Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Shirkadda Somtel oo Daah-furtay Saamiyadda Somtel Somaliland


Madaxweynihii Baaldoosarka ee Tanzania oo Geeriyooday+Taariikh Nololeedkiisa

$
0
0

 Madaxweynihii Baaldoosarka ee Tanzania oo Geeriyooday+Taariikh Nololeedkiisa

John Pombe Magufuli

John Pombe Magufuli, wiilka nin beeralley sabool ahaa, isla markaana noqday madaxweynaha Tanzania sanadkii 2015, ayaa geeriyooday isaga oo jira 61 sano. Waxaa mar lagu ammaanay hannaankiisii diidmada waxyaabaha uu micnodarrada u arkayay, wuxuu noqday hoggaamiye hadalladiisu ay ahaayeen kuwo muran dhaliya, gaar ahaan sidii uu uga jawaabay xanuunka safmarka ah ee coronavirus.

Waxaa mar labaad la doortay sanadkii 2020 iyadoo ay jirtay in mucaaradku ay ku eedeynayaan ku shubasho iyo hanjabaad.

Kahor inta uusan madaxweyne noqon waxaa lagu naaneysi jiray “baaldoosarka” sababo la xiriira inuu horkacayay barnaamij waddooyin lagu dhisayo isagoo markaas ahaa wasiirkii shaqada, markii dambena waxaa lagu ammaanay sida uu uga soo horjeestay musuqmaasuqa iyo sida uu u necbaa khasaarinta ama beerdareynta lacagta.

Madaxweyne ahaan waxaa sidoo kale lagu eedeeyay ugaarsiga mucaaradka iyo xaddidadda xorriyadaha qaar, balse kaddib geeridiisa waxaa aad loogu xusuusan doonaa sida isaga u gaarka ahayd ee uu u wajahay Covid-19.

‘sheydaankuba waa Coronavirus’

Markii Covid-19 uu gaaray Tanzania, Madaxweyne Magufuli uma cuntamin inay dadku guryaha joogaan. Wuxuu doonayay inay aadaan masaajidda iyo kaniisadaha.

“Coronavirus, oo ah sheydaan, kuma badbaadi karo dhiigga Christ… durba wuu gubanayaa,” Magufuli, oo ahaa Kirishtaan, ayaa erayadaasi kaga dhawaaqay kaniisad ku taalla Dodoma.

A woman reacts as a customer enters a steam inhalation booth in Dar es Salaam, Tanzania, on May 22, 2020
Markii dhan laga eego, Magufuli wuxuu u ololeeyay daaweyn dhaqameedka sida is uuminta si loola dagaallamo coronavirus

Tan iyo June 2020, markii uu ku dhawaaqay in dalkaasi uu xor ka yahay “Covid-19”, madaxweynaha, iyo saraakiil sare oo kale oo dowladda ka tirsan, ayaa ku maadeystay waxtarka af-saabka, waxayna sidoo kale dacaayadeeyeen dalalka deriska ee soo rogay tallaabooyinka caafimaad ee lagula dagaallamayo fayraska.

Baaritaanno yar ayaa laga sameeyay Tanzania wax qorshooyin ahna looma diyaarin barnaamijka tallaalka.

Balse markii loo dhaariyay madaxtinnimada bishii October 2015, Magufuli wuxuu u muuqday nooca qofka ay Tanzania u baahneyd – hoggaamiye karti leh, oo aan la laaluushi karin.

‘Baaldoosar’ oo shaqada bilaabay

Ficilladiisa natiijada ku saleysnaa waxaa sidoo kale loo arkay kuwo lagu dabiqi karo dalalka kale ee Afrika – waxay ahaayeen kuwo ay u baahneyd qaaradda si ay ula tacaasho arrimaheeda dowladnimada.

Maalintii ugu horreysay madaxtinnimadiisa, wuxuu diray farriin adag oo uu ku sheegay inuusan u dulqaadan doonin maqnaanshaha shaqaalaha hay’adaha dowladda, markii uu booqday xafiisyada wasaaradda dhaqaalaha, isaga oo su’aalay halka ay ku maqan yihiin kuwii aan markaas shaqada joogin.

Wuxuu sidoo kale liiska lacag bixinta ka saaray shaqaalaha aan jirin ee mushaarka iska qaata, wuxuu sidoo kale shaqada ka tiray saraakiil loo arkay inay musuqmaasuq ku lug lahaayeen amaba aan waxqabad lahayn. Mararka qaar waxaa arrimahan si toos ah looga soo deyn jiray telefishinnada.

Wuxuu sidoo kale meesha ka saaray waxa uu u arkayay kharashka ku baxa tamashleyn ka badbadis ah, isaga oo qaadacay dabaaldegyada Maalinta Xorriyadda markii ugu horreysay muddo 54 maalmood ah, wuxuu amray nadiifin guud ahaan dalkaas laga sameeyay, isaga oo gacmihiisa ku gurayay khashin yaallay bannaanka Madaxtooyada.

John Magufuli
Magufuli oo ka qeyb qaadanaya olole nadiifin ah

Wuxuu sidoo kale dhammaan safarrada dibadda ka mamnuucay shaqaalaha dowladda.

Sanadkii ugu horreeyay ee madaxtinnimada Magufuli, hannaankan wuxuu u soo jiiday ammaan baaxad leh, taas oo horseedday in barta Twitter-ka laga bilaabo hal-ku-dhigga ah : #WhatWouldMagufuliDo (Waxa uu Magufuli sameyn lahaa).

Inkastoo qoraallada qaar ay ahaayeen kuwo lagu maadeysanayo siyaasadaha adag ee madaxweynaha – tusaale ahaan: “Waxaan soo iibsan rabay foorno haddana waxaan is weydiiyay #WhatWouldMagufuliDo” iyada oo qoraalkaas la raaciyay digsi la dul saaray shumacyo – qaar kale ayaa ku baaqay in hoggaamiyeyaal kale oo Afrika ka soo jeeda ay ku daydaan hannaankiisa hoggaamineed.

