London

Dhacdooyinkii murugada lahaa ee uu xisbiga Kulmiye uu abuuray daawo qaybtii 1’aad

Shacbiyow waa UCID Oo Ka Xor Ah Xuurtadii Faysal- Ku Farxa Aragtidii Jamaal Iyo Kulmiye

$
0
0

RashiidMaygaag
Muddo aan dheerayn ayaan safar muddo igu qaatay ku soo kala bixiyay badiba gobollada iyo degmooyinka waaweyn ee dalkeenna Somaliland, anigoo muddadaas ururinayay aragtida siyaasadeed (Political Views Survey) ee shacbiga ku dhaqan gobolladaas iyo degmooyinkaas. Runtii waqtigu iima saamixin inaan Burco u dhaafo Bari – laakin waxan maray magaalooyinka Hargaysa, Burco Sheekh, Berbera, Balligubadle, Gebilay, Boorrama iyo Tog-Wajaale.
Baadhitaankaas shacbi weynaha aan waraystay 79.4% waxay ii sheegeen in codkooda ay siinayaan Jiilka Cusub (The New Generation) ahna Murrashaxa da’da yar ee Aqoonyahan Jamal Ali Hussein iyo Xisbiga UCID- waase haddii uu Faysal Cali Waraabe oo laba goor oo hore arkay mawqifka iyo dareenka shacabkaba, uu markan hanneeyo, Danta dalka, dadka iyo Xisbiga UCIDna ka hor mariyo hankiisa gaarka ah.
Dadkaa aan arkay waxay aad u rumaysnaayeen in isbeddel cusub oo keeni kara xal cusub, ama jiho cusub oo ka duwan aragtiyihii aan wax badan laga dheefin ee hore, aan marnaba laga filanayn Kulmiye – oo mar labaad xukunka ku soo noqda, amaseba Waddani oo Xukuumadda Kulmiye ay mar walba isku aragti dhow ahaayeen, balse laga filayo oo keliya, Fikirka Da’da yare ee u nugul fahanka iyo la qabsashada isbeddellada isdaba-joogga ah ee xaaladaha iyo siyaasadaha Dunida ee Aqoonyahan Jamal Ali Hussein.
Dareenkaa shacbiga waxa aad u sii xoojinaya, Wasiirro badan oo xukuumadda hadda joogta iyo Kulmiye ka tirsanaa, oo ficil iyo fikirba, ama shar iyo khayrba la qaybsaday – dhowaanna badhxay hoggaaminayana Xisbiga Waddani, kuwaasoo weliba shacbigu ka dheregsan yihiin inaanay Mabda’ ahaan kaga tegin Kulmiye ee ay kaga tageen oo keliya kursiga ayaa nallaga riixay.Badhaxan wasiirrada soo digo-rogtay waxay sii xoojinaysaa dareenkii awalba shacbigu qabay ee ahaa in siyaasadda Kulmiye iyo Waddani aanay kala fogayn, oo aanay midkoodna haddii ay maamulka dalka qabtaan jeexi Karin toobiye siyaasadeed oo cusub – kana duwan fikradihihii ma-dhalayska ahaa ee siyaasiyiinta gabawday ee rubuc qarni muddo ka badan ragaadiyay siyaasadda dalkeena Somaliland.
Haddaba waxa shacbiga Somaliland bushaaro u noqonaysa, warkii uu Xoghayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID Mudane Engineer Xasan Osman Sabce warbaahinta ka sheegay maanta – in Faysal Ali Waraabe lumiyay xilkiisii guddoomiye ee Xisbiga UCID, laga bilaabo maantana xilkaasi lagu dooran doono shirka Golaha Dhexe.Waxa sidoo kale bogaadin mudan, magacaabistii dhowaan Murrashax Jamal u magaacaabay jagada Xooghayaha – Mudane Adan Suldan CabdiRaxman Suldan Diiriye oo ah nin wax weyn ka tari dooona siyaasadda Jiilka Cusub.
Waxa hubaal ah, in shacbiga Somaliland muddoba naawilayeen, in sida keliya ee Somaliland kaga badbaadi karto Hoggaanka Kulmiye oo mar kale soo noqda, amaseba Koobbigiisa Waddani ay tahay – Faysal oo dib u joogsada, kuna farxa Xisbigii xisbiyada u da’da weynaa ee tacabka badani kaga baxay ee UCID oo ku guulaysta hoggaanka dalka – iyo Jamal Ali Hussein oo gadh-wadeen ka noqda salkana u dhiga siyaasadda baaxa-degaysa ee dalka iyo koboca dhaqaaleheenna maalin walba sii liciifaya.
Rasheed Ali Maigag Samater
(Hoggaamiyaha Xisbiga UCID U.K. Ahna-Xubin Golaha Dhexe UCID)

