Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Daawo:Gudoomiye Cirro oo Luuqad adag kula hadlay Muuse Biixi,soona fadhay Hagaradaamooyinku geystay

$
0
0

Daawo:Gudoomiye Cirro oo Luuqad adag kula hadlay Muuse Biixi,soona fadhay Hagaradaamooyinku geystay


Daawo:Cali Khaliif oo shuruud ku xidhay Heshiis uu la galo Somaliland, Distoorka Somaliland-na duray+tafsiir uu ka bixiyey hadafka & Ujeedada uu ka leeyahay Wadahadalada Khaatumo & S/land.

$
0
0

Daawo:Cali Khaliif oo shuruud ku xidhay Heshiis uu la galo Somaliland, Distoorka Somaliland-na duray+tafsiir uu ka bixiyey hadafka & Ujeedada uu ka leeyahay Wadahadalada Khaatumo & S/land.

Daawo:Xog-hayaha Warfaafinta Waddani oo si iskumid ula hadlay Gudoomiye Cirro & Muuse Biixi

$
0
0

Daawo:Xog-hayaha Warfaafinta Waddani oo si iskumid ula hadlay Gudoomiye Cirro & Muuse Biixi

Xil ku qooq xilli ku qooq iyo xilli walba qooq

$
0
0

XIL KU QOOQ, XILLl KU QOOQ,IYO XILLI WALBA QOOQ.

Jeer oon seddex qol, oo qayb meel tahay, aan kala qaloon, qaarba meel dhigo, Qoslo waa maya,Qasdi waa meel.

Adduunyada iyo arimaheeda is daba susumaya,waa qaar ujeedoyin badan oo iska hor iyo daba imanaaya leh.
Waa amuuro iyo dhacdooyin xanuun iyo xanfa badan wata oo samayn ku yeeelata nolosheen oo dhan marka dhinac walaba laga eego.
Habeenka iyo Maalinta waxa dhex socda oo si waadax uga muuqda mahadhooyin xusuus iyo xikmada wariya, taariikhna door waynlehna ku yeelata maskaxaha binu’aadmika.
Ruux waliba garashadii iyo garaadkii, waxa uu ka korodhsado Casharada iyo Duruusta waayuhu tabinaayan.

Akhristoow aan u soo dhadhaaco Macnaha,Ujeedada iyo Xikmada uu ciwaanku xamaabrsan yahay.
Faalo,Qaadaadhig,iyo Abla’ablayn aan ku dersay aragti guud,oo ku saabsan dabeecadaha Dadka siiba qaar maanta Masrax tallada ka muuqda, ayaan u ku macneeyay sidan soo socta.
Dadkaa aan ka hadlaayo waxaan ku kala saaray,kuna kala qaybiyay sifooyin ,dabeecado iyo dhaqamo u gaar ah oo ka baadi sooca dadka kale.
Waxaan darrkan aan ka hadlaayo u kala qaaday seddex nooc,oo sidan soo socota:
Kooxda ugu horaysa ee aan diiradda saaray waa kooxda aan ugu magac daray amu bixiyay XIL KU QOOQ.

1. XIL KU QQOQ.
Kooxda aan ku tilmaamay ama aan ugu ugu yeedhay
XIL KU QOOQ, waa koox had iyo jeer aad uga muuqata laguna arko iyagoo si bilaa ujeedo ah, kolba dhinac u qaadaya jidka hor mara Aqalka looga arimiyo Somaliland.

Kooxdani waxay si mug iyo muuq leh u muuqdaanoo aad ku arki kartaa, iyagoo baabuur xawaare sare ku socda ku dhex wata wadooyinka faro ku tirsiga ah ee magaalo madaxa wadanka dhex mara.

Waa koox hal ku-dhigood yahay i ARKAAY, WALLEE
MARXAB MARXAB IDILAATAY,WAXAY SUGAANBA WAA WADAC,WADAC.

Sida magacoodu tilmaamayo kooxdani waa dar la dhacsan kuna mashquulshan xilka sida beelaysan,qaraabaysan, xiddidaysan loogu dhiibay.

Ogow kooxdani waxay la anfariirsan yihiin oo ay qaadi kari la’yihiin masuulyida sida foossha xun loo gu la dul kufay.

Allaiyla waxay dul taagan yihiin hadal berry ho nin yidi,oo ahaa.
LO’ AAY DABAR GO’AA
DABA DHEER ABAARTII
DARIIQYADA TUBNAANTII
DAWYADA WADHANTII
DUMAR SABAN BARWAAQA
SUBAG KAA DUURRA MOOYEE
KAA DURUG NIN FIICANNI
Akhristoow kooxdan waxa Magacooda iyo Muuqoodaba la waayaa,marka muddo xileedka beelaysanni dhamaado.
MARBAA XUUBKA BILLIG IYO
SHARAF LAGAA XUYUUBSHAA
XURMO BEEL AHAATAA.

Kooxda labaad ee ay kooxdii koowaad haybta iyo haraga guudba wadaagaan, haddana ay amuuro qaar ku kalatagsan yihiin, iyagana waxaan u doortay in aan ugu yeedho tilmaanta ah XILLI KU QOOQ.

2. XILLI QOOQ
Sida Magacoodu iftiiminaayo waa koox la arko wakhiti wakhtiyada ka mid ah, haddii aan misaal yar ka baxiyo,waxaa jira xayawaan yar, oo soo baxo lana arko marka roobku da’ayo oo qudha,marka uu roobku qaadan aan il iyo baal danbe aan la saarin

Bashaa waxaa loo yaqaan ROOB LA DHAC.
Kooxdan labaad waa dar bar iyo bidhaantooduba ku eeg tahay,inta boobku iyodhacu socdo ,waxa kale oo Somalidu tidhaahdaa Orgaiga ayaa ka mid ah xoolaha la yaqaano XILLI KU QOOQ.
Kuwani waxay tamariyaan inta Xusbiga Dumiye iyo Xukuumada Xaraan ku naax ee daalaa dhacaysaa joogto.

