Degdeg:Daawo,Qarax lagu hoobtay oo galaaftay ku dhawaad 100 qof oo Dhimasho ah & 130 dhaawaca+Yurubiyan ku dhintay
M/weyne Muuse Biixi oo Tacsi u diray Maayarkii Hore ee Hargeysa oo Maanta Geeriyoodey
TACSI MADAXWEYNE: 28/12/2019
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka dalka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cawl Cilmi Cabdalla oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 28/12/2019 Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ruug-cadaaya oo halgamadii kala danbeeyey ee dalka loo soo maray door muhiima ku lahaa, qayb-weyna ka qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, markii danbena noqday maayarka caasimada Somaliland ee Hargeysa oo uu kaga tegay taariikh iyo astaamo ma guuraana muddadii uu xilka hayey.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Daawo:Nuxurka Khudbad xasaasiya oo Hogaamiye Xirsi ka jeediyey Munaasibad Ilyartu isqabatay
Daawo:Ex-wasiir Maxamuud Xaashi oo soo dhaweyn weyda kala kulmay Jaaliyada S/land ee Dalka Faransiiska
Daawo:Wasiirka Gaadiidka Somaliland oo ka hadlay dacaayad & Been lala beegsaday,ku faanay….
Daawo Muqaal:Degaano Sida Fiinta uga qayliyey Wasiirka Macdanta,M/weyne Biixina ka codsaday inuu arintooda..
Daawo:Qaraxii Ismiidaaminta Muqdisho+Sawirro Argagax leh














Daawo:Waraysi Xasaasiya oo lala yeeshay Gudoomiyaha Waddani Togdheer+Arimo xasaasiya oo uu badka soo shigay
Daawo:Wasiirka Gaadiidka Somaliland oo ka hadlay dacaayad lala beegsado,ku faanay….
Daawo Muqaal:Beel soo bandhigtay Xaq & xuquuq ay sheegtay inay kaga maqan tahay Beesha Reer Sheekh Isaxaaq
Daawo Muqaal: Heesaaga Maxamed BK & Weedhihii uu ka yidhi qaraxii ismiidanta Muqdisho.
Daawo Muqaal:Sidii Ex-wasiir Maxamuud Xaashi loogu soo dhaweeyay Uk & Cidii soo dhaweysay
Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha oo maanta ka qaybgalay kulan……




Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha mudane Farxaan Adan Haybe oo maanta ka qaybgalay kulan balaadhan oo lagu qiimaynaayay shaqaalaha wasaarada horumarinta maalgashiga, gudoomiyaha oo kulankaasi faah faahinaaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidani.
Waxaanu maanta kala qaybgalay wasiirka, Agaasimaha guud iyo shaqaalaha wasaarada horumarinta Maalgashiga xaflada Qiimaynta Shaqaalaha ee sanadka galbaday ee 2019. Waa wasaaradii 3aad ee ilaa imika iyagoo raacaya Habraacyada sharciga ee Maamulka iyo Maaraynta cudduda Shaqaalaha gaar ahaa siyaasada Qiimaynta Shaqaalaha iyagoo qiimayn ka dib abaalmarin siiyay 13 shaqaalahooda ka mid ah oo mid kasta shahaado shaqo wanaagiisa lagu aqoonsaday iyo abaal Marin lacageed. Waa waajib in cidii mutaysata loo mahad celiyo loona abaal celiyo dabcan cidii gaabisana waynu soo kabaynaa si ay iyaduna u noqoto mid dadaalka lagu abaal mariyo oo guulaystay balse cida gadaal Ku hadha ee caadayste noqota sharciga ayaynu u raacaynaa waana nasinaynaa si badalkiis dhalinyarada kale ee jecel inay qaranka u adeegaan loo siiyo fursado shaqo. Ugu danbayn Waxaan u mahad celinayaa Shaqaalaha wasaarada si gaar ahna Waxaan amaan ugu jeedin ayaa wasiir cawad iyo Agaasime Deeqa oo aan leeyahay waad ka soo baxdeen xaqii Shaqaalaha inaad ka farxisaan, inta kalena dhiiri gelin ayay u tahay.
Daawo Muqaal:Nuxurka weedho Guulwadeyna oo uu jeediyey Af-hayeenkii Hore Qasriga Madaxtooyada Somaliland
Degdeg:Daawo,Weerar lagu qaaday Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland & Taliye-xigeenkii Booliiska Puntland oo ku dhaawacmay+khasaaraha nafeed ee kale
Daawo Muqaal:Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo si adag uga hadlay Arday la dhaawacay & Cida dhaawacday+Amaawiir culculus oo uu Dul-dhigay
Xaafad Muqdisho ka mid ah oo si maalinle ah dad loogu dilo iyo sababta
Dad badan iyo ma’suuliyiinta qaranka qaarkood ayaan ku baraarugsaneyn in xaafad ku taallo magaalada Muqdisho si maalinle ah dad loogu dilo, oo xaaladdeeda ay faraha ka baxday.
Xaafadda Tarabuunka ilaa Haanta dheer ee degmooyinka Hodan iyo qayb kamid ah Deyniile, waxaa maalin walba lagu dilaa dad, sidoo kalane waxaa ka dhaca dagaal beeleed muddo dheer soo taagnaa.
Sabtidii oo kaliya waxaa lagu dilay 5 qof, waxaana lagu dhaawacay 7 kale. Dadka la dilay qaarkood waxaa lagala dagay gaadiid ay saarnaayeen waxaana loo beegsanaya aanooyin qabiil.
Sidoo kale axaddii shalay waxaa mar kale halkaas ka dhacay dagaal dhex-maray labada beel ee isku haye halkaas, kaasi oo ay ku dhinteen 5 qof.
Dorraad iyo maalintii ka sii horeysay waxaa sidoo kale Haanta dheer iyo Tarabuunka lagu dilay laba qof oo la isu aaray.
Beelaha ku dagaalamaya Tarabuunka iyo Haanta dheer oo ah hal beel oo dhawaan Guddoomiye iyo Golahiisa ku doortay magaalada Hobyo ee gobalka Mudug ayaa jirin ilaa hadda qof isku dayday in uu wax qabto.
Xaafadaha ay dhibaatadaan ka jirto waa adagtahay in ay tagaan Ciidamada Amniga, waxaana dhowr halkaas kala kulmeen dagaal kadib markii ay isku dayeen in ay kala dhax galaan maleeshiyada dagaalamaya.
Dad badan ayaa is weydiinaya ilaa goorma ayey dowladda Soomaaliya ka aamusnaan doontaa dhibaatada ka taagan xaafadaasi.