Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Baaderi “Wadaad Kiristaana” oo sadaaliyey in Xanuunka Covid 19 Mar labaad ku dhici doono Donald trump

$
0
0

Baaderi “Wadaad Kiristaana” oo sadaaliyey in Xanuunka Covid 19 Mar labaad ku dhici doono Donald trump

Donald Trump oo ku sugnaa kaniisad ku taalla Las Vegas
Donald Trump oo ku sugnaa kaniisad ku taalla Las Vegas

Kaniisad ku taalla gobolka Las Vegas ayaa waxaa kasoo baxay hadal uu muqdo inay dan ugu jirto Trump.

Baaderi la yiraahdo Denise Goulet ayaa Trump ku tiri “Abbaare 4.30, Ilaahey wuxuu ii sheegay ‘Waxaan madaxweynaha guddoonsiin doonaa dabeyl labaad’ oo ay ugala jeeddo cudurka Koroonaa oo dhawaan ku dhacay Trump, waxay sheegtay in madaxweynaha dib loo dooran doono.

Trump wuxuu taageero xooggan ka heystaa Dadyowga aaminsan Kirishtanka Evangelical, sida ay muujineyso daraasad dhawaan la sameeyay, maadama uu ka shaqeeyay arrimo badan oo dan u ah dadyowgan.


Qarax Ruxay Muqdisho oo Koobsaday Khasaare Dhimasho & Dhaawacba leh+ Masuul ka bad baaday

$
0
0

Qarax Ruxay Muqdisho oo Koobsaday Khasaare Dhimasho & Dhaawacba leh+ Masuul ka bad baaday

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax nooca Miinada wadada dhinaceeda la dhigo oo caawa fiidkii lala eegtay gaadhi uu lahaa Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Korneel Maxamed Aadan Koofi.

Qaraxan ayaa ka dhacay isgooska KM4-ee magaalada Muqdisho gaar ahaan afaafka hore masjid halkaasi kuyaala, waxaana la sheegay in qaraxa oo bac lagu qariyay in lasii dhigay laamiga dhinaciisa.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa uu dhacay xili uu goobtaasi marayay gaadhi la sheegay in uu lahaa Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Koofi, waxaana la sheegay in agaasimaha uu ka bad baaday qaraxaasi.

Inta la xaqiijiyay hal askari oo kamid ahaa ilaalada agaasimaha ayaa ku dhintay qaraxa, warar kale oo soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in 3 qof oo shacab ah oo goobta marayay inay isla qaraxa ku dhintay.

 

Laamaha amaanka ayaan wali ka hadlin qaraxan caawa ka dhacay isgooska KM-4 ee magaalada Muqdisho, waxaana goobta qaraxa ka dhacay meel u muuqata koontarool ku leh ciidamada Soomaaliya oo ku fashilmay in ay ka hortagaan qaraxaasi.

Haweeney Asal ahaan ka soo jeeda Somaliland oo hirgelisay Wershada ugu weyn Africa ee soo saarta Sonkorta+Dalkay ku taalo & Xoggo kale

$
0
0
Haweeney Asal ahaan ka soo jeeda Somaliland oo hirgelisay Wershada ugu weyn Africa ee soo saarta Sonkorta+Dalkay ku taalo & Xoggo kale

Haweeney Soomaaliyeed oo ka mid ah ganacsatada ugu taajirsan Africa ayaa waqooyiga dalka Uganda ka hirgelisay warshada ugu weyn Africa ee Sonkorta, waxaana xafladda furitaanka warshadaasi oo dhici doonta Khamiista  kasoo qeyb geli doona madaxda Africa oo ugu horeeyo madaxweynaha Uganda Yuweri Musafeni.

Drs.Aamina Xirsi Mooge oo dalka Uganda iyo dalalka kale ee deriska la ah ka hirgelisay maalgashiyo kala duwan ayaa waxay ku guuleystay inay Ugandha markaan ka hirgelisao warshadda ugu weyn ee soo saarta Sonkorta, taasoo lagu magacaabo Atiak, taasoo horumar iyo dhaqaale kusoo kordhin doonta gobolka Geeska iyo Afrikaba.

