Joe Biden oo caqabado badan kala kulmay isgaadhsiinta Casriga ah,Xakameynta Xogta & Jabsiga Macluumadka muhiimka ah
Daawo:Saleebaan Gaal oo kalfadhi Degdega oo aan caadi ahay ugu yeedhay Golaha Guurtida
War-weyn: Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa shaaciyey inuu dhalasho siinayo Xirfadlayaasha Ajaanibka ah & Qoysaskooda
War-weyn: Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa shaaciyey inuu dhalasho siinayo Xirfadlayaasha Ajaanibka ah & Qoysaskooda

Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa sameeyay isbaddal u ogolaanaya dalkan ku yaalla Khaliijka in uu dhalasho siiyo maalgashadeyaasha iyo xirfadlayaal kale oo ay ku jiraan saynisyahannada, dhaqaatiirta iyo qoysaskooda, dowladda ayaa warkan shaacisay maanta oo Sabti ah.
“Golaha wasiirada Imaaraatka, maxkamadaha maxalliga ah iyo goleyaasha fulinta ayaa magacaabi doona kuwa u qalma jinsiyadda, iyada oo la raacayo shuruudo qeexan oo loo dejiyay qayb kasta,” Amiirka Dubai ahna Madaxweyne ku xigeenka Imaaraatka Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum ayaa sidaas ku sheegay qoraal uu soo dhigay twitter.
“Sharcigu waxa uu u oggol yahay dadka la siinayo baasaboorka Imaaraat-ka in ay sii haysan karaan dhalashadooda,” ayuu Sheikh Mohammed qoraalkiisa sii raaciyay.
Ma cadda in dadka la siiyo baasaboorrada cusub ay ka faa’iideysan doonaan nidaamka daryeelka bulshada ee ka jira dalkaasi. Imaaraatku waxa uu balaayiin doollar ku bixiyaa sanad walba waxbarasho bilaash ah, daryeel caafimaad, amaah guriyeynta lagu bixiyo iyo deeqo loogu talogalay qiyaastii 1.4 milyan oo muwaadiniinta dalkaasi ah.
Ajaaniibta ku nool Imaaraatka badanaa waxaa la siiyaa fiisooyin dib loo cusboonaysiin karo oo kaliya shaqeynaya dhowr sano kuwaasi oo lagu bixiyo shaqada. Dawladdu waxa ay dhowaan dabcisay siyaasaddeeda fiisaha, iyadoo bilowday in ay degenaansho waqti dheer ah siiso maalgashadayaasha qaarkood, ardayda iyo xirfadlayaasha.
Sanadkii la soo dhaafay, dowladdu waxa ay kordhisay nidaamkeeda fiisada “dahabiga ah” – kaas oo bixiya degenaansho 10 sano lagu joogi karo dalkan Khaliijka ah – lana siiyo xirfadlayaal gaar ah, kuwa haysta takhasus gaar ah iyo kuwo kale.
Dhaqaalaha Imaaraadka oo soo saarista saliidda iyo gaasku ay halbowle u yihiin ayaa waxaa saameeyay cudurka safmarka ah ee coronavirus iyo qiimaha saliidda oo hooseeya, taasi oo keentay tobanaan kun oo dadka dalkaasi ka shaqeysta ah isaga tagaan dalkaasi.
REUTERS
Daawo:Siyaasiiyin Hargeysa ka dhex istaadhey olole Cod loogu raadinaayo Geellaha Jabuuti doorashada Madaxtooyada Jabuuti 2021
Dawlada Qatar oo si adag uga hadashay dhalinyaro Soomaaliya oo si Khiyaamo ah lagu geeyay Eritrea
Dawlada Qatar oo si adag uga hadashay dhalinyaro Soomaaliya oo si Khiyaamo ah lagu geeyay Eritrea
Waxaa mudooyinkii lasoo dhaafay soo baxayay warar sheegaya in dhalinyaro Soomaaliyeed oo tababar ciidanimo loo geeyay dalka Eritrea lagu qalday loona sheegay in la geenayo dalka Qatar si ay shaqo uga helaan.
