Daawo:Wasiirul-khaarajiga S/land oo ka hadlay Khaladaad ku jira War-murtiyeed Cusub oo Dawlada Jabuuti ka Soo saartay shirkii Madaxda S/land & Somalia
Warweyn:Daawo,Wasiir khaliil oo shaaciyey sababtay u ogolaadeen in Meydka Nin Cadaana lagu gubo Hargeysa
Golaha Shacabka Somalia oo Saaka Cod aqlabiyad ah ku meel mariyay Xeerka Kuraasta Xildhibaanada Ku Shaqeysta Magaca Somaliland
Golaha Shacabka Somalia oo Saaka Cod aqlabiyad ah ku meel mariyay Xeerka Kuraasta Xildhibaanada Ku Shaqeysta Magaca Somaliland

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maalmahan ku mashquulsanaa ka doodista afar xeer ay soo gudbiyeen guddiga wadajirka ee dhameystirka Xeerarka doorashooyinka ayaa maanta meel mariyay mid kamid ah xeerarkaasi.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaana maanta shir gudoominayay kulan ay soo xaadireen 168-Xildhibaan, waxaana kulankan looga doodayay xeerar kuraasta gobalada Waqooyi.
Xildhibaanada ayaana dood dheer ay xeerkan ka yeesheen kadib cod u qaaday xeerkan, waxaana u codeeyay meel marinta xeerkan 167-Xildhibaan, waxaa diiday hal Xildhibaan, mana jirin wax Xildhibaan ah oo ka aamusay.
Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa horey u meel mariyay xeer qoondada haweenka gaar ahaan in kuraasta haweenka kaligood ku tartamaan, waxa ayna hada ka doodayaan Xildhibaanada Maqaamka Gobolka Banaadir iyo xubnaha uu ku yeelanayo Aqalka sare.
Daawo:Xisbiga Waddani oo duray War-murtiyeed Cusub oo Jabuuti ka soo dabatuurtay Shirkii Madaxda Somaliland & Somalia
Djibouti, Somalia, Qatar Defy Egypt’s Arab League Resolution Over GERD
Republics of Djibouti and Somalia and State of Qatar have defied Egypt’s Arab League Resolution that favors the hegemonic stance of it.
The Arab League is holding its urgent meeting today on issues related to the Ethiopian Grand Renaissance Dam and the standoff between Libya and Egypt.
On the meeting Republic of Djibouti, Republic of Somalia and State of Qatar, member countries of the league, have refused to obey the Arab League Resolution that supports Egypt in GERD cases
Meanwhile, Deputy Ambassador of South Sudan to Ethiopia, David Ding has expressed concern over Egypt’s second complaint it referred to the United Nations Security Council demanding an intervention in to GERD issues.
Fanabc
The Dangerous Item in the Agreement With Somalia
The Dangerous Item in the Agreement With Somalia
The recent agreement between Somaliland and Somalia issued in Djibouti on June 22, 2020, the item allowing exchange of cultural, academic, sports and trade is dangerous for opening cans of worms for gradual integration for unity with Somalia and opens the gates for Somaliwein. It is also against the law passed by Somaliland legislature on Feb. 5, 2012. This item must be removed from the agreement for being against the sovereignty and Constitution of Somaliland.
Ibrahim Hassan Gagale
ibrahim_hg@yahoo.com
As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com
Maayarka Caasimada Hargeysa Oo Degmada Sabawanaag Ka Dhagax-dhigay Laba Caafimaadka ee Degmooyinka Sabawanaag iyo Bai-mataan.
Maayarka Caasimada Hargeysa Oo Degmada Sabawanaag Ka Dhagax-dhigay Laba Caafimaadka ee Degmooyinka Sabawanaag iyo Bai-mataan.
Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminaayey ayaa socdaal shaqo ku tagay deegaano ka tirsan, labada degmo ee Sabawanaag iyo Bali-mataan, oo ku-yaala, Koonfurta bari ee caasimada Hargeysa, isla markaasina kamida degmooyinka maamul ahaan sida dad-ban u hoos-yimaada Golaha deegaanka Caasimada Hargeysa.
Socdaalkan maanta ee maayarka iyo waftigiisu ku tageen deegaanadan ka tirsan labadan degmo ee Sabawanaag iyo Bali-mataan, oo jeedadiisu daaranayd kormeer iyo dhagax-dhig ay ku samaynaayeen, qaybo kamida xarumaha caafimaadka ee deegaanadani, ayaa waxa Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo waftigiisu ugu horeyn kusoo dhagax-dhigay laba xarumood oo caafimaad (laba MCH) oo laga hirgalinaayo Tuulada Axmed Buur iyo Tuulada Cali Aadan, oo kamida degmada Sabanaag, iyo soo kale dayr balaadhan oo loo sameynaayo cusbitaalka degmada Bali-mataan oo ay isagana dhagax-dhigeen.
Dhinaca kale waftigan Maayarka caasimadu uu hogaaminaayey ayaa waxa ay kormeer balaadhan ku tageen, xarunta caafimaadka ee degmada Sabawanaag iyo xarunta caafimaadka ee tuulada qoton-dabo oo ka tirsan degmada Sabawanaag, oo ay dawlada hoose ee hargeysa ka fulisay dayactir iyo qalabayn dib loogu hawl-galinaayo laguna.
Gaba-gabadii socdaalka waftiga ayaa waxay kusoo gunaanadeen qiimayn iyo indho indhayn ay kusamayeen, xarun cusub oo goob caafimaad ah oo dhawaan ay si iskooda u dhisteen bulshada ku dhaqan, deegaanka tuulada Bali Kaliil ee degmada Sabawanaag, isla markaasina dawlada hoose ay hada gacanta ku hayso sidii loo qalabayn lahaa loona dhaqaajin lahaa.
Coronavirus – East Africa: People seeking safety are trapped at borders due to COVID-19 measures
PRESS RELEASE
Coronavirus – East Africa: People seeking safety are trapped at borders due to COVID-19 measures
Countries in the Horn, East and Central Africa (HECA) region host approximately 4.6 million refugees and asylum seekers
LONDON, United Kingdom, June 23, 2020/ — A coalition of international, national, and refugee-led organizations in the Horn, East and Central Africa (HECA) have today called on governments in the region to reopen borders for asylum seekers. The organizations are calling on governments to put in place measures that manage the current health emergency while ensuring asylum seekers can seek protection.
Countries in the HECA region host approximately 4.6 million refugees and asylum seekers and have a long history of receiving asylum seekers and providing them with protection. Before the pandemic, the countries continuously received new people seeking safety and protection from violence and conflict, political persecution, or other threats to their lives. States started closing their borders in March as a public health measure to contain the transnational spread of COVID-19, without safeguards for the many women, men and children fleeing threats to their lives and freedoms and needing to seek asylum.
“While countries in the region are faced with a genuine public health emergency, governments, with support from international partners, must find solutions that respect international human rights and refugee law commitments, including the right to seek asylum. Governments should consider measures such as medical screening or testing, preventative and time-bound quarantine facilities at border crossing points to allow access to asylum seekers,” said Deprose Muchena, Amnesty International’s Director for East and Southern Africa.
Burundi, Ethiopia, Rwanda, and Somalia closed their borders in March 2020. In Kenya, the borders with Somalia and Tanzania closed on 16 May. Asylum seekers and refugees who cross into Kenya are sometimes arrested and returned to the border point of entry.
Blanket border closures contravene international refugee law by denying people in need of international protection an effective opportunity to seek asylum. They also violate the principle of non-refoulement, which prohibits states from turning away people at a border and returning them to a country where they would be at risk of persecution or danger.
Along the DRC-Uganda border, approximately 10,000 displaced people have been camped out since May, waiting to seek asylum in Uganda. Following a 16 June decision by the Uganda government to allow them to enter the country, efforts are underway to prepare for their safe entry, quarantine, and settlement.
“We welcome Uganda’s decision to receive this specific group of Congolese asylum seekers. We urge the government and partners to ensure quarantine conditions for this group are dignified, and to develop more general measures to admit people needing international protection at other border points,” said Robert Hakiza, Coordinator of the Global Refugee-Led Network-Africa Chapter.
On Uganda’s border with South Sudan, for example, hundreds of people displaced by recent fighting between government soldiers and armed groups in Central Equatoria State are stuck, hoping to cross into Uganda. They are living in makeshift structures and are in urgent need of food, proper shelter, medical care, and access to clean water. Uganda closed its borders on 20 March.
“Governments should consider measures such as medical screening or testing, preventative and time-bound quarantine facilities at border crossing points to allow access to asylum seekers”
“Regional bodies such as the East African Community (EAC), the Intergovernmental Authority on Development (IGAD) and the African Union (AU) should provide more leadership and guidance on how countries can safely open their borders to asylum seekers. The international community must also step in to provide the needed assistance to displaced persons, whichever the side of the border they are on,” said Lydia Zigomo, Oxfam’s Regional Director in the Horn, East and Central Africa.
The organizations are calling on regional bodies to help and encourage governments develop procedures and policies that would allow movement across borders for individuals wanting to seek asylum. This should include workable protocols for COVID-19 screening, testing and quarantine, and special measures that address the needs of marginalized groups, such as unaccompanied children, particularly in quarantine facilities.
“While the EAC has been instrumental in supporting harmonized border screenings to allow the movement of cargo across the region, they have been silent about access to asylum-seekers. Regional bodies must not leave refugees out of their COVID-19 response plans,” said George Kegoro, Executive Director of the Kenya Human Rights Commission.
Distributed by APO Group on behalf of Amnesty International.
SOURCE
Amnesty International
Warbixin:Reer Galbeedka oo helay Cadow cusub oo u beddelay Islaamka

