Daawo:Cali Khaliif oo ka hadlay wadahadalada Somaliland & Khaatumo & Qolyo barbaryaacaya oo Codanle tegay
Daawo:Cali Khaliif oo ka hadlay wadahadalada Somaliland & Khaatumo & Qolyo barbaryaacaya oo Codanle tegay
Fadeexado ka soo baxaaya xoolaha uu Suuudigu hakiyay oo Berbera laga dhoofiyay Iyo Wasiirkii Xanaanada Xoolaha oo Ciyaaro kale ku jira

Bebera,(Qaran-news)-Dawlada Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday in ay xayirtay dhamaan xoolahii uga dhoofi jiray dhulweynahii la isku odhan jiray Somaliya, hadaba hakinta xoolahaasi oo aad uga nixisay qomiyadaha Somaliada ayaa waxa aanu dabagal ku samynay sida ay wax u jiraan, waxna aanu ogaanay oo ilo mihiim ahi noo xaqiijiyeen in dekada magaalada Berbera laga diray Lo’o xanuunsnaaya oo aan la sii badhin sidii caadiga ahayd taasi oo sababtay in ay dawlada Sucuudigu ay xayirtay xoolahii gabi ahaanba uga iman jirayt Somaliland iyo Somaliyaba.
Waxa hoos u dhac uu ku yimid oo arintani sababteeda leh wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Mr Cukuse, oo ku mashquulsan arimo siyaasaded iyo kuwo naftiisba oo gabi ahaanba hoos u dhigay arimihii wasaaradiisa, waxa sidoo kale isbadal balaadhani ku yimid maamulka dekada Berbera oo aan hubinin yaalaaba xoolaha ka dhoofaaya dalka iyada oo gudoomiyaha iyo ku xigeebka cusub ee la keenay ay dayaceen shaqadoodii isla markaasina ay ku mashquulsanyihiin arimo kale oo shaqsiyan ah, tan iyo intii maamulka dekada laga wareejiyay Eng. Xoor’xoor waxa sii degaaya adeega ay bixin jirtay dekada Berberi
Dhimashadii Geello!
Waxa jiray nin faqiir ah oo ku noolaa meel miyi ah oo tuulo yar u jirta dhawr mayl. Ninkani iyo qoyskiisu wax adduunyo ah waxa ay lahaayeen xayn yar oo adhi ah iyo dameer. Dameertani ayaa idil ahaan qoyska u ahayd gaadiid. Marka raashin loo baahdo iyada lagu dooni jiray, marka biyo loo baahdo iyada ayaa lagu soo dhaamin jiray, marka la guurayo iyadaa la rari jiray oo lagu guuri jiray, sidoo kale na waxa ay ahayd mid qoysku ku qabsado danaha kale ee ay leeyihiin. Dameertaas la’aanteed reerku nolol la’aan ayuu noqon lahaa.
Odaygii reerku kolkii uu aad ugu bogay waxtarka intaa leeg ee ay dameertu ugu jirto nolosha qoyskiisa, ayaa waxa uu u bixiyay Geello, isaga oo uga jeeda in ay buuxisay kaalinta uu geelu uu u buuxiyo reer-guuraaga. Sida oo kale na waxa uu odaygu nidar uu ku galay, haddii ay Dameertiisa Geello ay isaga ka hor dhimato, in uu kanfi doono sida Ibnu aadaamka loo kanfo oo kale goorta ay dhintaan, waliba uu sidoo kale uu u aasi doono sida dadka loo aaso!
War waa ka danbeeyee, habeen ayay tii Alle ay u timi Dameertii Geello oo waa ay dhimatay. Odaygii aad buu uga xumaaday geerada ku timi Dameertiisii. Isaga oo ay geeriyi guudkiisa ka muuqato ayuu waxa uu u dhaqaaqay in uu oofiyo axdigii iyo ballantii uu qaaday. Dameertii maadama ay ahayd wax cuf ahaan iska liidata waa uu isku jabiyay oo waa uu kanfay! Waxa uu habeenkiiba bilaabay in uu qodo xabaashii uu ku asaasi lahaa inta uu habeenku isku jiro, waayo wuxuu ogaa in dadku haddii ay arkaan in ay la yaabi doonaan caqli-xumadiisa, moodina doonaan in uu waashay!
Haddaba xabaal-qodistii ayuu bilaabay. Habeenkii oo dhanbuu gaftaa ku hayay oo uu la baaxaa-degayay, nasiib darro se cadceeddii ayaa ugu soo baxday. Dadkii jaar ka ahaa kolkii ay soo tooseen ayay arkeen odaygii oo xabaal kaligii qodaya. Waa ay yaabeen waana ay naxeen! Waxa ayna wayddiiyeen cidda xalay dhimatay. Waxaanu si been ah ugu jawaabay “xalay goor danbe waxa ii yimid nin wadaad ah oo socoto ah, ka dib waan marti galiyay. Goor danbe ayuu xanuunsaday, waxaanu igula dardaarmay in haddii uu dhinto halkan lagu aaso oo waliba loo sameeyo qudbi laguna soo siyaarto. Sidaa darteed waa uu dhintay xalay waanan kanfay, xabaashiina waanigan wada!”
Dadkii halmar ayay isu habar-wacdeen oo mid iyo mandaraq la soo yaaceen iyaga oo leh “waar sheekha haloo kaco waa awliyee!” Sidii ayaana Dameertii Geello lagu aasay iyada oo la moodayo ninkii Sheekha ahaa!
