Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Coronavirus – Kenya: COVID-19 update (18 March 2021)

$
0
0

PRESS RELEASE
Coronavirus – Kenya: COVID-19 update (18 March 2021)
The total confirmed positive cases are now 117,535
NAIROBI, Kenya, March 19, 2021/ — 1,225 people have tested positive to the disease, out of a sample size of 7,308 tested in the last 24 hours. The total confirmed positive cases are now 117,535. Cumulative tests so far conducted are 1,394,748.

142 patients have recovered from the disease, 83 from the Home Based and Isolation Care, while 59 are from various health facilities. Total recoveries now stand at 89,203.

17 patients have succumbed to the disease pushing the cumulative fatalities to 1,954. Our sincere condolences to families and friends of those who have lost their loved ones.

A total of 793 patients are currently admitted in various health facilities countrywide, while 2,250 patients are on Home Based Isolation and Care. 114 patients are in the ICU, 28 of whom are on ventilatory support and 81 on supplemental oxygen. 5 patients are on observation.

Another 38 patients are separately on supplementary oxygen with 30 of them in the general wards and 8 in the High Dependency Unit (HDU).

Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Kenya.
SOURCE
Ministry of Health, Kenya


Dalalka Qaniga ah oo hortaagan qorshaha tallaalka lagu gaadhsiinayo dalalka saboolka

$
0
0

Dalalka Qaniga ah oo hortaagan qorshaha tallaalka lagu gaadhsiinayo dalalka saboolka

khubarada ayaa rumeysan in talaalka oo si siman loo qeybsado ay hoos u dhigeyso Corona.
khubarada ayaa rumeysan in talaalka oo si siman loo qeybsado ay hoos u dhigeyso Corona.

Wadamada qaniga ah oo uu ka mid yahay dalka UK ayaa hortaagan hindisaha lagu caawinayo dalalka soo koraya si loo kordhiyo awoodda wax so saarka tallaaka Covid-19, sida ku cad dikumiinta loo soo dusuyay BBC.

Dhowr dal oo ah kuwa saboolka ayaa ka codsaday hay’adda caafimaadka aduunka inay gacan siiso.

Balse dallaka hormaray ayaa hortaagan qodobo ka mid ah shuruucda caalamiga ah oo suuragal ka dhigi lahaa in tallaal badan la gaarsiiyo dalalka saboolka.

Macluumaadkan ayaa ah qeyb ka mid ah wadaxaajoodyada hay’adda WHO kaasi oo nuqul ka mid ah BBC loo so dusiyay.

Dalalka qaniga ah ee hortaagan arrintan ayaa waxaa ka mid UK, Mareykanka iyo midowga Yurub.

 

“Muhiimada waa helidda luuqad aan isku fahmi karno taasi oo sahleysa in dalalka ay soo saaraan tallaal badan oo laga soo saaro gudaha dalkooda iyo helidda mashruc lagu maalgalinayo laguna sahlayo.

Dalka UK ayaa ka soo horjeeda doodan iyo hindisahan ballaaran.

Afhayeen u hadlay dowladda Britain ayaa yiri “cudurada safmarka ah ayaa waxay u baahan yahihiin xal caalami ah islamarkana UK waxay hormuud ka tahay dadaalada lagu xaqiijinayo in si siman caalamku u wadaago tallaalka feyriska Corona “.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in dalka UK uu ka mid yahay dalalka bixiya deeqaha ugu badan ee lagu xaqiijinayo in 1 bilyan oo kuuro la gaarsiiyo dalalka soo koraya sanadkan.

Khubaro badan ayaa rumeysan in si siman loo helo tallaalka feyriska Corona ay muhiim u tahay ka hortagidda kiisaska badan iyo dhimashada cudurka ka dhalata.

Tallaalka ugu badan ayaa waxaa imika qaata dadka dalalka hormaray taasi oo ay walaac ka muujisay hay’adda caafimaadka aduunka.

Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa waxay dalalka soo saaray tallalka looga hortago feyriska Corona ay ku cadaadinaysaa in tallaalka si siman loo qeybsado islamarkana la gaarsiiyo dalalka saboolka.

