Bilowgii bishan ayey aheyd markii uu Aaden Barre ka badbaaday qorshe la doonayay in xilka hogaamiyaha aqlabiyadda looga qaado kaddib markii isbeheysiga haya talada ee Kenya uu isbaddallo ku sameeyay xubnaha hoggaanka u ah xisbigaasi ee jagooyinka kala duwan ka haya laba aqal ee baarlamaanka iyo sanetka.
Ducaale oo waqtigaas BBC-da la hadlay ayaa sheegay in sababta uu uga badbaaday xil ka qaadista ay tahay in xubnaha ka tirsan xisbiga ay kalsooni ku qabaan shaqada uu ka hayo baarlamaanka.
“Badbaadada Ilaahey ayaa iska leh….kalsoonida golaha baarlamaanka oo maanta madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ay joogeen dhib ayay kalsooni ii siiyeen… shaqadii aan ka qabtay xisbiga sida in aan baarlamaanka ku hoggaamiyay, arrimihii dowladda oo aan sidii la rabay uga soo baxay anigoo weliba kalsooni ka heysta xitaa dhinaca mucaaradka,” ayuu yiri xildhibaan.
Hadda maxaa soo kordhay?
Haatan waxa soo cusboonaysiiyay arrintan ayaa ah in madaxweynaha Kenya uu beri oo Isniin ah kulan isugu yeeray xubnaha baarlamaanka ku matala xisbigiisa.
Walow aanan la shaacin ajandaha shirkaasi, hasayeeshee kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga Jubilee, Caleb Kositany, oo la hadlay wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi ayaa sheegay in ajandaha uu “iskacadyahay” uuna yahay in xilka laga qaado dadka loo malaynayo inay xulafo la yihiin Madaxweyne kuxigeenka Willam Ruto.
“Maalmahan xisbigu waxa uu xilka ka qaadaa dad kuwa kale oo aanan howl kar ahayn ayaana lagu badelaa, marka kulanka Isniinta kuwii hore waxba kagama duwanaanaayo. Waxay u badan tahay in hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Aaden Barre Ducaale la tusi doono albaabka,” ayuu Caleb Kositany, u sheegay wargeyska Daily Nation.
Ben Momanyi oo ka mid ah ah xildhibaannada baarlamaanka Kenya oo markii hore aad ugu dhawaan jiray madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto, ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay farriin u muuqanaysay inuu ku sagootinayo Aaden Barre Ducaale.
Xildhibaan Aaden Barre Ducaale waxaa kursiga hoggaanka aqlabiyadda baarlamaanka loo doortay doorashadii 2013-kii, waxaana mar kale waqtiga loo kordhiyay doorashadii 2017-kii.
Ducaale oo markii uu ka badbaaday mooshin la doonayay in xilka looga qaado BBCda la hadlay ayaa sheegay: “Toddobo sanno ayaan kursigan hayay. Inshaa-Allaah kuma fadhin dooni marka uu waqtiga dhammaado waan ka degayaa, waxaana ku wareejin doonaa qof kale.”
Khilaafka xisbiga Jubilee
Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya xubnaha sarsare ee xisbiga ayaa soo shaacbaxay markii madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu horraantii 2018 isgacanqaadeen hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa muddo dheer ku celceliyay in ay tahay in siyaasiyiinta xisbigiisa oo uu ugu horreeyo kuxigeenkiisa ay diirradda saaraan sidii ay ugala shaqeyn lahaayeen sidii uu uga guul gaari lahaa mashaariicdiisa uu taariikhda dalka ku geli lahaa ayna joojiyaan ololaha waqtigiisa laga soo hormaray.
Labadii sanadood ee ugu dambaysayna waxa ay warbaahinta gudaha tabinaysay in xiriirka madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa uu sii xumaanayay.
Khamiistii ayey aheyd markii madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto uu daahfuray wax u muuqanayay xarunta laga hagi doono ololaha doorashadiisa 2022, – taas oo uu u bixiyay Jubilee Asili Centre – arrintaas oo uu ku dhaqaaqay kaddib kulan uu la yeeshay xildhibaannada isaga taageersan.
Hasayeeshee Aaden Barre Ducaale ayaa meesha ka saaray in kala qeybsanaan uu soo kala dhexgalay xisbiga haya talada ee Jubilee kaas oo dhowaanahanba isbaddallo ku dhawaaqayay taas oo saamaysay dad magac ku lahaa siyaasadda.
Bogga hore ee wargeyska Daily Nation ee cadadkiisii maanta
Ducaale wuxuu ka mid ahaa 212 xildhibaan oo ka qeybgalay kullan uu Uhuru Kenyatta u qabtay xildhibaannada xisbigiisa ka tirsan. Qaar ka mid ah siyaasiyiintii xilalka sare hayay ee kullankaas aan tagin ayaa shaqada laga tuuray.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in doorashada soo socota marka la gaaro ay shaaca ka qaadi doonaan tallaabada xigta balse haatan ay ku howlan yihiin fullinta ballanqaadkii ay sameeyeen.
Haddaba Ducaale, maka badbaadi karaa isbaddallo kale oo lagu sameeyo xisbiga, wuxuu ku jawaabay: “Labo sanno ayaa soo hartay inta uu baarlamaanka dhammaanayo, labadaas sanno waxaan ku shaqeynayaa si daacad ah oo caddaalad ah, aniga oo waddankeyga ku shaqeynayo, fiirinayana danta guud ee waddanka, ayaan filayo in aan sii shaqeeyo labada sanno ee soo hartay”.
