Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Shil baabuur oo dad Ajaanabi ahi ku dhinteen oo ka dhacay duleedka Gabiilay

$
0
0

Gabiley Alle ha u naxariistee waxaa Shil Baabuur ku geeriyooday laba ruux halka ay ku dhaawacmeen laba kale duleedka bari ee magaalada Gabiley.

Ciidanka Dab-demiska Gabiley ayaa si degdega ah uga Hawlgalay waxaanay Gaadhiga ka soo saareen Maydkii iyo dhaawacii, iyadoo ciidanku gaadhsiiyay cisbitaalka magaalada Gabiley.

Labada ruux ee dhintay ayaa ahaa ajaanib u dhalatay waddanka Yemen, halka labada kale ee dhaawaca ahna ay ahaayeen Suuriyaan, iyadoo mid ka mida xaaladiisu culustahay.

Sababta dhalisay shilkan waxaa baadhis ku wada ciidamada Booliska gaar ahaan ciidanka Taraafikada.

Ugu dambayn dhaawacyada ayaa loola soo cararay dhanka magaalada Hargeysa, iyadoo hadda halkaas lagu dabiibayo.

Ciidamada Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa wadayaasha gaadiidku inay markasta muujiyaan taxadar.

Xafiiska warbaahinta CDQ
Gabiley/ Somaliland
990/ Gurmadka degdega ah
Somalilandfire@gmail.com


Furashada ururada siyaasada Somaliland waa xaq iyo xaquuq siyaasadeed………

$
0
0

FURASHADA URARADA SIYAASADA SOMALILAND WAA XAQ IYO XUQUUQ SIYAASADEED OO DASTUURKA DALKA IYO XEERARKU JIDEEYEEN.

“Umaduhu waxa ay ku kala horumareen sidii ay u ilaashadeen xuquuqahooga iyo waxa shuruucda dalkoogu siisay ,,

Siyaasadu waa halka dalku ka hagaago ama ka xumaado mana aha wax in kooban iyo kooxi gaar u leedahay ee waa xaq iyo xuquuq uu leeyahay muwaadin kasta oo dalka jamhuuriyada Somaliland ahi , in loo ilaaliyaana ay tahay waajibaad dastuuri ah oo saaran hayadaha ku shaqada leh iyo xukuumada.

Dalka jamhuuriyada Somaliland waxa lagu dhaqaa oo umadu ku heshiisay waa dastuurka iyo xeerarka qaranka jamhuuriyada Somaliland , markaa dastuurka dalku waxa uu si cad u qeexayaa in ay siyaasada dalku tahay saaxad furan oo muwaadin kastaa xaq u leeyahay in uu ka qayb qaato sida ku cad qodobada dasturka ee kala ah ;

Qodobka 9aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland , nidaamka siyaasadeed ee dalka .

1- Nidaamka siyaasadeed ee jamhuuriyada Somaliland waxa saldhig u ah nabad , talo wadaag , dimuqaradiyad , iyo hanaanka xisbiyada badan .

2- Tirada xisbiyada siyaasiga ah ee Somaliland kama badnaan karaan saddex (3) xisbi.

3- Iyada oo xeer gaar ahi habayn doono qaabka loo furan karo xisbi siyaasi ah , waxa reeban in xisbi lagu dhiso goboleysi iyo qabyaalad.

Qodobka 22naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland ,Xuquuqda siyaasadeed ,dhaqaale ,bulsho iyo xaqa doorashada

1- Muwaadin kastaa waxa uu xaq u leeyahay in uu ka qayb galo hawlaha siyaasadeed ,dhaqaale ,bulsho iyo hidaha si waafaqsan xeerarka iyo dastuurka.

2- Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo waxa uu xaq u leeyahay in la doorto ,waxna uu doorto.

Qodobka 23naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland , xoriyada dhaqdhaqaaqa iyo is-abaabulka .

1- Qof kasta oo muwaadin ah ama si xeerka waafaqsan dalka ku jooga , waxa u xor u yahay in uu dalka ka maro ama ka dago meel kasta oo uu doono , iyo waliba in uu ka baxo ama ku soo laabto dalka marka uu doono.

