Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay cambaraynaysa xadhiga Saxafiyiinta, Siyaasiga iyo Dhalinyarada -Laascaanood ku xidhan.

$
0
0

Warsaxaafadeed 2nd January, 2022

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay cambaraynaysa xadhiga Saxafiyiinta, Siyaasiga iyo Dhalinyarada -Laascaanood ku xidhan.

Xarunta Xuquuqal Insaanku madaxa bannaan ee Somaliland waxay cambaraynasa xadhiga saxafiyiinta siyaasiga iyo dhalin yarada loo xidhay arimo laxidhiidha inay ra’yigooda cabireen.

27/12/2021, waxa Laascaanood lagu xidhay, Cabdifataax Maxamed Cabdi, oo ah wariye ka tirsan Holhol Media iyo seddex qof oo kale ah, Axmed Xuseen Rooble, Mukhtaar Xirsi Waal iyo Maxamed Cabdi Fataax Muuse Yuusuf.

30/12/2021, waxa iyana Laascaanood lagu xidhay Xamse Cabdiraxmaan Axmed oo ah weriye madax bannaan iyo Khadar Rigaax Faarax oo isna ka howl gala Universal TV.

Weriye Cabdifataax waa marki labaad ee la xidho, hore waxa loogu xidhay warbixin uu duubay, hadana waxa uu u xidhan yahay warbixin kale oo uu ka duubay dad ka cabanayey oo codsanayey in laga bedelo Badhasaabka cusub ee Laascaanood Cabdikarim Xaaji Diiriye.

Dhamaan weriyayaashan iyo seddexdan qof ee kale ayaa u xidhan inay ka hadleen ama baahiyeen cabasho ka dhana Badhasaabka cusub ee Laascaanood

Xadhiga muwaadiniintani waxa uu lidi ku yahay Dastuurka JamuriyaddaSomaliland.

Dastuurka Somaliland qodobka 32 (1) waxa u damaanad qaadayaa “in qofku xaq u leeyahay inuu rayi’gisa ku cabiri karo hab qoraala, hadal ah, gabey ah amaba qaabkale.

Dastuurka Somaliland waxa uu sidoo kale mabnuucaya in qofka xoriyadiisa si’ aan sharci ahayn looga qaado. Sida ku cad qodobka 25 (2) ee dastuurka Somaliland “qofna xoriyadiisa loogama qaadi karo si’ aan sharcigu bahayn”

Ugu danbayn Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysa dowladda Somaliland inay joojiso xadhigyada sharci darada ee dastuurka khilaafsan siina dayso saxafiyiinta iyo dadka kale ee xidhan, isla markaana ixtiraamto dastuurka iyo shuruucda dalka.

Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaana


Guddiga Dabagalka Hantida ee Golaha wakiillada S/land oo soo bandhigay Qandaraasyo Musuq-maasuq oo lagu lunsaday Lacag badan oo ka dhacay Oodweyne

$
0
0
Guddiga Dabagalka Hantida ee Golaha wakiillada S/land oo soo bandhigay Qandaraasyo Musuq-maasuq oo lagu lunsaday Lacag badan oo ka dhacay Oodweyne
 
Guddiga dabagalka hantida ee Golaha wakiillada Somaliland oo ayaa musuq-maasuq ku helay hay’ado ka mid ah dawladda.
Warbixin guddigu maanta ka hor jeediyey golaha wakiillada ayay ku sheegeen sidan;
“Guddigu waxa ay soo aragtay in garoonka degmada OODWEYNE Shirkad qandaraas lagu siiyey in ay dhisto sannadkii 2018-2019, kadibna ay dhistay dayrka garoonka muddo kooban kabacdina ay dabayli dumisay dayrkii garoonka dhamaantiiba, waxaana mar labaad shirkad Libaax Construction la yidhaa lagu siiyey qandaraas in ay dhisto garoonka oo hadda maraya wajigii 1’aad.
Gudidga waxa ay soo ogaatay in riiggii laga qodayay OODWEYNE oo lacagtiisu ay dhamayd $500,000 si toos ahna khasnadda madaxtooyada laga bixiyey, in gabi ahaanba aan waxba laga fulin, habeen madowna uu guuray Riiggii sida uu guddiga u sheegay maamulka gobolku”.
Mustafe Khayreeye Guddoomiyaha guddiga dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka.