War kasoo baxay dowlada Qatar ayaa lagu sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea ka codsatay in baaritaan lagu sameeyo in dhalinyarada Soomaaliyeed ee la geeyay dalka Eritrea lagu qiyaameeyay in la geenayo Qatar.
“Waan cambaareynaynaa shaqsi kasta oo si been abuur ah loogu sheegay inay u guurayaan Qatar si ay fursado shaqo uga helaan, Qatar waxay ka soo horjeedaa dhaqamada noocan oo kale ah waxayna ku boorrineysaa dhamaan dowladaha inay baaraan xadgudubyada noocaas ah”. ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowlada Qatar.
Dowlada Qatar ayaa sheegtay in marar badan dad masaakiin ah lagu qiyaameeyay in dalka Qatar shaqo loo geenayo, waxa ayna dowlada tilmaantay si taasi u dhicin dalalka ay ka yimaadaan Shaqaalaha rasmiga ah ay ka furtay Xarumo laga bixiyo dalku-galka dalkaas.
Qatar ayaa horey loogu eedeeyay in ay wax ka ogeyd qiyaanada lagu sameeyay dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed oo markii hore loo sheegay in la geenayo dalka Qatar balse diyaaradihii qaaday ka dejiyeen dalka Eritrea laguna shubay xeryo ciidan.
Warkan kasoo baxay dowlada Qatar ayaa kusoo aadaya xili ay soo baxayeen warar ku aadan in dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu tababaray dalka Eritrea la galiyay dagaalka gobolka Tigrey halkaasna lagu laayay qaar badan oo kamid ah.
Tobanka Bisha Labaad waxa bilaaaaya Kaadh bedelkii iyo goob bedelashadii
Warka kaadhadhka ee Komishanka:
Xogta aan ka helayo Komishanka ee hawlaha soo socda:
1: 10ka February 2021 Ilaa 23 February waxa soconaya“Kaadh beddelkii iyo Goob beddelashadii”
Nooca kaadhka la beddelayo:
1. Kaadhkii lumay
2)kaadhadhkii aad u xoqmay ama jajabay ee macluumaadku ka masaxmay.
Beddelashada Goobaha:
Qofkii doonaya inuu degmada iska bedelo oo degmo kale tago wuxuu tegayaa degmada uu rabo inuu ka codeeyo waxaanu komishanka u sheegayaa goobta uu rabo inuu ka codeeyo doorashada soo socota.
Sidee iyo goortee la siinayaa kaadhadhka cusub laba qolo ee aynu kor ku sheegnay ee kaadh beddelista iyo goob beddeleshada:
1: Dhamaantood kaadh la siin maayo ee isla markaa ay goobta joogaan ayaa “SHAHAADAD” la siinayaa ay ku cideeyaan.( kaadh laf ah lama siinayo. Beri dambe waxay yeeli ma ogin hadda)
2: March 6,2021 waxa la bilaabayaa kaadh bixintii guud ee dadkii is diiwaan geliyay. Waxay soconaysaa 3 maalmood oo goob walba ah iyo 7 ilaa 10 maalmood oo gooba qaar lagag a tegayo sidii diiwaangelintii oo kale.
Labadaa arrimood aad ha loo fahmo.
B y cabdi fataax gamameeye
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xadhigga Ka Jaray Dhisme Iyo Qalab Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyay Mad-bacadda Qaranka




Daawo:Xisbiga Waddani oo ka hadlay Arimo Cusub oo Haddana xasaasiya
Daawo:Ugaas Luuqad adag kula Hadlay,Eedana ku miisay Siyaasi Cabdicasiis Samaale
Wafti ka socda dalka Ruushka oo Somaliland soo gaadhay
Daawo:Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee S/land oo Tafaasiil ka bixiyey Mashruuc weyn oo Baanku Maalgeliyey
Russian delegation Visits Somaliland
Officials of Somaliland’s Foreign Ministry Affairs have welcomed senior official responsible for Africa economic trade for Russia.

The senior Russian delegation was greeted at Egal airport by SL representative to Djibouti, Abdifatah Saed.