2- Arimaha ku xusan faqrada 1aad ee qodobkan waxa ka reeban meelaha ama waqtiyada xeerku ka reebayo marideeda ama degideeda .

3- Muwaadiniintu waxa ay xor u yihiin in ay isku habeeyaan ururo siyaasadeed , cilmiyeed , dhaqameed , bulsheed , xirfadeed ama kuwa shaqaale si waafaqsan xeerka .

4- Waxa reeban urur kasta oo leh ujeedooyin lid ku ah danaha umada , ama qarsoodi ah , ama leh qaab ciidan ama hubaysan amaba kuwa kale ee khilaafsan xeerka waji kasta ha lahaadeene.

Waxa sadexdan qodob ee dastuurka soo raacay oo adkaynaya oo si wanaagsana u sii cadeynaya Xeer.Lr.14 oo ah xeerka ururada iyo axsaabta siyaasada Somaliland oo uu qodobkiisa 6aad odhanayo sida tan;

Qodobka 6aad kala reebida xisbiyada/ururada ku tartamaya doorashada golaha deegaanka

1- Sadexda xisbi/urur ee doorashada dawladaha hoose ka hela 20% codadka gobol kasta ayaa loo aqoonsanayaa xisbi qaran lana siinayaa shahaadada aqoonsi xisbi.

2- Hadii hal xisbi oo kali ahi ku guuleysto doorashada oo uu ka helo 20% codadka gobol kasta . gudidu waxa ay u aqoonsanaysaa xisbiyo qaran isaga iyo labada xisbi ee ku soo xiga isugeynta codadka boqolayda gobol kasta.

3- Hadii ay is leekaato tirada boqolayda gobolada ee laba urur ama ka badan waxaa lagu kala saarayaa tirad guud ee codadka ay ka helaan (hal dheeri ).

4- Hadii ururada siyaasadeed midna gaadhi waayo 20% waxa ay gudigu u aqoonsanayaan xisbiyo qaran sadexda xisbi ee ugu tiro badan codadka doorashooyinka tirada boqolayda gobolada dalka .

5- 10 kii sanadoodba mar baa la abuuri karaa ururo siyaasadeed si waafaqsan xeerkan , hase yeeshee waa in urur siyaasadeedka la abuuraa 6 (lix) bilood ka hor maalinta la qabanayo doorashada goleyaasha deegaanka .

Haddaba waxa isweydiin leh iyada oo aynu arkayno sida dastuurka iyo xeerarka dalka jamhuuriyada Somaliland u adkeeyey una ilaaliyey xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland iyo nidaamka dimuqaradiyadeed ee axsaabta badan , in aan ilaa maanta la garanayn qaabka loo furi doono ururada siyaasada somalililand oo ay ka hadhsan tahay mudo koobani?

Sida uu dhigayey xeer lr 14 waxa ay ahayd in doorashada golaha deegaanka lagu furo ururada siyaasada , haddaba hadii la is raaciyey doorashadii deegaanka iyo wakiilada oo la mudeeyey in ay dhacaan sanadkan 31-05-2021 sidee loo furi doonaa ururadii siyaasada oo ah xaq iyo xuquuq dastuuri ah oo ay leeyihiin muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland?

Xiligani aynu joogno axsaabta siyaasada ee jirtaa ma yihiin ma kuwii dastuurka dalku sheegay , oo ma buuxiyeen ujeedooyinkii loo sameeyey mise waxa ay hayaan wado aan tii aheyn dalkani kaga badbaadayey hadimooyinkii shuruucda laga sameystay ?

Jawaabaha su’aalahani waa kuwa muwaadin kuu yaalla oo ay tahay in aad ugu jawaabto si wadaniyadi ku dheehan tahay adiga oo ka fekeraya mustaqbalka dambe ee dadkaaga iyo dalkaaga .

Mohamed Abdi Jama (Mohamed Dhimbiil)

mob: +252634429221 , +252634241005

somalilandstar@gmail.com

Daawo:Qarax loogu hoobtay oo gilgilay Muqdisho+Xukumada Farmaajo oo ka hadlay siday wax u dhaceen

M/weyne Geelle oo shaaciyey inuu Gaboobay Balse cid gaar ahi Dabada ka wado inuu Kursiga Xejisto Doorashada bishan,Waayose ciduu cara-baabay?