Daawo:Booliska kanada oo Gacanta ku dhigay 70 Baabuur oo laga xaday Dad Soomaaliyi ku jirto+Dalka loo dhoofinaayey

Musharax Komishanka Tacliinta Sare S/land shaaciyeen in Shahaadooyinkiisu Bug yihiin+Qoraal isburinaya oo ka soo baxay

Dagaal u dhexeeya laba maleeshiyo Beelood oo saaka ka qarxay Degaanka Shidan+Khasaaraha nafeed iyo hantiyeed

$
0
0

Dagaal u dhexeeya laba maleeshiyo Beelood oo saaka ka qarxay Degaanka Shidan ayaa la sheegay inuu koobsaday Khasaare naf iyo Mid gaadiidba

Sida xogguhu tibaxayaan Dagaalka oo u dhexeeya Beelaha Muuse ismaaciil & Warsangeli ayaa waxaa ku dhintay ilaa 8 Ruux oo lix ka mid ahi isku beel ka so jeedaan,Halka dhaawac & Maxaabiis badana laga qabsaday

Sidoo kale waxaa Goobta Lagu gubay Gaadhi Tikniko ah waxaana lagu qabsaday laba gaadhi oo mid tikniko ah yahay

Wixii warar ee ka soo kordha dhacdadan Isha ku hay Qarannews.com

M/weyne Biixi oo Tacsi u diray Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka oo ku geeriyooday Dalka Turkiga

$
0
0

TACSI MADAXWEYNE: 20/03/2021
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golaha Baarlamaanka gaar ahaan golaha guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed Xaashi Cabdi oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 20/03/2021 dalka Turkiga.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey xildhibaan ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, xilal kala duwana ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey ee Somaliland, muddooyinkii u danbeeyeyna ka mid ahaa golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golaha Baarlamaanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

May be an image of ‎one or more people and ‎text that says '‎TACSI إنا الله وإنا إليه راجعون‎'‎‎
No photo description available.
May be an image of 1 person
28
23
10

Daawo:Siyaasi Jaamac Shabeel oo shaaciyey Dhaliilo dul-hoganay Komishanka Tacllinta Sare+Tarabal uu sheegay inay abuureen Komishanka Doorashooyinku

FIFA Congress to decide on hosts for future editions of the FIFA Women’s World Cup™

$
0
0

PRESS RELEASE
FIFA Congress to decide on hosts for future editions of the FIFA Women’s World Cup™
Also approves financial statements for 2020 and budget for 2022, published on FIFA.com
ZURICH, Switzerland, March 20, 2021/ — Council assigns FIFA Women’s World Cup™ hosting decision to FIFA Congress; also approves financial statements for 2020 and budget for 2022, published on FIFA.com

Meeting by videoconference, today the FIFA Council conferred to the FIFA Congress the decision to award FIFA Women’s World Cup™ (https://fifa.fans/3vGb89k) hosting rights.

Until now, the decision has been taken by the FIFA Council, most recently in June 2020 when the hosting rights for the 2023 edition were awarded to Australia and New Zealand. As FIFA seeks to raise the profile of the women’s game, this represents a significant step to bring the FIFA Women’s World Cup in line with the flagship men’s competition, the FIFA World Cup™ (https://fifa.fans/38qjc3Z).

The proposal will be put forward for a final decision by the 71st FIFA Congress, which will meet virtually (for the second time) on 21 May.

International match calendar and release of players

The FIFA Council received a report on the international football situation during the COVID-19 pandemic.

The Bureau of the FIFA Council had extended to April 2021 the temporary amendments to the Regulations on the Status and Transfer of Players regarding the release of players for international duty, and FIFA, the confederations, and FIFA’s member associations remain in dialogue with national authorities about exemptions from quarantine rules for national team players.

The FIFA Council recognised that the highest priority in football is the health of the players, and therefore the discussion around the release of players for international duty must maintain this perspective, especially as the public health situation develops around the world.

2020 financials and 2022 budget

The FIFA Council also approved the organisation’s Annual Report, which contains the financial statements for 2020 and the budget for 2022.

The FIFA Annual Report 2020 focuses on the role played by world football’s governing body in the fight against COVID-19, primarily through the unprecedented FIFA COVID-19 Relief Plan, which has made available USD 1.5 billion to support FIFA’s 211 member associations and the confederations through times of financial uncertainty.