The delegation which is of a fact finding mission will explore invesment chances and ways to forge closer relations with Somaliland.
The delegation will travel to number of locations where they will examine investment-related opportunities in a bid to strengthen bilateral economic and commercial relations in the region.
According to sources the Russians want to renew their relations with the nations of the Horn of Africa under new foreign policy dubbed ‘Horn of Africa initiative’, similar to that one of the days of the Soviet Union. They added that Somaliland was the first of a number of countries the Russians want to develop ties with.
They will meets with President Musa Bihi Abdi of Somaliland.
Berbera’s 12-metre deep-water facility was constructed in 1964 by Russian engineers at a cost of $5.6 million. They have also constructed the longest run way in the region in the 70s.
The reports added that the Russians want to invest in oil exploration and other infrastructures.
Wasiirka Caafimaadka S/land oo shaaciyey Waqtiga Somaliland la keenayo Tallaalka ka hortaga Cudurka COVID19 & Cida keenaysa
Siyaasi Cali Guray:Musharaxiinta Ardaayeysan & Rejada soo bixitaankooda ama dhicitaankooda

Hadda sida xaalka Somaliland yahay ama ha Noqdo Musharax Baarlaman ama mid Gole degaan eh inta aan xisbiyo la gaadhin Musharaxnimadu waxay marka hore ka soo unkamaysaa Ardaayo. Taas oo ah wixii la odhan jiray constituency-ga ayaa Marka hore musharax kasta wuxu noqday uun ardaaga uu ka Soo jeedo iyo taageerada uu ka heli karo. Dhinaca kale marka Ardaa la leeyahay ma jiro ardaa codkiisu uu ku filan yahay in Keligii uu soo sari karo codka uu ku soo bixi karo musharaxoodu Xataa hadii ay codadkooda oo dhan isugu geeyan hal musharax Oo keliya. Tusaale ahaan Maroodijeex doorashadii 2005tii waxa Ka codbixiyay 253000 kuraasida gobolka ee loo tartamayay Waxay dhamayd 20 kursi. Markaa qiimaha halkii kursi wuxu Ahaa 12650. Muu jirin musharax keliya oo gaadhay tiradaasi Halkase sirtu ay ku jirtay waxay ahayd markaa hore isugeynta Tirada codadka uu helay xisbi kastaa ayaa loo qaybinayay Qiimaha halkii kursi. Sidaa ayuu Kulmiye oo ugu cod badnaa Kul 8 kursi Udub iyo Ucidna mid walba lix kursi kuraasidana Waxa ay musharixiinta xisbi kastaa u sii kala heleen sidii ay u Kala cod badnaayeen.
Musharixiintii soo baxday waxay ku soo Kala baxeen cod 9000 ka badan ( kii ugu badnaa) iyo kii ugu Codka yaraa oo helay 4200 qiyaastii. Iyadoo ay taasi jirtay waxa La yaab noqotay in musharax helay 6000 oo cod uu dhacay Halka mid 4200 helayna uu soo baxay sababtuna waxay ahayd Habka loo yaqaan “proportionality” balse hadii ay noqon lahayd In 20ka ugu codka badani ay soo baxaan xaalku sidaa muu noqdeen. Tii ardaayada ayaan uga socdaye ardaayada soo baxay badankoodu waxay ahaayeen kuwii aan codadkoodu qaybsan ee musharaxa keliya isugu tegay. Waxa jiray ardaayo codadkooda marka la isku daro uu ka badnaa 8000 balse aan ku helin hal xildhibaan sababtuna waxay ahayd laba ama sadex musharax ayaa ku tartamayay oo ugu yaraan laba ka mid ah ay si wayn ugu kala qaybsadeen (3000+ 4000+), iyadoo dhinaca kale ay jireen yaanay badnaan eh ardaayo ka cod yaraa sadex Musharaxna ay ku tartamayeen codadka ardaagooda hadana Hal kursi helay. Taasina waxay ku dhacday farsamo la is-dheeraday uun eh si kale may ahayn.