 

 

Daawo:Magacyada Raxan Wasiiro ah oo M/weyne Muuse Biixi u gudbiyey Golaha Wakiilada Si loo ansixiyo oo dib loo celiyey

Dal sharciyeeyey in Qofkii doonaya inuu is dilo laga caawiyo 

$
0
0

Dal sharciyeeyey in Qofkii doonaya inuu is dilo laga caawiyo

Hand-holding

Sharci ogolaanaya in in isdilka laga caawiyo qofkii doonaya ayaa ka dhaqan galay Austria.

Laga bilaabo Sabtida, dadka qaangaadhka ah ee jirran ama qabaxanuun joogto ah, tabar daran, waxay dooran karaan inay qayb ka noqdaan barnaamij dhimashada laga caawinayo.

Baarlamaanka ayaa ansixiyay sharcigan cusub bishii Disembar, ka dib markii maxkamadda dastuuriga ah ay go’aan ka gaadhaay arrintan.

Qorshahay ayaa si adag loo nidaamin doonaa, iyadoo kiis kasta ay qiimeynayaan laba dhakhtar – kuwaas oo mid ka mid ah uu noqon doono khabiir daawada palliative – ah daawo daawo xanunka ka qaadda isticmaalaha.

Saraakiisha ayaa sheegay in dowladdu ay sidoo kale u qoondeysay lacag lagu horumarinayo daryeelka daawadan si loo hubiyo in qofna uusan dooran inuu dhinto xilli xulashooyin kale la heli karo.

 

Is-diliddan la iska kaalmeynayo, ee qofka la siiyo dookha ay noloshooda ku soo afjari karaan ayaa sida oo kale sharci ka ah gudaha Switzerland oo deris la ah.Waxa kale oo lagu xukumay dhawr waddan oo Yurub ah, oo ay ku jiraan Spain, Belgium iyo Netherlands.

Sharcigan cusub ayaa si cad uga saaraya carruurta yaryar ama kuwa qaba xaaladaha caafimaadka dhimirka, barnaamijka ka caawinta isdilka.

Dadka waaweyn ee doonaya inay noloshooda ay joojiyaan waa inay soo maraan baadhitaan caafimaad oo ay helaan caddayn ah inay awoodaan inay go’aanadooda qaataan.

Kaddib marka ay oggolaansho ka helaan laba dhakhtar, bukaanku waa in ay sugaan 12 toddobaad si ay uga fikiraan go’aankooda – ama laba toddobaad haddii ay qabaan jirro halis ah.

Haddii ay weli rabaan inay ku sii socdaan muddadan sugitaanka ka dib, waxay markaa ka heli doonaan daaweynta ka caawinayain ay isdilaan farmashiyaha ka dib markay ogeysiiyaan qareen ama nootaayo.

Si looga hortago xadgudubka, magacyada farmashiyeyaasha iibiya dawooyinkan waxaa kaliya oo shaaca looga qaadi doonaa qareennada iyo nootayada hela ogeysiisyadan, lamana xayeysiin doono si guud.

Ilaa hadda, sida uu dhigayo sharciga Austraia, qof kasta oo qof ku qasbay ama ka caawiyay inuu is dilo wuxuu wajahayaa xabsi shan sano ah.

Mamnuucidda buuxda ee dhimashada la iska caawinaya ayaa waxaa qaadday maxkamad federaalka sanadkii hore, taasoo xukuntay in ay “xadgudub ku tahay xaqa aayo ka tashiga”.

Ka hor inta aan xeerarka cusub ansixin baarlamaanku sanadkan, qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku dooday in ay isku deyeen in ay ka hortagaan qorshahan la doonayo kuwa raadinaya ka caawinta inay dhintaan.

Qaar kale waxay ku doodeen in shuruudaha xaddidaadduhu ay aad u yar yihiin, iyagoo sheegay in qiimeynta dhimirka aysan ku filneyn in lagu qiimeeyo awoodda go’aan qaadashada bukaanka.