Ducaale oo sidoo kale ah xildhibaanka degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi bari ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay shakhsiga saddexaad ee ugu awoodda badan dowladda Kenya, marka laga soo tago madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka
Sababta Somalia u furi weyday Duulimaadyada Gudaha & Debeda
Dalalka Soomaaliya, Kenya, Itoobiya, Masar iyo kuwa kale oo Afrika ku yaalla ayaan furi doonin duulimaadyada gudaha iyo dibadda ilaa ay ka helaan lacago malaayiin doolar ah oo uga xiran arrintaasi.
Xog ay heshay Warbaahintu ayaa sheegeysa in dowladda federaalka Soomaaliya ay dooneyso in ay milkiso lacag malaayiin dollar ah oo loogu talagalay cudurka safmarka ah ee COVID-19, taasi oo ah deeq caalami ah.
Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahintu ayaa sheegaya in laga yaabo in illaa bisha August ee sanadkaan ay sii xirnaan doonto hawada Soomaaliya, haddii aysan dowladda Soomaaliya soo gaarin lacagta loogu talogalay in la siiyo si ay ula dagaasho cudurka Coronavirus, taas oo laga sugayo hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO iyo dalal kale oo taageera Soomaaliya.
Dowladda Masar ayaa shaacisay in ilaa bisha August ay sii xirnaan doonaan duulimaadyada gudaha iyo dibadda sababo la xariira cudurka Covid-19, halka wadamadaan kale oo ay Soomaaliya ku jirto la filayo in ay shaaciyaan dabayaaqada bishaan.
Dalalkaan haddii ay furaan hawada islamarkaana ay soo celiyaan jawi xasilooni ah waxaa la aaminsan yahay in ay weyn doonaan lacago malaayiin doolar ah oo loogu yaboohay si ay ula dagaalamaan cudurka Covid-19, sababtoo ah waxay u muuqan doonaan kuwa aan dagaal kula jirin cudurka, una baahneyn taageero.
Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa ku dhibaateysan dunida halka qaarkoodna ay doonayaan in ay dano badan soo gutaan waxaana dhamaantood saameeyay xayiraadda adduunka saaraan ee ka dhalatay Coronavirus.
Nin Soomaali ah oo dil argagax leh ka geystay Magaalo ku taalla Jarmalka+Sawirro
Nin Soomaali ah ayaa la soo sheegayaa inuu xaaskiisa ku dilay magaalada Cloppenburg oo ka tirsan gobolka Niedersachsen ee dalka Jarmalka.
Gabadha la dilay oo magaceeda lagu sheegay Allaha u naxariistee Marxuumad Leylo Saciid ayaa aheyd gabar Soomaali ah oo sanadkii hore dhammaadkiisa dalka Masar qaxooti ahaan looga soo qaaday.
Ninka wax dilay ayaa la sheegay iney bil iyo bar ka hor isguursadeen Marxuumada, waxaana gacanta ku dhigay Booliska xabsiga ayaana la dhigay, lamana oga illaa hadda sababta uu u dilay xaaskiisa inkastoo loo malaynayo inuu khilaaf soo kala dhex galay.
Marxuumadda ayaa ka geeriyootay Wiil yar oo labo sano jir ah kaasoo ay u dhashay nin ay horey u kala tageen, waxaana hadda gacanta ku haya qolada caruurta iyo da’ yarta qaabilsan ee Jugendamt-ga loo yaqaano.
Booliska ayaa sheegay iney baaritaan ku hayaan dilkan, ayna su’aalo weydiinayaan ninka wax dilay oo aan magaciisa la shaacin, waxaana dhacdadan si weyn uga argagaxay Soomaalida ku nool dalka Jarmalka oo si weyn u hadal haya.
Tan iyo intii wasaarada Gaadiidka wasaarada gaar ah laga dhigay waxay dadka ku haysaa dhibaato ay meel ay ula kacaan aanay haysan, dadkii way yaaban yihiin, wax ay sameeyaan iyo cid u dhego nugul oo cabashadooda wax ka qabanaysa ma jirto.
Sanad walba lacag aanay fileen ayey dadkii Dirawada ahaa in laga qaado loogu fikirayaa, bilowgii aasaaskeeda waxay bilowday in gaadiidkii numbarka laga bedelo si ay u noqoto hay’ad dakhli soo saar, gaadiidkii numberkoodii baa la yidhi waa la bedelaya, waxaana qofkii ku bedelaya numbarka cusub lacag ka badan hal milyan oo Somaliland ah waa inuu bixiyaa, buuga iyo baleedhkaba hore dawladihii hore uga qaaday lacagtii hadana mar labaad baa buug iyo baleedh cusub laga iibinaya.
Mar kale waxa loo fikiray sidii gaadiidka lacag looga qaadi lahaa, waxa la yidhi liisamadii ay dawladihii hore bixin jirey waxba kama jiraan waa in liisan cusub la siiyaa, liisaanka dadku waa laba nooc mid waa buug midna waa laf, labadiiba waa la bedelayaa, waayo dakhli baa dawlada ugu jira.
