Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Daawo:Dhismaha wadada Hargeysa-Oodweyne ilaa Burco oo Bilowga Hawlgalka dhismaheeda la iclaamiyey


Iiran oo shaacisey inay heshay xoggo ku saabsan Dilkii Qasim Soleimani+Dal carbeed oo…….

$
0
0

Iiran oo shaacisey inay heshay xoggo ku saabsan Dilkii Qasim Soleimani+Dal carbeed oo…….

 

Taliyaha Ciidamada Cirka ee Dawladda Iiraan, Amiir Cali Xaaji Zaada ayaa soo bandhigay xog dheeraad ah oo ku saabsan Dalalka ka qeyb qaatay duqayntii lagu dilay Qaasim Suleymaani.

Wuxuu sheegay taliyuhu in Mareykanka uu ugu yaraan 4 Saldhig Militari u adeegsaday dilka Taliyihii Ciidamada Qudus , Qassem Soleimani.

Amiir Zada, waxa uu caddeeyey in ay heleen xogo rasmi ah oo muujinaya in Diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee bartilmaameedsaday kolonyada Soleimani ay kasoo keceen saldhigga Mareykanku ku leeyahay Dalka Kuweyt.

Xaaji Zadeh, wuxuu intaas ku daray in waddankiisu uu kormeerayay qaadista Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo Helikobtarro wata qalab fara badan oo Rasaas ah, maalintii la dilay Soleimani.

Diyaaradaha MQ-9 waxaan ogaanay in ay kasoo duuleen saldhigga Cali Al-Saleem ee Dalka  Kuweyt, sidoo kale waxaan baaritaan dheer ku xaqiiqsannay in Diyaaradahaasi ay howlgalka kahor joogeen Hawada sare ee Caasimadda Baqdaad  ayuu yiri Amiir Zaada.

Dawladda iiraan ayaa intaa ku dartay in ay welwel ka qabto meesha ay ku danbayn doonaan Dalalka Carbeed ee u adeegaya Maraykanka iyo xulufadiisa Yuhuudda, waxayse sheegtay in iiraan ay ku filan tahay difaaca Dhulkeeda iyo Dadkeeda

Daawo:Maayarka Hargeisa oo naadinaya lacag ay ka heleen Dhul Dawlada hoose ee Hargeysa burburisay

Safiirka Mareykanka u qaabilsan Somalia oo war kasoo saaray kulamo uu Nairobi kula qaatay Deni,Axmed madoobe & Lafta-gareen

$
0
0

Safiirka Mareykanka u qaabilsan Somalia oo war kasoo saaray kulamo uu Nairobi kula qaatay Deni,Axmed madoobe & Lafta-gareen

Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Don Yamamoto ayaa maalmahanba Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmayay qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya oo halkaas ku sugan.

Safiirka ayaa la kumay madaxweynaha Puntland, Saciid Cbadullaahi Deni, madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, madaxweynaha Koonfur Galbeed , Cabdicasiis Xassan Maxamed oo maalma kahor soo gaaray Nairobi.

Safiir Yamamoto ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka ay gacan ka geysaneyso sidii la isgu soo dhawen lahaa dowladda dhexe iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada, si looga wada shaqeeyo ammaanka iyo caqbaadaha taagan.

Safiirka ayaa sheegay in wadaxaajood ay yeeshaanlabada dhinac ay muhiim u tahay, si looga miradhaliyo ujeeddooyinka ah Soomalaiya oo ammaan iyo barwaaqo ah.

“Waa mid dadka Soomaaliyeed waa arrin ay dalbanayaan, jiillka dambena ay filayaan, hogaamiyeyaasha Soomaalidana looga fadhiyo”, ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo lagu daabacay bogga Facebook ee safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Yamamoto oo kulankii uu la qaatay Axmed Madoobe ka war bixiyay ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubaland uu kala hadlay baahida loo qabo in si degdeg ah loo soo afjaro khilaafka ka taagan Jubaland, taas badelkeedana lagu badelo xiriirka maamul goboleedyada iyo Dowladda Federaalka, dagaalka kadhanka ah ururka Al Shabaab, xoojinta iyo sidii Soomaalida ay ugu midoobi lahayd ka shaqeynta ammaanka iyo Soomaaliya oo barwaaqa noqota.

Waxaa kale oo uu safiirka fahfaahiyay kulankii uu la yeesha Saciid Deni.

