Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Xidhiidhka Isra’el iyo Imaaraadka oo u burburi kara heshiis ay ka baxday Tel Aviv

$
0
0

Xidhiidhka Isra’el iyo Imaaraadka oo u burburi kara heshiis ay ka baxday Tel Aviv

 

Israel-Emirates

Israel-Emirates

Heshiis shidaal oo qarsoodi ah, oo sanadkii hore ay galeen Israel iyo Imaaraadka Carabta, kaasi oo qeyb ka ahaa soo celinta xiriirka labada dal, ayaa hadda halis ugu jira inuu burburo.

Heshiiska ayaa ku saabsan dhuun shidaalka kasoo qaadeysa Imaaraadka, islamarkaana marsiineysa xeebta Eilat ee Israel, si ay u geyso suuqyada Yurub.

Hase yeeshee, heshiiska oo markii hore loo arkay inuu xoojin karo xiriirka diblomaasi ee curdunka ah ee labada dal, sarena u qaadi karo himilooyinka tamar ee Israel, ayaa hadda su’aal ay ka taagan tahay kadib markii dowladda cusub ee Israel ay dib u eegis ku billowday.

Go’aankan ayaa ka carreysiiyey maal-gashtayaasha, wuxuuna horseedi karaa khilaaf diblomaasi oo ka dhex-qarxa labadan dal.

Heshiiska oo ay wada-galeen shirkadda dhuumaha shidaalka ee loo yaqaan EAPC oo ay leedahay dowladda Israel iyo shirkadda MED-RED Land Bridge, oo ay wada aas-aaseen Imaaraadka iyo Israel ayaa waxaa ku hareereysan sir badan.

Saraakiil sare oo ka tirsanaa xafiiska ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu, oo ay ku ku jiraan wasiiradiisii tamarata, kan arrimaha dibedda iyo kan deegaanka ayaa sheegay inaysan waxba kala socon heshiiska kahor inta aan lagu shaacin bishii September ee sanadkii tegay, markaasi oo Imaaraadka Carabta iyo Israel ay heshiiska diblomaasi ku galeen Aqalka Cad.

Shirkadda EAPC, oo ay leedahay dowladda Israel, ayaa waxaa la aas-aasay lixdamaadkii si ay shidaalka Iran u keento Israel, xilligaas oo labada dal ay saaxiibo ahaayeen.

Shaqooyinka shirkaddan ayaa inta badan ah kuwa sir ah, sababo amni dartood.

Kooxaha u ololeeya ilaalinta deegaanka ee Israel ayaa weydiistay maxkamadda sare ee dalka inay hakiso in dhuumo shidaal la mariyo xeebta Eilat, ayaga oo u sababeeyey diiwaanka badbaado ee EAPC iyo halis ku iman karta kheyraadba badda Eilat.

Israel ayaa muddo la’eyd kheyraad dabiici ah, hase yeeshee waxay taasi isbedeshay markii 2009 la ogaaday gaas badan oo dabiici ah oo ku jira badda Meditareeniyaanka ee Israel.

Heshiiska Imaaraadka Carabta, ayaa wuxuu sii ballaarin lahaa qeybta tamarta Israel, ayada oo shidaalka Imaaraadka la marinayo xeebaha Eilat iyo Ashkelon kahor inta aan la geyn suuqyada Yurub.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda ra’iisul wasaare Naftali Bennet ayaa weydiistay maxkamadda sare ee Israel waqti dheeri ah oo ay uga jawaabaan cabqadaha deegaan ee hareeyey heshiiska.

Wasiirka cusub ee deegaanka ee Israel Tamar Zandberg ayaa ballan-qaaday inay baabi’in doonto heshiiska, waxayna wasaaradeeda hakisay ballaarinta howlgallada shirkadda EAPC, illaa xukuumadda ay go’aan ka gaareyso.

“Gacanka Eilat wuxuu halis ugu jiraa dhuunta shidaal ee Med-Red, islamarkaana qaranka Israel uma baahna inuu nuqdo buundo shidaalka loo mariyo dalal kale,” ayey tiri Tamar markii ay xafiiska la wareegtay bishii June.

Xafiiskeeda ayaa diiday codsi wareysi oo ay u dirtay AP.

Shirkadda EAPC ayaa ku gacan seertay welwelka xagga deegaanka ah, oo ay ku sheegtay kuwa aan sal laheyn.

Shirkadda iyo sidoo kale saraakiisha Imaaraadka Carabta ayaa diiday codsi wareysi oo ay dirtay AP.

Si kastaba, wargeyska maalinlaha ee Israel ee ku baqxa luuqadda Herew-ga, Israel Hayom ayaa dhowaan kasoo xigtay saraakiil aan la magacaabin oo Imaaraati ah inay sheegeen in baabi’inta heshiiska “uu si cad u jebinayo” heshiisyada diblomaasi ee ay gaareen labada dal, uuna halis gelin karo xiriirkooda.

 


Daawo:Xukumada Somaliland oo shaacisay inay sameysay Ciidan Gaar U noqon Doona Dhulka Danta Guud.

Yaa laga Iibiyay Xarunta Mujaahidiinta ee Sooyaal ee Berbera?+Sawirro.

$
0
0
Yaa laga Iibiyay Xarunta Mujaahidiinta ee Sooyaal ee Berbera.
 
Mujaahidiin tiradoodu gaadhayso 12 ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii ay ka hor yimaadeen  Xaruntii Mujaahidiinta ee Sooyaal ee Magaalada Berbera oo lagu wareejiyey Shirkada Dahabshiil oo laga sheegay in laga iibiyay Xaruntaas
Xaruntan ayaa saaka lagu bilaabay Dumin & Burburin, maadaama ay ka baxday Gacanta Dawlada oo laga iibiyay shirkada Dahabshiil.

Samafalihii Afrika ee ay sababtiisa ku soo muslimeen 11 malyan, Soomaaliyana ka dhisay 12 iskuul iyo jaamacad

$
0
0

Samafalihii Afrika ee ay sababtiisa ku soo muslimeen 11 malyan, Soomaaliyana ka dhisay 12 iskuul iyo jaamacad

Dr. Cabdiraxmaan Xamuud Al-Sumayd
Dr. Cabdiraxmaan Xamuud Al-Sumayd

Dr. Cabdiraxmaan Xamuud Al-Sumayd wuxuu ku dhashay dalka Kuweyt sanadkii 1947dii. Carruurnimadiisii wuxuu jeclaa akhriska iyo samafalka.

