Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Xisbiga Waddani oo Wasiir Baashe Cali Jaamac ugu hambalyeey waxqabadkiisii

$
0
0

Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro oo uu weheliyo Xoghayaha Guud ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo shalay kulan gaaban la yeeshay Wasiirkii hore ee Khayraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac ayaa ugu hambalyeeyey Waxqabadkiisii mudadii uu xilka hayey.

Madaxda Waddani ayaa sheegtay “in Siyaasada Xisbigooda ay tahay in qof walba waxqabadkiisa lagu qiimeeyey, sidaasdarteed ay aad kuugu hambelyeynaynaa hirgelintii Shirarkii Awrboogeys iyo Adhicadeeye, kuwaas oo keenay in diiwangelintii si nabadgelyo ah uga qabsoonto ilaa xuduudka Somaliland.”

“Waanu ka xunahay in masuulkii ugu waxqabadka badnaa Xukuumada ee mudnaa in la tixgeliyo, isagii xilka qaadistii loogu horeysiiyo, waxaanu rajeynaynaa in arintani aanay waxba u dhimi doonin waxqabadkaagii Somaliland” ayey yiraahdeen.

Mudane Baashe ayaa mahadnaqay, isagoo sheegay in xil ka qaadista lagu sameeyey aanay waxba ka bedeli doonin siyaasadiisii ku aadanayd waxqabadka Somaliland, uuna aad ugu faraxsan yahay taageerada shacabku u muujiyeen.

Kulanka dhiirigelinta ah ayaa ahaa miday aad ugu farxeen qoorweyn Reer Sool ah oo goobta joogey


Passport System’s ‘Racist’ Reason For Rejecting This Student’s Photo Is Terrible

Somaliland Maxay Ku Xusi Doonta Maalinta La Dagaalanka Musuq-maasuqa Aduunka?

$
0
0

9 December oo ku beegan barito oo jimce ah waxa loo asteeyey in ay noqoto maalinta la dagaalanka musuq-maasuqa (International Anti-corruption Day). Waxa laga xusaa dhammaan dalalka aduunka oodhan hase yeeshee waxay ku kala duwan yihiin sida loo xuso. Dalalka qaarkood waxay u dabaal degaan sidii ay uga guulaysteen la dagaalanka musuq-maasuqa ama ay uga cidhib tireen bulshadooda. Kuwo kale waxay maalinta u xusaan in la dardar geliyo la dagaalanka musuqa iyo in lays xasuusiyo in ololaha la sii wado ilaa inta xidida loo siibayo.

Hadaba Somaliland iyadu sidee ayey u xusi doonta, maxayse ku xusi doonta maalinta musuq-maasuqa aduunka? Sidii looga bartay xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo laga fili maayo in ay xusi doonto ama ay soo hadal qaado sababta oo ah musuq-maasuqu xagooda cudur kama ah balse wuxuu ka noqday dhaqan iyo wax nolosha ka mid ah.

Maamul xumida iyo musuq-maasuqa oo laga faana wuxuu la kawsaday xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa hormood ka ah madaxda ugu saraysa ee dawlada, wuxuu hoos u xulay ilaa halka ugu hoosaysa maamulka sidaas oo kale wuxuu ku baahay qaybaha kale ee bulshada.

Waxay u eegtahay madaxweynuhu in uu wasiiradiisa iyo qaraabadiisa O-k siiyey si ay u sii xaalufiyaan dalka, raga qaarkood waxa la moodaa inay yihiin ‘transit’ meelo kale u sii sahay qaadanaya. Si musuq-maasuqa loogu fududeeyo waxa hawl gab laga dhigay ama awoodii laga qaaday hay’adihii dawlada ee ku shaqada lahaa ilaalinta hantida umada sida Hantidhawrihii Qaranka oo shicibku is-waydiinayo halka uu ku dambeeyey, xisaabiyihii guud oo isagana loo casilay agaasime waxaad ka tirsan wasaaradda maaliyada oo haba yaraatee aan lahayn awood uu isku hor taago lacagaha sida sharci darada ah loogala baxayo khasnada dawlada iyo guddigii qandaraasyada oo hawshoodii loo weeciyey dhinaca madaxtooyada; si rayul caamka dadweynaha loo qaldana badalkoodii waxa la magacaabay hay’ad la yidhaahdo komishanka Maamul Wanaaga iyo La Dagaalanka Musuq-maasuqa oo runtii wax baahi ah loo qabin.

