Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Daawo:Xisbiga Kulmiye oo hadda soo saaray War cusub oo ku saabsan Musharaxiinta Barlamaanka & Degaanka


Daawo:Qoys Hantidoodii loo baabi’iyey Taageerada kulmiye Darteed oo Afka Gacanta Geliyey

Sababtay Dawlada Kenya uga baxday dhageysiga dacwadda Badda ee ka dhaxaysa Somalia?

$
0
0

Sababtay Dawlada Kenya uga baxday dhageysiga dacwadda Badda ee ka dhaxaysa Somalia?

Garsoorayaasha maxkamada ICJ
Garsoorayaasha maxkamada ICJ

Dowladda Kenya ayaa isaga baxday dhageysiga kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, sida ay BBC-da u xaqiijiyeen ilo ka tirsan xafiiska xeer ilaaliyaha dalka Kenya.

Sida ay warbaahinta Kenya ku warantay dowladda Kenya ayaa sabab uga dhigtay arrintan inay ka cabanayso in maxkamadda aysan si xaq ah ula dhaqmin Kenya iyo in maxkamadda aysan doonayn in ay tixgaliso codsiga Kenya ee ah in dib loo dhigo dhageysiga kiiska iyada oo sabab looga dhigayo feyriska Corona.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kenya Kihara Kariuki ayaa go’aanka dowladda maxkamada ICJ u gudbiyay isbuucii la soo dhaafay xilli maalmo uun ay ka dhinayd bilaabashada dhageysiga kiiska.

“Kenya waxay rajeynaysaa inay maxkamadda ku wargaliso in aysan ka qeyb galayn dhageysiga kiiska ee bilaabanaya 15 March,” waxaa sidaasi lagu sheegay warqad uu xeer ilaaliyaha guud Kenya u diray maxkamadda.

Tallaabadan lama filaanka ah ayaa imanaysa iyada oo maalinta berrito ah loo ballansan yahay in maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaalada ay billowdo dhageysiga dacwadda muranka badda ee Kenya iyo Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale go’aanka ku soo beegmayaa xilli uu aad u xumaaday xiriirka dublamasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal.

waxyaabaha kale ee ay Kenya ka cabanayso

Qoraalka ay dowladda Kenya u gudbisay maxkamada ICJ ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in ka qeybgalka dhageysiga kiiska ee garsoore, Cabdulqawi Axmed Yusuf, oo dhalashadiisu Somaali tahay ay tahay mid shaki galinaysa kalsoonida lagu qabi karo in maxkamada ay dhexdhexaad noqonayso.

Mr Kariuki, ayaa ku dooday in kiiska dhanka Kenya uu inta badan gundhigiisu yahay waxyaabo ay qareenada sharxayaan iyaga oo tusaale adeegsanaya islamarkana aan taasi lagu sameyn karin qaab maqal iyo muuqaal ah.

.
.

Kenya ayaa ka cabanaysa in dhageysiga loo qabto qaab maqal iyo muuqaal ah taasi oo Mr Kariuki uu sheegay “in aysan ku haboonayn in kiis sidan u culus una muhimsan lagu qaado qaab maqal iyo muuqaal ah”.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kenya ayaa sidoo kale qoraalka uu maxkamadda u gudbiyay ku sheegay in Kenya ay qareeno cusub qoratay islamarkana kulamo aysan yeelan maadama uu jiro feyriska Corona sidaasi daraadeed-na Kenya aysan si wanaagsan ugu diyaar garoobin kiiska.

Dowladda Kenya ayaa shaqada ka ceyrisay qareenadii uga qeybgalay dhageysigii 2019 waxa ayna ku dhaliisha tayada qaabkii ay dacwadooda u soo bandhigeen.

Maxkamadda ayaa inta badan go’aanada ay gaarto fulintooda waxay ku tashataa oo ay isku haleysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey si loo xaqiijiyo in la xushmeeyo oo loona hogaansamo go’aanadeeda.

