Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Halkani ka daawo wararkii caawa iyo caalamka oo xiiso badan


China’s Worldwide Expansion Plan Stops in Somaliland

Daawo Sheekh Dirir oo ka hadlay Xarunta Dhaqanka Hargeysa

 Turkiga oo ay foodda is dari doonaan Dagaal Daalibaankii uu Mareykanka iskaga huleelay

$
0
0

 Turkiga oo ay foodda is dari doonaan Dagaal Daalibaankii uu Mareykanka iskaga huleelay

Erdogan ayaa xaqiijiyay in uu la dagaallamayo Taalibaan
Erdogan ayaa xaqiijiyay in uu la dagaallamayo Taalibaan

Kooxda Taliban ayaa si aad ah u xoogeysatay kaddib markii ay Mareykanka iyo xulafadiisa reer Galbeedka isaga baxeen dalka Afghanistan, balse Turkiga wali doonaya inuu ku cararo garoonka garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kabul, si uu amnigiisa u sugo.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Turkiga, Hulusi Aker ayaa Arbacadii sheegay in ay faa’iido weyn ku jirto xaqiijinta in uu garoonka Kabul sii furnaado, go’aanno arrintaas la xiriirana la gaari doono maalmaha soo socda.

Mr Aker oo ku sugnaa safaaradda Turkiga ee magaalada Islamabad ayaa sidoo kale Khamiistii sheegay dowladdiisu ay ku jirto wadahadallo ku saabsan sidii uu ula wareegi lahaa howlaha garoonka Kabul.

“Ma jiri doonaan wax howlo diblomaasiyadeed ah oo ka socon doona dalka Afghanistan haddii albaabbada la isugu dhufto gegida diyaaradaha ee Kabul,” ayuu yiri Aker.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray: “Waa sidaas sababta aan u dooneyno in garoonka Kabul uu sii furnaado. Maalmaha soo socda wax ku saabsan arrintaas ayaa dhici doona.”

Laakiin kooxda Taalibaan ayaa uga digtay Turkiga inuu ciidamo geeyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul.

Sida ay Tabisay Wakaaladda Wararka ee Reuters, Turkiga ayaa raba in uu Kabul ciidamo geeyo xilli ay faraha ka sii baxeyso xaaladda Afghanistan, maadaama kooxda Taliban ay wadaan weerar ay waddankaas ku qabsanayaan.

Xoogagga Taliban ayaa maalmihii lasoo dhaafay gacanta ku dhigay inta badan magaalooyinka waaweyn ee wadankaas.

Hase yeeshee dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay il gaar ah ku heyso xaaladda ka taagan Afghanistan.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ka dalbaday madaxweynaha Mareykanka Joe Biden in uu ciidamo u diro garoonka Kabul kaddib markii ay Afghanistan ka baxeen ciidamada NATO.

.

Wareysi uu madaxweyne Erdogan Arbacadii siiyay telefishinka CNN ee laga leeyahay Mareykanka ayuu ku yiri; “Waxaa dhici karta inaan Taliban kala hadalno qalalaasaha ka socda Afghanistan. Hay’adaheenna qaabilsan arrimahaas ayaa ka shaqeynaya sidii aan ula kulmi lahayn madaxda Taalibaan. Aniga qudheyda waxaan la kulmi karaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha Taalibaan.”

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Imran Khan, ayaa sheegay in uu ku howlan yahay dadaallo la xiriira sidii uu miiska wadahadalka isugu keeni lahaa Turkiga iyo Taalibaan.

Arbacadii ayuu Khan warbaahinta caalamiga ah u sheegay hadalkaas kaddib markii uu Islamabad kulan kula yeeshay wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga.

Imran Khan ayaa yiri: “Aad bay u fiicnaan lahayd haddii Turkiga iyo Taalibaan ay u wada hadlaan si fool ka fool ah. Labada dhinac waxa ay ka xaajoon karaan sida ay muhiim u tahay in garoonka Kabul uu amni ahaado. Sababtaas darteed ayaan ula hadleynaa Taalibaan si ay wadaxaajood tos ah ula furaan Turkiga.”

Ra’iisul Wasaare Khan ayaa sheegay in dowladda Afghanistan ay aaminsan tahay in Pakistan ay wax u sheegi karto Taalibaan laakiin sida dhabta ay adag tahay inay wax ka dhaadhiciyaan madaxda kooxdaas.

Muxuu Turkiga u doonayaa garoonka diyaarada ee Kabul?

.

Garoonka diyaaradaha ee Kabul waxa uu ku yaallaa meel u dhow xaafadda ay ku yaallaan dhammaan safaaradaha dalalka caalamka ay ku leeyihiin Afghanistan, waana meel aad istiraatiiji u ah.

Sidoo kale garoonkan waxa uu si buuxda isugu xiraa Afghanistan iyo caalamka intiisa kale. Waxa uu kaalin weyn ka qaataa in gargaarka la gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan waddankaas ay dagaalladu halakeeyeen.

Sida uu qoray bogga Daily Sabah ee laga leeyahay Turkiga, gegidan diyaaradaha waa waddada kaliya ee lagu soo badbaadin karo diblomaasiyiinta caalamka ee ku sugan Afghanistan, haddii ay xaaladdu faraha ka baxdo.

Afghanistan waxay dunida kale ka go’eysaa isla marka ay dagaalyahanada Taalibaan la wareegaan gacan ku heynta garoonkaas.

Sidaas darteed dowladda Afghanistan waxay dan ugu jirtaa in ay aqbasho yabooha Turkiga ee ku aaddan sugidda amniga garoonka diyaaradaha ee Kabul, waxaana ugu jirta labo faa’iido.

Tan koowaad waa in ilaalineyso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka reer Galbeedka, tan labaadna waa in uu sii furnaado albaabka kaalmada bani’aadannimo.

Taalibaan diyaar ma aha

Hoggaanka kooxda Taalibaan ayaa uga digay Turkiga arrintan, iyagoo sheegay in go’aanka ku saabsan la wareegista amniga garoonka diyaaradaha ee Kbaul – kaddib bixitaankii ciidamada Mareykanka – uu yeelan karo cawaaqib xumo aad u weyn.

Sida ay tabisay warbaahinta Mareykanka ee Bloomberg, afhayeen u hadlay Taalibaan, oo lagu magacaabo Zabiullah Mujahed, ayaa Turkiga u sheegay isbuucii lasoo dhaafay in tallaabada noocaas ah ay tahay “mid talo xumo ah, xad gudub ku ah madaxbannnida dhul ahaaneed ee ay u leeyihiin waddankooda, kana ka soo horjeedda danahooda qaran”.

 

.

Balse, dowladda Afghanistan ayaa shegetay in waajibaadka ciidamadooda amniga ay tahay inay ilaaliyaan garoomada diyaaradaha, iyagoo raalli ka noqonaya inay caawinaad ka helaan waddan kasta oo saaxiib la ah, ayna soo dhaweynayaan.

Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa soo xigatay la taliye dhinaca amniga u qabailsan wasaaradda amniga qaran ee Mareykanka, Jake Salivan, oo u sheegay bishii lasoo dhaafay in kulan ay yeesheen madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayna isku raaceen in Turkiga uu tago Afghanistan kaddib marka ay ka baxaan ciidamada Mareykanka.