“Yamamoto 23-kii bishan waxaa uu la kulmay Madaxweynaha Puntland, waxayna ka wada hadleen tagaeerada Mareykanka uu siiyo laamaha ammaanka ee Puntland, ahmiyadda ay leedahay doorasho qaran oo loo dhan yahay, in horay logu tallabsado horumarinta gobolka iyo baahidaha degdega ah ee loo qabo wadaxaajood ay yeeshaan Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada”, ayaa lagu sheegay qoraalkii kasoo baxay safaaradda.

Sidoo kale diblomaasiga ugu sareeya safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegay in markii uu la kulmay madaxweyne Lafta-gareen ay ka wada hadleen amaanka gobolka Shabeelaha hoose, wuxuuna ku booriyay in uu sii xoojiyo dedaalada uu wado ee u ku aadan mideynta dadka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Hirshabeele, Maxamed Cabdi Waare ayuu safiirka sheegay in uu sidoo kale kala hadlay sidii Mareykanka iyo Soomaaliya ay isgaa kaashan lahaayeen Al Shabaab iyo xoojinya xiriirka maamu goboleedyada iyo Dowladda Federaalka.

Waxaa dalal badan oo caalamka iyo hey’adaha caalamiga ay in muddo ah wadeen dedaalo la doonayo in lagu xalliyo khilaafka u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo Dowladda Fedeaalka.

Khilaafka u dhaxeeya maamul goboleedyada Soomaaliya qaar kamid ah iyo Dowladda dhexe ayaa ku qotom doorashooyinkii dhacay, doorahsada 2020-ka, dastuurka dhamesyirkiisa, qeybsiga kheyraadka iyo faragelin ay qaar kamid ah maamul goboleedyada ay shegeen in Dowladda Federaalka ay ku sameysay maamuladooda.

WAR-SAXAAFADEEDKA KULANKA:

Daawo:Wasiirka Warfaafinta S/land oo shaaciyey Warbaahin & TV-yo Lacag Gunno ah ka qaata Xafiiska Ra’iisal-wasaraha Somalia

Daawo:Wasiirka Daakhiliga S/land oo Eedo culculus Tunka u saaray Warbaahinta Maxalliga ee Somaliland

Waayihii ku Gadaanaa Dagaalkii 1988 + Qaxii Dhacay + Xeryihii Qaxoontiga + Buulalki + Siigadii.

Daawo: Wasiirka Arimaha Gudaha Jabuuti oo yimi Hargeysa +Ujeedada Safarkiisa


Daawo:Xisbiga Ucid oo sida Fiinta uga qayliyey Wasiirka Arimaha Gudaha Jabuuti oo Hargeysa Yimi

Daawo:Taliyaha Booliiska S/land oo shaaciyey inuu Dhibane ka yahay Warbaahinta Maxalliga ee Somaliland,Muxuuse gocday?

Daawo:Gudoomiye-xigeenka Xisbiga Waddani oo Ganafka ku dhuftay War ka soo yeedhay Wasiir Max’ed Kahin & Koore,kana dalbaday………

Daawo:Siyaasi Doob oo ka jawaabay Haddallo ay Warbaahinta ka jeediyeen Wasiir Max’ed Kaahin,Wasiir Koore & Taliyaha Booliiska Somaliland Gen.Dabagale

Establishing a Sustainable Economic/ Free Zone.

$
0
0

Establishing a Sustainable Economic/ Free Zone.

