Daawo:Wasiirka Beeraha S/land oo faahfaahin ka bixiyey Shirar uu kaga qeyb galay Dalalka Germany,Belguim & Holland+Su’aalo la weydiiyay
Qalniinkii ugu horeeyay ee maskaxda oo laga fuliyay cisbatal Hargeisa ku yaala daawo
The U.S. Government and Federal Government of Somalia announce a New Effort to Promote Youth Workforce Development
PRESS RELEASE
The U.S. Government and Federal Government of Somalia announce a New Effort to Promote Youth Workforce Development
This new effort will be implemented through the existing USAID-funded Growth, Enterprise, Employment and Livelihoods Program (GEEL)
MOGADISHU, Somalia, January 27, 2020/ — On January 27, 2020, during the Somalia Youth Investment Expo, U.S. Ambassador Donald Y. Yamamoto joined H.E. Prime Minister Hassan Ali Khaire announced a new joint effort to support young entrepreneurs and innovators to contribute to Somalia’s stability and prosperity through employment, skills development, and entrepreneurship. This new effort will be implemented through the existing USAID-funded Growth, Enterprise, Employment and Livelihoods Program (GEEL). GEEL harnesses the dynamism of Somalia’s private sector for growth, employment, and poverty reduction, and will now include specific commitments to support youth-owned businesses and facilitate investments by Somali banks and microfinance institutions.
“Somali youth often face a range of challenges to their economic success,” said PM Khaire. “But Somali youth are also some of the most motivated, resourceful, business savvy, and resilient contributors to our economy. The initiative launched today will help begin a sustainable path for access to finance for our youth, who are the key to our country’s growth and stability.”
The United States, through the United States Agency for International Development (USAID) Mission to Somalia, supports a prosperous and resilient Somalia by expanding economic opportunities for youth from across Somalia. “Somali youth are Somalia’s future and they should be empowered to invest in their own futures and in their nation,” said Ambassador Yamamoto. “Working hand-in-hand along with the Government of Somalia and the private sector, we are investing in our shared commitment to improve Somalia’s economy.”
Through the expansion of the existing GEEL program, USAID will support Somali youth with employment and skills development opportunities, in partnership with leading private sector companies committed to engaging Somali youth in innovations in agriculture, fisheries, livestock, and energy sectors. The new effort is expected to create over 1,000 new job opportunities for Somali youth by developing the skills they need in today’s global economy.
During the Youth Investment Expo, six banks committed $289,703 in start-up loans distributed to 95 youth-owned businesses, who will use the resources to invest in increasing cold storage facilities, empowering staff through certification training, building greenhouses, and using innovative technologies.
“It is inspiring to witness the enthusiasm and work ethic of Somalia’s young people – our workforce of tomorrow,” said Mr. Mahat Mohamed Ahmed, CEO of IBS Bank. “At IBS Bank, our mission is to positively transform peoples’ lives by providing quality, accessible and affordable financial services. Partnering with the USAID GEEL program allows us to have an even greater positive impact on the Somali economy by creating jobs, lifting up promising youth and helping them to thrive economically through sustainable solutions. Because when they succeed, Somalia succeeds.”
Distributed by APO Group on behalf of U.S. Embassy in Somalia.
SOURCE
U.S. Embassy in Somalia
Daawo:Beesha H/yoonis oo ka hadashay Colaada ka oogan Degaanka Shidan-Sanaag Bari+Digniin & Baaq is-huwan oo ay u direen Beesha…
Qorshe cusub oo Suniyiinta IRAQ loogu sameynayo Dal gaar ah iyo cidda dabada ka riixaysa
Qorshe cusub oo Suniyiinta IRAQ loogu sameynayo Dal gaar ah iyo cidda dabada ka riixaysa

Ayada oo dhinac loo riixay, saameynteedana ay sii yaraaneyso, ayaa dowladda Mareykanka waxa billowday qorshe ay maamul goboleed uga dhiseyso galbeedka dalka Iraq, kaasi oo kadib noqon doona dal madax-banaan, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan iyo Iraqi ah oo la hadlay wargeyska Middle East Eye.