Sanadkan waxa la bilaabay in dadkii laga ururiyo liisaanka, marka laga qaaday jidka ma mari karto liisaan la’aan, awal ninka liisanka haysta cashuur baa ku waajibtay, balse imika waa in liisaan cusub samaysataa oo aad bixisaa lacagtii aad hore u bixisay ee liiisaanka cusub laga qaado.
Qofka toban sanno loo cashuurayey liisaanka ee imika laga dhigay qof cusub oo hadda dalbanaya liisaan ee bixinaya sideetan dollar waa isku xaquuq qofkii liisaanka haystay iyo ka imika liisaan doona isku lacagna waa laga qaadaya.
Dadkii way yaaban yihiin, sanad walba waa loo fikirayaa sidii dadkan lacag cusub looga qaadi lahaa, waxa ay sameeyaan way garan laayihiin, waxa kaliya ee ay ku ciil baxayaan waa inay ka hadlaan warbahinta oo dadka kale u garaabaan.
Qof liisaan baabuur haysta oo dawladihii hore u sameeyaan sabab looga qaado oo loogu qasbo in liisan cusub loogu sameeyo maxay tahay, hadii liisan cusub loo samaynayo sabab lacagtii hore looga qaaday markii loo samayaneyy in mar labaad laga qaada miyeyna xaaraan ahayn miseyna dhibaato iyo cadibadan ku hayn dadka.
Waxa kale oo imika soo socda in shirkado tayada baabuurta eegta lixdii biloodba mar la sameeyo, in qofkii waraqdaasi sita baabuurka loo cashuuro, oo waxa la isku xidhayaa waraaqda geerashkaasi iyo cashuurta dawladda waa qorshaha aan wali bilaabmin ee marka liisaanka la dhameeyo la damacsan yahay in la sameeyo.
Si kooban hadii aan u dhigo dhibaatada dadka haysta:
Baabuurka numbarka hore lahaa waa la bedelaya waxa lagugu bedelaya lacag dhan 110 dollar.
Warshada eegi doonta tayada baabuurka oo wali qiimihii la soo saarin oo ah culays kale oo dadkii ku soo kordhaya.
Intaas waxa dheer buuga imtixanka lagu gallayo waa laga iibinaya, waraaqda caafimaadka indhaha iyo nooca dhiigaaga waxa kooto loogu xidhay shirkad ku dhex leh xafiis wasaarada oo ka qaalisan lacagta cisbitaalka guud dadka ka qaadi jirey, lama ogola xiitaa in cisbitaalka guud waraaq caafimaadka ka qaadato.
Bal ka waran xukuumad kasta oo timaada haday waxba kama jiraan ka dhigto kuwii ka horeeyey liisaamadii ay bixiyeen, oo tidhaa liisaankii hore waxba kama jiraan, baleedhkii hore iyo numbarkii hore waxba kamaa jiraan, waxaas oo dhibi soo kuma dhacayaan dadkan darxumaysan ee nolosha la daalaa dhacaya.
Waa la arkaa in loo fikirayo shacabka ee yaanay inkaartoodda idin ku dhicin ee xukuumadda shacabkeeda ha u naxariisato.
The Somaliland-Somalia talks in Djibouti: The Unintended Consequences.
On June, 14th 2020 the international partners led by the United States Ambassador (Donald Y. Yamamoto) and other multi international stakeholders including European Union, African Union, Ethiopia and the host country of Djibouti held talks between Somaliland and Somalia. The talks between the two parties started back in 2012 in Ankara, Turkey.
The talks stalled for the last three and a half years following the parliamentarian election of the current president of Somalia, Mohamed Abdullahi (Farmajo). The Somaliland president was elected by one-man-one vote and was observed by international monitors which was declared free and fair election. The Ankara communique included the following highlights: “ . . . it is stated that the purpose of the Ankara meeting is to reopen the dialogue after the change in the leadership of the Somali Federal Republic, and to establish a way forward for the dialogue.
Moreover, the agreement concerning the encouragement and facilitation of international aid and development provided to Somaliland is also cited in the Communique where the parties commit to refrain from using any inflammatory language and any other act which may put the continuation of the dialogue at risk. “Parties will share intelligence and cooperate in the fight against terrorism, extremism, piracy, illegal fishing toxic dumping, maritime crime and serious crime, stated in the Communique…” (“Somalia and Somaliland Sign “Ankara Communique””). Unfortunately, the Farmajo regime started an overly aggressive campaign against Somaliland, undermining and violating all prior agreements between the two countries including: propaganda tactics, that included Exploiting unsuspecting Somaliland youths through social media by luring them with few dollars, sabotage of developmental projects and programs, attempts to block livestock exports to Saudi Arabia. This was one of the most naked aggressions against Somaliland since the collapse of the military regime of Siad Bare. The Somali authorities suggested that Somaliland dealers obtain a certificate of health for their livestock from Mogadishu before they are able to export to Saudi Arabia. They also violated the accord of air traffic joint management between the two countries. Somaliland, having experienced these belligerent attempts from Somalia to undermine their existence, was not fond of any future talks with the current regime. However, after a lot of pressure and multiple attempts from powerful countries, especially the United States of America to restart the talks, they agreed to seat at the table with their opponents, provided it is an open and transparent talk at an international arena. Obviously, different stakeholders and countries had their own different agendas in mind. However, the only intention of the Somali Federal government to participate in this round of talks was to use this opportunity in their reelection campaign. The Somali delegation was not prepared for an honest and difficult discussion.