Sanadkii 2017, bare jaamacadeed oo Kenya u dhashay ayaa ku baaqay in Afrika “La Magufuliyeeyo” xilli uu khudbad ka jeedinayay Jaamacadda Dar es Salaam.

Balse, sidoo kale way caddeyd in hoggaankiisa uu lahaa dhinac kale oo madow.

line

Milicsiga taariikhda John Magufuli

  • Wuxuu ku dhashay Chato, waqooyi-galbeed Tanzania, sanadkii 1959
  • Wuxuu kimistariga iyo xisaabaadka ka bartay Jaamacadda Dar es Salaam
  • Wuxuu soo noqday macallin dhiga kimistariga iyo xisaabta
  • Markii ugu horreysay waxaa xildhibaannimo loo doortay sanadkii 1995
  • Wuxuu golaha wasiirrada ka mid noqday sanadkii 2000
  • Waxaa markii ugu horreysay madaxweyne loo doortay sanadkii 2015
  • Mar kale ayuu madaxweyne noqday sanadkii 2020
line

Bishii January 2016, labo bilood makrii uu xilka hayay, maamulkiisa wuxuu ku dhawaaqay in telefishin dowladdu leedahay uusan si toos ah u baahin karin kulamada baarlamaanka, taa soo ka mid ah tallaabooyinka lagu dhimayo dakhliga.

Mucaaradka ayaa arrintaas u arkay xorriyad ka qaadid maaddaama ay ka mid ahayd hababka yar ee ay ula xisaabtami kareen dowladda. Waxay qorsheeyeen dibadbaxyo ka dhan ah mamnuuciddaas, balse dowladda ayaa ku jawaabtay inay mamnuucdo dhammaan dibadbaxyada.

Tusaale kale oo kaas la mid ah wuxuu ahaa sida uu Magufuli uga jawaabay hees sanadkii 2017 uu soo qaaday fannaan caan ah oo Tanzania u dhashay laguna magacaabo Nay wa Mitego. Wax ka yar maalin markii la baahiyay heestaas, Mitego booliiska ayaa xiray.

Waxaa lagu eedeeyay inuu caayay madaxweynaha oo uu ku aflagaaddeeyay dowladda heestiisa oo ay erayadeeda ka mid yihiin:

“Weli dalkan ma waxaa ka jirta xorriyadda hadalka?” ayuu ku heesay fannaankan oo magaciisa dhabta ah uu yahay Emmanuel Elibariki.

“Ka warran haddii aan hadlo kaddibna aan iska dhex arko [Saldhigga Booliiska]?”

“Ma waxaa jira hoggaamiyeyaal gaara go’aanno nacasnimo ah? Way jiraan!”

Cabsidii uu heesta ka soo qaaday ayaa u rumowday – waxaa dabcan lagu xiray Saldhigga Dhexe ee Booliiska ee Dar es Salaam.

John Magufuli voting on 28 October 2020
Magufuli ayaa si aqlabiyad ah u guuleystay sanadkii 2020 balse mucaaradka ayaa diiday natiijada

Inkastoo Madaxweyne Magufuli uu maalin kaddib amray sii deynta Nay wa Mitego, wuxuu ku taliyay in heesta dib u habeyn lagu sameeyo laguna soo daro dhibaatooyinka kale ee bulshada ka dhex jira, sida khiyaanada canshuurta.

Sanadkii 2017, xildhibaan mucaarad ah oo lagu magacaabo Tundu Lissu, oo sanad kaddib madaxtinnimada kula tartamay Magufuli, ayaa gurigiisa hortiisa lagu toogtay dhaawac halis ahna la gaarsiiyay.

Mr Lissu ayaa dowladda ku eedeeyay isku day dil waxaa isaga lagu soo oogay jeedinta hadallo nacayb ah iyo inuu madaxweynaha ugu yeeray keligii-taliye. Dowladda ayaa beenisay ku lug lahaanshahay weerarkaas.

Maamulka madaxweynaha ayaa sidoo kale shaqada ka joojiyay wargeysyo, arrintan oo ay kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ay u arkeen inay meel uga dhacayso xorriyadda hadalka.

Amnesty International ayaa sidoo kale sheegtay in weriyeyaashu ay ka baqayaan in la bartilmaameedsado.

Canshuur aad u badan

Maamulka Magufuli ayaa sii waday soo rogidda amarro aan caadi ahayn, isagoo soo rogay shuruuc cusub oo lagu kordhinayo canshuurta shirkadaha caalamiga ah ee macdanta qoda.

Sanadkii 2017, Acacia Mining, oo qeyb ka ah shirkadda Canada laga leeyahay ee Barrick Gold, ayaa bixisay canshuur aan caadi ahayn oo dhan $190bn (£145bn).

Sanadkii 2018, Tanzania waxay sidoo kale meel marisay sharci lagu ciqaabayo qof walba oo su’aal geliya xogaha rasmiga ah, taas oo ka dhigeysa in dowladdu ay tahay tan keliya ee xaqa u leh xogta.

Balse xitaa kuwa mucaaradka ku ah Magufuli waxay qirsan yihiin sida uu uga qeyb qaatay horumarka Tanzania, isaga oo maalgeliyay mashaariic waaweyn oo dhismaha ah sida waddada tareenka ee dalkaasi ku xiraya dalalka deriska la ah, ballaarinta waddooyinka waaweyn.

Wuxuu horumarin ku sameeyay korontada.

Wuxuu sidoo kale dayactiray diyaaradda dalkaas laga leeyahay, Air Tanzania.

Former Tanzanian President Julius Kambarage Nyerere
Magufuli wuxuu sheegay in Julius Nyerere uu saameyn ku leeyahay hoggaankiisa

Wuxuu hab maamulka uga dayday madaxweynihii ugu horreeyay ee Tanzania, Mwalimu Julius Nyerere, kaas oo mar walba ahaa qof madax bannaan.