Rasheed Meigag
rmeigag@gmail.com

Xildhibaan Areeye iyo Tukaale oo ku adkaystay in ayna meelna uga socon xisbiga Waddani oo ay asaasayaashoodii ka midyihiin difaacayna shirkii Waddani

$
0
0
tukaaleareeye

Hargeysa,(Qaran-news)-XIldhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye iyo Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa beeniyey, warar sheegaya inay ku jiraan liis xildhibaano Waddani ka tirsan oo ay xukuumadda iyo nin ganacsade ahi ku hayaan olole ay xisbiga kaga saarayaan.

XIldhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye iyo Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Shirkii gaarka ahaa ee uu Madaxweynuhu Madaxtooyada kula yeeshay Madax-dhaqameedka iyo Wasiiradda ay isku beesha yihiin, waxa kale oo ay ka hadleen loolanka la sheegay in loogu jiro xilka Guddoomiyaha Kulmiye.

XIldhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo ugu horeyn ka hadlaya arrintan ayaa yidhi “Wax alaale waxa aanu uga baxno Xisbiga Waddani garan mayno, Xisbi kale oo aanu ku biiraynaana ma jiro, waxaanu nahay aasaasayaashii Xisbiga Waddani, ee dhidibada u aasaasay, bud-dhig ayaanu u nahay, tusaale ahaana marka laba qof baratamaan ama wada ordaan, qofka dambeeya wuxuu yidhaahda muruq baa I booday, markaas maantana tartankii Kulmiye iyo Waddani, Waddani baa dheerayey,maxa yeelay Xisbiga Waddani wuu hanaqaaday, waa horseed waanu socdaa, inta aanu guusha u damaashadno ayaanu sugaynaa.”

Xildhibaan Aareeye mar uu isbarbar dhigayey Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye iyo Waddani ayaa yidhi “Shirkii Golaha Dhexe ee Waddani, wuxuu u dhacay sida Shirarka Xisbiyada Caalamka, si qurux badan oo sharaf leh ayuu u dhacay, laakiin Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye waanu arkaynay sida uu u dhacay, si kastaba waxa ugu wanaagsanaa uguna nidaam fiicnaa Shirkii Waddani”.

Xildhibaan Aareeye mar uu ka hadlaayey loolanka la sheegaya in loogu jiro xilka Guddoomiyaha Kulmiye ayaa yidhi “Anigu Doorashadii Golaha Dhexe ee Kulmiye ayaan arkaayey oo kaadhadhka kartoono lagu guraayey, oo wax nidaam leh maan arkayn ee haddii ay sharci leeyihiin Ina Biixi waxa Guddoomiye ku xigeen kowaad u ah Ina Kaahin, waxa xaq u leh Guddoomiyaha Maxamed Kaahin, oo Muuse Biixi ku xiga, Muuse Biixi haddii aanu bakhayl ahayn sida uu Cabdiraxmaan Cirro duhur dharaareed uu jagada Guddoomiye ugu wareejiyey Cabdiqaadir Jirde ayuu ugu wareejin lahaa Maxamed Kaahin haddii cid lagu wareejinayana Maxamed Kaahin baa xaq ku leh”.

Xildhibaan Aareeye ayaa mar uu ka hadlayey kulankii uu Madaxweynuhu la yeeshay Madax-dhaqameedka Beeshiisa ayaa yidhi “Madaxweynayaashii hore ee dalka soo maray, Cabdiraxmaan Tuur, Cigaal iyo Rayaale, midkoodna Gows-dambeedka reerkooda iyo Madax-dhaqameedka Beelahooda lamay shirin, in Madaxweyne Axmed Siilaanyo la shirana waa dhaqan inoo cusub, balse madaama aanay Madaxweynayaashii ka horeeyey aanay sidaas sameeynin, inuu isagu sidaas sameeyo waa arin aan fiicayn oo halkeeda aan qaban.”

Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale oo isna ka hadlaya waxa ka jira wararka ayaa yidhi “Xisbiga Waddani ka bixi mayno, Xisbiga aasaase ayaan ka ahay, madaana aan aasaase ka ahay, ka tagi maayo, cid aan uga tagayaana ma jirto, laakiin waxaan u arkaa in daacayadan uu ka dambeeyo Kulmiye.”

Xildhibaan Bashiir Tukaale mar uu ka hadlaayey Shirkii uu Madaxweynuhu beeshiisa kula yeeshay Madaxtooyada ayaa yidhi “Shirka uu Madaxweynuhu jufadiisa uu kula yeeshay Madaxtooyada Qaranka, waxay ina tusaysaa sida ay Xukuumaddani u istaadhay Qabyaalada iyo heerka ay gaadhsiisay, waxaana dhab ah in Madaxweynaashii hore aanay talaabadan oo kale aanay ku kicin”.

Xildhibaan Bashiir Tukaale ayaa mar uu ka hadlaayey loolanka loogu jiro xilka Guddoomiyaha Kulmiye ayaa yidhi “Jagada Guddoomiye Muuse Biixi waa lagu wareejiyey, waxaana ku wareejiyey Madaxweynaha, markaas loolankan loogu jiro inta la iska daayo isna waa inuu cida ku haboon uu ku wareejinaya.”

Daawo:Saylaci oo ku eedeeyay Isbahaysigii Kulmiye ee Xirsi hogaaminaayey inay afduubeen Waddani A.Muumin Seedna uga eexdeen Maxamed Cali

$
0
0

Daawo:Saylaci oo ku eedeeyay Isbahaysigii Kulmiye ee Xirsi hogaaminaayey inay afduubeen Waddani A.Muumin Seedna uga eexdeen Maxamed Cali


Daawo:Beesha Qoorlugud & Buhoodle oo ka dareeray Kulmiye,una digarogtay Waddani+Taageero Mug & miisan leh oo ay la garabjoogsadeen Hogaamiye Xirsi

$
0
0

Daawo:Beesha Qoorlugud & Buhoodle oo ka dareeray Kulmiye,una digarogtay Waddani+Taageero Mug & miisan leh oo ay la garabjoogsadeen Hogaamiye Xirsi

Exclusive: The Fraud And Corruption Charges Against The SL Finance Minister Are Widely Seen As A Masterminded Effort By The Presidential Family

$
0
0

Exclusive: The Fraud And Corruption Charges Against The SL Finance Minister Are Widely Seen As A Masterminded Effort By The Presidential Family

International Anti-corruption crusaders, are finding out the seriously unprecedented corruption that is charged against the SL Finance Ministry alongside other senior government officials.

Reports say that there is lucrative bond and insider deal between Minister of finance Zamzam Abdi Adam and President’s family individuals that would benefit them.

Analysts acknowledge that there was no allegation of corruption or self-enrichment in the case, and SL media have reported that there have never been criminal charges filed for a similar case in the country’s history.

This brief report is only to elucidate the unprecedented corruption and fraud that is widely seen to weaken the fragile economy of the

country , thus, it is not targeting at individuals like Minister Zamzam Abdi Adan and president’s family. In other words it is aimed at discovering the deteriorating economy of the country due to the careless of the finance Ministry officials to permit the economy to grow .

Currently as reported there is an international foundation based in UK that finding out and investigating the case.

In fact Analysts say that this alleged unprecedented corruption charges resemble the same frauds masterminded by Nigerian Finance Minister Diezani Alison who was investigated and soon after when found guilty put her behind the bars for committing the charges alleged due to corruption.

To be Continue…

Hadhawanaag News

Concealed Investigative Department.

Daawo:Suldaan ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo wasiirkii Beeshiisu Gef culus oo uu u badheedhay raaligelin ka bixinaya

$
0
0

Daawo:Suldaan ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo wasiirkii Gef culus oo uu u badheedhay raaligelin ka bixinaya

Daawo:Diblomaasi ku hadla luuqada Af-somaliga oo booqasho ku yimi Hargeysa+Mudadu joogayo & Waxa ujeedada safarkiisu daaran taha

$
0
0

Daawo:Diblomaasi ku hadla luuqada Af-somaliga oo booqasho ku yimi Hargeysa+Mudadu joogayo & Waxa ujeedada safarkiisu daaran tahay

Fadeexad: Maamulaha Madaarka Hargeysa oo ka Noqday Racfaankii uu ka Qaatay Dacwadii Siciid M. Gahayr+ Heshiis uu lasoo saxeexday….

