Halkan ka daawo wararkii caawa iyo caalamka oo xiiso leh
Daawo:Wasiirka Warfaafinta oo khudbad Dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey Shirka Qorshe sanadeedka 2021 ee Wasaarada Warfaafinta S/land
Guddiyo Doorasho oo ay Xalay Saqdii dhex wadajir u magacabeen Siciid Deni & Axmed madoobe+Eedo ay ku saydheen Farmaajo
Daawo:Eng.Max’ud Xaashi Cilmi oo ugu baaqay Shacabka Hargeysa inaaney dib u dooran Mayor Soltelco+Sababuhu u cuskaday
Daawo:F.C.Waraabe oo si adag uga hadlay Boobka Dhulka Berbera+Eedo uu ku hurgufay Shir-gudoonka Barlamaanka S/land
Dhulkaaga ha ku dhaxlin dhulkaaga Hooyo
GACANTAADDA HA KU DHAXAL-WARIIGIN DHULKAGA HOOYO. “.Qallinkii 1-Mahad ali-salaan
Dhamaan ummadda Somaliland waan salaamaya ISCW,Waxaan xalkan ku iftiiminaya oon ku qaada dhigeyna qadiyad aan indhaha laga qarsan karin oo dhibkeedu inagu soo socda hadhowna aynu farta dhexda ka qaniini doono hadaan maanta wax laga qaban.
Waxa igu kalifey maqaaladan oo taxane noqon doonta oon aad ula yaabey 2015 oo Hargeisa lagu caleemo saarey Suldaan oramo ah oo waliba lagu sharci gareeyey waaba Suldaan Shaydaan Bilisadii shacabka la dajiyey ee madaxda ka ahaa ciidankii oramada ee 1977 ilaa 1991 inala dagaalamayey.
Tariikhdu waa soo noqnoqata oo wax dhacay waqti hore ayaa dib u soo noqda marka maanta tan jirta ee barkacyadan Oramadda ahi ay ku bara dagayaan dhulka Somaliland mid hore u dhacdey 1977 ilaa 1991 ayey ahayd,se labada xaladood tan maanta socota iyo tii hore waxay ku kala duwan yihiin mida hore xoog ayuu Siyaad Bare u dajinayey tan maanta se inaga ayaa gacmaheena ku dajinayna waana aynu gorfeyndoona.
Dowladii Siyaad Bare waxay dajineysay Somaliland saddex qolo oo ah Oromo(SOMALI ABOO),Somali Galbeed iyo Dad gaara oo Koonfurta Somalia ka yimid.Waana kii cali Xasan Roodhiile(Cali Banfas) lahaa:
Magaaladu hadday durugto waa,deris gallaadeede
Xaafadii Dulmaygaag la baxay,daadafka Xawaadle
Dulucgii Cilmiyo geerashkii,laysu dacareeye.
Sheedaha ka doonaa la yidhi,kii la duudsiyey
Daadduunkan ay soo wadaan,debedda kuu saarye
Duumay la soo wada galeen,degelladeeniiye
Daacuunka ay beerayaan,kama daweetane
Iyagaa dalkoodii ka yimid,duulkan soo qaxaye
Dhushaa adi lagaa saarayaa,kugu danaystaane
Dan-wadaagga ay sheegayaan,waa waxay dilaye
Dawladdii ad tuurtaa nabsigu,kugu dilayaaye!!!
Runtii waxaa jirta maanta arin u baahan ficil waayo??? waad ogtatahay in Somaliland bad ku soo faruurantey Oroma ahi waana dad tiradoodu ad u badan tahay.Waxaa is weydiin mudan maxay dadkani u yimaadan Somaliland? Qoxootigu waa wax jira oo waa sida Suuriya iyo sidey ahayd Ummadda Somaliland 1988 se Oramadu waa ka gadisan tahay waa dad aaminsan iney leeyihiin dhulkan Somaliland oo bari hore laga qaadey.
Siyaad Bare markii uu ku beerayey Somali galbeed waxay ahayd arin aad u weyn oo qasab ah waxaa 1977 ilaa 1986 la dajiyey qoxooti Orama ah waxaanu u bixiyey SOMALI ABOO tiradoodu waxay ahayd 1.200,000 ilaa 1.900,000 qof waxaa la dajiyey meelaha ugu fiican Somaliland ee biyaha leh waxaa ka mid ahaa:Agabar,Bixin.Arabsiyo,Adhi-caddays,Biyooley,Dacawaley,Dhaamka Hargeisa,Gannad Hargeisa,Laas-dhuure,Dhamuug,Darbi-hore,Tog Wajaale,Saba-cad iyo meelo kale oo aad u badan.
Waxaa taliska Siyaad Bare uu caalamka ugu sheegey iney dadkani yihiin qaxooti ku soo barakacay dagaalkii 1977 ee Itaabiya iyo Somalia dhex marey.Se bartilmaameedku wuxuu ahaa in Somaliland la dajiyo dad sida ku cad WARQADII SIR CULUS ee Moran uu siyaad u qorayey.
