Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Somaliland: Qaybtii Labaad ee emailadii Faysal Cali Waraabe laga helay iyo waxa ay xanbaarsanyihiin halka ay galayaan sheeko yaab leh akhriso

$
0
0

faysalwaraabe

London,(Qaran-news)-Akhristayaal, sidii aan horey idiinku balan qaadnay, waxa aan idinla wadaagaynaa qoraalo emaillo ah oo laga helay email ka Faysal Cali-waraabe oo soo gaadhay Qarannews. Emaillada hoos ku qorani waxa ay la xidhiidhaan email kii aan hore u daabcanay dhawr maalmood ka hor, fadeexad iyo foolxumo ayaana ka buuxda. Waxa ay si waadix ah qoraladani waxa uga sheegayaan nidaamka siyaasiga ah ee ka jira Somaliland guud ahaan, gaar ahaan na Faysal laftisa, Madaxwayne Silanyo iyo xaaskisa, wiilka ay sodogga u yihiin iwm. Emailladan waxa la is dhaafsaday intii u dhaxaysay January 22 ilaa 26 ee 2015. Waxa aan isku dayi doonaa in aan micnahooda oo afsomaali ku turjuman soo ban dhigno dhawaan. Siyaasiga Somaliland marka uu gaar ahaan ajanabiga ula hadlaayo, iyo marka uu warbaahinta ka hadlaayo farqi wayn baa u dhaxeeya, halkan baana laga arkayaa!

Ku soo dhawaada xidhmo kale o ka mid ah emailadii, waana qaybtiii labaad, lana soco kuwo kale oo soo socda

—-
From: Mark David Iden < idenm@aol.com>
Date: January 26, 2015 at 1:37:12 AM GMT+2
To:
fawarabe@yahoo.com
Subject: Re: Forthcoming Visit to Germany
block quote end
block quote
Dear Faisal,

This afternoon I spoke with a senior diplomat, Ralf Horlemann, at the German Foreign Ministry. Ralf is not responsible for the African Department, but
he will contact his colleagues there and see if we can arrange a meeting during the third week of February.

He will get back to me on early this week.

I will also revert with my comments on the draft tomorrow. I will tidy it up and send you very soon. I will also have conversations with the influential figures in Somalia about your proposal and will gage their views. This is a good idea and I will take it forward and will come back to you with my findings. Hope they will affectionately welcome your initiative. I can understand your frustration with Somaliland’s political elite. I hope they will one day learn from you or listen.

With kind regards from San Francisco,

Mark

—–Original Message—–
From: faisal farah < fawarabe@yahoo.com>
To: idenm < idenm@aol.com>
Sent: Sat, Jan 24, 2015 9:15 pm
Subject: Re: Forthcoming Visit to Germany

Dear Mark David Iden.

Thank very much my dear friend I am very glad if you edit it and even upgrade the text.

Also, I need you help to assist me to sell this concept to the international community and I will work to make it Policy agenda of Somaliland. I want also from you to talk to your Somali politicians in Mogadishu and push this idea with them. You have lots of friends there and they will listen to you. If it works we will surely get good thing out of it as I tell you in the telephone. You know, these people in Somaliland are damn and politicians are damn also. I am the best in the field of international relations in Somaliland and they want my ideas but will no take it. That is the problem. I have been working for Somaliland for more than 20 years now and I am tired now but do not want to give up.

Here is the number of Saeed.
0012132589869
Yours Faisal
Sent from Yahoo Mail for iPhone
——————————————————————————–

From: Mark David Iden < idenm@aol.com >;
To:
<fawarabe@yahoo.com >;
Subject: Re: Forthcoming Visit to Germany
Sent: Sat, Jan 24, 2015 6:30:05 PM

Dear Faisal,

Many thanks for the concept note about the co-federation. My sense is that it is a pragmatic and substantive roadmap to setting right what has been wrong for far too long in Somaliland.

I would be pleased to assist you in championing this concept before the international community. There are many language errors in the text and with your permission I could edit this for you and add further thoughts/ideas. Please advise.
Tomorrow afternoon my time in SF I have a telephone conversation with the
German Foreign Ministry and will begin the discussion for a meeting with you during the third week of February.

I also just tried calling Saeed and was unable to get through. I believe a single number is missing in the telephone number you gave me. Could you
kindly check this again? Thank you.

Looking forward, with kind regards,

Mark

—–Original Message—–
From: Faisal < fawarabe@yahoo.com>

To: Mark David Iden < idenm@aol.com>

Sent: Fri, Jan 23, 2015 9:34 pm
Subject: Re: Forthcoming Visit to Germany

Dear Mark David Iden
Thanks for your help, I intend to stay in Europe until mid March, for I am trying to meet as many as I can, the European countries which involve the Somali
affairs.
I will send you Insha Allah the concept note on Somaliland Somalia co-federation paper and you will help me further develop it.
Third week of Feb. Is good time for me.
Mark my third son called Saeed is an civil engineering residing and working in LA with his wife and two sons. I told him about you.end
Here is his number
001213259869. He is the guy who will represent me in any of the deels we talked about if we win.

Sent from my iPad
On Jan 23, 2015, at 10:23 PM, Mark David Iden < idenm@aol.com > wrote:

block quote

Dear Faisal,

Great to speak with you yesterday. Your storys about Somaliland and how politics work was funny in some ways, and shocking in other ways! Feel sorry for the masses but there is little or nothing I can do about it. A Gangster culture with a political outfit – that’s all I can say. Nevertheless, we must deel with the reality.

I will be contacting the German Foreign Ministry over the weekend to discuss a meeting for you at the Ministry during
the third week of February. Early next week I hope to confirm an appointment. How long will you stay in Finland?

Looking forward to speaking again before you leave Europe,
with very kind regards,

Mark

—–Original Message—–
From: faisal farah < fawarabe@yahoo.com >
To: idenm < idenm@aol.com >
Sent: Thu, Jan 22, 2015 6:27 pm
Subject: RE: Forthcoming Visit to Germany

Dear Mark

I am glad to hear you again I have reached Finland last Monday.

I have not yet decided exact date to visit Germany but first need to make appointment
With German Foreign ministry with your assistance. I highly welcome your ideas in the email below. We talked about these things in the telephone and I think we can push both ideas. We will talk about the challenges when we meet as you said. About Silanyo wife, you are right and she have so much power because of her husbands health and age problem. Also there are many other people around her with considerable power. Remember, these are not consititional powers, they are just abusing the system and that is a reality. We will deal with them insha allah. I do not talk about them publically these days as they have made a deal with me recently but I will trye to talk to them privately. Everybody is stealing the little resources there and no one can stop them. Her son inlaw and many other femail friends do need to be convinsed if our projects have to work. If we get the contract from them, We have to give them slice of the cake as well Mark! We will talk more and I will give you more information.

Here is my mobile number.
00358465214362

Yours
Faisal

Sent from Yahoo Mail for iPhone
——————————————————————————–
From: Mark David Iden < idenm@aol.com >;
To: < fawarabe@yahoo.com >;
Cc: < oy.hh@web.de >;
Subject: Forthcoming Visit to Germany
Sent: Thu, Jan 22, 2015 5:14:04 PM

Dear Faisal,

I tried to reach you several times yesterday in Finland on the nummer you gave Omar. Unfortunately without success — the telephone was always engaged.

But Omar informs me that you will be visiting Germany in February and Inshallah I hope it will be possible to see you while you are there. I prefer to talk to you in person so we could deeply formilate and develop our ideas and the things we want to do and achieve together in Somaliland. We will prioritise your idea or initiative for the co-federation paper for Somalia/Somaliland, and we will also discuss how we will sell our other project to Somaliland. I mean the project to promote Somaliland in the West and to help Somaliland get a UN seat. We are very interested to undertake that project and if you manage to sell it to Silanyo and his guys, you will surely have your slice of the cake. How confident arre you to convince Silanyo’s wife? Is she the only person to deal with? I wonder if others, like her son inlaw needs to be made involved as well. We will talk all those things in detail.

Do you already know when in February you will be in Germany?

With very kind regards from San Francisco,

Mark
block quote end
block quote end

Reply Alt+Shift+r
|
Reply to all Alt+Shift+a
|
Forward Alt+Shift+f

 

 

Qaybtii koowaad haday ku dhaaftay fadlan halkani guji si aad u akhrisatid


Daawo:Xildhibaanad ka hadashay Mudo-kordhin la hadal-hayo & Damac ka hayo Xilka Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Hadii Cirro baneeyo

$
0
0

Daawo:Xildhibaanad ka hadashay Mudo-kordhin la hadal-hayo & Damac ka hayo Xilka Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Hadii Cirro baneeyo

Caawimo la gaadhsiiyay cisbatalka guud ee Badhan daawo

Taliyahah ciidanka aminuga Somaliland Cabdilahi Fadal weli muu fahmin halka sartu ka qudhuntay ee amniga dalka khatarta ku ah.