Kenya ayaa imika xubin aan joogta ahayn ka ah golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Boqortooyada Sacuudiga oo meel marisay Sharci  farxad geliyey Ajaaniibta ka xoogsada Gudaha dalkaa

$
0
0

Boqortooyada Sacuudiga oo meel marisay Sharci  farxad geliyey Ajaaniibta ka xoogsada Gudaha dalkaa

Shaqaala ajnaabiga ee Sacuudiga ka shaqeeya
Shaqaala ajnaabiga ee Sacuudiga ka shaqeeya

Sacuudi Carabiya ayaa meel marisay sharci in badan la sugayey oo ku saabsan in meesha laga saaro nidaamka ‘Kafaala’ ama kafaala-qaadka ee shaqaalaha ajnabiga uu qof wakiil uga noqonayey.

Shaqaalaha ajnabiga ee Sacuudi carabiya ku sugan waxaa horay loogu xiri jiray iney oggolaasho iyo kafaala-qaadba ay ka helaan cidda ay u shaqeynayaan.

Haddii shaqaalaha iyo qofka loo shaqeynaya uu khilaaf ka dhex dhacana ay dhici jirtay in shaqaalaha kafaala-qaadka lagala noqdo taasina ay keento inuu si sharci ah dalka Sacuudiga uu uga shaqeysan karin.

Bishii Novebmer ee sanadkii hore, wasaaradda shaqada iyo horumarinta bulshada ee dalkaasi waxay ku dhawaaqday iney meel marineyso qorshe ay wax kaga beddeleyso nidaamki kafaala-qaadka ee shaqaalaha ajnabiga lagu xirayey.

Nidaamkaasi oo dhigayey inuu qofka shaqaalaha ah qofka ama cidda uu u shaqeeyo oo keli ah uu rusqada shaqada iyo degganaashaha Sacuudiga uu u cusbooneysiin karo ama uu ka joojin karo.

Sacuudiga wuxuu sheegay inuu qaaday xayiraadihi ugu waaweynaa ee shaqaalaha ajnabiga ah ka saarnaa inuu helo sharciga shaqada iyo degganaashaha dalkaasi.

 

Dalka Qadar ayaa horay ugu dhawaaqay inuu wax laga beddelay sharciga shaqaalaha ee Ajnabiga ah ee ka soo jeeda dalka Nigeriya, iyada oo ka duuleysay dhibaatooyinkii ka dhacay Lubnaan.

Kooxaha u dooda xuquuqda shaqaalaha waxay ku doodayaan nidaamkaasi inuu shaqaalaha gaar ahaanna kuwa dhismaha ama guriyaha ka shaqeeya ee aadka u nugul iney shaqaalaha u shaqeeya ku xadgudbaan.

Xadgudubyada ay u geystaanna waxay ku sheegeen iney ka mid yihiin iney baasboorrada ka qaadaan, iney saacado dheeri ah shaqeeyaan iyo iney u diidaan lacagihi ay ku shaqeeyeen.

Nidaamka cusub ee ay Boqortooyada dib u habeynta ku sameysay shaqaalaha soo galootiga ah wuxuu dhigayaa shaqaalaha iney shaqooyinkooda wadan karaan ilaa uu ka dhaco heshiiska shaqo ee lala galay.

Shaqaaluhu sidoo kale waxay awoodi doonaan inay wareejiyaan shaqooyinka inta uusan dhammaan qandaraaskooda shaqo haddii cidda ay u shaqeynayaan wakhtigi looga talagalay ku wargeliyaan.

Shaqaaluhu sida oo kale waxay helayaan xorriyad ay ku safraan iyaga oo aan wax fasax ah uga baahan cidda ay u shaqeynayaan.

 

Hay’adaha dowliga ee arrimahan u xilsaaran waxaa kale oo ay sheegeen in sida oo kale shaqaalaha ajnabiga ah ee aan la siinin qandaraas shaqo ama mushaaraadkooda la siinin loo diyaariyey shuruudo.

Qaar ka mid ah waddamada Khaliijka ayaa sanadihi u dambeeyey isbeddello ku sameeyey nidaamka ‘kafaala’ (kafaala-qaadka) ee shaqaalaha wakiilka uga noqonaya qofka uu u shaqeeya, arrintaasi oo ahayd mid ku baahsan lixda waddan ee xubinka ka ah golaha iskaashiga khaliijka.

