Xilka-qaadis

Xilka-qaadis
Daawo:Xildhibaan Dhaliilay 3-da Xisbi & Hadallada dhiifoon ee isku saydhsaydheen,Muxuuse ka yidhi Hinaasaha colaadeed ee F.C.waraabe,Safarkii Cabdi Ilay & Siilanyo
Daawo:Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo si adag u Duray Heshiis Madaarka Berbera ee Xukumada Siilanyo Fool-eryayso,Shaaciyeyna in Faqriga,Abaaraha & Gaajada Kulmiye keenay
Daawo:Wasiirka Waxbarasahada Somaliland oo hadalo Gef & meel-ka-dhac ah ku saydhay Hooyo danyara & Caruurteeda oo uu….
Cabbaar markii aan sirdoonka gobolka Maroodijeex ku xidhnaa ayaan weydiintan u gudbiyay “Ma helayaa mobile aan ehelka ku wargeliyo. Waxoogaa lacag ahna waan dalban lahaa?”. Kiisii ayuu Dugulo ii dhiibay. Halkaas waxa aan ku wacay dad ay ka mid yihiin: Md Cabdikariin Axmed Mooge, Wasiir ku-xigeenkii hore Qorsheynta Qaranka, Md Yuusuf Keyse Cabdillaahi Xoghayaha Warfaafinta UCID, walaalahay Khadar Maxamuud Gahayr iyo Sucaad Maxamuud Gahayr, Caaqil Cabdillaahi Mataan Aw Xasan, Nuuraddiin Xuseen Ismaaciil, Xaaji Cabdirisaaq Yuusuf Ismaaciil, Ismaaciil Maxamed Maxamuud, Cabdirisaaq Cabdillaahi Ismaaciil iyo laba hablood oo reer Somaliland ah.
Waa la ii soo diray waxoogaa aan casho iyo caweysba ka dhigto oo ZAAD ah. Waxa aan mahad-naq gaar ah gaadhsiinayaa Wasiir ku-xigeenka Kalluumaysiga oo ah xilkas aan yaraysan hawshii iyo xannibaaddii xaaraanta ahayd ee i saarnayd. Kolkii aan dantaydii qunsaday ayaan wacay Dhidar Mitid Ilyare oo taxaabid iyo tallaabinba masuul ka ahaa. “Halkee ayaad geli, waan soo baxayaa. Haddii aan markaas lagu kadin waad arki” ayaan ugu hanjabay inta uu dhigay taleefanka ayuu wargeliyay Mujrim Dhareerre Dhagarqabe.
Madaxii jeelka ayaa igu bilaabay “Ma telkaagii ayaa Dugulooy dadka laga caayayaa?” kolkuu yidhi intaas waxa aan ugu jawaabay“Ma aha Dugulo abti. Waa Siciid Kabadheere ninka aad la hadlaysaa”. Degdeg ayuu u dhigay.. Inta uu mar labaad isoo wacay ayuu ku tiraabay
“Dugulo iigu dhiib”.“Taasi maangal ma aha” waxan u raaciyay “Aniga ayaa saacaddan haysta ee iska dhig ama meel kale kala xidhiidh”. Shaw basaas kale ayuu wacay. Nin ordaya ayaa soo galay, waxa la iga qaaday taleefankii. Albaabkiina quful ayaa lagu rakibay. Si xeeladaysan ayaan markaa u dhigtay gogoshii.
Abbaaro 02:00dii duhurnimo ayuu ii yimi Cabdirisaaq Cabdillaahi Ismaaciil waxa aanu ku wada hadalnay sarbeeb. In galabta aan xorriyadda helayo ayuu ii sheegay, waxaanu tegay gurigii Taliyaha Sirdoonka Maroodijeex. Isaga oo hurda ayuu toosiyay kaddibna waxa ay yimaaddeen xaruntii sirdoonka Gobolka aniga oo gama’san. Wakhtiga ay isoo gaadheen waa illaa 05:30 galabnimo. Eedaanka salaadda gabal-dhaca ayaa dhawaa. Nin i guud taagnaa ayaa yidhi “toos, waxa yimi Muxsin”.
Waan soo baxay, waxanu ahayn laba nin oo fuqa taagaya. Sheekadan ayaa na dhex martay Taliyaha Sirdoonka Gobolka Maroodijeex, abtigay Muxsin Aw Cali Sheekh Jaamac:
• Abti ii warran?
• Waa nabade ma fiican tahay
• Sidee wax u dhaceen?
• Nin baanu is-feedhnay. Kaddibna idinka ayaa ila soo wareegay
• Inaad is-dejiso ayaa wanaagsan
• Hadday ka maarmi weydana difaac ayaa la galaa
• Immisadii ayaad dhalatay?
• 1986kii
• Berigaa guuto SNM ah ayaan madax ka ahaa
• Waan ogahay in aad 1988kiiiyo 1994kiiba halgamaa ahayd. Mar aan meeshayda ku bannaysto ayaan u baahanahay.
• Waxba 1994kii lagama dheefin. Weliba waxa aan ka barakacay shan guri oo shacabka ah keligay. Guud ahaanna reer Sallaxley waxa ay ka yaaceen 500 guri.
• Kollay dagaal aan ujeeddo lahayn ayuu ahaa. Muxuu kii SNM u istaagi waayay?
