

Bishii Jeeniweri 2007, Peter Strzok wuxuu dhex fadhiyey qol ku yaal xarunta FBI oo wuxuu ka qayb galayey dood lagu gaadhay go’aan laga qaatay arin ku cusbayd. Waxay arintu ahayd baadhintaan ma lagu bilaabi karaa ninka haatan uun loo caleemo saaray madaxtinimada Maraykanka?
Waxa taagnaa su’aalo adag oo ahaa sharciga talaabadani ma waafaqsantahay, yaa ansixiya in baadhitaan noocaas ah la bilaabi karo? laakiin waxa sidoo kale muuqday arimo cad oo aan la dhaafi karin, ayuu yidhi Strzok oo BBC-da la hadlay.
“Waxaan u jeedaa sidee ayaad baadhitaan ugu bilaabi kartaa qof dalka madaxweyne ka ah? Sababta oo ah xataa baabuurta ilaaladiisa ma raaci kartid iska daa diyaaradda madaxweynahee. Si qarsoodi ah kuma gali karti xafiiska madaxweynaha ee Oval Office oo iskama dhigi kartid qof xashiishka ka soo qaadaya.”
Baadhitaanku waabu socday dhawr bilood oo Trump olole ku jiray Strzok na waxaa la siiyey magac af-garasho oo ah eray laga soo qaatay heesta ay qaadaan kooxda Rolling Stones ee la yidhaa Jumpin’ Jack Flash oo ah Crossfire Hurricane.
Ololaha Trump waxa baadhitaanka lagu bilaabay 2016 markii warbixin ka timid London oo ahayd in danjiraha Australia uu kula kulmay qof la taliye u ah Trump goob khamriga lagu cabo oo magaaladaas ku taal kuna yidhi sida la sheegay in Ruushku danaynayo inuu la shaqeeyo oo uu siiyo xog dhaawici karta sumcadda Hillary Clinton.
Strzok waxa xadidayey sharciga FBI ee ku saabsan hubsiinaha ama faaqidaada doorka UK ama socdaalka uu ku tago karo dalkaas. Arin kale ayaa jirtay oo UK aad uga welwelsanayd taas oo ah in ay dhici karto in lagu shaabadeeeyo in ay faraha la gasho arin Maraykanka u gaar ah.
Badhatamihii bishii Sebtember ayaa FBI waxay heshay warar taxane ahaa oo uu diyaariyey sarkaal ka tirsan sirdoonka Ingiriiska ee MI6 oo l ayidhaa Chris Steele, kuwaas oo mar kale tibaaxay in uu jiro xidhiidh qarsoodi ah oo ka dhexeeya ololaha Trump iyo Moscow.
“Run ahaantii wararkaasi wax badan bay sii cadeeyeen oo ah arimo badan oo ah kuwii aanu tuhunsanayn” ayuu yidhi Strzok. “Waxa dhici karta in dulucda arintaasi sax ahayd ama aanay sax ahayn ama aanaan anagu garan karayn. Laakiin guud ahaan sida xogtu wax u tibaaxaysay waxay ahayd wax is haysta oo waafaqsan sidii aan anaguba u haysanay”.
Warka Steele ma ahayn xogta keliya ee lagu salaynayey doodaa taagnayd Jeeniweri ee ahayd in baadhitaan lagu bilaabo madaxweynaha qudhiisa (arintaas oo Strzok laftiisu ka soo horjeeday) laakiin arinta warkaasi abuuray ee ah suurtogalnimad ah in Moscow hayso xog lagu eedayn karo Donald Trump ayaa aad u soo shaac baxday doorashadii ka dib.
“Intaad fadhiisato ayaad isku dayeysaa in aad qiimayso xaddiga halistu inta uu leegyahay” ayuu Strzok ku yidhi BBC. “Ta ugu xumi na waxay noqonaysaa in arinta madaxda sare wadeen oo Donald Trump ahaa mushrax daba dhilif ah uu qudhiisu aha basaas uu qortay Kremlin-ku oo u shaqaynayey. Markaa u malayn maayo in midkaayona ay ku soo dhacday in arintaasi suurto gal tahay laakiin se aanaan meesha ka saari karin arintaas u qaadan waaga ah.”
Arinta kale ee suurto galka ahi waxay ahayd in dadka isku xidhayey Moscow iyo ololaha Trump aanay feejignayn, ama sida uu u yidhi Strzok ahaayeen “shakhsiyaad danaystayaal ah oo aan khibrad lahayn oo doonayey in ay meesha lacag ka helaan” oo la xidhiidhayey koox Moscow fadhida oo aan qudhoodu aragti qeexan lahayn oo iyaguna doonaya inay lacag helaan. Haatan wuxuu rumaysan yahay in uu runtii ku soo dhawaaday.
Magaca buugga xusuus qorka Strzok waxaa la yidhaa Compromised waxaanu weli rumaysan yahay in Moscow si uun sir uga hayso Donald Trump.
“Markaad eegto Trump waxaa kaaga muuqanaya inuu leeyahay dhamaan sifooyinka qof dal kale ugu adeegi karo” ayuu yidhi Strzok, waaanu farta ku fiiqay xidhiidhka ganacsi, siduu u jecelyahay hogaamiyeyaasha awoodda badan iyo qabka qudhiisa ku jira ee uu aaminsanyahay in Moscow ay siin karto wax uu u baahan yahay.
“Waxaan rumaysnahay inuu jiro qaab lagu khiyaameeyey. Waanad ogtahay oo waxaan rumaysanahay in arintaasi tahay wax la rumaysan karo”.
Strzok wuxuu ku takhasusay ka hortagga sirdoonka Ruushka, waxaanu tabobar ku qaatay qaab baadhitaanno ay dejisay FBI oo lagu saleeyey dabogalka basaasiinta aadka isku qariya ee Ruushka.
Wuxuu tabaradaa ku bartay in Ruushku adeegsado hab qoto dheer oo samir badan oo sidoo kalena ay wadaan siyaasiyiin, ganacsato iyo arday ay u sahlan tahay in ay sirdoonka dalalka kale dhexgalaan oo ay xataa mararka qaar adeegsadaan maafiyada. “Waa hab aad u kakan oo ay isku maranyihiin awoodda taas oo ka dhigta wax aan la fahmi karin iyo sidoo kale in aan la beegsan karin.”
Strozk oo xirfadiisu ahayd in aanu is muujin ayaa haatan duruuftu ku kaliftay inuu noqdo shakhsiyad la wada garanayo oo lagu kala aragti duwayn yahay. Madaxweyne Trump ayaa dhawaan ku sheegay inuu “cambaar” ku yahay dalka, eraygaas oo uu dhawr goor oo horena ku sifeeyey. Fariimo qoraal ah oo ay is weydaarsadeen isaga iyo qareen ka tirsan FBI oo xidhiidh caashaq ka dhexeeyey ayaa se muujiyey in uu nacayb shakhsi ah u qabo Donald Trump, waxaana ka mid ahaa fariimahaas mid uu ku sheegay in uu 2016-kii isku dayey in Trump la baadho. Markii fariimahaa qoraalka ahi soo baxeen ayaana shaqadii FBI laga eryey.
Strozk wuxuu ku nuuxnuuxsaday in aragtidiisa shakhsiga ah ee uu ka qabo Trump aanay haba yaraateen saamaynin shaqadiisa oo sharciga ka indho saabin. “Qof kasta oo ka tirsan FBI wuxuu leeyahay aragti siyaasadeed oo uu aaminsanyahay, waayo aragnimadaydu waa 20 sano iyo dheraad qof kastaa aragtida isaga u gaarka ah wuxuu kaga tagaa albaabka xafiiska laga galo” ayuu ku dooday. Laakiin Strzok waxa ku hal qabsada dadka taageersan doodda Trump ee ah in “sir doonka dalku” khiyaameeyey oo uu doonayey inuu fashiliyo ololihiisii uu ku guulaystay.
Strzok wuxuu rumaysan yahay in farogelintii Ruushku saamayn weyn ku lahayd natiijadii ka soo baxday doorashadii 2016 waxaanu qirayaa in sirdoonka dalku ku fashilmay in ay fahmaan sida Ruushku u adeegsado baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet-ka ee uu ku gaadho ujeedooyinkiisa siyaasadeed ee farogelinta dalalka kale.