Rubac-qarni ka hor ayey ahayd markii aqoonyahankii cilmiga siyaasadda Samuel Huntington uu qoray maqaalkiisii ku saabsanaa isku dhaca ilbaxnimadda. Waxaa uu muujiyey dagaallo xiriir ah.
Huntington waxaa uu qoraalka sameeyay kadib dhicitaanka darbigiii Berlin, iyo dhamaadkii dagaalkii qoboobaa ee u dhaxeeyay Midowgii Soofiyeeti iyo Reer Galebeedka, muddo nabad ah kasokoow, Huntington waxaa uu saadaaliyey halgan u dhexeeya wax uu u arkayay cadow aan heshiin karin oo ah Muslimka iyo reer Galbeedka.
Huntington waxaa uu sheegay in aqoonsiga dadka uu yahay wadnaha siyaasadda hardameysa, kasokoow aragtida. “Maxaad tahay?” ayuu qoraalkiisa isku weydiiyay, “sida aan ka ogaanay laga soo billabo Bosnia illaa Caucasus illaa Sudan, jawaab khaldan oo su’aashaas laga bixiyo waxay sababi kartaa xabad madaxa lagu dhufto.”
Siyaasiyiinta reer Galbeedka sida Madaxweynihii hore ee Mareykanka George W Bush iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ingiriiska Tony Blair ayaa raacay hoggaanka Huntington. Rubac qarnigii u dambeeyay dalal badan oo Muslim ah ayaa bartilmaameed u ahaa Mareykanka iyo xulifadiisa.
Xeel-dheerayaasha ayaa hadda rumeysan in cadaawaddaan khatarta ah ay yaraan doonto kadib musiibadda Coronavirus, arrin kale ee jirta ayaa ah, safmareenka Coronavirus waxaa qaabeynayaa siyaasad dhuleedka adduunyada. Galbeedku waxay jecelyihiin, lagana yaabaa inay u baahanyihiin cadow, bartilmaameedkooda ugu dambeeyana waa Shiinaha.
Bartilmaameedsiga Shiinaha
Shiinuha waxaa loo arkaa in uu yahay cadowga cusub ee jira, lana mid ah sidii uu Islaamku ahaa 20-sano ka hor. Waxaana sidaas u arka dadka, qoraayaasha wargeysyada, xarumaha talo soo jeedinta, xisbiyadda siyaasadda iyo hey’adaha sirdoonka ee Mareykanka.
Kadib qoraalkii caanka ahaa ee Huntington oo sababay eedda ka dhanka ah Muslimiinta – waxay mar-walba ugu yeeraan Islaamka xagjirka ah hadda waxaa uu dareenkooda u jeediyay Bariga Fog.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ah mucaaradka ugu weyn dunida ee Muslimiinta, ayaa hadda waxaa uu billaabay in uu weeraro Shiinaha, si ka duwan Bush oo weeraray Ciraaq 2003-dii. Markii uu waday ololihiisii 2016-kii, waxaa uu Shiinaha ku eedeeyay in uu kufsanayo dhaqaalaha caalamka.
Tan iyo markii uu dilaacay cudurka Covid-19, weeraradda Trump waa ay kordheen. Waxuuna ku eedeeyay Shiinaha in uu qarinayo virus-ka, islamarkaana uu hoos u dhigayo tirada geeriidiisa.
Warbaahinta The Sun – oo tuntay durbaankii duulaanka Ciraaq ee 2003-dii – ayaa baahisay sheekada warbixin virus-ka ku eedeyneysa in Shiinuhu si ula kac ah u sameeyay, si uu u caddeeyo in uusan Mareykanku ka hortagi karin cuduradda wax laaya.
Hey’adda Sirdoonka dibadda Ingiriiska ee MI6, ayaa gacan ka geysatay in kiis loo dhiso weerarkii musiibada ahaa ee Blair ku qaaday Ciraaq, kadib baaritaankii hubka sida daran wax u gumada, hadda waxay hey’addu indhaheeda ku jahaysay Shiinaha.
Agaasimihii hore ee MI6 Sir John Sawers oo la hadlayay Barnaamijka Maanta ee BBC-da ayaa calool jileec u muujiyay go’aankii uu Trump dhaqaalaha uga joojiyay hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO.
Waxa uu yiri “Mareykanka waxaa aad looga careysanyahay wax ay u arkaan in uu Shiinuhu ku hallaagay, Shiinuhuna waxaa uu ka dheeraanayaa in uu qaato mas’uuliyadda ah in uu virus-ku ka billowday.”
Wax qarinta
Dabcan, waxa jira sababo wanaagsan oo lagu cambaareyn karo Shiinaha. Waxaa jira caddeyn muujineysa in Shuunuhu uusan hufneyn markii uu billowga ahaa cudurka Coronavirus ama yaraayeen tiradiisa kiisaska, dhanka kale, waa khaladka dalalka kale oo ay Britain ka mid tahay oo sidoo kale runta qariyay.
Xarunta Talo-soo jeedinta Ingriiska laga leeyahay ee Henry Jackson Society (HJS) oo ka mid ahayd kuwa sida daran u cambaareeya waxa ay ugu yeeraan Muslimka xagjirka ah ayaa hadda warbixinadii u dambeeyay waxaa ay ku weerarayeen Shiinaha. Xadiiqdiina weeraradooda Shiinaha ee bilihii u dambeeyay ayaa si deg-deg ah u kordhay.
Sidoo kale warbixin ay soo saartay HJS ayaa Mail on Sunday waxay ka qortay maqaal sheegaya in Britain ay Shiinaha geyn doonto maxkamadaha caalamiga ah, si ay uga hesho $437 billion oo magdhow ah, sababo la xiriirka cudurka Coronavirus.
Machadka kale ee Gatestone Institute ayaa dhowaan isbar-bardhig ku sameeyay Shiinaha iyo Islaamka xagjirka ah.
Kala qeybsanaanta cusub
Dadka qaar ayaa laga yaabaa in ay dhahaan tan iyo bur-burkii Midowgii Soofiyeeti, reer Galbeedku waxay u baahnaayeen cadow u badela Soofiyeetkii.
Maskaxda ku haay in qoraalkii Huntington ee Iskudhaca Ilbaxnimadda uu ka digayo in “kala aragti duwanaan shaha Ilbaxnimadu ay noqon doonto dagaalka mustaqbalka.”
Sida uu Huntington qoray, Shiinuhu waa khatarta ugu awoodda badan ee Reer Galbeedka ay wajahayaan. Iran waxay baaqi ku ahaan doontaa indhaha Mareykanka, waana xiriirka shaqsi ee ka dhexeeya Trump iyo Benjamin Netanyahu.
Hadda waxaan gaarnay dhamaadka xilligii dheeraa ee Islaamku uu ahaa “kala aragti duwnaansho” weyn. Waxay u muuqataa in reer Galbeedku ay hada heleen cadowgooda, haddii ay sidaas tahay Muslimiintu xoogaa waa ay neefsan karaan.
Madaxweynihii dafiray cudurka Covid-19 oo amar Maxkamadeed lagu soo rogay
Madaxweynihii dafiray cudurka Covid-19 oo amar Maxkamadeed lagu soo rogay