Maalgashiga weyn ee ay Drs. Aamin Xirsi Mooge ku samaysay warshadan sonkorta ayaa noqonaya mashruucii ugu balaadhnaa ee laga hirgeliyo waqooyiga dalka Uganda, iyada oo la filayo in warshada Atiak ee sonkortu ay gobolka geeska Afrika ku soo kordhin doonta dakhli iyo horumar balaadhan kadib marka la gaadhsiiyo wadamada ku yaala gobolka.

Drs. Aamina ayaa horay dalka Uganda ugu hirgelisay warshadda sibidhka iyo qalabka dhismaha ee lagu iibiyo magaalooyinka wadanka Uganda, loona dhoofiyo dalalka kale ee gobolka, waxay kaloo ay leedahay xarunta ganacsiga Oasis Shopping Mall ee ku yaal xaafadda ganacsiga ee badhtamaha caasimada Kampala iyo guryaha Laburnam Courts oo ku yaal Nakasero Hill oo deris la ah Aqalka Madaxtooyada ee Kampala.

Haweeneydaan ayaa si weyn looga tixgeliyaa dalka Uganda oo saameyn xoogan ay ku leedahay, iyadoo dhaqaalaha wadanka soo gala ay ka tilmaaman tahay.

   

Dacwad ka dhan ah Amiir Maxamed Bin Salman oo laga furay maxkamad ku taal Dalka Mareykanka & waxa lagu haysto 

$
0
0
 Dacwad ka dhan ah Amiir Maxamed Bin Salman oo laga furay maxkamad ku taal Dalka Mareykanka & waxa lagu haysto

Gabadhii u doonaneyd suxufigii reer Sacuudi ee la dilay Jamal Khaashuqji iyo koox u doodda xuquuqda aadanaha oo uu aas-aasay, ayaa maxkamad ku taalla Mareykanka ka diiwaan-geliyey dawacd ka dhan ah dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, oo lagu eedeeyey dilkiisa.

Dacwaddan, oo ah mid madani ah, ayaa waxa ay Maxamed Bin Salmaan ka dooneysa magdhow aan la shaacin, waxaana sidoo kale qeyb ka ah 20 eedeysane oo kale oo Sacuudiyaan ah.

Dacwadda ayaa kusoo beegmaysa xilli xidhiidhka Mareykanka iyo Sacuudiga uu sii xumeeyey dilkii weriyaha oo dhacay 2018, xadgudbyada xuquuqda aadanaha ee lagu eedeeyo Riyadh iyo ku lug lahaashaheeda dagaalka Yemen.

Safaaradda Sacuudiga ee Washington kama jawaabin codsi la xidhiidhay inay ka hadasho dacwadda.

Maxamed Bin Salmaan ayaa horey u beeniyey inuu wax lug ah ku lahaa dilka Khaashuqji, oo haystay sharciga deganaanshaha Mareykanka.

Khaashuqji oo aad u dhaliili jiray boqortooyada, islamarkaana wax ku qori jiray wargeyska Washington Post, ayaa bishii October 2018 lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Waxa uu halkaas u tegay inuu kasoo qaato warqado uu u baahnaa si uu guursado gabadha ay is-calmadeen ee Hatice Cengiz, oo ah muwaadin Turkish ah.

Cengiz iyo ururka Dimoqraadiyadda Dunida Carabta ee loo yaqaan DAWN, oo ah urur uu Khaashuqji aas-aasay oo ka dhisan Mareykanka, ayaa dacwadda ka diiwaan geliyey maxkamad federal, oo ku taalla Washington DC.

Daawo:Masuul sare oo ka tirsan Xisbiga waddani oo Amaan ku miisay Jaamacada Shifo & sababta

Daawo:Wasiirka Waxbarashada oo kashifay kooxo mashruucaysta Dhalinyarada S/land,Digniina u diray….

