Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Wasiir Cali Mareexaan oo eryay Maareeyihii Wasaarada Biyaha Burco,Mid cusubna magacaabay

$
0
0

Wasiir Cali Mareexaan oo eryay Maareeyihii Wasaarada Biyaha Burco,Mid cusubna magacaabay


Maxaabiistii Kenya ka baxsatay oo la qabtay iyagoo Soomaaliya ku sii jeeda

$
0
0

Maxaabiistii Kenya ka baxsatay oo la qabtay iyagoo Soomaaliya ku sii jeeda

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay gacanta ku soo dhigeen saddex qof oo ku lug lahaa dambiyo argagaxisnimo oo ka baxsatay xabsiga Kamiti oo si weyn amnigiisa loo ilaaliyo.

Raggaan ayaa laga soo qabtay keymaha Enzio ee Mwingi iyagoo ku sii jeeda Soomaaliya.

Maxaabiistan baxsatay ee hadda dib lo soo qabtay waxaa ka mid ah Maxamed Cali Abiikar oo ku xukunaa 41 sannooo loo heystay weerarkii lagu qaaday jaamacadda Gaarisa 2015 oo ay ku dhinteen ku dhawaad 150 qof.

Waxaa sidoo kale la soo qabtay Musharraf Abdalla Akhulunga, oo la xiray sanadkii 2012-kii kadib markii la fashiliyay isku day uu qeyb ka ahaa oo la doonayay in lagu qaado baarlamaanka Kenya iyo Joseph Juma Odhiambo oo horraan lagu qabtay magaalada Beledxaawo ee ku xadka Soomaaliya iyo Kenya si uu ugu biiro Al Shabab.

Raggani ayaa waxaa hadda loo soo wadaa Nairobi si dib loogu celiyo xabsigii ay ka baxsadeen.

Toddobo kamid ah saraakiisha xabsiyada Kenya ayaa la xiray kadib markii saddex maxaabiis ah ay ka baxsadeen xabsi si weyn amnigiisa loo ilaaliyo oo ku yaalla duleedka magaalada Nairobi.

bc
Seddaxda rag ee la soo qbatay oo ku sugan Mwingi

Arbacadii madaxweynaha Kenyatta , Uhuru Kenyatta ayaa shaqada ka eryay taliyaha xabsiyada dalkaas, Wycliffe Ogallo.

Wuxuu magacaabay taliye cusub oo lagu magacaabo John Warioba.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay laamaha amniga in ay adeegsadaan wax kasta oo ay awoodi karaan si loo soo qabto maxaabiista.

Shaqada ka eryidda sarkaalkan ayaa imaaneysaa xilli Kenya ayaa ku raad joogto maxaabiis ka baxsatay xabsiga sida weyn loo ilaaliyo ee Kamiti.

Ujeedada Kulan Komishanka Doorashooyinka S/land la yeesheen Hogaanka Sadexda Xisbi Ucid,Waddani & Kulmiye

$
0
0

Ujeedada Kulan Komishanka Doorashooyinka S/land la yeesheen Hogaanka Sadexda Xisbi Ucid,Waddani & Kulmiye

 

Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta kulan la qaatay Hogaanka Saddexda Xisbi qaran ee Somaliland.

Komishanka Doorashooyinka ayaa sheegay in Bisha 1aad ee Sannadka 2022 ay bilaabayaan hawlihii doorashada madaxtooyada gaar ahaana hawlihii Diwaan galinta.

Sidoo kale kulan-kan intii uu socday waxaa laysla qaatay in Saddexda Xisbi Ay Safar ugu baxaan magaalada Nairobi si ay ulasoo hadlaan Deeq bixiyeyaasha.

