Daawo:Wasiirada Wasaaradaha Arimaha Debeda & Warfaafinta Somaliland si Mug leh loogu soo dhaweeyay Degaanada Hawdka Sool
Mohamed Bin Salman approved operation to capture or kill Khashoggi: US report
Dawlada Mareykanka oo shaacisay ciddii Amartay dilkii weriye Jamaal Khaashuqji
Daawo:Mujaahidiin Eedo culculus ku saydhay Gudoomiyaha Barakacayaasha C/kariim Xinif
Saameynta ka dhalatay dagaalka xuduudda ee Suudaan & Itoobiya
Saameynta ka dhalatay dagaalka xuduudda ee Suudaan & Itoobiya

Qoxootiga reer Itoobiya ee ku sugan magaalada Khartuum ayaa sheegay tani iyo markii ay dagaallada xadka ee Suudaan iyo Itoobiya u dhaxeeya ay billawdeen loo diiday iney lacagahooda ay raashiin iyo shidaalba ku iibsadaan.
Qaar ka mid ah qoxootigaasi oo BBC u warramay ayaa sheegay iyaga oo haysta sharciga qoxootinimada ee ay bixiso hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qoxootiga ee UNHCR, ay booliska dalka Suudaan tacaddiyo badan kala kulmaan.
Dadkaasi qoxootiga ah waxay sheegeen dhibaatada iyo cadaadiska inuu ku sii batay wixii ka dambeeyey markii ay billowdeen dagaallada xuduudda ee labada dal u dhaxeeya, taasina ay ku abuurtay walwal iyo cabsi aad u badan.
Waxayna intaasi ku dareen xerada qoxootiga ee UNHCR muddo laba bilood ah marki ay dagganaayeen loo wareejiyo halka lagu qubo qashinka magaalada Khartuum oo aan nolosha ku habbooneyn.
Goobtaasi oo ay sheegeen iney ku nool yihiin 700 oo qoys oo isugu jira qoxooti ka soo kala jeeda Itoobiya, Congo, Burundi, Eritrea iyo waddama kale oo qaaradda Afrika ka tirsan.
Dadkaasi qoxootiga ah waxaa kale oo ay BBC u sheegeen dhibaatooyinka iyo xadgudubyada gudaha dalka Suudaan ku haysta iney si gaar ah u saameeyeen haweenka iyo carruurta.
“Dhibaatada ugu badan waxaa noo geysta booliska xilliyada aan xerada ka soo baxno oo aan magaalada adeeg u raadsanno” ayey tiri Kulani Beyene oo Khartoum qoxootinimo ku joogta oo BBC u warrantay.
“Xaaladdu waxay ka sii dartay inta ay billaawdeen dagaalka xadka ee dhaxeeya Itoobiya iyo Suudaan wixi ka horreeyey sida aan hadda nahay waanu dhaannay” ayey yiri.
“Aniga iyo carruurteyda meelna uma dhaqaaqi karno, waxaana noo shaqeeyo seygeyga oo keli ah lacagta uu soo helana ma aha mid kaafin karo noolasha qoyska, rooti si aan u iibsanno markaan saf u galnana dadka waddanka Suudaan si xun ayey noola dhaqmaan” ayey tiri Yeshi Kebede oo BBC u warrantay.
Madaxa waaxda arrimaha qurbajoogta ee safaaradda Itoobiya ay Suudaan ku leedahay Michael Toobiyaas wuxuu sheegay xadgudubka qoxootiga reer Itoobiya ay gudaha Suudaan ku wajahaan sidii wax looga qaban lahaa iney dowladda Khartoum gaarsiiyeen ayna ka shaqeynayaan sidi dadkaasi qoxootiga ah xuquuqdooda u heli lahaayeen.

“Dagaalka is xulufeysiga”
Maxamed Mustafe Jaamac oo ka tirsan jariiradda Ra’ayul Yawm ee ka soo baxda London wuxuu leeyahay: “Dagaalladan waxay dhacaan sannad kasta oo uu roob da’o, waana dhibaato ka taagan xadka Suudaan iyo Itoobiya, waxa dhacay ma ahaan arrin fudud oo la aqbali karo”.
Wuxuu intaas ku daray: “Dad badan oo reer Suudaan ah oo wax ku qoro baraha bulshada kama cabsanayaan arrinta ah in Suudaan ay ku cadaadiyaan in isbaheysi militari ay la yeelato Masar kaddib walaaca sii kordhaya ee ka dhashay muranka biyo xireenka webiga Nile xilli Itoobiya ay ku dhawday dhameystirka howshaas”.
“Waxay u muuqataa walaaca ay muujinayaan dhallinyarada reer Suudaan in uu yahay mid si dhab ah u jira maadama ay jirto daacadnimada aadka ah ee ay janaraalada ka arrimiyo Suudaan u hayaan Rajiimka Masar, Imaaraatka iyo maamulka Sacuudiga… dadka wax ku qoro Online-ka ee Suudaan waxay codsanayaan in muranka labada dal lagu xalliyo qaab diblumaasiyadeed waa haddii Itoobiya ay aqoonsato dhulkan la isku hayo in Suudaan ay leedahay isla markaana laga hortaggo kooxaha weerarka ku soo qaadayo dalka iyo kheyraadkiisa”.
Axmed Jalal wuxuu wargeyska Al-Rakuubah ee ka soo baxa Suudan u sheegay: “Dadka qaar waxay ku deg degayaan faafinta hadallo aan waxbo ka jirin, waxanay arrinta ku tilmaameen ‘shirqool ay waddo Masar’ taas oo ah in dagaal lala galo Itoobiya iyado la matalayo Masar, sidoo kale in canaasiirta Masaarida ah ay doonayo in dab ay ka dhex shidaan Suudaan iyo Masar si loo joojiyo biyo xireenka weyn ee laga dhisayo webiga Nile”.