Dadka dhaleeceeya arrintan waxay sheegaan xadgudubyada iney sii socon doonaan, ilaa iyo inta ay shaqada iyo fiisooyinka dagganaashaha ay ku xiran yihiin ‘Kafiil’ ama qofka shaqaalaha kafaala-qaada.

Cumaan oo dalkeeda ka xanibtay app-ka ClubHouse

$
0
0

Cumaan oo dalkeeda ka xanibtay app-ka ClubHouse

Clubhouse
Clubhouse

Cumaan ayaa Axadda maanta ah xayirtay app-ka codka ah ee Mareykanka laga leeyahay ee ‘Clubhouse’ iyadoo mas’uuliyiintu ay ku sababeeyeen inuusan haysan ogolaansho sax ah. Laakiin qaar ka mid ah u dhaqdhaqaaqayaasha bulshada ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay dagaal horleh oo ka dhan ah xorriyadda hadalka ah.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in dowladdu aysan ka jawaabin codsi ah in ay faahfaahiso go’aankan. Hase ahaatee, sarkaalka u sarreeya Hay’adda Isgaarsiinta Cumaan ayaa u sheegay website-ka wararka ee WAF in app-ka loo xannibay “ruqsad-la’aan”.

Hashtag-ga Oman_blocks_Clubhouse ayaa Axadda maanta ah qabsaday doodaha isticmaalayaasha baraha bulshada ee Cumaan.

“Dowladda Cumaan waxa ay dowladda kali-taliska ah ee China ka dhigatay tusaale ay ku dayato. Clubhouse waa madal ay dadka reer Cumaan u adeegsadaan inay ku cabiraan ra’yigooda si xor ah oo aan lahayn faaf-reebka dowladda,” sidaasina waxaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Cumaan.

Daawo:Siyaasi Abiib Timo-cad oo ka hadlay qabiilka Gurgure ciday Yihiin,meeshay Degaan & Doorkoodii SNM

Daawo:Nuxurka Khudbad Gudoomiye Cirro u jeediyey Beesha Gurgure oo ku biirtay Xisbiga Waddani

Daawo:Qaylo-dhaan ka soo yeedhay Saylada Xoolaha Burco+Cabashooyin isbarkan


Daawo:F.C.Waraabe oo si badheedha u duray Ex-xildhibaan Khadar Ambassador

Gudida uu gudoomiyaha wakiiladu uu u saaray xeerka.

$
0
0

GUDIDA UU GUDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILADU U SAARAY XEERKA DOORASHOOYINKA URURADA IYO AXSAABTA SIYAASADA JAMHUURIYADA SOMALILAND XEER LR.14 IYO WAXA AY KA SUGAYAAN DADKA SOMALILAND.

Shalay oo ay taariikhdu ahayd 13-March-2021 ayaa waxa uu gudoomiyaha golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland gudi u saaray ka soo talo bixisa wax ka badelka iyo kaabida lagu sameyn doono xeer lr.14 oo ah xeerka ururada iyo axsaabta siyaasada Somaliland oo ka mid ahaa ajandaha kalfadhiga golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland ee 45naad.

Xeerkani waxa uu saldhig u yahay nidaamka doorashooyinka iyo dimuqaaradiyada Somaliland oo waa xeerka ay ku dhisan yihiin axsaabta jamhuuriyada Somaliland , sidoo kale xeerkani waxa ku dhisan gudiga diwaan galinta ururada iyo axsaabta siyaasada Somaliland oo ah hay’ad dawladeed oo uu madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland gudigeega magacaabo.

Xeerkani waxa uu soo maray taariikho badan iyo marar hore wax laga badaley isaga oo xeerka markiisa hore la sameeyey sanadkii 2000 oo waxa uu ahaa seeskii nidaamka dimuqaradiyadeed ee Somaliland .