Madaxweynuhu haddii uu daacad ka yahay la dalaanka musuqa kaliya waxa uu xoojin lahaa hay’ada qaab dhismeedka dawlada ku jira ee kor xusan. Si kastaba ha ahaate labadii sanadood ee ugu horeeyey Komishanku waxay soo uruuriyeen xogo muhiim ah oo tibaaxaya hanti la lunsaday iyo masuuliyiintii gacan tugaalaysay hase ahaate mar dambe waxay ku baraarugeen in aanay madaxweynaha dhab ka ahayn la dagaalanka musuq-maasuqu oo magacooduna yahay food saaro markii warbixin kasta oo madaxweynaha loo soo gudbiyo hoosta la dhigay ama waxba laga qaban waayey masuuliyiintii magacyadooda lagu xusay warbixinta komishanka.

Si kastaba ha ahaate musuq-maasuqu wuxuu ragaadiya kobaca dhaqaalaha, wuxuu fadhiid ka dhigaa maamul wanaaga, wuxuu kalsooni daro ku abuuraa maalgashiga, waxa joogsada ama yaraada deeqihii dalku ka heli jiray beesha caalamka, aakhirkana wuxuu galaaftaa xukuumadii u dul qaadatay ku dhaqanka musuq-maasuqa.

Gabagabo mudane madaxweyne waxba been ayaan run lagaaga dhigin, xukuumadaadu waxay taariikhda ku gali doontaa xukuumadii ugu musuq-maasuqa badnayd ee sii marta Somaliland.

Cabdiraxmaan Cadami
abdirahmanadami22@gmail.com

Ma Isku Shandhayn Mise Gawricii Muuse Biixi Iyo Gunanadkii Xisbiga Kulmiye?

$
0
0
shakirkaariye

Gawricii Muuse Biixi iyo Gunaanadkii xisbiga Kulmiye….

Waxay ay ahayd habeen madaw iyo tallo madaw iyo go,aan madaw markii habeen hore madaxtooyada Somaliland ay soo saarty isku shandhayn aanu musharaxa kulmiye mahadin doonin aadna uga biyo diideen TaageerayaashiiSII oo aad moodo in loogu talo galay mijo xaabinta Muasharaxa Muuse Biixi iyo Kulmiye.
Habeen la wada sugayay lana saadalinayay xaalka kumiye faallo iyo falanqayn bal siduu xaal noqon doono aadna loogu wada dhagtaagayay meelaha iyo wasiirada ay seeftu la tagi doonto.

Hadaba waxa ay isku shaandayntani noqon doonta tii ugu danbaysay ee aqalk madaxatoyada kasoo baxada,waxana lawada sugaayay laba mid uun a) badbaadadii kulmiye oo ay meesha ka baxan wasiirada xukumada ugu tunka waynaa ee aan la shaqaynta buuxda lalahayn gudomiyaha xisbiga kulmiye iyo b) in Muuse Biixi lagu garab istaago musharaxnimadiisa oo ay mesha soo galaan siyaasiyin daacad u ah lana jaan qaadi kara musharaxa xisbiga kulmiye wayse nasiib darro ka simbiriiraxatay oo waxay noqotay mid himiladii,hankii iyo halgankii Muuse god madow biyo ugu shubta. Waxay laashay rajadii Muuse Biixi ka qabay inuu codad ka hello Gobalada bariga, Gobolada Hawd iyo Gobolada Galbeedka laguna sadqeeyay rajadiisiina loogu quus gooyo lana kala fogeyo isaga iyo siyaasiyinta miisanka culus ku dhex leh beelohoda.
Taasi waxay ku tusaysaa fahamdarda iyo aqoon gaabnida musharaxa xisbiga kulmiye ee garan la,a meesha laga xigo iyo siday wax u socdaan.
Si kastaba ha ahaatee tani waxay noqonysaa Gawracii Muuse Biixi iyo Gunaanadkii Xisbiga Kulmiye iyo gabagabadii waayihii madowaa ee kulmiye.Waxaana markhaati u ah siyaasiyiinta cusub ee xilalka loo magacabay inaanay lahayn wax hasaawe mooye hoga tusalayn majaraha siyaasadeed ee gurracan ee kulmiye mana aha qaar shacbiga iyo beelaha ay kaso jedaan misaan siyaasade ku dhex leh, taasina waxay marag ma doon u tahay burburka kulmiye waxana cagaha loo laabay 7sanno oo xisbiga kulmiye qaranimadii Somaliland god madaw ku riday,rajo la,aan iyo himiladii shacbi waynaha Somaliland oo banana cidla ah lagaga dhaqaaqay 7 sanno oo eex,musuqmaasuq,qaarbo kill,hanta urursi ahayd.
Guntii iyo gabagabadii waxay shacbi waynaha Somaliland is waydiinayaa:-
1- Ma xukuumada kulmiye ayaa ku hawlan sidii ay Muuse sidii u fashilin lahayd una waydaarin lahayd karkaarka?
2- Ma Muuse Biixi ayaa wixii lagu dannisanaa ee in badan dadku ku xaman jiren xejin kari waayay?
3- Ma Muse Biixi ayaa uur xumadu iyo cadaawadii Gobolka Hawd ku simi wayday inta doorashadu dhacayso?