Caalamku qoxootiga aad ayuu u caawiyey sidey u dagi lahayeen Somaliland waxaana ka shaqeynayey ururrada sama falka ee caalamiga ah
waana kuwan:
<>Swedish Specail unit for disaster Relief (SSUDR).
<>Association Francaise de Voluntaires Du Progres.
<>Catholic Instittute for International Relief (CIIR).
<.Leaque of Red Cross societies(LRCS).
<>Mennonite Central Committee (MCC).
<>Swiss disaster Control(CDC).
<>World Vision International (WVI).
<>Food for the Hungry International.
<>Oxfam,
<>Africare.
<>Germal Red cross (GRC)
<>International Christian Aid (ICA).
<.Medicine Sans Frrontiers (NSF).
Germal Technical Relief .
<>Italian Health Team (AUCI).
<>Order of Malta (SMOM).
Save the Children Fund,
<>Swedish Church releif.
<>Help the Aged.
<>TearFund.
Dhamaan ururadda wuxuu Siyaad Bare amar ku siiyey iney shaqaalaha ka dhex qortaan qaxootiga oon la qoran dadka Somaliland u dhashey.
Sir ma qabe Allow sahan u ah ee waxa la heley 23kii bishii January 1987 waraaq uu Morgan u dirayo Siyaad Bare dushana ay kaga qoran tahay SIR CULUS warqada waad ku arkeysa sidii loo dhaxal wareejin lahaa dhamaan dadka Somaliland.
Oramadii waxaa guryo waaweyn laga siiyey shacabka waxaana abaan duule u ahaa SULDAAN SHEEKH BILISO,dhamaan qaxootigii waxa laga dhigey Askar oo Guulwade,NSS,Ciidanka qalabka Sida,
Hadaba maanta tan Somaliland ka socota waa tii oo kale oo aynu inagu gacanteena ku dhaxal wareejineyno dhulkeena hooyo waynu la socona in Guri walba oo Hargeisa uu ilaaliyo qof orama ahi,waan la socona in ka kabaha kuu balasheeya uu oroma yahay ,waan la socona ka gawaadhida ku meydha inuu oroma uu yahay waan la socona ka maqaaxidda kaga shaqeeya inuu oroma uu yahay waan la socona ka maqaaxida ka shaqeeya uu orama uu yahay ilaa kan dawarsada,biyaha dhamiya,kaariyoonaha wata,iminka ilaa tukaamadda ilaa iney Gudoomiyaha barlamaanka ilaaliyaan waa la og yahay.
Arimaha wax talo uga yaala iyo Siyaasad cad ma jiraan sababta ay dowladu arintan wax uga qaban weydey waa maxay???? Se xusbiyada mucaaradku maxay uga hadli wayeen waa maxay sababtu????
Dowaladu waxay uga hadli weyday oo wax uga qaban weydey waa laba arimood,
1-Wax siyaasada oo aqoona oo qoraala oo xeer ah oo ay hayaan ma jirto oo uga yaala oromada wadanka soo dagaya mid shaqeeya iyo mid dawarsada wax xeer ah oo u yaala ma jiro.
2-Tan kale wasiir wal oo arimaha gudaha ahi wuxu ka baqaya Itoobiya ayaa il kugu eegi ma oga in oromada laga mustaafuriyo Jigjig,Adisaba,Diridhaba iyo Herer oo loo mustaafuriyo meelaha ay degan yihiin.
Tan kale ee xusbiyadu uga hadli wayaan waa oramada codka ayey ku siin waayi markey tuugadda ku qaataan kaadhadhka codbixiyaasha SUBXAAN ALLAAH.
Dawladeenu ama wasiir walba oo arimaha guduhu iyo xusbiyaduba waa sida sidey ugu habranayaan Oromadan sidii daadkii waaheen ku soo faruurmey wadankeena,Daljiroow waxaa inala gudboon halgan aan wax kaga qabano arimahan.
qaylo dhaan iyo kacdoon siyaasadeed oo oromada sideynu u hor istaagi lahayn ayaa maanta loo baahan yahay inago cidna dhibaato u geysaneyn.
Waa inoo iyo maqaaladda danbe ee aynu ku qaada dhigi doona sida loo joojin karo iyo Tariikhdooda iyi tarkiikhdii Mililik iyo xala salaase iyo siyaasada laga rabo xeebaha Somaliland.
ILLAAHAY HA HOW GARGAARO SOMALILAND AMIIN>>>>AMIIN>>>
MAHADSANID
Mahad Ali-salaan
Bristol
mahadpobox@gmail.com
On Thu, Dec 3, 2020 at 10:55 PM Mahad Hersi <mahadpobox@gmail.com> wrote:

Liiska Ganacsato Somaliland u dhashay oo Baanka Dhexe ee Itoobiya Maalkooda Xayiraad duldhigay

Abiy Axmed oo Shaki la geliyey Xaaladiisa Caafimaad Muddo todobaad oo Goob Fagaare ka soo muuqday+Sawirro Qurxoon
Abiy Axmed oo Shaki la geliyey Xaaladiisa Caafimaad Muddo todobaad oo Goob Fagaare ka soo muuqday

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa markii ugu horreysay muddo maalmo ah lagu arkay goob fagaaro ah, kadib markii shaki la geliyay xaaladdiisa caafimaad.
Abiy ayaa ka soo muuqday xarunta qalabka dadka naafada ah ee cisbitaalka St. Paul ee caasimadda Addis Ababa, waxaana uu sheegay in xaruntaas ay hawl wanaagsan u hayso ciidamada ka dhaawacma Itoobiya iyo shacabka waddankaas.
Labadii toddobaad ee lasoo dhaafay waxaa la waayay warka Ra’iisul Wasaaraha maadama aanan lagu arkin fagaarayaasha ama baraha bulshada.
Maalma kahorna, hey’adda sirdoonka qaranka iyo nabad-sugidda ee Itoobiya, oo magaceeda loo soo gaabiyo NISS, ayaa wacad ku martay in ay la xisaabtami doonto qof walba oo baraha bulshada ku daabaca ama ku faafiya wax ay ugu yeertay “wararka marin-habaabinta ah” ee ku saabsan xaaladda caafimaad ee Ra’iisul Wasaaraha.

Hadalkan kasoo baxay dowladda ayaa hadal heyn hor leh dhaliyay taas oo ku saabsan halka uu jiro Abiy Axmed.
Waxaa la isla dhexmarayay warar kala duwan oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee Ra’iisul Wasaaraha, gaar ahaan in dalka dibaddiisa loogu qaaday xaalad caafimaad.

Daawo:Hogaanka Dhaqameedka Beelaha Madhibaan oo Si mug leh u soo dhaweeyay Qaraar ka soo yeedhay Hogaanka Xisbiyada S/land
Nin 20 sano raadinayay lacag uu xaday Madaxweynihii Hore ee……..
Nin 20 sano raadinayay lacag uu xaday Madaxweynihii hore ee

Markii uu madaxweynihii hore ee Nigeria, Sani Abacha xaday balaayiin doolar, uuna dhintay ka hor inta uusan isticmaalin lacagtaas, waxay arrintu ku biyo shubatay in laga howlgaliyo qareenno caalami ah, ugaarsigana wuxuu socday tobannaan sano. Ninkii loo soo kireystay inuu lacagtaas dib usoo celiyo ayaa wariyaha BBC-da ee lagu magacaabo Clare Spencer uga sheekeeyay sida ay shaqadaas u qaadatay noloshiisa oo dhan.
Bishii September ee sanadkii 1999-kii, garyaqaan Enrico Monfrini – oo u dhashay Switzerland – wuxuu qabtay telefoon laga soo wacay oo baddali doona noloshiisa 20-kii sano ee xigtay.
“Wuxuu isoo wacay habeen saq dhexe ah, wuxuuna iga codsaday inaan hoteelkiisa ugu imaan karo, oo uu hayo arrin muhiim ah. Waxaan ku dhahay: ‘Xoogaa waa xilli dambe laakiin HAYE.'”
Qofka telefoonka kasoo wacayay wuxuu ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa dowladda Nigeria.
‘Ma heli kartaa lacagta?’
Mr Monfrini wuxuu sheegay in sarkaalka lasoo hadlay uu soo diray madaxweynihii xilligaas ee dalka Nigeria, Olusegun Obasanjo, uuna ka dalbaday inuu u shaqaaleysiiyo sidii uu dib ugu soo celin lahaa lacagtii uu xaday Abacha, oo Nigeria xukumayay laga soo billaabo 1993-kii ilaa markii uu geeriyooday oo ahayd 1998-kii.
Maadaama uu aha qareen, wuxuu macaamiil ku lahaa gudaha Nigeria tan iyo 1980-meeyadii, shirkado dhowr ah ayuuna lasoo shaqeeyay.
Wuxuu tuhunsan yahay in macaamiishii uu shaqooyinka usoo qabtay ay amaaneen shaqadiisa sidaas darteedna lagu xushay.
“Wuxuu i weydiiyay: ‘Ma heli kartaa lacagtaas, oo waliba ma hor istaagi kartaa in la isticmaalo lacagta? Maka shaqeyn kartaa in lacagtaas dib loogu soo celiyo Nigeria?’
“Waxaan idhi: ‘Haa.’ Laakiin xaqiiqdii wax badan kama aanan ogeyn shaqada xilligaas. Waxaana ku khasbanaa inaan si deg deg ah u fahmo, marka sidaas ayaan sameeyay.”