Haatanna wuxuu ka cabsi qabaa in arintu kaba sii darraan doonto tii hore. Strzok wuxuu sheegay in Ruushku 2016 dejiyey qaabab badan oo aanu adeegsan.
Waxa dhici karta in ay doonayeen in Hillary Clinton ku guulaysato doorashadaa oo ay qorshaynayeen in ay markaa dhaawacaan sharciyadda hanaanka doorashada laakiin markii dambe qorshahaa way ka noqdeen markii Trump guulaystay. Haatanna waxa uu rumaysan yahay in Ruushku aanu gacmaha laaban doonin sidaa awgeedna uu u baqayo dimuqraadiyaddii Maraykanka “walaaca aan haatan qabaa waa mid aan noloshayda i soo marin”.
Dayuurad la sheegay iney Qaad ka keentay Itoobiya ayaa maanta soo caga dhigatay garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.
Waa markii ugu horeysay oo tan iyo markii u bilowday cudurka COVID-19 ay Soomaaliya ay kasoo dagto diyaarad Qaad sida, iyadoo horey garoomada Soomaaliya looga mamnuucay in diyaarado Qaad sida aysan ka soo dagi Karin.
Madaxweyne Farmaajo oo xiriir dhow la leh Itoobiya ayaa la sheegay inuu ogolaaday in qaadka baxa dalkaas ee Hareeriga loo yaqaano la keeno dalka, iyadoo qoraal ka soo baxay Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya lagu fasaxay Qaadka Itoobiya inuu si sharci ah ku soo galo dalka.
Shirkadda dayuuradaha National Airways ee dalka Itoobiya oo laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa keligeed loo xiray iney Muqdisho keeni karto Qaadka Itoobiya, iyadoo madaxda shirkadan ay xiriir dhow la leeyihiin Villa Somalia.
Inkastoo maanta Qaadka Itoobiya ee hareeriga loo yaqaano ay Muqdisho keentay hal dayuurad oo kaliya ayay wararku sheegayaan in maalmaha soo socda ay shirkada oo adeegsaneysa dayuurado badan ay kordhin doonto shixnadaha Qaadka ee ay dalka soo geliso.
Dowlada Somalia ayaa Qaadkii ka iman jiray Kenya joojisay todoba bilood ka hor cudurka COVID-19 awgiis, balse dhowaan markii duulimaadyada Somalia dib loo bilaabay DF ayaa ka gaabsatay iney fasaxdo qaadka Kenya xurquf siyaasadeed ee labada dal ka dhexeysa awgeed sababo la xiriira muranka dhinaca xadka badda ah ee u dhexeeya oo dacwadiisu ay taallo maxkamada caalamiga ah ee ICG.
Golaha wasiirada Somalia ayaa labo bilood ka hor si aan shaac aheyn u fasaxay Qaadka Kenya hase ahaatee Madaxweyne Farmaajo ayaa joojiyey talaabadaas, iyadoo Kenya ay weli dedaal xoog leh ku bixineysa sidii mar kale ay qaadka u keeni laheyd Suuqa ugu weyn ee qaadkeeda loo iibgeeyo oo ah Somalia.
Nin u dhashay dalka Masar oo wax ku qora baraha internet-ka isla markaana ah madadaaliye ayaa la sii daayay ka dib muddo ka badan laba sano oo uu xirnaa.Shadi Abu Zeid, oo 27 jir ah ayaa la xiray bishii May ee sanadkii 2018 isagoo lagu eedeeyay inuu faafiyay warar been abuur ah uuna ka tirsan yahay koox argagixiso ah.
Waxyaabaha uu diiradda saari jiray waxaa ka mid ah arrimaha bulshada kuwaas oo qaybo kala duwan isugu jira.
Sanadihii u dambeeyay boqolaal dhaqdhaqaaqayaal ah iyo dadka wax ku qora baraha bulshada ayaa la xukumay iyagoo faafinaya warar been abuur ah iyo caawinta kooxda Ikhwaanul Muslimiin ee hadda la mamnuucay.
Ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay madaxweyne Cabdul Fattax Al-Sisi inuu saarayo cadaadis aan horay loo arag oo ka dhan ah mucaaradka ka dib markii uu hogaaminayay afgembigii militariga ee hogaamiyihii ugu horeeyay ee si dimoqraadi ah loo soo doorto Masar sanadkii 2013-kii xukunka lagaga tuuray.
Abuu Zeid wuxuu bilaabay inuu ku daabaco barnaamijiyo kala duwan oo la xiriira faallooyin qosol leh iyo wareysiyo kuwaas oo muujinayay arrimo badan oo bulshada dhexdeeda ka jira ah, sida eex diimeed iyo faraxumeyn galmo.
Qoyskiisa ayaa soo dhigay sawirro muujinaya inuu la midoobay kuwii uu jeclaa ka dib markii la sii daayay Sabtidii.
Inkasta oo la sii daayay haddana toddobaad walba waxaa uu tagi doonaa saldhiga booliska si ay ula socdaan xaaladiisa
Bishii April ee sanadkii 1997-kii, haweeney soo xiratay dharka kalkaalisooyinka ayaa isbitaal ku yaalla magaalada Cape Town ka qaadatay ilmo yar oo saddex maalmood dhallanaa. Waxay ilmaha kala baxday qeybta dhalmada, xilli hooyada ay jiiftay. Si lama filaan ah ayey gabadhii waagaas la xaday oo 17 jir ah ku ogaatay sirta ku saabsan in iyadoo yar laga soo xaday qoyskeeda.
Waxay ogaatay qofka saxda ah ee ay tahay iyo khiyaanada qoyska ay kusoo kortay iyadoo u heysata waalidiinteeda.
Miché Solomon waxay markaas billaabeysay sanadkeedii ugu dambeeyay ee waxbarashada dugsiga sare, oo ay ka dhiganeysay magaalada Cape Town, dalka Koonfur Afrika.
Maalin ka mid ahayd bishii January ee sanadkii 2015-kii, Miché, oo 17 jir ahayd, waxaa kusoo soo xoomay ardayda kale ee iskuulkeeda, kuwaasoo si xiiso leh ugu sheegayay gabar cusub oo kusoo biirtay Iskuulka, oo lagu magacaabo Cassidy Nurse, taasoo ka yareyd saddex sano laakiin ay aad isugu egyihiin.
Miché markii ugu horreysay ee arrintan loo sheegay waxba kama aysan soo qaadin, aadna ugama aysan fakarin.
Laakiin markii goor dambe ay labada gabdhood ku kulmeen barxadda iskuulka, Miché waxay sheegtay inay dareentay wax aysan sharrixi karin.
“Waxay ila noqotay sida inaan horay u aqaannay oo kale,” ayey tiri. “Waan naxsanaa- ma fahmi karin sababta uu dareenkaas ii galay.”
Inkastoo ay da’ dhowr sano ah u dhaxeysay, Miché iyo Cassidy waxay billaabeen inay waqti badan isla qaataan.
“Waxaan dhihi jiray, ‘Haye gabadha yar!’ Iyaduna waxay i dhihi jirtay, ‘Haye walaashey iga weyn!'” ayey tiri Miché oo dib u xasuusaneysa marxaladdaas.
“Mararka qaar waxaan u raaci jiray suuliga anigoo ku dhahaya aan timaha kuu shanleeyo, aan kuu hagaajiyo labiska.”
Markii uu qof weydiiyo Miché iyo Cassidy inay walaalo yihiin, waxay si kaftan ah u dhihi jireen, “ma garaneyno – waxaa laga yaabaa inaan nolol kale walaalo ku nahay!”
Kaddib maalin maalmaha ka mid ah, labada gabdhood sawir ayey isla galeen, waxayna tuseen saaxiibbadooda kale. Qaarkood waxay Miché weydiiyeen inay hubto in waalidkeeda ay soo korsadeen kaliya, oo qoys kale ay kasoo jeeddo. Laakiin waxay ku adkeysatay inay dhahdo: Maya! Waallida iska dhaafa!”.