Kooxdan waa kuwa aan sidaa u sii aragti fogayn,dabaaldagooda, iyo damaashaadkooduna kam durugsan intay ay daruurraha dayrtu dushooda joogaan.

Kooxdan ugu danbaysa ee ann qoraalkaygan ku soo gunaanadaayo waa kuwa iyagana aan ugu yeedhay

3. XILLI WALBA QOOQ.

Kooxdan waa koox magacoodu tilmaan cad ka bixinaayo sifaahaa aan ku sheegay.
Kuwani waa dar hadh iyo habeen,subax iyo dharaar,goor walba oo ay ahaataba ku jira QOOQ JOOGTA AH.

Waa dar haddi aad ka badiso iyo haddii kaleba iyagu sheeganaaya iany guushu raacday,waa koox laasimay been abuurka iyo Xaalad abuurka sokeeyaha dhexdiisa,waa koox caban,una nugul guuldaryoonika ay afkooda iyo gacmahhoda ku mutaystaan.

Waa koox iyagu afkooda,adinkooda, iyo dhaqan maalmoodkooda ku kasbadda godob iyo cadow aan tiro lahayn.

Waa koox ku talo gashay in ay ujeedooyinkooda ku gaadhaan,ku hantaan ,hanjabaado, cagojuglayn, cabudhin, barokicin, goolaftan,af-lagaado iyo hurinta colaad sokeeya.
Koodan XILLI WABA QOOQ waxaan faaladooda kaga baxayaa hadllo aan lahayn qayb yar oo ka mida ah:

SAMMO IYO WANAAGII
NINKA SAYDHAY EE NACEE
SANKA KOR U TAAGEE
SADBURSIGA JECLADAY
MIYAAN ISAGA SUUGU KARIN
SEEFAHA COLAADA IYO
MAAN SOODHKA QAATOON
SIDUU DOONO DIIDO
WAA S’UAAL DADKAYGOW
INA WADA SUGAYSA

Gunta iyo geba-gabadda qoraalkaygan waxaan ku so af- jarayaa, seddexdaa qayboodee aan ka soo sheekeeyay ee kala ah:
1. XIL KU QQOQ.
2. XILLI KU QOOQ
3. XILLI WALBA QOOQ.

Seddaxaad nooc ee kor ku xusan oo laysku daray ayaa wadartoodu la mid tahay,dhashaa ku sifowdaa,ku suntantahay,ku sifaysan tahay si hubaal iyo hufaanba ah
ugu aroortaa Xusbiga Dumiye iyo Xukuumad Xaraan ku naax.

Eng.Abdi Omar Warmoge

Mid ka mid ah emailada khaaska ah ee laga helay Faysal muxuu daaran yahay – halkan kaga bogo isagoo turjuman

$
0
0

faysalwaraabe

Waxaa Shabakada Qarannews hore idiinku soo gudbisay email ay is-waydaarsadeen Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo nin lagu magacaabo Mark David oo ku sugnaa sida emailka ku cad wakhtigaa Magaalada Berlin ee dalka Germany. Emailkan oo xambaarsan xoggo muhim ah ayaa ku taariikhaysan 10/02/2015, wakhtigaas oo sida emailka ku cad Gudoomiye Faysal Cali Waraabena ku sugnaa dalka Finland oo reerkiisu u degan yahay isagoo halkaa wakhti (quality time) kula qaadanayay qoyskiisa.

 

Haddaba bal aan si kooban isu dultaagno nuxurka emailkan oo dheeri xambaarsan yahay inaga oo ka soo qaadanayna qodobada ugu muhiimsan ee ku qoran ama ninkaasi Mark David la yidhaahdaa ku xusay.

Waxaa uu ninkani sheegayaa inuu xidhiidh la sameeyay Dawlada Federalka Soomaaliya iyo sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, islamarkaasna guud ahaan loo xaqiijiyay hal shay oo ah in Gudoomiye Faysal Cali Waraabe aad u xiisaynayo oo kalgacaltooyo u qabo midnimo dhexmarta Hargaysa iyo Xamar, oo ku salaysan nidaamka loo yaqaano ‘’loose Co-federation’’ oo si taxadir leh loo soo diyaariyay, waxaanu ku dhiirigelinayaa in talaabadani tahay mida ugu saxsan ee wakhtigan ku haboon in la qaado laguna higsan karo horumar la taaban karo.

Waxaa kale oo Mr David ku sheegayaa emailka in nidaamka Siilaanyo hogaaminayana arrinkan kala socdo ‘’the Silanyo administration is in the same page with us in that regard’’. Waxa kale oo uu leeyahay waxaynu ugu yeedhaynaa XALKA LABA DAL OO SIMAN ‘’two state solution’’ oo ah sida ugu haboon ee lagaga iibin karo shacabka reer Somaliland. Waxa kale oo uu sheegayaa ninkani in Xukuumada Xamar ka hor doorashadii 2010 Xisbiga Kulmiye ugu deeqday 3 Milyan oo Dollar (3,000,000 USD) oo ay doorashada ku galeen iyadoo shuruudo lagu heshiiyayna ay jireen.

 

Waxa kale oo uu aad ugu dhiirigelinayaa Mr David Gudoomiye Faysal inay arrinkaas meel mariyaan kuna guulaystaan iyadoo, waa sida uu hadalka u dhigaye, labadooba ugu jirto faa’iido buuran oo dhaqaale islamarkaasna Faysal weliba ay u dheer tahay faa’iido siyaasadeed.

 

Mr David waxaa sidoo kale uu sheegayaa inuu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe yahay shakhsiga u faro-dhuudhuuban islamarkaasna aanay wakhti kuba qaadanaynin inuu Hargaysa ka soo dhameeyo arrinkan isaga ah.