Maxkamad ku taalla dalka Brazil ayaa Madaxweyne Jair Bolsonaro ku amartay inuu xirto maaskarada marka uu ku sugan yahay goobaha isu imaatinka ee ku yaalla dalkaas.
Madaxweynahan ka tirsan xisbiga midigta fog ayaa dafiray in Covid-19 uu yahay xanuun halis ah, wuxuuna sheegay inuu yahay “hargab sahlan”.
Inkastoo uu cudurka ku baahay dalkaas, Madaxweyne Bolsonaro ayaa mar kale kasoo muuqday fagaare, maalintii Aaxadda, isagoo gacanta ku salaamaya boqollaal ka mid ah taageerayaashiisa, sawirrana la galaya.
Dalka Brazil ayaa noqday waddanka labaad ee dadka ugu badan ay ugu dhinteen feyriska Corona marka Mareykanka laga soo tago.
Sida laga soo xigtay Jaamacadda Johns Hopkins University Haatan kiisaska cudurka gudaha Brazil waxay gaareen in ka badan 1.1 Malyan halka tirada dhimashadana ay gaartay in ka badan 51,000.
Waa kuma ninka 2aad ee ugu hantida badan Dalka Shiinaha?
Waa kuma ninka 2aad ee ugu hantida badan Dalka Shiinaha?