Madaxweyne Muuse Biixi & wefti uu hogaaminayo oo Safar  Ugu Baxay Berbera

$
0
0
Madaxweyne Muuse Biixi & wefti uu hogaaminayo oo Safar  Ugu Baxay Berbera
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo Safar shaqo maanta kaga ambobaxay caasimadda Hargeysa, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmooyinka Dacar-budhuq, Abdaal iyo tuulooyinka kale, waxana ay gaadheen laguna qaabiley magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ay xubno ka yihiin guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, Mudane Siciid Mire Faarax (Giirre) xubno ka tirsan golaha wasiirrada, siyaasiyiin iyo madax kala duwan oo xukuumadda katirsani, ayaa markii ay gaadheen magaalada Dacar-budhuq ee xarunta degmada Laasgeel, waxa halkaas soo dhaweyn diirran ugu sameeyey shacabka reer Dacar-budhuq oo lulaya caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana ay hoggaaminayaan masuuliyiinta degmadu, waxana uu madaxweynuhu halkaas ka jeediyey khudbad uu shacabka ugaga mahadnaqayo soo dhaweynta waddaniyaddu ka muuqato ee ay ku qaabileen.
Dadweynaha degmada Abdaal, ayaa iyaguna markii ay madaxweynaha iyo weftigiisu soo gaadheen si mug leh halkaas ugu soo dhaweeyey, waxana ay ku qaabileen wejiyo farxad leh oo ay ka muuqato taageero iyo niyadsami waddaniyad huwani.
Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa markii ay gaadheen magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, waxa halkaas soo dhaweyn aan kala hadh lahayn ugu sameeyey qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay hormuud u yihiin maamulka gobolka Saaxil, xildhibaanno iyo siyaasiyiin gobolka kasoo jeeda, waxana madaxweynaha iyo weftigiisa oo ay hareero socdaan Boqollaal dadweyne ah oo soo dhaweeyey socod lug ah ku mareen shaaracyada waaweyn ee magaalada Berbera.
Wabilaahi awfiiq

Nuxurka Khudbad M/weyne Biixi u jeediyey shacabka Berbera & Ballanqaadyo uu ka dhawaajiyey

Magaalada Berbera oo ku guulaysatey Abaalmarin Qaaliya,Maxay ku mutaysatey ,yaase siiyey!

$
0
0

Magaalada Berbera oo ku guulaysatey Abaalmarin Qaaliya,Maxay ku mutaysatey ,yaase siiyey!

UNICEF

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhallaanka ee UNICEF, ayaa ku dhawaaqday in magaalada Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland, ay ku guulaysatay abaalmarinta maamulka magaalooyinka carruurta u fiican.

UNICEF ayaa sheegtay in maamulka magaalada Berbera uu ku guulaystay inuu adeegyada asaasiga ah u dhaadhiciyo gudaha.

Hay’adda waxay sheegtay in tan iyo 2014, ay magaalada dhaqangelinaysay hannaanka adeegyada dadka lagu gaarsiiyo waxyaabaha aasaasiga ah, iyadoo maamulka magaalada uu wax ka qabtay adeegyada asaasiga ah sida caafimaadka iyo waxbarashada iyagoo la shaqeynaya dowladda Somaliland iyo UNICEF-ba.

Sida ay sheegtay UNICEF, Intaas waxaa sii dheer in dowladda hoose ee Berbera ay sare u qaadday miisaaniyadda iyagoo kharashka magaalada uga soo xarooda u adeegsaday bixinta adeegyada asaasiga ah, oo ay miisaaniyadda waxbarashada iyo caafimaadka ka soo qaadeen illaa $40,000 oo doolar oo la isticmaali jiray 2014 halka ay 2021 gaarsiiyeen $1,339,872 oo dollar.

Cabdishakuur Cidin
Maayirka magaalada Berbera, Cabdishakuur Cidin

Maayirka magaalada Berbera, Cabdishakuur Maxamuud Cidin, oo ka hadlayay abaalmarinta ay magaaladiisa ku guulaysatay ayaa sheegay: “Guulaha ugu waa wayn waxaa ka mid ah in dhaqaalaha ka soo xarooda degmada, iyadoon meel kale laga doonayn, in isla degmada lagaga shaqeeyo.”

“Guulaha la taaban karo waxaa ka mid ah in caafimaadka iyo waxbarashada ay heleen adeegyo iyo dhaqaale aanay markii hore heli jarin oo aanay degmada ka heli jirin,” ayuu yiri maayir Cidin.

Hay’adda UNICEF waxa ay sheegtay in xiriir wanaagsan oo ka dhaxeeya waaxda waxbarashada iyo maalgashi buuran oo dhinacaas la galiyay uu horseeday in iskuullada Berbera, intii u dhaxaysay 2014 illaa 2020, ay 38% sare u kaceen ardayda iska diiwaangelisay.