Hadal iyo dhamaantii Habeenkaasu wuxuu u ahaa Gudoomiye/Murashax Muuse Biixi habeen baas iyo Alahayoow dab maysoo amaahatay…

Shakir kaariye
Hargeisa Somaliland

shakir2080love@gmail.com

Tacsi: Geerida Naxdinta leh Ee ku Timi Abdirahman Mohamed Abdillahi Sool.

$
0
0

Inalilaalilaahi wa inalilaahi rajacuun, Aniga oo ah Osman Abdillahi Sool iyo Dhamaanba Qoyska Reer Abdillahi Sool Geerida Naxdinta leh ee Ku timi wiil-kii aan Adeerka u ahaa Marxuum Abdirahman Mohamed Abdillahi Sool oo ku geeriyooday Cariga Ingiriiska (London) maanta oo Taariikhdu ay tahay 07/12/2016.
Tacsidan waxa diraaya……
1- Osman Abdillahi Sool…Xaaskiisa iyo Caruurtiisa….
2-Abdirisaaq Abdillahi SooL….Xaaskiisa iyo Caruurtiisa
3-Muxyadin Abdillahi Sool iyo Caruurtiisa
4-Fisa Abdillahi Sool iyo Caruurteeda
5-Amina Abdillahi Sool iyo Caruurteeda.
6-Ruqiya Abdillahi Sool… iyo Caruurteeda.
7-Koos Abdillahi Sool iyo Caruurteeda.
Waxaanu Ilaahay uga baryeynaa Marxuunka in uu naxariistii Jano ka waraabiyo.

By: Osman Abdillahi Sool. Copenhagen

Xisbiga Waddani Oo Deeq Lacageed Ugu Deeqay Iskuulka Farsamada Gacanta Ee Haldoor Oo Uu Dhismihiisu Ka Socdo Xaafada Maxamed Mooge Iyo Ururka Haldoor Oo Ka Guddoomay

$
0
0
wadaniiskuulfarsamo

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa maanta deeq lacageed ugu deeqay dhismaha iskuul farsamada gacanta lagu baranayo,kaasi oo dhismihiisu ka socda degamada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa,waxaana deeqdaasi ka guddoomiyey ururka dhalinayarad ee Haldoor oo dhismahaasi iyago wadda hirgelintisaa,iyadoo ay Xisbiga WADDANI uga mahad-naqeen deeq ay ugu deeqeen dugsiga farsamada gacanta lagu baran doono ee Haldoor.

Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ayaa saaka kormeer ku tegay xarunta uu dugsigan ka socda ee xaafada Maxamed mooge,waxa hoggaaminayey musharaxa Xisbiga WADDANI iyo siyaasi Ismaaciila buub iyo siyaasi Aadan dhoolayare iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga WADDANI, kuwaas oo kamid ah saraakiisha Xisbiga WADDANI,waxaana kormeerka kaidb saxaafada kala haddlay isla goobta uu ka socda iskuulkan farsamada gacanta lagu baranayo Siysaasi ismaaciil buubaa”Iskuulkan maraya meel wanagasan maraya ee dhakhso isha allahu u dhamman doona in aanu nimaadno in guddoomiyuhuna yimaado oo uu la socdo mashruucan qiimaha weyn leh oo uu saani ula socdo, sida aad ogsoontihiina tacliinta gacantu waxay leedahay qiime weyn ayey u leedahay wadanka, ardayda gashana rag iyo dumar-ba wax weyeen qayb siinaysa dadkii doonayey in ay farsamada bartaan iyo dadka doonaya ilaa jamacada in ay socdaanba iskuulkaasi wax weyn ayuu u tarayaa,waxa laga yaabaa in uu soo saaro kolkaasis ma-aha wastaaddada iyo nijaarada uu wadanku u baahanyahay,lakiin’se dadka dayuuradaha sameeya ee jaamacada iyagoo oo tacliin hoose oo mihiim ah oo tacliin gacmeed qaatay, dabadeedna tacliintee kala inta ay ku darsadaan dadka runtii wax weyn ka qabtay wadan walba horumarkiisa weeyaan iskuulkan, ururka haldoor ee aasasay qoondeeyey in badan soo gaadhsiiyey aad ayey u mahadsan yihiin “Ayuu yidhi buuba