Shaqaale hore oo u shaqayn jirey shirkadda Google ah ayaa qiimeyntii u danbaysay ee la sameeyey noqday qofka labaad ee ugu taajirsan Shiinaha, ka dib markii u hoos u dhacday iibka ganacsigiisa, ee Pinduoduo.
Colin Huang waxaa lagu qiimeeyay hantidiisa $ 45.4bn (£ 36.4bn) sida ay tebisay shabakadda Forbes, axaddii, isagoo ka horreeyay mulkiilaha Alibaba ee Jack Ma’ kuna xigay mulkiilaha Tencent ee Pony Ma.
Mr Huang wuxuu horey ugu shaqayn jiray Microsoft ka dibna seddex sano ayuu injineer ka ahaa shirkadda Google.
“Saddexdaas sano aniga aad bay qiimo iigu lahaayeen,” ayuu ku soo daabacay boggiisa 2016.
“Google ayaa i siisay wax ka badan inta aan ku deeqay.”
Mr Huang wuxuu aasaasay Pinduoduo sanadkii 2015.
Shirkadduna waxay si gaar ah ugu caan baxday Shiinaha intii uu socday faafitaanka Covid-19, iyada oo amarrada ay usoo kordhiyeen 50 milyan ilaa ku dhawaad 65 milyan maalin kasta.
Tilmaamaha cusub ee ay ka kooban tahay waxaa ka mid ah wax u iibsiga koox ahaan, halkaas oo macaamiisha isugu yimaadaan si ay ugu iibsadaan waxyaalo badan qiimo hoose.
Macaamiisha ayaa sidoo kale ku ciyaari kara games goobta waxaana mararka qaarkood lagu abaalmariyaa hadiyado lacag la’aan ah.

Boggiisa internet-ka ee 2016, Mr Huang wuxuu sheegay in qaar ka mid ah shaqaalaha hore ee Google ay saameyn xun ku yeesheen iyagoo dhaqso u noqday maalqabeen.
“Waxay si lama filaan ah u heleen lacag aad u badan, waxay lumiyeen dhiirigelin ay ku shaqeeyaan waxayna bilaabeen inay raadsadaan madadaalo iyo shaqooyin cusub,” ayuu qoray.
Sannado badan ayaa dhaafey oo waxay lumiyeen waqtigoodii ugu qaalisanaa, markii ay u badnaayeen guulo kale oo muuqda.
Mr Huang wuxuu wali hayaa wado uu ku galo si uu ula qabsado bilyaneerka adduunka ugu taajirsan, Jeff Bezos.
Forbes hadda waxay ku qiyaaseysaa aasaasaha Amazon inuu qiimihiisu yahay $ 162.2bn.
Daawo:Suldaanka Guud ee S/land oo ka hadlay War-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Jabuuti+Fariin culus oo uu u diray M/weyne Muuse Biixi
Daawo:Edna Adan Ismail oo Saqdii Dhexe Shir Jaraa’id qabatay,Maxaa soo kordhay ee ay qoonsatey
Daawo:Xukumada S/land oo Jeelka ka sii daysay Dumar Fanaaniina oo muddo xidhnaa+Fanaaniinta oo afka furtay
Bangiga Aduunka oo Lacag badan ugu deeqay Somalia
Bangiga Aduunka oo Ansixiyey in 55 malyuun oo dollar la siiyo Somalia
Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Lacagtaan Deeqda ah Soomaaliya ku mutaystay Maamul wanaagga Maaliyadda iyo Hufnaanta dhaqaale ee ay ku talaabsatay Sadexdii Sanadood ee la soo dhaafay.
Xukuumada Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay buuxiso shuruudihii deyn cafinta oo haatan maraya marxaladihii u dambeeyay, waxa ayna taasi sahasahy in Soomaaliya loo ogolaado in la siiyo lacago cusub.
Soomaaliya & Jabuuti oo diiday Qaraar Masar Walwaaleysay oo ka dhan ah Itoobiya
Soomaaliya & Jabuuti oo diiday Qaraar Masar Walwaaleysay oo ka dhan ah Itoobiya
Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo xiligan xiriir dhaw la leh dowlada Itoobiya ayaa diiday in ay ansxiyaan qaraar lagu taageerayay Dowlada Masar oo kasoo baxay Ururka Jaamacadda Carabta ee fadhigiisu yahay Qaahira.
Jaamacada Carabta Qaraarka kasoo baxay ayaa ku baaqay in dowlada Ethiopia ay dib u dhigto buuxinta biyo-xireenka muranka badan dhaliyay ee ka sameysay Webiga Nile, inta ay kala heshiineyso dowladaha Masar iyo Sudan oo kasoo horjeeda biyo xireenkan.
Qaraarkan waxaa Jaamacada Carabta u gudbisay dowlada Masar, waxaana ansxiyay dhamaan Wasiirada arimaha dibadad wadamada xubnaha ka ah ururka Jaamacada Carabta marka laga reebo Wasiirada Soomaaliya iyo Jabuuti.
Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise ma sheegin sababta ay Soomaaliya u diiday in ay taageerto qaraarkan, waxa uuna Wasiirka horey u sheegay in dowlada mowqif dhax dhaxaadnimo ah ka qaadatay muranka u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya
Wasiir Cawad oo qaab muuqaal online ah hadal uga jeediyay kulanka Jaamacada Carabta, ayaa ugu baaqay dowladaha Masar, Itoobiya iyo Sudan inay qaab wada-hadal ah oo faa’iido u wada ah, ku dhammeeyaan khilaafka u dhaxeeya.
Dowladaha Masar, Itoobiya iyo Sudan ayaa ku guul dareestay in ay heshiisa ka gaaraan xiisada ka dhalatay biyo xireenka itoobiya ku sameeneyso Wabiga Niil, waxaana lagu kala kacay shirar dhoor ah oo sadaxda wadan isugu yimaadeen.
Dowlada Itoobiya ayaa shaacisay in bisha July billaabeyso buuxinta biyo-xireenka oo ka dhistay meel ku dhow xuduudda ay la wadaagto dalka Sudan, xitaa hadii aan heshiis laga gaarin khilaafka jira.
Masar, oo webiga Nile u yahay isha ugu weyn ee ay biyaha ka helaan 100-ka milyan ee qof ee dalkaas ku nool, ayaa diidan in biyo-xireenka la buuxiyo ayada oo aan heshiis laga gaarin.
Rag loo xidhay inay carruur ku iibinayeen………
Rag loo xidhay inay carruur ku gadayeen barta Instagram