Daawo:Puntland oo soo bandhigtay maxaabiis ay qabsadeen+Nin Shaaciyey inuu Hogaaminaayey Hawlgalka

Dawlada Turkiga oo si adag u canbaareysay Qaraxii Muqdisho Gilgilay

$
0
0

DOWLADDA TURKIGA OO SI ADAG U CAMBAARAYSAY QARAXII MUQDISHO

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Dowladda Turkiga ayaa lagu cambeereeyay weerarkii xalay ka dhacay maqaayad dad badan ay isugu yimaadaan oo ku dhow Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

“ Waxaan si xooggan u cambaareyneynaa weerarka argagixiso, waxaana uga tacsiyeyneynaa walaalaheena Soomaaliyeed iyo Dowladooda intaba, kuwii ku naf waayay Alle ha u naxariisto, kuwa dhaawac ahna Alle ha u boogo dhayo,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibada Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa ku celisay in ay sii wadeyso taageerada ay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya iyo la dagaalanka Al-shabaab.

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in 10-Qof ay geeriyootay weerarka maqaayadda Luul Yemeni, halka sodomeeyo kale ay ku dhaawacmeen kuwaas oo hadda xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo qaar ka mid ah goobaha caafimaadka eek u yaalo Muqdisho.

Daawo:Deni oo Afka Gacanta geliyey Kana hadlay weerarkii lagu gelelefay Jeelka Boosaaso+Ciqaabuu shaaciyey

Daawo:Siyaasi Cabdillaahi Dareewal oo ka hadlay arrimo xasaasiya,walaacna ka muujiyey Doorashada May 2021


Daawo:Aqoonyahan ka damqaday,Si farshaxnimo ahna u soo bandhigay Dhibaatooyin ka taagan & dayac hadheeyay Hargeisa

Daawo:Komishanka Doorashooyinka S/land oo hadda soo saaray War Muhiima

Daawo:Siyaasi ka hadlay Qadiyada Burburkii lagu gelelefay Isguulka Nuuradiin

Daawo: Hawlgal ay fuliyeen Ciidanka Badda Somaliland oo lagu qabtay Doonyo+Dalka laga leeyahay

Mo Farah oo ku guulaystay orod ka qabsoomay dalka Djibouti orodadaasi oo ay ka qayb qaatèen East Africa Bank Iyo Dahabshiil Group

Daawo:2 Musharax oo Jeelka laga sii daayeyoo ka hadlay Xadhigooda+F.C.Warabe oo M/weyne Muuse Biixi ugu mahadnaqay siideyntooda

Daawo:Taliyaha Ciidanka Milateriga S/land oo ka hadlay Tabashadii Ciidanka,Cida siyaasadeysay & Arrimo kale oo xasaasiya


Dawlada Jabuuti oo heshay Tallaalka Xanuunka Coronavirus

$
0
0

Jabuuti oo heshay tallaalka coronavirus

Jabuuti
Koox ka kooban 12 khabiir oo caafimaad oo ka socda Shiinaha ayaa horay u gaaray magaalada Jabuuti

Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay in maanta oo Sabti ah ay heshay qeybtii ugu horreysay ee tallaalka Covid-19. Lama sheegin cadadka soo gaaray Jabuuti, hase yeeshee, waxaa hay’adaha gargaarku sheegeen in toddobaadkii horena ay Jabuuti heshay cirbadihii loo isticmaali lahaa in tallaalka lagula mudo dadka.

Jabuuti waxaa la sheegay in ay muhiimadda u horreysa siinayso dadka ka weyn 50 sano, kuwa qaba xanuunada halista ah, iyo shaqaalaha caafimaadka.

Jabuuti waa waddankii ugu horreeyey ee dalalka Gobolka la isku yiraahdo Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Africa (MENA) oo tallaalkan soo gaaro.

Tallaalkan ayaa ka yimid COVAX oo ah mashruuc ay samaysay Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO, Isbahaysiga Tallaalka GAVI iyo hay’ad kale oo lagu magacaabo Isbahaysiga Diyaargarowga Cudurrrada Faafa.