Ismari waaga Erdogan iyo Taalibaan

Mas’uuliyiinta Taliban ayaa yabooha Turkiga uu ku sugayo amniga garoonka Kabul ku qeexay “wax laga yaqyaqsoodo”. Hadal ay soo saareen ayay ku dhaheen: “Ciidan walba oo shisheeye ah oo ku sugan dalkeenna waxaan u aragnaa kuwo xoog nagu qabsaday.”

Taalibaad ayaa si deg deg ah ku qabsatay dhul aad u ballaaran
Taalibaad ayaa si deg deg ah ku qabsatay dhul aad u ballaaran

Dhanka kale, madaxwewyne Erdogan, oo warfidiyeenka kula hadlayay magaalada Istanbul, ayaa sheegay in fikirka Taalibaan iyo hab dhaqankooda uusan ahayd mid sax ah.

“Sida aan qabno ra’i ahaan, habka fikir ee Taalibaan ma aha midka laga rabo inuu qof Muslim ah kula dhaqmo qof kale oo Muslim ah,” ayuu yiri Erdogan.

Waxa uu Taliban ugu baaqay inay sida ugu dhakhsiyaha badan caalamka u tusaan in nabadgalyo lagu soo celiyay Afghanistan.

“Taalibaan waa inay joojiyaan qabsashada dhulka ay walaalahood ku nool yihiin,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Turkiga ayaa sannadihii dambe awooddiisa militari ku fidinayay dalalka dibadda, isagoo howlgallo ka fuliyay qaar ka mid ah meelaha ay dagaallada sokeeye ka dhaceen.

Suuriya, Liibiya iyo Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha ay ciidamada Turkiga ka sameeyeen dhaqdhaqaaqyada la taaban karo.

Canada oo shaacisay inay qaadaneyso 20,000 oo Qaxooti ah+Sababta

$
0
0

Canada oo shaacisay inay qaadaneyso 20,000 oo Qaxooti ah

Dowladda Canada ayaa sheegtay inay qaadan doonto ilaa 20,000 oo qaxooti reer Afghanistan ah, kuwaas oo ay ku jiraan madaxda ururada haweenka, shaqaale dowladeed iyo dad kale oo wajahaya hanjabaadyo ka imanaya Taalibaan, xillii maleeshiyada Taalibaan ay ku sii baaheen waddanka oo dhan.

“Xaaladda Afghanistan waa mid qalbijab leh, inaguna ma fiirsan doonno,” ayuu Wasiirka Socdaalka Marco Mendicino ka sheegay shir jaraa’id o uu Jimcihii qabtay.

Iyadoo Taalibaan ay ku sii siqeyso caasimadda, ayaa saraakiishu waxay sheegeen in ciidamada gaarka ah ee Canada ay qeyb ka yihiin qorshe kumeel gaar ah oo shaqaalaha safaaradda Canada looga saarayo Kabul, laakiin faahfaahin dheeraad ah lagama bixin, maadaama howlka noocan ah uu yahay mid xaasaasi ah.

Horraantii Jimcihii, dalal badan oo ay ku jiraan Spain, Denmark, Norway iyo Netherlands ayaa ku dhawaaqay inay shaqaalaha safaaradahooda kala baxeen.

Canada ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda Afghanistan, ayna kala shaqeyneyso xulafadeeda ku sugan waddankaas. “Ilaalinta Safaaradda Canada iyo shaqaalaheenna ayaa ah ahmiyadeenna koowaad,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Marc Garneau.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Somalida oo ka hadlay Debed-bax lagu cambaareenayo Falaagada TPLF

$
0
0

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Somalida oo ka hadlay Debed-bax lagu cambaareenayo Falaagada TPLF

Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Caasimadda deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa saaka isugu soo baxay garoonka kubadda cagta ee magaalada jigjiga si taageero ugu mujiyaan ciidamada kala gedisan ee dagaalka kula jira jabhadda TPLF isla markaana lagu canbaareenayo gulufka Falaagada TPLF ay ku hayso deeganada dariska la ah ee Canfarta iyo Axmaarada.

Madaxda deegaanka oo ka qeyb galaya dibad baxaan lana hadlayay shacabka ayaa ka hadlay hagardaamooyinkii ay TPLF u geysatay shacabka Deegaanka Soomaalida.

Mustafe Muxumed Cumar, Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya oo madashaas ka hadlay ayaa sheegay in TPLF ay ku andacooneyso hadda in ay soo celinayso nidaamkii federalka qoomiga ah ee ay ku guuldarersatay hirgalintiisii 27 kii sano ee ay xukunka heysteen.

Banaabaxyo kan la mid ah ayaa ka dhacayay Toddobaadyadii la soo dhaafay Caasimadda dalka Itoobiya ee Adis Ababa iyo deegaano kale oo ka tirsan isla dalkaas.

.
.

Warbixin Xiiso leh:Sawir -Qaade Caan ah oo Araga  la’+Halkuu wax ka arko

$
0
0

Sawir -Qaade Caan ah oo Haddana Araga  la’ balse Dhegaha Wax ka arka!

Cabdu Saciid

Waxaa laga yaabaa dadka sawirrada qaado marka aad la kulanto inay sameeyaan waxyaabo caado u ah si sawirrada ay kaa qaadayaan ay u noqdaan kuwo qurux badan, sida inay ku yirahdaan sidaa u istaag, halkan u jeedso, istoosi, dhoolla caddee iyo wixii la mid ah.

Marka sawir qaadaha uu u arko inuu sawir qurxoon ka soo bixi karana batanka sawirka uu taabto. Haddaba sawirqaadayaashu arrimahaasi oo dhan waxa ugu muhiimsan ee ay u adegsadaan waa aragga.

Balse sawirqaade Cabdi Saciid sheekadiisu taa wey ka duwan tahay.

Sawirkasta oo uu qaado qaabka uu noqonayo wuxuu kaga qiyaas qaataa codka ama shanqartra dhagahiisa soo gaaraya. Dhagahiisa ayaa booska aragga u galay.

Cabdi oo yaraantiisa sababa aan la garaneyn aragga ku waayey ayaa qaado ‘Sawirro qofka arko uu isleedahay sideey ugu suuragashay?’

Sawir qaadaha dhagaha wax ku arka

Cabdi oo ku dhashay magaalada Addis Ababa wuxuu aragga beelay isagoo laba jir, wuxuuna waxbarashada uu ku soo qaatay dugsiga dadka aragga la’ ee ku yaalla degmada Sabata.

Ilaa uu ka gaarayey fasalka 10-aadna wuxuu marweliba ku taami jiray inuu sawir qaade noqdo maadamaa uu aarintaas xiiseyn jiray, inuu araga la’yahayna kama aanay hor istaagin in riyadiisa ay u rumowdo.

Kaddibna wuxuu ka qalin jabiyey jaamacadda Addis Ababa qaybta luuqadaha. Wuxuuna ka shaqa galay magaalada Addis Ababa isaga oo xirfadda wariyenimo ku shaqeynayey taasoo u abuurtay fursad uu markale riyadiisii ahayd inuu sawirqaade noqdo uu ku gaaro.