Hadana waxa wax ka badel lagu sameeyey sanadkii 2011 kii oo xiligaasi markii dib loo eegay dastuurka dalka jamhuuriyada Somaliland iyo xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland , sidoo kale markii la eegay baahida dadka jamhuuriyada Somaliland u qabaan in ururo siyasadeedyo kale yimaadaan , oo ay furan karaan muwaadiniinta aan ku qancin sadexdii xisbi qaran ee xiligaasi joogay .

Waxa ugu weyn ee la isku qabsaday xiligaasi waxa ay ahayd axsaabta siyaasada jamhuuriyada Somaliland maadaama oo uu dhigayo qodobka 9aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland faqradiisa 2aad in aan axsaabta siyaasadu ka badan karin 3 xisbi qaran , isla xeerkaasi faqradiisa 3aad waxa ku qoran qaabka loo furan karo xisbi siyaasadeed iyo waxa ka reeban oo ah gobolaysi iyo qabyaalad , oo faqradani cadeyn u tahay in la furan karo xisbi siyaasadeed.

Sidoo kale waxa kabaya qodobada dastuurka ah ee 23naad faqradiisa 3aad iyo qodobka 22naad faqradiisa 1aad iyo 2aad , markaa waxa ay noqotay in wax laga badelo xeerkii hore ee ururada iyo axsaabta jamhuuriyada Somaliland xeer lr14. 2000 oo uu noqdo xeer lr.14 2011 , waxaana si cad loogu qeexay in 10kii sanadoodba hal mar la furto ururo siyaasadeed , iyada oo lagu furi doono doorashada dawladaha hoose ee dalka.

Haddaba waxa uu golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland soo saaray bishii sept ee 2020 xeer loogu magac daray xeerka guud ee doorashooyinka jamhuuriyada Somaliland , oo lagu ururiyey dhawr xeer doorasho , waxaana uu xeerkaasi madaxweynaha Somaliland saxeexay 14/10/2020 isaga oo xeerku faafinta rasmiga ah ee garyaqaanka guud ee qaranka galay 19/10/2020 .

Xeerkani cusub ee Xeer lr.91 faaiidooyinka ugu waaweyn ee ku jiray waxa ay ahaayeen in uu xeerku qaabeeyo hanaanka guud ee doorashooyinka iyo xeerarkooga marka laga reebo xeer lr 14 , waxaana meelaha ugu muhiimsani ahaayeen in xeerkani lr.91 lagu xusay in faqradiisa 6aad in gudiga doorashooyinku hal mar wada qaban karaan hal doorasho iyo waxii ka badan , faqradani oo u gogol xaadhaysa mustaqbalka in doorashooyinka mar la wada qaban karo , sidoo kale xeerka waxa ku jiray shuruudaha murashaxyada doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka oo wax laga bad badalay.

Xeerka waxa kale markii la sameynayey lagu daray hadii goleyaasha deegaanada dalku mudo dhaafaan duruufaha xeerarku sheegeen awgood in loo kordhin karo mudada sida goleyaasha kale ee qaranka , isaga oo aanay xeerarkii kale ee hore ku cadeyn oo ay dhacday in goleyaasha deegaanka oo mudo xileedkoodii sharciga ahaa dhamaaday hadana ay iska fadhiyeen , isaga oo uu qiil u noqday qodob ku jira Xeerka gobolada iyo degmooyinka Xeer Lr.23 oo sheegaya in golaha deegaanka gole kale oo deegaan oo la doortay uun ay badali karaan.

Haddaba xeerkani markii la sameynayey laguma fadhiisin Xeer lr14 oo ah xeerka uu ku aas-aasan yahay nidaamka dimuqaradiyadeed ee dalka jamhuuriyada Somaliland , hadii aan xeerarka la waafijinina waxa laga yaabaa in uu khal-khal ku yimaado wareega shaqo iyo xili ee doorashooyinka ( elections mandate and frame work disorder ).