The FIFA Annual Report 2020 (http://fifa.fans/2NCvWgQ) is available on FIFA.com.

FIFA Arab Cup 2021™

The Council approved the competition regulations for the FIFA Arab Cup 2021, confirming the match schedule and draw procedure for the competition taking place in Qatar from 1 to 18 December this year.

Distributed by APO Group on behalf of Fédération Internationale de Football Association (FIFA).
View multimedia content

African Media:
AfricanMedia@fifa.org

Contact pour les médias Africains :
AfricanMedia@fifa.org

SOURCE
Fédération Internationale de Football Association (FIFA)


Ra’iisul Wasaare laga helay xanuunka Covid 19 ka dib markuu qaatay Talaalka

$
0
0

Ra’iisul Wasaare laga helay xanuunka Covid ka dib markuu qaatay Talaalka

Imran Khan
Imran Khan 

Ra’iisul wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa laga helay cudurka COVID-19, sidaasina waxaa Sabtida maanta ah xaqiijiyay wasiirka caafimaadka ee dalkaasi, waana labo maalmood uun ka dib markii uu ra’iisul wasaaruhu qaatay tallaalka COVID-19.

Khan ayaa “gurigiisa isku karantiilaya” ayuu wasiirkiisu Faysal Sultan ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, isaga oo aan bixin tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan in dadka kale ee xiriirka la sameeyay Khan ay sidoo kale is-karantiilayaan.

Khan, oo 68 jir ah, ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday shirar joogto ah oo uu ka mid yahay ka qayb galkiisa shir dhanka amniga ah oo lagu qabtay caasimadda Islamabad oo ay ka soo qayb galeen dad aad u tiro badan.

Waxa uu shirkaasi ka jeediyay khudbad isaga oo aan xirneyn maaskaro, waxa uuna ka qeyb galay kulan kale oo lagu daah furayay mashruuc guriyayn loogu samaynayo dadka saboolka ah oo Jimcihii la qabtay.

Khan ayaa Khamiistii qaatay tallaalka COVID-19.

Dalkan ku yaalla Koonfurta Asia oo ay ku nool yihiin 220 milyan oo qof ayaa muddooyinkii u danbeeyay wajahayay sare u kaca kiisaska cusub ee COVID-19.

Sida ay sheegeyso xog ay baahisay dowladdu, 3,876 qof ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay laga helay COVID-19 – waa tiradii ugu badneyd ee hal maalin la diiwaangeliyo tan iyo bishii Luulyo – waxayna ka dhigeysaa tirada guud ee kiisaska COVID-19 ee dalkaasi 620,000.

Sidoo kale, 42 ayaa la sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay u dhinteen cudurkan, taasi oo tirada guud ka dhigeysa 13,799.

Pakistan ayaa 10-kii Maarso bilowday talaalka muwaadiniinteeda, iyada oo lagu bilaabay dadka waayeelka ah ka dib markii shaqaalaha caafimaadka ee safka hore ay muujiyeen walaacooda qaadashada tallaalka ay soo saartay China.

Tallaalada uu sameeyay Shiinaha ee Sinopharm iyo CanSinoBio, Oxford-AstraZeneca iyo tallaalka Russia ee Sputnik V ayay adeegsigooda oggolaatay Pakistaan.

 

Nuxurka War cusub oo ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta Somaliland

Bisha Saddexaad Ee Sannadka 2021 Oo Gabo-gabo Ah & Heshiisyadii Somaliland Iyo Kenya Oo Aan Weli Wax Muuqdaa Ka Hirgelin

$
0
0

Home Warar
Warar
Bisha Saddexaad Ee Sannadka 2021 Oo Gabo-gabo Ah & Heshiisyadii Somaliland Iyo Kenya Oo Aan Weli Wax Muuqdaa Ka Hirgelin
By Samiir- March 20, 20210126

Hargeysa (Geeska) – Badhtamihii bishii December 2020, waxa Dawladaha Somaliland iyo Kenya ay Magaalada Nairobi ku kala saxeexdeen heshiis labada dhinacba Muhiim u ahaa.

Heshiiskan oo dhacay, ka dib markii Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu Magaalada Nairobi ku tagay booqasho rasmiya, ayaa waxyaabaha lagu heshiiyey waxa ka mid ahaa In Dawladda Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa dabayaaqada bisha March ee sanadka 2021-ka, sidoo kalena Somaliland kor u qaaddo Meeqaamka Xafiiskeeda Magaalada Nairobi.

