Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Daawo:Suldaan ka mida Salaadiinta Beesha Isaxaaq oo duray hadallo dhiifoon oo ka soo yeedhay Suldaan habaar

$
0
0

Daawo:Suldaan ka mida Salaadiinta Beesha Isaxaaq oo duray hadallo dhiifoon oo ka soo yeedhay Suldaan habaar


Daawo:Suldaan kashifay Sida Suldaan Habar u Dhaawacmay & Cida dhaawacday dagaaladii sokeeye

$
0
0

Daawo:Suldaan kashifay Sida Suldaan Habar u Dhaawacmay & Cida dhaawacday dagaaladii sokeeye

Xidhiidh Wanaagsan Ayaanu Leenahay Somaliland Iyo Somaliyaba

$
0
0

Hargeysa(Qaran-news)-Raysalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa markii u horaysay ka hadlay isbedelada dhinaca dekedaha ee ka socda gobalka Geeska Afrika, waxaanu sheegay in dalkiisu xidhiidh wanaagsan la leeyahay dhammaan dalalka gobalka Geeska Afrika.

Raysalwasaare Hailemariam Desalegn oo toddobaadkan u waramay telefishanka Aljazeera, ayaa waxa la weydiiyay su’aal u dhignayd sidan “Mudane Raysalwasaare waxaa jirta qadiyad la xidhiidha dekedaha (Gobalka) oo dadka qaarkood ku tilmaamayaan dagaalka dekedaha. Tusaale ahaan Imaaraadkii waxa uu maalgashanayaa dekedda Casa bee Ereteriya iyo Berbera oo Somaliland ah, Turkigii oo dekedda Muqidisho maalgashanaya iyo Shiinaha oo Jabuuti isna maalgashanayana. Itoobiyana sida aynu la soconno waa dal aan bad lahayn. Markaa sideed aad u aragtaan arrintan oo khatar ku ah dalkiina?

Raysalwasaare Hailemariam Desalegn ayaa yidhi “Dhammaan deriskayaga xidhiidh fiican ayaa aanu la leenahay, marka laga reebo Ereteriya, xidhiidh fiican ayaa aanu la’ leenahay Soomaaliya, iyo Somaliland oo waqtigan hadda la joogo ah maamul madaxbannaan, inta ay madaxbannanideeda dawladnimo helayso. markaa xidhiidh fiican oo iskaashi iyo jaarnimo ayaa aanu la’ leenahay Somaliland iyo Soomaaliyaba, sidoo kale xidhiidh fiican ayaa aanu la leenahay Suudaan, waxa aanuna adeegsannaa dekedda Suudaan, sidoo kale xidhiidh aad u heersarreeya ayaa aanu la leenahay Jabbuuti, waxa aannaan adeegsannaa dekedda Jabuuti, sidoo kale waxa aanu isticmaalnaa dekedda Berbera. waxa aana noo qorshaysan in mustaqbalkana aanu adeegsanno dekedda Mombasa annaga oo ka faa’idaysanayna xidhiidhka fiican ee aanu la leenahay Kenya.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Qiimayn ayaa aanu u haynaa dhammaan xidhiidhadaas aanu la leenahay dalalka deriska. sidaa awgeed wax dhibaato ah uma aragno maalgashade kasta oo u yimaadda in uu ka shaqeeyo dekedahan, inta aanay taasi khatar gelinayn danahayaga iyo amniga qarankayaga. illaa haddana maalgashadayaasha gobalku wax mushkilad ah ma’ay waajahin. “

Wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday, “Xaalado colaadeed ayaa meel kasta ka jira laakiin taas macnaheedu ma’aha in aanu colaad la galno saaxiibbadayo iyo kuwa aanu wax wada leenahay, sidaa awgeedna waxa aanu ka shaqaynaynaa xoojinta xidhiidhka istaraatijiyadeed ee aanu la leenahay deriskayaga. iyo in aanu ku wada soconno ajendeyaal aanu wadaagno oo amni, xasilooni iyo barwaaqo ummadayada u horseeda. wax khatar ama cabsi ahna kama qabo deriskayaga xitaa Ereteriya.”

Geeska

Arrin Iga Yaabiyey! Qalinkii: Cabdishakuur X. Muxumed (Heersare)

$
0
0

Waxa dhawaan i soo gaadhay in idaacadda qaranka Somaliland ee Radio Hargeysa laga sii daayey codad mid ka mid ah baraha bulshada gaar ahaan WhatsApp-ka laga soo dejiyey. Warkii waan dhegaystay, qodobka ugu weyn ee loo cuskaday wuxuu ahaa: “Qaar ka mid ah mareegaha ayaa baahiyey.”

Codkadkaasi waxay ahayeen laba qof oo sheekaysanaya oo magac reer adeegsanaya oo wasiirka warfaafinta Somaliland Mr. Caddaani u hanjabaya.

Waxa isu kay qaban wayday cod laga soo xigtay WhatsApp-ka ayaa idaacaddii qaranka laga sii dayay oo cid kastaa dhegaysanayso.

Xitaa haddii uu wasiirku ku yidhaahdo madaxda idaacadda codkaa sii daaya miyaanay wax dood ah ba ka yeelan oo aan wax la iska waydiin waxan la sii daynayaa wuxuu yahay iyo saamaynta uu yeelan karo.

Haba la sii daayo, miyaanay wasiirka ama cidda sii daysay ogayn in WhatsApp-ka ay samayn karaan dad kula jooga oo magacii la doono loo bixin karo, ka dib na inta ay codka beddelaan wixii la doono la dhex marin karo?

