Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Ma ogtahay Aminay odeygu ciduu eersadaa adiga iyo Muse weeyaane

$
0
0

Madaxweynaha Somaliland xil baa inaga saaran in laga daayo hagar daamada. Kol hadii oridiisii Amina Weris ay ka adkaan wayday in ay Muse Biixi ku tidhaa waar odeyga in kolba gobol loo waqlqiyo raali kama ihi oo ay iska hor taagi wayday sow maaha in loo gurmado oo laga gaadho in taannu sii dar-xumoon. Habaar qabe Musow maxaa odeyga kuu geeyey ee aad wadoonyinka adag ee uu dhibsanayo aad kala doontay. Bal in aan Silaanyo daryeel ku qabin madaxtooyada isaga oo bestiiye oo socodku dirqi ku yahay ayaa kolba meel loola cararayaa. Marka Silaanyo madaxtooyada fadhiyana kolba Muse Biixi baa mashruuc odeyga uula yimaada aan xiligan waxba laga qaban karin. Ninka qudha ee Muse is hor taagaa waxa weeye Maxamoud Xashi oo ay isagana arin kale isku hayaan. Laakiin Amina Weris inay arxan darantay iyo in ay Silaanyo ka aarsanayso lama kala yaqaan ee wuxuun baa cadaan ah in aanay hadh u jiidayn oo ay uula istic maasho sidii maqaar ay dalka ku xukunto. Dhawaan Muse wuxuu madaxweynaha weydiiyey in uu isku shaandhayn balaadhan sameeyo odeyguna wuxuu uugu jawaabay bal abaar baa jirta ee ha ina dhaafto. Muse isaga oo cagaha dhulka la dhacaya oo cadhaysan buu madaxtooyada ka baxay. Dabeed waxa soo weydaartay oo madaxtooyada soo galay Maxamoud Xaashi oo markii warkii loo sheegay ee lagu yidhi Muse ayaa odeyga dhiiga ku kariyey markiiba gaadhi kaxaystay ka dib markuu ogaaday in telephone kiisu xidhanyay oo mansoor ka soo baadhay kana soo waayay. Maxamoud wuxuu isla markiiba u yeedhay odayaal ay Muse isku hayb yiin oo uu ku yidhi haduu Muse joojin waayo dam-damta iyo doqon niimada gebiga tartan kiisa hawada ayaannu ka saari. Bishii mar ama laba jeer ayuu Muse biixi Madaxtooyada cadho kaga baxaa oo sidaasina si uu beesha madaxweynaha cod kaga helayo maaha. Isku soo xoori oo Muse biixi hadaannu marada dhigan isagaa ku bura sida sabab too ah maaha nin arin badan oo fahmi kara sidaa saadaasha siyaasadu u socoto. Muse ma kala yaqaan in madaxtooyadu wax la wado iyo in ay isaga duminayaan. Miskiiiiiiiin.

Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>