Saddex nin ayaa lagu qabtay dalka Iiraan iyagoo looga shakiyay inay isku dayayeen inay ku iibiyaan laba cunug barta Instagram.
Taliyaha booliska magaalada Tehran, Brig-Gen Hossein Rahimi, ayaa sheegay in mid ka mid ah carruurtaasi uu jiray 20 maalmood. Halka ka kalena uu jiray laba bilood.
Dhallaankan ayaa hore loogu soo iibsaday $ 500 (£ 400), waxaana lagu sii iibin jiray inta u dhaxaysa $ 2,000 iyo $ 2,500.
Mid ka mid ah dadka la qabtay ayaa la sheegay inuu “caruurta ka keenay qoysaska saboolka ah” isagoo damacsana inuu “u gacan geliyo qoysas siin kara mustaqbal wanaagsan”.
Brig-Gen Rahimi wuxuu u sheegay warbaahinta maxalliga ah in booliiska la soo ogeysiiyay “xayeysiis ku saabsan barta Instagram ee iibinta dhallaanka”.
Askartu waxay ogaadeen “10 ilaa 15 bog oo caynkaas oo kale ah” halka ay sidoo kale heleen labada carruurta ah iyo saddexdi nin ee gadayayna la qabtay, ayuu yidhi. Carruurtii ayaa lagu wareejiyay waaxaha xannaanayta carruuta
Eedeysanayaashu waxay sheegteen inay ilmahan kaga soo iibsadeen qoysaska danyarta ah “lacag yar”, sida uu sheegayo taliyaha guud.
Muuqaal fiidiyow ah oo ay baahiyeen wakaaladda wararka ee kooxda saxafiyiinta ee dhalinyarada, mid ka mid ah ragga ayaa yiri: “Tani waxay ka caawin laheyd dhallaanka inay helaan mustaqbal wanaagsan.”

Kani ma ahan kiiskii ugu horreeyay oo noociisa ah ee ay ogaadaan masuuliyiinta Iran.
Horraantii sanadkan, booliska gobolka Gorgan ayaa sheegay inay xidheen afar haween ah iyo nin la sheegay inuu raadinayay haweenay uur leh oo faqiir ah, isla markaana uu ka bixiyo qarashaadka cisbitaalka, ka dibna ka qaata carruurta marka ay umusho.
Sanadkii 2016, kuxigeenka Kuxigeenka Arimaha Qoyska iyo Haweenka Shahindokht Molaverdi ayaa walaac ka muujisay waxa ay ku sheegtay “tirada badan” ee hooyooyinka uurka leh ee iibiya ilmahooda.
Waxay sheegtay in haweenka ay ku qasbayso inay sidaas sameeyaan “arrimo badan oo kala duwan”, oo ay ka mid yihiin saboolnimada, qabatinka maandooriyaha, guurka carruurta iyo guri la’aanta.
Warbixin:Afti laga yaabo inay madaxweynaha Ruushka u sahasho inuu xilka hayo muddo 36 sano
Afti laga yaabo inay madaxweynaha Ruushka u sahasho inuu xilka hayo muddo 36 sano