$
0
0

Maamulaha Madaarka Hargeysa Maxamed Yuusuf ayaa ka noqday Racfaan uu ka qaatay Xukunkii dhowaan Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ku sii daysay Qoraagii mudada Saddexda bilood ah xabsiga ugu jiray isagga iyo wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi.
Waxanay shalay Maamulaha Madaarka iyo Koox Odayaal ahi Xeer Ilaalinta geeyeen waraaq, ay kaga laabteen racfaankii hore ay u dalbadeen, waxanay qoraalkaas sida ilo wareeedyo looga qaateen ahi Warbaahinta u sheegeen, kuwasoo qoreen ka laabasho Racfaan, iyo sidoo kale heshiis ay sheegeen inay wada gaadheen maamulaha Madaarka iyo xubno Odayaal ah oo kasoo jeeda qoyska qoraa Siciid Maxamuud Gahayr.
Hase-yeeshee qoraalka ayaa sida xoggaha laga helay ay sheegeen, Xeer Ilaalinta ayaa si cad u sheegtay in qoraagaasi u xidhan yahay wasaaradda Duulista sida ku cad qoraal uu Maamulaha madaarku hore usoo gaadhsiiyey, isla markaana ay dacwadda ku galeen, waxany Xeeri ilaalintu dalbatay in Waraaq kasoo baxday wasaaradda Duulista u keeneen ay kusii dayn karaan, hase-ahaatee aanay qoraalkan Maamulaha Madaarka xaq ugu lahayn in lagu sii daayo. Waxana la sheegay inay Xeer Ilaalintu la waqtigaa la xidhiidhay Wasiirka Wasaaradda Duulista Somaliland Md. Farxaan Cali Haybe, kaasoo isaggu sheegay inaanu qoraagaasi Wasaaradda u xidhnayn, isla markaana aanu Maamulaha Madaarku ku metelin xadhigaas uu u geystay qoraa Siciid Maxmauud Gahayr, balse uu isagga ku kooban yahay.
Waxana sida xoggaha lagu sheegay arrinkaas wasiirka kasoo baxay af kala qaad ku noqday Xeer Ilaalinta iyo Odayaashii la socday Maamulaha Madaarka Hargeysa Mr. Maxamuud Yuusuf. Waxanay intaa wararku ku dareen inay Xeer Ilaalintu weydiisay Waar Maxay ahayd Warqaadii aad noo keentay ee Ninka lagu soo xidhay miyanay kasoo bixin Xafiiska wasiirka, hase-yeeshee waxa la sheegay inuu kaga jawaabay Maqaalka uu qoray Siciid Maxamuud Gahayr waxa dhibsaday wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi ooh ore u ahaa wasiirkaygii iyo aniga. Sidaas daraadeedna waxaan xadhigiisa amar uga haystay Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi, walina kama hayo amar danbe uu Wasiir Maxamuud Xaashi aan ka haystaa inuu cafiyey oo aan iska sii dayno iyo in kale.
Waxanu Maamulaha Madaarku intaa Xeer Ilaalinta ugu daray in Wasiir Maxamuud Xaashi dalka ka maqan yahay oo aanu joogin, balse marka uu yimaado uu kala xaajoon doono. Si kastaba ha ahaatee, arrinkaas uu kashifay Maamulaha Madaarka Hargeysi ayaa af kala qaad iyo fajaciso ku riday Xeer ilaalinta dalka iyo Odayaashii uu heshiiska lasoo saxeexday ee ay u wada socdeen sii daynta siciid Maxamuud gahayr oo 74-habeen xabsiga ugu jiray, isla markaana ay Maxkamaddu ku wayday wax danbi ah, sidaas daraadeedna ay Maxkamaddu amartay in xoriyadiisa loo celiyo oo lasii daayo. Balse Maamulaha madaarka oo kaashanaya Xeer Ilaalinta ayaa awood dawladeed dib xabsiga ugu celiyey qoraa Siciid Maxamuud Gahayr, waxanu ilaa hadda awoodda xilka dawladeed awgeed ugu xidhan yahay xarunta Danbi baadhista ee C.I.D-da.