Qorshaha Mareykanka ayaa jawaab u ah dadaallada ay kooxaha Shiicada Iraq ku doonayaan iny ciidamada Mareykanka looga eryo dalkaas.
Iraq waxa ay buundo muhiim ah u tahay Iran oo ay ku xirto dalalka Syria iyo Lebanon, oo ay Shiicada ku taageerto.
Aas-aasidda maamul Sunni ah, oo Mareykanka uu maamulo oo ku yaalla galbeedka Iraq, waxay jari doonaan waddooyinkii Iran ku xiri lahaa Syria iyo Lebanon, waxayna yareyn doontaa saameynta ay ku leedahay gobolka.
Qorshaha Washington ay gobollada Sunniyiinta uga goyneyso Iraq, ayaa markiisii hore soo billowday sanaddii 2007, waxaana soo jeediyey Joe Biden, oo hadda u sharaxan madaxweyne, balse xilligaas ahaa Senator.
Waxaa looga dan lahaa in Sunniyiinta Iraq looga bad-baadiyo rabshadaha diinta ku saleysan ee Shiicada, oo dalka kaga tiro badan.
Hase yeeshee, diidmada dadka Iraq ee ahayd in diin ahaan loo kala qeybiyo, iyo Mareykanka oo ay ka go’neyd in la ilaaliyo midnimada dalkaas, ayaa meesha ka saaray qorshahaas.
Hadda, oo ay xoogeysteen dadaallada ciidamada Mareykanka looga eryayo Iraq, ayaa sameynta dal Sunni ah oo Iraq laga dhex-abuuro, uu yahay mid ka mid xeeladaha Washington ay kaga hortageyso saameynta xooggan ee Iran ay ku leedahay Iraq.
Midnimada Iraq “hadda iyo wixii ka dambeeya muhiimad uma lahan Mareykanka” waxaa sidaas yiri sarkaal Shiico ah oo la hadlay Middle East Eye.
Sidoo kale sarkaal Mareykan ah, oo xog-ogaal u ah mashruucan, ayaa u sheegay Middle East Eye in Mareykanka ay qorshahan oo markii hore fikir un ahaa, hadda u beddeleen fulin.
“Sameynta gobol Sunni ah, waxay mar walba ahayd qorshe Mareykan. Iiraaniyiinta looma ogolaan karo inay gaaraan badda Meditareeniyaanka, kana faa’iideystaan dhulka ku xiraya Xizbullah ee dalka Lebanon,” waxaa sidaas Middle East Eye u sheegay sarkaal Mareykan ah.
“Joogitaanka ciidamada Mareykanka waxay ahayd mid amni loogu damaanad qaadayo Sunniyiinta iyo Kurdiyiinta, sidaas darteed haddii Mareykanka lagu qasbo inay ka baxaan Iraq, sameynta gobolka Sunni ah, si loogu caabiyo Iran waa wax meesha ku jira,” ayuu yiri sarkaalka.
“Waxaan ka hadleyno waa dal, ee ma ahan kaliya maamul goboleed,” ayuu yiri.
Gobolka Sunniga ah ayaa wxaaa marka hore lagu aas-aasi doonaa si waafaqsan dastuurka Iraq oo ogolaanayo maamul hoosaadyo la mid ah midka Kurdistan.
Markaas kadib ayaa gobolka waxa uu noqon doonaa mid federal ah oo ku biiraya Kurdistan si KMG ah, sida uu sheegay hogaamiye sare oo Sunni ah.
Tallaabada xigta ayaa noqon doonta in gobolka si caalami ah loogu aqoonsado dal ahaan, taasi oo Mareykanka uu hoggaamin doono.