Wuxuu intaas ku daray: “Dadkan waxay iska dhaga tirayaan runta, waxayna tahay in ciidammada Itoobiya ay ahaayeen kuwii weerarka ku qaaday saldhigyada ciidammada Suudaan… waxay duullaan ku yihiin dhulkeena wanaagsan si ay u qabsadaan oo ay u maamulaan, ciidammadeena geesiyaasha ayaa iska caabiyay oo jab u geystay, tallabadaas waa shaqada loo igmaday”.
Dhanka kale, Feysal Cawad Xasan oo wax ku qoray wargeyska Suudaan Mail ayaa yiri: “Sida ay muujinayaan daraasado la isku haleyn karo… waxay sheegayaan in Suudaan ay wajaheyso ‘ficil qabsasho ah’ gaar ahaan labo arrimo oo ku saabsan caqabado siyaasadeed iyo in looga guuleystay dhanka hubka iyo dhaqaalahaba”
Maxaad ka taqaan Maxamed Bin Salmaan Dhaxal-sugahaAwoodda badan ee boqortooyada Sucuudiga
Maxaad ka taqaan Maxamed Bin Salmaan Dhaxal-sugahaAwoodda badan ee boqortooyada Sucuudiga

Warbixin uu shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu ansixiyay dilka weriyaha qurba-joogga ahaa Jamaal Khaashuqji sanadkii 2018.
Warbixinta oo uu shaaciyay maamulka madaxweyne Biden ayaa waxa ay tibaaxaysaa in amiirka uu ansixiyay qorshada in “la soo qabto ama la dilo” weriyaha uu saldhiggiisu yahay waddanka Mareykanka.
Waa markii ugu horraysay oo uu Mareykanka si cad u sheego magaca amiirka dhaxalsugaha ah, kaas oo diiday inuu armay dilka.
Haddaba waa kuma Maxamed Bin Salmaan?
Marka la eego Sacuudiga dibaddiisa, dad kooban ayaa yaqaannay magaca Maxamed Bin Salman Aala Sucuud, ka hor inta uusan aabihiis boqorka noqonin sannadkii 2015-kii. Balse hadda, 33 jirkan dhaxal sugaha boqortooyada ah waxaa loo aqoonsan yahay inuu yahay qofka rasmiga ah ee gacanta ku haya maamulka waddanka dhoofiya saliidda ugu badan ee caalamka.
Wuxuu hantay qalbiyada hogaamiyeyaasha reer galbeedka ka dib markii uu ku dhaqaaqay tallaabooyin uu isbaddallo uga sameeyay Sucuudiga, oo ah waddan sharci adag, waxaana isbadalladaas ka mid ahaa xayiraaddii uu ka qaaday gaari wadista dumarka iyo dadaalkii uu ku raadinayay sidii loo ballaarin lahaa dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha.
Laakiin waxaa si weyn loogu dhaliilay arrimo ay ka mid yihiin:-
-Dagaalkii uu ku qaaday dalka dariska la ah ee Yemen, kaasoo sababay xadgudubyo waaweyn oo bani’aadannimo.
-Inuu billaabay muranka siyaasadeed ee Qadar iyo Sucuudiga, oo kala qeybiyay midnimadii golaha iskaashiga khaliijka ee (GCC).
-Inuu xoojiyay howlgalka adag ee ka dhanka ah dadka ka soo horjeeda siyaasadda Sucuudiga.

Xitaa waxaa isa soo taraya talooyinka ku saabsan in laga baddalo xilka uu hayo ee ah dhaxal sugaha boqortooyada, wixii ka dambeeyay markii uu soo shaac baxay dilka Jamaal Khaashuqji oo ahaa wariye caan ah oo ka soo horjeeday siyaasadaha Sucuudiga.
Xubno ka tirsan sirdoonka Sucuudiga ayaa la rumeysan yahay in ay Khaashuqji ku dileen gudaha qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, horraantii bishan Oktoobar ee 2018-ka.
Waa kuma Maxamed Bin Salmaan (MBS)
Maxamed Bin Salmaan wuxuu magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ku dhashay 31-kii bishii Agoosto ee sannadkii 1985-kii.
Wuxuu ahaa wiilka curadka ah ee uu dhalay boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis Aala Sucuud oo xilliga uu Maxamed dhalanayay ahaa mid ka mid ah dhaxal sugeyaasha boqortooyada.
Hooyadiis waa xaaska saddexaad ee boqor Salmaan, waxaana lagu magacaabaa Fahdah bint Falah bin Sultan.
Ka dib markii uu shahaadada 1aad ee waxbarashada jaamacadeed ka qaatay Jaamacadda King Saud ee ku taalla magaalo madaxda Sucuudiga ee Riyaad, wuxuu ka soo shaqeeyay hay’ado kala duwan oo ay leedahay boqortooyada.
Sannadkii 2009-kii, waxaa loo magacaabay inuu la taliye khaas ah u noqdo aabihiis, oo xilligaas ahaa Duqa magaalada Riyaad.
Maxamed Bin Salman ayaa awoodda boqortooyada lugta la soo galay sannadkii 2013-kii, markaasoo loo magacaabay madaxa qasriga dhaxal sugaha boqortooyada, isagoo darajadiisu ay ahayd heer wasiir.
Sannadkii ka horreeyay ee 2012-kii, ayaa aabihiis loo xushay inuu noqdo dhaxal sugaha taajka boqortooyada, ka dib geeridii Nayef bin Cabdul Casiis, oo ahaa qofka dhaxalka xilkaas ugu sokeeyay.
Bishii Janaayo ee sannadkii 2015-kii ayuu geeriyooday boqor Cabdalla bin Cabdul Casiis, Salmaan ayaana xilka boqortooyada la wareegay isagoo markaas ay da’diisu ahayd 79 sano.

Boqorka cusub ayaa si deg deg ah u sameeyay labo go’aan oo ay la yaabeen dadka kormeera xaaladda maamulka boqortooyada, ka dib markii uu wiilkiisa ka dhigay dhaxal sugaha ugu sokeeya ee taajka ahna wasiirka gaashaandhigga, halka wiilka uu adeerka u yahay ee Maxamed Bin Nayef uu ka dhigay ku xigeenka dhaxal sugaha boqortooyada.
Maxamed Bin Nayef ayaa markaas ahaa qofka ugu haboon ee mudnaanta ku leh taajka.
Warqadda lagu qeexay go’aannadaas ayaa noqotay tii ugu horreysay ee xilka dhaxal sugaha boqortooyada loogu kala wareejiyo wiilashada uu awoowga u yahay Ibnu Sacuud, oo ah ninkii aasaasay boqortooyada.
Mid ka mid ah tallaabooyinkii ugu horreeyay ee uu Maxamed Bin Salmaan qaaday markii uu noqday wasiirka Difaaca waxay ahayd inuu bishii Maarso ee sannadkii 2015-kii dagaal ku qaaday waddanka Yemen, isagoo taageero ka helayay dalal kale oo carabeed.
Dagaalkaas ayaa yimid ka dib markii kooxda fallaagada ah ee Xuutiyiinta, oo ay Sucuudigu aaminsan yihiin inay Iiraan ka dambeyso, ay xoog kula wareegeen magaalo madaxda Yemen ee Sanca, isla markaana ku khasbeen madaxweyne Cabdulrabbu Mansuur Haadi inuu dalka dibaddiisa u baxsado.