Waxyaabaha kale ee lagu heshiiyey waxa ka mid ahaa In Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha nooceeda ah ee laga leeyahay Kenya ay billaabaan duullimaadyo toos isaga kala gooshada Nairobi iyo Hargeysa, marka la gaadho dabayaaqada bisha March ee 2021-ka.

Waxa kale oo ka mid ahaa heshiiskaasi in Dal ku Galka Kenya la siiyo Madaxda Somaliland marka ay gaadhaan Kenya, iyagoo adeegsanaya Baasaaboorka Somaliland.

10 Maalmood baa ka hadhsan dhammaadka Bisha March, 2021 oo qorshuhu ahaa in la fuliyo heshiisyadaasi, laakiin ma muuqdaan Tallaabooyin loo qaaday fulinta heshiisyadaasi oo Wargeyska Geeska Afrika illaa hadda ogyahay.

Somaliland ayaa aad ugu baahan diyaarad la mid ah Ethopian Airlines oo ku xidha Dunida inteeda kale.

Maalinta Farxadda adduunka & xaalka waddamada carbeed+Labada Dal ee ugu farxada badan Carabta

$
0
0

Maalinta Farxadda adduunka & xaalka waddamada carbeed+Labada Dal ee ugu farxada badan Carabta

Qoys carbeed oo dhoolla caddeynaya

Qaramada midoobay ayaa 2012-kii, 20-ka Maarso u asteysay in sanadwalba loo dabbaal dego maalinta farxadda adduunka. Ujeeddada maalintan loo asteeyeyna waxay qaramada midoobay ku sheegtay in dadka dunida ku nool la dareensiiyo muhiimadda farxaddu ay leedahay.

Haddaba maalinta farxadda dunida oo Sabtidi shalay ahayd ku beegneyd waxaa baraha bulshada la isku dhaafsanayey mowduucyo la xiriira farxadda gaar ahaanna farxadda ka jirta waddamada carabta.

Maxay yihiin shuruudaha heerka farxadeed lagu cabbiro?

Sideedaba micnaha farxaddu waa mid ay dadku ay ku kala duwan yihiin ama farxadda qofba si ayuu u yaqaannaa waddamadana sida oo kale waa ay ku kala duwan yihiin.

Balse qaramada midoobay oo maalintan farxadda dunida asteysay waxay ku macneysay ‘qofka sida uu noolashiisa ugu faraxsan yahay’.

Laga soo billaabo 2012-kii qaramada midoobay waxay soo saareysay warbixin sanadla ah oo ay ku muujineysay cabiirka farxadda ee u yaalla waddamada dunida.

Shuruudaha farxadda lagu cabbirana waxay qaramada midoobay ay ku soo koobtay lix shuruudood, kuwaasoo kala ah wadarta wax soo saarka gudaha (GDP), celcelis ahaan da’da ay dadku noolaadaan, xorriyadda ay u haystaan go’aan gaadhidda, waxaa intaasi wehliya tayada adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka, musuqmaasuq la’aanta iyo heerka caddaaladda.

Balse warbixinta sanadkan qaramada midoobay ay ka diyaarisay farxadda adduunka waxaa lagu saleeyey sida uu cudurka safmarka ee korona fayras uu noolasha dadka u saameeyey iyo sida ay dowladaha safmarkaasi uga jawaabeen.

149 dal oo warbixinta daraasadda lagu soo qaatay waxaa sanadkan 2021-ka dalka dunida ugu farxadda badan ay marki afaraad u dooratay dalka Finland.

 

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda 22 dal waxay ahayd mid wanaagsan. Waddama dhowr ah oo ku yaalla qaaradda Aasiya wey ka wanaagsanaayeen kaalmihi ay sanadkii hore galeen, halka Shiinaha oo sanadki hore ku jiray kaalinta 94-aad uu sanadkan galay kaalinta 84-aad.

Finland “Kaalinta ugu horreyso ayey ka gashay dadaalka ay u gashay badbaadinta arrimaha ay muwaaddiniintu ka mideysan yihiin ee quseeya noolasha iyo hab-noolaleedka bulshada inta uu socday cudurka safmarka” ayey yirahdeen khubarada daraasadda sameysay.