Si uu shaqada u billaabo, booliska Nigeria ayaa ku wareejiyay xog ku saabsan dhowr akoon oo laga xiray bangiyo ku yaalla Switzerland, kuwaasoo u muuqday in ay ku jirtay qeyb ka mid ah lacagta ay xadeen Abacha iyo kooxdiisa, sida uu Mr Monfrini buug uu ka diyaariyay soo celinta hantida la dhacay.
Wuxuu sheegay in baadhitaankii hordhaca ahaa ee ay sameeyeen booliska bishii November, 1998-kii lagu ogaaday in Abacha iyo xulafadiisa ay xadeen lacag ka badan $1.5 bilyan oo doolar, oo u dhiganta £1.1 bilyan oo gini.
‘Doolar lagu raray gaari xamuul ah’
Mid ka mid ah qaababka lacagta lagu xadayay wuxuu ahaa hannaan gaar ah oo la diyaariyay.
Abacha ayaa qof la taliyeyaashiisa ka mid ah u sheegayay in uu usoo dirsado codsi uu uga dalbanayo lacag uu ku bixiyo sidii amnigiisa loo sugi lahaa.
Kaddib codsigaas ayuu u saxiixayay, qofka la taliyaha ahna wuxuu lacagta oo caddaan ah ka qaadanayay bangiga dhexe ee dowladda.
Markaas kaddibna qofka la taliyaha ah wuxuu inta badan lacagtaas geyn jiray guriga Abacha.
Qaar ka mid ah lacagtaas xitaa waxaa lagu qaadayay iyadoo doolar ah, “waxaana lagu rarayay gaari xamuul ah”, sida uu qoray Mr Monfrini.
Habkaas wuxuu ahaa hal nooc oo Abacha iyo dadkii la shaqeynayay ay lacagta badan ku qaadanayeen. Hababka kale waxaa ka mid ahaa qandaraasyada dowladda ee la siiyo dad saaxiib la ah madaxweynaha, iyadoo lacag ka badan tan qandaraaska la qaado inta kalena jeebka lagu shubto. Sidoo kale shirkadaha ajnabiga ah ayaa laga dalban jiray in ay laaluush aad u badan bixiyaan si ay waddanka gudihiisa uga howl galaan.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Arrintan waxay socotay muddo qiyaastii saddex sano ah, ilaa markii dambe ay hal mar xaaladdu isbaddasho kaddib geeridii lama filaanka ahayd ee ku timid Abacha, isagoo 54 jir ah. Wuxuu geeriyooday 8-dii bishii June ee sanadkii 1998-kii.
Ma cadda in uu wadnaha istaagay ama la sumeeyay, maadaama aan wax baadhitaan ah lagu sameynin meydkiia, sida uu dhakhtarkiisii gaarka ahaa u sheegay BBC-da.
Abacha wuxuu dhintay isagoo aan wali isticmaalin balaayiintii lacagta ahayd, dhowr bangi oo kaliya ayaana laga raad raaci karay halka ay lacagtaas ku maqneyd.
“Xogta muujineysa qaabka lacagaha loo xareeyay ayaan ka helay raadka bangiyo kale,” ayuu yidhi Mr Monfrini.
Isagoo macluumaadkaas wata ayuu arrinta la kaashaday xeer ilaalinta Switzerland.
Markaas kaddibna howshiisii ayaa u hirgashay.
Mr Monfrini wuxuu ku guuleystay dooddiisii ku saabsaneyd in qoyska Abacha iyo xulafadiisa ay sameyteen hayad dambiile ah.
Tallaabadaas waxay u furtay waddo muhiim ah, sababtoo ah waxay suurogalisay in booliska ay la tacaalaan bangiyadii laga shakisanaa.

Kumuu ahaa Sani Abacha?

XIGASHADA SAWIRKA,AFP
- Wuxuu kasoo dagaallamay milatariga Nigeria intii uu dalkaas ku jiray dagaalkii sokeeye
- Door muhiim ah ayuu ka ciyaaray labo afgambi ka hor inta uusan noqonin wasiirkii gaashaandhigga bishii August, 1993
- Madaxweyne ayuu noqday markii uu afgambi milatari sameeyay bishii November, 1993
- Dowladdiisii waxaa lagu eedeeyay tacaddiyo bani’aadannimo oo baahsan
- Nigeria waxaa laga saaray dalalka barwaaqo sooranka kaddib markii la daldalay sagaal qof oo u doodi jirtay xuquuqda bani’aadanka 1995-kii
- Wuxuu si kedis ah u geeriyooday 8 June 1998, xilligaas oo uu 54 jir ahaa
- Wuxuu ka tagay 10 carruur ah