Markaas kaddib Miché iyo Cassidy waxay aadeen guryahooda, waalidiintooda ayeyna kala tuseen sawirkii.
Lavona, oo ah Miché hooyadeed, oo mar kasta suuqa geyn jirtay, filimaantana soo lasoo daawan jirtay ayaa ka hadashay sida ay labada gabdhood isugu egyihiin.
Michael, oo isagana ah Miché aabaheed, ayaa sheegay inuu yaqaanno saaxiibadda cusub ee gabdhiisa – Cassidy aabeheed wuxuu lahaa dukaan qalabka korontada lagu iibiyo, halkaasoo uu mararka qaar wax kasoo qadan jiray.
Laakiin Cassidy waalidiinteeda, Celeste iyo Morne Nurse, markii ay sawirka arkeen waxay galeen xasuus. Waxay Cassidy ka dalbadeen inay su’aal soo weydiiso Miché, marka xiga oo ay kulmaanna ay weydiiso: “Ma waxaad dhalatay 30 April 1997?”
Way u tagtay, su’aashii ayeyna u bandhigtay.
“Waxaan ku irir, ‘Maxay tahay sababta? Ma waxaad dabagal ku sameyn rabtaa Facebook-geyga?'” ayey tiri Miché.
Cassidy waxay u xaqiijisay Miché inaysan facebook-geeda wax dan ah ka lahayn balse ay dooneyso oo kaliya inay ogaato waqtiga ay dhalatay.
Markaas ayey Miché ka jawaabtay su’aashii, waxayna sheegtay inay dhalatay 30 April 1997.
Dhowr isbuuc kaddib, Miché waxaa si lama filaan ah xafiiska maamulaha looga yeeray iyadoo ku jirta fasalkeeda xisaabta. Labo qof oo ka socda waaxda arrimaha bulshada ayaa xafiiska ku sugayay.
Waxaay Miché looga sheekeeyay qiso ku saabsan gabar saddex cisho dhallaneyd, oo magaceedu ahaa Zephany Nurse, taasoo 17 sano ka hor laga afduubtay isbitaalka Groote Schuur ee magaalada Cape Town, waligeedna aan dib loo helin.
Miché way iska dhageysatay qisadii, iyadoo aan fahansaneyn sababta loogu sheegayo. Kaddib shaqaalihii waaxda arrimaha bulshada waxay sharraxaad ka bixiyeen inay caddeymo u hayaan in Miché ay noqon karto ilmahaas la xaday intaasoo sano ka hor.
Si ay wax u saxdo, Miché waxay sheegtay inaysan ku dhalanin isbitaalka Groote Schuur – oo ay ku dhalatay isbitaalka Retreat, oo 20 daqiiqo gaari loogu socdo.
Sidaas ayey sheegtay inay ku qoran tahay warqaddeeda dhalashada. Laakiin shaqaalihii waaxda arrimaha bulshada waxay u sheegeen inaysan isbitaalkaas ka diiwaan gashaneyn.
Iyadoo wali aaminsan in khalad weyn la sameynayo, waxa la sheegayana aysan waxba ka jirin, ayey Miché aqbashay in laga qaado tijaabada dhacaanka hiddasidaha ee DNA-da.
“Waxaan si dhab ah u aaminsanaa in hooyada isoo korsatay aysan waligeed been ii sheegin, gaar ahaan marka ay timaado qofka aan ahay iyo meesha aan kasoo jeedo,” ayey tiri Miché. “Sidaas darteed waxaan hubay in natiijada DNA-da ay guul darreysan doonto.”
Laakiin xaaladdu ma noqonin sidii ay rajeyneysay. Natiijadii waxay soo baxday maalintii xigtay, waxaana lagu xaqiijiyay in Miché Solomon iyo Zephany Nurse, oo ah ilmihii isbitaalka Groote Schuur laga xaday 1997-kii, ay yihiin hal ruux.
“Halkii ayaan iska fariistay anigoo argagaxsan,” ayey tiri Miché. “Nolosheyda oo dhan faraha ayey baxday.”
Sheekada ku saabsan in Miché ay tahay ilmihii yaraa ee la xaday ayaa durba qabsatay warbaahinta Koonfur Afrika iyo guud ahaan caalamka, halkaas ayeyna si deg deg ah isugu baddashay nolosheedii oo dhan.
Waxaa loo sheegay inaysan ku noqon karin guriga qoyskii soo korsaday – oo ay ku khasban tahay in meel amaan ah la geeyo muddo 3 bilood ah oo ka dhiman inay noqoto 18 jir, markaasoo ay go’aan iskeeda ah ku gaari karto qoyska ay raaceyso.
Waxyar kaddib Miché waxaa soo gaaray war naxdin leh. Lavona Solomon, oo ah haweeneydii ay waligeed u heysatay inay tahay hooyadeed, ayaa xabsiga loo taxaabay.
“Arrintaas aad bay ii niyad jabisay, waxaan u baahnaa inaan weydiiyo, ‘Sabab? Maxay yihiin waxa dhacaya?’ Aad baan ugu wareeray sheekada ku saabsan inay qosy kale i dhaleen,” ayey tiri.
Miché goob joog ayey ahayd markii ay booliska su’aalaha weydiinayeen Michael – oo ah ninka ay waligeed u heysatay inuu aabaheed yahay.
Waxaa la baarayay inuu wax ka qorsheeyay afduubka ilamaha yar ee ay xaaskiisa xadday.
“Waan arkayay sida uu u walwalsanaa, waxaan u jeeday indhihiisa oo xinjir dhiig ah u ekaaday, aad baana uga naxay,” ayey tiri.
Booliska markii dambe wax caddeyn ah way u waayeen in Michael Solomon uu wax ka ogaa afduubka gabadha yar, iyo in aan fasax laga soo qaadanin waalidiinteeda. Waana la iska sii daayay.
Michael wuxuu sheegay in Lavona ay uur lahayd, uuna u maleynayay in ay gabadha iyada dhashay. Waxaa loo maleynayaa inuu uurkeedii kasoo dilmay kaddibna ay iska dhigi jirtay sidii qof uur leh.
Inkastoo Celeste iyo Morne Nurse ay gabadha laga xaday kaddib saddex caruur ah oo akle dhaleen, haddana waligood ma aysan joojinin raadinta curaddooda – xitaa kaddib markii ay isfureen. Sanad kasta waxay dhigi jireen xafladdeeda dhalashada.
Laakiin kama aysan war qabin in gabadhooda ay ku koreysay guri aan sidaas uga fogeyn, oo mararka qaar xitaa ay iyadoo ordheysa barxaddooda mari jirtay.
Ugu dambeyntii Miché waxay dib ula midowdo waalidiinteeda saxda ah.
Intii ay dacwadda socotay oo dhan Lavona Solomon waxay inkirtay inay wax khalad ah sameysay.
Hase yeeshee garsooraha wuxuu sheegay in caddeymo badan loo helay dambigeeda. Sanadkii 2016-kii ayaana lagu xukumay 10 sano oo xarig ah.
Michael waxay go’aan ku gaartay inaysan ka tagin qoyskii ay kusoo kortay, waligeedna ay u heysatay inay waalidkeeda yihiin.
Si joogto ah ayey xabsiga ugu booqataa Lavona, xitaa isagoo masaafe dhan 120km u jira halka ay ku nooshahay.
Lix sano ayaa hadda uga dhiman waqtiga xabsiga lagu xukumay. Miché waxay sheegtay inay dharareyso inta uu waqtigaas ka dhammaanayo, iyadoo wali gurigii ay kusoo kortay ku sugeysa inay dib usoo laabato hooyadeed.
Hadda iyada lafteeda waa la guursaday, waxayna heysataa labo carruur ah.
Arrinta kale ee la yaabka leh waxay tahay in Miché Solomon aysan iska baddalin magacii ay kusoo kortay.
