Sawirkani waa gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo musharax waa C/casiis Samaale oo mudo ku hirdamaayay musharaxnimada madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye, waxna ay xiligani maryaan magaalada Burco oo ay la socdaan waftiga madaxweyne Siilaanyo, waxna ay labadan siyaasi madaxweynaha ka codsadeen in uu la kulansiiyo beeshiisa oo si baaxdleh uga sii gurmaysa xisbiga Kulmiye oo fashilmay.
Waxana ay warar kale sheegayaan in mr Samaale uu dhawaan ka mid noqon doono xukumadda Siilaanyo kadib isku shandhayn la filaayo xaga warar kalena sheegayaan in Samaale ku qancay in uu noqdo madaxa ololaha ee xisbiga Kulmiye, gobolka Togdheer ayaa waxa ku sii xoogaysnaaya xisbiga Waddani taasi oo maanta isi soo raacisay Samaale iyo Muuse Biixi oo u soo heshiiyay arintaasi in ay gobolkaasi ka helaan saamigii ay ka filayeen oo hada qirin qiir ku jira