Dadkeennu sida caadada u ahaan jirtay, wax siyaaro la yidhaahdo ayay qubuuraha ku dul sameyn jireen iyaga oo moodaya in uu yahay Awliyo Alle uga ergoonaya looguna naxariisan doono, Sheekuna uu Alle u baryi doono! Waa se caqli-xumo jirtee, qudbigii waa la dhisay, iyada oo lagu asteeyay “Qudbigii Sheekh Hebel!” Dhawrkii biloodba hal mar ayaa la siyaaran jiray qudbiga. Waxaana la sameeyay khasnad lagu ururiyo xoolaha siyaarada, waxaana khasnadda furaheeda loo wakiishay inuu hayo odaygii maadama uu ahaa qofkii ugu danbeeyay ee uu wadaadku la dardaarmay.
Haddaba intaas ka dib, dhulkii abaarta ahaa mar qudha ayuu Alle ku shubay roob oo waxa uu noqday gayi barwaaqo-sooran ah. Abaar iyo omos danbana waa laga raystay. Taasina waxa ay dhalisay in siyaaradii la sii badiyo oo bil walba qudbugii la siyaarto.
Odaygii khasnadda hayay ayaa waxa uu meeshii ka helay xoolo iyo dhacdhac aad u badan, waxa aanu ku dhawaaday in uu dhiisha faqriga xagga danbe ka tuuro. Koox bulshadii ka mid ah ayaa ku tashaday in odayga furaha laga wareejiyo, oo cid iyaga ka mid ah loo dhiibo. Arrinkiina waa lagu kala qaybsamay oo waa la isku diiday. Ugu danbeynna waxa cod hal-dheeriya go’aan lagu gaadhay in odayga laga wareejiyo furaha kasnadda.
Waa la isa soo raacay oo odaygii loo yimid, “furaha soo wareeji” ayaa lagu yidhi. Waa uu diidey odaygii in uu furaha wareejiyo. Dood iyo difaac dabadeed, odaygii waxa uu kashifay sirtii mudada dheer dadnayd, waxaanu cod dheer ku sheegay in aanu jirin wadaad iyo wabiin toona oo meesha ku aasani. Hase ahaate sheeg in waxa meesha ku aasani ay tahay Dameertiisii ducada qabtay ee Geello! Waa la yaabbay oo xabaashii ayaa dib loo qoday, waxaana loogu tagay lafo-dameeraad! Dadkii fajaciso ayay ku noqotay arrintani. Qudbigii halkii ayaa lagu baabi’iyay, qof walbaana halkii ku toosnayd ayuu cagta saaray isagoo gunuusaya!
Bilo ka dib, waxaa deegaankii ka dhacday abaar aad iyo aad u daran oo dhulkii xaalufisay. Bulshadii ayaa garanweyday xagga uu dhibkani ka yimid. “Waar ma dameertii aynu aasnay ee aynu boqornay ayaa roobka la inoogu shubi jiray, mise iyadaaba awliyo ahayd tolow?” Ayaa la iswayddiiyay! Qof cilmi leh in arrintan la soo wayddiiyo ayaa lagu tashaday. Meel nin caalim ah lagu ogaa ayaa cid loo diray. Kolkii ciddii ay gaadhay goobtii ayaa arrinkii Dameertii Geello iyo wixii ka dhashay loo sheegay.
Jeerkii uu ninkii caalimka ahaa dhageystay dhambaalkii ayaa waxa uu yidhi, “ilmaadeerayaalow runtu waxa ay tahay, in aanu jirin sheekh iyo shakhsi roob shubi karaa aan ka ahayn Illaaheenna Wayn. Dameer la aasay oo aad siyaaran jirteenna Alle roobka idiin kuma shubi jirin, bal se markii hore waxa aad ahaydeen dad isku qalbiya oo isu calool fayow, sidaa darteed ayuu Allena cirka idiinku furay. Markii danbe ee aad isu calool xumaateen ee aad is khilaafteenna Alle waa idanka xidhay nimcadii cirka. Waana sidaas arrintiinnu!”
Yaabku wuxuu yahay Soomaaliland abaaraha ka jira waxyaalaha sababta u ah waxa kow ah, macsida soo badanaysa iyo khilaafka ka dhex oogan madaxdii waddanka iyo bulshadooda. Iyaga oo xisbi xisbi, qolo qolo iyo qof qof la isku haysto, oo arrinteennuna tahay middi middi ku taag ayaynu haddana odhanaynaa Salaad roob doon ah ayaynu tukanaynaa! Xaqiiqdu waxa ay tahay Alle waxa uu aqbalaa qaluubta saafiga ah ee isku laabta xaadhan isuna caloosha fayow! Taas na qorshaha laguma darsan. Allow na hanuuni.
Wa billaahi Tawfiiq.
Qalinkii Sayid Maxamed Cumar (Darwiishka)
Email:awdaahir2050@gmail.com
Facebook: Sayid Maxamed Cumar Darwiishka
The African Development Bank (AfDB) appoints MCB Investment Management as Fund Manager for its first Fixed Income Exchange Traded Fund (ETF) in Africa
PRESS RELEASE
The African Development Bank (AfDB) appoints MCB Investment Management as Fund Manager for its first Fixed Income Exchange Traded Fund (ETF) in Africa
The ETF will be invested in both government and corporate bonds, and will initially be listed on the Stock Exchange of Mauritius
PORT LOUIS, Mauritius, December 9, 2016/ — The African Development Bank (AfDB) (www.AfDB.org) has appointed MCB Investment Management (MCBIM) (www.MCBCapitalMarkets.mu), a subsidiary of MCB Capital Markets, as Fund Manager for its first multi-jurisdictional Fixed Income Exchange Traded Fund (ETF) in Africa. The Board of Directors of the AfDB has also approved a seed equity capital investment of USD 25 million for the ADBF.