Sidoo kale xeerkani waxa ku jira oo aad loo danaynayaa furistii ururada siyaasada oo ahayd in lagu furo doorashadan dawladaha hoose ee mudaysan 31-05-2021 , hadana wali ay axsaabta siyaasada ee maanta joogta ay mudo koobani uga hadhsan tahay shahaadadoodii oo aanu wakhtigoodii dhamaanin , iyada oo dadka somaliland ee danaynaya ururada siyaasaduna qabaan tuhun hoose oo axsaabta maanta joogtaa ay doonayaan in aan ururo lagu furin , ayaa aad loogu dhag taagayey waxa laga yeeli doono Xeer lr 14.

Dad badan baa hore wax uga qoray oo aan ka mid ahay oo is weydiinayay sababta xeerka loogu daray ajandaha kalfadhigii golaha wakiilada , isweydiinahan iyo filashada shacabka jamhuuriyada Somaliland ee ah in la furo urur siyaasadeedo cusub waxaa jawaab wanaagsan u noqon doonta qaabka uu golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland xeerkani wax uga badelo iyo sida uu goluhu isugu hagaajiyo xiliga ururadii la furayo , qaabka kale ee loo furi karo maadaama ay doorashadii deegaanku ee lagu furi lahaa meesha ka baxday , waana aynu sugi doonaa insha Allah.

Qofwalba waa ku waajib in uu ilaashado xeerarka dalkiisa , u dagaalamo xuquuqaha muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland ee dastuurka dalka iyo xeerarku siiyeen oo ay xuquuqda siyaasadeed tahay mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee u baahan in loo ilaaliyo dadka jamhuuriyada Somaliland.

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil

Daawo:Munaasibad soo-dhaweyna oo Xisbiga Waddani u qabtay 2-Musharax oo iska casilay kulmiye,Musharaxnimadoodiina ula wareegay Waddani

Daawo:Culimada Ugu Tunka waaweyn Burco oo Digniin Culus u diray Mulkiilaha Hotel habeenkii lagu tunto ,Mayar Muraadna taageero Mug weyn la barbar joogsaday

Kenya will not take part in the hearings of its maritime dispute

$
0
0

NAIROBI, Kenya

Kenya will not take part in the hearings of its maritime dispute case with Somalia that start at the International Court of Justice (ICJ) on Monday, local media reported on Sunday.

The decision has been taken in protest over the “bias and unwillingness of the court” to accept Kenya’s request to delay the hearings due to the COVID-19 pandemic, according to local daily Nation.

“Kenya wishes to inform the court, through the Registrar, that it shall not be participating in the hearings in the case herein, should the same proceed from March 15, 2021, as presently scheduled,” Attorney General Kihara Kariuki said in a letter to the ICJ.

“Since the case is not urgent for any reason, Kenya least expected that the court would make this into the first case to be heard on its merits via video link, despite one party’s sustained, well-grounded objections”.

Kenya also protested the presence of Abdulqawi Ahmed Yusuf, a Somali national, as one of the main judges for the case.

“Kenya’s concerns and perception of unfairness and injustice in this matter are exacerbated by the inexplicable rejection of Kenya’s preliminary objections to this court’s jurisdiction and the dismissal of the request for the recusal of Judge Abdulqawi Ahmed Yusuf, given his past exposure, on behalf of Somalia, to the issues in this case,” read the letter.

Kenya argued that the court should have granted its requests because the country has taken “extensive measures that are illustrative of its good faith and seriousness in defending the maritime case, including by filing pleadings within the timelines directed by the court.”

The dispute between the East African countries relates to a resource-rich area of 62,000 square miles (160,580 square kilometers) in the Indian Ocean.

The disputed maritime territory is believed to hold vast oil and gas deposits and is also one of East Africa’s richest fishing grounds

 

aa

Daawo: Musharax Barlamaan ka sharaxnaa Xisbiga Waddani oo iscasilay+Sababta

Xisbiga Kulmiye oo shaaciyey Liiska Magacyada Musharaxiinta Kulmiye ee Golayaasha Wakiilada & Degaanka u taagan

$
0
0

Xisbiga Kulmiye oo shaaciyey Liiska Magacyada Musharaxiinta Kulmiye ee Wakiilada & Degaanka u taagan

 

Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa soo saaray liiska Murrashaxiinta xisbigaasi ee gobolka Togdheer, gaar ahaan murrashaxiinta golaha wakiillada iyo Golaha Deegaanka Burco.