‘Akoonnada bangiyadu wax badan ayey sheegaan’
“Akoon kasta waxaan ka ogaaneynay meesha saxda ah ee laga soo diray lacagta ama meesha ay ku socota.
“Inaan arko sida ay lacagaha kusoo galeen ama ku baxeen waxay ii sahashay inaan helo xog dheeraad ah oo ku saabsan dalalka kale ee lacagta loo diray iyo kuwa laga soo diray.
“Sidaas darteed wax walba si tartiib tartiib ah ayey isu furfurayeen. Waxay howshu ka billaabatay dhowr bangi, kaddibna tiro badan oo akoonno ah ayaan helay.
“Akoonnada bangiyada iyo warqadaha la socda wax badan ayey sheegaan.
“Waxaan caddeymo badan u helnay lacago kala duwan oo lagu kala diray Bahamas, Nassau, Cayman Islands – iyo meelo badan oo kale.”
Howsha dabagalka kooxda Abacha la shaqeyneysay aad bay ula dheeraatay Mr Monfrini.
“Ma jiro qof garan kara sida ay howshaas u badneyd. Waxaan lacag siinayay dad aad u badan, xisaabiyeyaal badan, qareenno kale oo badan, dalal kala duwanna jooga.”
Mr Monfrini wuxuu aqbalay in uu qaato 4% ka mid ah lacagta uu u celiyo dowladda Nigeria. Qiimahaasna wuxuu ku tilmaamay “mid aad u yar”.

XIGASHADA SAWIRKA,AFP
In lacagta la helo way adkeyd waxaase aad usii adkeyd in marka la helo kaddib lagu celiyo Nigeria.
“Xulafada Abacha waxay u dagaallamayeen sida eeyaha. Waxay racfaan ka qaadanayeen tallaabo kasta oo aad qaadno. Arrintaas ayaa sababtay in waqti dheer lagu mashquulo howsha.”
Daahitaan kale waxaa sababay siyaasiyiinta dowladda Swiss oo ku doodayay in lacagtaas mar kale la xadi karo haddii lagu celiyo Nigeria.
Lacagta qaarkeed waxaa Switzerland laga soo celiyay shan sano kaddib.
Mr Monfrini wuxuu sanadkii 2008 qoray in lacag dhan $508m laga helay akoonnada badan ee ay qoyska Abacha ku lahaayeen Swiss, kaddibna loo diray Nigeria intii u dhaxeysay 2005 ilaa 2007.
Markii lasoo gaaray 2018-kii, lacagta laga soo diray Switzerland ee Nigeria loo diray waxay ahayd $1 bilyan oo doolar
War-saxaafadeed Rasmiya+Xukumada Farmaajo oo shaacisey in Jabuuti uga eexatey Kenya

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday urur goboleedka IGAD inuu baabi’iyo warbixinta ay soo gudbiyeen guddiga xaqiiqo raadinta ee ururka uu u diray xuduudda ay la wadaagto Kenya, ayada oo sheegtay in warbixintaas ay si weyn saameyn ugu yeelatay Kenya.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda arirmaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay dhowr qodob oo muujinaya in guddiga reer Jabuuti ay u eexdeen Kenya, sida ay rumeysan tahay Soomaaliya.
Waxaa qodobadaas ka mid ah in wasaaraddu ay sheegtay in tan iyo markii guddiga uu howshiisa billaabay 9-kii Janaayo uu dhowr mar oo is-xigxigay booqday Kenya, halka uu Soomaaliya u yimid si kooban oo kaliya.
“Guddiga wuxuu sidoo kale warbixintiisa ku qirtay in lagu qaaday diyaaradaha helicopter-ka ee ciidamada Kenya, xilli guddiggu ku guda jiray shaqo xaqiiqo raadin ah oo la xiriirtay ciidamada ay Kenya soo dhoobtay xuduudda. Taas waa qirasho qeexeysa eexda guddiga, islamarkaana dhaawaceysa isku haleynta iyo sidoo kale dhex-dhexaadnimada dowladda Jabuuti, taasi oo sidoo kale dhaawac ku ah IGAD,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in guddiga ay diideen inay ayaga oo ay wehliyaan wafdi wasiiro ah booqdaan magaalada Beled-Xaawo, taasi oo ay xigtay dagaalkii xuduudda ka dhacay 25-kii bishan. Diidmadaas ayay Soomaaliya sheegtay inay Kenya ku dhiiri-gelisay inay mar kale soo weerarato ciidanka Soomaaliya ayada oo garab siineysa ciidamada wasiirka Amniga Jubaland Cabdirashiid Janan.
“Ciidanka weerarka soo qaaday waxaa tababaray, quudiyey oo taageerayey ciidanka KDF ee Kenya. Waxaana taas TV-yada Kenya ka xaqiijiyey xildhibaanada laga soo doorto NFD. Hase yeeshee guddiga wuxuu aad xiiso ugu qabay inuu qariyo halka ay joogaan maleeshiyada si uu qanciyo dowladda Kenya,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.
“Sidaas darteed la yaab ma lahan in natiijada howlgalka xaqiiqo raadinta guddiga ay noqoto mid dhan u janteerta, qabyo ah, oo aan sal laheyn, waxayna muujineysaa inay si cad u faro-gelisay dowladda Kenya, saameyna ugu yeelatay warbixinta,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in warbixinta guddiga ay si weyn u dhaawaceyso dhex-dhexaadnimada iyo maqaamkii Jabuuti ee ahaa saaxiib la aaminay oo dhex-dhexaad ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidaas darteed ugu baaqday IGAD in warbixinta guddiga la baabi’iyo, islamarkaana IGAD uu soo diro guddi xaqiiqo raadin ah oo ka kooban dhowr dal.
Haddii aanay IGAD sidaas sameyn, Soomaaliya ayaa sheegtay inay xaq u leedahay inay xuquuqdeeda ku raadiso hab diblomaasiyadeed ayada oo mareysa Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka QM, haddii loo baahdo.