The primary objective of the African Domestic Bond ETF (ADBF) is to encourage bond issuance in local currencies by facilitating access to local fixed income markets for investors. The ETF will be invested in both government and corporate bonds, and will initially be listed on the Stock Exchange of Mauritius.
MCBIM pioneered this area in early 2013 with the launch of the MCB Africa Bond Fund, an actively managed USD denominated fund that focuses on the local currency bond markets of 13 countries in Africa. The fund has consistently outperformed its benchmark since inception and is up 9.52% in absolute terms this year.
The ADBF was conceived as part of the AfDB’s African Financial Markets Initiative (www.AfricanBondMarkets.org) in 2008. Through this initiative, the AfDB aims to strengthen African economies by reducing their dependency on foreign currency denominated debt, increase the range of available financing options and act as a catalyst for regional market integration.
Stefan Nalletamby, the AfDB’s Director for Financial Sector Development, commented:
“In developing markets, it is particularly important for the lead institutions to act to reduce financial market impediments and instill local and international investor confidence. AfDB is leading the establishment of the ADBF as a sovereign fixed income ETF investing in different countries which will be the first time an institution of this kind is established in Africa. AfDB is the premier development Bank for Africa and the Bank’s leadership in the establishment of ADBF is demonstrable of the Bank providing a local solution to several structural weaknesses.”
Rony Lam, Chief Executive Officer of MCB Capital Markets, commented:
“We are privileged to have been selected by the AfDB as Fund Manager for this ground-breaking fund. The ADBF will pave the way for the development of local bond markets in Africa and we are proud to be associated with this important initiative. This demonstrates MCBIM’s fund management capabilities and confirms our position as one of the leading Africa fixed income specialist firms.”
The ADBF will be managed by MCBIM’s Fixed Income team, led by Abhimanyu Yadav.
Distributed by APO on behalf of The Mauritius Commercial Bank Ltd (MCB).
15 Reasons To Visit The Horn Of Africa? No. 1: Not Too Many Other Tourists.
Qaar ka mid ah madaxda sare ee xisbiga Waddani Oo Ka Qayb-galay Dood Cilmiyeed Lagaga Haddlayey Xalaada Abaaraha Oo Ay Soo Qaban-qaabisay Xarunta Dhaqanka Iyo Hiddaha Maxamed Mooge +
Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Xaaji Cali Iyo Xoghayaha Arimaha Debada Dr Fadal Oo Ka Qayb-galay Dood Cilmiyeed Lagaga Haddlayey Xalaada Abaaraha Oo Ay Soo Qaban-qaabisay Xarunta Dhaqanka Iyo Hiddaha Maxamed Mooge
Hargeysa (Qaran-news)- Hoggaamiyaha Xisbi Mucaaradka WADDANI Xirsi Xaaji Cali Xasan Iyo Xoghayaha Arimaha Debada ee Xisbiga & siyaasiga Madaxa -bannaan ee C/kariin Maxamwed Mooge ayaa habeenkii xalay ahaa si wadda jir ah uga qayb-galay dood cilmiyeed ay soo qaban-qaabisay Xarunta Hiddaha Dhaqan,Akhriska Iyo Hal-Abuurka Maxamed Mooge”,taaasi oo lagu lafa gurayey xalaada abaaraha soo noqnoqday ee gayiga Somaliland,iyadoo ay ka qabsoontay doodanu Huteelka Maamuus ee magaalada Hargeysa.
Doodan lagaga Haddlay abaaraha ee ay soo qaban qaabiyeen Naadiga Kaydka, Hiddaha dhaqanka , AKhriska Iyo Hal-abuurka ee Maxamed Moooge,ayaa waxaa halkaasi ugu horrayn ka haddashay Marwo Hoodo oo kamid ah kooxda soo qaban-qaabisya doodaasi ee Naadiga Maxamed Mooge,iyadoo halkaasi ka jeediysay haddalo mahad-naqa u badan,kuwaas oo ay ugu mahad-naqday saddex-dan masuul ee dooda sida gaarka ah loogu soo casuumay iyo weliba bulshadii kale ee ka soo qayb-gashay doodaasi ama dawadayaashii.
Dhan kalena waxa isna halkaasi ka haddlay Siyaasi C/kariin Maxamed Mooge oo kamid martida doodaasi waxaan Kamid ahaa haddaladiisii”weynu ognahay oo abaartu waxay noqotay wax soo noq-noqday sanadkasta, xaqiiqdun waxa weeye sanadkasta ama abaarkasta day ka dambaysay ayey ka sii dhibaato badan tahay,abaarahan soo noqnoqonayaa waxay saamayn togan ku leeyihiin runtii,nolosheena iyo nolosjha reer guuraaga,waxaanay taabataa runtii dhaqaalaha Somaliland,xalka ilaa maanta aynu u haynaa waxa weeye qayla dhaan aynu dirno marka ay abaartu ina taabato iyo qaadhaan aynu ururino marka ay baartu dhacdo,”Ayuu yidhi Siyaasi C/kariin Maxamed Mooge

Sidoo kalena waxa isna dood cilmiyaadkaasi ka haddlay xoghayaha arimaha debada Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Dr Maxamed Cismaan Fadal,waxaanu ka sheekeeyey abaarihii kala dambeeyey ee dalka ku dhacay,isagoo sheegay xalka lagaga bixi karro abaaraha soo noqnoqonaya ee sanaddihii u dambeeyey dalka naafeeyey.