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka ee Burco Oo Ka Hadlay Abaaraha Burco Ka Jira iyo Xidh naanshaha Madaarka Burco

The True Origin of the White race (100% PROOF!!!) 2016


Sawirka Todobaadka +Xaalada dawakha ah ee Xisbiga Kulmiye galay

$
0
0

Sawirka Todobaadka +Xaalada dawakha ah ee Xisbiga Kulmiye galay

 

artsamin

Daawo:Beelaha dega Balidhiig,Dhoqoshay & Xagal oo si rasmiya ugu Biiray Xisbiga Waddani Taageero mug & Miisan lehna….

$
0
0

Daawo:Beelaha dega Balidhiig,Dhoqoshay & Xagal oo si rasmiya ugu Biiray Xisbiga Waddani Taageero mug & Miisan lehna…..

Daawo:Xisbiga Waddani oo taageerayaal mug & Miisan lehi ku soo biireen,Xafiisyo cusubna ka furtay degaanada Bariga Burco sida shanshacade,Balicalanle & Degaano kale

$
0
0

Daawo:Xisbiga Waddani oo taageerayaal mug & Miisan lehi ku soo biireen,Xafiisyo cusubna ka furtay degaanada Bariga Burco sida shanshacade,Balicalanle & Degaano kale

Golaha Deegaanka Hargeysa; Xaabo Ay Bulshadu Qiiq Un Ka Dhaxashay!

$
0
0

Golaha Deegaanka Hargeysa; Xaabo Ay Bulshadu Qiiq Un Ka Dhaxashay!