Aakhirkana wuxuu Mr David oo u muuqda Consultant arrimahan ku shaqaysta oo hadda aanu ku dabojirna inaanu xidhiidh la samaynaa sheegayaa in Midnimadii 1960kii lagu raadinayay shanta Soomaaliyeed ee Geeska Afrika ay shaqayn wayday, waxa kale oo iyana uu sheegayaa, waa sida uu hadalka u dhigaye, in gooni isutaaga Somaliland qaadatay 1991 uu isna yahay mid shaqayn waayay. Markaa wuxuu bedelkeeda u soo bandhigayaa Gudoomiye Faysal Cali Waraabe saddex dariiq ama fikradood oo kala ah sidatan hoose:-

 

In Somaliland iyo Soomaaliya wada galaan midnimo ‘’Confederation’’ ama ‘’Charter agreement’’ la mid ah tii Sudan iyo Masar wada-galeen 1982. Wuxuu leeyahay carqalada ama dhibta arrinkani leeyahay waxa weeye Somaliland maaha dal madax-bannaan laakiin Sudan iyo Masar waxay labaduba ahaayeen laba dal oo madaxbannaan markay heshiiska wada gelayeen. Yeelkeede waa lagu deyi karaa, waxkastaana waa ka suurtagal Dibloomaasiyada ayuu taagan yahay Mr David.

In Somaliland iyo Soomaaliya wada galaan ‘’loose Co-federation’’ midnimo debecsan oo ay ka dhexaynayso arrimahani: Socdaalka, Cashuuraha, Badaha, Hawada, Amniga iyo Difaaca.

 

Wadahadalada oo sii socda islamarkaas loo ogolaado dadka reer Somaliland ‘’referrendum’’ ay ku goostaan go’aanka ay rabaan hase yeeshee qodobkan ugu dambeeya ayuu u arkaa mid aad u adag inay suurtagasho.

Isku soo wada duuboo arrimahan hoose ayaa laga fahmi karaa emailkan:-

 

Faysal Cali Waraabe inuu yahay dilaal u shaqeeya Xukuumada Siilaanyo isagoo xal u raadinaya sidii shacabka reer Somaliland loo khiyaamayn lahaa, marlabaadna mustaqbalkooda god madow loogu ridi lahaa.

In Xukuumada Siilaanyo wakhtigii ay mucaaridka ahaayeen ee 2010 Xukuumadii Sheekh Shariif ugu deeqday lacag dhan 3 Milyan oo Dollar oo ay doorashadii 2010 ku galeen islamarkaasna ay balamo iswaydaarsadeen, kuwaasoo fulinteeda markiiba Xukuumada Kulmiye ku dhaqaaqday badhkoodna hirgelisay, inta kale weli muddo korodhsiimo ama Madaxnimada Muuse Biixi la sugayso sidii loo hirgelin lahaa.

 

Waxa kale oo cad ujeedooyinka fog ee Xukuumada Kulmiye ka leedahay wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliyo oo ku salaysan soo afjarida qadiyadii ictiraaf raadinta Somaliland oo noqota dal madaxbannaan, talaabada xigtaana tahay midnimo magac kale loo soo cummaamado oo lagu siro shacabka reer Somaliland.

Shirqoolka iyo dhagarta Xukuumada Kulmiye iyo Faysal Cali Waraabe oo gacanyare u ahi u maleegayaan Jamhuuriyada Somaliland.

 

Lana soco emailo kale oo laga hayo Faysal Cali Waraabe

 

 

Qarannews

 

 

Halkani hoose ka akhriso email’kaasi

From: Faisal <fawarabe@yahoo.com>
Date: February 10, 2015 at 6:40:22 PM GMT+2
To: “Yusuf Kayse Ali ,”<farxadi@hotmail.com>

Subject: Fwd: Co-Federation Concept Note – REVISED DRAFT — PLEASE REVIEW AND LET ME KNOW WHAT YOU THINK
block quote end
block quote
Asc
Adeer here is the final draft of the concept..
Keep in touch.

Faisal Ali Waraabe
Chairman of Justice and Welfare
( UCID ) Party
Republic of Somaliland.
Begin forwarded message:
Begin forwarded message:
block quote

From: Mark David <idenm@aol.com>
Date: February 9, 2015 at 10:54:01 PM GMT+2
To:
fawarabe@yahoo.com
Subject: Co-Federation Concept Note – REVISED DRAFT — PLEASE REVIEW AND LET ME KNOW WHAT YOU THINK
block quote end
block quote

Dear Faisal, welcome back to Europe after long absence. Hope you’re having a quality time with your family in Helsinki.

To come back to the point, I must share with you that, as a result of further checks we have made with both the current Federal Government, as well as the former President of Somalia, Mr Sharif Sheikh Ahmed and his close associates, one thing is confirmed across the board – your passion towards a probable new union arrangement between Hargeisa and Mogadishu, through a carefully designed and loose confederation is considered a remarkable development. I genuinely think this is a right time for such move, and the Silanyo administration is in the same page with us in that regard although they are appallingly reluctant – you know this more than anyone else. Calling it ‘a two state solution’ is a good way to market it to the people of Somaliland, and I was delighted to get your feedback. However, one particular issue which have been played repeatedly by Sharif Sheikh Ahmed and his senior figures, which have casted a thick shadow over the reliability of the Silanyo administration in the eyes of the Southern politicians (past and the present) is the way Silanyo team have handled their pre-election clandestine deal with Sharif Sheikh Ahmed and his government. The 3 million dollar donation to Kulmiye just before the 2010 election in Somaliland, and the political commitment between the two sides as a result, have been simply dumped by the Silanyo team and there is no trace of it. We have talked about this numerous times and in my view, that’s why Southerners are somewhat unenthusiastic. Despite all the effort we made together, and particularly the personal endeavor and energy you put in due to your contacts with both sides, unfortunately, it seems that there is a bad taste which is still lingering.

Having said the above, and despite all the challenges, I believe there is still a good chance to push things through. We must and we should succeed in this. To both of us, there is a huge financial gain, but to you, your political gains/capital as a result is an additional bonus which cannot be neglected.