“Abbaheen ma ahayn qof loo sheego wuxuu qabanayo… Kuwa soo saara shuruucdan [xayiraadda] waxaa loogu talo galay in lagu bixiyo amarrada uu aabbaheen diiday,” ayuu yiri Magufuli, isaga oo ula jeeday dhaqankii Nyerere ee diidmada talooyinkii uga imaan jiray dalalka Galbeedka.

‘Waan ogahay waxa ay ka dhigan tahay inaad sabool noqoto’

Magufuli wuxuu dowlaaddii Nyerere ku soo koray tuulo ku taalla waqooyi-galbeed degmada Chato oo ku teedsan Harada Victoria, wuxuuna sheegay in noloshii uu ku soo koray ay ku kaliftay inuu u adeego dadweynaha Tanzania.

“Gurigeennu wuxuu ka sameysnaa cooshad, sida wiilal kale oo badan waxaa qaabilsanaa raacidda lo’da, iyo sidoo kale iibinta caanaha iyo kalluunka si aan u caawiyo qoyskeyga,” ayuu ku yiri ololihiisii 2015.

“Waan garanayaa waxa ay la micno tahay inaad sabool noqoto. Waxaan u halgami doonaan inaan wanaajiyo xaaladda dadka,” ayuu intaas ku daray.

Markii uu iskuulka dhammeeyay wuxuu muddo sanad ah noqday bare sare oo dhiga maaddada kimistariga iyo xisaabaadka kahor inta uusan sii wadan waxbarashada. Wuxuu kaddib sanado yar ka shaqeeyay warshad kahor inta uusan iska casilin shaqadaas sanadkii 1995 isagoo kaddib u tartamay xildhibaannimada deegaankiisa Chato.

Supporters of the CCM party
Magufuli ayaa caan ka ah Tanzania iyadoo ay jiraan dadka mucaaradsan

Kaddib markii uu ku guuleystay kursigaas, waxaa muddo kaddib loo magcaabay wasiir ku xigeenka shaqooyinka dadweynaha.

Wasiirka sare ee waaxdaas, Mama Anna Abdallah, ayaa sheegtay in hannaankiisa diidmada waxyaabaha micno darrada ah, ee diiradda saaraya wax qabad iyo natiijooyin, uu durba caddaaday. Sanadkiisii ugu horreeyay wuxuu ku guuleystay dhismaha waddo muddo ay qaadatay dhismaheeda.

Sanadkii 2015, Magufuli wuxuu doonayay inuu u tartamo madaxtinnimo. Waxaa la sheegay in loo soo magacaabay musharraxa xisbiga Chama Cha Mapinduzi (CCM) – oo talada haya muddo 54 sano ah.

Doorashooyinku waxay ahaayeen kuwii ugu adkaa ee taariikhda dalkaas soo mara, balse Magufuli wuxuu ku guuleystay 58% codadka.

Markii labaad wuxuu ku guuleystay 84% codadka, balse xisbiyada mucaaradka ee ugu waaweyn ayaa ka biya diiday natiijada.

Waxaa meesha ka baxay baaqyadii ahaa in hoggaamiyeyaasha gobolka ay ku daydaan hannaanka hoggaamineed ee Magufuli maaddaama ay cambaareyn uga timid siyaasiyiinta mucaaradka ah, bulshada rayidka iyo dalalka Galbeedka, oo sheegay inuu cadaadinayo mucaaradka, meel uga hdacayo xorriyadda hadalka isla markaana shirkadaha shisheeye u qabsanaya madax furasho.

Dalka Imaaraat-ka Carabta oo tijaabinaya diyaaradaha Drones-ka oo Daruuraha Bacrimiya si ay u darooraan ama Roob hooraan

$
0
0

Dalka Imaaraat-ka Carabta oo tijaabinaya diyaaradaha Drones-ka oo Daruuraha Bacrimiya si ay u darooraan ama Roob hooraan

.
.

Dalka Imaaraat-ka ayaa tijaabinaya diyaaradaha loo yaqaan Drones-ka ee aan duuliyaha lahayn nooc ka mid ah oo daruuraha marka ay u baxaan ku sii daaya maayad danab ah oo dhalisa roob.

Dalkaas ayaa haatan ba hore u adeegsanayey tiknoolajiyada daruuraha bacrimiya oo waxa daruuraha dusha lagaga daadiyaa cusbo si loo cariyo in ay darooraan.

Hase yeeshee maadaama oo celcelis ahaan roobka Imaaraadka sannadkii ka da’aa uu yahay 100mm, ayaa dalku waxa uu doonayaa in uu helo xaddi intaa ka badan.

Sannadkii 2017 ayaa dawladdu ku bixisay sagaal mashruuc oo kala duwan oo kuwa daruuraha lagu bacrimiyo ah 15 milyan oo doolar.

Saynisyahanno ka socda Jaamacadda Reading ee dalka Ingiriiska ayaana mid ka mid ah mashruucyadaa hormuud ka ah oo wada.

Mashuurcaas ayaa ujeedadiisu tahay in wax lagaga bedelo isku dheeli tirnaanta maayada danabka ah ee daruuraa sida uu sheegay borofesoor Maarten Ambuam, oo mashruucaas ka shaqeeyey.

“Biyaha dhulka hoostiisa ku jira ee dalka Imaaraadu aad bay u yaraanayaan, markaa ujeedada mashruucani waxa weeyi in la isku dayo in roobka di’idiisa la carin karo” ayuu yidhi isaga oo BBC-da la hadlayey.

.
 

Sidoo kale “dalku ma laha daruuro badan” markaa qorshuhu waxa weeyi in qoyaanka hawada ku jira la isku ururin karo si uu daruuro u noqdo oo la isku dhejiyo ” waa sida timo qoyan oo la feedhayo” marka maayada negi ee timaha la cariyo, ayuu yidhi.

“Marka qoyaankaas badani isku ururo ayuu dhibco waaweyn oo biyo soo daadan kara ah noqdaa”.