$
0
0

Haddii cudur darmaan galey laga gubo dameeraha dawadiisa lamma helo.!! Ciidanka amniga Somaliland xil weyn ayaa ka saaran sugidda amniga qaranka waxayse u muuqataa inuu hadda uun ku hanbabaray buuqa iyo sawaxanka isla oogsaday ee abuuray khalkhalka siyaasadeed. Waa goorma goorteed! Waa xilli talo faro ka haadday oo xeedho iyo fandhaal kala dhaceen. Waxaana muuqata inaan ciidanka amnigu weli fahmin halka sartu ka qudhuntay ee nabadgelyada dalka khalkhalisay taas oo loo baahanyahay in umadda laga qabto. Maanta cidda koobaad ee amniga Somaliland khalkhalka gelisay waa telefiishanada dalka laga daawado oo uu ugu horreeyo TV-ga qaranku. TV-yada dalka ka jira waxa hadh iyo habeenba laga baahiyaa beelo isu dhaaranaya iyo kuwo isu hanjabaya iyo qaar kale oo isu faanaya. Ummaddii yar iyo weyn waxay soo tubanyihiin TV-yada oo isaga jawaabayaan. Dhaqan xumada noocan ah waxa ina baray xukuumadda Kulmiye oo warbaahintii qaranka u adeegsatay inay umadda iskaga horkeento oo beelaha isu fasaxday inay warbaahinta isaga jawaabaan. Wasiirada xukuumada ayaa mid kastaaba odayada ardaagiisa soo dareeriyaa una fasaxyaa inay weerar afka ah ku qaadaan ciddii isaga wax ka sheegta ama dhaliisha. Xukuumadihii soo maray Somaliland waa la dhaliili jiray waxaana ka jawaabi jiray uun dawladda ee ma jirin shacab u jawaaba shacab kale oo xukuumadda wax ka sheegay. Telefiishanada kale ee madaxa banaan oo macaash doon ah kana taajiray xiisadda aloosan ee u dhaxaysa beelaha ayaa iyana ka daray kii xukuumadda oo hadh iyo habeenba baahinaya warar isku dir ah oo umadda iska hor keenaya sidaa darteed waxaan soo jeedin lahaa in taliyaha ciidanka amnigu soo saaro wareegto uu ku amrayo telefiishanada dhammaantood oo uu ugu horeeyo TV-ga qaranku in aanay baahin Karin wararka la xidhiidha beelo isu jawaabaya iyo shakhsiyaad caytamaya toona. Xukuumada waa la wada leeyahay waana la dhaliili karaa waxii ay ka gaabiso waase inay iyadu ka jawaabtaa ee aanay shacabka isku dirin oo ay joojisaa odayaasha ay dalbato marka wax laga sheego ee lacagta lagu siiyo inay difaacaan xukuumadda ama wasiirka shaqadiisa iyo habdhaqankiisa la dhaliilay. Ciidanka amnigu waxa uu hayaa shaqo weyn oo aan la dhayalsan Karin waana kuwa lagu hurdo ee lagu negaaday, ayadoo taasi jirto waxa haddana muuqata in lagu jaheeyay qudha cadaw debedde inagaga yimaadda oo gudaha soo gala lakin qorshaha looguma darin in muwaadinka laftiisu uu dhaawici karo xasiloonida dalka. Waajibka koobaad ee xukuumadda loo xilsaaray waa ilaalinta xasiloonida dalka iyo ka hortegista waxkasta oo keeni kara khalkhal amni sidaa darteed waxa looga fadhiyaa inay xoogga isugu geyso dhisidda xidhiidh wanaagsan oo beelaha Somaliland ku wada noolaadaan si loo helo nabad galyo cago adag ku taagan oo lagu kalsoonaan karo. Xisbiyada dalka ka jira waxa saaran waajib qaran oo ah inay ka qayb qaataan sugidda amniga dhawraanna xasiloonida dalka iskana jiraan inay iska hor keenaan taageerayaashooda. Taliyaha ciidanka amnigu waxa uu sheegay inuu dhex u yahay xisbiyada dalka haddii taasi ka run tahay ha ka bilaabo xisbil xaakimka oo had iyo goor baahiya warar been abuur ah iyo dacaayado ka dhan ah Xisbiga Waddani oo uu mariyo warbaahinta qaranka taas oo waxweyn u dhimaysa nabadgelyada dalka. Ugu danbayn shacabka waxa looga baahanyahay inay la shaqeeyaan ciidanka amniga oo ka caawiyaan hawsha weyn ee ay inoo hayaan waana in laga waantoobo waxyaabaha ay ka digaan.
By: Cabdixakiim Muuse Cali

East Africa’s Islamic Economy Summit – Nairobi 2017

$
0
0

PRESS RELEASE

Tapping into the potential of Islamic Economy for the East Africa Market: Kenya will host the 2nd edition of the East Africa Islamic Economy Summit (EAIES 2017)
LONDON, United Kingdom, January 3, 2017/ — The Islamic Economy has seen tremendous increase in recent years transcending its traditional geographic boundaries, its entrance into East Africa could revolutionize the region’s finance & banking sector, Tourism, and Hotel sector and Fast moving consumer goods.

To explore how East Africa can tap into the Islamic Economy, with an estimated global value of $2.3 trillion, Kenya will host the 2nd edition of the East Africa Islamic Economy Summit (EAIES 2017) on the 10th & 11th April 2017 (www.EAIFS.com).

Another platform endorsed by East Africa’s Private and public sector leadership with speakers drawn from Governments, international experts on Islamic Finance and Economy, Banking sector leaders, regulatory authorities etc.

The summit comes at a time when East Africa’s traditional Investor and FDI sources are faced with changing political dynamics, uncertain global markets and divergent monetary policies hence making it the right moment for the region to diversify its investor portfolio.

Discussion points will focus on Islamic Finance & banking looking at its development within the East Africa; East Africa’s Halal Economy – a lucrative but invisible market – Opportunities for EAC;Takaful & Retakaful sector opportunities for East Africa.

‘’East Africa like the rest of Africa face a severe infrastructure deficit, with governments’ budgets under pressure due to low commodity prices and changing geo politics from the region’s traditional development and investment partners in Europe and America, Sharia compliant bonds or Sukuk must be an alternative to finance East Africa’s projects but their issuance are hindered by technical and legal hurdles, limited knowledge by end users and policy makers, making this summit an important platform to hear from experts in Islamic Finance instruments ‘’ Agnes Gitau – GBS Africa speaking about the conference

Halal Economy; Lessons for East Africa from South Africa

Sub-Saharan Africa regional spend on halal food was about $114bn in 2013 based on Thomson Reuters data. Emphasis has been mainly on halal meats and meat products, but over the past few years, the trend has been shifting to the introduction of halal franchises, prepared meals, canned, frozen and instant foods.

A great example for East Africa is South Africa which inspite of its small Muslim community has emerged as one of the five largest producers of halal products worldwide largely due to its access to the rest of the Continent and the presence of highly advanced halal certification programmes (60% of all products in SA’s retailers are certified halal) worth approximately ZAR1billion ($71.7m), according to MATRADE (Malaysia External Trade Development Corporation).

East Africa member states must explore opportunities to grow its Halal Food sector, given its growing Muslim Population and its shared cultural values where Halal food is not only consumed by the Muslim community but most people in the region.

Another sector the summit will cover in detail is Halal Tourism and how the region’s struggling tourism sector can get a slice of Halal tourism, one of the fastest growing areas of global tourism estimated at $219 billion. Tourism stakeholders will discuss what infrastructure our region requires to tap into this market.

The summit organisers GBS Africa in partnership with Anjarwalla & Khanna and IsFin – Emerging Markets Advisors are delighted to bring this forum to East Africa for the second year.

Distributed by APO on behalf of GBS Africa.

Shirkado interneetka bixiya ayaa xayiray shabakada wararka ee Hadhwanaagnews

$
0
0

Shirkadaha Somcable iyo Somtel ee bixiya adeegga interneetka ayaa xayiray shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews tan iyo 2dii January 2017. Hadhwanaag hada ma geli karaan dadka isticmaala interneetka Somcable iyo Somtel oo ah shirkado gaar loo leeyahay.

Hadhwanaag waxa la xayiray kadib markii ay daabacday war sheegaya in mulkiilaha Somcable, Mohamed Saed Guedi, inuu taageero dhaqaale siiyo xisbiga talada haya ee Kulmiye. Somcable waxaay Hadhwanaag u sheegtay inay warkaas ka saaraan bogooda.

In shirkad interneetka bixisaa ay xayirto warbaahin waxaay sii xumaynaysaa xaaladdda suxufiyiinta Somaliland oo marka horeba ku shaqeeya deegaan aan soo dhowaynayn. Waa arin aad looga walaaco in shirkadaha bixiya adeegga interneetku ay la saftaan dawladda si ay u cabudhiyaan saxaafadda.