They did not anticipate how far apart the two sides were on the issues. Obviously, it was not the intended outcome for Farmajo and his regime.The Somalia delegation led by Farmajo anticipated cordial and comforting discussions that would ultimately lead to handshakes and photo-ops for their upcoming reelection campaign of 2021, hence the delay of the talks for three and half years. On the other hand Somaliland leaders especially Muse Bihi, the president of Somaliland was well-prepared to seize the moment and take advantage of this unique opportunity and present a very strong case at an international arena. Muse Bihi litigated the case from the inception of the failed union to the tumultuous journey that followed and ultimately led to the reclaim of their independence. He demonstrated a significant historic sequence of events up to the current affairs between the two neighboring countries and show-cased their agenda skillfully and with a style.
Muse Bihi showed undisputed and strong presidential leadership skills and superior knowledge of the issues at hand. On the other hand, the Somalia delegation showed lack of interest and lower confidence in their government by not having a mandate or decision making capabilities, especially for the last three days of the talks. When certain issues were brought forth for discussion and immediate decision making, they said, we have to consult our leaders, which means the president of Somalia, Farmajo, who left the meeting after the opening. Therefore, moving forward it would be very difficult to reach any formidable resolution unless the participants have a full mandate from their perspective governments. Works Cited “Somalia and Somaliland Sign “Ankara Communique”.” Anadolu Ajansı,
www.aa.com.tr/en/turkey/somalia-and-somaliland-sign-ankaracommunique/255372. Accessed 20 June 2020.
PRESS RELEASE S&P Global affirms African Development Bank’s AAA rating, with stable outlook The rating agency’s report further noted that the AfDB will play a key role supporting the region, particularly in the context of COVID-19 ABIDJAN, Ivory Coast, June 22, 2020/ — Ratings agency S&P Global on Friday affirmed its ‘AAA/A-1+’ long- and short-term issuer credit assessment of the African Development Bank (AfDB) (www.AfDB.org) with a stable outlook.
The rating agency positively assessed the Bank’s very strong financial risk profile, very strong capital adequacy, strong funding and liquidity, extraordinary shareholder support and adequacy of its governance and management.
“We are therefore affirming our ‘AAA’ long-term issuer credit rating on the AfDB,” S&P Global stated.
The rating agency noted the Bank’s $115 billion capital increase, approved by shareholders in October 2019, and the replenishment to the African Development Fund, the Bank’s concessional window, in December 2019.
“The stable outlook reflects our expectation that, over the next two years, AfDB will prudently manage its capital while maintaining solid levels of high-quality liquidity assets and robust funding,” S&P Global said in a statement.
S&P expects that “shareholders will remain supportive by providing timely capital payments”; the Bank “will continue benefiting from preferred creditor treatment (PCT); and “prudently manage growth in private-sector lending in a way that’s aligned with its mandate.”
The rating agency’s report further noted that the “AfDB will play a key role supporting the region, particularly in the context of COVID-19. The institution approved an up to $10 billion relief package for 2020, of which $6.9 billion will be financed by AfDB and the remainder through its concessional lending window.”
The President of the Bank, Akinwumi A. Adesina, said: “We are delighted with and welcome S&P Global’s decision to affirm the Bank’s AAA/A-1+ rating. It reflects the Bank’s very strong financial position and risk management, as well as our sound governance. We will continue to maintain these standards, with the strong support of all our shareholders, as we deliver much needed financial, knowledge and policy support to our regional member countries during and after this period of the COVID-19 pandemic.”
Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). Media Contact: Gershwin Wanneburg Department of Communication and External Relations African Development Bank Email: g.wanneburg@afdb.org
About the African Development Bank Group: The African Development Bank Group (www.AfDB.org) is Africa’s premier development finance institution. It comprises three distinct entities: the African Development Bank (AfDB), the African Development Fund (ADF) and the Nigeria Trust Fund (NTF). On the ground in 41 African countries with an external office in Japan, the Bank contributes to the economic development and the social progress of its 54 regional member states. For more information: www.AfDB.org
Tan iyo intii lagu kulmay shirkii Jabuuti ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Somalia ee labada dhan ku heshiiyeen in aan midna midka kale ku xadgubin oo aan la siyaasadayn arimaha samafalka oo aan dhana dhanka kale soo gali karin arimihiisa daakhaliga ayaa dawlada Farmaajo ay kolkii u horaysay ay jabisay arinkaasi.
Wasaarada caafimaadka ee Muqdisho oo ka warbixinaysa xaalada hargabka Coronavirus ayay dawlada Somaliland waxa ay la mustawo dhigtay maamul goboleedyada ka jira dalkooda, arintaasi oo ka hor imanaysa kulankii Jabuuti.
Sodoo kale warbixintani ay kaga waramayaan xaalada Coronavirus ee Somaliland ma aha mi xaqiiqo ku salaysan waxana ay ujeedadoodu tahay in ay caalamka tusaan in iyaga ay Somaliland hoos timaado oo wixii xanuunkaasi lagula tacaalilahaa iyaga gacanta loo galiyo arintaasi oo qalad ah.