Agaasimaha xarunta cilmi-baadhista carinta roobka ee Imaaraat-ka, Calyaa Al-Masruuci, oo la hadashay wargeyska Arabnews ayaa tidhi “qalab danab maayad ah sii daynaya ayaa lagu rakibayaa diyaaradahaa aan duuliyaha lahayn oo joog hoose ku duulaya, waxaanay arintaasi carinaysaa in daruuruhu biyo sii daayaan”.

Daraasadan ayaa wax tarkeeda la qiimayn doonaa, iyadoo rajona laga qabo in lacag badan oo dheeraad ah lagu bixiyo si diyaarado kuwan haatan ka waayen mustaqbalka loo adeegsan karo.

Daawo:Qaylodhaan ka soo yeedhay Gaadiidleyda S/land+Qiimaha Gaadiidka oo ay ku hanjabeen inay kordhinayaan

Daawo:Degdeg:War farxad & Yididiilo leh oo ka soo yeedhay Gobolka Togdheer

Nuxurka Qodobada lagaga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Somaliland Maanta

$
0
0

WAR-SAXAAFADEED: 18/03/2021

Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Warbiximo Lagaga Dhegeystay Wasiirrada Wasaaraddaha Caafimaadka, Ganacsiga, Diinta iyo Awqaafta.

Fadhigii 72aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo ku qabsoomay habka Maqalka iyo Muuqaalka ah ee (Video Conference), ayaa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaradaha Horumarinta Caafimaadka, Diinta iyo Awqaafta iyo Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska Somaliland.

Ugu horray wasiirka horumarinta Caafimaadka, ayaa golaha uga war-bixiyey Xaaladda xannuunka Covid 19 ee dalka oo wakhtigan soo laba kacleeyey, isagoo sharaxay kor u kaca xannuunkaaas ee bilaha Jeeniweri ilaa Maaraj ee 2021, inta la baadhay bulshada. Waxaanay u kala saaray wasiirku sidan:-

Bilaha Sannadka Inta qof ee La Baadhay Inta qof ee laga helay Inta Dhimatay

Jeeniweri 4,339 59 2
Feebarweri 5,059 232 13
Maaraj 4,055 607 29
Sannadkan 2021 13,453 898 44

Goluhu waxa uu mar kale isla qaatay in taxaddirkii la xoojiyo, lana raaco tilmaaha Wasaarada horumarinta caafimaadka ee ay ugu mihiimsan yihiin, kala fogaanshaha, xidhashada af-saabka iyo faraxalka. Dhawaanna ay go’aamo soo saari-doonaan guddida heer qaran ee ka hortagga xanuunka covid 19.

Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Golaha uga war-bixiyey Xaaladda Abaaraha ee dalku ku sugan yahay hadda, ayaa tilmaamay guud ahaan in biyo la gaadhsiiyey 130(saddex boqol iyo Soddon) Tuullo, kuwaasoo loo qaybiyey 37,800 (Toddoba iyo soddon kun iyo siddeed boqol) oo foosto.

Wasiirku waxa uu xusay in biyo-dhaamiskan oo xukuumaddu ay qaybisay wakhtigii ay deegaannadaasi aad ugu baahnaayeen inay biyo helaan, hadii gurmadkani dib uga dhici lahaana ay ku tagi lahayd dadkaasi inay ku iibsadaan guud ahaan lacag ka badan 154,000 oo doolar (Boqol iyo Afar iyo Konton Kun oo dollar), balse ay dedaal balaadhan xukuumaddu gelisay sidii dadkaasi loo gaadhsiin lahaa biyo bilaasha oo ay qaybinayeen Booyadaha dawladdu ugu tallo gashay inay wakhtiga abaaraha bulshada harraaddan u dhaamiyaan, horena loogu iibiyey gurmadka abaaraha.

Tuulooyinka ugu daran ee biyo la’aantu ka jirto ee Xukuumaddu biyaha gaadhsiisay waxa ay ka tirsan yihiin Gobollada kala ah: Gobolka Togdheer, Gobolka Saraar, Gobolka Sool, Gobolka Sanaag, gaaar ahaan (Ceel-af-weyn iyo Gar-adag, Gobolka Maroodi-jeex, gaar ahaan (Cadaadlay iyo Sallaxlay).

Ugu danbayntiina waxa goluhu warbixin ka dhegeystay wasiirka Ganacsiga, wershedaha iyo dalxiiska oo golaha faah-faahin ka siiyey Shidaalka qaaliyoobay maalmihii u danbeeyey.

Warbixinta ka dibna, wasiirka waxa loo xilsaaray; in uu ka hawl-galo sidii bulshadu u heli lahayd shidaal jaban, maadaama wakhtigan ay abaaro ba’ani ka jiraan deegaanno badan oo Jamhuuriyadda Somaliland ka mid ah.

ALLAA MAHAD LEH

Daawo:Ex-wasiir Cabdi haybe & Afadiisa oo shaaciyey inay iskaga baxeen Xisbiga Waddani+Sababta

Daawo:Xisbiga Waddani oo war cusub ka soo saaray Cabashooyin ka soo yeedhay Musharaxiinta


Africa Oil & Power and AFROCOM in Partnership to Drive Russian Investment in Africa

$
0
0

PRESS RELEASE
Africa Oil & Power and AFROCOM in Partnership to Drive Russian Investment in Africa
An official delegation from Russia will attend Africa Oil & Power’s events in 2021
CAPE TOWN, South Africa, March 18, 2021/ — Russia’s private investment promotion platform for Africa has chosen Africa Oil & Power (www.AfricaOilandPower.com) as a strategic partner to assist with African market entry for Russian firms; An official delegation from Russia will attend Africa Oil & Power’s events in 2021; “We have found in Africa Oil & Power the perfect ally to engage with the continent’s energy sector,” says chairman of AFROCOM.