Siyaasi ismaaciil buubaa oo haddalkiisa siiwata ayaa yidhi “Dowlada waddani waxay ku dhaqaaqi doontaa runtii in ay aad iyo aad culayskeeda u saarto iskuuladan oo kale ,waxaanu ugu busharaynayaa ururka haldoor haddi ay dowlada waddani xukunat hadday timaado in ay aad iyo aad ula shaqayndoonto iskuulkan iyo kuwa lamid ka ahba.

Dhanka kalena waxa isna halkaasi ka haddlay musharax madaxweyne ee Xisbiga WADDANI C/raxmaan Cirro waxaanu ku bilaabay ”Marka hore waxaan u mahad-naqayaa guddoomiyaha iyo dhammaanba xubnaha ururka haldoor eek u dhiiraday iskuulka intaas lee gee aynu dhex joogno ee dhismihiisu halkaa taaganyahay in ay u badheedhaan iyagoo dhalinyarad ah iyagoo tijaar ahayn,waxay ina tusinaysaa taasu dadku markay niyada la yimadaan waxay qabsan-karaan,markaa waxaan ku dhiirigelinayaa dhammaan dhalinyarada Somaliland in ay ku daydaan oo ay tusaale fiican u yihiin dhalinyarad haldoor”Ayuu yidhi Cirro

Gunaanadkii Musharax C/raxmaan cirro ayaa halkaasi kaga dhawaaqay isla markaana isla goobta ku wareejiyey deeq lacageed oo uu Xisbiga WADDANI kaga qayb-qaadanayo dhismaha iskuulkaasi“Waxaanu jeclay in aanu ka soo horayn hadda, haddii aanu nahay xisbiga WADDANI guud ahaan oo ay dadku waxay qabsadeen aanu indhahayaga ku soo aragno,waxaanu jecelnahay in aanu qaadhaan yar ku darno iskuulkan ee ka badanina wuu soo socdaa, maanta waxaanu ku daraynaa lix kun oo dollar, dhammaan taageerayaashayada waxaanu ugu baaqaynaa in ay gacan soo siiyaan iskuulkan hadda iyo haddi uu iskuulkan dhismihiisu dhammaado-ba

Hadalka wanaagsani waa sadaqo

$
0
0

Heerkastood ku sugan tahay xaalad kastood ku sugan tahay noqo qof haddal wanaagsan ku dhawaaqa.
Subaxkastood soo toostid kuma soo toosaysid farxad sida noloshu u tahay imtixaan ayaad maalin walba la kulmi doontaa waana imtixaanka nolosha , waad farxumi doontaa, waad cadhoon doontaa, waanad murugoon doontaa wakhtiyadda aad nooshahay, waad farxi doontaayoo asxaabtaad la wadaagi doontaa ,waad murugoon doontaayoo way kugu adkaan inaad cid la wadaagtid , waa imtixaan nololeed oo taagan markasta , haddaad faraxsan tahay dadbaa murugaysan, haddaad murugaysan tahayna dadbaa faraxsan. Heerkastood taagan tahay haddana dad baan taagnayn. Halkaad taagan tahayna dadbaa kaa hooseeya ama kaa sareeyaba. Farxad kastood haysatidna dadbaan haysan.
Ha noqon qof laga dareemo cadhada iyo niyad jabka, waayo waxaad qarka u saaran tahay guul daro, haddii cadho iyo murugo ku noolaatid.
Noqo qof u dhoolacadeeya imtixaanka iyo mushkiladaha nolosha, imtixaankasta oo aad la kulantidna ku Mahadnaq Alle (Swc).

Noloshu waa farxad, marna niyadaada ha jabin hana cadho galin, waayo waxa adkaan doonta jidkii aad haysay waanad ka weecan doontaa jihaddii aad jeclayd inaad u socotid.
Dadka aad qiiradda iyo murugadda ka dareentid la wadaag farxad kana dhaadhici in noloshu imtixaan tahay oo laynagu eegaayo.
Samir oo noloshaada bar samirka dulqaadka iyo u adkaysiga carqabadaha nolosha.