Falka ay ku kacday Somcable waa mid aan la aqbali karin oo halis ku ah xorriyadda saxaaafadda. Xarunta Xuquuqal Insaanku si adag ayay u canbaaraynaysaa isku dayga ay Somcable ku doonayso inay gacanta ku dhigto wartebinta warbaahinta madaxa banaan. Xaq uma laha Somcable iyo Somtel inay sharciga gacantooda ku qaataan.

Dastuurka Somaliland wuxuu damanaad qaaday madax-banaanida saxaafadda wuxuuna mamnuucay wax kasta oo lagu cabudhinayo saxaafadda, sida ku cad qodobka 32aad ee dastuurka. Dastuurku wuxuu sidoo kale mamnuucay faro-gelinta xidhiidhada gaarka ah.

Xaruntu waxaay u soo jeedinaysaa Somcable iyo Somtel inay ka qaado Hadhwanaag xayiraadda oo ay joojiyaan faaf-reebka.

Guleid Ahmed Jama
Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka
Hargeisa Somaliland
Email: hrcsomaliland@gmail.com

3rd January 2017 1/2017

Privately owned internet providers block Hadhwanaagnews website

Two main private internet providers have blocked prominent news website in Somaliland since yesterday, 2nd January 2017. Hadhwanaagnews website media has been inaccessible to the users of Somcable and Somtel internets.

Hadhwanaagnews was blocked after it published news article claiming that the owner of Somcable, Mohamed Saed Guedi, provides financial support to the ruling party, Kulmiye. Somcable asked the website to remove the article.

“Internet provider blocking news website to silence it worsens the situation of Somaliland journalists who are already working in unfavorable environment. It is very concerning when internet providers side with the government in suppressing the critical voices,” says Guleid Ahmed Jama, the chairperson of Human Rights Centre.

“The actions of Somcable and Somtel are unacceptable and are threat to the freedom of expression. We condemn these attempts aimed to control the independent media coverage. The internet providers have no right to take the law in their hand,” he adds.

Somaliland constitution upholds freedom of press and prohibits any act that subjugates the media, as stipulated in article 32 of Somaliland constitution. The constitution also outlaws interference of private communications.

“Somcable and Somtel shall restore access to the blocked website and halt press censorship,” says Guleid.

Guleid Ahmed Jama
Chairperson of Human Rights Centre
Hargeisa Somaliland
Email: hrcsomaliland@gmail.com

Taxaabistaydii Iyo Tacaddigii Aan Arkay (20kii Ogos 2016ka illaa 15kii Nofember 2016ka). Qaybta 1aad

$
0
0

Muddo saddex bilood ku dhow: Juun, Julaay iyo Ogos 2016ka ayaa aan maqlayay hanjabaad iiga imanaysay adeegayaal dadweyne oo ka hawl-gala Wasaaradda Duulista iyo Madaarka Hargeysa, kuwaas oo igu eedaynayay in aan qoray dhambaal gooddi ah oo loo diray diyaarado shisheeye ee ka hawl-gala garoonka Cigaal ee Hargeysa. Kolkii la demin waayay tabashada aan qiilka waddannin ee la ii soo tebinayo ayaa aan go’aansaday in aan afka furto, aniga oo 14kii Ogos 2016ka bilaabay taxane dhambaallo ah oo muujinaya hagardaamada ka jirta Wasaaradda Duulista iyo Madaarka Cigaal. Muddo lix maalmood ah oo qoraalku socday waxa aan helayay xogo kala geddisan oo xadhig ah, sidaas awgeed waxa aan galay feejignaan heerkeedu sarreeyo.

Dharaarahaa waxa aan ka samata-baxay saymo la ila maagganaa. Masuuliyiinta dhibsaday qoraalladaydu waxa ay xitaa dacweeyeen madaxda ciidanka Booliska Somaliland oo lagu canaantay in ay ka gaabiyeen tallaabadii ay moodayeen in ay ku habboon tahay arrinkayga.

Markii uu buuqu cirka isku shareeray waxa lala xidhiidhay shirkadaha is-gaadhsiinta, xilliyada gacanta la igu dhigi doonana waxa askarta lagu hagayay adeegga la-socodka dhaqdhaqaaqa qofka ee moobilka (GPRS). Mar kasta oo aan dareemo falal igu liddi ahna, waxa aan ka diga-rogan jiray goobta aan ku suganahay. Wakhtiyada qaarkoodna waxa aan demin jiray ama hawada ka saari jiray taleefanka.

20kii Ogos 2016ka ayaa aan amin fiidaddaw ah u tegay Maxamuud Yaasiin Askar (Malaw) oo ahaa nin aan oday/xeerbeegti u aqaannay isla markaana aanu xigaal nahay, isaga oo markaas joogay guriga Beceli (Tolka aanu magta iyo qaadhaanka wada-bixinno). Dareenku wuu iska jiraaye, joogitaankiisa gurigaas shaki ayaan ka qabay. Haddii aanu ahayn qoyskan xafiiska ku tashada, waxa aann dhawr qof weydiiyay 2014kii, muxuu ninkani guriga ka qabtaa? Ma jaajuus baa? Mar dambe waxa uu nin garanayay igu yidhi “Isaga iyo aabbihiiba basaasiin ayay ahaayeen. Waxa maxaad ka doontay?”.

Laba habeen oo aanan haleel haynnin midkood ayuu ila soo xidhiidhay, ujeeddada uu ii soo wacayna waxa uu iigu sheegay dhammaystirka qabyooyin ka dhex jiray qoyska aanu ka dhallannay. In kasta oo cirku da’ayay, waxa aan sii dhex qaaday dhibicidii roobka, aniga oo qaddarinayay qofka kulanka iga codsaday. Markii uu dharkaygu qoyay ayaan doonay in aan bas raaco, laakiin gaadhigii ayaa iga tegay. Inta aan cagaha wax ka dayay ayaan dirqi ku halabsaday gaadiidkii dadweynaha ee iga tegay.

Kolkii aan gaadhay baradii uu ku sugnaa, waxa uu ii sheegay in ay dad iga cabanayaan isla markaana la rabo in gudaha la i dhigo, warbixintiisa waxa uu ku xusay magacyada shakhsiyo faraha kula jiray shirqool la igu katiinadaynayo. Sidoo kale waxa uu ii soo bandhigay in aan dawladda xil ka qaato. Hadalkiisa waxa aan ka dhadhamiyay in uu mooggan yahay xaqiiqada waxa aan ka hadlay, mararka qaarkood waxa uu lahaa “Miyaad wax ka qortay safarka Madaxweyne Siilaanyo ee Gobolka Sool?”. Cabbaar kokii aan sheekada ka guray, waxa aan qof ahaan gartay in aanu micne buurani hadalkiisa ku jirin.

Waxa aan u xaqiijiyay in aanan wax gabbood-fal ah ku kicin, isla markaana aan dhawr maqaal oo run ah qoray iyo in aanan diyaar u ahayn qabashada mansab laga qaato xukuumadda. Ugu dambayntii waxa uu iga codsaday in aan la kulmo dadka wax iga tabanaya oo aan xadhig u soconnin, taasna waa aan aqbalay. “Haddii ay yihiin dad shacab ah oo wada-hadal u socda, waynu qancin doonnaa ama ka daw-bixi doonnaaye u yeedh” ayaan idhi. Intaas kaddib waxa uu garaacay taleefan “Halkaas ayaanu joognaa aniga iyo Siciide noo yimaadda” ayuu yidhi

Shaw wixii aan shakiga ka qabay ayaa run ah, ninkanina waxa uu ahaa basaas dacar ii walaaqaya. Halkii aanu dad rayid ah ka filaynnay ayaa waxa na hor istaagay gaadhi Surf ah oo tirsigiisu yahay 38701, waxaana ka soo daatay afar askari: laba dharcad ah iyo laba dirays xidhan oo hubaysan. Judhiiba labadii dharcadda ahaa ayaa aniga oo aan arkaynnin suunka igu dhegay oo i qabtay.

Sarkaal Yaanyo oo ahaa ninkii Wargeyska Hubaal toogtay 24kii March 2013ka oo qabashadayda horgale u ahaa ayaa igu yidhi “Kac Siciidow. Askarta raac”. “Hagaag Yaanyo. Waa aan idin raacayaa” ayaan ku warceliyay. Sidii ayaan ku koray gaadhigii. Wadihii baabuurka oo magaciisu ahaa Faarax ayaa muusannaabay “Ma waxa aad ii soo gadhaahsteen in aan dad soo xidho?”. “Dhib malaha” ayaa ay askarti yidhaahdeen. “Waar Siciid ma fiican tahay?” ayaa uu Faarax i yidhi, isaga oo ka xun in loo af-duubo taxaabistayda. “Waa nabad walaal” ayaa aan idhi. “Imakaba meel fog laguma geynayo. Inaadeerkaa ayaad u tegaysaa” ayuu Yaanyo yidhi. Markii aan soo baxayna waxa aan ogaaday ninka Faarax sheeganayay uu ahaa mid abti u ah Taliyaha Ciidanka Booliska oo qarinayay doorka uu ku leeyahay af-duubkayga. Ragga i wanddaafiyay ma ay sidannin wax sharci ah oo ay igu wanjaafaan.