War-murtiyeed ay wadajir u soo saareen madaxda dalalka Ereteriya, Itoobiya iyo Soomaliya kulankoodii Asmara
War-murtiyeed ay wadajir u soo saareen madaxda dalalka Ereteriya, Itoobiya iyo Soomaliya kulankoodii Asmara

Madaxda dalalka iyo dowladaha Ereteriya, Itoobiya, iyo Soomaaliya ayaa magaalada Asmara ku kulmay 27-ka Jannaayo, 2020.
Saddexda hoggaamiye waxa ay yeesheen wadahadallo toos ah oo qotodheer oo ku aaddan xaaladda ka taagan dalalkooda, iskaashiga saddex geesoodka ah ee u dhexeeya iyo arrimaha ka soo cusboonaaday gobolka Geeska Afrika.
Saddexda hoggaamiye waxa ay mar kale ku celiyeen sida ay uga go’an tahay Heshiiska Saddex Geesoodka ah ee ay saxiixeen bishii Sebtembar ee sannadkii 2018, waxayna dib u eegeen waxyaabihii ka soo baxay dadaalkooda wadajirka ah ee ku aaddan hirgelintooda.
Saddexda hoggaamiye waxa ay meelmariyeen Qorshe Hawleed Wadajir ah oo loogu talagalay sannadka 2020 iyo wixii ka danbeeya kaasi oo xoogga lagu saarayo labada ujeeddo ee isku-dhafan ee adkaynta nabadgelyada, xasiloonida iyo amniga iyo sidoo kale sare u qaadidda horumarka dhaqaale iyo bulsho. Waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen inay dardargeliyaan dadaalkooda wadajirka ah si kor loogu qaado iskaashi heer gobol oo wax ku ool ah.
Dhanka ammaanka, saddexda hoggaamiye waxay isla qaabeeyeen qorshe sal-ballaaran oo lagula dagaallamayo, lagagana takhalusayo halista guud ee ay wada wajahayaan, oo ay ka mid yihiin argagaxisada, hubka, tahriibinta dadka iyo maandooriyaha.
Dhanka horumarinta dhaqaale iyo bulsheed, waxay isku waafaqeen in ay mudnaanta siiyaan abaabulidda khayraadka bini-aadam iyo kan dabiiciga ah ee faraha badan; iyaga oo dhisaya, casriyeynaya, iskuna xiraya kaabayaasha dhaqaalaha iyo waaxaha adeegyada iyo waxsoosaarkaba. Waxay sidoo kale muujiyeen sida ay uga mahadinayaan, diyaarna ugu yihiin la shaqaynta saaxiibbadooda iyo daneeyayaashooda, iyadoo lagu salaynayo is-ixtiraamid iyo kala-faa’idaysi siman.
Saddexda hoggaamiye waxay isku raaceen in ay si dhow ula tashadaan walaalahooda iyo Madaxda Dawladaha kale si loo xaqiijiyo yididdiilada dadkoodu u qabaan helidda Iskaashi dhex mara Geeska Afrika oo wax ku ool ah.
Waxa laga soo saaray Asmara, Ereteriya, Jannaayo 27, 2020.
DHAMMAAD
Gudoomiye Cirro oo booqday Abwaan Axmed Saleebaan Bide oo Xaalad caafimaad u jiifa…..