Hadaba halkan hoose ka akhriso warsaxaafadeedkii ay saaka la wadaageen dunida
PRESS RELEASE Coronavirus – Somalia: Update as of 21.6.2020 MOGADISHU, Somalia, June 22, 2020/ — New cases confirmed today: 24
Somaliland: 15
Puntland: 6
Benadir: 3
Male: 18
Female: 6
Recovery: 31
Death: 2
Total confirmed cases: 2,779
Total recoveries: 782
Total deaths: 90
SOURCE Ministry of Health & Human Services, Federal Republic of Somalia
Somali Awood badan ku lahaa oo laga qaaday Xilkii uu hayey
Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ahaa hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya ayaa goor dhow xilka laga qaaday, kadib markii ay kalsoonida kala noqdeen inta badan xildhibaanada baarlamaanka dalkaasi.
Xilka qaadistan ayaa aheyd mid la filayey, kadib markii dhowaan in ka badan 130 Mudane ay mooshin ka dhan ah isaga u gudbiyeen madaxweynaha wadanka Kenya, Uhuru Kenyatta oo sidoo kale ah hoggaamiyaha xisbiga talada dalkaas haya ee Jubilee.
Aadan Barre Ducaale ayaa sidoo kale muddooyinkii la soo dhaafay wajahayey hubanti la’aan iyo culeys uga imaanayey dhinaca baarlamaanka.
Sidoo kale wuxuu xilka hoggaamiyaha aqlabyidda baarlamaanka hayey tan iyo doorashooyinkii dhacay sanadkii 2013-kii.
Xildhibaan Aadan Barre oo Soomaali Keyaan ah, lagana soo doorto gobolka waqooyi bari ayaa ka mid ah xildhibaanada fir-fircoon ee ku jira xisbiga talada haya ee Jubilee.
Geesta kalena Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shir gudoominayay kulanka ay yeesheen xisbiga talada Kenya haya ee maanta xilka Hogaamiyaha aqlabiyada Baarlamaanka Kenya looga xayuubiyay Xildhibaan Aadan Barre.
Hoggaamiyaha cusub ee Aqlabiyada Baarlamaanka dalka Kenya ayaa loo doortay Amos Kimunya, waxaa sidoo kale Aadan Keynaan oo kasoo jeeda gobolka Waqooyi bari Kenya loo doortay Xoghayaha Guud ee isbaheysiga xisbiga talada Kenya haya.
Xildhibaan Aadan Keynaan ayaa laga soo doortay magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya, waxa uuna hada noqonayaa ninka ugu sareeya ee Xisbiga Jubilee ku matalaya Soomaalida Kenya.
Aadan Barre Ducaale ayaa mudo 7-sano ah hayay xilka hogaamiyaha aqlabiyada Baarlamaanka Kenya , waxaana xil ka qaadistiisa timid isbadalo lagu sameeyay xisbiga talada dalka haya kadib markii ay kala tageen Madaxweyne Uhuru iyo kuxigeenkiisa.
Qaramada Midoobay oo Dacwad ku soo oogeysa Ra’iisal-wasaarihii Hore ee Somalia+Kiiska loo haysto
War saxaafadeed kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu beeniyay diwaangalinta & Sharciyadsiinta Jaamacadda United Nations Academy of Somalia uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.
Qaramada Midoobay Warka kasoo baxay ayaa lagu cadeeyay inuusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya Ururka Qaramada Midoobay iyo waxa loogu yeero ‘United Nations Academy of Somalia (UNAS).
War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Qaramada Midoobay dacwad sharci ah ka gudbineyso dadka magacooda ku been abuurtay, waxa ayna Dacwadan saameyn doontaa xubno uu ku jiro Cali Geedi oo aas aasay Jaamacadan Onlinka wax looga barto.
Halkan ka Akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Qaramada Midoobay
Iyadoo laga jawaabayo weydiimo, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay dooneysaa inay caddeyso inuusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya Ururka Qaramada Midoobay iyo waxa loogu yeero ‘United Nations Academy of Somalia (UNAS).’
Adeegsiga sharciga ah ee magaca iyo astaanta Qaramada Midoobay kaliya waxaa lagu heli karaa kaddib marka la maro hannaan adag oo codsi ah oo u baahan oggolaansho qoraal ah oo ka yimaada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.
‘UNAS’ ma codsan mana helin rukhsad ay ku isticmaasho magaca QM ama astaanta. Oggolaansho weligiis ma siinin Xoghayaha Guud arrin laga leeyahay u jeeddooyin ganacsi oo gaar ah, sida nooca ay ku howlgashay UNAS.
Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay xiriir la sameysay ‘UNAS,’ mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo shabakadaha caalamiga ah oo ay quseyso ee dhanka Internet-ka iyo hay’adaha warbaahinta bulshada oo ay ku wargalisay arrintaa ku saabsan adeegsiga aan sharciga aheyn ee magaca iyo astaanta Qaramada Midoobay, waxa ayna la beegsaneysaa dacwad sharci ah, oo ah in UNAS ay joojiso adeegsigaas.
Iyadoo laga jawaabayo weydiimo, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay dooneysaa inay caddeyso inuusan jirin wax xiriir…
Trump ayaa maanta loo dhaarinaayaa xilka madaxweynaha
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa markale soo celiyay weerarrada dhanka afka ah ee uu ku qaadayo Soomaaliya iyo Ilhaan Cumar.
Wuxuu taageerayaashiisa u sheegay in haweeneydan ay dooneysa in ay Mareykanka ka dhigta “sida dalka ay ka soo jeeda ee Soomaaliya oo kale”.
