Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Daawo:Hoodo Garays,Haween Dhawaan Hargeysa Tacadiyo loogu geystay oo Beesheeda Khudbad u jeedisay


Daawo:Nuxurka Khudbad Gudoomiye Cirro u Jeediyey Beel ku Biirtay Xisbiga Waddani

Daawo:Nuxurka Khudbad Muj.Ibraahin Dhegaweyne ka jeediyey Munaasibad Beel Reer Hargeysa ahi ku soo bandhigtay Musharaxiin

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL oo soo xidhay shirweynihii 5aad ee Ururka Qareenada Somaliland ee (SOLLA).

$
0
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL oo soo xidhay shirweynihii 5aad ee Ururka Qareenada Somaliland ee (SOLLA).

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 11/03/2021, si rasmi ah u soo xidhay shirweynihii Ururka Qareenada Somaliland, oo labadii cisho ee u danbeeyay shir uga socday magaalada Hargeysa, kaasi oo ay ka soo qayb galeen garyaqaano ka kala yimid dhammaan gobolada dalka.

Guddoomiyaha oo madasha shirka soo gunaanaday ayaa xusay caqabadaha Ururka ku gadaaman iyo sida looga bixi karo, waxaanu hoosta ka xariiqay ahmiyada ay leedahay in Ururku lahaado qaab-dhismeed dhaxal-gala si jiilba jiil ugu dhiibo. Sidoo kale waxa uu u mahad celiyay hoggaankii hore ee SOLLA sidii wanaagsanayd ee ay u soo wada shaqeeyeen, halka uu hoggaanka cusubna u rajeeyay in ay si fiican u wada shaqayn doonaan. Guddoomiye Aadam Xaaji Cali waxa uu bogaadiyay gabdhaha muddooyinkii u danbeeyay ku soo biirayay Ururka qareenada, kuwaasi oo saddex ka mid ahi ka mid noqdeen boodhka cusub ee Ururka. Geesta kale waxa uu guddoomiyuhu tibaaxay in aannu jirin duulaan hay’adda garsoorka kaga socda Ururka Qareenada waxaanu yidhi “Ma jirto duullaan ama wax dagaal ah oo hay’adda Garsoorka kaga socda ama qorshaysan ururrada qareenada ama garyaqaanada ma jirto, anoo afkii Garsoorka ku hadlaya waxaan aaminsanahay in qareenku yahay rukun lagama maarmaan ah oo hay’adda Garsoorka ka mid ah”. Ugu danbayn waxa uu garyaqaanada u soo jeediyay in aanay si barbar yaacin ee ay nidaamsanaadaan, oo si nidaamka waafaqsan arrimahooda u dhamaystaan.

Halkan riix si aad muuqaalka uga bogato.

https://fb.watch/4anhKJBooT/

War Xasaasiya:Nin Ingiriisa oo loo kireystay inuu soo dilo taajir Halis badnaa oo u dhashay dalka..

$
0
0

Nin Ingiriisa oo loo kireystay inuu soo dilo taajir Halis badnaa oo u dhashay dalka..

Peter in the Rhodesian SAS
Peter McAleese wuxuu ahaa calooshiis u shaqeysta aada goobaha dagaallada, xitaa Rhodesia (oo hadda ah Zimbabwe)

Sannadkii 1989-kii, koox calooshood u shaqeystayaal ah oo u dhashay Britain ayaa u safray sidii ay u soo dili lahaayeen ninkii ugu halista badnaa caalamka. Waxaa kooxdaas hoggaaminayay Peter McAleese.

Ninka ay raggaas qorsheynayeen in ay qaarijiyaan wuxuu ahaa Pablo Escobar, kaas oo hoggaaminayay burcadda daroogada ee Medellin, oo ka jirtay dalka Colombia. Wuxuu ahaa burcadkii ugu taajirsanaa abid ee dunida soo mara.