Sida lagu xusay maqaal uu daabacay Al-Jazeera TV, isaga oo iskuul dhiganaya ayuu ardayda ka aruuriyay lacag ay ku iibiyeen gaari ay subixii goobaha shaqada ku geyn jireen shaqaalaha danyarta ah, galabkiina waxay ku celin jireen guryahooda.

Markii uu Dugsiga Sare uga baxay dalka Kuweyt ayuu jaamacad u aaday dalka Ciraaq. Shahaadada koobaad wuxuu ka qaatay Jaamacadda Baqdaad oo uu ka bartay Cilmiga Caafimaadka iyo Qalliinka Guud. Kaddibna wuxuu Jaamacaddda McGill ee dalka Canada uga takhasusay cudurrada uur-ku-jirka iyo dheefshiidka. Dr. Cabdiraxmaan wuxuu ka soo shaqeeyay isbitaallo ku yaalla Kuweyt, Canada iyo Ingiriiska.

Safarkiisii Malaawi iyo billawgiisii samafalka Afrika

Safar uu 1980kii ku tegay dalka Malaawi oo dhaca koofur-bari qaaradda Afrika ayuu ku soo arkay malaayiin fuqaro ah oo la daalaadhacaya faqri, cudurro iyo jahli. Sababtaas ayayna ugu dhalatay in uu ka fikiro sidii uu dadkaas farqiga iyo jahliga uga badbaadin lahaa.

Sanadkii 1981dii wuxuu Dr. Cabdiraxmaan aasaasay hey’adda Africa Muslims Agency (Lajnatu Muslimii Ifriiqiya) oo waagii dambe magaceeda loo beddelay Direct Aid (Al-Cownul Mubaashir) oo ah Hey’ad samafal ah oo gargaarka, waxbarashada iyo faafinta dacwada ka fuliso 31 dal oo Afrika ah iyo Yaman.

“Dr. Cabdiraxmaan wuxuu ahaa hoggaamiye aragti-fog oo madaale ah. Wuxuu ahaa qof dhiirran oo hadafka uu rabo in uu ka miradhaliyo uu kala weyn yahay waxa ku dhici kara iyo khataraha ku xeeran.

Dr. Sumeyd wuxuu ahaa nin aan adduunyo baahi badan u qabin oo ay ku weyn tahay in uu dhaxal ka tago. Wuuna ka tegay,” ayuu yiri Xildhibaan Faarax Sh. Cabdulqaadir oo aqoon dheer u leh Dr Al-Sumeyd.

Dhaxalkii uu ka tegay Dr. Al-Sumeyd

SIMAD

Samafalka Dr. Al-Sumeyd

  • 11,000000Tirada dadka uu sabab u ahaa inay Muslimaan 30-kii sano ee la soo dhaafay
  • 5,700Tirada masaajidda uu Afrika ka dhisay
  • 9,500Tirada ceelasha uu qoday
  • 102Tirada xarumaha lagu barta diinta Islaamka ee uu alkumay
  • 95,000Tirada ardayda Afrikaanka ah ee uu ka bixyay waxbarashada

Xigasho: SIMAD

Sida lagu xusay maqaal lagu daabacay bogga Jaamacadda SIMAD, 30kii sano ee uu Afrika ka shaqeynayay waxaa sababtiisa ku soo muslimay dad gaaraya 11 milyan. Dr. Al- Sumeyd waxa uu Afrika ka dhisay 5,700 Masjid, wuxuu qoday 9,500 ceel.

Wuxuuna aasaasay 102 xarumood oo lagu barto Diinta Islaamka, 860 iskuul iyo 4 jaamacadood. Wuxuuna waxbarashada ka bixiyay arday ka badan 95,000 oo Afrikaan ah.

“Aniga oo harqaanle ka ah Johannesburg ayaan isbarannay haweeney Hindi ah oo bare jaamacadeed ah. Waxay i waydiisay sababta aan jaamacad u dhigan waayay, waxaana u sheegay in aan duruuf uga haray. Waxay iga ballanqaadday in ay iga bixinayso qarashka jaamcadda. Markii aan dhammaystay semestarkii koobaad ayay haweeneydii dhimatay. Aniga oo ka walwalsan sida aan yeeli doono ayaan magaalada Johannesburg ku dhex arkay derbi uu ku qoran yahay magaca ‘Lajnatu Muslimii Ifriiqiya’, waxaana soo xusuustay in uu magacaan ku qornaan jiray iskuulkii Axmed Gurey ee aan ka soo baxay.

Waan galay, waxaana codsaday in ay i caawiyaan, sidaas ayayna iiga dhiibeen qarashkii jaamacadda. Markii aan qalinjebiyayna shaqo ayaan ka helay.” Sidaas waxaa BBC u sheegay Xasan Cabdullaahi Caalin oo ka shaqeeya xafiiska mashaariicda hey’adda Direct Aid ee South Africa

Xafiiska hey’adda ee Soomaaliya

Heshiis ay galeen Wasaaraddii Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo hey’adda Direct Aid ayay hay’addu xarun uga furtay Muqdisho 1986dii, balse burburkii dowladda iyo dagaalkii 1991dii dhexmaray Kuweyt iyo Ciraaq ayaa sababay in uu xafiiskaasi xirmo 1991dii. Waxaana dib loo furay Sep 1992dii.

Xildhibaan Faarax Sh. Cabdulqaadir waa Agaasimihii ugu horreeyay ee xafiiskaas burburkii kaddib. Wuxuu yiri “Aniga oo Master Degree ka diyaarinaya jaamacad ku taalla Pakistan ayaan dalka fasax ku imid Jun 1992. Waxaan maray Baydhabo, Beledweyne iyo Muqdisho oo ay ka jirtay abaartii Cagababar. Markii aan laabanayay ayaan Nairobi isku aragnay Dr. Cabdiraxmaan Al-Sumeyd, waxaana uga warramay xaalidihii aan dalka ku soo arkay. Wuxuu i waydiiyay: maxaa jeclaan laheyd in aan ka qabto? Waxaana u soo jeediyay in uu gargaar u fidiyo dadkaas dhibaateysan. Wuu iga aqbalay, wuxuuna iga codsaday in aan arrintaas kala shaqeeyo.”