• Nin dheer oo madaw ayaan ku moodayay
• Ma ihi kaas. Waad i aragtaa. Maxaa la igu haystaa?
• Waraaqo Banka Qoolcaday lagu diidayo ayaad daadisay baa la yidhi
• I tus, sida aan wax u qoro waa la yaqaan. Waan ka daw-baxayaa: email, taleefan iyo kombiyuutarna waad baadhi kartaan. Dooc iyo dareen midna kama ogi. Jiiddaa aad sheegaysana maalin aan geeddi kaga nimi Kaam Abokor iyo maalin aan Sallaxey gaadhaya ayaan tegayba.
• Hadda salaaddii ayaa dhaw saxeex warqaddan ku saabsan in aynu eeddaas bacdal-ciidka isaga nimaadno iyo nabadgelinta Maamulaha Madaarka
• Kaas ma ballan-qaado ee illaw. Ta kalena waa hagaag.
• Imaka afurkii ayaa dhaw’e waa inoo sidaas iyo wanaag.
• Waxba kama qabo.
• Mar qudha ma odhan “taliye, guddoomiye” keliya abti ayaan lahaa. Mid guulwade ah baa yidhi “taliye dheh”. Inta aan indhaha ku gubay ayuu gaabsaday. Sidaas ayaan ku soo baxay.
Intii aanay bisha Soon dhammaanin ayaan ogaaday halka lagu malluuqay iyo cidda qortay waraaqaha lagu diiddanaa Mashruuca Banka Qool-caday, waxaana ka dambeeyay niman la shaqeeya Sirdoonka Maroodijeex. Waxaanay ahayd eedayn ambad ah oo rag deyaysani dusha ii saari gaadheen. Inta xiisad la abuuray ayaa cid aan shaqo ku lahayn lagu hafrayaa.
Nasiib-darro markii ay Maamulaha Madaarka iyo Taliyaha Sirdoonka Marood-jeex isku tuurtuureen wareejinta ee aan muddo bil ah ka rabay sababta ay ii kala tirsadeen, hadalkuna dhaafi waayay “Iyaga ayaa ku doonayay” “Iyaguun baa nagu kaa wareejiyay” ayaan iska dhaafay ergadii ku maqnayd. Maalmo kaddib waxa aan taleefanka kula xidhiidhay Wasiirkii hore Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi Cabdi “Adeer, waan ka xumahay xadhigga” ayuu hadalka ku koobay.
22kii Ogos 2014ka ayaan Royal Hotel kula kulmay Wasiirkii Hore ee Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan, waxaanu isugu nimi xaflad uu ururka Gaaroodi shahaado-sharaf guddoonsiinayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaana u guddoomayay Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Madaxtooyada. Kolkii madarka/shirka laga dareeray ayaan bariido kaddib uga warramay sida ay wax u dhaceen. Md Xirsi waxa uu igu igu yidhi “Siciid ma aan ogeyn. Waan ka xumahay xadhigga, waan baadhi doonnaa waxa sababay insha Allah”. “Hagaag wasiir” ayaan ku idhi, war dambena kama helin.
Kolkii aan oday, madax-dhaqameed, abti, masuul, ganasade, adeer, walaal, tol iyo cid i daw-bixisa ama labadaas nin soo geed-fadhiisisa waayay ayaan afkayga ku ciil-baxay. Halkaas ayaanay ku dhammaatay hawshaasi gu’gii 2014ka!
Hargeysa,(Qaran-news)-Gudoomiyaha gobalka Maroodi-Jeex ee xisbiga Waddani oo warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa waxaa uu sheegay in xisbiga uu jabiyey xeerkii sheegayey in aanay shaqalaha dawladu iyo ciidanku ku dhex milmin xisbiyada siyaasada dalka isla markaana ay xisbiyada dhex u ahaadan
Gudoomiyuhu waxaa uu sheegay in xisbiga Kulmiye xilal uu dhawaan ku taxay xubno ka mid ah shaqaalaha wasaaradaha dalka iyo xubno ka oo ka tirsan ciidamada Booliska iyo madaxtooyada .