Daawo:Guddiga Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada S/land oo soo bandhigay Qandaraasyo & Mashaariic la musuqmaasuqay

Daawo:Af-hayeenka Xisbiga Kulmiye oo u jawaabay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani

Qeybo ka mida dhismaha Xarunta Baarlamaanka Dalka South Africa oo gubtay

$
0
0

Qeybo ka mida dhismaha Xarunta Baarlamaanka Dalka South Africa oo gubtay

Dab ayaa ka kacay dhismaha Baarlamaanka South Africa subaxnimadii hore ee Axaddii, iyadoo holaca iyo qiiqa ka baxaya laga arkayay meelo badan oo ka mid ah magaalda Cape Town, waxaana, saacado ka dib ciidamada dab-damiska ayaa qayb ka mid ah damiyeen dabkaas.

Bayaan kasoo baxay Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in dabku uu saameeyay qeybo badan oo ka tirsan dhismaha sharci-dejinta South Africa.

Wasiirka howlaha guud iyo kaabayaasha dhaqaalaha Patricia De Lille ayaa saxaafada u sheegtay in aysan jirin cid waxyeello ka soo gaartay dabkan. Ilaa hadda lama oga sababta dhalisay dabkan.

“Tani waa maalin aad u murugo badan ugu leh dimoqraadiyadda. Baarlamaanku waa hoyga dimuqraadiyaddayada.” ayay tiri De Lille.

Afhayeenka baarlamaanka Nosiviwe Mapisa-Nqakula ayaa ka digtay warar sheegayay in dabkani ahaa weerar ula kac ah.

Madaxweynaha South Africa Ramaphosa iyo qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinta sarsare ee dalkaas ayaa ku sugnaa Cape Town, kuwaas oo ka qeyb galay aaska Archbishop Desmond Tutu, oo Sabtidii ka dhacday magaalada Cape Town.

F.C.Waraabe oo Xil cusub u magacaabay…..


M/weyne Muse Biixi oo si degdega u magacaabay Wasiirada & Masuuliyiinta Golaha Wakiiladu ku soo celiyey

Daawo:Oday ka mida Mulkiilayaasha Musqulaha Burco oo weerar afka ah ku qaaday Oday Xariir Dhakabuur oo uu ku sheegay laba Gar-daaq

Daawo:Ujeedada Mudahaarad ka dhacay Magaalada Kalabaydh-Gabiley

Daawo:Ex-Maayar Muraad oo raaligelin Siiyey Maayarka Burco+Markhaatiyaal la soo Gola joojiyey+Cida ka odayeysay

Ra’iisal Wasaarihii Sudan oo is casilay Xilli Xaalada dalku cakiran tahay

$
0
0

Ra’iisal Wasaarihii Sudan oo is casilay Xilli xaalada dalku cakiran tahay

Sudan's Prime Minister Abdalla Hamdok and German Chancellor Angela Merkel (not pictured) address the media at the Chancellery in Berlin, Germany, February 14, 2020.
Abdalla Hamdok

Ra’iisul wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok ayaa ku dhawaaqay inuu xilka iska casilayo xilli ay socdaan dibadbaxyo ballaadhan oo looga soo horjeedo xukunka milateriga.

Milateriga ayaa afgambi billaabay bishii Oktoobar waxayna Mr Hamdok sameeyeen xilligaas xabsi guri, laakiin dib ayaa loogu soo celiyay xukunka bishi xigtaya ka dib markii uu saxiixay heshiis cusub oo ku dhisan awood qeybsi ah.

Mudaaharaadayaashu diiddana sida xaal u socdo ayaa muddooyinkii u danbeeyey sii waday i ay waddooyinka gaaf wraeegaan xilli ay dalbanayaan hoggaan siyaasadeed oo rayid ah.

Khudbad uu ka jeediyay taleefishinka, ayuu Mr Hamdok ku sheegay in loo baahan yahay heshiis cusub oo Sudan ay ugu gudubto xaalad dimuqraadiyad.