Dr. Cabdiraxmaan wuxuu tobaneeye jeer yimid Soomaaliya, wuxuuna gacan weyn ka gaystay gurmadkii abaaraha.

Qoraalka sawirka,

Dr. Cabdiraxmaan wuxuu tobaneeye jeer yimid Soomaaliya, wuxuuna gacan weyn ka gaystay gurmadkii abaaraha.

Dr. Cabdiraxmaan wuxuu tobaneeye jeer yimid Soomaaliya, wuxuuna gacan weyn ka gaystay gurmadkii abaaraha.

“Jan 1993 aniga iyo Dr. Cabdiraxmaan oo joogno xafiiska hey’adda ee Muqdisho ayuu diktoorku istaagga ka dhacay, miirka ayaana ka tegay. Waxaan geeyay xaruntii ciidanka Kuweyt oo ka mid ahaa hawlgalkii UNITAF. Markii uu soo miirsaday ayaa loo qaaday Sacuudiga. Isbitaal ayuu 4 bil ku jiray, waxaana lagu sameeyay 4 qalliin oo wadnaha ah.

Dhakhaatiirtii waxay kula taliyeen in uusan tegin meel aan laheyn isbitaal lagu daweeyo wadnaha. Isaga oo sidaas ah ayuuna noogu iman jiray Soomaaliya oo aan waxba loogu qaban karin” Faarax Cabdulqaadir

Marka laga tago gurmadkii abaaraha, xafiisku wuxuu xoogga saaray waxbarashada, daryeelka agoonta iyo hirgelinta mashaariic horumarineed. “Jan 1993 ayaan Muqdisho iskuullo ka furnay. Xilligaas oo uu dalku ku jiray xaalad adag waxaa adkeyd in waxbarasho lagu fikiro, taasna waxay keentay in aysan waalidiin badan iskuullada u soo dirsan carruurtooda.

Si aan waalidiinta ugu dhiirrigelinno waxbarashada carruurta ayaan billawnay in aan raashin siinno qoys kasta oo arday keensado.” Xasan Badawi, Guddoomiyaha xafiiska Direct Aid ee Soomaaliya

30 sano oo uu u adeegayay fuqarada Afrika

XIGASHADA SAWIRKA,DIRECT AID

Qoraalka sawirka,30 sano oo uu u adeegayay fuqarada Afrika

Dr. Siciid Xuseen Geeddi waa dhakhtar ku takhasusay indhaha oo ka hawlgala Muqdisho, wuxuuna bare ka yahay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Dr. Siciid wuxuu ka mid ahaa dufcadii ugu horreysay ee laga qoray iskuulkii Al-Falaax ee markii dambe loo raray Maxamuud Xarbi. Wuxuu yiri “Maalin aniga oo banooni ku ciyaaraya xaafadda Xararyaalle ayaa waxaa ii timid haweeney aan deris aheyn.

Iskuulka ayay i gaysay, waxayna ku tiri “Wiilkaan ii qora” iyadiina cunto ayaa la siisay. Sidaas ayaan waxbarashada ku soo billaabay.”

Xafiiska wuxuu Muqdisho ka furay iskuullada Tadaamun, Abuu Xaniifa, Maxamud Xarbi iyo Axmed Gurey. Beledweyne wuxuu ka furay iskuullada Sh. Maxamed Macallin iyo Al-Aqsa. Buulamareer wuxuu ka hirgeliyay iskuulka Al-Faaruuq. Kismaayo wuuu ka furay iskuulka Faanoole. Halka Hargeysa uu ka hirgeliyay iskuullada Al-Irshaad.

Magaalada Gabileyna wuxuu ka furay iskuulka Gabiley. Iskuulladaas waxaa ka qalinjebiyay 11,705; waxaana hadda dhigto 15,388 arday. 5 ka mid ah iskuulladaas waxay leeyihiin koleejyo agoonta lagu xannaaneeyo oo ay hadda ku nool yihiin 792 agoon, waxayna hey’addu guryahooda biil ku siisaa 1,113 agoon.

Dr. Cabdifitaax Shariif Maxamed waa dakhtar ka hawlgala isbitaalka Hackensack ee dalka Mareykanka. Wuxuu yiri “Aniga oo 3 sano jir ah ayaa aabbahey dhintay. Kaddibna hooyo ayaa i gaysay xarunta agoonta Salaam ee iskuulka Maxamuud Xarbi. Iskuul, Bachelor ilaa takhasuska waxaa iga bixisay hey’adda Direct Aid. Waana ku mahdinayaa.”

Diret Aid

XIGASHADA SAWIRKA,DIRECT AID

Xafiisku wuxuu deeq waxbarasho oo jaamacaddeed siiyay 440 arday oo Bachelor ah iyo 197 arday Master iyo PhD kala ah.

Sanadkii 1999kii hey’addu waxay Muqdisho ka furtay machadkii SIMAD oo 2011kii Jaamacad laga dhigay. Jaamacadda waxaa ka qalinjebiyay 6,818; waxaana hadda dhigto 3,306 arday. SIMAD waxay 2019kii hirgelisay isbitaalka Dr. Sumait Hospital oo loogu magacdaray Dr. Cabdiraxmaan Al-Sumeyd.

“Fursad uma helin in aan la kulmo Dr. Al-Sumeyd, waxaanse isku hawlay in aan wax ka barto ninka cajiibka ah ee uu ahaa.” Bill Gates

30 sano oo uu u adeegayay fuqarada Afrika kaddib, wuxuu isag oo 66 jir ah 8 sano ka hor maanta oo kale (Aug 15, 2013) ku geeriyooday dalka Kuweyt. Dr. Al-Sumeyd wuxuu qoray 13 buug, wuxuuna ifka uga tegay 3 gabdhood iyo labo wiil. Dhaxal aan duugoobeyn ayuu ka tegay. Weligiisna wuxuu ku dhex noolaan doonaa qalbiyada fuqarada Afrika iyo Musliminta Caalamka. Eebbe ha u naxariisto Cabdiraxmaan Al-Sumayd.

