Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Somaliland Police Force Commander Pledges To The Constabulary

$
0
0

Somaliland Police Force Commander Pledges To The Constabulary

 Hargeisa, (Qaran news)-The Somaliland National Police Commander has ordered divisional and station commanders to streamline their dockets such that apt services maybe rendered to the deserving members of the public.

The Police Chief, Brigadier-General Mohamed Aden Saqadhi (Daba-gale) gave the directives as he opened a workshop for regional commanders over the week for bolstering the police department by stepping up diligence.

He decried the prevalent conditions of police stations, saying that they were not so good hence called for their urgent improvements.

While citing the duties of investigative officers as being the bed-rock of the path to justice, the general similarly pointed out that it was a sector that most complaints emanated from hence dented the image of the force.

We have to make clean police stations’ environment and improve our relationship between the people, treat the victims humanely, respond to their needs promptly, investigate cases swiftly with professional acumen and fairness and treat every detainee well”, said the commander.

He noted that they had to be bold and point out that the members of the public who need police services are usually heavy hearted in seeking the needed help since the feel the department is not diligent as expected, hence appear at stations begrudgingly.

The police chief said that given the huge public outcry as bedeviling the investigative sector, he warned that the whole image of the administration of the day would be severely dented hence has to be addressed immediately.

He ordered for the complete streamlining of the sector with close supervisory monitoring being done by the station commanders, and by extension, their superior divisional and regional commanders.

He not only called for, but indeed ordered on improving the services provided by police stations to the community, while underpinning the fact that attention need to be paid to complaints on police and how they are handled.

 

Qarannews

 


Somaliland’s quest for recognition passes through its ancient caves

Faahfaahin khasaarihii ka dhashay  weerarkii General Galaal lagu dilay

$
0
0

Faahfaahin khasaarihii ka dhashay  weerarkii General Galaal lagu dilay

 

Waxaa xalay saqdii dhexe la soo afjaray weerarkii lagu qaaday Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho.

Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in saacado dheer ay qaadatay soo afjaridda weerarkani islamarkana uu khasaaro ka dhashay.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali ayaa BBC u sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen 9 qof oo ay ku jiraan raggii weerarka soo qaaday.

Mr Sadiiq ayaa sidoo kale sheegay in weerrakan ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 10 qof.

Dadka caanka ah ee weerarka ku dhintay waxaa ka mid ah Janaraal Maxamed nuur Galaal.

Mr Sadiiq ayaa sheegay in sababta uu weerarka waqtiga dheer u qaatay ay tahay inay badbaadinayeen markii hore dadkii halkasi ku go’doonsanaa.

“Sababtaa waqtiga intaas la dhan uu noogu qaatay ayaa ahaa marka hore dadkii ku jiray hotelka oo inta badan ahaa dad u soo casiriya tagay inana ka badbaadino argagixisada ka dib-na la soo afjaro,,” ayuu yiri.

 

Weerarka ayaa sida ay booliiska sheegeen markii hore ku bilaabmay gaari lagu qarxiyay ilinka hotelka laga galo ka dib-na waxaa gudaha u daatay rag hubeysan.

Masuuliyadda weerarka ayaa waxaa sheegtay kooxda Al-Shabab.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli muddooyiinkii u dambeeyay aysan magaalada Muqdisho ka dhicin weerarada noocan ah.

Waxaa uu sido kale weerarkan ku soo beegmayaa xilli ay meel xasaasi ah mareyso doorashada dalka soomalaiya.

Kumuu ahaa Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo lagu dilay Weerarkii Hotel Afrik-Muqdisho?

$
0
0

Kumuu ahaa Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo lagu dilay Weerarkii Hotel Afrik-Muqdisho?

.
Jeneraal Galaal

Generaal Maxamed Nuur Galaal, waxaa uu ku dhashay meel u dhaw magaalada Ceelbuur ee gobolka Galagduud, wuxuuna waxbarashadiisa asaasiga ah kusoo qaatay magaalada Muqdisho.

Markii uu dhameeyay waxbarashada sanadkii 1957-dii waxaa uu ku biiray booliska Soomaaliya, waxaana uu kusoo tababartay kuleejkii Ferari xilligii daakhiliyada. Waxaa uu ka hawlgeli jiray saldhigii booliiska ee la oran jray Oriantalle ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay kasoo wada shaqeeyeen Maxamed Siyaad Barre, waxaana lagu qaatay laba Alifle.