Dowladda hoose ee magaalada Berbera waxa ay taageertaa 10,000 oo arday ah oo 46% ay gabdho yihiin kuwaas oo wax ka barta 47 iskuul oo magaaladaas ku yaal.

Iskuul Berbera ku yaal

Barkhad Cabdikariim oo maamulo mid ka mid ah iskuullada magaaladaasi, oo la hadlay UNICEF, ayaa dowladda hoose ee magaaladaas ku amaanay sida ay u gacanqabato iskuullada: “Isbedelka uu ku tallaabsaday iskuulka inta ay dowladda hoose gacanta ina siinaysay waxaa ka mid ah dhismaha fasallo cusub, qalabaynta fasallada, gunnada la siiyo macallimiinta iyo waardiyayaasha iskuulka ka howlgala.”

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhallaanka ee UNICEF ayaa sheegtay in maamulka magaalada Berbera uu soo bandhigay in dowladaha hoose ay dowr muhiim ah ka ciyaari karaan horumarinta adeegyada asaasiga ah.

Waxyaabaha ay magaaladaasi ku hormartayna waxaa ka mid ah in dowladda hoose ay kordhisay dhaqaalaha ay ku bixiso adeegyada asaasiga ah ee waxbarashada iyo caafimaadka, dhaqaalahaas oo waayadii hore aanan la heli jirin, iyadoo sidaas lagu helay adeegyo tayo leh oo bulshada waxtar u leh.

Berbera

Maayirka Cabdishakuur Maxamuud Cidin ayaa tilmamay in sida loogu baahan yahay in dowladaha hoose ay ka soo dhalaalaan howsha loo xilsaaray: “In la helo dowlad hoose oo awood leh in ay dhisi karto, qalabayn karto, la socon karto goobaha xannaanada.”

Dhanka kale maamulka magaalada Berbera waxa uu xoogga saaray goobaha caafimaadka oo ay ka caawiyaan dhaqaalaha, qalabka, dawada iyo bixinta gunnooyinka.

Maayir Cidin ayaa sheegay in markii tallaaba ay qaadaanba ay midkale soo baxayso, balse waxa uu carrabka ku adkeeyay in hiigsigooda uu yahay “in aannu noqono kuwo ku filan baahida dadkooda, maadaama ay magaaladu fidaysana waxaannu qorshaynaynaa in aan sii calaamadayno goobaha ay carruurta ku ciyaari doonaan.”

Daawo: Ganacsatada S/land waa Cadawga Bulshada Somaliland+Sababta

Dad iibsaday keliyahoodii oo loo lagu qanciyey…..

$
0
0
Dad iibsaday keliyahoodii oo loo lagu qanciyey…..
 
Dadka halkaan ka muuqda qofkasta wuxuu iibsaday mid kamida labadiisa kilyood, waa dallka Nepal, gaar ahaan tuulo lagu magacaabo kidney.
Waxay ku iibsadaan qiimo lacageed oo dhan $222.58, halka kuwa kala baxay ee ka ganacsada ay ku sii iibsadaan lacag intàas sadex laabkeed ka badan.
Dadkan marka kilyaha lagala baxayo waxaa lagu qancinjiray in ay markale usoo dhalanayso killidu, balse waxaa la leeyahay hadda ayaa dadka tuulado waxay ku baraarugeen in aysan killidu markale soo dhalan.
Xiliyadii hore qof kasta oo dadkan ka mid ah si hoose ayuu killidiisa u iibsanjiray, laakiin hadda ayay isku soo baxeen dadkii tuulada oo hal dhinac ka jeeexan.
Dalka Nepol sanadkii dadka kilyahooda iibsada waxaa lagu khiyaasay todobo kun oo qof, waxayna u badanyihiin dadka tuulooyinka ku nool.
Kelidaada ayaa kaaga qaalisan aduun walbaa

4 Ways Drinks To Detox & Cleanse Your Liver Naturally

New reintegration project for voluntary returnees to Somalia / Somaliland

$
0
0

New reintegration project for voluntary returnees to Somalia / Somaliland
15 November 2021
From November 15, 2021, voluntary returnees to Somalia / Somaliland can be supported through a new reintegration project.
The project is financed by the Federal Office for Migration and Refugees (BAMF) and carried out in cooperation with the International Return and Reintegration Assistance (IRARA) organization. The project supports voluntary returnees in their reintegration and reintegration in Somalia / Somaliland.
Registrations can initially be sent informally to Reintegration@bamf.bund.de. Applications for support can be submitted until March 31, 2022.