Waxaana ka mid ah xubnahaasi ciidanka iyo shaqaalaha dawladeed isku jira ee xisbiga Kulmiye xilalka u magacaabey
1. Nuxuyidiin Cabdi Shiil oo loo magacaabey gudoomiye ku xigeenka 26 Junne waa shaqaale dawladeed waxaanu uu maamule ku xigeen ka yahay dugsiga sare ee 26 Junne
2. Ceydaruus Axmed Ismaciil oo loo magacaabey abaabulka 26 junne waa shaqaale ka tirsan wasaarada Maaliyada
3. Cabdi Shugri Maxamuud oo loo magacaabey gudoomiye ku xigeenka degmada Axmed Dhagax waa shaqaale dawladeed oo jooga wasaarada Caafimaadka
4. Haybe Good Hurre oo loo magacaabey xoghayha degmada Axmed Dhagax ee xisbiga Kulmiye waa askari xidile ah oo ciidanka Booliska ka tirsan
5. Mustafe Yuusuf Dhego Cade oo loo magacaabey gudoomiyaha dhalinyarada degmada Axmed Dhagax waa askari ciidanka Booliska ah
6. Maxamed Ismaciil Daahir oo loo magacaabey gudomiye ku xigeenka degmada Maxamuud Haybe waa ciidanka damdamiska
7. Axmed Yoonis Aadan Juxe oo loo magacaabey gudoomiyaha degmada Gacan Libaax waa ciidanka Sirdoonka Madaxtooyada
8. Saleeban Xaashi Nuur gudoomiye ku xigeenka 31 May ayaa loo magacaabey waa sarkaal sare ee ka tirsan wasaarada waxbarshada
9. Axmed Cismaan Aadan gudoomiyaha dhalinyarada 31 May baa loo magacaabey waa shaqaale wasaarada caafimadka ah kana hawl gala cisbitalka guud ee Hargeysa
10.Cabdiraxmaan Maxamuud Gaaxnuug ababulka iyo waceyi galinta degmada 31 May ayaa loo magacaabey waa maamulaha iskuulka sheekh Maxamed Cali Dayip
Ugu Danbeyn masuulyiintan xisbiga Waddani waxaa ay sheegen in ay dacwad u gudbin doonan cid kasta oo arimahani khuseeyaan isla markaana aanay ka hadhi doonin inta sharciga la marin doono masuulyiintan Mobile Mail
block quote
From: Faisal
Date: February 10, 2015 at 6:40:22 PM GMT+2
To: “Yusuf Kayse Ali ,”<farxadi@hotmail.com>
Subject: Fwd: Co-Federation Concept Note – REVISED DRAFT — PLEASE REVIEW AND LET ME KNOW WHAT YOU THINK
block quote end
block quote
Asc
Adeer here is the final draft of the concept..
Keep in touch.
Faisal Ali Waraabe
Chairman of Justice and Welfare
( UCID ) Party
Republic of Somaliland.
Begin forwarded message:
Begin forwarded message:
block quote
From: Mark David <idenm@aol.com>
Date: February 9, 2015 at 10:54:01 PM GMT+2
To:
fawarabe@yahoo.com
Subject: Co-Federation Concept Note – REVISED DRAFT — PLEASE REVIEW AND LET ME KNOW WHAT YOU THINK
block quote end
block quote
Dear Faisal, welcome back to Europe after long absence. Hope you’re having a quality time with your family in Helsinki.
To come back to the point, I must share with you that, as a result of further checks we have made with both the current Federal Government, as well as the former President of Somalia, Mr Sharif Sheikh Ahmed and his close associates, one thing is confirmed across the board – your passion towards a probable new union arrangement between Hargeisa and Mogadishu, through a carefully designed and loose confederation is considered a remarkable development. I genuinely think this is a right time for such move, and the Silanyo administration is in the same page with us in that regard although they are appallingly reluctant – you know this more than anyone else. Calling it ‘a two state solution’ is a good way to market it to the people of Somaliland, and I was delighted to get your feedback. However, one particular issue which have been played repeatedly by Sharif Sheikh Ahmed and his senior figures, which have casted a thick shadow over the reliability of the Silanyo administration in the eyes of the Southern politicians (past and the present) is the way Silanyo team have handled their pre-election clandestine deal with Sharif Sheikh Ahmed and his government. The 3 million dollar donation to Kulmiye just before the 2010 election in Somaliland, and the political commitment between the two sides as a result, have been simply dumped by the Silanyo team and there is no trace of it. We have talked about this numerous times and in my view, that’s why Southerners are somewhat unenthusiastic. Despite all the effort we made together, and particularly the personal endeavor and energy you put in due to your contacts with both sides, unfortunately, it seems that there is a bad taste which is still lingering.
Having said the above, and despite all the challenges, I believe there is still a good chance to push things through. We must and we should succeed in this. To both of us, there is a huge financial gain, but to you, your political gains/capital as a result is an additional bonus which cannot be neglected.
However, Dear Faisal, the following is a summery outline of the forthcoming confederate arrangement between Somaliland and Somalia. The Silanyo administration can push this through during their limited time left, and it will be better if they manage to get the possible extension of their term. You have been very confident about this and I think that will help this issue a lot. Who will come after Silanyo is unknown – I know you’re very much convinced that you will be his successor, but the Somali politics is exceptionally unpredictable. We therefore have to keep our cards close to our chest. Anyway, here is the proposed concept and it is laid out as I briefed you over the phone yesterday. Let me know what you think.
Background:
With the collapse of the Somali central government in 1991, the local administration within the boundaries of the former British Somaliland Protectorate declared its independence from the rest of Somalia on 18 May 1991. Indeed Somaliland has ably managed its economy and its democracy stands as a model for other states in the region. Moreover, while violence continues to mar the West’s perception of many countries in the Horn of Africa, Somaliland has been praised for developing a culture of negotiation and conflict resolution. Nevertheless, the much anticipated recognition have not been realized, and given the international and geo-political situation of the region, the direct recognition without any settlement with Somalia first, is next to impossible and other options has to be considered now. The initial union pushed by Somaliland back in 1960, which was aiming to bring all Somalis in East Africa under one flag did not work, and Somaliland’s current endeavour to pull itself out and go its way did not work either. Because of that, we are proposing a new menue of ideas in which Somaliland/Somalia can pick the one that suits their current need.
First: Somaliland and Somalia could enter into a kind of confederation or Integration Charter Agreement, similar to that of Sudan and Egypt in 1982. One legal complication must be pointed out here – those two countries were totally independent states which have entered those relations as sovereign entities. Somaliland does not have a recognised sovereignty and that might be a challenge here. Despite that, with the necessary pressure from the international/regional countries, everything is possible in the world of diplomacy.