However, Dear Faisal, the following is a summery outline of the forthcoming confederate arrangement between Somaliland and Somalia. The Silanyo administration can push this through during their limited time left, and it will be better if they manage to get the possible extension of their term. You have been very confident about this and I think that will help this issue a lot. Who will come after Silanyo is unknown – I know you’re very much convinced that you will be his successor, but the Somali politics is exceptionally unpredictable. We therefore have to keep our cards close to our chest. Anyway, here is the proposed concept and it is laid out as I briefed you over the phone yesterday. Let me know what you think.

Background:

With the collapse of the Somali central government in 1991, the local administration within the boundaries of the former British Somaliland Protectorate declared its independence from the rest of Somalia on 18 May 1991. Indeed Somaliland has ably managed its economy and its democracy stands as a model for other states in the region. Moreover, while violence continues to mar the West’s perception of many countries in the Horn of Africa, Somaliland has been praised for developing a culture of negotiation and conflict resolution. Nevertheless, the much anticipated recognition have not been realized, and given the international and geo-political situation of the region, the direct recognition without any settlement with Somalia first, is next to impossible and other options has to be considered now. The initial union pushed by Somaliland back in 1960, which was aiming to bring all Somalis in East Africa under one flag did not work, and Somaliland’s current endeavour to pull itself out and go its way did not work either. Because of that, we are proposing a new menue of ideas in which Somaliland/Somalia can pick the one that suits their current need.

First: Somaliland and Somalia could enter into a kind of confederation or Integration Charter Agreement, similar to that of Sudan and Egypt in 1982. One legal complication must be pointed out here – those two countries were totally independent states which have entered those relations as sovereign entities. Somaliland does not have a recognised sovereignty and that might be a challenge here. Despite that, with the necessary pressure from the international/regional countries, everything is possible in the world of diplomacy.

Second: Somaliland and Somalia can establish a co-federation model which is a loose system comprising two parts and promoting sharing in the following areas: immigration,
taxation, airspace, maritime, security and defensive cooperation, and telecommunication.  Hence this co-federation system could be adopted for 10 to 20 years period, after which the people of Somaliland would be given a referendum arranged and endorsed by the international community.

Third: The current dialogue could result, although it is very unlikely, a referendum where the people of Somaliland are presented their choices and rights of self-determination. This third option is probably the most favoured one for most of the people in Somaliland, but Somalia and the international community do not support that. As the case of Somaliland and Somalia is arguably more complex than other cases resolved in recent years by the international community (South Sudan, 2011, East Timor, 1999 and Eritrea, 1993), sustained international attention is vital for any progress.

A path forward would encapsulate the concepts in this essay, which is likely to eventually bring about the desired two state solutions but nothing is guaranteed.  This is the best way that long lasting
peace and stability can be achieved across the region.     .

Let’s get in touch and possibly meet before your return. The other project for the promotion of Somaliland is almost complete and will share it with you shortly. We have to soon arrange the signing process of the contract in this regard. You know how to go through the corridors of power in Hargeisa. I guess you will be able to push this through in no time, despite the frustration you have raised over the potential difficulties you will face when dealing with the First lady and her influential family members. You are right to be disappointed at some points, but I know such things won’t stop you.

Looking forward to meet you.

Yours Sincerely

Mr Mark David

Berlin , Germany

Murashaxa Madaxweynaha Waddani oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamuusay Mudanka Siyaasiyiinta, Cuqaasha iyo Aqoonyahanka Ka Soo Jeeda Beesha Axmed Sheekh Isxaaq/Tol-jecle oo Cududooda Taageero Ku Biiriyey Waddani