Ugu Dambayntii waxa isna halkaasi ka haddlay hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Xaji Cali Xasan isagoo ku dheeraad haaddalka waxana kamid ahaa haddaladiisii”Runtii dhibaato weyn oo culus baa ay sababayaan is dhaaf-dhaafka iyo ururka lagu ururayo ee roobkaa yar ee yimaada loo ururayaa,markaa waaxa mihiim ah runtii in marwalba sidii looga qayb-qaadan lahaa ka keenaya isku soo guurka ay isu yimadeen iyo ka keenaya waxa weeye geediga uu qofna alaabtuusi iyo wixii ka yimi iyo culayska ku yimi labadaba in laga qayb-qaato,waxa susi mudan runtii dhulkan laga soo guuray ee dadku ka soo guureen ee meelah fog lagaga soo guuray dad-baa ku dayacan oo lagaga yimi,”Ayuu yidhi Hoggaamiye Xirsi
World campaing for Somaliland’s recognition
WORLD CAMPAING FOR SOMLAILAND’S RECOGNITION
PRESS RELEASE
On May 18, 1991, the people of Somaliland declared the formation of the independent Republic of Somaliland; and while the world’s focus was on Somalia at that time and since, the people of Somaliland managed, through a unique and democratic process, to establish peace and stability in their country. Unfortunately, instead of supporting the achievements of the people of Somaliland, the UN and International community has not yet recognized the Republic of Somaliland, and continue to hold it hostage to the conflict between the warring warlords in the neighboring Somalia.
The people of Somaliland urge all the UN’s member state to grant international recognition to the Republic of Somaliland, and request the UN to accept it as full-fledged member of that body. Such a step by the UN and its members is long overdue, and would be the proper course of action for the following reasons:
1-Somaliland has a history of existing as a state. First, when it was The British Somaliland Protectorate { 1880-1960]; and the second time , during the brief between its independence on June 26, 1960 and its union with Somalia on July 1, 1960. During the latter period, it was known as The Somaliland State.
2-The Union between Somaliland and Somalia in 1960 was unfair and lacked proper legal foundion.
3-During the ill-fated union (1960-1991), the Mogadishu-based government of Mohamed Siyad Barre engaged in torture, aerial bombardment, and artillery shelling of Somaliland’s civilian population, which resulted in the death over 80, 000 people, and the destruction of Somaliland’s cities, towns, and villages. These were not isolated acts, but part of a systematic and well-documented policy of genocide on the part of Somalia toward the people of Somaliland, and it went on for years.
4- Somaliland meets the international requirements for recognizing new state. It is a de facto state which controls a definite territory, and has internationally recognizable border ( these borders coincide with those of the former British Protectorate of Somaliland). It also has an elected government, a free press, a parliament, and has engaged in international relations with other states for the last 25 years.
The people of Somaliland call on the UN, Its member states, and international organizations, to assist rebuilding the schools, hospitals and housing that were destroyed by the Mogadishu based former military regime. The people of Somaliland draw the attention of the UN to the discovery of skulls in mass-graves. These graves date back to the era of the Mogadishu –based regime of Mohamed Siyad Barre, and were confirmed by the UN and forensic pathologists from the Independent Physicians for Human Rights. We request the UN, and its member countries, to take the necessary legal steps for the apprehension and trial of those who are responsible for these massacres. We also hereby inform the UN, its members, and international organizations, that the perpetrators of these atrocities are among those who are expected to take part in the Somali government.
The people of Somaliland call on the Arab and African government to respect the sovereignty of the Republic of Somaliland, and to cease its hostile and unwarranted activities against it.
The Republic of Somaliland has proven its determination for and ability to build sovereign and democratic state and contribute towards peace, stability and development in the Horn of Africa. The people of Somaliland are urging the Un and its members –state to grant it international recognition and accept it as a full-fledged member of the UN.
ANIIS ABDILLAHI ESSA ( DIRECTOR )
SOMALILAND ADVOCACY GROUP
WASHINGTON DC…USA
Wasaarada Biyaha Waxa Xal u ah in isagana la Eryo Agaasimihii Guud ee uu Baashe Shaqada ka Joojay hadii Kale Wasiirka Cusubina Wuu Fashilmi
Mushkuladii ugu wayn ee haysata wasaarada biyuhu waa agaasimii guud ee ina Naakhaade kaas oo loo eryey tiriba sadex wasiir oo ayuhanibi ah iminka miciyaha u soofaysanaya wasiirkan cusub ee Pro. xuseen cabdi boos. Sidaan inbadan maqlayey agaasimihan guud oo ku faana inuu buuro adag ku tiirsan yahay oo kala ah adeeradii siilaanyo iyo saleebaan gaal wasaarada biyahana aanuu weligii ka tagayn oo uu dhaafin doono cidkasta waxa uu bilaabay olole ka dhan inaanay heshiinayn in loo dhiibo wasiir dhulbahante ah. Hadaba waxa uu dagaalkiisii laban laabanlaabay kadib markuu ogaaday in wasiirka cusub ay isku reer yihiin wasiirkii hore isagoo raba dhamaan in laga kexeeyo dhulbahante wasaaradan waayo way fahmeen inay meeshani tahay guri uu iska leeyahay.
Baashe Cali Jaamac waxa uu shaqada agaasinka wasaarada si ku meel gaadh ah ugu dhiibay nin la dhaho Maxamed Faarax oo ah nin ay isku reer yihiin ina naakhaade kaas oo ah aqoonyahay karti ku takhasusay mashaariicda biyaha iyo xidhiidhka haayadaha waayo aragnimana u leh hawlaha wasaarada biyaha Baashena si daacadnimo ah ula waday wasaarada markii ina Naakhaade ku noqday caqabad waxa kale oo uu ahaa ninkii isku maslixi jirin labadooda kana joojay Baashe mar uu damcay dhawr goor inuu shaqada ka joojo ina naakhuude. Maxamed Faarax iminka waxa uu wadaa dedaal dheeraad ah oo uu ku soo dhawaynayo wasiirka cusub xilka u kala wareejinayo Baashe iyo Xuseen Boos. Waxa dhacday inuu agaasimihii shaqada laga joojay qasayo wasaarada isagoo shaqaalihii kala qaybiyey xanibayana wax kasta oo shaqo ah oo ka socotay wasaarada. Waxa uu u isku dayey inuu xanibo shiidaalkii wasaarada si aan loo soo dhawayn wasiirka cusub xilkana loogu kala wareejin labada wasiir.