“Madaama aan ahaa wariye wararka soo uruuriya waxaan inta badan shaqada wada qaban jirnay sawir qaadayaal iyo kuwa muuqaallada duuba, halkaas ayaan ka billaabay inaan xiriirkii ugu horreeyey kaameerooyinka la yeesho’ ayuu yiri Cabdi oo xusuusanayo sida uu wax ku billaabay.

“Hubka ugu weyn ee aan u isticmaalo qaadidda sawirrada waa maqalka” ayuu yiri isaga oo sheegay in dadka uu sawirrada ka qaadayo uu su’aala dhowr ah weydiiyo, sawirka uu qaadayana ay ku xiran tahay jawaabta ay su’aalahiisa ka bixiyaan.

Mar welibana waxaan raacaa ayuu yiri codka jihada uu ka imanayo.

Marka ugu horreysa qofka sawirka aan ka qaadayo qaabka uu u yaallo iyo dhererkiisa si aan uga qiyaas qaato waan taataabtaa, kaddibna qofka aan sawirka ka qaadayo waxaan weydiinayaa waxa uu doonayo inuu sawrika ka muuqdo kaddibna waxaan ka codsadaa inuu halka uu doonayo isku aaddiyo.

“Balse qof keligii haddii aan ka qaadayo oo uu ii dhowyahay anoo hortiisa taagan ayaan la sheekeystaa waxaanna weydiiyaa sida magaciisa, inuu dareenkiisa xaggeyga soo aaddiyo, inuu kaameerada soo fiiriyo, codka qofka ka imanaya aniga oo ka qiyaas qaadanaya iyo xaaladda uu ku sugan yahay ayaan sawirka qaadaa” ayuu yiri.

Cabdu Saciid oo sawir qaadaya

Mararka qaar waxaa dhacda in qofka codkiisa uu ka garto xaaadda uu ku sugan yahay kaddibna uu ka codsado inuu dhoollacaddeeyo.

“Tayada sawirka aan qaadayo iyo inuu si sax ah kaameerada iigu aaddan yahay ‘Focus’ maadaamaa aan tababar wanaagsan u leeyahay ma gafo oo sawir taya leh ayaan qofka ka qaadaa, macamiisheydana badanaa kama cawdaan sawirrada aan ka qaado” ayuu yiri.

Wuxuuna intaa ku daray mararka qaar inuu la kulmo waxyaaba saameynaya inuu qofka codkiisa si wanagsan aan u maqli waayo ama xiriirka uu xumaado, tusaala ahaan qof haddii uu ku jiro hool lagu qabanayo xaflad qalin jabin ama shir oo kale maadaamaa codbaahiyeyaal la adeegsanayo codkeyga iyo kan macamiisheyda waxaa ka qaalib noqonaya sameecadaha.

Waa mid ka mid ah sawirradi uu Abdu qaaday

XIGASHADA SAWIRKA,ABDU SEID

“Marbaa waxaa dhacday qof aan ka qaaday sawir oo sawirkii uu aad uga helay inuu ii yimid iguna yiri adiga oo aragga la’ sidey kuugu suuragashay inaad sawir noocaan qaado? wuuna rumeysan waayey oo okiyaalaha ayuu iga bixiyey si uu u hubiyo inaan aragga naafa ka ahay” ayuu yiri Cabdi Saciid.

Cabdi Saciid xirfaddiisa kuma koobno sawrqaadidda wuxuu sida oo kale leeyahay xirfad kale sida dayactirka qalabka korontada ku shaqeeya oo inta badan gurigiisa wixi koronta la xiriira oo ka xumaada inuu isaga gacantiisa ku dayactirto.

Cabdi wuxuu ku taamayaa sawirrada ilaa iyo hadda uu qaaday inuu soo uruuriyo kaddibna uu soo bandhigo si dadka isaga la midka ah ee aragga la’ ay u ogaadaan qofka aragga la’ inuu u xoogsan si la mid ah dadka caadiga ah.

Wuxuuna aaminsan yahay in indhaha uu Ilaahey ugu talagalay in wax lagu arko balse uusan ahayn kan lagu fakaro.

Cabdi oo ay da’diisu tahay 33 jir waa xaasle 2 carrur ah dhalay.

Xogta Shaqsiyeed ee Qofka madaxweyne ka noqon doona dawladda Islaamiga ah ee Afganistaan

$
0
0

Taariikhda Qofka madaxweyne ka noqon doona dawladda Islaamiga ah ee Afganistaan

Afghanistan
Hebatullah Akhundzada

Hebatullah Akhundzada ayaa hoggaanka ururka Taalibaan ee Afgaanistaan la wareegay 26-kii May 2016, markaas oo golaha shuurada ee xaradaka ay xilkaasi u magacaabeen, si uu u badelo hogaamiyihii hore ee ururka ee Akhtar Maxamed Mansuur, kaas oo lagu dilay weerrar dhanka cirka ah oo ay 22-kii May 2016-kii soo qaadday dayuurad Ameerikaan ah.

Waxaa la sheegaa in Akhundzada uu la dagaallamay ciidammadii Midowga Soofiyeet iyo ciidammada isbahaysiga ee uu Mareykanku horkacayay ee ku sugan Afgaanistaan, waxa uuna madax ka soo noqday maxkamadda milateriga ee Kabul intii dalkaas uu xukumayay ninka Taalibaan aasaasay ee Mulla Cumar.

Inta uu hogaaminayay ururka Taalibaan, Akhundzada waxa uu ururkaasi heshiis nabadeed Mareykanka kula galay waddanka Qatar 29-kii bishii Febraayo ee 2020-ka, iyadoo Akhundzada uu heshiiskaasi ku tilmaamay “guul wayn” oo ururka u soo hooyatay.

Tan iyo kowdii May 2021 Taalibaan ayaa waxa ay sare u qaadday howlgalladeeda milateri ee ka dhanka ah xukuumadda waxaana ay qabsadeen deegaanno ballaaran oo ka tirsan Afgaanistaan.

Xogta shakhsiyadeed ee Hebatullah

Hebatullah waxa uu dhashay 19-kii Oktoobar sanadkii 1967, sida lagu sheegay taariikhdiisa lagu shaaciyay barta internetka ee rasmiga ah ee ururka Taalibaan. Waxa uu ku dhashay degmada Bajway ee gobolka Gandahaar, waxa uuna ka soo jeedaa qowmiyadda Bashtuuga.

Waxaa la rumaysan yahay inuu ka mid yahay xubnihii aasaasay xarakada Taalibaan waxaana kaaliye dhaw u ahaa aasaasaha urukaasi Mulah Maxamed Cumar.

Akhudnzada waxa uu ka qeybqaatay dagaalladii ka dhanka ahaa xukuumadda Afgaanistaan ee gacansaarka la laheyd Ruushka ee uu hogaamin jiray Maxamed Nuur Tarqi, taas oo xukunka la wareegtay bishii Abriil 1978-kii, sida lagu sheegay taariikhda rasmiga ah ee uu ururku shaaciyay. Ugu dambayntii waxa uu isaga baxsaday Afgaanistaan oo waxa uu galay Pakistan-ta dariska ah halkaas oo uu ku noolaa xero qaxooti oo ku taal xadka gobolka Balochistan.

