Quantcast
  • Login
    • Account
    • Sign Up
  • Home
    • About Us
    • Catalog
  • Search
  • Register RSS
  • Embed RSS
    • FAQ
    • Get Embed Code
    • Example: Default CSS
    • Example: Custom CSS
    • Example: Custom CSS per Embedding
  • Super RSS
    • Usage
    • View Latest
    • Create
  • Contact Us
    • Technical Support
    • Guest Posts/Articles
    • Report Violations
    • Google Warnings
    • Article Removal Requests
    • Channel Removal Requests
    • General Questions
    • DMCA Takedown Notice
  • RSSing>>
    • Collections:
    • RSSing
    • EDA
    • Intel
    • Mesothelioma
    • SAP
    • SEO
  • Latest
    • Articles
    • Channels
    • Super Channels
  • Popular
    • Articles
    • Pages
    • Channels
    • Super Channels
  • Top Rated
    • Articles
    • Pages
    • Channels
    • Super Channels
  • Trending
    • Articles
    • Pages
    • Channels
    • Super Channels
Switch Editions?
Cancel
Sharing:
Title:
URL:
Copy Share URL
Soomaaliga
RSSing>> Latest Popular Top Rated Trending
Channel: Qaran News
NSFW?
Claim
0


X Mark channel Not-Safe-For-Work? cancel confirm NSFW Votes: (0 votes)
X Are you the publisher? Claim or contact us about this channel.
X 0
Showing article 18281 to 18300 of 27666 in channel 13057437
Channel Details:
  • Title: Qaran News
  • Channel Number: 13057437
  • Language: Somali
  • Registered On: May 14, 2013, 3:33 am
  • Number of Articles: 27666
  • Latest Snapshot: July 11, 2024, 10:43 am
  • RSS URL: http://www.qarannews.com/feed
  • Publisher: https://qarannews.com
  • Description: A Trusted Qaran News Source
  • Catalog: //qaran2.rssing.com/catalog.php?indx=13057437
Remove ADS
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live
↧

Nuxurka Khudbad Guddoomiyaha Cusub Ee Xibsiga Waddani Ka Jeediyey Xidhitaanka Shirweynaha

November 16, 2021, 3:51 am
≫ Next: Wax ka ogow saddexda nin ee ka baxsaday xabsiga sida weyn loo ilaaliyo ee Kenya?
≪ Previous: Masuul xil laga qaaday oo Codsi La yaab leh Badka soo dhigay
$
0
0

Nuxurka Khudbad Guddoomiyaha Cusub Ee Xibsiga Waddani Ka Jeediyey Xidhitaanka Shirweynaha