Dhalinyaro reer Finland oo faraxsan

Hase yeeshee, hal dal oo waddamada carabta ka mid ah kuma jiro 10-ka dal ee farxadda dunida sanadkan ugu horreeya ee la shaaciyey. Inkasta oo liiska waddamada carabta si gooni keligood loo diyaariyey ay kalmaha ugu horreya uga jiraan waddamada khaliijka.

Wakaaladda wararka ee Faransiiska waxay sheegtay, khubaradu iney sheegeen warbixinti kal hore ay diyaariyeen marka la barbar dhigo cilmi-baadhayaashu iney ogaadeen cudurka safmarka ee Covid-19 seddex meelood meel waddamada dunida inuu saameyn taban uu u geystay.

New Zealand
New Zealand waa dalka keli ah ee waddamada midowga yurub ka baxsan ee ka mid noqday 10-ka dal ee duniga ugu farxadda badan

Warbixinta qaramada midoobay ay soo saartay 10-ka dal ee ugu farxadda badan waxay ku sheegtay iney yihiin:

  • Finland
  • Denmark
  • Switzerland
  • Iceland
  • Netherlands
  • Norway
  • Sweden
  • Luxembourg
  • New Zealand
  • Austria

Waddamada Carabta inkasta oo ay 10-ka dal ee dunida ugu farxadda badan soo gelin haddana 149 dal ee dunida Imaaraadka wuxuu kaga jiraa kaalinta 25-aad, halka Sacuudigana uu kaalinta 26-aad uu kaga jiro.

Turkigana wuxuu ku jiraa kaalinta 104-aad, Pakistan kaalinta 105-aad halka dalka Afghaanistaanna uu galay kaalinta 149-aad ee ugu dambeysa.

Ex-wasiir Yuusuf Garaad oo ka mida Gudidii  Xukumada Farmaajo u dirtay Dacwada Badda ICJ oo Holland lagu xayiray+Sababta

$
0
0

Ex-wasiir Yuusuf Garaad oo ka mida Gudidii  Xukumada Farmaajo u dirtay Dacwada Badda ICJ oo Holland lagu xayiray+Sababta

Yuusuf Garaad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebookga waxa uu ku sheegay in cudurkan laga helay saakay, isagoo doonaya inuu Soomaaliya u soo safro, maadaama ay maalmihii la soo dhaafay Holland u joogeen ka qeyb-galka dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya kala dhaxeysa Kenya.

“Walaalaha, saaaxiibbada, ardaydeydeyda iyo qof kasta oo ay farriintani gaarto waxaan la socodsiinayaa in la iga helay Covid. Si aan saaka uga dhoofo Holland, oo aan shaqo Qaran u joogay, ayaan shalay is baaray. Waa la iga helay xanuunka, waana baaqday,” ayuu Yuusuf qoraalkiisa ku yiri.

Waxa uu sheegay in uusan dareemeyn astaamaha cudurka laga sheegay ee COVID-19 ama wax xanuun ah, balse uu is karaantiilay.

“Haba yaraatee, hadda ma jiraan wax astaan xanuunkaas ama mid kale ah oo aan dareemayo. Urta iyo dhedhenkana waa ii wanaagsan yihiin. Waa Allah mahaddiis. Waxaan galay is keliyeyn ama karaantiil si aanan Aadane kale u qaadsiin. Rabbi ha iga xijaabo khatarta cudurkaan igu helay dhul shisheeye,” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Yuusuf Garaad ayaa dadka aad uga wacyi geli jiray tan iyo markii uu soo shaac baxay cudurkan, waxuuna dhalinyarada ku baraaruji jiray in waalidkood oo waayeel ah iyo dadka kale oo aan xamili karin cudurkaan ay soo gaarsiiyaan, inta si fudud uga soo qaadaan magaalada.

Dugsiyada New Zealand oo Ardayda baraya Nolosha Gabdhaha Muslimiinta ah

$
0
0

Dugsiyada New Zealand oo Ardayda baraya Nolosha Gabdhaha Muslimiinta ah

 

Geeddi-socodka taariikhda, haweenku aalaaba waxay ahaayeen laf dhabarta bulshooyinka iyo aas-aaska xasiloonida iyo horumarka umadaha.