Dawlada Itoobiya oo Gacanta ku dhigtay Tiradii ugu badneyd ee Hogaamiyeyaal sarsare oo qeyb ka ahaa Dagaalkii Gobolka Tigray oo la baadigoobaayey
Dawlada Itoobiya oo Gacanta ku dhigtay Tiradii ugu badneyd ee Hogaamiyeyaal sarsare oo qeyb ka ahaa Dagaalkii Gobolka Tigray oo la baadigoobaayey
Afhayeenka Ciidamada Itoobiya, Jeneraal Maxamed Tasim oo soo saaray war-saxaafadeed ayaa sheegay in 18 kamid ah hogaamiyayaasha ‘Jabhada xoreynta dadka Tigray’ ay gacanta ku soo dhigeen, isagoona sheegay in saraakiishan lasoo qabtay ay ku lug lahaayeen dagaalkii dabayaaqadii sanadkii hore ka dhacay gobolkaas.
Hogaamiyeyaashan uu shaaciyay afhayeenka ciidamada Itoobiya in lasoo qabtay ayaa waxa ku jira Korneelo iyo taliyayaal kale oo ka tirsanaa booliska Itoobiya, sida lagu sheegay qoraalka.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka TPLF oo ku aadan sheegashada dowladda, mana aha markii u horeysay ee xukuumadda Abiy Axmed ay sheegto inay gacanta kusoo dhigtay xubno ka tirsan Jabhada duur galeenka ah ee TPLF, tan iyo markii lagaga adkaaday dagaalkii Tigray.
Dabayaaqadii sanadkii dhamaaday ee 2020-kii ayaa waxa dalka Itoobiya ka qarxay dagaal u dhaxeeya maamulka maylka adag ee TPLF iyo ciidamada Itoobiya, kaasi oo sababay dhimashada dad badan iyo barakaca kumanaan ruux oo kale.
Intaas wixii ka dambeeyay maamulka TPLF ayaa isku badalay jabhada xoreynta dadka Tigray oo iyadu ku dooda inuusan weli istaagin dagaalkii Xukuumadda Abiy iyo TPLF, xili lagala wareegay caasimadii gobolka Tigray ee ay gacanta ku hayeen.
Jawaabtii Dawlada Jabuuti ka bixisay Eedeyntii kaga timid dhigeeda Somalia
Jawaabtii Dawlada Jabuuti ka bixisay Eedeyntii kaga timid dhigeeda Somalia
Dowladda Jabuuti ayaa ka jawaabtay eedeymihii Somalia u jeedisay guddigii xaqiiqo raadinta IGAD ee loo saaray dacwadii Soomaaliya ka gudbisay Kenya.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay warbixintii ay soo saareen guddiga xaqiiqo raadinta oo uu ku eedeeyey iney si cad ula safteen Kenya.
War-saxaafadeed soo saartay dowlada Jabuuti ayey ku sheegtay in warbixinta guddiga xaqiiqo raadintu ay tahay mid dhex-dhexaad ah oo xaqiiqda ku saleysan.
“Baaritaanka guddigu sameeyey waxaan shaki ku jirin in loo qabtay si xirfad iyo dhex-dhexaadnimo ah, Jabuuti waxay had iyo jeer ku dadaashaa nabada iyo xasiloonida gobolka oo ay ka samayso dadaal badan si looga qayb-qaato nabad-gelyada, xasiloonida iyo nabadeynta Soomaaliya, welina way ka go’an tahay inay sii wado dadaalkan.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Jabuuti.
Jabuuti waxay sheegtay in warbixinta uu guddiga soo saaray loo gudbiyay golaha sarre ee urur goboleedka IGAD, kaasoo ugu dambeyn aqbalay natiijada baaritaanka ee DF diiday.
“Go’aan ka gaarida warbixinta guddiga xaqiiqo raadinta waxay hortaalaa golaha IGAD, taasoo xal kama dambeys ah looga gaarayo xiisada ka dhaxeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo Kenya” ayaa ugu dambeyn lagu yiri war-saxaafadeedka ay soo saartay Jabuuti.
HOOS KA AKHRISO JAWAABTA JABUUTI

Daawo:Sh.Mustafe X.Ismail Harun oo Muxaadaro aad u qiiman badan u jeediyey Ardayda Jaamacadaha Garoowe+Waxay daaraneyd
Daawo:Cabdirashid Janan oo Iclaamiyey Dagaal+Amaanu ku miisay Geelaha Jabuuti & Hanjabaadu ku saydhay Farmaajo,Shacabka Buul-xaawana ugu baaqey inay Degdeg uga baxaan Magaalada
Kaalinta uu muwaadinku ku leeyahay horumarka dalka
KAALINTA MUWAADINKU KU LEEYAHAY HORUMARINTA DALKA