Maanta arinku sidii ma noqon doono marka aynu eegno Korodhka la filayo ee tirada codbixiyaha gobolka Maroodijeex Oo halkii 2005tii ay ka ahayd 253000 la filayo in ay tiradaasi kor U kici doonto ugu yaraan 100000 oo ay gaadhi karto 350000 ama ka badan. Taas oo dabcan kor u qaadi karta qiimihii korsiga wax ku dhaw 7000 taas oo markaa lagu talogeli karo in uu gaadhi karo 19000.
Weliba codbixiyuhu maanta wuu diiwaan gashan yahay oo hal goob oo keliya ayuu codkiisa ka dhiban karaa. Hadda xaalkuna waa ardaagii markaa doorkan safaad ma jiro kurka ayaa la isgoynayaa. Ardaayada isu dhan ee hal musharax oo keliya isugu taga ayuun baa laga yaabaa in hal xildhibaan u soo baxo hadii wadar ahaan codadkoodu uu kor u dhaafi karo 6500 oo cod. Ardaayada safka hore markaa waa kuwa codadkoodu ay gaadhi karaan inta u dhaxaysay 6000 ilaa 8000 qiyaastii.
Markaa ardaaga iyo hadba sida xaaladda uu uga tashado ayay ku xidhnaan doontaa rejeda in uu hal xildhibaan ku yeelan karo Ama ka shubo marka labadiisa musharax ay isla dhacaan sidii Doorashadii horeba dhacday. Sidaa daraadeed ardaaga hal Musharax oo keliya ku tuntuunsada ayuun baa la odhan karaa Rajo ayuu leeyahay ee cid waliba taa ha ku xisaabtanto waayo waxa guulaysan doona 20 ardaa oo laga yaabo in ay leeyihiin Min hal musharax oo keliya.
QALINKII; SIYAASI CALI GURAY,
Daawo:Abaaro soo wajahay Degaanka ka tirsan Gobolka Togdheer+Qaylo-dhaan ka soo yeedhay
Daawo:Muxaadaro aad u qiimo badan oo uu soo jeedinaayo Mustafe X.Ismacil Haaruun+Su’aalo la weydiiyey Culimada & Jawaabihii
Qareenadii difaacayey Donald Trump oo kala yaacay
Qareenadii difaacayey Donald Trump oo kala yaacay

Iyadoo wax ka yar toddobaad ay ka harsan tahay billowga dacwaddiisa labaad ee xil ka qaadista ee golaha Senate-ka, ayaa kooxda difaaca ee Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ay u muuqdaan in ay khal-khal wajahayaan.
Laba qareen oo caan ah oo ka soo jeeda gobolka South Carolina, Butch Bowers iyo Deborah Barbier, ayaa la filayey in ay noqdaan qareennada hogaaminaya kooxda difaaca ee Trump. Laakin warbaahinta ayaa warisay Sabtidii in ay labadani qareen isaga tageen shaqadii ay kooxda u hayeen.
Saddex qareen oo kale oo sidoo kale la wariyay in ay la shaqeynayeen madaxweynihii hore ayaan hadda xubno ka aheyn kooxda sharciga ee Trump sida lagu sheegay macluumaad ay markiisii hore baahisay CNN.
Trump iyo qareennada ayaa lagu soo waramayaa in ay isku khilaafsan yihiin istiraatiijiyad sharciyeedka ku habboon maxkamadeynta Aqalka Senate-ka ee billaabanaysa 9-ka February.
Madaxweynihii hore ayaa wajahaya eedeymo ah inuu “kiciyey kacdoon rabshado wata,” taasi oo lala xiriirinayo kooxihii weerarka ku qaaday Aqalka Congaress-ka 6-dii January. Waxaa lagu wadaa in uu ka jawaabo eedeymahaas ilaa Talaadada.