Second: Somaliland and Somalia can establish a co-federation model which is a loose system comprising two parts and promoting sharing in the following areas: immigration,
taxation, airspace, maritime, security and defensive cooperation, and telecommunication. Hence this co-federation system could be adopted for 10 to 20 years period, after which the people of Somaliland would be given a referendum arranged and endorsed by the international community.
Third: The current dialogue could result, although it is very unlikely, a referendum where the people of Somaliland are presented their choices and rights of self-determination. This third option is probably the most favoured one for most of the people in Somaliland, but Somalia and the international community do not support that. As the case of Somaliland and Somalia is arguably more complex than other cases resolved in recent years by the international community (South Sudan, 2011, East Timor, 1999 and Eritrea, 1993), sustained international attention is vital for any progress.
A path forward would encapsulate the concepts in this essay, which is likely to eventually bring about the desired two state solutions but nothing is guaranteed. This is the best way that long lasting
peace and stability can be achieved across the region. .
Let’s get in touch and possibly meet before your return. The other project for the promotion of Somaliland is almost complete and will share it with you shortly. We have to soon arrange the signing process of the contract in this regard. You know how to go through the corridors of power in Hargeisa. I guess you will be able to push this through in no time, despite the frustration you have raised over the potential difficulties you will face when dealing with the First lady and her influential family members. You are right to be disappointed at some points, but I know such things won’t stop you.
Looking forward to meet you.
Yours Sincerely
Mr Mark David
Berlin , Germany
Burco,(Qaran-news)-Iyadoo ay maalmihii u danbeeyay ay Burco ku sug-naayeen Wafti uu horkacaayay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ah-na Musharaxa Xisbigaasi Col: Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayeen Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ,Maareeyihii hore ee Berbera Cali Xoor Xoor iyo Wasiir Ku Xigeen Arimaha Gudaha Jaamac Cabdilaahi Biin ,kuwaasi oo Burco u joogay arimo ay ka midyihiin Olole siyaasadeed ayaa waxa safarkooda laga dareemay Loolanka ka taagan Gudoomiyinimada Xisbigaasi ,taasi oo Xiisadeedu soo labokaclaysay.
Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ah shakhsiyaadka u ordaaya Kursiga Jagada Gudoomiyanimo ee Xisbiga Kulmiye , ayaa Safarkooda Gobolka Togdheer laga dareemay ,sida ilo ku dhow dhowi Qarannews u xaqiijiyeen ka dib markii Odayaal beeshiisa ah si qarsoodi ah uu u horgeeyay Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi, kuwaasi oo Musharaxa Xisbigaasi ah-na Gudoomiyaha usoo jeediyay in lagu wareejiyo Maxamuud Xaashi Gudoonka Xisbiga, Hasa-yeeshee soo jeedintan ayaa waxa la sheegay waxa ka Gaws-adaygay Gudoomiye Muuse Biixi oo balamo danbe u qabtay ,taasi oo Guux badani ka dhashay.
Geesta kale waxa taasi ka sii daran Waftigan Kulmiye ee Muuse Biixi horakaacay oo Sedex-dii cisho ee u danbeyay-ba Burco ku sugnaa ayaa halkaasi u joogay Mid ka mid ah Ardaayadda Beelaha (Cimraan ,Maxamed Shi-xisaxaaq ,Gaar’ahaan Raaska Reer Xarbi) oo Xisbigaasi ku biiraysay ,taasi oo Sedexdaasi cisha-ba loo baryaayay Xisbiga Kulmiye in ay ku biiraan ,halka cid kale-na ay ka waayeen.
Waxaaney arintani dhaawac wayn ku keentay Waftigaasi culus ee Burco tegay iyo wixii ay la kulmeen.
Waxaaney arintani cadayn u tahay ,ama Markhaati sida ay meesha uga baxday Taageeradii Xisbiga Kulmiye Gobolka Togdheer, iyadoo uu hore gobolkaasi u ahaan jiray xuduntii ugu weyneyd ee taageero ee Xisbi Xaakimka Somaliland ee Kulmiye.
Daawo:Siyaasi Farta ku fiiqay Ganacsade Somali-Jabutiyana oo Maandooriye,Rasaas & Shidaal u tahriibiya Xuutiyiinta Yemen & Rag u tafaxaydan Dagaalada Sokeeye
Daawo:Xildhibaan Duray Kulmiye & Shir Degmada Sheekh uga socda+Ucid Garabkii Jamaal oo Taageerayaashooda u soo bandhigay waxay waddani ku heshiyeen
Kulan aan rasmi ahayn, qodob lagaga doodiyo, nuxur laga hadlaa jirin, cid markhaati noqotiyo, joogin looga qaateen, kuway xafiiltamaan iyo Xirsi Cali lug ku lahayn, nin kitaabka laabtiyo, imaam Samaale ka ahayn, salaadiinta barigiyo, beeshayadu ka tahay beri, warbaahinta gudihiyo, lagu darin saxafiyiin, ayaanu musharrax Muuse, ku wadaagnay magaalada. Waxan ka codsaday inuu iga caawiyo su´aalo badan oo uu jawaabohooda isagu xeel dheere u yahay.