Africa Oil & Power (AOP) is honored to announce its partnership with AFROCOM – Coordination Committee for Economic Cooperation with Africa – the Russian private investment promotion platform in charge of driving greater Africa-Russia cooperation. AOP is the African continent’s leading investment platform for the energy sector, dedicated to bringing investment to all segments of the energy value chain in Africa.

The partnership aims to expand the presence of Russian enterprises on the continent, facilitating collaboration with partners, vendors, clients and governments.

“AFROCOM has a renewed mandate to promote Russian-African economic cooperation and partnership and we have found in Africa Oil & Power the perfect ally to engage with the continent’s energy sector, which is in itself a fundamental part of Africa’s road to prosperity,” stated Igor Morozov, AFROCOM Chairman and Senator of the Russian Federation.

This is Africa Oil & Power’s first partnership with Russia and it is central to the company’s strategy to partner with government, associations and media – in Africa and beyond – to tell the story of the African energy industry to a global audience. “I’m delighted to announce this agreement to support AFROCOM. The energy market landscape in Africa offers huge opportunities for investment and the sector in Sub-Saharan Africa is set to rebound rapidly. Together we will be able to encourage the activity of Russian entrepreneurs, adding value to the upstream, midstream and the entire value chain throughout Africa,” stated Renée Montez-Avinir, Managing Director of AOP.

A delegation of Russian investors from AFROCOM will attend AOP’s 2021 events, starting with the South Sudan Oil & Power 2021 event that will take place on June 29-30 in Juba. In South Sudan, Senegal, South Africa, Angola, Equatorial Guinea, Nigeria, Mozambique, DRC and other markets throughout Africa, AOP and AFROCOM will work hand in hand to facilitate growth and investment in African energy.

Distributed by APO Group on behalf of Africa Oil & Power Conference.
View multimedia content

SOURCE
Africa Oil & Power Conference

Halkani ka daawo wararkii caawa iyo caalamka oo xiiso badan

Dayax gacmeedkii dunida ugu awoodda badnaa oo tijaabadiisa lagu guuleystay

$
0
0

Dayax gacmeedkii dunida ugu awoodda badnaa oo tijaabadiisa lagu guuleystay

Matoorka dayaxgacmeedka ee la tijaabiyey

NASA ayaa si buuxda ugu guuleysatay tijaabada matoorka dayax gacmeed dunida ugu awoodda badan oo la sameeyey, waxaana tijaabada lagu sameeyey xaruunta dayax gacmeedka hawada sare looga diro ee NASA.

Matoorka ayaa daarnaa ama shidnaa muddo 8 daqiiqo ah taasoo u dhiganta qayaasta dayax gacmeedka uu ku tagi karo masaafada u dhaxeyso dhulka iyo hawada sare.

Tijaabadan ayaa noqoneysa tii labaad oo la sameeyey tani iyo bishi Jannaayo marki la joojiyey tijaaba tan la mid ahayd oo la hakiyey.

NASA ayaa qorsheyneysa dusha sare ee dayaxa iney bani aadam u dirto, isku daygaasi oo noqonayaa kii ugu horreeyey oo dhaca tani iyo 1972-kii.

Mashruucan dayax gacmeedka dunida ugu weyn hawada sare loogu dirayo wuxuu qayb ka yahay mashruuca NASA ay waddoo uu sanadkii 2017-kii uu billaabay maamulkii Trump.

Tijaabada matoorka dayax-gacmeedka ayaa lagu sameeyey matoorrada oo dhulka yaalla. Waxaana dayax gacmeedka ku xiran 4 matoor oo awood badan uu noocooduna yahay RS-25.

Matoorradan awoodda badan ee RS-25 oo ay sameysay shirkadda Aerojet Rocketdyne uu fadhigeedu yahay California.

 

Kooxda dayax gacmeedka sameysay ee NASA ka socotay iyo shirkadda Boeing oo sameynta dayax gacmeedka qandaraaska lagu siiyey si ay macluumaadki matoorka ay uga baahnaayeen ay u helaan wuxuu matoorka u daarnaa oo keli ah 4 daqiiqo.

Guddoomiyaha guddiga joogtada ee Sayniska, Hawada sare iyo Teknooliyadda aqalka hoose ayaa farriin hambalyo ah oo ku aaddan tijaabada lagu guuleystay u diray hay’adda NASA.

Qiiq hawada isku shareeray oo ka baxaya afarta matoor ee xaruunta NASA lagu tijaabiyey
Qiiq hawada isku shareeray oo ka baxaya afarta matoor ee xaruunta NASA lagu tijaabiyey

Eddie Bernice Johnson oo xisbiga dimuqraadiga ku matasha gobolka Texas waxay sheegtay, “Howshan dhaxal galka ah ee lagu guuleystay ay muujineyso geesinimada iyo dadaalka loo galay.”

Waxayna intaa ku dartay: “Tijaabada maanta la sameeyey ay dhowr tallaabbo noo sii dhaweyneyso inuu Mareykanka uu ku soo laabto hoggaaminta dunuda ee cilmiga hawada sare oo dayaxa lagu tagay iyo inaan iisu diyaarinno sidi aan meeraha Mars uga dajin laheen Bani aadam (qof nool).

Matoorradii 1960-kii loo isticmaalay dayax gacmeedkii Apollo waxay suuragaliyeen in lagu guuleysto in dayaxa laga dago.

Matoorka oo daaran

Injiineerada Khamiisti tijaabada sameeyey waxay sheegeen iney matoorrada ka buuxiyeen tamar quwadda matoorrada soo saarta oo u dhiganta 2.6 malyan oo Litir.

Waxyaabaha tamarta dayax gacmeedka loo adeegsadayna waxay sheegeen isugu jiraan maaddada Hydrogen oo dareera ah, gaaska gantaalka xambaara dayax-gacmeedka uu isticmaalo iyo Oxygen dareera ah oo shidaalka ka caawinayo inuu gubto.