Markii aanu galnay Saldhigga Xaafadda Qudhac-dheer waxa la iga qoray magacayga, magaca hooyaday iyo da’da aan jiro. Inta la iga saaray suunkii iyo kabihii isla markaana la iga qaaday moobillo iyo agab aan sitay ayaa “gal gudaha” la i yidhi. Waxa aan askartii weydiiyay sababta la igu xidhayo, “ma garanaynno ee baadhis ku qor” ayaa hadalkii la dhaafin waayay. Waxa la igu xareeyay qol mugdi ah oo caagado lagu kaajayo, kana mid ah kuwa ugu liita. Halkii baan ka helay taleefan aan xadhiggayga kula socodsiiyo qaar ka mid ah xigaalka iyo jaallayaasha.

Sida ay ilo xog-ogaal ahi xaqiijiyeen waxa xadhiggayga magaalada Burco ka soo amray Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa wefdi Madaxweyne Siilaanyo u raacay Gobolka Sool. Si gaar ah waxa loogu xil saaray Gaashaanle Sare Maxamuud Ducaale Hoggaanka Hawl-gelinta Ciidanka Booliska Somaliland oo qudhiisu mar dambe iigu faanay in uu hormood u ahaa taxaabistayda.

Sidoo kale waxa gacan ku lahaa Maxamed Yuusuf Ismaaciil Maamulaha Madaarka Hargeysa, oo wakiil u ahaa Wasaaradda Duulista oo u midaysnayd in la gudaha la igu hubsado iyo Askari la yidhaahdo Mawliid Maxamed Jaamac (Mawliid Sangaab) oo sheegay in ay xil ciidannimo gudanayeen.

Markii aan muddo saacad ka yar ku xidhnaa Saldhigga Qudhac-dheer ayuu soo istaagay baabuur xaajiyad ah oo uu boolisku leeyahay “mee kii markii dhawayd la soo xidhay?” “waa ka qolkaas ku jira” “soo saara” ayaa la is-dhaafsaday. Kolkii qolka la iga furay ayaa la ii soo qaaday agabkii la iga reebay, waxaana la igu xidhay silsilad iyo laba quful. Hareeraha waxa iga maray askari hubaysan iyo baadhe magaciisu yahay Yuusuf ahaa oo masuul ka ahaa wareejintayda.

Sidii ayaanu ugu dhaqaaqnay dhinaca C. I. Dda Hargeysa. Habeenkaas waxa magaalada caasimadda maansheeyay roob aad u xooggan oo kala xidhay socodkii gawaadhida, maadaama oo ay cidhiidhi ahayd buundada kowaad ee Hargeysi waxa aanu ka wareegnay biriishka Biibsiga. Daadka ay rogayaan iliiladuhu waxa uu halis geliyay baabuurkii aanu saarnayn aniga iyo saddex askari oo kale, waxa nagu shan ahaa darawalka. “Miyuu daadku idin qaado ninba dhan ha u firxadee” ayaa aan naftayda kula faqay, jeclaayee in moodharku nala rogmado ama daadku na walwaalo. Illeen faryaro bidix ayaan ka bixi lahaa, qof kaastana badbaadinta lafihiisa ayuu ka fuur yeeli lahaaye.

Meelo uu wadaha baabuurku ka maagay maritaankoodana waa aan u sahlayay, anigoo leh “Gaadhigaasiba waa ka dhex maraye, ha joogsan. Waynu ka gudbi karnaa”. Dhanka sheekada guudna waa aan af-gobaadsanayay “Dalkaygii ayaa la igu xidhayaa. Amin ay noqotana waa aan ka soo baxayaa haddii Eebbe idmo. Xadhigga rag ayaa loo sameeyay”.

Intii aanu jidka ku jirnay waxa uu taleefanku sida dhibica roobka ugu soo dhacayay masuulkii u xil-saarnaa in C.I.D la igu hubsado. Wicitaankaas waxa aan ka dareemay in la igu haysto dhagar la buunbuuniyay. Wax aanu jidka haynnaba waxa aanu gaadhnay xarunta dembi-baadhista oo uu habeenkaas xafiiska joogay Laba Xiddigle Maxamed Nuur Kaariye (Maxamed-dheere) oo aanu xigaal nahay, kolkii aanu is toyannay, waxa uu sheegay in uu aabbahay iyo qoyskayga garanayo. Isla judhii uu magacayga qoray ayaa loo dhiibay taleefan uu ka hadlayay Cabdi Keyd doo ah Taliyaha Saldhigga Qudhac-dheer “Ninkaas waa la ii keenay” ayaa uu yidhi Maxamed-dheere.

Kolkii la ii dhaqaajiyay dhinaca xabsiga la igu ridayo ayaa uu Maxamed-dheere isaga oo suunka i haya yidhi “Maxaad samaysay? Halkii argaggixisada ayaa lagugu wadaa”. ”Maqaallo ayaan Wasaaradda Duulista iyo Garoonka Diyaaradaha Cigaal ka qoray” ayaan idhi. Waxa uu ku jawaabay isaga oo dhoolla-caddaynaya “Immaka ayaa la ila soo hadlayay oo la yidhi waxa aad tidhi waxa aanu soo ridaynnaa diyaarad caalami ah oo Madaarka Hargeysa ka hawl-gasha”. Waxa aan ku jawaabay “Taas waxa caddayn doona cidda eedda ii jeedinaysa”.

Qacdaa aan xaqiiqsaday sida loogu heellanaa xadhiggayga, hannaanka la ii wareejiyay iyo tibaaxaha wadne-gooyada ah ee la i huwinayo ayaa aan xabsiga laabta u sii daayay. Tawaawac iyo baryootan waxa aan kaga imi faras-magaalihii Hargeysa! Isla dharaartaa gudaha la i dhigayo waxa aan gutay waajib qaran, waxaanan faraha ka qaadnay qoraalka Manjhajka Dugsiyada Hoose/Dhexe ee Somaliland ee Afka Soomaaliga. Halkii aan ka filayay garaaddo la ii xidho, billad-maamuus iyo karaamo uu qaranku i huwiyo ayaa la igu abaal-mariyay meel-ka-dhac. Waxa la yidhi “Qaranka ayaa dhibbane kaa ah”. Kan aan u shaqaynayaa miyaanu qaranka ahayn?

La soco qaybta labaad insha Allah.
Siciid Maxamuud Gahayr
saedmgahair@hotmail.com
Hargeysa

Waddada madaarka Hargeisa yaa leh ma qaranbaa leh mise dadka dega Maxamuud haybe iyo xaafadduu madaarku ku yaalo!.

$
0
0

Waxay ahayd saaka markaan soo maray waddadii madaarka tagaysay oo shaqadii la bilaabay la joojisay.
Hadday waddadu dhamaato waxay sharaf iyo magac ku helaya gollaha deegaanka hargeisa iyo maayarkooda oo midkastaaba maalintii la dooranayay balanqaadkoodu ka mid ahaa.
26 sano oo aynu nabbad haysanaya waddadaasi burburkii dagaalkaa ka muuqday 26sano ee waddanku nabadda iyo xasiloonida haystayna halkaas unbay cidkastaa maraysay kana soo degaysay.

Gollaha deegaanka iyo maayorkoodaba waxaan leeyahay xooga iyo dhaqaalaha iskugu geeya sidaad u dhamayn lahaydeen waddadaas haddii kale farbaa ku godan.

Shacabkana waxaan leeyahay ku darsadda wixii awoodina ah lana shaqeeya cidii gacanta ku haysa , la soo gura oo la soo ururiya lacagta cidii haysa ee bixin karta.

Haayadaha , shirkadaha iyagana baaq ha loo diro si ay u kaalmeeyaan waddadaas.

Laakin waddada Rooga la saaray maaha mid standard ah waa mid kala dhaadheer oo aan isku sinayn , yaan laga tagin tayadda iyo quruxdaba mar haddii dhaqaale xoog iyo wakhtiba la galinayo.

Farhan Mohamed Sultan Nur “Rakad”

Farxaanmxd@gmail.com


Somaliland: Axmed Safiina oo xoriyadiisii loo soo celiyay Iyo wasiirkii hore ee arimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Omar iyo kaadiriinta Kulmiye oo fartu ku godantahay

$
0
0
safiinakiiniya

Amb.Axmed Safiina ayaa xoriyadiisii dib u helay kadib markii uu mudo maalin iyo badh u xidhnaa wanjalaad laga soo abaabulay magaalada Hargeysa taasi oo masuulkaasi ka tirsan xisbiga Waddani lagu shanbadeeyay in uu ka tirsanyahay kooxo argaxiso isla markaasina uu amniga Kiiniya uu khatar ku yahay.