Wax ka baro xukumaddii ugu horaysay ee Daahir Rayaale

$
0
0

WAX KA BARO MUWAADIN XUKUMADDII UGU HOREYSEY EE MADAXWEYNE DAAHIR RAYAALE SOO DHISEY.

Xogta keyd dhigaalka qalinka diinaari

Madaxweyne Daahir Rayaale ayaa loogu dhawaaqey inuu yahey madaxweynaha ku guuleystey dorashadda 16 May 2003.

Waxeynu bilaabi doona is barbardhiga xukumaddahii hore iyo tayo xumadda xukumadda kulmiye. maxa ino qabsomey, maxaa inaga baaqi noqdey. maxeyse ku hungowdey bulshaduu himiladii iyo hilaadii ey ka fileysey markey doorteen xisbiga kulmiye.

Madaxwyne Rayaale oo magacaabay 39 wasiir,
Wasiirudawlayaal iyo wasiir-ku-xigeeno oo ahaa xubnahii xukuumadiisa.

Wasiiradda uu magacaabay ayaa waxay ka koobanayeen 22 Wasiir, 5 Wasiiru-dawle iyo 12 Wasiir-ku-xigeen,waxayna kala ahaayeen sidan hoose:

1. Cismaan Qaasim Qodax, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada.
2. Nuux Axmed Cismaan, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada.
3. Axmed Xaaji Daahir Cilmi, Wasiirka Qorsheynta.
4. Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Gadh-Weyne), Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada.
5. Faadumo Suudi Xasan, Wasiirka Wasaaradda Horuminta Qoyska iyo Arrimaha Bulshada.
6. Cismaan Cali Bile, wasiirka Wasaaradda Hidaha iyo Dhaqanka.
7. Sheekh Maxamuud Suufi Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
8. Cabdi Xasan Buuni: Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha .
9. Xasan Cabdi Khayre, Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta.
10. Axmed Xasan Cali-Libaax, Wasiirka Wasaaradda Caddaalada.
11. Maxamuud Siciid Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha.
12. Maxamed Xaashi Cilmi, Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha.
13. Qaasim Sh. Yuusuf Ibraahim, Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha.
14. Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud.
15. Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal), Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta.
16. Fu’aad Aadan Cadde, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta iyo Reer Miyiga.
17. Maxamed Jaamac Belel, Wasiirka Wasaaradda Beeraha.
18. Dr. Idiris Ibraahim Cabdi, Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha.
19. Cabdullahi Mohamed Ducaale Wasiirka warfaafinta iyo hormarinta saaxafadda.
20 Ambassador cawil Cali ducaale. Wasiirka maaliyadda.
21 Dr Adna adan ismail Wasiirka arimaha dibadda.
22. Maxamed Siciid Maxamed(Gees), Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda.

WASIIRU DOWLAYAAL :

1. Maxamed Cabdi Xuseen, Wasiirul dawlaha Arrimaha dibadda.
2. Aadan Maxamuud Mire (Waqaf), Wasiirul dawlaha Arrimaha gudaha.
3. Aadan Maxamuud Diiriye (Ruush), Wasiirul dawlaha hawlaha guud.
4. Axmed Cabdillaahi Shire, Wasiirul dawlaha Caafimaadka iyo shaqada; .
5. Cabdillaahi Ismaaciil Bidhaan, Wasiirul dawlaha Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

WASIR KU XIGEENO

1. Dr.Axmed Jaamac Samatar (Who), Wasiir ku xigeenka Caafimaadka.
2. Ismaaciil Maxamed Madar, Wasiir ku xigeenka Waxbarashada.
3. Axmed Jaambiir Kaahin, Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha.
4. Dr. Maxamed Xaaji Warsame, Wasiir ku xigeenka Beeraha.
5. Maxamed Faarax Aadan, Wasiir ku xigeenka Xannaanada Xoolaha.
6. Yuusuf Ciise Tallaabo, Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo biyaha.
7. Aadan Jaamac Hoorri, Wasiir ku xigeenka hawlaha guud.
8. Cabdi Cali Mahdi, Wasiir ku xigeenka Maaliyadda.
9. Maxamed Cali Yuusuf, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga.
10. Cabdiraxmaan Yuusuf Ismaaciil (Waddaad), Wasiir ku xigeenka Ganacsiga.
11. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), wasiir ku xigeenka Dib-u-dejinta.
12. Daahir Xaaji Maxamed (Qayaad), wasiir kuxigeenka Duulista.

7-dii wasiir ee ugu muhiimsanaa kuwaasoo kala ahaa:

1. Edna Aaden Ismaaciil, Wasiirka Arimaha Dibadda.
2. Ismaaciil Aaden Cusmaan, Wasiirka Arimaha Gudaha.
3. Maxamed Siciid Maxamed(Gees), Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda.
4. Axmed Xaaji Daahir Cilmi, Wasiirka Qorsheynta.
5. Ismaaciil Cumar Aaden (Boos), Wasiirka Gaashaan-dhigga.
6. Maxamed Xaashi Cilmi, Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha.
7. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Wasiirka Maaliyadda.

Taarikkhdu Duug ma leh. Hadaan daha laga qaadin. BAl adba is barbardhig. Xukumaddan kulmiye iyo waayaha ina soo marey, Raggan inta badna waa dhinteen. Alle ha u naxariisto.

Dowladdanimadda Somaliland waagaas waxa lagu xuli jirey yaa waddi karaa. oo ahaa Hanankii Marxuum Mohamed Xaaji Ibrahim Cigaal. Daahir Rayale taas uun buu dalka ku waddey,

Waxa Xasuus Mudan Isbedelka dalka ka dhacey waxu leyahey faa’iido iyo khasare. Hadaba keeba Badan labada marka la is barbar dhigo. Bulsho ahaan, dhaqan ahaa, Horumar ahaan, dowladdnimo ahaan.