 

Waxaa la sheegay in dabayaaqadii 80-yadii uu ka qeybqaatay dagaalkii ka dhanka ahaa ciidammada Ruushka, iyadoo “mujaahidiinta” uu inta uu dagaalka Soofiyeetka ee Afgaanistaan socday waxbari-jiray, sida ay Taalibaan sheegtay.

1996-dii, hogaamiyihii hore ee Taalibaan, Mullah Maxamed Cumar, ayaa waxa uu u magacaabay inuu hogaamiyo maxkamadda milateriga ee Kabul, si uu u fuliyo shareecada Islaamka halkaas oo uu ka ciyaaray dowr muhiim ah, sida ay Taalibaanku sheegeen.

القوات الحكومية تحاول التصدي لتقدم طالبان
Ciidammada xukuumadda oo isku dayaya inay iska caabbiyaan Taalibaan

Markii uu Mareykanka xoogga ku galay waddanka Afgaanistaan dabayaaqadii sanadkii 2001, Akhundzada waxa uu ka qeybgalay dagaalka isagoo weliba hogaamiye ah, mararka qaarka ciidammada isku dubaridi jiray si ay Mareykanka ula dagaalamaan iyo ciidammada kale ee isbahaysiga, sida ay Taalibaanku sheegeen.

30-kii July 2005-tii, Akhundzada waxaa loo magacaabay kuxigeenka hogaamiyaha cusub ee ururkaasi Mullah Akhtar Maxamed Mansuur, kaddib markii la xaqiijiyay inuu dhintay aasaasihii iyo hogaamiyihii ururkaasi Mullah Maxamed Cumar.

22-kii bishii May 2015 waxaa hogaamiyaha Taalibaan Mullah Akhtar Maxamed Mansuur lagu dilay duqeymo dhanka cirka ah oo ay fulisay diyaarad dagaal oo Ameerikaan ah, iyadoo weerrarku uu ka dhacay meel u dhaw magaalada Quetta ee gobolka Balochistan ee koonfur galbeed waddanka Pakistan halkaas oo ku taal xadka Afgaanistaan.

Hoggaanka Taalibaan

25-kii May 2015 ayaa Taalibaan waxa ay xaqiijisay in hogaamiyahooda Mullah Akhtar Mansuur lagu dilay diyaarad Ameerikaanku uu leeyahay oo weerrar ku soo qaaday waxaana Akhundzada loo magacaabay inuu hogaamiyo ururkaasi.

طالبان

Afhayeenka ururka Dabiijullah Mujaahid ayaa bayaan uu soo saaray waxa uu ku shaaciyay in hogaamiyaha cusub ee ururka lagu go’aamiyay kulan ay yeesheen “golaha shuurada” ee hogaamiyaha Taalibaan.

Shaacintii ugu waynayd waxaa la sameeyay 30-kii bishii July 2016 markaas oo la sheegay in heshiiskasta oo lala galo xukuumadda Afgaanistaan ay suuragelikarto haddii ay isaga harto xulafadeeda ajaanibta, waxaana qofkii bayaankaas shaacinayay uu yiri: “Taageeradiina iyo garabka aad u tihiin dadka soo duulay ayaa ka dhigan inaad ayiddeen wajiyo-xuntii taageeri jirtay Britain iyo Soofiyeetka. Taalibaan waxa ay haysaa barnaamij ay ku midaynayso dalka oo ay ugu hagayso shareecada Islaamka iyadoo “albaabada cafiska iyo dambidhaafka ay furan yihiin”.


Childhood Cancer Care in Africa Hit Hard by Pandemic

$
0
0

PRESS RELEASE
Childhood Cancer Care in Africa Hit Hard by Pandemic
Nearly 30,000 children in sub-Saharan Africa are believed to have died from cancer during the COVID-19 pandemic, according to the Regional Office of the World Health Organization (WHO)
NEW YORK, United States of America, August 14, 2021/ — Drastic measures to prevent coronavirus spread, and heightened focus by health systems on response, led to disruptions in other essential health services on the continent.

Cancer screening and treatment, including for childhood cancers, were hit especially hard.

‘Truly heartbreaking’

A WHO survey found screening was affected in 46 per cent of countries, while 13 per cent reported a more than 50 per cent disruption.

“We estimate that more than 28,000 children died of cancer in sub-Saharan Africa in 2020. This is truly heartbreaking as childhood cancers are curable if detected early and comprehensive care provided,” said Dr. Jean-Marie Dangou, Noncommunicable Diseases Programme Coordinator at the WHO Regional Office.

In Africa, the childhood cancer survival rate is around 20 per cent, compared to more than 80 per cent in high-income countries.

As early diagnosis improves chances of survival, WHO stressed that significant improvements can be made in the lives of children with cancer by identifying the disease early and avoiding delays in care.

The UN agency fears a significant backlog in screening and treatment due to the pandemic could lead to delayed diagnosis and treatment. This would put further strain on Africa’s overburdened medical resources and increase avoidable cancer deaths.

Improve early detection

“Substantial investment in cancer prevention and care, including quality training of medical professionals, must be made if we are to avert cancer deaths and cases, especially among children, in our region,” said Dr. Dangou.

“As individuals, we must take the initiative to better understand the childhood cancer warning signs to improve early detection and treatment.”

Naomi Otua from Ghana makes regular visits to her 10-year-old grandson, James, who lives in the Central Region of the country. On one of her trips, she noticed something was seriously wrong as the boy had jaundiced eyes and had lost a significant amount of weight.

James was eventually diagnosed with Acute Lymphoblastic Leukaemia, the most common form of childhood cancer. He is among the roughly 400,000 children and adolescents diagnosed with cancer every year globally.

James began chemotherapy, which he has continued for the past three months. “His condition has greatly improved,” said Ms. Otua, adding “I am very happy about that.”

Prohibitive costs

While 80 per cent of childhood cancers are curable, “this is dependent on early detection and progressive treatment,” according to Professor Lorna Awo Renner, Head of the Paediatric Oncology Unit at the Korle-Bu Teaching Hospital in Accra, where James was treated.

Worldwide, most children with cancer live in developing countries like Ghana, but only around 20 per cent to 30 per cent receive treatment, often due to cost.

In Ghana, cancer treatment is not covered under the National Health Insurance Scheme. The average cost to treat childhood cancer is about $1,000, and up to $7,000 for leukaemia, which is far beyond the reach of many citizens.

“In Ghana, about 50 per cent of patients used to abandon treatment halfway due to lack of funds. However, this figure has been reduced to 15 per cent with support from a number of benevolent individuals and organizations,” said Professor Awo Renner.

Home again

Back in 2018, WHO announced a new Global Initiative for Childhood Cancers (GICC) and Ghana was among six countries selected to receive support for its implementation.

One of the major strategic GICC partners is St Jude Children’s Research Hospital in the United States, whose financial support has helped improve childhood cancer care in Ghana, Senegal and Zambia.

“Working closely with the Ghanaian government, we have helped to build and sustain a high quality national childhood cancer programme with a target of achieving at least 60 per cent survival rate by 2030,” said Dr. Francis Kasolo, WHO Representative in the country. 