Qarax ruxay Qeybo ka mida magaalada Muqdisho

$
0
0

Qarax ruxay Qeybo ka mida magaalada Muqdisho

Qarax

Laamaha ammaanka ayaa sheegay inaanu jirin khasaare ka dhashay qarax goor dhaweyd ka dhacay magaaladda Muqdisho, iyagoo sheegay inay ka war heleen goobta qarax la dhigay, kaddiba ay xdhreen waddooyinka u dhow goobta.

Sida uu soo sheegayo waryaha VOA C/qaadir Okey, inta aysan goobta soo gaadhin ciidanka booliska qeybtooda u tabababaran ka hortagga qaraxyada ayuu bamkan iskiis u qaraxay.

Qaraxan ayaa ka dhacay Degmada Waabari meel ku dhow ee Number Afar ee magaaladda Muqdisho.

Xuutiyiinta oo ka hadlay dilkii ay u gaysteen Soomaali Muhaajiriin ah

$
0
0

Xuutiyiinta oo ka hadlay dilkii ay u gaysteen Soomaali Muhaajiriin ah

 Kooxda Xuutiyiinta ka dagaalama dalka Yeman ayaa muujiyay inay aad ugu xun yihiin duqeyn ay ka geysteen xarun lagu hayay muhaajiriin u ay ku jiraan Soomaali badan.

Duqeyntaasi oo dhacday todobaadkii hore magaalada Sanca ayaa waxaa ku dhintay 44 qof halka ay ku dhaawacmeen 193 ruux. Waxayna hay’adda Qaramada Midoobay ay sheegtay tirada Soomaalida ku jirtay halkaasi inay ahaayeen 31 qof, afar ka mid ah la la’yahay, labo ka mid ahna ay dhaawacmeen, sagaal kalena loo qaaday xarunta jaaliyadda Soomaalida ee Sanca.

Sarkaal u hadlay falaagada Xuutiyiinta in weerarkaasi uu ku dhacay si qalad ah isla markaana ay ka qoomameynayaan dhimashada muhaajiriintii iyo kuwii ku dhaawacmay.

Hay’adda xuquuqul Insaanka ee Human right watch ayaa ku eedeysay kooxda Xuutiyiinta ka dagaalama Yeman inay weerarkaasi ka danbeeyeen, waxayna dalbaday baaritaan deg deg ah in lagu sameeyo.

Wakaaladda Dawooyinka Yurub oo War cusub ka soo saartay talaalka AstraZeneca

$
0
0

Wakaaladda Dawooyinka Yurub oo War cusub ka soo saartay talaalka AstraZeneca

Wakaaladda Dawooyinka Yurub oo beryahan baadhis ku heysay tallaalka AstraZeneca ee loogu talo galay COVID-19 ayaa baadhisteeda soo gabagabeysay.

Wakaaladdu waxay sheegtay in AstraZeneca uu yahay mid leysku halleyn karo waxtarna leh, aysana waxba ka jirin wararkii maalmahan soo baxayey ee sheegayey in talaalkan uu leeyahay waxyeelo.

Tallaalkan ayaa dhowaan la keenay Somaliland &  Soomaaliya waxaana jirtay cabsi ay dadku ka qabeen, maadaama dalal badan oo Yurub ku yaalla ay isticmaalkiisa hakiyeen.

Talaalkan Oxford-AstraZeneca waxaa si wadajir ah iskaga kaashadey inay soo saaraan Jaamacadda Oxford iyo shirkada daawooyinka Astrazeneca. Wuxuuna marey dhamaan tijaabooyinkii looga bahnaa in talaal la marsiiyo si loo isticmaalo.

is-bahaysi Cusub Oo ka soo horjeeda Maamulka Framaajo oo Looga Dhawaaqay Muqdisho+War-murtiyeed Xasaasiya oo ay soo saartay

$
0
0

Madal Cusub Oo ka soo horjeeda Maamulka Framaajo oo Looga Dhawaaqay Muqdisho+War-murtiyeed Xasaasiya oo ay soo saartay

Golaha Badbaadada Qaranka oo ah madal cusub oo ay ku midoobeen dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, midowga musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 iyo golaha siyaasiyiinta Somaliland ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

War-murtiyeed ay Madashu soo saartay ayaa lagu faahfaahiyey in ay muhiim tahay badbaadinta qaranka iyo sidii loo qaban lahaa dhakhso doorasho lagu wada qanacsanyahay.

Golaha Badbaadada Qaranka ayaa waxaa Guddomiye looga dhigay Guddomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Hoos ka akhriso:


Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland oo shaaciyey inu Kor-u-kac ku yimi Qiimaha Shillinka S/land+Sababta

$
0
0
Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland oo shaaciyey inu Kor-u-kac ku yimi Qiimaha Shillinka S/land+Sababta
Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL Cali Ibraahim Jaamac ” Baqdaadi” ayaa  qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo korukac  ku yimi Qiimaha Shilinka S/land Qoraalkaas ayaa u dhignaa sidatan:-
KOR-UKAC KU YIMID QIIMAHA SHILLINKA JSL (O.2%).
Qiimaha SLSH ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18th March, 2021 kor-ukacay 0.2% marka la barbardhigo Doolarka Maraykanka (US $).
Shalay, qiimaha halka Doollar waxa uu ahaa SLSH 8,470, halka uu maanta qiimaha SHSL kor ugu kacay 8,450.
Waxa qiimo korodhkaa sababay baahi weyn oo Ganacsatadda & Bulshaddu u qabto isticmaalka SLSH, siiba musharaxiinta Golayaasha oo u baahday SHSL si ay ugu bixiyaan cashuurta iyo ololaha ay ku jiraan.
Balse, Baanka Dhexe ee JSL, isaga oo eegaya maciishada dadka dakhligoodda ku hela doollarka Maraykanka, waxaa uu Baanka Dhexe ku dadaalayaa inuu Qiimaha halka dollar ku soo celiyo SLSH 8,500.
Waxa xusid mudan in qayb wayn oo ka mid ah bulshada danyarta ah laga soo biiliyo Dibedda. Waxa kale oo jira dad tiro badan oo mushaharkoodda ku qaata doollar sidda shaqaallaha Meheraddaha Ganacsiga, Iskuuladda & Cisbitaaladda gaarka loo leeyahay, Haay’adaha NGO’s iwm.
Waxa waajib ah inaanu qiima dhaca doolarku saamayn weyn oo taban ku yeelan nolol maal-meedkooda.
Waxa waajib ah in la isku miisaamo taklifadda nolosha labadda dhinac ee dakhliga ku kala hela SLSH iyo Doollar.
Sidaa awgeed, yoolka Baanka Dhexe ee 2021 waa inuu qiimaha halka doollar ku hayo agagaarka SLSH 8,500, oo aanu u aragno inuu yahay Sicir Caadil ah ( Fair market rate ).
Wa billahi Tawfiq
Cali Ibraahim Jaamac
Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL.
May be an image of ‎1 person and ‎text that says '‎S He 1. EE ALILAND dka BAANKA DHEXE ee SOMALILAND المركزي البنك الصوماليلاندي الصوما badkii Dejinta‎'‎‎