Wax yar kadib markii muranka muddada dheer ka taagnaa gobolka Koonfurta Caucasus uu bishii lasoo dhaafay isu baddalay dagaal gacan ka hadal ah, Turkiga wuxuu garan istaagay xulafadiisa ku sugan waddanka Azerbaijan. Wuxuu siiyay hub iyo sida la sheegay ciidan laga soo weeciyay dhinaca waddanka Suuriya, inkastoo xukuumadda Ankara ay beenisay arrimahaasoo dhan.
Si ka duwan dalalka kale ee dibadda, oo dalbaday in si deg deg ah xabadda loo joojiyo, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhiggiisa dalka Azerbaijan, Ilham Aliyev, ku boorriyay inuu dagaalka sii wado.
Gobolka Caucasus waa mid ka mid ah meelihii ugu dambeeyay ee uu Turkiga ku fidiyay murqisiisa, xilli milatariga Ankara ay isku ballaadhiyeen laga billaabo Turkiga ilaa meelo badan oo ka tirsan badda Mediterranean-ka.
Waa kuwee meelaha uu Turkiga ku lug leeyahay
Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, Turkiga wuxuu:
Turkiga waxay sidoo kale ciidamo milatari ah ka joogaan waddamada Qadar, Soomaaliya iyo Afghanistan, wuxuuna ciidamo nabad ilaalin ah ku hayaa gobolka Balkans, oo ku yaalla Yurub.
Saameynta ay milatariga ku leeyihiin caalamka waa tii ugu ballaarneyd ee uu sameeyo wixii ka dambeeyay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta.
Maxay salka ku heysaa diblomaasiyadda cusub ee uu Turkiga ka leeyahay dibadda?
Sanadkii 2015-kii ayuu soo billowday dadaalka uu Turkiga ugu jiro inuu xoojiyo danihiisa dhinaca arrimaha dibadda, markaasoo la abuuray gole howlahaas qaabilsan.
Golahan oo Reer Galbeed diid ah ayaa aaminsan in hadda awoodda waddamada reer galbeedka ay hoos u sii dhaceyso, loona baahan yahay in Turkiga uu kaalintaas buuxiyo, xidhiidh dhowna la yeesho dalalka ay ka midka yihiin Ruushka iyo Shiinaha.
Hannaanka siyaasdada Arrimaha Dibadda ee Turkiga wuxuu aaminsan yahay in waddankan ay ku hareereysan yihiin dalal cadowgiisa ah garabkiisa ay ka baxeen xulafadiisii Reer Galbeedka.
Sidaas darteed waxay golaha dowladda Turkiga ku boorriyeen inay xoogga saarto siyaasadaheeda dhinaca dhibadda, awood milatarina u adeegsato meelaha ka baxsan xuduudaheeda.
Qorshahan wuxuu aad uga duwan yahay siyaasadihii hore ee Turkiga oo u janjeeray dhanka hagaajinta diblomaasiyadda, ganacsiga dibadda iyo dhaqamada uu ku xoojinayay xiriirka dalalka kale.
Isbaddalkan waxaa horseeday arrimo ka dhacay gudaha Turkiga iyo caalamkaba.
Maxaa isbaddalay?
Turkiga ayaa howlaha uu hadda wado billaabay markii doorashadii baarlamaanka ee 2015-kii aqlabiyadda aqalka markii ugu horreysay muddo toban sano ah looga adkaaday xisbiga talada haya ee AKP, Guul darradaas waxay timid markii ay horumar sameeyeen xisbiga Kurdiyiinta taageersan ee magaciisa loo soo gaabiyo HDP.
Si uu dib ugu hanto aqlabiyaddii xisbiga talada haya, Mr Erdogan wuxuu xulafo ka dhigtay xisbiyada qarannimo doonka ah ee garabyada midig iyo bidix labadaba.
Way taageereen markii uu dib u billaabay dagaalkiisa ka dhanka ah fallaagada Kurdiyiinta gooni u goosadka damacsan.
Taageeradooda waxay Erdogan u sahashay inuu awooddii baarlamaaniga ahayd ee waddanka u baddalo mid madaxweyne, taasoo isaga ka dhigtay qofka awoodda ugu sarreeya gacanta ku heysta.
Gacansaarkii uu la sameystay xisbiyada qaran jacaylka u go’ay iyo awooddii uu kordhistay waxay fure u noqdeen mowqofyada awood raadinta iyo ficillada milatariga ee uu Turkiga ku wajahayo Arrimaha Dibadda.
Afgambigii fashilmay ee sanadkii 2016-kii ayaa isna door muhiim ah ka ciyaaray in nidaamkan uu cago adag ku istaago.
Sidauu afgambiga u baddalay arrinta
Sida uu qabo madaxweyne Erdogan, afgambiga dhicisoobay waxaa soo abaabulay nin ay horay xulafo u ahaayeen oo lagu magacaabo Fethullah Gulen, oo ah wadaad islaami ah oo iskiis dibad joog ugu ah gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka.
Arrimaha uu sababay afgambigaas ee uu ka faa’iideystay madaxweynaha Turkiga waxaa ka mid ah in lasii xoojiyay xiriirkii saaxiibtinnimo ee uu la sameystay xisbiyada qaran doonka ah.
Howlgal ka dhan ahaa shaqaalaha dowladda ayaa shaqada looga eryaya dad ka badan 60,000 oo lagu tuhmay inay xidhiidh la leeyihiin Gulen, kuwaasoo qaarkood xabsiga loo taxaabay.
Goobihii shaqada ee bannaanaaday waxaa laga buuxiyay dadka daacadda u ah Erdogan iyo taageerayaasha qaran doonka.
Afgambiga fashilmay wuxuu sidoo kale xoojiyay fikirkii ay horay u qabeen isbahaysiga qaran doonka, oo aaminsanaa in dalalka reer Galbeedka ay raalli ka yihiin cadowga Turkiga ee dibadda jooga.
Ujeeddada ugu weyn ee uu Turkiga ka leeyahay Liibiya waa sidii uu u xaqiijin lahaa dowladda Serraj, taasoo iyana laga doonayo inay hirgaliso ujeeddo ay leeyihiin Erdogan iyo xulafadiisa qaran doonka ah, waana arrinta ku saabsan Bariga Badda Mediterranean.
Qeyb ka mid ah baddaas oo uu kheyraad gaas ah ka buuxo ayey Turkiga sheeganayaan, waxayna ku muransan yihiin Giriigga iyo Qubrus.
Muranka ka aloosan biyahaas wuxuu salka ku hayaa sida loo kala qeybsanayo kheyraadka.
Maxaa xiga?
Siyaasiyiinta qaran doonka ah waxay Erdogan kula taliyeen inuu dagaalka sii wado. Sarkaal howlgab ah oo ka mid ah dadka qarannimada u ololeeya, oo lagu magacaabo Cihat Yayci, ayaa ku dooday in Giriigga uu doonayo faragalin uu ku sameeyo galbeedka Turkiga, wuxuuna Erdogan ugu baaqay inuusan waligiis wadaxaajood la galin xukuumadda Athens.
Madaxweynahana uma furna waddo aan ka ahayn inuu taladaas qaato. Kaddib markii uu dhawaan ku guul darreystay ra’yi aruurin laga sameeyay gudaha dalkiisa, qaran doonka ayaa u qaabilsan dhinaca gudaha, isaguna wuxuu diiradda saarayaa amuuraha dibadda.
Waxaa tobankii sano ee la soo dhaafay aad loo dareemay saameynta sii kordheysa ee dalka Turkiga uu ku yeelanayo caalamka.
Dalkan oo ku yaalla galbeedka qaaradaha Aasiya iyo qeyb ahaaan Yurub ayaa saameyntiisa milateri, midda dhaqaale iyo tan siyaasadeed aad loo dareemay sanadihii dambe.
Waxaa sidoo kale kobcay dhaqaalaha dalka Turkiga tobankii sano ee lasoo dhaafay sida ay sheegtay hey’adda lacagta adduunka ee IMF.
Dhanka saameynta milateri, Turkiga waxaa uu noqday dalka ugu awoodda badan dhanka milateriga ee dalalka bariga dhexe, waxaana muddooyinkii dambe uu hawlgallo milateri ka sameeyay dalalka Suuriya, Libya, dagaalka u dhaxeya Armenia iyo Azerbaijan, Qatar oo uu ka sameystay saldhig milateri iyo Soomaaliya oo uu ku leeyahay saldhigga milateri ee ugu weyn qaaradda Afrika.