Click here to read more about this article

Wadaad Muslim ah oo lagu xidhiiyey Qaraxii Kampala oo toogasho lagu dilay

$
0
0

Wadaad Muslim ah oo lagu xidhiiyey Qaraxii Kampala oo toogasho lagu dilay

Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ayaa billowday tan iyo markii ay qaraxyadu ka dhaceen bartamaha magaalada Kampala
Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ayaa billowday tan iyo markii ay qaraxyadu ka dhaceen bartamaha magaalada Kampala

Ciidamada amaanka dalka Uganda ayaa toogasho ku dilay wadaad Muslim ah oo lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay koox hubeysan oo lala xiriirinayo qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay Kampala.

Saraakiisha ayaa sheegay in Sheekh Muhammad Abaas Kirevu, uu shaqaaleysiiyay unugyo ay maamulaan kooxda Allied Democratic Forces (ADF), kuwaas oo sheegtay in ay daacad u yihiin kooxda isku magacawday dowladda Islaamiga ah.

Wadaadka waxaa lagu dilay meel ka baxsan magaalada Kampala.Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay weerarkii qaraxa ahaa ee ka dhacay bartamaha magaalada Kampala.

In ka badan 30 kale ayaa ku dhaawacantay weerarka, oo IS ay sheegtay in ay ka dambeysay, waxaana saraakiisha ay ku eedeeyeen kooxda ADF.

Jabhadda Islaamiga ah ee ADF waxaa Uganda lagu aasaasay sagaashamaadkii balse hadda waxa a saldhig u ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo. Tan iyo markii ay wacad ku mareen inay daacad u yihiin ururka IS sanadka markuu ahaa 2019, ayaa waxa ay qaadeen werarro isdaba joog ah.

21 qof ayaa la xiray ka dib tan iyo weerarkii Talaadadii gilgilay caasimadda Uganda, iyadoo booliiska ay wacad ku mareen inay burburin doonaan unugyada ADF ee Kampala iyo guud ahaan dalka.

Afhayeenka booliiska Fred Enanga ayaa sheegay in 13 qof oo laga shakisan yahay, oo ay ku jiraan dhowr carruur ah, la qabtay xilli ay isku dayayeen in ay ka gudbaan xadka DR Congo.

Arbacadii, afar qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ADF ayaa lagu dilay meel u dhow xuduudda.

Waxaa sidoo kale ay booliska ku raad joogaan wadaad kale oo lagu magacaabo Sheekh Suleymaan Nsubuga, kaas oo lagu eedeeyay in uu sameeyay tababarro la xiriira waxa ay dowladda ku tilmaamtay argagixisanimada, dadka xagjireynta loo qorayo, iyo bixinta agabka lagu sameeyo walxaha qarxa.

Weerarkii Talaadadii ayaa ahaa kii ugu dambeeyay ka dib tiro qaraxyo ah oo dhawaan ka dhacay Kampala.

Bishii la soo dhaafay, gabadh 20 sano jir ahayd oo kabalyeeri ahayd ayaa la dilay ka dib markii qalab looga dhex tagay maqaayad, ku taalla magaalada.

Maalmo ka dibna dhowr qof ayaa dhaawacmay ka dib markii qof isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyay gaari bas ah oo marayay meel u dhow Kampala. Booliiska waxay sheegeen in labadoodaba lala xiriiriyay kooxda ADF.

Qaraxyadii Talaadadii dhacay ayaa astaan ​​u ahaa weerarkii ugu weynaa ee lala xiriiriyo ADF tan iyo markii ay xulafo la noqdeen ururka la baxay dowladda Islaamka ee IS.

 

Mar sii horreysayna Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in koox fallaago ah ay isku dayayeen in ay qarax ku weeraraan dadka u baroor diiqayay ku xigeenkii taliyaha booliska dalkaas.

.

Hadalka Museveni ayaa daba socday xarigga nin naftii hallige ahaa oo lagu qabtay degmada Pader ee ku taalla waqooyiga waddankaas.