“Waxaan go’aansaday in aan dib u celiyo mas’uuliyadda, oo aan ku dhawaaqo in aan iska casilayo xilka ra’iisul wasaaraha, oo aan fursad siiyo nin ama haweeney kale oo dalkan sharafta leh … ka caawiaya sidii uu uga gudbi lahaa inta ka hadhsan xilliga ku meel gaadhka ah si uu u noqdo waddan rayid ah oo dimuqraadi ah.” ayuu yidhi.

Ciidamada ammaanka ayaa dilay laba qof Axadii intii ay socdeen mudaaharaadyo looga soo horjeedo xukunka militariga, sida laga soo xigtay guddiga Dhakhaatiirta dhexe ee Suudaan ee taageera dimuqraadiyadda.

Laamaha ammaanka ayaan ka hadlin dhimashadaas.

Ugu yaraan 56 qof ayaa lagu dilay mudaaharaadyadaas tan iyo afgambigii dhacay 25kii Oktoobar 2021, sida ay guddidani baahiyeen

Degmada Sheekh:Is-rasaaseyn dhexmartay Ciidammada Milateriga iyo Booliska

$
0
0

Degmada Sheekh:Is-rasaaseyn dhexmartay Ciidammada Milateriga iyo Booliska

 

Dhawaqa rasaas tiro badan, ayaa laga maqlayaa gebi ahaanba Degmada Sheekh oo ka tirsan Gobolka Saaxil.

Dad ku sugan Degmada oo aanu la xidhiidhnay, ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in dagaalku u dhexeeyo Ciidammo ku jira xerada Tobabarka Milateriga iyo Booliska Magalaada,kuwaas oo aan si rasmi ah loo xaqiijin xuddunta dagaalkooda iyo waxa uu salka ku hayo.

Dadweynaha degmada Sheekh ayaa badankoodu hurdada ka selelay ka dib dhawaqa rasaas xoog badan oo ay labada dhinac isweydaarsadeen.

Illaa hadda  lama xaqiijin khasaaraha dhinacyada soo kala gaadhay.

Masuulliyiinta Degmada oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino xiisadda ayaanay noo suurtagelin,maadaama ay saqdhexe ahayd

Ciidanka ka tirsan Booliiska S/land ” RRU” oo tababar loogu soo xidhay dalka Jabuuti

$
0
0

ciidanka ka tirsan Booliiska S/land ” RRU” oo tababar loogu soo xidhay dalka Jabuuti

29 Askari oo katirsan ciidanka booliska Somaliland gaar ahaan ciimada gaar ah utababaran ee RRU Ayaa tababar loogu soo xidhay dalka jabuuti oo ay mudo wax ku barayay.

Xidhitaanka tababarkan ayaa waxaa kazoo qaybgalay taliyaha ciidanka booliska jabuuti iyotaliyaha ciidanka RRda Somaliland Gaashaanle sare Axmed cabdi tiir iy muj Ibrahim xuseen dhagawayne oo saigu socdaal shakhsiya ku jooga dalka jabuuti.

Taliyaha ciidanka RRUda jsl ayaa faah faahin  ka bixiyay waxyaabaha la baray ciidamada booliska Somaliland katirsan,.

Sidoo kale taliyaha ciidanka booliska dalka jabuuti cabdilaahi cabdi faarax ayaa ka hadlay muhiimada uu leeyahay tababar loosoo gabo gabeeyay ciidamada katirsan booliska Somaliland iyo iskaashiga dhinaca abniga ee Somaliland iyo jabuuti.