Nolosheena dhabta ahi waa ta aakhiro halka ta dunidu tahay imtixaan, ta aakhirase maaha imtixaan ee waa helitaanka wixii aad adduunka soo shaqaysatay.
Intaad adduunka ku sugan tahay noqo qof haddal wanaagsan oo sadaqo ah laga dhaxlo haddalkastood tiraahdaa wuxuu markhaati kuu noqon doonaa maalinta qiyaame.

Imtixaanka adduunka ee jaamacadaha , iskuulada iyo meelkasta cid iskuma sheegto se imtixaanka Aakhiro Alle ayaa inoo sheegay oo waxa laynoogu sheegay inaynu Raacno waddadaa khayrka iyo ku dayashadda Jidkii Rasuulkeenii Muxamed N.N.K.H
Alle ayaa ku mahadsan markasta ilaahayaw markasta umaddaada ka dhig kuwo qaata amarkaaga iyo Jidka toosan ee Alle inoo jeexay.
Alle ha inaga dhigo kuwo farxad iyo caafimaad ku soo toosa subaxkasta.

Alle ha inaga dhigo kuwo hadalka intiisa ugu wanaagsan iyo intiisa ugu khayrka baddan hadasha.

Farhan Mohamed Sultan (Rakad)
Article: 208
Berbera
Farxaanmxd@gmail.com

Jamaal Oo Mar 3aad Ka DhacayTareenka Siyaasadda!

$
0
0

Waxan halkan ka salaamayaa, marka hore Dhamaan Ummadda Gobta ah ee reer saaxil, waxana aanu ku tahniyadaynayaa go’aanka ay gaadheen ee uu ay ku biireen Xusbi Mucaaridka Waddani, oo weliba uu ka madax yahay Nin reer Saaxil ahi oo ah Cabdirahman Cirro. Gudiddii uu isagu soo xulay ee shanta ahayd iyo xildhibaanaddii, Haweenkii, dhalin yaraddii, salaadiintii, aqoon yahankii, wax garadkii, qurba-jooggii oo isu dhan, baa saaka si cad u bayaanshay mawqifka Saaxil iyo aayo ka talintoodda, si badheedh ahna u sheegay, halka ay ka taagan yihiin, iyo sidda ay u arkaan taladda saxdda ah, sidaas awgeed Jamaal mar 3aad ayuu tareenka siyaasadda ku kashimay, waxana aan leeyahay, fulaw guuli uu dhawaydee. Saaxil badbaadinta dalka iyo dadka bay u soo tafaxaydatay, waana ka waayo arag Kulmiye iyo waxa uu walaaqaayo, waxanu leenahay Mabruuk taladda aad gaadheen, waa tii loo baahnaa, maydin khaldamin, ee waad ku taagan tihiin dhabaddii saxdda ahayd.

Waxaan Eebeheenu kuu qorin, ilayn quud kuuma noqotoo, adaa qulubkaa is geliyoo, kuwii ku qalee, qudhaadda jaree, ayaad qoolkii u geshoo, siddii neef la qalay, ku qoob xidhay, Jamaalaw ku quudhsaday, miyaad isu qoontay maantana, qatyoodi cagaa la gashoo, halkii qumanayd u maad qaxin, ee hadaad qabriggii quluulatay, qiyaastii kaa halawday ooy dhimatee, is daba qabo maandhe, waad qaldantee. Waxan halkan ugu sheegi lahaa Jamaal Cali Xuseen, Shantii xubnood ee aad soo dooratay iyo Saaxil dhamaanba, waxay ku taabsiiyeen waaqiciggii, waxana soo baxayaa, wixii la sheegaayey, ee inta badan ku rafanaayey ummadda, taas oo ahayd, in ay madaxtooyadddii iyo kumiyihii, isu kaa kaashaday in ay gondaha ku jaraan, aad maantana isu dhiibtay, iyana ay iilka kuu sii dheeraynayaan, go’aanka reer saaxil hadaad ku gacan saydho, ogaw adiga baa meel xun is dhigaye, isu loogay bahalaha, oo soo dedejiyey maydkaaka siyaasadeed.