War (news) marka la samaynayo inta aan la gaadhin ba siidayn, shuruudaha ugu waa weyn ee salka u ah waxa ka mid ah sungaanshaha warka, xaqiijinta isha warka si waxa aad sheegaysaa uu run u ahaado.

Waa sidee arrinku? Raggii waa weynaa ee radio Hargeysa maxaa helay? Ma in WhatsApp-ka wax laga soo dejiyey war laga dhigo ayaa la marayaa?

Wasiirku waa siyaasi oo isaga siyaasadda ayaa hagta, laakiin madaxda iyo shaqaalaha radio Hargeysa gaar ahaan weriyeyaasha iyo madaxdooda iyaga mihdda saxaafadda ayaa hagta ee doorkan sidee bay wax ka noqdeen?

Anig arrinkani wuu iga yaabiyey!

Waxa aan qabaa in arrinkaa dib loogu noqdo oo karaamadii iyo sharafkii Radio Hargeysa dib loo saxo, oo agaasimka iyo tifaftirayaashu dib isugu noqdaan. Ama ummada ha u caddeeyaan in aanay shaqayn karin. Waayo? Meeshii ugu hoosaysay ayay gaadheen.

Cabdishakuur X. Muxumed Muuse (Heersare)

Cabdiheersare01@hotmail.com

Book Review by Bashir Goth

Wasiirrada Makaahiil ee ka tirsan dawladda Siilaanyo ee la soo faray haddii aydaan beelihiinnii midaynayn soo qaybiya. Maxay la kulmeen?

$
0
0

Laba Wasiir iyo wasiirro xigeenno ay weheliyaan xubno ka socda golayaasha dawladda oo dhammaantoodba ka soo jeeda beelaha Makaahiil ( Samarroon ) ee gobolka Awdal, ayaa muddo maalma ahba iyaga oo ku sugan Borama, ku mashquulsanaa sidii ay u baabi’in lahaayeen wada tashiga curdinka ah ee ay beelaha Makaahiil ( Samarroon ) baryahanba ka wadaan gobollada galbeedka.

Wasiirradaasi, oo hawsha ka bilaabay jufooyinkooda hoose ayaa ugu horreynba loo arkay in ay fashilan yihiin, waxase u suurta gashay in ay la kulmaan odayada iyo dhallinta qaar, waxana ay isku dayeen in ay ka dhaadhiciyaan sida aan xilligan loogu baahnayn, midnimo Makaahiil amma in ay taageero u fidiyaan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Laakiin waxa ay shirarkoodaasi kala kulmeen ceeb, fadeexad iyo su’aalo aanay ka jawaabi karin. Waxgaradkii ay la kulmeenna waxa ay si cad ugu sheegeen, in ay shaqaale u yihiin xukuumadda, wax ay dadka ku soo kordhin karaanna aanay jirin. Wasaaradaha ay hayaanna ay yihiin kuwo aan dadkooda u cuntamin iwm. Jawaabaha ay ku difaacayeen doodaha lagala hor yimidna waxa ay noqdeen kuwo dadka ku sii riixa in ay mucaaridka aad u taageeraan. Si cadna waxa ay ugu sheegeen in aanay rabin in beelaha Makaahiil hoos iman beelo ay iska bidayaan amma la siman. Taageero ay Zaylici iyo shakhsiyaadka uu wato ay u fidiyaana ay ay tahay mid aanay marnaba diyaar u ahayn. Waxa kale oo ay hoosta ka xarriiqeen in ay midnimada Makaahiil aanay danbi ahayn, isla markaana ay ka go’an tahay in dhisaan.

Haddaba dhawaan ayey ahayd markii ay magaalada Borama yimaaddeen wafdi Kulmiye ah oo ay hoggaaminayeen Madaxweyne xigeenka Somaliland Zaylici iyo Muuse Biixi, isla markaana ay galbinayeen wasiirro ka soo jeeda jufooyinka Maxad Case iyo Habar Cafaan, isla markaana uu dhexda ugu jiro wasiirka xilligan ugu culus wasiirrada oo ah Wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xaashi.

Kulan ay wafdigaasi si gaar ula yeesheen Beelaha Habar Cafaan ayaa waxa si aan qarsoodi lahayn, loogu shaaciyey in ay Beelahaasi go’aansadeen in ay ku biiraan Kulmiye. Shaacintaasi waxa gadhwadeen ka ahaa hoggaanka dhaqanka, waxgaradka beelahaasi iyo siyaasiyiinta beelahaasi. Waxana arrintaasi aad u soo dhaweeyey reeraha ku bahoobay xisbiga Kulmiye oo ay ka mid yihiin beelaha Maxad Case ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland.

Kulankan beelaysan ee lagu faquuqayo beelaha Makaahiil ayaa uu Madaxweyne Xigeenka Somaliland ku tilmaamay hawl qaran oo loo baahnaa, guulna ay u tahay Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale waxa hadallo dareen badan kiciyey madashaa ka jeediyey Maxamuud Xaashi oo ah wasiirka Madaxtooyada, kuna gooddiyey in ay beeshu ka mid noqon doonto kuwa u taliya Somaliland. Beelaha aan sidan yeelinna la faquuqi doono.