 
Khudbada Guddoomiye Xirsi  waxay u dhignayd sidan:
“Salaan Qiimo badan ka dib, Waxaan mahadnaq aan la soo koobi karin usoo jeedinayaa, Guddiga qaban qaabada iyo cid kasta oo kala qayb qaadatay diyaarinta madashan quruxda badan, waxa kale oo aan u mahad celinayaa ergada shirka ee ii doortay guddoomiyaha xisbiga, waxaan iyagana mahad sharafeed u soo jeedinayaa marti sharafta halkan fadhida, mahad gaar ah waxaan u celinayaa Gudoomiye C/raxmaan oo ah aasaasaha xisbigan Waddani iyo C/qaadir Jirde oo ah odayga xisbiga, oo labaduba iga mudnaa xilkan Gudoomiyaha Xisbiga Waddani balse fursadan i siiyay markii ay eegeen danta xisbiga iyo duruufahooda gaarka ah. Marka koowaad waa qadarka illaahay iyo doonistiisa. Marka labaadna, Wanaag aan idinka shaqaystay ma aha ee waa niyad samidiina, raganimo aan dadka dheerahay ma aha ee waxay ku timi kal furnaantiina, in aad fursad heshaa daliil uma aha in aad dadka kale ka fiicantahay. Aad baad ugu mahadsantihiin, hamigiina Alle haydin gaadhsiiyo, filashada aad iga leedihiin Alle idinkuma hoojiyo, Hadal kuma cabiri karo wax aad iga mudantihiin balse waxaan isku deyi in aan hawraar kooban ku tilmaamo, dhamaadka khudbadayda :
Mudanayaal iyo Marwooyin
Xisbigan Waddani, oo 2012 ahaa ururka keliya ee xisbino usoo gudbay, wuxuu ilaa hada galay saddex doorasho, waxaan aaminsanahay in uu sadexdaba guul ka soo hooyay, marka la barbar dhigo xisbiga talada haya, waa xaqiiqo oo doorashadii madaxtinimada ee 2017 Waddani kuma guulsan madaxtinimada dalka, sidaa si la mid ah Kulmiye kuma guulsan doorashadii madaxtinimada ee 2003. Doorashadii labaad ee 2005 Kulmiye markii labaadna kumuu guulaysan oo waxaa hogaaminayay UDUB, balse taa bedelkeeda Waddani Doorashadii labaad oo ahayd, labadii doorasho ee isku sidkanaa wuu ku guulaystay Baarlamaankii iyo tii degaankaba, isagoo Shirgudoonkii baarlamaanka iyo Meeyaradii goboladaba kala wareegay xisbiga talada haya.
Marka dhinaca kale la iska taagana, Waddani doorashadii 2017 wuxuu Kulmiye kaga adkaaday sadex ka mid ah goboladii uu haysanjiray ilaa maalintii la aasaasay, kuwaas oo ahaa Togdheer, Sool iyo Sanaag, waxaana Kulmiye farahiisa ku hadhsanaa Maroodijeex oo keliya, taas oo Waddani doorashadii sanadkan ka faramaroojiyay Meeyarkii caasimadda, taasina waxay muujinaysaa in bulshada Somaliland ay baahi u qabto isbedel ilaa halka u saraysa ah, sidoo kale in Waddani isu diyaariyay hanashada guusha doorashada madaxtinimadda soo socota.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Halkaa uu xisbigu maraayo maanta, oo uu noqday kan ugu balaadhan, qadarka illaahay dabadii taageerayaasha Waddani iyo intiina halkan maanta joogta ayaa sabab u ahaa, marka labaadna waxaa halkaa soo gaadhsiiyay hogaamintii hogaanka xisbiga ee talada hayay, farxad baanay ii tahay in aan ka mid ahaa, weli maynaan gaadhin halkii aynu hayaanka ku wadnay, waxaanan rejaynayaa in geedigu gaadhidoono halka aynu ku wadno oo ah, isbedel khayr qaba, insha allaahu maalmo ka wanaagsan kuwii ina soo maray oo aynu ku xaqiijino himilada umadeenu muddada dheer ay ku doonayeen dawladnimo kor u qaada hankooda, wax ka bedesha noloshooda, oo gaadhsiisa karaamo iyo sharaf, taas oo sabab u noqota in ay xaga hore ka galaan tartanka nolosha ee dunida, aakhirana ay ku tanaadaan.
Waxaa xisbiga loo aasaasay taa aynu soo sheegnay xaqiijinteeda, waxa aynu u shiraynaa waa soo celinta rejada shacabka ee ku wajahan dawladnimadda, waxaynu u soconay maaha qof qof lagu bedelo ee waa in qaabkii hogaamineed wax iska bedelaan. Ma aha keliya madaxda oo isbedesha, laakiin isbedel siyaasadeed ayaa loo baahanyahay (Not only leadership change but political change) bulshada Somaliland waxay inaga sugaysaa, siyaasadii aynu ku jeexi lahayn geedisocodka mustaqbalka ee aynu dalkan ugu jahayn lahayn yoolasha dunidu beegsanayso, oo uu xisbiga Waddanina noqdo: Adeegaha bulshada, ilaaliyaha qaranka iyo horumariyaha dalka.
Xaqiiqo ahaan waxaa igu kelifay in aan hortiina imaado oo isu sharaxo gudoomiyaha xisbiga, waa tuhunka aan naftayda ka qabo in aan hogaanka u qaban karo oo gaadhsiin karo xisbiga bartilmaameedkaa aynu kor ku soo sheegnay iyo bidhaanta hiraalka aynu haybsanayno, waxaan is leeyahay waxaad leedahay aqoonteedii oo waxaan haystaa sadex shahaado oo ah derajada labaad ee jaamacadda (Masters Degree), waxaan leeyahay khibrad maamul oo ka badan 20 sanadood iyo ogaal siyaasadeed oo aan ka yarayn dhawr iyo taban sanadood, iyada oo aan qayb ka ahaa hogaaminta xisbigan Waddani lixdii sanadood ee ugu danbaysay, anigoo shan sanadood iyo siyaado kalena, kaalin muuqata kaga jiray xukuumaddii tan ka horaysay, intaa waxaa ii dheer khibradda maamul ee aan kaga soo shaqeeyay Komishinka doorashooyinka iyo shirkadaha dalka ugu waaweyn.
Waxaan aaminsanahay in aan aqoon ahaan iyo khibrad ahaanba u diyaarsanahay hogaaminta xisbigan iyo hay’ado ka waaweynba, hubaalna waxaa halkan fadhiya qoorweyntii xisbiga iyo odayaashii hogaanka ee aanu soo wada shaqaynay oo maanta qiyaasi kara kartidayda iyo awoodayda hogaamineed, taas oo aan filayo in ay keentay dhacdadan maanta ee aad igu doorateen, waxaanan marnaba ilaawayn doorkii muhiimka ahaa ee ay labadan oday C/raxmaan Ciro iyo C/qaadir Jirde ku lahaayeen booska aan xisbiga kaga jiray, talowadaagtii aanu lahayn iyo dhiirigelinta ay i siiyeen ee igu garab galeen hamigii iga guuxayay, waana damaca maanta keenay in aan hortiina imaado.
Mudanayaal iyo Marwooyin
Hadii aad ii garateen in aan noqdo gudoomiyaha xisbiga, waxaan idiin balan qaadayaa in aan idinku hogaamin doono waxa uu dhigayo xeerka xisbiga, ilaalin doono shuruucda dalka, diyaarin doono qorshayaasha iyo barnaamijyada xisbigu u baahanyahay iyada oo aan heerarka maamul ee kala duwana la yeelandoono talowadaag, waxaan isku dayidoonaa talaabo kasta oo xisbigan waxtar u leh oo sharcigu inoo ogolyahay, waxaan ugu shaqayn doonaa si daacadnimo iyo firfircoone leh, waxaanan rejaynayaa in xisbiga iyo bulshada Somalilandba ku farxaan natiijada shaqo ee ka dhalata dedaalka iyo isku duubnida aynu dadkeena iyo dalkeena ugu shaqayno.
Waxaan codsanayaa in aynu cududa, caqliga iyo cuudkaba isu gayno oo aad gacan buuxda iyo taageero igu siisaan xilka aad ii doorateen, doonimaayo mansab ee waxaan doonayaa in aan hogaamiyo isbedel khayr qaba oo dadkaygu mahadiyo, waxa bulshadu inaga sugaysaa maaha habel iyo hebel oo reer hebel ah isku bedel ee waa in dalkeenu helaa isbedel bulsho oo taabanaya nolashooda, dhaqaalahooda, aqoontooda, wacyigooda iyo qaabka ay u fekerayaan oo aqoon iyo ilbaxnimo weheliso.( Not only political change, but social change)
Taasna waxaa mucaarad ahaan inagaga aadan oo uu yahay doorkeenu in aynu bulshada la dareen noqono, oo soo bandhigno dayaca xukuumadu samaysay, u kuur galno duruufahooda una soo tebino sida ugu haboon, mucaaradka mabda’a ahaan waxay tahay shaqadiisu in uu toosiyo wixii qaloocday, tilmaamo wixii xukuumadu ka gaabisay, farta ku fiiqno mashaariicda ay ahayd in la qabto ee baaqatay iyo in aynu ku dabagalno dawladda sida ay wax u maamushay, ujeedaduna waxay tahay umadda ayaa loo shaqaynayaa, xukuumaduna waa adeege, wixii ay qabatay waa laga sugayay, wixiise ka baaqday ayaynu kula xisaabtamaynaa, mucaaradkuna waa dheelitiraha dawladnimadda, sidaa darteed ayaana dastuurku xisbiyada uga dhigay tiir ka mid ah qaranka oo muhiim ah.
Mudanayaal iyo Marwooyin
Marka aynu dib u milicsano, dalkan iyo dadkan aynu doonayno in aynu isbedel ku samayno, waxaa muuqata koritaan la’aan hanaanka dimuquraadiyadda guud ahaan, hay’adihii dawladda oo ah qalfoof hoosta ka madhan (fake institutions) caado-dhaqameed xunxun oo culays ku ah dawladnimadda, qiyamkii bulshadda oo dhaawac weyni soo gaadhay, waxaa isaguna aad hoos ugu dhacay dhaqaaleheenii, gaar ahaan xoolihii noolaa ee aynu ku tiirsanayn, ayay halis tahay in ay meeshaba ka baxaan, ma aha arinta dhaqaaluhu qiyaastayda ee “Warbixinta u dambaysay ee Bangiga Aduunka ayaa sheegaysa in dhaqaaleheenu hoos u dhacay” waana xaqiiqo in dadkeena inta badani ay ku noolyihiin duruuf aad u qalafsan. Sidaa darteed, ma aha waxaynu u soconaa, isbedel siyaasadeed oo xilalka lagula kala wareego oo keliya (Not only positional change but institutional change) Xukuumadda waa in ay xooga saartaa, hubinta iyo horumarinta dhidibada qaranku ku taaganyahay (deep state) oo aynu iminka iyo hadhawba isku hawlaa, dhismaha iyo taabogelinta hay’ahada dawladda oo tan xisbigu ugu horayso,
Marka aan dib ugu noqdo, arrinta hoos u dhaca qiyamka. Tusaale ahaan, “C/qaadir Jirde, wuxuu ka tanaasulay musharaxnimadii gudoomiyaha xisbiga oo uu ahaa qofkii ugu mudnaa, waa ninka aad garanaysaan inta uu siyaasada ku soo jiray, wuxuu ka midyahay dadka dastuurka Somaliland ku saxeexan ee tacabka geliyay, waa nin qaran oo cidiba iskuma khilaafto, hadii in uun birmageydo siyaasadeed jirto wuxuu noqon lahaa dadka ugu horeeya, waxaa yaab leh in qaar yidhaahdaan waa lagu iibsaday, lacag baad qaadatay iyo hadalo aad u rakhiis ah, waxaa meesha ka maqan qiimayntii toolmoonayd ee qofka xilka diida, ka is dhawra iyo kan qaranimada ilaaliya lagu qiimayn laha, waa waxa afka qalaad lagu yidhaahdo (value is more expensive than any price) waxaa jirta iyaduna odhaah Hadraawi lahaa “Dushooda ma eegayaan, dunuunuc bukay liqeen, dalqay wax ku eegayaan, dil bay u hamuumayaan” Xadiiska ku sugan Saxiisul-Muslimka, ee uu soo saaray Abu Hirayra wuxuu Nebi Maxamed SCWS ku tilmaamay: –