Sida uu sheegay Dr Maxamed Cali Kamoole oo ay soo wada shaqeeyeen Jeneraal Galaal, kana mid ahaa hawlwadeenadii dowladii hore ee milateriga,markii la asaasay milateriga Soomaaliya 1960-kii, Jeneraal Galaal, waxaa uu ku biiray ciidanka, wuxuuna ka mid ahaa saraakiishii ugu horreysay ee 1960-kii loo qaaday dalka Talyaaniga, wuxuu dalka dib ugu soo laabtay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1964.

Isla sanadkaas wuxuu ka mid noqday saraakiil loo qaaday dalka Ruushka, si ay ugu soo tababartaan, waxaana lagu qaatay darajada xidigle.

Galaal waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii ugu muddada dheeraa ee kusoo tababartay dalka Ruushka oo waxaa uu dalkaas ku maqnaa muddo 5 sano ah. Waxaa la sheegaa in khibraddiisa ugu badan ay ahayd sirdoonka dhanka milateriga.

.

Intii uu joogay dalka Ruushka, wuxuu wax ku bartay akademiyadda Fur’uns, wuxuuna bartay taaktikada dagaalka, hawlgelinta ciidamada, dagaalka dhuumaaleysiga iyo basaasnimada.

Waxaa uu kasoo shaqeeyay magaalooyin badan oo ay kamid yihiin Baydhabo oo uu joogay markii uu inqilaabka dhacay iyo Beledweyne oo uu markii dambe kasoo shaqeeyay.

Maxamed Xaaji Ingiriis o wax ka qoray taariikhda Galaal, wuxuu sheegay in uu kasoo qeyb qaatay dagaaladii sanadihii 1964-tii iyo 77 ay Soomaaliya la gashay Itoobiya. Dagaalkii 77 kadib waxaa la sheegaa in uu ku biiray siyaasadda, waxaana mar uu soo noqday wasiir ku xigeenkii gaashaandhigga oo uu ahaa intii u dhaxeysay 1977-dii ilaa iyo 1980-kii.

Wuxuu kaloo soo noqday wasiirkii hawlaha guud intii u dhaxeysay 1980-1982. Sidoo kale dhanka baarlamaanka waxaa uu ka soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin xoghayihii baarlamaanka, xoghayihii guud ee gollihii barlamaanka iyo guddoomiyaha guddiga siyaasadda. Markii uu dalka burburayay, Jeneraalka waxaa uu ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaankii xilligaas jiray.

Profesar Ingiriis ayaa sidookale sheegay in Jeneraal Galaal in uu kamid ahaa raggii fara kutiriska ahaa ee aqoonta durugsan u lahaa arrimaha ciidamada, waxaa uuna magac ku yeeshay dagaalkii 77 oo sababta arrintaas loo aaneeyo tababarkii uu kasoo qaatay dalka Ruushka.

Qaryaqaan Mubarik Aar oo sharcidaro ku tilmamay hanaanka xisbul xaakimka Kulmiye ku aqbaleen musharaxnimada Mayorka Hargeisa

$
0
0
Qaryaqaan Mubarik Aar oo sharcidaro ku tilmamay hanaanka xisbul xaakimka Kulmiye ku aqbaleen musharaxnimada Mayorka Hargeisa
 
Garyaqan Mubarik Aar oo manta warbahinta kula hadlay magalada Hargeysa, ayaa sheegay in gudida xulista musharixinta ee xisbiga kulmiye anay si hufan uga fiirsan musharaxnimada mayor Soltelco ee uu marlabad ugu ordayo golaha deeganka ee casimada Hargeysa.
Garyqanka ayaa sheegay in mayor Solteclo aanu buuxinin shurudhihi looga baahnaa si uu markale isku soo sharxo, garyaqanka oo arinkan ka hadalaya ayaa yidhi.