$
0
0

wadanitoljecle1

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan hadhimo sharafeed ah magaalada Hargeysa ugu sameeyey mudanka odeyada, cuqaasha, dhallinyarta iyo aqoonyahanka ka soo jeeda beesha Axmed Sheekh Isxaaq ee Tol-jecle.
Hadhimo sharafeedkan oo warbaahintu dibad-joog ka ahayd, ayaa waxa ka soo qeyb-galay guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro, xoghayaha dhallinyarta iyo ciyaaraha WADDANI Md.Yoonis Axmed Yoonis, Jiif Caaqil Maxamed Aw-Cismaan Muxumed, Caaqil Xasan Maxamed Yuusuf, Maxamed Muxumed Axmed (Dhuul-cun), Dr.Axmed Weli Daahir, Siyaasi Cabdiraxmaan Binge, aqoonyahan Yoonis Axmed Yoonis iyo odeyaal, aqoonyahan iyo dhallinyar aad u tira badan oo ka soo jeeda beesha Axmed Sheekh Isxaaq, waxa kale oo kulankaas goob-joog ka ahaa Suldaan Nuur Faarax, Jiif Caaqil Siciid Marti-laaq iyo weli ba sida oo kale odey Xariir Dhaka-buur.
Kulankan hadhimo sharafeedka ah, ayaa ujeedkiisu daarnaa siddii ay labada dhinac ba iskaga xaal waraysan lahaayeen xaaladda guud ee dalka, waxaana hadalo ay halkaas ka jeediyeen xoghayaha dhallinyarta iyo ciyaaraha WADDANI Md.Yoonis Axmed Yoonis, Jiif Caaqil Maxamed Aw-Cismaan Muxumed, Caaqil Xasan Maxamed Yuusuf, Maxamed Muxumed Axmed (Dhuul-cun), Dr.Axmed Weli Daahir, Siyaasi Cabdiraxmaan Binge, aqoonyahan Yoonis Axmed Yoonis iyo odeyaal kale oo ka soo jeeda beesha Axmed Sheekh Isxaaq ay muujiyeen sida ay uga war-warsan yihiin halka ay marayso xaaladda guud ee dalka, waxaana ay carabka ku dhufteen in Xisbiga WADDANI uu yahay Xisbiga kaliya ee ay maanta aaminsan yihiin in dalka ka saari karo dhibbaatadaa adag ee uu ku jiro, iyaga oo sida oo kale xusay in Murashaxa Madaxweynaha Xisbigaasi uu yahay nin dadnimo iyo dhaqan wanaagsan ba leh oo umadda isku wadi kara.
Cuqaasha, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka ka soo jeeda beesha Axmed Sheekh Isxaaq oo sida oo kale hadalkooda sii wata, ayaa waxa ay halkaas kaga dhawaaqeen in ka dib wada-tashi ballaadhan oo ay dhexdooda soo sameeyeen iyo weli ba sida oo kale ka fiirsi badan oo ay ku soo qiimeeyeen xaaladda Xisbiyada dalka ay maanta ku dhawaaqayaan in ay si mug iyo miisaanle u la midoobayaan Xisbiga WADDANI oo ay sheegeen in ay u arkaan Xisbiga kaliya ee beeshaasi ay ka heli karto saamigii dawladnimo ee ay xaqqa u lahaayeen, waxaana ay si aada u dureen Xisbiga KULMIYE oo ay sheegeen in uu yahay Xisbi kala qoqobaaya dadka oon dan iyo mid mustaqbal toona u lahayn qaranka Somaliland.
Suldaan Nuur Faarax, Jiif Caaqil Siciid Marti-laaq iyo weli ba sida oo kale odey Xariir Dhaka-buur oo iyagu na halkaas hadalo kala duwan ka jeediyey, ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in curadkii Sheekh Isxaaq(Axmed Sheekh Isxaaq/Tol-jecle) uu maanta cududiisii taageero ku mideynaayo Xisbiga WADDANI, iyaga oo xusay in beesha Axmed Sheekh Isxaaq ay qiime-weyn ku lee dahay qaranka Somaliland isla mar ahaantaana halkii ay raacdo uun ay maanta guusha tartanka Doorshadu raaci doonto.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa dhawaaq dheer ku muujiyey in uu aad ugu faraxsan yahay in mudankii cuqaasha, odeyada, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo dhallinyarada ee ka soo jeeda beesha Axmed Sheekh Isxaaq ay iskood u soo go’aansadaan in ay taageeradooda iyo cududooda ba ku biiriyaan Xisbiga WADDANI, waxaana uu carabka ku dhuftay in markii hore aanay ka maqneyn Xisbiga balse imaanshahooda guud ee maanta na uu muujinaayo ifafaale horle oo tilmaamaya in Xisbiga WADDANI uu ku guulaysan doono Doorashooyinka soo socda.

Prof. Ahmed Ismail Samatar rebshad buu uula tegay xisbiga Kulmiye by Abdi Mustafe

$
0
0

Professor Ahmed Ismail Samatar 20 sanadood ayuu Somaliland god ku ridayay oo uu meel walba la taagnaa in aan la ictiraafin oo uu Somaliya taageer sanaa. Subxaan… Wuxuu ku biiray parlamanka Xamar dabeed wuxuu isu sharaxay madaxweyne….Ya salaam. Samatar wuu garan kari waayay in aannu u dhalan koonfur oo aannu madaxweyne ka noqoon karin. Markuu dirida ka soo goa’ay ee geed uu hadhsado waayay ayuu Somaliland u soo cararay iyo halkii uu ka soo jeeday dabeed si balaadhan baa loo soo dhaweeyey. Samatar Jacayl uu Somaliland u qabo uugumuu soo noqon ee wuxuu hunguri ka galay in uu madaxweyne ka noqdo hase yeeshee meel uu ka bilaabo muu helin. Professor Ahmed Ismail Samatar oo wixii u shaqaystay oo dhami kaga wada baxeen xisbigiisii hiil qaran iyo taratnkii parlamanka Somalia oo sida uu qirtay mudo ku noolaa deyn credit cards lagaga yeeshay ayaa Kulmiye uugu biiray si uu qarash uuga helo. iyaguna kamay waalin oo waxay uugu balan qaadeen nus million dollar haduu xisbiga Kulmiye ku soo biiro. Markay ku hubsadeen ee ay qarxiyeen ayay lacagtii kala aamuseen. Dabeed wuxuu cadho uugu maqnaa dalka maraykanka. Iminka markii xaalku xisbiga Kulmiye ku kululaaday ayay dib uugu yeedheen oo ku qanciyeen in uu ka aqbalo laba boqol oo kun oo dollar. Samatar oo ah nin keligii socod ah oon saaxiib lahayn oon da’daa uu joogo xaasna lahayn oo hadana is cajebiya ayaa jabnaan wuxuu ka qabo Kulmiye iibsaday. Tacliinay nin kaagii nacas nimo maxaa baday. Ma Jamaal Cali Xussien baa hankiisii madaxweyne dollar lagu iibsaday ma Prof. Samatar baa Kulmiye lacag ku baayacay. Waa kuwaa kuwii lahaa PHD iyo Masters Degree baannu samaynay kolba qadar lacaga loo lulayo. Samatar 70 jir buu ku kala garan waayay Somalia iyo Somaliland ta uu wax ka noqon karo oo uu Somalia taageeri jiray. Ma cimrigaa isaga oo jooga ayuu odhan karaa waan qaldamay. Xaqiiqdu waxay tahay in uu yahay nin aan aamin sanayn Somaliland ee dani uun keentay markuu koonfur ku soo fakhriyey si xorana suuqyada Xamar u mari kari waayay. Kulmiye na rebshad iyo qul-qulad uun buu uula tegayaa, wixiisa oo dhami ma dhaafaan it wasn’t like this in united states.

Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com

Daruurahii Dagaalka iyo Fadkii Ololaha KULMIYE oo Ka Curtay Berbera+ Gaadiidka Dagaalka iyo Kuwa Ololaha oo KULMIYE Kala Soo Degay Dekadda Magaalada Barbera

$
0
0
kulmiyetikniko kulmiyebaabuur

Gaadiid kala duwan oo iskugu jira xaajiyado nooca dagaalka ah iyo weli ba sida oo kale Laan-guurasallo looggu tallo-galay in lagu galo ololaha Doorashada soo socota oo ay dusha kaga dahaadhan yihiin sawirada Murashaxiinta KULMYE Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylaci, ayaa laga soo dejiyey dekadda magaalada Berbera.
Sida ay noo soo xaqiijiyeen shaqaalaha dekadda magaalada Berbera, ayaa waxa ay sheegayaan in 13-gaadhi oo uu lee yahay Xisbiga KULMIYE isla mar ahaantaana iskugu jira kuwa dagaalka iyo kuwo kale oo ay ku gelayaan ololaha Doorashada, in maalmo ka hor laga soo dejiyey dekadda magaalada Berbera, waxaana ay carabka ku dhufteen in gaadiidka nooca dagaalka ah ee KULMIYE la soo degay ay yihiin Xaajiyado u qaabeysan saanad dagaal kuwaasi oo dhammaantood ba leh meelahii kala duwanaa ee laga ga rakibayey qoryaha waaweyn sida oo kale na ay yihiin noocii ugu dambeeyey ee dawladda Jabaan ay u sameyso adeegsiga dagaalka.
Shaqaalaha dekadda magaalada Berbera oo codsaday in aan magacyaddooda la sheegin, ayaa sida oo kale waxa ay tilmaameen in gaadiidka kale ee KULMIYE kala soo degay dekadda Berbera ay yihiin Laanguruusallo, gaar ahaan nooca loo yaqaano VX-yada, ku waasi oo tiradoodu dhan tahay 7-gaadhi oo ay dusha kaga dahaadhan yihiin sawirada Murashaxiinta KULMIYE, waxaana ay iyagu na u gaashaaman yihiin siddii Xisbiga KULMIYE uu ugu geli lahaa olalaha Doorashada Madaxtooyada ee soo socota.
Dhanka kale, warar xog-oggaal ah oo iyaga na aanu ka helayno saraakiil ku sugan magaalada Berbera, ayaa waxa ay noo xaqiijiyeen in dhammaan ba gaadiidkaas tiraddoodu dhan tahay 13-ka gaadhi aanay dekaddu wax cashuur ah ka qaadin gaadhi kaliya, iyaga oo xusay in gaadiidkaas dekadda Berbera laga ga soo qaadaayo Koontiindharro isla mar ahaantaana iyaga oo qarsoodi ah la soo gelinaayo magaalada Hargeysa halka wararka kale na ay tilmaamayaan in gaadiidkaas si caadi loo soo gelin doono Hargeysa.
Ugu dambeyntii, xogaha kale ee na soo gaadhayaa, waxa ay sheegayaan in gaadiidkan uu lacagtooda bixiyey ganacsade Maxamed Aw-Siciid, ganacsato iyo qurba-joog ay isku hayb yihiin Muuse Biixi, iyada oo sida oo kale na lacagtii cashuurta ee dekaddaas na ay cashuur dhaaf u soo sameysay wasiiradda wasaaradda Maaliyadda Somaliland.


Jawaab ku socota Cali Guray

$
0
0

As, salaan kaib waxaan doonaya in aan jawaab kooban siiyo Cali Guray oo ah afhayeenka Muuse Biixi, fikirkii u ku so qoray mareegtada bulshada.

Marka hore Cali Guray waxaan u sheegaya mala sarbeebta siyaasada la isku waydaarsaday saxaafada maad fahmin ama waxaa laga yaaba inaad dhan kale ula booday, marka aad C/raxmaan Ciro waydiinayso su aalaha ka baxsan madasha.

Arinta Callow laga hadlay maaha arin halgan khusaysa ama dagaalkii dalka lagu xoreeyay ka hadlaysa ee waxay ahayd fariin siyaasadeed o ay ku jirto bajin iyo cago juglayn.

Muuse wuxuu mar hore yidhi C/raxmaan Ciro ILKA XANAF ayaa la soo hadla oo xamar kala soo hadla, arintaa Callow Muuse wuxuu ula jeeday wad fahantay dadka siyaasada falanqeeyaana way garanayaan ujeedada hadalkaas loola jeedo, hadii aan kuba fasiro wuxuu Muuse ula jeeday Ilka xanaf iyo C/raxmaan waa isku reer, laakiin Callow wali C/raxmaan Muuse kuma odhan inaadeerkaa oo ah maanta RAYSAL WARAASE KU XIGEEN o ah INA CARTE QAALIBA ayaa xamar kaala soo hadla habeen walba, iyada oo aad waliba adigu shakhsiyan arintaa saxaafada ugu sheegtay oo aad tidhi MAALIN WALBA XAMAR AYAA LA IGALA SO HADLAA O INAADEERKAYBA IGALA SO HADLA, taaso la garanaayo cida aad ula jeedo.

Iyada oo ay sidaa tahay hadana mar qudha cidi kuguma sheegin in aad faderal tahay waayo adiga iyo inaadeerka kala fikir ayaa tihiin, raga halkaa inaga tagay ee joogaana waa rag hunguri iyo imaan la aani qaaday, e su aashu waxay tahay Muuse Biixi iyo adiguba waxaa aydun raga ay isku qabiilka yihiin C/RAXMAN Ciro loogu shaanbadeeyo reerka oo dhan, halka kuwiinana uga bari yeeshaan, bal su aasha adigu iiga so jawaab.