Waxaan Bilaabi Doona Qoraalo goos goos ah oo ku saabsan xukumadani waxey dayacaddey hananka dowlanimadda masuqmasuqa, qabyaladda iyo dib u dhaca dalka ku yimi.

Qalinkii

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari

Dawladda Afghanistan oo xukunka ku wareejineysa Taliban

$
0
0

Dowladda Afghanistan oo xukunka ‘ku wareejineysa’ Taliban

Ashraf Ghani
Ashraf Ghani

Wasiirka Arrimaha Gudaha Afghanistan Abdul Sattar Mirzakwal ayaa maanta sheegay in “xukunka si nabad ah loogu wareejin doono” dowlad ku-meel gaar ah kadib markii Taliban ay amartay dagaal-yahanadeeda inay u sugaan gelitaanka magaalada caasimadda ah ee Kabul.

“Shacabka Afghanistan yeysan walaacin, ma jiri doono weerar lagu soo qaado magaalada, waxaa jiri doona in xukunka si nabdoon loogu wareejiyo dowlad ku-meel gaar ah,” ayuu yiri.

Ali Ahmed Jalali, oo ah aqoonyahan fadhigiisu yahay Mareykanka, horeyna u ahaa wasiirka arrimaha gudaha, ayey u badan tahay inuu hoggaamiyo maamulka ku-meel gaarka ah, sida ay ilo-wareedyo diblomaasi u sheegeen Reuters.

Afhayeenka Taliban Suhail Shaheen ayaa u sheegay taleefishinka Al-Jazeera inay sugayaan “In si nabdoon loogu soo wareejiyo magaalada Kabul.” Waxa uu diiday inuu faah-faahin ka bixiyo wada-xaajoodyada ay kula jiraan dowladda.

Si kastaba, Shaheen ayaa sheegay inay doonayaan in si shuruud la’aan ah loogu wareejiyo xukunka dalka. Ma cidda xilliga ay wareejintaas dhici doonto.

Dhinaca kale, madaxweyne Ashraf Ghani ayaa ciidamada dowladda ugu baaqay inay sugaan amniga magaalada Kabul.

“Waa mas’uuliyaddeena, waxaana u sameyn doonnaa sida ugu wanaagsan. cid kasta oo ka fakareysa qas ama raadineysa bililiqo waxaa lagula macaamili doonaa awood,” ayuu ku yiri muuqaal uu soo duubay.

Daawo:Yaa iibiyey,yaase Iibsaday Xarunta Mujaahidiinta Sooyaal ee Berbera?+Mujaahiidin & Mayorka Berbera oo ka hadlay.

Golaha wakiiladu yaanay ku mashquulin

$
0
0

Dalku marba marxalad buu marayaa , marba xaalad baa taagan iyo duruufo gaar ah , oo waxa laga soo bilaabay xili nabadayn iyo dib u heshiisiin , xili hub ka dhigis , xili dawladnimo iyo dib u dhis haykal qaran , xili dastuur sameyn iyo dhamaan waxii uu qaran u baahnaa.

Halka maanta la marayo horumarinta , hagaajinta waxii hore loo soo sameeyey , ku darista waxyaabaha kooban ee inaga dhiman iyo in dariiqo loo jeexo barwaaqo iyo horumar waara oo ay dadkeenu gaadhaan , waxaana sal u noqonaya in aynu helno xeerar wax wada lahaansho , wadajir umadeed iyo waarida dawladnimada u ah sees oo ay ka mid yihiin ;

1- Xeerarka maalgashiga caalamiga ah .

2- Xeerarka sheegaya qaybsiga khayraadka dabiiciga ee dalka ka soo baxa iyo fursadaha waaweyn ee dhaqaale ee caalamka inagaga yimaada.

3- Xeerarka qiimeynta dib u eegista iyo Horumrinta gobolada iyo degmooyinka dalka xaga juqueaafiga , sharciga , maamul daadejinta iyo kobcinta haykalka qaran.

4- Xeerarka awood qaybsiga nidaamka dawladnimo maadaama aynu halkan ku soo gaadhnay xal iyo xeerar laga soo dheegay 1960kii.

Golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland waxa laga sugayaa wax badan oo ka wayn afarta qodob ee aan kor ku xusnay laakiin xiligani aad bay muhiim u yihiin sababo badan awgood oo kala ah ;

b) Abuurida fursado shaqo iyo dhaqaale uu qaranku yeesho .

t) Sahlida deganaansho ,xasilooni iyo wax wada lahaansho .

j) Horumrinta gobolada iyo degmooyinka dalka.

x) Adkaynta wax wadalahaanshaha iyo is aaminka dadka jamhuuriyada Somaliland.

Waxa aan u soo jeedinayaa Golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland iyo gudoonkooga in marka Xeerarka noocan ahi la wadi in aan la siyaasadayn , la xisbiyeyn ee laga fekero saameynta ay yeelan doonaan 100 sanadood ee soo socda iyo sida aynu dadkeena dambe wado wanaagsan ugu jeexi lahayn .

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil


Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qayb galay shir-weynaha

$
0
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qayb galay shir-weynaha 6aad ee Dallada Uururada aan dawliga ahayn ee (SONSAF).

“Waxaynu nahay waddamada ugu caansan ee ugu qanisan xagga ururrada bulshada rayidka ah”

15/08/2021-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta ka qayb galay shir-weynaha 6aad ee Dallada ay ku midoobeen ururrada aan dawliga ahayn ee (SONSAF).

Ugu horayn guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali waxa uu hambalyeeyay hoggaankii hore ee dallada, waxaanu ku bogaadiyay waxqabadkii baaxada lahaa ee ay la yimaadeen muddadii ay xilka hayeen iyo kaalintii shariifka ahayd ee ay kaga jireen hawlaha u baahan in laga wada shaqeeyo, isagoo guul ku tilmaamay in dallada SONSAF la soo dhex mariyo qayb ka mid ah dhaqaalihii guddida doorashada ay ugu tal-galeen qaadhaan-bixiyayaashu.