Wuxuu ahaa ninkii soo saari jiray daroogadii ugu badnayd ee cocaine ah ee ka dibna caalamka oo dhan la geyn jiray – Wuxuu masuul ka ahaa maadooriyeyaasha dunida,, boqolkiiba 80%, xilligii uu noolaa.

Kooxda Britain ka soo jeeday ee uu hoggaaminayay McAleese, waxaa kireysatay burcad kale oo dagaal uu kala dhexeeyay Escobar, oo ka jirtay Colombia.

Filim iyo barnaamij cusub oo baaritaan oo loogu magacdaray “dilka Escobar” ayaa ugu dambeyn lagu shaaciyay in howlgalkaas uu fashilmay iyo ninkii ka dambeeyay waxa uu ahaa.

Pablo Escobar, the godfather of the Medellin Cartel in Colombia in February , 1988.
Pablo Escobar wuxuu ahaa ninkii ugu taajirsanaa uguna halista badnaa ee burcaddii daroogada caalamka.

Ninka filimkan cusub soo saaray, David Whitney wuxuu sheegay in McAleese uu ahaa nin “aan la saadaalin karin” oo uu haystay “jahwareer nafsi ah”.

Muuqaalka dhexdiisa waxaa laga arkay McAleese, oo hadda ah 78 sano jir. Wuxuu sheegay: “Waxaa la ii tababaray in askarta dartood aan wax u dilo”.

McAleese wuxuu sheegay in askeri uu noqday isagoo 17 sano jir ah, si uu xal ugu helo xanaaqiisa badan. Markii uu yaraa wuxuu ahaa qof dhib badan oo daandaansi iyo cuqdadba lahaa.

Peter McAleese
Peter McAleese wuxuu ka mid ahaa askartii Britain ee sannadkii 1980-maadkii dagaalka la galay maleeshiyaadkii xuriyad-doonka ee uu watay madaxweynihii hore ee Zimbabawe, Robert Mugabe.

McAleese ka dib markii uu ciidamada ka baxay, wuxuu noqday qof marba meel ka shaqeeya oo jahwareeray. Ka dib wuxuu xadgudub kula kacay gabadh uu shukaansanayay, wuxuuna ku muteystay xabsi.

Markii la soo daayay, wuxuu wanaag u arkay in uu aasaasto koox ciidan oo isaga u gaar ah oo calooshood u shaqeystayaal ah. Wuxuu billaabay in uu qaarijinta iyo shirqoollada dil ka shaqeeyo.

Wuxuu qeyb ka noqday dagaalkii sokeeye ee Angola, ka dibna Zimbabawe iyo South Afrika ayuu ka fuliyay howlgallo lacag lagu siiyay oo dad lagu qaarijinayay.

Wuxuu la shaqeysan jiray askeri kale oo ku xeel-dheeraa sida hubka qarsoodiga ah loo safriyo oo lagu magacaabay Dave Tomkins. Waxay ku kulmeen Angola. Waxay ahaayeen laba nin oo si wayn saaxiibbo u ah, waxayna ka wada shaqeeyeen qorshihii dilka-fashilmay ee Escobar.

A young Peter McAleese's ID card during his mercenary days in Africa in the Seventies
Kaarka Aqoonsiga Peter McAleese, intuu ka howlgalayay Afrika

Jorge Salcedo, oo qeyb ka ahaa koox burcad ah oo ka jirtay Colombia oo lagu magacaabay Cali Cartel, wuxuu xiriiriye ka ahaa fulinta howlgalka dilka Escobar. Wuxuu qorsheeyay in Tomkins uu qorto koox awood leh oo fulisa duullaanka. McAleese wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee la is weydiiyay.

“La iskama kaa weydiisanayo in aad qorsheyso qaarijinta Pablo Escobar, haddii aadan lahayn khibraddeeda,” ayuu yiri McAleese.

“Ma jirin anshax iga celinayay in aan dilo ninkaas,” ayuu yiri. Wuxuu intaa ku daray, “Marna uma eegin sida dil bareer ah. Waxaan u arkayay fulinta weerar bartilmaameed leh.”