Weerarka Sucuudiga uu ku qaaday Yemen ayaa horumar aad u yar sameeyay muddo saddex sano iyo bar ah oo la soo dhaafay.
Wuxuu xitaa sababay in Sucuudiga iyo xulafadiisa lagu eedeeyo iney geysteen dambiyo dagaal oo ka dhan ah bani’aadannimada, ayna malaayiin ruux oo rayid ah ku kallifeen iney noloshooda ciriiri gasho.
Bishii Abriil ee sannadkii 2015-kii, boqor Salmaan ayaa isbaddallo kale ku sameeyay kala horreynta xilka boqortooyada, isagoo Maxamed Bin Nayef u magacaabay dhaxal sugaha taajka, halka uu wiilkiisana u magacaabay xilalka kala ah ku xigeenka dhaxal sugaha taajka, raysul wasaare ku xigeenka labaad iyo madaxa golaha dhaqaalaha iyo horumarka.
Hal sano ka dib, Maxamed Bin Salmaan ayaa shaaca ka qaaday inuu damacsan yahay qorshe uu isbadallo dhaqaale ugu sameyn doono Sucuudiga, si uusan mar walba ugu tiirsanaanin dhoofinta Saliidda.
Qorshahaas oo lagu magacaabay hiigsiga 2030-ka ayaa dhigayay in la kordhiyo dakhliga ka soo xarooda ganacsiyada aan saliidda ahayn, oo 2020-ka la gaarsiiyo lacag dhan 600 oo bilyan oo riyaal oo u dhiganta $160 bilyan oo doolar ama 123 bilyan oo gini, waliba marki la gaaro 2030-ka la gaarsiiyo lacag dhan 1 tirilyan oo riyaal.
Lacagtaas ayaa 165.5 bilyan oo riyaal ka badan dakhligii soo xarooday sannadkii 2015-kii.
Amiirka ayaa sheegay inuu doonayay sidii uu u abuuri lahaa hantida ugu badan caalamka oo gaareysa $ 3 tirilyan oo doolar, iyadoo lacagtaas qaarkeedna ay ka imaaneyso shirkadda Saliidda ee dowladda, oo lagu magacaabo Saudi Aramco, marka laga dhigo mid si gaar ah loo leeyahay.
Qorshahaas ayaa sidoo kale dhigayay in wax laga baddalo hannaanka waxbarashada, isla markaana la kordhiyo doorka ay haweenka ku leeyihiin shaqooyinka, sidoo kalena la maalgaliyo ganacsiga iyo madadaalada, si shaqooyin loogu abuuro dhallinyarada.

Bishii Abriil ee sannadkii 2017-kii ayey boqortooyada ku dhawaaqday qorshe ku aaddan in la sameynayo magaalo ay baaxaddeeda le’eg tahay 334 sq km (129 sq mile) oo loogu tala galay madadaalada.
Magaaladaas ayaa la sheegay in laga dhisi doono cirifka magaalada Riyaad, ayna yeelan doonto howlo isugu jira dhaqanka iyo ciyaaraha – oo ay u sii dheer tahay xarun loo dalxiis tago oo lagu xannaaneeyo xayawaanka.
Amiirka ayaa sidoo kale horseed ka ahaa cunaqabateyntii ay dalalka khaliijka saareen waddanka Qadar, oo uu Sucuudiga ku eedeeyay inuu gacan siiyo kooxaha argagixisada, isla markaana faragalin ku sameeyo arrimaha dalalka kale.
Tallaabadaas waxaa Sucuudiga ku wehlinayay dalalka Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Masar, waxaana markii ugu horreysay la billaabay bishii Juun ee sannadkii 2017-kii.
Boqortooyada Qadar ayaa iska fogeysay eedeymaha loo jeediyay waxayna ku gacan seyrtay liis ay ku qornaayeen dalabaad lagu xiray dib u soo noqoshada xiriirkii diblomaasiyadeed iyo kii ganacsi ee ay la wadaageysay dalalka kale ee khaliijka, arrintaas ayaana horseedday is mariwaa aan wali xalkiisa la gaarin.
Dabayaaqadii bishii Juun ee sannadkii 2017-kii, boqor Salmaan ayaa soo af jaray xan socotay dhowr bilood oo ku aaddaneyd inuu mar kale xilka dhaxal sugaha koowaad ee taajka boqortooyada ka baddali doono Maxamed Bin Nayef, si uu wiilkiisa ugu dhiibo.
Si rasmi ah ayuu ugu dhawaaqay inuu Maxamed Bin Salmaan yahay qofka ugu sokeeya ee ka dhaxli doona qasriga.
Maxamd Bin Nayef ayaa sidoo kale markaas laga qaaday xilkii wasiirka arrimaha gudaha, oo loo magacaabay wiilka ay ilma adeerka yihiin, waxaana lagu soo warramay in la galiyay xabsi guri.
Xilligaas wixii ka dambeeyay, Maxamed Bin Salmaan ayaa qaadayay tallaabooyin uu kusii xoojinayay awoodda uu ku leeyahay qasriga boqortooyada.
Isla markiiba wuxuu yareeyay lacago isugu jiray gunnooyin, abaal marinno iyo maamuus la siin jiray shaqaalaha dowladda iyo ciidamada.