Qoraal Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Faafiyey

$
0
0

Qoraal Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Faafiyey

Sanad kii ina dhaafay, eebe mahadii, waxaa inoo dhamaaday mashruucii balaadhinta iyo casriyaynta dekeda Berbera. Waxaa dhamaaday dhismihii madaarka Berbera. Waxaa kale, oo kala badh la dhisay jidka halbowlaha ah ee u dhaxeeya Berbera iyo Wajaale (Berbera Corridor). Waxaa dhab noqday dhawaaqii ay dad badani moodayeen dhalanteed iyo hadal dhaanwade oo aan dibnaha dhaafsiisnayn. Taladan toosan iyo tacabkan toolmoon ee aynu ku talaabsanay, waxay tubta cagta u saareen qarankeena guul taariikhi ah. Taas oo innaga daaye, dhaxal iyo dhito u noqon doonta dhasheena iyo dhasha ay dhali doonaan idam eebe. Hillaadinta, hal abuurka iyo hamiga fogi, waa waxa ay hogaamiyayaashu dheeryihiin haldoorka kale ee asaagood ah. Eebe mahadii maanta waxaynu nahay ummad leh marso caalami ah, oo ku taal mandiqad iyo marin biyood muhiim u ah, ganacsiga dunida isaga goosha. Midha dhalka mashruucani wuxuu ka markhaati kacayaa in aynu nahay, dad wax lala yeelan karo ama dalkooda la maal gashan karo. Dariiqani waa kii ay kaga baxeen safka saboolnimada iyo dunida sadexaad ee silica ku nool, dalalka Singapore, Dubai, Malaysia, South Korea, Israel, Hong-Kong iyo qaar kaloo badan.
Sanad kii aynu sagootinay, wuxuu dunida u ahaa dalal badan sanad colaadeed, kaas oo aanay calfan nabada iyo caanaha eebe cawada iyo ayaanka inoo siiyay. Sanadkii 2021-ka waxaa todobada qaaradood ee dunida ka dhacay 56 colaadood oo kala culus. Colaadahaasi waxay ku kaceen dhaqaale dhan 5 billion oo dollar, waxaana ku bara kacay dad ku dhaw Boqol Million. Dalalka Suuriya, Liibaya iyo Yemen waxaa toban jirsaday dagaalada sokeeye ee ka dhex socda (2011-2021). Sidoo kale, dalka Ethiopia waxaa ka dhex qarxay sanadkii tagay dagaal sokeeye. Dagaalada ka socda dalkan aynu ood wadaagta nahay waa kuwo saamayn toos ah ku leh, nabad-gelyada, dhaqaalaha iyo ganacsiga, dhamaan bah-wadaagta iyo bulshooyinka gobolka geeska Afrika ee aynu kow ka nahay. Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan ah in aynu si joogto ah isha ugu hayno, isla markaana ku wajahno aragti sax ah. Waxaan ku bogaadinayaa Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo madaxda xisbiyada mucaaradka, mawqifkii ay ka qaateen dagaalada sokeeye ee ka socda gudaha dalka Ethiopia. Waxaan u arkaa in ay asiibeen aragtidii saxda ahayd ee inagala gudboonayd.
Deganaanshaha iyo nabadu waa raasamaalka ugu weyn ee aynu ku soo caano maalay. Sidoo kale, waa waxa ay dunidu inagu majeerato. Sanadkan ina dhaafay waxaa dhulkeena hooyo ka dhacay dhawr shaqaaqo oo nabad-gelyo daro ah, kuwaas oo ay dadna ku dhinteen qaarna ku dhaawacmeen. Waxaan ka tilmaami karaa shaqaaqooyinkaa kuwii ka dhacay deegaanka Shidan oo ka mid ah degmada Ceerigaabo. Kuwii ka dhacay deegaanka dhabar-dalool oo ka tirsan degmada Laascaanood. Iyo kuwii ka dhacay deegaanka Fadhigaab oo ka tirsan degmada Garadag. Eebe mahadii dhamaan isku dhacyadaa iyo dhagarahaa sokeeye waa la xakameeyay, isla markaana waxaa laga sameeyay xabad joojin waartay. Iyada oo qaarkood dhibaatooyinkaa xal rasmi ah loo helay, qaar kalana wali aan la xalin. Sidaa darteed, waxaa waajib inagu ah dhamaanteen inaynu adkayno isla markaana ku faro adaygno nabada iyo degenaanshaha eebe ina siiyay. Waxaan xukuumada ugu baaqayaa in ay shaqaaqooyinkaa kuwa qabyada ah xal waara oo degdega ay ka samayso.
Xiisadaha siyaasadeed ee ka jira Yurubta bari, dalka Turkey-ga, xaalada doorashooyinka Soomaaliya, isbedalada mandiqada bariga dhexe iyo colaadaha ka dhex huraya. Loolanka siyaasadeed ee ka dhex curtay dalalka dunida ugu xooga badan ee Maraykanka, Yurubta galbeed, ruushka iyo Shiinaha, intuba waa kuwo inagu leh saamayn dhaqan dhaqaale. Dabayaaqadii sanadkan waxyaabihii aan aad u xiiseeyay dhinaca siyaasada, waxaa ka mid ahaa safar kii ay Somaliland ku yimaadeen Congressional staff-ka Maraykanka, kaas oo muhiim iigu muuqday. Waxaan u arkayay in uu safarkani dabada ku hayay xogdoon iyo xeeladaysi dadban. Waxaan rajaynayaa in uu noqdo mid ay ka soo baxaan faa’iidooyin iyo dano la wadaago (mutual interest).
La soco dhamaadka qormada danbe oo aan idinkula wadaagi doono aragtidayda ku wajahan khilaafka siyaasiga ah ee hada taagan, iyo Buugtii ugu xiisaha badnayd ee aan sanadka akhriyay.