Arinta kale ee meesha aanad fahmin Callow waxa weeye ama aad is dhaafinaysaa,Muuse Biixi wuxuu dad shacbi ah o somalilanders ah oo dalka dhiigoodii iyo naftoodi u soo huray o waliba isaga iyo adigaba kaaga halgan badnaa oo ahaa waliba ragii min CERGAABO ILAA LOOYADA CADO xoreeyay oo aad garanysid adiga iyo Muuse, lagu laayay mar marsiyo been ahaa oo MUUSE BIIXI hormoodka, ka ahaa, ayuu maantana dooonayaa inuu dib u soo celiyo. hadalkaas o ahaa mid wixii ka dhacay la ogaa iyo wuxuu dhiig iyo dhaqaalaba ku burburay, miyaanay ahayn nin xoqaaya nabarkii u gaystay ee aan cidi waxba ka waydiin ee la isa saamaxay

Muuse maanta hadii u cid FADARAL ku sheegaayo isaga ayaa ah waayo INAADEERKII AYAA ah ninka ugu sareeya somalilander ee jooga XAMAR, hadii u shalay C/RAXMAN CIRO inaadeerki ahaa, su aasha aad waydiinayso CIRO maxaad shalay marxuum CIGAAL u waydiin waydo MUjaahidnabada aad qadarinaysidna adiga iyo MUUSABA maxaydun shalay u qadarin waydeen markaad QORIGA U SIDATEEN GUDOOMIYIHII SNM EE WALIBANA DALKA XOREEYAY ee Marxuum CABDIRAXMAAN AXMED CALI

AFHAYEENKA XISBIGA WADANI EE DANMARK

Daawo:Haweenay Somaliyada oo Musliminaysa Hooyo Cadaan ah+Daawo siday Tawxiidka ugu qabtay

$
0
0

Daawo:Haweenay Somaliyada oo Musliminaysa Hooyo Cadaan ah+Daawo siday Tawxiidka ugu qabtay

Daawo:Fadeexado Uguba oo dulhoganaya Wasiirka Macdanta S/land,Qandaraasyo musuqmaasuq lagu bixiyey & Hanjabaado lagu saydhay

$
0
0

Daawo:Fadeexado Uguba oo dulhoganaya Wasiirka Macdanta S/land,Qandaraasyo musuqmaasuq lagu bixiyey & Hanjabaado lagu saydhay

War-degdeg ah:Dil ka dhacay Daqiiqado ka hor Qasriga Madaxtooyada Somalia-Villa Somalia

$
0
0

Dil ka dhacay Daqiiqado ka hor Qasriga Madaxtooyada Somalia-Villa Somalia
villa

Askari tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa goor dhaweyd Qasriga Villa Soomaaliya ku toogtay taliye ku-xigeenkii ilaalada madaxtooyada oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Qoorgaab.

Waxaa sidoo kale toogashada sarkaalka ku dhaawacmay askar kale oo ka tirsanaa ciidamada sida ay warbaahinta u sheegeen dad ka agdhawaa halka falka dilka ahi ka dhacay.

Ciidamada Madaxtooyada ayaa markiiba gacanta ku dhigay askariga toogashada geystay oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn sababta uu u dilay sarkaalka.

Ma jiro wali wax war ah oo ay arintan ka soo saaray qasriga madaxtooyada Soomaaliya oo uu ka tirsanaa.

 

Daawo:Beel ka mida Beelaha Habar-Jeclo oo kalsoonidii kala noqotay Wasiirka Madaxtooyada,Maxayse ku Qoonsadeen

$
0
0

Daawo:Beel ka mida Beelaha Habar-Jeclo oo kalsoonidii kala noqotay Wasiirka Madaxtooyada,Maxayse ku sanifeen

Daawo:Boqor kashifay Qandaraas Lacag badan oo loo balanqaaday hadii uu Xamar tago oo yidhaahdo Xisbiga Waddani baa I soo diray,yaase…

$
0
0

Daawo:Boqor kashifay Qandaraas Lacag badan oo loo balanqaaday hadii uu Xamar tago oo yidhaahdo Xisbiga Waddani baa I soo diray,yaase…

Western nations to prosecute their citizens involved in corruption in Somalia and Somaliland


Dhalinyaro Agab Wax-barsho Gaadhsiisay Degmada Go’da weyn Ee Gobolka Saaxil

$
0
0
buugaaggodaweyn

Dhalinyaro is xil qaantay ku nool magaalada Burco kana soo jeeda deegaanka degmada Go’da weyn ee gobolka saaxil, ayaa deeqo kala duwan gaadhsiiyey iskuulada degmadaasi iyo madarasdaha kala duwan ee degmadaasi ku yaaala.

Dhalinayarada oo ka socdaasha magaalada Burco ayaa ayaa agabka wax barashada gaadhsiiyey dugsiga hoose dhedhexe, ee ku yaala degmada Go’da weyn, taas oo ka koobnayd manhajka cusub ee wax-barshada Somaliland oo dhammaystiran iyo agabyada kale ee wax-barshada iyadoo deeqdaasi ay si wadda jir ah ugu wareejiyeen guddoomiyaha wax-barshada degmada Go’da weyn Mr C/laahi Bulxan iyo xoghayaha dowlada hoose ee degmadaasi Deeq Cabdi Warsame.

Dhanka kalena dhaliyaradan ayaa waxay gaadhsiiyeen maderasadaha Qur’aanka kariimka ah lagu barto ee ku yaalada degmada Go’da weyn deeqo kala duwan oo ka koobnayd kitaabo xadiisyo ah iyo musxafyo Qur’aanka kariimka ah, waxaanay ka guddoomiyey maamulayaasha madarasadaasi iyadoo ay goobjoog ka ahayeen xafladaasi guddoomiyaha wax-barshada degmada Go’da weyn iyo xoghayaha dowlada hoose ee degmadaas.

Geesta kalena Guddoomiyaha wax-barshada degmada Go’da weyn Mr C/laahi Bulxan iyo xoghayaha dowlada hoose ee degmadaasi ayaa si isku mid ah ugu mahadnqaya dhalinyaradaasi deeqdaa wax-barasho soo gaadhsiisay degmada, iyadoo dhalinyaradan Burco ka jarmaada ay iyaguna dhankooda ballan-qadeen in baahiya degmada wixii karaankooda ah ay wax ka qaban doonaan, isla markaana ay ka shaqayn doonaan horumarka degeenka .