Lacagahaas oo ay boqortooyada billowday sannadkii 2016-kii ayuu ku tilmaamay kuwo hoos u dhigaya dhaqaalaha dalka.
Bishii Siteembar ee sannadkii 2017-kii, waxaa la billaabay howlgal ka dhan ah dhammaan dadka ka soo hor jeeda hannaanka siyaasadeed ee dhaxal sugaha.
In ka badan 20 ruux oo isugu jira wadaaddo iyo aqoonyahanno ayaa xabsiga la dhigay, xilli ay ciidanka Sucuudiga sheegeen iney bartilmaameedsanayeen dad wakiillo u ah dalal dibadda ah, oo doonaya in khalkhal la galiyo ammaanka boqortooyada.
Dabayaaqadii isla bishaas, Maxamed Bin Salmaan ayaa loo xagliyay inuu mas’uul ka yahay isbaddal uu boqor Salmaan ku dhawaaqay, oo la xiriiray in bisha Juun ee sannadka 2018-ka meesha laga saari doono go’aankii dumarka Sucuudiga looga mamnuucay iney gawaarida kaxeeyaan, inkastoo arrintaas ay ka soo hor jeedeen dadka isbaddal diidka ah.
Bishii Oktoobar ee isla sannadkii 2017-kii, amiirka ayaa sheegay in qorshihiisa ugu weyn uu yahay soo celinta “islaam dhexdhexaad ah”, kaasoo uu sheegay inuu qeyb ka yahay qorsheyaasha uu ku casriyeynayo boqortooyada Sucuudiga.
Wuxuu ka dhawaajiyay inuu lacag dhan 500 oo bilyan oo doolar ku maalgalin doono mashruuc lagu sameynayo magaalo cusub oo loogu tala galay ganacsi iyo madadaalo.
Bishii xigtay, wuxuu billaabay howlgal ballaaran oo ay boqortooyada sheegtay iney ku bartilmaameedsaneysay shakhsiyaad ka macaasha musuqmaasuqa, waxayna dad fara badan oo arrimaha Sucuudiga falanqeeya tallaabadaas ku tilmaameen mid uu Maxamed Bin Salmaan isaga hor leexinayay caqabadihii ugu dambeeyay ee ka hor taagnaa inuu si buuxda ula wareegyo maamulka boqortooyada.
Dhowr amiir oo ka tirsanaa qoyska boqortooyada ayaa ka mid ahaa 381 ruux oo lagu xiray howlgalkaas, waxayna kala ahaayeen maalqabeenka lagu magacaabo Amiir Al waliid bin Talaal iyo Amiir Miteb bin Cabdalla oo uu dhalay boqorkii hore ee Sucuudiga.

Bishii Janaayo ee sannadkan 2018-ka, xeer ilaaliyaha guud ayaa sheegay in dadka la xiray ee dambigooda qirtay ay oggolaadeen iney soo wareejiyaan hanti qiimaheeda lagu qiyaasay 400 oo bilyan oo riyaal oo u dhiganta 107 bilyan oo dollar.
Siddeed ruux ayaa bishan Oktoobar wali ku jira xabsiga, waxaana suurtagal ah in la maxkamadeeyo.
Maxamed Bin Salmaan ayaa xariga loo geystay dadka faraha badan ku tilmaamay mid lagu ciribtirayay “kansarka musuqmaasuqa”.
Dadka maalgashiga samaysta ayaa bishii Agoosto ee sannadkan ku baraarugay khilaaf diblomaasiyadeed oo soo kala dhex galay dalalka Sucuudiga iyo Canada.
Arrintaas ayaa timid ka dib markii dowladda Canada ay dhiggeeda Sucuudiga ka codsatay in la sii daayo dad loo xiray arrimo ku saabsan iney u doodeen xuquuqda haweenka.
Xarigga dadkaas ayaa u muuqday mid qeyb ka ah howlgalka ka dhanka ah dadka ka soo horjeeda siyaasadda Sucuudiga.
Maxamed Bin Salmaan oo wareysi bixiyay bishan Oktoobar ayaa difaacay tallaabadaas “Anigu iskuma magacaabin qof baddalaya Sucuudiga, waxaan ahay dhaxal sugaha boqortooyada waxaana isku dayayaa inaan sameeyo wixii karaankeyga ah ee ku aaddan xilkeyga” ayuu yiri.
Qaramada Midoobay oo ku baaqday in cunaqabeyn lagu soo rogo Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga+Sababta
Maxamed Bin Salmaan waa in cunaqabateyn lagu soo rogaa”