Burcadda Cali waxay kalsooni wayn ku qabtay in Escobar lagu dili karay gurigiisii raaxada ee beerta Hacienda Napoles.

Qoryaha iyo bambooyiinka

Beerta uu guriga ku dhex yaalay waxaa buuxay xaywaanno kala duwan, baabuur aad u badan, sidoo kale garoon diyaarado oo gaar ah ayaa ku dhexyalay, wuxuuna lahaa gidaarro difaac oo adag.

 

McAleese wuxuu diyaarad ku dul maray beerta, wuxuuna sheegay in howlgalka la fulin karo. Qorshihii qaarijinta ayaa sidaa ku bilowday.

Tomkins wuxuu sidoo kale qortay 12 qof oo calooshood u shaqeystayaal ah – waxay ka koobnaayeen dad uu horey ula soo shaqeeyay iyo kuwo lagula taliyay.

In dalka Colombia ay si qarsoodi ah ku galaan waxaa ka caawiyay Jorge Salcedo oo ka tirsanaa burcadda Cali. Raggaas oo dhan waxaa loo qoray mushaar ah $5,000 dollar bil kasta iyo bixinta qarashaadkooda intii uu howlgalka socday. Balse Tomkins wuxuu maalin kasta qaadanayay $1,000 dollar.

in training
Kooxdii loo qoray fulinta dalka oo ku tababaranayay dalka Colombia.

Filimka cusub ee laga sameeyay waxaa lagu soo bandhigay muuqaallo uu duubay Tomkins, waxaana laga arkay ragga oo haystay lacag badan.

Marka hore, waxay ku sugnaayeen magaalada Cali, balse si aan loo arkin darteed waxay u guureen meel beer ah oo ku taallay duleedka magaalada, halkaas oo loogu geeyay hub aad u badan.

“Waxay ahayd xilliga ciidda masiixiyadda,” ayuu yiri McAleese. “Waxkasta oo aan u baahnayn sida hubka waan naloo keenay.”

Calooshood u shaqeystayaasha si fiican ayey ugu tababarteen howlgalka, balse Tomkins iyo McAleese, way garanayeen qofka uu bartilmameedka yahay.

Ka hor inta aan xubnaha kale ee kooxda aan loo sheegin qofla la dili rabo, mid ka mid ah raggii la soo qoray ayaa isaga haray howlgalka, wuxuuna dib ugu noqday dalkiisa. Ka dib wuxuu warkii u sheegay wargeys, balse ma uusan magacaabin kooxda iyo halka uu howlgalka ka dhacayo.

Markii uu soo dhowaaday xilligii weerarka, kooxda waxay galeen duurka si ay u tijaabiyaan hubkooda iyo bambooyiinka.

Helicopter
Sawir dhab ah oo laga qaaday kooxda, markii ay duurka ku jireen.

Qorshaha weerarka waxaa ka mid ahaa laba diyaarad oo ah kuwa qumaatiga u kaca, oo ku dul duula beerta Hacienda Napoles, xilliga ay kooxdan dhulka ka galayaan dhismaha – ujeedada waxay ahayd in si xoog ah lagu maro ilaalada awoodda leh ee halkaas ku sugnayd.

Waxay doonayeen in madaxa Escobar ay horey usoo qaataa si guusha ay ugu dabaaldegaan.

Markii ay maqleen in Escobar uu dhismaha ku sugan yahay, si degdeg ah ayey isu diyaariyeen. Laakiin weerarkaas marna lama fulin oo maba dhicin.

Diyaaraddii siday McAleese iyo Tomkins ayaa shil ku gashay aagga Andes, waxaana ku dhintay duuliyihii.