Wasiirka cusubo waxa uu la wareegayaa wasaarada uu iska yeeshay ina naakhaade halkaas oo noqotay meel ka eryey wasiiro badan oo ay isku reer yihiin. Waxa ceeb iyo fadeexad ku noqonaysa wasiirka cusub inuu iska soo fadhiisto wasaarad uu shaqaalihii kala qaybiyey oo agabkii iyo xasuusreebkii wasaarada uu u rartay ina naakhaade gurigiisa. Waxa fadeexad ku ah wasiirka cusub meel ceebta intaa leegi ay dul hoganayso oo uu ka yahay ayuhanabi uu soo fadhiisto isagoo sheeganaya wasiir. Haday dhacdo in wasiirka cusubi ka hor imaado inuu meel mariyo waraaqihii uu shaqada kaga joojay ina naakhuude kuna magaabay maxamed faarax waxa uu waayi doonaa kalsoonidii shacab waynaha somaliland iyo tii dhulbahanteba wasaarada biyuhuna waxay ku danbayn doontaa meel ku fashilantay hawlaha ay qaranka u haysay.
Taladan waxaan u jeedinayaa xukuumada somaliland waayo waxaa akhriyey qoraalkii uu baashe cali jaamac shaqada kaga joojiyey ina naakhaade markii aan baadhayna waxaan ogaaday waxaas uu ka sheegay oo dhami inay run yihiin.
Muna Cismaan (Muna Muuqdheer)
munamuuqdheer@gmail.com
Daawo:Wiil Sheegtay Inuu Dhalay Bill Clinton Oo Obama Ka Codsaday…..
Danney Williams oo 30 jir ah oo sheegtay inuu yahay wiilka maaxweynahii hore ee Mareykanka Bill Clinton ayaa mar kale ka codsaday Barack Obama inuu gacan ka geysto sidii uu u cadeyn lahaa in uu yahay wiilka Bill Clinton.
Wiilkaan ayaa ku doodaya in uu ku dhashay galmood sharci daro ah sida uu yiri isla markaana hooyadiis ay la seexaday Clinton xiligii uu ahaa dhalinyarada, 13 jeerna u galmooday.
Danney ayaa wuxuu ka codsaday Madaxweyne Barack Obama in uu aamino tijaabada dheecaanka ee DNA taasoo wax walba kala caddeyn karta, hase ahaatee waxaa si cad u inkiray Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton.
“Bill clinton waa aabahey , waxa kaliya oo aan rajeynayana waa inaan la noolaado oo aan gacanta ka qabto maadaama uu gaboobay uuna u baahanyahay taageeradeyda” ayuu yiri wiilkaasi sheegtay inuu dhalay Bill Clinton.
Sidoo kale, hooyada dhashay wiilkaasi ayaa iyadana ku doodaysa iyadoo tiri “Waa uu ii galmooday Clinton oo wiilkaan isagaa iga dhalay.
Bill Clinton ayaa xiligii uu ahaa Madaxweynaha Mareykanka la kulmay dhowr fadeexo oo la xiriira galmood taasoo laga xusi karo fadeexadii Monica Lewinsky oo xafiiskiisa ka shaqeyneysay.
Daawo:Qisadan Xiisaha leh Hadaad caqli & Xoog isbidayso,Dherer ama gaabni hibanayso Halacso Muqaalkan Gaaban
Daawo:Qisadan Xiisaha leh Hadaad caqli & Xoog isbidayso,Dherer ama gaabni hibanayso Halacso Muqaalkan Gaaban
Jamaal iyo Cali Gurey malaga yaabaa iyagoo wada socda iney ku biiraan xisbiga Kulmiye mise?
Jamaal iyo Cali Gurey malaga yaabaa iyagoo wada socda iney ku biiraan xisbiga Kulmiye mise?

Faysal C Waraabe wuxuu dhawr jeer warbaahinta ka sheegey inuu Cali Gurey isku direy isaga iyo Jamaal, dhanka kale Jamaal iyo Cali Gurey waxay in badan warbaaahinta ka sheegeen cida ka dambeysa burburinta xisbiga Ucid waxaanay farta ku fiiqeen xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisa gaar ahaan waxay ku eedeeyeen Muuse Biixi, ugu dambeyntii Cali Gurey ayaa sheegey inuu ka hadhay Jamaal kuna taageerayo codkiisa Muuse Biixi, ka dibna Jamaal ayaa isna dhawaan sheegey inuu ku biiro doono xisbiga Kulmiye in kastoo la sheegey uu sugayo lacag loo siinayo kharash celin, arintu mar waxay u egtahay sedex doodaba iney cidi wada wedey, mar kale waxa la moodaa Cali Gurey inaanu habeena raacin Jamaal, hadaba Jamaal iyo Cali Gurey malaga yaabaa iyagoo wada socda iney ku biiraan xisbiga Kulmiye mise midba mar gooni ah ayuu ku biiri doonaa?