Aduunka waxaa loo kala qaybiyaa dalal horumaray, qaar horumaraya iyo kowo aan horumarsanayn (underdeveloped).
Tani waxay ku timaaddaa marka xaaladaha kala duwan ee dalalkaas heerkooda lagu qiimeeyo halbeegyo la dajiyay. Halbeegyadaas waxaa ka mid ah dhaqaalaha, tirada iyo aqoonta dadkiisa, nolosha iyo adeegyada bulshada, cadaaladda, xorriyadda, kaabayaasha dhaqaalaha, Waxsoosaarka iyo Warshadaha, khayraadka iyo ka faa’iidaysigiisa, iwm. Waxaa suurtagal ah in dal kasta oo dunida ahi uu gaadhi karo heer kasta oo horumar ah oo uu doonayo; haddii uu la yimaaddo qorshe waaqici ah, qalqaalo iyo quluub wadajira, daacadnimo iyo dadaal dheeraada, maamul toosan iyo Mabadii’ dhammaystiran, iwm. Hantida ugu muhiimsan ee dal leeyahay na waa dadkiisa, waxaana ay ku kala horreeyaan sida ay uga faa’iidaystaan.
Haddaba waxay iswaydiintu tahay kaalinta qofka muwaadinka ahi ku leeyahay horumarka dalkiisa?. Su’aashan jawaabteedu waxay ahayd in dawladdeenna, jaamacadaheenna, aqoonyahankeenu si mug leh ugu soo bandhigaan bulshada, cilmi baadhisyo ka sameeyaan, qoraallo cilmiyeed laga diyaariyo, warbaahinaha kala duwanna lagula wadaago bulshada.
Qaybaha kala duwan ee bulshadu waxay kaalmo kala duwan ku leeyihiin horumarka dalka, tusaale ahaan wadaadada kaalintoodu waxa weeye in bulshada diinteeda; akhlaaqdeeda iyo mabaadiideeda u ilaaliyaan usoo gudbiyaan baraan hubiyaanna in lagu dhaqmo diinta. Sidaas oo kale ayay door u leeyihiin macallimiintu, aqoonyahanku, dhakhaatiirtu, madaxdhaqmeedku iwm.
Marka si guud loo eego kaalinta qofka muwaadinka ahi ku leeyahay horumarinta dalka waxaa loo qaybin karaa saddexdan:
1. Kaalin Qofeed: Waxaa loo baahan yahay in aad qof ahaan is dhisto aqoon iyo xirfadba. Waa inaad noqotaa qof isku filan oo noloshiisa dhisay buuxiyayna baahiyihiisa aasaasiga ah. Waa inaad noqotaa qof waxsoosaar leh oo shaqaysta walibana aad dhisatid reer/qoys. Waxaa muhiim ah shaqo kasta iyo door kasta oo muwaadinku ku jiro in uu u guto si daacadnimo iyo daljacayl ku jiro. Muwaadin kasta waa in uu bulshada wuxuu u qaabilsan yahay ka soo baxaa.
2. Kaalin Qoys: Waxaa kale oo muwaadin kasta looga baahan yahay in uu ka qaybqaato horumarinta qoyska uu ka soo jeedo iyo qoyskiisaba. Waxaa loo baahan yahay in aad ka qaybqaadato horumarinta bulshada aad ka soo jeeddo iyo/ama deegaanka aad dagan tahay, tusaale ahaan waa inaad ka qaybqaadataa xaafadda/magaalada aad dagan tahay siday u horumari lahayd. Waxaa kale oo muhiim ah maadaama oo aynu nahay bulsho hab qabiil isugu xidhan inaad qabiilkaaga horumarkiisa ka qaybqaadato.
3. Kaalin Qaran: Markay qaranka timaaddo muwaadinku waa in uu danta guud horumarinteeda ka shaqeeyo. Qof kasta haddii uu ka soo baxo kaalinta uu qaranka ugu jiro dalku horumar ayuu gaadhayaa. Waxaa loo baahan yahay muwaadinku in uu ilaaliyo ku dhaqmo shuruucda iyo xeerarka dalka, sidoo kale waa in uu cashuurta ku waajibta u bixiyo si habboon oo hufan. Waa in muwaadin kastaa ogaadaa in horumarka dalka uu isagu qayb ka yahay, danta guud horumarinteeduna ay tahay muhiimadda koobaad. Waa in aad ku qanacsanaato dalkaaga kana qaybqaadataa sidii loo sixi lahaa wixii ka qaldan loona gaadhi lahaa wixii ka dhiman.
Galladuna waxay saaran tahay, wax isugaygayn!!!!
ALLAA MAHAD LEH
Cabdifataax Rashid Maxamed
Hargeysa, Somaliland
28/01/2021
Cabdifataax.rashid@yahoo.com
The International Red Cross and Red Crescent Movement scales up its humanitarian response to meet urgent needs in Ethiopia, Sudan and Djibouti
PRESS RELEASE
The International Red Cross and Red Crescent Movement scales up its humanitarian response to meet urgent needs in Ethiopia, Sudan and Djibouti
Refugees and people displaced within the region suffer from a lack of food and essential services, like water and healthcare
NAIROBI, Kenya, January 28, 2021/ — The International Committee of the Red Cross (ICRC) is appealing to donors for 20 million Swiss francs to urgently expand its response to the acute humanitarian needs created by the Tigray crisis in Ethiopia, while the International Federation of Red Cross and Red Crescent Societies (IFRC) is appealing for 27 million Swiss francs to support the Ethiopian Red Cross Society, the Sudanese Red Crescent Society and the Djibouti Red Crescent Society to address other drivers of vulnerability in the region.
Many people have been displaced within Tigray, and almost 60,000 sought refuge in Sudan. Refugees and people displaced within the region suffer from a lack of food and essential services, like water and healthcare. Some healthcare facilities in Tigray were abandoned and looted, while others are running short of supplies and are struggling to cope with the growing demand. Thousands have lost contact with their loved ones.
