Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee Gobolka Maroodi-jeex Siciid Bustaale oo si Kuluul u Cambaareeyey Xadhiga xaqdarada ah ee lagula kacay Siyaasi Muniir, kana Hadlay Is-hortaagii Ciidamada Boolisku kula kaceen Musharrax Cirro…
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Gobolka Maroodi-Jeex, Md. Siciid Muuse Cabdi-Bustaale, Waxa uu ka soo saaray War-saxaafadeed uu kaga hadlaayo dhacdadii maalintii shalay oo ay bishu ahayd 02/12/2016 ay Ciidanka Booliska isku hor-teegeen Guddoomiyaha Golaha Wakiilada JSL, ahna Guddoomiyaha iyo Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani inuu galo Saldhiga dhexe, halkaa oo uu ku booqdo lahaa Md.Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Waddani iyo Suxufi ka tirsan warbaahinta maxaliga ah oo ku xidhan saldhigaa.
Haddaba, sida ay bulshada reer Somaliland ka wada dharagsan yihiin waxaa qarankan curdinka ah ee hadda baarka ka jaray Rubuc Qarniga uu ku caan baxay ku dhaqanka sharciga iyo kala danbaynta, Waxa kale oo intaa u dheer is-tixgelin iyo is-tanaasul lagu furdaamiyo xaaladda kasta oo la soo darista, Arrimahaasi waxa ay noqdeen qaar Jamhuuriyadda Soomaliland ka dhigay bogcad ka duwan mandaqadda Geeska Afrika ee Amni-darradu aafeysay, Sidoo kale Beesha caalamkuna ku majeeratay.
Sidaa darteed, Waxaa la yaable oo maanta Qaranka Jam Somaliland ku cusub falka tixgelin la’aanta ah ee lagula kacay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada JSL oo ah Masuulka ee Saddexaad ee Qaranka JSL, isla markaana ah Guddoomiyaha iyo Musharax Madaxweyne ee Xisbiga Waddani, Talaabadaasi oo ah mid baal marsan Sharciga iyo Hab-maamuuska dawliga ah ee Dastuurka JSL siiyay Madaxda qarankan ugu mudan.
Sidaa awgeed,Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Gobolka M/Jeex isagoo ku hadlaaya Afka, Guddiga Xisbiga Waddani ee Gobolka Maroodi-jeex, Garabadda Haweenka iyo dhalinyaradda iyo dhamaan taageerayaasha, Waxaanu ka soo horjeednaa Talaabadaa qayral sharciga ah ee lagula kacay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda JSL ahna Guddoomiyaha/Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani, taasoo xukuumada JSL aanay ka bixin jawaab cad u muuqan kara fal ku talo gal ah oo lagu wiiqayo sharciga iyo kala danbaynta Qarankani ku taagan yahay.
Waa Bilaahi Tawfiiq
Md. Siciid Muuse Cabdi-Bustaale
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Gobolka M/Jeex