Introduction
Like any other Economic Zone, Somaliland’s Economic/Free Zone (SEZ) shall be planned to integrate, economic needs (having different clusters such as Logistics hub, Industrial hub, Wholesale hub…etc.) with the social and environmental needs. I believe this is one of the key initiatives and an important milestone towards diversifying and delivering Somaliland’s economic vision. Nonetheless, if we are to establish a free zone that cater state’s economic growth and boosts the employment opportunities specially for our graduates. Then, based on our experience vis-à-vis on similar plans and strategies, such benefits will only be materialized when environmental and social components are taken into consideration in line with the economic objectives. Therefore, we are strongly recommending to integrate social and environmental dynamics into the decision-making process as early as possible.
An inclusive plan that includes, but not limited to techno-economic, social and environmental consideration in all phases is vitally needed for the benefit of nor only current generation but also or generations to come. Based on our experience the social and environmental adverse impacts are mostly associated with the operation phase via different environmental media (e.g. air, water, land, noise, radiation, fire, explosion…). Therefore, a sustainable implementation is needed to reduce both the short and long-term impacts.
Constraints
One major constraint that could hinder the above benefits could arise if failed to select an appropriate site for the plan. It is important that the EZ’s site is strategically placed in an open hinterland with proximity to the port and airport, while at the same time having the opportunity to expand in the future to accommodate future development. Also, in order to support the scale of commercial a considerable investment in infrastructure is a prerequisite, especially in the increase in road traffic levels. Albeit once complete Berbera Corridor will facilitate more efficient movements of freight and people between the Berbera Free Zone, Wajale and across the border to Ethiopia. But, there is a concern how the increase of traffic level may influence the in the City of Berbera and this is one of the reasons that the Free zone site needs to be strategically located.
Environmental Risks
Common risks include, but not limited to, fire, release of toxic gases, chemical spill, utility balance, depletion of finite resources, increase waste (both hazardous, non-hazardous and inert), traffic increase, leakage associated with fuel farm, the risk of explosion, potential flood risk, lack of drainage network in addition to health and safety issues. These are critical issues from the stakeholder (e.g. investors, customer, proponent, client, contractor, workers, public and nearby residence) point view. It is therefore important that the plan considers all the aforementioned aspects. Moreover, in order to compete both regionally and globally counterparts, the Somaliland Economic Zone should utilize state of the art and proven methods in all phases. The bottom line of this article was to emphasize the need to create synergy economic needs with social and environmental needs to create win-win situation.

Thanks, and Best Regards
Mohammed Haji Ibrahim
Environmentalist
Mohammed_ibr40@hotmail.com
Sheffield, UK

Faallo:Maxa sababey inuu hore uu guuleysan waayo kacdoonka shacabka Algeria sida kacdoonka shacabka Sudaan u guuleystey.

$
0
0

Maxa sababey inuu hore uu guuleysan waayo kacdoonka shacabka Algeria sida kacdoonka shacabka Sudaan u guuleystey.

.

Dalka Algeria oo ay hoggaamineyso Jabhadda waddani ee xoreynta Aljeeriya ( FLN ) wuxu soo marey taariikh ku dhehan tahey halgan adag oo qadhaadh oo boqolaal kun ku naf waayeen, boqolaal kalena ku naafoobeen ( Inkasto masuulinta Algeria ay sheegtaan hal million oo shahiid iney ku dhinteen halganka dib uu xoreynta dalka lagaga xoreynaayey mustacmarka Franciska ). Mustacmarka Fransisku wuxu damcey innu dalka Aljeeriya ka dhigo dhul uu leyahey oo qeyb ka ah dalka Fransiska, waxaanu ku soo daabuley dad badan oo fransis ah oo tiradoodu gaadheyso hal malyuun oo qof ( Siday sameeyeen Caddaanki South Afrika iyo Isreal ). Fransisku marku waajahey Halgaanka adag aakhirki wuxu yaqiinsadey innu xukunka ku wareejiyo jabhadda Waddani ee Xoreynta Aljeeriya ( FLN ) heshiiska ‘’Evian Accord ‘’ 1962.

Jabhadda FLN Waxey uu qeybsaneyd laba garab oo midna ah garabka siyaasiyiinta oo debedda joogey waqtigi halganka sida Masar, Tunis, Pakistan iyo meelo kale, waxaana hoggaaminey madaxweynihi uga horeyey Aljeeriya  mudane Axmed Bin Billa. Garabka kale wuxu aha garabk askarta waxaana hoggaaminaayey Hawaari Boumediene oo 1965 inqilaabey madaxweyne Axmed Bin Billa, marku isku dayey Axmed Bin Billa innu casilo qaar ka mid ah kaadiriinta sare xisbiga FLN ee muqarabinta Hawaari Boumedien sida Cabdi Caziiz Boutafliqa oo noqdey wasiirkisa arrimaha debedda ilaa inta uu dhintey Hawaari Boumedien 1978. Madaxweyne Hawaari Boumedien madaama uu halganka ka wadey gudaha dalka wuxu indhihisa ku arkey dulmiga, midab takoorka iyo xasuuqa uu mustacamarka fransisku u geystey shacabka reer Aljeeriya. taasana ku keliftey innu’ uu janjeedo garabka bidix ee Camp ka hantiwadaag, waxaanu  uu hurey hanti badan oo ka soo xaroota wax soo saarka shidaalka ay Aljeeriya hodan ku tahey dib uu xoreynta iyo madax bannaanida Afrika iyo dawladaha adduunka sedexaad ee reer galbeedku gumeystaan/ gumeysan jireen. 