The UN agency has also provided technical support to health workers at Korle-Bu Teaching Hospital, in addition to monitoring and surveillance tools.

For Professor Renner, sending children back home once they have been declared cancer-free provides a great sense of fulfilment. She remains hopeful that James will soon be able to beat the disease. “These children can still go on to lead full lives,” she said. “I see it happen all the time.”

Distributed by APO Group on behalf of UN News.
Access Multimedia Content

SOURCE
UN News

Mucaaradka Turkey oo ka soo horjeestay kaalmo lacageed oo M/weyne Erdogan ugu yaboohay Somalia+Sababta

Jaaliyada Yamanta ee ku sugan Somaliland oo doortay hogaan cusub daawo

Ururka Midowga Afrika oo dhex fadhiya Fadeexad Weyn oo uu sababay Qof Shaqaale Itoobiyan ah

$
0
0

Ururka Midowga Afrika oo dhex fadhiya Fadeexad Weyn oo uu sababay Qof Shaqaale Itoobiyan ah

 Ururka Midowga Afrika ayaa Jimcihii sheegay inuu billaabay baaritaan kadib markii cinwaanka rasmiga ah ee ururka ee twitter-ka lagu weeraray Samantha Power, oo ah madaxa hay’adda USAID ee Mareykanka, oo ku baaqday in wada-hadallo lagu dhammeeyo colaadda Ethiopia.

Power, oo booqatay Ethiopia bishan, ayaa dib usoo tweet gareysay tweet uu la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jack Sullivan ku baaqay “in dhammaan dhinacyada [Ethiopia] ay isugu yimaadaan miiska wada-xaajoodka.”

Power ayaa kadib qortay in xaaladda bani’aadaminimo ee Ethiopia “oo aad xun ay kasii dari doonto, haddii aysan dhammaan dhinacyada isku raacin wada-hadallo iyo in colaadda lasoo geba-gebeeyo.”

Cinwaanka Midowga Afrika, oo xaruntiisu tahay magaalada Addis-Ababa ayaa kadib ugu jawaabay Power si deg deg oo jees-jees ah. 

“Waxaad ula jeedaa soo maaha si la mid waqtigii aad la fariisateen oo aad la hadasheen Daacish iyo Taliban. Ethiopia lama xaajoon karto kooxda argagixisada ah ee TPLF. Sidee qaddiyad dimoqraadi u horseedi kartaa in inta yar sida ay doonaan kusoo rogaan inta badan.”

Qoraalkaas ayaa kadib la tiray, waxaana Midowga Afrika uu sheegay inuu baarayo dhacdadan.  

“Shaqaale ka tirsan Midowga Arika ayaa aragtidiisa shaqsiyeed kusoo qoray cinwaanka, taasi oo kasoo horjeeda xeerarka shaqaalaha Midowga Afrika. Qoraalkan la tiray kama tarjumayo mowqifka Midowga Afrika, waxaana loo arkaa mid jebin weyn ku ah anshaxa. Dhacdadan si gudaha ayaa loo baarayaa,” ayuu yiri Midowga Afrika.

Sarkaal ka tirsan Midowga Afrika ayaa wakaaladda AFP u xaqiijiyey in qofka soo qoray qoraalka weerarka ah uu yahay Ethiopian.  

Waa in aan jamhuuriyada Somaliland lagu marin habaabin

$
0
0

WAA IN AAN JAMHUURIYADA SOMALILAND LAGU MARIN HABAABIN EREY BIXINTA AFSOOMAALIGA EE MACNAYAASHA SHARCI XAMBAARSAN SIDA EREYGA (SOOMAALIYEED).

Waxaa jira erey bixin dadka jamhuuriyada Somaliland adeegsadaan shacbi iyo dawladba oo sameynaya macneyaal kale ama dawlada soomaaliya u sameysatay erey bixin sharci si ay ujeedadeeda ugu gaadho iyo qaabka ay aduunka wax ugu sheegayso , oo ka duwan sidii loo adeegsan jiray hore .

Erey bixinta sharci (legal terminology) ee dastuurka jamhuuriyada federaalka soomaaliya uu u adeegsado ereygan soomaaliyeed waxaa ay ku fadhidaa qodobka 8aad ee dastuurka kumeelgaadhka ah ee jamhuuriyada federaalka soomaaliya oo qoraya ;

Qodobka 8aad ( shacabka iyo jinsiyada )

1- Shacabka Jamhuuriyada Federalka Soomaaliyeed waa mid , lamana kala qaybin karo wuxuuna ka kooban yahay dhamaan muwaadiniinta.

2- Jinsiyada Soomaaliyeed waa mid qur ah , sharci gaar ah oo ay soo saaraan Golaha shacabka jamhuuriyada federalka Soomaaliyeed ayaa xadidaya sida lagu helayo , lagu laalayo ama lagu waayayo.

Labada qaybood ee 3aad iyo 4aad na waa la mid qaabka ay wax u qorayaan.

Sida ku cad Qodobka dastuurka jamhuuriyada federaalka soomaaliya ee 7aad oo sheegaya dhulka faqrada Qodobkaasi ee 5naad ayaa sidan u qoran ;

5) Xuduudaha Jamhuuriyada Federalka soomaaliya ;

a) waqooyi : Gacanka Cadmeed
b) waqooyi Galbeed ; Djibouti
c) Galbeed ; Ethiopia
d) Koonfur Galbeed ; Kenya
e) Bari Badwaynta Hindiya

Dastuurkani waxaa uu kaga duwan yahay dastuuradii Jamhuuriyadii Soomaaliya ( Somali Republic ) qofka uu u yaqaano muwaadinka Soomaaliyeed ayaa si dhab ah loo qeexay waxaana lagu soo koobay dadka jamhuuriyada Somaliland iyo dadka jamhuuriyada federaalka soomaaliya oo laga dhaxaysiiyey magaca ( jamhuuriyada federaalka soomaaliyeed ) , halkii ay dastuurada hore ee 1960skii qofka soomaaliga ahi ugu qeexnaa soomaalida 5 tii Soomaaliyeed.

Waxaa halkaasi kaaga cad in dastuurkani loogu talogalay Jamhuuriyadii Somalia ( Somaliland iyo Somalia ) oo hadda kala ah Jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada Federalka Soomaaliyeed , ayaa waxa uu ka mid noqonayaa sheegashooyinka Jamhuuriyada Somaliland ee Soomaaliya oo sifo sharci loo soo dhigey.

IFTIIMIN ;

Sida ku cad dastuurka dalka jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 4’aad qofka muwaadinka jamhuuriyada Somaliland waxa uu u yaqaanaa ;

Qodobka 4aad

1- Qof kasta oo u dhashay Somaliland kana isiran dadkii deganaa Somaliland 26 June 1960 kii iyo ka hor , waxa loo aqoonsanayaa muwaadin Somaliland.

2- Xeer baa cadeynaya sida lagu heli karo ama lagu waayo karo jinsiyada Somaliland.

Xeerka muwaadinka jamhuuriyada Somaliland ama xeerka loo yaqaano xeerka jinsiyada waxa la yidhaahdaa xeer lr 22/2002 waxaana uu si cad u cadeynayaa muwaadinka jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 2aad.