عن أبي هريرة – رضي الله عنه – عن النبي – صلى الله عليه وسلم – قال: “أتدرون مالغيبة – قالو الله ورسوله أعلم، قال: ذكر أخاك بما يكره – قيل أريت إن كان في أخي ما أقول؟ قال: إن كان فيه ما تقول فقد اغتبته، وإن لم يكن فقد بهته”
Mudanayaal iyo Marwooyin
Hadii aan si kooban u tilmaamo qorshaha aan ku talogalay iyo qaabka hogaamineed ee aan jecelahay in aan raaco, ugu horayn aragtidayda siyaasadeed ma qarsoona oo waxay ku xardhantahay buugtayda, waxaanay tahay “Gaadhsiinta ummadayda nolosha ugu wanaagsan iyo sharafta ugu sarraysa” taas oo ku qotonta ujeeddadayda odhanaysa “Waxaan doonayaa in dadkaygu nolosha uga faa’iidaysto sida ugu wanaagsan” walaalyaal mustaqbalkeena kuma gaadhi karo riyo keliya, ee aan u halganno xaqiijinta hiraal qudha, oo aan saxiib ku noqonno hal ujeeddo, caqabadaha iyo carqaladuhu weligood innama celin doonan marka aynu leennahay geesinnimo aynu yoolkeena ku gaadhno. Ogow, bini aadamka waxaa saamayn togan ama taban ku yeesha go’aamada uu qaato, waxaanu gurtaa midhaha tacabkiisa.
Marka aan u imaado, sumadda aan jecelahay in uu Waddani yeelan doono waxay tahay sida aan kor ku soo sheegay, Waddani waa “Adeegaha bulshada, ilaaliyaha qaranka iyo horumariyaha dalka” sidoo kale, aragtida xisbigeenu wuxuu ahaa sidan “Higsiga Waddani waa Jamhuuriyadda Somaliland oo ku waarta dal iyo dad midaysan, annaga oo sugnay qormada aanu ku leenahay adduunka, ahna qaran dhistay bulsho ku nool nabad, barwaaqo iyo dimuquraadiyad” hadii aad ila qaadataan waxaan odhan lahaa sidan “Waddani wuxuu u taaganyahay ilaalinta dalka, dadka iyo diinta, xaqiijinta Jamhuuriyadda Somaliland, dhisida bulsho ilbax ah iyo dawladnimo casri ah”
Waxaan xooga saaridoonaa ka qayb qaadashada wax kasta oo ku saabsan dhismaha dalka, kobcinta xidhiidhka bulshada isku duubnida iyo midnimada dalka, xoojinta dhaqaalaha iyo horumarka, ilaalinta dhaqanka suuban iyo diinta, ku dhaqanka shuruucda (rule of law) iyo dhawrista xoriyaadka aasaasiga ah. Xoojinta maamul wanaaga oo ka bilawda xisbiga ilaa xukuumadda Waddani, anaga oo mudnaanta siindoonna tababaridda iyo kor u qaadida aqoonta iyo dareenka ku wajahan xisbinimada, isla markaana wakhti gelinayna soo saarida kaadirka xisbiga, kaas oo u diyaarsan in uu kaalin muhiim ah ka ciyaaro hanaanka dimuquraadiyadda iyo tartanka Waddani ugu jiro in uu hanto taladda dalka kuna hirgeliyo barnaamijkiisa siyaasadeed.
Barnaamijka xisbigu wuxuu xambaarsanyahay himilooyinka xisbiga ee ujeedeeyinka dhaw iyo kuwa dheer, anaga oo la kaashanaya xubnaha hogaanka, fulinta iyo xubnaha kale ee lagama maarmaanka u ah, waxaan isbedel iyo kaabis ku samayn doonaa barnaamijka xisbiga. Diyaarinta iyo qabyatirka dabadiina, waxaan dhisi doonaa habka isku xidhka qorshayaasha iyo samaynta istaraatiijiyadda loo raacayo doorashooyinka, diyaarinta agabka loo baahanyahay iyo farsamooyinka lagama maarmaanka u ah. Waxaana looga baahanyahay masuul kasta oo hadlayaa in uu ka dhimbiil qaato barnaamijka xisbiga saldhigna uga dhigo doodihiisa.
Si aan arrintaa uga midha dhalinana waxaan soo saari doonaa, hab-maamul xidhiidhinaya haykalka kala duwan ee xisbiga, hab-raacyada iyo jaangoynta shaqo oo ku astaysan nidaamka maamul daadejinta gun ilaa baar, taas oo ay ku cadahay muuqaalka isu tebinta maamul (Organisational Chart), warbixinta masuuliyadaha iyo waajibaadka shaqo ee qof kasta laga rabo ee lagula xisaabtamayo.
Mudanayaal iyo Marwooyin
Waxa aan jecelahay in xil-gudashadeenu ku qotonto xaqiiqo, oo dhaliilaha aynu soo bandhigaynaa ay noqdaan qaar la hubiyay ama salka ku haya cilmi baadhis, taas oo soo jiidan karta garwaaqsiga bulshada isla markaana, xujo ku noqon karta xukuumadda, oo qofkii wax saxayana siin karta fursad, waayo; ujeedadeenu waa toosin iyo in aynu helo taageerada bulshada oo aynu dhankeena soo marino inta samaha jecel. Arintaasina waxay keensanaysaa in aan abuuro xafiiska baadhista iyo horumarinta (Research and Development Office), halkaas oo ay hawl wadeennada xisbigu ka helidoonaan xog ku filan oo ay u adeegsadaan hawlahooda shaqo.
Waxaa isaguna muhiimad taa la mid ah leh, xafiiska xuuraanka iyo dabagalka hantida qaranka (Intelligence and National Asset Surveillance Office) kaas oo shaqadiisu tahay helista xogaha muhiimka ah, ilaalinta iyo korjoogtaynta hantida qaranka, xogoha xafiiskani ururin doono oo muhiimad weyn u yeelan kara bulshada Somaliland iyo xisbiga Waddani labadaba, halkaas oo ay masuuliyiinta xisbigu ka heli doonaan xog ay ugu doodaan inta dulman ama hadii waxba loo qaban waayo, noqon doonta kayd ay weheshadaan bulshadu oo dawladda Waddani ama dawlad kasta oo timaada ay ula tegidoonaan. Waxay tahay arintan macnaheedu, Waddani waa wehelka bulshada duruuf kasta oo ay ku suganyihiin.
Xisbiga Waddani wuxuu mar walba la jiraa samaha, deganaasha iyo ilaalinta nabadgelyada dalka, waanu ka soo horjeednaa wax kasta oo keenaya khalkhal ama ku lug leh xagjirnimo iyo argagixisanimada, waxaanu gacan buuxda ka siinaynaa hay’adaha amniga wixii nalooga baahdo. Waddani wuxuu si taxadir leh ula soconayaa isbedelada iyo waxyaalaha ka dhacaya gobolka, anaga oo dawladda ku dhiirigelinayna xidhiidh wanaagsan oo lala yeesho wadamada jaarka ah iyo macaamil hufan oo aynu la wadaagno wadamada dunida, taas oo fure u noqon karta qadiyadda Somaliland, anaga oo mar kasta u taagan sidii dalkani uga mid noqon lahaa beesha caalamka una heli lahaa aqoonsi buuxa.
Hadaba, si aynu halkaa u gaadhsiino Somaliland, ugana dhabayno rejada shacabku inaga qabo, waxaa lagama maarmaan ah, in aynu gaadhsiino talada ugu saraysa musharixa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo ku qalabaysan barnaamij siyaasadeedkii oo dibu habayn lagu sameeyay iyo istaraatiijiyadda maamul iyo hogaamineed ee ay dalka ku maamulilahaayeen. Hadii aanu nahay kooxdan aad hogaanka u doorateen, marka aan derisno shaqada, waxaan guddiga fulinta u soo gudbin doonaa, qorshaha maamul, anaga oo isku xidhayna heerarka kala duwan ee maamul iyo dhamaan qaybaha xisbiga, waxaanu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulidoonaa sidii aan arrintaa u xaqiijin lahayn, waxaanu dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga ka codsanaynaa in ay gacan buuxda nagu siiyaan arrintaa.
Mudanayaal iyo Marwooyin
Iyada oo ay badan yihiin caqabadaha dabarka ku ah horumarkii xisbi iyo dawladnimo guud ahaan, marka aan soo ururiyo, sida aynu la wadaagno xisbiyada kale ee dalka, qaabka xisbiyadu u dhisanyihiin maanta waxa aad moodaa in wixii ugu horayn lahaa ee saldhiga u noqon lahaa jiritaankoodu uu meesha ka maqanyahay, waa mabaadiidii siyaasadeed (Political Ideology ) mana hawl yara hirgelinteedu marka la eego meesha aynu marayno iyo waayaha aynu la noolahay, waxase aanu isku dayaynaa in aanu abqaalo oo dhisno dariiqii lagu gaadhi lahaa, muhiimad weyna waxaan siindoonaa kobcinta iyo kor u qaadida aqoonta hawl wadeenada xisbiga, tababarrada ku wajahan xisbinimada iyo dibu habaynta xafiisyada laamaha gudaha iyo debedda ee xisbiga Waddani.
Dhamaan intiina siyaasadda u hanqal taagaysa, gaar ahaan dhalinyaradda waxaan leeyahay diyaar baanu idiin nahay hogaan ahaan, waxaanu doonaynaa in aanu kula dedaalo, kuuna diyaarino shaqada aanu kuu dirayno ee adigu ha daalin, hana dayacin masuuliyadda laguu dhiibay, waar raga berito mataxnimada doonayow, maanta hanaan madaxnimo u dhaqan oo ha kaa muuqato. Minqiyaaskaagu yaanu noqon sawirrada iyo muuqaallada saxaafada, laakiin, ha noqdo maxaad fulisay waajibaadkii lagu saaray, himiladaadii maxaad gaadhay, madhaxa iyo dhaxalku waa dalka e, maxaad u qabatay. Aan idin xasuusiyo shanta arimood ee uu tilmaamay Imaamu Shaafici in madaxtinimada lagu gaadho:
1) Runta oo aad dhaqan ka yeelato..
2) Sirta oo aad ilaaliso.
3) Balanta oo aad oofiso.
4) Dadka oo aad u nasteexayso.
5) Amaanada oo aad ilaaliso.
Kitaabka, Siyaru-Calaam Anubalaa – Imaamu Dahabi –
Ogow, wax kasta oo aad ku hamidaa sax ma wada aha, ha rumaysan beentaada, riyaadaada suuree oo sawir maskaxeed u bedel iskuna day in aad ficil ku xaqiijiso, waa suuragal markaa in aad gaadho meel kasta oo saraysa hadii aad isu diyaariso ilaahayna la kaashato.
Gebogebadii
Aniga oo ku hadlaya afka xisbiga Afka ergada fadhida ee kalsoonidoonii i siiyay iyo guud ahaan Xisbiga Waddani ee masuuliyadiisii la ii caleemo saaray, waxaan halkan ka soo jeedinayaa qodobado aanu muhiim u aragnay ee shirweynahani xooga saaray :
 Waxaanu dawladda ugu baaqaynaa in la ilaaliyo xasiloonida iyo midnimadda Jamhiiriyadda Somaliland.
 Komishinka doorashooyinka qaranka waxaanu ugu baaqaynaa in ay doorashooyinka wakhtigeedii ku qabtaan, xisbi ahaana diyaar baanu u nahay in aanu ku garab galo sidii ay shaqadooda u gudan lahaayeen.
 Waxaanu beesha caalamka ugu baaqaynaa in ay xaqdhawraan xuquuqda aayo ka tashiga dadkayga oo ay garwaaqsadaan rabitaanka bulshadda Somaliland ku doonayso madaxbanaani buuxda oo ay kaga mid noqdaan qaramadda midoobay.