Daawo:Muniir Cigaal oo si farshaxnimo ah u duray Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi,Cali Mareexaan & Jananka Booliska Cabdillaahi Fadal +Naanayso Cusub
Daawo:Muniir Cigaal oo si farshaxnimo ah u duray Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi,Cali Mareexaan & Jananka Booliska Cabdillaahi Fadal +Naanayso Cusub
Daawo:Haweenay siyaasad Reer Hargeysa ah oo Eedo culculus ku miistay xukumada siilanyo & Cali mareexaan
Daawo:Haweenay siyaasad Reer Hargeysa ah oo Eedo culculus ku miistay xukumada siilanyo & Cali mareexaan
Daawo:Xukumada Siilanyo oo mamnuucday Xayeysiisyo laga sii daayo warbaahinta Qaarkeed+Cadaani oo duray shirkadaha Isgaadhsiinta
Daawo:Xukumada Siilanyo oo mamnuucday Xayeysiisyo laga sii daayo warbaahinta Qaarkeed+Cadaani oo duray shirkadaha Isgaadhsiinta
Daawo:Eng.Sabce oo kashifay sababta Jamaal u gelaayo Kulmiye + Xadiga Gunno lacageed uu u balanqaaday inuu kulmiye uga bislaynayo
Daawo:Eng.Sabce oo kashifay sababta Jamaal u gelaayo Kulmiye + Xadiga Gunno lacageed uu u balanqaaday inuu kulmiye uga bislaynayo
Waftiga Muuse iyo Saylaci su’aasha hor’taala

WAXA SALAAMAYAA BULSHAWEYENTA GAS AWDAL SELEL AND GABILEY.
SIYAASADU WAA TARTAN SIYAASIYIINTA MANDIQADA DHEXTAAL ILAA QABIIL IYO HAABIIL,WAA SUNAHA SIYAASADU LEEDAHAY .TAARIIKHDU WAA CIBRO WIXII INA SOO MARAY WAA AMA KU BARTOO KUMA DAAYO KU JECLI
AMA KU BARTOO KUUMA NOQDO KU NACAY.MAAH MAAH BAA TIDHAA DOOFAARKA FICIL LAA DABKA LOOGU RIDAYAA. GUD
MUUSE BIIXI REER ADAL MUXUU LA HOR IMAN.
1.MEEYAR IIDLE IYO SAYLAC?
2.LIXDII GOOBOOD EE LUGHAYA ?
3. GOLIHII DHEXE EE KULMIYE GABILEY IYO BAHO SAMAROON?
MADEX KXG SAYLICI OO AH MADAXWEYNAA GOBOLADA ADAL
KANA SOO JEEDA JUFOOYINKA GAARKA AH EE GOOBAHAA
MUUSE KUBADA KU DHEELAYEY DIFAACA SAYLICI ,MID HANASHO
LABAAD LEH MAYA HAY ?
MILICSO
MUUSE IYO TAARIIKHDA ADAL U TAAL.
XAQ U DIRIR
MUSA AW HASSAN LODOON
AWDALI DUBAI
lodoon_11@hotmail.com
Faizal Cali Waraabe basaas nimo kama waynaado by Abdi Mustafe
Faizal Cali Waraabe oo ku suntan in uu ahaa ninkii inamadii UFO xidh-xidhay ee General Gani basaaska u ahaa sida ku qoran buuga Maxamed Baaruud oo inamadaa la xidhay ka md ahaa uu qoray ee la yidhaa WEERANE ayaan weli ka korin falkaa foosha xun oo ilaa iminka Somaliland la dhex jooga basaas nimo. Faizal wuxuu kaga lacag qaataa basaas nimada kolba madaxweynaha Xamar ka taliya isagoo u gudbiya halka xaraarada reer Somaliland ka marayso midnimo Somaliyeed. Warkaa waxa laga soo xigtay sirdoonka koonfurta oo sheegay in Faizal yahay ninka wararka sirta Somaliland u soo gudbiya madaxweyna yaasha Xamar. Faizal waxa u caado ah inta uu xisbiga Ucid ilaabo iyo Somaliland ba in uu inta badan ka hadlo Somalia. Dhawaan wuxuu warbaahinta ka qirtay in uu la hadlo madaxweyne kasta oo Xamar ka taliya iyo in uu gacan ka geysan doono dib u dejinta koonfurta. Marna qiiqa ayuu isku qariyaa oo wax buu ka sheegaa hase ahaatee afkiisu wuu joojin kari la’yay hadal haynta Somalia oo daliil labaad u ah in Faizal doon doonayo meel Somaliland ay u marto Somalia. Shan jeer ka badan inta uu warbaahinta ka yidhi hebelow Somalia aniga ayay i doonaysaa adiga ku dooni mayso. Waxaan ku soo oodayaa in aan la sahashan falalka uu Faizal faraha kula jiro ee uu waa beryaba Koonfur ka sheekeynayo. Waa hubaal in uu doonayo mid nimada Somalia waana xaqiiq in uu xidhiidh la leeyay Xamar. Bulshada Somaliland imdhaha ha ku hayso Faizal oon basaas nimo ka maarmin iyo cida uu Xamar kala xidhiidho. Telephonada Faizal waa shirkada loo tago oo dowladu baadho dadka uu xidhiidhka hoose la leeyey. Faizal in uu midnimo Somaliyeed doonayo qofkii caqli lihi wuu arkayaa ee xukuumadu wax ha ka qabato oo ha a socoto dhaq-dhaqaaqiisa.
Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com
Cali Guray Qabyaaldbaa qancisay, Jamaalna $1 Million. Faras qaayahiise qurux buu ku doorasaday
CALI GURAY QABYAALDBAA QANCISAY, JAMAALNA $ 1 MILLION. FARAS QAAYAHIISE QURUXBUU KU DOORSADAY.