MAXAA DHIBAATO AH EE KU JIRA ADEEGSIGA EREYADA NOOCAN AH ?

Qaranka jamhuuriyada somaliland waxa uu halgan ugu jiraa in uu aduunka iyo beesha caalamka ku qanciyo in uu yahay dal madax banaan oo dawlad gaar ah yahay, sida ku cad dastuurka dalka jamhuuriyada somaliland iyo go’aanadii dib ula soo noqoshada dawladnimada jamhuuriyada Somaliland ee ka soo baxay shirkii Burco 27 April ilaa 15 May la iskula qaatay , sidoo kale dastuurka dalka jamhuuriyada Somaliland afti dadwayne oo dhamayd ogolaansho 97% ah lagu ansixiyey 31-May-2001.

Qadiyada jamhuuriyada Somaliland iyo raadinteeda aqoonsigu waxa ay ku taagan tahay laba tiir oo waaweyn oo aan aduunku iska indha tiri karin oo kala ah:

1- Dood sharci oo adag oo ay Somaliland haysato iyo cadaymo sheegaya in ay ahayd dal ama gobol gaar gobanimadiisa uga qaatay mahmiyadii ingiriiska 26-June-1960kii.

2- Doonista go’aanka shacabka jamhuuriyada Somaliland iyo waxgaradkoogu ay iskula qaateen shirkii Burco ee 27 April ilaa 15 May ee 1991 kii , iyo aftidii dadwaynaha jamhuuriyada Somaliland u qaadeen dastuurka dalka 31-May-2001.

Haddaba waxyaabaha badan ee la rabo in lagu marin habaabiyo qadiyada iyo jiritaanka qaranka jamhuuriyada Somaliland oo loo tuso caalamka in uu yahay qayb ka mid jamhuuriyada federalka soomaaliya waxa la sameeyey xirfado iyo xeelado loogu talogalay in Somaliland lagu wiiqo oo badhna ka soo baxeen shirarkii wadahadalada , badhna ay yihiin beeno lagu celceliyo si aduunku u rumaysto oo ay ugu wayn tahay doorashada Somaliland baa muqdisho lagu qabanayaa.

SOO JEEDIN

Waxa aan u soo jeedinayaa hay’adaha xeer dejinta dalka , garsoorka iyo fulinta qaranka jamhuuriyada Somaliland;

1- in siyaasad cad iyo qorsheyaal qaran laga yeesho arimaha noocan ah ee ay ka mid yihiin erey bixinta dawlada jamhuuriyada Somaliland u taqaano wax badan oo hore loo adeegsan jiray in wax laga badalo laguna soo saaro faafin si aanay wax u yeelin oo u marin habaabin qadiyada iyo dawladnimada qaranka jamhuuriyada Somaliland.

2- In dib u eegis iyo is qiimeyn qaran lagu sameeyo shirarkii wadahadaladii jamhuuriyada Somaliland iyo jamhuuriyada federalka Somalia waxii ka soo baxay iyo saameynta uu Somaliland ku yeeshay faaiido iyo qasaare ba.

3- In xukuumadu mawqif cad ka istaagto siyaasada somaliya iyo Somaliland ka dhaxaynaysa , waxii aynu wadaagi karno iyo waxii lagu kala duwan yahay , aduunkana u cadeyso hadalada maalin walba lagu celcelinayo ee muqdisho in aanay ahayn qaar jamhuuriyada Somaliland quseeya.

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

Madaxweyne ku doodaya in doorashadii lagaga shubtay oo aanay xor iyo xalaal ahayn

$
0
0

Madaxweyne ku doodaya in doorashadii lagaga shubtay oo aanay xor iyo xalaal ahayn

Edgar Lungu, madaxweynaha Zambia.
Edgar Lungu, madaxweynaha Zambia.

Madaxweynaha Zambia ee haatan talada haya ayaa ku tilmaamay doorashadii dhacday Khamiistii mid “aan xor iyo xalaal ahayn”.

Natiijada hordhaca ah ayaa muujijaysa in Madaxweyne Edgar Lungu codadka uu helay ay in badan ka yaryihiin kuwa uu helay ninka ugu cadcad raga la tartamaya oo ah ninka ganacsadaha ah ee la yidhaa Hakainde Hichelema kuna magac dheer “HH”.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in sarkaakiisha gudida doorashadu ay goobaha codbixinta ka eryeen muraaqibiintii xisbigiisa, sidaasna uu ku waayey cid codadkii uu helay u ilaalisa.

Isaga oo arintaas ka jawaabaya ayaa Hichilema wuxu sheegay in hadalkaasi yahay “isku daygii ugu dambeeyey ee caal waaga ahaa ee maamulka galbanayna”.

Lungu oo u tartamaya inuu mar labaad talada qabto ayaa sidoo kale sheegay in qalalaase ka dhacay gobolada qaarkood oo uu ku waayey codad taasina ka dhigaysto “in doorashada gabigeedaba la buriyo”.

Taageerayaasha Hakainde Hichelema
Taageerayaasha Hakainde Hichelema

Wuxuu intaa ku daray in xisbigiisu ka fiirsanayo wixii uu haatan yeeli lahaa.

Hase yeeshee gudida doorashooyinka Zambia ayaan ilaa haatan wax jawaab ah ka soo saarin hadalladiisa.

Qalalaase ayaa ka dhacay gobollada koonfurta, woqooyi galbeed iyo galbeedka sida lagu sheegay warbixinta madaxweynu baahiyey.

Lungu waxa uu sidoo kale soo hadal qaaday dilka gudoomiyihii xisbigiisa Patriotic Front ee gobolka woqooyi galbeed iyo iyo qof kale oo dhalin yaro ah oo ahaa firfircoone ka tirsan xisbiga bishan horraanteedii. Waxaana markii dilalkaasi dhaceen madaxweynuhu goobahaa u diray ciidanka milatariga.

.
.

Goob joogeyaasha Midowga Yurub ee doorashadan ayaa ku sheegay warbixintooda hordhaca ah in doorashada “ay hadheeysay xayiraad dhan keliya saaran oo ololaha ah, dadka oo laga horjoogsaday xorriyada isku imaatinka iyo dhaqdhaqaaqa iyo ku takri fal awoodeed oo maamulka talada hayaa ku tallaabsaday

Daawo:Nuxurka Khudbado Masuuliyiinta Sarsare ee kulmiye ka jeediyeen Munaasibad Haweenka Xisbigu u qabteen


Daawo:Nuxurka Khudbad Gudoomiyaha Barlamaanka S/land ka jeediyey Munaasibad uu u qabtay Warbaahinta+Ballanqaadyo waaweyn oo uu u sameeyay

Daawo:Siyaasi ka hadlay Arimo xasaasiya,Si adagna u dhaleeceeyay Xildhibaanadii Beeshiisu soo dooratay+Sababta

Sidee 34 sano jirkan u noqday shakhsiga ugu awoodda badan dunida Muslimka ?

$
0
0

Sidee 34 sano jirkan u noqday shakhsiga ugu awoodda badan dunida Muslimka ?

Dos mujeres se toman una selfie delante una foto de MBS.