Ilo wareedyo ayaa ku warramaya in Trump uu doonayo in qareennadu ay diiradda saaraan in uu ku guuldareystay doorashadii madaxtinimada ee uu kula baratamay Joe Biden isaga oo dhibane u ah musuq-maasuq baahsan oo doorashada ah, halkii ay diiradda saari lahaayeen eedeymaha loo jeedinayo.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in madaxweynihii hore laga yaabo in dambi lagu waayo, sababtoo ah 45 senator oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa dhowaan u codeeyay in maxkamadeynta soo socota ay tahay mid aan dastuurka waafaqsanayn maadaama uusan Trump haatan xil heyn.
Trump waa madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah ee labo jeer lagu soo oogo dacwad xil ka qaadis. Sanad ka hor ayay Senate-ka ka bari yeeleen eedeymo ku saabsan ku takri fal awoodeed iyo is hortaag uu sameeyay Congress-ka.
Daawo: Wasiirka Caafimaadka S/land oo ka gilgishay Eedo Xisbiga Waddani ku saydhay
Wasaaradda Warfaafinta S/land oo Qalab Kala Wareegtay Hay’adda BBC Media Action.
Wasaaradda Warfaafinta S/land oo Qalab Kala Wareegtay Hay’adda BBC Media Action.
Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa agab loogu talo’galay Idaacadda Radio Hargeysa kala wareegay hay’adda BBC Media Action.
Munaasibadda qalabkaasi lagula kala wareegay ayaa ka qabsoontay xafiiska agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, waxaana agabkaasi oo qayb ka ahaa mashruuc ay ka wada shaqeeyeen Radio Hargeysa iyo hay’adda BBC Media Action uu ka koobnaa Koombiyuutarro, qalabka xogta lagu keydiyo, cod duubayaal iyo cod baahiyayaal.
Agaasime ku xigeenka hay’adda BBC Media Action ee Somaliland Maxamed Cabdilaahi Gaas oo ka war bixiyay agabkaasi ayaa sheegay in qalabkaasi ay ku yimaadeen wada shaqaynta fiican ee ka dhexeeya Radio Hargeysa iyo Media Action, waxaana uu sheegay in ay halkaasi ka sii wadi doonaan wada shaqaynta ka dhexeysa labada hay’adood.
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay agaasimaha waaxda Idaacadaha Xasan Maxamed Yuusuf oo sheegay in uu soo dhaweynayo qalabkan loogu deeqay Idaacadda Radio Hargeysa, kuwaas oo wax weyn ka tari doona shaqada istuudiyaasha Idaacadda, wuxuuna ka sheekeeyay xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Radio Hargeysa iyo BBC Media Action.
Ugu dambeyn waxa munaasibaddaasi ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo uga mahadnaqay hay’adda BBC Media Action qalabkaasi ay ugu deeqday Idaacadda Radio Hargeysa, isaga oo itaas ku daray inuu aad ugu faraxsan yahay in wada shaqaynta labada hay’adood ay ka dhalato is caawinta iyo wada shaqayntaas habboon, taas oo uu sheegay in wasaarad ahaan ay mar walb diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan hay’adda BBC Media Action.
Degdeg:Dawladda Itoobiya oo si adag uga jawaabtay Hadalkii hoggaamiyaha Baxsadka ah ee TPLF Baahiyey
Dawladda Itoobiya oo si adag uga jawaabtay Hadalkii hoggaamiyaha Baxsadka ah ee TPLF Baahiyey

Dowladda Itoobiya ayaa ka hadashay cod baraha bulshada uu soo dhigay hoggaamiyaha baxsadka ee Tigray Debretsion Gebremichael kaas oo ku eedeeyay dowladda in tacaddiyo ay ka geystay gobolkaas.
Afhayeen u hadashay dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in hadalka hoggaamiyaha TPLF looga golleeyahay in lagu daboolo dambiyada iyo tacaddiyada ay geysteen TPLF.
Wuxuu beesha caalamka ugu baaqay in la baaro waxa uu ku tilmaamay xasuuqa ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ay ka geysteen gobolka intii uu dagaalka ka socday Tigray.
Wuxuu sidoo kale sheegay inay dhaceen dhacdooyin baahsan oo isugu jiro kufsi, tacaddiyo iyo in si ula kac ah macluul loola beegsaday dadka xilliggii uu dagaalka socday.