Ballanqaadkii uu sameeyay

Dadkii kale ee diyaaradda saarnaa way badbaadeen, laakiin McAleese ayaa si xun u dhaawacmay, waxayna ku sugnaayeen dhul buuraley ah. Illaa seddax maalmood ayuu dhul yaal ahaa, ka dib ayaa la soo badbaadiyay.

Escobar ayaa maqlay qoshihii ku saabsanaa in la qaarijin rabo, ka dib askartiisii ayuu u diray buuraleyda si ay raggaas u soo qabtaan.

“Haddii Pablo uu i qaban lahaa, dhiibaato wayn ayay igu noqon lahayd, silac iyo saxariir na waan u dhiman lahaa,” ayuu yiri McAleese.

Laakiin wuu ka badbaaday wuxuuna wacad ku maray in uusan ku laaban doonin howlgal noocaas ah – intii uu iska yaallay dhulka buuraleyda ah, isagoo dhaawac ah oo aan dhaqaaqi karin.

Peter McAleese
Hadda waa 78 sano jir, Peter McAleese wuxuu sheegay in uu wax badan ka shallaayay, balse hadda uu nabad ku nool yahay.

“Wax badan oo aan ka shallaayay ayaa jiro, mana ahan goobta dagaalka, balse waa in aan u fashilmay aabe ahaan iyo sey ahaan,” ayuu yiri.

Hadda waa 78 sano jir, wuxuuna sheegay in uu si nabad ah u noolyahay.

Dhanka kale, Pablo Escobar waxaa la dilay sannadkii 1993-dii, xilli uu ka baxsanayay maamulka Colombia.

Daawo:Waxgarad Eedo culclus ku saydhay Wasiirka Boosta & Isgaadhsiinta S/land+Baaq ay u direen….

Trends Analysis of agrometeorology In Somaliland Part (2)

$
0
0

Trends Analysis of agrometeorology In Somaliland
Part (2)
Weather and climate are important factors determining the success or failure of agriculture. Weather influences agricultural operations from the sowing of a crop to the harvest and particularly rainfed agriculture depend on the mercy of the weather.
• It can be used in frost prediction and protection of crop plants.
• It can be used in giving the warning against the forest fires and cyclonic storm / dust storm.
• It is helpful in planning irrigation.
• It is helpful in predicting and controlling the insects and plant diseases.
• It is helpful in predicting and controlling the pollution of air and water
• It can be used to minimize the losses caused by heavy rain, floods and hail storm.
• It helps in forecasting pests and diseases, choice of crops, irrigation, and other intercultural operations through short, medium, and long-range forecasts and help to identify places with the same climatic conditions (Agro climatic zones). This will enable us to adopt suitable crop production practices based on the local climatic conditions.
• It also helps in the introduction of new crops and varieties, which are more productive than the native crops, and varieties and helps in the development of crop weather models, which enables to predict crop productivity under various climate.
• It helps within the preparation of crop weather calendars for various locations.
• It enables to issue crop weather bulletins to farmers and enables us to forecast the crop yield based on whether to plan and manage food production changes in a region.
• It is needed to make the farmers more “weather conscious” in planning their agricultural operations.

However, up-to-date equipment and enhanced skill for the staff is necessary to allow precise analysis and better presentation. Training the staff is another problem in addition to educating farmers. Closer contact with farmers is vital; it is very beneficial to train them at least to make field observations and collect and transmit data.

Therefore the department is obliged to hire long term agrometeorology expert/consultant for a period of eight months who will conduct the following:

• To capacitate the department for holding the following Assessments :
 Needs assessment
 Agrometereology observatory gaps
 Agrometereology Communication gaps
 Enhancing the skill to analyze data coming from weather stations