Donald Trump ayaa sidoo kale horey u jeediyay hadallo badan oo ku saabsanaa Soomaalida, Ilhan Cumar iyo Muslimiinta.
Haddaba qaar ka mid ah hadalladaas ayaan halkan ku soo koobeynaa:
1- “Dowlad la’aan, amni la’aan, boolis la’aan”
Madaxweynaha Mareykanka ayaa magaca Ilhaan si khaldan ugu dhawaaqay isagoo yiri “Eel-ann” iyadoo ay u sacbinayeen taageerayaal aan badnayn oo u soo baxay dhageysiga khudbadiisa.
Wuxuu ka digay in Ilhaan Cumar ay suuragal tahay in ay qeyb ka noqoto maamulka Mareykanka haddii musharraxa madaxtinnimada ee xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden uu ku guuleystay doorashada dhici doonto bisha Nofeembar.
“Waxay jeclaan lahayd in ay dalkeenna ka dhigta sida dalkii ay ka timid oo kale – Soomaaliya. Dowlad la’aan, amni la’aan, boolis la’aan. Waxaa ka jirta fowdo uun. Hadda waxay rabtaa in ay noo sheegto sidii aan dalkeenna u maamuli lahayn. Maya, waad mahadsan tahay”, ayuu yiri Trump.
Trump ayaa mar uu booqasho ku tagay Minnesota sannadkii la soo dhaafay wuxuu ku canaantay dadweynaha gobolkaas sababta ay wali raalli uga yihiin in ay Congress-ka ku matasho Ilhaan Cumar.
“Haweeneyda Congress-ka ka tirsan ee lagu magacaabo Ilhaan Cumar, waa qof neceb Mareykanka waxay iska indha tirtay weerarkii September 11-kii, ee lagu soo qaaday waddankeenna, sideed ku oggolaateen in qof noocaas ah uu idinku matalayo Minnesota.”
Ilhaan Cumar ayaa barteeda Twitterka soo dhigtay in Trump uu “ku guuldarreystay inuu dalka maamulo” iyadoo tusaale u soo qaadatay in 100,000 oo qof ay u dhinteen fayraska Covid-19, illaa 40 milyan oo qofna ay shaqadoodii waayeen, guud ahaan dalkana ay ka socdaan dibadbaxyo.
2- “Meel walba oo ay tagto way xumaataa, Soomaaliya ayay ka bilowday”
Bishii Nofember, 2019-kii, waxay Donald Trump si wayn isu qabteen haweeney Safiir uga ahayd dalka Ukraine. Wuxuu xilligaas wajahayay mooshinno la xiriiray “fadeexad” ka dhalatay dhaqaale taageero ah oo lagu xiray arrimo siyaasadeed.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xilligaas bartiisa Twitter-ka ku weeraray safiirkii hore ee Mareykanka ee dalka Ukraine, Marie Yovanovitch, iyadoo ay socoto dhegeysiga caddeymaha xil ka qaadista.
“Meel walba oo ay Marie Yovanovitch aadday way xumaatay,” Mr Trump ayaa sidaasi qoray. “Waxay ka bilowday Soomaaliya, sideey taasi noqotay?”
Mar arrintaasi wax laga weydiiyay, ayay Ms Yovanovitch ugu yeertay “mid hanjabaad ah”.
Trump ayaa mar kale soo jawaabay, isagoo ku doodaya in qoraalladiisa aysan ahayn kuwo hanjabaad ah.
Wuxuu weriyeyaasha u sheegay inuu daawaday qeyb ka mid ah dhegeysiga caddeymaha, isla markaana uu u arko mid sharaf dhac ah.
Inkasta oo uusan xilligaas toos u magacaabin, haddane Donald Trump ayaa laga soo xigtay hadalo ay warbaahinta adduunka aad u faafisay oo uu ka sheegay afar xildhibaan oo ku jira Aqalka Congress-ka Maraykanka, oo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar, oo asal ahaan ka timid Soomaaliya.
Mid ka mid ah xildhibaanada oo ah Ms Ocasio-Cortez ayaa ku dhalatay isbitaal ku yaala degmada Bronx ee New York, halkaas oo qiyaastii 12-mile u jirta meesha uu Donald Trump ku dhashay.
Soomaalida badan ayaa deggan Minneapolis
Trump ayaa xildhibaanadan dumarka ah u sheegay in ay ku laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen, islamarkaasna ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka heysta dadkooda ay isku asalka yihiin.
Wuxuu yiri: “Waa arrin xiiso leh in aan aragno xildhibaanada dumarka ah ee xisbiga dimuquraadiga, kuwaas oo asal ahaan ka yimid dalal dowladahooda ay gebi ahaanba yihiin kuwa masiibo ah, oo musuqmaasuq hareeyay, ahna kuwa ugu xun ee adduunka ka shaqeeya.”
Wuxuu intaa ku daray: “In hadda (dumarkaas) aydadka reer Ameerika oo ah kuwa ugu awoodda badan adduunka ay u sheegayaan sida wax loo maamulo”.
Ilhaan oo u jawaabtay Trump ayaa sheegtay in ay u dhaaratay Qaranka Maraykanka iyo sidii ay uga difaaci lahayd wax ay ku tilmaamtay “madaxweynihii ugu musuqmaasuqa badnaa ee soo maray”.