Is beelaysiga beelaysan ee noocan ah ayaa ah mid ujeeddadeedu tahay caymis ( Insurance ) lagu sugayo ammaanka, dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga iyo adeegga qoyska iyo beelaha is-bahaysanaya oo ka badbaada in cagta hoosteeda la geliyo, kuwa kalena loo taliyo. Reerkii caymis weyn helaana ay sugi karaan in ay kaalin mug leh ku yeeshaan talada xukuumadda iyo awoodda dadka loogu talinayo. Shacabka oo taasi niyadda ku haya, ayaa muddadii lixda sano ahayd, waxa ay quus ka qaadeen xisbiga talada haya ee kala qaybiyey bulshooyinkii reer Somaliland, immigana beenta uga dhex ololaynaya. Wasiirrada hambada ah ee aan awood iyo dhaqaale midna ku haysan xukuumadduna ay yihiin kuwo u xilligan ka faa’iidaysanaya sandareerada ololaha doorashada.

Isku soo wada duuboo, siyaasadaha qaybi oo xukunka ah ee ka aloosan guud ahaanba Somaliland, gaar ahaanna gobollada galbeedka ayaa maalinba maalinta ka sii danbaysa ku sii xoogaysanaya shacabka. Xukuumadda iyo xisbul xaakimkuna waxa ay dadka kula dhex jiraan siyaasado qaawan, oo ay weliba u adeegsanayaan dhaqaale ay ku kala eryaan shacabka iyo hoggaanka shacabka.

Hadal iyo gaba gabo, waxa aan shaki ku jirin in shacabka reer Somaliland iyo ka Awdalba in ay fahamsan yihiin in reer hebel……. la hoos geeyo reer hebel….. iyo qabyaalad ay Siyaasadda Dawladnimo ee Somaliland ku ku baabi’ i doonto haddii aan laga leexin dariiqaasi. Sidoo kale shacabku ma mooga waxa ay yeelayaan, cid kasta oo u olalaysa si cunfi ah amma isku daya in ay shacabka ku shukaansadaan laaluush iyo xaaraan amma qabiil ay u kala qaybiyaani in aanay u noqonayn siyaasad ay ku najaxaan. Shacabkana waxan leehay, lacagta la idinku laaluushayaa waa lacagtiinnii ee qaata, waxa aad yeelaysaanna waa idiin caddahay.

Wasiirrada Borama loo soo diray ee lagu yidhi, haddii aydaan beelihiinna Makaahiil ( Samaroon ) midaynayn soo qaybiya, ee loo soo dhiibay lacagtana waxan leehay, horta lacagta siiya dadka masaakiinta ah ee idin hoos boodaya, markhaatina u yeela, laakiin inta aad jeebka ku shubataan, af-madhan ha la hor fadhiisannina.

Ahmedweli Goth
shueebi@hotmail.com

Xildhibaan Ka Tirsan Xisbiga Waddani Oo La Weeraray

$
0
0

walixaawa
Hargeysa (Qaran-news)-Xildhibaan Weli Axmed Xaawa oo katirsan golaha wakiiladan Somaliland ayaa waxa weerar gacan ka hadal ah kusoo qaaday rag la sheegay inay qaraabo yihiin wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, iyadoo xildhibaanka lagu soo weeraray Hotel Dalxiis.

Ragga xildhibaanka soo weeraray ayaa waxa ay ku hubaysnaayeen Budad iyo Bakoorado, kuwaasi oo isku dayay inay waxyoollo gaadhsiiyaan xildhibaanka, balse Xildhibaan Weli ayaa iska difaacay, iyadoo markii dambe ay gacanta kusoo dhigeen boolisku mid kamid ah raggaasi oo ay walaalo ruma yihiin wasiir Cukuse.

Laamaha ammaanka dalka ayaa baadhitaanka kiiskan ku guda jira, balse ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay ciidanka booliska iyo xildhibaankaba, lamana garanayo sababta keentay in xildhibaanka hadh cad weerar noocan ah lagu soo qaado.

Ugu dambeyntii, Xildhibaan Weli Xaawa ayaa katirsan xisbiga mucaarid ah ee Waddani, isagoo kamid ah mudanayaasha golaha wakiilada ee xisbigaasi ka tirsan.

Fasiraadda eeddii weynayd ee been abuurka ahayd ee ka soo yeedhay Muuse Biixi ee ahayd “Xisbiga Waddani waa Somali weyn”.