“The needs in Tigray are overwhelming. Government responses need to accelerate, and humanitarian organizations urgently need access so people can receive lifesaving assistance before it’s too late,” said Patrick Youssef, the ICRC’s regional director for Africa. “Humanitarian access outside major towns remains challenging and there is little visibility on the humanitarian situation in rural areas.”
“The recent developments in Tigray have compounded other existing vulnerabilities in Ethiopia and in neighbouring Sudan and Djibouti. Even before the fighting, the region was dealing with acute food insecurity, an invasion of desert locusts, drought and the COVID-19 pandemic,” said Mohammed Mukhier, regional director for Africa at IFRC.
The Ethiopian Red Cross Society (ERCS), present across the country, including Tigray, has been providing humanitarian assistance since the first day of the fighting, working alongside the ICRC. The ERCS counts on a large network of volunteers who remained active despite being affected by the crisis themselves.
The ICRC has been working in Tigray for decades and maintained its operations throughout the fighting that erupted almost three months ago. Supporting hospitals in Mekelle, Axum, Adwa and Shire has been a priority. Following some of its initial assistance missions, which included sending the first humanitarian convoy into Mekelle and helping some 11,300 families reestablish contact, the ICRC is appealing to donors for funds needed to reinforce its operational capacity. It is expanding its presence in Mekelle and re-opening an office in Shire.
Besides scaling up its presence in Tigray, the ICRC will continue addressing the alarming humanitarian situation in Benishangul-Gumuz, Western Oromia and Guji, where armed violence episodes have been recurrent.
The Sudanese Red Crescent has been distributing food, household items and providing primary health services to refugees and communities hosting them. The IFRC released emergency funds to enable the Sudanese Red Crescent Society to assist 40,000 people. The Djibouti Red Crescent Society maintains a presence in Hol Hol refugee camp and Obock, where it provides water and sanitation services and works to promote hygiene and raise COVID-19 awareness.
The IFRC is appealing for funds to enable the Ethiopian Red Cross Society, the Sudanese Red Crescent Society and the Djibouti Red Crescent Society to deliver humanitarian assistance and recovery support to 660,000 people.
The International Red Cross and Red Crescent Movement is the world’s largest humanitarian network. It consists of the International Committee of the Red Cross (ICRC), the International Federation of Red Cross and Red Crescent Societies (IFRC) and national Red Cross and Red Crescent societies.
ICRC action:
The town of Mekelle has been struggling with a shortage of water in recent months and the ICRC has been supplying water to 3,700 people a day through water trucking and storage tank installations.
It provided medical assistance to 4,500 people wounded by weapons and 10,900 primary healthcare patients. 648 weapon-wounded people received physical rehabilitation services.
The organization has distributed 35 metric tons of food received from the Ministry of Health and Catholic Relief Services to four hospitals in Tigray.
Almost 9,500 displaced people in Mekelle received essential household items.
11,300 families reestablished contact through the Ethiopian Red Cross, the Sudanese Red Crescent and the ICRC services in Sudan and Ethiopia.
IFRC action:
In November, the IFRC released funds to the Ethiopian Red Cross Society to target 7,500 affected people in Amhara to improve their access to health, water and sanitation, shelter and livelihood support for four months.
The IFRC also released emergency funds to the Sudanese Red Crescent Society to provide emergency services to 40,000 Ethiopian refugees in Sudan. The Sudanese Red Crescent Society works in Hamdayit and Al Lukdi centres and Um-Rakoba settlement to provide shelter, household items, health services, improved water and sanitation, and to carry out gender protection and inclusion activities.
In all the three countries, the IFRC continued supporting national societies to mitigate the impact of COVID-19.
Distributed by APO Group on behalf of International Committee of the Red Cross (ICRC).
SOURCE
International Committee of the Red Cross (ICRC)