Waxan ku soo xidhay mar kale ka tasho aayahaagga, oo raac halka ay martay saaxil, taas baa aayo kuugu dhaw, haddii aad is tidhaaho hadhaw ama mar kale isku day, kuwa aad hoos imanaysaa waa Saaxil, iyo wadani oo hiil iyo hooba kula barbar taagan, maanta bay tallo kula gudboon tahay, inta aanay mar kale jar iska tuurin, siwacan u feker, oo ha is dhiibin, qaado taladda Gudidda kula garab taagan taageeradda, iyo wadani oo dhan, oo kuu hiilinaaya, booska aad doonto ka qabso waddani, laakiin Kulmiye waa ku daayey, saaxila Waddani bau isugu biyo shubatay, cidla ha ku dicin ee waddani ku biir. Ka daa niyad jabka dadkii kuu hiilinaayey, ee garabkaaga taagnaa, ilaa maalintii, uu ka waalan ee Ina Cali Dhurwaa uu gacanta u galay, kii ku lahaa UF iyo askarta aan waxba dhulka ka oolin. Waxan kaga baxay qoraalkan, Saaxil halkii la filaayey bay ka soo dhalaashay, milyan jeerna way mahadsan yihiin, waa Gob-Gobi dhashay, waana lagu yaqaan, waxana ay abaareen halkii ay ahaydxaqiiqdu, ee ay u dhimatay.

Qore: Daacad Alle Yaqaan.
daacad1512@gmail.com


Daawo:Madaxda Kulmiye,Ucid & Waddani oo ka hadlay Mawqifkooda Xubnaha magaca Somaliland ku metelaya Doorashooyinka Somalia ka socda

$
0
0

Daawo:Madaxda Kulmiye,Ucid & Waddani oo ka hadlay Mawqifkooda Xubnaha magaca Somaliland ku metelaya Doorashooyinka Somalia ka socda

Dibu-milicso oo Daawo Wasiir Cusub oo Xukumada Siilanyo ku eedeeyay inaan Go’itaanku dhab ka ahayn oo Bulshada khiyaamanayso,Burburkii wadahadalada Somalia & S/land-na Tunka u saaray Siilanyo

$
0
0

Dibu-milicso oo Daawo Wasiir Cusub oo Xukumada Siilanyo ku eedeeyay inaan Go’itaanku dhab ka ahayn oo Bulshada khiyaamanayso,Burburkii wadahadalada Somalia & S/land-na Tunka u saaray Siilanyo

Daawo:Wasiir M.Siilanyo Caydhiyey oo siro badan kashifay,Madaxtooyada oo laga celiyey,Xilal uu sheegtay inuu hayo oo aan laga qaadi Karin+Arimo kale oo xasaasiya.

$
0
0

Daawo:Wasiir M.Siilanyo Caydhiyey oo siro badan kashifay,Madaxtooyada oo laga celiyey,Xilal uu sheegtay inuu hayo oo aan laga qaadi Karin+Arimo kale oo xasaasiya.

Daawo: Shir Dhaqan Oo Magaaladda Burco Uga Furmay Cuqaasha iyo Waxgaradka Beelaha Galbeedka iyo Waqooyiga Burco .

Boris Johnson’s Saudi Arabia criticisms ‘not Government’s view’

Sawirka Todobaadka Calooshooda u shaqaytaaysha Muqdisho u tagay damac gaar ah oo aanay cidna ku matalin iyo burburkii dawladii Somaliya u gaystay Hargeysa isu daawo

$
0
0

hargeysaburbur
Bal is barbar dhig labaddan sawir. Mid waa burburkii Hargeysa, markii uu dhamaaday dagaalka xorriyada 1991. Midka kale waa shaqsiyaal ka socda Somaliland oo damac leh waxaanu wakiil ka nahay ummada Somaliland oo “barlamaanka federalka” isu sharaxaya.
calooshoodaushaqaystayaal
Qofkii is leh, xorriyada Somaliland iyo wixii la soo maray baan ka hortagayaa, wuu riyoonayaa. 1960 xorriyadii la tuuray la soo celi, haday mar seddexaad noqotana, dee Somalilanders waa u diyaar in nafta loo huro dalka. Weligaa taa ha iloobin.