$
0
0

Muuse Biixi waxa uu goob kasta ka sheegay in xisbiga Waddani uu yahay xisbi qabiil waxaanu ula jeeday reerka uu ka dhashay Cabdiraxmaan Cirro. Inkastoo Xisbiga Waddani yahay Xisbi qaran oo umadda reer Somaliland wada leedahay oo aan beel gaar ah lagu tilmaami Karin, haddana marka Muuse Biixi soo hadal qaado Xisbiga Waddani waxa uu u jeedaa beerl gaar ah oo isaga u calaaamadsan. Markay caynkaas tahay hadalka Muuse Biixi ka soo yeedhay ma wada kusheeyo taageerayaasha Xisbiga Waddani ee waxa uu ula jeedaa cid gaar ah. Hadalka Muuse biixi fasiraaddiisu waxay noqon kartaa sidatan
“Cadbiraxmaan Cirro ee beeshiisu waa Somali weyn waxaanay ka soo horjeedaan jiritaanka Somaliland sidaa darteed waa cadawga koobaaad ee Somaliland leedahy waana in laga badbaadiyaa qaranka Somaliland oo xibiga Waddani iyo taageerayashiisa oo qabiil ah laga takhalusaa”
Hadalka Muuse Biixi ee sidan u dhigan waa isla kii uu odhan jirya sanadkii 1994 kaas oo uu umadda iskaga horkeenay oo sabab u noqday in dalka dagaal sokeeye ka qarxo.
Mar haddii waxii laysku dilay ee dalku ku burburay ee naf iyo maalba lagu waayay ay ahayd “ waxa tihiiin Somali weyn” miyay fududahay in markale isla eeddii oo isla ninkii wado oo isla umaddii lagula kacay haddana marka kale lagu wado miyaanay taas macnaheedu ahayn markale iskeen siiya oo aynu gacanta isula tagno?!!!. Waa run oo waa laga heshiiyay waxii dhacay waana laga laga bugsaday, lakin waxa soo fadhay oo dib u soo nooleeyay Muuse Biixi oo haddana la shiryimi isla hadalkii uu 1994 odhan jiray ee ahaa “ Somali weyn ayaa doonaysaan” kaas oo isaga dartii dagaalku ka dhacay. Haddii Muuse Biixi ka damqaday hadalka xanafta leh ee ah dagaal ooge ayaad ahayd 1994, waxa ka xanuun badan in uu si fudud isaga yidhaahdo ciddaasi waa Somali weyn isagoo og taaariikhda ay isla soo mareen ee murugadda lahayd. Hadalka Muuse Biixi ka soo yeedhay waxa ka dhalan kara dhibaatooyinkan hoos ku xusan
Waxa uu abuuri karaa dareen colaadeed waayo waxa muuqata in Muuse Biixi oo u gooddiyayo ciddii uu u gooddiyi jiray 1994
Waxa uu beeri karaa nactooyo hor leh taas oo beelaha qaar loo arko inay ka soo hor jeedaan jiritaanka Somaliland sidaana lagu colaadiyo
Waxa ay hoos u dhigaysaa qaranimadii Somaliland oo loo sawiray in beelaha Somaliland degaa aanay ku wada qanacsanayn gooni isutaageeda taas oo sii adkayn karta in la helo citiraaf.
Waxa uu abuuri karaa qalalaase siyaasadeed oo la kowsada doorashooyinka foodda inagu soo haya
Waxa uu sababi karaa iska hor imaad dhex mara taageerayaasha labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani
Talo soo jeedin
Si looga badbaado dhibaatooyinka kor ku xusan waxa aan u soo jeedin lahaa
1- In Muse Biixi raalli gelin buuxda ka bixiyo been abuurkii weynaa ee uu sameeyay ee saxaafadda geliyay ee ahaa in xisbiga waddani Somalia la shiray oo kala hadlay midnimo waana inuu umadda u caddeeyaa in warkaasi uu ahaa mid aan waxba ka jirin, haddii kale xiisaddu dami mayso
2- In Cabdiraxmaan Cirro isna raalli gelin ka bixiyo hadaladii xanafta lahaa ee uu ku eedeeyay Muuse Biixi inuu dad laayay.
3- In xukuumadda kulmiye Joojiso dacaayadaha ka dhanka ah xisbiga Waddani ee ay kasii daynayso hadh iyo habeenba warbaahintii qaranka ee TV-ga iyo Radio-ha oo warar been abuur ah laga baahiyo goor kasta, haddii kale xiisaddu way sii kordhaysaa uun.
Haddii aan saddexdaas qodob la fulin xiisaddu qaboobi mayso waxaa la hubaa inay ka sii dari doonto marka ay soo dhawaato doorashadu. Haddii xiisaddu sii aloosnaato waxa dalku halis ugu jiraa in mar kale dagaal sokeeye ka qarxo ilaahay ha inaga hayee.

By : Cabdixakiim Muuse Cali
mascuud60@hotmail.com


Amb.Axmed Safiina oo lagala Baxay Hotel ku yaala Nairobi,Xaggee & Maxaase lagu haystaa+Doorka Kulmiye ku leeyahay!

$
0
0

Axmed Safiina oo lagala Baxay Hotel ku yaala Nairobi,Xaggee  & Maxaase lagu haystaa+Doorka Kulmiye ku leeyahay!

safiina

Nairobi-(Qaran-news)-Sida ilo wareedyo xog-ogaal ahii u xaqiiyeen Warfidiyeenka Qarannews waxaa lagala baxay Hotel ku yaala magaalada Nairobi Xog-hayaha ama Xidhiidhiyaha  xisbiga Waddani u qaabilsan Arimaha Dawladaha Carabta Amb.Axmed Adan Dagaal (Safiina) oo safar gaaban halkaas ku joogay.

Sida xogguhu tibaaxeen waxaa Axmed Safiina Hotelka uu ka deganaa Nairobi ugu yimi sadex Askari oo ka tirsan ciidamada Denbi-baadhista dalka Kenya oo uu ku jiro Nin asalkiisu yahay Somali-kenyan,Askarta ayaa la sheegay inay u kaxayeen Goob aan la aqoonsan weli,maadaba laga waayey Isteeshimada Booliiska ee Aaga Hotelka lagala baxay ku dhaw-dhawaa,Ha yeeshee Axmed Safiina oo xidhiidh Telefoon la soo sameeyay dad Eheladiisa iyo saaxiibadiisa ah oo ku kala sugan Nairobi iyo Hargeysa ayaa laga soo xigtay in ciidamada denbi-baadhista Kenya kaxaysteen islamarkaana wuxuu intaas ku daray in loo xidhay eedo been-abuura oo ka yimi Hargeysa oo ku taxaluuqa argagaxiso oo ay ka danbeeyaan ama ku lug leeyihiin xisbiga kulmiye oo sida uu sheegay ay u cadeeyeen saraakiisha xidhay.