Daawo:Oday Caan ka ah Burco oo Raaligelin & Xaal ka bixiyey Hadal xajiimeysan oo ka soo yeedhay Oday Sugule Cabdi Yoome

Daawo:Masuul la shaaciyey in Xilkii laga qaadey oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskii,beeniyeyna warka….

 Haweenay Saadaam Xuseen Dhalay oo Carabta la hor timid sawirkii Aabeheed+Ujeeada

$
0
0

 Haweenay Saadaam Xuseen Dhalay oo Carabta la hor timid sawirkii Aabeheed+Ujeeada

Raqad iyo Saadaam Xuseen

15 sano kaddib geeridii madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq, Saadaam Xuseen – oo la daldalay 30-kii bishii December ee sanadkii 2006 – gabadhiisa Raqad ayaa baaq u jeedisay dadka Carabta ah.

Raqad Saadaam Xuseen, oo ugu weyneyd gabadha uu dhalay hoggaamiyihii Ciraaq ayaa ka codsatay bulshada Carbeed inay midoobaan ayna door ka qaataan sidii isbaddal loogu sameyn lahaa dunida Carabta.

Iyadoo hor fadhisa sawir kaSaadaam Xuseen oo weyn, una muuqatay inay u adeegsaneyso xasuusin ahaan, ayay Raqad ka dalbatay muwaadiniinta Ciraaq inay iska illoobaan cadaawadda ka dhaxeysa ayna midoobaan.

“Ka tag cuqdadda iyo waxyaabaha aad gocaneyso, qof walbana ha cafiyo qofka kale,” ayay tiri Raqad Xuseen.

Khudbaddeeda hadal heynta dhalisay ayay Raqad sidoo kale uga hadashay colaadda ka jirta meelo ka mid ah dalalka Carabta iyo khilaafka u kala dhaxeeya.

“Ciraaq waa in aysan la safanin mid ka mid ah garabyada Carabta. Waxaan idinka codsanayaa inaad hilmaantaan farqiyada idiin dhaxeeya. Waxaan Ciraaq wax u tari karnaa kaliya marka aan mideysan nahay,” ayay ku tiri farriinteeda oo ahayd muuqaal loogu talogalay sanad guurada kasoo wareegtay geerida aabeheed.

Dhanka kale, waxay ku baaqday in aan laga harin dadkii mas’uulka ka ahaa khasaarihii dhimasho ee Ciraaq ka dhacay xilligii uu kacdoonka socday bishii October. Waxa ay markaas ka hadleysay ciidamada ammaanka Ciraaq ama xoogagga taageerada ka heysta dowladda Iiraan ee rasaasta ku furay mudaharaadeyaasha.

Raqad Xuseen meesha kama aysan saarin inay daneyneyso ku biiritaanka siyaasadda Ciraaq ee mustaqbalka.

Waa tuma Raqad Saadaam Xuseen?

Raqad Xuseen waxay curad u tahay gabdhaha uu dhalay madaxweynihii hore ee Ciraaq, Saadaam Xuseen. Waxaa la guursaday iyadoo yar oo dhiganeysa iskuulka.

Raqad Xuseen

Xilligaas waxa ay da’deedu ahayd 15 sano. Waqtiga uu arooskeeda dhacayay waxaa socday dagaalkii u dhaxeeyay Ciraaq iyo Iiraan.