Dadka reer Somaliland waxaan leeyahay, noo sabra, waanu ka dhabayn doonaa rejada aad naga filaysaane, insha allaahu waxaynu gaadhi doonaa maalmo kuwan ka fiican, isku duubnaada oo cadawgeena aan meel uga soo wada jeesano,ha ku asqoobina hirdanka siyaasiyiinta ee hadba ka wanaagiina wada u hiisha, hana ka werwerina mustaqbalka wax wanaagsan ayaa inoo soo socda idam Allah. Waxaan ilaahay ka baryayaa in uu kuwa dawladnimada hayana dhibtooda iyo dhagartooda inaga badbaadiyo, kuwa imandoonana tubta wanaagsan iyo talada khayrka leh in ilaah ku toosiyo, idilkoodna garansiiyo wixii ay inoogu jirto wanaaga aduunyo iyo aakhiradeenu.

Ilaahay ayaa mahad leh, aad baad u mahadsantihiin.
Xirsi Cali X. Xasan, Gudoomiyaha Xisbiga Waddani.
↧
Search

Wax ka ogow saddexda nin ee ka baxsaday xabsiga sida weyn loo ilaaliyo ee Kenya?

November 16, 2021, 3:56 am
≫ Next: Wararkii Ugu Danbeeyay qaraxyadii ruxay Kampala &Khasaaraha ka dhashay+Sawirro
≪ Previous: Nuxurka Khudbad Guddoomiyaha Cusub Ee Xibsiga Waddani Ka Jeediyey Xidhitaanka Shirweynaha
$
0
0
Wax ka ogow saddexda nin ee ka baxsaday xabsiga sida weyn loo ilaaliyo ee Kenya?

Dowladda Kenya waxay sheegtay in heegan ay gelisay ciidamadeeda si ay gacanta ugu soo dhigaan saddex qof oo ka baxsatay xabsiga Kamiti oo si weyn amnigiisa loo ilaaliyo.

Xabsigan ayaa ku yaalla duleedka magaalada Nairobi, ciidamada dambi baarista waxay raggan ku tilmaameen ‘dad halis ah’

Haddaba maxay kala yihiin ragga xabsiga ka baxsatay?

Maxamed Cali Abiikar, wuxuu ku xukannaa 41 sano oo xarig ah, waxaana lala xiriiriyay in uu ka tirsanaa Al Shabaab, waxaana loo heystay weerarkii lagu qaaday jaamacadda Gaarisa 2015 oo ay ku dhinteen ku dhawaad 150 qof.

Musharraf Abdalla Akhulunga, waxaa la xiray sanadkii 2012-kii kadib markii la fashiliyay isku day uu qeyb ka ahaa oo la doonayay in lagu qaado baarlamaanka Kenya, waxaana lagu soo oogay dacwad in uu heystay hub iyo waxyaabaha qarxa.

Joseph Juma Odhiambo, ninkan ayaa la xiray markii la sheegay in qorayay dhalinyaro si ay ugu biiraan Al Shabab, waxaana lagu xiray magaalada Beled Xaawo ee ku taalla xadka Soomaaliya iyo Kenya.

↧
↧

Wararkii Ugu Danbeeyay qaraxyadii ruxay Kampala &Khasaaraha ka dhashay+Sawirro

November 16, 2021, 4:01 am
≫ Next: East Africa GDP Set for Full Recovery in Two Years
≪ Previous: Wax ka ogow saddexda nin ee ka baxsaday xabsiga sida weyn loo ilaaliyo ee Kenya?
$
0
0

Wararkii Ugu Danbeeyay qaraxyadii ruxay Kampala &Khasaaraha ka dhashay+Sawirro

Bartamaha magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda waxaa ka dhacay labo qarax oo xoogan , waxaana qaraxyadan ka dhashay khasaaro kala duwan sida ay baahiyeen Warbaahinta dalka Uganda.

Qaraxa koobaad ayaa ka dhacay goob laga dukaameesto oo ku dhaw xarunta booliiska magaalada Kampala, qaraxa labaad ayaa isna ka dhacay meel ku dhaw xarunta Baarlamanaka dalka Uganda.

Inta la xaqiijiyay qaraxyadan ka dhacay magaalada Kampala waxaa ku dhintay afar qof oo labo kamid ah yihiin Saraakiil booliis halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 24-qof, dadka dhaawacmay ayaa afar qof oo kamid ah lasoo sheegayaa in xaalad adag ku jiraan.

Ciidamada booliiska iyo Sirdoonka magaalada Kampala ayaa wada howlgalo baaritaano ah oo ku aadan qaraxan, waxaa sidoo kale la adkeeyay amaanka xarumo kuyaala magaalada Kampala iyada oo laga cabsi qabo in weeraro kale dhacaan.

Qaraxyadan maanta ruxay magaalada Kampala ayaan wali jirin cid sheegatay masuuliyadooda, waxaana qaraxyadan imaanayaa xili dhawaan maqaayad kutaala magalaada Kampala ka dhacay qarax khasaaro dhaliyay.

 

↧

East Africa GDP Set for Full Recovery in Two Years

November 16, 2021, 6:21 am
≫ Next: Waa kuma Xirsi Guddoomiyaha cusub ee xisbiga Waddani?
≪ Previous: Wararkii Ugu Danbeeyay qaraxyadii ruxay Kampala &Khasaaraha ka dhashay+Sawirro
$
0
0

PRESS RELEASE
East Africa GDP Set for Full Recovery in Two Years
The bloc’s growth is likely to reach an average of 4,1 percent this year, up from 0,4 percent posted last year, according to the African Development Bank’s (AfDB) latest economic outlook report for the region
TEL AVIV, Israel, November 16, 2021/ — The East African economic growth is projected to recover this year despite COVID-19 setback thanks to sustained public spending on infrastructure and improved performance of the agricultural sector. The bloc’s growth is likely to reach an average of 4,1 percent this year, up from 0,4 percent posted last year, according to the African Development Bank’s (AfDB) latest economic outlook report for the region.

The report showed that next year average growth is projected to hit 4,9 percent. According to the report’s findings, COVID-19 containment measures and global supply and demand disruptions hit businesses and livelihoods hard and increased poverty, while political fragility in some countries and limited economic diversification in others were significant impediments to growth.

The Somali Finance Minister, Mr. Abdirahman Dualeh Beileh, warned when launching the report late last month that the pandemic could continue to impede progress toward inclusive growth. “The contraction of economic activities, increase in fiscal deficits due to high public spending to respond to the COVID-19 pandemic amidst reduced public revenues, and exchange rate depreciation following reduced income from commodity exports, created fiscal and debt distress risks in the region in 2020,” Minister Beileh said.

The flagship report reviews the socio-economic performance of 13 countries namely Burundi, Comoros, Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Rwanda, Seychelles, Somalia, South Sudan, Sudan, Tanzania, and Uganda. The report, themed “Debt Dynamics in East Africa: The Path to Post-Covid Recovery”, notes that the rapid recovery of the region is being driven by sustained public spending on infrastructure, improved performance of the agricultural sector, and deepening regional economic integration.

According to the report, while East Africa is undergoing a shift toward a more service-oriented economy, some countries are experiencing deindustrialisation. To accelerate recovery and build post COVID-19 resilience, the report recommends that countries accelerate structural transformation through digitalisation, industrialisation, economic diversification and consolidation of peace, security, and stability. The outlook report projects a full recovery from 2023, due to the increased roll-out of vaccines, recovery in the global economy, rising commodity prices, and growing economic diversification in the region.

“A mix of policy interventions is needed to accelerate East Africa’s economic recovery and build post COVID-19 resilience. These include scaling up vaccinations, designing and implementing economic stimulus packages and stabilizing public debt by dealing with debt related to state enterprises, among others,” said Ms. Nnenna Nwabufo, the AfDB’s Director General for East Africa.

The region’s resilience in last year was due to relatively higher economic diversification and governments’ swift policy responses to counter the pandemic’s impacts. Still, Marcellin Ndong Ntah, a lead economist at the AfDB, warned that the risks to the region’s positive outlook remain substantial due to the uncertainties surrounding the longevity and severity of the pandemic, the slow uptake of vaccines, rising global oil prices for the non-oil exporting countries in the region, the slow pace of structural transformation, conflicts and civil unrest, and weather-related shocks and locust invasions in the region.

Mr. Emmanuel Pinto Moreira, Director of the Bank’s Country Economics Department, said many East African economies continue to need short-term debt relief and emergency external financing from multilateral lenders. He added that many had received budget support under the Bank’s COVID-19 Response Facility, and emergency financing from the International Monetary Fund. Economic experts attending the launch called for better economic governance, notably clearing domestic arrears, improving debt management and transparency, and dealing with debt related to state-owned enterprises.

“For countries with substantial external financing risks, innovative financing instruments like non-debt equity, risk-sharing with the private sector, including through collateralization and increasing foreign investor participation in local-currency debt markets, should be explored to diversify the sources of development finance,” said Edward Sennoga, lead economist at the Bank.

This, he added, will insulate the region’s economies from global volatility shocks. Louis Kasekende, Executive Director of the Macroeconomic and Financial Management Institute of Eastern and Southern Africa, pointed out that policies to diversify public financing sources, improve public revenue mobilization and prioritize infrastructure investments will be critical to ensure debt sustainability.