• To prepare project proposal based on the outcome of these assessment
Assist the department to collect different data settings, analyze and record the data in proper manner.
• Assist the department to establish central data base in the country for storage and analysis of the data
• Assist the department to raise the standard of the weather stations to automatic weather stations.
• Assist the department to expand and cover of weather stations in the country
• Assist the department to Improve communication links and consider new facilities
• Assist the department to Provide training (short and long-term) and analytical tools (introduce and improve methodologies);
• Assist the department to update and strengthen information system and technology (computers, software, GIS technology, etc.) and data processing tools
• Initiate roving seminars; and, Improve bulletins and introduce automation of data collection, processing, and information transfer
• Create Early warning system strategies
• Help Improve weather information and monitoring equipment
• Help establish at least automatic station ( the location and the number will be determined later)
• Help establish Weather stations ( the location and the number will be determined later)
• Help provide early warning equipment
• Skill development for maintenance of the equipment
• Skill development for software and data base equipment
• Skills to determine crop weather relationship to avert pest outbreak and other advisories
• Skills to determine crop weather relationship to help increase crop yield and crop expansion
• Help to produce pest weather calendar
• Help early warning system skill established

He / she will be using the following indices to predict rainfall, drought, soil water balance for crop expansion etc.:

• Rainfall index
• Drought index
• Rangeland index
• Soil water balance index
• Specific Crop water requirement index
• Precipitation index
• Crop water satisfaction index
• And much more

After the consultant completes his/her task, the following are expected to be accomplished:

• Central data base with capacity to perform data analysis and storage established
• Produce agrometereological bulletins with early warning information
• Set of automatic weather stations established
• Set of weather stations established
• New facilities for communication created (collection, processing, and information transfer established)
• Capacitated with (computers, software, GIS technology, etc.) and more.
• Capacity to hold Seminars and workshops
• Establish Somaliland Agro-ecological zoning
• Farming systems ( which crop/variety to grow and where
• Crop calendar ( Sowing and harvesting periods of crops )
• Crop monitoring ( pest and disease out break
• Early warning
• Timing of fertiliser and pesticide application
• Time of harvest
• Early warning system skills, equipment and strategies established

Regards,

Abdirahman Ibrahim Abdilahi
Contact: Abdirahman270@gmailcom

Qoyska Ninkii Madoobaa ee Askariga cadaanka ahi dilay George Floyd oo la siiyay magdhawgii ugu badnaa taariikhda Mareykanka ee la bixiyo

$
0
0

Qoyska Ninkii Madoobaa ee Askariga cadaanka ahi dilay George Floyd oo la siiyay magdhawgii ugu badnaa taariikhda Mareykanka ee la bixiyo

George Floyd

Masuuliyiinta magaalada Minneapolis ayaa 27 milyan oo magdhow ah gaarsiisay qoyska George Floyd, oo ahaa nin madow oo Maraykan ah.

Dilkii uu askariga boolis caddaanka ah gaystay wuxuu sababay iney gobollada Mareykanka oo dhan ay ruuxaan muddaharaadyo rabshada wata iyo dibadbaxyo ka dhacay meelo badna oo caalamka ah.

Muuqaalka aadka looga argagaxay ee laga duubay ninkan 46 sano jirka ahaa ayaa muujinaya wixi dhexmaray booliska Minneapolis iyo George Floyd qabashadiisa ilaa iyo geeridiisa.

Qoyskiisa ayaa sheegay in hadddii uusan ahayn muuqaalka laga duubay markii Askariga luqunta jilibka kaga hayay ay adkaan lahayd in caddaad la helo.

Dhanka kale qareennada qoyskiisa ayaa sheegay in muuqaaka uu fududeeyay cadaalad aan la dafari karin iyo isbadal.

Xulista xeerbeegtida ee dilkii George Floyd ayaa hadda socota, waxaana ilaa haatan la xulay Lix ka mid ah 12 garsoorayaal oo ka hawl geli doona dhageysiga bilaabmaya 29 Maarso.

Golaha Magaalada Minneapolis ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay ansixinta lacagta magdhawga ah kahor dhageysiga dacwadda ee dhammaadka bishaan Maarso, waa lacagtii ugu badnayd ee abid lagu bixiyo gobolka Minnesota.