Waxey aheyd sanadkii 2004-tii, markii Salman bin Abdulaziz, oo ah guddoomiyaha magaalada Riyadh, taliyaha ciidanka, kaasoo weerarey kooxdii BBC-da ee aan ka midka ahaa. Weerarkani, si xun ayaa la iiggu dhaawacey, halka sawir qaade Simon Cumbers uu u dhintey dhaawac kasoo gaarey xabado. Waxey ii sheegeen in amiirka uu igu soo booqday isbitaalka, si uu aniga ii arko, laakiin ma aanan laheyn wax xis ah, ma aanan xasuusan, maxaa yeelay, waan miir daboolnaa.

Hadda, Salmaan bin Abdiaziz waa boqor. Boqor daciif ah oo caafimaadkiisu liito. Xitaa 2013-kii, waxaad dhihi kartaa sidaas ayuu ahaa, sababtoo ah wuxuu u socday si dhib ah, waxaana dhib ku ahaa hadalka.

Ninkan dada yar, ayaa qiyaastii wuxuu jiray 28 sano, wuxuuna noqon doonaa boqorka uggu yar dunida, iyo ninka kasbada hadalhaynta ugu badan CarabtaWaxey aheyd sanadkii 2004-tii, markii Salman bin Abdulaziz, oo ah guddoomiyaha magaalada Riyadh, taliyaha ciidanka, kaasoo weerarey kooxdii BBC-da ee aan ka midka ahaa.

Kiiskii Khashoggi

Bishii October 2, sanadkii 2018-kii, kadib markii uu galey safaaradda yare ee Sucuudiga ku leeyahay Istanbul, wariye naqdiya Mohamed bin Salman, waa Jamal Khashoggi, ayaa waxaa diley koox sirdoonka Sucuudiga ka tirsan, oo laga soo direy Riyadh. Way dileen, way jar jareen, markaa kadibna way iska tuureen meydkiisa.

Kumanaan qof ayaa lagu diley dagaalka lagu hoobtey ee aafeeyey Yemen, dad badan ayaa ku dhintey weerarada ay geysanayaan kooxaha xiriirka la leh Sucuudiga. Dad boqolaal gaaraya, kuwaasoo kasoo horjeeday Bin Salman, oo ay dad badan u yaqaanaan (MBS), ayaa la jirdiley intii ay kuxirnaayeen xabsiyada.

Ha yeeshee dilkii foosha xumaa ee Khashoggi, ayaa keenay in indhaha caalamka dhan ay kusoo jeesteen boqorka. Dowladda Sacuudiga, ayaa iska fogeysay dilkani. Laakiin dalalka Reer Galbeedka, ayaa aaminsan in Mohamed bin Salman, uu wax ka ogaa dilka iyo khaarijinta qoraaga.

Warbixino kale ayaa sheegaya in hey’adda sirdoonka Mareykanka (CIA), ay rumeysan tahay in dilka wariyaha uu amrey Mohamed bin Salman.

Estambul.
Weriyaha oo galaya qunsuliyadda Turkiga ee Istanbul 2018-kii sida uu qabtay muuqaalka CCTV

Boqorka ayaa qirtey ‘inuu mas’uul ka yahay wixii dhacey,’ laakiin taasi aaney micnaheedu aheyn in wax waliba oo dhacey inuu isagu qaadayo mas’uuliyaddeeda. Isaga iyo dowladdaba waxey iska diideen in ay ku lug leeyihiin dilka wariyaha. Sirta uggu weyn ayaa ah wixii ku dhacey la taliye hore ee Mohamed bin Salman oo aad uggu dhawaa. Waa Saud al Qahtani, waa duuliye hore.

Wuxuu ka ruqsaystay jagada duuliyenimada, waxyar kadib markii la qaarajiyey Khashoggi, wuxuu aad uggu dhawaa boqorka. Sida ay sheegayaan warbixino laga helayo sirdoonka, Al Qahtani ayaa ahaa isku xiraha uggu weyn ee dadka lagu daba galayo gudaha iyo dibaddaba dalka, isagoo isticmaalayey barnaamij gaara oo computer-rada ah

Jamal Khashoggi.
Jamal Khashoggi ayaa aad u dhaliili jiray dowladda MBS

Sanadkii 2017-kii, ayaa la xir xirey dad badan oo ku naqdinayey boqorka baraha bulshada ku kulanto ee internet-ka, kuwo u dhaq dhaqaaqa dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadanahana xabsiga ayaa loo taxaabay, wariye Khashoggi wuu ogaa in naftiisa ay halis lasoo gudboonaatey. Wuxuu u cararey Mareykanka bishii June ee sanadkii 2017-kii. Wuxuu bilaabay markii uu tagey Mareykanka inuu dhaleeceeyo hab dhaqanka dowladda, isagoo kusoo qorayey maqaaladiisa jariidadda Washington Post.

Qoraalladiisa owgood, magaca wariye Khashoggi ayaa cirka isku shareeray marka la eego Bariga Dhexe, iyadoo cabsi badan ay lasoo daristey badqabka wariyaha. Dilka looggu geystay safaaradda Sucuudiga yar ee ay Sucuudigu ku leeyihiin Turkey-ga, ayaa noqotey fadeexad caalamka oo idil wada gaartey, iyadoo ay dowladda Sucuudiga diiday ku lug lahaanshaha dilka wariye Khashoggi.

Dowladda Sucuudiga ayaa soo qabatey 11 ruux ee lagu tuhmay iney ku lug lahaayeen dilka wariyaha, inkastoo uu ku jiro mugdi badan xukunkooda, dad badan ayaa aaminsan in raggani lo ciqaabay si loo bariyeelo Maxamed bin Salman, iyo sidoo kale dowladda Sucuudiga si guud ahaaneed.

Saud al Qahtani.
Sawirka Saud al Qahtani ee bartiisa Twitter-ka

Ilaa iyo intii Mohamed bin Salman uu noqdey dhaxal sugaha boqorka,waxaa jiray isku dayo badan oo lagaga bari yeelayo Mohamed bin Salman dhacdadani, si loo ilaaliyo sharafta dalka.

Muwaadiniin, dad u dhaq dhaqaaqa arrimaha bulshada, kuwa wax naqdiya iyo siyaasiyiin ka socda xisbiyada siyaasadda, in dhammaantood ay uggu danbeyn galeen xabsi, taasoo aan u oggoleyn iney qabsadaan qareeno ama in maxkamad lasoo taago,si dacwaddooda loo dhageysto. Sidoo kale, waxaa jirta warbixino ay gudbiyeen hey’addaha caalamiga ee xuquuqul insaanka, sida Human Rights Watch, taasoo lagu sheegay iney sara u kacdey xiritaanka dad badan, kuwaasoo aan loo meel dayin, oo ay kamid yihiin dad u dhaq dhaqaaqa arrimaha bulshada sanadkii 2018-kii.

Loujain al Hathloul, oo ah haweeney ugu dhax dabaal degtay dhalashadeeda 30-ka sano gudaha xabsi , ayaa lagu eedeeyey iney difaaceysay xuquuqda dumarka, ee u oggolaanshaha iney gawaarida kaxeeyaan.