Saraakiisha ayaa sheegay in ujeeddada ay ahayd in la weeraro goobta ay ka dhaceysay munaasabadda aaska Lokech, taas oo ay ka qayb galeen madax sar sare.

Ninka la qabtay waxa uu watay qalab laga sameeyo bambooyinka, sida ay mas’uuliyiinta sheegeen.

Waxyaabaha ninkaas lagu qabtay waxaa ka mid ah garanka la isku qarxiyo iyo qalab kale oo qarxisooyin ah.

Mr Museveni waxa uu sheegay in uu wadahadal kula jiro madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo iyo madaxda ciidanka amniga, uuna kala hadlayo arrinta ku saabsan kooxda fallaagada ah oo lala xiriirinayo inay ka dambeyso weerarro dhawaan ka dhacay bariga Congo.

.

Janaraal Paul Lokech waxa uu ahaa taliye ku xigeenka ciidanka Uganda, wuxuuna ka soo shaqeeyay Soomaaliya ka dib markii ciidanka AMISOM la geeyay dalka.

Intii uu Soomaaliya ku sugnaa mar waxa uu ahaa taliyaha ciidamada Uganda ee gacanta ku hayay amniga xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.

M/weyne Muuse Biixi oo Salaadii Jimcaha kala qaybgalay Shacabka Berbera

Sheeko yaab leh oo Israel ka dhacday

$
0
0

Sheeko yaab leh oo Israel ka dhacday – qof ka shaqeeya nadaafadda guriga wasiirka difaaca oo noqday basaas Iran

Israel ayaa basaasnimo ku eedeysay qof ka mid shaqaalaha nadaafadda ee guriga wasiirka difaaca Benny Gantz, ayada oo sheegtay inuu yaboohay inuu ka jaajuuso wasiirka, isaga oo matalaya “qof xiriir la leh Iran.”

Bayaan ay soo saartay ayey hay’adda amniga gudaha ee Shin Bet ku sheegtay in qofka la tuhunsan yahay oo lagu magacaabo Omri Goren uu la shaqeynayey qof ay ku xiriireen baraha bulshada oo wakil ka ah Iran.

Waxay intaas ku dartay in Omri Goren uu siiyey sawirro laga qaaday guriga wasiirka si uu ugu caddeeyo inuu awood u leeyahay inuu xog heli karo, islamarkaana uu soo jeediyey inuu virus sirta xada ku xiro computer-ka Gantz.

Shin Bet waxa ay sheegtay in tuhmanaha, oo shaqooyin nadaafad iyo adeegyo kale ah ka qabtay guriga Gantz, lagu soo oogay dacwad basaasnimo, isaga oo la horgeeyey maxkamad ku taalla magaalada Lod, oo ku dhow magaalada Tel Aviv. 

Shin Bet ayaa ku warrantay in Omri Goren la xiray kadib baaritaan la sameeyey horraantii bishan. 

Xafiiska Difaaca Dadweynaha, oo qareen u qabtay Omri si gacan loo siiyo, ayaa ku dooday inuu sidan u sameeyey “dhibaato dhaqaale darteed” ee ujeedkiisu aan aheyn inuu dhaawaco amniga qaranka. 

Gal Wolf, oo ah qareenka matalaya Omri, ayaa sheegay inuu doonayey un inuu lacag helo isaga oo aan dhab ahaan fulin ficil basaasnimo. 

Bayaanka ay soo saartay ayey Shin Bet ku sheegtay in inkasta oo Omri uu khatar ku ahaa amniga qaranka, haddana “uusan gacanta ku dhigin sir culus, oo aanu u gudbin qofka kale ee uu la shaqeynayey.”

Omri oo 37 jir ah ayaa la sheegay inuu leeyahay taariikh xabsi, ayada oo afar goor la xiray 2002 illaa 2013, oo ay ku jirto mar loo xiray inuu u dhacay banki.

Taariikhda dambiilenimo ee Omri ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida qof noocaas ah uu shaqo uga helay guriga wasiirka difaaca.