Jamaal oo sidii Fayzal u dhaqmaya iyo garabkii oo Waddani ka hilaacay

$
0
0

Jamaal Cali Xussien wuxuu isla waayay lacag loo celiyo iyo siyaasada oo uu ka nasto. Shardiga lagu xidhay ayaa ah in uu Kulmiye ka soo xaadiro haduu doonayo in waxoogaa lacaga la siiyo. Dowlada iyo Kulmiye midna ciyaal uu Jamaal khiyaamayn karo maaha oo intuu lacag ruqsado uu taageera yaashana u sheego in uu beri danbe xisbi furan doono iyaguna halkay doonaan ku biiraan. Waxa xaqiiqa in Jamaal lagu yidhi hadaad lacag doon tahay ku dhawaaq inaad Kulmiye taageereyso. Sidaa darteed ayaa garabkiisii kaga talo goosteen oo xisbiga Waddaani uugu biireen oo way ka diideen in uu Kulmiye u kaxeeyo. Haduu Jamaal dowlada iyo Muse Biixi yo Faizal Cali waraabe ka caban jiray iminka wuxuu bilaabay in isagu istaago jagadii Faizal oo dhana lacag ka doonto dhana kuwii is bar-bartaagay maalintii shirka Ucid laga soo xidhay uu ku badhi furo oo la macna garan waayo oo uu weliba warbaahinta hadalo u mariyo oo uu saaro denbi aanay lahayn oo uu isagu leeyey. Shimbiro laba geed ma wada gurato. Jamaal you cannot have your cake and eat it at the same. Jamaal maanta wuxuu warbaahinta kaga faanayay aqoon yahan baan ahay. Talow maxay aqoontu u hagi wayday ee Faizal oo damiin ihi uuga badiyey sharciga yar ee xisbiga ucid ee uu odhan kari waayay shir gole-dhexe ha fadhiisto oo musharax nimadayda ansixiya waagii uu ku soo biiray. Jamaal wuxuu kale oo dilo ka dhiganayaa isaga oo u muudh-muudh tamaya in uu Kulmiye ku biiro beri Gaboose iyo Sulieman gaal. Kuwaa iyaga tartan baa ka dhexeeyey colna may noqon cidina may bahdalin sidaada.
Isku soo xoori Jamaal wuxuu u dhaqmayaa sidii Faizal Cali waraabe oo habeen kiina dowlada iyo Kulmiye ayuu la joogaa oo lacag ka hadlaa maalin tiina garab kala yaacay buu daydayaa. Kulmiye na lacag siin maayo ilaa uu ku dhawaaqo in uu iyaga ka mid yahay. Dabeed sidaa ayuu Jamaal aas qaran isugu samaynayaa. Qabile iyo Roda Ahmed Yassin iyo Hassan Sabce iyo qaar kaloo badani haday kaa baxeen cid ku hadhay ma jirto. Markaa Kulmiye wuu miisaamaya Jamaal oo wax badan ka heli maayo sabab too ah taageera yaal ma wato oo halkaa ayay lacagtuna kaga yaraanaysaa.

Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com


Jamaalow musharax Cirro dagaal lamuu gelin Gaboose Reerna ma dhex dhexaadin ee cod baa kala saaray’

$
0
0

Siyaasada Somaliland ee sanadkan 2016 waxey ina bartay shakhsiyaad aan lahayn han siyaasadeed oo fog kuwaasi waa rag xidha saadh ka weyn oo markay xaajadu qadhaadhaatu ayuu soo shaac baxaa midabkooda rasmiga ahi sida inoo wada muuqata nin dhalinyaro oo firfircoon oo aan islahaa siyaasada dalka wax badan buu ka bedeli karaa haduu ka qayb qaato balse noqon waa Jamaal oo waa kan durbaba u sii eekaanaya Faysal Cali Dhurwaagii uu ka caban jiray iyo gacantii xaga dambe kaga jirtay ee uu imikana rabo inuu si toos ah ugu biiro Kulmiye oo ah gacantaas waxaa hadaba layaab leh ereyada uu Jamaal isticmaalayay oo ay ka mid ahaayeen Gaboose waa kaa Cirro ku biiray iyo Saleebaan Gaal iyo Siilanyo wey heshiiyeen bal aynu yara falanqayno ereyadaas uu sid kaa fiirso l’aan u yidhi Jamaal

Nacam Siilaanyo iyo Saleebaan wey ku heshiiyeen shirkii Gardag waana mid marag madoon ah hseyeeshe heshiiskaas beeleysnaa waxaa ka sii horaysay sanado badan oo ay fiintu kala dhex miiranaysay labadaa siyaasi oo aan isku aragti noqon