W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde

Magaalo waliba waxa ay leedahay gole deegaan oo lagu soo doorto doorasho cod-bixin ah oo ay dadku codkooda siiyaan kolba cidda ay u gartaan in ay wax ka qaban karto bilicda iyo nadaafadda degmadooda. Golaha deegaanka ayaa ay shaqooyinkiisa ka mid tahay ka shaqeynta arrimaha nadaafadda, bilicda magaalada, dhisida waddooyinka iyo waxyaabo kale oo aan intaa ka durugsanayn, iyada oo xubnaha mudadaa loo soo doorto maamulka golaha deegaanku masuul uga noqdaan bulshada inay uga shaqeeyaan arrimahaas iyo waxyaabo kale oo badanba. Hadaba tuke baal cadi tilmaamane golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa ayaa noqday fadhiid aan sidii dadku ka rajaynayeen wax u qaban, goluhu waxa uu noqday mid ay xildhibaanada golaha badankoodu qaad iyo lacag mooyee ku fikirinba sidii ay u gudan lahaayeen waajibkii loo igmaday. Kama soo xaadiraan golaha intooda hawl maalmeed ku xidhanyahay, dadka sugaya masuuliyiinta ay hawshoodu khusayso ayaa iyaguna maalin walba kusoo noq-noqda xafiisyadooda, waxa kale oo golaha laga rajaynayay in ay waddooyinka wax ka qabtaan isla markaasna ay hirgaliyaan qorshayaal lagu horumarinayo bilicda caasimada, taas oo aad mooddo in ay dawladdii dhexe uga firfircoonaatay qurxinta jidadka hareerihiisa iyo shaqooyin badan oo Golaha deegaanku lahaaba. Hadba inta qashinku kuu jiro ayaa uu cudurkuna kuu jiraaye, xashiishkii ayaa isna xoog looga dareemayaa isaga oo tuulan goobihii laga qaadi jiray iyo waddooyinka xaafadaha dhexdooda oo aan waxba ka duwanayn wakhtigan goobo qashin qub. Waa hubaal oo maaha wax aan maskaxdayda ka male’awaalayee waa mid u muuqata inta damiirkoodu qoyanyahay ee ka damqanaysa dhibaatada ka dhalan karta goobaha qashin qubka ah khaasatan xilli roobaadyaada oo aad uga duwan wakhtiyada kale.
Goleyaasha deegaanka gaar ahaan golaha caasimadda Hargeysa waxa astaan u ahaan jirtay in ay la yimaadaan wax cusub oo wax ka taraya bilicda caasimadda sidii aynu kusoo aragnay golayaashii deegaanka ee kala dambeeyay, hadii uu ahaan lahaa golihii deegaanka ee uu gudoomiyaha u ahaa Mudane Cawl Cilmi Cabdale ayaa waxa lagu xusuustaa ishaarooyinkii uu markii u horeysay ka hir galiyay caasimadda iyo astaamo dhaxal gal noqday oo uu ka dhisay meelo ka mid ah caasimadda sida diyaaradda saaran khayriyada iyo gacanta sidda maabka ama khariiradda Somaliland ee ku taala xaafada kaalinta sideedaad ee degmada maxamuud haybe oo ah meel istaraatiji ah oo ku habboon astaantaa maaddaama oo ay ku beegan tahay wadadii ka imanaysay madaarka caasimadda, sidoo kale waxa uu golahaas uu hormuudka ka ahaa Cawl qurxiyay jidka wadnaha ee magaaladda Hargeysa isagoo dusha ka saaray astaamo qurux badan iskoysyada maddaxtooyada iyo wadada goolada suuqa badhtankiisa ee hormarta shirkadda Telesom.
Haddii aynu yar milicsano golihii ugu mudada badnaa tan iyo intii Somaliland xornimadeeda lasoo noqotay ahaana golihii ugu dambeeyay ee ay xilka kala wareegeen golahan imika jiraa, oo uu guddoomiye u ahaa Eng: Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa iyagana lagu xusuustaa waxqabad haddii ay noqoto dhisida wadooyinka isku xidha xaafadaha Hargeysa, biriishyada iyo buundooyinka laga hirgaliyay meelo muhiim ah oo ka tirsan caasimadda, ururinta qashinka oo si habsami ah gaadhi loosoo dhexmarin jiray xaafadaha dhexdooda todobaadkii maalin cayiman, iyo xalinta khilaafaadka dhulalka oo aad loogu bogaadiyo golahaasi, waxa kale oo ay dhiseen goobo dan guud ah oo ay ugu mudnaayeen sariibaddo laga hirgaliyay guud ahaanba xaafadaha caasimadda iyadoo dhanka bilicdana lagu xusuusto taalada Shimbirta cad ee ku samaysan isgoyska Total iyo dhismaha kaaraha ee ku yaala huteel Baar Hargeysa hortiisa iyo waxyaabo badan oo kale oo qayb ka ah bilicda caasimadda.