“Mayor ka casimadu waa nin muwadina oo in uu isasoo sharaxo xeerku wuu siinayaa lakin sadex jaran jaro ayaa jirta oo aanu sadexda  midna aanu dhaafayn oo sadexduba ay qabanayan, sadexda jaran jaraba xeerka sheegaya. Sadexda jaran jaro waxa loogu talo galay in lamariyo qofka musharaxa ah si qofkii saxda aha loo so saaro. Jaran jarada 1aad  ee uu xeerka doorashoyinku sheegaya waxa weeyan waxa jirta gudi layidha gudida xulista musharixinta , gudidasi oo  awood uleh in ay soo xulan musharaxa ku haboon ina uu golaha deeganka kamid noqdo iyaga oo eegaya 12 shardi oo loodhigay in musharixinta golaha deeganka lagu xulo, 12 kaa shuruudood 2 kamid ahi manta mayor Soltelco way qabanayan, waxana qodobada kamida in qofka golaha deeganka ku biirayaa uu yahay qof xilkas ah oo ay jirto masuuliyad hore loogu dhiibay oo uu kasoo baxay. Soltelco xilkii uu hayay in uu kasoo baxay iyo inkalena idinkaa ka jawabaya”.

Garyaqanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in qodobka 2aad uu sheegayo in hantida mayor ka dib isku sharaxaya la tiro kobo, tasi oo uu sheegay in aan mayor Soltelco lamarin.
Sidookale garyaqanka ayaa sheegay in xeerka doorashoyinka qaranku uu dhigayo in hogaanka xisbiga uu mayorku iska sharaxayo oo uu madaxwayhuhu kaw kayahay in ay wajib ku tahay in ay si wadaniyadi ku dheehantahay ay u baadhan in mayorku xaq u leeyahay in uu marlabad is sharxo iyo inkale iyada oo lasarayo miisanka sharciga ah ee xeerka doorashoyinka.
Mayorka casimada Hargeysa aya kadib mudo 9 sanadood oo uu xukumayay casimada Somaliland ee Hargaysa markale xusulduub ugu jira sidii uu marlabad xilkaa ugu guulaysan laha.

Kulan Diimeed:Daawo,Sababta Aanada & Dilka Soomaalidu u dhamaan waayay Mustafe Sh.Ismaaciil Haaruun

Degdeg:Daawo,Kulan Degdega oo Golaha Guurtida ka yeesheen Codsi uga yimi Madaxtooyada+Guddi loo saaray & Mudeynta Doorashada

M/weyne Muuse Biixi oo Bilad Qasriga Madaxtooyada ku gudoonsiiyey….

$
0
0

Daawo Muqaalka:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta qasriga madaxtooyada Somaliland ku gudoonsiiyey billadii uu xaqa u lahaa Ciyaaryahan Cabdicasiis Aadan Cumar oo ku magac dheer (Gacan) kana mid ahaa xulkii gobolka Daadmadheedh ee 16-11-2020 ku guulaystay koobkii gobolada Jamhuuriyadda Somaliland ee Kubadda Cagta oo uu maalintaasi kaga maqnaa ciyaartii kama danbaysta ahayd dhaawac culus oo ka soo gaadhay lugta midig oo uu ka jabay.


Daawo:F.C.Warabe oo ka hadlay Weerarkii Hotel Afrik Muqdisho & Dilkii Gen.Maxamed Nur Galaal oo lagu dilay

Al-shabaab oo shaaciyey Sababtay u dileen amaba u Bartilmaameedsadeen Gen.Galaal

Lamaane Aroos oo lagu dilay Weerarkii Hotel-Afrik+Waalidkood oo ka hadlay sidii loo dilay

Daawo:Baanka dhexe ee S/land oo soo bandhigay Lacago Baanka yaalla oo aaney ka war-hayn Dadkii lahaa+Tirada Dadka la helay

Mareykanka oo shaaciyey in Dawlada Iran Toddobaadyo keliya uga dhiman yihiin inay hesho Nukliyeer

$
0
0

Mareykanka oo shaaciyey in Dawlada Iran Toddobaadyo keliya uga dhiman yihiin inay hesho Nukliyeer

 

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Xukuumadda Iiraan ay maalmo u jirto helitaanka agab ku filan oo ah hubka nukliyeerka haddii ay sii waddo xakameynta barnaamijkeeda Atoomikada.