Haddaba waa kuma ninka hogaaminaya awoodda sii fideysa ee Turkiga?
Madaxweyne Rajab Teyib Erdogan oo asal ahaan kasoo jeeda Magaalada Rize, waxaa uu ku dhashay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, 26-kii bishii Febraayo sanadkii 1954, walow dadka qaar ee wax ka qora taariikhdiisa ay ku andacoonayaan in isagoo yar ay qoyskiisa usoo guureen Istanbul.
Waxaa uu wax ku bartay iskoolka hoose dhexe ee Kasimpasa sanadki, halka dugsiga sarena uu kaga baxay iskoolla sare Imam Hatib, halkaas oo uu ku bartay barashada diinta Islaamka. Markii uu dhameeyay waxbarashada hoose, waxaa uu ku biiray mac-hadka Eyub, wuxuuna sidoo kale shahaadada koowaad ee jaamcadda ka qaatay jaamacadda Marmara, halkaas oo uu ka bartay maamulka iyo dhaqaalaha sanadkii 1981.
Aabihii waxaa uu ahaa dadka kaxeeya doomaha, waxaana wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeysa dad wax ka qoray madaxweyne Erdogan taariikhdiisa ay sheegeen in yaraantiisa uu rooti iyo liin uu ku iibin jiray waddooyinka xaafadda Kasimpasa ee magaalada Istanbul, lacagta uu ka helana uu isaga bixin jiray waxbarashada.
Dadka wali ku ganacsada wadadad Kasimpasa, madaxweyne Erdogan waxay u arkaan in uu yahay mid kamid ah iyaga. Dhammaan biibitooyinka ku yaalaa xaafadaas waxaa ku dhegan sawiradi hore ee Erdogan oo xiran dharka kubadda cagta lagu ciyaaro.
“Aad ayaan ugu faanaa,” ayay tiri Adnan Savas oo 45 sano jir, lana hadleysay wakaaladda wararka ee Reuters.
“Waxaad kasoo jeedi kartaa Kasimpasa, walina waxaad noqon kartaa ra’iisul wasaare ama madaxweyne, marka horumarka uu nolasha ka gaaray waxay dhiiragellin u tahay caruurta iyo in ay dedaali karaan”.
Dadka ku nool xaafadda Kasimpasa ee degmada Kulaksiz waxay sheegaan in Erdogan ay u arkaan nin kamid ah dadka xaafadda oo waddooyinka rooti ku iibin jiray, kubadana ku ciyaari jiray xaafadda.
Madaxweyne Erdogan ayaa yaraantiisa la sheegaa in uu aad u ciyaari jiray kubada cagta, waxaana hadda lagu tilmaama in uu yahay hogaamiyaha dalalka fara ku tiriska ee Islaamka, dimuqraadiyadana ay ka jirto.
Timothy Ash, oo ah khabiir arrimaha dhaqalaaha ayaa shegay in Turkiga uu yahay dal dhaqaale ahaan isku kalsoon.
“Turkiga dhaqaale ahaan waa uu isku kalsoon yahay oo kobac dhaqaale ayuu sameynayaa, gaar ahaan wax soo saraka gudaha oo aad u xoogan balse waxaa uu walaac ka taagan yahay dhanka awoodda iyo isku adkeynta,” ayuu yiri Timothy Ash.
Yasar Ayhan, oo madaxweyne Erdogan timaha u jari jiray, aabahiisna ay saaxiibo ahaayeen Erdogan ayaa sheegay in 16 sano uu yaqiinay Rajab Erdogan, waxbadanna uu ka badelay dhaqaalaha Turkiga.
“Markii aan dalka Sacuudiga u aaday Xaj, sanadkii 1998, ma jirin cid qaadaneysay lacagta halka milyan ee Lira ee Turkiga oo waxaan isku dayay in aan sarifto oo aan ku badesho lacagta Sacuudiga balse markii aan dalka sacuudiga dib ugu laabtay 2010-kii, boqolkii Lira waxaan ku badeshay 250 lacagta Sacuudiga, markaa ayaan ogaaday in hadda ay nolal ka jirto dalka Turkiga,” ayuu yiri Ayhan.
Inkastoo dadka dhaliila ay ku tilmaamaan “kelligii taliyaha dunida dimuqraadiga ah”, haddana waxaa Erdogan lagu tilmaamaa in uu waxbadan ka badelay muuqaalka dunida ka heysatay dalkiisa.
Horraantii sanadkii 2001, muddo dhan afar bilood ayuu madaxweyne Erdogan xabsiga ku jiray, markii lasii daayayna waxaa uu bilaabay hirgelinta mabaad’ida xisbiga uu hogaamiyo ee AK party, maadama xillgaas dalka Turkiga ay ka jirtay guux dadweyne oo ah in uu dalka isbadel ka dhaco.
Waxaa uu marar badan soo noqday ra’iisul wasaare, haddana waxaa uu markii labaad yahay madaxweynaha Turkiga, isagoona baddelay dastuurka dalkaas. Sidoo kale Erdogan waxaa uu horay usoo noqday duqa magaalada Istanbul.
Ka siyaasi ahan, waxaa lagu tilmamaa in uu yahay ra’iisul wasaarihii ugu guusha badnaa iyo shakhsi markii uu xabsiga kasoo baxay ku guuleystay doorasho, sarena u qaada halka dalka Turkiga uu ka taagnaa dunida.
Liiska Wasiirada & Beelahay ka soo jeedaan
Beesha Hawiye (GALMUDUG-HIRSHABEELLE)
1. Wasiirka Arimaha Gudaha General Mukhtar Xusen Afrax – Xawaadle
2. Wasiirka Amniga Gudaha Xasan Xundubey Jimcale – Abgaal
3. Wasiirka Diinta Cumar Cali Roble – Abgaal
4. Wasiirka Boostada Cabdi Sheikh Axmed Roble – Murursade
5. Wasiirka Caafimadka Fowsiya Abiikar Nuur – Gaaljecel
6. Wasiirka Ganacsiga Khalif Cabdi Cumar – Gugundhabe
Beesha Digil iyo Mirifle (KOONFUR GALBEED)
1. Wasiirka Gaashandhiga Xasan Xuseen Xaaji – Garre
2. Wasiirka Cadaaladda Cabdulqaadir Maxamed Nuur – Jilible
3. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xuseen Maxamuud Sh Xuseen (Badni) – Dabarre
4. Wasiirka Tamarta Xasan Cabdinuur – Geelidle
5. Wasiirka Haweenka Xanifa Maxamed Ibrahim – Leesaan.
Beesha Daarood (Jubbaland-Puntland)
1. Wasiirka Arimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad – Majerteen
2. Wasiirka Qorsheeynta Jamal Maxamed Xasan – Warsangeli
3. Wasiirka Kaluumeysiga Cabdullahi Bidhaan – Dhulbahante
4. Wasiirka Gaadidka Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar – Ogaaden
5. Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Duraan Axmed Farax – Leelkase
Wasiirada Beesha Shanaad (H/shabeelle & PL)
1. Wasiirka Gargaarka Khadiija Maxamed Diiiriye – Yixir
2. Wasiirka Beeraha Siciid Xuseen Ciid – Carab Saalax
3. Wasiirka Dekedaha Maryan Aweys Jaamac – Jareerweyne
4. Wasiirka Dhalinyarada Xamsa Saciid Xamsa – Barawaani
5. Wasiirka Batroolka Cabdirashid Maxamed Axmed – Banaadiri
Wasiirada Beesha Dir
1. Raisul Wasaare Ku Xigeenka Mahdi Maxamed Guuled – Ciidagale
2. Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jamac – Habar Yoonis
3. Wasiirka Maaliyada Cabdiraxman Ducaale Beyle – Samaroon
4. Wasiirka Warfaafinta Cisman Abukar Dubbe – Habar Jeclo
5. Wasiirka Howlaha Guud Maxamed Adan Macalim – Gaadsan/Biyamaal
Wasiirka Waxbarashada Cabdullahi Abuukar Xaaji – Surre- Dirta Koonfureed
Baraha Bulshada waxaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn loogu hadal hayay warbixin kasoo baxday Jaamacadda California ee dalka Mareykanka – oo ka mid ah xarumaha waxbarasho ee ugu waaweyn caalamka – taasoo bulshada soomaalida ah ku dartay liiska jinsiyadaha caddaanka ah.