“Putin la’antiis Ruushka ma jiraayo.” Tani waa fikradda uu aaminsanyahay ku xigeenka madaxa shaqaalaha madaxtooyada ee dalkaas.
Sidoo kale waxaa sidaasi aaminsan malaayin shacabka Ruushka ah oo toboneyo sano u soo dooranaayay Vladimir Putin, inuu noqdo Raisul wasaare ama madaxweyne.
Kalsoonidaan ayaa laga yaaba in dib loo cusbooneysiin 1da Luulyo, ka dib markii ay dhacdo afti dadweyne oo loogu talagalay in wax lagaga beddelo dastuurka Ruushka, kaas oo u oggolaanaya Madaxweyne Putin inuu mar labaad u tartamo muddo lix sano ah oo dheeraad ah ee madaxweynenimada dalkaas.
Hogaamiyahan 67 sano jirka ah ayaanan meesha ka saarin inuu mar labaad u tartamayo jagada madaxweynaha wixii ka dambeeya 2024, marka waqtiga hadda la joogo uu dhammaado – wuxuuna awood u yeelan karaa inuu xukunka sii hayo illaa 2036.
Aftidan ayaa la qaban doonaa maalin kadib markii la xuso sannad-guuradii 75-aad ee ka soo wareegtay xukunkii Jarmalka iyo dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee addunka ee Yurub.
Maxaa loo qabanayaa afti?

Bishii Janaayo 2020, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu soo jeediyay in la helo codad badan si wax looga baddalo dastuurka.
Mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee codka loo dhiibanayo ayaa ah suurtagalnimada ah in loo oggolaado Madaxweyne Putin inuu mar labaad u tartamo jagada madaxweynenimo si uu xilkaasi u haayo lix sano oo dheeri ah.
Aftida, ayaa markii hore qorshahu ahaa in la qabto 22 Abriil balse waxa dib loogu dhigay sababa la xiriira xayiraadda feyraska Corona, balse hada waxa la qaadi doono aftida 1da Luulyo.
Si loo dhaqan geliyo tallaabooyinka kala fogaanshaha, codadka ayay dadka dhiiban doonan muddo shan maalmood gudahood ah.
Waxayna sidoo kale aftida ka dhici doonta gobolada sida daran uu u saameyay xanuunka Covid-19.
Dad kooban ayaa loo oggolaan doona inay galaan goobaha codbixinta ay ka dhaceyso, magaalooyinka qaarna, sida Moscow waxay dadka codka u dhiibnayaan qaab elektiroonigga ah.
Muxuu yahay qorshaha Putin?

Qarnigii kow iyo labaatanaad oo dhan shacabka Ruushku waxay Vladimir Putin u yaqaaneen inuu yahay ninka ugu sareeya.
Dadka dalkaasi badankood ayaa u soo joogay iyadoo Putin loo magacaabay Rai’sul wasaare sanadii 1999-kii, hadanna sanadii 2000 – 2008, waxaa loo doortay madaweyne, hadana wuxu dib ugu laabtay ra’iisul wasaarenimo intii u dhaxeysay 2008 – 2012, isla 2012- ayaa hadana dib loogu doortay madaxweyne nimo.
In kasta oo Madaxweyne Putin aanu sheegin inuu raadinayo dib-u-doorashada, haddana ma uu beenin, dhaleeceeyayaasha waxay ku eedeeyeen inuu jidka u xaaranaayo in awoodda dalkaasi uu si haayo illaa 2036.
Waxay u muuqata in taageero badan loo haayo Putin oo markii ugu dambeysay ee la sameeyo codbixinta sanadka 2018, wuxuu helay in kabadan 76% codbixinta.
Xilligan, “waxa uu sameeyay intii karaankiisa ah ee u ku muujin karay inuu ka qoomameynaya inuu aqbalo soo jeedinta ah inuu tartamo, wuxuuna tilmaamay inay jiraan dad ka hooseya oo dalbanaayo arrinkaas,” ayay tiri weriyaha BBC-da ee Ruushka, Sara Rainsford.
Wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in Ruushku aan wali la horumarin oo ku filan isbedel madaxweyne.
“Dad badan ayaan wax dhibaato ah ku qabi doonin arrinta ah in awoodda dalkaas uu sii haayo. Haddii aysan dhab ahaan jeclayn Mr Putin, iyagu xitaa dhab kama aha. Ma jiraan wax kale oo lagu beddelan karo ayaa sidoo kale dad badan aaminsanyihin,” ayay tiri Rainsford.
Sidee Putin ku noqday lama huraan?

Maalmihii u dhamaanayay dagaalkii qaboobaa ee u dhaxeeyey shuuciyada iyo galbeedka ayaa ahaa maalmihi uu soo can baxay Vladimir Putin.
Kacaankii 1989 ayaa la wareegey isaga markii lagu dhajiyay inuu yahay wakiilka Jarmalka.
Arrintaas ayaa ku ridday meel cidlo ah, balse waxa uu ka dhaxlay labo aragti oo waarta: cabsi laga qabo kacdoonno caan ah – ka dib markii la arkay mudaharaadyo dadweyne oo sababay burburka derbiga Berlin iyo daahii birta – iyo nacaybkii ku yimid awooddii ka soo baxday Moscow ka dib burburkii USSR.
Siduu awoodda ku qabsaday?