Shin Bet ayaa sheegtay inay billowday dib u eegis gudaha hay’adda ah oo ku saabsan qaabka loo hubiyo taariikhda iyo sooyaalka dadka laga shaqaaleysiiyo guryaha madaxda sare

UN, IGAD warn of worsening drought conditions in Horn of Africa

$
0
0

FILE PHOTO – Somali families displaced by severe drought create a makeshift camp as the Horn of Africa faces severe drought on the outskirts of the village of War Idad, 150 miles east of the capital Hargeisa, Somalia. /Getty Images

The Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) and Inter-Governmental Authority on Development (IGAD) called for urgent action to mitigate the impacts of drought across the Horn of Africa.

“Due to the threat of worsening drought conditions, food insecurity will likely rise during the first half of 2022 across the Horn of Africa,” the two organizations said in a joint statement issued in Nairobi

 

IGAD Executive Secretary, Workneh Gebeyehu and the FAO Subregional Coordinator for Eastern Africa, Chimimba David Phiri, said urgent action is thus required now to safeguard livelihoods, save lives, and prevent possible starvation in some areas.

Vulnerable communities in the IGAD region, including Kenya, Uganda, Djibouti, Ethiopia, and Sudan, continue to experience a complex mix of re-enforcing shocks and stresses that are eroding their resilience to food and nutrition insecurity.

As of October, some 26 million people were already facing high levels of food insecurity, according to the Food Security and Nutrition Working Group, which is co-chaired by the IGAD and FAO.

The two organizations said drought conditions are already affecting the arid and semi-arid lands of Kenya, southern and central Somalia, and Belg-receiving areas of southern and south-eastern Ethiopia as consecutive poor rainfall seasons have driven below-average crop production, rising cereal prices, poorer rangeland conditions, reduced livestock production, and drought-related animal deaths in many areas.

A forecast by the IGAD Climate Prediction and Applications Centre says the start of the current October-December rainy season has been significantly delayed, with little to no rainfall observed to date in many areas, raising the probability of another poor season.

“Should this occur, agricultural and pastoral conditions will further deteriorate, causing households already struggling with the effects of multiple, concurrent hazards to employ negative coping strategies and reduce their food consumption,” the two organizations said.

This, they said, is a major source of concern as food insecurity in the region has historically increased sharply following consecutive poor rainfall seasons.

IGAD and FAO said the increased frequency of climatic hazards, combined with the effects of other stressors, is threatening hard-won gains.

“It is, therefore, crucial to act now to protect these resilience gains and prevent more people from sliding into food insecurity and malnutrition,” they said.

 

CTGN Africa

USAID Providing Support to WFP’s Regional Innovation Hub to Encourage New Ideas to Tackle Food Insecurity

$
0
0

PRESS RELEASE
USAID Providing Support to WFP’s Regional Innovation Hub to Encourage New Ideas to Tackle Food Insecurity
The hub will encourage early-stage entrepreneurs to develop innovative solutions to address gaps in current efforts and take on the greatest challenges to addressing food insecurity
WASHINGTON D.C., United States of America, November 19, 2021/ — The U.S. Agency for International Development (USAID) is providing $2 million to support the UN World Food Program (WFP) East Africa Innovation Hub to find innovative solutions to strengthen food security by moving beyond traditional food assistance towards long-term resilience. This support builds on an additional $2.5 million in support USAID provided for WFP’s innovation efforts in Fiscal Year 2021 alone.

Part of this support for the regional hub will focus on local, private-sector solutions in South Sudan, Rwanda, and Uganda and build on USAID’s ongoing partnership with WFP. With the region facing the compounding impacts of insecurity, COVID-19, and natural disaster including flooding that destroys crops and livelihoods, the hub will encourage early-stage entrepreneurs to develop innovative solutions to address gaps in current efforts and take on the greatest challenges to addressing food insecurity. In addition, it will provide entrepreneurs with access to funding, mentorship, and hands-on support to turn their ideas into actions that will help to tackle hunger.

The U.S. is the single largest donor to WFP’s lifesaving work globally. Since 2018, USAID has supported WFP’s Innovation Accelerator to encourage groundbreaking solutions to food insecurity. While compounding disasters introduce new challenges to humanitarian response, this support is critical to implementing systemic changes and identifying new, more effective approaches in how WFP and other organizations respond to needs across the region.

For more information on USAID’s humanitarian assistance, including food assistance, please visit: usaid.gov.