Isku soo wadda xoorriyoo dhalinyaro iskood isku xil qaamay oo ku nool magaalada Burco kana soo jeeda degmada Go’da weyn ayaa deeqo wax-barsho gaadhsiiyey iskuulada iyo maderesadaha diinteena suubana lagu barto lagu barto ee ku yaala degmada Go’da weyn.

Daawo:Cali Khaliif oo shuruud ku xidhay Heshiis uu la galo Somaliland, Distoorka Somaliland-na duray+tafsiir uu ka bixiyey hadafka & Ujeedada uu ka leeyahay Wadahadalada Khaatumo & S/land.

$
0
0

Daawo:Cali Khaliif oo shuruud ku xidhay Heshiis uu la galo Somaliland, Distoorka Somaliland-na duray+tafsiir uu ka bixiyey hadafka & Ujeedada uu ka leeyahay Wadahadalada Khaatumo & S/land.

Daawo Muuqalka:- Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Gabiley Ee Xisbiga Wadani Ayaa Xukumada iyo Kulmiye Ku Eeday In Ay Iyagu Bilaabeen Midnimada Somaliya+ Siro Badan Oo Uu Kashifay

Maxaa la dhaafsaday Qadiyadii iyo Ictiraaf Raadintii Somaliland, yaase bog dooxay?

$
0
0

guunmo
Shacabka reer Somaliland waxay go’aansadeen 1991-kii ka dib markii nidaamkii keligii Taliye Maxammed Siyaad Barre la riday, dhibtii ka soo gaadhay midnimadii 1960kii la galayna ay qiimeeyeen inay dib uga laabtaan midnimadaasi lagu hungoobay islamarkaasna waxaa magaalada Burco lagaga dhawaaqay Gooni Isutaaga Jamhuuriyada Somaliland.

1997kii waxaa sidoo kale shacabka reer Somaliland si aqlabiyad dhan 97% ugu codeeyeen Dastuurka iyo Gooni Isutaaga Somaliland.

Haddaba tan iyo wakhtigaa xukuumadihii kala dambeeyay ee ka horeeyay tan Kulmiye ee dalka hogaaminaysay ilaa July 2010, waxay u darbanaayeen meelmarinta Qadiyada Gooni Isutaaga Somaliland, midkastaaba intii karaankeeda ahayd marka loo eego duruufihii kala gedisnaa ee lagu jiray iyo dib u yagleelidii Qaran leh Haykal Dawladnimo iyo Nidaam Dimoqraadiya oo barbar socday.

Waxaana socday dadaalo lagu iibgaynayay oo Caalamka lagu gaadhsiinayay Hamiga iyo Himilada shacabka reer Somaliland ee ahayd inay helaan Ictiraaf ay kaga mid noqdaan Beesha Caalamka iyagoo ka Madaxbannaan wixii la isku odhan jiray Somali Democratic Republic ee burburtay. Dadaaladaas waxyaabihii kasoo baxayna waxaa ka mid ahaa:-

2003 – waxay Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Dalka Koonfur Afrika soo saartay aragti sharciyadeed (legal opinion) u dhignaa sidan hoose:-

‘’Lama dafiri karo inay Somaliland u qalanto in loo aqoonsado Dawladnimo, waana waajib saaran Beesha Caalamku inay aqoonsato’’. Dadaal kasta oo lagu dafiro ama dib loogu dhigo Ictiraaf ay Somaliland heshaana kuma eeka keliya khatar ay ku keenayso Beesha Caalamku inay iska dhega tirto gobolka ugu xasiloon Geeska Afrika ee waxay dhib aan la malayn Karin gayaysiinaysaa dadka reer Somaliland oo laga hor istaagayo caawimo ay ka helaan dibedda oo ku xidhan Ictiraafka’’.

‘’Nabadgelyada iyo Maslaxada Adduunka ayaa u baahan hadba siday u suurtogasho in kala qaybsanaanta iyo jajabka Dawaladaha jira lagu maareeyo nabadgelyo iyo wadahadal. Hase yeeshe meeshii taasi ka suurtoobi waydo sida xaalada Soomaaliya oo kale, Sharciga Caalamiga ahi wuxuu aqbalayaa in Masaalixa caddaaladeed ka awood badan yihiin arrimaha ah inaan la dhiirigelin kala goynta dal ama aan la farogelin arrimaha xuduudaha Dawladaha ‘’territorial integrity ’’.

2005 – Ururka Midowga Afrika (African Union) wuxuu Wafti Xaqiiqo Raadis ah u diray dalka Somaliland. Socdaalkoodiina waxay ka soo saareen nuxurkan hoose.

Warbixintaasi waxaa lagu sheegay in arrinta Somaliland tahay mid gaar ah oo wax la mid ahi aanay jirin (unique) islamarkaasna u baahan tahay in Himilada dadka reer Somaliland laga eego dhinaca taariikhdooda iyo moral ahaanba’’.

Waxaa Waftigu ku talo-bixiyeen in Ururka Midowga Afrika si khaas ah ula macaamilo Somaliland’’. Sidoo kale waxay meesha ka saareen in Qadiyada Somaliland aanay wax dhib ah ama burbur iyo kala goo’go ah u horseedaynin Qaarada Afrika’’.

La soco Qaybta 2aad, jawaabtana ha ka degdegin inta loo gonda-degayo.

Mohammed Aw Yuusuf

Birmingham UK

Daawo:Cuqaal & oday-dhaqameed ka soo jeeda Beesha Isaxaaq Carre oo Xaal & Raaligelin siiyey C/raxman Cirro,Suldaan Habaarna hadhuudhlaha ku daray,Muuse Biixina….

$
0
0

Daawo:Cuqaal & oday-dhaqameed ka soo jeeda Beesha Isaxaaq Carre oo Xaal & Raaligelin siiyey C/raxman Cirro,Suldaan Habaarna hadhuudhlaha ku daray,Muuse Biixina….

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>