Kadib markii uu ku soo laabtay magaalada Leningrad ee uu ka soo jeedo wuxuu durbaba gacan yare u noqday duqa magaalada.
Dhanka bariga Jarmalka, Putin wuxuu qayb ka ahaa shabakad shaqsiyaad laga yaabo inay waayaan kaalimadoodii hore, laakiin waxaa si wanaagsan loogu meeleeyay inay shakhsi ahaan iyo siyaasad ahaanba ku barwaaqeeyaan Ruushka cusub.
Putin ayaa caan noqday – wuxuu xitaa ka badbaaday Sobchak dhicitaankiisii cajiibka ahaa ee nimcadiisa wuxuuna sii waday inuu si guul leh ula qabsado Rushka cusub .
Wuxuuna marki dambe u wareegay Moscow halkaas oo uu shaqo ka helay xukumaddii markaas maamuleysay Ruushka.
Markaas iyada ah waxa dalkaasi xukumaayay oo madaxweyne cusub oo ahaa Boris Yeltsin.
Ganacsato sida Boris Berezovsky ayaa taageerayaal muhiim ah u noqday Yeltsin, waxayna noqdeen kuwa saameyn xoogan ku leh aragtida dadweynaha waqti ay doorashada madaxweynanimo lagu jiray.
Markii la gaaray 1999 madaxweyne Yeltsin wuxuu Raisul was are u magacaabay Vlatimir Putin.
Si lama filaan ah ayuu madaxweyne ku noqday

Dhaqanka Yeltsin ayaa is badaley, wuxuuna ku dhawaaqay inuu si lama filaan ah shaqada isaga casiley 31kii Diseembar 1999.
Putin, oo ay taageersan yihiin Berezovsky iyo xuno kale oo muhiim ah, ayaa si buuxda isugu meeleeyey inuu noqdo ku-simaha madaxweynaha, ka hor inta uusan guushii rasmiga ahayd ee doorashada bishii Maarso 2000.
Dadkii taageersanaa markaaasi iyada ah waxay u arkaayeen mid ka tallin doona danahooda balse 3 bilood gudahood Putin wuxuu kula wareegay awoodda warbaahinta.
Warbaahinnom adaxbanaana sida NTV ayaa albaabada loo laabay.
La wareegidda xukunka warbaahinta waxay madaweynaha cusub u lahayd faa’iidooyin laba geesood ah: in meesha laga saaro dhalleeceeyayaasha awoodda leh saameynta ay leeyihiin iyo qaabaynta sheekada, laga bilaabo dagaalkii Chechen ilaa weeraradii argagixiso ee Moscow.
Waxay sidoo kale kor u qaadday qiimeynta madaxweynenimada, waxay saadaalisay muuqaal awood badan oo ku saabsan Ruushka cusub iyo hogaamiyaheeda, waxayna gacan ka geysatay qeexida cadaawayaasha cusub ee dowlada.
Xilligaas wixii ka dambeeyay, dadka degan gobolada Ruushka waxay kaliya daawanayeen waxa Putin uu doonayo inuu daawado.
Ku dhawaad 3,000 kanaal telefishan oo ku yaal Ruushka, badankood waxay ka fogaadaan wararka gebi ahaanba, iyo haddii warbixin kasta oo siyaasadeed dhacdo, lama baahiyo ilaa dawladda ay si buuxda u sharciyeeyneyso.
“Ha igu khaldamin”: farriin ku socota gobollada

Putin wuxuu tartiib tartiib ula wareegay 83-da gobol ee Russia isagoo u magacaabay siyaasiyiin aamin ah inay goboladaasi ka noqdaan barasabyo.
Wuxuu meesha ka saaray doorashadii gobolada ee barasabyada sanadii 2004 – wuxuuna la yimid liiska ay ku qoran yihiin seddex murashax oo baarlamaanka gobolka ah si ay u doortaan gudoomiye kuxigeenkooda.
In kasta oo dadka dhaleeceeya Putin ay ku eedeeyeen ‘in uu mesha ka saaraayo dimuqraadiyadda’, haddana istiraatiijiyaddiisu waxay ka shaqeysay gobolada gaar ahaan Chechnya.
Doorashadii ka dhici jirtay goballada waxyar bay soo noqotay sanadkii 2012 kadib mudaaharaadyo dimoqraadiyada lagu dalbanaayay, laakiin bishii Abriil 2013 kontaroolka tooska ah ee Putin ayaa dib loo soo celiyay iyada oo la soo saaray sharciyo xaddidan oo cusub.
Marmarsiiyada dib u xoreynta, oo magaca kaliya ah

Mudaaharaadyo tiro badan oo isdaba joog ah ayaa ka dhacay Moscow iyo meelo kale oo ka tirsan Ruushka laga soo billaabo 2011-kii illaa 2013-kii, kuwaasoo lagu dalbanayay doorashooyin nadiif ah iyo dib-u-habayn dimuqraadiyadeed.
Kuwani waxay ahaayeen mudaaharaadyadii ugu ballaarnaa ee Russka laga sameeyo tan iyo 1990-meeyadii.
Waxaa sidoo kale jiray gugii carabta iyo ‘kacdoonno midabbeysan’ oo laga sameeyay waddamada deriska ah, taasoo dib u soo celiyay xusuustii 1989.
Putin wuxuu dibadbaxyadaasi u arkay kuwo ay dabada ka rixayaan dowladdaha reer galbeedka si loo fashilo xukumaddisa.
Qabashadii gobolka Crimea ee ka tirsanaa Ukraine

Qabsashadii Ruushk uu kula wareegay gobolka Crimea ee dalka Ukraine waxay Putin u ahayd guul siyaasadeed, waxayna dharbaaxo ku noqotay dalalka reer galbeedka.
Ruushka waxaa uu muujiyay in uu la wareegi karo qeybo kamid ah dalka deriska la ah, xilli dunida ay indhaha ka daawaneysay, ayna ku guul dareysatay in ay wax ka qabato.
Sida ay qabaan khubarada falanqeeya arrimaha gobolkaas, Putin waxa uu fahmay in Ruushka uusan u baahneyn in dalkiisa uu noqdo awoodda dunida, sidii ay waayadii hore ahaan jirtay ba.
Putin waxa uu heystay awood ku filan oo uu dalalka reer galbeedka iyo NATO wax uga badeli karay.
Crimea waxay ahayd duullaankii ugu weynaa ee Ruushka uu qaado waayahan, balse ma aysan noqonin mid lagu takooro.
Garab istaaggii Suuriya