Madaxa Qaramada Midoobey u qaabilsan baaritaanada arrimaha xuquuqul insaanka ayaa si weyn u dhaleeceysay go’aanka Mareykanka ee ku aadan in wax cunaqabateyn ah uusan kusoo rogin dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan kadib arrinta ku saabsan in lala xiriiriyay dilka weriye Jamaal Khaashuqji.
Agnes Callamard oo ay Qaramaday u xilsaartay arrintaas ayaa sheegtay in arrin xun ay tahay in tallaabo laga qaadi waayo Maxamed Bin Salmaan.
“Marka hore waa in isagana lagu so rogaa cunaqabateeno la mid kuwa lagu soo rogay 17-ka qof ee kale oo lagu helay iney ka dambeeyeen dilki weriye Jamaal Khashogji. hantidiisa waa in la xayiraa, akoonkiisa bangiga waa in sidoo kale laga xiro”
Hadalka Agnes Callamard ayaa imaanaya xilli Mareykanka uu sheegay in Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay qorshihii lagu dilay Khaashuqji.
Maxamed Bin Salmaan wuxuu mar kasta beeniyaa in wax lug ah uu ku lahaa dilkii loo geystay weriyihii Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji.
WHO launches first Mass Casualty Management (MCM) training in Addis Ababa
PRESS RELEASE
WHO launches first Mass Casualty Management (MCM) training in Addis Ababa
Thirty-one healthcare workers drawn from federal, regional, and private hospitals participated in the training
ADDIS ABABA, Ethiopia, February 26, 2021/ — WHO Emergency Medical Team (EMT) in collaboration with WHO Academy held the first Mass Casualty Management (MCM) training course in Addis Ababa, Ethiopia on February 8–11, 2021. The training was facilitated in collaboration with the Ethiopian Ministry of Health (MoH) and WHO Ethiopia. Thirty-one healthcare workers drawn from federal, regional, and private hospitals participated in the training.
In his opening remarks at the launch of the training, Director-General of Medical Services of the Ministry of Health Dr. Yakob Seman said, “The training aims to strengthen the capacity of health care workers to manage mass casualties more effectively, and will help them develop their respective health facilities’ casualty management plan.”
Mass casualties following disasters and significant incidents are often characterized by quantity, severity, and diversity of injuries that can rapidly overwhelm local medical resources’ ability to deliver comprehensive and definitive medical care. MCM addresses health staff’s coordination and actions in an emergency unit in the first 30 minutes after a mass casualty incident has been declared. Effective MCM is a complex partnership involving the Ministry of Health, other government sectors, agencies, the private sector, and others working together to reduce the impacts and adverse outcomes of mass casualty incidents.
Participants expressed their appreciation of the training, stating that they leave the training better equipped to properly manage casualties and save lives. Dr. Gelaw Hailemariam, a participant from Jimma University Hospital, said that the practical training has already given him concrete ideas on how to prepare a MCM plan for his hospital in addition to improving his overall knowledge of MCM with examples of good MCM practice.
At the end of the training, Dr. Nelson Olim, WHO Academy Simulation Lead, congratulated the participants on their successful learning achievement in the WHO Academy MCM programme. Dr. Olim also appreciated the collaboration with WHO Ethiopia and WHO African Region for the smooth conduct of the training, confirming that the WHO Academy MCM Programme looks forward to supporting the national rollout of the programme.
The training is part of the programme that is being rolled out by the WHO Emergency Medical Team Africa Training Center in Addis Ababa, which will be officially launched by mid-2021.
Distributed by APO Group on behalf of World Health Organization (WHO) – Ethiopia.
View multimedia content
SOURCE
World Health Organization (WHO) – Ethiopia
Daawo:Xisbiga Kulmiye oo si adag uga jawaabay Hadallo ka soo yeedhay F.C.waraabe+Eedaha Tunka loo saaray
Xukumadda S/land oo Shaacisay in Dadka ugu Badan ee Dhulka Danta Guud Boobaa Yihiin Ganacsatada
Xukumadda S/land oo Shaacisay in Dadka ugu Badan ee Dhulka Danta Guud Boobaa Yihiin Ganacsatada
Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex, mudane Jaamac Xaaji Axmed Cabdi, ayaa sheegay in cidda ugu badan ee boobta dhulka danta guud ay yihiin ganacsatada, isaga oo ugu digay in ay faraha kala baxaan boobka dhulka danta guud ah, haddii kale laga qaadi doonto talaabo adag.
Waxaanu guddoomiyuhu sidan ka sheegay mar ay kormeer ku tageen isaga iyo ku xigeenkiisu qaar ka mida degmooyinka caasimada Hargeysa, iyaga oo kulmo kala duwan la qaatay masuuliyiinta degmooyinkaasi.
Ujeedada kormeerkan ayaa ahayd sidii maamulka gobolka iyo masuuliyiinta degmooyinku si wada jira uga shaqeyn lahaayeen ilaalinta dhulka danta guud ah.
Guddoomiye Jaamac, ayaa sheegay in cidda ugu badan ee dhulka danta guud boobta ay yihiin ganacsatada, waxaanu sheegay haddii ay ka waantoobi waayaan in ay talaabo adag ka qaadi doonaan. “Dadka ugu badan ee waddooyinka cidhiidhyaya isla markaana doonaya in ay jidadka xidhaan waa ganacsato, waxaa aanu leenahay gacan adag ayaanu ku qabanaynaa, waxaa weeyi hadhaw in aad baryootanto oo aad tidhaaho dhisma la iga dumiyay oo hanta ayaa iga gashay wax aanu aqbalayno maaha ee cagaf ayaanu galinaynaa qofkii wadada ku soo xadgudba, waxaa aanu og nahay meelo la seesay, waxaa aanu joojinay meelo dhismayaal ka socdaan, waxaanu soo baabi’inay meelo sarfayn laga saaray, guud ahaana qorshayntii dhulka waala joojiyay, amar ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa lagu joojiyay”
Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex mudane Jaamax Xaaji Axmed Cabdi, ayaa ku amray guddoomiyayaasha degmooyinka ilaalinta dhulka danta guud, maaddama lagu jiro wakhti kala guur ah“Arrimaha aanu doonayno in aanu idinku baraarujino waxaa kow ka ah in aynu u feejignaano, abniga, gaar ahaan degmaddan aad masuulka ka tihiin.
Doorashooyinbaynu galaynaa dadkeenuna caddaw badan ayuu leeyahay, aad iyo aad in aynu u feejignaano oo aynu libin laabno ilaalinta nabadgelyadda.
Danta guud waa wax Qaranku wada leeyahay, wax dawladda oo qudhihi leedahay maaha ee waa wax bulshada Somaliland oo dhami wada leedahay, waxaa jirta in xilliyadan danta guud ah la isku dayo in meelaha danta guud ah la boobo, annagu waxaa aanu diyaar u nahay in aanu kormeerno oo ilaalino, oo degmooyinka kormeerno, oo cidii isku dayda in ay ku xadgudubto danta guudna aanu sharciga horgayno, idinkana waxaa aanu doonayna in shaqadii aad hayseen aad libin laabtaan, kana wada shaqayno sidii aynu danta guud u wada ilaalin lahayn.”
“Waxaanu dadweynaha u sheegaynaa in ay socoto hawshii kormeerka wakhti xasaasi ahna lagu jiro, dhulka danta guud ah iyo waddooyinka cidkasta oo ku dhaqaaqaysa arrimaha noocaas ah waxaa laga qaadi doona tallaabo sharciga waafaqsan.
Annaga oo fulinayna amarka madaxweynaha oo guddoomiyihii iyo ku xigeekiisi wakiil nooga yihiin waanu fulinayna ilaalinta dhulka danta guud”Ayuu yidhi guddoomiyaha degmadda Ibraahim Koodbuur.
Madaxweynihii wada qaabilay hogaamiyeyaashii dalalkii Afrika ee Lixdameeyadii xoroobay
Madaxweynihii wada qaabilay hogaamiyeyaashii dalalkii Afrika ee Lixdameeyadii xoroobay

Maqaalada taxanaha ah ee ay BBC-da u soo diraan saxafiyiinta reer Afrika, waxaan maanta idiin ku haynaa sawirro uu arkiifiyada ka soo madhay qoraaga reer Sierra Leon iyo Gabmia labadaba, Ade Daramy, oo muujinaya madaxweynihii Maraykanka, John F Kennedy, ee seeska u dhigay xidhiidhka Afrika iyo Maraykanka.
Intii aanu noqon madaxweynaha 1961, dalkiisu wax badan iskuma deyin inuu fahmo isbedelkii degdegga ahaa ee Afrika ka socday. Laakiin markii la dilay 1963, wax badan baa iska bedelay xaaladda.