Qareenada qoyskiisa ayaa dacwad gudbiyay bil ka dib dilka Floyd oo ku begnayd bishii June 2020.

George Floyd inta uusan dhiman 30 daqiiqo ka hor maxaa dhacay?

Dadkii goob joogga u ahaa dhacdadaas iyo muuqaalladi laga duubay waxaa la ogaaday arrimahan hoos ku xusan.

George Floyd dukaan lagu magaacbo Cap Foods ayuu ka iibsaday sigaar. Shaqaalihi dukaanka ka shaqeynayey ayaa booliska wacay una sheegay inuu Floyd uu siiyey 20 doolar oo bug ah.

George Floyd oo ku dhashay Texas ayaa sanada badan ku noolaa Minneapolis.

Wuxuu wakhtiyadi ugu dambeeyey uu ka shaqeeynayey maqaayad inkastoo si la mid ah malaayiinta qof ee Mareykanka ku nool uu saameeyey Covid-19 oo uu shaqa la’aan ahaa.

George wuxuuna in mudda ah uu macamiil u ahaa dukaanka Cup Foods oo uu inta badan wax ka iibsan jiray.

Mulkiilaha dukaanka Mick Abumayeleh wuxuu NBC u sheegay inuu dukaankiisa macamiil u ahaa, uuna ahaa nin ixtiraam badan oo dadka aad u soo dhaweysta. Balse maalinta ay dhacadaasi foosha xun dhaceysay mulkiilaha dukaankiisa wuu ka maqnaa.

Wiil dhalinyara ah oo dukaanka ka shaqeeya ayaa ka shakiyey 20-ka doolar uu wax kaga iibsaday Floyd kadibna wacay lambarka booliska 911. Sida ay tilmaameyso xogta laga helay diwaanka wicitaanka la duubay ee boolisku keydiyay wiilka yar ayaa booliska u sheegay inuu ka dalbaday Floyd inuu u soo celiya sigaarka, balse Floyd-na uu diiday.

Wiilka dukaanka iibinayeyna wuxuu intaa ku daray George Floyd inuu u ekaa qof khamreysan, oo ahaa qof aan iskoontarooli karin.

 

8 daqiiqo marki ay ka soo wareegtay xilliga Booliska la wacay ayey boolisku goobti laga soo wacay soo gaareen. Xilligaasina George Floyd iyo laba qof oo kale ayaa gaari taagan ku wada jiray.

Booliska marka ay gaariga ku dhawaadeen waxaa qori la soo baxay askariga lagu magacaabo Thomas Len i Floyd oo ku amray inuu gaariga ka soo dego. Ma cadda sababta askariga ku kalliftay qof aan hubeysneen inuu bistoolad ula soo baxa

Thomas Len oo xeer ilaaliyaha uga warramay wixi dhacay wuxuu sheegay “inuu ku yiri gaariga ka soo deg ” intaa kaddibna “George Floyd diidmo ayuu muujiyey taasoo horseeday in gacmaha laga xiro” ayuu yiri.

14 daqiiqo kaddib ayuu Derek Chovin oo ah askeriga dilay Floyd uu goobta soo gaaray.

Isaga iyo askari kale xilli ay isku dayayeen iney gaariga booliska saaraan, ayuu Chovin, George Floyd daqiiqaddi 19-aad uu dhulka ku celiyey jilibkana uu qoorta ka saaray.

Gabar dhacdadaasi goob joog u ahayd waxay duubidda dhacdada billaawday George Floyd marka u dhulka ku dhacay isaga oo gacmaha ka xiran.

George wajigiisa aragagax iyo degganaasha la’aan ayaa laga akhrisanayey. Daqiiqadihi noolashiisa u dambeysayna muuqaalka caalamka oo dhan gaaray ayaa laga dheehanayaa.

Muuqaalkana waxaa lagu arkayey George oo leh “waan neefsan la’ahay” mararka qaarna wuxuu ku dhawaaqayey “hooya iga soo gaar”, “fadlan, fadlan, fadlan” isaga oo leh.