Ogaanshiyaha kaalinta gabdhaha Muslimiinta ah ay ku leeyihiin bulshada, dugsiyada sare ee New Zealand ayaa hadda soo kordhinaya barnaamij cusub oo lagula dagaallamayo aragtida qaldan ee laga qabo gabdhaha Muslimiinta ah.

“Dadku inta badan waxay u maleeyaan in haweenka Muslimiinta aan xor ahayn ama ay yihiin kuwa lagu sanduleeyo howlaha ay ka hayaan guryahooda,” Anjum Rahman, oo ah afhayeenka Golaha Haweenka Muslimiinta NZ ayaa u sheegtay saxaaafadda.

“Sidaas darteed ayaan u dooranay sheekada 13 haween oo shaqooyin kala duwan ka haya guryaha iyo goobaha shaqada si aan u iftiimino wax-ku-oolnimadooda,” ayay intaas kusii dartay.

Rahma ayaa quudareynaysa barnaamijkan cusub inuu noqdo mid wax ka beddela wacyiga bulshada ee la xiriira gabadha Muslimadda ah.

“Dhinaca walba oo aad ka eegto, haweenku waa safka hore kuwa kaga jira horumarinta kaabayaasha nolosha,” ayay tiri.

Golaha Haweenka Muslimiinta New Zealand ayaa wasaaradda wax-barashada u gudbiyay dalabkan oo ahaa mid ayyidaya fahamka bulshada ee ku aadan xaqa gabadha Muslimadda.

Islaamka ayaa soo gaaray NZ bilowgii 1900 ilaa 1960. Tira badan oo Muslimiin ah oo kasoo yaacay Fiji ayaa soo gaaray NZ. Xaruntii ugu horreysay ee Islaami ah waxaa la furay sannadkii 1959.

Maanta, guud ahaan waddanka waxaa ku yaalla dhowr masaajid iyo xarumo kale oo Islaami ah.

 UK oo soo saartay war farxad u leh dadka magangelyo doonka ah

$
0
0

 UK oo soo saartay war farxad u leh dadka magangelyo doonka ah

Boqortooyada UK ayaa qorsheyneyso in marka si buuxda uu u dhaqan galo qorshaha Brexit ee Ingiriiska ugu baxay Midowga Yurub inuu wax badan ka badalo sharciyada dadka magangelyo doonka ah.

Qorsheyaasha u degsan UK ayaa kow ka ah in dadka magangelyo doonka ah aysan soo gelin dalkeeda inta codsiyada magangelyo doonka ah go’aan laga gaarayo, iyo inta ilaa iyo wax ka badal lagu sameynaayo xeerarka socdaalka qaxootiga, kadib markii UK ay si sharciga waafaqsan ugu baxday midowga Yurub.

Sharciyada ay qorsheyneyso UK inay soo rogto ayaa waxaa ka mid ah in dadka ka yimaada dalalka UK u aqoonsan tahay kuwo xasiloon oo nabadi ka jirto dadka ka yimaada ineysan heli doonin magangelyo noocey doonta ha ahaatee.

Arrinta kale ee magangelyo doonka horay isaga soo dhiibay dalalka Yurub uu ku farxi doono ayaa ah in marka si buuxda u dhaqan geliyo Ingiriiska heshiiska ka bixitaanka Yurub kama mid ahaan doono sharcigii Dublin ee Midowga Yurub ee dhigayay in dadka magangelyo doonka in lagu celiyo wadankii ay markii hore iska diiwaan geliyeen ama kasoo galeen inta codsigooda go’aan laga gaarayo.

Waxayna UK ula dhaqmi doontaa dadka farahooda dhigay dalalka Yurub ee mar kale iska soo dhiibo UK in aysan ku celin doonin Yurub waa marka uu sharcigaan cusub dhaqan galo dhawaan.

UK ayaa horay u diidaneyd qodobka sharcigaan hase ahaatee markii danbe aqbashay, inkastoo sharciyadaan aysan weli si rasmi ah u dhaqan gelin.

Dad badan oo wadamada Yurub ku jahwareeray oo dalalkii ay iska dhiibeen sharciyo ka waayay ayey fursad u tahay, inkastoo ay adkaan doonto sida lagu soo galo boqortooyada UK.