Madaxweyne Trump ayaa sannadkii 2018-kii, dalalka Afrika iyo waddamo kale ku tilmaamay kuwa “gudaafad ah”, hadalkaas oo ay ka dhalatay caro badan.
4- “Idinka oo aan war u heyn ayey yimideen gobolkiina” Minnesota
Mar uu ka hadlayay Minnesota, maalmo ka hor doorashadii 2016-kii, wuxuu sheegay in Soomaalida ay dhibaato u horseedeen gobolka.
“Minnesota waxaad ku aragteen dhibaatooyiinka ay keeneen qaxootiga siiba kuwa halkaan ku badan ee Soomaalida.”
“Idinka oo aan war u heyn ayey yimideen gobolkiina iyagoo waliba qaarkood ay ku biirayaan ururka Daacish, waxayna xagjirnimada ku faafinayaan dalkeena iyo dunida oo dhan.”
Wuxuu sidoo kale xilligaas si guud u eedeeyay dadka soo galootiga ah ee Maraykanka.
5- Daacish iyo Soomaalida
Trump ayaa lagu eedeeyay hadallada adag ee uu jeediyo
Bishii June, sannadkii 2016-kii; Donald Trump ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in Soomaalida ay ku biiraan Daacish.
Wuxuu tilmaamay in Soomaalida ay iska soo galaan Mareykanka, sidoo kalena ay dhibaato geystaan.
Hadalkaas markuu jeedinayay, wuxuu si gaar ah uga hadlay in ay tahay in isbadal lagu sameeyo waaxda socdaalka ee dalka Maraykanka.
Soomaalida Maraykanka daggan ayuu ku tilmaamay “qaxooti doonaya in ay Daacish ku biiraan.”
Donald Trump wuxuu mar kale ku “celiyay in ay tahay in Muslim-ka laga mamnuuco Maraykanka.”
Dhinaca kale waxaa xilligaas iyana hadashay Hillary Clinton oo cambaaraysay hadalada Trump
6- “Naceybka” uu Trump u qabo qaxootiga Soomaalida oo la shaaciyay
Bishii October ee sannadkii 2019-kii, bogga internet-ka ee telefishinka CNN ayaa daabacay xog laga soo xigtay buug ay qoreen weriyeyaal ka tirsan wargeyska The New York Time oo ka hadlaya sida uu madaxweyne Trump “u neceb yahay qaxootiga ka yimid Soomaaliya.”
Sida lagu sheegay qoraalkaas CNN, bilihii ugu horreeyay ee xukunkiisa, madaxweyne Trump wuxuu Elaine Duke, oo xilligaasi ahayd kusimaha arrimaha ammaanbka gudaha, weydiiyay sababta ay u mamnuuci la’dahay qaxootiga ka imaanaya Soomaaliya.
Xogta ku saabsan arrintan ayaa lagu daabacay buug cinwaan looga dhigay “Colaadda Xudduudda”, waxaana buuggan lagu muujiyay aragtida madaxweyne Trump ee ku aadan dadka ka soo jeeda Soomaaliya, kuwaasi oo uu arko in ay halis ku yihiin Mareykanka.
Sida lagu xusay buuggaasi: “Madaxweyne Trump iyo Stephen Miller ayaa u muuqda in si gaar ah ay u neceb yihiin Soomaalida, waxayna Soomaalida tusaale u soo qaadan jireen mar kasta oo ay doonayaan in ay muujiyaan halista dadka qaxootig ah ay u keeni karaan Mareykanka.
7- Halkey iskala qaadeen Ilhaan Cumar iyo Donald Trump?
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo Ilhaan Cumar ayaa marar badan warbaahinta isu mariyay hadallo kulul iyo eedo.
Xilligii ugu kululeyd waxay ahayd bishii February ee 2019-kii,oo Trump ugu baaqay Ilhaan inay is casisho, ka dib markii ereyo lagu tilmaamay “Yuhuud naceyb”, ay ku qortay barteeda Twitter-ka.
Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in xildhibanaada Aqalka Kongreska ee Mareyknka ee taageersan Israa’iil ay dhaqaale ka helaan kooxaha taageera Yuhuuda, arrintaasi oo sababtay in Gudoomiyaha Kongreska, Nancy Pelosi ay sheegtay in Ilhaan looga fadhiyo inay raaligeli ka bixiso hadalkaasi.
Trump ayaa xilligaas sheegay in Yuhuud naceybka aysan melnana uga banaaneyn Maraykanka.
“Ilhan Cumaar hadalkii ay tiri waa mid aad u xun, waxayna ila tahay inay iska casishaa aqalka Kongreska ama ay ugu yaraan isaga tagtaa xubinimada guddiga arrimaha dibadda ee aqalka,” ayuu yiri Trump.
Wixii intaas ka dambeeyay waxaa jirtay marar dhowr ah oo uu Trump wax ka sheegay Soomaaliya iyo Soomaalida. Haddaba dhowrkan qodob ee soo socda ayaan ku eegeynaa hadalladii iyo ficilladii Trump ee ku wajahnaa Soomaaliya iyo Soomaalida:
8- Nin Soomaali ah oo Trump ka mamnuucay magaaladiisa
Bishii March 2019-kii, Maajid Maajid oo 30 jir qaxooti Soomaali ah, ayaa ku dhawaaqay go’aan la yaab leh, xilli uu shir gudoominayay golaha deegaanka Sheffield ee Britain, “taas oo walaaltinimo loogu muujinayo dadka reer Mexico”, sida uu sheegay.