Bal hadda aynu u nimaadno golaha deegaanka caasimadda oo aan cusayb loogu cudur daari karin ayaa ah qaar aan iyagu wali wax ay qabteen u muuqan dadweynaha tan iyo intii lasoo doortay, waa gole aan u habaysnayn hab maamul, waa gole aan wax muuqda wali la iman, waa gole aan lagu badhaadhin, waa gole aan ku suntanayn waxqabad, waa gole xildhibaanadiisu kala badal gaadhi iyo u kala dheerayn tamashle dibadeed ka bixi la’yihiin, waa gole ay isha ku hayaan dadkii soo doortay, waa gole ka takooran bulshada oo aad mooddo in aanay iyaga u shaqaynayn, waa gole mixnad iyo xafiiltan ku foogan, waa gole tusaale u noqon doona bulshada doorashooyinka dambe, waa gole aan ku tilmaami karno xaabo loo baahnaa inay olosho oo la manaafacaadsado, oo isku bedeshay xaabo la shiday kadibna markiiba iyadoon ololin qiiqday, waa gole u baahan gurmad, waa gole ay habboonaan lahayd in aan lala sugin muddo xileed, waa gole u baahan isbedel dhakhso ah. Ku darsoo weliba balan qaad afka ah oo aan fuliniba ka dambeyn ayaa ay inta badan ku caan baxeen, tusaale waxa kuugu filan masuul ama xildhibaan kasta oo ka tirsan Golaha deegaanka ee caasimaddu marka uu meel ka hadlayo waxa hubaal ah in uu balan-qaad ka sameeyo goobtaas kadibna aanad arkaynba wixii la balanqaaday oo aan dib wax looga qaban. Ceeb iyo fadeexadna waxa ugu filan in ay burbursanaato oo ay raf bilaa laami ah noqoto wadadii kaliya ee isku xidhaysay madaarka ama gegida diyaaradaha ee caasimadda ilaa biriishka iyo suuqa hoose ee Hargeysa oo marka uu wafti inoo yimaado soo maro, kadibna iyaga oo aan aragba qaybaha kale ee magaaladda waftigaasi ka qaata sawir ah inay jidadka kale ee magaaladuna sidaas wada yihiin. Hadaba tollow, maxaa kartidii iyo waxqabadkii ka qaaday xildhibaanada fadhiidka noqday ee caasimadda? Ma garanayo ma aqoon la’aan dhinaca bilicda iyo maamulka magaalooyinka ah baa jirta? Ma hagrasho dhinaca damiirka iyo kartida ah baa jirta? Ma waayo-aragnimo la’aan baa jirta oo aynu u nisbaynaa tollow? Mise meesha waxqabad baanay u imane wax soo cunnaa lagu soo dardaaray? Miyaanay ajar Illaahay, cod dambe, sharaf iyo magac midna mustaqbalka doonnayn? Cajab!
Waxa ayaan darro weyn ahayd mar uu maayirku maalmo dhawayd oo uu dalka dibadiisa kasoo noqday waxqabadka ugu weyn ee uu sido ka dhigay in ay maayaro ku xigeeno dalalkoodii soo dhisay iman doonaan halkan, miyay aqoon un kala yimaadaan tollow nimankaa magaalooyinkoodii qurxiyay mise markay inoo yimaadaan ayay maalmo, bilo, iyo sannado inala joogi doonaan oo ay maayaro inoo noqon doonaan inaga! Bal adba!
Waar kuwa dhulkan aad kusii socotaan dhisay ee ka sameeyay wadooyinka, biriishyada warwareegsan ee is dulmaraya, laamiyada soconaya, hanaanka qashin qubka iyo siyaabo kala duwan u adeegsiga qashinka iyo dhirta cagaarka ah ee meel walba ku muunadaysan waa inamo ama hablo sagaal bilood ku dhashey, idinkama maskax badna hadaad u heysataan maan sheegine, idinkama aqoon badnaan filayaa, haddii ay wax idin dheeryihiina waad gaadhi kartaan, way u dhaarteen, dhexday u xidheen, way aaminsan yihiin, waxa ku jira dhiig wadanninimo iyo waxqabade la kaalaya idinkuba waad awoodaane.
La kala tag, goleba gole dhaaf, waxqabadna iyo horumarna isma qariyo oo sida dayaxa ayaa uu u muuqdaa, dalkeenna Soomaalilaan marka aad eegto goleyaasha deegaanka ee laga soo doortay gobol ama degmo kasta waxa uu heegan ugu jiraa ha yaraato ama ha badnaatee in ay wax uun u qabtaan dadkii soo doortay, waan amaannayaa golaha deegaanka ee Berbera iyo ka Boorama, waan bogaadinayaa golayaasha deegaanka Ceerigaabo iyo Burco, waan dhiirigelinayaa golaha deegaanka Laascaanood, waan taageerayaa goleyaasha deegaanka degmooyinka kale, ugu danbeyna waan u ducaynayaa golaha deegaanka Hargeysa.
Wabilaahi tawfiiq.

W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde
E-mail: Xiinfiniin_10@hotmail.com
Tell: 063-4470220

Important with Stability in the Horn of Africa

$
0
0

PRESS RELEASE

After meeting governments in South Sudan and then in Kenya, where he also met Somalia’s Prime Minister, Mr Brende ended his visit in the Ethiopian capital Addis Ababa on 28 and 29 October
Minister of Foreign Affairs Børge Brende visited the Horn of Africa between 25 and 29 October. ‘The region is facing armed conflict, humanitarian crisis and political instability. It is in Norway’s interest to support measures which can contribute to stability and development,’ said Minister of Foreign Affairs Børge Brende. In South Sudan five million people are suffering from humanitarian crisis after armed conflict broke out in December 2013. Somalia still faces major challenges including armed conflicts, humanitarian crisis and mass displacement. Kenya is preparing for next year’s presidential and parliamentarian elections, while Ethiopia recently introduced a state of emergency because of unrest and demonstrations in several parts… Read More
SOURCE
Royal Norwegian Embassy in Addis Ababa

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>