More in focus
-
FOCUS
War-murtiyeed: Soomaaliya, Eritrea Iyo Itoobiya Oo Dhisaya Iskaashi Cusub
JANUARY 27, 2020(SLT-Asmara)-Hoggaamiyayaasha Somalia, Ethiopia, Eritrea ayaa war-murtiyeed ay kasoo saareen magaalada Asmara oo ay maanta ku kulmeen…
-
FOCUS
Xildhibaan Ka Hadlay Khilaafka Somaliland Iyo Jabuuti
JANUARY 27, 2020(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa ka hadlay khilaafka Somaliland Jabuuti,…
-
FOCUS
Turkiga Oo Ansixinaya Sharci Dhiirri-galin Kara Kufsiga Dumarka
JANUARY 27, 2020(SLT-Ankata)- Turkiga ayaa soo saaridoona sharci cusub oo u oggolaanaya ragga in ay ka badbaadaan in…
-
FOCUS
Farmaajo, Abiy Axmed Iyo Isaias Afwerki Oo Kulan Ku Yeelanaya Asmara
JANUARY 27, 2020(SLT-Asmara)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaadhay magaalada Asmara halkaas oo uu…
-
FOCUS
Muwaadiniinta Israa’iil Oo Markii Ugu Horraysay Loo Ogolaaday Inay U Safraan Sucuudiga
JANUARY 27, 2020(SLT-Tel Aviva)-Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in markii ugu horraysay ay muwaadiniinteeda u ogolaan doonto inay u…
War-weyn:Daawo,F.C.Waraabe oo shaaciyey Waqtiga Madaxweyne Muuse Biixi soo afjarayo khilaafka Komishanka Cusub ka aloosan+Hanjabaado uu daba dhigay
Daawo:Xukumada oo ka hadashay Dablay Reer Saaxila oo gashay Buuraha Faqayuub+Cida arintaa wadwada
Daawo:Gudoomiye Cirro oo Xukumada S/land u jeediyey inay laba Mashruuc ila meeraysada ka saarto
Daawo:M/weyne Muuse Biixi oo Tacsi u diray,kana qeyb galay Aaskii Marxuum Axmed Abuusite oo geeriyooday+Taariikhdiisuu ka sheekeeyay
Xasaasi:Daawo,Inta jeer ee Golaha Guurtida S/land Mudo-kordhin sameeyay,intay Madaxweynaha & Wakiilada u kordhiyeen+Intay iyagu Korodhsadeen+F.C.Waraabe oo ka qayliyey…..
Daawo:Gudoomiyaha Gudida Dabagalka Hantida Qaranka oo ka hadlay Baadhis ay ka bilaabeen….
Tacsi ku socota reer Xaaji Cabdilaahi (Abusite)
Dhamaan maamulka iyo hawl wadeenada shabkada Qarannews, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dorayaan dhamaan reer Haali Abdillahi Abisite meel kasta oo ay dunida ka joogaan.
Anaga oo ka tacsiyadaynayna geerida naxdinta lahayd ee ku timid Axmed Xaaji Abdilaahi (Abusite) Marxuumka oo maanta lagu aasay magaalda Hargeysa.
Waxa aan Ilahay uga baryaynaa in uu naxariistii jano ka waraabiyo marxuumka dhamaanteena uu samir iyo iimaan inaga siiyo
Aamiin
Jaalliyadda Dacar iyo Gebiley ee deggen dalka Holland oo Tacsi tiiranyo leh u diraysa Reer Abusite
Jaalliyadda Dacar iyo Gebiley ee deggen dalka Holland oo Tacsi tiiranyo leh u diraysa Reer Abusite
إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ
Inna lillahi wa inna ilaihi raji’un
Annagoo kala ah:
1.Cali Maxamed Xaruuri
2.Caydiid Muxumed Cabdi
3.Rashiid Jaamac Hayaan
4.Khaliif Ibraahim Cali
5.Keyse Xasan Gaboobe
6.Ridwaan Negeeye
7.Mustafe Negeeye
8.Cabdiraxmaan Aaddan Iimaan
9.Hodon Yoonis
10.Nimco Yuusuf Jaamac
11.Ammaal Cali Aadan
12.ifraaxa Axmed Dhagaweyne
13.Kaltuun Cabdillaahi
14.Faisa Salim
iyo dhammaan Jaalliyadda Dacarta iyo Gebiley ee Deggen Dalka Holland
waxaannu tacsi tiiranyo leh u diraynaa Reer Cabdillaahi Abusite, geeridii naxdinta lahayd ee ku timid
A.H.U. Marxmuum Xaji Axmed Xaaji Cabdillaahi Abusite oo xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.
Waxaan Marxuumka ilaahay uga baryeynaa inuu Jannaddii Fardowsa ka waraabiyo,
reer Cabdillaah Abusite, Qoyskii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay a samir iyo iimaan ka siiyo.