Guddoomiye Aadam ayaa sheegay in baahi waddanku u qabo ururro badan oo wadanka ka hana-qaada. Hase yeeshee waxa uu xusay in sababta u weyn ee ururrada curyaamisay tahay dhaqaale yaraan, loona baahan yahay in daraasad lagu sameeyo meelaha laga keeni karo dhaqaale lagu hago. Guddoomiye Aadam ayaa u hogo-tusaaleeyay dallada SONSAF iyo ururrada kale in ay ka hawl-galaan sidii ganacsatada dhaqaalaha ay ugu talo-galeen bulshada, qayb ka mid ah loogu bad-baadiyo ururrada faa’iidada bulshada u leh ee u baahan dhaqaale ay ku sii shaqeeyaan, maadaama ay ganacsatadu qayb ka yihiin dallada ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF.

Guddoomiye Aadam Xaaji Cali ayaa sheegay in aynu ka mid nahay waddamada ugu qanisan xaga ururrada bulshada rayidka ah, isagoo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Marka Afrika la sheegayo ama qaarado badan oo Dunida ah la sheegayo sida qaarada Eeshiya iyo Laatin Ameerika, waxaynu nahay waddamada ugu caansan ee ugu qanisan xagga ururrada bulshada rayidka ah” Guddoomiyaha ayaa tusaale u soo qaatay daraasado ay waddanka ka sameeyeen khuburo ka socday, xarun ku taala Koonfur Afrika oo ka shaqeeysa arrimaha xuquuqul insaanka iyo dimuqraadiyadda Afrika, taasi oo Somaliland, Sera Leone iyo Rwanda daraasado ku samaysay, guddoomiyaha ayaa sheegay in daraasadda lagu sameeyay qaybaha kala duwan ee bulshada sida Dawladda, Ururrada bulshada, Ganacsatada, Hay’addaha gaarka ah, Culimada, Cuqaasha iyo Salaadiinta taasi oo ay natiijadeedii noqotay in Somaliland ay tahay marka loo eego Afrika, Eeshiya iyo Laatin Ameerika wadamada ugu horumarsan xagga ururrada bulshada. Waxyaabaha ay ugu sababeeyeen ayuu guddoomiyuhu ku sheegay baaxada dalladaha, kuwaasi oo ay hoos yimaadaan 60 meeyo urur ama in ka badan.

Ugu danbayn guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ka hadlay baahida waddanku u qabo in la abaabulo cududda shaqaalaha waddankeena iyo qorshaynta ay u baahan yihiin, si loo cidhib-tiro shaqo la’aanta, loona badalo hab-fikirka bulshada looguna tayeeyo xirfadaha ay u baahan yihiin si looga hortago in muwaadiniintii waddanku bilaa shaqo noqoto shisheeyihiina kala wareego saaxada shaqada.

 

Yemeni Diaspora Elects New Chair

$
0
0

The Yemeni diaspora in Somaliland have elected a new chair after more than 400 members have voted. 24 candidates have contested the election which lasted a period starting from 6 am to 6 pm local time in Hargeisa. The new elected members are expected to strengthen the nexus of Yemenis in Somaliland and will address any of their complaints to the govt of Somaliland.

SL’s Interior Minister, Mohmed Kahin came at the polling site shortly after vote counting was finalized for observation. Some of the Yemeni communities in Somaliland who spoke to the media stated that they have gained enough experience of holding free and fair polls since they have arrived in Somaliland. They have also decided to implement it in action and expressed their optimism that their country will one day hold free and fair polls as they have done it here in Somaliland. They said that the election of the new leadership will bring unity among them and pledged to proceed in the next years to come.

Nuxurka Qoraal Rasmiya oo M/weynihii Cararay ee Afganistaan Ashraf Ghani shaaciyey

Daawo:Wareysi xiiso leh oo uu bixiyey Sarkaal Soomaali ah oo ku sugan Magaalada Kaabul (Afganistan) & Xaaladihii u danbeeyay

Ujeedada Tababar M/weyne-xigeenka Somaliland daahfuray

$
0
0

M/weyne-xigeenka Somaliland oo daahfuray Tababar Cusub

Wasaaradda arrimaha guddaha Somaliland iyo machadka dawladdaha hoose ee Somaliland, oo kaashanaya Hay’addaha ka shaqeeya mashruuca JPLG, ayaa maanta daah-furay tababar la siinayey xubnaha goleyaasha deegaanka dalka ee dhawaan la doortay, kaas oo ka furmay Magaalada Hargeysa.
Furitaankii Kulankan, ayaa waxa ka hadlay oo furay Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, Wasiirka arrimaha guddaha Maxamed Kaahin Axmed iyo masuuliyiin kale.
Ujeedada Tababarka:-
Tababarka Xildhibaanada Cusub ee Golayaasha Deegaanka
16th August – 3rd September 2021
Tababarkan oo si rasmi ah uga furmay magaalada Hargeisa oo socon doona mudo afar cisho ah 16ka August – 3da September 2021 waxa kasoo qayb galay dhamaan xildhibaanada Cusub ee loo doortay golayaasha deegaanka dalka.
Shirkan oo ujeedadiisu tahay:
1.Fahanka guud ee xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka dib u habeynta lagu sameeyey xeer no. 23/2019.
2.Falanqanta fikirka maamul daadajinta iyo maamul wanaaga iyo xidhiidhka wadaaga ee kala dhaxeeya dawladaha hoose.
3.Qeexida nidaamka ay u shaqeeyaan dawladaha hoose, sida sharciyada iyo xidhiidhka kala dhaxeeya heerarka kala duwan ee dawlada.
4.Soo bandhigida doorka iyo masuuliyadaha golayaasha deegaanka, iyo maamulada degmooyinka oo ay ku jiraan gudiyada fulinta, shaqaalaha iyo waaxyaha.
5.Soo bandhigida ujeedada iyo hal-abuurka gudi hoosaadyada degmooyinka iyo arrimaha ay tahay inay qabtaan.
6.Hawlaha maaraynta maaliyadda, iyo sidoo kale qorshaynta, hawlaha maamulka iyo sharci dejinta.
7.Helista iyo La socoshada awoodaha dastuuriga ah ee Degmooyinku bixiyaan.
8.Fahanka guud ee maamul daadajinta qaranka iyo xulashada habka ay qaadatay dawlada somaliand.
9.Fahanka guud hawlaha u gaarka ka ah qaybaha maamul daadajinta degmooyinka iyadoo loo eegayo, qaab dhismeedka siyaasadaha iyo sharciyada jira.
10.Xusida baahida loo qabo isku xidhka iyo isku duwida shaqooyinka heerarka wasaaradaha degmooyinka iyo xafiisyada gobolada.
11.Qorshaynta hababka korjoogaynta, si loola socdo adeegyada ay bixiyaan degmooyinku.