Daawo:Sidii Madaxweyne Muuse Biixi loogu soo dhaweeyay Oodweyne+Dhisme wax ka bedelay Muqaalkii Oodweyne

Daawo:Nuxurka Khudbadii M/weyne Muuse Biixi u jeediyey Bulshoweynta Reer Oodweyne


Daawo:Nuxurka Khudbad Wasiir Siciid Sulub ka jeediyey Madashii Soo dhaweynta M/weyne Muuse Biixi Oodweyne

Daawo:Gudoomiyaha Baanka Dhexe soo bandhigay Sababaha kelifay In Xarun Baan laga Hirgeliyo Oodweyne

Halkani ka daawo wararkii caawa iyo caalamka oo xiiso badan

Ardey lacag la siiyay si ‘loo aqoonsado’ macalinkii Faransiiska ee la dilay

$
0
0

Ardey lacag la siiyay si ‘loo aqoonsado’ macalinkii Faransiiska ee la dilay

Dacwad oogaha wuxuu sheegay in ardeyda ay ninka weerarka soo qaaday tusiyeen macalinka
Dacwad oogaha wuxuu sheegay in ardeyda ay ninka weerarka soo qaaday tusiyeen macalinka

Labo ardey ah oo ku sugan Faransiiska ayaa lacag la siiyay si ninkii weerarka geystay ay uga caawiyaan in uu aqoonsado wajiga macalin Samuel Paty, kaas oo dhawaan lagu gowracay dalkaas kaddib markii ardeydiisa uu tusay sawir gacmeed laga sameeyay Nebi Maxamed N.N.K.H.H, sida ay sheegayaan dacwad oogayaasha.

Abdullakh Anzorov, oo ah ninkii dilka geystay ayaa weerarka kaddib waxaa toogtay booliska.

Dacwad oogayaasha waaxy maanta sheegeen in Abdullakh Anzorov uu labada ardey siiyay 355 doolar si ay uga caawiyaan in uu aqoonsado wajiga macalinka ka hor inta uusan weerarka qaadin.

Ninkii dilka geystay wuxuu ardeyda ka dhaadhiciyay “In uu doonayay in uu muuqaal ka duubo macalinka si uu raalli gelin uga bixiyo sawir gacmeedka laga sameeyay nebi Maxamed ee uu ardeyda tusay” sida uu sheegay dacwad oogaha qaabilsan dambiyada la xiriira argagixisada Jean-François Ricard.

Wuxuu intaas ku daray in labada ardey lagu tuhmayo in ninka ay tuseen macalin Paty isla markaana uu in ka badan labo saacadood kula qaatay afaafka hore ee iskuulka ilaa inta uu kasoo baxayay macalinka.

Labadan ardey ayaa waxay kamid yihiin 7 qof oo ay saraakiisha Faransiiska ku raad joogeen kaddib weerarka.

Olole naceyb oo ka socday Online-ka

Dacwad oogaha wuxuu sheegay inay jireen olole ku saleysan naceyb oo ka socday Online-ka kaas oo ka dhan ah Mr Paty.

Waxaana ololahan lagu eedeeyay in uu garwadeen ka ahaa aabaha dhalay mid kamid ah ardeyda uu wax u dhigayay macalinka, warbaahinta Faransiiska ayaa ninka magaciisu ku sheegtay Brahim C, kaas oo la sheegay in uu soo saaray fatwo ka dhan ah macalinka.

Arbacadii, dacwad oogaha wuxuu sheegay in Braham C ay qaab farriin ah ku wada xiriireen ninkii dilay macalinka ka hor inta aanu weeerarka dhicin, ninka ayaa wajahayaa dacwad.

Undated photo of Samuel Paty
Samuel Paty, waxaa loo diray hanjabaado ka hor intii aan la dilin

Booliska waxa ay Isniintii qaadeen howlgallo xiriir ah oo ay ku bartilmaameedsanayaan shabakadaha Islaamiyiinta, iyadoo 40 guri la baaray.

Talaadadii, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in hay’adda Sheekh Yaasiin Collective – oo ah koox Islaami ah oo loogu magac daray ninkii sameeyay ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas – shatiga shaqo lagala laaban doono maadaama “ay toos ugu lug laheyd” dilka.

Wuxuu sheegay in xayiraaddan ay tahay mid lagu caawinayo bulshada Muslimiinta Faransiiska, iyo Yurub-ba, si aanay galaangal ugu yeelan xagjirnimo.

Hogaamiyaha kooxdaas ayaa ka mid ah 16 qof oo boolisku uu qabtay kaddib dilkii Jimcihii.