Aamiin Aamiin Aamiin
Boqor horay u inkiray gabadh uu dhalay oo iminka aqbalay
Boqor horay u inkiray gabadh uu dhalay oo iminka aqbalay

Boqorkii hore ee Belgium, Albert II, ayaa qirtay inuu dhalay gabar ay hooyo u tahay haweeney ay saaxiibbo ahaayeen, ka dib markii lagu qasbay inuu maro baaritaanka hido-sidaha ee DNA.
Muddo ka badan 10 sano ayuu loolan dhanka sharciga ah kula jiray Delphine Boël, oo 51 sano jir ah, taas oo farshaxanka sameysa. Waxay sheegtay in boqorka uu dhalay.
Wuxuu lumiyay xasaanadiisa, ka dib markii uu 2013 iska wareejiyay xilka boqornimada sababo caafimaad awgood. Qareenka Boël ayaa sheegay in qirashada boqorka hore ay tahay mid “culeys ka dejisay”.
War qoraal ah oo ay qareennada boqorkii hore shaaciyeen Isniintii ayaa lagu sheegay in uu “ogaaday natiijada DNA, taas oo muujinaysa inuu yahay aabaha Delphine Boël”.
Qareennada ayaa intaa ku daray in 85 sano jirkan uu hadda go’aansaday in la joojiyo dacwadda uuna oggol yahay in Delphine Boël ay tahay canuggiisa afaraad.
Bishii May ee sannadkii hore ayay maxkamadda racfaanka ee Brussels xukuntay in boqorkii hore lagu ganaaxo 5,000 oo pound maalintiiba, maadaama uu xilligaasi diiday inuu maro baaritaanka dhiigga hido-sidaha DNA.
Sideey arrintan ku bilaabatay?
Sannadkii 1999-kii, waxaa soo shaac baxay in ilmo kale uu dhalay boqorka, waxayna qoyska u boqortooyada u horseeday fadeexad.
Gabadha lagu magacaabo Boël ayaa markii ugu horeysay sannadkii 2005 sheegtay in boqor Albert uu yahay aabaheed.
Hooyada dhashay oo lagu magacaabo Baroness Sybille de Selys Longchamps, ayaa sheegtay in uu xiriir kala dhaxeeyay boqorka intii u dhaxeysya sannadihii 1966 ilaa iyo 1984, xilligaas oo uu ahaa dhaxal sugaha boqortooyada.
Haseyeeshee sannadkii 1993 markii uu dhintay walalkii ka weynaa wuxuu noqday boqorka, waxayna da’diisu ahayd 62 sano jir xilligaas.
Waxaa uu xilka boqortooyada hayay tan iyo sannadkii 2013-kii, xilligaas oo uu shaaciyay in uu xilka ka degayo, ka dib markii xaalad caafimaad ay la soo daristay.
Xilkii uu hayay waxaa ku wareegay wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Philippe., kaa soo sannadkiiba hela lacag gaareysa hal milyan oo lacagta Euro-ga ah.
Markii uu boqor Alber xilka iska wareejiyay, Ms Boël waxay tagtay maxkamad, si ay u xaqiijiso in uu aabaheed yahay, balse sannadkii la soo dhaafay boqor Alber ayaa diiday in dhecaanka hido-sidaha ee DNA laga qaado, baaritaankaas oo ay amartay maxkamad, waxaana markii dmabe uu ka qaatay racfaan.
Maxkamadda ayaa saddex bilood u qabatay boqor Albert II in uu ku soo gudbiyo candhuuftiisa, si baaritaan loogu sameeyo, haddii uu sidaas sameyn waayana, Boel loo aqoonsan doona in ay tahay gabadhiisa, xaqna ay u yeelan doonta dhaxalka.