Daawo:Madaxweynaha maraykanka Joe biden oo 3 Jeer ku kufay Salaanka Diyaaradiisa Khaaska ah

Iimaamka Xaramka Sheekh Cabdiraxmaan Al-sudeysi oo ka hadlay Talaalka Covid-19 & Maalmaha Soonka,Inuu Soonka jebinaayo & Inkale haddaad is durto  adoo sooman

$
0
0
Iimaamka Xaramka Sheekh Cabdiraxmaan Al-sudeysi oo ka hadlay Talaalka Covid-19 & waxa diintu ka qabto Maalmaha Soonka,Inuu Soonka jebinaayo & Inkale haddii laysku dur  adoo sooman
email sharing button

 

Sheekh Cabdiraxmaan Bin C/casiis Bin C/llaahi Al-sudeysi ayaa shaaca ka qaaday in talaalka COVID 19 maalmaha bisha barakeysan ee Ramadaan la isku duri karo Soonkana uusan ka jabeynin qofka hadii uu qaato talaalka isagoo Sooman.

Sheekh Cabdiraxmaan Al-sudeysi oo ah madaxa labada Masaajid ee Xarameynka ee Maka Al-mukarama iyo Madiinatul Munawara ayaa sheegay in talaaalka COVID 19 uusan ka mid aheyn waxyaabaha buriya Soonka iyo gudashada waajibaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dad badan oo Muslimiin ah ayaa shaki weyn ka muujinayay waxa aay diinta islaamka ka qabto talaalkan iyo in la isku duri karo maalmaha bisha Ramadaan, kuwaas oo si weyn uga walwal sanaa inuu talaalka ka burin karo Soonka.

Hadalka Sheekh Cabdiraxmaan Al-sudeysi ayaa kusoo beegmaya xili bisha barakeysan ee Ramadaan aay inaga xigto maalmo kooban oo aay dadka Muslimiinta ahna u diyaar garoobayaan.

Daawo:Xayiraad laga qaaday Ciyaartoyda Gobolada Togdheer,Hawd & Kuwii u ciyaaray Somalia+Edna Adan & Jaamac Jaraaciin oo ka hadlay

Shirkada AstraZeneca oo diiday go’aan kasoo baxay Golaha Culimada Indonesia

$
0
0

Shirkada AstraZeneca oo diiday go’aan kasoo baxay Golaha Culimada Indonesia

Shirkadda AstraZeneca ayaa maanta sheegtay in tallaalkeeda COVID-19 aysan ku jirin wax walxo ah oo ka yimid doofaarka, ayada oo ku gacan seertay go’aan kasoo baxay dalka ugu Muslimiinta badan caalamka ee Indonesia oo lagu sheegay in tallaalka uu ka hor-imanayo shareecada Islaamka.

Golaha ugu sarreeya culimada Indonesia ee Indonesia Ulema Council ayaa Jimcihii website-kooda ku sheegay in tallaalka uu yahay “xaaraam” sababtoo ah waxaa ku jira “walxo ka yimid dheecaanka dheefshiidka doofaarka.”

Si kastaba, golaha ayaa islamarkaana ansixiyey isticmaalka tallaalka sababtoo ah xaaladda deg deg ah ee ka dhalatay cudurka COVID-19.

Hase yeeshee, afhayeenka AstraZeneca ee Indonesia Rizman Abudaeri ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri “dhammaan heerarkii soo saarista tallaalka looma isticmaalin, wax xiriir ahna lama sameyn walxo ka yimid doofaar ama xoolo kale.”

Mas’uuliyiinta Indoneisa ayaa Jimcihii ansixiyey isticmaalka tallaalka AstraZeneca kadib markii ay eegeen warbixino ka yimdi Yurub oo ku saabsan in qaar ka mid ah dadkii qaatay uu dhiigga xinjir noqday.

Indonesia ayaa ka mid ah meelaha ugu darran qaaradda Asia ee uu cudurka ku faafay, waxaana laga diiwaan-geliyey 1,455,788, halka ay u dhinteen 39,447.

 

Daawo:Suldaan si qaawan u duray Taliyaha Ciidanka Milateriga S/land+Suldaan si adag ugu jawaabay

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>