Inkast oo uu Axmed Safiina hore u sheegay in xadhigiisa ay ka danbeeyaan kaadiriinta xisbiga Kulmiye iyo ganacsade reer Jabuuti, ayaa hadana waxa soo baxaaya warar kale oo sheegaaya in arimahaasi uu u fuliyay oo uu lug ku leeyahay wasiirkii hore ee arimaha dibada ee Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo hada fadhigiisu yahay dalka Kiiniya oo ku hawl gala hawlo basaasnimo iyo wax aan cadayn, waana ninka u qaabilsan xisbiga Kulmiye khaarajinta cidii ka siyaasad duwan xisbigaasi isaga oo adeegsanaaya magaca Somaliland, waxana uu Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar xiligii uu wasiirka arimaha dibada uu ahaa uu dacwado u soo gudbiyay dalka Ingriiska si loo xidho tafatirihii hore ee shabakada qarannews.com, taasi oo uu dalka Ingriiska u haystay dawladaha Afrikaanka ah ee sida fudud loo adeegsan karo ee loo siin karo laaluush qof muwaadin ah lagu wanjalaayo.

Hadaba Axmed Safiina ayaa markii uu maanta xoriyadiisa helay waxa uu u mahad naqay dadkii reer Somaliland iyo Kiiniyaba ahaa ee ka hawl galay soo celinta xoriyadiisa waxana uu si gaar ah ugu mahad naqay madaxda sar sare ee xisbiga Waddani isga oo si gaar ah u xusay musharaxa madaxweynaha ee xisbigaasi C/raxmaan Cirro.

Taliska Guud Ee Ciidanka Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Laba Dumar Ah Oo Ku Dhaawacmay Rasaas Ay Ciidanka Boolisku Ku Kala Dareerinayeen Labad Xaafdood Oo Is Laayay

$
0
0

Taliska Guud Ee Ciidanka Booliska Somaliland ayaa ka hadlay Laba dumar ah oo Ku dhaawacmay Rasaas ay ciidanka Booliska somaliland ku kala dareerinayeen Dagaal Safayn ah oo ku dhex maraayay laba xaafadood Ee Wada Dagan Xaafada Xero Awr Ee Magaalada Hargeysa.
Sidaasi Waxa Sheegay Af hayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis Oo Khadka Taleefanka Ugu Waramay Wariye Mahad Hassan Geelle Oo Ka Tirsan Shabakada HadhwanaagNews.
Faysal Xiis Oo Ka Hadlaaya Sida ay Wax u shaceen ayaa waxa uu Yidhi “Xaafada Xero Aw Waxa ka dhacay Dagaal Safayn ah ka dibna boolisku Nabad Galyo ahaan ayaay ugu Gurmadeen Booliskii markii ay is yidhadeen kala dhex gala dadkii Safaynka isku laynaayay ayaa waxa lagala hor yimi Dhagxaan Oo Qaar ka mida ciidanka Waa La Dhaawacay.
Sido Kale Af hayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaale Sare Faysal Xiis Oo Hadlkiisa Sii Wata waxa uu noo xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen laba dumar ah waxaana uu yidhi “ Haa waa run laba dumara ayaa xabadi ku dhacay waanu ka xunahay dhacdadaasi dhacday kiiskaasna waa la baadhayaa gacantaana lugu hayaa ayuu Yidhi Faysal Xiis.
Sido Kale Taliyaha Guud Ee Ciidnka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa dhankiisa sheegay in ay ka xunyihiin dhawacaas sida la filaanka ah u gaadhay dumarkaasi waxaana uu yidhi “ sida uu ku sheegay af hayeenka ciidanka booliska somalilad Gaashaanle sare Faysal xiis Kiiskaa ka ciidan ahaa waanu baadhaynaa ciidankuna si kama ah ayaa xabadu uga dhacday iyagoo ku guda jira sidii ay u kala furdaamin lahayeen dagaalkaasi safaynka ee Ee Ka Dhacay Xaafadaasi Xero Awr

Geele Aarka
geeleaarka@gmail.com

Daawo:Cadami oo soo bandhigay Fadeexad & Musuq dulyuruura Wasiirka Macdanta+Shirkad Kunteenaro Macdan qaaliya Somaliland ka dhoofisa & Halka lacagtu marto.

$
0
0

Daawo:Cadami oo soo bandhigay Fadeexad & Musuq dulyuruura Wasiirka Macdanta+Shirkad Kunteenaro Macdan qaaliya Somaliland ka dhoofisa & Halka lacagtu marto.

Hussien Hassan Badmaax oo ku haftay hadalkii Jamaal ee geelaa isugu kaaya jira by Abdi Mustafe

$
0
0

Xussien Xassan Badmaax wuxuu ka tirsanaa garabkii Jamaal Cali Xussien oo waa ninkii warbaahinta laga sheegay ee ku yidhi Xassan Sabce hadaan idin soo raaco waxaan ka baqayaa in Gaadhiga Jamaal i siiyey igala noqdo. Xussien wuxuu kaloo is tusay haduu meelahaa ka qeyliyo oo uu Kulmiye ka amaano in kolba waxoogaa qarasha uu ku heli karo. Waxa kale oo uu Xussien ku jeclaystay in aannu Jamaal ka hadhin waxay wadaagaan hawlo ay ka mid yiin Liila-lalowdu. Bal in aannu Xussien miyir qabin oo weli diidaa yahay isla goobtaa maanta ayuu ka sheegay in uu qabyaalada uf yidhi hadana isla markiiba wuxuu u booday in ay Muse Biixi isku ardaa yihiin oon wax jirana ahayn. Wuxuu raaciyey ninka Bari ka soo socda waxba isuma nihin isaga oo u jeeda A/rahman Ciro. Qabyaalad na waan diiday buu leeyey hadana iyadii buu ka hadlayaa ma kaasaa miyir qaba. Xussien weli kamuu waan-toobin wixii Wadanka jarmalka lagaga soo mastaafuriyey. Xussien waxaan leeyey hadii ay qoloftu kaaga dhacayso dhaleecaynta Waddani iyo Ucid ood Kulmiye wax kaga helayso cidna ha u joojin ee ku soco in kasta oon lagaaga taag helayn busaarada oo aa saaxiibteen. Marka se aad shir jaraaid qabanayso waad ku cusubtay arimahan oo fakhriga ayaa kuula galay ee soo diyaar garow oo adoo garanaya waxaad odhanayso warbaahinta hor kaalay. Ha u noqon sidan maanta oo kale waad is bahdashay e. Bal taageera yaasha aad heysana kamarada ku qabo cidi kaa ismici mayso riwaayadii Cunaaye oo kale ee ahayd hadana way kan. Xaal kaagu waxa weeye tolkay way hagranayaa warbaahinta ayay ka dhowday.

Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com

Ku Taliye Fadal iyo Fooxleh fal danbiyeed ha lagu soo oogo…..

$
0
0

KU :TALIYE FADAL & FOOXLE : FAL DENBIYEED HALAGU SOO OOGO COL. MUUSE, WASIIR CADAANI WERIYE TEERA & WERIYE BAKAYLE.

Maamulka Kalsan TV wuxuu beeniyay muqal been abuur ahaa oo laga sii daayay TV KALSAN. Muuqaalkaas waxa lagu baahiyay kulan la sheegay inuu dhexmaray WADDANI iyo Siyaasi FARMAJO. Labadaa dhinac way beeniyeen waxaany ku tilmaameen Mac-mal “photoshop”. Baadhis ka dib, wuxuu Maamulka KALSAN cadeeyay in muuqaalkaas ay soo macmaleen laba wariye oo kala ah Bakayle & Terra, shaqadiina way ka eryeen.Raalli gelin buuxda waxay siiyeen Madaxda WADDANI .
Hadaba, Hogaanka Kulmiye ayaa muuqaalka si khaldan uga fa’idaystay. Waxay ku galeen olole siyaasadeed , kicin dadwayne iyo khal-khal gelin nabad gelyo. Sida la rumaysanyahay , muqaalkaas waxa soo abaabulay Hogaanka Kulmiye, kaharash badana ku bixiy. Been-abuurka Kulmiye wuxuu ku kalifay Madaxda WADDANI inay ka bixiyaan jawaab culus una dhiganta been-abuurka loo maleegay.
HANJABADI FADAL IYO FOOXLE.
Labadaa Taliye waxay markiiba heegan buuxa geliyeen Ciidanka Booliska waxaanay ku hanjabeen inay gacan bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo ku kacada Kicin Dadwayne. Bulshadu waxay u fahamtay digniin iyo wanjalaad ku socota Xoogaga Mucaaridka ah yo Saxaafada Xorta
MAXA MAANTA LA GUDBOON TALIYE FADAL & FOOXLE
Booliska Somaliland wuxuu u dhaxeeya bulshada, waajibka saaranina waa sugidda nadgelyadda . Warkaas been abuurka ah ee dadka lagu kiciyay waa fal-denbiyeed “ Criminal act “, waxaana sameeyay labada Weriye ee magacyadooda la sheegay . Waxa qorsheeyay, maal-geliyay kuna hawl galay Guddoomiye Muuse Biixi & Wasiir Cadaani . Waxay ayguna galeen fal denbiyeedyo ah kicin Dadawayne , Xaalad Abuur iyo Khal-khal Gelin Nabadgelyo. Sharciga iyo qaanuunka cidina kama sarayso” No one is above the law “ .Hadaba, Bulshada Somaliland waxay ka sugaysa Taliye Fadal & Fooxle inay dhawraan sharciga, ilaaliyaan sharafta & karaamada Booliska , sharcigana horkeenaan Guddoomiye Muuse Biixi, Wasiir Cadaani, Weriye Bakayle iyo Weriye Teera. Haddii taasi dhici waydo, waxay noqon doonta “ NINKII ROONOW REERKA U HADH”
Drs. Hoodo Yusuf, London, Uk.
yhoodo@yahoo.com