“Public debt, if used correctly, can help boost essential services, leading to improved economic growth,” he said. Though, the sub-region avoided recession last year but political fragility and limited economic diversification impacted growth in some countries Until last year when Coronavirus pandemic invaded the region, East Africa was the fastest growing economy on the continent but it appears, the sub-region will cede its position to central and southern Africa in this year and to North Africa next year due to strong recoveries expected in those regions.

Distributed by APO Group on behalf of Embassy of the United Republic of Tanzania Tel Aviv, Israel.
SOURCE
Embassy of the United Republic of Tanzania Tel Aviv, Israel

↧

Waa kuma Xirsi Guddoomiyaha cusub ee xisbiga Waddani?

November 16, 2021, 8:55 am
≫ Next: Sahra ilays oo afka furatay daawo anigu Cirro ayaan u heesay ee Farmaajo umaan heesin
≪ Previous: East Africa GDP Set for Full Recovery in Two Years
$
0
0

Somaliland: Waa kuma Xirsi Cali Xaaji Xasan, Guddoomiyaha cusub ee xisbiga Waddani?

Somaliland: Waa kuma Xirsi Cali Xaaji Xasan, Guddoomiyaha cusub ee xisbiga Waddani?
 

 

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka,Xirsi Xaaji Cali , qoraha buugga ‘Miyiga illaa Madaxtooyada’

Shirweynihii xisbiga Waddani oo maalintiisii labaad ka socda Jamhuuriyadda iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Soomaaliland, maanta Guddoomiyaha xisbigaas loogu doortay Xirsi Cali Xaaji Xasan, halka uu musharraxa madaxweyne ee xisbigaasi yahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

Xisbiga Waddani ayaa ka mid ah xisbiyada mucaaradka ee Somaliland.

Maalmihii u danbeeyey waxaa magaalada Hargeysa ka socday shirweynaha Xisbigaas, kaas oo ay ugu sii diyaar garoobayaan doorashada la filayo sannadka soo aaddan in ay ka dhacdo Somaliland.

Waa kuma Xirsi?

Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu dhashay sannadkii 1966, waxaanu waxbarashadiisii ​​hoose-dhexe dhammaystay 1987-kii.

Markii uu dhamaystay waxbarashadiisii ​​sare, Xirsi waxa uu ku biiray Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM horraantii sagaashamaadkii.

Muddo ka dib, markii Somaliland gaar ugu dhawaaqday goonni isu taaggeeda, Xirsi waxa uu waxbarashadiisii dib uga bilaabay Somaliland, kaddibna wuxuu sii aaday India iyo UK, isaga oo xoogga saaray culuumta teknolojiyadda ICT iyo Maamulka.

Sidoo kale, wuxuu dhawaa Sharciga iyo Shareecada ka bartay labada jaamacadood ee Alpha iyo Beder.

Waxa uu ku bilaabay khibraddiisa shaqada mid iskaa wax u qabso ah ka dibna waxa uu ku biiray qaybta xawaaladaha ee Dahabshiil Group. Waxa uu noqday maamulaha guud ee shirkadda Somtel oo qayb ka ah shirkadda isgaadhsiinta ee Geeska Afrika.Xirsi waxa uu ka guuray ganacsigii wuxuuna u wareegay siyaasadda. Xilligii Xisbiga Kulmiye uu ahaa Mucaaridka, waxaa loo doortay in uu ku metelo komishanka, isaga oo noqday Guddoomiye ku xigeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ka dib wuxuu xilkaas hayay muddo sannad ah, wuuna iska casilay markii dambe.

Qoraalka Codka,Xisbiga mucaaradka Wadani oo shir uu uga furmay Hargeysa

Markii xisbigiisa uu hoggaaminayey Madaxweyne Siilaanyo ku guulaystay talada Somaliland, sannadkii 2020, waxa uu Xirsi u magacaabay Madaxa Golaha Wasiirada, isaga kaddibna noqday Wasiirka Madaxtooyada, wuxuuna xilkaas iska casilay 2015.

Wuxuu muddo kaddib ku biiray Xisbiga Waddani. Wuxuu bilawgii xisbigaasi ka noqday Hoggaamiyaha. Iyada oo haddana uu noqday Guddoomiyaha cusub ee xisbigaas.

Xirsi waa qoraaga buugaag dhowr ah oo kala ah: Miyiga illaa Madaxtooyada & Hodanka Baahan iyo Himiladayda.

Sidee ayuu u arkaa xilkaa loo doortay?

Xirsi Cali Xaaji ayaa waraysi gaar ah oo BBC Somali uu siiyey ku sheegay in xisbigan uusan ku cusbayn horena uu hawlaha ka soday ula socday, hadddana uu halkii sii wadi doono.

“Runtii waxaan u arkayaa masuuliyad aan qadaay, ilaahay waxaan ka rejaynayaa in uu igu garab galo. Halkii uu joogay ayaan ka sii qaadi doonaa, wixii aan awoodana waan ku biirin doonaa, qorshena waannu lahaynoo kaas baan hirgelinayaa”, ayuu yidhi Xirsi Xaaji Cali Xasan.

Xisbiga Waddani ayaa ka mid ahaa ururradii 2012-kii u soo dallacay xisbinnimada Somaliland, waxaana tan iyo xilligaas guddoomiye ka ahaa Cabdiraxmaan Cirro, halka uu sida oo kalena guddoomiyaha ku meel gaadhka ahaa Cabdiqaaddir Jirde.

Xirsi ayaa si weyn loogu xasuustaa markii uu ahaa wasiir ka tirsan dawladdii Madaxweyne Siilaanyo, waxaan algu tilmaami jirey mid ka mid ah wasiirradii ugu awoodda badnaa ee xilligaas.

Dhanka kale Xirsi oo ka jawaabayey in uu yahay qof adadag, oo badanaa aan tixgelin ra’yiga ka duwan ayaa eeddaasi iska fogeeyey isaga oo sheegay “in aanu halkan soo gaadheen haddii qofkaa yahay.”

bbcsomali 

 
 

The Best .com

↧
↧

Sahra ilays oo afka furatay daawo anigu Cirro ayaan u heesay ee Farmaajo umaan heesin

November 16, 2021, 9:17 am
≫ Next: Halkani ka daawo wararkii caawa iyo caalamka oo xiiso badan
≪ Previous: Waa kuma Xirsi Guddoomiyaha cusub ee xisbiga Waddani?
$
0
0

↧

Halkani ka daawo wararkii caawa iyo caalamka oo xiiso badan

November 16, 2021, 10:36 am
≫ Next: INTERNATIONAL COMMUNITY REPRESENTATIVES ARE BELIEVED TO BE RESPONSIBLE FOR DEEP
≪ Previous: Sahra ilays oo afka furatay daawo anigu Cirro ayaan u heesay ee Farmaajo umaan heesin
$
0
0

↧

INTERNATIONAL COMMUNITY REPRESENTATIVES ARE BELIEVED TO BE RESPONSIBLE FOR DEEP

November 16, 2021, 7:59 pm
≫ Next: Kenya oo ka hadashay waxyaabaha fududeeyay baxsashada Maxaabiistii halista ahayd+Uhuru kenyatta oo tallaabo adag qaaday
≪ Previous: Halkani ka daawo wararkii caawa iyo caalamka oo xiiso badan
$
0
0

INTERNATIONAL COMMUNITY REPRESENTATIVES ARE BELIEVED TO BE RESPONSIBLE FOR DEEPENING POLITICAL CRISES IN SOMALIA

The representatives of the International community in Somalia are believed to be responsible for the multiple delays of parliamentary and presidential elections in Somalia because they have the power and means to hold parliamentary and presidential elections on time for being in charge of the country and for investing billions of dollars in Somalia to keep it stable, democratic and make peaceful transfer of power on time using their military wing, AMISOM, and donors paid-Somali troops. Now, the country is at the brink of civil war for delayed, bribed, corrupt parliamentary elections that could lead to fraudulent presidential election stolen for the former president of Somalia,Mohamed Abdullahi Farmajo, or another attempt for unlawful presidential term extension (like the one on April 25, 2021). Both cases could ignite civil war, particularly in the capital, Mogadishu.

Some people believe that the long-time USA Ambassador in Somalia, Ambassador Donald Yamamoto, long-time UN Representative in Somalia, Mr. James Swan, and long-time African Union Representative, Mr. Francisco Madeira, have close relationship with the former President of Somalia, Mr. Mohamed Abdillahi Farmajo, and that is why he is still in the presidential mansion, Villa Somalia, still ruling the country without any mandate granted to him after his presidential term expired on February 8, 2021.

The acting Prime Minister, Mohamed Hussein Roble, is also accused of slowing the election process in Somalia for personal reasons and gradually eliminating the international criminal case of Ikraan Tahlil after he entered agreement with ex-president, Farmajo, after he returned from Qatar.