“Jaamacadda California iyo dhammaan xarumaha waxbarasho ee ka qeyb qaata barnaamijyada samafalka ee ardayda ayaa codsaday in loo soo gudbiyo xog ku saabsan faraca jinsiyadeed ee ardayda dhigata waxbarashada ka sarreysa dugsiyada sare. Hase yeeshee xogta lagu qeexay ardaydaas waxay ka duwan tahay midda taariikhiga ah ee ay heyso Jaamacadda California, sababo la xidhiidha isbadalladii la sameeyay 2010-kii,” ayaa lagu yidhi qoraal ay jaamacadda ku daabacday boggeeda internet-ka.
Cilmibaadhistan waxaa la sheegay in lagu eegay lafta ku jirta madaxa dadka, taasoo dib loo tix raacay ilaa qarniyo hore.
Shan qeybood ayaa loo kala dhigay liiska asalka jinsiyadaha, sida ku cad warbixinta jaamacadda.
Liiska Cadaanka waxaa sidoo kale ku jira Jabuuti, Suudaan, Masar iyo dalalka kale ee Carabta.
Ma cadda in arrintan ay ku timid si khalad ah iyo in kale. Hase yeeshee waxaa mar qura lagu baraarugay qeexitaanka jinsiyadaha asalka ah ee ay jaamacaddaas daraasadda ka sameysay.
Dadka qaar ayaa mowduucan u qaatay maadeysi, iyagoo baraha bulshada ku sheegayay inuu yahay wax lagu qoslo.
Shakhsiyaadka uga falceliyay dhinaca internet-ka waxaa ka mid ah Barsaroor Faysal Rooble, oo ah macallin wax ka dhiga jaamacad ku taalla dalka Mareykanka.
“Maxay Jaamacada aduunka ugu tanka weyn ee Uiversity of California Soomaalida uga sheegtay in ay bulsho weynta cadaanka ah ka tirsanyihiin? Cajiib!”, ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook-giisa.
Sidoo kale waxaa hab ay ku dheehan tahay shactrio u wajahay Mowliid Xujaale, oo ah wariye ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada.
“Jaamacadda California waxay Soomaalida ku qeexday “Caddaan” tanina waxaa loola jeedaa cilmibaadhis seynis ah oo lagu sameeyay kala saaridda asalka dadka. Halaga qariyo Soomaalidii wareersanayd ee ka faani jirtay midabka Madowga!” ayuu soo qoray.
Qof ka mid ah dadka Soomaalida ah ee baraha bulshada uga hadlay arrintan ayaa sheegay in mar walba waddanka uu joogo looga aqoonsan yahay qof Afrikaan ah ama madow.
“Wax la rumeysan karo ma aha. Waan ogahay inaan Afrikaan madow ahay, waddanka aan ku noolahayna waxaa la igu tiriyaa dadka madow. Liiskan waxaa sameeyay qof aan khibrad aqooneed lahayn oo ku sugan Mareykanka. Sidaas awgeed qofkaas wuxuu google ka raadiyay waddamada Carabta, Soomaalida ayaana kasoo dhex muuqatay, laakiin Carabtu waa dad midab leh sida dadka madow ay midabka u leeyihiin oo kale, mana aha caddaan,” ayuu yidhi.
Qof kale oo isla baraha bulshada ku fal celiyay ayaa yidhi: “Ninkii caddaa waa dad raadis marka is balaarin buu wadaa ma is tiri? North Africa iyo carabtii Asia oo dhan baa la cadeeyey wax innaga gaar inoo ah ma aha (Egypt, Sudan, Jbouti, Morocco, Mauritania iyo in kaloo badanba waa la cadeeyey). Yaab!.”
Qof uu ra’yigiisu ka duwan yahay sidaas ayaase soo qoray: “Soomaali badan oo ku nool Waqooyiga Ameerika ma aaminsana inay madow yihiin. Marka haddii aannaan ahayn madow waxaan nahay Caddaan, marba haddii uusan jirin wax u dhaxeeya.”
Isku dayo aan u sameynay si aan ula xidhiidhno mas’uuliyiinta Jaamacadda, waxna ka weydiinno sida liiskaas loo diyaariyay, ayaa noo suuragali waayay.
Alle ha u naxariisto, waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyootay fannaanaddii qaranka Saynab Xaaji Cali “Baxsan” oo ka mid aahyd fannaaniinta ugu caansan dalka.
Baxsan ayaa ka mid ahayd fannaaniinta dalka aan ka bixin tan iyo bur-burkii dalka, waxaana lagu xasuusataa heesaha guubaabada ah ee ay ku dhiirri-gelin jirtay ciidanka xoogga dalka.
Magaalada Muqdisho ayay ku xanuunsanayd dhawaanaahan, iyadoona sannadkii hore mar u aaday dalka Turkiga arrimo caafimaad.
Dhanka kale, ra’iisul wasaaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid fannaanadda, waxaana uu ehelkeeda iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerideeda.
“Waxaan qoyskeeda iyo ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida fannaanaddii Qaran Saynab Xaaji Cali (Baxsan). AUN marxuumad Baxsan waxa ay kaalin weyn ka soo qaadatay xornimadii Dalka,dhismaha qarankeenna iyo nooleynta dhaqankeenna. Jannadii Firdows Allaha geeyo samir iyo iimaanna Allaha naga wada siiyo” , ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Lin Jingzhi in ka badan 30 sano ayey baadigoobeysay wiilkeeda, Mao Yin oo 1988 la afduubtay lana iibiyey. Hooyadan waxay marweliba rajeeyneysay iney maalin un wiilkeeda markale heleyso, ugu dambeyntina waxaa u soo dhacay taleefan ay muddo badan sugeysay.
Hooya Jingzhi iyo seygeeda wiilkooda waxay wiilkooda Mao Yin ay maalmaha nasashada u qaadi jireen beer lagu dalxiiso oo ku taalla magaalada ay deggan yihiin ee hoos tagta gobolka Shanxi si ay ugu so damaashaadaan.
Mid ka mid ah maamaha damaashaadka ayaa mar kasta waalidiintan maskaxdooda ku soo noqnoqotay in badan.
“Da’diisu waxay ahayd 1 sana iyo bar. Waxaanna u kaxeynay beerta dalxiiska ee ku taalla magaalada Xi’an. Wuxuuna dhulka ku arkay tixri yar. Aad ayuu u farxay isaga oo tixriga farta ku fiiqaya oo leh ‘Hooyo, tixri!’ kaddib waan xambaaray waxaanna ka kaxeeyey beerta, wuxuuna gacantiisa ku hayey tixrigi uu dhulka ku arkay,” ayey tiri Jingzhi.
Mao Yin waa wiilka keli ah ee ay dhashay, xilligaasina dalka Shiinaha waxaa ka hirgalay sharcigi ahaa qoyska inuu hal ilmo oo keli ah uu dhali karo. Waxayna jecleyd inuu si wanaagsan wax u barto oo uu noqdo mid noolosha guul ka gaaray, waxayna ugu naaneysi jirtay Jia Jia, uu micnaheedu yahay “Mid sarreeya”.
“Jia Jia wuxuu ahaa mid dabeecad wanaagsan, firfircoon, ixtiraam badan oo soo jiidasha leh. Sida ilmaha qaarna ma oohin badneyn. Wuxuuna ahaa wiil aad u wanaagsan oo aad jeclaaneysid. Wuxuuna ahaa ilma qofki arko oo dhan uu jeclaanayo”, ayey tiri Jingzhi.
Iyada iyo seygeeda waxay subixi geeyaan xanananada carruurta lagu barbaariyo waxayna ka soo wadi jireen gelinka dambe.
“Maalin walba, marka aan shaqada ka soo laabto wiilkeyga ayaan la ciyaari jiray, aadna waan uga farxaa,” ayey tiri Jingzhi.