Mudadii koobnayd ee uu xilk ahayey, Kennedy wuxuu Aqalka Cad ku soo dhaweeyey dhammaan madaxda dalalkii Afrika ee xoroobay ama danjireyaashooda.
Sannad ka hor markii uu xilka qabtay, 17 dal oo Afrikaan ah ayaa xoroobay, markaas isaga oo dareensan in dunidu isbedelayso ayaa Kennedy gartay in xidhiidh cusub oo lala yeesho Afrika ma huraan yahay.
Xidhiidhkaa waxa lagu saleeyey in la taageero dalalka xoroobay ee Afrika.

Siyaasaddaas arimaha dibadda ee waagaa unkantay muddo dheer ayay soo jirtay kana dabbaalatay caqabado soo food saaray ilaa la soo gaadhay in Madaxweyne Donald Trump ku bedelo qorshihiisii isaga u gaarka ahaa.
Markii uu hogaanka qabtay, Kennedy wuxuu marti qaadyo u fidiyey madaxdii Afrika oo uu roog cas ku soo dhaweeyey.
Booqashooyinkaa rasmiga ah waxa aad u buunbuunisay warbaahinta waxaana shacabka Maraykanka lagu tirtirsiyey in ay dariiqyada u soo baxaan oo soo dhaweeyaan.

Kennedy iyo madaxda martida u ah ayaa waddooyinka waaweyn oo lagu dhejiyey dhambaallo soo dhawayn ah baabuur dusha ka furan ku mari jiray iyada oo ay shacab boodhadh sitaana si xamaasad leh u soo dhawaynayaan. Waa se marka cimiladu saamaxayso.
Run ahaantii arintaas siyaasadi kama maqnayn. Midowgii Soofiyeeti qudhiisa ayaa arintaas oo kale isna samaynayey oo doonayey inuu soo jiito dalalka Afrika ee doonayey in ay ka fogaadaan gumaystayaashii u talin jiray.
Markii uu xilka qabtay, Kennedy wuxuu ogaa in ay qasab ahayd inuu si dhakhso ah saaxiibo uga kasbado dalalkii Afrika ee xoroobayey.

Bil ka dib markii xilka loo dhaariyey, ayuu madaxweyne ku xigeenkiisii, Lyndon B Johnson, u diray Senegal si uu ula kulmo Madaxweyne Léopold Sédar Sengho, oo uu u arkayey inuu ahaa nin isku doonaya inuu dalalkii Faransiisku gumaysan jiray xulufo ka dhigo.

Muddo bil ah ka dibna Kennedy ayaa bilaabay barnaamijkii Peace Corps oo uu dhalin yaro Maraykan ah ugu dirayey dunida oo dhan.


Bishii Ogost 1961 wuxuu Aqalka Cad ku marti qaaday kooxdii u horraysay ee mutadawaciin ah ee tagaysay Ghana iyo Tanganyika.

Dilka geesigii xorriyada Congo, Partice Lumumba, ee tuhunkuna ka jiray in sirdoonka Maraykanka ee CIA ku lug lahaa, ayaa dhacay saddex cisho ka hor markii Kennedy xilka loo dhaariyey waxaanay arintaasi marag u tahay in Dagaalkii Qaboobaa qaaradda ku dhex marayey Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeeti.

Geeridiisii lama filaanka ahayd aad baa looga dareemay Afrika, weliba marka la eego in aan ninkii xilka uga dambeeyey ee Johnson aanu xamaasadiisii oo kale ku wadin sii adkaynta xidhiidha Afrika iyo Maraykanka.

Haatan 60 sano ka dib, Madaxweyne Joe Biden ayaa qorshaynaya qaabaynta siyaasadiisa ku waajahan Afrika.

XIGASHADA SAWIRKA,JFK PRESIDENTIAL LIBRARY
Warbixin uu horaantii bishan soo saaray ayuu ku sheegay in Maraykanku u heellan yahay inuu Afrika u noqdo “dal ay wax wada qabsadaan, is taageereen oo ay is tixgelin ku wada dhaqmaan.”
Erayadaa Biden waxay u eegyihiin heellanaantii Kennedy, waxaan se sugnaa waa in erayadaas ficil dhabeeyo iyo in kale.
Xukumada Somaliland oo Muwaadin Jabuuti ku Xidhan kala Heshiisay u soo Wareejinta Dalka
Xukumada Somaliland oo Muwaadin Jabuuti ku Xidhan kala Heshiisay u soo Wareejinta Dalka
Xukuumada ayaa la sheegay inay dalka keeni doonto muwaadin u dhashay oo dalka Jabuuti muddo ugu xidhnaa dembi la xidhiidha argagaxiso, ka dib markii madaxda Somaliland kala xaajoodeen dhigooda Jabuuti.
Cabdillahi Sheekh Cabdiraxmaan, oo muddo 8 sannadood ku jira xabsi ku yaal dalka Jabuuti ayaa sannadkii 2014 Hargeysa looga qabtay isaga iyo dad kale eedo la xidhiidha qaraxyo dalka Jabuuti ka dhacay, balse keligii loo gudbiyey, markii dadkii la xidhna laga reebay, sida hooyadii Faadumo Ciise u sheegtay warbaahinta 15 June, 2020, “Waxaan Ahay Hooyo La Dulmiyay Oo Midab Takoor Lagu Sameeyay Wiilkayguna Wuxuu Uxidhan Yahay Somaliland” ayaa haatan la sheegay in loo soo wareejin doono dalka, si muddada xukunkiisa ka hadhay ugu dhamaysto, sida ilo- xog-ogaal ah u sheegeen Warg Dawan.
Talaabada Somaliland ee la soo wareegida muwaadinka ayaa la sheegay inay ka dambaysay, ka dib markii Taliyaha Ciidanka Booliiska JSL Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Jano-gale) uu wada xaajood kala yeeshay madaxda dalka Jabuuti, gaar ahaan Taliyaha Booliiska Jabuuti Kornayl Cabdillahi Cabdi Faarax, oo dhowaan kulan ku dhexmaray dalka Jabuuti.
Dowladda Jabuuti iyo Somaliland ayaa kala saxeexday heshiis dhanka amniga ah gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah aragagixisada iyo isku gudbinta dambiilayaasha maadama ay xudduud wadaagaan.
Muwaadin Cabdillahi Sheekh oo muddo ku xidhnaa Jabuuti ayaa Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi 18 June, 2020 sheegay inuu caddaaladdaro ka tirsanayo xukuumadihii hore, isla markaana arrintiisa kala hadlay madaxda Jabuuti, waxaanu yidhi.
“Waxaa jira nin muwaadina oo reer Somaliland ah oo todoba sano waddanka Jabuuti ku xidhnaa, oo arrimahaasi falalka argagixisada u xidhnaa oo ka tirsanaya caddaaladaro xukuumaddihii xukuumaddan ka horeeyay, waanu kala hadalay dowlada Jabuuti faylkiisi dib ayaa loo furayaa hadii ILLAAHEY yidhaahdo.” Ayuu yidhi Madaxweyne Md Muuse Biixi.
Daawo:Xaflad wadareed Xisbiga Waddani u qabtay Musharaxiinta u tartamaya Golayaasha Wakiilada & Degaanka Gobolka Saraar
Daawo:Caaqil shaaciyey in la soo afjaray Kiiska Qadiyada weriye Hoodo Garays & Hooyadeed
Filim laga sameeyay dilkii weriye Jamaal Khaashuqji
Filim laga sameeyay dilkii weriye Jamaal Khaashuqji