Marku geeriyoodey madaxweyne Hawaari Boumediene waxa taladi dalka la wareegey colonel Jaadli Bin Jediid oo aha ninka darajada ciidanka ku xigey.  markiba bilaabey innu siyaasaddi Hawaari Boumediene wax ka beddelo, muqarabinti ( kaadiriinti xisbiga ee ku dha dhawa Hawaari ) innu ka siifeeyo manaasibta sare xisbiga FLN iyo xukuumadisa sida wasiirka arrimaha debedda Abdelaziz Boutafliqa iwm. Dhaqaalihi badna ee ku bixi jirey mucaawinooyinka dawladaha  shisheeye wuxu dib ugu jiheeyey horumarka waddankisa oo dib u dhac weyn ku yimid intu Hawaari xukuunka hayey. 1988 waxa bilabmey kacdoono shacbi oo isbedel doon ah, taaso ku keliftey madaxweyne Jaadli innu sameeyeyo nidaamka siyaasi ee axsaabta badan ( Multiparty system ). 1990 wuxu qabtey doorashadi golaha deegaanka iyo Barlamaanka waxa aqlabiyaddi labada gole  ku guuleystey jabhadda badbaadada ee Islaamiga ( Islamic Salvation Front ISF ), dhacdadaaso war war xoog leh ku dhalisey dawladaha reer galbeed ee marinka Badda Cad wada wadagaan. Waxaana markiba dhacey afgambi military oo xukuunki laga qaadey madaxweyne Jaadli Bin Jadiid. Waxaana bilaabmey qalalaase siyaasadeed iyo dagaal sokeye oo boqolaal kun oo dad ah ku naf waayeen iyo khasaare dhaqaale oo badan, ila inta madaxweyne         

Madaxweyne Abdelaziz Boutaflika wuxu ku guuleystey doorasho dhacdey 1999 isago heysta taageerada militariga ee awoodda badan. Madaxweyne Boutifliqa sii uu xaaladda siyaasadeed uu dashiyo wuxu markiba soo saarey decreto uu ku cafinaayo cid kasto dagaalada sokeye ka qeyb gashey..wuxu qaadey oloole diblumaasiyadeed sii uu soo celiyo sumcaddi Aljeeriya. Madaama Aljeeriya hodan ku tahey shidaalka wuxu uu adeegsadey hanti badan sii uu helo taageero shacbi gaar ahaan galbeedka Aljeeriya ee uu ka soo jeedo sida Tlemcin oo uu galiyey balaayiin dolaar sii uga dhiso jaamicado, Kaaba yaasha  dhaqaale, gagida diyaaradaha, huteello, matxafyo, qasaro madaxtooyo, iwm. Doorashooyinka uu qabtana isaga mar walba ku guuleysan jirey madaama uu gacanta ku hayey awooddi dalka ee dhaqaale iyo military.

Haddab waxa dhacdey Cabdo Qalad fil xisaab marku isa soo sharaxey markisi shanaad isago dhawr sanno naafa aha oon  shacabka marna toos ugala hadal fagaarayaahs guud. Waxaana dalka maamulayey qoyskisa iyo muqarabintisa. 16 February, 2019 aya shacabka Aljeeriya bilaabey kacdoon shacbi uu ku diidan yahey musharaxnimdisa, taaso sii xogeysatey oo u baabac dhigtey awood kasto la isku dayey in lagu damiyo kacdoonka waxaaney aakhirki ku khasbeen innu militarigu ku amro innu xukuunka ka dego, dhawr qof oo muqarabiintisana xabsiga la dhigo se weli taladi dalka waxey gacanta ugu jirta militariga iyo rejiimki Boutafliqa oo ku baaqey innu qabanaayo doorashooyin gacan ku rimis ah. shacbka Aljeeriyana wuxu dalbanaya in lakala diro madaxda dawladda Boutafliqa waanu diidan yahey innu galo filimka muddada dheer lagu hor jilaayey.