SOURCE
U.S. Agency for International Development (USAID)


M/weynaha Maraykanka oo si ku-meel gaadha u wareejiyey Awooddii Madaxweyne + Sababta keliftay

$
0
0

M/weynaha Maraykanka oo si ku-meel gaadha u wareejiyey Awooddii Madaxweyne + Sababta keliftay

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Jimcihii shalay si ku-meel gaadh ah awoodda madaxweyne ugu wareejiyey madaxweyne ku-xigeenka Kamala Harris, kahor inta aanu qaadan daawada qofka suuxisa si loogu sameeyo baadhitaanka xiidmaha (colonoscopy). 

Biden ayaa howlgalkan ku maray xarunta caafimaadka Walter Reed, taasi oo qeyb ka aheyd tijaabadiisa caafimaad ee sanadlaha ah, sida ay sheegtay afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki.

“Si la mid ah markii madaxweyne George W. Bush uu maray howlgalkan oo kale 2002 iyo 2007, iyo ayada oo la raacayo sida dastuurka ku qoran, madaxweyne Biden wuxuu si ku-meel gaadh ah awoodda madaxweyne ugu wareejin doonaa madaxweyne ku-xigeenka inta uu suuxsan yahay,” ayey tidhi Psaki kahor inta aan Biden la suuxin.

“Madaxweyne ku-xigeenka waxay muddadaas ka shaqeyn doontaa xafiiskeeda qeybta West Wing.”   Kadib markii uu awoodda wareejiyey 10:10 am, Biden ayaa tijaabadiisa caafimaad ee baadhitaanka xiidmaha dhameeyey 11:35 am, wuxuuna dib ula wareegay awooddiisa madaxweyne.

Biden ayaa la sheegay inay xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay hase yeeshee uu kusii negaan doono Walter Reed, si uu ugu sii nasto, sida ay sheegtay afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki.

Biden oo maanta oo Sabti ah ay u buuxsami doonto da’da 79-aad ayaa noqday madaxweynihii ugu da’a weynaa ee la doorto taariikhda Mareykanka.

Da’diisa ayaa noqotay meel ay mar walba ka wareeraan Jamhuuriyiinta, waxaana tijaabadan caafimaad ay mar kale xiiso ku abuurtay xubnaha Jamhuuriga. 

In madaxweynaha uu awoodda wareejiyo ma ahan wax caadi ah, waxaana ay dood abuurtay intii uu madaxweynaha ahaa Donald Trump.

Trump oo 2019-kii si deg deg loogu qaaday isbitalka Walter Reed ayaa diiday in la suuxiyo, sababtoo ah ma uusan dooneyn inuu awoodda ku wareejiyo madaxweyne ku-xigeenka Mike Pence.

Iran oo gacanta ku dhigtay Markab siday shidaal

$
0
0

Iran oo gacanta ku dhigtay Markab siday shidaal

Ilaalada kacaanka Iran ayaa shaaciyay in markabka ay ku qabteen gacanka khaliijka,kadib markii lagu eedeyay in uu tahriibinayey shidaal.

Korneyl ka tirsan Ilaalada Kacaanka ayaa sheegay in 11 ka mid ah shaqaalihii markabka ajnabiga ay leeyihiin la xiray.

Korneylka ma uusan sheegin magaca dalka laga leeyahay markabka iyo xilliga ay gacanta ku dhigeen.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee dhacdooyiin is xig-xigay oo ka dhacday gacanka khaliijka, halkaas oo dhawrkii sano ee la soo dhaafay lagu weeraray maraakiib ama la qabsaday.

Daawo:F.C.Waraabe oo Shir Jaraa’id qabtay,kana hadlay Madaarka Berbera & Qadiyada Daallo Ailrines+Wasiiro uu weeraray

Daawo:M/weyne Biixi oo Kormeeray Qaar ka mida Xarumaha Dawlada Berbera

$
0
0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kormeeray Xarumaha Dawladda ee gobolka Saaxil, gaar ahaan Haamaha Keydka Shidaalka Berbera, Xarunta Gudoomiyaha Gobolka iyo Dawladda Hoose ee Berbera.
 

 

Degdeg:Daawo,Ra’iisal-wasaaraha Somalia Rooble oo Magacaabis,Caydhin & isku-shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>