Jinghzi waxay ka shaqeysaa shirkad dhoofiso wax soosaarka beeraha, iyada oo mararka qaar maalmo magaalada ka maqnaato oo daafaha kala duwan ee dalka kormeer ku soo sameyso beeraleyda ay shirkaddaasi ka iibsato wax soo saarka beeraha.
Xilligaasi wiilkeeda Jia Jia wuxuu la joogi jiray aabbihii oo keli ah. Maalin maalmaha ka mid ah iyada oo safarkeeda shaqo ku jirta ayaa mas’uulkii shirkadda ay u shaqeyneysay uu soo gaarsiiyey farriin ah iney si degdeg ah ay magaalada ugu soo noqoto.
“Kaddib waxaa farriinta la igu soo gaarsiiyey aaladda Telegram, farriinta oo sheegeysay inaan degdeg u soo laabto balse ma garaneyn waxa dhacay” ayey tiri.
Degdeg ayey magaalada Xi’an ugu soo laabatay, madixii shirkadda aan u shaqeynayey markaan la kulmayna wuxuu ii sheegay war aan ka naxay.
“Ninki madaxa ii ahaa wixii dhacay wuxuu iigu sheegay hal jumlad wuxuuna igu yiri: ‘Wiilkaaga waa la waayey’,” ayey tiri Jingzi. “Waan wareeray. Waxaan aad uga naxay lumitaanka wiilkeyga, aniga oo u haystay inaan wiilkeyga dib dambe u heli doonin.”
Xilliga wiilkayga Jia Jia la waayey waxay ahayd Oktober 1988, da’diisu waxay ahayd 2 sano iyo 8 bilood.
Seyga Jingzhi oo sharraxaya sida wiilka loo waayey, wuxuu sheegay Jia Jia inuu ka soo qaaday iskuulka kaddibna maqaayad ku taallo waddada gurigooda loo maro ayuu horjoojiyey si uu biya uga soo qaado maqaayad yar oo ay lahaayeen qoyska.
Wiilkiisa waxa uu ka maqnaa wax aan ka badneyn hal ilaa iyo laba daqiiqo inta biyaha looga qaboojnayey oo keli ah marka uu soo laabtayna Jia Jia meeshaba ma joogin oo waa la waayey.
Hooyo Jingzhi waxaa raja uga jirtay in wiilkeeda si degdeg ah loo helayo.
Balse marka ay toddobaad ka soo wareegtay xilliga wiilka la waayey oo aan wiilkii saldhigga booliska la geynin, waxaan ogaaday xaaladdu iney khatar tahay.
Waxay bilalawday dadka maqaayaddooda jaarka la ah iney weydiiso bal iney Jia Jia arkeen. Waxayna daabacday waraaqo ka badan 100,000 oo sawirka wiilkeeda ku daabacan yahay iyada oo goobaha ay dadku tareennada ama basaska ka ka racaan dadka uga qaybineysay lacalla haddii arkaan si ay u soo wargeliyaan waaliddiintiisa, iyada wargeysyada dadka lumay lagu baadi goobana lagu daabacay xogta Jia Jia.
“Qalbi jab ayaa igu dhacay…Waan iska ooynayey. Waan murugooday,” ayey tiri Jingzhi. “Waxaan dareemayey inaan madhanahay”.
Markasta oo ay Jingzhi aragto dharka, kabaha iyo waxyaabaha uu ku ciyaari jiray wiilkeeda yar ee la waayey wey ooyi jirtay.
Jingzhi xilligaasi ma ogeen tahriibinta ama xatooyada carruurta iney dalka Shiinaha ka ahayd dhibaato jirta.
Dalka Shiinahana barnaamijka qoyska inuu hal ilmo oo keli ah dhalo wuxuu ka dhaqan galay 1979-kii taasoo dowladda ay ugu talagashay in lagu xakameeyo tirada dadka dadkaasi Shiinaha ee sii kordhayey.
Lammaanaha magaalada ku nool waxaa loo oggol yahay iney hal ilmo oo keli ah dhalaan, halka lammaanaha miyiga ku nool haddii ilmaha ugu horreeya ee ay dhaleen ay noqoto gabar ay da’ labaad dhali karaan.
Wiilkeeda in la waayo waxay marki hore ay ku eedeyn jirtay aabbihii balse marki dambe si wadajir ayey baadigoobkiisa u galeen
Jingzhi marnaba kama eysan daalin baadi goobidda wiilkeeda. Malin kasta oo Jimca ah gelinka dambe markay shaqada ka soo baxdo waxay tareen ugu safri jirtay degmooyinka ku hareereysan magaalada ay deggan yihiin si ay Jia Jia uga soo raadiso waxayna gurigeeda ku soo laaban jirtay Axadda gelinka dambe maadaamaa ay subaxa Isniinta shaqada aadeysay.
Mid ka mid ah dhakhaatiirta magaalada ay ku nooshahay oo ay horayna waxbarasha wadaag u soo ahaayeen, ayey u tagtay si ay baaritaan caafimaad isugu soo sameyso.
“Dhakhtarka wuxuu ii sheegay hadal saameyn weyn igu reebay. Wuxuuna ii sheegay: “Kaama daweynayo xanuunnada kale ee ku hayo, balse waxaan kaa daweynayaa xanuun wadanaha ee ku hayo, haddii in lagaa daweeyo aad rabinna go’aanka adaa iska leh.’
Hadallada dhakhtarka uu igu dhahay ayaan habeenkii oo dhan ka fakarayey. Waxanna go’aansaday xaaladdeyda iney sidan ku sii socon karin. Haddii aan darenkeyga xakameyna, aan waalan karo. Waxaanna ogaaday iney xaaladda aan ku suganahay aan wiilkeyga ku raadin karin, haddii wiilkeyga aan helo anoo waalanna uu ii yimaado waxa uu wiilkeyga dareemi karo,” Jinghzi ayey tiri.
Intaa kaddib Jingzhi walaasheed ayaa wiilkyi yaraa ee Jai Jai dharkiisi iyo waxyaabihii uu ku ciyaari jiray oo dhan ayey meel ku gurtay iyada oo dareensan argatida alaabahan iney qayb ka qaadanayaan xanuunka wadnaha ka haya Jingzhi.
Kaddib 2009-kii, dowladda Shiinaha waxay diyaarisay nidaam hidda sidaha DNA ay ku keydineyso si ay qoysaska uga caawiso carruurta ka maqan ee ay garan waayaan iyada oo ay dowladda ku wargelisay qoysaska ay ilmaha ka maqan yihiin inay dowladda la soo xiriiraan si DNA looga qaado.
Talalabbadaasi oo ahayd mid horumar leh oo caawineysay kumannaan qoys oo ay carruur ka maqanaayeen.
Waaliddiinta inta badan ilmaha la soo xaday ama la soo afduubtay iibsadayna waxay ahaayeen kuwa aan ilma dhalin, iyada oo ilmaha la xadana ay u badnaayeen wiilal iyada oo dadka ilmaha iibsada intooda badan ay ahaayeen kuwo ku nool gobollada fog ee dalka Shiinaha.
Haddaba hay’ad ka shaqeyneysay waalidka iyo ilmaha kala lumay iney dib u kulmiso waxay ku guuleysatay 29 carruur ah iney waaliddiintooda dib ugu soo celiyaan.
Waxayan Jingzhi sheegtay iney adkeed carruurta qaarkood iney waaliddiintooda horay ka gartaan marka la soo helo.
“Waxaan isweydiiyey: ‘Wiilkan la soo helay muxuu kaagi u noqon waayey? Balse markaan arkay waaliddiin ilmahooda laabta gelinaya oo hab siinaya, farxad ayaan dareemay. Waxaanna dareemay iney maanta farxaddooda tahay, aniguna aan la kulmi doono maalinteyda farxaddaasi. Rajadeydu marweliba wey wanaagsaneyd. Markaan arkay waaliddiin badan oo carruurtooda dib u helay, Waxaanna rajeeynayey maalin maalaha ka mid ah inuu wiilkeyga uu ii soo laaban doono,” ayey tiri Jingzhi.