La soco qeybana kale

Eng. Bashe (Ismail ) Cabdi Gaboobe ), MA in Peace building from Coventry University 

Email : gaboobe _3@ Hotmail. com

       

Daawo:Xukumada Somaliland oo Beenisay Markab laysku haysto & Markab la celiyey oo Jabuuti leedahay


Shirkad diyaarad oo ku xadgudubtay dad Muslimiin ah oo ganaax adag la duldhigay

$
0
0

Shirkad diyaarad oo ku xadgudubtay dad Muslimiin ah oo la ganaaxay

Delta AirlinesShirkadda la ganaaxay

Waaxda gaadiidka ee dalka Mareykanka ayaa ganaax lacageed oo gaaraya $50 kun oo doolar, dul dhigtay shirkadda Delta, ka dib markii ay ku xadgudubtay qaar ka mid ah rakaab saarnaa diyaaraddeeda oo Muslimiin ah.

Shirkadda Delta ayaa loo ganaaxay xadgudub ay ku sameysay saddex qof oo heysta diinta Islaamka oo si khasab ah looga saaray diyaarad ay doonayeen in ay ku safraan.

Dadkan ayaa la sheegay in ay mareen goobaha la isku baaro ee shirkadda, Sidoo kalena in mas’uuliyiinta Delta ay u oggolaadeen in ay safraan, balse markii dambe laga dejiyay diyaaradda.

War qoraal ah oo ka soo baxay shirkadda Delta ayay ku beenisay in ay fuquuqday dadkaas Muslimiinta ah, balse waxaa ay qiratay in xaaladda si ka wanaagsan loo maareyn karay.

Waaxda gaadiidka dadweynaha ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in shirkadaas ay ku xadgudubtay sharciga, waxayna ku amartay in Delta ay shaqaalaheeda siiso tababar la xiriira sida loola tacaalo waxyaabaha la xiriiro dhaqanka iyo diimaha kala duwan.

Dhacdooyinka ay la kulmeen sadexda qof ayaa kala dhacay marar kala duwan, waxaa mid ka mid ah ay dhacday bishii Luulyo ee sannadkii 2016-kii, xilligaas oo qoys Muslimiin ah laga saaray duulimaadka shirkadda Delta.

Mid ka mid ah shaqaalaha diyaaradda ayaa sheegay in uu aad ula yaabay dabciga qoyskaas Muslimnimada ay ka muuqatay, wuxuuna intaa raaciyay in uu ka shakiyay.

Rakaabka ayaa diyaaradda laga saaray
Rakaabka ayaa diyaaradda laga saaray

Shaqaalahan katirsan Delta ayaa sheegay in uu arkay qof ka mid ah dadkaas oo taleefoonkiisa gacanta ku qoray farriin ay ka muuqato magaca Alle, taasina ay shaki badan ku beertay.

Gabadhii shaqaalaha ahayd ayaa arrinti ku wargelisay kaptanka diyaaradda, wuxuu isna ku wargeliyay qeybta ammaanka qaabilsan.

Haseyeeshee mas’uuliyiintii qaabilsanaa ammaanka shirkadda diyaaradda ayaa sheegya in dadkaas ay yihiin kuwa u dhashay Mareykanka, aysanna jirin sabab looga argagaxo, balse kaptankii ayaa diiday in ay raacaan diyaaradda, kana soo saaray gudaha diyaaradda laba qof oo Muslimiin ahaa ee wada socday.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in kaptanka diyaaradda uu ka dhaga adeegay, una muuqday qof dadkaas rakaabka ahaa ku dhibaateeyay diinta ay heystaan aawadeed.

Dembiga kale ee loo heysta Delta ayaa dhacay shan maalmood kahor go’aanka gudidga, wuxuuna ka dhacay Magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands.

DOTWaaxda gaadiidka Mareykanka

Qof ka mid ah shaqaalaha iyo qofkale oo ka mid ahaa dadlkii rakaabka ayaa ka dacwooday qof Islaam ah oo la saarnaa diyaaradda, haseyeeshee kaptankii diyaaradda ayaa bannaanka u saaray boorsooyinka qofka Muslimka ah, wuxuuna baaritaan ku bilaabay kursigii uu fadhiyay.

Waaxda gaadiidka dadweynaha ee Mareykanka ayaa sheegtay in qofkaas musaafurka ahaa ee heystay diinta Islaamka lagu la kacay xadgudub, ayna khalad ahayd in diyaaradda laga dejiyo..

Dowladda Mareykanka ma aanay faafaahin waxa lagu saleeyay xajmiga ganaaxa la saaray shirkadda diyaaradaha ee Delta, balse golaha Islaamka ee dalka Mareykanka ayaa su’aal geliyay ganaaxa la dul saaray shirkaddaas, iyagoona sheegay in uu aad u yar yahay marka la eego dhibaatada ay geysatay.