Geesta kalena Qoyska Aabaha & Hooyada dhalay Axmed Safiina oo degan magaalada hargeysa ayaa Xoggo laga helay  tibaxayaan inay  maalmo ka hor uun Gurigooda ugu yimaadeen laba Nin oo midkood la yidhaahdo Cali Gobonimo ( Gacan-yaraha Ganacsade Maxamed Aw-siciid) oo ku afgobaadsaday inay cabasho wadaan oo Ergo yihiin oo Axmed Safiina duray,kana codsadeen Odayga Dhalay Axmed Safiina inuu Inankiisa la hadlo oo qadiyada  Maxamed Aw-Siciid ee uu wado Dhulka dhigo oo arintaas ka baxo wax kasta oo uu dalbadana la siinayo waa haddii uu arintaas ka baxo.

Taas ka sakow Odayga dhalay Axmed Safiina ayaa  laga soo xigtay inuu la hadlay Inankiisa oo qadiyadaas wax ka weydiiyey balse Axmed Safiina laftiisa ayaa Aabihii u sheegay in dagaal ka socda dhanka Ganacsade Maxamed Aw-siciid ku socdo oo uu dareensan yahay inuu dhinacyo badan kaga soo jiheysan yahay,ha yeeshee muu cadayn markaa nooca dagaalka ku socda balse dareen ayuu bixiyey inay wax jiraan.

Ku darsoo Todobaadki hore dabayaaqadiisa ayaa Axmed Safiina waraysi uu siiyey Qaar ka mid ah waraabinta Somaliland ku baahiyey in Ganacsadaha Somali-jabutiyanka ee Maxamed Aw-siciid Maandooriye ,shidaal & Walxo kale oo mamanuuc ah u si qarsoodi ah ugu kootarabaaniyo xuutiyeen Yemen ka dagaalama.

Isku soo wada duuboo qadiyadan Been-abuurka ah ee hadda loo haysto Axmed Safiinaya ayaa si toos loogu xidhiidhiyey xubno ka tirsan xisbiga kulmiye iyo weliba Ganacsade Maxamed Aw-siciid warar ay ka direen Hargeysa  loona gudbiyey Sirdoonka Kenya oo sheegaya in Axmed Safiina xidhiidh la leeyahay argagaxisada balse wax intaas dhaafsan oo kala lama sheegin.

Danaha Siyaasadeed Iyo Dhaqaale Ee Ka Dhexeeya Xisbiga Kulmiye Iyo Siyaasiyiinta Somalia Qaybta 2’aad

$
0
0

Si aynu u wada fahano siraha ku duugan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee xisbulxaakinka Kulmiye waa inaad marka hore hoos ugu daadegtid magaca xisbiga iyo astaamihiisa gaarka ah Kulmiye waa magac laga isticmaalo koonfur Somalia oo ah dalka aynu kala noqonay 1991 waxaase yaab leh sababta ay madaxda xisbigu ugu wanqaleen magacaas qalaad runtii wey jirtaa odhaah odhanaysa in loogu magac daray curadka madaxweyne Siilaanyo isla markaana ahaa asaasiyihii koowaad ee xisbiga Kulmiye laakinse waxaa taa ka dhaw sida cadceedana u cad xulufaysi beelaysan in uu ku salaysanyahay xisbigu kaas oo laga dhadhansan karo hab dhismeedka xisbiga oo ay ku badanyihiin ashkhaas ku abtirsada labo ardaa ahna gacmaha ku sawiran calanka Kulmiye hadii uu ahaan lahaa xisbi giraan ah sida uu Xirsi ku sheegay Wadani oo aan u xidhnayn jeegaan waxaa lagu arki lahaa gacmo ka tiro badan labo gacmood cida shaki kaga jiro dhismaha Kulmiye in uu yahay xisbi ay ku bahoobeen labo beelood ha ku noqdo ereyadii argagaxa ku riday bulshada ee ay wasiir Samsam Burco kaga tiraabtay labadaa beelood oo raba inay siyaasada iyo dhaqan dhaqaale Somaliland labadaa gacmood inaanuu marnaba ka bixin sanado badan sida ay badi carabka ku dhuftaan siyaasiyiinta waaweyn ee Kulmiye uguna horeeyo Muuse Biixi Cabdi oo laga hayo inay rabaan in Kulmiye xukunka hayo mudo dheer oo aanay marnaba qorshaha ugu jirin in ay xukunka ka dagaan si kastabe ha noqotee