Fariin Taliye-xigeenka Booliiska Somalia Bartiisa Twitterka soo dhigay & waxay daaran tahayay Haween
Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashid Xasan (Janan) ayaa saakay ka baxsaday halkii u ku xirnaa, heyadaha amniga ayaa ku raad jooga, inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanahaas oo loo haysto danbiyo kala duwan, shacabkuna ay soo wargaliyaan hadii ay arkaan.#Mogadishu
— Zakia Hussen (@ZakiaHussen) January 28, 2020
Trump oo soo bandhigay qorshihiisa nabadaynta Bariga Dhexe
Trump oo soo bandhigay qorshihiisa nabadaynta Bariga Dhexe

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa soo bandhigay qorshihiisii mudada dheer la sugayey ee nabadaynta Bariga Dhexe kaas oo dhigaya in magaalada Quddus noqoto caasimadda Israel ee aan qaybsamin.
Wuxu soo jeediyey in Falastiiniyiintu yeeshaan dawlad madax bannaan iyo in loo aqoonsado goobaha [Yuhuudda lagu] deegaameeyey ee Daanta Galbeed in ay yihiin qaybo ka mid ah dhulka Israel.
Isaga oo barbar taagan ra’isal wasaaraha Israel,Benjamin Netanyahu, oo Aqalka Cad uu ku qaabilay, ayaa Trump wuxu sheegay in qorshihiisu “noqon karo fursaddii ugu dambaysay” ee Falastiiniyiintu helaan.
Madaxweynaha maamulka Falastiiniyiinta, Maxmuud Cabbaas, ayaa ganafka ku dhuftay qorshaas oo ku tilmaanay “shirqool”.
“Trump iyo Netanyahu waxa u sheegayaa in Quddus aanay iib ahayn, xuquuqdadayadoo dhami iib maaha gorgortanna kama galayno. Qorshahaaga iyo shirqoolkaaguna meel mari maayo” ayuu yidhi isaga oo khudbad ka telefishanka laga sii daayey ka jeedinaya magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed.

Qorshahan oo ujeedadiisu tahay in lagu so oaf-jaro colaadda dunida ugu mudada dheer, ayaa waxa falkiyey wiilka uu Madaxweyne Trump sodogga u yahay ee Jared Kushner.
Qodobada ugu waaweyn qorshaha Trump
Qodobada uguu mudan ee mucda u ah qorshahan nabadda Bariga Dhexe ee Trump waxa weeyi: :
Maraykanku wuxu dhulka Israel u aqoonsan doonaa dhamaan goobaha uu qorshahan Trump ku qeexo in ay qayb ka yihiin Israel. Waxaana ku ladhan qorshahan khariidad haloosi ah oo Trump sheegay in ay muujinayso dhulka Israel diyaarka u tahay in ay ka tanaasusho.
- Khariidaddu waxay “laban laab iyo dheeraad ka dhigaysaa dhulka Falastiiniyiinta oo caasimadiisu tahay bariga Quddus” halkaas oo Trump sheegay in Maraykanku safaarad ka furan doono. Ururka Xoraynta Falastiin ee magaciisa loo soo gaabiyo PLO ayaa sheegay in qorshaha Trump Falastiiniyiinta siinayo wax 15% in yar uun ka badan waxa uu ku sheegay “Falastiin ta taariikhiga ah”.
- Quddus “waxay ahaan doontaa caasimadda aan la qaybsamin ee Israel”. Israel iyo Falastiiniyiinta labaduba waxay haystaan dood lagu qanci karo oo ay ku sheeganayaan magaalada barakaysan. Falastiiniyiintu waxay ku adkaysanayaan in bariga Quddus oo Israel ku qabsatay dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967 ay noqoto caasimadda dawladooda mustaqbalka.
- Wuxu fursad u yahay Falastiiniyiinta si “ay u helaan dawlad madax bannaan oo ay leeyihiin”- hase yeeshee faahfaahin badan ma bixinayo.
- “Falastiiniyiinta iyo Israeli-yiinta toona laga kicin maayo goobaha ay deganyihiin” – taas oo sheegaysa in goobaha Yuhuudda lagu deegaameeyey ee Daanta Galbeed ee Israel haysataa sidooda ahaan doonaan.
