Xoghayihii hore ee ciyaaraha xisbiga Waddani oo markii ededeed Amina Weris ay madaxtooyada uuga yeedhay hab qabali ah isaga casishay Waddani ayaa warbaahinta hadalo aan munaasib ku ahayn xisbigii ay ka tir sanaan jirtay hawada u soo marisay. Maanta in ay ku cabato cid baa ii jawaabtay xaq uuma laha. Maalinta ay is casishay iyo maalinta ay A/rahman Ciro biladaha ku taxaysay iyagoo gabiley jooga mudo yar baa u dhaxaysay. Hadana maanta waxay ina leeday xisbiga Kulmiye iyo Silaanyo midna waa dahab midna waa dheeman. Dad badan baa siyaasada ku khafiifay oo Roda Abdi Muse iyada waxa la waynaatay madaxtooyada ayaad gudaha u gashay. May se mahadin oo waa kuwaa durba dilay ee ku yidhi adaa da’ yar oon dacaayadu waxba ku yeelayn ee orod warbaahinta ka difaac wasiirka maaliyada Zamzam hadaladii foosha xumaa ee ay kaga hadashay shirkii Burcao…Gaashaanbuur, Warso iyo Nato.
Isku soo xoori oo Roda Abdi ha ogaato in Waddani xaq u leeyey in uu rag iyo dumar ba qofkii wax isku fali waaya ee warbaahinta ka cataaba ay u jawaabayaan oo weliba mararka qaarna meela fog-fog gacanta la gelinaayo. Hadaba kala dooro inaad dhidhiib sato ood dub u fadhiisto iyo inaad ogolaato in lagu jawaabo. Ha noqon hasha geela cunta ee cabaada.
Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com