Daawo:Bulshada Reer Awdal oo sida Fiinta uga qayliyey Dhibaatooyin ay shaaciyeen in Shirkada Somcable ku hayso

John Pombe Joseph Magufuli dies: Samia Suluhu swear in as Tanzania first female President afta Magufuli death go easy?

$
0
0

Vice President Samia Hassan Suluhu, age 61, suppose assume di office of di president for di remainder of di five-year term wey Magufuli begin to serve last year after winning a second term, according to Tanzania Constitution,

Mama Samia Suluhu Hassan wey be Vice President since 2015 suppose take over as Tanzania first female President by now as John Pombe Joseph Magufuli don die.

Sabi pipo don begin tok about wetin concern di smooth transition of power for Tanzania since dia President John Magufuli, die on Wednesday.

Tanzania opposition leader Zitto Kabwe, of di ACT Wazalendo party wey just lose dia leader for Zanzibar to COVID-19 tell BBC say goment must immediately transfer power sharp sharp to di Vice President Samia Suluhu Hassan to avoid constitutional uncertainty.

According to Kabwe, di law book alias constitution of Tanzania make provision for di Vice President to continue wetin remain of Magufuli five-year term.

Fulgence Massawe, wey be Lawyer for anoda interview also tell BBC say as far as di constitution dey concerned Samia Hassan go occupy Office of di Tanzanian President till 2025.

According to Tanzania Constitution, Vice President Samia Hassan Suluhu, age 61, suppose assume di office of di president for di remainder of di five-year term wey Magufuli begin to serve last year after winning a second term.

Vice President Samia Hassan Suluhu go be di East African nation [Tanzania] first female president.

Madam Samia Hassan Suluhu go become di sixth president of Tanzania and di second from Zanzibar.

All dis tok dey come out sake of say some of di kontris for East Africa get Leaders wey dey like to dominate and dis dia domination don lead dia kontris into crisis.

Rwanda, Somalia, Somaliland, Eritrea, Ethiopia, Uganda, Kenya, Burundi, Comoros, Djibouti, Madagascar, Malawi, Mauritius, Réunion, Seychelles, Tanzania, na di kontris wey make-up East Africa.

History show say almost all di kontris for East Africa region don experience crisis as e take concern change of goment.

But as di world dey change and adjust to give women chance for govment, pipo expect say Tanzania Vice President Mama Samia Suluhu Hassan as pipo dey popularly call her, suppose take over from Magufuli witout gbege for di kontri.

Samia Suluhu Hassan na di current Vice President of Tanzania and dey born her January 27, 1960 (she be 61-year-old.)

Hassan, come from di semi-autonomous region of Zanzibar, wey be about 99% Muslim – she study statistics for Zanzibar Institute of Financial Administration and later graduate from Mzumbe University for 1986 with Advanced Diploma in Public Administration.

She also attend University of Manchester wia she receive postgraduate diploma in Economics for 1994.

She be Tanzania first female Vice-President as she enta di office for 2015 and reports say mama Hassan get di backing of some factions inside Chama Cha Mapinduzi (CCM), di ruling party wey support former President Jakaya Kikwete, especially those from Muslim communities.

However e fit be say e get some oda factions for Tanzania ruling party wey dis current arrangement – whereby Mama Samia go succeed Magufuli – no favour.

BBC Pidgin find out say under normal circumstance, with 24 hours wey dem comfam di death of a serving president for Tanzania, dem suppose immediately swear in di Vice President – in dis case – Mama Samia Suluhu Hassan.

But 24 hours don pass since dem confam Magufuli death and di law book of Tanzania favour Mama Samia as di next leader and as at Thursday night dem never swear-in Suluhu.

Source BBC News

Coronavirus – Ethiopia: COVID-19 update (18 March 2021)

$
0
0

PRESS RELEASE
Coronavirus – Ethiopia: COVID-19 update (18 March 2021)
ADDIS ABABA, Ethiopia, March 19, 2021/ — Daily:
Laboratory test: 8,055
Severe cases: 600
New recovered: 330
New deaths: 10
New cases: 2,057

Total:
Laboratory test: 2,256,439
Active cases: 33,916
Total recovered: 145,349
Total deaths: 2,602
Total cases: 181,869

Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Ethiopia.
View multimedia content

SOURCE
Ministry of Health, Ethiopia

UK Parliament debate on Sri Lanka

$
0
0

UK Parliament debate on Sri Lanka

Checkmark with solid fill Right to self determination Checkmark with solid fill Recognition of Genocide Checkmark with solid fill ICC referral

Checkmark with solid fill Evidence collection mechanism Checkmark with solid fill Prevent cycles of violence Checkmark with solid fill Tamil Kingdom

Checkmark with solid fill Global Human Rights Sanctions Act (Magnitsky act) Checkmark with solid fill Arms export & Trade deals

In the UK parliament, the Back-Bench Committee Debate on Sri Lanka took place on 18/03/2021 organised by Siobhain McDonagh MP and co-sponsored by Rt Hon Sir Ed Davey MP and Elliot Colburn MP. This debate focused on the human rights situation in Sri Lanka and its ongoing serious atrocity crimes with persistent impunity. They spoke of the war crimes, crimes against humanity and genocide which occurred during the war period as well as the ongoing human rights abuses in the North and Eastern provinces perpetrated by the Sri Lankan Government. There was widespread discontent observed in the debate regarding the current developments in Sri Lanka and many suggested bilateral and international actions to hold Sri Lanka accountable.