Ex-president of Somalia, Mr. Farmajo is the least popular presidential candidate for president in Somalia for having close relationship and collusion with the war crimes suspects, PM Abiy Ahmed of Ethiopia and Isaias Afwerki of Eritrea in the Tigray War. if he returns to office with fraudulent, stolen election, Somalia will be another Ethiopia in the Horn of Africa.

Ibrahim Hassan Gagale (Independent Political Analyst)

ibrahim_hg@yahoo.com

↧
Search

Kenya oo ka hadashay waxyaabaha fududeeyay baxsashada Maxaabiistii halista ahayd+Uhuru kenyatta oo tallaabo adag qaaday

November 17, 2021, 5:48 am
≫ Next: Mareykanka oo digniintii ugu dambeysay ka soo saaray xaalada dalka Itoobiya
≪ Previous: INTERNATIONAL COMMUNITY REPRESENTATIVES ARE BELIEVED TO BE RESPONSIBLE FOR DEEP
$
0
0

Kenya oo ka hadashay waxa fududeeyay baxsashada ‘maxaabiista halista ah’

Toddobo kamid ah saraakiisha xabsiyada Kenya ayaa la xiray kadib markii saddex maxaabiis ah ay ka baxsadeen xabsi si weyn amnigiisa loo ilaaliyo oo ku yaalla duleedka magaalada Nairobi.

Maxaabiistan baxsatay waxaa kamid ah Maxamed Cali Abiikar oo ku xukunaa 41 sanno ,kaas oo lala xiriiriyay in uu ka tirsanaa Al Shabaab, waxaana loo heystay weerarkii lagu qaaday jaamacadda Gaarisa 2015 oo ay ku dhinteen ku dhawaad 150 qof.

Dowladda Kenya waxay sheegtay in heegan ay gelisay ciidamadeeda si ay gacanta ugu soo dhigaan saddex qof oo ka baxsatay xabsiga Kamiti oo si weyn amnigiisa loo ilaaliyo.

Kenya waxay sidoo kale sheegay in $178,000 doolar ay siin doonto ciddii keentay xog horseeda karta in gacanta lagu soo dhigo raggan baxsaday.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiang’i wuxuu sheegay in dowladda ay qaadeyso howlgal ay ku baadigoobeyso ‘dambiilayaashan halista ah’ ee baxsatay.

“Waxaan qaadeynaa tallaabooyin wax ku ool ah si aan u xaqiijino in dayacaad noocan ah aysan ka dhicin xabsiyada mar kale” ayuu yiri Matiangi.

Wuxuu sidoo kale sheegay in mas’uuliyad darro, xirfad xumo iyo taxaddar la’aan ay sababtay baxsashada raggan.

Sidoo kale maxaabiista maxsabatay waxaa kamid ah Musharraf Abdalla Akhulunga, oo la xiray sanadkii 2012-kii kadib markii la fashiliyay isku day uu qeyb ka ahaa oo la doonayay in lagu qaado baarlamaanka Kenya iyo Joseph Juma Odhiambo oo horraan lagu qabtay magaalada Beledxaawo ee ku xadka Soomaaliya iyo Kenya si uu ugu biiro Al Shabab.

Uhuru Kenyatta oo tallaabo qaaday ka dib baxsashada Maxaabiistii halista ahaa

Uhuru Kenyatta

Madaxweynaha Kenyatta , Uhuru Kenyatta ayaa shaqada ka eryay taliyaha xabsiyada dalkaas, Wycliffe Ogallo.

Wuxuu magacaabay taliye cusub oo lagu magacaabo John Warioba.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay laamaha amniga in ay adeegsadaan wax kasta oo ay awoodi karaan si loo soo qabto maxaabiista.

Shaqada ka eryidda sarkaalkan ayaa imaaneysaa xilli Kenya ayaa ku raad joogto maxaabiis ka baxsatay xabsiga sida weyn loo ilaaliyo ee Kamiti.

Toddobo kamid ah saraakiisha xabsiyada Kenya ayaa la xiray kadib markii saddex maxaabiis ah ay ka baxsadeen xabsi si weyn amnigiisa loo ilaaliyo oo ku yaalla duleedka magaalada Nairobi.

Dowladda Kenya waxay sheegtay in heegan ay gelisay ciidamadeeda si ay gacanta ugu soo dhigaan saddex qof oo ka baxsatay xabsiga Kamiti oo si weyn amnigiisa loo ilaaliyo.

Maxaabiistan baxsatay waxaa kamid ah Maxamed Cali Abiikar oo ku xukunaa 41 sanno ,kaas oo lala xiriiriyay in uu ka tirsanaa Al Shabaab, waxaana loo heystay weerarkii lagu qaaday jaamacadda Gaarisa 2015 oo ay ku dhinteen ku dhawaad 150 qof.

Waxaa sidoo kale kamid ah Musharraf Abdalla Akhulunga, oo la xiray sanadkii 2012-kii kadib markii la fashiliyay isku day uu qeyb ka ahaa oo la doonayay in lagu qaado baarlamaanka Kenya iyo Joseph Juma Odhiambo oo horraan lagu qabtay magaalada Beledxaawo ee ku xadka Soomaaliya iyo Kenya si uu ugu biiro Al Shabab.

↧
↧

Mareykanka oo digniintii ugu dambeysay ka soo saaray xaalada dalka Itoobiya

November 17, 2021, 5:55 am
≫ Next: Wefti uu hogaaminaayo M/weyne-xigeenka S/land oo u dhoofay Dalka Imiraatka+Ujeedada Safarkooda
≪ Previous: Kenya oo ka hadashay waxyaabaha fududeeyay baxsashada Maxaabiistii halista ahayd+Uhuru kenyatta oo tallaabo adag qaaday
$
0
0

Mareykanka oo digniintii ugu dambeysay ka soo saaray xaalada dalka Itoobiya

 

Mareykanka ayaa mar kale ku booriyay muwaadiniintiisa inay ka baxaan dalka Ethiopia sida ugu dhaqsiyaha badan.

Mareykanka ayaa kahor iyo kadib maalmihii ay Taalibaan soo galeen Kabul waxay soo daad-gureeyeen 123,000 oo qof oo isugu jira shacab Mareykan ah iyo Afghaaniyiin la shaqeyn jiray iyo qoysaskooda

Hase ahaatee Waxay sheegeen inaysan jiri doonin daad-gureyn la mid ah tii Afghanistan, oo maalmihii ugu dambeeyey ka hor qabashada Taliban ay militariga kasoo qaadeen kumanaan qof.

Safaaradda Mareykanka ayaa baaqan wadday maalmo, waxayna u sheegeysaa shacabka inay duulimaadyada rayidka uga baxaan dalka Ethiopia, halkaasoo ay suurta-gal tahay in mucaaradka ay u soo ruqaansadaan caasimadda Addis-Ababa.

↧

Wefti uu hogaaminaayo M/weyne-xigeenka S/land oo u dhoofay Dalka Imiraatka+Ujeedada Safarkooda

November 17, 2021, 6:09 am
≫ Next: F.C.Waraabe oo masuuliyiin Cusub Xilal sarsare u magacaabay
≪ Previous: Mareykanka oo digniintii ugu dambeysay ka soo saaray xaalada dalka Itoobiya
$
0
0

↧

F.C.Waraabe oo masuuliyiin Cusub Xilal sarsare u magacaabay

November 17, 2021, 6:16 am
≫ Next: Dawlada Jabuuti oo shaacisey in khasaar dhan 2 Bilyan oo Dollar ka soo gaadhay Dagaalka Itoobbiya+Sababta
≪ Previous: Wefti uu hogaaminaayo M/weyne-xigeenka S/land oo u dhoofay Dalka Imiraatka+Ujeedada Safarkooda
$
0
0
↧

Dawlada Jabuuti oo shaacisey in khasaar dhan 2 Bilyan oo Dollar ka soo gaadhay Dagaalka Itoobbiya+Sababta

November 17, 2021, 8:18 pm
≫ Next: Dad ku dhintay dab qabsaday guri ku yaala magaalada Hargaysa
≪ Previous: F.C.Waraabe oo masuuliyiin Cusub Xilal sarsare u magacaabay
$
0
0

Dawlada Jabuuti oo shaacisey in khasaar dhan 2 Bilyan oo Dollar ka soo gaadhay Dagaalka Itoobbiya+Sababta

.

Dagaalka Itoobiya waxa uu halis ugu jiraa in uu meesha ka baxo horumarka dhaqaale ee 20 sano ee la soo dhaafay ka socday dalkan yar ee ku yaal Geeska Afrika- Jabuuti.

Wasiirka maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaaleh, ayaa BBC u sheegay in 12-kii bilood ee u dambeeyay uu dalku ku khasaaray lacag u dhiganta kala badh hantida qaranka, ama 1.7 bilyan oo dollar, ka dib markii uu hoos u dhacay dakhligii iyo shaqooyinkii.

Dhaqaalaha dalkan ayaa markii horeba la halgamayay inuu ka soo baxo saamaynta duulaanka Ayaxa, COVID-19 iyo isbeddelka cimilada.