Waxaa uu xilligaa Mr Trump ku tilmaamay “nin nacas ah” islamarkana laga mamnuucay magaalada” qiimaha badan,” ee Sheffield.
Trump wuxuu xilligaas ku dhwaaqay dhimista tirada qaxootiga Soomaalida ee dib u dajinta la siinayo.
Xilligii uu ololaha ku jiray ee sannadkii 2016-kii wuxuu ka sheegay isu soo bax uu ku qabtay magaalada Minneapolis in uu dadaal u gali doono sidii aad loogu xakameyn lahaa qaxootiga dib u dajinta laga siinayo gobolka Minnesota.
Gobolka Minnesota waxa uu hoy u yahay tirada qaxootiga ugu badan ee Soomaalida ah ee ku nool Mareykanka.
Waxa uu sheegay in tan iyo intii uu xukunka qabtay uu hoos u dhigay qaxootigii dib u dajinta laga siinayay guud ahaan Mareykanka.
Waxa uu khubda ka jeedinayay isu soo bax lagu qabtay xarun lagu magacaabo Target Centre.
“Sannado badan, hoggaamiyeyasha Washington waxay gobolkiinna keeneen qaxooti badan iyada oo aan la eegin saamaynta ka dhalan karta ee dhanka iskuullada bulshada iyo canshuur bixiyayaasha”, ayuu yiri madaxwayne Trump.
“Waxaan idiin ballanqaadayaa ka madaxwayne ahaan in bulshada aan siiyo fursad ay go’aan ugu yeelan karaan siyaasadaha qaxootiga iyo in la dajiyo qorsha sare loogu qaadayo turxaan bixin la smaeeyo iyo xakameynta muhaajiriinta,” ayuu hadalka ku sii daray.
Xajka Sannadkan Oo La Fasaxay Waana Xaj Kooban Jinsiyadaha Ku Nool Gudaha Dalka Sacuudiga Oo Keliya!
Xajka Sannadkan Oo La Fasaxay Waana Xaj Kooban Jinsiyadaha Ku Nool Gudaha Dalka Sacuudiga Oo Keliya!
Wasaaradda Xajka Iyo Cumrada Ee Dalka Sacuudiga Oo Shaacisey In Xajka Sannadkan La Xajin Doono Kaasoo Weliba Ah Xaj Maxduud (Tiro Kooban) Waa Dadka Ku Nool Ama Imminka Jinsiyadaha Kala Duwan Ee Ku Sugan Gudaha Dalka Sacuudiga
Hay,adda Culumada Ugu Sareysa Ee Sacuudiga Oo Taageeray Amarka Boqortooyada Sacuudiga Kaasoo La Fasaxay Xajka Sannadkan Oo Noqon Doono Xaj Muxadad Ah Muwaadiniinta Sacuudiga Iyo Jindiyadaha Ku Nool Gudaha Dalka Oo Keliya!
Taasoo La Og Yahay In Adduunka Oo Dhan Ka Dilaacay Cudurka Dilaaga Ee Karoona Feyraska Asiibayna 180 Dal Isla Markaana U Dhintay Dad Ka Badan Nus Milyoon, 7 Malyanna Cudurku Asiibay
Wasaaradda Xajka Iyo Cumrada Iyadoo Ka Fakiraysa Ilaalinta Xujayda Dibadda Ammaankooda Iyo Caafimaadkooda Inay Si Raaxa Leh U Gutaan Waajibaadka Xajka, Kolkaa Sannadkan Waxaa Loo Oggol Yahay Oo Keliya Jinsiyadaha Muslimiinta Gudaha Dalka Sacuudiga Ku Nool Oo Weliba Tiro Kooban Ah Si Loo Ilaaliyo Kala Fogaanshaha Iyo Si Loogu Hortago Cudurkan Koofid-19!
Xajkan Fursad Weyn Waxay U Noqonaysaa Dadka Haysta Sharciga Degganaanshaha Sacuudiga Oo Aan Weligood Xajin Ama Dadka Shanta Sano Ugu Danbaysay Ee Aanan Xajin.
Dowladda Soomaaliya oo diiday inay jawaab ka bixiso hadalkii xanafta lahaa ee Trump kasoo yeedhay
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan wax faallo ah ka bixin karin dhaleeceynta madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu u jeediyay dalka xilli uu ku guda jiray ololihiisa doorashada ee habeenkii Sabtida.
Madaxweyne Trump ayaa Soomaaliya ku sifeeyay Waddan Dowlad la’aan, amni la’aan ah iyo boolis la’aan, Hadalkaan ayaa qeyb ka ahaa weerar dhanka afka ah ee uu ku qaaday xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka kongarayska.
Warbaahinta BBC-da ayaa weydiisay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya haddii ay bixnayso jawaab, laakiin waxay u sheegtay in aaney xilligan diyaar u ahayn jawaabta dhalleecaynta Trump.
Ma’ahan markii ugu horreysay ee uu Trump ku dhawaaqo hadal xanaf leh oo ka dhan ah Soomaaliya, isagoo ku xumaynaya Ilhaan Cumar oo asalkeedu yahay Soomaali, balse haatan ka tirsan Kongareeska Mareykanka.