In muddo ahna, Putin waxaa la sheegay in uu tijaabinayay sal ballaarsiga siyaasadeed ee dibadda, waxaana meelihii uu tallaabooyinka ka qaaday kamid ahaa dalka Suuriya oo dowladda dalkaas uu ku gacan siiyay dagaalka ay kula jirto mucaaradka.
Dhinac ahaan waxa uu xaqiiqsaday in uu gacanta ku dhigay dal udub dhexaad u ah bariga dhexe, halka uu sidoo kale fursda u helay in uu tijaabiyo xeeladdiisa milateri.
Ma jirto cid saadaalin karta mustaqbalka dunida balse dadka daraaseeya dalkaas waxay aaminsan yihiin in Putin uu dejin karo qorshe siyaasadeed.
Turkiga oo jawaab kulul u diray Faransiiska iyo xiisadda labada dal oo kasii dartay
Turkiga oo jawaab kulul u diray Faransiiska iyo xiisadda labada dal oo kasii dartay

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegay in mowqifka Faransiiska uu iska indho tirayo xaqa sharciga ah ee Turkigu u leeyahay Bariga Mediterranean-ka, islamarkaana damaciisa xagjirka ah uu dhaawacayo nabadda iyo xasiloonida.
Hadalkan ayaa yimid ayada oo dhowaanahan ay sii kordheysay xiisad u dhaxeysa Paris iyo Ankara ee ku saabsan Libya.
Wasaaradda arrimaha dibedda waxay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ku boorisay in uu joojiya talaabooyinka khatarta gelinaya amniga iyo mustaqbalka Libya, Syria iyo Bariga Mediterranean-ka, badelkeedana uu sameeyo hanaan wadaxaajood.
“Faransiiska oo aan xeeb ku lahayn Mediterranean-ka, waa in uu fahmaa in u dhaqanka sidii dal xeeb ku leh aysan xaq u siineyn go’aaminta arrimaha gobolka. Nasiib darro, waa ay iska caddeyd muddo fog in Faransiiska uusan dooneyn in uu horumarka Bariga Mediterranean-ka u qiimeeyo si dhex-dhexaad ah oo caafimaad qab leh,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga.
“Madaxweyne Emmanuel Macron in uu taageeradda Turkiga ee Dowladda Libya ku tilmaamo cayaar halis ah, keliya waxaa lagu sharixi karaa in uu xaqiiqda ka baxsanayo,” ayaa lagu yiri warka Wasaaradda.
Qoraalka waxaa lagu cadeeyay in Faransiisku uu door muhiim ah ku lahaa in Libya la geliyo qalalaase, uuna cayaarayo “cayaarta qatarta ah” ee Libya, iyadoo sidoo kale lagu sheegay qoraalka in ka aamusnaanta Faransiiska ee faro-gelinta Masar ee Libya ay tahay xaqiiq mudan in la xuso.
Isagoo ka hadlayay hadalkii Macron ee la xiriiray Turkiga iyo Libya, ayaa afhayeenka xisbiga talada haya ee Turkiga (AK Party), Ömer Çelik waxaa uu cambaareeyay mowqifka Madaxweynaha Faransiiska waxaana uu yiri “Faransiisku waa taageereaha siyaasadaha horumarinaya xasilooni daradda Libya iyo Mediterranean-ka.”
“Dadka Libya ayaa go’aamin doona mustaqbalka Libya, Faransiisku ma go’aaminayo,” ayuu Çelik hadalkiisa ku daray. “Siyaasadda Macron waxay taageereysaa mucaaradka isku deyaya in ay xadaan sharciyadda iyo mustaqbalka dadka Libya. Waxaa si cad loo arki karaa, kuwa eedeynaya madaxweyneheena iyo kuwa ay taageradda Turkiga ee Libya hor-istaagtay in ay yihiin gumeysi cusub.”
Warka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa yimid kadib markii uu Macron isniintii ku eedeeyay in Turkiga uu cayaar halis ah ku dheelayo Libya taasi oo khatar ku ah gobolka oo dhan.
Xiisadda u dhaxaysa Ankara iyo Paris ayaa korortay sanadkii lasoo dhaafay, markii Madaxweynaha Faransiiska uu sheegay in hadii aysan NATO jawaab ka bixin howlgalka argagixiso la dirirka ee Turkigu ka wado Woqooyiga Syria ay muujineyso in maskaxda xulifadu ay dhimaneyso.
Xiisadda Ankara iyo Paris waxay kasii dartay todobaadkii lasoo dhafay markii Faranisiisku dhaleeceeyay “gardarro halis” ah oo maraakiibta Turkigu u geysteen kuwa Faransiiska ee ka tirsan howlgalka NATO ee Mediterranean, taasi oo Ankara ay ku tilmaantay mid aan “sal lahayn.” Macron ayaa tilmaamay in taas caddeynteedu ay NATO quseyso.
Nuxurka War cusub oo ka soo baxay Villa Somalia
H.E President @M_Farmaajo will, from 5-8 July, 2020, host FMS Presidents and the Governor of Banadir Region for a National Security Council meeting in Mogadishu. pic.twitter.com/ak4sSSz6Hu
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) June 24, 2020