“Hooyadey waxay dhimatay 2015-kii iyada oo 94 jir ah inta ay dhiman ka horna waxay ahayd mid si weyn ugu xiistay Jia Jia. Hooyadeyna waxay ii sheegi Jirtay Jia Jia inuu mar un noo soo laaban doonno. Ku dhawaad 30 sano ayuuna wiilkeyga xilligaasi maqnaa,” ayey tiri Jingzhi.
Kaddib 10-kii May ee sanadkan oo ku beegneed maalinta hooyooyinka waxaa laga soo wacay xafiiska amaanka bulshada waxaana loo sheegay war ay aad ugu faraxday: ‘Mao Yin (Jai Jai) in la helay.”
“Waan aamini waayey waana rumeysan waayey inuu hadalkaasi run yahay,” ayey tiri Jingzhi.
Bisha April qof ayaa hooyada wiilka uu ka maqnaa ku soo wargeliyey inuu xog ka hayo wiil sanada aad u badan ka hor Xi’an laga soo afduubtay. Ninkan wuxuu hooyada la wadaagay sawirka wiilka oo da’ dhalinyara ah ku jira. Jingzhi waxay sawirki la wadaagtay booliska si ay farsama ahaan u xaqiijiyaan sawirkan laga soo qaaday wiilkan ku nool magaalada Chengdu ee deriska la aha gobolka Sichuan, oo 700 oo km u jira.
Booliskuna waxay sameeyeen baaritaan hidda sidaha la xiriira DNA, 10-ka bisha March waxaa soo baxday natiijada hidda sidaha.
“Marki aan helay natiijada DNA ayaa si dhab ah u ogaday in wiilkeeyga muddada dheer iga maqnaa la helay ayey tiri,” Jingzhi.
Baadigoobki 32 sano lagu jiray oo mararka qaar tilmaama lagu hungoobay oo ka badan 300 loo soo maray ayaa ugu dambeyntii soo gabagaboobay.
18-ka Bisha May oo ay ku beegneed maalin Isniin ah ayaa loo doortay in Jai Jai iyo qoyskiisa dib loo mideeyo. Mana hubin wiilkeeda dareenka uu iyada u hayey. Hadda waa nin weyn, waa uu guursaday, wuxuuna leeyahay ganacsi uu isagu milki ahaan u leeyahay.
“Ka hor intaan la kulmin, welwel aad u badan ayaan ka qabaa. Waxaanna ka cabsi qabay inuu I garan waayey, uu hooyanimadedya aqbali waayo. Markaan u socday goobta aan kula kulmayey wiilkeyga aad ayan u cabsanayey. Anoo ka baqayo waxa aan wiilkeyga kala kulmo iney dhaawac ka weyn lumitaankisa iyo baadigoobkii aan 32 sano ugu jiray ii geysato, ama uu iga diido jeceyl inaan tusiyo ama aan hab siiyo,” ayey tiri Jingzhi.
Jingzhi waxay markii dambe ogaatay Jia Jia qoys ilma la’aan ahaa o ku nool gobolka Sichuan looga iibiyey 6,000 Yuan oo lacagta Shiinaha ah oo xilligaasi u dhigantay $840 doolar sanad kaddib marki la afduubtay. Qoyskii soo korsaday waxay u bixiyeen magaca Gu Ningning iyaga oo u diiwaan geliyey inuu yahay wiil ay iyagu dhaleen.
Dugsi hoose, dugsi dhexe ayuu soo bartay wuxuuna ku biiray jaamacad ku taallo magaalada Chengdu. Jia Jia marka uu waaliddiintiisa dhalay uu dib ula kulmay kaddib magaalada Jia Jia wuxuu magaalada Xi’an uu waliddiintiisa la joogay muddo bil ah.
Muddadi uu Jia Jia uu waaliddiintiisa la jogay waxay marweliba tusayeen sawirradiisi hore si ay xusuustiisa carruurnimada ay u soo celiyaan.
Balse nasiib darro Jia Jia waxba kama xusuusto wixii dhacay 4 jirkiisa wixii ka horreeyey, xilligaasi oo ah nooloshiisa koobneeyd uu waaliddintiisa uu la noolaa.
XIGASHADA SAWIRKA,CCTV
Maalin aan Jia Jia dhul buuraley ah wada boqannay waxaan jecleystay inaan sida carruurnimadiisi aan xambaaro balse ma xambari karin oo wuxuu noqday nin weyn.
“Waxaan jeclaa inuu ila noolaado, oo aan qoys ahaan dib u wada noolaanno sidii carruurnimadiisi, wuxuuna naga maqnaa 32 sano. Wiilkeyga waxaan ku iri: ‘Jia Jia sidaadii hore ma ku soo laaban kartaa? Laba sano iyo sedded bilood jirkaagi hooyadaana ay ku laabato 28 jir noolal cusub aan dib u billowno.'”
Balse Jingzhi dhab ahaan wey ogeyd iney arrintasi suuragaleyn.
Jia Jia hadda wuxuu ku nool yahay Chengdu halka Jingzhi ay weli ku nooshahay Xi’an.
“Hadda wuu weynaaday. Nolol u gaar ah ayuu leeyahay. Jia Jia waa uu gursaday wuxuuna sameystay qoys u gaar ah. Marka waxaan u rajeenayaa wanaag, annaga oo kala fog. Hadda waxaan ogahay wiilkeyga halka uu ku sugan yahay, waxanna ogahay inuu weli nool yahay. Intaa ayaa igu filan.”
Waxaanna maalin walba ku wada xiriirnaa barta bulshada dalka Shiinaha lagu xiriiro ee loo yaqaanno Wechat.
XIGASHADA SAWIRKA,CCTV
Jangzhi waxay sheegtay Sanaddadi dheeraa ee aan wilkeega baadi goobka ugu jiray iney u mahadcelineyso dowladda Shiinaha iyo warbaahinta Shiinaha oo gacan ka geystay baahinta carruurta la fduubtay.
Balse weli waxaa jira qoysas badan oo carruurta baadigoobaya oo ay ubadkooda ka maqan yihiin waaliddiinti dhashay. Taasoo muujineyso iney Jingzhi ay weli u taallo howl aad u badan.
“Waxaan sii wadayaa inaan qoysaska ka caawiyo sidi ay ilmahooda ka maqan aan u heli lahaa.” ayey tiri Jingzhi.
Dowlada Faransiiska ayaa kordhisay cadaadiska ay ku heyso Muslimiinta kunool dalkaasi, kadib dilkii jimcihii duleedka magaalada Paris loogu geystay macalin arday uu wax u dhigayay tusay Sawir Gacmeed uu ku sheegay Nabi Maxamed NNKH.
Booliiska Faransiiska ayaa labadii maamood ee lasoo dhaafay xidhxidhay dad badan oo muslimiin ah kuwaasoo ay ku eedeeyeen in ay yihiin xagjiriin taageeray dilka Macalinkii ku gefay Nabi Maxamed NNKH.
Dowlada Faransiiska ayaa si gaar ah u beegsaneysa ururada Muslimiintu leeyihiin, waxa ayna arimahan uga faa’iideysanaysaa dilkii dhawaan wiil dhalinyaro ah u geystay Macalinka u gefay Nabi Maxamed NNKH iyo diinta Islaamka.
Booliiska ayaa baadhitaano iyo dabagal ku haya qaar kamid ah ehelada ardayda Muslimiinta uu wax u dhigayay macalinka la dilay iyo dad kale oo baraha bulshada ku taageeray dilka macalinka loo geystay.
Dowlada Faransiiska ayaa qorsheenaysa inay wadankeeda ka tarxiisho 213 qof oo lagu sheegay dad xagjiriin ah oo ay ku jiraan 151 hada lagu hayo xabsiyada kuwaasi oo dib loogu celinayo wadamada ay kasoo jeedaan.
Cadaadiska lagu hayo Muslimiinta kunool dalka Faransiiska ayaa sii kordhaya mudooyinkii ugu dambeeyay, waxa ayna dowlada qaaday talaabooyin ka dhan ah dadka muslimiinta ah sidoo kale lagu cabudhinayo.