Shirkadda Delta ayaa sannadkii sameysa dhaqaale dhan 4.8 bilyan oo doolar, $50 kun oo doolarna aanay waxba la ahayn

Shrkadda Delta ayaa sheegtay in ay adkeysay ammaanka duulimaadyada wixii ka dmabeeyay sannadkii 2016-kii.

Barack Obama oo Tacsi Tiiranyo leh u diraya Nin Caan ah oo geeriyooday

$
0
0
Barack Obama oo Tacsi Tiiranyo leh u diraya Nin Caan ah oo geeriyooday

Wararka ka imaanaya magaalada Los Angeles ee dalkaasi Mareykanka ayaa waxa ay sheegayaan in ciyaaryahan ku caanbaxay Basketball-ka oo lagu magacaabo Kobe Bryant uu halkaasi ugu geeriyooday shir diyaaradeed oo nooca qumaatiga u kaca, shalay gelinkii dambe.

Geerida Kobe ayaa waxaa xaqiijiyay daladda ciyaaraha Basketball-ka Mareykanka ee NBA.

Wararku waxa ay sheegayaan in shilkaasi ay ciyaaryahanka kula geeriyootay gabashiisa curadda-xigeenka ah ee Gianna oo 13 jir aheyd.

Kobe oo 41 jirsaday ayaa taariikh mug leh ka galay ciyaaraha basketball-ka, waxaana uu ka mid noqday ciyaaryahannada ugu mucjisada badan ee soo mara NBA-da.

Booliska magaalada Los Angeles ayaa sheegay in shilkaasi ay ku geeriyoodeen 9 ruux oo uu ku jiro Kobe Bryant iyo gabar uu dhalay.

Kobe ayaa ifka kaga tagay xaas iyo saddex gabdhood oo uu dhalay, waxaana tirada guud ee carruur oo uu dhalay ahaayeen 4 gabdhood oo ay midi la dhimatay.

Dadka wax-galka ah ee ciyaaraha ku jira iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Mareykanka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Kobey Bryant oo ay ku sheegeen mid naxdin badan.

Ciyaaryahanka geeriyooday ayaa dhawaan ka fariistay ciyaaraha Basket-ka.

Daawo:Xil.Nacnac oo luuqad adag kula hadlay Jabuuti & Kaybalka Berbera,Digniin Culusna u diray…..

Dagaalyahanka Daacish oo soo buuxdhaafiyey Degaano ka mida Puntland+Dhaqdhaqaaqyo ay ka wadaan Degaano ku teedsan……

$
0
0
Kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Qandala

Wararka ka imaanaya degaannada ku teedsan buuraleyda degmada Qandala ee gobolka Bari, ayaa sheegaya in halkaasi ay dhaqdhaqaaqyo cusub ka wadaan malayshiyaad ka tirsan Kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda degmadaasi Qandala.

Ilo’ wareedyo kala duwan, ayaa ku warramaya in malayshiyaad ka tirsan Daacish aad u hubaysan shalay lagu arkay tuulooyin hoos yimaada degmada Qandala , kuwaasi oo ka soo degtay dhulka buuraleyda ah.

Dhaqdhaqaaqa ay Daacish bilowday ayaa ku soo beegmaya, xilli wefdi ka tirsan dowladda Puntland uu ku suganyahay degmada Qandala, islamarkaana ay halkaasi ka daah-fureen mashruuc Laydhka Cadceeda ku shaqeeya oo  ay hirgelisay hay’adda TIS+/USAID.

Kooxda Daacish ayaa horay mar u qabsatay degmada Qandala 26-kii October 2016, balse ciidamada Puntland ayaa Daacish dib ugala wareegay degmadaasi Qandala 7-dii December 2016.

Kooxda ayaa wixii intaasi ka dambeeyay si dhuumaalaysi ah uga hawl gelayay buuraleyda Qandala, sidoo kalena waxay dilal qorshaysan ka fuliyaan Magaalada Boosaaso .

Dilkii ugu dambeeyay ee Daacish ka fulisay magaalada Boosaaso 21-kii bishan January 2020, waxay ku dileen guddoomiyihii hore ee degmada Qandala Jaamac Maxamed Khuurshe.

Daawo:Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee S/land oo Kulan la yeeshay Wefti & Khuburo ka socda Baanka Thailand+Waxay ka wadahadleen & Ujeedada Safarkooda

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>