We thank Cross-Party Members of Parliament who have regularly championed the plight of the Tamil people in Sri Lanka including Siobhain McDonagh MP, Wes Streeting MP, Rt Hon Stephen Timms MP, Rt Hon Sir Ed Davey MP, Rt Hon Robert Halfon MP, Rt Hon Theresa Villiers MP, Shadow Foreign Minister Stephen Kinnock MP, Sam Tarry MP, Gareth Thomas MP, and Elliot Colburn MP. The British Tamils Forum (BTF) has frequently communicated and comprehensively outlined the issues the Tamil people keep facing in Sri Lanka, to these Members of Parliament.

We also thank inspiring points and questions put forward by MPs including Tanmanjeet Singh Dhesi MP, Dr. Matthew Offord MP, Rt Hon Chris Grayling MP, Bob Blackman MP, Rt Hon John McDonnell MP and Dawn Butler MP on crucial subjects including the potential application of the Global Human Rights Sanctions Regime Act (Magnitsky Act) to perpetrators listed by the OISL (Office of the High Commissioner of the UN Human Rights Council Investigation on Sri Lanka) report in 2015. Questions and statements were also put forward by MPs from wider regions of the United Kingdom including Taiwo Owatemi MP, Anna McLaughlin MP, Margaret Ferrier MP, Anthony Mangnall MP, and Jim Shannon MP.

Despite the restrictive parameters of the Covid-19 pandemic, Tamil Community continues to work towards a robust shift in UK Policy on Sri Lanka and a tangible accountability and justice process. This debate took place just four days ahead of the day of voting on the currently tabled UNHRC Resolution on Sri Lanka, raises an extremely vital question, on what the role of the UK Government will be on addressing the present human rights crisis in Sri Lanka, and the path that should be taken to ensure nonrecurrence of violence and, for the safety and security of the future of the Victims in Sri Lanka.

Siobhain McDonagh MP initiated the debate, supporting the British Tamils’ request for the referral of Sri Lanka to the International Criminal Court (ICC).

Dawn Butler MP recommended for the ‘Office of the United Nations High Commissioner for Human Rights to appoint a Special Rapporteur to continue to monitor Sri Lanka for ongoing violations.

Wes Streeting MP and Rt Hon Theresa Villiers MP, who joined us at the UN Human Rights Council sessions regularly, remarked on their experience of the March 2020 UNHRC session just before the outbreak of the Covid-19 pandemic. They both raised key points regarding justice and accountability and advocated for international and bilateral actions. Rt Hon Stephen Timms MP, who was also ready to join us at UNHRC, Geneva in March 2020, but we advised him not to travel due to the cancellation of the session, showed his support for an international evidence collecting mechanism. He stated that an ‘evidence-gathering element is crucial to maintain material for the international accountability which Sri Lanka has resisted for so long.

Rt Hon Ed Davey MP condemned the British Government for continuing its arms exports to Sri Lanka and encouraged the government to look into the ‘Magnitsky-style sanctions against individuals involved in perpetrating human rights abuses and implicated in the OISL report 2015.

Rt Hon Robert Halfon MP, showed his support to the Tamil people in Sri Lanka and the diaspora who continue to look for their family members after ‘enforced or involuntary disappearances’. He further stated what action the Government is taking to prevent future cycles of violence and to promote autonomy for the Tamil community in Sri Lanka. Now is the time for strong international action, led by the UK once again, to secure justice for the Tamil community, recognition of the genocide and a proper accountability mechanism.

Shadow Foreign Minister Stephen Kinnock MP condemned the government for ignoring human rights when it comes to trade and rewarding Sri Lanka with the benefits of the GSP+. He questions the government asking ‘now that the UK has left the EU, will the government be reassessing their trading relationship with Sri Lanka?’

These are only a few of the many strong statements put forward by the Members of Parliament that supported Tamils today in the debate. Over the past year, especially, we have been meeting with Members of Parliament to prepare for the debate regarding upcoming international resolutions.

Rt Hon John McDonnell MP said “As my hon. Friend for Ilford North said, we should also recognise that the adoption of the resolution does not preclude individual countries like ours from taking additional unilateral action. I believe that this country has a special responsibility for action as a former colonial power. We united the three kingdoms, one of which was a Tamil kingdom, into one country and then left in 1948.”

The debate has been concluded with a resolution as follows:

“That this House notes with concern the reports of a systematic attack in Sri Lanka on democratic governance, the rule of law and human rights including renewed discrimination against the Tamil and Muslim communities; is profoundly concerned that the Sri Lankan Government has refused to investigate accusations of war crimes including by key members of the current government and has withdrawn from the UN Human Rights Council Resolution 30/1; welcomes the significant leadership role played by successive UK Governments at the Human Rights Council and urges the Government to provide clear policy direction and leadership to ensure a new substantive resolution is passed at the upcoming Council session in March 2021 that will enable continued monitoring by the Office of the High Commissioner for Human Rights and mandate a mechanism to gather, preserve and analyse evidence of violations for future investigations and prosecutions; and calls upon the Government to develop a consistent and coherent policy to assist the Sri Lankan people through its trade, investment and aid programmes, and in its diplomatic and military relations.”

We again thank all of the Members of Parliament who attended for their contributions. We hope that together we can achieve truth, justice and accountability.


Best Wishes

S. Sangeeth

BTF Media Contact

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>