Mujer

Bishii September ee sanadkii 2018-kii, dacwad soo oogayaasha Sucuudiga, ayaa ku dhawaaqdey in qofkii soo bandhigo waxyaabo la xiriira sawiro qaaqaawan, in lagu xukumi doono shan sano oo xabsi ah, iyadoo lagu ganaaxi doono lacag dhan US $650,000

Mohamed bin Salman, ayaa qirey arrintani mar wareysi lala yeeshay, isagoo intaa raaciyey iney waxani dhacayaan markii isbadalo la sameeyo. Laakiin sidee nin aan la aqoon lix sano kahor, uu ku noqdey qofka ugu awoodda badan Bariga Dhexe? .

“Cunugii yaraa ee qaranka”

Wuxuu dhashey bishii August 31-geedii, sanadkii 1985-tii, Mohamed bin Salman, ayaa u korey sida uggu wanaasan, ee ay shanta kun ee carruurta kale ee reer boqor u hana qaadeen ee dalkani.

Isagoo kamid ah 13 carruur ah oo u dhaley boqorka, wuxuu intiisii badneyd carruurnimadiisii ku qaatey qasriga boqortooyada, kaasoo mar waliba la ilaaliyo. Wuxuu lahaa dad ilaaliya, kuwo cuntada u kariyo, iyo darawalo caawiyo isaga mar waliba.

Wuxuu ku bartey culuumta sharciga jaamacadda King Saud, iyadoo dad badan ay u qiimeeyaan inuu yahay ‘wiilkii qaranka’. Waa wax iska caadi ah dalka Sucuudiga in raggu guursadaan afar xaas, laakiin MBS, ayaa guursadey un hal xaas kaliya, wuxuu aad ugga gaabsadey in lala socdo noloshiisa gaarka ah

Hombre
Colaadda Yemen

Siduu ku noqdey boqor awood badan

Jawaabta fudud waxey si sahal ah ku tahay isku darka awoodda siyaasadda, marka lagu biiriyo awoodda waalidkiis, gaar ahaan boqorka, iyo dabeecaddiisa shaqsiga ah iyo hibadiisa gaarka uu uggu leeyahay dowladnimada.

Ka gadaal markii uu ku biirey dowladda sanado kadib, isagoo uu ka siiyey jagooyin muhiim ah dowladnimada aabihiis, sanadkii 2015-kii, ayaa soo shaac bixidda Mohamed bin Salman bilaabatey iney aad u baahdo.

Geeridii boqor Abdullah, bishii January ee isla sanadkaas, ayaa la micna la aheyd in boqortooyada ay si buuxda gacanta uggu gashey aabihiis, Salman bin Abdulaziz, kaasoo talada la wareegay isagoo dadiisu tahay 80 sano jir.

Markaas ayaa loo magacaabay wasiirka gaashaandhiga iyo madaxa maxkamadda boqortooyada. Markaa wixii ka danbeeyey, wuxuu rabo ayuu dhihi karayey, go’aan kuu rabana wuu gaari karayey. Arrimuhu way is badaleen, awooddiisiina way sii korodhay.

Dagaalka ayaa si xun ugu baahay dalka Yemen, wuxuu saameeyey in ka badan dad gaaraya labaatan milyan. Waxey aheyd 20-kii bishii June, ee sanadkii 2017-dii, taasoo uu is badal ku yimid taariikhda Mohamed bin Salman, kadib markii boqorkii lahaa dhaxalka, oo si rasmi ah loo magacaabay, Mohamed bin Nayef, uu qabsadey boqor Salman, isagoo ka dalbadey inuu is casilo, si MBS uu awoodda ula wareego.

Sharciga Sucuudiga ayaa dhigaya, in awoodda boqorka aan la loodin karin, wuxuu yiraahdana waa in la qadariyaa, lagamana wada hadli karo. Markii la siiyey awooddaas, bishii November ee sanadkii 2017-kii, wuxuu amrey in lasoo xiro dad fara badan, oo ay ku jiraan carruurta boqortooyada.

Medio Oriente

Waxey u ekeyd in kacdoonkii dhacey, isagoo aan dhiig ku daadan. Bishii November, ee sanadkii 2017-kii, wuxuu amrey soo xir xiridda laba boqol oo boqor oo caan ah, kuwaasoo loo heysto eedeymo la xiriira musuq maasuq.

Ma jirto waqti uu soo dhamaanayo xukunka Maxamed bin Salmaan maanta ama bari, maadaama Sucuudiga uu diiradda saari doono dimuqraadiyad. Dadka wax naqdiya ama su’aalo ka keena qoyska boqortooyada iyo siyaasadahooda, ayey naftoodu halis gali doontaa, ama ku danbeyn doona xbsi.

Sanado, ayuu kusoo naaloonayey Maxamed bin Salman kaalmada aabihiis, boqor Salmaan, iyo maxkamadda boqortooyada, kiiskii Khashoggi ayaa u muuqda mid la iska iloobey.

Sidaa darteed, Sucuudiga waa Maxamed bin Salmaan, Sacuudigana waa isaga. Haddii marka uu aabihiis dhintana, wuxuu dhaxli doonaa dalkani ku yaalla Bariga Dhexe, isagoo aan maamuli doonin toban sano, hadduu nafta beena qabo, laakiin wuxuu xukumi doonaa dhabtii kontonka sano ee soo socda.

Waraysi Xiiso badan oo lala yeeshay 2 Orodyahan oo somali ah oo kaalinta 1aad & 2aad ka galay tartankii olombikada Adduunka 2021

Taalibaan oo gashay Caasimadda Afghanistan ee Kabul+Sawirro

$
0
0

Taalibaan oo gashay Caasimadda Afghanistan ee Kabul+Sawirro

Maleeshiyada Taalibaan ayaa galay caasimadda Afghanistan ee Kabul maanta oo ah Axad ah, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, xilli Maraykanku uu shaqaalaha safaaraddiisa diyaarado ku daadgureynayo.

Sarkaalkan Sare ayaa u sheegay walaaladda wararka ee Reuters in Taalibaan ay ka imaanayso “afarta jiho” laakiin ma bixin faahfaahin intaas ka badan.

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitter-ka ee madaxtooyada Afghanistan ayaa lagu sheegay in rasaas laga maqlay meelo badan oo ka agdhow Kabul, balse ciidamada ammaanka oo kaashanaya kuwa shisheeyee ay gacanta weli ku hayaan magaalada.

Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in diblomaasiyiinta safaaradda laga dhoofinayo gegida diyaaraha ee degmada Wazir Akbar Khan, isla markaana la xoojiyay ammaanka garoonka, iyadoo ciidamo dheeraad ah oo Mareykan ah loo soo diray Kabul, si ay gacan uga geystaan daadgureynta.

Toddobaadkii la soo dhaafay, ayaa sirdoonka Mareykan waxay sheegeen in qiyaasti saddex bilood ay Kabul ku sii jiri karto gacanta dowladda Afghanistan.

Maadaama horraantii saaka ay Taalibaan qabsatay magaalada Jalalaba iska caabbin la’aan, taass oo u fudeysay inay gacanta ku dhigan mid ka mid ah waddooyinka waaweyn ee Afghanistan oo aan laheyn ayaa garoonka Kabul wuxuu maanta noqday jidka kaliya ee looga bixi karo Afghanistan.

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live