Siyaasada Kulmiye kuma koobna xuduuda Somaliland xiligan aynu joogno iyo intii ka dambeysay guushii 2010 la soco muwaadin waagii hore madaxda Kulmiye waxey burush federaal ah marin jireen beelaha kale ee aan ku jirin Kulmiye siiba beesha uu ka soo jeedo Gudoomiyaha barlamaanka/Wadani Cabdiraxmaan Cirro nin rag ah waa garanayaa sababta ay shiishka federaalka ku eekaysiiyiin Cirro halka ay ka reebeen kaadiriyiinta kale ee xisbiga ee la socotay doqona loo sheegi maayo siyaasada ka dambeysa hadaba si kastabe ha u dhacdee xagaa iyo Xamar waxaa u badnaa siyaasiyiinta beelaha Garxejis iyo Samaroon kuwaas oo kaalin mug leh ku lahaa siyaasada Soamlia ee ku aadan Somaliland waxaana xusuus mudan Muuse Biixi oo mar ku lahaa Cirro inaanay Kulmiye la hadlin Somaliya iyo Caydiid IlkoXanaf oo markaa ahaa xaakinka sare ee dowlada Somalia halka uu teleefanka Muuse iyo Faysal Cali Waraabe iyo ka Siilaanyo si toos ah ugu xidhanyihiin xaruunta Villa Somalia bal la soco mudo yar ka dib waxaa xilkaas xaakinka sare buuxiyay xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland kana tirsan xisbiga Kulmiye waana raga ku tagay talo dowladeed in yar ka dib waxaa isna iska xaadiriyay Xamar agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta ee uu wasiirka ka yahay Cadaani labadaas masuulka riwaayad yar bay shacabka Somaliland u dhigeen iyaga oo leh aroos buu tagay iyo fasax buu sii qaatay iyo ereyo kale oo aan u cuntamayn inta xiskoodu noolyahay
Dwolada Somaliland ayaa iyada oo adeegsanaysa xawaaladaha Somaliland ka dirtay inta ay socotay doorashada xildhibaan ku sheegyada Somalia ama qolyaha Dir Waqooyi ee uu sutada u hayo Maxammad Cumar Carte oo kalsooni buuxda ka haysta musharax Muuse Biixi ayaa kor u dhaaftay $550,000 ka badan half million dollar oo ku baxday doorashada xildhibaanada ka soo jeeda beesha musharaxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo qudhaata waana kuwan

Halkan ka Aqriso Magacyada iyo Qabiilada ay kasoo jeedaan Xildhibaanadan

1-Cabdalla Xaaji Cali (Ciise Muuse-Maxamead Ciise)
2-C/Raxmaan Iideen Yoonis (Sacad Muuse- Miikaahiil)
3-Sahra Yuusuf Cige (Sacad Muuse-Cabdalla Obokor)
4-Faadumo Odawaa Raage (Ciise Muuse-Aadan Ciise)

Qaybta dambe la soco iyo heerka ay islamarayaan Kulmiye iyo Xamar iibka dekeda/Xerada Ciidamada UAE iyo saxeexa Xasan Sheekh balahama dambe ee doorashooyinka lala sugayo iyo weliba iskaashiga xaga siyaasada labada dhincba

Daahir Sancaani
dsancaani88@gmail.com

Daawo:Maamulka Khaatumo oo shaaciyay in shirkii Somaliland ku dhexmaray Adis-ababa ka dhex arkeen danahay Baadigoobayeen,kuna Hanjabay inaan Buhoodle lagu qaban Karin shir ay ku baaqeen Isimada Dhulbahante

$
0
0

Daawo:Maamulka Khaatumo oo shaaciyay in shirkii Somaliland ku dhexmaray Adis-ababa ka dhex arkeen danahay Baadigoobayeen,kuna Hanjabay inaan Buhoodle lagu qaban Karin shir ay ku baaqeen Isimada Dhulbahante

Magaalada Hargeysa oo taageerayaal laxaadlihi ay ku soo biireen xisbiga Waddani iyo gudoomiye Cirro oo ka qayb galay

$
0
0

Hargeysa(Qaran-news)-Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan aad u ballaadhan oo haween-weynaha ardaaga Reer Goob-doob/Ciida-gale ay ku muujinaayeen cudooda taageero oo ay ku biirinayeen Xisbiga WADDANI kula qaatay hotel Scandinavian ee Koonfurta magaalada Hargeysa.
Kulankan oo uu ka soo qeyb-galay guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro, Siyaasi/Mujaahid Maxamed Baaruud, aqoonyahan, xildhibbaano iyo haween-weynaha ardaaga reer Gobdoon/Ciidagale.
Qaar ka mid ah haween-weynaha ardaaga Reer Gobdoon/Ciidagale oo halkaas ka hadlay isla mar ahaantaana ay ka mid ahaayeen Layla Kabataani, Kaltuun Maxamuud Xuseen iyo Xildhibbaanad Kawsar, ayaa dhammaantood ba waxa ay cod dheer ku muujiyeen in ay ku biireen Xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ay diyaar u yihiin in ay cududooda taageero cod iyo maal ba ay ku biiriyaan Xisbigaasi, waxaana sida oo kale ay hablaha beeshaasi caddeeyeen in Xisbiga WADDANI uu yahay xisbiga horumarka iyo cadaaladda.
Siyaasi Maxamed Baaruud oo ka soo jeeda deegaanada Koonfurta Hargeysa oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in habalaha ka soo jeeda ardaaga reer Gobdoon ay si mugle ugu biiraan Xisbiga WADDANI, waxaana uu cod dheer ugu sheegay in Xisbiga WADDANI uu yahay madasha kaliya ee aan laga aqoonin kala qoqobka iyo reernimada isaga oo tibaaxay in mudadii uu KULMIYE hayey talada dalka aan waxba loo qabanin dadka deegaanadan balse uu WADDANI noqon doono Xisbigii wax badan ka qaban lahaa baahiyaha deegaanadan.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan (Cirro) oo isna ugu dambeyntii halkaas ka halday, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in hablaha ardaagaasi ay si ku soo biiraan Xisbiga WADDANI, isaga oo aad ugu dheeraaday wax-qabad yada khuseeya baahiyaha aas aasiga ah ee ay u baahan yihiin in loo qabto dadka deegaanaddaasi, waxaana uu carabka ku dhuftay in WADDANI uu noqon doono Xisbi saami-gooda siiya dadka ku dhaqan deegaanadan isla mar ahaantaana ay ka bixi doonaan dulmanaanta iyo wax-ka-qabasho la’aanta baahiyaha aas aasiga ah ee Koonfurta Hargeysa.