Xildhibaanadu In Ay Sida Shacabka Cawdaan Maaha, Waxaynu U Doorannay Ee Dastuurku U Siiyay….” Xisbiga WADDANI

$
0
0

Xildhibaanadu In Ay Sida Shacabka Cawdaan Maaha, Waxaynu U Doorannay Ee Dastuurku U Siiyay….” Xisbiga WADDANI

Ciidanka Bileyska yaan laysu adeegsan !

Xildhibaanadu in ay sida shacabka cawdaan maaha, waxa aanu u doorannay ee Dastuurku u siiyay dhawrsananaanta waa in ay cod shacab ku joogaan, qodobka 49 aad ee Dastuurka ayaa si cad u sheegaya dhawrsananaanta xubinta golaha wakiillada Somaliland. waa gef sharci in Boolisku ula dhaqmaan sidaa karaamada darrada ah Xildhibaanada iyo muwaadiniinta aan waxba galabsan.

Mudanayaal waxaad tihiin haayad sharci dejineed waa in aad la Xisaabtantaan hoggaanka Bileyska oo golaha looga yeedhaa waxna laga weydiiyaa foolxumada xalay Hayat Hotel ka dhacday, idinka oo adeegsanaaya qodobka 53 aad ee Dastuurka oo awood iyo waajibaad idiin siiyay in aad la xisaabtantaan oo wax layska weydiiyo kelitalisnimada soo noqnoqtay ee lagu cabudhinaayo shacabka.

Ciidanka Boolisku waa haayad nabad gelyo waxay dhex u yihiin dhammaan asxaabta qaranka, si aanay u lumin kalsoonida bulshada yaan si gaara loo adeegsan, waxa ay karaamo leeyihiin inta ay dhawrayaan shuruucda iyo dastuurka haddi ay dhawri waayaan ahaan maayaan Boolis haybad leh waxbana kama duwaanan doonaan suuq joog.

Fadlan Ha fadaraynina haybadda Bileyska.

Qaab dhismeedka Ururka Talibaan

$
0
0
  · 
Qaab dhismeedka Ururka Talibaan
Ururka Daalibaan wuxuu leeyahay qaab dhismeed ka kooban saddex waaxood oo kala ah
1-Qaybta Fulinta: waxaa hogaamiya Habitullah Akhundzada oo ku magacaaban Amiiru Almuuminiin waana ninka ugu awooda badan, wuxuu leeyahay saddex ku xigeen oo kala ah
a- Kuxigeenka dhanka siyaasada oo uu maamulo Abdulghani Baradar xafiiskiisuna yahay Doha Qadar
b- Kuxigeenka arimaha ciidamada oo uu haysto Mohammed Yaqoob oo uu dhalay aasaasihii ururka Daalibaan Mulah Mohamed Omar. Waana hogaanka ugu sareeya ciidamada Daalibaan.
c- Kuxigeenka shabakada gaarka ah ee loo yaqaan Haqqani Network. Waa ciidan gaar ah oo loogu magac daray hogaamiyihii caanka ahaa ee la dagaalamay ciidankii Soviet ka ee lagu magacaabi jiray Jalaluddin Haqqani. Ciidankan gaarka ah waxaa hogamiya Siraj Haqqani oo ah wiil uu dhalay Jalaluddin.
Waxaa kale oo fulinta hoosyimaada 17 waaxood oo u dhigma Golaha wasiirada oo kale isla markaana qabta hawlaha maalinlaha ah ee Ururka.
2- Qaybta Garsoorka: waxaa Hogaamiya Mullah Abdul Hakeem waana waaxdii u qaabilsanayd ururka wadahadaladii Doha.
3- Qaybta Shuurada: waxay ka kooban yihiin 26 xubnood waana halka laga go’aamiyo arimaha masiiriga ah ee ururka Daalibaan.

M/weyne Muuse Biixi oo Ka Qeyb-galay Xaflada Qalin-jebinta Dufcadii 1aad Ee Jaamacada Hablaha Barwaaqo University