Waxaa kaloo carabka ku dhuftay Dr. Gaboose oo watay ururkii dhacay ee Ummada iyo Musharax Cirro labadaas masuul may ahayn rag u tartamay hab beeleed hadii laga tagi waayana beesha Cirro waxaa u sharaxnaa afar siyaasi oo uu midba wato urur siyaasadeed gaar ah waxaana xusid mudan Foosiya Xaaji Yuusuf iyo Wasiir Xamar jooga oo aanaan magaciisa hayn oo isna urur watay intaas oo urur ayuu reerka Cirro watay cid kala saartay ama odayaal dhex galay oo kala hadha yidhi lama hayo waxaan aakhirkii isu soo hadhay Umada oo uu Gaboose watay iyo Wadani inta aanuu Xisbi Qaran u gudbin labdaa siyaasi iyana calafkooda waxey ku kala qaateen cod oo uu ku soo baxay Gaboose ka dibna qasab bay ku noqotay Dr. Gaboose in uu ku biiro waayo taageerayaashiisaa ku adkaystay arrinkaa xaga aanuu isagu shakhsiyan uga dhex muuqan saaxada siyaasada xiligaa wixii ka dambeeyay halka uu Dr. Gaboose hiil iyo hooba la garab taagnaa Siilaanyo maanta wuu ka gaabsaday taageerada Cirro

Hadaba Jamaal Cali Xuseen malaa saaxada siyaasada oo aanuu u samri karayn buu ku yara degdegay bay ila tahay aniga waxaana haboonayd inuu raaco dumarkii iyo ragii u soo halgamay ugana hiiliyay Dhurwaaga Kulmiye ku shaqaysto hadii kale dib ha ugu laabto qurbaha iyo shaqoonkii uu ka soo tagay tani waa Somaliland oo wey soo tuftaa beer jileec iyo is rogroge Faysal baana tusaale ugu filan hadii uu taa diidana ha doorto reernimada uu u badheedhay Cali Guray oo ay dadku moodayeen nin dalka iyo dadka wada jecel balse dhaliisha beelaha kale ku dheereeya halka uu ka gaabsado kuwa beeshiisa ee dhiifta ku qaba xukuumada Kulmiye

Daahir Sancaani
dsancaani88@gmail.com

Daawo:Cali Khaliif oo xilka u kala wareejiyey laba masuul oo dawlada Somalia u soo magacawday Buhoodle

$
0
0

Daawo:Cali Khaliif oo xilka u kala wareejiyey laba masuul oo dawlada Somalia u soo magacawday Buhoodle

Madaxda Madasha Wada-Tashiga Oo mudeeyay,Iskuna Raacay Xiliga Ay Dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Somalia

$
0
0

 

Iyadoo maalintii labaad uu galay shirka Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa waxay isku afgarteen xilliga rasmiga ah ee ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka iyo weliba xiliga la dhaarinaayo xildhibaanada labada aqal.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in qodobo horudhac ah la isku afgartay, qaar kalena ay wax ka dhiman yihiin, iyadoo kuwa dhiman ay u badan yihiin cabashooyin ay Puntland tirsaneyso oo ugu horeyso tabashada xubnaha Aqalka sare ee Gobolada Waqooyi.

Madaxda Madasha iyo wakiilada beesha caalamka ayaa waxay isku afgarteen in marka hore la dhaariyo xildhibaanada baarlamaanka 15-ka bishan, isla markaana Guddoonka Baarlamaanka la doorto 22-ka, halka doorashada Madaxweynaha la isku afgartay in ay dhacdo 28-ka bishan.

Ergeyga Qaramada Midoobey Micheal Keating ayaa ku celiyay in doorashada aanay dhaafi karin bishan gudaheed, maadaama shirka Golaha Ammaanka ee dhacaya horaanta bisha Janaayo ee sanadka cusub 2017 laga sugayo inuu warbixin ka jeediyo, sidoo kale waxaa shirkaas khudbad khadka la iska arko (Video Conference) ka jeedin doona Madaxweynaha cusub ee la doorto.

Hase ahaatee caqabado wali ka jira dhameystirka hanaanka doorashada iyo arrinta Aqalka Sare ee Somaliland ayaa waxaa ay ku keeni karaan dib u dhacyo mar kale soo wajaha doorashada Soomaaliya ee sanadka 2016.

 

Daawo:Sacuudi Carabiya oo si rasmiya u joojisay xoolaha somalia ee dalkeeda loo dhoofiyo,Maxayse ku qoonsadeen?

$
0
0

Daawo:Sacuudi Carabiya oo si rasmiya u joojisay xoolaha somalia ee dalkeeda loo dhoofiyo,Maxayse ku qoonsadeen?

Daawo:Faadumo Siciid oo ka sheekaynaysa Mucjiso-badawnimo oo ku dhacday dhawaan maray kiraystay Baabuur meel kale laga hagaayey

$
0
0

Daawo:Faadumo Siciid oo ka sheekaynaysa Mucjiso-badawnimo oo ku dhacday dhawaan maray kiraystay Baabuur meel kale laga hagaayey

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>