Waxan weydiimihii ku bilaabay su´aalo kaftan iyo haasaawe ah, si aan madasha uga dhigo mid jawigeedu fur-furan yahay. Jawaabo lagu qanco oo dhiirranaan iyo kalsooni badani ka muuqato ayuu iigu jawaabay. Wax yar kadib markii kulankayagii dhammaaday ayaa waxan dib u eegay su´aalihii iyo jawaabihii, waxana ii soo baxay arrin aad u yaab badan. Akhrinta su´aalaha iyo jawaabaha oo aan markii hore sadarka ugu sarreeya ka bilaabay, ayaan markii dambe kasoo bilaabay sadarka ugu hooseeya qoraalka, anigoo kor u soo raacay. Arrintaasi waxay i siisay sawir iyo jawaabo ka duwan kuwii hore, kaasoo keenay dareen shaki badan abuuray.
Muuse. Goobtii bar kulankiyo, masraxii waynu joognaa
Weydiin. Muusow dhiskoogiyo, dhaantada ma tumataa ?
Muuse. Markaan soo dhex joogsado, qosolbay la daataan
Weydiin. Meel madaxi joogtiyo, ma shirteen Amiirrada ?
Muuse. Abidkaa qof yara dagan, boogtiisa lama duro
Weydiin. Muusow Magool iyo, ma qaadaa Maxamed Mooge ?
Muuse. Wax ku qaadan maysaan, wacdaraha aduunkee, weydiiya culimada
Weydiin. Muusow digtoornimo, ma dablaa ka door roon ?
Muuse. Qorshahaan diyaarshiyo, dantaydaa ku xidhan taas
Weydiin. Burcoo kala fogaataa, malaha adiga kuu roon ?
Muuse. May, midhkaa ka hadalkiisiyo, tuhunkaaba qalad ah
Weydiin. Xilku waa mid culuse, amaanada ma sidi kari ?
Muuse. Haa, illaa yom qiyaamaha anigaa dusha ku sidan
Weydiin. Qaraxyadii shaanidu, ma shirqoolladii Muusaa ?
Muuse. Khibrad aad u weyn iyo, aqoonteeda maba lihi
Weydiin. Deelleydii suuqa, maxaad kaga jawaabtay ?
Muuse. Anigoo wax dili kara, duco qaadan maayo
Weydiin. Dirirtii sokeeyaha, ma gabaybaad ka tirisay ?
Muuse. Walow aan idhaa qari, wejigay ku qoran tahay
Weydiin. Afka maxaad u taagtaa, ma xadaarad baan jirin ?
Muuse. Alle iima dhalin taa, anna kuma ducaysan
Weydiin. Daacadnimo la sheegiyo, dad la dhaqan ma leedahay ?
Muuse. Ma muran baa ka jira kaas, waa marag ma doone
Weydiin. Muusow Subeer Awal, doorkan yaa u sharraxan ?
Muuse. Hadaan daffiraad jirin, anigaa ku keli ah
Weydiin. Muusow saldanadii, yaa sumeeyey oo diley ?
Muuse. Goblan talo aduuneey, qadar Alle kasoo qaad
Weydiin. Aduun waayihiisiyo, siduu xaalku yahay maanta ?
Muuse. Waa nin iyo waagii, halkay tabari gaadhsiisay
Weydiin. Muusow Maxamed Biixi, ma dublamaasi weyn baa ?
Muuse. Inta aniga ii daran, cirku miyuu ku soo dumo
Weydiin. Muusow dadkeenii, abaar miyaa ku degem tidhi ?
Muuse. Allaa deeqda bixiyee, sadaqada u soo gura
Weydiin. Muusow Jamaal yare, ma jeebkaa ku caasiyey ?
Muuse. Rabbi janno ha geeyee, Faysalbaa boqnaha jaray
Weydiin. Aqoon yahanadii UFFO, xasuus maxaad ka haysaa ?
Muuse. Waagii kacdoonkiyo, taariikh mudan kasoo qaad
Weydiin. Bal sideetamaadkii wax yar iiga taabo ?
Muuse. Aduunyada nin noolow, maxaa aragti kuu laaban
Weydiin. Is bahaysigii qaxay, yaa goolalka u qalay ?
Muuse. Halkuu Xirsi raaciyo, Wadanibay ka heesaan
Weydiin. Muusow Kulmiye bari, yaa dhexdiina soo galay ?
Muuse. Ammaaneey waxba ha tarin, abaaloow adna lagu waa
Weydiin. Muusow sheekh Samaale, ma jannaa il laga tusay ?
Muuse. Jinkii Cali Guray galay iyo, kii Subeeriyaa maray
Weydiin. Ganacsadaha aw Siciid, ma siyaasi culusbaa ?
Muuse. Allahayow nin ii diran, duco maxaan ka daba diray .
Si aad u hesho jawaabo ku cajab geliya oo ka duwan kuwii hore, akhriska ka bilow jawaabta u hooseysa, adigoo kor u sii raacaya illaa aad ka gaadho halkii weydiimuhu kasoo bilaabmeen.