Daawo:Musharax C/kariim Axmed Mooge oo soo bandhigay Walaac soo wajahay & Carqalado dabraaya Guusha Musharaxnimadiisa

Degdeg:Saylaci oo shaaciyey inuu Haleelay Xanuunka Covid 19,Halkuu isku karantilay,Xaaladiisa & Xoggo kale & Su’aalo xasaasiya oo la weydiiyey

Germany, France, Italy iyo Spain oo joojiyay,kana digay isticmaalka tallaalka AstraZeneca+Waxyeelooyin lagala kulmayy

$
0
0

Germany, France, Italy iyo Spain oo joojiyay isticmaalka tallaalka AstraZeneca

Tallaalka Astra Zeneca ee COVID-19.
Tallaalka Astra Zeneca ee COVID-19.

Dalalka Germany, France, Italy iyo Spain ayaa hakiyay isticmaalka tallaalka COVID-19 ee ay sameysay shirkadda AstraZeneca, kadib markii waxyeellooyin ay ka mid yihiin xinjiro dhiig ah oo xiray xididada dadkii qaatay tallaalkaas.

Waddanka Denmark oo isticmaalka tallaalkan joojiyay todobaadkii hore ayaa xaqiijiyay in haweeneyd 60-jir ah ay geeriyootay markii ay qaadaay tallalka AstraZeneca, kaddibna ay xirmeen xidida dhiig mareenka, sida ay sheegtay hey’adda caafimaadka dalkaas.

Madaxa hey’adda Caafimaadka adduunka Dr. Tedros Adhanom ayaa sheegay in galinka dambe ee maalinta talaadada ah uu shir guddoominayo kulan looga tashanayo arrintan, waxaana uu sheegay inay kulankaas ka soo qeyb gali doonto hey’adda caafimaadka Yurub ee EMA.

Dalka Germany ayaa ka digay todobaadkii la soo dhaafay in Yurub ay wajahayso mawjad saddexaad oo ah caabuqa faafa ee COVID19, waxaana isbitaalada dalal ay ka mid yihiin Talyaaniga iyo Faranksiiska ay ku dhowyihiin inay buux dhaafaan.

Wasiirka Caafimaadka ee Jarmalka Jens Spahn iyo agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Talyaaniga Gianni Rezza ayaa sheegay in kasta oo halista xinjirowga dhiigu ay yartahay hadana aan meesha laga saari karin waxyeelada tallaalkan.

Spahn ayaa sheegay in joojinta tallaalkan uu soo jeediyay machadka cilmi-baarista caafimaadka ee Paul Ehrlich, wuxuuna sheegay in taladaas ay ku qanacday dowladda Germany.

AstraZeneca oo dhinaceeda iska difaaceysa eedeymahan waxay sheegtay inay sameysay dib u eegis ku saabsan in ka badan 17 milyan oo qof oo ka qaatay tallaalkeeda dalka Midowga Yurub iyo Ingiriiska taas oo aan muujin wax caddeyn ah oo ku saabsan halista xinjirowga dhiigga ee laga soo sheegayo dalalka qaarkood.

Daawo:Hadhimo sharafeed lagu maamusay Guddi Cusub oo Mus-danbeedka Beesha Ciidagale soo xulay

Waxaa aad looga sheekeeyaa halgankii laga soo maray lakiin lama xuso

$
0
0

Waxaa aad looga sheekeeyaa halgankii laga soo maray xornimada, balse welIe, orodadeeniii, somaaliyeed, ee magaca lahaa, lama xuso.

Halganka xornimada doonka kaliya ma ahan in ay gumeystayaashii dalka ka tagaan, ee wuxuu ahaa in la yagleelo dowladnimo mug leh oo wax ka badesha nolosha shacab weynaha.

Waxaa mug iyo magac inoo keeneya, oo xusid mudan, Jama Karain Airport burco………iyo Abdi Bile Airport, laacaanood.

Mohamed Ahmed Farah Mataan
jaafaa@yahoo.no

Ankara, Turkye.

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>