wadanihargeysa50
wadanihargeysa51
wadanihargeysa53
wadanihargeysa55
wadanihargeysa54
wadanihargeysa56

Daawo:Taageerayaal Mug & Miisan leh oo ka soo jeeda Beesha Bariga Burco oo ku biiray Xisbiga Waddani

$
0
0

Daawo:Taageerayaal Mug & Miisan leh oo ka soo jeeda Beesha Bariga Burco oo ku biiray Xisbiga Waddani

Ciidanka booliska oo heegan la galiyay soona qab qaban doona cidii hadasha ee saxaafada la hadasha

Holmes Report and African Public Relations Association (APRA) Launch First Africa SABRE Competition

$
0
0

PRESS RELEASE
Holmes Report and African Public Relations Association (APRA) Launch First Africa SABRE Competition
The Global SABRE Awards recognize the best PR campaigns from more than 5,000 entries around the world
MARRAKESH, Morocco, January 2, 2017/ — The Holmes Group is partnering with the African Public Relations Association (www.AFPRA.org) to launch its first ever African SABRE Awards (http://APO.af/a0sTo). The competition is now open for entries, and the winners will be recognized at a gala dinner during the 2017 APRA conference, which will take place in Marrakesh, Morocco, next May.

The SABRE Awards, which recognize Superior Achievement in Branding, Reputation & Engagement, have a 25-year heritage, with separate competitions in North America, EMEA, the Asia-Pacific, Latin America, and South Asia. The winners from those regional competitions are eligible for the Global SABRE Awards, which recognize the best PR campaigns from more than 5,000 entries around the world.

In addition, the winners from the African SABREs will be entered automatically into consideration for the EMEA awards, which will continue to include an African category—and to accept African entries in all categories.

According to Paul Holmes, who chairs the SABRE judges: “We have seen some exceptional public relations work from Africa in our EMEA SABRE competition in recent years, proving that the best African campaigns are just as strategic, just as creative, and just as effective as work from Europe’s largest and most sophisticated markets. Now is the time for Africa to have its own competition so that we can see even more of that great work.”

APRA president Yomi Badejo-Okusanya adds: “The African Public Relations Association is delighted to have partnered with The Holmes Report to launch the SABRE Awards Africa. Recognition of the quality of work being produced across the continent is important, not only to industry players, but also to clients. We are firm believers that recognition inspires continuous improvement and encourages a continued focus on skills development which is a main driver for APRA.”

Our dedicated SABRE site (https://SabreAwards.HolmesReport.com/africa) is now open and accepting entries. The deadline is January 9 (http://apo.af/qAvX1i), although late entries will be accepted until February 6 with payment of an additional fee. A complete list of categories for the African competition can be found here (http://apo.af/N4kf10), with tips for successful entries here (http://apo.af/oGnKMp).

APO (www.APO-opa.com) has been named the Official Newswire of the first African SABRE Awards and will be offering a discount to nominated and winning entrants on all press releases relating to the SABRE competition.

Distributed by APO on behalf of The Holmes Group.


Xisbiga Waddani Oo Shir-qool Siyaasaddeed Ku Tilmaamay Xadhiga Ambassador Safina+ Ganacsade Reer Somaliland ah oo ay Ku Eedeeyeen Xadhigaas

Shirweynahii beesha Toljecle oo la soo gabagabeeyay iyo nuxurka go’aanadii ka soo baxay

$
0
0

SHIRWAYNIHII BEESHA AHMED SHEIKH ISAXAAQ (TOLJECLE) OO LASOO GABAGABEEYAY IYO NUXURKA GO’AAMADII KASOO BAXAY

toljecle1
toljecle2
toljecle3
toljecle4

Maanta oo ay taariikhdu tahay 02/01/2017, waxaa shir ku qabsaday beelaha Toljecle, shirkan oo magaciisu yahay “Talosame” kana soo qaybgaleen dhamaan beel weynta Axmed Sh. Isaxaaq oo kala ahaa cuqaal, salaadiin, aqoonyahan, dhalinyaro, siyaasiyiin, xildhibaano iyo ganacsato. Tirada ka soo qaybgalyaasha oo dhamayd 120 xubnood oo ka soo kala jeeda beel weynta.

Ujdeeda shirka oo ahayd in lagu lafoguro dhamaan talooyinka beesha oo ay ka kow tahay midnimada beesha, nabad kuwada noolaanshaha beelaha Somaliland oo dhan, xoojinta jiritaanka qaranimada Somaliland, ka hawlgalka iyo fulinta danaha beel weynta kuwo gaara iyo kuwo guudba, sida:-