- Israel waxay Boqorka Urdun kala shaqayn doontaa sidii loo xaqiijin lahaa in ay xeerka haantan lagu maamulo goobaha barakaysan ee Quddus ku yaal ee Yuhuuddu u tagaan Temple Mount, Muslimiintuna u yaqaanaan Al-Xaram Al-Shariif sidiisa uu ahaado. Urdun ayaa maamusha ururka maamula goobahaa diimeed ee halkaa ku yaal.
- Dhulka khariidadda Trump u qoondaysay Falastiiniyiintu “wuxuu muddo afar sannadood ah ahaan doonaa dhul bannaan oo aan waxba laga dhisi karin”. Mudadaas Falastiiniyiintu waxay darsi doonaan qorshan oo waxa wada xaajood la geli doonaan Israel ay “ku buuxinayaan shuruudda ay dal ku yeelanayaan”.
Masar oo qorshahan Trump ka hadashay ayaa sheegtay in ay qadarinayso dedaalka maamulka Maraykanku ugu jiro “sidii xal waara oo cadaalad ah looga gaadhi lahaa qadiyadadda Falastiin”.
Warbixin ay soo saartay wasaaradda arimaha dibada ee dalkaas ayaa lagu sheegay in Masar “labada dhinac ee arintu dhex taallo ku tirtirsiyeyso in ay si degan u daraaseeyay aragtida Maraykanka ee nabadaynta oo ay dhan walba ka eegaan iyo sidoo kale in ay abuuran fursan dib loogu bilaabo wada xaajodka Maraykanku ka odayeynayo.”
Warbixin Xiiso leh:General hore oo Mareykana oo ka mid ahaa Askartii ku fashilantay inay Qabato general Caydiid oo shaaciyey in Saskii uu ka qaaday hawlgalka Somalia aanu weli hilmaamin
General hore oo Mareykana oo ka mid ahaa Askartii ku fashilantay inay Qabato general Caydiid oo shaaciyey in Saskii uu ka qaaday hawlgalka Somalia aanu wali hilmaamin
Jeff Struecker askari hore oo Mareykan ah
Waxaa 29 sano laga joogaa markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, taaso horseeday dagaal sokeeye oo halakeeyay dalkaasi sanado badan.
Xalaaddii ban’aadanimo ee ka dhalatay dagaaladii sokeeye ayaa keentay in dalal badan oo caalamka ah ay ku dhawaaqaan hawgal loogu magac daray hawgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay taas oo keentay in ciidammada hawalka Qaramad Midioobay loo diro Soomaaliya.
Inkabadan labaatan askari o katirsanaa hawgalka Qaramada Midoobay aya lagu dilay Muqdisho, taasoo keentay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay amraan in lasoo xiro Jeneraal Ceydiid, maadama lagu eedeeyay in isaga uu ka dambeeyay dilka ciidamadii Qraamada Midoobay.
Amarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhaliyay in ciidmaada Mareykanka ay Muqdisho ka fuliyaan hawgal la doonayay in lagu soo qabto Jeneraal Ceydiid, taas oo keentay in Muqdisho ay ku dagaalamaan jabhadii USC iyo ciidmaada Rangers ee Mareykanka.

Jeff Struecker oo ah Jeneraal hore Mareykan ah oo hawgalb ah balse horay uga tirsanaa ciidamada Mareykanka ee sida gaarka ah u tababaran ee Rangers ayaa wareysi uu bixiyay waxaa uu kaga sheekeeyay hawgalkii uu qeybta ka ahaa ee Mareykanka uu ka fuliyay Soomaaliya sanadkii 1993-dii.