Colaadda muddada sanadka ah ka jirtay waqooyiga gobolka Tigray ee Itoobiya ayaa sii xumeeyay khalkhal ku yimid silsiladahii sahayda u ahaa ee u dhexeeyay labada waddan iyada oo ganacsigu hoos u dhacay. kaliya 20 boqolkiiba.

 

In ka badan 90 boqolkiiba badeecadaha Addis Ababa waxa ay maraan dekedda Jabuuti, taasoo ka soo gasha qarankan lacag u dhaxaysa 1.5 ilaa 2 bilyan oo doolar.

Labada dal ayaa balaayiin dollar ku maalgaliyay dhismaha marin ganacsi oo si toos ah u siinaya Itoobiya inay hesho deked badeed oo ay ku jirto khad tareen oo 470 mile ah oo isku xidha dekedda Djibouti ilaa Addis Ababa, laakiin dhammaan waxa hadda muuqda xaalad mugdi ah, haddii aan si degdeg ah loo gaadhin xal nabadeed oo lagu soo afjarayo xiisaddan.

Dagaalka ka socda gobolka ku yaalla waqooyiga Itoobiya ee Tigray, saameyn xun kuma yeelan doono mustaqbalka Itoobiya oo kali ah, balse waxaa uu saameyn halis ah ku yaalanayaa dalalka dariska al ah.

↧
↧

Dad ku dhintay dab qabsaday guri ku yaala magaalada Hargaysa

November 17, 2021, 8:21 pm
≫ Next: Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee S/land oo Tabbabar u furay Xeer-ilaaliyayaal & Qareenno ka socda…..
≪ Previous: Dawlada Jabuuti oo shaacisey in khasaar dhan 2 Bilyan oo Dollar ka soo gaadhay Dagaalka Itoobbiya+Sababta
$
0
0
Dad ku dhintay dab qabsaday guri ku yaala magaalada Hargaysa
messenger sharing button
whatsapp sharing button
email sharing button
 
Wiil yar ayaa ku geeriyooday dab qabsaday gurigooda oo ku yaala xaafada Boqol-jire ee magaalada Hargaysa, sida lagu baahiyay warbixin lagu daabacay boga Facebook ee ciidanka dab-damiska Somaliland.

“Alle haw naxariistee wiil yar ayaa ku dhintay guri Jiingada oo dab qabsaday xaafada Boqol-jire ee magaalada Hargeysa” ayaa lagu yidhi warbixinta uu dab-damisku baahiyay.

“Ciidanka Dab-demiska ayaa gurmad u fidiyay, waxaanay Maydkii ka soo saareen gudaha hore ee guriga, sidoo kale ciidamada ayaa damiyay dabkaas , kana xakameeyay guryihii kale”.

Dab-damiska ayaa ciidanka Booliska gaar ahaan laanta dambi baadhista oo hawlgalkaa goobjoog ka ahaa ku  wareejiyay maydka.

↧

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee S/land oo Tabbabar u furay Xeer-ilaaliyayaal & Qareenno ka socda…..

November 17, 2021, 8:26 pm
≫ Next: Ganacsatada Soomaalida ee magaalada Ankara oo Amar culus la duldhigay
≪ Previous: Dad ku dhintay dab qabsaday guri ku yaala magaalada Hargaysa
$
0
0

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee S/land oo Tabbabar u furay Xeer-ilaaliyayaal & Qareenno ka socda…..

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, oo ay wehelinayeen Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Al-baani), guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, madaxa tababarada Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahin iyo saraakiil ka tirsan Maxkamadda Sare ayaa Arbacada maanta, tababar socon doona laba cisho, u furay, 35 xubnood iskugu jira garsoorayaal, xeer-ilaaliyayaal iyo qareenno ka tirsan, maxkamadaha gobolka Maroodi-jeex, xafiiska xeer-ilaalinta guud iyo ururka qareenadda ee SOLLA.

Tababarkan oo ay bixinayeen Dr. Ciise Maxamuud Cabdilaahi iyo Dr. Xuseen Xasan Cali ayaa ujeedadiisu ahayd sidii kor-loogu qaadi lahaa nidaamka gar-qaadista dacwadaha, baadhida cadaymaha iyo ilaalinta dhaqanka suuban ee ay inna farayso diinteena Islaamku, taasi oo sal-dhig u ah hufnaanta iyo gaadhida go’aamo cadaaladeed oo ku qotoma axkaamta Islaamka.

Ugu horayn waxa furitaankii tababarka ka hadlay wasiirka Diinta iyo aw-qaafta Jamhuuriyadda Somaliland sheikh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Al-baani), waxaanu tibaaxay in ay ahmiyad weyn leedahay in garsooruhu aqoon durugsan u leeyahay shareecada Islaamka. Waxaanu wasiirku xusay in garsoorka ay tiir dhaxaad u tahay aqoon iyo cadaalad, waxaanu yidhi iasgoo arrimahaa ka hadlaya “Cadaalada ka dhigta qibladii aad u jihaysanayseen, hadduu madaxweyne yahay, hadduu wasiir yahay, hadduu oday dhaqameed yahay iyo hadduu muxtaram yahay qofna haka yeelina wax liddi ku ah cadaaladda, haddaad ka yeeshaan waa in aad ogaataan in idinka uun idinku dalacan tahay, qofka waad raali galisay laakiin adiga ayay kaa go’an tahay oo rasiidhkaaga xaga aakhiro ayuun bay galaysaa”.

Geesta kale guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, ayaa sheegay in garsoorku marka loo eego labada waaxood ee kale ee qaranka, ay yihiin cidda ugu badan ee aqoontooda kordhisa. Sidoo kale waxa uu xusay, in ay biyo-kama-dhibcaan tahay, in dacwadaha loo eego shareecada Islaamka, waxaanu ku tilmaamay in waxbadani ka dhiman yahay dacwada aan loo eegin shareecada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed, oo furay tababarka ayaa xubnihii ka soo qayb galay ku baraarujiyay, in aanay ka daalin cilmi-korodhsiga, waxaanu ugu baaqay in adeega garsoorka ee ay bulshada u hayaan, u qabtaan si daacadnimo, cadaalad, hufnaan iyo All-ka-cabsi ku dheehan yahay. Waxaanu yidhi

“Innagu adeeg bulsho ayaynu haynaa, waa in aynu u qabanaa si daacadnimo ah, oo cadaalad ku salaysan, oo hufnaan ah, oo Alle ka cabsi leh, Haddaad dulmi samayso ama aad cadaalad darro samayso qofka aad u samaysay adduu naftaadii dhaawacay. Dulmigu aduu kugu soo noqonayaa. Qofku haddii uu niyad fiican la yimaado oo uu dadaalo, oo cadaaladu waxay la ahayd haleelo xitaa haddii uu khaldamo ajar buu ku yeelanayaa”

Sidoo kale waxa uu guddoomiye Aadam Xaaji Cali, dardaaran u jeediyay xeer-ilaaliyayaasha iyo garsoorayaasha isagoo ugu baaqay in ay tacab galiyaan dacwadaha, masuuliyadna iska saaraan. Geesta kale waxa uu u soo jeediyay garsoorayaasha in ay ku dhac yeeshaan oo go’aamada hore u soo saaraan si dacwaduhu u degdegaan. Ugu danbayn waxa uu garsoorayaasha iyo hawl-wadeenada kale ee garsoorka faray in ay ilaaliyaan haybada garsoorka haddii ay tahay direyska iyo arrimaha kale ee la hal-maala, si iyaga iyo bulshadu u kala soocnaadaan.

Tababarkan ayaa daba socda qiimeyn lagu sameeyay baahiyaha tababar ee ay u baahan yihiin, hawl-wadeenada waaxda garsoorku.

↧
Search

Ganacsatada Soomaalida ee magaalada Ankara oo Amar culus la duldhigay

November 17, 2021, 8:41 pm
≫ Next: Julian Assange Asaasaha Wiki-leaks oo loo oggolaaday inuu xabsiga kula aqal galo saaxiibadii
≪ Previous: Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee S/land oo Tabbabar u furay Xeer-ilaaliyayaal & Qareenno ka socda…..
$
0
0

Ganacsatada Soomaalida ee magaalada Ankara oo Amar culus la duldhigay

Dowladda Turkiga ayaa dhawaan amar cusub kusoo rogay Ganacsatadda Soomaaliyeed ee dalkaas, gaar ahaan kuwa magaalada Ankara.

Ganacsatadda Soomaaliyeed ee Ankara qaarkood ayaa waxay laamaha amaanka ku wargeliyeen iney ka guuraan xaafada lagu magacaabo Kizilay oo ku taal badhtamaha magaaladaas, taasi oo noqotay xuddunta ganacsiyada Soomaalida ee garabka isku wada haya.

Dhibta u weyn ee xiligan wajahayaan Ganacstada Soomaaliyeed ee Ankara ayaa ah arrimo dhanka sharciga ah, waxaana la xidhay tiro meherado ganacsi ah, halka dadkii ka shaqaynayeyna qaarkood xabsiga loo taxaabay, kuwa kalena la masaafuriyey.