Qiimeynta waxaa sameeyay xoghayaha cusub ee Mareykanka Antony Bliken, waxaana uu hadalkaan sheegay xili uu la hadayay warbaahinta Mareykanka ee NBC.

Iiraan waxaa ay ka baxday heshiiskii caalamiga ah ee Nukliyeerka sanadkii 2015-kii kadib markii ay is maageen madaxweynihii xiligaas Donald Trump .

Xiligii uu Mr Trump madaxweynaha ahaa wuxuu sheegay in Iiraan ay ka baxday qaar ka mid ah waxyaabihii heshiiska saldhiga u ahaa .

Maamulka madaxweynaha cusub ee Biden ayaa hadda u muuqada in uu diyaar u yahay inuu Iiraan kala xaajoodo ku laabashada heshiikii Nukliyeerka.

Dhuuso-mareeb oo Hub culus & Hoobiyaal lagu garaacay Xilli Farmaajo & 3 Madaxweyne Goboleed ku hoydeen+Cabsi soo wajahday

War cusub oo ka soo kordhay Soomaalida Arrimaha Caafimaadka u taga Hindiya


Daawo:Beel Degta Gobolka Saaxil oo shaacisey inay Taageeradeedii kala noqotay Xisbiga Kulmiye kuna biirtay

Golaha Guurtida Somaliland oo Go’aan ka gaadhey Doorashooyinka isku-sidkan ee Wakiilada & Barlamaanka+Waqtigay Cayimeen

$
0
0
Golaha Guurtida Somaliland oo Go’aan ka gaadhey Doorashooyinka Wakiilada & Barlamaanka+Waqtigay Cayimeen       Golaha Guurtida Somaliland ayaa Go’aan ka gaadhay Dalab ama Codsi uu u soo gudbiyey Madaxweyne Muuse Biixi,waxayna isku raaceen in Doorashada Isku sidkan ee Golaha Wakiilada & Guurtida la qabto Mudadii ay isku raaceen Axsaabta Qaranka & Komishanka Doorashooyinka Somaliland... Read more »

Daawo:Shacabka Reer Hargeisa oo Sida Fiinta uga qayliyey Musharaxnimada Maayar Soltelco

Daawo:Sidii Guurtida S/land u ansixiyeen Waqtiga ugu haboon ee Doorashada lagu qaban karo+Xildhibaano Mawqifyo kala duwan la gole yimi

M/weyne M.Biixi oo ka qaybgalay Xuska sannad-guurada 27-aad ee  Ciidanka Qaranka  Somaliland.

$
0
0

M/weyne M.Biixi oo ka qaybgalay Xuska sannad-guurada 27-aad ee  Ciidanka Qaranka  Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qaybgalay sannad-guuradii 27-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska ciidanka militeriga Somaliland oo lagu qabtay caasimadda Hargeysa.

 

Ugu horrayn waxa uu madaxweynuhu kormeer kooban oo shaqo kusoo maray xerada ciidanka militeriga ee Bir-jeex oo ku yaalla cusbitaal qalabaysan oo ciidanku leeyahay, isaga oo cutubyo katirsan ciidanka qarankana salaan kaga qaatay xarunta taliska guud ee ciidanka oo uu uga sii gudbay goob si weyn loo qurxiyey oo loo asteeyey xuska munaasibadda sannad-guurada 27-aad.
Munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayey xuska sannad-guuradan, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay wasiirrada wasaaradaha Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (fariid), arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore, Ganacsiga, dalxiiska iyo wershadaha, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed, taliyaha ciidanka qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, dhammaanba taliyayaasha ciidamada kale ee dalka, xildhibaanno, siyaasiyiin, saraakiil iyo diblomaasiyiin ka socda dalalka deriska iyo waddamada kale ee Somaliland la saaxiibka ah, madax katirsan saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.
 
Ugu horrayn Kooxda GAASHAAN ee ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ugu horrayn munaasibadda ku ibo-furay masraxiyad waddaniyadeed la magac baxday DAWLADNIMO WAA SHARAF, taas ka turjumaysay kaalinta miisaanka leh ee ay ciidanka qaranku kaga jiraan dhismaha dawladnimada, islamarkaana si weyn usoo jiidatay shucuurta madaxdii munaasibadda ku sugnayd.
 