Lix qof oo ka mid ah dadkii la xiray ayaa haatan la sii daayay, kaddib markii su’aalo la waydiiyay, dadkaas oo uu ka mid ahaa ninka wax dilay awoowihiis, waalidiintiisa iyo walaalkii oo 17 sano jir ah. Afar arday oo iskuullay ah ayaa la rumaysan yahay in weli la hayo.

Maxaa Samuel Paty loo bartilmaameedsaday?

Isniintii, dacwad oogaha waaxda argagixisa la dagaalanka, Jean-François Ricard, ayaa sheegay in Mr Paty lagu qaaday hanjabaado tan iyo markii uu kartuunnada lagu tilmamay Nebi Muxamed N.N.K.H uu tusiyay ardayda intii uu socday cashar dhinaca xoriyadda hadalka ah, waa horraantii bishan Oktoobar.

Macallimka dhigi jiray Taariikhda iyo Juquraafiga, wuxuu ardayda Muslimiinta ah kula taliyay inay qolka isaga baxaan haddii ay u malaynayaan in dambi laga galayo.

Mr Ricard ayaa sheegay in ninka macallinka dilay uu iskuulka tegay galabkii Jimcaha uuna ardayda waydiiyay inay u tilmaamaan macallinka. Kaddib waxa uu dabagalay Paty oo gurigiisa u lugaynayay, mindi ayuuna ku weerraray.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo Akoon ka furtay Bangi ku yaalla Shiinaha+Sababta

$
0
0

Muxuu yahay “akoon bangi ee Trump uu ku leeyahay Shiinaha”?

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu akoon ka furtay bangi ku yaalla Shiinaha wuxuuna sanado badan ku raad joogay in mashruucyo ganacsi uu ka fuliyo gudaha dalkaas, sida uu ku warramay wargeyska the New York Times.

Akoonka uu ka furtay bangi ku yaalla Shiinaha waxaa maamushaa shirkadda caalamiga ah ee Trump u qaabilsan ganacsiga Hoteellada, wuxuuna bixiyay canshuurta Shiinaha intii u dhexeeysay 2013-kii iyo 2015-kii.

Sababta loo furay akoonkaas ayaa ah “In sahan lagu soo sameeyo heshiisyada ganacsi ee lala galayo hoteellada ku yaalla qaaradda Aasiya” sida laga soo xigtay afahayeen u hadlay Trump.

Madaxweyne Trump wuxuu si weyn u dhaleeceen jiray shirkadaha laga leeyahay Mareykanka ee howlaha ganacsiga ka sameeya gudaha Shiinaha, arrintaas oo horseeday in Shiinaha iyo Mareykanka uu ka dhex qarxo dagaal ganacsi.

Wargeyska New York Times ayaa shaaca ka qaaday arrintani kaddib markii uu helay diiwaan muujinaya canshuurta uu bixiyay Trump iyo midda ay bixisay shirkaddiisa.

Wargeyska ayaa horey u sheegay in madaxwayne Donald Trump uu bixiyay oo kaliya ah $750 doolar oo ah canshuurta dakhliga ah ee Mareykanka, muddadi u dhexeeysay 2016-kii iyo 2017-kii.

Akoonkan uu ku leeyahay Shiinaha waxaa laga bixiyay $188,561 oo doolar oo canshuurta gudaha dalkaas ah.

Trump wuxuu si weyn u dhaleeceen jiray ninka uu loolanka kala dhexeeyo Joe Biden, gaar ahaan siyaasaddiisa ku aadan Shiinaha, xilli lagu wado in 3-da bisha Nofembar ay doorashada ka dhacdo Mareykanka.

Maamulka Trump wuxuu weerar afka ah ku qaaday wiilka Biden ee Hunter taas oo ku aadan in heshiisyo uu la galay Shiinaha. Joe Biden wuxuu sameeyay canshuur celin, warbixinnada dhanka dhaqaalaha ee ku saabsan Biden waxay muujinayaan in wax heshiis ganacsi ah uusan la gelin Shiinaha.