Sidoo kale Soomaalida ku ganacsta Kizilay ayaa lagu haysta wax lagu macneeyay hab-dhaqan xumo ay bulshada Soomaalida iskugu timaado xaafadaas ku badatay, kuwaasi oo ay tabiyeen qaar kamid ah warbaahinta Turkiga.

“Sababta Kizilay loo beegsaday waa in aan ku badanay, waxaa la iisheegay in meesha wax khalad ah lagu gado,” ayuu yidhi Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliya ee Ankara oo ka hadlay waxyaabaha maamulka uu ku haysto ganacsatada Soomaalida ee xaafada Kizilay.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliya ee magaalada Ankara ayaa sidoo kale sheegay inay furan yihiin qaar kamid ah ganacsiyada Soomaalida, halka kuwa qaarkood albaabada la iskugu dhuftay.

“Anaga oo u socona si xayn-xayn ah, marka aad tagto Kizilay waxaa loo socdo afar iyo qof, jidadkii Turkida ay marayeen ayaa la taagan yahay, shaah ayaa meesha lagu cabayaa bakeerigii Shaaha laga cabay ayaa meesha lagu tuuraya.”

Si kastaba, Soomaalida ganacsiyada ku leh dalka Turkiga ayaa muddooyinkii dambe wajahayay culeyso badan, ha ugu darnaato dhanka sharciga iyo baadhitaano kala duwan oo isdaba-joog ah.

↧

Julian Assange Asaasaha Wiki-leaks oo loo oggolaaday inuu xabsiga kula aqal galo saaxiibadii

November 17, 2021, 8:48 pm
≫ Next: Maraykanka,Norway & UK oo qoraal bahdil ah u diray Madaxda Somalia, Shuruud Aadagna ku xidhay…
≪ Previous: Ganacsatada Soomaalida ee magaalada Ankara oo Amar culus la duldhigay
$
0
0

Julian Assange Asaasaha Wiki-leaks oo loo oggolaaday inuu xabsiga kula aqal galo saaxiibadii


Julian Assange,Aasaasaha Wikileaks oo hadda ku jira xabsi ku yaalla Australia ayaa BBC u sheegay in loo oggolaaday inuu xabsiga Belmarsh uu kula aqal galo marwadiisa Stella Moris.

Isaga iyo Morris waxay aqal galkooda ka hor iisu dhaleen laba carruur ah, iyada oo Morris uurka ilmahaasi ay dhashay xilligii uu Assange ku noolaa gudaha safaaradda Ecuador ee Magaalada London.

Maamulka xabsiga ayaa sheegay in codsiga Mr Assange uu “uu maamulaha xabsi si gaar ah u tixgeliyey”.

Morris waxay wakaaladda PA u sheegtay “iney ku faraxsan tahay oggolaashaha ay maamulka xabsiga ay ka heleen.”

Waxayna intaa raacisay: “waxaan rajeynayaa iney hadda kaddib jiri doonin faragelin kale oo loo geysto guurkayaga.”

Sida uu dhigayo sharciga guurka ee soo baxay 1983-kii maxabiista waxay xaq u leeyihiin iney xabsiga dhexdiisa ku guursadaan marka codsigooda la aqbalo, kharashka arooska ku baxayana iyaga ayaa bixinaya iyada oo ay jirin cid kale oo kharashka ka caawineyso.

Morris oo ah haweeney sharci yaqaan ah oo ku dhalatay dalka Koonfur Africa, wareysi ay Axaddi siisay ‘The Mail’ waxay ku sheegtay tani 2015-kii iney Assange xiriir la lahayd labada wiil ay u dhashayna ay iyadu keligeed korineysay.

Muuqaal lagu baahiyey barta YouTube ee ay Wikleaks leedahay, waxay ku sheegtay Assange iney markii ugu horreysay kulmeen 2011-kii iyada oo ka mid ahayd koox sharci yaqaanna ah oo isaga u doodayey.

Morris waxay intaa ku dartay iney maalin walba safaaradda ku booqan jirtay xilligaasina ay Mr Assange si wanaagsan u baratay .

Lammaanaha oo xiriirkood 2015-kii iisu beddelay jaceyl waxay faraati iisu geliyeen sanaddii 2017-kii.

Morris waxay sheegtay seygeeda Assange labada wiil markii ay u dhalayeen inuu qaab muuqaal toos ah uu kula socday, carruurtana ay aabbahood safaaradda ku booqanayeen.

Assange oo ay da’diisu 50 jir tahay, waxaa ku socda dacwad basaasnimo la xiriirta oo uu ku soo oogay Mareykanka.

Waxaa Mareykanka looga raadinayaa eedeymo la xiriira inuu ku howlanaa helidda iyo shaacinta xogta difaaca qaranka, kadib markii Wikileaks ay daabacday boqollaal kun oo dukumiintiyo sir ah oo la xiriira dagaalladii Afgaanistaan iyo Ciraaq.

Xogaha sirta Wikleaks lagu baahiyey waxaa ka mid ah muuqaal April 2010-ka la baahiyey oo muujinayey ciidamada Mareykanka oo diyaarad qumaatiga u kacda saaran oo hawada sare ka soo tooganaya dad rayad ah oo ku sugnaa dalka Ciraaq.

Australia ayaa tani iyo 2019-kii ku haysay xabsiga Belmarsh, iyada oo markaa ka horna lagu hayey safaaradda Ecuador ee London ugu dambeyntina ay booliska soo xireen iyaga oo ku eedeeyey inuu jabiyey shuruudaha dammaanadda.

2012-2019 wuxuu ku jiray safaaradda Ecuador isaga oo kaga gaashamanayey in Sweden loo dhiibo, maadaamaa dadlkaasi looga soo oogay dacwad la xiriirta xadgudub galmo inuu geystay. Isaga oo mar weliba eeddaasi diidi jiray ayey ugu dambeynti hay’adaha garsoorka dacwaddii laaleen.

Afhayeen u hadlay maamulka xabsiga wuxuu yiri: “Assange codsigiisa ku saabsan inuu xaaskiisa uu xabsiga ku dhex arooso maamulka waa uu qaabilay waxaana la mariyey marxaladah codsiga noocaasi uu maro, ugu dambeyntina waa la oggolaaday si la mdi ah maxabiista kale.”

↧
↧

Maraykanka,Norway & UK oo qoraal bahdil ah u diray Madaxda Somalia, Shuruud Aadagna ku xidhay…

November 17, 2021, 8:56 pm
≫ Next: Musharax Cabdiraxmaan Cirro oo si Rasmiya u wareejiyey Gudoomiyenimada Xisbiga Waddani
≪ Previous: Julian Assange Asaasaha Wiki-leaks oo loo oggolaaday inuu xabsiga kula aqal galo saaxiibadii
$
0
0

Maraykanka,Norway & UK oo qoraal bahdil ah u diray Madaxda Somalia, Shuruud Aadagna ku xidhay…

 

↧

Musharax Cabdiraxmaan Cirro oo si Rasmiya u wareejiyey Gudoomiyenimada Xisbiga Waddani

November 18, 2021, 2:25 am
≫ Next: Gaadhigii u horeeyay ee Koronto ku shaqeeya ee Maraykanku sameeyay+M/weyne Joe biden oo kaxeeyay
≪ Previous: Maraykanka,Norway & UK oo qoraal bahdil ah u diray Madaxda Somalia, Shuruud Aadagna ku xidhay…
$
0
0
Guddoomiyihii hore ee Xisbiga WADDANI  Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa saaka xafiiska ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha cusub ee Xisbiga WADDANI ee lagu soo doortay Shirweynihii 2aad ee Xisbiga Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Musharrax Cabdiraxmaan Cirro ayaa si rasmi ah xilkii Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ugu wareejiyay Mudane Xirsi Cali X Xasan oo ah Guddoomiyaha Cusub ee Xisbiga WADDANI, isla markaana ugu duceeyay in uu Alle u fududeeyo xilka Guddoomiye-nimo ee Xisbigu u doortay.
↧

Gaadhigii u horeeyay ee Koronto ku shaqeeya ee Maraykanku sameeyay+M/weyne Joe biden oo kaxeeyay

November 18, 2021, 2:29 am
≫ Next: Wasiir Cali Mareexaan oo eryay Maareeyihii Wasaarada Biyaha Burco,Mid cusubna magacaabay
≪ Previous: Musharax Cabdiraxmaan Cirro oo si Rasmiya u wareejiyey Gudoomiyenimada Xisbiga Waddani
$
0
0
Madaxweynaha Mareykanka Joe Bidden ayaa kaxeeyey markii ugu horeysay gaadhi koronto ku shaqeeyo oo lagu sameeyay gudaha Mareykanka,M/weyne Biden ayaa sheegay in mustaqbalka la kaxaysan doono gaadiidka korontada ku shaqeeya.
Waxay u eegtay in laga maarmi dooni shidaalka Gacanka Carabta , Meelo Aasiya ka mida , Afrika iyo Latin America laga soo saaro
May be an image of 1 person, car and outdoors
↧
Remove ADS
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Search

  • RSSing>>
  • Latest
  • Popular
  • Top Rated
  • Trending
© 2025 //www.rssing.com
<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>