Abdirahman Hassan Yey
Daruuraha1@hotmail.com
Finland
Gudoomiye ku Xigeenka Xisbiga mucaaradka ah ee wadani ee Gobolka Togdheer C/risaaq Axmed Cali (C/risaaq Sanwayne) ayaa warsaxaafadeed uu Maanta kazoo saaray Magaalada Burco waxa uu kaga hadlay Xaflad Gacan ku rimis ahayd oo ay maanta Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi cabdi iyo wasiirada ugu tunka wayn Xukuumada Kulmiye ay Magaalada Burco ugu qabteen qaar ka mid ah Beesha uu kazoo jeedo Gudoomiye ku Xigeenka wadani ee Gobolka Togdheer,taasi oo ay ku sheegeen Madaxdii halkaasi ka hadashay in aanay jirin cid Beeshaas ah oo ku hadhay Xisbiga wadani,Gudoomiye ku xigeenka wadani ee Gobolka Togdheer oo taasi beeninaya arimahaasna ka jawaabayaana waxa uu warsaxaafadeedkiisu u dhignaa sidan,,
Anigoo ah Gudoomiye ku Xigeenka Xisbiga mucaaradka ah ee wadani ee Gobolka Togdheer C/risaaq Axmed Cali(C/risaaqSanwayne) waxaan halkan ogaysiis uga dirayaa shacabka Somaliland,in iyadoo aynu wada ognahay abaaraha iyo dhibaatada ka jirta xiligan wadankeenu, hadana maanta in xisbiga kulmiye iyo musharaxiintiisu ku mashquulsanyihiin xaflado iyo mashxarado kuna bixinaayaan lacago iyo hanti aan ku haboonayayn,ee ay ahayd in dadka abaaruhu saameeyeen wax loogu qabto,waxa kale oo jirta inay isku dayeen inay dadka iibsadaan oo xataa aniga ay iisoo bandhigeen inaan ka mid noqdo xisbiga kulmiye,lacag gaadhi iyo xilal kala iisoo bandhigeen, dareenkayguna ii diiday inaan ka shaqeeyo ama la mid noqdo raga ka qayb qaadanaya fururka beesha aan ka midka ahay ama aan qaato lacag dadka wax loogu qaban lahaa.waxa nasiib daro ah dadka doonaya inay wadanka hogaanmiyaan maanta ay kala saari kari waayaan saxa iyo khaladka,waxaan aaminsanahay in sumcadooda u fiicaaan lahayd inay joojiyaan hantida ay ku luminayaan kaambaynka iyo ololaha oo ay dadkooda tabaalaysan garabsiiyaan,waxaa iswaydiin leh hadii dadkuba dhamaadaan yay u talin doonan,waxa kale oo aan talo halkan ka siinlahaaa musharaxa muuse biixi inuu garto shaqadiisa oo sida musharaxa ciro isu cadeeyay ee sida sharafta leh u wareejiyay Gudoomiyihii xisbiga wadani uu isna uu ka tusaale qaato buuxiyana shuruudiii uu la galay qaybo bulshada ka mid ah,Waxaa la yaab leh isagoo raba in la doorto oo sidan kursi jecel maal hadii uu ina qabso sidaynu isaga furfuro way adagtahay,
Waxa kale oo aan bulsada ogaysiinyaa Xafladii Magaalada burco maanta ka dhacday ku xusnayd magaca beesha Reer xarbi ee aan kazoo jeedo i inaanay ahayn mid beesha iyo masuuliyiinta ugu saraysa ay adeecsanyihiin ee ay ahayd mid hantida dalka iyo dadka lagu burburinayay,reerka burburkiisana ay rag kusoo qaadeen weerar, waxaanu u sheegaynaa salaadiinta iyo madax dhaqameedka somaliland ee sharafta badan ee qarankani ku dhaadanayo,inay jirraan kuwaa magacyadooda ku adeegana kaana shaqaynayaa burburka reeraha, Hadaba waxaan kusoo gunanadayaa aniga beeshayduba wax garadkoodu ay wali tahay Xisbiga wadani.
Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga wadani ee Gobolka Togdheer C/risaaq Axmed cali(C/risaaq Sanwayne)
Siyaasada Somaliland waxaad kula yaabaysaa kolba mid maqiiqan oo meel daran ka yimi ayaa daff soo yidhaa. Maxamed Cali Bile oon siyaasada ABC ka aqoon ayaa dhawaan haw soo yidhi oo Kulmiye ku biiray oo moodaya in siyaasi lagu noqdo dhaleecaynta mucaaradka. Maanta ayuu uugu daraa oo uu siyaasad uuga waramayaa weftigii Nairobi tegay ee xisbiga Waddani ka tirsanaa. Maxamed Cali Bile miyaanu arkayn ragga meesha marayaa inay yihiin kuwii uugu aqoonta roonaa haday siyaasad tahay iyo haday cilmi kale tahay iyo haday UN laga soo shaqeeyey tahay iyo haday wasaarada madaxtooyada Somaliland tahay. Waa Buubaa, Maxamed Biixi Yonis, Ciro, Xirsi iyo qaar kaloo badan. Maxamed wuxuu isku deyey in uu sharaxo sida safaaradaha iyo caalamka loola kulmo. Miskiin, meeshu maaha ha’dii UNICEF eed ka shaqayn jirtay oo wasiirka tacliinta la kulmaysa ee waa xisbi qaran oo indhahaaga oo shana la kulmay toban safaardood. Maxamed wuxuu yidhi maxay weftigu Saudiga u tegi waayeen haday ka hadlayaan xoolaha la xayiray. Maxamed muu garan in safaarad waliba ka wakiil tahay dalkeeda oon loo baahnayn in dal walba weftigu tagaan. Ha noqon Maxamed Cali Bilow dhalaan socod barad ah oo been la daba ciira culimada siyaasada. Adigoon dabaal baran loomamaba badheedho. Fudaydka iska daa, siyaasada waa lagu khafiifaa sida Jamaal Cali Xussien. Xisbiga aad ku biirtay u shaqee hana isku deyin dad kaa aqoon roon oo kaa da’ wayn inaad sida maraboobta durba dacalada iskaga marto adigoo weli curdin ku ah siyaasada. Hadii kale indhahaa dab kaa leefi.
Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com
“Waxa Aan Lee Yahay Muuse Taariikhdaadu Way Cadahay, Taydu na Way Cadahay oo Dalkan Badbaadadiisa Ayaanu Doonaynaa”.Cabdiraxmaan Cirro
“Haddii Cid Maxkamad La Soo Taagayo Waxa Cad Kuwii Dadka Laayey iyo Raadkii uu Muuse jid gooyada ugu Galay Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland.”.Cirro
“Waxa Ay Ila Tahay Haddii Sawiro La Isku Maxkamadeynaayo Imika ba Website yada iyo Facebook yada Waxa Yaala Muuse oo La Siwiran Xasan Sheekh.”.Cabdiraxmaan Cirro
“Muusoow Sheekooyinkii Berigii Hore Socon Maayaan oo Shacabku Way Ka Ilbaxeen Shugux Shuguxda Loo Tumaayo ee Dadka Ha Marin Habaabinina.”.
Hargeysa():-Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa si kulul u weeraray guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo muddooyinkii dambe dhalliilo u soo jeedinaayey isaga oo soo faqay taariikho madow oo uu lee yahay guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, waxaana uu dib u xasuusiyey kaalintii uu ku lahaa hurintii colaadahii dagaalkii sokeeye, dhiigii daatay iyo weli ba sida oo kale hagar-daamooyin tira badan oo uu sheegay in uu dalka ka geystay Muuse Biixi.
Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo si gaara ugu waramaayey Wariye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan Telefeeshanka Horn Cable, ayaa sida oo kale waxa uu tilmaamay in uu aad uga xun yahay in ay weli hadlayaan dadkii dhibbaataddii iyo hagar-daamooyinka u horseeday qaranka Somaliland oo uu sheegay in weli ay sii qoyan tahay raadadkeedii sida oo kale na ay sii muuqdaan xabaalahii lagu aasay dadkii uu laayey Muuse Biixi Cabdi.
“Waxa ay ila tahay in ay ayaan darro tahay in dad ay qoyan tahay hagar daamaddii iyo dhibbaataddii ay dalka u geysteen oo ay muuqdaan xabaalahii shacbigii la gumaaday oo Khayriyadda Hargeysa ka lahaa aniga oo wax dili kara duco qaadan maayo in ay maanta cid ku eedeeyaan Maxkamad ha la soo taago, haddii cid Maxkamad la soo taago waxa cad kuwii dadka laayey raadkii uu Muuse jid gooyada u galay Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, qof wali ba wuu og yahay. Markaa walaaleyaal Muuse dadka waxa uu lee yahay aakhiro ayaan u dirayaa, waxa halkan jooga hawl-wadeenaddii Xisbiga ee dhaawaca loo geystay ee la doonaayey in la bajiyo, markaa waxa aan is lee yahay nin baa nin la kulmay oo Xamar geynaaya dadka waxa ka dhow malaha ka leh aakhiro ayaan u dirayaa ee ha la laayo oo isagu wuxu lee yahay dadka ha la laayo.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu shacabka Somaliland ka tuhun saaray in safarkii ay ugu baxeen magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ay la soo kulmeen Raysal Wasaaraha dalkaasi Somaliya, waxaana uu carabka ku adkeeyey in isaga iyo intii kale ee la socotay ba aanay ahayn rag loogga shakiyi karo in ay waxyeelo soo gaadhsiiyaan qaranimada Somaliland, waxaana uu yidhi:
“Safarkayagii waxa uu ahaa safar gurmad Somaliland ah oo aan waxba ku badhxanayn, ragga meesha maraayey maaha rag Somaliland loogga shakiyaayo, anigaa maraayey, Maxamed Biixi Yoonis baa maraayey, Xirsi Cali Xaaji Xasan baa maraayey, Cabdirisaaq Khaliif baa maraayey, Maxamed Cismaan Fadal baa maraayey, Madaxweyne ku xigeenka Xisbigaa maraayey, waxa ay ila tahay qofna Somaliland loogga shakiyi maayo, taariikhdeeda na malaha.”.
Murashaxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI, waxa sida oo kale uu ka hadlay hadalo ka soo yeedhay guddoomiyaha KULMIYE oo sheegayey in uu Maxkamadeynaayo Cabdiraxmaan Cirro, isaga oo saafay in haddii sawiro la isku dhadhajiyey la isku Maxkamadeynaayo isaga na lagu Maxkamadeyn doono sawiro la isku dhadhajiyey oo ahaa Muuse Biixi iyo Madaxweynaha Somaliya, waxaana uu u soo jeediyey in aan dadka la marin habaabin ee loo soo diyaar garoobo tartan xor ah oo Xisbiyada Somaliland ku dhex mara goob fagaare ah oo cad.