Xassan Gadhwayne wuxuu ahaa Wasiirkii Hore ee Wasaarada Waxbarashada , waxaanu haatan u xuub siibtay “Kaabo Qabiil”. Wuxuu Guddoomiye u yahay koox u ololaysa Kornayl Muuse . Waa mahadho taariikha ah in EX- Wasiir Waxbarasho u dego rogto Kaabo Qabiil. Sida ay xaqiijiyeen saaxiibadeesi Dugsiga dhexe “ Intermediate School “ , Xassan kamuu gudbin Imtixaankii Shahaadiga “ Leaving Examination” waxaanu qaatay “ Un-Certificate “ Markaa la yaab malaha in garaadkiisu hoos ugu celiyo Qabyaalad. Oday Gadhwayne ayaa dhawaan Gabiilay kaga tiraabay erayada soo socda asago taageero ka doonaaya beesha AKASHI . “ Beeshayadu way la hadhashay YARKA JAMAAL. Waxaanu u sheegnay inuu u tanaasulo inaadeerki Muj. Muuse , asagana magdhow loo siiyo . Arrinkaasna wuu naga aqbalay “ Sida war xogogaalahi sheegayaan Ololahan wax ka danbeeya ‘Ma Gafe Maxamed Aw Saciid “, waxaana ujeeddoynkeesa ugu waawayn:
1). In Jamaal Cali Xusein ku biiro Xisbigga Kulmiye.
2. In la joojiyo Dacwadda ka dhanka ah Eng Faysal Cali Waraabe.
3). In waxii kharash ka baxay iyo mag-dhaw dheeraada loo celiyo Jamaal Cali Xussein . Magdhowgaas qiimaynteeda waxa loo saari doono Guddi Farsamo , waxaana lagu qiyaasay ugu yaraan $ 1 Million.
4). Heshiiska waxa damaanad qaadi doona Ganacsato & Madhax-dhaqameed kasoo kala jeeda labada dhinac ee Jamaal iyo Kornayl Muuse.Hadaba dad badani waxay iswaydiinayaan sababta uu Jamaal Cali Xussein u jaah-wareerinaayo taageeryaashi u badnaa dhalinyarada ee kasoo jeeday dhamaan Goboladda Somaliland . Jamaal waxuu siyaasada ku soo galay “Aqoonyahan” bulshadana u shaqaynaaya laakinse aan u soo shaqo tegin. Maanta waxa muuqata inuu yahay dilaal “ Political broker” u soo shaqo tegay Somaliland. Wuxuu yidhi Cigaal Shidaad :
“ Jamaalow ma waxaan ku moodaay; Mise waxaad noqotay;Waxaan ku moodaayay Aqoonyahan; Laakinse waxaad noqotay cagabaruur Siyaasadeed”
Drs Hoodo Yusuf , London, UK.
yhoodo@yahoo.com.
Sheegashada Somaliland ee Michael Keating, hambalyada carruurteeena iyo aamusnaanta xukuumadda: saddex arrimood oo murugo leh!
Beryahan waxa soo badanaya culaysyada siyaasadeed ee Somaliland soo wajahaya. Qaarkood waxay kaga imanayaan dibedda kuwo kalena gudaha.
Ninka Qaramada Midoobay horjoogaha uga ah Soomaaliya Michael Keating ayaa u badheedhay wax aanu u badheedhin Ban Ki Moon. Barta uu Twitterka ku leeyahay wuxu ku qoray.
“Doorashooyinkii bulshada Somaliland maanta ayay Muqdisho ka bilaabantay. Waxa la doortay 4 nin iyo laba dumar ah. Tartano kale ayaa berito la filaya.”
Waar ninku calool adakaa ma feedhaheenuu tirsaday. Doorashadeenu miyaanay ahayn ta aynu u ballansan nahay 27 March. Dhawaqiisan waa la fahmi karayaa waxa uu uga jeedo. Kuwii hawshan u soo diray ee uu mushaharka ka qaadanayey ayuu tusayaa in aan loo kala hadhin doorashada Soomaaliya oo maca Somaliland-tii odhan jirtay dal gaar ah ayaanu nahay ay ka qayb qaadatay.
Ujeeddada uu doono ha ka lahaadee wuxu xaqiraad ku yahay 4-ta milyan ee reer Somaliland ah ee rubuc-qarani ka hor ku tashaday in ay qaran gaar ah noqdaan. Wuu og yahay in 100 qof oo geerash baabuurta lagu sameeyo lagu shiriyey iyo kuraasida dhawrka ah ee la kala boobayaa aanay ummadda Somaliland aayahooda metelayn laakiin arrinkiisu waxa weeyi “Ku celceli beenta run bay u ekaane.”
Waxa iyaduna la yaab leh aamusnaanta xukuumaddeena oo aan weli ka soo saarin warqad kaliya oo ku qoran af dunidu fahmi karto. Horaa loo yidhi “Aamusnaantu waa oggolaansho”.
Bal xasuuso wakhtiyadan oo kale sidii ay u doobyi jireen Madaxweyne Cigaal iyo Madaxweyne Rayaale. Xasuuso tii kala qabsatay Cigaal iyo Jabuuti markii shirkii Carta sheegtay in Somaliland ay qayb ka tahay Soomaaliweyn. Madaxweyne Siilaanyo, halgamaagii ummadda ayaad tahay, dadkaaga hadal ha ku gabin. U caddee dunida warmoogga ah in aanay Somaliland qudhunka Xamar lagu walaaqayo qayb ka ahayn.

Arrinta kale ee murugada lihi waxa weeyi carruurteenan colmoogga ah ee hambalyeynaya waxa ay ku sheegayaan xildhibaano la doortay Xamar. “Hambalyo hebel oo jilibkayaga ah ayaa ku soo baxay Golaha Hoose ee Federaalka… Hambalyo heblaayo oo jilibkayaga ah ayaa ku soo baxay… waxaasi waa maxay? Qabyaaladdii ma waxa ay dhallinyaradeenii ilawsiisay wax kasta oo aynu wada lahayn, mise waxa ay ka hadlayaanba ma garanayaan?