Madaxda dhaqanka ee Somaliland ayaa shalay kulan isku horfadhiisiyay labada murashax ee xisbiyada KULMIYE iyo Waddani

$
0
0

Hargeysa(Qaran-news)-Qaar ka mid ah madaxda dhaqanka ee Somaliland ayaa shalay kulan isku horfadhiisiyay labada murashax ee xisbiyada KULMIYE iyo Waddani Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Sidoo kale waxa iyaguna kulanka joogay xisbiga UCID.

Kulanka ayaa waxa soo qaban qaabiyay koox salaadiin ah oo ay ka mid yihiin Suldaan Cisman Suldaan Cali Madar, Suldaan Barre Xaaji Xuseen Caraale, Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadoow), Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, Suldaan Aadan Faarax iyo salaadiin kale, waxa markii u horaysay la isugu geeyay kulan qado ah oo ka dhacay hoteelka Maansoor, iyadoo markii dambe kulan fadhi ah la isugu tagay guriga Suldaan Ismaaciil.

Sida ay ilo xogogaali Geeska Afrika u sheegeen salaadiinta ayaa kulankaas ku soo bandhigay laba qodob oo uu mid ka mid ahi gaar u khuseeyay xisbiyada KULMIYE iyo Waddani oo maalmihii u dambeeyay hadalo dhiilo leh hawada isu marinayay. Qodobka koowaad ayaa ahaa inay labadaas xisbi joojiyaan hadalda xanafta leh ee shacabka ku furaya tushuushka islamarkaana keeni kara kala qaybsanaan shacabka ka dhex bilaabanta.

Qodobkan ayay siyaasiyiintii ka socotay Waddani iyo KULMIYE oo ay kala horkacayeen Cabdiraxmaan-Cirro iyo Muuse Biixi, balan qaadeen inay joojinayaan islamarkaana bilaabayaan wada shaqayn cusub.

Qodobka labaad ayaa isna ahaa in la isla garto in doorashadu dib uga dhacdo wakhtigii loo qorsheeyay maadaama oo ay abaar adagi dalka ka taagantahay.

Qodobkan ayay saddexda xisbi kaga jawaabeen in loo daayo hay’adaha qaranka ee ku shaqada lihi inay go’aan ka gaadhaan arrimaha doorashada.

Salaadiinta ayaa aad ugu dheeraaday ka warbixinta xaaladda abaareed ee dalka ka taagan iyo sida ay u adagtahay in doorasho qabsoonto March 2017, waxaanay xisbiyada u soo jeediyeen inay joojiyaan ololaha oo ay u gurmadaan dadkooda baahan ee abaartu heshay.

KULMIYE

Dhinaca xisbiga KULMIYE, waxa ka socday saddex xubnood oo kala ahaa

1. Muuse Biixi Cabdi

2. Maxamed Kaahin Axmed

3. Cabdicasiis Maxamed Samaale

Waddani

Xisbiga Waddani, waxa ka socday saddex xubnood oo kala ahaa

1. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

2. Xirsi Cali Xaaji Xasan

3. Xuseen Axmed Caydiid

UCID

Waxa xisbiga UCID ka socday saddex xubnood oo kala ahaa

1. Maxamed Cali Madoobe (Jiir)

2. Cabdinaasir Yuusuf Qodax

3. Maxamed Xasan Khayre

Kulankan ayaa waxa qalbi furan ku soo dhaweeyay shacabka Somaliland oo ku dhego barjoobay hadalada taag-taagan ee ay labadan xisbi ee Waddani iyo KULMIYE hawada isu marinayeen maalmihii u dambeeyay, kuwaas oo walaac ku abuuray shacabka Somaliland.

Geeska

Xukumadd wakhti koobani u hadhay ma gali karto heshiisyo caalami ah

$
0
0

Hargeysa (Qaran-news)-Siyaasi ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), ayaa sheegay in Xukuumaddan madaama muddo xileedkeedii u hadhay saddex bilood in aanay gali karin heshiis caalamiya, waxaanu tilmaamay in dhaqanka Caalamiga dhigayo haddii Xukuumad wakhtigeedu sii dhamaanayo inay sharci daro tahay in aanay heshiis caalamiya gaho.

Siyaasi ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale been abuur iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay inay Cabdiraxmaan Cirro iyo Raysal-wasaaraha Somaliya kulmeen, waxaanu yidhi “Dhaqanka Caalamka, Dawlad haddii uu wakhtigeedu sii dhammaanayo, wax heshiis caalamiya ma sii gasho, Dawladdani wey ka sii socotaa meesha, waana la ogsoon yahay in aanu Madaxweynuhu meesha sii joogi doonin, in Dawlad cusubi iman doonto waa la wada ogsoon yahay, Dawladda Imaraadkuna ilaa ay hubsato inay Dawlad cusubi timaado ilama ah inay heshiis la gasho Dawladda, kuwa halkan jooga ee leh wax baanu wad wadnaana wax ka badan wada hadal maaha”.

Siyaasi Buubaa mar uu ka hadlaayey safarkii ay ku tageen Nayrobi iyo wararka sheegaya inay kulmeen Cabdiraxmaan Cirro iyo Raysal-wasaaraha Somaliya wuxuu warkaas ku tilmaamay mid been abuur ah.

Geeska


Sheeko Kale: Way Qasayaan

$
0
0

Xertu waxay ahayd dugsiyadii ugu horeeyay ee ka hirgala dalkeena. Aqoonta Islaamka iyo afka Carabiga ayaana lagu baran jiray. Nolosha miyiga ee reer guuraaga ah ayaanay xertu ka dhex abuurantay. Sidaa darteed, iyana meel gaar oo ay degentahay may lahayn; ee kolba meel ayay u guuri jirtay. Waxaanay Quraanka, cullumta Islaamka, iyo Carabida bari jirtay ardayda reer miyaga ah, yar iyo weynba. Waxay ahayd kuliyad guuraysa. Waxa kale oo ay reer miyaga oo maamuli jireen sekada, dhaxalka, ducada, guurka, aaska, casharinta xoolaha, iyo nabdaynta. Reer miyiguna xoolo ayuu abaalgud u siin jiray.

Xer guuraysa oo Sheekh wato ayaa deegaan barwaaqo ah oo beli weyn leh soo degtay. Sheekhii ayaa ardaydii qaar u diray baligii oo ku yidhi, “Biyo inoo soo dhaamiya.”

Markay adaydii baligii tageen ayaa waxay arkeen baligii oo xoolo badani ka cabayaan; biyiina la qasay oo xareedi aad u dhooqowday.

Ardaydi sheekhii ayay ku soo noqdeen, Waxay ku yidhaadeen, “Sheekh, way qaseen! Biyihii way qaseen! Dadkii xoolaha waraabinayay biyihii way qaseen!”

“In yar iska suga. Biyaha iyo dhooqadu ha kala miirmeene,” ayuu Sheekhi ardaydii ku yidhi.

Ka dib markii xoolihi baligii ka dareereen, ayuu sheekhi arday u diray. Ardaydi waxay arkeen biyihii oo kala miirmay oo saaf ah. Waanay soo dhaamiyeen.

Markay ardaydii biyihii keeneen degmadii xerta, ayaa Sheekhi weydiiyay, “ Ka warama biyihii?”

“Sheekh, way kala mirmeen,” ayay u celiyeen.

“Ogaad, wax wal oo la qasaaba, way kala miirmaan, marka qaska laga daayo!!!” ayuu ku yidhi sheekhi.