Jeff Struecker oo inta aanan hawgalka “rajo soo celinta” loo dirin ku sugnaa gudaha dalka Mareykanka, horayna uga soo dagaalamay dalal ay kamid yihiin Kuwait, Panama, Ciraaq iyo Afghanistan ayaa waxaa uu sheegay in ujeedkii Soomaaliya loo geeyay ay ahayd sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen Jeneraal Maxamed Faarax Ceydiid, waxaana uu ka sheekeeyay wixii dhacay horaantii bishii Oktoobar ee sanadkii 1993-dii.
“Aniga iyo guutadii aan ka tirsanaa waxaa naloo diray hawgalkii toddobaad oo ahaa kii ugu dambeeyay, ujeedkiisuna ahaa sidii aan gacanta ugu soo dhigi lahayn Ceydiid, waana xilligaas marka ay dhacday diyaaradii Black hawk down ee ciidamada Mareykanka”ayuu yiri Jeneraal Jeff Struecker oo ka sheekeeyay wixii dhacay xilligaas isagoo la hadlayay xarunta American veterans Centre.
Jeff wuxuu sheegay in cabsidii iyo argagixii uu kala kulmay hawgalkii lagu so qabanayay Ceydidi uu ahaa mid uur ku taala ku noqotay, waligiina aanu hilmaamin.

Jeff oo dhawr sano kahor hawgalka guursdaay ayaa sheegay in uu aaminay in aanu dib dambe u arki doonin xaaskiisa iyo canuga ay caloosha ku siday marka la ego xaaladii uu xilligaas ku sugnaa, maadaama uu hogaaminayay hawgalka.
Wuxuu intaa raaciyay, “saskii aan ka qaaday hawlgalkaas uu wali maksaxdiisa ka guuxayo”.
“Waxaanu aadnay suuqa bakaaraha o ah halka ay ku sugnaayeen Ceydiid iyo saraakiil kale oo la socotay, markii aan halkaas u dhaqaaqnay ayaa wadooyinka Muqdisho waxan kala kulanay wax aan maleysaneynin, qaar badan oo kamid ahaa ciidamadii ila socday ee saarnaa baabuurka gaashaamana ee Humvee waa ay dhinteen, kuwa kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii dhexda la inoo galay”, ayuu raaciyay.
Dhowr daqiiqo kadib taliyihii hogamainayay ciidanka ayuu sheegay in uu lasoo hadlay kuna amray in ay dib uga soo laabtaan magaalada,” waxaana bilaabay in aan duceysto maadaama aan yaqiinsaday in aan dhimanayo.

Afarta bishii Oktoobar ayay ahayd markii la soo riday diyaaradii loogu magac daray Black hawk down ee ay ku dhinten ciidamada Mareykanka ee la sheegay inay gaarayeen 18 askari, waxaana xilligaas la sheegay in sidoo kale Magaalada Muqdisho lagu dilay dad badan oo rayid ah.
Jeff oo labaatan sano kadib dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho sanadkii 2013-ka ayaa waxaa uu sheegay in Alle mahadii ay tahay in markale uu Muqdisho tegay isagoo aanan cabsnaeyn.
“Waxba ma aanan dareemin ilaa iyo inta aan dib uga laabtay Muqdisho, Alle ayaa I badbaadiyay, mana doonayo in aan seego fursadda labaad ee u Alle I siiyay in aan ku noolado,”ayuu yiri.
Hawgalkii rajo soo celinta ayaa ahaa mid ay hogaaminayeen ciidamada Mareykanka iyo xulafadiisa. Ujeedka hawgalka ayaa xilligaas lagu sheegay in lagu difaacao Qaramada Midoobay iyo sidii loo dejin lahaa colaadda Soomalaiya, gargaarna loo gaarsiin lahaa dad badan oo xilligaas baahi u dhimanayay, kuna sugnaa Koonfurta Soomaaliya.
Markii Magaalada Muqdisho lagu dilay ciidamadii nabad ilaalinta ee ka socday dalka Pakistan, Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu meelmariyay qaraar tirsigiisu ahaa 837, kaas oo dhigaya in tallaaba walba ay qaadi karaan, si gargaar loo gaarsiiyo dadka Soomaalida.