Tuug ku xaday miyaad hambalyo ka daba diri lahayd? Maxaad horta ku hambalyeynaysaa nin qarankaagii khayaameeyey oo ka doortay gunnimo iyo boqolaal doollar. Maxaad ku hambalyeynaysaa qof beeniyey halgankii dhammaa ee ummaddani soo gashay? Siday kuula qurux badnaataa wixii aabahaa iyo awowgaa la foolxumaa ee ay dhimashada ka doorteen? Dib isugu noqo. Yaqiinso tuug waa tuug walaalkaa kol ah ku tahay. In aad ka faanto mooyee in aad kuwaas oo kale ku faantaa waa kuu doqoniimo!
Mar kale xukuumadda waxan u soo jeedinayaa in ay jiljileeca ka baxdo. In ay mar kale dunida u caddayso waxa aynu nahay. In ay calooshood u shaqaysteyaasha magaceena ku shaqaysanaya ugaadhsato oo kii ay qabataba katiinad ku dhajiso, naxariis la’aana ay xabsiga ku qudhmaan.
Ismaaciil Cabdi Warsame
London, UK
ismaaciilcw@gmail.com
Musharax Cirro oo ay xafladii qoomiyadaha Itoobiya isku gacan qaadeen madaxweynaha Jabuuti iyo Raysalwasaaraha Itoobiya Iyo Madax kaleba Daawo Halkaasi Uu Ku Tagay Martiqaad Rasmi ah


Adis-ababa(Qaran-news):-Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo marti qaad rasmi ah oo uu ka helay madaxda dalka Itoobiya, waxa uu magaalada Herer ee dalkaasi uu kaga qeyb-galay xuska maalinta 21aad ee Qoomiyadaha dalka Itoobiya oo sannadkan lagu qabtay Kilalka 11aad ee Harari.
Xuska Qoomiyadaha dalka Itoobiya, oo ay ka soo qeyb-galeen madaxda dawladaha bariga, badhtamaha iyo waqooyiga Afrika, kuwo kale oo ka socday dalalka China, France, Italy iyo weli ba sida oo kale wadamo ka mid ah dalalka Yurub iyo kuwo kale oo xidhiidho soke la leh dawladda Itoobiya, ayaa guddoomiye Cirro, waxa si milgo iyo sharaf dawladdeed ba ku dheehan tahya oo heer caalami ah u qaabilay una soo dhaweeyey madaxda heer faderaal ee dalka Itoobiya oo uu ugu horreeyo Ray’sal wasaaraha dalkaasi Itoobiya, guddoomiyaha Baarlamaanka iyo weli ba sida oo kale Madaxweynaha Kilalka Harari ee dalka Itoobiya Mr.Murad Abdulhamdi.
Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo intii uu halkaasi ku sugnaa si weyn loo qaabilay, ayaa sida oo kale waxa uu munaasibadda debbaal-deggaasi uu kulamo gaara la qaatay ray’sal wasaaraha dalka Itoobiya, guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaasi iyo weli ba sida oo kale Madaxweynaha Kilalka Harari ee dalka Itoobiya, ku waasi oo uu dhammaantood ba uu ugu hambalyeeyey xuska sannad guuraddooda 21aad ee maalinta Shucuubta Itoobiya, isaga oo sannado badan u rajeeyey in ay ku gaadhaan nabad iyo horumar, waxa kale oo intii kulankaasi uu u socday uu la wadaagay xaaladda guud ee ay marayso dawladda Somaliland oo uu tilmaamay in maadaama oo ay jaar yihiin ay mar walba jecel yihiin wada-noolaanshiyaha iyo deris wanaaga dhex mara labada dawladdood iska na kaashaadaan guud ahaan wixii liddi ku ah khal-khal gelinta ammaanka labada dhinac ee Somaliland iyo Itoobiya.
Guddoomiye Cirro, waxa uu sida oo kale uu iyaga na fursad uga faa’ideysay la kulankooda diblomaasiyiin iyo madax sar sare oo ka socday dawladaha China, France, Italy iyo weli ba sida oo kale kuwo kale oo iyagu na ka socday wadamo ka tirsan dawladaha Yurub, waxaana uu dhammaantood ba u soo bandhigay isla mar ahaantaana uu la wadaagay dawladda Somaliland iyo marxaladahii kala duwanaa ee ay soo martay, isaga oo hoosta uga xariiqay in Somaliland ay tahay dawlad soo koraysa iyada oon wax kaalmo ah ka helin beesha caalamka ay hada na suurto-galisay in ay kaalin wax ku ool ah ka gaadho hirgelinta hannaanka dimuqraadiyadda oo ay ka qabsoomeen doorashooyin tira badan, waxaana uu carabka ku dhuftay in wakhti xaadirkanna ay Somaliland u taagan tahay siddii ay uga mid noqon lahayd beesha Caalamka oo ay u heli lahayd Ictiraaf buuxa, iyaga oo dhankooda na balan qaaday in ay fariintaas gaadhsiin doonaan wadamadii ay ka kala yimaadeen.
Ugu dambeyntii na, waxa uu kale oo uu iyaga na si gooni ah uu ula kulmay wufuud ka socotay dalka Jabuuti oo uu hoggaaminaayey Madaxweynaha dalkaasi Md.Ismaaciil Cumar Geele, kuwaasi oo iyaga na ay si gaara uga wada hadleen siddii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhaxeeya labada dawladdood isla mar ahaantaana ay looggu wada noolaan lahaa deris wanaag iyo in laga wada hortago wixii dhib ku ah nabad-galayada labada dhinac iyo guud ahaan gobalka oo idil.