Bishii February ee sanadkii 1996-kii, oo ay ahayd 25 jir, ayaa Raqad la furay kaddib markii sida la sheegay in arrintaas go’aamiyeen qoyskeeda.

Ninkeeda oo lagu magacaabi jiray Xuseen Camel waxaa la dilay labo maalmood kaddib markii uu furriinka dhacay.

Raqad seygeeda, Xuseen Camel al-Majid, waxa uu ahaa ina-adeerka Saadaam Xuseen. Xilliga uu gabadha guursanayay waxa uu ka mid ahaa ilaalada khaaska ah ee Saadaam Xuseen.

Raqad Saddam Xussein iyo ninkeeda Camel Al Majid.

Gabadha labaad ee Saadaam, Rana Xuseen, waxaa sidoo kale iyadana guursaday Xuseen Camel walaalkiis oo lagu magacaabi jiray Saddam Camel al-Majid.

Qiso aad u xanuun badan ayaa ku gedaaman guurka gabdhahan, furriinkooda iyo geerida labadii nin ee ay mar xaasaska u ahaayeen.

Sanadkii 2018-kii, Raqad Saadaam Xuseen magaceeda waxa uu ku jiray liiska dadka ay sida weyn u raadineysay dowladda Ciraaq.

Wareysigii hadal-heynta dhaliyay

Arrimo dhowr ah ayay Raqda uga hadashay wareysi hadal-heyn badan abuuray oo ay bishii February ee sanadkii 2021-kii siisay telefishinka Al-Carabiya ee laga leeyahay Sacuudiga.

Waxyaabihii ay ka hadashay waxaa ka mid ahaa nolosheeda gaarka ah. Waxaa la weydiiyay in guurkeedii uu ahaa mid lagu khasbay mise mis iyada ay go’aankiisa lahayd.

Iyadoo jawaab ka bixineysa su’aashaas ayay tiri: “Aabehey guur kuma uusan khasbin hal qof oo ka mid ah ilmihiisa. Wuxuu na siiyay xornimo buuxda. Xilligaas dhowr iyo toban jir baan ahaa. Waxay ahayd galab qorraxdu kulushahay. Aabehey ayaa albaabka iisoo garaacay, qolkeyga ayuuna soo galay.

“Hurdo indho gaduudki ah baan qaadanayay, si naxariis leh ayuuna ii kiciyay. Wuxuu ku fariistay sariirteyda dhinaceeda. Wuxuu i weydiiyay, ‘ma jiraa nin aad guur ka damacsan tahay? Kaddibna wuxuu iisoo bandhigay ninka uu ila rabo, go’aankana aniga ayaa lahaa.”

Saddaam Xuseen
Saddaam Xuseen

Wareysiga lala yeeshay Raqda wuxuu inta badan ku saabsanaa ka hadalka astaamihii xisbiga Bacath iyo suurtagalnimada ah in uu kusoo laabto saaxadda siyaasadeed ee Ciraaq.

Raqda waxay ka hadashay sida ay noloshooda aheyd xilliggii Ciraaq uu ka talinayay aabaheed, gaar ahaan waxay ka shekeysay xiriirkii ka dhexeeyay iyada, aabaheed iyo labo wiil oo la dhashay oo la oran jiray Cuddey iyo Qusey kuwaas oo ku dhintay duullaankii Mareykanka uu ku qaaday Ciraaq.

Waxay sheegtay in aabaheed uu ahaa nin naxariis badan oo aan u hanjabin isla markaana xoog ku maamulin carruurtiisa.

Gabadha waxay sidoo kale faahfaahin ka bixisay siyaasadihii aabaheed Sadaam gaar ahaan duullaankii Kuwait iyo duullaankii uu horkacayay Mareykanka ee aabaheed xukunka looga tuuray.

Warbaahinta Al Carabiya ayaa u muuqatay in gabadha uu dhalay Sadaam ay fursad u siineysay inay dhaleeceyso siyaasadda Iiran iyo siyaasiyiinta ku sugan Ciraaq.

Daawo:F.C.waraabe oo qabtay Shir Jaraa’id oo Xasaasiya+ Arimmo uu dul-istaagey

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


Latest Images

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>