1. Waxbarashada,La dagaalanka jahliga iyo faqriga, la dagaalanka kala qoqobnaanta, ilaalinta iyo sugida nabadgelyada beesha gudaheeda iyo gabi ahaan dalkaba, iska xilsaarida horumarka iyo dhamaan danaha beesha iyo ta Somalilandba
2. Shirka waxaa lagu magacaabay laguna ansixiyay gudiga musdanbeedka beesha oo ka kooban 15 xubnood.
3. Xubnaha farha badan ee halkaa waxaa ka mid ahaa Caaqil Maxamed Aw Cismaan, Axmed Xuseen Fure, Sh. Cabdillahi Ibrahim Yuusuf, Sheikh Abdillahi Abu Macaali Pro. Mustafe Maxamuud Al Khaliili, Caaqil Axmed Ibrahim Bookh, Suldaan Axmed Daahir Cilmi, Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa,Xildhibaan Abdirisaq haybe , Pro Maxamuud Xusseen Farah Salin, C/xakiim Gadhcase, H. Axmed Yaasiin Abusite, Dr C/raxmaan Ismaciil Maxamed iyo Eng Axmed Cabdi Ibrahim oo go’aamadii shirka halkaa ka akhriyay.
Dhaman xubnahaas waxay iska daba mareen in beeshu baahi wayn u qabto shirar noocana si looga tashado aayaha iyo mustaqbalka horumarineed ee toljecle. Waxayna iftiimiyeen in gudida loo shameeyay beeshu isla meeshana lagu ansixiayay ay noqon doonan gudi ka shaqaysa horumarinta reerka dhinac kastooy ahaataba. Waxa kale oo lagu balan qaaday in sida ugu dhakhsaha badan la qaban qaabiyo shirwayne ay beeshu iskugu wada timaado kana dhici doona deegaanada beeshu dagto.Waxaa shirka lagu goaamiyay godoban soo socda
Go’aamada shirka
Wuxuu shirku go’aamiyay :-
1. In ay muqadas tahay nabad kuwada noolaanshaha beelaha Somaliland dhamaantoon
2. In guddiga Talosame ay masuul ka yihiin hawlaha beesha khuseeya dhamaantood
3. In Guddiga shirka Talosame ay dhexdhexaad u yihiin dhamaan beesha Axmed Sh.Isxaaq
4. In ku dhaqanka diinta islaamku yahay mid waajib ah
5. In midnimada Beeshu tahay muqadas
6. In Jiritaanka qaranimada Somaliland yahay muqadas lama taabtaana yahay

Guddiga Beesha ee la doortay:-
1. X. Axmed X.Cabdillahi Abusite : Guddoomiye
2. Axmed Xusseen Fure : Guddoomiye Ku xigeen
3. Prof Mustafe Maxamuud Cabdillahi : Xoghaye
4. Ismaaciil Cabdillahi : Khasnaji
5. Maxamed Muxumed Muuse : Afhayeen
6. Xuseen Macalin Axmed : Xubin
7. Axmed Xassan Ciroole : Xubin
8. Caydaruus Cabdisamad : Xubin
9. Cabdisamad Bare : Xubin
10. Caydiid Ibraahim Nuux : Xubin
11. Xassan Maxamed X.Maxamuud : Xubin
12. Cabdillahi Ibrahim Yuusuf : Xubin
13. Xassan Maxamed Cawad : Xubin
14. Cabdixakiim Muxumed Gadhcase : Xubin
15. Maxamuud Xusseen Faarax Salin : Xubin

Daawo barnaamij ka hadlaaya Djibouti USA African Growth opportunity Act AGOA 2017 Business

Dawlada Hoose Ee Hargeysa Oo Si Ula Kac Ah U Joojisay Wadada Madaarka Ka Timaada Ee Suuqa Aada

$
0
0

wadadaairportka
Hargeysa,(Qaran-news)-Dowladda hoose ee magaalada Hargeysa ayaa joojisay waddo muhiim ah oo ay ka waday xaafadda Masallaha, taasi oo ka imanaysay dhinaca Airportka isla markaana ku dhammaanaysa suuqa wayn ee magaalada. Waxaana halkaasi laga soo qaaday dhammaan qalabkii lagu dhisaayay waddada iyo agabkii kale ee hawshu ku socotay.
Lama garanayo sababta keentay in haatan la joojiyo waddada oo aan la dhameystirin, balse Maayarka Caasimadda Hargeysa Mudane Cabdiraxaman Soltelco ayaa horay u sheegay in waddada ay joojin doonaan haddii aanay dadweynuhu ka qayb-qaadan kharashka ku baxaaya waddada.
Dadweynaha caasimadda Hargeysa gaar ahaan xaafadda ay ka socotay dhismaha waddadu ayaa horay u sheegay in aanay wax lacag ah ku darsanayn dhismaha waddada maadaama cashuur laga qaado isla markaana uu madaxweyne Silaanyo horay u ballanqaaday inuu dhisi doono waddadan.
Dhinaca kale, waddadan ayaa inta la dhisay aanay ahayn sidii markii hore qorshuhu ahaa iyadoo dadweynaha horay loogu sheegay in halkaasi laga dhisi doono waddo laami ah oo tayadeedu aad u sarrayso, balse inta yare e haatan la dhisay ayaa ah mid aan xittaa tayo ahaan wanaagsanayn oo aad u liidata.
Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan caasimadda dalka ee Hargeysa ayaa cabasho xooggan ka muujiya qaabka loo wado dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha gaar ahaan waddooyinka.
Ugu dambeyntii, tallaabadan uu ku dhaqaaqay maayarka caasimadda Hargeysa ee ah inuu joojiyay waddadaas muhiimka ah ayaa sababi karta gadood shacbi oo looga soo horjeedo waxqabadka liita ee dowladda hoose ee Hargeysa.

Daawo:Xisbiyahan ka soo Jeeda Beesha Bariga Burco oo Fariin Dhaxalgala u diray Muuse Biixi

$
0
0

Daawo:Xisbiyahan ka soo Jeeda Beesha Bariga Burco oo Fariin Dhaxalgala
u diray Muuse Biixi

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live