$
0
0
M/weyne Muuse Biixi oo Ka Qeyb-galay Xaflada Qalin-jebinta Dufcadii 1aad Ee Jaamacada Hablaha Barwaaqo University
madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta ka qaybgalay qalin jebinta Jaamacadda Barwaaqo University Oo Ku Taalla Deegaanka Baliga-cas Oo Jihadda Waqooyi Ka Xigta Caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo Lagu qabtey munaasibad ballaadhan oo ay ku qalinjebiyeen 16 Hablood Oo Ka ah dufcadii koowaad ee Jaamacada Barwaaqo ka baxda.
Waxaana madashaa madaxweynaha ku wehelinayay xubno ka mid ah golaha wasiiradda, taliyaha ciidanka booliska, agaasimaha shaqo qaran gudoomiyaha guddida tamarta, maareeyaha wakaalada biyaha, madaxda iyo macalimaiinta jaamacada barwaaqo iyo waalidiinta ardayda qalin jabisay.
Ugu horayna waxa halkaasi ka hadashay maamulaha cusub ee dugsigaasi loo soo magacaabay marwo Joy Isa, waxa iyana halkaa ka hadashay Nimco Axmed Ismaaciil oo ah ardaydii ugu horaysay ee waxbarasho dibedeed uu dugsiga abaarso ugu diro dalka maraykankanka wakhtigana ka mid ah masuuliyiinta jaamacada barwaaqo, waxa sidoo kale halkaa ka hadlay Rob Kaofman oo ku hadlayey afka agaasimaha abaarso network oo ku sugan dalka maraykanka iyo Xayaad Carte oo ah aas-aasaha barnaamijka sahamiye oo dhammaantood ku dheeraaday muhiimada jaamacadan iyo dugsiga abaarso ay u leeyihiin bulshada Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi ka jeediyey khudbad muhiima ayaa yidhi “Maanta waxay ka mid tahay Maalmaha aan aad u faraxsanahay, Xafladda aynu nimi farxada aan ku faraxsanahay waxay ka turjumaysaa, waa markii ugu horaysay ee hablo macalimiin loo tababaray oo loo soo diyaariyey inay dadka wax baraan iyagoo gaara iyo Jaamacad u gaara oo ay leeyihiin waa markii ugu horaysay ee aan kasoo qeyb galo taariikhdayda, waana arrin guul u ah inta Af-Somaaliga ku hadasha iyo gaar ahaan Somaliland qarankeeda rag iyo dumarba, waana mustaqbal ifaaya oo dalkeena maanta u bilowday inaynu helnay qeyb ka mida dalkeena dadka ku nool ay yeeshaan Jamaacad u gaar ah”.
Madaxweynaha oo khudbadiisa sii wata ayaa yidhi “Somaliland haddaynu nahay waxaynu u baanahay in mashaakilka ina haysta qaarkood isla fahano, waxaa had iyo jeer lagu murmaa Iskuulka Abaarso iyo Jaamacadiisa Barwaaqo, dad badan oo aan fahamsanayn ama aan Jibbadooda dersin waxa ka socda ama u cadow ah Islaamka ayaa waxay ka fidiyaan warar aanay hubin waxa ay yihiin, taasi waxay igu keliftay inaan taggo Dugsiga Abaarso oo shaqaynaya annigoo keligay ah oo aan ciddina ila socon oo gaadhi yar wata si aan u oggaado waxa ka socda, waxaanan soo taabtay in iskuulkaasi ay ka socdaan wax qarankeenu u baahan yahay Islaamku u baahan yahay”.
Sidoo kale madaxweynaha uu yidhi “Waxaynu u baahanahay inaynu aqoonta qaadano, waxaynu u baahanahay inaynaan noqon dad fuleyaal ah oo haddii ay cidd murmaanba iyaga laga adkaanayo inaynaan baqqe ka dhigin caruurteena ninka ay murmaanba inuu duufsanaay, Soomaaliduna waa ku adagtahay diinteeda”.
Madaxweynaha oo ugu danbayntiina shahaadooyin gudoonsiiyey hablihii ka baxay jaamacada Barwaaqo ayaa ku dhiirigeliyey waalidiinta inay ka faa’iidaysataan waxbarashada loogu keenay dalkooda oo aanay dhegeysan kuwa dacaayada la daba-jooga dugsiga abaarso iyo jaamacadiisa barwaaqo.

Daawo:M/weyne Muuse Biixi oo shaaciyey inuu keligii tegay Isguulka Abaarso & Sababta+Nuxurka Khudbad uu ka jeediyey Xaflad…

Daawo:Dad Arraga Naafo ka ah oo Dalxiis ku maraya Goobo bilicsan oo ku yaalla Somaliland

Red sea trade route and the role of Berbera port

$
0
0

RED SEA TRADE ROUTE AND THE ROLE OF BERBERA PORT.

Red Sea is the third important business and busiest route all over the world, and the bridge that connects Africa, Europe and Asia.

This channel is one of the main sea corridors for oil trade between Europe and Asia , especially the oil export of Arab countries through other world.

The Role of Berbera is the strategic position the port is allocated and business role the port taking part the trade channels through the three continents Africa, Asia and Europe.

The world is expecting as predictions shows Berbera will be the trade Hub between Africa and other world according geostrategic position and the interest of the other world powers want to get a position it’s freezone market.

Freezone market will simplify the African businesses and some Arab countries get what ever goods they want , how they travel before to the far east countries like Taiwan 🇹🇼 , China 🇨🇳 , Singapore 🇸🇬 , India 🇮🇳 , Japan 🇯🇵 , and other countries produce most products .

Another geostrategic importance of Berbera when we see the edge of international is the best suitable security position to guard the business trade that are across readsea route , so some countries want to get Somaliland a military bases as rumours said like ; UK 🇬🇧 , USA 🇺🇸 , OMAN 🇴🇲 , SAUDI ARABIA 🇸🇦 , ISRAEL 🇮🇱 , RUSSIA 🇷🇺 , EGYPT 🇪🇬 , CHINA 🇨🇳 , FRANCE 🇫🇷 and others how to secure the trade and their own businesses across this route.

All in All Somaliland is facing the road towards prosperity and the Era of trade centre ,business hub of horn of Africa , Dp world made first extention of 400meters since the government of somaliland allowed the investment contract of thirty years , and this extention upgraded the capacity of the port from 1,500 k Tues to 5000 K Tues.

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil

dhimbiil@live.com

 

 

As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com

UAE, Egypt conclude ‘Zayed 3’ military exercis

$
0
0

PRESS RELEASE
UAE, Egypt conclude ‘Zayed 3’ military exercise
The exercise highlighted the professionalism of UAE and Egyptian air forces, as well as their high level of coordination
ABU DHABI, United Arab Emirates, August 16, 2021/ — The joint military exercise between the UAE and Egypt, entitled ‘Zayed 3’, concluded on Saturday, 14th August.

The multi-day exercise, which took place in the UAE with the participation of Emirati and Egyptian Air Forces, involved lectures and practical training aimed at enhancing their abilities and coordination in operating joint air missions, training for air combat strategies and exchange expertise.

It also included joint flights by multi-purpose fighter aircraft, as well as several missions involving attacking enemy targets and defending vital locations.

The exercise highlighted the professionalism of UAE and Egyptian air forces, as well as their high level of coordination, which enhances their excellence in conducting successful joint missions.

The exercise is part of the UAE’s efforts to enhance military cooperation between the UAE and Egyptian Armed Forces, enabling them to leverage one another’s capabilities, and deal with threats to the region’s security and stability.

Distributed by APO Group on behalf of United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation.
SOURCE
United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>