Cabdisalaam Yaasiin

prof.abdisalaam@gmail.com

Run Dabadeed (Post-Truth) (Dhaxalkii Sannadka 2016)

$
0
0

(Faaqidaad) Qalinkii Xassan Cumar Hoorri

Sannadkii tegay 2016 waxaa loo arkay mid aad u kadeed badanaa. Sidaa awgeed, qof kastoo waxgarad ah waxaa uu ka ducaysan jiray harraatidiisa. Hooggu kuma uu koobnayn falalkii argagaxiso ee ka dhacay Xalab (Suuriya), Kabul (Afghanistan), Baqdaad (Ciraaq), Lahore (Pakistan), Nice (France), Brussels (Belgium), Orlando (Maraykan), iyo meelo kale oo badan. Isla markaa, godobtu gaar u ma ahayn Kooxda Daacish.
Xumaantuna kuma ay ekayn in ay soo ifbaxeen madaxda jaro-qabadka xun sida Trump (Maraykan), Farage (Hingiriis), Le Pen (France), Fillon (France), Duterte (Philipine), Al Assad (Suuriya), Cabbaadi (Ciraaq) iyo kuwa ay soo gardaadiyeen ee ka ganacsada dir nacaybka, isir sooca, iyo diin takoorka. Isla markaa, dhibaatadu kama ay dhalan keliya inuu Maraykanku ka gaabsaday xasuuqa lala beegsaday dadyowga qaarkood. Jabkuna ma ahayn mid loo aanayn karo keligii Ruushka madaxa la soo kacay oo xabbaddu ka soo horrayso. Sidoo kale, keli kuma uu ahayn waxyeelada Shiinaha u halgamaya inuu isu moojiyo quwad aan la loodin karayn.
Hase yeeshee, xagga iyo xaggaaba, waxaa sartu ka qudhuntay markii “Run dabadeed” bulshada caalamku, inteeda badan, indhaha ay ka qarsadeen xaqiiqada, dhegahana ay ka furraysteen dhabta iyo erayga xaqqa ah; markii warbaahinta caalamka sida wargeysyada, idaacadaha iyo telifishannada ay hafisay warbaahinta bulshada sida degelada internet, Facebook, Twitter iyo Youtube kuwaas oo lagu faafiyo warar ku-tiriyaa-ku-teen ah oo wax-ma-garatadu ama wax-yar-garatadu ay run u qaataan, kuna dhaqmaan; markii dal kasta kor uu sabbeeyay siyaasi aan damiir lahayn, aqoonyahan aan aragti fog lahayn iyo hoggamiye aan dan guud u taagnayn kuwaasoo bulshada ku haasaawiyay colaad, nacayb iyo aargoosi aan sal iyo raad lahayn. Haddaba, maxaa la yeeli karay haddii shacabkii qoonsaday sida dunidu u socoto? Haddii dadweynahii uu tebay isbedel yimaada? Iyo haddii dadkii ay “Beenta” ka jecelaysteen “Runta”?
Sannadkii tegay waxaa uu ka tegay, bulshada inteeda badan, in ay arrin kasta u akhriyaan sida gurracan oo ka fog runta biyo kama dhibcaanka ah. Waxaana laga dhaxlay arrimahu in ay u dhacaan gurraca loo akhriyay oo aanu suurayn karayn garaad bedqaba ama aqoonta suubban.

Waxaa ay ahayd “Gu’gii Carabta” ee lagu afgembiyay talisyadii mucangagga ahaa ee Xusni Mubaarak (Masar), Mucammir Qaddaafi (Liibiya), Cali Cabdalla Saalax (Yeman), Bin Cali (Tuunis), isla markaana, lagu sigay Bashaar Al Assad (Suuriya). Dalalkaa waxaa laga filayay in ay runta abbaaraan kuna tallaabsadaan isbedel u horseeda nabad, nolol iyo horumar ay kaga nabsi baxaan hooggii iyo guuldarrooyinkii laga soo maray keli talisyadii ay iskaga xoreeyeen in loo sadqeeya kumanyaal naftood hurayaal ah.

Hase ahaatee, ayaa filayay dalkii Masar in uu ku danbeeyo duruufo ka sii qallafsan kuwii taliskii Xusni Mubarak? Madaxweyne Maxammed Mursi oo doorasho xor ah lagu soo doortay waxaa kursiga ka tuuray askari uu ka soo qaaday meel hoose gacantana u geliyay hoggaankii ciidanka!

Mursi waxaa lagu xasuustaa inuu Yahuudda iska hortaagay colaaddii ay ku xasuuqayeen shacabka Daanta Qassa ee Falstiin, isla markaana, waxaa uu isu furay soohdimahii Masar iyo Falstiin si uu u jebiyo derbigii cunaqabataynta Israa’iil.

Run dabadeed, ayaa filayay Masar inuu dhaxlo Madaxweyne si liidata ugu adeegaya Yuhuudda kaasoo xidhay dhuun kasta oo shacabka Falastiin loo soo marin lahaa baahidooda aasaasiga ah? Ayaa filayay dalka ugu weyn Dunida Carabta, Masar, Madaxweynahoodii Cabdifataax Al-Siisi inuu kabo-qaad u noqdo Yuhuud iyo inuu si aan reebasho lahayn xabbad uga la hortago cid kasta oo u adeegta Qadiyaadda Qudus, Qibladdii Kowaad iyo Masjidka Saddexaad ee Muqadiska ah?

Run dabadeed, ayaa rumaysan kara, markii laga tuuray xukunk, Cali Cabdalla Saalax inuu dadkiisa u soo horkaco Shiicada Xuutiyiinta oo uu la dirirayay 20 sannadood isagoo xasuuqay, gaadhsiiyayna fiinta ugu sarraysa ee nacayb, nac iyo colaad ay u qaadaan shacabka Yaman?

Run dabadeed, ayaa saadaaliyay Liibiya inay ku danbayso colaad, burbur iyo xasilooni-darro ka dib markii dagaal-ogayaal u kala qoqobeen gobolo mid kastaa uu ku taamayo inuu kan kale dhulka la simo?

Run dabadeed, ayaa ku seexday Madaxweyne Erdogan (Turkigu) in uu la bahoobo dhiigyacabka dadkiisa gumaaday, Bashaar Al Assad, Madaxweyne Putin, Shiicada Iiraan iyo maleeshiyada Xisbullah kuwaasoo muddo 5 sannadood ah ay dhex miranaysay colaadda ugu xun?

Run dabadeed, ayaa maalayn karay inuu Ruushku sidii uu rabo ugu gooli-baadho maatada Xalab ee gulufku ragaadiyay iyo in ay dunidu ku daawato gabbodfalka lagu la kacay shacabka Suuriya?

Run dabadeed, Hingiriiska oo ka mid ahaa dawladaha fara-ku-tiriska ah ee ka taliya dunida, gaar ahaan, isagoo safka hore uga jiray qaaradda Yurub, ayaa saadaalin karay in shacabkiisu uu ka codeeyo Midnimadii Yurub iyagoo ka doorbiday in ay go’doon noqdaan? Talo xumadaasi, waxaa hubaal ah in ay u horseedi doonto burbur aan laga waaqsan karayn.

Run dabadeed, ayaa aaminsanaa Donald Trump in loo dooranayo Madaxweynaha Maraykanka? Trump waxaa la isku raacay inuu yahay qof ka arradan bar kasta oo lagu garan karo hoggamiye qaran. Waxaana la sii odorosay inuu dalkiisa u hoggaamin doono burbur iyo dib-u-dhac.

Dhinaca kale, Musimka tirada yar ee Rohinghya waxaa si ba’an loogu gumaadaa dalkooda Myanmar (Purma). Si loo qaxiyo degaamo dhan ayaa dad iyo duunyaba dab la qabadsiiyay. Run dabadeed ayaa suurayn karay in looga sii daro markii talada dalka ay gacanta ku dhigtay haweenayda Aung San Suu Kyi oo hore loogu abaalmariyay Billadda Nabadda ee Nobel-ka? Aung San Suu Kyi waxaa loo haystay qof u ololaysa dimuqraadiyadda iyo xuquuqda dadka. “Dulmi-diide, dulmi-donaa la arkee!”, Aung Sun, waxaa ay muddo 15 sannadood ah ku xidhnayd gurigeeda iyadoo ka dhiidhiday ciidamadii dalka ka talinayay dulmigii ay ku hayeen dadkeeda.

Dhacddoyinkaa murugada leh iyo kuwo ka sii badan ayaa laga dhaxlay sannadkii tegay taasoo ay keentay markii dadku ay dhegaha ka gufaysteen, indhahana kor uga laliyeen “Runta” aan lagu dabooli karayn baabacooyin iyo warar been-abuur ah oo ka soo burqanayay degelada bulshada. Arrimahu sidaas u ma ay dhaceen haddii bulshadu ku go’aan qaadan lahayd xaqiiqada.