‘Xafiis aan shaqeynin’

Alan Garten oo ah qareen u doodayay ha’yadda Trump ayaa ku tilmaamay warbixinta New York Times mid “Hadallo aan waxbo ka jirin oo la isla dhexmarayo” isla markaana ay baahisay “waxyaabo aan dhabta ka turjumeyn”.

Wuxuu u sheegay wargeyska in shirkadda caalamiga ah ee maamusha Hoteellada Trump “ay akoon ka furatay bangi ku yaalla Shiinaha, waxayna xafiisyo ku laheyd Mareykanka si ay u bixiso canshuurta gudaha”.

 

“Ma jirin wax heshiis ah oo lala galay ama lacago lagala baxay, mana jirin wax ganacsi ah oo la sameeyay, tan iyo sannadkii 2015-kii xafiiska ma aanay shaqeyn,” ayuu yiri Alan Garten.

“Inkasta uu akoonka furnaa, haddana weligii looma adeegsan arrimo kale”.

Majallada New York Times waxay sidoo kale ku warrantay in Trump uu akoonno bangi ku leeyahay dalalka shisheeye sida Shiinaha, Britain iyo Ireland.

‘Waa in aan soo afjarnaa in aan ku tiirsanaano Shiinaha’

Bishii Agoosto, Madaxweyne Trump wuxuu ku hanjabay in shatiyada uu kala laaban doono shirkad kasta oo sii wada wadashaqeynta Shiinaha.

Khudbad uu jeediyay Trump, wuxuu wacad ku maray in uu sameyn doono 10 malyan oo shaqo muddo 10 bilood gudahood wuxuuna yiri: “Waxaan soo afjari doonnaa in aan ku tiirsanaanno Shiinaha”.

Wargeyska New York Times wuxuu sidoo kale faahfaahin ka bixiyay tallaabooyinka Trump uu ku doonayo in fursado uu uga helo Shiinaha, waxay arrintaas u horseeday in sannadkii 2012-kii uu xafiis ka furto magaalada Shanghai.

Diiwaanka dhanka canshuurta ee uu helay wargeyska wuxuu muujinayaa in uu maalgeliyay ugu yaraan $192,000 oo doolar oo uu geliyay shan shirkadood oo yaryar si sanado badan uu mashruucyo ganacsi uga raadsado Shiinaha.

Dawlada Qatar oo Qalabkeeda ka daadgureynaysa Dhismahay Muqdisho ka deganeyd 

$
0
0
Dawlada Qatar oo Qalabkeeda ka daadgureynaysa Dhismahay Muqdisho ka deganeyd 
 

Muddo sanado ah kadib ah dowladda Qatar ayaa ka guureysa dhismo ay kiro ku daganeyd oo ku yaalla inta u dhaxeysa KM4 iyo Cabdiqaasim ee magaalada Muqdisho.

Dhismahaan oo uu ku go’naa dhagxaan iyo albaab ganjeel ah, oo waddada lagu gooyey, ayaa saameyn weyn sanado badan ku lahaa isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha, waxaana sidoo kale ay si weyn hoos ugu dhigeen quruxdii wadadaas oo ka mid aheyd goobaha ugu quruxda badan Muqdisho.

Ilo wareedyo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Warbaahinta u sheegay in Qatar laga dalbaday in ay gurigaan ka guurto si loo furo wadada oo dadweynaha muhiim ah, waxeyna dagtay guri kale oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

“Arintaan muddo dheer ayey soo socotay, waxayna ka qeyb ka tahay olalaha lagu furayo waddooyinka magaalada, waana amar ka soo baxay madaxda sare,” ayuu yidhi sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa la arkayay Qatar oo gaadiid uga qaadaneysa qalab badan oo ay ku shaqeyn jireen shaqaalaha.

Sidoo kale ciidamo halkaasi deganaa ayaa intooda ugu badan laga qaaday iyadoo dhamaan agabyadaas iyo ciidankaba loo wareejiyay xarunta cusub oo ay ka degtay Muqdisho.