Agaasimaha ku guuleystay abaalmarinta Oscar ee filimada ee baarayay dilka weriyihii u dhashay Sucuudiga Jamaal Kaashuuqji ayaa sheegay in uusan rumeysneyn in Maxamed Bin Salmaan uu wajahi karo xarig kadib warbixinta kasoo baxday sirddoonka Mareykanka ee ah in uu isagu ansixiyay dilka weriyaha.
Filinka Bryan Fogel ee uu ugu magac daray ‘The Dissident’ ‘mucaaradka’ wuxuu ka shakeynayay qaabkii loo dilay Khaashuqji iyo qofka laga yaabo in uu kasoo fulay in la dilo.
Meydka weriyaha ayaanan weli la helin, Maxamed Bin Salmaan wuu beeniyay in uu ku lug lahaa dagaalka.
Bryan Fogel isaga oo adeegsanayo warqado laga helay dowladda Turkiga ayaa muujinayaa in weriyihii dibad joogga ahaa la qabtay isla markaana la jar jaray jirkiisa gudaha qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul.
Filinka wuxuu sidoo kale baarayaa in la jabsado teleefoonada iyo xogta dad dhaliilsan siyaasadda Sucuudiga ee dibad joogga ah, waxaana dadkaas kamid ah Cumar Cabdul Casiis oo ah weriye u qaabilsan muuqaallada oo fadhigiisu yahay Canada isla markaana ay saaxibo ahaayeen Khaashuqji.
“Uma maleynayo in dhaxal sugaha Sucuudiga in uu wajahi doono booliska caalamiga ah ee Interpol si ay u xiraan gaar ahaan marka uu ka degayo dalal kale ama in loo gacan gelin doono maxkamadda Hague, Turkiga ama Mareykanka, arrintaasina weligeed ma dhici doonto” ayuu yiri Fogel.
Dowladda Mareykanka ayaa shaley shaaca ka qaaday inay cunaqabateyn kusoo roogtay tiro kamid ah mas’uuliyiinta boqortooyada Sucuudiga kadib markii sirddoonka Mareykanka uu helay warbixin sheegeyso in dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay dilkii weriyihii u dhashay Sacuudiga Jamaal Kaashuqji.
Khaashuqji ayaa sanadkii 2018 waxaa si arxandarra ah loogu dhex dilay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga.
Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa gaashaanka u daruuraty warbixinta kasoo baxday Mareykanka ee ku saabsan in Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay qorshihii lagu dilay weriyihii Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda boqortooyada ayaa lagu sheegay in eedda loo soo jeediyay in uu yahay ‘mid gaf ah oo aan sax ahayn’.
Somali Diidan in laga talaalo Xanuunka Covid 19 Dalka Kanada+Sababta
Qarax 2aad oo ka dhacay Muqdisho+Bartilmaameedka & Khasaaraha Dhimasho & Dhaawac
Qarax labaad oo ka dhacay Muqdisho + Bartilmaameedka

Qaraxan oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa jugtiisa laga maqlay meelo kala duwan oo ka mid ah caasimada, iyada oo kadib ay xigtay rasaas xoogan.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay guddoomiyaha maamlka degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullahi Cariif iyo saraakiil Booliis ah oo la socotay.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale meesha tegay, kuwaas durbo xiray dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen.
Afhayeenka gobolka Banaadir oo la hadlay BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan ay bad qabaan mas’uuliyiinta iyo saraakiisha la socotay kolonyada la qarxiyey.
Saalax Dheere ayaa sidoo kale tilmaamay in qaraxaasi uusan geysan wax khasaare nafeed ah , marka laga tego bur-bur gaaray gaariga uu qaraxu haleelay.
Waa qaraxii labaad ee lala beegsanayo guddoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid oo todobaadyo, ka hor miino lagula eegtay isla deegaanka DaaruSalaam ee Muqdisho.
Taliye Ciidan oo Qarax ka badbaaday+Khasaaraha