Sidaa darteed, erayga “run-dabadeed” (Post-truth) ayaa noqday waxa ugu dhow oo lagu tilmaamsan karo waxii sababay aafooyinkii gacan-ku-abuurka ahaa ee dunida ku habsaday 2016. Eraygu waxaa uu ku soo biiray afafka dabayaaqadii 2016. Waxaana diiwaan-geliyay Qaamuuska Oxford ee milgaha leh ka dib markii si baahsan loogu qaadaa-dhigay qormooyin lagu dhaliilayay sidii Hingiriiku uu uga xadhig furtay (Brexit) Isbahaysiga Yurub. Waxaa ay iska dhega tireen runta markii ay ku dhiiradeen in ay haadaan ka tuuraan dalkooda. Sidoo kale, Maraykanku waxaa ay doorteen Donald Trump taasoo loo arka in ay dalkoodii qar ka sii laalaadiyeen..

Erayga “Run Dabadeed” markii ugu horraysay waxaa uu ku soo arooray qormo 1992 Steve Tesich uu ku soo daabacay warsidaha ‘The Nation’. Qoraaga oo asalkiisu ka soo jeedo dalka Serbia waxaa uu ka faalloonayay Fadiixadii Iiraan kaa dib markii Maraykanku si qarsoodi ah hub uga iibin jiray Iiraan si loogu soo furto lahaystayaal lagaga qafaashay dalkaa. Arrintaas waxaa dafiray Madaxweyne Ronald Reagan. Markaa, waxaa uu qormadiisa ku tibaaxay, “haddii aan nahay dadka xorta ah, waxaa aan si xornimo leh u go’aansannay in aan ku noolaano, kuna naaloonno waayaha “run dabadeed”. Qoraagu waxaa uu uga dan lahaa runtu in aanay wax qiimo ah ugu fadhiyin dadka xorta ah oo laga wado dadyowga dalalkoodu dhiiri-geliyaan in dadku si xor ah u hadlaan una cabbiraan aragtidooda.

Gebogebadii, waxaa xusid mudan fannaanka Maraykanka ah Stephen Colbert kaasoo markii ugu horreeyay adeegsaday erayga ‘run-la’aan’ ama “truthiness” eraygaa oo Qaamuuska Oxford ku micneeyay ‘in la soo dhoobdhoobo wax run u eeg’ si ay u rumaystaan waxyar garatadu ilaa qofkii soo dhoobdhobay laftigiisu uu u maleeyo inuu run yahay.

Waxaa aan soo xusuustay maahmaah laga yaqaan gobolada Jubbada Hoose ee Somaaliya taasoo ahayd, “Run ha sheegin, been ha sheegin, waxaad sheegtona ha waayin”. Haddaba, dunida maanta waxaa ay eeday markii runta lagu daboolay buste madow, isla markaana, maro bafto cad ah lagu soo xanbaartay been iyo dhalanteed. “Run dabadeed”, dunida maantu waxaa ay eeday malo-awaal iyo ismoodsiis laga jeclaysto “Runta”.

Xassan Cumar Horri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh hassanhorri@gmail.com ama ku tixraac @horrimania

Somaliland Business Corruption Contract & Campaign Financial Ina Aw Saciid Part 2

Bal daa’duu yahey ee uu Xamar u ooyayo eega (Sheeko qoslo badan)

$
0
0

BAL DADUU YAHEY EE UU XAMAR U OOYAYO EEGA.

Beribaa nin oday ah oo degaanka Galbeed ka yimid uu saylada xoolaha ee Hargeisa keenay neef Geela, sixir aad u wanaagsan ayaa laga soo siistey, waxaanu wadaadaa dooxa ka soo dhex baxda kala soo boodey bac Ila Qabo ah oo dhawr Million oo Sl. Shilings ahi ku jiraan isagoo ku sii socda Guri uu qoyskeedu lahaa oo xagaa iyo idaacada ka yaala.

Ninkii odyga ahaa oo bacdii Hangool sudhey xagaa dhabarkana iska mariyey ayaa markuu marayo wadada Kheyrada ay afar tuug oo xariifiin ahi hareeraha ka galeen, judhiiba bacdii ayey sakiinad ku dhufteen, ka dib lacagtii ayaa xidhmo xidhmo u soo dhacdey, qiyaastii markey laba xidhmo dhaceen ayuu odeygii dareemay in bacdii fududaatey waxaanu xagii hore u soo wareejiyey bacdii, indhaha ayuu ku dhuftey mid xidhmo dhacdey qaadaya odeygii tuugii ayuu isku duubey isagoo muusanabaya oo gurmada u baahan, tuugii xidhmadii markiiba mid tuugtii ka mida ayuu hoosta uga dhiibey xidhmadaasina ku deysay. !!!

Dadkii meesha maraayey ayaa ku soo qamaamey odeygii iyo tuugii oo isku dhagan, Iyaba waa tabaalada aduune tuugii markuu arkey wax dad soo socda ayuu cajalad kale ku riixey, intuu lug iyo gacan taagey ayuu odeygii dhirbaaxo indhaha u saabiyey isagoo sii raaciyey hadal ah ” BAL DADUU YAHEY EE UU XAMAR U OOYAAYO EEGA” Kaba sii darane odeygii meel la kala qabsado ayaa la waayey dadkii dhibanuhu u miciinka badeyna waxaab bilaabeen iney yidhaahdaan. ”Waa Faderaal” ”Xamar buu nagu wadaa” ”Dee oradoo adigu Xamar tag” Waar ninka dila”.

Arintiina waxey ku dhamaatey tugtii oo fakatey iyo in odeygii oo la wandaafinayo Saldhiga la dhexe la geeyo, lakiin nasiib wanaag Policeka oo garanayey tuugta ayaa odeygii ka badbaadiyey dadkii qamaamayey”

Baytal qasiidka sheekadu waxa weeye KULMIYE markii ay arkeen in aaney umadu niyad u haynin Muuse Biixi ayaa waxey bilaabeen iney badeecadaa tuugta ee 94kii suuqa heshay, maanta dib ugu luqeeyaan. Lakiin nasiib wanaag dadkiiba bislaadey oo ka gudbey in cid gaara la target gareeyo.

Alla mahad leh

Osman Omar Dool
omardool1988@hotmail.com

Oslo Norway

Wasiir Cadaani waa Cigaal Shidaad kii subxaan yada ka ooyay

$
0
0

Waxa la yidhi Cigaal shidaad ba subxaanyo cagta martay, dabeed aad buu u ooyay. Waxa lagu yidhi ma subxaan yada ayaad ka ooyeysaa, wuxuu yidhi maya ee waxaan ka baqayaa inay wado halaq noqoto cagtaydu. Tabtaas buu Cadaani sameeyey oo markiiba Radio Hargiesa ayuu cajaladii ka sii daayay isaga oo maqashiinaya reer Somaliland oo dhan in la yidhi waa la dilayaa. Wasiir Cadaani oo caan ku ah in uu Silaanyo iyo Kulmiye u qiiroodo oo ilmada u qubo ayaa dad yaqaanay in uu fulay yahay cajalad soo duubeen ay leeyiin wuu calaamad sanyay, iyagoo kaga maadsanaya. Subxaan … Halkaa kumuu joogin ee hadana Burco ayuu isku sii daayay intuu baqay. Waxay dowladu u soo ururisay ciyaala skuul uu ka hor faataa dhugleeyey oo uu leeyey kun nin dariiqa uugama leexdo aniga ma fuley baa i moodeysaan. Maxaa waalay ee waxan oo oohin iyo cabaada geliyey hadaanu cigaal shidaad oo kale ahayn. Xataa xildhibaan nac nac oo Cadaani ka guul-wadaysani ma ooyo ilmana kama timaado. Wasiir Cadaani dadka ayuu harow-sanayaa ee intuu maraykan joogay wuxuu taageer sanaan jiray Somali-weyn oo sidan uu iminka ilmada u qubayo uumuu ilamayn jirin. Labada qof ee nafa-hooda ka jecel nafta Silaanyo waxay kala yihiin Cadaani iyo Xildhibaan nac nac. Labadaba hadii la dooran siiyo ma naftiinaa la qabtaa mise ta Silaanyo mid waliba wuxuu odhanayaa odeygu ha sii noolado ee aniga nafta iga qabta. Waa arin diraasad dheer u baahan oo aynaan cilmigiisa lahayn waxay sidaasi ku dhacayso. Xirsi Xaaji Cali waxa laga hayaa Cadaani waakii ilmada qubayay markaannu wadada Ceerigaabo joognay ee gacan yaraha ii ihaa. Cadaani wuxuu taariikhda ku galay wasiirka qaaday koobka oohinta si aan xilka looga qaadin. Waxa laga quustay markuu Radio Hargiesa ka sii daayay cajaladii. Waaba Cigaal Shidaad oon biyo is marin. Oohin goor walba joogta + fulay nimo = Ragga nimo daro.

Abdi Mustafe

Abmustafe123@gmail.com

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>