Daawo:Ehelka & Qaraabada ruux u geeriyooday COVID-19 oo weeraray madaxii isbitaalka


Daawo:Mid ka mida Kaadiriinta Hogaamiye Xirsi Siyaasada Soo geliyey oo isaga laftiisa Eedo Culculus ku miisay

Somaliland MoFA Diaspora Directorate Applauds Commemoration of WW I & WW II Combatants of the Somalis Battalion in France

$
0
0

Somaliland MoFA Diaspora Directorate Applauds Commemoration of WW I & WW II Combatants of the Somalis Battalion in France

The Diaspora Engagement Directorate under the Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation of the Republic of Somaliland sends congratulation to the Somalis Battalions Association and generally to the Somaliland Diaspora Community in France and vastly appreciates celebrating memorial of the WW I & WW II Combatants of Somaliland origin for the second time on the Saturday, Oct 17, 2020 in Paris.

On behalf of my name, and the name of the Somaliland Diaspora worldwide, I am so happy to express my sincere gratitude to the dedicated activists of the Somalis Battalions Association as well as the Somaliland Community in France for their nationalistic efforts on the momentous historic occasion of commemorating the Somaliland national combatants who fought for France in the 1st and the 2nd World Wars.

Over 2.000 young men a large majority of them as origin of the British Somaliland determinedly fought alongside the French Troops in the World War I in which 400 fighters of them lost their lives at the battle ground whose bodies are currently buried with official notes in different places in France within 1916-1918 whilst 1,200 of them were wounded. Unlike other Africans compellingly engaged, Somalis Battalion (Bataillon Somalie) was recruited with their own accord and free will by the French Colonial Administration in Djibouti. According to evidences and history records, fighting against the Nazi in different places, they did not only demonstrate exceptional bravery but as well proved highly disciplined heroism for which they deserved to be among the most rewarded army unit with the second rank war medals after the war.

Likewise, over 500 Somalilanders entered for Second World War on the side of the French liberation as well and 36 men of the later were killed currently buried at one place. This is in reality factual history of the people of Somaliland and which should ever be remembered and honored.

Compliant with the records and on hand evidences, all those soldiers of the Somalis Battalion who died in the battle though recruited in France by the French Colonial Administration; they were citizens of the British Somaliland and left from all the regions of the current Republic of Somaliland. As shown in the Death Certificates of the late Somalis Battalion Soldiers, during the recruitment, they wrote their birth places as Herer, Hargeisa Burao, Borama, Berbera, Xeeb Berbera, Bari, Guban, Bulahar, Oogo, Hawd, Gaaroodi, Dar Ceel Biir, Geed Adari, Aware, Dari, Agagaalle, Harirad, Badar, Buurdhaab Selel, Marmar/Zeila, Sheikh, Jifada, Baladh, Adalle, Hobyo (Italian Somaliland), Jigjiga (Abyssinia), and the names of so many settlements mainly under the districts and regions of Somaliland plus few others registered as locations under the Italian Somaliland and Abyssinia (Source: Somalis Battalions Association). As the Death Certificates, indicate, among the 1st Somalis Battalion were 25 Somalis from Abyssinia, 200 Yemenis, and 70 Comorians while the rest of 1,400 plus soldiers were young and middle-aged men from Somaliland in the early twentieth century. We shall collaborate with the Somalis Battalions Association to publish the whole List of the Names of the 436 soldiers died and buried in France.

Finally, I am so thankful to the founders of the Somalis Battalions Association commemorating memorial of our beloved fellow citizens who lost their lives as combatants fighting against the Nazi in support of France in the World War I and World War II for the second time to mark this crucial occasion and specially to Mr. Ibrahim Yusuf Guled for this patriotic endeavor in relation to the remarkable milestone of the history of Somalilanders.

“The fact is that if you neglect your history, other people will claim and boast of your noteworthy deeds in the past!

Saad Mohamed Abdi

Director of the Diaspora Department

Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation

Hargeisa, Republic of Somaliland

 

Kulan M/weyne Muuse Biixi Xalay la yeeshay Madax-dhaqameedka reer Oodweyne+Sawirro

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey oo caawa u hoyday magaalada Oodweyne, ayaa kulan la qaatay madaxda dhaqanka iyo odayaasha gobolka daad-madheedh.

Daawo:Siyaasi soo bandhigay Carqalada Siyaasada ka haysata Dhalinyarada Reer Somaliland

Daawo: Mudaharaad ka qarxay Degmada Qoorlugud & wuxu daaran yahay

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>