Xogta laga helay xeer ilaaliyaha kiiska gacanata ku haya waxay sheegeysaa ku dhawaad 9 daqiiqo (8 daqiiqo iyo 46 ilbiriisi) askariga inuu Floyd jilibka qoorta kaga hayey.

Derek Chovin
Askariga dacwadda dilka lagu soo oogay Derek Chovin

6 daqiiqo marka uu askariga jilibka kaga hayo qoorta Floyd ayuu George dhaqdhaqaaqi gabay. Askari ka mid ah ayaa isku dayay inuu gacantiisa midig uu ku fiiriyo garaaca wadnahiisa balse wax dhaqdhaqaaq ah ma lahayn. Hase yeeshee, weli askarti booliska ahayd jirka Floyd kama dul kicin.

Daqiiqaddii 27-aad ayuu askarigi jilibka ka qaaday jirka dhaqdhaqaaqa gabay ee George Floyd.

George Floyd ambalaas ayaa lagu qaaday waxana la geeyey isbitaal balse saacad kaddib Floyd ayaa la sheegay inuu geeriyooday.

Christopher Harris oo ay Floyd saaxibba ahaayeen wuxuu sheegay dhimashada George Floyd maalin ka hor mar ay sheekeysanayeen uu u sheegay inuu raadinayo shaqo ku meel gaar ah.

“Dilka loo geystay waa mid arxandarra ah”, ayuu yiri Harris. “In muddo ah wuxuu askarta ka baryayey iney naftiisa badbaadiyaan. Marka aad kalsooni siiso nidaam aan adiga laguugu talagelin natiijadu sidan ayey noqonaysaa. Marka aad caddaalad heli weydo adigoo raacaya sharciga, waxaad billaabeysaa in si bilaa sharci ah aad caddaaladda ku raadsato.


Xasaasi:Daawo,Hooyo Somaliyada oo Askar Maraykani Xoog Ilmaheedii ka qaadayo oo ku dhawaaqeysa Sun aan cabo i siiya

Daawo:Maxbuus laga sii daayey Jeelka Hargeysa oo la siiyey Lacag cadadkeedu badan yahay+Cida siisay & Sababta

Daawo:Waraysi xasaasiya oo lala yeeshay Gudoomiye Cirro+Su’aalo Kakan oo la weydiiyey

Daawo:Maayarka Burco oo Si adag ugu hanjabay Hotel Bariga Burco ku yaala oo Habeenkii lagu Tunto

Daawo:Wasiirka Awqaafta & Diinta S/land oo Magacaabay Guddi ilaaliya Bisha Ramadaan isagoo ka gaashamanaya Dhacdadii Sanadkii hore oo laba maalmood la kala ciiday

Siyaasi Soomaaliya oo aad u da’yar oo loo doortay inuu ka mid noqdo Gole Deegaan Dalka Switzerland

Daawo:M/weyne Muse Biixi oo Warqada Aqoonsiga ka gudoomay wakiilka Imaraadka u soo magacaabay S/land

$
0
0

 

War-saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka gudoomay waraaqda aqoonsiga wakiilka Imaaraadka Carabtu u soo magacaabay Jamhuuriyadda Somaliland, Amb, Abdulla Alnaqbi.

Wakiilka oo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland soo gaadhsiiyey waraaaqaha aqoonsiga iyo salaan uu ka siday madaxda ugu saraysa dalka imaaraadka carabta ayaa uga mahadnaqay madaxweynaha sida qiimaha leh ee uu uga gudoomay.

Iyadoo Madaxweynaha qaranka Somalilandna u sheegay wakiilka inuu soo gaadhay dal iyo dad jecel walaalnimada iyo wadashaqayn ay ku dheehantahay horumar iyo iskaashi dhexmara labada shacbi iyo labada dawladood.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu safiirka xog ka siiyey hannaanka dimuquraadiyada ee ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland muddo laga joogo soddon sanno markii ay xaqiijiyeen madaxbannaanidooda 1991kii, wakhtigan casriga ahna ay Somaliland ku soo fool-leeyihiin doorashooyin isbarkan oo loo qorsheeyey inay dalka ka qabsoomaan sannadkan 2021ka.