Ka sokow Jabuuti, waxaa sidoo kale ilaa haatan wadammada Bariga Afrka ee helay tallaalka ka mid ah dalka Kenya oo toddobaadkii hore uu soo gaaray 1 milyan iyo 20 kun oo goojo oo tallaalka ah. Kenya waxay sidoo kale sheegtay in ay mudnaanta siinayso shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa kale ee ka shaqeeya safka hore.

Dalka Ethiopia ayaa sidoo kale mas’uuliyiintu sheegeen in ay filanayaan shixnadda ugu horreysa ee tallaalka maalinta Axadda ee berri ah.

Soomaaliya ayaa bishii hore sheegtay in tallaalku uu soo gaari doono dabayaaqadii bishii tagtay ee Febraayo ama horraanta bisha Maarso. Hase yeeshee, ilaa iyo haatan, tallaalkaasi ma soo gaadhin dalka.

Warar ay idaacadda VOA ka heshay il-wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in 300 oo kun oo goojo oo ah qaybtii ugu horraysay ee tallaalka ay sugaysay Soomaaliya oo ahaa 1 milyan iyo 200 kun uu maanta soo gaadhay magaalada Nairobi.

Haddii Soomaaliya ay wada hesho 1.2 milyan ee tallaalka ugu horreeya, waxay taasi ku filan tahay 1% dadka Soomaalida ah.

Has eyeeshee, dowladaha ay soo gaaraan shixnadda tallaalka ayaa laga filayaa in ay la yimaadaan qorshe ay tallaalka ugu qaybinayaan dhammaan gobollada dalka.

Ilaa haatan dowladda Soomaaliya si rasmi ah uma aysan shaacin qaabka ay doonayso in dalka loogu qaybiyo tallaalka, iyo gobol walba inta uu helayo. Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxaa laga sugayaa in ay dadweynaha u sharraxdo imaatinka tallaalka iyo dadka ugu horreeya ee helaya, iyo taariikhda la bilaabayo tallaalista muwaadiniinta.

Mid ka mid ah khubarada caafimaadka oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa VOA u sheegay in dhibaatada ugu weyn ay noqonayso haddii daawada dalka la keeno, iyadoo aan la haynin qorshihii lagu qaybin lahaa, ama lagu bilaabi lahaa tallaalka.

VOA waxay isku dayday in ay la xiriirto Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Foosiya Abiikar Nuur, ilaa haatanna nooma suurtogelin inaan ku helno Khadka telefoonka.

ka qaybgal Qoraalkii ugu horreeyay ee Twitter la soo dhigay oo malaayiin dollar lagu iibinaayo

$
0
0

 ka qaybgal Qoraalkii ugu horreeyay ee Twitter la soo dhigay oo malaayiin dollar lagu iibinaayo

Jack Dorsey
Jack Dorsey

Jack Dorsey oo kamid ah dadkii wax ka bilaabay shirkadda Twitter ayaa sheegay in uu iibinayo qoraalkii ugu horreeyay ee uu soo dhiga bartaas.

Wuxuu doonayaa in looga iibsado 2.5 malyan oo doolar.

Wuxuu qoraalkaas soo dhigay Twitter-ka bishii March ee sanadkii 2006-dii, kaas oo u dhignaa sidatan, “Waxaan ka shaqeynayaa sidii aan u sameysan lahaa bogeyga Twitter-ka”

Qofka iibsada qoraalka waxaa la guddoonsiin doonaa shahaado casri ah oo uu ka saxeexan yahay magaca Dorsey iyo sidoo kale macluumaad ku saabsan qoraalkii ugu horreeyay iyo xilliga rasmiga ah ee lasoo dhigay Twitter-ka.

Qoraalka ayaa isaga jiri doonaa Twitter-ka xitaa haddii la iibiyo.

Daawo:Ramaax oo shaaciyey Musharxnimadiisa, Golaha & Gobolku ka sharaxan yahay+Jawaabtii F.C.waraabe siiyey

Daawo:Mulkiilayaasha Isguulada Gaarka ah oo si adag uga hadlay Burburkii la gaadhsiiyey Noradiin School

Daawo:Sheekh Caan ka ah Geyiga Somalidu degto & Geeska Afrika oo Luuqad adag kula hadlay Musharaxiinta Mucaaradka

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>