Qarax miino ayaa maanta lala eegtay kolonyo gaadiida oo la socday taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cabaas Aamin Cali oo marayay agagaarka iskuulka Hoyga Xamar ee degmada Hodan.
Qaraxa waxaa ku dhintay inta la xaqiijiyay qof shacab ah iyo labo askari oo ka tirsanaa ilaalada taliyaha.
Sidoo kale qaraxa waxaa dhawacyo ka soo gaareen askar iyo dad shacab ah oo marayay wadada.
Qaraxa oo ahaa miino kuwa dhulka lagu aaso ah ayaa jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyin gobolka Banaadir.
Dowladda ayaa weli ka hadlin qaraxa lala eegtay taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cabaas.
Itoobiya oo gacanta ku dhigtay hub badan iyo dadkii watay+Sawirro
Itoobiya oo gacanta ku dhigtay hub badan iyo dadkii watay+Sawirro
Booliska ka howlgalla Magaalada Addis Ababa ee Caasimada Itoobiya ayaa sheegay, in gacanta ku dhigeen Hub si xeeladeysan loo soo galiyay Magalada Addis Ababa, kana kooban Qoriga (BKM), Biskoolado iyo 5 Kun oo Rasaas kala duwan ah, kadib dabagal ay samaysay hay’ada sirdoonka iyo nabad sugida dalkaas.
Hubkani ayaa waxaa siday Gaari nuuca loo yaqaano ah Isuzu, kana soo kicitimay Magaalada Gondar ee Deegaanka Axmaarada,waxaana Hubka loo ekeeysiiyay agab caadi ah oo saarnaa Gaariga.

Warbixin Booliska magaalada Addis Ababa soo saaray ayaa lagu sheegay, in Hubka la qabtay uu kala yahay laba (BKM), laba Isneypar , 38 Bistooladaha Waawayn , 25 Bistoolado yaryar, 5992 Rasaasta Qoriga Aakaha, 898 Rasaasta Bistooladaha, 5 Rasaasta Qoriga Isanyparka ah, iyo agabyada Qoryaha, waxaana hubkaas laga qabtay xaafada Gulale, gaar ahaan Dagmada 8aad, Xaafad hoosaadka 7aad.
Booliska ayaa intaasi ku daray in Gacanta lagu soo dhigay, laba rag oo gudbinaysay Hubkan soo na galiyay Magaalada Addis Ababa si dhibato loogu geysto wallow aysan shaacin dadka sigar ah u leh hubkaas.
Ugu dambayntiina booliska ayaa shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’adaha nabad galyada, soona sheegaan waxyaabaha ay ka shakiyaan si gacan bir ah loogu qabto.

Dhowr jeer ayaa waxaa Booliska Addis Ababa ay qabteen hub kala duwan oo si qarsoodi ah loo geliyay Magaaladaas, hubkaas oo dadkii lahaa Itoobiya ay Maxkamadeeysay.
Warbixin Qarsoodiya: Mareykanka oo ogaaday in Ethiopia Olole isir-sifeyn ah ka waddo Gobolka Tigray

Warbixin qarsoodi ah oo ay diyaarisay dowladda Mareykanka, islamarkaana uu helay wargeyska The New York Times ayaa lagu sheegay in Ethiopia ay wado “olole nidaamsan oo ah isir sifayn” iyadoo loogu ganbanayo dagaalka gobolka Tigray, oo ah aag ay inta badan gacanta ku hayaan maleeshiyada Amxaarada ee waqooyiga dalka.
New York Times ayaa sheegaysa in warbixinta, oo la qoray horaantii bishan February ay “si adag u qeexeyso dhul iyo guryo la bililiqaystay iyo tuulooyin cidla ah oo tobanaan kun oo qof aan la ogeyn meel ay ku sugan yihiin.”
Sida lagu sheegay warka uu qoray wargayska New York Times, warbixinta ayaa lagu ogaaday in saraakiisha Ethiopia iyo dagaalyahannada maleeshiyada xulafada la ah ee ka soo jeeda gobolka deriska ah ee Amxaarada, kuwaasi oo usoo dagaal tagay gobolka Tigray si ay u taageeraan Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, ay “si ula kac ah oo buuxda uga dhigayaan Galbeedka Tigray meel ay qowmiyad gaar ah degto iyagoo adeegsanaya awood abaabulan iyo cabsi gelin.”
Warbixinta ayaa sheegaysa in dadka qaar ay u qaxeen duurka ama ay si sharci daro ah ugu tallaabeen dhanka dalka Suudaan, halka qaar kalana la soo aruuriyay oo si qassab ah loogu raray goobo kale oo ka tirsan Tigray, sida uu qoray wargaysku.
Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray Sabtidii ku sheegay in Mareykanku uu “aad uga walaacsan yahay warbixinnada la xiriira xadgudubyada iyo guud ahaan xaaladda ka sii dareysa ee Tigray.”
Colaadda hubaysan ee ka jirta Tigray ayaa galaafatay nolosha kumanaan qof. Taasi ayaana keentay in boqolaal kun ay ka cararaan guryahooda. Gobolka oo ay ku nool yihiin in ka badan 5 milyan oo qof ayaa waxaa soo foodsaartay cunno yari, biyo iyo dawo la’aan.
Markab laga leeyahay Israel oo qarax lala beegsaday oo gaadhay Dubai+Cida Qarxisay & Khasaaruhu qabo
Markab laga leeyahay Israel oo qarax lala beegsaday oo gaadhay Dubai+Cida Qarxisay & Khasaaruhu qabo

Markab laga leeyahay Israel oo uu haleelay qarax ka dhacay marin biyoodka istiraatiijiga ah ee Gacanka Omaan ayaa gaaray dekedda magaalada Dubai, halkaasi oo lagu wado in lagu qiimeeyo xaaladdiisa.
Markabka MV Helios Ray, oo ah nooca xamuulka qaada, ayaa habeenimadii Khamiista ee uu Jimcuhu soo galayay waxaa ku haleelay qarax ka dhacay badda, iyadoo sarkaal ka tirsan waaxda gaashaandhigga Mareykanka uu sheegay in uu dillaac soo gaaray qeybo ka mid ah markabkaasi.
Wasiirka gaashaandhigga Israel ayaa Sabtidii sheegay in qiimeyn hordhac ah lagu ogaaday in Iran ay mas’uul ka tahay qaraxa. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Iran.
Markabka ayaa hadda ku xirtay dekedda Rashid ee magaalada Dubai, isagoo ka soo shiraacday xeebta caasimadda Muscat ee dalka Oman halkaas oo ah goobta uu qaraxu ka dhacay.
Sida uu wariyay Channel 13 News, wafdi ka socda Israel ayaa ku sii jeeda Dubai si ay baaritaan ugu sameeyaan qaraxa haleelay markabka.