Taliyaha ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani oo ugu horrayn halkaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa si guud u hambalyeeyey ciidanka militeriga dalka, waxana uu ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen ciidanka militerigu, dhibtii qaranku usoo maray dhismahooda iyo horumarka dhinacyada kala duwan leh ee ay sameeyeen muddadii ay jireen.
 
Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiqani Maxamuud Xaateeye, ayaa isaguna dhinaciisa hambalyo iyo duco u diray dhammaanba ciidanka militeriga ee dalka, waxana uu ciidanka ku tilmaamay tiirar halbawle u ah dawladnimada, islamarkaana ay tiir-dhexaad u yihiin inuu qaranku gaadho himilooyinkiisa iyo yoolalkiisa muhiimka ah, waxana uu yidhi, “Ciidanka qaranku 27-kaa sannadood iyaga oo gudanaya waajibaadkooda, waxay ahaayeen kuwo ku astaysan naf-hurid, guulo is daba-joog ah, ilaalinta iyo difaaca qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxana farxad ii ah in ciidanka qaranku ay xaqiijiyeen qodobbo ku xusan qorshaha horumarinta qaranka.”
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna taliyaha cuud ee ciidanka qaranka, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa hambayo qaran u diray dhammaanba ciidamada kala duwan ee militeriga, waxana uu sheegay inuu shacabku gaadhay heer uu naf-hurnimada, dal-jacaylka iyo waddaniyadda kaga daydeen ciidamada qaranka, taasina ay tahay inay abaalkii ciidanka qayb kamid ah soo celinayaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“In badan waxa la isku raacaa ciidanka qaranku abaalka uu dalkiisa u galay cid gudi jirtaa ma jirto, waa dhab, waayo qof naftiisa huray waxa loogu abaalgudaa waa naf loo huro uun, laakiin abaalkooda kolba in baa la gudaa, maantana waxan leeyahay shacabka Somaliland dhammaantii in badan oo tallaabooyin horumar ah oo abaalkii aad u gasheen ah buu soo celiyey, abaalkuna ma aha lacag iyo Adduune waa wixii aad garateen ee isu xilsaarteen haddii aad ciidamada oo dhan tihiin ee ahaa qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ammaan ah oo nabad ah sidii loo heli lahaa, ayaanu nafta u huraynaa, qaranku maanta wuxuu qaatay inuu dhammaantii tallaabadiinnii qaato oo isaguna nafta huro.”
Madaxweynuhu waxa uu si mug leh u ammaanay midnimada iyo isku-duubnida shacabka Somaliland, xukuumad, mucaarid iyo muxaafidba iyo sida ay meel uga soo wada jeedaan horumarka qarankooda iyo danahooda guud ahaaneed,“Dalku wuxuu ku jiraa sannadkan maanta ah iyo kii ka horreeyeyba Somaliland oo taladiiinii qaadatay oo khilaafkii dhammaysay oo dhammaan u midowday horumarinta iyo nabadda dalka. waxa kale oo guul labaad ah in dhammaan xisbiyadii iyo siyaasiyiintii ay u midoobeen horumarinta qaranka iyo nabadda oo ay wax siyaasadda ka saareen wax Allah iyo wixii xanaf, duul-duul iyo hadal qalloocan ahaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu bogaadiyey go’aanka geesinimada leh ee ay golaha guurtidu ka gaadheen inay qabsoomidda xilliga doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka oo horyaallay ku saleeyaan waqtigii ay dhawaan isugu raaceen Komishanka doorashooyinka qaranka iyo Axsaabta qaranka oo isku duubani, isaga oo tallaabadaas ku tilmaamay mid dhisaysa Dimuqraaddiyadda dalka.
Ugu dambayntii madaxweynuhu waxa uu shacabka usoo jeediyey inay ilaashadaan nabaddooda iyo wada-jirkooda xilligan dalku doorashooyinka gelayo, kana dheeraadaan wax kasta oo dhexdooda khilaaf ku keeni kara, isaga oo dallacsiiyey 826(Siddeed boqol iyo lix iyo labaadan) sarkaal, iyo in ku dhaw shan kun iyo shan boqol isugu jira saraakiil-ku-xigeenno iyo askar caadi ah oo katirsan ciidanka militeriga.
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

 

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>