“Waxa ay ila tahay haddii sawiro la isku maxkamadeynaayo imika ba website yada iyo facebook yada waxa yaala Muuse oo la siwan Xasan Sheekh , sawir meel lagu dhajiyey waxa ay ila tahay isna waa la Maxkamadeyn doonaa haddii sawir la isku Maxkamadeynaayo , waxa aan qabaa umadda yaan la dhalan habaabinin, waa la tartamayaa, sheekooyinkii berigii hore socon maayaan oo garoon xaadhan baanu rabnaa in aynu ku tartano.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Cirro
Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa ugu dambeyntii uu si toos ah u la hadlay guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo uu dhagaha ugu riday in shacabka Somaliland ay ka ilbaxeen shukux shukuxda loo tumaayo isla mar ahaantaana Xisbiga WADDANI uu u dhisan yahay siddii dalka loogga badbaadin lahaa siyaasiga kala qoqobaaya umadda reer Somaliland.
“Waxa aan lee yahay Muuse taariikhdaadu way cadahay, taydu na way cadahay oo dalkan badbaadadiisa ayaanu doonaynaa oo Xisbigu Xisbi bedbaado weeye, waxa aanu diyaar u nahay in aynu tartano, shacbigu na way ka ilbaxeen shugux shuguxdaa la tumaayo, shacabka reer Somaliland na waxa aan lee yahay way idiin kala cadahay ka dalka badbaadinaaya, ka dalka mideynaaya, ka shacbiga isku tolaya iyo ka shacbiga qeybinaaya ba.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro)
Daawo:Garaadka Buhoodle ,Garaad Soofe oo carqalad hordhigay Heshiiskii Somaliland & Khaatumo,kuna sheegayey heshiis ay Habar-jeclo la galeen.
Ninkaan Tallin Karin,
Markey Tabban tahey.
Ama Tebbi Karin,
Nin Tusmayn Kara.
Ama Tirrin Karin,
Hal-muceed Togan.
Ama Tusi Karin,
Tilmaan Baahane.
Ama Tudhi Karin,
Ruux Tasaysan.
Ama Tujin Karin,
Safkan Toosan.
Ama Tuuri Karin
Xaajo Tuur leh.
Caqli Taws-laha,
Kalli Taliyaha,
Xoog ku-Taame ah.
Beel Tirtirsigaa
Tuugga qaawan ah.
Weedh La Taw-laha,
KHanaas Tabiye ah.
Ma Tudhaalaha,
Wax ma Tarre ahi.
Ma Tisqaadaha,
Marra Tuurka ah.
Toobad seegahaa,
Xaarran Toocsadey.
Taajir been lahaa,
Ribbo Taransadey.
Been Tiraabahaas,
Hoggaan Tirre ahi,
La-Taxaabahaas,
Usii Tumayoow.
Soo Tumaatidaan
Kula Tiigsaday
Tawaab ma aqbalin.
Qalbi Tiriig-lihii
Run Tusmeeyihii,
DHex ka Tiicahii
Xaq ku Tawasuley
Tirro Soomihii
Tayo Raadiyay,
Dad ma Tuugahii
Allah-bari Tagey
Timaadadan Yimid,
Xisbi Tuhun-Beel
Miyiroow Tuki
Loogu Sacab Tun
Hadii Tulud Waa
Lala Tegi Jirey,
Sawtan Tubanee
Todob-kuu Heley
Tabantaabiyo
Tamartaan Rabey
Taakulayn helay,
Caarif-yahoow Tirso
Cirfaaney Tarmi
Taqwadeeni DHaqan.
Waxa ayaan darro ah in xukumaddii iyo xisbigoodii ay daba ka riixayeenba manta ay ku taabaan “ waa in doorashadu xilligeedii dhacdaa” taasi waxay kuu cadeyneysaa iney ka soo horjeedaan rabitaanka iyo danta dalka iyo dadka. Shalay bay ahayd iyadoo aanay dalka wax dhibaato ahi aanay ka jiorin ay lahaayeen doorashada dib ha loo dhigo oo ay dhacdayiney dib u dhigaan maantana markay arkeen xaaladda adage ee dalka ka jirta iney ummadda ku tiiqtiiqsadaan oo ay yidhaahdaan doorashadu waxay ku dhacaysaa xiligeedii, bal horta aynu isweydiino xaaladda dalku ku jiro haddii aanu Ilaahay faraj inoo furin oo roob inoo shubin sideynu ku gaadhi karnaa doorasho yaase codeynanaya. Taasi waxay ku tuseysaa in xukuumadda iyo xisbigeedu aanay danta dalka iyo dadka ee ay u muuqato oo kaliya kursiga iyo boobka hantida ummadda. Waxaan ummadda iyo shacabka reer Somaliland ugu baaqayaa iney eegaan danta Somaliland oo ay dhinac uuga soo wada jeestaan Xukuumaddan hantidooda boobaysa oo manta oo abaarahaa xumi dalka ka jiraan bilowday iney ku tamashleyso baabuur cusub iyo daarodhaadheer intii hantida umadda ee hadhayna rabta iney sii xaraashto. Aynu u diyaar garoono ineynu xumaha diidno oo samaha ku dhaqanno, been danbe oo aynu arkeyno yaan leynoo sheegin. Xaaladda abaarta xun ee ina haysata aynu dhinac uga soo wada jeesano oo dadkeena wixii aynu tari karno u qabano.
Ahmed Mohamed (Jowhary)
ahmedj810@hotmail.com
MADASHA WADA TASHIGA IYO TOOSINTA