Ugu danbayntiina madaxweynaha Somaliland waxa uu dalka imaaraadka carabta uga mahadnaqay xoojinta iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeyey mudada dheer iyo maalgelinta ay ku dhiiradeen inay Somaliland ka fuliyaan noqdaana dalkii u horeeyey ee maalgelin baaxadaa leh ka fuliya Dalka, tanina ay tahay mid dhidibada u sii adkanaysa wada-jirka iyo wadashaqaynta dalalka Somaliland iyo Imaaraadka.

May be an image of one or more people, people sitting and indoor
May be an image of one or more people and indoor
May be an image of one or more people, people standing and indoor
May be an image of one or more people, people standing and people sitting

Daawo:Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Gaal oo ka hadlay Xeerka Shidaalka oo horyaala……

Yaa Ka Masuul Ah Faafinta Cudurka covid 19 Qore Mukhtar Cilmi

$
0
0

Bismilaahi alraxmaan alraxiim.

Waxaan salaamaya warbaahanta iyo dadweynaha Somaliland.

Intaas kadib waa la wada ogyahay cudurkii covid 19 corona halka u marayo oo runti dalkii Aomaliland miyi iyo magaalaba galay oo dad farabadan ay u jeefaan guryaha, iyo dad badan oo gudbinaya cudurka kuwa basaska saaran iyo suuqyada ka ganacsada.

Mee doorkii wasaaradda arimaha gudaha iyo caafimaadka iyaga maanta ka masuul ah xakamaynta cudurka covid 19 somaliland, maanta cudurkii wuxuu ordaya gobolo ay adeega caafimaadku hoos u yahay tusaale sanaag, waxaana bahalkan sii faafiyey waa xafladaha musharaxiinta ay qabsanayaan hoolalka, iyo basaska dhexdooda iyagoo aan maask gashanayn, iyo kala iibsiga suuqyada.

Wasiirka arimaha gudaha maxamed kaahin iyo wasiirka caafimadkuba cumar cali waa in ay talaabooyinka laga sugayey ay qaadan oo waxaa ka mid ah:

1- joojinta xafaladaha musharaxiinta iyo aroosyada lafu qabanayo hoolalka.

2- joojinta adeega basaska.

3- dadku khasab ay sitaan mask dibada lana qabto cidi bela mask oo la ganaaxo.

4- in doorashooyinka dib loondhigo inta la xakamenayo cudurkan aduunkuna sida la sheegayo ila 2022 ba la xakamayn kara.

5- ciidamada lagu daadiyo magaalooyinka si iso socodka la yareyo oo bando wixi 9 habeenimo dalka u galo.

6- cid walba somaliland soo falaysa xaga diyaradaha amba dhulka waa in warqada koronada u sito.

Bahalkii wuu sii faafaya guryihina ayuu soo gali doona hadaa wax imika laga qaban.

Qore mukhtar cilmi

mukhtarcilmi@hotmail.com

Daawo:Xildhibaan C/raxmaan Xoog oo si adag u duray Xeer Barlamaanka la horkeenay oo uu Shaaciyey inuu yahay Xeerkii ugu xumaa abid ee Golaha la horkeeno,Muxuuse ku qoonsaday?

Daawo:Gudoomiyihii hore ee Komishanka Doorashooyinka S/land oo Hore Kulmiye u diiday oo markale ku biiray Liiska musharaxiinta Kulmiye+Sababta

Daawo:Golaha Guurtida oo si adag uga Hadlay Shaqaaqo & Mudaharaadyo ka istaadhmay Dugsiyada Gaarka ah loo leeyahay ee Hargeysa

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>